29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Daawo: Madaxweyne Xasan oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Cadale iyo heshiis la saxiixday

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadale ayaa taageeray baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, kaasi oo adkeynaya heshiisiinta bulashada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo  dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha oo dul istaagay muhiimadda in la xoojiyo nabadda, horumarka deegaanka iyo dib u heshiisiinta bulshada ayaa hoosta ka xarriiqay in aan la aqbalin karin in jidgooyo sharci-darro ah la dhigto deeganada gobolka isla markaana lagu dhibaateeyo muwaadiniinta safarka ah.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka in ay u midoobaan qofkasta oo lagu helo in uu caqabad ku yahay wada noolaashaha iyo xasilloonida gobolka.

“Qof muslim ah oo walaalkiis ah oo Soomaali ah qofkii inta u qasday dilay, magaca uu doono haku dilo waa qaatil, ma ahan reer hebel, qabiil na ma ahan, waa dilaa, dilaana shareecada waxa ay ka qabto waa ognahay, sidoo kale dadka isbaarada dhiganaya waa qaadicul-dariiq iyagana qabiil ma lahan waa in sharciga la marsiiyo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay in duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin hiigsiga Soomaali heshiis iyo jiheynta bulshada, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan isku xirka bulshada iyo in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo halka cadaw ee Soomaaliya ay leedahay ee ah Khawaarijta Al-shabaab.

“Waxa aan ka war haynaa in argagixisadu ay ku mashquulsan tahay iska hor keenidda beelaha walaalaha ah ee ku nool deegaanada ay ka socdaan hawlgallada dalka looga xoreynayo, waa nasiib darro weyn in cadawgeennu uu helo fursaddii uu raadinayay, waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyaa dagaalka dadka walaalaha ah, waana in aan u midowno kan waajibka ah ee argagixisada,” ayuu yiri.

Waxaa Kulankan laga aqriyay Qaraar Golaha Wasiirradu ansixiyeen shalay, kaas oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, qaraarkan ayaa isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

Ugu dambayn, Duubabka iyo odayaasha dhaqanka ayaa saxiixay baaqa nabadda Cadale, kaasi oo adkeeynaya walaalnimada iyo wadajirka, isla markaana tilmaamaya in bulshada u midowdo dagaalka Khawaarijta. baaqa ayaa hoosta ka xariiqay in qofkii qof dila sharciga la marsiiyo lana xakameeyo  jidgooyooyinka sharci-darrada ah.

Daawo: Xildhibaanada Duduble ee Qaayib ku sugan oo eedeyn culus u jeediyey DF

0

Qaayib (Caasimada Online) – Xildhibaanada beesha Duduble ee ku sugan degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ayaa eedeyn culus u soo jeediyey dowladda federaalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu horeeyo.

Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo baarlamaanka federaalka ka tirsan iyo Xildhibaan Xasan Afyare oo baarlamaanka Galmudug ka tirsan ayaa hoggaaminaya ciidanka beesha Duduble ee Qaayib ku sugan.

Labada Xilldhibaan oo galabta warbaahinta kula hadlay Qaayib ayaa eedeyn kala dul dhacay dowladda dhexe oo sida ay sheegeen ku fiirsatay weerarrada uga imaanaya Al-Shabaab iyo dhulkoodii oo la heysto.

“Qorshaha dowladdu waa ugu sawir oo kaliya, madaxweynaha waxaan ka rabnaa inuu na dhaho cadowga iska difaaca iyo in dowladda aan garab ka helno, rasaas, caafimaad iyo ciidan, midna idinkama aanaa helin,” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Afyare.

Labada Xildhibaan ayaa sheegay in 20 cisho ay ku sugan yihiin Qaayib, isla markaana ay wax garab istaag ah ka waayeen dowladda federaalka, iyagoo ka codsaday dowladda in labo arrin loo kala cadeeyo.

“Ma heyno gacantii dowladda, hadii dowladdu ay na dhahdo idiinma soo soconee dhaqaaqa oo cadowga iska dhiciya, waan dhaqaaqeynaa, hadii istiraatiijiyadda dowladda dalka lagu soo xoreynayana nasoo gaara,” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka.

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Afyare ayaa sheegay inay yihiin qabiil isku tasha kara, laakiin ay sugayeen qorshaha dowladda, “Qaayib cadowgii saakay nagu soo weeraray waan iska dhicinay, nagu garab istaaga dagaalkaan ama igu sawirtiinu hanaga harto,” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Afyare.

