29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha dhulgariirka ku dhuftay dalka TURKIGA

0

Ankara (Caasimada Online) – Dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 6.1 ayaa ku dhiftay Waqooyi Galbeed dalka Turkiga saacadihii hore ee Arbacada maanta ah, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 35 qof.

Dhulgariirkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 170 kiiloomitir (105 mayl) dhanka bari kaga beegan magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn dalkaas, halkaas oo si xooggan looga dareemay.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in dhulgariirku uu ahaa 5.9 — taas oo ka hooseeya qiyaastii 6.1 ee ay bixisay hay’adda Sahanka Juquraafi ee Maraykanka.

Waxa uu ka dhacay degmada Golyaka ee gobolka Duzce, inkastoo uu sidoo kale uu ruxay magaalooyin kale oo u dhow.

“Waxaa kusoo toosnay sawaxan iyo gariir weyn,” ayay AFP u sheegtay Fatma Colak oo degan Duzce.

“Waxaan kasoo baxnay guryaheennii annagoo argagaxsan, hadda waxaan ku suganahay bannaanka.” ayay raacisay.

Wasiirka caafimaadka Fahrettin Koca ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in 35 qof ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo 32 ka mid ah ku dhaawacmeen degmada Duzce, mid Istanbul ah iyo labada kale ee gobollada u dhow ee Bolu iyo Zonguldak.

Turkigu ayaa ku yaalla mid ka mid ah goobaha ay ugu badan yihiin dhulgariirka adduunka.

Duzce ayaa ahayd goobtii uu ku dhiftay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.4 sanadkii 1999-kii – oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa Turkiga tobannaan sano.

Dhulgariirkaas yaa dilay in ka badan 17 kun oo qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad kun qof oo ku dhintay Istanbul.

VOA

Sawirr: Maxay aheyd farriinta uu Mohamed Bensaid soo gaarsiiyey Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dhallinyarada, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Morocco, Mohamed Mehdi Bensaid ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaasoo uu gelinkii dambe ee shalay ku qaabilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya soo gaarsiiyay farriin uu uga siday Boqor Maxamed-ka lixaad ee Morocco.

“Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasiir Bensaid booqashadiisa iyo fariinta rasmiga ah, ee uu ka siday H.M King Muammad VI,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Twitter-ka.

5-tii bishii hore ee October ayay ahayd, markii Wasiirka Isgaarsiinta Algeria, Mohamed Bouslimani uu sidaan oo kale booqasho ugu yimid Caasimadda Muqdisho, soona gaarsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh farriin uu uga siday Madaxweynaha dalka Algeria, Abdelmadjid Tebboune.

 

Sawirro: Muxuu Xasan Sheekh maanta ku soo arkay dekedda Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Dekadda Muqdisho ayaa “adkeeyay muhiimadda dardargelinta hawlaha shaqo ee Dekadda si kor loogu qaado dakhliga dowladda.”

Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Dekadda ee loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna faray hawl-wadeennada in iyaga oo ilaalinaya qaanuunka dowladnimada ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan dadka Soomaaliyeed, loona fududeeyo adeegyada uga xiran Dekadda.

“Wax kasto oo shaqo ah sidii loo qaban jiray waa in si ka duwan loo sameeyo si aan u helno wax ka wanaagsan waxa aan heysano,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay muhiimadda ay ilaha wax soo saarku u leeyihiin dowladnimada ayaa kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha Dekadda Muqdisho in ay dardargeliyaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan kobciyo dakhliga wax soo saar ee dalka.

Dhankooda, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdullahi Axmed Jamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Sadaam Maxamuud iyo Maareeyaha Dekadda ayaa Madaxweynaha siiyay warbixin ku saabsan sida ay u socdaan hawlaha shaqo ee Dekadda iyo qorshaha hortebinta u leh ee ay doonayaan in ay ku horumariyaan hawlaha Dekadda.

Al-Shabaab oo galabta lagu jebiyey weerar ay koox macawiisley ah ku qaadeen

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa weerar ay maanta gelinkii dambe kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Ceeldheere.

Deegaankaan ayaa dhaca halka ay iska galaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka socday abaabul xooggan oo dadka deegaanka ay sameynayeen, si kooxdaan ay isaga xoreeyaan

Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay degaankaas, kadib markii ay Al-Shabaab soo weerareen saldhig ay Ceeldheere ku lahaayeen ciidanka dib u xoreynta deegaanka, waxaana halkaas khasaare culus lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in kooxda lagu jebiyey dagaalkii galabta oo dib ay ugu laabteen deegaanadii ay ka soo duulaan tageen, iyagoo meydad badan uga carar halkii lagu dagaalamay.

Si rasmi ah looma oga tirada khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray dagaalkii galabta, hase yeeshee waxaa la soo werinayaa in khasaaraha ugu badan la gaarsiiyey Al-Shabaab oo duulaanka soo qaaday.

