29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Daawo: Yuusuf Kabaale oo Macawiisleyda ka dalbaday in ay hubka dhigaan + Sababta

0

Cadale (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan jiida hore ee dagaalka dalab xasaasi ah u gudbiyey maleeshiyaadka Macawiisleyda ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe.

Yuusuf Kaabe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dadaalkii ay wadeen uu guuleystay, isla-markaana la xoreeyey dhammaan deegaan doorashadiisa.

Sidoo kale wuxuu mahadceliyey dhalinyarada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo u istaagay la dagaalanka Al-Shabaab.

“Deegaan doorashooyinka aan kasoo jeedo caawa hal aana jiifan karin oo Khawaarij ay joogto ma jiro, Ilaah ayaana iska leh mahaddaas. Anigu caawa minaan dhinto waa faraxsanahay guushaas ayaan gaaray, waxaa u mahadcelinayaa dhalinyarada Macawiisleyda ee dadaashay” ayuu yiri xildhibaan Yuusuf Kabaale

Dhinaca kale wuxuu farriin u diray kooxda Macawiisleyda, wuxuuna ugu baaqay inay hubka dhigto islamarkaana ay qoryaha soo saarto, si ay ula wareegto dowladda Soomaaliya.

“Waxaan soo jeedinayaan oo baaq dheer kusoo jeedinayaa in lasoo saaro qoryaha, cadowna hal noqdo. Caawa waxii ka dambeeya laba dowlad kama jirto waxii qori heysto waa AlShabaab ama dowlada, qori guriga laguma heysan karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah meelaha uu ka socdo howlgalka ka dhanka ah Shabaab, waxayna ciidamada huwanta gaareen deegaano kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal.

Shaki ka dhashay weerarka Villa Rosa – “Waa la soo daayey qaraxa ee yaa soo daayey”?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo weli uu socdo howgalka lagu soo afjarayo weerarka tooska ee ay Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Villa Rosa oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada ayaa waxaa isa soo taraya shaki iyo su’aallo badan oo hareeyey weerarkaas.

Dad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiyiin ayaa ka falceliyey weerarkan oo ku billowday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo rag hubeysan ay ku galeen hoteelka.

Walaac xoogan iyo tuhuno badan ayaa laga muujiyey, sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay qorsheynta weerarkan oo lagu galay dhisme ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, islamarkaana ay ku yaallaan bara Control oo lagala socdo dhaq-dhaqaaqada Villa Somalia.

Siyaasiyiinta ka hadlay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, wuxuuna sheegay in waddada qaraxu ka dhacay iyo Villa Rosa aysan lug ku tegin karin shacabka, islamarkaana ay joogaan ciidamo tiro badan, balse uu isagu qabo tuhun ku aadan inay jirto wada shaqeyn hoose oo sahashay weerarkaas tooska ah.

“Waddo kasta ee Villa Rosa lagu tagi karo ciidan ayaa fadhiya, mana aha waddo shacabka u furan. Waa la soo daayay qaraxee yaa soo daayay?,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay weerarkan oo qaatay in ka badan 10 saacadood Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax, guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, kaas oo sheegay in aysan salaneyn in la galo Hoteelka Villa Rosa, maadaama ay ku yaallo xeyn-daabka madaxtooyada guud ee dalka looga arrimiyo

“Wax sahlan maaha in gudaha Madaxtooyada la galo iyadoo aan ognahay baraha laga galo sida loo hubiyo dadka galaya. Waa lasoo daayay Qaraxa ee yaa soo daayay?,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey inay jiri karto shabakad gudaha ah oo wax ka abaabushay weerarkan, wuxuuna dalbaday in la sameeyo baaris madax banaan.
“Waxaa muuqata inay shabakad gudaha ka hawlgalaysa ay jirto oo u baahan in si miirqabta loo baaro,” ayuu markale yiri Tuulax oo war qoraal ah soo saaray.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa kordhisay weeraradeeda, kadib kacdoonka lagu qaaday ee ka socdo gobollada dalka, waxayna aheyd 20-kii Agoosto markii ay weerar kan la mid ah ku qaaday Hoteelka Xayaat, waxaana kadib xigay kii Zoobe oo isna dhacay 29-kii Oktoobar.

