27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Sheegashooyinka NISA oo su’aalo xooggan la geliyey kadib weerarkii Villa Rays

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa su’aalo ka keenay waxqabadka ay toddobaadyadii dhowaa sheeganeysay hay’adda NISA kadib markii Al-Shabaab ay weerartay hotel dhowr tallaabo u jira madaxtooyada qaranka. 

Weerarkii lagu qaaday Hotel Villa Rays ayaa muujiyey gaabis amni oo xooggan oo jira, wuxuuna dhaliyey su’aal ku saabsan sida hay’adaha amniga uga warheli waayeen in Al-Shabaab ay soo galaan aag si weyn amnigiisa loo sugo. 

Wuxuu yimid xilli warbaahinta gudaha toddobaadyadii dhowaa loo qeybinayey war-saxaafadeedyo kasoo baxay dowladda oo lagu sheegayey in NISA ay fulisay howgallo lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, howlgalladaas oo badankood ka dhacay meelo ka baxsan caasimadda. 

Hase yeeshee xildhibaanada federaalka qaarkood ayaa hadda is-weydiinaya sax ahaanshaha sheegashooyinkaas iyo sida hay’adda ay xog uga heshay Al-Shabaab dhexdooda, haddiiba ay ogaan weysay Shabaab ka howlgalaya meelo u dhow madaxtooyada. 

Xildhibaanadaas waxaa ka mid ah Dayax Axmed Cumar oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Isha sirdoonka ee Ceeldheere, Buraale iyo melaha kale xogta ka keena ee madaxtoyada aan ka warqabin ayaan la yaabay, ii dheh waaye cajiib ah.” 

“Mahad Salaadka NISA hadda ma waxow na dhihi donaa xayaysiis ayaan amniga ku sugayaa iyo Al-Shabaab diyaarad ku dil, cajiib,” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal kaas kasii horreeyey. 

Su’aalaha xildhibaanka ayaa imanaya ayada oo hore NISA loogu eedeeyey inay lacag ku siineyso warbaahinta qaar in loo sameeyo xayeysiin, halkii waqti iyo dadaal ay ku bixin laheyd inay hesho xog amni oo dalka badbaadin karta. 

Waxaa dadka eedeyntaas soo jeediyey ka mid ah guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga gobolka Banaadir Cali Yare Cali.

“Safarada shaqo ee Sirdoonka qaranka saxaafadda lagama xayeeysiiyo waana farqiga udhexeeya Hey’ad Sirdoon iyo Shirkad ganacsi oo xayeeysiis loo sameeynayo si ay macaamiisheeda ugu sheegto adeeg dheeri ah oo ay dalka keentay,” ayuu yiri Cali Yare oo tixraacayey safar uu agaasimaha NISA Mahad Salaad ku tegay Masar, dabayaaqadii October. 

BANKIGA ADDUUNKA oo shaaciyay heerka kororka dhaqaalaha SOOMAALIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka sanadlaha ee uu soo qaban-qaabiyo Bangiga Adduunka ayaa maanta lagu soo bandhigay warbxinta dhaqaalaha Soomaaliya, kaasi oo uu ka qeyb-galay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diyaariyay, taasi oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay boqolkiiba 2.9 sanadkii 2021 marka loo eego sanadkii ka horreyay ee 2020.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka si loo gaaro horumar la taaban karo.

“Waxa aan maanta shir Guddoomiyay kulan uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Adduunka oo lagu soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya (Economic Outlook). Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkasta oo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa naga go’an (ka xukuumad ahaan) inaan xoojino barnaamijkeena dib-u-habaynta hannaanka.”

Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya uu horumar iyo korar uu sameeyay sanadkii hore, iyada oo ay jiraan caqabado dhowr ah.

Sidoo kale waxaa warbixintaan lagu xusay in abaaraha ba’an ee qeybo badan oo dalka ka jira ay dhaqaalaha samayn xoogan ku yeesheen.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay horumar ka sameysay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka,” ayey tiri Kristina Svensson oo ah Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya oo ugu dambeyntiina hadal ka jeedisay shirkaan.

Maamulka Warsheekh oo shaaciyey tallaabo ay qaadi doonaan kadib dhacdadii xalay

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Maamulka degmada Warsheekh ayaa si kulul uga hadlay weerar lagu laayey dad isku qoys ahaa, kaasi oo maleeshiyaad hubeysan ka geysteen duleedka degmada Warsheekh oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka degmada Warsheekh, Xasan Xaaji Darafeey ayaa ugu horeyntii sheegay in ka maamul ahaan ay aad uga xun yihiin falkaas, wuxuuna sheegay inay wadaan baaritaan la xiriira dadka ka dambeeyay dilkaas.

“Dadka la dilay waa dad Shacab ah oo degan deegaanka Xaluule, waqtiga ay wax dhacayeen waxay aheyd abaaro sagaalkii habeenimo. Dadyowga waxaas geystay waa lasoo wadaagi doona marka ay soo dhamaadan baaritaanada.”

