27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howl-galka KMG ah ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa caasimada dalka u yimid si uu ula wareego howlihiisa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ATMIS.

Waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Fiona Lortan oo ah ku-xigeenka Ergayga gaarka ah, madax ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Mohammed El-Amine Souef oo ah Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Howl-galka ku-meel gaarka ah ee Midowga Afirka ATMIS ayaa 4-tii September 2022 loo magacaabay xilkaan, isaga oo u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki

Danjiraha oo u dhashay waddanka Comoros ayaa bedelay wakiikii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, oo uu Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dalka ka eryay bishii April.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale xiligaas waxa uu Ambassador Francisco Madeira ku eedeeyay inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa.

Wixii ka horeeyay magacaabistiisa, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA).

Xog: Sababta hor taagan in horey loo sii wado dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa toddobaadyadii tegay uu gaabis ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobollada dalka, taasi oo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay tago furimaha dagaalka, si uu u dhiiri geli ciidamada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa soo baxaya shaki iyo tuhun ay muujinayaan saraakiisha xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibada ku xeeran oo ah in taliyayaasha sare ee ciidanka qaarkood ay xagal daacinayaan howlgallada.

Xogta ayaa sheegeysa in dadka la tuhunsan yahay u uku jiro Taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan taliyaha ciidamada booliska Jen. Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar, taliyaha ciidamada lugta General Biixi, iyo saraakiil kale oo qeybaha ciidamada gaarka u tababaran ay hoos tagaan.

Villa Somalia ayaa qabta in saraakiishaasi aysan daacad ka aheyn dhameystirka howlgallada socda, islamarkaana ay xagal daacinayaan howlgallada ciidamada iyo macaawiisleyda.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in taliyeyaashaasi oo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu magacaabay ay illaa hadda weli fulinayaan siyaasafdii Farmaajo maadaama Famaajo loo arko inuusan la dhacsaneyn in Al-Shabaab meesha laga saaro si walbo haku timaadee.

Farmaajo ayaa shan sano oo uu madaxweyne ka ahaa dalka, aan wax dagaal ah ku qaadin Al-Shabaab.

Sidoo kale, Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ku heyb ah ayey farta ku godan tahay inay mas’uul ka yihiin colaadda ka taagan degmada Cadale, dagaalladaasi beeleed oo loo arko in uu dib u dhac u keenayo howlgallada lagu doonayo in lagu gaaro degmada Aadan Yabaal.

Dhinaca kale, waxaa soo baxayaa warar aad u sarreeya oo sheegaya in madaxweye Xasan Sheekh uu qorsheynayo xil ka qaadis lagu sameeyo Taliyaha CXD Jen. Odawaa Yuusuf Raage, Jeneraal Biixi iyo Taliyaha Booliska Jen. Xijaar, waxaana xil qaadistaasi kadib daba socoto in iyagana xilalkooda weyn doonaan taliyeyaal kale oo guutooyinka ciidamada Mareykanka iyo Turkiga tababareen ah, kuwaasoo loo arko in weli ay meesha u joogaan madaxweynihii hore Farmaajo.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay gobolka Hiiraan iyo aagagga dagaalka ee uu kusoo kormeerayo ayaa qeyb ka ah qiimeyn iyo xog wareysi lala yeelanayo ciidamada, kahor inta aan la sameyn isbeddelo.

Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay miisaaniyada 2023 – illaa intee korortay?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa lagu hor-geeyey Miisaaniyadda dowlad-goboleedka Puntland ee Sanadka 2023, taasi oo ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyada Puntland.

Miisaaniyadda sanadkan ee la horgeeyey Golaha ayaa ah wadarta guud $ 376,699,825 (sadex boqol todobaatan iyo lix malyan, lix boqol sagaashaan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan doolar) taasi oo ka badan Miisaaniyaddii sanadka 2022 korar dhan 6%.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa Golaha ka hor jeediyey khudbad faah-faahsan oo ku aadan Miisaaniyadda, wuxuuna Golaha Baarlamaanka ka codsaday inay ansixiyaan.

Sidoo kale waxa uu Wasiirka ka dalbaday Golaha Wakiillada in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee sanadka 2023 ee ah dhaqaalaha laga filayo mashruuca Biyoole, kaasi oo dhan $1,922,040.

Ugu dambayntiina waxay Mudanayaasha Golaha cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2023.

