27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Baarlamaanka oo soo farogeliyey baaritaanka kiiska weerarkii Hotel Villa Rays

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ka geysteen hotelka Villa Rays oo ku yaalla gudaha xeen-daabka madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in wixii ka dhacay Hotelkaas aysan ka aamusi doonin ka baarlamaan ahaan.

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa hey’adaha amniga ugu goodiyey in sidaan aan looga aamusi doonin wixii dhacay, isla markaana ay imaa doonto in maalmaha soo socda hoggaanka hey’adaha amniga looga yeero kulamada baarlamaanka.

“Waan ku dhaliileynaa hey’adaha amniga wixii dhacay maalin dhoweed, waana imaaneysaa in kulanka baarlamaanka looga yeero hey’adaha amiga, si wax looga weydiiyo sababta ay waxaasi u dhaceen, tan baarlamaanku kama aamusnaa doono insha allah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad Macalin.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in wixii ka dhacay banaanka madaxtooyada aysan ahayn wax loo dul-qaada karo, wuxuu dalbaday in sharciga la hor geeyo dadkii masuulka ka ahaa amniga aaggaas.

Xildhibaan Jeesow wuxuu intaas ku sii daray in guddiga amniga ee baarlamaanka uu kulan deg deg ah ka yeelanayo arrintaas, si loola xisaabtamo hey’adaha ammaanka.

“Anigoo ku hadlaya afka guddiga amniga ee baarlamaanka suurtagal maaha in la galo meel intaas madaxtooyada u jirta, waa wax laga xumaado, hey’adaha amniga waxaan ka rabnaa in arrintaan aysan ka soo qaadin wax dhici jiray ee sharciga la hor geeyo raggii masuulka ka ahaan amniga goobtaas,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Xog ay Caasimada Online ka heshay dabagalka qaraxii iyo weerarkii Hotel Villa Rays waxay sheegeysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu isugu yeeray hoggaanka hey’adaha ammaanka, isla markaana uu ka dalbaday warbixin dhameystiran iyo tallaabooyin deg deg ah oo looga jawaabayo wixii dhacay, sida xil ka qaadis, sidoo kale waxaa cabsiga la dhigay askar iyo saraakiil ku qornaa baraha control ee loo maleynayo inay ka soo gudbeen ragii weerarka fuliyey.

Daawo: Ciidanka ATMIS oo dhalinyaro dilay iyo kacdoon shacab oo ka dhashay

0

Ceelasha Biyaha (Caasimada Online) – Shacabka degaanka Ceelasha Biyaha duleedka magaalada Muqdisho ayaa galabta ku banana-baxay kolonyo gaadiid ah oo ciidanka ATMIS ay wateen, kuwaas oo dilay laba wiil oo dhalinyaro ah.

Baraha bulshada ayaa aad loogu faafiyey muuqaal muujinaya dad shacabka ooh or istaagay ciidanka ATMIS, isla markaana tuuryeynaya, kadib markii ay ciidanka ATMIS gaadiidkooda jiirsiiyeen laba wiil oo dhalinyaro ah.

Labada wiil ee gaadiidka AMISOM ay dileen ayaa deegaanaa Ceelasha Biyaha, waxaana dhaawac u dhintay mid gooabah caafimaadka loola cararay, halka wiilkii kale uu goobta ku geeriyooday.

Cabdiraxmaan Faarax Fiidow oo ahaa wiil ganacsade ah ayaa magaciisa laga xusay dhalinyaradaas labada ah ee galabta ay dileen ciidanka ATMIS, wuxuuna Cabdiraxmaan goob ganacsi ku lahaa deegaanka.

Ciidanka oo goobta ka baxsa raba ayaa waxaa hor-istaagay dadka shacabka ah, iyagoo ku banana-baxay, dhagaxna la dhacay gaadiidka ciidanka wiilasha jiiray ee ATMIS, waxaana la sheegay in goor dambe ay ku soo baxeen ciidamo boolis ah.

Wiilashaan ayaa gaadiidka la jiirsiiyey xilli ay dhinaca kale u goynayeen laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ee dhex-mara degaanka Ceelasha Biyaha.

Hoos ka daawo warbixin

Daawo: Jacfar oo dib u soo abaabulay duulaan culus safar dhulka ahna Hiiraan ku tegay

0

Tardo (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hoggaaminaya ciidan xoog leh ayaa safar dhulka ah uga baxay magaalada Muqdisho, isagoo maanta gaaray degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Jacfar ayaa dib u soo abaabulay howlgalkii dhawaan fashilmay ee xoreynta deegaanada beeshiisa oo Wabxo iyo Ceelbuur ay ugu horeeyaan.

Kolonyada uu hoggaaminayo Xildhibaan Jacfar waxaa maanta gobolka Sh/Dhexe ka sii raacay guddoomiyaha gobolkaas Axmed Faal, waxayna degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ugu tageen oo ku soo dhaweeyey guddoomiye Cali Jeyte.

