29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal barqanimadii maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay Aaga hoteelka Sugulle ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan llaa 3 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo ah dhammaan dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.

Maleeshiyaadka diriray ayaa isku qabtay muran ka dhashay dhul ballaaran oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaa weli halkaas laga dareemayaa xiisada xoogan.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaalkan uu sameeyey ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa gaadiida iyo goobaha ganacsiga oo saacado kooban hakad-galay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan israsaaseyntaas oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac intaba.

Degmada Gaalkacyo oo ka kooban koonfur iyo waqooyi, islamarkaana ay ka kala taliyaan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddiga ku ah amniga guud, sida qaraxyo, dailal qorsheysan iyo sidoo kale iska hor imaadyo hubeysan.

Midowga Afrika oo aqbalay dalabkii DF SOOMAALIYA

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn aqbalay dalab uga yimid dowladda federaalka oo ku aadan in dib loo dhigo ciidamo laga dhimi lahaa howlgalka ATMIS ee haatan ka socdo gudaha Soomaaliya.

Golaha Midowga Afrika ayaa tixgeliyey codsiga u gudbisay dowladda Soomaaliya, kadib kulan ay yeesheen 11-kii bishaan November, kaas oo ahaa kulankoodii 1121-aad.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa sheegay in arrintan ay usii  gudubin doonaan Golaha Ammaanka (UNSC), si loo ansixiyo kordhinta dhimmista (2,000) oo askari, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS marka la gaara bisha December 2022.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dib u eegis lagu sameyn doono waqtiga howlgalka ciidamada ATMIS oo loo qorsheeyey inay dalka ka baxaan dhammaadka 2024-ka.

“Waxaan xaqiijinayaa taageerada codsiga DFS ee ah in la kordhiyo ATMIS Wajiga 1-aad ee dib-u-habaynta ee dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah laga bilaabo 31ka Diseembar 2022 ilaa 30ka Juunyo 2023, iyada oo dib u eegis lagu samaynayo wakhtiga hawlgalka, iyada oo dib loo xaqiijinayo ballanqaadka ah in la joogteeyo taariikhda bixitaanka 31 Diseembar 2024,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Midowga afrika, Moussa Faki Mohamat.

Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya, wuxuuna boggaadiyey guulaha laga gaaray dagaalladii u dambeeyey.

Ugu dambeyn wuxuu Moussa Faki ayaa soo dhaweeyey wada shaqaynta AU/UN ee u doodista dowladaha xubnaha ka ah AU, iyada oo ujeedadu tahay in la abaabulo dhaqaalaha iyo agabka kale ee loo baahan yahay si loo taageero waajibaadka ATMIS ee Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika oo Soomaaliya ka socdo in ka badan 15 sano ayaa markii hore ku howlgalayey magaca AMISOM, balse waxaa hadda loo beddalay magaca ATMIS, wuxuuna howlgalkan isna ku egyahay marka la gaaro bisha December ee sanadka 2024.

Daawo: Yaasiin Fareey oo war cusub ka soo saaray howlgallada ka socdo dalka

0

Cadale (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Fareey) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo booqday furimaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shababaab ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo saaray war cusub.

Xildhibaanka oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kula hadlay Nuur Dugle ayaa ayaa shaaca ka qaaday in waqti dhow uu guuleysan doono howlgallada ka socdo gobollada.

“Caawa Nuur Dugle ayaan joognaa inaan waqti dhow gaari doonoayaan rajeynayaa inta ka dhiman Shabeelaha Dhexe, gobolka Galgaduud iyo gobolka Mudug,” ayuu yiri Farey.

Yaasiin Fareey oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay in dhowaan lasoo afjaro dagaalka, islamarkaana laga guuleysto kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa rajeynaa in dadaalkaas wuu socdaa meel fiican ayuuna marayaa waxay aheyd maalmo kahor xilligii aan kasoo baxaynay magaalada Muqdisho,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ciidamada huwanta iyo saraakiishooda inay adkeeyaan difaacooda, si ay uga hortegaan weerarada Al-Shabaab, lana sii wado dagaalka.

