27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Wasiir Faarax: Wasaaradda markii aan tagay waxaa ku sigtay inaan isaga cararo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed oo Ka qeyb-galay munaasibada xuska maalinta Macalinka Soomaaliyeed, ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay xaaladihii ku gadaamna wasaarada markii uu yimid.

Wasiir Faarax ayaa sheegay in markii uu Wasaaradda Waxbarashada yimid uu ku sigtay in uu ka cararo kadib markii uu arkay xaalado adag oo ka jiray, hase yeeshe uu go’aansaday wajihida dhibaatada taagan iyo wax ka qabashadeeda.

“Markii aan tagay Wasaaaradda ee aan culeysyada fiiriyay inta ay le’eg yihiin waxaa ku sigtay in aan iskaga cararo laakiin waxaan go’aan ku gaaray aniga oo kaashanaya xukuumadeena, bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan iyo bulshada Soomaaliyeed in la wajaho mushkilada dhabta ah ee ina haysata. Jid aan waxbarasho aheyn oo aan dhibaatada uga bixi karno haba-yaraate inaysan jirin ayaa xaqiiqsanay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu dadaal badan galinayo tayada waxbarashada Soomaaliyeed, taasi oo uu sheegay inay muhiimad gaar ah siineyso xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Aniga oo ka turjumaya barnaamijka xukuumadda Dan-Qaran waxaa hadaf ka dhiganay in culeys kasta oo Waalidka Soomaaliyeed ka saaran waxbarashada in laga qaado intii laga qaadi karo.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa inoo cadaatay jidka kaliya ee xaalada Waxbarashada wax looga badali karo ay tahay in Macalinka la tayeeyo, in la doono in qiimo loo yeelo. Muddo yar ayaa joogna laakiin jidkii waxaa lagu qaban lahaa ayaa inoo cad, jidkaas oo ah in Macalinka tababrkiisa xoog la saaro kadib la shaqaaleeyo oo la horumariyo, meeshaas weeyi meesha ay diirada noo saaran tahay.”

Ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyay guud ahaan bahda Waxbarashada is-xilqaamka weyn ee ay sameeyeen mudadii lasoo dhaafay, isaga oo ku bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen gurmadka qaraxyadii lagu hoobtay ee Zoobe 2.

LAFTA-GAREEN oo jawaab kasoo saaray BAAQII kasoo baxay Aadan Madoobe

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa soo dhaweeyay baaqii uu dhawaan u jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Aadan Madoobe oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa dhawaan iclaamiyey shir guud oo looga arrinsanayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taas oo ka dhalatay muddo kororsi uu sameystay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu soo dhaweynayo baaqa Guddoomiyaha, ayada oo la xeerinayo mudnaan siinta danaha Koonfur Galbeed.

“Ayada oo la tixgelinayo kacdoonka Shacabka, laguna dagaalamayo kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab oo ay hogaaminayaan ciidamada xooga dalka iyo ciidamada daraawiishta DKGS si looga ciribtiro dalka iyo dibadada,” ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu sheegay arrimaha mudnaanta u leh maamulka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha aqbalay baaqaan ayada oo la xaqiijinayo guulaha dhismaha dowladnimadeena ay lagama maarmaan u tahay midnimada shacabka, sida lagu sheegay qoraalka.

“Xafiiska Madaxweynaha waxaa uu soo dhaweynayaa baaqii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku baaqay, wakhtiga shirka u furmaayo waan idinla soo wadaagi doona.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hore ugu baaqay dhinacyada isku hayo Koonfur Galbeed iyo bulshada rayidka ah inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo looga arrisanayo masiirka maamulka.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib muddo kordhin labo sano ah oo loo sii sameeyey Lafta Gareen.

DF oo ka shaqeynaysa QORSHE sanadka 2023 looga qaadayo xayiraad saaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo wada qorshe ay dowladda ku dooneyso in looga qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran sanadka 2023-ka ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalkaasi, Simon Coveney.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay iskaashiga ka qaadista cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya 2023, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaan.

Sidoo kale waxa kulankaan diirada lagu saaray taageerada Soomaaliya ee ku aaddan xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee doorashada June 2024.

Ireland oo kamid ah dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka ayaa sidoo kale waxay madax u tahay guddiga cuna-qabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Daba-yaaqadii toddobaadkii hore ayey aheyd markii golaha ammaanka uu muddo hal sano ah ku kordhiyay cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, kadib markii dalal badan ka codeeyeen rabitaankii dowladda ee aheyd in meesha laga saaro xayiraadaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dooday in cuna-qabataynta hubka ay caqabad ku tahay dadaalada dib loogu dhisayo ciidamada qaranka iyo kuwa amniga si looga hortago khataraha argagixisada.