Kulanka maanta Tardo ka dhacay oo muhiim u ahaa howlgalka ciribtirka Al-Shabaab ee ka socda HirShabeelle, waxaana diiradda lagu saaray sidii maamullada labada gobol ay adeegyada bulshada u gaarsii lahaayeen deegaanada laga xoreeyey kooxda, isla markaana inta dhiman loo xoreyn lahaa.

Safarkaan dhulka ah ayaa suurta galay kadib markii Al-Shabaab laga xoreeyey inta badan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle.

Haatan Xildhibaan Jacfar ayaa doonaya in koonfurta ilaa bariga gobolka Galgaduud uu ka xoreeyo kooxda, halkaas oo beeshiisu ay degto, wuxuuna hoggaaminayaa ciidan xoog leh, masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo duulaanka qeyb ka ah.

“Waxaan maalmaha soo socda wax ka xorey doonaa degmada Aadan-yabaal, kadibna waan ka sii gudbeynaa,” ayuu yiri Xildhibaan Jacfar oo dadka deegaanka ugu baaqay inay kacaan oo fursadaan ay ka faa’iideystaan.

Hoos ka daawo

 

Kiiska Axmed Rashiid oo yeeshay weji cusub

Nairobi (Caasimada Online) – Axmed Rashiid oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah.

Hay’adda dusha kala socota booliska Kenya (IPOA) iyo xafiiska dacwadda oogaha guud ayaa todobaadkii hore dalbaday in Axmed Rashiid uu hortago maxkamadda 8-da December, si uu uga jawaabo dacwadda loo haysto oo ah in March 2017 uu suuqa Islii ku toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah.

Askariga ayaa ku doodaya in wiilasha oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Khadar iyo Jamal Maxamed ay kamid ahaayeen koox dhac ka geysan jirtay xaafadda Islii, isla maalintaasna ay dhacayeen dukaamo ku yaalla dabaqa Amal Plaza ee Islii.

“Burcadda oo tiro ahaan gaaraysay toddobo ayaa rasaas ku furay ciidanka amniga iyo dadkii meesha ku sugnaa. Mid kamid ah burcaddaas ayaa watay qori la farsameeyay, waxaana lagu dilay is rasaaseyn dhexmartay isaga iyo booliska,” ayaa lagu sheegay codsiga uu Axmed Rashiid u gudbiyay maxkamadda.

Muuqaal la sheegay in laga duubay dhacdadaas ayaa u muuqda Axmed oo si bareer ah u tooganaya labada wiil ee Maxamed iyo Jamaal.

Barnaamij ay BBC qeybteeda Africa Eye ka diyaarisay Axmed Rashiid oo la baahiyay September 2018, ayaa waxa uu ku sheegay in kooxdiisa oo loo yaqaano “Pangani 6” ay baacsadaan burcadda isla markaana ay “ku dedaalaan inay gacanta ku dhigaan noolal iyo geeri ba”.

Mar wax laga waydiiyay labada wiil ee loo haysto dilkooda ayuu sheegay inay ka tirsanaayeen koox burcad ah oo Islii looga yaqaan “Super Power”, isla markaana uu Maxamed Khadar isku soo sawiray jaakad uu lahaa askari ay saaxiibo ahaayeen Axmed Rashiid oo la tuhunsan yahay inay dileen kooxdaas burcadda ah.

Amniga Islii

Qeyb kamid ah shacabka ku nool xaafadda Islii ayaa ku ammaanay Axmed Rashiid inuu si wanaagsan wax uga qabtay amni darrada jirtay, gaar ahaan xilliyada habeenka.

Waxa ay ku doodeen in baacsiga kooxda Super Power uu horseeday inay yaraadaan weerarrada ay fulin jireen dhallinyaradaas u badan Soomaalida ee adeegsada toorida iyo hubka kale.

Hase yeeshee dad uu kamid yahay ninka dhalay Maxamed Khadar ayaa aaminsan in halkii laga toogan lahaa la tuhunsanayaasha, ay wanaagsan tahay in la mariyo hannaanka sharciga waddanka oo la horgeeyo maxkamadaha dalka.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha, gaar ahaan Amnesty International ayaa warbixinno hore oo ay qoreen ku sheegay in Kenya ay ku badan yihiin dilalka sharciga ka baxsan ee ay geystaan laamaha amniga.

Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Ruto ayaa wacad ku martay inay wax ka qaban doonto arrinkaas, waxaana bishii October ay dowladda kala dirtay unug loo yaqaanay Special Services Unit oo lagu eedeeyay inay dileen dad shacab ah oo ay kamid yihiin laba muwaadin oo u dhashay Hindiya.

Isha: BBC

Ruushka iyo Shiinaha oo qaaday tallaabo farriin culus u dirtay REER GALBEEDKA

Beijing (Caasimada Online) – Ciidamada cirka Ruushka iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah u sameeyey dhoolatus militari oo ka dhacay gobolka Asia-Pacific, waxaa sidaas maanta sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka.