Kulankii labada gole ee BF ee maanta oo dib loo dhigay kadib weerarka VILLA RAYS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan wadajir ah oo ay maanta ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa dib loo dhigay sababo la xiriirka lagu qaaday Hoteel Villa Rays oo u dhow Madaxtooyada Qaranka.

Qoraal kasoo baxay guddoonka sare ee labada Aqal ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka dib loo dhigay, kaasi oo uu ajendihiisu ahaa ka doodista miisaaniyadda 2023-ka.

Guddoonka oo farrintaan u diray dhammaan xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay inuu dib kasoo sheegi doono xilliga uu dhacayo kulankan oo ah mid muhiim ah

“Dhammaan xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS waxaa lagu wargelinayaa in kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole BFS dib loo dhigay. Guddoonka labada gole ayaa dib ka soo sheegi doona fadhiga xiga” ayaa lagu yiri woraal kasoo baxay guddoonka Baarlamaanka.

Weerarka Villa Rays oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa la xiriiroyey baaqashada kulankan, maadaama uu weli howlgal ka socdo aaga Madaxtooyada oo ah halka la eegtay.

Sidoo kale dadka lasoo bad-baadiyey ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaanno ku sugnaa Hoteelkan oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo Godka Jilicow.

Walaac xoogan iyo tuhuno badan ayaa laga muujiyey, sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay qorsheynta weerarkan oo lagu galay dhisme ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, islamarkaana ay ku yaallaan bara Control oo lagala socdo dhaq-dhaqaaqada Villa Somalia.

Maxay yihiin ciidanka cusub ee kasoo degaya Muqdisho?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – In ka badan 400 oo Boolis ah oo ka socda Ciidanka Booliska Uganda ayaa la qorsheynaya in la geeyo gudaha Soomaaliya toddobaadkan, kuwaasi oo kamid noqon doona howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)

Boqolaalka Booliska ah ee la geynayo Soomaaliya ayaa waxaa qiimeyn ku sameynaya Saraakiisha ururka Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia.

Ciidamada Booliska ah ayaa marka la geeyo Soomaaliya, sida qorshuhu yahay waxay dalka ku sugnaan doona illaa muddo sanad ah, haddii uusan wax iska bedelin qorshaha geyntooda.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa arbacadii lasoo dhaafay sheegay inay ka codsadeen dowladda Soomaaliya in ay dib u dhigto waqtiga bixida howl-galka ATMIS.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan doonaysa in la dhimo tirada ciidamada ATMIS, islamarkaana ugu yaraan sanadkaan dib loo celiyo labo kun oo askari.

In ka badan 20,000 askari oo ka socda Midowga Afrika ayaa haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo dalka u jooga howlaha nabad ilaalinta.

Ciidamadaan oo Soomaaliya ku jooga howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa inta badan lagu dhaliilaa inaysan waxba ka qaban dagaalka ay dowladda kula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Daawo: DF oo sheegtay in waqtiga cafiska uu ka sii dhamaanayo Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa kormeer ku tegay xerada ciidanka kumaandooska Danab ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo fariin culus uu uga diray dhalinayarada weli ka barbar dagaalameysa kooxda Al-Shabaab.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in laba wado oo kaliya ay u furan tahay dhalinyarada weli ka tirsan kooxda Al-Shabaab, 1-in ciidanka qaranka ay isku dhiibaan, 2-iyo in lagu dilo meel kasta oo lagu arko.

Sidoo kale wuxuu sheegay in fursada ay dowladdu siisay dhalinyaradaas ee ah inay isisoo dhiibaan aysan sii jiri doonin oo la gaari doono waqti aysan muhiimad laheyn is dhiibiddu.

“Guushu waa dhowdahay, waxaan rabnaa in aysan nagu sii dheeraan, kooxdu waxay habeen iyo maalin daadineysaa dhiigga dadkeenna, waxaan dooneynaa inaan deg deg dadkeena uga dul qaadno cadowga,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Taliyaha ayaa aad ugu mahad celiyey shacabka hubka qaatay iyo kuwa taageeraya ciidanka difaacaya dalka, isagoo sheegay in hadda la wada fahmay xaqiiqada.

“Waxaa noo muuqata in la wada fahmay oo shacabkeenu gartay in sida kaliya ee argagixisada looga guuleysa karo inay tahay garab istaaga ciidanka qaranka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa ciidanka Danab ee ku sugan Kismaayo wuxuu ku war-geliyey inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee dhawaan ka bilaaba doona deegaanada Jubbaland.