Waxaa xusid mudan in qaraarka Golaha Ammaanka QM lagu cadeeyay in cunaqabataynta hubka aysan khuseyn keenista hubka iyo agabka ciidan, ama bixinta talo farsamo, dhaqaale, kaalmo kale, iyo tababarada militari ee loogu talo-galay horumarinta hay’adaha amniga iyo booliska Soomaaliya, si loo sugo amniga dadka iyo dalka.

Inkasta oo aan xayiraadda la qaadin, haddana qaabka loo dhigay iyo ogolaanshaha la siiyey dowladda federaalka iyo dalalka iyo ururada taageera ayaa ah guul weyn ah, marka loo eego go’aamadii hore.

Ciidamada DF oo howlgal ku dilay Cali Garweyne iyo Axmed Moorogaabey

0

Xudur (Caasimada Online) –  Wararka laga helayo gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay howlgal si wadajir ah uga fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shbaab oo ay weerar ku qaadeen ciidamada huwanta.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, Mudane Cumar Cabdiraxmaan oo la hadlay waraabhinta ayaa ka warbixiyey howlgalkan, wuxuuna sheegay inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhursheen Shabeelle oo hoostaga degmadaas, sidoo kle35 KM u jira Xuddur.

Cumar Cabduraxmaan ayaa xaqiijiyey in howlgalkan lagu khaarijiyey laba sarkaal oo ka tirsanaa Shabaab, laguna kala magacaabi jiray Axmed Moorogaabey iyo Cali Garweyne.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in kooxda Al-Shabaab ay u qaabilsanaayeen aruurinta lacagaha ay ugu yeerayaan Zakawaatka oo ay ka qaadi jireen dadka deegaanka.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda nawaaxiga degmadaas oo ka tirsan Bakool.

Inta badan gobollada dalka ayaa waxaa ka socdo guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dadka deegaanka ee hubka qaatay.

Diyaarad xalay kusii jeeday Garoowe oo dagi weysay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa diyaarad sidday wafdi culus oo xalay ka dagi weysay garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir Hamaan ee ku yallaa magaalada Garoowe, kadib dhacdo qabsatay.

Diyaaradda ayaa ka baxday magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeeday Puntland, gaar ahaan garoonka Garoowe, iyada oo sidday wafdi ka qab-galayo aas maanta loo samaynayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo dhowaan ku geeriyooday caasimada Puntland.

Sababta ay u dagi weysay diyaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in garoonka uu ahaa Nal ah, waxayna dib ugu soo laabatay isla magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka baxday.

Duuliya adiyaaradda ayaa waxaa ku adkaatay inuu dajiyo maadaama iftiinka garoonka uu aad u yaraa, taaso ku kaliftay inuu soo laabto, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddaas oo ah mid rakaab ay saaka dib ugu laaban doonto magaalada Garoowe, si ay geysay wafdiga xalay ku wajahnaa magaaladaasi.

Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay hadal heyn xoogan, maadaama ay la yaab noqotay in shaqadii garoonka ay saameysay layr la’aan sababtay in diyaaraddu ay dagi weyso.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe oo ka mid ah garoomada waa weyn ee dalka ayaa shaqaynayay tan iyo 2018-kii welina lagu guuleysan in uu shaqeeyo xilliga habeenka.

Xog: Madaxweyne Xasan oo ‘ogolaaday’ in wada-hadal cusub laga galo federaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ogolaaday in si cusub looga wada xaajoodo arrimaha awood-qeybsiga federaalka, sida ay sheegayaan illo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wadahadaladan oo lala furey dowlad goboleedyada ayaa waxaa hadda ay marayaan wejigii koowaad, iyada oo dowlad goboleed kasta uu u saaray guddi wasiirro ah oo soo dhiraandhiriya aragtidooda ku aaddan awood-qeybsiga, gaar ahaan kala xaddaynta awoodaha federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Maamul kasta ayaa soojeedintiisa la iman doonta shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ay isugu imanayaan madaxda ee xiga. Inkasta oo aanan shacabka iyo warbaahintaba lala wadaagin, haddane waxyaabaha miiska saaran waxaa ka mid ah awoodaha arrimaha dibedda, qeybsiga kheyraadka iyo ciidanka xoogga dalka.

Madaxda dowladda federaalka ayaa, inkasta oo wax badan oo ka mid ah arrimaha dooda ka taagantahay ay ogolyihiin, haddane waxa ay gorgortan ka geli doonaan arrimaha qaar.