Hoos ka daawo

Xogta dagaalkii Qaayib iyo khasaare culus oo labada dhinac soo gaaray (Warbixin)

0

Qaayib (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkii qaraxyada ku bilowday ee waaberigii hore ee saakay degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab.

Weriyaal galabta tegay deegaankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in dhimashada weerarkaas ka soo gaartay dadka deegaanka, ciidanka dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug ay gaareyso 26 qof.

Sidoo kale dhaawacyo badan ayaa la gaarsiiyey magaalooyinka Baxdo iyo Cadaado, sida ay noo xaqiijiyeen ilo dhanka caafimaadka ah.

Dhanka kooxda Al-Shabaab waxaa gaaray jab xoog leh, waxaana fashilmay qorshahoodii weerar ee deegaankaas ay doonayeen inay ka fuliyaan.

Hadaba sidee weerarku u dhacay?

Ugu yaraan 3 gaari oo qaraxyo lagu soo raray ayey doonayeen inay ku bilaabaan weerarka, balse waxay soo dhaafi waayeen gud weyn oo ku wareegsanaa xerada ciidanka, waxaana halkaas uga fashilmay qorshahoodii koowaad.

Ciidanka ayaa qoryaha waaweyn ku burburiyey gaadiidkii ay Al-Shabaab qaraxyada ku soo rareen, inta aysan soo gaarin xerada uu ciidanku ka degan yahay Qaayib.

Waxaa qaraxyada xigay weerar toos, waxayna ciidanka iyo dadka deegaanka kala kulmeen iska cabin xoog leh, si weyn ayaa looga difaacay xarumaha isgaarsiinta iyo ceelasha biyaha oo Al-Shabaab ay doonayeen inay burburiyaan.

Ugu yaraan 30 dagaalame ayaa maanta Al-Shabaab looga dilay Qaayib, sida uu warbaahinta u sheegay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dib uga guratay deegaanka barqadii hore ee maanta, markii ay u babac dhigi waayeen ciidankii ku sugnaa Qaayib oo jilibka u aastay iyo dadka deegaanka oo aad isku difaacay.

Wax ka yar bil, waa markii labaad oo Al-Shabaab ay weerar toos ah ku soo qaadeen Qaayib oo ah deegaankii ugu dambeeyey ee gobolka Galgaduud ee laga xoreeyey kooxda, waxaana deegaankaas ka jirta saameyn uu reebay weerarkii hore oo dhanka isgaarsiinta ah.

Sawirro: ITOOBIYA oo war kasoo saartay heshiis cusub oo ay gaareen Soomaaliya

0

Niamey (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan iskaashigooda laba geesoodka ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Demeke Mekonnen ayaa la kulmay dhiggiisa Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Niamey ee dalka Niger.

Labada Ra’iisul Wasaare ku-xigeen oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ku heshiiyey inay yeeshaan iskaashi qoto dheer oo labada dhinac ah iyo mid dhinacyo badan leh.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto guddi heer wasiir ah oo isku dhaf ah oo ka shaqeeya kor uqaadida iskaashiga labada dal.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in nabadda Itoobiya ay saameyn badan ku leedahay nabada Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Wuxuu kaloo Itoobiya ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso la dagaallanka argagixisada.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo mugdi badan uu hareeyey kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa madmadowga uu ka baxay kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu booqday Addis-Ababa dhammaadkii bishii September, halkaasi oo heshiisyo uu kula soo galay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. 

Heshiiska ayaa waxaa qodobka ugu weyn uu ahaa; in la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.

Qatar oo qaadeysa tallaabo taageero weyn u ah Turkey kadib markii Reer Galbeedka…

0

Doha (Caasimada Online) – Turkey iyo Qatar ayaa ku guda jira marxaladdii ugu dambeysay wadahadallo ay Doha ku siineyso Ankara $10 bilyan oo maal-gelin ah, oo ay ku jirto $3 bilyan oo la siinayo kahor dhammaadka sanadka, waxaa sidaas Reuters u sheegay saraakiil Turkish ah.

Maalgelintan dibadeed ayaa gacan ka gaysan karta xoojinta keydka lacagta qalaad ee Turkey, ayada oo madaxweyne Erdogan uu wado siyaasadeed aan caadi aheyn oo lagu dhimayo dulsaarka, inkasta oo sicir-barar xooggan uu dalka ka jiro, islamarkaana qiimaha lacagta Lira ay hoos usii dhaceyso.

Wasaaradda maaliyadda Turkey ayaan weli ka hadal maalgelinta Qatar. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doha ayaan ka jawaabin codsi jawaab oo loo diray.