Halka ay iska galaan gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan waxaa ka socda abaabul xoog leh oo dadka deegaanadaas ay uga soo hor jeedaan kooxda Al-Shabaab, iyagoo doonaya inay dhulkooda ka xoreystaan kooxda.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ku xoogan tahay dhulkaas, maadaama laga xoreeyey inta badan bariga gobolka Hiiraan iyo qeybo badan oo ka tirsan Shabeellada Dhexe.

 

Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay arrinta uu la damacsan yahay Kevin McCarthy

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa u jawaabtay Hoggaamiyaha Aqalka Laga Tirada Badan Yahay ee Mareykanka, Kevin McCarthy, kaddib markii uu mar kale ku hanjabay inuu ka saari doono Guddiga Arrimaha Dibadda, isagoo ku eedeeyay “inay dhowr jeer cambaareysay Israa’iil iyo Mareykanka.”

McCarthy, oo doonaya in bisha January uu noqdo Afhayeenka Aqalka, ayaa hanjbaaddan ku celceliyay dhowr jeer.

“Dadaallada McCarthy ee uu igu beegsanayo si xushmad darro iyo nacayb ah — ayna ku jiraan inuu iigu hanjabo inuu iga saarayo guddiga — kama tarjumayaan arrimaha ay la tacaalayaan codbixiyeyaasheenna,” ayay Ilhaan ku tiri warsaxaafadeedkeeda.

“Ka warran haddii ay sababto cabsi iyo nacayb ka dhan ah Soomaalida Ameerikaanka ah iyo qof walba oo isirka ila wadaaga, ayna ina sii kala qeybiso,” ayay intaa raacisay. “Waa olole socda oo looga soo horjeedo codadka Muslimiinta iyo Afrikaanka, dadka xisbigiisa ay isku dayayeen inay mamnuucaan tan iyo markii ugu horreysay ee uu talada xafiiska qabtay Donald Trump.”

“Ma joojin doono u dagaallanka siyaasadaha bani’aadannimada leh ee sinnaan iyo caddaalad ay ku dheehan tahay. Ma joojin doono inaan u ololeeyo nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee daafaha dunida. Mana joojin doono inaan u dagaallamo Mareykanka oo aan dadka ku beegsaneynin isirkooda ama diintooda,” ayay tiri.

Bishii January ee sanadkii hore, McCarthy ayaa codsaday in saddex xildhibaan oo ka tirsan Dimuqraadiga laga saaro guddiyada ay ku jiraan haddii uu Jamhuurigu mar kale qabsado hoggaanka Aqalka ayna isaga u doortaan afhayeen.

Xildhibaannadaas waxay kala yiihiin Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Guddiga Arrimaha Dibadda, Eric Swalwell iyo Adam Schiff, oo ka tirsan Aqalka Guddiga Sirdoonka.

Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay ayuu Kevin ku sheegay in Ilhaan ay neceb tahay Israa’iil.

“Sanadkii la soo dhaafay, waxaan ballan qaaday in marka aan noqdo afhayeen, aan Ilhaan Cumar ka saari doono Aqalka Guddiga Arrimaha Dibadda anoo ku saleynaya hadalladeeda Israa’iil nacaybka iyo Mareykan nacaybka ah. Waan fulinayaa ballantaas,” ayuu yiri.

Bishii June ee sanaddii 2021 ayaa waxa ay Ilhaan Cumar si kulul u weerartay xukuumadda Israa’iil iyo waliba Mareykanka.

Ilhaan ayaa si kulul uga hadashay weerarrada ay dadka ku dhintaan ee ay Israa’iil ka geysato Daanta Galbeed iyo waliba kuwa uu Mareykanka ka gaystay qaar ka mid ah dalalka Islaamka.

Xilligaasi waxay barteeda Twitterka ku soo qortay “Waxaan aragnay gumaadka aan la malayn karin ee ay gaysteen Mareykanka, Xamaas, Israa’iil, Afgaanistaan, iyo Taaliban.

“Waa inaan u helnaa isla xisaabtan iyo caddaalad dhammaan dhibanayaasha xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha,” ayay qortay, xilli ay su’aalo waydiinaysay Xoghayaha Arimaha Dibadda Anthony Blinken intii lagu guda jiray dhageysiga Guddiga Aqalka Wakiillada.

Hadalkeeda ayaa xilligaas ku soo beegmay toddobaadyo uun kadib markii dagaalkii u dhaxeeyay Xamas iyo Israa’iil lagu soo afjaray xabdad joojin.

Hadalka xildhibaan Ilhaan ayaa waxaa ka dhashay muran badan islamarkana waxaa u jawaabay qaar ka mid ah xubna ay ka wada tirsan yihiin Aqalka Congreska oo iyagu ka carooday in ay Israa’iil iyo Mareykanka la barbar dhigtay kooxaha Taliban iyo Xamaas.