“Waxaan ku baaqayaa in lasii adkeeyo difaaca, lana sii socdo ilaahey idamkiis,” ayuu markale yiri xildhibaan Yaasiin Farey.

Halkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay hakad galeen howlgallada ka socda deegaanada HirShabelle iyo Galmudug, sababo la xiriira xeelad milatari, sida ay shaaca ka qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadashay howlgallada socdo.

Xog: Dhaq-dhaqaaq xoog leh oo ka socda xadka kala qaybiya Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga soo sheegaya xadka kala qaybiya Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, xilli goboladaasi ay in muddo ahba ka socdeen hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka, oo garabsanaya kuwa deegaanka, ayaa la soo sheegaya in ay wadaan abaabul ay kaga gaashamanayaan suurtagalnimada weeraro xilligan kaga yimaada maleeshiyadaasi.

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyaad badan oo kuwa Shabaabka ah ay soo buuxdhaafiyeen aagga xuduudda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay sidoo kale maalmihii ugu dambeysay maleeshiyaad fara-badan ka keenayn gobollada dalka qaarkood, si ay ugu xoojiyaan qorshaha ay ku doonayaan inay ku difaacdaan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya inay ka feejigan yihiin isku day kasta oo Shabaabku damacsan yihiin inay ugu weydaartaan dhulkii horaan laga saaray.

Shabaabka ayaa Talaadadii weeraray fariisimaha ciidamadu ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Ceeldheer Buraale oo ku dhow xadka labada gobol. Ciidamada ayaana la sheegay inay dib isaga caabiyeen weerarkaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu u diyaarsan yihiin inay ka hortaggaan Shabaabka oo la sheegayo in ay damacsan yihiin inay isaga tallaabaan jidka jayga ee xiriiriya Degmada Ceeldheer iyo deegaanka Ceelbaraf, oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe, waana waddo kale oo saddexda gobolba isku xirto.

Gudoomiyaha Degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane ayaa mar sii horreysay waxa uu hawlgalka waddada saddex xagalka uu ku qeexay “Hawlgalku hawlgal iska socdo ma ahan ee waa hawlgal qorsheysan oo dhan kastaba lagu xisaabtamaya weeye.”

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii ay u fashilin lahaayeen duulaanka la hadalhayo in uu ku wajahan yahay Degmada Aadan Yabaal, oo ay ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii dadka reer Hirshabelle ugu baaqay inay ka guul gaaraan dagaalkan ay dhulkooda kaga xoreynayaan halka cadow ay maanta ummadda Soomaaliyeed leedahay.

Ciidamada DF oo weeraray goob ay isku urursanayeen AL-SHABAAB kadib markii…

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen agagaarka deegaanka Sabiid oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay weerar culus ku qaadeen goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku taalla duleedka deegaanka Sabiid.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen illaa 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku howlanaa diyaarinta weerar ay iyaguna ku soo qaadaan fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaalla halkaasi

Maxamed Abuukar Axmed oo ah guddoomiyaha maamulka deegaanka Sabiid ayaa dhankiisa sheegay in xubnaha la dilay ay ahaayeen kuwo si dhuumaaleysi ah ku yimid halkaasi  islamarkaana howlgalka ay fuliyeen ciidamada uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weli uu socda howlgalka, islamarkaana ay ciidamada isku ballaariyeen tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Sabiid oo marar badan lasoo weeraray.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed,

Muddooyinii u dambeeyey ayaa waxaa gobollada dalka ka socday guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, kadib dagaallo iyo weeraro kala duwan ka dhacay gobollada dalka.

DF oo shaacisay shir muhiim u ah Soomaaliya oo Muqdisho ka furmaya 28-ka bisha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa shalay lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre. 