Mudanaayasha kulankaan soo xaadirey oo ahaa 42 Xildhibaan ayaa cod gacan-taag ah oggol ugu codeeyeen 41 mudane, halka diidmo ugu codeeyay 1 Mudane, mana jirin aamus, sidaas ayeyna ansax ku noqotay soo gudbintii Wasaaradda Maaliyadda ee Miisaaniyadda Dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha waxaana ku wehliyanayey Guddoomiye ku-xigeenda Golaha.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Xamza iyo safiirka cusub ee Imaaraadka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Ahmad Juma Al-Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada-hadlay sii adkeynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaarah.

Sidoo kale waxa kulanka labada masuul diirada lagu saaray dardar-gelinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay dowladda Imaaraadku siiso Soomaaliya.

Xamza oo xafiiskiisa kusoo dhaweeyay danjiraha cusub, ayaa sidoo kale u sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya ay si wanaagsan ula shaqeyn doonto.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xili uu dhawaan Imaaraadka Carabta si cad u diiday in la qaado cunaqabatayn ay dowladda federaalka u aragto inay caqabad ku tahay dagaalka lagula jiro argagixisada.

Golaha Ammaanka QM ayaa Khamiistii sanad dheeri ah ku daray cunaqabtaynta hubka ee saaran Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ay dadaal u gashay in la qaado, si ay taas uga caawiso dagaalka lagu jiray Al-Shabaab.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee QM, Lana Zaki Nusseibeh ayaa sheegtay in meel-marinta qaraarka ay ka dhigan tahay in Golaha uu si aan leex-leexad laheyn u cambaareynayo dhaq-dhaqaayada argagixiso ee kooxda Al-Shabaab, halka taa caksigeed ay dowladda federaalka u aragto in dhab ahaantii inuu qaraarkan caqabad ku yahay dagaalka Al-Shabaab.

Imaaraadka ayaa kamid ah dalal ay aad isugu xumaayeen dowladdii madaxweyne Farmaajo, oo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal dheeri ah u galay inuu xiriirkooda hagaajiyo, saaxiibna ka dhigto.

Madaale oo abaal-mariyey taageerayaasha XASAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” ayaa qoraal uu soo saaray shalay ku magacaabay saddax guddoomiye degmo, kuwaasoo dhamaantood ah dhallinyaro aad ugu taageeri jiray baraha bulshada madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha degmada Boondheere oo horay ay ugu fadhisay Marwo Seynab Yuusuf Wehliye ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cumar “Deeyoo” oo si weyn baraha bulshada looga yaqaan, islamarkaana ka mid ah taageerayaasha Xasan Sheekh.

Deeyoo ayaa waxaa aad loogu xusuustaa inuu dagaal weyn ka wadi jiray baraha bulshada xiligii dowladdii Farmaajo iyo kacdoonkii la magac baxay Badbaado Qaran, isaga oo madaxweynaha ka difaaci jiray aflagaadada iyo weerarka CBB-da Farmaajo.

Sidoo kale Yuusuf Madaale ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi oo laga dhigay Maxamed Sayid Cali, waxaana xilkaasi horay ugu fadhiyay Sugaal Cali Ayaanle. Halka Guddoomiyaha degmada Hodan loo magacaabay Cali Axmed Faarax, waxaana xilkaasi laga qaaday Cabdifitaax Xayir Ciise.

Mas’uuliyiintaan cusub ee Madaale magacaabay ayaa dhamaantood ka mid ah dhallinyaradii sida weyn qeybta ugu qaatay dhaliilihii madaxdii hore iyo dowladdii hore, islamarkaana taageerayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa magacaabista guddoomiyaha cusub ee Boondheere, Maxamed Deeyoo oo taageerayaal badan ku leh Facebook, kaasoo ku caan baxay dhaliilaha madaxweynihii hore, wuxuuna bartiisa Facebook saacado ka hor sawirka Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad oo geel guddoon siinaya ciidamadii Badbaado Qaran ee Farmaajo la dagaalamay, sawirkaasi oo uu ku muujinaayo in maanta qasriga dalka uu ka talinaayo nin shan sano ka hor jidadka laga xirtay, waa sida uu hadalka u dhigay, taasoo macnaheedu yahay in nin walba uu hadda guranaayo mirihii halgankiisa. 

 

Ciidamada PUNTLAND iyo rag hubeysan oo xalay ku dagaalamay GAROOWE

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe, kaas oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka Puntland oo weerar ku qaaday koox cabtoy ah.

Howlgalka ayaa waxaa xigay iska hor imaad kooban oo dhex-maray ciidamada ammaanka Puntland iyo ragga hubeysan oo la sheegay inay ka ganacsanayeen Qamriga.