Wadahadalkan cusub ayaa dhashay kadib markii madaxda hadda joogta ee federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar ay arkeen halista ka iman karta dowlad federaal oo kaligii taliye uu hormuud ka yahay, sidaasi darteedna hadda laga sii tabaabusheysto dhammaan arrimaha ay suurtogalka tahay in la isku qabto hadhoow.

Nidaamkii Farmaajo oo mucaaradka ay ku eedeeyeen in uu kasoo horjeedo qaabka hadda wax u socdaan ayaa la sheegay in uu si weyn dabada uga riixday in xilli horeba laga hawlgalo arrimahan, oo la fahamsan yahay in lagu dari doono arrimaha wax ka badelka dastuurka ee hadda socota.

Dhowaan shir ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa lagu heshiiyay in dowlad goboleedyada xubno laga siiyo guddiyada wax ka badelka dastuurka ee kala ah guddiga madaxa banaan iyo guddiga labada gole ee baarlamaanka.

Marka arrimahaasi laga tago, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la fahamsanyahay in muddo xilleedkisana uu doonayo in uu uga faa’iideysto sidii uu u xoojin lahaa maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo kan Galmudug oo uu qoondo ahaan kasoo jeedo.

Sidoo kale, waxaa la fahansan yahay in uu damacsan yahay in sanadaha ugu dambeeya xukunkiisa uu meelmariyo maqaam ay yeelato caasimadda Muqdisho, taas oo muddo dheer ay codsanayeen dadka bulshooyinka uu madaxweynaha kasoo jeedo.

Isha: Garowe Online

Waare: Jileeca hadalka Cali Dheere wuxuu ka turjumaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, oo bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaankuba ka gaarayaan gulufka maleeshiyada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada HirShabelle, ayaa dhanka kale sheegay inay ka shaqayn doonaan, sidii dhallinyada la marin habaabiyay ay noloshooda u badbaadin lahaayeen.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sheegay in qof kasta oo garaad lihi uu garanayo inaanu xalka ku jirin in la laayo dhallinyarada ay marin habaabiyeen Shabaabku, cidda arrintaasi lagala hadlayana aanu ahayn Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud ee Ururka Al-Shabaab.

“Qof kastoo caqli leh waa ogsoon yahay, dhallinyarada Soomaaliyeed ee yaryar ee la khalday in la wada laayo inuusan xalka ahayn, halkaasna kuma dhammaan doonto. Waxay ku dhammaantaa ayaguba waa dad Soomaaliyeed’e in la soo dhaqanceliyo, gudaha la soo geliyo, dib loo habeeyo, bulshadana lagu soo daro, laakiin meeshaas weli lama gaarin, ninka lagala hadlayana Cali Dheere ma ahan,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo Universaltv la hadlay.

Waxa uu sheegay in Cali Dheere uu yahay ninkii ku faanay dadkii faraha badnaa, ee ay Shabaabku ku laayeen Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay, haddii dadka qaarkii ay dabacsanaan ka dareemaan Cali Dheere aanay ku imaan inuu ka tanaasulay fekerka khalafsan ee Shabaabnimada, balse ay ku timid jabka maleeshiyadiisa ka qabsaday dagaalka.

“Cali Dheere waa ninkii dadkii Zoobe ku dhintay Ilaahay baan uga mahadcelinaynaa dhahaaye waaye. Haddii hadalkiisa hadda jileec ay dad ka dareemaana, jabka gaaray lee uu ka turjumaa, ma ahanee niyad is bedeshay, hidaayo u soo degtay, Ilaahay ayuu hadda u noqday iyo wixii uu samayn jiray ayuu ka towbad keenay, midna ma ahan,” ayuu yiri Waare.

Waare oo ku kalsoon in uu sii socon doono gulufka Shabaabka looga sifeynayo dalka ayaa yiri “Caliyow wixii Ilaahay na kala siiyaa leedahay, laakiin ilmahaad naga duleysay oo aad naga qaadatay, ood naga haleysay, sidaan kaaga soo naqsan lahayn oo inta ugu yar ay nooga dhiman laheyd, annagaa na laga rabaa inaan ka shaqayno.”

Daawo: Koox ciyaal weero ah oo haweeney xaamilo aheyd iyo wiil ku dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdooyin dilal ah oo ay koox ciyaal weero ah xalay ka geysatay qaybo ka mid ah gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, taas oo dhalisay walaac aad u xoogan.

Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Shaafici Macallin Nuur waxa ay ku dileen xaafadda Cumar Tukunbe oo ka tirsan degmadaasi, kaas oo si weyn looga yaqaanay deegaanka, gaar ahaan Yaaqshiid.