“Ciidamada Cirka Ruushka iyo Ciidamada Cirka ee Ciidamada Xoreynta Shacabka Shiinaha ayaa si wadajir ah roondo hawada ah uga sameeyeen gobolka Asia-Pacific,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda 

Diyaaradaha Ruushka ee gantaallada xambaara ee TU-95 iyo kuwa Shiinaha ee Xian H-6 ayaa dul maray Badda Japan iyo Badda Bariga Shiinaha muddo sideed saac ah, sida lagu sheegay bayaanka.

Kadib markii laga go’doomiyey Reer Galbeed tan iyo duulaankii Ukraine, Putin ayaa raadiyey inuu xoojiyo xiriirka Asia, gaar ahaan Shiinaha. 

“Markii ugu horreysay taariikhda roondada hawada, diyaaradaha Ruushka waxay soo cago dhigteen Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, halka diyaaradaha Shiinaha ay cago dhigteen dhulka Federaalka Ruushka,” ayey tiri wasaaradda.

Dhoolatusyada ayaa la fuliyay “iyado si adag loo raacayo sharciga caalamiga ah” kumana “wajahneyn dalal saddexaad,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Moscow ayaa rajaynaysa inay hesho wax ay isla wadaagaan Beijing maadaama labadooduba ay leeyihiin hammi ah inay ka gudbaan kala dambeynta caalamka ee Mareykanka uu hoggaamiyo.

Shiinaha ma cambaareyn howlgalka miltari ee Ruushka uu ka wado Ukraine, balse inkasta oo uu kala dhaxeeyo “xiriir aan xadidneyd,” haddana Beijing waa ay diiday in hub siiso Moscow.

Gobolka Asia-Pacific waa mid istaraatiiji u ah Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka. 

AFP, VOA

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo gudoomiyay shir muhiim u ah degaanadii la xoreeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayay xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda ee muhiimka ah.

Shirkaan oo qeyb ka ahaayeen wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda ayaa waxay soo bandhigeen qorshooda ku aaddan adeegyada ay u baahan yihiin bulshada deegaannada la xoreeyey, sida caafimaadka, waxbarashada, garsoorka, sugidda amniga iyo dib-u-heshiisiinta.

Deegaanada laga xoreeyay cadowga ayaa argagixisadu muddo badan waxay ku haysay cunaqabateyn, islamarkaana ay ka hortaagnayd adeegyadii dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo tilmaamay ahmiyadda ay xukuumaddiisu siineyso gaarsiinta adeeggii dowladda goobaha la xoreeyey, ayaa faray wasaaradaha ku shaqada leh in si deg-deg ah dhulka la xoreeyey looga hirgeliyo adeegyada asaasiga ah.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka socda ilaa inta dalka oo dhan laga ciribtirayo kooxaha xagjirka ah ee baneystay nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed.

Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kala wareegeen kooxda deegaano badan oo sanado dhowr ah gacantooda ku jiray.

Ururada siyaasadda Puntland oo soo saaray go’aan culus

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ururada Siyaasadda Dowlad-goboleedka Puntland ayaa shaaciyay shuruudo cusub oo ay rabaan in la fuliyo ka hor doorashooyinka qof iyo cod ah ee maamulkaasi.

Ururada oo oo soo gaba-gabeeyay kulamo u socday maalmihii dambe ayaa bayaan ay soo sareen waxay ku sheegay in shuruudahooda ay aas-aas u yihiin doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda deegaanada dowlad-doboleedkaas.

Waxay dalbadeen in marka hore la dhameystiro xubnaha ka dhiman Maxkamadda Dastuuriga iyo dhimista tirada Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka.

Sidoo kale waxaa kamid ah shuruudaha ay soo saareen ururada Siyaasadda Puntland in meesha laga saaro oo la bedelo nidaamka ku xadidaya saddex xisbi in maamulka uu yeesho muddo 10 sano ah.

Hoos ka aqriso shuruudaha ay soo sareen ururada oo dhameystiran:

1. In la dhammeystiro xubnaha ka dhiman Maxkamadda Dastuuriga ah.

2. In la baddelo nidaamka Liistada xiran ee Doorashooyinka Golaha Deegaanka lagana dhigo mid furan.

3. In la dhimo tirada Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka.

4. In Ururrada Siyaasadda Fursad loo siiyo in ay u diyaargaroobaan diiwaangelinta codbixiyaasha.

5. In diiwaangelinta si siman halmar uga wada dhacda Deegaannada Puntland.

6. In Deegaannada Doorashada aysan ka dhici Karin heshiis siyaasadeed laga gaaro kahor inta aysan Diiwaangelintu billaaban.

7. In Xuduudaha Degmooyinka ee lasoo bandhigay la waafajiyo Dastuurka & Xeerka Degmooyinka iyo Gobollada qodobkiisa 21aad, faqradiisa 2-aad.

