29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo wafdiga ay u dirtay DF?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilsay wafdi ka socday dowladda federaalka, kaas oo uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wadigan oo shalay gelinkii dambe Kismaayo ka dagay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ciidan.

Ugu horreyn labada dhinac ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Warar aan heleynyo ayaa sidoo kale sheegaya in Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliye Odowaa ay si gaar ah Axmed Madoobe ugula hadleen sidii Jubbaland looga bilaabi lahaa guluf ka dhan ah Al-Shabaab, sida gobollada kale, si culeys loo sii saaro kooxdaasi.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la dhaqaajiyo howlgallada ka socda Jubbooyinka, sidoo kalena lag howgaliyo ciidamo badan oo lagu diyaariyey magaallo xeebeedka Kismaayo.

Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna si buuxda gacanta ugu heysaa gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku leedahay sadhig weyn.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ayaa horboodeyso kacdoonka ka billowday, kaas oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka oo haatan toos ula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

 

Somaliland oo gacanta ku dhigtay nin ajnabi ah oo jilib iyo feer ku dilay wiil dhallinyar

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaas oo uu geystay nin ajnabi ah oo kasoo jeeda qoomiyada Oromada ee ku nool deegaanada maamulkaasi.

Dilka ayaa ka dhacay Hoteelka Guuleed oo ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Somaliland.

Booliska ayaa magaca eedeysanaha ku sheegay Ifsa Axmed Shariif, waxaana loo heystaa dilka Marxuum Aamiin Siciid Sidiiq oo 22 jir ahaa.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in eedeysana uu marxuumka ku dilay Feer iyo Jilib, kadib dagaal gacan ka hadlay oo ku dhex-maray gudaha Hoteelka.

“Eedeysanahan ayaa ku eedeysan in uu ku dilay Marxuumka Feedh jilib uu ku dhuftay, dilkan ayaa ka dhacay Hoteel Guuleed ee magaalada Hargeysa hortiisa,” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale Booliska Somaliland ayaa intaasi ku daray in eedeysanaha oo goobta ka baxsaday, kadib dilka ay gacanta kusoo dhigeen laamaha ammaanka, kuwaas oo haatan baaritaano dheeraad ah ku haya dhacdadaan, si tallaabo looga qaado eedeysanaha.

“Ciidanka Booliska ayaa markii lagu soo war galiyey dhacdada silkaasi ka hawlgalay waxayna saacado gudahood ku soo qabteen eedaysanaha oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska Booliska.

Ugu dmabeyn ciidamada Booliska ayaa u mahadceliyey shacabka Somaliland, ayaga oo ku amaanay sida ay ugala shaqeeyaan amniga iyo xogaha ay mar-weliba la soo wadaagaan.

Si kastaba, waa dilkii labaad ee 24 saac gudahood ka dhacaya magaalada Hargeysa, ayada oo dhacdo tan la mid ah habeen hore ka dhacday Hoteelka Niil, kadib markii eedeysane  Baashe Faarax Cabdi oo lasoo qabtay uu toorey ku dilay Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan.

Axmed Luqmaan oo shaaca ka qaaday arrin loo baahan yahay in laga sameeyo K/G

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Luqmaan oo ah guddoomiyaha Golaha la magac baxay Samata-bixinta Aw-Digil ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada.

Axmed Luqmaan oo wareysi gaar ah siiyey Universal TV ayaa ka falceliyey shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu dhowaan ku baaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ninkan ayaa shaaca ka qaaday in xilligan aysan Koonfur Galbeed u baahneyn dib u heshiisiin ee ay baahan tahay dib u sixid maamul, sida uu hadalka u dhigay.

“Shirka aan soo jeedinaayo aniga waxaa weeye in lagu darsado, hadii ay ogyihiin dagaal jiro oo dad is dagaalay la heshiisiinaayo. Qodobkan dib u sixidda maamulka inay ku darsadaan ayaa haboon ” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Sama-bixinta Aw Digil, Luqmaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka degan Shabeelaha Hoose ay hoos dulman yihiin Koonfur Galbeed, isaga oo tilmaamay inay xuquud badan uga maqan tahay.