Sannadkii 2019-kii, waxay sidoo kale Ilhaan raalli-galin ka bixisay hadal ay sheegtay oo ahaa in siyaasiyiinta u janjeera Israa’iil ay lacag sabab u tahay taageeradooda Israa’iil.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa bishii April ee 2019 boggiisa Twitter-ka ku qoray ‘hadal jeejees ah’ oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar.

Xilli uu jeedinayay khudbad ayaa ka hor inta uusan billaabin waxaa uu yiri “Oh waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa’iil ma jecleyn, waan ka xumahay. Maya Israa’iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa.”

Trump ayaa mar waxaa uu Ilhan Cumar ugu baaqay inay iscasisho ama ay isaga baxdo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Kongres-ka.

Ilhaan ayaa ugu jawaabtay “Waxaad la timid naceyb waligaaba kuugu jirtay oo aad u qabto Yuhuuda, Muslimiinta, muhaajiriinta, dadka madowga iyo dadka loogu yimid Mareykanka, waxaan wax ka bartay dad hadalkeygu uu noolashoodu saameeyay ee adigu goormaad wax ka baran?”. Sidaasi waxaa xilligaas barteeda Twitter-ka ku qortay Ilhaan Cumar.

Isha: BBC

Sawirro: Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee QATAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Danjire Al-nuceymi ayaa Madaxweynaha soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, taasi oo uu ka siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim Binu Xamad.

Danjiraha ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa waxa kale oo uu shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabilay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Danjire Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa waxa 17-kii bishii October ee sanadkaan uu Amiirka dalka Qatar u soo magacaabay inuu noqdo Safiirka dalkiisa u fadhiya Soomaaliya.

Cabdalla ayaa waxa uu bedelay Safiirkii hore ee Qatar u joogay Soomaaliya Xasan Bin Xamza, oo ahaa Safiirka dalkaas tan iyo 13-kii July ee 2014-kii. Waxa uu ahaa mid ka mid ah safiiradii ugu waqtiga dheeraa ee joogay Muqdisho.

Xasan Sheekh oo safar ugu baxaya gobol ka mid ah dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa inay gaaraan degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, xili uu dhawaan gaaray furimaha dagaalka.

Wafdi horudhac u ah madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa inay sii gaareen degmada Cadalle, ayada oo halkaasi ay gaareen masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle.

Sida qorshuhu yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cadalle kula kulmi doona saraakiisha ciidamada iyo kuwa deegaanka ee hogaaminaya howl-galada ka socda Shabeellaha Dhaxe.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha ka dhageysan doona warbixino la xariirta halka ay marayaan howl-galada socda, ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo sanadihii dambe dhibaatooyin badan ku haysay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa hore socdaal ugu tagay deegaano dhowr ah oo furimaha dagaalka ee ka socdaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa shacabka ku amaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay dadka deegaanka ee dagaalka ku jira.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ayaa dhawaan Al-Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo horey u haysteen, waxaana socda howl-galka ay ciidamada ku doonayaan in guud ahaan gobolka uga saaraan Al Shabaab.

Hanti dhowraha qaranka oo soo bandhigay malaayiin dollar oo la waayey 2021-kii

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Hanti dhowraha guud ee qaranka, Dr. Maxamed Cali Afgooye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin sanadle ah oo ku aadan hab maamulka maaliyadeed ee dowladda ee sanadkii hore 2021.

Afgooye ayaa warbixintiisa diirradda ku saaray dhinacyo badan, sida xisaab xirka miisaaniyadda ee 2021-kii, taas oo gaareysay $666 milyan oo Dollar, isaga oo ka hadlay sida loo maareeyey deeqihii la helay iyo Covid-19 oo mar labaad soo laba kacleeyey.

Hanti dhowraha qaranka ayaa shaaca ka qaaday inuu baaris ku sameeyey illaa 29 hay’adood oo ka mid ah 67-da hay’adood ee dowladda iyo sidoo kale laba safaaradood.

WARBIXIN MAALIYADEED

Warbixinta kasoo baxday hanti dhowrka ayaa waxaa lagu sheegay in qaladaad uu ka jiro xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee 2021, islamarkaana aan si sax loo soo bandhigin, ayada oo sidoo kale hanti dhowraha uu iska fogeeyey, sababo la xiriira xogta oo koobneyd.

“Waxaan ka dhowrsaday Hanti dhowr ahaan inaan ansixiyo xisaab xirka dowladda ee la’iisoo gudbiyey sanadka 2021,” ayuu shirkiisa jaraa’iid ku yiri Hanti dhowraha qaranka.

Maxamed Cali Afgooye ayaa sidoo kale warbixinta ku sheegay in la waayey $28 Milyan oo Dollar oo dakhli ah, islamarkaana ay dowladda ka heshay qandaraasyo lala galay shirkado caalami ah, isaga oo tilmaamay in aan la xaqiijin, maadaama aan loo hayn caddey ku filan.