Ayada oo dalalka Reer Galbeedka ay ka cago jiidayaan maalgashiga Turkey, Ankara ayaa u weecatay dalalka “saaxiibka” la ah, si ay u xoojiso siyaasadda lagu taageerayo lacagta lira ah, laguna dheelitirayo dhaqaalaha.

Bankiga Dhexe ee Turkey ayaa horey Qatar ula saxiixday heshiis lacag is-dhaafsi, oo markii hore ahaa $5 bilyan balse sanadkii 2020 gaaray $15 bilyan.

“Wadahadallo ay Qatar taageero ku siineyso Turkey ayaa gaaray heerkii ugu dambeeyey. Ugu yaraan waxaa noo muuqda $8 bilyan, balse waxay gaari kartaa 410 bilyan,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin, sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu arrintan ka hadlo.

Qatar ayaa xiriir xooggan la leh Turkey, oo taageertay Doha markii Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo dalalka kale oo Carbeed ay go’doomiyeen 2017.

Erdogan ayaa ku sugnaa furitaanka Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee Qatar, ayada oo uu wehliyey wasiirka maaliyadda Nureddin Nebati.

REUTERS, VOA

NISA oo fulisay howlgal lagu laayay Al-Shabaab badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay illaa 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in xubnahaas lagu dilay howl-gal qorshaysan iyo duqayn ciidanka gaarka ah ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka gaarka ah ee NISA ayaa sidoo kale waxay howl-galkaan kala kaashadeen saaxiibada caalamiga ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Xubnaha Shabaabka ah ee la laayay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka Soomaaliya ayaa ahaa firxadkii ka bad-baaday howl-gal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaanka Buulo Madiino, kaasi oo lagu dilay 49 dagaal-yahan oo ka tirsanaa kooxda.

Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen dagaal-yahaanada Shabaabka ah iyo hubkii ay wateen.

Howl-galadaan ay dowladdu sheegtay in lagu dilay Shabaab badan ayaa kusoo aadaya xili uu gaabis ku yimid howl-galadii dagaal ee ka dhanka ahaa kooxda, kuwaasi oo kal hor si xawli ah uga socday qeybo badan oo dalka.

DF oo shaacisay sababta dhimashada Maxamed Xasan Cumar Abuu Cabdiraxmaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegatay dilka Maxamed Xasan Cumar Abuu Cabdiraxmaan, oo ka mid ahaa madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay xalay ku sheegtay in Abuu Cabdiraxmaan, oo mar soo noqday waaliga Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, uu ku geeriyooday Jubooyinka, ayada oo aan shaacin sababta dhimashadiisa.

Hase yeeshee, qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in Abuu Cabdiraxmaan uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray hawlgal ay Ciidamada Qaranku ka fuliyeen xadka u dhaxeeya labada Shabeelle.

“Waxa Khawaarijtu ay dhaawiciisa geeyeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo uu ugu geeryooday daryeel’aan caafimaad iyo dhaawaciisa oo halis ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Khawaarijta ayaa ku qarinayay horjoogahan guryo ay leeyihiin dad shacab oo ay
khasbeen, waxayna ku guulearaysteen in ay u helaan adeeg caafimaad maadamauu qabay dhaawac aad u culus.”

Ka sokow inuu soo noqday waaliga Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in Abuu Cabdiraxmaan uu madax kasoo noqday “qaybta marin habaabinta dhalinyarada isaga oo mas’uul ka ahaa maskax doorinta dhalinyaro farabadan.”

Dowladda ayaa intaas ku dartay inuu ahaa horjoogihii labaad ee heerkiisu sareeyo oo laga dilo Al-Shabaab laba bilood gudahood, xilli ciidamada dowladda ay balanqaadeen inay sii wadaan ugaarsiga madaxda sare ee Khawaarijta.

“Dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamiga ah waxa ay ku raad joogtaa in cadaaladda la marsiiyo dambiilayaasha Khawaarijta ah ee u taagan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Weerar ku billowday qaraxyo oo saaka ka dhacay QAAYIB iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud oo muddooyinkii dambe ay gacanta ku hayeen ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa sheegaya in halkaas uu saaka ka dhacay dagaal culus.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Qaayib weerar culus oo ku billowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey.

Waxaa la soo sheegayaa in dagaalka saaka uu geystay khasaare balaaran oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkaan ayaa sheegtay in Al-Shabaab si weyn loogu jabiyay dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Qaayib, islamarkaana ay ciidamada fashiliyeen rabitaankii guracna ee kooxda.