“Guud ahaan ciidanka xooggu waxay galeen dagaal guulo waaweyn laga gaaray, jab iyo halaag ayaa gaaray Khawaarijta, welina waa ku socdaa, guushu waa dhowdahay,” ayuu yiri Taliyaha oo ciidanka uga warbixiyey howlgallada ka socda gobollada dalka.

Hoos ka daawo

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay maanta maleeshiyaad hubeysan ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen dadka shacab ah, kadibna waxay isaga carareen goobta, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ayaanle Siciid Faarax oo kamid ahaa dhalinyarada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xaruntagobolka Mudug.

Weerarkan ayaa daba socda dagaal maalmo kahor ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, kaas oo u dhexeeyey labada maleeshiyo oo ku murmay dhul ku yaalla halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha dhaliyey iyo howlgallada xigay ee la sameeyey.

Degmada Gaalkacyo oo ka kooban koonfur iyo waqooyi, islamarkaana ay ka kala taliyaan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddiga ku ah amniga guud, sida qaraxyo, dailal qorsheysan iyo sidoo kale iska hor imaadyo hubeysan.

Rasaas weli laga maqlayo Hotel Villa Rays iyo howlgal culus oo socdo (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar in ka badan 10 sacaadood qaatay oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen dhismaha Hoteelka Villa Rays oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo godka Jilicow ee xayn-daabka madaxtooyada.

Weerarka ayaa weli socdo, waxaana rasaas laga maqlayaa dhismaha Hoteelka la weeraray oo ku yaallo meel amnigeeda, si weyn loo ilaaliyo, kuna dhow xarunta Villa Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka ee dowladda oo isku dayaya inay soo afjaraan weerarka ayaa haatan howlgal culus ka wada Hoteelka Villa Rays oo ay gudaha u galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib laba qarax oo lagu dhuftay albaabka hore ee dhismahan oo ay daganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Dowladda Soomaaliya welo kama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan saacadaha qaatay ee ay sheegatay kooxda Al-Shabaab oo maalmihii u dambeeyey kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha caasimada.

Booliiska ayaase shaaca ka qaaday in dad badan oo iskuugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka Villa Rays.

Dhinaca kale warar ay tebisay warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa sheegaya in wasiirka amiga Soomaaliya Axmed Doodishe uu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay weerarkaan, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin karo.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, balse saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegaya in saacadaha soo socdo ay soo afjari doonaan howlgalka, kadibna ay shaacin doonaan khasaaraha oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo deegaano badan kala wareegay kooxda.

Kim Jong Un oo shaaciyey arrin dunida cabsi gelisay

0

Seoul (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in goolkiisa u danbeeya uu yahay in uu yeesho awoodda ugu badan ee hubka nukliyeerka, isaga oo dalacsiiyay toboneeyo sarkaal oo militari ah, kuwaasi oo ku lug leh tijaabooyinkii dhowaan ee gantaallaha isaga gudba qaaradaha.

Ku dhawaaqistani ayaa yimid kadib markii uu Kim oo kormeeray tijaabada gantaalka cusub ee Hwasong-17 oo ah kuwa qaaradaha isaga gudba ee ICBM.

Waxa uu ballan-qaaday in uu iska caabin doono hanjabaadda nukliyeerka ee ka imanaysa Mareykanka oo uu kaga jawaabi doono hub nukliyeer ah.

“Dhisidda awoodda nukliyeerka ayaa ah mid ilaalineysa sharafta iyo madax banaanida dowladda iyo dadka, waana hadafkeena ugu dambeeya oo ah in aan helno xoogga istiraatijiyadeed ee ugu awoodda badan adduunka, waana xoogga aan horay loo arag qarnigan,” ayuu Kim ku yiri amarka dalacsiinta saraakiisha.

Waxa uu ugu yeeray gantaalka Hwasong-17 “hubka istaraatiijiyadeed ee ugu xooggan aduunka” waxa uuna sheegay in ay muujineyso ka go’naanta iyo awoodda Kuuriyada Waqooyi ee ay ugu danbeyn ku dhiseyso ciidanka ugu xooga badan caalamka.