Sidoo kale kooxdan ayaa isla xalay dhaawacday laba haween ah oo waddada marayey, taas oo ka mid ah aheyd Xaamilo, islamarkaana ku geeriyootay isbitaalka, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Luqmaan Macallin Nuur oo ay walaalo yihiin wiilka xalay la dilay ee Marxuum Shaafici ayaa ka warbixiyey dilka walaalkiisa, wuxuuna sheegay in si arxan darro ah toorey loogu dilay.

“Waxaa garabkeyga faarujiyey walaalkey, marna saaxibkey Shaafici Macalin Nuur oo ciyaal weero ay ku dileen degmada Yaaqshiid,” ayuu yiri Luqmaan Macallin Nuur oo ilmeynaya.

Sidoo kale wuxuu Eebbe uga baryey walaalkiisa inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowosa, maadaama ay dishay buu yiri gacan ka xaq daran.

“Wallaahi waa geeri aad u naxdin badan waxaan leeyahay Jannada Ilaahey haka waraabiyo, gacan ka xaq daran ayaa dishay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ciyaal weerada ayaa u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyeen xaafadda Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada.

Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin fal argagax leh ka geystay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee degmada Kaaraan oo xalay howlgal qorsheysan ka sameeyey xaafadda Jamhuuriya ee degmadaasi ayaa gacanta kusoo dhigay nin dhalinyaro ah oo muuqaallo caro dhaliyey ka duubay gabar aad u da’yar, kuwaas oo si aad loogu baahiyey baraha bulshada ee Internetka, gaar ahaan Tik Tok iyo Facebook.

Ninka lasoo qabtay oo lagu xiray saldhigga degmada Kaaraan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Gaabow, kaas oo wajahaya eedeymo culus oo ku aadan muuqaalada uu baahiyey oo ay kasoo muuqatay gabar ‘sarqaasan oo la siiyey daroogo’.

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed, General Zakiya Xuseen Axmed oo qoraal soo saartay ayaa ka warbixisay falkan argagaxa leh, waxayna sheegtay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono eedeysanaha oo haatan ku jira gacanta dowladda.

“Taliska Boliiska G/Banadir gaar ahaan Saldhiga degmada Kaaraan ayaa abaaro 1:50am xalay saqdii dhexe ku guuleystay soo qabashada eedeysane Xussein Xassan Gaboow oo dhawaan baraha bulshada lagu arkay asigoo tacidiyad u geeysanaya gabar/gabdho qaangaar ahayn. Eedeysanaha waxaa lala tiigsan doonaa sharciga.,” ayey tiri Gen. Zakiya.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in xogta ninkan ay la soo wadaageen dadka shacabka ah, islamarkaana ay taasi fududeysay in si deg-deg ah loo soo qabto eedeysanaha.

“Waxaan u mahad celinaayaa bulshada oo nala soo wadaagtay xogtiisa oo sababtay soo qabashadiisa. Wixii lid ku ah amniga iyo anshaxa dalkeena fadlan la wadaag Boliiska oo waca numberka 991,” ayey qoraalkeeda markale ku tiri taliye ku xigeenka Booliska

Ugu dambeyn waxay hoosta ka xariiqday in ka Boolis ahaan ay u taagan yihiin u adeegidda bulshada, kana jawaabi doonaan cabashada guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed.

“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed waxaa ka go’an ka jawaabida cabashoyinka bulshada iyo suggidda amniga. Boliiska iyo Bulshada hadeey si dhow isla shaqeeyaan waan heli karnaa amni waana gaari karnaa barwaaqo,” ayey hadalkeeda kusoo gabagagabeysay Zakiya

Ma’aha markii ugu horreysan oo uu Booliska gacanta kusoo dhigo eedeysane loo heysto tacadi ay geystay, kadibay si bareer ah ugu baahiyey baraha bulshada, waxaana dhacdooyinkan ay haayeen kuwa aad ugu soo kordhayey gudaha magaalada Muqdisho.

RUUSHKA oo kordhiyey duqeymaha dalka Ukraine

0

Kyiv (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ee ku sugan Koonfurta dalka Ukraine ayaa kordhiyey duqeymaha ay ku hayaan gobolka Kherson ee dhawaan la xoreeyey.

Magaaladu ayaa inta badan koronto la’aan ama biyo la’aan la daalaa dhacaysa.

Waxaa markale la duqeeyay, warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhiya ee waddanka Ukraine ayaa ah midda ugu weyn ee ku taal qaaradda Yurub, xilli mas’uuliyiinta Ruushka iyo Ukraine ay isku eedaynayaan weerrarka.

Wakaaladda wararka ee waddanka Ruushka ayaa ku warrantay in illaa 15 gantaal lala dhacay goobta.