“Waxaa la fashiliyaya saddex Qarax oo Al-Shabaab ay doonayeen inay ku gaystaan waxyeelo. Khawaarijtu markale waa ku jabeen Qaayib saaka. Ilaahay ayaa mahadsan kadibna mujaahidiinta beeniyay doonistii Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay qabsadeen deegaanka Qaayib ayna laayeen inta badan ciidamadii halkaas ku sugnaa, iyagoo xusay inay qaateen gaadiid dagaal iyo saanad milateri oo ay dagaalka kaga furteen ciidamada huwanta.

Sheegashada Shabaab ayaa waxaa durtaba beenisay dowladda, oo ayadu sheegtay in deegaanka Qaayib ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo ayagu muddooyinkii dambe halkaasi ku sugnaa.

Illaa hadda ma jiraan warar madax banaan oo ka waramaya sida ay wax u dhaceen, wuxuuna imanaya weerarkaan labo toddobaad un kadib markii ay Al-Shabaab sidaan oo kale u weerareen deegaanka Qaayib, ayaga oo hore u burburiyay anteennada adeega isgaarsiinta u fududeysa deegaankaas.

Sawirro: Ciidamo qeyb ka noqonaya dagaalka Shabaab oo loo soo xiray tababar

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed.

Dufcadaan oo noqoneysa dufcadii 17-aad ee ciidanka Booliska ayaa tababarkooda waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Jabuuti.

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in cutubtayadaan tababarka soo dhameystay la geyn doona deegaanada laga xorreeyay Khawaarijta Al Shabaab, si ay ula wareegaan ammaanka goobahaasi.

Ciidamadaan ayaa sidoo kale waxay ka shaqeyn doonaan xasiloonidda iyo wada-noolaashiyaha bulshada ee deegaanada ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka saareen kooxda Al-Shabaab.

Sida qorshuhu yahay ciidamadaan ayaa dalka kusoo laaban doona toddobaadka soo socda, xili dhiig cusub lagu shubayo howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo toddobaadyadii dambe uu ku yimid gaabis.

 

Maxay Kenya iyo Imaaraadka uga safteen Soomaaliya?

0

Golaha Amniga Qaramada Midoobay (QM) ayaa November 18, 2022, dib u cusboonaysiiyay muddo sanad ah (November 15, 2023) cunaqabateyntii hubka, iyadoo si xooggan Dowladda Federaalka Soomaaliya u diiddan tahay.

Go’aanka oo lagu kala qaybsanaa ayaa waxaa ansixiyay 11 xubnood, waxaase ka gaabsaday dalalka Shiinaha, Ruushka, Gabon iyo Ghana. Cunaqabataynta oo ah tii ugu dheereyd uguna ballaarnayd ee dal lagu soo rogo, ayaa wax ka tari la’ shabakadaha hubka u soo daabula argaggixisada.

Midowga Afrika ayaa Golaha Amniga ugu baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka iyo saanadda, si ay u dhammaystirto dib u dhiska ciidamada qaranka. Kenya oo ka ah xubin mihiim ah Ururka ayaa u bareertay inay taladaas jabiso wadajirkii qaaraddana ka dooratay danaheeda gaarka ah.

Qaraarka waxaa dabada ka riixayay dalalka Yurubta galbeed oo aan marnaba doonayn in dalku yeesho ciidan cudud leh. Danjire Abuukar Daahir Cusmaan – Ergayga u fadhiya Soomaaliya QM oo la yaabban halbeegga caddaalad-darrada ah ayaa yiri, “[shacabka] dhibbanaha u ah argaggixisada Soomaaliya” waxay isweydiinayaan sababta ka qaadista cunaqabateynta hubka ay khatar ugu tahay nabadda caalamka.

Qoraalka qaraarka oo uu soo diyaariyay dalka Britain (UK), uma muuqan mid ixtiraamka madaxbannaanida Soomaaliya ay u tahay udub dhexaad. Ma tixgelin mudnaanta dalka iyo horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ka muujisay maamulka iyo maareynta hubka tobankii sanadood ee la soo dhaafay.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa weerar dhan walba leh ku qaaday “Khawarijta”, balse waxuu war ka taagan yahay sida loo joogteyn lahaa guulaha hawlgalladaas. Danjire Abuukar Daahir oo dhaliilaya muddo kordhinta cunaqabateynta ayaa yiri, “[qaraarka waxuu] caqabad ku yahay awoodda looga hortagi lahaa halista Khawarijta”.