Ciidamada ammaanka ee howlgalka sameeyey ayaa gacanta kusoo dhigay illaa saddex nin oo ka mid ah kooxda cabtoyda ah ee howlgalka lagu qaaday, kuwaas oo laba mid ah ay dhaawac yihiin, halka mid kalena isaga oo bad qaba gacanta lagu soo dhigay.

Sidoo kale waxaa israsaaseynta dhex-martay labada dhinac ku dhaawacmay laba qof oo kale oo uu mid ka mid ah yahay askari, halka kan kalena uu yahay qof shacab ah.

Waxaa sidoo kale ciidamada ammaanka ay la wareegeen hubkii raggaasi iyo gaari ay ku wadeen Qamri, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka Puntland.

Garoowe oo ah xarunta Nugaal iyo caasimada Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu xasiloon dhanka amniga, walow mararka qaar ay shaqaaqooyin ka dhacaan.

Si kastaba, deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa ku badan ka dhacay iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, ayada horey taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho loogu dilay dagaal ciidamada amaanka maamulkaas ay la galeen koox cabtoy ah oo sidoo kale ka ganacsatada Qamriga.

Xog xiiso leh oo ku saabsan Koobka K/Cagta Adduunka ee maanta ka furmaya Qatar

0

Koobka Adduunka ee FIFA waa tartan kubadda cagta oo caalami ah waana mid ka mid ah dhacdooyinka isboorti ee ugu weyn adduunka. Xubnaha Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta FIFA ayaa afartii sanaba mar ku tartama horyaalka Koobka Adduunka. Horyaalkii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka ee FIFA waxa la qabtay 1930kii, tartankaani ayaa dhaco afartii sannadoodba mar tan iyo markaas, marka laga reebo 1942 iyo 1946 dagaalkii labaad ee Adduunka awgeed.

FIFA World Cup ayaa ah dhacdo si weyn loogu tixgaliyo waana ciyaaraha loogu daawashada badan yahay caalamka oo idil iyadoo ay ugu wacan tahay tirooyinka daawashada rikoorka jabiyay oo ay ku jiraan in ka badan 3.5 bilyan oo daawadayaal qiyaastii kala bar dadka adduunka intii lagu jiray tartanka finalka 2018. Xulka qaranka France ayaa noqday xulkii ugu dambeeyay ee ku guulaysta koobka aduunka 2018, kaas oo ka dhacay dalka Russia. Qatar ayaa loo qorsheeyay inay martigeliso Koobka Adduunka ee FIFA World Cup 2022  Noofambar 20 ilaa Deseembar 18, 2022, taasoo noqonaysa markii ugu horeeyay ee lagu qabto wadamada carabta, iyo koobkii labaad ee aduunka oo gabi ahaan lagu qabto Asia kadib tartankii 2002 ee South Korea iyo Japan.

Koobka Adduunka ee FIFA 2022 waa kii 22-aad ee FIFA World Cup, wuxuu ka dhici doonaa Qatar, Koobkan ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay oo ay ka qeyb galaan 32 kooxood. Waxa laga dhigidoona 48 kooxood oo ka qayb galaya tartanka 2026 ee Maraykanka, Mexico, iyo Kanad. Waxa uu furmi doona habeen danbe saacada 7 fiidnimo, ciyaarta furitaanka ayaa dhexmari doonta Qatar iyo Ecuador garoonka Al Bayt Stadium, Waxa la ciyaari doona 64 kulan, waxaa uu socondoona 29 maalmood. Finalka ayaa la qaban doonaa 18ka Diseembar 2022, waana maalinta qaranka Qatar.

Tartanka 2026-ka waxaa si wada jir ah u martigelin doona Mexico, Canada, iyo Mareykanka, taasoo ka dhigaysa Mexico dalkii ugu horreeyay ee saddex jeer martigeliyay.

18 waddan oo kala duwan ayaa martigeliyay ciyaaraha Koobka Adduunka, iyadoo Qatar ay noqon doonto waddankii 19aad ee tartanka 2022.

Dalalki martigeliyay Koobka Adduunka ee FIFA ilaa 2026

2026: Canada, United States (2nd time), Mexico (3rd time), 2022: Qatar, 2018: Russia, 2014: Brazil, 2010: South Africa, 2006: Germany (2nd time), 2002: Japan/South Korea, 1998: France (2nd time), 1994: United States, 1990: Italy (Markii labaad), 1986: Mexico, 1982: Spain, 1978: Argentina, 1974: West Germany, 1970: Mexico, 1966: England, 1962: Chile, 1958: Sweden, 1954: Switzerland, 1950: Brazil, 1946: — la joojiyay (WWII) —1942: — la joojiyay (WWII), 1938: France, 1934: Italy, 1930: Uruguay.