Sidoo kale waxa uu carabaabay in dil wadareedkan loo geystay dad isku qoys ah ay salka ku hayso aanooyin qabiil, islamarkaana ay cadaaladda marsiin doonaan dadkii ka dambeeyay.

Waxa uu sheegay in maamul ahaan ay go’aan ka gaari doonaan falalka la xiriira aanooyinka qabiil oo muddooyinkii dambe kusoo noq-noqday Warsheekh iyo deegaamada hoos yimaada, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Warsheekh.

“Deegaanka wey ragaadiyeen aanooyinka qabiil oo inbadan soo laab-laabteen, waxay u baahan tahay in gundhig laga sameeyo oo sharciyo adag laga soo saaro. Marka gacanta ku soo dhigno dadka gacan ku dhiiglayaasha waxaa lagu fulin doona Shareecada Islaamka.”

Dadka la laayey ayaa ku sugnaa hal goob, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Safiya Sheekh Abuukarow, Abuukar Iidow, Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi iyo Sangaabo Maxamuud Xuseen.

Maleeshiyaadka dil wadareedkan fuliyey ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi aragagaxa leh ee ay ka geysteen nawaaxiga Warsheekh.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadaysa, ayada oo dhowaan heshiis rasmi ah laga gaaray colaad beeleed maalmihii ugu dambeeyey ka taagneyd gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan duleedka degmada Cadale, taasi oo uu dhameystirkeeda goobjoog ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo lagu ballamay in qofkii dil geysta sharciga la geeyo.

Masuul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ‘oo ka badbaaday isku-day dil’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha degmada Kaxda ayaa maanta lala eegtay Xoghayaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, Ibraahim Muxyadiin Macow.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa Xoghayaha lala eegtay xilli uu marayay agagaarka Isbitaalka Mercy, waxaana lasoo sheegaya in uu ka badbaaday masuulka isku-deygaas dil.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa lala eegtay Xoghayaha degmada Kaxda uusan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah, marka laga reebo burbur yar oo gaaray gaariga xoghayaha.

Qaraxa lala eegtay Xoghayaha ayaa waxaa durtaba sheegtay masuuliyadiisa kooxda Al-Shabaab, oo ayadu dhowr jeer masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaas qaraxyo miino ku dishay.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada iyo qaraxyada ay fulineyso, xili gobolada dalka qaarkood ay kaga socdaan dagaalo culus oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan.

Kacdoonka dagaal ee ka dhan ah Al-Shabaab oo si wada-jir ah iskaga kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa lagula wareegay deegaano badan oo sanado dhowr ah gacantooda ku jiray.

Qaraxyo laga helay Villa Rays iyo booliska oo shaaca ka qaaday arrin uu sameynayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maalintii labaad howlgal amni xaqiijin ah ka wada dhismihii la weeraray ee hoteelka Villa Rays, kaas oo ay habeen gudaha u galeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha hoteelka laga helay haraadiga qaraxyo ay wateen raggii gudaha u galay hoteelka oo dhammaantood toogasho lagu dilay markii laga tego ninkii is qarxiyey.

Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in goordhow hay’adaha amnigu ay qarxin doonaan miinooyinkaasi, isaga oo farriin u diray shacabka reer Muqdisho.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaynaa in Ciidanka Booliska ay goor dhow qarxin doonaan haraadiga waxyaabaha qarxa oo yaalla Hotel Rays,” ayuu yiri Doodishe.

Sidoo kale wuxuu ka codsaday shacabka in aysan walwal muujin inta uu socda howlgalka qarxinta ah ee ay sameynayaan ciidamada Booliska, gaar ahaan kuwa miino baarista.

“Waxaan dadweynaha sharaf leh ka codsaneynaa in aysan hawlgalkaas qarxinta ah u arkin mid khatar ku ah nabad-gelyadooda.” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in weerarkan lagu dilay illaa 8 qof, islamarkaana lasoo badbaadiyey illaa 60 kale oo isugu jiro dad shacab ah iyo mas’uuliyiin.

Weerarkan oo saacado badan qaatay ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan gobollada dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo jab xoogan lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab.

GABAR uu abti u yahay Ayatollah Ali Khamenei oo qaaday tallaabo lama filaan ah

Tehran (Caasimada Online) – Gabar uu abti u yahay hoggaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ugu baaqday shucuubka caalamka inay cadaadis ku saaran dawladohooda inay xiriirka u jaraan dalka Iran, taas oo looga jawaabayo habka uu dalkaasi u maareeyey mudaharaadada looga soo horjeedo xukuumadda ka dhisan dalkaas.

Gabadhan oo lagu magcaabo Farideh Moradkhani ayaa muuqaal ay duubtay waxaa internetka ku baahiyey walaalkeed oo ku nool dalka Faransiiska, waxaana muuqaalka la baahiyey ay ku booriyey “in dadka damiirka leh ee dunidu” ay taageeraan dibadbaxyada ka socda dalka Iran. 