8. In nidaamka ku xadidaya saddex Xisbi Dalku yeesho muddo 10 sano ah meesha laga saaro oo la baddelo.

9. In uu Urur kasta oo hela aqbaliyadda Xildhibaannada Golaha Deegaan-Doorasho ama Isbaheysi Ururro dhexmara ay ku helaan aqlabiyadda ay soo dhisaan maamulka Degmada Faragelin la’aan.

10. In Xubin kasta oo kusoo baxda magaca Urur-siyaasadeed ee baalmarta xeerka Ururkaas u degsan ay dhumineyso xaasanadda Xildhibaannimo, ururkana soo baddelanaya Booskiisa.

11. In Shaqaalaha loo qaadanayo Doorashada loo maro nidaam daah-furan oo ururrada siyaasadda la socdaan.

12. In Ururrada Siyaasadda ay qayb ka helaan dakhliga Dowladda & taageerada Deeq-bixiyaasha maadaama nidaamka dimuqraadiyadu yahay Billaw.

13. In la diyaariyo Guddi madax-bannaan oo kahortaga musuqa Doorashada.

Arrintan ayaa imaneysa, ayada oo Guddiga KMG ah ee doorashooyinka uu shaaciyay deegaano cusub oo ay ka dhaceyso doorashada qof iyo cod, ayada oo hore ugu tijaabiyay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Daawo: Guddoomiye Aadan Madoobe oo go’aan culus ka soo saaray xeerka JINSIGA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay dooda ka dhalatay xeerka Jinsiga ee uu horey u diideen Baarlamaankii hore.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal heynta ka dhalatay xeerkan oo maalmihii u dambeeyey qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay su dhow ula socdaan walaaca Culimada Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan uga hadlay xeerkan oo la sheegay inuu ka hor imaanayo Diinta.

“Qof xaasidnimo ku jirto ama aqoon la’aan ay heyso warkooda aniga oo dhag u dhigeynin, laakiin hadda waxaan aragnay xeer ay ka hadashay Culimadii waxyaalo saas ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hor hadlayey kulanka wadajirka ah ee xildhibaanada Gole ayaa soo saaray go’aan ka dhan xeerka Jnisiga, wuxuuna tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka.

“Xildhibaanada sharafta leh maanta labada Aqal waan fadhinaa midbaan idin caddeyneynaa oo idin ballan-qaadeynaaa wax Diinta Islaamka waafaqsaneyn,Dastuurkeena iyo shuruucda dalkana aan waafaqsaneyn inta aan qabano ma idin horkeeneyno” ayuu markale yiri.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale farriin u diray Shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay muujiyaan daganaan, islamarkaana aysan shaki gelin wararka la baahiyey.

“Shareecadeena iyo Dastuurkeena waa Diinta Ilaahey marka shacabka Soomaaliyeed yaan shaki la galinin wax aan Diinteena waafaqsaneyn nagama imaan doonaan,” ayuu raaciyey.

Dooda la xiriirta xeerka Jinsiga ayaa todobaadkan cirka isku sii shareertay, kadib markii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin ay wacad ku martay in la meel marin doono sharcigan ama ay isaga tegi doonto magaalada Muqdisho.

Soomaaliya oo taageero nooc cusub ah ka dalbatay caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa waddanka Switzerland kaga qayb-galay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM.

Kalfadhigaan ayaa inta uu socdo diirrada lagu saari doonaa isbeddelka cimilada, haqab-beelka cuntada iyo barakaca oo saameyn weyn ku leh dadkeenna Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ergeyga gaarka ah oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka dalbaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero Soomaaliya la-qabsiga isbeddelka cimiladda iyo dhicitaankiisa intaba.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in adduunku iskaashi ka yeesho wax ka qabashada isbedelka cilimada ee sii xumaanaya.

Soomaaliya oo wajaheyso marxalado adag ayaa waxa saameyn ku yeeshay xaaladaha ay sababaan isbedelka cimilada, xili ay muddooyinkii dambe dalka ka jirtay abaar baahsan.

Xog: Madaxweyne Xasan oo soo farogeliyey baaritaanka weerarkii Hotel Villa Rays

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan culus ayaa la billaabay oo ku saabsan weerarkii Hotelka ku dhow Xarunta Madaxtooyada ee Villa Rays, kadib markii uu xaaladda soo farageliyay Mmadaxweyne Xasan Sheekh.

Weerarka, oo ahaa mid aan hore loo arag goobta uu ka dhacay iyo qaabka loo fuliyey, ayaa loo arkay halis amni iyo fashil ku yimid Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka oo ay ugu horeysay Hay’adda Sirdoonka ee NISA, taasi oo keenay inuu madaxweynaha isugu yeero taliyeyaasha ciidamada, kana dalbado faahfaahin.