Sidoo kale wuxuu tintaasi kusii daray in uusan heyn boqoleyda ay lahaayeen shirkahadaasi iyo waxa ay heleyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

DEYN

Hanti dhowraha qaranka ayaa sidoo kale soo bandhigay in dowladda Soomaaliya ay sanadkii lasoo dhaafay 2021-kii gashay deyn dhan $96 milyan oo ka timid, sanduuqa lacagta adduunka, IMF iyo $21,992 kun oo laga qaatay bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Deyntan ayuu sheegay in markii hore aan laga anisixin Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu qabo sharciga, sidoo kalena aan lagu wargelin isagoo ah Hanti dhowraha guud ee qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dib loo soo celiyey $35,156 kun oo ka mid ah lacagtii laga qaaday bangiga dhexe oo gaareysay $21,992 kun, balse aan la heyn meesha la geeyey $13,164 kun, oo gebi ahaanba la waayey halka mariyey, sida uu ku xusay warbixintiisa.

Waxa kale oo u sheegay inay jirto $1,441 kun oo lagu soo calaamadeeyey dul-saar heshiis laba geesood ah oo ay gashay dowladda Soomaaliya, balse aan la caddeyn heshiisyadaas.

Hanti dhowraha ayaa sidoo kale sheegay in xafiiskiisa uu sameyn doono baaris gaar ah oo la xariirta deyntaas guud, gaar ahaan sida laga yeelay $96 mliyan ee la waayey.

GOBOLKA BANAADIR

Warbixinta hanti dhowrka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay lacagn dhan $16 milyan ah oo la siiyey gobolka Banaadir, taas oo laga helay rugta ganacsiga iyo bangiga horumarinta, wuxuuna sheegay in lacagtaas aan marin habraaca maaliyadeed ee dalka.

SAFAARADO

Sida ku xusan warbixin sanadeedka hanti dhowrka qaranka ee uu maanta shaaca ka qaaday waxaa ku jirto baaris lagu sameeyey lacag dakhli ah oo ay soo xareeyeen safaaradaha Soomaaliya ee ku yaalla Nairobi iyo Addis Ababa, kuwaas oo helay lacag dhan $1 mliyan, taas oo badankood ay ka timid safaaradda Soomaliya ee magaalada Nairobi.

Hanti dhowraha ayaa sheegay in lacagtaas isla-markiiba la isticmaalay, ayada oo aan lagu soo shubin qasnadda dhexe ee dowladda federaalka Soomaaliya.

QALADAAD

Hanti dhowraha ayaa dhinaca kale soo bandhigay qaladaad jiro, wuxuuna tilmaamay in hay’adda dowladda badankood aysan la aheyn  qorshe iib oo sanadle ah oo ay ku shaqeeyaan, taasina ay caqabad ku noqonayso hannaanka iyo hufnaanta shaqadooda.

Warbixintiisa ayuu sidoo kale ku sheegay inay jiraan koontooyin ka baxsan kuwa dowladda oo ay isticmaalaan hay’ado qaar, kuwaas oo lacago lagu shubo, taas oo aan la ogaan karin.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in jiraan heshiisyo qaar oo aan laga diiwaan-gelin xafiiska hanti dhowrka iyo deeqo lacageed oo aan lagu darin miisaaniyadda dowladda.

Siyaasi caan ahaa oo xalay lagu dilay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho.

Dilka oo si gaar ah iga dhacay Waaxda Tima Cadde ee degmada Wadajir ayaa waxaa loo geystay Maxamed Xuseen Sebriye oo loo yaqaanay (Guuleyste), kaas oo ka mid ahaa siyaasiyiinta caanka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Marxuumka ayaa sidoo kale ka mid ahaa musharixiintii u tartamay ka mid noqoshada Golaha Shacabka, gaar ahaan kursiga Hop#33 oo uu kusoo baxay Yuusuf Kabaale.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka geysatay ay goobta isaga baxsatay, waxaana meydka marxuumka goor dambe goobta kasoo qaaday qaar ka mid ah ehelladiisa.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse kama hadlin falkan.

AUN dilka loo geystayb Maxamed Xuseen Sebriye (Guuleyste) ayaa ka mid noqonaya falal amni darro ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha caasimada.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka.

Dagaal culus oo dhexmaray Somaliland iyo Puntland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Ceyn ayaa sheegaya in maanta ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ay ku dagaalameen gobolkaasi, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Dagaalka ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Qararro oo ay gacanta ku heyntiisa isku hayaan maamullada dariska ah ee Somaliland iyo Puntland.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo weli xiisaddiisu ay taagan tahay.

Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadka dhexmaray Somaliland iyo Puntland ku dhintay ugu yaraan illaa 2 askari, halka ay ku dhaawacmay 5 kale oo labada dhinac ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay labada maamul ee fadhigooda yahay Hargeysa iyo Garoowe oo ku aadan dagaalka ku dhexmaray gobolka Ceyn.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana socdo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, ayada oo dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in uu markale dib u qarxo dagaalka.

Somaliland iyo Puntland oo isku hayo deegaanno badan ayaa horey ugu dagaalamay gobollada Sool iyo Sanaag oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Si kastaba, labada maamul ayaa maalmihii u dambeeyey sameynayey dhaq-dhaqaaqyo xoogan, waxayna taasi keentay in Somaliland ay la wareegto degmada Boocame ee gobolka Sool, taas oo ka mid aheyd meelaha ay Puntland u qorsheysay doorashadeeda.

Dagaalyahan Al-Shabaab ah oo galay saldhig ay leeyihiin ciidanka Kenya kadibna dilay…

0

Baghdad (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa gudahau galay saldhig militari oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose, wuxuu dilay ugu yaraan saddex askari, sida ay xaqiijiyeen militariga Kenya.

Ninkan hubeysan ayaa rasaas oodda ka qaaday, wuxuuna sidoo kale dhaawacay shan askari oo kale, kahor inta aan isaga la dilin, sida uu sarkaal militari oo codsaday inaan la magacaabin u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

Weerarkan ayaa ka dhacay saldhig ay Kenyan-ka ku magacaabeen Sarira Forward oo ku yaalla Jubada Hoose, gaar ahaan meel ku dhow xuduudda Kenya. 

Kooxda Al-Shabaa ayaa warbaahinteeda ku sheegatay inay fulisay weerarkan, balse ma shaacin khasaaraha.

“Waxaan aaminsannahay in ninka hubeysan uu muddo tijaabinayay weerar noocan oo kale ah. Waa inaan taxaddar badan muujinaa oo feejignaanaa,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidamada Kenya. 

“Innaga oo ku dhowaaneynaa dabaal-dagyada dhammaadka sanadka, waxaan u baahannahay inaan aad uga feejignaano agagaarkeena. Khatarta argagixisanimo weli waa mid baahsan, waana in la qaadaa tallaabo kasta oo lagu xakameynayo qorshahooda.” 

Illaa iyo hadda ma cadda sida hal nin oo hubeysan oo Al-Shabaab ah ay ugu suurta-gashay inuu galo xero ciidan, islamarkaana ku dilo askar Kenyan ah. 

Waa weerarkii labaad oo laba maalin oo isku xiga ay Al-Shabaab ku qaadaan Kenyanka. Al-Shabaab ayaa sidoo kale Axaddii weerartay saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Mandheera kahor inta aan la iska cabin.

Cabdisalaan Karood: Hadda 10 iskuul ayaan siinay kombiyuutaro iyo koronto

0

Amsterdam (Caasimada Online) – C/salaam Farah Cali [Abdisalam Karood] wuxuu ka mid yahay aasasayaasha ururka Kaalo Nederland; ururkaas oo door weyn ka qaata dhiiragelinta waxbarashada Gobolka Nugaal & guud ahaan Puntland. 

C/salaam Karood ka sokow inuu yahay isku-duwaha Kaalo, sidoo kale waa xubin firfircoon oo ka mid ah hormuudka  aqoonyahanada Soomaalida ku dhaqan Nederland. 

“Kaalo Nederland waxaa la aasaasay 1995-tii. Maadaama xilligaasi ay meesha ka baxeen adeegyadii ay bixin jirtay Dowladdii dhexe oo ay waxbarashaduna ka mid tahay, qaar ka mid ah  dadkii qurba joogta ahaa ee reer Garoowe ayaa isu-xilqaamay haddii hal iskuul-ba ha noqdee, ay wax uun sameyn karaan, sidaas ayaa loo aasaasay Kaalo” Ayuu yiri C/salaam Karood oo wareysi siiyay Somali Nederland TV, wuxuuna intaasi raaciyay in bulsho kasta ay iscaawin karto, iskuna tashan karto marka la wada eegayo danta guud, isaga oo intaasi ku daray in dadkii xilligaasi hormuudka u ahaa Kaalo ay ula muuqatay in waxbarashadu tahay tan ugu muhiimsan ee ay dhalinyaradu u baahan tahay. 

 “Mashaariicda joogta ah intooda badan waa isku tashi ka yimaada Jaaliyadda. Haddii aan aragno mushruuc dhaxal-gal ah waxaan ku jiheynaa meesha aan isleenahay wuu ku haboon yahay” Ayuu yiri C/salaam, oo ka jawaabayay su’aal aheyd cidda ka bixisa dhaqaalaha ku baxa mashaariicda ay Kaalo fuliso, isaga oo intaasi raaciyay in habka [criteria] ay wax ku xulanayaan ay tahay sida iskuulku u soo buuxiyo shuruudaha aasaasiga ah. 