“Maamulka Koonfur Galbeed guud ahaan waa qaldan yahay, gaar ahaan Shabeelaha Hoose ayaa aad u qaldan yacni meel la dayacay waayey,” ayuu raaciyey Axmed Luqmaan.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada maamulka iyo sidii loo hagaajin lahaa mustaqbalka Koonfur Galbeed, maadaama doorasho la galayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad cakiran ay ka taagan tahay gudaha magaalada Baydhabo oo laga dareemaya xiisad siyaasadeed oo ku aadan muranka doorashada, waxaana xiisadda uga sii daray muddo kororsiga madaxweyne Laftagareen.

Daawo: Korneyl Shuute oo shaaca ka qaaday qorshe culus oo ku wajahan Cadale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo ka mid ahaa masuuliyiintii Madaxweyne Xasan Sheekh u raacday safarkii uu ku tegay degmada Cadale iyo deegaanada hoos taga, ayaa ka hadlay qorshahoodii safarka Cadale.

Shuute ayaa sheegay in safarkaas uu muhiim u yahay joojinta dagaalka sokeeye ee aagga Cadale ka socda iyo sii socoshada dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Ciidamo gaar ah iyo xeer ilaaliye ka socda garsoorka ciidamada ayuu sheegay inay ka howl-geli doonaan deegaanadii ay beelaha walaalaha ah ku dagalameen ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo qof kasta halkii uu dhibaato ku geyso deg deg tallaabo looga qaadi doono.

Guddoomiye Shuute ayaa cadeeyey in xiligaan sababta ay u tageen Cadale uu ahaa in la go’aamiyey in halkiisa lagu dilo qofkii dambe ee qof dila, isagoo digniin u diray odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo cid kasta oo suurtagal ay ka tahay inay isku dirto beelaha, qofkii aan dil muteysan wuxuu ugu goodiyey xabsi dheer.

Heshiiskii ay gaareen beelihii dagaalamay ee habeen ka hor lagu kala saxiixday Cadale ayuu sheegay Shuute inuu yahay mid aad u fiican oo lagu kala nabad gelaayo, isagoo cadeeyey in garsoonka ciidamada ay ka go’antahay in heshiiskaas la dhaqan geliyo.

Guddoomiye Shuute ayaa si cad u sheegay in dagaalka beelaha ee Sh/Dhexe uu hakad geliyey dagaalkii Al-Shabaab, si taasi aysan u dhicina wuxuu balan-qaaday in qofkii isku daya inuu fidno dambe kiciyo ay tallaabo sharci ah deg deg uga qaadi doonaan, ka garsoor ahaan.

Hoos ka daawo

Daawo: Baahi weyn oo ay qabeen bulshada Cadale oo shalay uu dhameystiray Xasan

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xariga ka jaray Isbitaalka cusub ee Sheekh Axmed Gabyoow oo laga hirgaliyay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe oo madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyay xarig ka jarka Isbitaalka ayaa waxa uu warbixin ka siiyay dhismaha isbitaalkan iyo marxaladihii uu soo maray.

Guudlaawe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe laga hirgaliyay mashaariic kala duwan.

Isbitaalkaan oo fulin doona adeegyo caafimaad oo muhiim ah ayaa kaalin muuqda ka qaadan doono daboolida baahiyaha Caafimaad ee degmada, wuxuuna kusoo aadaya xili bulshada deegaanadaan ay u qabeen baahi wayn.

Haweenka uurka leh iyo dadka dhaawacyada soo gaara ayaa markii hore masaafo aad u dheer oo jid raf ah u soo mari jiray in adeeg Caafimaad helaan oo la keeno Muqdisho, qaarkood inta jidka ku soo jiraan ku umula ama umul raacato.

Degmada Cadale ayaa sidoo kale waxaa horey looga hirgaliyay mashaariic kala duwan oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka, maamulka HirShabelle iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

DEG DEG: Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Muqdisho iyo weerar toos ah oo socda

0

Muqdisho Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxa qaraxyo waaweyn oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga godka Jilicow oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu horeyn qarax weyn loo maleynayo is-miidaamin ayaa dhacay, kadibna waxaa xigay qaraxyo kale iyo rasaas toos ah.

Dad ka ag dhow aagaas ayaa Caasimada Online u sheegay in koox hubeysan ay gudaha u gashay Hotel lagu magacaabo Villa-Reys.

Weli waxaa laga maqlayaa aaggaas rasaas si darandoori ah u dhacaysa.