Muuqaalkan ayaa la faafiyey kadib markii la ogaaday in gabadhan la xiray bishii November 23-keedii, sida ay sheegeen koox dusha kala socota xuquuqda aadanaha ee dalka Iran oo fadhigoodu yahay dalka Maraykanka.

Farideh ayaa caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaaqdo xuquuqda rayidka, waxaana dhashay gabar la walaal ah hoggaamiyaha sare ee dalka Iran, waxayna noqonaysaa qofkii ugu dhowaa hoggaamiyaha sare ee dalka Iran ee xabsiga la dhigo. Gabadhan ayaa marar kala duwan waxaa loo xiray hawlaha u dhaqdhaaqa arrimaha bulshada ee ay ku lug leedahay.

“Waxaan ka codsanayaa dadka damiirka leh ee dunidu inay na garab istaagaan oo ay dawladohooda ka codsadaan inay aanay falcelintoodu noqon oo keliya hadallo madhan, hase ahaatee ay la yimaadaan ficilo dhab ah oo ay ku hor istaagayaan maamulkan,” ayay ku tiri muuqaalka la baahiyey.

Mudaharaadada ka socda dalka Iran ayaa haatan lugaha la galay bishii saddexaad, waxaana ay ciidamada dalka Iran ay isticmaalayaan awood xad dhaaf ah si ay u xakameeyaan. Ugu yaraan 451 ayaa illaa haatan la dilay, oo ay ku jiraan 63 caruur ahi, sida ay sheegtay kooxda xuquuqda aadanaha ee HRANA, halka xabsiga la dhigay illaa 18,173 qof.

Mudaaharaadyada ayaa ka dhashay dilka Mahsa Amini oo aheyd gabar loo xiray inay xiran weysay xijaabka kadibna ku geeriyootay gacanta booliska. 

AP

Xog: Sidee ayey Al-Shabaab u qorsheeyeen weerarkii ay ku qaadeen Villa Rays?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa bixiyey xog ku aadan weerarkii saacadaha badan qaatay ee Habeen hore Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada.

Korneel Macow oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ay muddo abaabuleysay weerarkan oo lagu beegsaday meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo oo ku taal agagaarka xarunta Villa Soomaaliya ee dalka looga arrimiyo.

“Shaxda waxa ay ka bilaabeen kow waxa ay sahmiyeen meesha ay weerarayaan, waxa ay ogaadeen waqtiga ugu haboon oo la weerari karo, waxa ay diyaariyeen gaadiidkii iyo ciidankii iyo sidoo kaleqaraxyada iyo hubka ay saacadaha ku dagaalameen,” ayuu yir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay adeegsatay xeelad aad u sarreysa, islamarkaana ay degtay shax cajiib ah, si ay u fuliso howlgalkan oo saacado badan qaatay.

“Waxyaabaha yaabka leh waxaa kamid ah xeyndaabka madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed oo meel walba ka xiran in weerar noocaas oo kale ah uu ka dhaco, laakiin waxyaabaha mucjisada waxaa waayey qaabka ay howlgalka u sameeyeen Al-Shabaab iyo shaxda ay soo dageen,” ayuu yiri Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa NISA

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey in arrintan ay jab ku tahay dowladda federaalka, maadaama uu weerarka ka dhacay agagaarka gurigii uu daganaa madaxweynaha.

“In meeshaas la yimaado ayaaba ma aragtay jab ku ah dowladda,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in sababta dheereysay howlgalka ay ugu wacan tahay wada shaqeyn la’aanta hay’adaha amniga,  gaar ahaan ciidamada dowladda.

“Dagaalka waxa dheereeyey waxaa waayey ciidamada oo wada shaqeyn aysan ka dhaxeynin” ayuu  ku daray Korneel Macow.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda sare ee dalka inay qaadaan tallaabo deg-deg ah oo looga hortegayo kororka weerarada Al-Shabaab ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waa in ay qaadaan talaabo deg-deg ah oo ku aadan weerarkii Villa Rays” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Saddex su’aal oo ka dhashay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hotel Villa Rays

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Axaddii weerar ku qaaday Hotel Villa Rays oo dhowr boqol oo meter un u jira madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo ay haysteen ku dhowaad 24 saac kahor inta aan lasoo afjarin.

Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in kooxda soo weerartay hotelka ay ahaayeen lix maleeshiyo, kuwaasi oo dhammaantood dhintay. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada amniga ay dileen shan maleeshiyo, halka mid kalena uu is-qarxiyey.

Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha weerarka uu yahay dhimashada sideed qof oo shacab ah iyo hal askari. Sadiiq Doodishe wuxuu sidoo kale sheegay in lasoo badbaadiyey 60 qof oo shacab ah oo ku sugnaa hoteelka.