C/salaan wuxuu ku amaanay Kaalo in ay hirgelisay Mashruuc Koronto & Kombiyuutaro la siinayo 10 iskuul oo ka dhisan Gobolka Nugaal, isaga oo dhinaca kale tilmaamay in ay jireen mashaariic ay wada qabteen qaar ka mid ah Wasaaradaha DG Puntland. 

“Hadda 10 iskuul ayaa siinay kombiyuutaro & koronto 24/7 shaqeyneysa, waan sii wadi doonaa oo waxaan gaarsiin doonaa  ilaa 100 iskuul” Ayuu yiri C/salaam, isaga oo intaasi ku daray in ujeedkoodu yahay in ay Gobolka Nugaal gaarsiiyaan ilaa heer ardaydu heli karaan waxbarasho bilaash ah, tayadeedu na tahay heer sare. 

C/salaan, wuxuu ammaanay aqoonyahanno dhalinyaro ah oo ku nool dalka Mareykanka, waqtigooda qaaliga ahna geliyay in ay casharo Online ah siiyaan ardayda dhigata iskuulaadka ay maamusho Kaalo ee ku yaan Nugaal. 

“Arday Soomaali ah oo Mareykanka jooga  ayaa si mutadawacnimo ah casharo luqada Ingiriiska ah u siiya ardayda wax ka dhigata Iskuulaadka ay Kaalo caawiso” Ayuu yiri C/salaam.

Cabdishakuur Cilmi Xasan

Eeney Ureyn Garaar Ooyow oo 5 bil kadib xukun lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi daa’in ah ku riday Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) oo lagu helay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Eenay Ooyow ayaa kooxda Al-Shabaab ku biiray isaga oo yar, wuxuuna kooxda argagixisada ah u qaabilsana qeybta qaraxyada, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Ciidanka dowladda ayaa 13-kii bishii June ee sanadkaan Eenay Ureyn Garaan Dooli (Ooyow) ka soo qabtay degmada Afgooye.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan Al Shabaab uu kaga biiray deegaanka Ceel-Bashiir ee hoostagta degmada Buur-hakaba, waxaana ku qanciyay ka mid ahaanshihiisa Horjoogihiisii kooxda.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay sidii uu usoo dhamaystiri lahaa hab raaca muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) 12-kii bishaan, ayada oo maxkamadda la wadaageen qiraalka eedeysanaha.

Xukunka maxkamadda ee xabsi daa’inka kadib Abuukataha u doodayey eedeysanaha ayaa maxkamadda ka codsaday inay u fiiriso sifaha danbi fududeya maadaama uu eedeysanaha qiraal yahay.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) Xabsi Daa’in 21-kii Bishaan, sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Cali Axmed Cali oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Gaashaanlaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in xukunsanaha heysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Natiijo cayaareed oo maanta dunida ka wada yaabisay

0

Lusail (Caasimada Online) – Natiijo cayaareed oo sanado badan ay taariikhda xusi doonto ayaa ka dhacday magaalada Lusail ee dalka Qatar, halkaasi oo uu ka socdo Koobka Kubadda Cagta Adduunka 2022.

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray dalka Argentina oo ay isku arkeen cayaar ka tirsaneyd Group C, ayaga oo kaga adkaaday 2-1.

Ma jirto cid fileysay in Sacuudiga ay ka adkaan doonaan Argentina iyo Lionel Messi, oo dad badan ay u arkaan cayaaryahankii ugu wanaagsanaa ee abid cayaara kubadda cagta, taa beddelkeed waxaa su’aasha ay ka taagneyd imisa gool ayaa laga dhalin doonaa Sacuudiga?

Daqiiqaddii 10-aad ee cayaartaba, waxaa durba xisaabta dhallinta billaabay Argentina, oo Lionel Messi uu u dhaliyey rigoore, waxaana kadib filashadu ay aheyd imisa gool ayey Argentina raacin doonaan.

Argentina kadib waxay dhaliyeen saddex gool, oo dhammaantood la diiday sababtoo ah waxay ahaayeen dhinac ka bax ama offside, waxaana qeybtii hore ee cayaarta ay ku idlaatay 1-0 oo Argentina ay ku hoggaaminayeen.

Hase yeeshee, qeybtii labaad ee cayaarta ayaa dunida waxay aragtay wax maalmo, toddobaadyo, bilo iyo sanado badan laha sheekeyn doono. Sacuudi Carabiya ayaa dhalisay laba gool oo deg deg ah, daqiiqaddii 49-aad iyo 53-aad, oo ay kala saxiixeen Saleh Al-Shehri iyo Salem Al-Dawsari.