Illaa hadda war sugan lagama helin cidda la bartilmaameedsaday, iyadoo halka weerarku uu ka socdo ay aad ugu dhowdahay madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Daawo: Cali Yare “Maanta waxaan wareejiyey xil FAKE ah oo wax aad xukunto aysan jirin”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo maanta xilkii wareejiyey ayaa sheegay inay waayeen kalsoonida Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Cali Yare ayaa sheegay inuu maanta wareejiyey xil aan jirin oo (fake) ah, isagoo sheegay in kursigaan dhanka amniga u qaabilsan maamulka gobolka Banaadir aysan hoos imaan wax hey’ado amni ah.

“Maanta amniga aan guddoomiye Yabooh ku wareejinayo waa mid (fake) ah oo hey’adaha amniga aad shaxaad kula shaqeyneyso, guddoomiye waxaan kugula talinaa in magaaladaan Muqdisho aad dhaxal uga tagto, oo maqaamku ugu horeeyo,” ayuu yiri Cali Yare.

Sidoo kale Cali Yare ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku qaldaneyn in xilka uu ka qaado, isagoo ku faanay in weli uu daacad u yahay Farmaajo, wuxuuna xubnaha cusub kula dardaarmay inay daacad u noqdaan madaxweynaha kalsoonida siiyey.

“Laba qodob ayaan idinkula dardaarmayaa, 1-daacad u noqda madaxweynaha kalsoonida idin siiyey oo weligii qiyaano ka ilaaliya, 2-iyo in xilka la idiin dhiibay uusan idin bedalin, xilku hadii uu ku bedalo waxbaa si kaa ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Yare.

Ugu dambeyntii Cali Yare ayaa aad u amaanay guddoomiyaha lagu bedalay oo sida uu sheegay aad u yaqaana shaqada loo soo magacaabay, wuxuuna kula dardaarmay in dadka reer Muqdisho uu dhaxal uga tago.

Hoos ka daawo

QM oo eedeyn culus u jeedisay hay’adaha amniga Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaramada Midoobay ee ka hortaga jirdilka ayaa soo saaray natiijada baaris ku saabsaneyd tacadiyada ka dhanka ah jinsiga ee ka dhaca dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Warbixin uu soo saaray guddigaan ayaa waxa uu ku sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida ee NISA, ciidanka Xooga dalka iyo kuwa kale oo ka tirsan dowladda & kuwa aan dowliga ahayn ay geystaan xad-gudubyo jirdil ah.

“Xukunada dilalka ah ee ka dhaca Soomaaliya waxay soo bandhigaan arrimo halis ah oo kasoo horjeeda ilaalinta xuquuqda Aadanaha,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Guddiga QM ayaa waxa uu dowladda federaalka ka codsaday inay si deg deg ah loo dhiso hay’ad Qaran oo xuquuqda aadanaha ah iyo in la hubiyo oo la baaro dhamaan jirdilka ay geysteen hay’adaha kala duwan ee dowladda.

“Dowladda Soomaaliya waa inay qaado dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah, si loo xoojiyo ilaalinta dhamaan dadka rayidka ah, ayadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo xeerarka caalamiga ah ee bani’aadamnimada,” ayuu yiri Madaxa xuquuqul Insaanka ee QM oo baaq u jeediyay dowladda federaalka.

Sidoo kale bayaan kasoo baxay xafiiska xuquuqul Insaanka ayaa waxaa loogu baaqay dhamaan dhinacyada ku lugta leh arrimahaan inay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini-aadantinimada iyo inay xaqiijiyaan in dadka rayidka ah la ilaaliyo.

Xog: Odoyaal dhaqameedyo caan ah oo laba toddobaad ka badan ku xiran Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxaa muddo labo toddobaad ka badan ku xiran saddex oday dhaqameed oo kamid ah dhaqanka ugu caansan deegaanada maamulkaasi.

Odayaasha xiran ayaa kala ah Ugaas Axmed Ugaas Siraad Ugaas Baqow, Nabadoon Cabdullaahi Bile Siciid iyo Nabadoon Cabdi Bare Maxamed (Bare Ashuun), kuwaasi oo ka soo jeeda beesha Hartiga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Saddexdaan Oday dhaqameed la xiray kadib markii ay degmada Jilib u tageen xarig ay kooxda Al-Shabaab u gaysatay ganacsato ka soo jeeda beeshooda.