Shirka ayaa waxaa guddoominayay Wasiirka Qorsheynta, Mudane Hon.Mohamud Abdirahman Beenebeene, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirrada ay Wasaaradahoodu tiirka u yihiin dhaqaalaha iyo Wax soosaarka gudaha  

Waxaa shirka qeyb ka ah Wasiirradaha Qorsheynta, Maaliyadda, Ganacsiga, Xannaanada Xoolaha, iyo Duulista Hawada, waxaana looga hadlay ganacsiga iyo maal-gashiga. Sidoo kalana lagu dhiirrigeliyay howlaha mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, oo ay intooda badan hormuud ka tahay Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda.  

Waxaa kale oo kulanka diiradda lagu saaray u diyaar garowga shirka caalamiga Maal-gashiga Soomaaliyeed ee dhici doonta 28-ka illaa 29-ka bishaan, bandhigaas oo lagu qaban doono Muqdisho, islamarkaana muhiim u ah horumarka dhaqaalaha dalka. 

Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa isla gartay in la dar-dar geliyo howlaha horumarineed ee lagu xoojinaayo kororka dhaqaalaha, sidoo kalana laga shaqeeyo qabsoomidda Shirka dhammaadka bishaan, ee muhiimadda weyn ugu fadhiya Maalgashiga iyo Mashaariicda horumarineed ee dalka.

Daawo: Adeera oo 30 sano kadib la kulmay gabadhii uu jeceylkeeda u waashay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Nuur Aadan oo loo yaqaano (Adeera), isla-markaana muddo 30 sano ah u waalnaa jaceyl uu u qaaday gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Carfoon ayaa sanado kadib la kulmay gabadhii uu dhibaatadaasi u soo maray.

Qisadan oo ka dhacday Kismaayo ayaa si aad ah u baahday, waxayna qabsatay baraha bulshada, kadib markii uu soo bandhigay Wariye Iidle Aadan.

Kulankan xiisaha leh ee lamaanahan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho oo labaduba ku ballameen, iyaga oo ka kala yimid meelo kala duwan si ay isku arkaan.

Carfoon oo ah gabadha uu jeceylka daran u qaaday Adeera ayaa ka sheekeysay, sida ay ku bilaabatay qisadooda, waxayna sheegtay in dhibane Maxamed uu xilligaas ahaa qoosaar ama ari raac, isla-markaana uu mar dambe soo aaday Xamar, si uu uga shaqeysto, balse waxaaay sheegtay inuu calafka kala geeyey, isla-markaana ay iyadu guursatay nin kale.

“Ninkaan waan is jecleyn, waan rabnay inaan arrinteena dhammeysano, hase’ahaatee waxaan calaf aheyn lama cuno waxaan wad aheyna looma dhinto,”ayey tiri Carfoon.

Sidoo kale waxa ay sharraxaad ka bixisay sababihii ay isku waayeen ama keenay inuu burburo xiriirkooda, waxayna shaacisay in iyada oo joogto deegaankii ay isku barteen oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose loo sheegay in Adeera uu gabar kale ku guursaday Xamar.

“Nin-baa ii yimid oo igu yiri ninkii qoys-buu Xamar ku dhistay waan aamini waayey marka aan ayaan aamusnaa, hadda naag ninkii ay sugeysay la yiri nin-buu guursaday wixii qaban lahaa ayaa i qabtay, waa iska xanaaqday nin kale ayaan iska guursaday,” ayey sii raacisay.

Dhanka kale Carfoon oo soo martay afar guur ayaa sheegtay inay hadda xaas, balse aysan weli helin wax ubad ah, waxayna cafis ka dalbatay Maxamed Nuur Aadan (Adeera).

“Waalkey waxaan ka rabaa oo aan ka codsanayaa oo aan ka baryayaa inuu iska key cafiyo oo cafis ii fidiyo,” ayey markale tiri.

Ugu dambeyn waxaa hadalka qaaday Adeera oo sheegay inuu dhibaato badan u maray Carfoon darteed, balse uu hadda cafiyey islamarkaana uu ku faraxsan yahay la kulankeeda.

“Carfoon Jabrey inaan is aragno waan ku faraxsanahay aniga dartaa dhib badan ayaan soo maray, haddana waan fiicnaaday Alxamdulilaah, waana ku cafiyey” ayuu yiri Adeera.