Arrimaha su’aalaha ka taagan yihiin ayaa ah sida ay ku dhacday in hay’adda sirdoonka ee NISA ay ka warheli weyso kana hortagi weyso weerar ka dhacay meel aan ka fogeyn madaxtooyada qaranka iyo xarunta NISA.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh amray warbixin ku saabsan sidii ay wax u dhaceen, iyo mas’uuliyadda cidda leh, taasi oo laga sugayo Hay’adda NISA, waxaana kulamada ka qeyb galay taliyeyaasha ciidamada ilaalada Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya inuu tallaabo laga qaadi dooo saraakiil iyo ciidamo loo heysto qaraxa Hotel Reys, iyadoo ay hadda xiran yihiin ciidamo ka mida kuwii qaabilsanaa baraha kontorool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Hotel Villa Rays wuxuu ku yaallaa meel aad ugu dhow Villa Somalia, oo amnigeeda aad loo sugo. Wadda walba wxaaa yaalla bar kontorool oo amniga la sugo, wayna adag tahay xitaa inay galaan dadka shacabka ah. Haddaba waxaa la isweydiinaya sidee ayey ku dhacday in Al-Shabaab hubeysan ay dhib la’aan ku gudbaan goobahaas amni?  

Khabiir amni oo soo jeediyey in la fasaxo BF kadibna dalka la geliyo xaalad deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdisalaan Guuleed oo ah khabiir amni oo horey u soo noqday agaasime ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay kordheen weerarada au ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Cabdisalaan Guuleed oo u warramay Universal TV ayaa sheegay in weerarkii maalin kahor lagu ekeeyey dhismaha hoteelka Villa Rays oo kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada ee looga arrimiyo dalka uu muujinayo in amniga guud ee waddanka uu faraha kasii baxayo.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in la beddalo dhammaan saraakiisha lasoo shaqeeyey dowladdii hore, taas oo uu ku eedeeyey in aysan la dagaalamin Al-Shabaab.

“Haraadiga dadkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dowladdiisa la shaqeeyey in la beddalo, sababtoo ah dowladdaas lama dagaashaneen Al-Shabaab,” ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in loo baahanyahay wax laga beddalo shaqada guud ee hay’adaha amniga, sidoo kalena wax laga qabto ciidanka hubka ku dhex wata caasimada.

“Qaabka amniga ee caasimada iyo qaabka hay’adaha Nabad Sugidda iyo Booliska u shaqeynayaan in wax laga beddalo. Dhaq dhaqaaqa ciidamada hubeysan ee magaalada dhex socdana waxay u baahan tahay in deg deg wax looga bedalo,” ayuu sii raaciyey.

Agaasime ku xigeenkii hore ee NISA oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu qaato go’aan culus, isla-markaana uu fasaxo Baarlamaanka, kadibna dalka uu geliyo xaalad deg-deg ah, si loo wajaho dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

“Aniga waxaan ku talin lahaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu fasaxo Baarlamaanka, waddankana xaalad deg-deg ah la geliyo, si dhaqaalaha loo tashiilo oo waxa socdo loogu wajaho,” ayuu markale ku yiri wareysigan agaasime ku xigeenkii hore ee Nabad Sugidda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal kadib markii dowladda Soomaaliya Al-Shabaab ku qaaday dagaal saddex jiho ah oo ku aadan xagga ciidamada, dhaqaalaha iyo fikirka, waxaana dagaalkaas qayb ka ah dadka deegaanka.

Afhayeenka Al-Shabaab oo sameeyey sheegasho yaab leh kadib weerarkii Villa Rays

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay weerarkii ay kooxda Axaddii ku qaaday hotelka Villa Rays oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo sheego yaab leh uu ka sameeyey. 

Cali Dheere ayaa sheegay inay weerarkaas ku dileen madax ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo askar, inkasta oo dowladda ay xaqiijisay in dadka ku dhintay ay ahaayeen sideed qof oo shacab ah iyo hal askari.

“Weeraradaas ayaa beegsaday qeybta bari ee Madaxtooyada, wuxuuna hawlgalkan u dhacay qaabkii loo qorsheeyay kadib sahan iyo qiimeyn uu sameeyay jihaazka amniga [sirdoonka] ee xarakada Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Cali Dheere ayaa intaas ku daray in maleeshiyada weerarka fulisay ay ka tallaabeen dhamaan jid-gooyooyinka amni ee yaallay waddooyinka laga galo aagga madaxtooyada.  

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale si yaab leh u sheegtay inay weerarka ku dileen 52 qof, ayna ku dhaawaceen 39 kale, ayna dadka ay waxyeellada soo gaartay ay ku jiraan wasiiro, wasiiro dowlayaal iyo agaasimeyaal wasaaradeed. 

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan inuusan jirin xitaa hal wasiir oo la xaqiijiyey inuu weerarka ku dhaawacmay, inkasta ay jireen wasiiro ku sugnaa hotelka balse laga soo badbaadiyey. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, baaritaan culus ayaa hadda la billaabay oo ku saabsan weerarkii.