Odayaal dhaqameedkaan ayaa weli wax maxkamad ah la gayn, ayada oo maamulka Jubbaland uu mamnuucay in laga hadlo xarigooda, xili ay Kismaayo ku xiran yihiin in ka badan labo toddobaad.

Nabadoon ku sugan Kismaayo oo la hadlay warbaahinta gudaha, islamarkaana codsaday in aan magaciisa la xusin sababo amni awgeed ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku gacan seyray ergo ay ka galeen odayaal dhaqameedka xiran.

Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa hore dhowr jeer xarig iyo masaafurin kula kacay odayaal dhaqan oo qaarkood ka aragti duwan yihiin madaxweynaha, lamana oga waxay ka yeeli doonaan saddexda Oday dhaqameed.

Gabar yar oo Soomaali ah oo lagu afduubtay waddanka…

0

Cape Town (Caasimada Online) – Gabar yar oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in laga afduubtay goob ganacsi oo ku taalla deegaanka Delft oo ka tirsan magaalada Cape Town ee xarunta gobolka Western Cape.

Warbaahinta dalka Koonfur Afrika qaarkood ayaa tabiyay in gabar oo 15 sanno jir ah afduubteen kooxo burcad ah oo illaa hadda haybtooda la garaneyn, xilli ay ku sugneyd dukaan aabaheed uu lahaa.

Kooxda hubeysan oo ka kooban ilaa 5 nin ayaa la sheegay inay gudaha dukaanka galeen kana soo kaxeysteen Gabadhaan yar oo la sheegay in xilliga afduubka dhacayay aabaheed ku mashquulsanaa in adeeg gaari ka dejiyo.

Afhayeenka booliska gobolka Western Cape Ndakhe Gwala oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in kiiska afduubka ee gabadha Soomaaliyeed ay ka war heleen, islamarkaana ay ku mashquulsan yihiin baaritaanka iyo sidii ay usoo celin lahaayeen.

Waxaa marar badan dalka Koonfur Afrika ka dhaca afduub loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood lacago madax furasho ah lagu soo daayo, hase yeeshe waxaa cusub in la afduubto caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha.

Sawirro: Xasan oo dhagax dhigay GAROON diyaaradeed si casri ah loo dhisayo

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Cadale.

Garoonka diyaaradeed oo dhawaan dhismihiisa uu bilaaban doono ayaa waxaa lagu wadaa in loo dhiso si casri ah, ayada oo la filayo in wax badan uu kusoo kordhin doono harumarka deegaanka iyo isu-socodka bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasibada dhagax dhiga ayaa sheegay in garoonkaan uu muhiim u yahay bulshada deegaanka, isaga oo xusay in dhismihiisa uu qeyb ka noqon doono mashaariicda laga fulinayo gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Xasan Sheekh oo maalmihii dambe ku sugnaa degmada Cadale ayaa halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay madaxda ugu sareysa maamulka HirShabelle, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo Odayaasha dhaqanka Mudulood.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in madaxweynaha intii uu ku sugna degmada Cadale uu qeyb ka ahaa taageerada baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, kaasi oo adkeynaya heshiisiinta bulshada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda in la xoojiyo nabadda, horumarka deegaanka iyo dib u heshiisiinta bulshada, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in aan la aqbalin karin in jidgooyo sharci-darro ah la dhigto deeganada gobolka, islamarkaana lagu dhibaateeyo muwaadiniinta safarka ah.

Sidoo kale waxa uu faray laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka inay u midoobaan qofkasta oo lagu helo in uu caqabad ku yahay wada noolaashaha iyo xasilloonida gobolka.

Sawirro: Xil wareejino maanta ka dhacay xarunta G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Guddoomiye ku-xigeenada cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka.

Munaasabadda oo ka dhacday Aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, qaar kamid ah Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenada cusub, kuwii hore iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo munaasabadda xil wareejinta ka hadlay ayaa kula dardaarmay xubnaha cusub in si xilkasnima leh oo daacadi ay ku jirto loogu adeego bulshada caasimadda, isagoo madaxdii xilka wareejisay ku amaanay howlihii ay kasoo qabteen maamulka gobolka.

“Waan uga mahad-celinayaa xubnihii hore shaqadii ay soo qabteen, xubnaha cusub (Guddoomiye ku-xigeenada cusub iyo xoghayaha) waxaa dhankooda looga fadhiya inay qabtaan shaqo badan oo waxtar u leh bulshada gobolka Banaadir.”