Soddon sanadood ka hor (1992), ujeeddada loo soo rogay cunaqabateynta hubka ayaa ahayd in lagu xaddido cududda qabqablayaashii dagaalka sokeeye. Khubarada amniga Geeska Afrika ayaa rumaysan in cunaqabatayntu tahay hub loo adeegsado hakinta habsami u socodka dib u dhiska dowladnimada oo gacanta loo geliyay cid kastoo nacab ku ah qarannimada Soomlaaliya.

Dhinaca kale, diblomaasiyaddii Xasan Sheekh ee dib loogu hagaajiyay xiriirka Soomaaliya la leedahay Kenya iyo Imaaraadka haakah lama oran. Labaduba raalli ka aha in Soomaaliya ay yeelato ciidan qaran oo suga amnigeeda iyo soohdimaheedaba waxayna muujiyeen in “saaxiibnimadoodu” tahay afka keliya ah.

Waxay si wadajir ah ugu ololaynayaan in Al-Shabaab iyo Xutiyiinta lagu daro argaggixisada caalamka. Weliba Kenya waxay u aragtaa taag darrada Soomaaliya wadiiqo ay ku sii joogi karto Jubbaland. Taa waxaa ka daran in labadooda safiirba ay ku jeesjeeseen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed kaddib markii ay yiraahdeen “tallaabada ay qaadeen waa tan ku habboon la dagaallanka argaggixisada Soomaaliya”.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo Golaha Amniga QM uusan dheg jalaq u siin hammiga shacabka iyo DFS. Bishii tagtay ayuu qaatay go’aan lagu kordhinayo muddo xileedka iyo hawlaha UNSOM. Hay’addu waxay lumisay sanadihii dambe miisaanka shaqadii loo igmaday. DFS ayaa in muddo ahba hamminaysay in UNSOM oo Jun 2013 loo abuuray nabadeynta ay noqoto mid la jaanqaadda mudnaanta dalka.

Walow, cunaqabataynta ka mamnuucayso dhammaan xubnaha QM inay hub iyo saanadba geeyaan Soomaaliya, haddana waxaa jirta dariishad yar, ciriiriba ha ahaatee, oo uu Golaha Amniga ee QM u furay dalka, taasoo ah in dowladaha xiriir gaashaandhig la leh Soomaaliya (TurkigaMaraykankaEritrea, iwm.) uusan khuseyn qaraarka, kana reebbanayn in ciidamada ay tababbaraan u dhammaystiraan hub iyo saanadba.

Isha: Jamhuriyadda

Xog: Xasan oo booqasho ku tegaya Boosaaso + Ujeedka

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda safar booqasho ah ku tegi doono magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Puntland.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in haatan qaban qaabada soo dhoweynta madaxweynaha laga dareemayo halkaasi, ayada oo amniga aad loo adkeeyey.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in madaxweyne Saciid Deni oo haatan ku sugan dalka Isu Tegga Imaaradka uu soo gaabin doono safarkiisa, kadibna uu tegi doono magaalada Boosaaso, si uu uga sii hormaro Xasan Sheekh, uguna soo dhoweeyo magaaladaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada hoggaamiye ayaa daah-furi doono mashruucyo laga hirgelinayo Boosaaso iyo sidoo kale ballaarinta garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeer sameyn doono, waxaana ka mid ah meelaha uu booqan doono xarunta PMPF, halkaas oo tababar looga furayo ciidan cusub.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha uu kulmao la qaadan doono hoggaanka Puntland, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Si kastaba, madaxweynaha dowladda federaalka ayaa horay safaro kala duwan ugu bixiyey Puntland, waxaana markii ugu dambeysay uu xariga ka jaray dekedda Garacad ee Mudug.

Anwar Ibrahim – Maxbuuskii hore ee shalay xilka ra’iisul wasaaraha loo dhaariyey

0

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka Malaysia Anwar Ibrahim ayaa boqorka hortiisa loogu dhaariyey ra’iisul wasaare, taasi oo soo geba-gebeysay shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed ah.

Xafladda dhaarinta oo ka dhacday caasimadda Kuala Lumpur ayaa soo afjartay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xamaasadda badnaa ee taariikhda Malaysia, kadib markii xisbi-na uusan helin aqlabaiyad uu dowlad kusoo dhiso, markii ugu horreysay tan iyo xoriyaddii 1957.

Qabsashada Anwar ee xilka ra’iisul wasaaraha ayaa buuxisay nolol siyaasadeed oo kaliya aan gayn halka ugu sarreysa awoodda dalka, balse sidoo kale dhigtay xabsi.