Argentina ayaa kadib billaabay weerar badan, balse Sacuudiga ayaa si qurux badan u difaacatamay, waxaana kabtan Messi iyo kooxdiisa ku adkaatay inay mar labaad taabtaan shabaqa Sacuudiga oo ay dhaafaan goolhaye Mohammed Al Owais.

Argentina ayaa kubadda haysatay inta badan cayaarta ama 69%, halka Sacuudigu haysteen kaliya 31%, balse waxba waa ku tari waayeen.

Sacuudigu waxay gaareen guul taariikhi ah, Argentina waxay calaamad su’aal weyn saareen haddii ay sax aheyd saadaasha dad badan oo aheyd inay sanadkan hanan doonaan koobka.

Wax walba ka filo kubadda cagta.

IMAARAADKA oo ballan-qaad hor leh u sameeyay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha cusub ee dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Ahmad Juma Al-Rumaithi.

Kulanka oo ahaa isbarasho iyo soo dhaweyn, ayaa waxa uu Danjiraha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta oo guddoomiyaha salaan uga siday shacabka iyo dowladda Imaaraadka uu sheegay in dalkiisa ay ka go’antahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu danjiraha u ballan-qaaday guddoomiyaha inay dowladiisa ay kala shaqeyn doonto dib usoo kabashada & horumarinta dalkeena iyo weliba sii adkeynta cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dowladood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyntii dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta ku bogaadiyay dadaalada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka fulisay, wuxuuna danjiraha ku booriyay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa kamid ah dalal ay aad isugu xumaayeen dowladdii madaxweyne Farmaajo, oo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal dheeri ah u galay inuu xiriirkooda hagaajiyo, saaxiibna ka dhigto.

TPLF oo shuruud cusub ku xirtay inay hubka dhigto

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha Tigrayga ayaa sheegay in ciidamadooda aysan hubka dhigi doonin ilaa dadka degan gobolka waqooyi ee Itoobiya laga damaanad qaadayo ammaankooda.

Hub ka dhigista ciidamada iyo kooxaha maleeshiyada waxay qayb muhiim ah ka ahayd heshiiskii nabadeed ee ay dawlada iyo kooxda TPLF kala saxeexdeen 2-dii November.

Labada hogaamiye ee ugu sareeya xisbiga Tigray ee TPLF ayaa ku eedeeyay ciidamada Eritrea inay wali dhaqdhaqaaq ka wadaan waqooyiga Itoobiya halkaas oo ay ka geysanayeen tacadiyo.

Arintan ayay sheegeen in ay ku adkaatay Ciidamada TPLF in ay hub ka dhigis ku sameeyaan.

DR Feysal rooble oo ah khabiir ka faalloda arrimaha siyaasadda ee Ethiopia ayan wax ka weydiinay arrimahani saameynta ay ku yeelan karaan heshiiskii ka dhacay dalka Koofur Afrika.

Sida ku cad shuruudaha heshiiskii xabbad-joojinta ee 2-dii Nofembar lagu saxiixay Pretoria, dowladda federaalka Itoobiya waxay la wareegi doontaa xudduudaha gobolka Tigray, waddooyinka, iyo garoomada diyaaradaha halka dagaalyahannada Tigrayga ay hubka dhigi doonaan.

Noofambar 12-keedii, taliyayaasha militariga ee matalaya dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwa gobolka Tigray ayaa saxiixday heshiis ay ku jiraan hub ka dhigista hubka culus iyo ka bixitaanka “ciidamada shisheeye iyo kuwa aan ENDF (militeriga federaalka)” ee Tigray.

Daawo: Odayaasha Muqdisho oo war ka soo saaray xubnaha loo magacaabay G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad uu hoggaaminayo ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan ay ku soo dhaweeyeen magacaabidda xubnaha maamulka gobolka Banaadir.

Odayaasha ayaa si gaar ah u amaanay xulashada madaxweynaha ee guddoomiye ku xigeennada maamulka gobolka Banaadir oo xalay la magacaabay.

Ugu horeyn Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa yiri, “Laga soo bilaabo magacaabidii guddoomiye Yuusuf Madaale iyo ku xigeenadiisa oo saacadihii lasoo dhaafay lasoo dhameystiray, waan ka mahad naqeynaa magacaabidaan oo waa ragii mudnaa, intooda badan ragaan shaqada waa yaqaaniin, waxaan ka rajeynayaa in shacabka gobolkaan ay yihiin madaxdii anfici laheyd.”

Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo ka mid ah hoggaanka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey xulashada xubnahaan cusub.

“Markaan ayuu dhameystiran yahay maamulkii aan u rabnay gobolkaan Banaadir, howl badan ayay u baahan tahay Xamar, soo dhawaada oo shaqo muuqata qabta ayaan leenahay masuuliyiinta cusub,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Muqdisho.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Banaadir in dad daalan, magaalo ami darro badan wajaheysa, dadkeeda gardaro lagu dilo maalin kasta loo soo magacaabay, oo dhibaatadaan ay wax ka qabtaan, inta ay heystaan fursadaan la siiyey.