WASIIRKA difaaca oo dalab culus u gudbiyey ciidanka Danab ee Kismaayo + Video

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maalin ka hor gaaray magaalada Kismaayo, wuxuuna saacadihii lasoo dhaafay tegay xerada ciidamada Danab ee duleedka Kismaayo, halkaas oo warbaahinta uu kula hadlay.

Wasiirka ayaa ciidanka iyo saraakiisha Danab kula dardaar inay u diyaar garoobaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab oo dhawaan ka bilaaba doona deegaanada Jubbaland.

Wasiir Jaamac ayaa ciidanka iyo saraakiisha warbixin ka siiyey jabka kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyey dagaallada ka socda gobollada dalka, kuwaas oo ka dhashay kacdoonka bulshada.

Wasiirka ayaa ciidanka u sheegay in shacabka dagaalamaya ay muhiim tahay inay ayagu hor kacaan, maadaama ay u soo tababarteen xoreynta iyo difaaca dalka, u dhaarteen, mushaarna ku qaataan.

“Intii dagaalkaani uu socday Shabaab waxaa ka dhimatay ugu yaraan laba kun oo qof, dhibkaas waa ku sii bada doonaa Khawaarijta, waxaan fariin u dirayaa wiilasha Soomaaliyeed ee la qalday, war isaga soo taga dhiigya cabka idin sirtay,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wiilasha hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab aysan dagaalamin, taas bedelkeedana ay dunida jaamacado ka dhigtaan ama nolol fiican oo amni ah ay ku noolyihiin.

“War wiilasheenow isaga soo taga nimankaas oo mustaqbalkiina u naxa, hadaa diidaan baaqeena, baqtigiina ayaan subax kasta wari doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Jaamac.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyey weerarka Villa-Rosa iyo booliska iyo Al-Shabaab oo war kasoo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotelka Villa-Rosa oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo godka Jilicow ee xayn-daabka madaxtooyada, waxaa ka soconaya weerar toos ah oo koox ka tirsan Al-Shabaab ay ku soo qaaday.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo waaweyn, waxaana Hotelka iyo hareerihiisa degan wasiirro, xildhibaano iyo masuuliyiin aad u badan oo ka tirsan dowladda.

Warar ay tebisay warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa sheegaya in wasiirka amiga Soomaaliya Axmed Doodishe uu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay weerarkaan, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin karo.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegtay in wasiirka amniga uu dhaawac soo gaaray, kooxdu intaas ku sii dartay in dagaalyahano fuushan qeybaha kore ee Hotelka ay duqeynayaan madaxtooyada qaranka.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Caawa fiidkii ayaa koox Khawaarij ah waxay weerareen Hoteel Ganacsi oo ku yaalla degmada Boondheere. Ciidamada Amniga ayaa wada hawlgal lagu soo afjarayo weerarka Khawaarijta. Waxaa goobta laga badbaadiyay dad isugu jira Shacab iyo masuuliyiin. Wixii faahfaahin dib ayaan idin kala wadaagaynaa.”

Rasaas si teel-teel ah u dhacaysa ayaa laga maqlayaa aagga uu ku yaalla Hotelka la beegsaday ee Villa-Rosa.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Daawo: Macawiisley 5,000 dollar ku helay dilka horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka oo uu horkacayay Gaashaanle dhexe Muqtar Xasan Tifoow Shaah-macabe ayaa maanta lacag dhan 5-kun oo dollar guddoonsiiyay xubno ka mid ah ciidamada Macawisleyda ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Lacagta abaal-marinta ah oo uu guddoomay Maxamed Maalin Janaqow oo ka mid ah xubnaha afarta ah ayaa waxay ku muteysteen dilka mid kamid ah horjoogayaasha Shabaab, oo toddobaadkii hore ay ku dileen weerar ay ku qaadeen degmada Ceelbaraf.

Horjoogaha la dilay ayaa sida la sheegay waxa uu xiligaasi ku howlana qaadista lacagaha baada ah ee Al-Shabaab, kuwaasi oo uu ka aruurinayay shacabka deegaankaasi.