Adeera oo hadda la daaweeyey, islamarkaana dareemaya soo kabasho ayaa qorshihiisu wuxuu yahay inuu sanadka cusub ee nagu soo aadan 2023-ka la aqal galo gabar ay xigto yihiin, wuxuuna garab istaag iyo caawimaad ka dalbatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

&nbsp

Turkiga oo duqeeyey meel u dhow saldhigga ciidanka Mareykanka ee Suuriya

0

Ankara (Caasimada Online) – Duqeymaha cirka ee Turkiga oo qeyb ka ah duullaan cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya ayaa ka dhacay meel ku dhow ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo ay hoos yimaadaan ku dhawaad 900 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, una xilsaaran ka hortagga kooxda la baxday dowladda Islaamka, ayaa markii ugu horreysay qiratay weerarkan Talaadadii, iyagoo sheegay in xilligaas aysan ku sugneyn saldhigga.

Laakiin sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa  sheegay goor dambe oo Arbacadii in ciidamada Mareykanka ay ku dhow yihiin meel 300 mitir u jirta saldhigga, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Hasakah.

Ilo ku dhow hoggaanka ciidamada SDF ee uu Maraykanku taageero ee Suuriya, ayaa VOA u sheegay in saldhiggan uu ka mid yahay dhismo weyn, isla markaana ciidamada Maraykanku ay ku jireen dhismo kale oo aan ka tirsanayn saldhigga laftiisa.

Saraakiisha ciidamada Maraykanka ayaa ka warwareegay in ay bixyaan tafaasiil dheeri ah, balse waxay u muuqdeen inay garwaaqsan yihiin halista dhacdada bayaan ay soo saareen gelinkii dambe ee Arbacadii.

Daawo: DF oo ka hadashay hakadka ku yimid dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay sababta ay u hakadeen dagaalladii ku furnaa kooxda Al-shabaab ee ka socday gobollada dhexe ee dalka.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dagaalku uusan xabad kaliya aheyn, balse ay jiraan xeelado kale oo dowladdu ay isticmaaleyso.

Wasiirka oo wareysigaan siiyey BBC TV ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay la wareegto hoggaaminta dagaalka oo markii hore ay ku biritaareysay shacabka hubka qaatay ee kacdoonka sameeyey.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay jiraan xeelado kale oo dagaalka ay dowladdu u adeegsaneyso, kuwaas oo sheegidooda uu ka gaabsaday.

Deegaanadii laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ayuu sheegay in dowladdu ay ku howlantahay sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ayaa ka hadlay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku maray furimaha dagaalka ee gobollada dhexe, isagoo sheegay in madaxweynuhu uu yahay hoggaamiyaha dagaalka, isla markaana booqashadaas ay qeyb ka tahay qorshaha socda ee dagaalka.

Wasiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay fursadaan ka faa’iidaysataan oo dagaalka ay ka qeyb qaataan, si durba looga guuleysto kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyntii wasiirka gaashaandhigga wuxuu balan qaaday in dhawaan ay dowladdu ku dhaqaaqi doonto qorshaheeda dagaalka, iyadoo si rasmi ah hoggaanka ugu qabaneysa xoogagga deegaanka iyo ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Hoos ka daawo 

Daawo: Muxuu ka shaqeynayaa TV-ga cusub ee Xasan Sheekh uu maanta furay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Telefishin cusub oo si gaar ah u tebi doona dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxaha xagjirka ah.

Telefishinkaan magaciisu uu noqonayo SNTV Daljir ayaa sidoo kale diiradda saari doona ka shaqeynta arrimaha khuseeya horumarka Soomaaliya iyo guulaha ciidanka qaranku ay ka gaarayaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah.