Waxa Qoray: Yusuf Sodal

Sawirro: Somalia oo markii u horreysay saxiixday sharci CAALAMI ah oo la xiriira…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dalalka saxiixay sharciga caalamiga ah ee ka dhanka ah isticmaalka iyo adeegsiga walxaha qarxa ee meelaha ay dadku ku badan yihiin.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruse ayaa shalay qalinka ku duugay heshiiskan oo ka dhacay magaalada Dublin ee dalka Ireland.

Heshiiskaan ayaa waxa uu dhigaya ilaalinta dadka rayidka ah ee ku sugan aagagga dagaalka, isaga oo mamnuucaya gebi ahaanba isticmaalka hubka kiimikada ee goobaha dagaalka.

Heshiiska ay Soomaaliya ku duugtay qalinka ayaa waxaa la dejiyay, kal horena lagu saxiixay shir ka dhacay magaalada Geneva oo ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay 4tii May ilaa 17 June 1925, asaga oo dhaqan-galay 8 February 1928kii.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka sida weyn looga adeegsado walxaha Qarxa.

Waxaa xusid mudan in kooxda Al-Shabaab oo dowladda ay dagaal kula jirto ay sanad walba boqolaal rayid ah iyo masuuliyiin dowladeeed ku disho waxyaabo loo adeegsaday qaraxyo.

Korneyl Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo lagu xiray Mareykanka

0

Springfield (Caasimada Online) – Dambi baarayaasha Mareykanka ayaa xiray sarkaal horey uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo hadda ku nool magaalada Springfield ee gobolka Virginia.

Baaritaan ay sameysay Waaxda Amniga gudaha Mereykanka ee Homeland Security ayaa lagu sheegay in Colonel Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaan Tuke uu xadgudubyo ka dhan ah xuquuda aadanaha u gaystay shacab Soomaaliyeed, sanadihii 1980, kuwaas oo ay ku jiraan dilal sharciga ka baxsan, jirdil, arxandarro, iyo xabsiyeyn aan sharci aheyn.

Taleefishinka CNN ayaa warbixin uu sameeyey 2019 ku sheegay in Tuke uu ahaa darawal Uber.

Dhammaadkii sanadkan, xeer-beegti ku sugan Virginia ayaa Colonel Tuke ku heshay inuu jirdil u gaystan nin xilligaas ahaa xoolo dhaqato, waxayna dhibbanaha ku abaal-mariyeen $500,000 oo magdhow ah.

Colonel Tuke ayaa markan lagu soo oogay dacwad dambi. Dambi-baarayaasha ayaa sheegay in Khamiistii lagu xiray Springfield. 

Dambi-baarayaasha Homeland Security ayaa sheegay in Tuke uu Gaashaanle Sare ka ahaa Ciidamada Xoogga Dalka, uuna ahaa taliyahaa Guutada Shanaad ee waqooyi galbeed Soomaaliya, intii u dhaxeysay May 1987 illaa July 1988, xilligaas oo dalka uu haystay kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre. 

“Inkasta oo qabsashada Yuusuf Cabdi Cali aysan soo celin karin xanuunka la tuhunsan yahay inuu u geystay dhibanayaasha xadgudubyadiisa xuquuqada aadanaha, haddana waxaan rajeynayaa inaan aragno isagoo ka jawaabaya kaalintii muuqata ee uu ku lahaa dambiyadaas foosha xun, ay nabad siin doonto dadkaas,” ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri Derek Gordon, oo baaritaanada Homeland Security u qaabisaln agga Washington DC.

“Xafiiska Baaritaanada Homeland Security ee Washington DC (HSI) waxaa ka go’an ilaalinta muwaadiniinta sharciga u hoggaansan ee aagga Washington DC, halka aan sii wadeyno inaan raadinno kuwa damacsan inay ka faa’iideystaan ku xadgudubka kuwa kale.” 

Tan iyo 2003, HSI waxa ay sheegtay inay xirtay in ka badan 480 qof oo loo haysto xadgudubyo la xiriira xuquuqda aadanaha, waxayna heshay amaro masaafurin oo ka dhan ah, Mareykanka-na looga saaray, 1100 qof oo la ogyahay ama looga shakisan yahay inay ku xadgudbeen xuquuqda aadanaha.