Guddoomiye kuxigeenada cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka ee maanta xilka la wareegay ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud magacaabay 20-kii bishaan November 2022-ka.

Guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ee xilka wareejiyay ayaa muddo ka badan labo sanno kuraastan ku fadhiyay, waxayna intooda badan u badnaayeen kuwa siyaasad ahaan aad u taageersanaa madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Daawo: DF oo shaacisay in 100 ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dishay CEELDHEERE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta xukuumada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyey howlgal qorsheysan oo ay xalay fuliyeen ciidamasa huwanta.

Al-Cadaala ayaa shaaciyey in xalay howlgal culus oo ka dhacay deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu beegsaday Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in howlgalkaas ay iska kaashadeen ciidanka Somalia iyo saaxibada caalamiga ah.

Wasiirka ayaa xusay in uu howlgalka u dhacay sidii loo qorsheeyey isla-markaana lala bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen 200 oo Shabaab ah, kuwaas oo ay ku jiraan 12 horjooge oo isku uruursanayey halkaasi, ayna kala wareegeen deegaanka Ceeldheere.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in halkaas lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ay ku jiraan 10 horjooge, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Buulo Madiino oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, isna lagu dilay illaa 64 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay asturida meydadka dagaalyahanada badan ee laga laayeyAl-Shabaab, ayna soo bandhigi doonaan gaadiid iyo sidoo kale hub fara badan ay ka qabsadeen kooxda.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyey dadka deegaanka ee kala qaybqaadanaya dowladda howlgallada haatan ka socda inta badan gobollada dalka, si looga saaro Al-Shabaab.

Sababta madaxda maamul goboleedyada badankood u diidan yihiin dagaalka Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa weerarka afka ah ku qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka, isaga oo ku eedeeyey inay ka gaabiyeen la dagaalka Al-Shabaab.

Cali Jayte ayaa sheegay in illaa iyo hadda wax tallaab ah qaadin maamul goboleedyada, marka laga reebo HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa inaan la kaftamo nimanka dowlad goboleedyada waan yaabanahee idinku Shabaabka miyaa iska iimaansateen?.” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowlad goboleedyada dalka inay HirShabelle ku fiirsadeen dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Hiiraan iyo Sh/ Dhexe, taasina laga haboon yahay.

“Dowlad goboleedyada kale inaan la hadlo dhowr arrimood ayaa sababay ninka maanta  nagu daawo, beri waan ku daawaneynaa, war State-yadii kale meeyey? HirShabelle kaliya ayaa xabaddu ka dhaceysaa meeyey Soomaalinimadii?” ayuu markale yiri Mudane Jayte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo la gar naqsaday maamul goboleedyada dalka ayaa sii raaciyey “Waxa la leynaayaa so shacab Soomaaliyeed ma’ahan maxay noogu eegayaan?”.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inay u mahadcelinayaan ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ku taageereen dagaalka.

“Nimankaas dowlad deegaanka way naga mudan yihiin inaan u mahadcelino kun jeer waa naga mudan yihiin, waxaa kaloo naga mudan ciidanka Xooga,” ayuu kusii daray hadalkiisa.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay difaacyada ciidamada ee SH/DHEXE

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta  tegay jiida hore ee dagaalka, isaga oo kormeeray difaacyada ciidamada ee gobolkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadan ku wehelinayey madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Xildhibaano, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa u kuurgalay sida ay ciidamadu ugu diyaargaroobeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si loo gaaro deegaanada bartilmaameedka ah.

Xasan Sheekh Maxamuud oo furinta kula hadlay ciidamada ayaa ku bogaadiyey guulaha ay ka soo hoyeen dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaa sidoo kale Madaxweynuhu shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ah ay qaadaneyso doorkeeda, si loo sii wado howlgallada, loogana adkaado Al-Shabaab.

Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay sida aadka ah uga socdaan howlgallada culus ee ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa horey u booqday deegaanada Nuur Dugle iyo Masaajid Caliguduud oo ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee laga xoreeyey Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaca ka qaaday laba arrin oo ceeb ku ah beeshiisa

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa si adag uga hadlay isbaarooyinka iyo dilalka qabaa’il eek a jira gobolkaas, isagoo eedeyn culus dusha ka saaray beelaha dega gobolkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gobollada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan uusan ku soo arkin wax isbaaro, balse uu ku arkay ama looga sheegay meelo badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Madaxweynaha oo boqolaal dadka deegaanka ah kula hadlay degaanka Nuur-dugle oo dhawaan Al-Shabaab laga xoreeyey ayaa sheegay in ceeb iyo wax aan la aqbali karin ay beesha ku tahay isbaarooyinka iyo kicinta fidnooyinka qabiilka ee ka jira gobolkaas.