Madaxweynaha ayaa maanta ku dhawaaqay in Telefishinkaan cusub uu qaada doono doorka tebintaas u gaarka ah dagaalka, horumarka dalka iyo caqiidada suuban, si meesha looga saaro afkaaraha xagjirka ah.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyey inay u soo jeestaan hormarinta dalkooda, “Aduunyadii waa naga tagtay ee aan ka daba tagno, TV-gaan ayaad hadda kadib kala soca doontaan hormarka dalka iyo arrimaha dagaalka,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dunidu ay hormar badan sameysan sanadihii ay burbursaneed Soomaaliya, caqabadaha ay dadka Soomaaliyeed ka gudbi waayeen ayuu sheegay inay ugu horeeyaan Al-Shabaab.

“Weli dabar ayaa nagu xiran, Shabaabka ayaa naloo adeegsaday, waana iska diidnay waxa ay wadaan, waana ka guuleysaneynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jaray SNTV 2 Daljir.

Hoos ka daawo

49 Al-Shabaab ah oo maanta lagu dilay howlgal culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in howl-gal qorsheysan iyo duqeymo lagu dilay illaa 49 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro kalana lagu dhaawacay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in howl-galka qorsheysan iyo duqeymaha ay ciidanka gaarka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhamaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaas ku haysteen Khawaarijta Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta.

Xubnaha Shabaabka ah ee lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay ciidanka Sirdoonka iyo kuwa xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celisay dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta qayb ka ah dagaalka Al-Shabaab looga xoraynayo dalka oo dhan, islamarkaana ay garab taagan yihiin ciidanka qalabka sida ee dalka.

Howl-galkaan ay maanta dowladdu sheegtay in lagu dilay Shabaab badan ayaa kusoo aadaya xili uu gaabis ku yimid howl-galadii ka dhanka ahaa kooxda, kuwaasi oo kal hor si xawli ah uga socday qeybo badan oo dalka.

Xamza oo xil magacaabis cusub sameeyey maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Xoghaye cusub oo joogto ah ee ku meel gaarka ah u magacaabay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Faarax Aadan Xasan ugu magacaabay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Soomaaliya wareegto 19-kii bishaan kasoo baxday xafiiskiisa.

“Markuu tixgeliyay Ra’iisul Wasaaraha baahida loo qabo in la dar-dargeliyo habsami u socodka howlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka,” ayaa lagu yiri wareegtada oo maanta ay shaacisay Wasaaradda Cadaalada.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa shaacisay wareegtadaan oo maanta dhaqan-gashay, taasi oo lagu sheegay in magacaabidaan lagu sameeyay soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin.

Madaxda sare ee Qaranka ayaa inta badan sameeya magacaabis dhaqan-gasha muddo kadib magacaabistooda, sida dhacday dhowr jeer oo hore, oo wareegtooyin la diyaariyay ay xafiisyadooda baahiyaan muddo kadib.

KENYA oo hakisay dal-ku-galka baasaboorka Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale hakad galisay dal ku-galka baasaboorka Soomaaliya, taasi oo saameyn xoogan ku yeelatay Ganacsatada Soomaalida ee ka shaqaysta xarumaha lagu iibiyo tigidhada diyaaradaha.

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida oo la hadlay VOA ayaa ka walaacsan saamayn xoogan oo uu ganacsigooda ku yeeshay hakad ku yimid dal ku-galka Kenya, ayada oo culeyskaasi uu sidoo kale saameyay bulshada Soomaaliyeed ee u safreysa Kenya.

“Qofka marka uu Visa helin ma goosanayo tigidh, dhaq-dhaqaaqa ayaa yaraanaya oo diyaaradaha Soomaalida inta badan waxay dib uga soo qaadan marka ay gobolada Soomaaliya kasoo baxayaan waa dad wata Baasaboorka Soomaaliya. Saameynta u weyn xataa waxaa dareemay diyaaradaha”

“Sababta ay arrintaan u dhacday wax cad ma jiraan, dowladda Kenya ayaa waxay go’aansatay inaysan Visaha siin Baasaboorada Soomaaliya, haddii la helana waa wax adag oo waqti badan ku xiran oo mararka qaarna la helayn.”

Illaa hadda majiro war rasmi oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ay ku sheegayso inay joojisay dal ku-galkeeda Baasaboorka Soomaaliya, hase yeeshe arrintaan ayaa ah mid si weyn loo dareemay toddobaadyadii u dambeeyay.