Haddaba weerarkan ayaa dhaliyey su’aalo u baahan in dowladda ay ka jawaabto.

Yaa fududeeyey weerarka?

Hotel Villa Rays wuxuu ku yaallaa meel aad ugu dhow Villa Somalia, oo amnigeeda aad loo sugo. Wadda walba wxaaa yaalla bar kontorool oo amniga la sugo, wayna adag tahay xitaa inay galaan dadka shacabka ah. 

Haddaba sidee ayey ku dhacday in Al-Shabaab hubeysan ay dhib la’aan ku gudbaan goobahaas amni, welib ayaga oo hubeysan? Jawaabta kaliya ee su’aashan ay leedahay wa in dad dowladda ku jira ama hay’adaha amniga ay fududeeyeen, waana arrin u baahan in dowladda ay baaritaan ku sameyso, jawaabna ka bixiso.

Haddii aanay sidaas dhicin, ha la yaabin in weerarka kan xiga uu noqdo mid madaxtooyada lagu qaado.

NISA xagee jirtaa?

Weerarada noocan ah Al-Shabaab waxay qorsheeyaan bilo ama toddobaadyo. Haddaba side ku dhacday in hay’adda sirdoonka ee NISA ay ka warheli weyso kana hortagi weyso? Su’aashan ma imaaddeyn haddii aanay NISA toddobaadyadii tegay oo idil noo sheegi lahayn in xogo ay ka dhexheshay Al-Shabaab “ay fududeeyeen weeraro laga fuliyey baadiyaha gobollada dalka qaarkood oo lagu dilay boqolaal Al-Shabaab ah.”

Qoraalladii NISA waxay muujiyeen in hay’adda sirdoon ku dhex leedahay kooxda. Maxay yihiin sirdoonka soo sheegaya halka ay joogaan boqolaal Al-Shabaab ah, balse aan soo sheegi karin hoteellada Muqdisho ee weerarada loo qrosheeyo? Kusii darso, hotelkan Villa Rays xitaa kama foga xarunta hay’adda NISA. 

Maxaa dheereeye howlgallada? 

Ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay howlgallo ka fulinayeen hoteello ay qabsadaan Al-Shabaab muddo dhowr iyo toban sano ah, hase yeeshee waqtiga howlgallada lagu soo afjaro ayaad mooddaa inuu sii dheeraanayo.

Howlgalka Villa Rays wuxuu qaatay ku dhowaad 22 saac, halka howlgalkii kan ka horreeyey ee hotel Xayat uu qaatay 36 saac, oo aheyd waqtigii ugu dheeraa ee Al-Shabaab ay haysteen hotel ku yaalla Muqdisho oo ay weerareen. 

Haddaba maxay tahay sababta ay waqtiga badan ugu qaadaneyso ciidanka ammaanka inay soo afjaraan weerarada noocan ah? Miyaanay aheyn in khibrad badan laga haysto maadaama muddo lasoo arkayey, iyo inuu jiro qorshe degan oo lagula tacaalo marka ay Al-Shabaab hotel galaan?

Howlgal culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho kadib weerarkii hoteel Villa Rays

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan Muqdisho, kuwaas oo ku soo aaday weerarkii ay Shabaab ku qaadeen hotelka Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada booliiska ee qeybta Waliyoow-Cadde, waxaana si gaar ah looga sameeyey degmada Xamarjajab.

Sidoo kale waxaa qayb ka ahaa ciidamada Booliska Xamarjajab iyo maamulka degmadaasi, iyada oo ciidamadu ay isku fidiyeen xaafadaha ay dagan yihiin dadka shacabka ah.

Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo hal goob la’isugu keenay, waxaana halkaas kula hadlay saraakiisha ciidamada oo ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, ayada kadib la sii daayey dadkii lasoo qab qabtay.

Isaaq Maxamed Ciise oo ah taliyaha qeybta Waliyow-Cadde oo la hadlay warbaahinta howlgalka kadib ayaa sheegay in jeedkooda uu ahaa la dagaalanka kooxaha ku howlan amniga darrada, kuwa ka ganacsada maandooriyaha iyo burcaddadhaca u geysata rayidka.

Taliyaha ayaa intaasi kusii daray in howlgalka uu sii socon doono, islamarkaana ujeedka uu yahay, sidii loo sugi lahaa guud ahaan amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan wajaheyso xaalad amni adag, waxaana culeyska soo saartay kooxda Al-Shabaab oo kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha caasimada.

Sawirro: MUUSE BIIXI oo KULAN xasaasi ah la yeeshay safiirka Denmark + Ujeedka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka dalka Denmark u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mr. Steen Sonne Andersen.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xaalada guud ee Somaliland, oo muddooyinkii dambe ay ka taagneyd xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kororsiga uu sameystay Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu safiirka warbixin guud ka siiyey xaaladda guud ee Somaliland iyo nabad-gelyada oo ay iska kaashadaan marwalba shacabka iyo dawladu.