Weerarka, oo ahaa mid aan hore loo arag goobta uu ka dhacay iyo qaabka loo fuliyey, ayaa loo arkay halis amni iyo fashil ku yimid Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka oo ay ugu horeysay Hay’adda Sirdoonka ee NISA, taasi oo keenay inuu madaxweyne Xasan Sheekh isugu yeero taliyeyaasha ciidamada, kana dalbado faahfaahin.

Soomaalida magaalo UK ka tirsan oo si gaar ah u taabtay weerarkii Hotel Villa Rays

0

Birmingham (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Birmingham ee waddanka Britain ayaa sheegay inay ka argagaxeen warka geerida gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma ee magaaladaasi iyo culimo kale oo ku dhintay weerarkii Axadii ay Al-Shabaab ku ekeeyeen hoteelka Villa Rays ee ku yaal agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidammada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Isniintii sheegay inay soo afjareen dagaal hoteelka ka socday muddo ka badan 20 saacadood.

Hoteelka Villa Rays ee weerrarka lagu bartilmaameedsaday ayaa waxa uu ku yaal goob aad loo ilaaliyo oo ay ku badan yihiin mas’uuliyiinta dowladda, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 8 qof oo rayid ah iyo hal askari.

Dadka meeshaas lagu dilay waxaa kamid ah Sheekh Cabdulqaadir Cabdullaahi Axmed (Sheekh Cabdulqaadir Garweyne), gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma ee magaalada Birmingham

Sheekh Fu’aad Bashiir Dool oo aqoon duruqsan u leh Sheekh Cabdulqaadir Garweyne ayaa sheegay inuu banneeyay boos ay adag tahay in la buuxiyo.

“Shalay waxay u ahayd magaalada Birmingham iyo masjidka Raxma malin murugo. Waxa uu ahaa nin dulqaad badan, dadka isku wada isla markaana si wanaagsan uga soo baxa hawlaha looga baahan yahay,” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Bashiir Dool.

Waxa uu sheegay in Sheekh Cabdulqaadir Garweyne oomuddo ka badan 20 sano ku noolaa Birmingham, uu ka sokow faafinta iyo u shaqeynta Islaamka uu sidoo kale ahaa nin nabadoon ah oo xalliya khilaafaadka ka dhex abuurma Soomaalida ku nool magaaladaas.

Dadka kale ee weerarka ku dhintay

Waxaa sidoo kale weerarkaas ku dhintay Maxamed Xasan Cilmi (Sayid) oo qudhiisa kamid ahaa odayaasha Birmingham isla markaana ka tirsanaa guddiga maamula masjidka Raxma ee magaaladaas.

Marxuumka ayaa qoraalkiisii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu uga hadlay sida loo cidleeyay huteellada Muqdisho, isagoo ugu baaqay dowladda Federaalka ah in shirarka dibedda loo aado lagu qabto gudaha caasimadda.

Sayidka iyo saxaiibkii Sheekh Cabdulqaadir Garweyne ayaa gelinkii dambe ee Isniinta lagu aasay qubuuraha Calamada ee Afgooye, maaddaama meydadkooda horay laga helay.

Jamaal Maxamed Ubaxle oo isna ku noolaa Birmingham ayaa kamid noqday dadka ku dhintay weerarka ka dhacay Huteel Villa Rays, waxaana lagu tilmaamay nin wanaag badan sameeyay oo ku dedaalli jiray cibaadadda.

Su’aalo badan ayaa ka taagan sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay in ay qarax iyo weerar toos ah ugu barilmaameedsadaan huteel ku yaalla aag sidaa loo ilaaliyo.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin.

Ciidamada ammaanka oo gacanta kusoo dhigay nin dil ka geystay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigay nin hubeystaa oo saaka dil ka geystay magaalada Muqdisho.

Dilka oo loo geystay darwal waday mid ka mid ah gaadiidka Xamuulka ayaa ka dhacay nawaaxiga dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Muumin Axmed, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in ninka dila geystay uu ahaa burcad, islamarkaana uu doonayey inuu dhac u geysto marxuumka, balse waxaa gacanta kusoo dhigay ciidanka amniga.

Laamaha amniga oo ka hadlay dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha loo gudbiyey CID-da si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Shalay ayey aheyd markii dhacdo tan la mid ah ay ka dhacday degmada Balcad, kadib markii askari ku sugnaa degmadaas uu dilay nin darawal ahaa oo wadada ku socday.

Askarigaas ayaa sidoo kale lasoo qabtay, waxaana lagu wareejiyey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka geysta deegaanada ay ka howlgalaan, taas oo ay dhibaato weyn ku qabaan dadka shacabka ah.

Maraykanka iyo Qatar oo saxiixday heshiis xasaasi ah

Washington (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka ayaa ansixisay in dalka Qatar laga iibiyo hub gaaraya illaa 1 bilyan oo dollar, oo u badan hanaanka difaaca diyaaradaha.