“5-kun oo dollar waa haysataan, waad leedihiin afartiina Nin ee soo dilatay ayaa iska leh. Nin madax ah (oo ka tirsan Khawaarijta Shabaab) ninkii soo dila waxa uu leeyahay Shan kun oo dollar. Hore ayaa loo ballan-qaaday, haddana haddii aad u soo noqotaan waa diyaar,” ayuu yiri Gaashaanle dhexe Muqtar Xasan Tifoow.

Abaal-marinta lacageed ayaa qeyb ka ah dhiiri-gelinta ciidamada ku jira dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, ayada oo hore sidan oo kale kumanaan dollar loo guddoonsiyay askar soo dishay xubno iyo horjoogayaal Shabaab ah.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo la rumeysan yahay in uu ahaa masuulkii bilaabay abaal-marinta noocan ah ayaa waxa uu hore fagaare ku taalla degmada Maxaas ku bixiyey lacag dhan 10-kun oo dollar.

Cali Jayte ayaa lacagtaas ku wareejiyey askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, ayada oo ragga lacagta la siiyey xiligaasi ay xubnaha Shabaabka ah ku dileen degaanka Moqokori oo howl-gal qorsheysan ay ka fuliyeen.

Ciidamada kacdoonka oo la wareegay degaan muhiim oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelllaha Dhexe.

Deegaanka ay maanta la wareegeen ciidamada huwanta ah ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku sugnaa kooxda Al-Shabaab, ayada oo maalmihii la soo dhaafayna laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Saraakiisha ciidamada deegaanka ee howl-galka hogaaminayay ayaa dhankooda sheegay inay si nabad-gelyo ah kula wareegeen Ceelbaraf, kadib markii ay isaga baxeen xubnihii Shabaabka ahaa ee ku sugna

“Markii aan tagnay Ceelbaraf waxaa ku aragnay duruufo badan oo heysta bulshada deegaanka oo dhowrkii billood ee lasoo dhaafay ay maamulayeen nimanka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Kabtan Abuukar Axmed Cabdulle (Taqile) oo kamid ah saraakiisha ciidamada deegaanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ciidamada wadaan howl-galo ay ku raad-joogaan dagaal-yahaanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee isaga baxay deegaanka Ceelbaraf, ayna sii wadi doonaan howl-galada.

Toddobaad ka hor unbey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa xoreynta deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe ee loo yaqaano Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen deegaanka maanta ay la wareegeen ciidamada huwanta ee ka kooban kuwa dowladda iyo deegaanka.

Howl-galada ayaa imaanaya xili dhawaan deegaanka Miirtaqwo oo u dhow Ceelbaraf lagu soo bandhigay ciidamo deegaanka ah oo hubeysan, kuwaasi oo sheegay inay diyaar u yihiin la-dagaalanka Al-Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaato ku hayaan dadkooda.

Si kastaba, Waxaa toddobaadyadii tegay uu gaabis ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka, taasi oo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu tago furimaha dagaalka, si uu u dhiiri-geliyo ciidamada.

Sheekh Aadan Sunne oo shaaciyey ‘arrimo xasaasi ah oo ka socda’ Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo la hadlay warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in hay’addo shisheeye ay Somaliland ku faafiyaan diinta Masiixiga, sida uu hadalka u dhigay.

Aadan Sunne ayaa sheegay in arrintaan ay kamid aheyd waxyaabihii xukuumada Somaliland iskaga horyimaadeen, gaar ahaan la-dagaalanka laba hay’addood oo reer galbeed ah oo deganaa Hargeysa iyo agagaarkeeda.

“Laba sannadood ayaanu dacwad ku jirnay, waxaanu soo bandhignay dhukumantiyadii iyo baybaladii ay faafinayeen iyo dadkii ay la kulmeen oo markhaati ah, anagu waanu u dhib mudanay. Markii maxkamada la i keenay waxa la yidhi wadaadkan waxa laga kari laayahay hay’addaha waddanka u jooga safamalka,” ayuu yidhi Aadan Sunne.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hay’addaha faafiya diimaha shisheeye ay gacanta ku dhigeen nidaamka tacliinta Somaliland, oo ay qorshaynayaan in degmo kasta iyo gobol kasta oo kamid ah maamulkaasi ay ku lug yeeshaan, sida uu hadalka u dhigay.

Aadan Sunne oo ka qayb-galay shir ay lahaayeen culimada ugu waawayn kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegay “in laga tashanayay gaalo uu sheegay inay Soomaaliya Masiixiyad ku faafinayaan iyo Soomaali soo dhawaysay oo iyaguna la xukun ah” sida uu sheegay.