Sidoo kale wuxuu u sheegay inay u diyaar yihiin hirgelinta hanaanka dimuquraadiyadda ku salaysan ee arrimaha doorashooyinka oo ay sanado badan kusoo caano maashay Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa kale oo lagu sheegay in kulankaan lagu lafo-guray “sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha ay labada dal hore isaga kaashan jireen ee dhinaca horumarinta arrimaaha bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha.”

“Wafdiga dhinacooda waxay ka mahadnaqeen sida uu madaxweynuhu u soo dhaweeyey, iyagoo shacbiga Somaliland iyo dawladdoodaba ku hambalyeeyey horumarka ballaadhan ee dhinac walba ah ee ay ku tallaabsadeen.”

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda, Dr Ciise Keyd Maxamuud. Dhinaca weftigana waxa safiirka wehlinayaan ku-xigeenkiisa Ambassador, Ms. Gertrud Birk iyo Wakiilka dalka Denmark u fadhiya Somaliland.

Dad isku qoys ahaa oo lagu laayey duleedka degmada WARSHEEKH + Magacyada

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad beeleed hubeysan ay weerar lagu laayey dad isku qoys ahaa ka geysteen duleedka degmada Warsheekh oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo, Xaluule oo hoostaga degmada Warsheekh, waxaana maleeshiyaadkan ay rasaas ku fureen illaa 4 qof oo isku qoys ahaa.

Dadka la laayey ayaa ku sugnaa hal goob waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Safiya Sheekh Abuukarow, Abuukar Iidow, Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi iyo Sangaabo Maxamuud Xuseen, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka dil wadareedkan fuliyey ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi aragagaxa leh ee ay ka geysteen nawaaxiga Warsheekh.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka.

Si kastaba, falkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo dhowaan heshiis rasmi ah laga gaaray colaad beeleed maalmihii ugu dambeeyey ka taagneyd gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan duleedka degmada Cadale, taas oo uu dhammeystirkeeda goobjoog ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo lagu ballamay in qofkii dil geysta sharciga la geeyo.

Axmed Madoobe oo isbedal maamul oo xoog leh sameeyey xalay (Aqriso dikreetooyin)

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isbadal ku sameeyay maamulka Gobolka Jubbada Hoose iyo saraakiisha hoggaamisa ciidamada booliska iyo daraawiishta Jubbaland.

Seddax dikreeto ayaa xalay ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, wuxuuna ugu horeyn Xasan Cabdi Guure u magacaabay Gudoomiyaha Gobalka Jubbada Hoose, halka ku xigeenkiisa uu u magacaabay Muuse Maxamed Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa dikreetada labaad ku magacaabay sarakiil cusub oo la wareegeysa hoggaaminta taliska ciidamada booliska ah ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.

S/Guuto Cabdullahi Cabdi Yuusuf ayaa loo magacaabay taliyaha booliska Jubbaland, halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/Sare Xuseen Cali Xaashi, sida ku cad dikreetada.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jubbaland ayaa S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane u magacaabay Taliyaha ciidamada darawiishta Jubbaland.

Magacaabidaan ayaa ku soo aaday, iyadoo shalay madaxweynaha Jubbaland uu duleedka Kismaayo kula hadlay ciidan xoog leh oo loo diyaariyey inay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa cadeeyey in Jubbaland ay diyaarisay qorshe dhameystiran oo deegaanada laga xoreeyo Al-Shabaab lagu gaarsiinayo adeegga dowliga ah.

Hoos ka eeg dikreetooyinka

 

Taalibaanta Pakistan oo ku dhawaaqday weeraro ka dhan ah dowladda Pakistan

0

Islamabad (Caasimada Online) – Garabka hubaysan ee Taliban ee ka dhisan dalka Pakistan ee loo yaqaano Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa ku dhawaaqay inay ku amreen dagaalyahanadooda inay qaadaan weeraro argagixiso oo ka dhan ah dawladda Pakistan, arrintaas oo soo afjaraysa xabbad-joojintii halka dhinac ahayd ee kala dhexeysay xukuukadda dalkaas.

Ururka Talibanta Pakistan ayaa sheegay in go’aankoodan inay ku saleeyeen iyaga oo kaga falcelinaya hawlgallada milateri ee ay dawladda Pakistan ku beegsanayso dagaalyahannadeeda ku sugan magaalooyin kala duwan ee ku yaalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaas.

“Haatan waxaa lama huraan ah inaad weeraro ka geysataan meel kasta oo suurogal ah” ayaa lagu yidhi go’aanka ka soo baxay kooxda Talibanta Pakistan, iyada oo bayaankan u marisay dagaalyahanadeeda dhinaca warbaahinta, nuqul ka mida qoraalkaas waxaa heshay VOA.

Kooxdan ayaa ku jirta liiska argagixisada ee Qaramada Midoobay iyo tan Maraykanaba, waxayna gacansaar dhow la leeyihiin kooxda Taliban ee ka talisa dalka Afghanistan.