Dhinaca kale, Masuuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa sidoo kale arrintaan qiil uga dhigay inay saameysay kala wareega masuuliyiinta dowlada cusub ee dalka Kenya, dibna ay u bilaabi doonaan.

Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo horaantii bishii 9-aad ee sanadkaan wada-hadalo ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay in la fudeydiyo isku socodka iyo ganacsiga labada dal, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii lagu fasaxay khaadka Kenya ee iman jiray Soomaaliya.

Si kastaba, Kenya ayaan fulin xitaa hal qodob oo ka mid ah heshiiskaas, waxaana cad in mar kale madaxda Soomaaliya laga saxiixay heshiisyo been ah oo Kenya kaliya u daneynaya.

Itoobiya oo soo farogelisay khilaafkii guddoomiyaha Gedo iyo taliyaha NISA – Xog

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta la xaliyey khilaafkii u dhexeeyey guddoomiyaha maamulka gobolkaasi, Axmed Buulle Gareed iyo taliyaha NISA EE Gedo, Bakaal Kooke.

Khilaafka ayaa waxaa lagu soo afjaray degmada Doolow, kadib wadahadallo maalmo socday oo ka dhacay degmadaasi, kuwaas oo la’isugu keenay labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda Itoobiya ayaa faragelisay xiisaddan, waxaana saraakiil ka tirsan dalkaas oo ku sugan gobolka Gedo ay isku keeneen Axmed Buulle iyo Bakaal Kooke, ayada oo sidaas ku xalisay khilaafka labada nin oo sameeyey gobolkaasi.

Arrinta la’isku qabtay ayaa aheyd lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado degmada Doolow iyo sidoo kale degaanada kale oo ay ku murmeen labada mas’uul.

Munaasabad kooban oo lagu qatay degmada Doolow ayaa ugu dambeyn la’isugu keenay guddoomiyaha gobolka Gedo iyo taliyaha NISA, ayaga oo isku gacan qaaday goobta, iskuna cafiyey, waxaana lagu ballamay inay wada shaqeeyaan lana sii amba qaado howlaha kale.

Guddoomiyaha oo hadal kooban siiyey warbaahinta ayaa shaaciyey inuu soo dhammaaday khilaafkii ka taagnaa gobolka, ayna si caadi ah kusii socon doonto shaqada maamulka.

Gedo ayaa waxaa kusoo noq-noqday khilaafaad dhanka maamulka ah, kaas oo dib u dhigay hormarkii gobolkaasi oo xudun u noqday murankii hareeyey ee doorashadii soo dhamaatay.

Daawo: Xaliimo Yarey oo soo jeedisay dalab cusub kadib markii xilka laga qaaday

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xilka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo kala diray guddigii ay hoggaamineysan.

Xaliimo Yarey oo xalay Dhuusamareeb uga qeyb gashay xaflad lagu caleemo saaray guddoomiyaha degmadaas iyo golaha cusub ee deegaanka ayaa dalbatay in mar dambe aan loogu yeerin “Guddoomiye Xaliimo Yarey.”

Waxay sheegtay in xilkaas lagu kala baxay, isla markaana ay dalbaneyso in hadda kadib loogu yeero “Xaajiyo Xaliimo Yarey.”

“Caawa wixii ka dambeeya Xaajiyo Xaliimo Yarey iigu waca, waad ogtihiin xilkii guddoomiyaha meesha uu ka baxay,” ayey yiri guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Xaliimo Yarey.

Maamo Xaliimo ayaa intaas uga gaabsatay ka hadalka xilka qaadisteedii iyo guddigii ay hoggaamineysay oo habeen ka hor uu kala diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo cuskanaya sharcigii lagu dhisay guddiga doorashooyinka oo dhigayey in lix sano ka badan uusan jiri karin guddigaas, ayaa habeen ka hor burburiyey go’aan uu Farmaajo muddo kordhin ugu sameeyey guddigaas.

Madaxweynaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha faray inuu soo dhiso guddi doorasho oo cusub, kadib markii uu dikreeto ku kala diray guddigii ay hoggaamineysay Xaliimo Yarey ee doorashooyinka oo horay u dhameystay muddo xileedkii sharciga ahaa.

Hoos ka daawo hadal jeedintii Xaliimo Yarey 

Daawo Indhacadde: Waligey dagaal kuma guuldareysan ee hogaankiisa noo dhiiba

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa masuuliyiin xalay Dhuusamareeb uga qeyb gashay caleemo saarka golaha deegaanka iyo guddoomiyaha magaalada ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Indhacadde ayaa dhaar ku maray in Al-Shabaab aysan qof ka reebeyn Soomaalida ka soo hor jeeda gadii uu joogsado dagaalka ka socda gobollada qaar ee ka dhashay kacdoonka dadka shacabka ah.

Indhacadde ayaa dowladda dhexe ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeeyey in dagaalka ay hoggaamiso oo cid kale aysan ku haleyn xoreynta dalka, isagoo balan qaaday in saraakiisha hoggaamineysa dagaalka uu qeyb ka noqa doono.

“Anagu sida xabadda loo rido waa naqaan iyo sida dagaalka loo qorsheeyo, weligey dagaal aan hoggaaminaayo kuma jebin oo la igama guuleysan, Allaah ayaa ku mahadsan ee dagaalka na geliya, aan cadowga iska dul qaadnee,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Jananka ayaa ka digay in Al-Shabaab la siiyo fursad ay ku nastaan po qorshe dagaal ay ku dejiyaan, maadaama bilihii lasoo dhaafay aad loogu jebiyey furimaha dagaalka, balse hadda uu istaagay dagaalkii ku socday kooxda.

Indhacadde ayaa Madaxweynaha Galmudug ayuu kula taliyey in mudada yar ee uga hartay xil-heyntiisa uu dhaxal suuban iyo xornimo uu uga tago dadkiisa, “Hadii aad u hagar baxdo dadkaagu waa ku adeeci doonaan Madaxweyne insha allah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Indhacadde.

Hoos ka daawo 

Taardhuleed oo weerar culus ku qaaday wasiir Axmed Fiqi iyo JAWAABTA la siiyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Mudane Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo xalay ka qayb-galayey xaflad lagu caleema saarayey golaha deegaanka Dhuusamareeb ayaa weerarka afka ah ku qaaday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ku sugnaa goobta ay ka socotay munaasabadda.

Taardhuleed ayaa shaaca ka qaaday in wasiir Fiqi ay haatan tabasho ka tirsanayaan reer Galmdudug, gaar ahaan shacabka ku nool magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

“Wasiir Fiqi dadka deegaankan jooga ee reer Galmudug, gaar ahaan dadka degan Dhuusamareeb iyo Guriceel waxay kaa tabanayaan wax jirtay maalintaas door aad ka qaadatay, haddii dadka halkan jooga ay ku yiraahdaan adoo Shabaab kula jira dagaal Shabaab in lala diriraa ma banaana waa dareemi kartaa mas’uuliyadda ku taabaneyso, anigu qof sideedaba qoray sidata ama Shabaab ha ahaato, ama Ahlu Sunna ha ahaato Ama Ictisaam ha ahaato nin qoray sita oo raba inuu xoog wax ku raadiyo dhiigga Ummadda baneysto aniga waa isuku key mid,” ayuu yiri Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed).

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inuu ku lug lahaa dagaalkii Gurceel ee u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug, isaga oo ka dalbaday inuu caddeeyo doorkii uu ku lahaa

“Wasiirka waxaan uga fadhinaa doorkii uu ku lahaa dagaalkii ka dhacay Guriceel inuu meeshaan ka caddeeyo,” ayuu markale yiri Taardhuleed.

Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa u jawaabay Taardhuleed, wuxuuna sheegay in muddo 4 maalin ah uu joogo Dhuusamareeb, islamarkaana ay usoo gar-dhigan karay qof kasta oo tabasho ah.