Wakaaladdu waxa ay soo xiganaysaa sarkaal sheegay in gantaalladaasi ay ku soo agdhaceen qeybta qashinka lagu kaydiyo ee warshadda, iyo guri lagu xareeyo shidaalka nukliyeerka loo adeegsaday.

Duqeymaha uu Ruushku ku hayo magaalooyinka Ukraine iyo weerarada sii xoogeysanaya ee meelo kale oo dalkaasi ka mid ah ayaa sii wiiqay rajadii laga qabay in horumar laga gaaro soo afjaridda colaadda dhiiga badani ku daatay ee hadda isu rogtay dagaal fool-ka-fool ah.

Si kastaba, natiijada kama dambeysta ah ee dadaalkan weli ma cadda. Si kastaba, masiirka iyo halka uu kusoo gaba-gaboobi doono waxay ku jirtaa gacanta dowladda Ukraine iyo sida ay usii xejisato dadaalkeeda. 

Sidee wax u dhaceen habeenkii nala qarxiyey aniga iyo Cabdicasiis Afrika?

0

Maxaa dhacay habeenkii Sabtiga ee 20-11-2021?

Saladii Maqrib aniga iyo walaalkey Cabdicasiis Afrika, waxaan ku soo noqonay shaqada, kormeerka waaxda SNTV & Radio Muqdisho kadib, waxaan qaadanay gaariga walaalkay Agaasime Cabdulqaadir Muxyadiin, waxaa inagoo ka kooban Cabdicasiis Afrika, Cabdulqaadir Cabdulahi, Maxamed Xasan Barrow iyo aniga aan aaday guriga guddoomiyihii maxkamadda gobolka Banaadir Khadar oo balan aan ku lahayn.

Wax badan naguma qaadan howlihii aan u soconay, waxaan soo maca salaameynay guddoomiyaha, aniga iyo Agaasimaha hey’adda socdaalka Cabdul ayaa balan kala qaadanay.

Waan soo baxnay, sheeko iyo kaftan kadib, waxaan soo gaarnay maqayadii aan u soconay oo ku taalla meel amni ah oo cabsi iyo welwel amaan naguma jirin, taas oo sabab u noqotay in halkaas aan ku nagaano.

Afar nin ayaan aheyn seddax ayaan noqonay markaan oo Barrow ayaa naga soo tegay.

Aniga caawa oo kale waxaan lahaa casuumad gaar ah oo ay ii samaysay xaaskayga, waana habeen ii gaar ah oo waxay ku beegan tahay dhalashadaydii, saaxiibada kale casho kadib, waxaa la gaaray xilligii saalada cishaha.

Afrika waan daahnay “Nakeena saaxiib” waxaan bixiyey lacagtii cashada. Lacag qabtihii maqaayada ayaa yiri “Waan helay saaxiib mahadsanid.”

Waxaan u dhaqaaqnay gaariga xagiisa oo gudaha noo yaallay marka aan galay gaariga, waxaa soo dhacay Telkayga gacan, waana Tafaftiraha TV-ga Qorshe oo arrimo shaqada ku saabsan aan kawada hadalnay, gaarigiina gadaal ayuu u baxay, Qorshana waan isla garay arrimihii, kadib waxaan dareemay jug sida in gaarigu ku dhacay darbi, waxaana xusuustaa inaan darawalkii dhahay “Geel beele gaariga gododka ka qabo.”

Hadana wax walba sidii hore ma aha, nasiibka ugu badan waxaa lahaa walaalkay oo shilkaas ku shahado qaatay (markiiba shihiiday).

Sanad kadib, gurmad loo sameeyey badbaadinta nafteyda oo ehel iyo asxaab aan uga mahad-celinaayo kadib, hadda waxaan qabaa caafimaad taam ah, xag jireed iyo xag maskaxeedba, Allaah ayaan uga shukrinayaa.

Ugu dambeyntii Walaalkey Shahiid Cabdicasiis Afrika Allaha ka aqbalo shahaadadiisa, sidii ifkaan looga jeclaa Ilaahey ha u jeclaado, samir iyo imaan allaha naga wada siiyo ehel iyo asxaaba, ma dhinte waa Allee, ducada igula kaalmeeya walaalkeen Afrika. Waa mahadsantihiin.

W/Q: Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame

Ciidanka Macawiisleyda oo weeraray deegaan ay ku sugnaayeen AL-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa xoreynta deegaanada gobolka Shabeellada Dhexe ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa weerar ku qaaday deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada xoreynta deegaanada gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inay markii hore ka duulaan tageen degaanka Xalfooleey, waxaana dagaalka dhex-maray ciidamadaas iyo Al-Shabaab ka dhashay khasaare kala duwan.