Odayaashaan ayaa madaxweynaha ugu duceeyey inuu la garab galo hoggaaminta dalka oo talada wanaagsan uu Alle haleeshiiyo, “Soomaalidu madaxda waa habaartaa, islaamka kale wuxuu nooga fiican yahay madaxdooda waa u duceeyaan, xitaa hadii ay wax ka qaldamaan si Alle u toosiyo, yaan la habarine haloo duceeyo madaxda, sababtoo ah madaxweynuhu waa darawal gaari oo kale,” ayuu yiri oday kale.

Hoos ka daawo

Daawo: Jeesow oo war ka soo saaray kulankii beeshiisa iyo madaxweyne Xasan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay shalay ka wadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beledweyne ay kula kulmeen iyo dagaalka Al-Shabaab.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Madaxweynaha ay kala hadleen sidii deegaanada dhaca galbeedka gobolka Hiiraan looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab, halkaas oo beesha uu metelo Jeesow ay degto.

“Dagaalkaan waxaa iclaamiyey Madaxweynaha, kulan gaar ah ayaan la yeelanay aniga waxgaradka beesha, wuxuu naga balan qaaday in wixii qaldan la sixi doono, laakiin in la xoreeyo dhulkeenna ayaa wax kasta ka horeysa,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa ku hanjabay in beeshiisa ay dhawaan qaadi doonto dagaalkii ugu cuslaa adib, isagoo ugu baaqay dadka uu metelo dal iyo dibad inay is garab istaagaan oo loo diyaar garoobo dagaal la isaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab,

“Meel kasta oo beesha aan metelo ay degan tahay, Hiiraan ilaa Jubbaland, maalmaha soo socda dagaal ka culus kuwii hore oo kooxda Al-Shabaab lagu laayo ayaa ka bilaaba doona, jaaliyadaha beesha waxaan ka codsanayaa inay garab istaag noo muujiyaan,” ayuu yiri.

Xildhibaan Jeesow ayaa intaas ku sii daray, “Deegaanka aan kasoo jeedo ee galbeed Hiiraan waxaa laga bilaabayaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, Madaxweynaha waan kawada hadlay howlgalkaas, wixii tabasho ah waa la xalinaa, socdaalkii madaxweynaha ayaa ahaa in la dardar geliyo dagaalka, waana dhaqaaqeynaa.”

Hoos ka daawo

 

Madaxweyne Xasan oo burburiyey xeerar uu saxiixay madaxweyne FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu cadeeyey dikreeto ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa burburiyey xeerar uu horay u saxiixay maadxweynihii ka horeeyey ee Farmaajo, kuwaas oo la tilmaamay in dastuurka dalka aysan waafaqsaneyn.

Xeerarkaan oo seddax ah ayuu Farmaajo saxiixay sanadkii 2020-kii, iyadoo la baal marsiiyey ansixinta golaha Aqalka Sare ee dalka, waxaana meel mariyey golaha shacabka oo kaliya.

Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Ansixinta Wax-ka Bedelidda Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka iyo Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya, ayuu buriyey Xasan Sheekh.

Sidoo kale xukuumadda ayaa dikreetadaan lagu faray inay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Hoos ka akhriso dikreetada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waafajinta sharciga Xeerar Madaxweyne oo la soo saaray sanadkii 2020-kii, kuwaas oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka KMG ah uu tilmaamayo.

MARKUU ARKAY: Qodobka 4aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S.;

MARKUU ARKAY:  Qodobada kala ah  71aad (b), 82aad (2), 111E, 111G iyo  112aad ee  Dastuurka KMG ee J.F.S,  Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Faqradiisa 1aad oo mudadda xil-haynta Guddida ku soo koobtay Lix sanadood oo aan la cusboonaysiin karaynin iyo Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Madaxweynaha oo tixraacaya Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku waajibinaya ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka dalka ayaa buriyey Xeererka Madaxweyne ee sida Dastuurka khilaafsan u soo baxay ee kala ah;

1-  Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

2-  Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

3-  Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay.

Xasan oo ka sheekeeyay marxaladdii uu ku billaabay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb-galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan.

Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soo saaraan jiilal tayo leh oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed.

“Bahda waxbarashada waxaan ku biiray xilli adag oo dalka ay ka jireen duruufo qallafsan, waxaa khatar ku jiray nolashayada iyo tan ardayda, saas oo ay tahay waxaan culeysyadaas kala duwan ku ilaawi jirnay qiimaha shaqada aan qabanayno iyo rajada aan ka qabnay in ay aasaas u noqoto jiilal dadka iyo dalkaba waxtara”.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taas oo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in kor loo qaadayo miisaaniyadda waxbarasha dalka, si loo horumariyo nolasha Bareyaasha Soomaaliyeed.