Go’aankan ayaa la shaaciyey intii lagu guda-jiday wakhtiga nasashada ee ciyaarta koobka adduunka ee dhex martay xulalka Maraykanka iyo Iran, taas oo ku soo dhamaatay in xulka Maraykanku uu hal gool kaga badiyo xulka Iran.

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay saxiixday heshiis hub lagaga iibinayo dalka Qatar, taas oo ay ku jiraan illaa 10 kamida hannaanka difaaca ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo hub kala duwan.

Qatar iyo dalalka kale ee ku yaalla Gacanka Carabta ayaa daandaansi kala kulma dalka Iran iyo xulafadeeda.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in heshiiskan iibka Hubku inuu taageerayo “siyaasadda arrimaha debedda iyo amniga qaranka ee Maraykanka, iyada oo gacan ka geysanaysa hagaajinta ammaanka dalalka saaxiibka la ah Maraykanka], waxaana arrintani ay gacan ka geysanaysaa inay ahaadaan awood muhiim u ah xasillonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaalaha ee bariga dhexe.”

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabadani ay wanaajin doonto awoodda dalka Qatar uu kula tacaali karo khataraha haatan jira iyo kuwa mustaqbalkaba.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa horraantii sanadkan wuxuu amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ku abaal-mariyey in Qatar loo aqoonsado xulufo weyn oo aan NATO aheyn, taasi oo dalkan siisay maqam gaar ah.

Madaxweynihii hore ee dalka Shiinaha oo geeriyooday

0

Beijing (Caasimada Online) – Hogaamiyihii hore ee dalka Shiinaha Jiang Zemin, ayaa goordhaw geeriyooday isaga oo 96 sano jir ah kadib xanuun hayay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda dalkaasj.

Jiang oo ahaa madaxweynaha Shiinaha 1993 ilaa 2003, wuxuu shiinaha ka dhigay  isbedelo taariikhi ah oo ay ka mid yihiin dib u soo nooleynta iyo dib u habeynta suuqa, ka soo noqoshada Hong Kong ee gumeysigii Ingiriiska 1997 iyo soo galitaanka ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) 2001.

“Geerida Jiang Zemin waxay khasaare aan la soo koobi karin ku tahay xisbigeena, ciidankeena iyo dadkeena dhamaan qowmiyadaha kala duwan,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday xisbiga hoggaamiyaha Shiinaha.

Madaxweynahaan ayaa lagu xasuusta in talada la wareegay xilli aad u adag oo ay dalka Shiinaha ka taagneyd banaan-baxyo waawayn iyo xasiloonni darro siyaasadeed.

Dhacdadani waxay dhalisay loolan adag oo xagga awoodda ah oo ka dhacay Shiinaha oo horseeday dib-u-habayn in lagu sameeyo xisbiyada dalka ka jira.

Dhageyso: Weriye xog cusub ka bixiyey xanuunka uu u geeriyooday Abwaan Geesi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Abwaan Geesi oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo hal-abuure ahaa.

Geerida Abwaan Geesi ayaa aad u taabatay dhammaan Soomaalida, maadaama uu ahaa nin caan ah oo jila sheekooyinka qosolka iyo xigmada le.

Sidoo kale Abwaan Geesi wuxuu aad u isticmaali jira baraha bulshada.

Marxuumka ayaa mudooyinkaan ku xanuunsanaa magaalada Nairobi, wuxuuna xanuunka hayey ka soo bilowday dhanka Kaliyaha, sida uu sheegay weriye Cabdullahi Axmed Cali oo saaxiibo dhow ay ahaayeen Abwaanka.

Weriye Cabdullahi Axmed Cali oo laga wareysanayey TV-ga uu ka shaqeeyo ee Somali Cable ayaa xaqiijiyey in Abwaan Geesi uu gabi ahaantiis bararay, kadib markii uu ku siyaaday xanuunkii ka soo bilowday kaliyaha, kaas oo ugu dambeyn uu caawa u geeriyooday.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Daawo: Deni oo sheegay arrin uu rajeynayo kadib weerarkii Hotel Villa Rays

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay qaraxii iyo weerarkii dhawaan ka dhacay Hotelka Villa Rays ee magaalada Muqdisho.

Saciid Deni ayaa ugu horeyn tacsi u diray dadkii dhintay weerarkaas, isagoo sheegay in gumaadka ay Al-Shabaab ku hayaan dadkeenna aysan niyad jebin reer Muqdisho iyo guud ahaan Soomaalida.

“Soomaaliya 30 sano ayey dhibaatooyin kala duwan ku soo jirtay, waxaa ilaahey mahadiis ah dadka Soomalaiyeed kama niyad jebin hormarkooda iyo howlahooda,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in adkeysiga Soomaalida uu suurta geliyey in lasoo yagleelo dowladda federaalka, si dalka xaaladaan uu uga baxo.