TTP ayaa sheegatay mas’uuliyadda boqolaal qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro kale tan iyo markii ay ka soo shaac baxeen Pakistan 2007, waxaana weeraradaas ku dhintay tobanaan kun oo isugu jira rayid iyo ciidamada ammaanka ee Pakistan.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada amniga ee Pakistan ayaa ku gacan seydhay sheegashada TTP isaga oo ku tilmaamay inay tahay marmarsiinyo lagaga baxayo heshiiskii xabbadjoojinta.

“Haddii ay isku dayayaan in ay dib isugu abaabulaan halkan si ay u sameeyaan falal argagixisanimo, markaa waxaan xaq u leenahay inaan ka hortagno,” ayuu sarkaalku u sheegay VOA.

Islamabad ayaa aaminsan in tan iyo markii ay kooxda Taliban ay la wareegtay xukunka Afghanistan, inay iska indho tirtay hawlgallada ay wadaan Talibanta Pakistan, waxaana taasi ay fursad u siisay inay si xor ah, isaga kala gudbaan xuduudda labada dal iyaga oo qorshaynaya hawlgallo.

Cabashadan ayaa keentay in xukuumadda Taliban ay dhexdhexaadiso oo ay martigeliso wadahadal nabadeed oo muhiim ah oo u dhexeeya TTP iyo dawladda Pakistan, taasoo horseeday waxa loogu yeedhay “xabbad-joojin hal dhinac ah” bishii Juun.

Hase ahaatee saraakiisha Pakistan ayaa weli u arka inaan heshiiskaasi aanu xakamayn weerarada laga soo qorsheeyo gudaha Afghanistan.

Masuuliyiinta Talibanta Afghanistan ayaase iyagu diiday in dalkooda laga soo abaabulo weeraro ka dhan ah dalalka deriska iyo kuwa kale ee caalamiga ahba.

Adkeysiga dadka Muqdisho – Maxaa dhacay kadib weerarkii Villa Reys?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo xalay ilaa maanta ay weerar toos ah iyo qarax ka fulisay kooxda Al-Shabaab ayaa dadkeedu waxay muujiyeen dhabar-adeyg xoog leh, waxaana cadaatay in reer Muqdisho aysan isku dhiibin duruufta amni ee heysta.

Weerarkaan oo galabta lasoo gabagabeeyey waxaa fulisay lix nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, hal nin ayaa la xaqiijiyey inuu is-miidaamiyey, halka shanta kale ay toos u gadaalamayeen ku dhawaad 20 saacadood.

Iyadoo weerarkaas uu ka socday gudaha xeen-daabka laga ilaaliyo madaxtooyada dalka, hadana xarunta Tiyaatarka qaranka oo dhowr tilaabo u jirta Hotelka la weeraray waaberigii hore ee saakay waxaa ka bilaabatay xaflad ay ku qalan-jebinayeen boqolaal arday ah oo heerka 1-aad ee Jaamacadda dhameysatay.

Si lamid ah Madaxweynaha dalka ayaa maanta intii uu weerarkaasi socday wuxuu Muqdisho ka furay ‘shirweynaha maalgashiga caalamiga ah ee Soomaaliya’ kaas oo ajaanib, ganacsato iyo masuuliyiin badan ay ka soo qeyb galeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka jeediyey furitaanka  shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya ayaa yiri, “Maanta waxaan qaadeynaa tallaabadii 1-aad oo lagu dhiirigalinayo maalgashiga dalkeenna, anagoo garowsan caqabadaha nagu xeeran.”

Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, “In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.”

Dadka Soomaaliyeed oo qiimeyn ku sameynaya dhacdooyinkaan maanta is bar-bar yaallay ayaa saacadihii u dambeeyey aad baraha bulshada ugu falan-qeynayey adkeysiga dadka reer Muqdisho oo aan isku dhiibin duruufaha amni ee ku xeeran.

Kooxda Al-Shabaab oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay weerar toos ah ku heysay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaan halgankeeda ka gaarin wax natiijo ah, waxayna hadda wajaheysaa naceyb xad-dhaaf ah, cunaqabateyn ay dowladdu saartay iyo dagaal toos ah oo aad loogu laayey bilihii iyo todobaadyadii lasoo dhaafay.

Daawo: Axmed Madoobe oo sheegay in Beledweyne laga dhisayo taallo weyn

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta boqolaal ciidan ah kula hadlay duleedka magaalada Kismaayo ayaa si qota dheer uga hadlay dagaalka la qorsheynayo in Jubbaland ay ku qaado Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn aad u amaanay shacabka reer Hiiraan oo kacdoonkaan bilaabay, isagoo sheegay in la xusuusa doono dadkii reer Hiiraan uga shahiiday dagaalka ay la galeen Al-Shabaab.