“Soomaaliya meel isbaaro taalo gobolkaan ayaa ka jira, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug waan tegay, meel isbaaro taallo oo aan gobolkaan aheyn ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Ceeb iyo kama harto waaye in dadkaan sharafta badan uu sumcad xumeeyo tuug isbaaro dhiganaya. Kuwa jidgooyada dhigta ee dadka safraya furanaya iyo kan inta saqda dhexe qoriga qaata nin maskiin ah soo dila, waa fidno wadayaal, qabiilna ma lahan ee iska dhiciya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ku goodiyey in dowladdiisu ay tallaabo adag ka qaadi doonto waxa ka jira Sh/Dhexe, xilligaas waxaa garab taagnaa madaxweynaha, saraakiisha hoggaamisa maxkamadda ciidamada qalabka sida, waa Xasan Shuute iyo Liibaan Cali Yarow.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda ku sugan degmada Cadale, waxaana lagu wadaa in go’aano adag uu ka qaato dagaal beeleed dad badan lagu laayey oo dhowr jeer ka dhacay duleedka Cadale iyo isbaarooyinka la dhigto gobolkaas, oo qaarkood ay dhigtaan ciidan ka amar qaata saraakiil ka tirsan militeriga dowladda.

MADAXWEYNE ku xigeenka dal kamid ah Afrika oo xabsiga la dhigay kadib markii…

0

Madaxweyne ku xigeenka dalka Malawi Saulos Klaus Chilima ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay soo dhammaaday baaritaan eedeymo la xiriira musuq-maasuq uu kusoo eedeeyay xafiiska la-dagaallanka musuqa ee waddankaasi.

Khudbad heer qaran ah oo uu jeediyay bishii Juun, madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayuu ka xayuubiyay Chilima awoodiisa inta ay socoto baarintaannada la xiriira musuqmaasuqa.

Laakiin wakhtigaas madaxweynaha – oo qaaday olole ka dhan ah musuqmaasuqa – wuxuu sheegay in aanu awood dastuuri ah u lahayn inuu shaqada ka joojiyo Chilima ama uu ka qaado xilka madaxweyne ku xigeenka.

Hay’adda la-dagaallanka musuq-maasuqa ayaa Chilima ku eedeeyay in lagu abaalmariyay caawimaad uu u sameeyay shirkadaha Xaviar Limited iyo Malachitte FZE, oo ah laba shirkadood oo xiriir la leh ganacsade Ingiriis ah oo lagu magacaabo Zuneth Sattar, si ay qandaraasyo u siiso dowladda Malawi.

“Ma jirto wax faahfaahin ah oo aan ka bixinayo. Waxaan maxkamadda u oggolaan doonaa in hannaanka uu socdo,” ayuu Chilima ugu sheegay suxufiyiinta maxkamadda bannaankeeda kadib markii la siiyay dammaanad, sida ay sheegtay warbaahinta.

Bishii Janaayo ee sanadkan, madaweynaha Malawi, Chakwera, ayaa kala diray dhammaan golahiisa wasiirada, kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq ka dhan ah saddex wasiir oo xilka hayay.

VOA + Reuters

Jeyte: Ma dhimanayo inta uu qof Shabaab ah nool yahay

0

Tardo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo safar ku tegay deegaanka Tardo ee koonfurta gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanadii laga xoreeyey Al-Shabaab ayaa dowlad goboleedyada weydiiyey su’aal ah “War ma Shabaab-kaa iska iimaansateen.”

Cali Jeyte ayaa sheegay in ilaahey uu ka rajeynayo in uusan dhiman inta uu nool yahay qof Shabaab ah, isagoo sheegay in degmada Matabaan ee waqooyiga Hiiraan uu ka soo bilaabay dagaal, isla markaana uu marsiinayo Tardo oo hoos tagta Jalalaqsi oo dhacda koonfurta Hiiraan.