“Waxaan rajeynayaa in xaalad kasta oo jirta aan wadajir uga baxno, anagoo adkeysi muujineyna,” ayuu Saciid Deni hadalkiisa sii raaciyey xilli maanta uu dib ugu soo laabtay Garoowe.

Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar ku maray dalal badan oo Afrika ka tirsan, qaraxa uu ka hadlay Saciid Deni ayaa ka dhacay gudaha xeen-daabka laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu yaraan lix nin oo Shabaab ah ayaa la xaqiijiyey inay fuliyeen weerarkaas, kuwaas oo dilay ku dhawaad 10 qof, halka 60 kalena laga badbaadiyey.

Hoos ka daawo Deni

Dhageyso: Askarigii darawal-ka ku toogtay Balcad oo lasoo qabtay iyo halka lageeyey

0

Balcad (Caasimada Online) – Ciidanka ammaanka ee ka howlgala degmada Balcad ayaa maanta gacanta ku soo dhigay askari si bareer ah u toogtay darawal gaari, sida uu sheegay guddoomiyaha degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa la hadlay idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in lasoo qabtay Askarigii darawalka dilay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in kiiskaan deg deg loogu gudbiyey maxkamadda ciidamada, si cadaaladda loo hor-geeyo eedeysanaha, waxaana askarigii dilka geystay lagu soo xiray xarunta dembi baarista booliska ee CID-da.

Darawalka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Seylax Cabdulle, xilliga la dilay wuxuu waday gaari Hoomey ah, isagoo ka baxay magaalada Muqdisho, kuna wajahnaa degaanka Caadley ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ninkaan ayaa isku deyey inuu baxsado markii uu toogtay darawalka, waxaana lagu soo qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada ammaanka, isagoo katiinadeysan ayaa aad loogu baahiyey baraha bulshada, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda lasoo taago maxkamadda ciidamada.

Askarigaan ayaa darawalka u dilay lacag yar uu shilin Soomaali ah, gaari Homey ah oo ka baxay magaalada Muqdisho ayuu waday, wuxuuna ku sii jeeday degaanka Caadley, balse askarigaan oo isbaaro u taalay ayaa toogtay, kadib markii ay ku murmeen lacagtii uu weydiistay ee isbaarada.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Sheegashooyinka NISA oo su’aalo xooggan la geliyey kadib weerarkii Villa Rays

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa su’aalo ka keenay waxqabadka ay toddobaadyadii dhowaa sheeganeysay hay’adda NISA kadib markii Al-Shabaab ay weerartay hotel dhowr tallaabo u jira madaxtooyada qaranka. 

Weerarkii lagu qaaday Hotel Villa Rays ayaa muujiyey gaabis amni oo xooggan oo jira, wuxuuna dhaliyey su’aal ku saabsan sida hay’adaha amniga uga warheli waayeen in Al-Shabaab ay soo galaan aag si weyn amnigiisa loo sugo. 

Wuxuu yimid xilli warbaahinta gudaha toddobaadyadii dhowaa loo qeybinayey war-saxaafadeedyo kasoo baxay dowladda oo lagu sheegayey in NISA ay fulisay howgallo lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, howlgalladaas oo badankood ka dhacay meelo ka baxsan caasimadda. 

Hase yeeshee xildhibaanada federaalka qaarkood ayaa hadda is-weydiinaya sax ahaanshaha sheegashooyinkaas iyo sida hay’adda ay xog uga heshay Al-Shabaab dhexdooda, haddiiba ay ogaan weysay Shabaab ka howlgalaya meelo u dhow madaxtooyada. 

Xildhibaanadaas waxaa ka mid ah Dayax Axmed Cumar oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Isha sirdoonka ee Ceeldheere, Buraale iyo melaha kale xogta ka keena ee madaxtoyada aan ka warqabin ayaan la yaabay, ii dheh waaye cajiib ah.” 

“Mahad Salaadka NISA hadda ma waxow na dhihi donaa xayaysiis ayaan amniga ku sugayaa iyo Al-Shabaab diyaarad ku dil, cajiib,” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal kaas kasii horreeyey. 

Su’aalaha xildhibaanka ayaa imanaya ayada oo hore NISA loogu eedeeyey inay lacag ku siineyso warbaahinta qaar in loo sameeyo xayeysiin, halkii waqti iyo dadaal ay ku bixin laheyd inay hesho xog amni oo dalka badbaadin karta. 

Waxaa dadka eedeyntaas soo jeediyey ka mid ah guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga gobolka Banaadir Cali Yare Cali.

“Safarada shaqo ee Sirdoonka qaranka saxaafadda lagama xayeeysiiyo waana farqiga udhexeeya Hey’ad Sirdoon iyo Shirkad ganacsi oo xayeeysiis loo sameeynayo si ay macaamiisheeda ugu sheegto adeeg dheeri ah oo ay dalka keentay,” ayuu yiri Cali Yare oo tixraacayey safar uu agaasimaha NISA Mahad Salaad ku tegay Masar, dabayaaqadii October.