Hogaanka ciidamadaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Ceelbaraf ay kusoo furteen hub badan, ayna ku dileen laba kamid ah kooxda Al-Shabaab.

“Waa sii wadi doona howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka wadno gobolka Shabeellada Dhexe, illaa laga saarayo guud ahaan gobolka.”

Weerarkaan ayaa imaanaya xili dhawaan deegaanka Miirtaqwo oo u dhow Ceelbaraf lagu soo bandhigay ciidamo deegaanka ah oo hubeysan, kuwaas oo sheegay inay diyaar u yihiin la-dagaalankaAl-Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaato ku hayaan dadkooda.

Si kastaba, Waxaa toddobaadyadii tegay uu gaabis ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka, taasi oo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay tago furimaha dagaalka, si uu u dhiiri-geliyo ciidamada.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beledweyne uga dhawaaqay howlgallo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii uu xarigga ka soo jaray madaxtooyada cusub ee Galmudug.

Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa mar kale si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna iclaamiyey howlgal militeri oo kooxda looga xoreynayo meelaha ay ka joogaan galbeedka Hiiraan.

Sidoo kale gobollada kale ee Shabellada Dhexe iyo Galgaduud ayuu sheegay in howlgal culus uu ka bilaaba doono maalmaha soo socda, halka diyaar garow xoog leh uu ka socdo K/Galbeed iyo Jubbaland.

“Dowladda federaalka aad iyo aad ayey raali uga tahay dadaalka dib u xoreynta ah ee ka socda Galmudug iyo HirShabeelle, inta uu Shabaab joogo meel ka mid ah dalkeena ma nasa doono, waa daba soconaa, kana hari meyno, galbeedka Hiiraan mar dhow waa laga wey doonaa Khawaarijta,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in dib u dhis iyo horumarin ay dowladdu u sameyn doonto dhamaan deegaanada laga xoreeyo Al-Shabaab, “Dalka looma weyn dib u dhis iyo horumar, laakiin waxaa laga suurta geli kari waayey nimankaan imtixaanka ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Si gaar ah dadka reer HirShabeelle iyo Galmudug oo si buuxda ugu istaagay inay iska dul qaadaan kooxda Al-Shabaab, “Dhibaatadaan waxaan ku soo jirnay 15 sano, waan ka bixi rabnaa, guusha ayaa ii muuqata, Shabaab hadda qarax kaliya ayey uga soo hartay, car hala arko Shabaab aan qarax wedin oo dagaalmaya, waan ka adkaanay, waana dhameystireynaa,” ayuu madaxweynuhu ka yiri Beledweyne.

Hoos ka daawo

Madaxweyne Xasan oo magacaabay guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa magacaabay guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, in ka badan lix bil kadib markii dib loo doortay 15-kii May 2022. 

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.”

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:

1- Ciise Maxamuud Guure – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda.
2- Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo amniga.
3- Cabdicasiis Cismaan Maxamed – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada.
4- Xasan Maxamed Jimcaale – Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud.
5- Faysal Carraale Afrax – Xog-hayaha guud.

Bayaanka kasoo baxay Villa Somalia ayaa intaas ku daray “Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S. 

Xeerkan madaxweyne ee lagu magacaabay guddoomiye ku-xigeennada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka November, 2022.

Madaxweynaha ayey lix bil ku qaadatay inuu beddelo ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, waxaana ugu wacneyd in siyaasiyiin badan oo ku dhow ay loolan iyo olole u galeen sidii loo magacaabi lahaa dad ku dhow.

Waa kuma korneyl Tuke, sarkaalka dowladdii Siyaad Barre ee xabsiga loo taxaabay?

0

Springfield (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamada Soomaaliya oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Cali ayaa lagu baarayaa gudaha dalka Mareykanka dacwado la xiriira jirdil iyo tacadiyo kale oo la sheegay inuu geystay sanadihii 1980-meeyadii ee dowladdii Siyaad Barre.

Saddex sano ka hor xeerbeegti Mareykan ah ayaa Cali ku xukuntay inuu jirdil u geystay wiil dhallinyaro ah sannadkii 1987-kii – taasoo uu beeniyay.

Xilligii dowladdii Siyaad Barre ee 1980-meeyadii waxaa la sheegay in Soomaaliya ka dhacayay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Yuusuf Cabdi Cali waxa uu madax ka ahaa guuto ciidan oo caan ah.

Sannado ka dib markii uu ka cararray gobolka, eedeymaha xadgudubyada ayaa mar kale soo kordhayay. Sannadkii 1992-dii Cali ayaa laga soo tarxiilay Kanada ka dib markii markhaatiyo dokumentari ah ay sheegeen inuu amray dilal badan.