Taageerayaasha Anwar ayaa ku dabaal-degayey caasimadda Kuala Lumpur.

Isaga oo ku ololeeyey farriin ka dhan ah musuq-maasuqa, isbaheysiga uu hoggaamiyo Anwar ee Pakatan Harapan ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashadii dhacday dhammaadka toddobaadkan, wuxuuna helay 82 kursi.

Hase yeeshee, wuxuu aad uga hoos maraya tirada loo baahnaa ee aqlabiyadda oo ah 112.

Si looga gudbo is-mari waaga, boqorka ayaa u yeeray Anwar iyo ra’iisul wasaarihii hore Muhyiddin Yassin oo xisbigiisa Perikatan Nasional uu kaalinta labaad ku galay 73 kursi. Hase yeeshee heshiis waa ay gaari waayeen.

Boqorka ayaa kadib kulan gaar ah la yeeshay xubnaha kale ee boqortooyada kahor inta aan lagu dhowaaqin in Anwar uu yahay ra’iisul wasaaraha.

Xilka ra’iisul wasaaraha ayaa Anwar, oo 75 jir ah, u ah dhammaadka 25 sano oo safar dheer ah.

Waxaa markii ugu horreysay la filayey inuu xilka qabto dhammaadkii sagaashamaadka, kadib markii uu wasiirka maaliyadda usoo noqday ra’iisul wasaare Mahathir Mohamad.

Hase yeeshee, labadooda ayaa isugu dhacay sida loo maareyn lahaa xasaraaddii dhaqaale ee Asia ee 1997-1998.

Mahathir ayaa kadib xilka ka qaaday Anwar, oo sidoo kale laga cayriyey xisbigooda xilligaas ee UMNO, waxaana lagu eedeeyey musuq-maasuq iyo galmada qoomo luudka — eedeymahaas oo Anwar uu sheegay inay ahaayeen kuwo siyaasadeysan.

Anwar ayaa waxaa lix sano oo xabsi ah loogu xukumay musuq-maasuq 1999, ayada oo sagaal sano oo kalena loogu xukumay eedeymaha galmada, sanadkii xigay.

Maxkamadda Sare ee Malaysia ayaa 2004 baabi’isay xukunkii galmada ee lagu riday Anwar, waxayna amartay in lasii daayo.

12 ka xubnood oo Shabaab ahaa ‘oo howlgal lagu dilay’

0

Nairobi (Caasimada Onlie) – Dowladda Kenya ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal ay ciidamadeeda la galeen xoogaga Al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay tuulada Sarira ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamadeeda jooga Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay milatariga dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas ay ku dileen illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ku dhaawaceen tiro kale.

Kenya ayaa sheegtay in xubnaha la dilay ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan saldhig ay ciidamadooda ku leeyihiin halkaasi, balse ay la kulmeen iska caabin xoogan

“Ciidanka Difaaca Kenya waxa ay dileen 12 ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dayey in ay weerar ku qaadaan saldhigga Howlgalka ee tuulada Sarira ee koonfurta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay milatariga Kenya,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Kenya.

Sidoo kale waxay dowladda Kenya shaaca ka qaaday inay ciidamadeeda weli sii wadaan howlgallada, su ay uga hortagaan weerarada ka imaanaya dhanka kooxda Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay dowladda Kenya ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalin kahor weerar ka dhacay gobolka Jubbada Hoose looga dilay saddex askari, shan kalena looga dhaawacay.

Inta badan xoogaga Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhiga ciidamada Kenya ee ku yaalla gudaha Soomaaliya, kuwa kale ee gobolka Waqooyi Bari.

Muxuu yahay shirka caalamiga ah ee DF uga qeyb-galeyso dalka Bangladesh?

0

Dhaka (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, oo uu wehlinayo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa ka qeyb-galaya shirkii 22-aad ee Golaha Wasiirada ee Ururka Badweynta Hindiya (IORA).

Shirka oo ka dhacay magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh ayaa waxa uu socon doona muddo laba maalmood ah, waxaana looga hadlayaa sidii loo horumarin lahaa hannaanka mashaariicda waaweyn, ka hortagga burcad-badeedda, dhaca hubeysan.

Sidoo kale waxaa shirkaan diirada lagu saaraya kalluumeysiga aan sharciyeysneyn iyo maareynta musiibooyinka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay.