“Reer Hiiraan waxaan leeyahay Beledweyne waxaa laga dhisi doonaa taallada ugu weyn dalka oo lagu xusuusa doono shuhadadii uga dhimatay dagaalka, waxay Soomaalida kale tuseen in laga adkaa karo Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dadaalkooda ku amaanay Wasiirka difaaca dalka iyo taliyaha ciidanka xoogga oo garbihiisa taagnaa, kuwaas oo Kismaayo u tegay dardar gelinta duulaanka deegaanada Jubbaland looga xoreynayo Al-Shabaab.

“Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu qaaday tallaabo cad oo dalkaan looga xoreynayo cadowga, isaga iyo xukuumadiisu waxay garowsadeen in wax la qaban karo aysan jirin, iyadoo aan laga adkaan Al-Shabaab, waa tan ugu muhiimsan, waana ku amaanayaa madaxweynaha,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Jubbaland ay dejisay qorshe dhameystiran oo lagu xoreynayo dhulka ay ka heystaan Al-Shabaab, wuxuuna dowlad goboleedyada kale ugu gacan haatiyey inay soo galaan dagaalka.

Hoos ka daawo

Dhageyso: Wasiir weerarkii Villa Rays ka badbaaday oo shaaciyey xog cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dr. Aadan Aw Xirsi oo kamid ahaa masuuliyiintii kasoo badbaaday weerarkii ay argagixisada ku qaaday hoteelka Villa Rays, ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen.

Wasiiru-dowlaha oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Hoteelka uu qaraxa ku haleelay uu ka socday shir siyaasadeed ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiin uu kamid yahay oo uu ku jiray Wasiirka Amniga.

“Anaga oo Cishihii tukanay oo ka dareernay ayaa waxa dhacay qarax weyn oo gilgilay aas-aaskii Hoteelka oo dhan, daadiyayna meelihii muraayadaha lahaa iyo daaqadihii. Intaas kadib waxaa ogaanay in nala soo weeraray oo ay daba joogaan argagixiso lug ah oo dadka leynaysa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dad uu kamid yahay u suurta-gashay inay ka fakadaan albaab dambe oo Hoteelku lahaa, ayna uga sii gudbeen Qabuuro ku yaalla halkaasi, islamarkaana ay ku dhamaadeen guriga Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi.

“Hoteelka waxaa ka socday shir shaqo oo sidoo kale ahaa mid siyaasadeed, waad ogtahay siyaasiyiinta waxay kala metelaan dad kala duwan, marka Wasiirka amniga, aniga, ganacsatada iyo aqoon-yahaanadii ku shireysay ayaa shirar isdaba joog ah ku lahaa oo maalintii uu dhamaan lahaa waxay aheyd maalintaas,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha.

Waxa uu gebi ahaanba ka gaabsaday in uu ka hadlo waxa ay ka dhigan tahay in Shabaab ay soo weeraraan Hoteel Villa Rays oo ku yaalla agagaarka Villa Somalia, oo si weyn loo ilaaliyo amaankeeda.

“Aniga waxa ka jawaabi kara su’aallaha qolada la weeraray, qolada meesha weerartay halka ay soo mareen iyo kuwii ka celin lahaa sababta ay uga seexdeen waxaa la weydiinaya jihooyinka kale.”

Waxaa isa-soo taraya walaac xoogan iyo tuhuno laga muujinayo sida ay Al-Shabaab ugu suurta-gashay qorsheynta weerarkan oo lagu galay dhisme ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, islamarkaana ay ku yaallaan bara Control oo lagala socdo dhaq-dhaqaaqa Villa Somalia.

Hoos ka dhageyso

Daawo: DF oo shaacisay in lasoo afjaray weerarkii Villa Rays iyo khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska oo galabta qabtay shir jaraa’id, ayaa shaaciyay in lasoo afjaray weerarkii Hoteelka Villa Rays, islamarkaana ay gebi ahaanba ciidamada dileen raggii soo qaaday weerarka.

Waxa uu sheegay in dagaal-yahaanada soo weeraray Hotelka ay ahaayeen lix dhagar-qabe, waxayna ciidamada dowladda ay toogteen shan kamid ah raggaasi, halka midka kalena uu is qarxiyay.

“Khawaarijta ayaa dishay illaa siddeed qof oo Shacab ahaa oo ku sugna Hoteelka, waxay ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay soo bad-baadiyaan 60 qof oo Shacab ah,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray dadka shacabka ah, halka ay ciidamada ammaanka ka dhinteen 1 Askari, ayada oo ay ka dhaawacmeen 5 kale.

“Waxaa ka tacsiyeynayna qoysaskii, eheladii iyo dhamaan qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay Hoteelka oo isugu jira dadka shacabka iyo ciidamada ammaanka. Ilaahay waxaa ka baryeyna inuu u booga-dhayo inta dhaawaca.”