Daawo Xasan: “Haddi aanay hagar jirin xiligaan Xarardheere Al-Shabaab ma joogeen”

0

Wisil (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safar uu ku marayo furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ayaa galabta maqribkii gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Wisil waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey boqolaal shacab ah iyo ciidamo aad u hubeysan, waxayna ka mid tahay Wisil magaalooyinka ay ku sugan yihiin ciidanka ugu badan ee loo diyaariyey inay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa shacabka reer Wisil ku amaanay sida ay ugu diyaarsan yihiin xoreynta dalka, kadib markii ay iyagu kol hore iska xoreeyeen kooxda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in awooda ciidan ee Wisil uu ku arkay aysan heysan Shabaab oo dhan hadii la isku keeno, “Hadii aysan hagari jirin Xarardheere lama xoreyn weyn,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Wiilasha ciidanka ah waxaan leeyahay garaado, sharaf iyo karaamo Shabaab ayey naga jirtaa, waxaan balan qaadayaa inaan bilad geesi ah idiin xiro intiina muteysata, hadii cadowga aad ka guuleysataan, maanta diyaarad ciidan ayaan ku imid, xor ma nihin ee aan is xoreyno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidanka Wisil jooga kula dardaarmay in kulanka kan xiga ay isugu tegi doonaan Xarardheere oo magaalo xeebeed muhiima u ah gobollada dhexe, taas oo abid ay Shabaab heystaan.

Hoos ka daawo

Sawirro: Muxuu Xasan Sheekh kaga dhowaaqay BAXDO?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta u baxay kormeer uu ku tegayo furimaha dagaalka ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo kamid ah deegaanada laf dhabarta u ah halganka socda ee ka dhanka ah Argagixisada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal kamid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-Nuur oo ah saldhiga halganka diiniga ah ee ka hortaga fikirka guracan iyo gumaadka Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda.

Waxa uu ku adkeeyay madaxweynuhu muhiimada in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada Galmudug ee ku haray gacanta cadowga, isaga oo xusayna geesinimada iyo nafhurnimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo.

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen heeryada Argagixisada.

“Geeddiga dabar-goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.”

Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab ayaa u safray magaalada Wisil ee gobolka Mudug, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Maxkamadda G/B oo go’aan cusub kasoo saartay kiiska Maareeyaha Hay’ada Duulista

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta dib uga qaaday xayiraada socdaal ee ay hore u saartay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir oo ku socday Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxay ku sheegtay in maareyaha uu horyimid oo uu la wadaagay warbixintii ay ka dooneysay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay fulinta go’aankii kiiska hore loogu haystay Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, kaasi oo la xiriiray gal dacwadeed ay kasoo gudbisay gabar lagu magacaabo Fatxi Xasan Daahir.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waa inay siiso Fatxi mushaarkii ka baaqday 1-January-2021 illaa 1-September-2022, oo gaaraya marka laga jaro canshuurta $50,033.4 (Konton kun, sodon & sadex iyo afar sinti oo doolar) ayna sii wado bixinta mushaarkeeda saafiga ah oo dhan $2,051.67 (Laba kun, konton iyo kow & lixdan iyo toddobo sinti oo doolar) illaa ay ka helayso gunada guddiga maamulka hay’adda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Waxa sidoo kale lagu yiri qoraalka “Markay Maxkamadda aragtay in Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed uu horyimid maanta oo ay taariikhdu ahay 19/11/2022 una hogaansamay uyeerista Maxkmadda, lana wadaagay warbixintii ay ka dooneysay. Sidaas darteed waxaa la farayaa Taliyaha Saldhiga Booliska garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha in aad ka qaadan xayiraada safar ka joojin Axmed Macalin Xasan – Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.”

Saddex maalmood ka hor unbey aheyd markii ay Maxkamadda gobolka Banaadir ay soo saartay go’aanka xayiraada socdaal ee Axmed Macalin, kaasi oo taliyaha Taliyaha Saldhigga Boliiska Garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka lagu faray in maareeyaha aanu ka dhoofi karin garoonka Aadan Cadde.