Inta uu socday kulanka waxaa shir laba geesood ah yeeshay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar iyo Wasiiru-dowlaha arrimaha dibada iyo waxbarashada ee Hindiya Mudane Dr. Rajkumar Ranjan Singh

Waxaa uu kala hadlay dardar-gelinta howlaha dib loogu furayo Safaaradda Hindiya ku yeelan doonto Muqdisho, kordhinta tirada deeqaha waxbarasho, fududeynta habraaca fiisaha caafimaadka, dalxiiska & guud ahaan isku xirka iyo fududeynta.

Sidoo kale Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Thailand, H.E. Mr. Vijavat Isarabhakdi.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay sare u qaadista heerka xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo dalxiiska.

Qaar ka mid ah Shabaabka dagaalka kula jira ciidanka DF oo billaabay inay is-dhiibaan

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa isu dhiibay ciidamda dowladda ee ku sugan degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud oo dhowaan ay dagallo ka dhaceen.

Laba maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta isu dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka degaankaasi Cabdikariin Axmed Dhagataag.

Xubnahan ayaa la xiriiray maamulka degaanka, waxaana wadahadal dhex maray labada dhinac, kadib u suuragashay inay degaanka Dhisaq-shurufle ciidamadii ku sugnaa isu dhiibaan, iyadoo la baaray, kadibna lagu wareegay maamulka.

Xubnahan ayaa ka mid noqonaya dhallinyararada ka tirsan Shabaabka ee billaabay inay ka baxeen Al-Shabaab, dibna ugu laabteana degaanadoodii, ayada oo dowladda ay ku dhiiri-gelisay inay kasoo baxaan kooxda oo la cafin doono. 

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo madaxweynaha Xasan Sheekh uu wado socdaal uu ku dhiiri-gelinayo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxdan. 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday degaanka Nuur-dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka saareen Al-Shabaab.

 

Madaxweyne Xasan ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool HirShabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, waxa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan halgankooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in dowaladdu ay sii wadi doonto dagaalka inta Al-Shabaab ay ku harsan tahay meel ka mid ah dhulka Soomaaliya.  

Sawirro: Xasan Sheekh oo booqday furimaha dagaalka gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Nuur-dugle (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo dardargelinaya dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab, ayaa gaaray deegaanka Nuur-dugle ee HirShabelle oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka xoreeyeen Khawaarijta. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool HirShabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta, waxa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan halgankooda naf-hurnimo inta Soomaaliya oo dhan laga tirtirayo argagixisada.

Madaxweynaha, oo sidoo kale warbixin laga siiyay xaaladaha bulsho ee ka jira guud ahaan Gobolka Shabeellaha Shexe, ayaa tilmaamay in aan la aqbali karin in wiil ama gabar Soomaaliyeed aan ku weyno dagaal aan ahayn kan argagixisada, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan walaalnimada iyo wadajirka isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan Khawaarijta.

“Soomaaliya maanta waxa ay leedahay hal cadaw, cadawgaasna waa Al-Shabaab, argagixisadu door kuma lahan dalkeenna, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in wadankaan laga ciribtiro Al-Shabaab, qofkasta oo Soomaali ah waxaa saaran masuuliyad in uu kaalintiisa ka qaato dagaalka aan kula jirno cadawga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in dowaladdu ay sii wadi doonto dagaalka inta Khawaarijtu ay ku harsan tahay meel ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uuna intaas raaciyay in adeegga dowladnimada la gaarsiin doono degmooyinka iyo deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab.

 

Ninkii HUBKA u kala gudbin jiray kooxda Al-Shabaab oo XUKUN adag lagu riday

0

Muqdisho (Casimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf oo ah xubin ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ay 16-kii bishii August ay soo xireen ciidanka amniga.

Maxkamadda ayaa ku eedeysay ninkan in uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka, waxaana soo qabtay ciidanka Xooga dalka oo howlgallo culus sameeyey.

Intaasi kadib ciidamada amniga ayaa Xuseen ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 08-dii September ee isla sanadkaan 2022-ka.

Sidoo kale baaris dheer kadib 07dii- bishaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday dacwad qaadista kiiska Xuseen ayaa laga ogolaaday, waxayna maxkamadda la wadaageen cadeymta miino lagu soo qabtay eedeysanaha iyo sidoo kale qiraalkiisa.

Dhanka kale Qareenada u doodayey eedeesane Xuseen ayaa u sheegay garsoorka in uu ku cusbaa ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, maadaama uu ku biiray bishii May ee sanadkan, waxaana ka codsadeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in xukunka loo qafiifiyo.