Ciidamada ammaanka ee dowladda ayey saacado badan ku qaadatay inay soo afjaraan weerarka hoteelka Villa Rays, oo xalay fiidkii ay gudaha u galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo markii hore laba qarax ku dhuftay albaabka hore ee hoteelka.

Villa Rays oo saaran darbiga Madaxtooyada, ayaa waxa uu ku yaalla goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, waxaana deganaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Weerarkan oo dhaliyay shaki badan ayaa waxa uu kusoo aadaya, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaasi oo kooxda kala wareegay deegaano badan oo ay sanado dhowr ah gacantooda ku jiray.

Hoos ka daawo 

Sawirro: Shir muhiim u ah Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya, wuxuuna madaxweynuhu khudbad ka jeediyey furitaanka shirkaas, isagoo maalgashadeyaasha ku dhiiri-geliyay in dalkeenna ay ka jirto fursado maalgashi oo balaaran.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyey wasiirka qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah Mudane Maxamuud cabdiraxmaan Beenabeene iyo wasaaradiisa Qorsheynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aadan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taasi oo ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.

“Inkasta oo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horeyso argagixisada, abaaraha, hanaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhamaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaalo aan ku xalinayno iyo fursado balaaran oo ka jira dalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu madaxwxeynuhu bogaadiyey dhabar-adayga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficilada guracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in dalka laga cirib-tiri doono arxan-laaweyaashaas, si sharaf iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina ku bogaadiyey ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed sida ay hantidooda ugu soo celiyeen dalkooda, door muuqdana uga qaadanayaan horumarka.

Al-Shabaab oo war cusub kasoo saartay weerarka Villa Rays xilli DF ka aamusan tahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo weli uu socdo howl-galka lagu soo afjarayo weerarka tooska ee ay Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada ayaa waxa goordhoweyd war cusub soo saaray kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyay warbaahinta kooxda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka oo saacado badan qaatay uu sababay in uu khasaaro soo gaaro wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda, sida ay sheegteen.

Sidoo kale waxay sheegteen in dagaal-yahaanada ka tirsan xarakada ee weerarka ku qaaday Villa Rays ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanado millateri, islamarkaana ay weli gacanta ku hayaan dhismayaal ku teedsan Madaxtooyada.

“Ciidamada Mujaahidiinta ah ee fuliyay weerarada ayaa si xirfadaysan oo khibrad iyo xeelad ku dheehan tahay uga gudbay dhamaan jid-gooyooyinka faraha badan ee uu cadawgu dhigay wadooyinka Muqdisho, waxay gaareen goobihii yoolkoodu ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab “Waxay sidoo kale u tallaabeen dhanka madaxtooyada halkaas oo ay ku garaaceen madaafiic iyo rasaas culus.”

Qoraalka kasoo baxay kooxda oo ahaa mid ay ku libin sheeganayaan weerarka ay ku qaadeen Villa Rays ayaa waxa kale oo ay ku sheegeen in madaxweyne Xasan Sheekh ku kalifeen in uu si kumeel gaar ah uga guuro xarunta Madaxtooyada, sida ay sheegeen.

Ciidamada ammaanka ee dowladda oo isku dayaya inay soo afjaraan weerarka ayaa weli howl-gal culus ka wada Hoteelka Villa Rays oo ay gudaha u galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib laba qarax oo lagu dhuftay albaabka hore ee dhismahan oo ay daganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Dowladda Soomaaliya weli maanta kama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan saacadaha qaatay ee ay sheegatay kooxda Al-Shabaab, hase yeeshe Booliiska ayaa xalay shaaciyay in dad badan oo iskugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka Villa Rays.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo deegaano badan kala wareegay kooxda.

Sawirro: Maxay yihiin ciidanka Axmed Madobe iyo wasiirka difaaca ay soo bandhigeen?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho ugu tagay ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyay howl-galka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa waxa kormeerkan ku wehlinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage oo Jubbaland u joogay maalmahan bilaabista howl-galada ka dhanka ah argagixisada.

Axmed Madoobe oo ugu horeyntii halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka, islamarkana ay diyaar u yihiin xoraynta dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka deegaanada la xoreeyo kadib ay diyaar yihiin hay’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabad-sugida, ayada oo markaasi la bilaabi doono sidii dadka deegaanka ay usoo dooran lahayeen dadka u adeegaya.

“Argagixisada waa lagu jabiyay dagaalka ka socda gobolada dalka, waa la is raacin doona ayada oo laga xoraynayo deegaanada Jubbaland, oo ah halka uu howl-galka xoogiisa uu ka bilaaban doono.”

Waxa kale oo uu dadka shacabka ah uga digay inay ku kadsoomaan dacaayadaha iyo wararka beenta ah ee khawaariijtu ay faafinayso.

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntiina ku amaanay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay uga go’an tahay nabad kusoo celinta dalka iyo cirib-tirka argagixisada, taasi oo hadaba guulo la taaban karo laga gaaray.