Wadaadkan oo hore uga mid ahaa culimada Somaliland, dhowr jeerna lagu xiray gudaha magaalada Hargeysa ayaa bishii March ee sanadkaan si dhuumasho ah uga soo baxsaday Somaliland, isaga oo markaasi ku biiray kooxda Al-Shabaab ee iyadu laftigeedu huwan fikir diimeed guracan.

Xil wareejin ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasibad Xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa xilka kula kala wareegay Agaasimaha cusub ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Aadam Hoosow iyo Agaasimihii hore Dr. Cali Ciise Cabdi.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh oo furay munaasibadaan ayaa bogaadiyay shaqadii wax ku oolka ahayd ee ay qabteen xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka, isaga oo u hambalyeeyay xubnaha cusub ee Madaxweynuhu u magacaabay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow.

Xubnihii hore ee La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka ayaa dhankooda soo dhaweeyay isbedelka cusub, iyaga oo si qotodheer u faah-faahiyay shaqadii ay Qaranka u hayeen sanadihii la soo dhaafay, cilmi-baaristii ay sameeyeen iyo la-talintii ay dowladda ka siin jireen arrimaha mudnaanta u leh dardar-gelinta soo kabashada iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale waxay xubnaha cusub u rajeeyeen inay si wanaagsan u gutaan xilkooda, iyagoo ballan-qaaday inay la garab istaagi doonaan wixii talo iyo taageero ah ee ay uga baahdaan.

Dr. Xasan Aadam Hoosow, Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabbilsan Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa u mahad-celiyay xubnihii hore ee Golaha.

Agaasimaha cusub ayaa sidoo kale faah-faahiyay barnaamijyada u qorshaysan inay fuliyaan iyaga oo ka duulaya aragtida Madaxweynaha ee “Soomaali Isku Filnaatay” taasi oo ku salaysan sidii dalka dhaqaalihiisa loo kobcin lahaa, loona dardar-gelin lahaa hirgelinta qorshayaal iyo siyaasado dhaqaale oo la jaanqaadaya isbedellada casriga ah ee dhanka teknaloojiyadda.

Ugu dambayntii waxaa munaasibada Xil-wareejinta Golaha Dhaqaalaha Qaranka si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Nuur, isaga oo hoosta ka xariiqay muhiimadda Goluhu u leeyahay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Qaranka.

Waxa uu dhankiisa ballan-qaaday in Wasaaraddiisu ay si dhaw ula shaqayn doonto Golaha, iyaga oo tix-gelin doona talooyinka waxtarka leh ee ay la wadaagaan.

Wasiir Cilmi Nuur ayaa geba-gebadii munaasibadda si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay gudoonkii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu metelayay Dr. Aweys Sheekh iyo Agaasimaha cusub ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow.

GALMUDUG oo gacanta ku dhigtay ajaaniib ay muddo heysatay AL-SHABAAB

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda ee maamulkaasi ayaa gacanta ku dhigay Ajaaniib fara badan oo muddo fog ay heysteen dagaalyahanadda kooxda Al-Shabaab.

Ajaaniibtaan oo tiro ahaan gaaraya illaa 20 qof ayaa siddeed sano kahor waxaa afduubtay koox burcadbadeed, kuwaas oo ay mar dambe kala sii wareegtay Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in Ajaaniibtan ay Sabtidii soo galeen gacanta Galmudug, waxayna kasoo kala jeedaan dalalka Pakistan, Iran iyo Bangladesh.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda Al-Shabaab ay iskeed usoo deysay raggan, kadibna ay sidaas ay ku soo gaareen Galmudug oo ka qabatay deegaanadeeda.

Guddoomiyaha degmada Hobyo, Cabdullaahi Axmed Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay baaris ku hayaan raggaas oo sheegay inay yihiin Kalluumeysato.

“Horta ciidamada Booliska waxay gacanta kusoo dhigeen niman Ajaaniib ah oo ka yimid dhinaca Al-Shabaab laakiin sheegay inay yihiin niman Kalluumeysato ah oo ay heysteen Al-Shabaab, hadda dowladda gacanteeda ku jiraan, baaritaano ayaana ka socdo,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Lama oga sida ay ku timid sii deynta raggaan Ajaaniibta ah ee muddada dheer ku afduubnaa gudaha Soomaaliya, mana cadda in Al-Shabaab lasiiyey madax furasho.