Kadib Maxkamadda ayaa ku dhawaaqdy go’aankeeda, waxaana Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed lagu xukumay 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Axmed Cali Axmed oo katirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunkasanaha uu weli haysta fursad kale oo ku dalban karo racfaan muddo 30 cisho gudahood ah, sida uu u ogol yahay sharciga.

Sawirro: Safiirka cusub ee Qatar oo dhaq-dhaqaaq ka bilaabay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee ay dowladda Qatar usoo magacowday arrimaha Soomaaliya Amb. Abdalla Binu Saalim Al-Nuceymi ayaa dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay Muqdisho, isaga oo maanta kulan la yeeshay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Xamar waxaana Danjire Al-Nuceymi wehlinayey ku xigeenkiisa Naasir & Isku duwaha Dowlada Qatar iyo Soomaaliya Abuubakar.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo ku aadan xiriirka labada dal, iyadoona Duqa Muqdisho kaga mahadceliyay dowladda Qatar kaalinta ay ka qaadato taageerada Somalia.

Yuusuf Madaale ayaa si gaar ah xukuumadda Dooxa ugu bogaadiyey caawinta shacabka Soomaaliyeed, sida gargaarka bini’aadannimo oo ay mar weliba la garab taagan tahay bulshada Soomaaliyeed, dhismaha waddooyinka waa weyn ee isku xira Muqdisho – Afgooye, Muqdisho iyo Jowhar iyo Dib-u-dhiska ay ku sameeyeen xarumaha dowladda.

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Danjiraha dowladda Qatar kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen shaqo Abuurka dhalinyrada iyo dib-u-dhiska caasimadda.

Dhankiisa Danjire Al-Nuceymi ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta heerka sare ah ee maanta loogu sameeyey xarunta gobolka Banaadir, isaga oo sheegay inay ka gacan siin doonaan horumarinta caasimada, sida in la sameeyo biyo mareenada iyo sidii loo dar-dargelin lahaa heshiisyada mataaneenta ee ka dhexeeya Dooxa iyo Muqdisho.

Dhaq-dhaqaaqa uu Muqdisho ka bilaabay safiirka cusub ee dalka Qatar ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu maalin kahor warqadaha ka guddoomay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, inkastoo uu isbeddal yare hoose ku yimid xiriirka kadib doorashadii dhacday 15-kii May ee sanadkan.

Xamza oo maareeye cusub u magacaabay mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda federaalka ee Soomaaliya  Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mustafa Yaasiin Sheekh Maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Kadib soo-jeedinta Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda sida lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee wasaaradda. 

Mudane Mustafa Yaasin Sheekh oo ahaa ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda, waxa uu ka howlgelayey Hay’adda tan iyo markii la asaasay. 

Mas’uulka la magacaabay ayaa ah khabiir xog’aal u ah howlaha hay’adda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda iyo siyaasaddaha Isgaarsiinta dalka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif ayaa bogaadiyey magacaabista Maareeyaha cusub isagoo ku tilmaamay inuu yahay mas’uul kasoo bixi kara shaqada loo igmaday. 

Wasiirka ayaa sidoo kale kula dardaarmay in uu shaqadiisa u guto si ammaano iyo howlkarnimo leh maadaama ay hey’adda hor yaalaan shaqooyin badan oo muhiim ah. 

Ugu dambeyn wasiirka ayaa xusay in Hay’addu  ay muhiim u tahay fulinta siyaasadaha Wasaaradda isagoo ra’iulwasaaraha ugu mahadceliyey inuu xilkaan u magacaabay shaqi u qalma. 

Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyey qaraar cusub kadibna magacaabis sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalad Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana shir guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah aya waxaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed iyo sidoo kale Qaraar la xiriira deegaannadii ugu dambeeyey ee  laga xorreeyey Al-Shabaab.

Qaraarka ay meel-mariyeen Golaha Wasiira ayaa ka kooban illaa  12 qodob oo dhammaan la xiriira deegaannada cusub ee laga saaray xoogaga kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo isugu jiro amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey Shabaab iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa anisixyey dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel lagu sameeyey.

Dhanka kale xubnaha Golaha Wasiira Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa guddoomiye xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe u magacaabay, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, kadib soo jeedin ka timid Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur

Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali ayaa  ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan, sida ay Goluhu la wadaagay wasiir Cilmi Maxamuud Nuur.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli ay hadda hakad-geleen howlgalladii xoreynta ee ka socday gobollada, taas oo ay Wasaaradda Difaaca ku macneysay xeelad milatari.