Waxa uu shaqo ka helay shirkadda tagaasida ee Uber ee Maraykanka.

Kadib 2019-kii maxkamad madani ah ayaa ku xukuntay inuu bixiyo ganaax nus malyuun dollar ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu jirdilay wiil dhalinyaro ah sannadkii 1987kii.

Hadda ninkan oo lagu magacaabi jiray Kornayl Tukeh ayaa la xiray iyadoo baarayaasha Mareykanka ay baarayaan xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan dil iyo jirdil.

Haddaba waa Kuma Kornayl Tuke?

Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter.

Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yirahdo Somaliland.

Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay.

Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay.

Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sar sare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo  kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo.

Kornaylka ayaa waxaa uu u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006.

Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka.

Dadkii daba tagnaa kornayl Tuke ayaa dacwaddiisa u wareejiyay dalka Mareykanka, waxaana warbaahinta CNN ay sidoo kale baahisay muuqaal la duubay sanadkii 2016, kaas oo muujinaya booliska Maraykanka oo Kornaylka ka kaxaynaya goobtii uu ka shaqaynayay oo ahayd garoonka caalamiga ah ee Dulles ee waqooyiga Virginia.

Tallaabada booliska ayaa timid, kadib markii xubin katirsan Aqalka Virginia ay dalbatay in la cadeeyo sababta qof dambi loo haysto looga shaqaalaysiiyay garoonka diyaaradaha ee gobolkaasi, waxaana ay keentay in shaqada laga eryo.

Isha: BBC

Daawo: Xasan oo xariga ka jaray madaxtooyo qurux badan oo Galmudug ay dhisatay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu bogaadiyey madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xoogan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta cadowga ay ka turjumeyaan go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.

“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda. Astaan dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxal-gal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug ayaa sidoo kale waxaa ka qayb-galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan caasimadda Galmudug.

Eritrea oo shaacisay dalal xumeynaya xiriirka kala dhexeeya SOOMAALIYA

0

Asmara (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay dowladda Eritrea, islamarkaana lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Shabait ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xiriirka diblumaasiyadeed ee haatan ka dhexeeya xukuumadaha Asmara iyo Muqdisho.

Eritrea ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dalal Reer Galbeed ah oo suurad xumeynaya xiriirka labada dal, kadib isbeddalkii Soomaaliya ka dhacay 15-kii May ee sanadkaan, kaas oo uu kusoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh oo ka adkaatay Maxamed Farmaajo.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan uu sii xoogeysanayo iskaashiga ka dhexeeya Eritrea iyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amniga, balse uu jiro buuq ay ku furayaan xiriirkan qaar ka mid ah dowladaha Reer Galbeedka, kuwaas oo aan la shaacin.

“Isku xidhnaanta sii kordheysa ee labada dal, gaar ahaan dhanka difaaca iyo amniga, waxa ay dhalisey guux weyn oo diidmo ah oo ka imaanaya tiro dalal reer galbeed ah. Waana  munaafaqnimo weyn oo ku qotonta isla weyni” ayaa lagu yiri warbixinta Shabait.

Sidoo kale dowladda Eritrea ayaa sheegtay inay abaal u heyso Soomaaliya oo horey taageero ugu fidisay dalkan oo dhaca Geeska Afrika.

“Wada-shaqeynta joogtada ah ee labada dal ayaa dhab ahaantii ku qotonta taariikh dheer oo wadajir ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay koox yar oo jilayaal ah oo taageero u fidiyay Ereteriya halgankii dheeraa ee xorriyadda,” ayaa markale lagu yiri bayaanka Eritrea.

Ugu dambeyn dowladda Eritrea ayaa hoosta ka xariiqday in iskaashiga labada dal uu sii soconayo, ayna iska kaashanayaan amniga, gaar ahaan dagaalka lagu jiro kooxda Al-Shabaab oo haatan loo arko inay halis ku tahay guud ahaan amniga gobolka ama Afrika.

“Labada waddanba waxay garwaaqsan yihiin in dagaalka argagixisada Soomaaliya uu yahay xasilloonida, iyo amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika oo dhan ,” ayaa lagu soo gabagabeeyey warbixinya ka soo baxay dowladda Eritrea ee lagu qoray Shabait.