Si kastaba, arrintan ayaa kusoo aadaysa, xilli haatan Al-Shabaab ay wajaheyso cadaadis xoogan oo uga imaanaya howlgallada ka socda gobollada dalka oo ay ku jirto Galmudug.

ANWAR IBRAHIM oo kasoo jawaabay fariintii XASAN

0

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Malaysia Anwar Ibrahim ayaa kasoo jawaabay fariintii hambalyada eheyd ee uu u diray madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Anwar ayaa sidoo kale sheegay in Malaysia ay dooneyso inay xoojiso xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarinta arrimaha faa’iidooyinka u leh labada dal.

“Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh waa ku mahadsan tahay rajeyntaada wanaagsan. Malaysia waxay sidoo kale aad u danaynaysaa inay wanaajiso xiriirka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo gaaritaanka horummada faa’iidooyinka u ah labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri. 

Anwar Ibrahim ayaa Khamiistii loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha Malaysia, kadib shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed uu ka taagnaa dalkaas, kadib markii doorashooyinkii baarlamaan uu xisbina ka heli waayey kuraas aqlabiyad ah ah. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu isla maalintaas soo saaray ku yiri “Waxaan hambalyo kal iyo laab ah ugu dirayaa Anwar ibrahim inuu noqday Ra’iisul Wasaarihii 10-aad ee Malaysia. Intii uu xilka hayo Anwar Ibrahim, Soomaaliya waxay rajaynaysaa inay xoojiso horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah ee dhammaan dhinacyada faa’iidada noo wada leh.”

Noqshada Anwar ee ra’iisul wasaaraha ayaa soo afjartay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xamaasadda badnaa ee taariikhda Malaysia, kadib markii xisbi-na uusan helin aqlabaiyad uu dowlad kusoo dhiso, markii ugu horreysay tan iyo xoriyaddii 1957.
 

Isaga oo ku ololeeyey farriin ka dhan ah musuq-maasuqa, isbaheysiga uu hoggaamiyo Anwar ee Pakatan Harapan ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashadii dhacday dhammaadka toddobaadkan, wuxuuna helay 82 kursi.

Hase yeeshee, wuxuu aad uga hoos maraya tirada loo baahnaa ee aqlabiyadda oo ah 112.

Si looga gudbo is-mari waaga, boqorka ayaa u yeeray Anwar iyo ra’iisul wasaarihii hore Muhyiddin Yassin oo xisbigiisa Perikatan Nasional uu kaalinta labaad ku galay 73 kursi. Hase yeeshee heshiis waa ay gaari waayeen.

Boqorka ayaa kadib kulan gaar ah la yeeshay xubnaha kale ee boqortooyada kahor inta aan lagu dhowaaqin in Anwar uu yahay ra’iisul wasaaraha.

Xilka ra’iisul wasaaraha ayaa Anwar, oo 75 jir ah, u ah dhammaadka 25 sano oo safar dheer ah. 

Sawirro: Xamza oo maanta ballan-qaad cusub ka helay URURKA Midowga Yurub

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka  ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay Danjiraha Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Tiina Intelmann.

Xamza ayaa kal hadlay Tiina Intelmann xoojinta taakuleynta ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada arrimaha bini’aadanimada & horumarinta adeegyada muhiimka ah.

Sidookale waxaa kulanka lagu soo qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, siiba xasillinta deegaanada la xorreeyay ee ay la wareegtay dowladda, waxaana ra’iisul wasaaruhu sheegay in deegaanadaas ay u baahan yihiin gurmad degdega.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kal uga mahad-celiyey Ururka Midowga Yurub doorka uu ka qaato dowlad dhiska Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee dalka.

Danjire Tiina oo madasha ka hadashay ayaa dhankeeda u ballan-qaaday xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza inay sii wadi doonto taageerada uu Midowga Yurub  siiyo Soomaaliya, gaar ahaan taakuleynta dhinacyada kala duwan leh.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah Ururada waa weyn ee caalamiga ah, islamarkaana gacan siiya dowladda federaalka ah oo haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, ballan-qaadka loo sameeyey ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadaya, xilli haatan dowladda Soomaaliya ay taageeri u raadineyso howlgallada ka socdo dalka iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada laga xoreeyey Al-Shabaab.