“Dad badan ayaa waxa ay igu yaqaanaa nin wax iska celiya, laakiin goob walbaaba hadalkeeda ayey leedahay. Aniga afar beri-baan joogay ninkii gar ii heysta waa ii gar dhigan karay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Fiqi ayaa sidoo kale intaasi sii raaciyey “Gogosha Cabdiraxmaan lagu caleema saarayo ma rabo inaan garta ku galo, aad iyo aad ayaana u mahadsan tihiin,”.

Si kastaba, hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay weerarka tooska ee Taardhuleed uu ku qaaday Fiqi, iyada oo si aad loogu faafiyey baraha bulshada ay ku wada xiriirto Internet-ka.

Muuse Biixi oo sameeyay magacaabis iyo xil ka qaadis

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegto uu soo saaray.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka looga qaaday Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, ayada oo madaxweynaha uu jagadaas u magacaabay Cabdiraxmaan Jaamac.

“Xasan Axmed Aadan, Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud, Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawl-karnimadii aad muujisay mudadii aad haysay xilka,” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland oo ahaa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aare, isaga oo xilkaas u magacaabay Aamina Cilmi Fariid Badeed.

Waa xil ka qaadistii ugu horeysay uu sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi tan iyo 13-kii November 2022 oo ku beegneyd muddo xileedka rasmiga ah ee Madaxweynaha, sida uu dhigayo Dastuurka Somaliland.

Somaliland ayaa waxaa weli ka taagan muran siyaasadeed la xiriira doorashooyinka iyo xisbiyada, xili Golaha Guurtida ay muddo kordhin laba sano ah u sameeyeen madaxweyne Biixi, taasi oo ay qaadaceen xisbiyada mucaaridka.

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay askari sabab yaab leh u dilay qof shacab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday askari ka tirsan ciidamada ammaanka ee degmada Afgooye, kaas oo si bareer ah 25-kii April ee sanadkan u dilay qof shacab ah.

Maxamed Cabduqaadir ayaa ka tirsan ciidamada Booliska Koonfur Gakbeed ee ka howlgala gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo dilka kadib gacanta lagu soo dhigay, waxaana maxkamadeyntiisa ay soo martay marxalado kala duwan.

Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in ugu dambeyn askarigan lagu helay dilka marxuum Cabdifitaax Cabdullaahi Cali, kaas oo u adeegsaday Toorey ama Mindi.

Sababta uu u dilay marxuumka ayaa waxaa maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku sheegtay in ay la xariirto muran ka dhashay Janta Sigaar, taas oo la yaab ku noqdatay dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka.

Fadhiga ay yeelatay maxkamadda ciidamada ayaa waxaa ku sugnaa ehelada labada dhinac, saraakiil ciidan iyo sidoo kale dadweyne kale oo goobjooga ahaa sida uu xukunka u dhacay.

Maxkamadda ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyey kordhisay dhaq-dhaqaaqyadeeda, iyadoo ridday xukuno kala duwan oo qaarkood dhowaan lagu fuliyey dadkii lagu xukumay.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa inta badan dilal ugu geysta geysta dadka shacabka magaalooyinka ay ka howlgalaan dalka, dhibaatooyinkaas oo ah kuwa soo noq-noqday.

Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka oo gaartay go’aan ka dhan ah Trump

0

Washington (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Talaadadi shalay oggolaatay, in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada.

Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa tan iyo sannadki 2019-kii baadi-goob ugu jiray, sidi ay u heli lahaayeen dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump muddo lix sano ah oo, ay ku jirto afarti sano ee uu madaxweynaha ahaa.

Trump ayaa dhamaadkii bishi October weydiistay Maxkamadda Sare in ay diiddo, amar kasoo baxay maxkmad ku taalla New York oo fasaxday baaritaanka canshuur celinta Trump.

Go’aanka Maxkamadda Sare ee shalay ayaa madaxweynihi hore ee Mareykanka Trump ku noqonaya, guul-darradii saddexaad ee kasoo wajahda Maxkamadda Sare sanadkaan oo kaliyah.

Wali wax falcelin ah kama soo bixin dhanka Trump.