Waddanka Eritrea ayaa waxaa haatan ku sugan illaa 5000 oo askari kuwaas oo tababar u jooga dalkaas oo uu laba goor booqasho ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada NISA oo howlgal culus ka fuliyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran Duufaan ee hay’adda NISA.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaaa howlgalka ka sameeyey degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, gaar ahaan guryo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay ku socdeen bartilmaameed, islamarkaana ay gudaha u galeen guryo markii hore laga shakisnaa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Duufaan ay horey usoo kaxeysteen shaqsiyaad la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo ay haatan ku socoto baaris.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay kasoo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan howlgalka ay sameeyeen ciidanka NISA.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda, gaar ahaan Booliska iyo Nabad Sugidda ayaa kordhiyey howlgallada Muqdisho, si looga hortego falalka liddiga ku ah nabad-gelyada.

Si kastaba, caasimada ayaa wajaheyso xaalad amni oo daran, kadib markii ay culeys soo saartay kooxda Al-Shabaab oo dagaallo looga furay inta badan gobollada dalka.

Senator Afcadey oo sheegay in beeshiisa uu ka baxayo haddii ay dagaal gasho

0

Cadale (Caasimada Online) – Waxaa gogol la iskugu keenay waxgaradka beelihii dhawaan ku dagaalamay aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana gogoshii maanta la dhigay ka hadlay masuuliyiin iyo odayaal dhaqan.

Senator Axmed Maxamed Cali (Afcadey) ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay kulankii la isugu keenay waxgaradka beelihii dagaalamay, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dadkiisa oo dhalasho ahaan aad isugu dhow ay is dilaan.

Senatorka ayaa ku guudiyey in beesha uu ka bixi doono oo dhalasho kale uu qaada doono, hadii mar dambe ay dagaalamaan oo gogoshaan la dhigay ay heshiis ku gaari waayaan.

Ugaaska iyo Iimaamka beelaha Mudulood ayaa hormuud u ahaa abaabulka kulanka la isugu keenay labada beelood ee walaalaha ah, kuwaas oo dhawaan dad badan isaga dilay duleedka degmada Cadale.

“Halkaan dhibaato ayaa ka dhacday, qaraabo waxaa la idinka rabaa in xabad joojintaan aad dhab u qaadataan, qof kasta qoriga ha iska tiiriyo, xabad joojintu waa sidii loogu dhawaaqay, dadka dagaalamaya dhalashada markii la fiiriyo inta ay kala tirsadaan iyo sida ay isku laayeen waa ceeb,” ayuu yiri Senator Afcadey.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan idinka codsanayaa in walaalnimadii aad soo celisaan, oo wadahadalkaan laga dhabeeyo, hadii wadahadalkaani uu soca waayo, ogaada dhalasho ayaan la soo baxayaa.”

Kulankaan dib u heshiisiinta ah ayaa ka furmay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe, waxaana la isugu keenay waxgaradka beelihii dagaalamay, iyadoo hadda la gaaray xabad joojin hor dhac ah.

Hoos ka daawo  

Daawo: Koonfur Galbeed oo JAWAAB kulul ka bixisay go’aankii mucaaradka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ilyaas Cali Nuur oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas iyo arrimaha doorashada.

Ilyaas Cali Nuur ayaa marka hore jawaab rasmi ah ka bixiyey go’aankii kasoo baxay xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka horyimid qorshaha muddo kororsiga madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha mucaaradka looga baahan yahay in aysan qaadin cadiifad, islamarkaaana ay tahay inay ka fakiraan xasiloonida iyo danaha shacabka.

“Qofka marka uu murcaarad yahay ama uu wax sheegaayo ma’aha caadifad iyo kursi raadis inay ka noqoto waxaa loo baahan yahay qofka siyaasiga ah in siyaasaddiisa ay ku saleysan tahay caqli iyo miisaan,” ayuu wareysigaan ku yiri wasiirka Ilyaas Cali Nuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay arrin sharci ah tahay muddo kordhinta madaxweynaha, maadaama ay meel-mariyeen Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Madaxweynaha Koonfur Galbeed muddo xileedkiisa waa la yaqaanaa waana sanadka dambe December, aniga kuma darin Baarlamaanka ayaa mowqifkaasi iska leh, iyagaana ku daray,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay, si loo ilaaliyo midnimada shacabka.

“Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada dhammaantood waxa ay u taagan yihiin metelaadda shacabka Koonfur Galbeed, marka way ku qasban yihiin in la qabto doorasho hufan oo ka dhacda Koonfur Galbeed, haddii la gaaro waqtigeeda,” ayuu raaciyey Wasiir Ilyaas Cali.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Koonfur Galbeed uu ka taagan yahay khilaaf ka dhashay hoggaanka doorashada ee maamulkaasi, waxaana xiisadda uga sii daray muddo kororsiga Laftagareen oo ay ka horyimaadeen xubnaha mucaaradka ee maamulkaasi.