Ciidamada booliska oo rag hubeysan ku qabtay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo baaritaano ah ka sameeyey xaafado ka tirsan Muqdisho, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga, sidoo kalena looga hortagayey kooxaha dhaca u geysta shacabka.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu faahiyey howlgalladaasi, waxaana lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen kooxo burcad ah oo dhaca ka geysanayey Waaxda Barwaaqo ee Xamar-Jadiid oo ka tirsan degmada Warta Nabadda.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegeen hubkii ay wateen ragga hubeysan oo labo ahaa iyo mooto Bajaaj ay u adeegsanayeen dhaca.

“Abaare 10:00 fiidnimo ee xalay, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafada Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo geystay,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska Booliska.

Sidoo kale wuxuu taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed intaasi ku daray in raggan ay isla xalay dhac kasoo geysteen xaafadda Daallo ee degmada Howlwadaag, kadibna ay soo baxsadeen, ayaga oo soo galay degmada Warta Nabadda oo ugu dambeyn lagu qabtay.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale u yeeray dhibanayaasha ay dhaca iyo dhibaatada u geysteen kooxdaasi gacanta lagu soo dhigay, si loogu wareejiyo agabkooda.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa kordhiyey howlgallada ka socda caasimada, si looga hortago dhaca hubeysan, dilalka qorsheysan iyo qaraxyada.

Gudoomiye Sacdiyo: Muqdisho waan ka tegayaa hadii aan ku guul-dareysto in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa weerar afka ah ku qaaday qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed, xilli ay ka qeyb gashay kulan looga arrinsanayey dhowridda xuquuqda haweenka.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay la kulmaan xadgudubyo joogto ah, isla markaana ay intaas u dheertahay weerar iyo hanjabaado ay kala kulmaan culumo intooda badan dibadda jooga.

“Waxaa jira kuwo culumo isku sheeg ah oo si joogto ah noogu hanjaba, walaahi iima dhaara kartid adigoo dal kale magan geliyo ku jooga, Al-Shabaab ayaad garab joogtaan, waana iska kiin dhici doonaa, culumo isku sheeg ayaa tihiin,” ayey tiri Xildhibaan Sacdiyo.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa wacad ku martay in Muqdisho ay ka tegi doonto, hadii ay ku guul dareysato in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyo sharciga jinsiga, kaas oo difaaci doona gabadhii lagu sameeyo xad-gudub.

“Xuquuqda haweenka inaan u doodo mar dhow ayaan bilaabay, waana shameystirayaa, waxaan ilaahey hortiis ka balan-qaadayaa in Muqdisho aana sii joogi doonin hadii sharcigaas la ansixi waayo,” ayey hadalkeeda ku sii dartay xildhibaan Sacdiyo.

Waxay sheegtay in xilligaan haweenka Soomaaliyeed ay awood badan ku dhex leeyihiin dowladda, iyagoo taas ka duulayana ay xuquuqdooda dhacsa doonaan, “Anigu waxaan dacwo ka ahay niman badan oo dibadda jooga, iima dhaara karaan, iyadoo safaaradiinu ay Muqdisho ku taallo,” ayey tiri Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Hoos ka daawo

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo wafdiga ay u dirtay DF?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilsay wafdi ka socday dowladda federaalka, kaas oo uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wadigan oo shalay gelinkii dambe Kismaayo ka dagay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ciidan.

Ugu horreyn labada dhinac ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Warar aan heleynyo ayaa sidoo kale sheegaya in Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliye Odowaa ay si gaar ah Axmed Madoobe ugula hadleen sidii Jubbaland looga bilaabi lahaa guluf ka dhan ah Al-Shabaab, sida gobollada kale, si culeys loo sii saaro kooxdaasi.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la dhaqaajiyo howlgallada ka socda Jubbooyinka, sidoo kalena lag howgaliyo ciidamo badan oo lagu diyaariyey magaallo xeebeedka Kismaayo.

Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna si buuxda gacanta ugu heysaa gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku leedahay sadhig weyn.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ayaa horboodeyso kacdoonka ka billowday, kaas oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka oo haatan toos ula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.