Wuxuu sheegay in dowlad goboleedyada badankood ay ku fiirsadeen dagaalka, “Adeer derbigaan ku geynay A-Shabaab, intii nagu fiirsatay, markooda ayaan ku fiirsa doonaa, sidaa noo tihiin ayaan idiin nahay maanta kadib,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu sheegay in dhulka HirShabeelle intiisa badan ay ka xoreeyeen Al-Shabaab, “Waligey arrimo dowlad goboleed kama hadlin, laakiin maanta waxaan leeyahay war Shabaab-ka miyaad iska iimaansateen?” ayuu yiri.

Cali Jeyte oo fagaare kula hadlaayey dadka deegaanka Tardo ayaa yiri, “Hadii Alle idmo, inta qof Shabaab ah uu nool yahay anigu ma dhima doono insha allah, Shabaab waan ka sheekeynayaa insha allah, cadaaladda ilaahey waa weyn tahay, cadowga in lagu dhiirado ayaan rabaa.”

Wuxuu guddoomiye Cali Jeyte intaas ku sii daray, “Dhulka HirShabeelle kaliya ayuu dagaalku ka socdaa ee maxay noogu daawanayaan gobollada kale, waan u mahad celinayaa dowlad deegaanka, laakiin gobollada kale ma heyno, ciidanka xoogga dalka ayaan sidoo kale u mahad celinayaa oo guulahaan nagu garab istaagay, maamullada kale waxaba ka sheegi meyno, laakiin sida ay noo yihiin ayaan u nahay.”

Shabakad dilal ka geysatay Sool oo gacanta lagu dhihay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa maanta howlgallo culus ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku beegsaday goob ay ku sugnaayeen kooxo hubeysan oo la sheegay inay horey dilal qorsheysan uga geysteen magaaladaasi oo xarun u ah Sool.

Somaliland ayaa sheegtay in xubnahaan oo qaarkood gacanta lagu soo dhigay ay ahaayeen shabakad argagixiso ah oo ka howlgalayey halkaasi, ayna ku daba jireen ciidanka amniga.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu dhex-maray labada dhinac inta uu socday howlgalka, ayada oo ay baxsadeen qaar ka mid ah ragga hubeysan ee la weeraray.

Dhanka kale ma cadda khasaaraha ka dhashay israaseynta labada dhinac, waxaana howlgalkan horkacayey taliyaha qaybta guud ee Booliska Sool G/Dhexe Cali Axmed Shire.

Booliska Somaliland weli kama hadlin shaqaaqadaan, balse waxaa weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Laascaanood, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Amniga Laascaanood ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad u liitay, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro iyo sidoo kale dilal qorsheysan.

Si kastab, Somaliland ayaa horay magaaladaan uga soo masaafuray qoysaska kasoo jeeda dhinaca koonfurta, sababa la xiriira amni darrada ka jirta magaaladaasi.

 

SOMALILAND oo gacanta ku dhigtay nin dil ka heystay hoteel ku yaalla Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay nin xalay dil ka geystay Hargeysa, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaaladaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen Baashe Faarax Cabdi oo ku eedeysayn dilka Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan, kaas oo xalay ka dhacay Hoteelka lagu magacaabo Niil ee ku yaalla magaalada Hargeysa.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu dilka u adeegsaday Toorey, haatana lasoo xiray, si looga qaado tallaanbo adag oo sharciga waafaqsan.

“Baashe ayaa ku eedaysan inuu ku dilay marxuumka toorey abaaro 2:30 habeenimo ee xalay kaasi oo kaga dhuftay qoorta, dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil ee Hargeisa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland.

Taliska Booliska ma shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan, gaar ahaan waxa keenay dilka loo geystay Marxuum Jimcaale oo 25 sano jir ahaa, balse waxay sheegeen in haatan ay wadaan baaris dheeraad ah oo ku adaan sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale Booliska Somaliland ayaa wacad ku maray inay gacan bir ah ku qaban cid kasta oo fal dambiyeed dil ah ka geysata guud ahaan maamulkaasi.

“Ciidanku waxa uu ugu baaqayaa cid kasta oo isku dayda amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo Ilaahey talo saaranaya” ayaa markale lagu yiri qoraalka Booliska.

Ugu dmabeyn Booliska ayaa u mahadceliyey shacabka Somaliland, ayaga oo ku amaanay sida ay ugala shaqeeyaan amniga iyo xogaha ay mar-weliba la soo wadaagaan.