Hoos ka arag warqadda kasoo baxday maxkamadda

Biixi oo gool siyaasadeed ka dhaliyay mucaaridka kadib tallaabo uu qaaday maanta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii dambe wajahayay culeyso uga imanayay dhanka mucaaridka, kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkiisi dastuuriga ah, ayaa maanta ku dhaqaaqay tallaabo uu ku muujinayo inuu meel-marsaday muddo kororsigii loo sameeyay.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa kal hore muddo kordhin laba sano ah u sameeyay madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo uu si adag uga horyimid mucaaridka oo ku dhawaaqay inaysan madaxweynaha Somaliland u aqoonsaneyn Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa maanta tagay xarunta Xisbul tallada haya ee Kulmiye, isaga oo shir-guddoomiyay shirka guddida fulinta xisbiga oo laga soo saaray qoddobo taageero loogu muujinayo madaxweynaha.

“Xisbiga Kulmiye waxa uu hadalkii kasoo yeeray xisbiyada mucaaridka ku tilmaamay mid qeyrul dastuuri ah oo qaran jabin ku ah Jamhuuriyada Somaliland, sidaas daraadeedna ay qaranka ku laheyn xuquuq sharci,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirkaas.

“Xisbiga Kulmiye waxa uu ku amaanay madaxweynaha ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ilaalinta iyo dhowrista dastuurka iyo xeerarka ka dhabalma, waxayna usoo jeediyeen in uu dulqaad muujiyo sidii uu awal ku sifeysnaa hase yeeshe aanu dulqaadkiisa uusan noqon mid dhibaato u geysanaya shuruucda dalka.”

Shir-guddoominta Muuse Biixi ee shirka guddida fulinta xisbiga Kulmiye ayaa u muuqata dhoola-tus siyaasadeed, ayada oo dadka fallanqeeya arrimahaana ay ku tilmaameen in Biixi uu gool siyaasadeed ka dhaliyay mucaaridka, oo ayagu tabartooda kusoo koobmatay hanjabaad ay mariyaan warbaahinta.

Shacabka Somaliland qaarkood ayaa qabay walaac xoogan oo la xiriiray 13-ka November oo aheyd maalinkii uu ku eeka muddo xileedka dastuuriga ah ee Muuse Biixi, maadama mucaaridka ay ku goodinayeen inaysan aqbaleyn muddo kordhin, hase yeeshe waxaa hadda muuqata taasi badalkeeda iyo in Biixi uu dhameysan doono muddo kordhinta ay Golaha Guurtida hore ugu sameeyeen.

A/Madoobe oo shaaciyey qorshe ku wajahan Koonfur Galbeed kuna dhawaaqay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed maamulka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa iclaamiyey shir guud oo looga arrinsanayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taas oo ka dhalatay muddo kororsi uu sameystay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa shaaciyey inuu wadatashi la sameeyey madaxda sare ee dowladda iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, islamarkaana uu qabanayo shir dib u heshiisiin ah oo xal looga gaarayo khilaafka ka dhashay doorashada guud ee maamulkaas.

“Waxaan go’aansaday in shir dib u heshiisiin dhab ah loo qabto reer Koonfur Galbeed, waad ogtihiin muddo xasaasi ah ayaa lagu jiraa dalka wuxuu galay dagaal dib u xoreyn ah marka sidaa daraadeed dad aan mideysneyn guud ma gaari karaan,” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhinacyada isku hayo Koonfur Galbeed iyo bulshada rayidka ah inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo looga arrisanayo masiirka maamulka.

“Waxaan soo jeedinayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee deegaankaas deggan inay dib heshiisiintaas ayidaan ku talagalaan si ay u gaaraan midnimo dhab ah,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu dib kasoo sheegi doono goorta la qabanayo shirweynahaasi iyo sidoo kale goobta uu ka dhacayo.

“Muddada furitaanka ee shirkaas uu bilaabanayo gadaal ayaan kasoo sheegi doonaa, hadii uu Alle idmo, waxaan rajeynaa in shirkaas uu noqdo mid miro-dhal ah,” ayuu markale yiri.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib muddo kordhin labo sano ah oo loo sii sameeyey Lafta Gareen.

Sawirro: Xasan Sheekh oo MAXAAS uga dhawaaqay saddex degmo oo la xoreynayo

0

Maxaas (Caasimada Onlinme) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta u baxay kormeer uu ku tegayo furimaha dagaalka ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ka mid ah meelaha uu ka socdo gulufka.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Xildhibaanno, saraakiil iyo bulshada rayidka.

Ugu horreyn madaxweynaha oo hadal ka jeediyey degmada Maxaas ayaa shacabka ku amaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay dadka deegaanka ee  dagaalka ku jira.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la xoreyn doono deegaanada weli gacanta ugu jiro kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur, Xarardheere iyo Aadan Yabaal.

“Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xarardheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha ay qabaan dadka shacabka ah ee ku nool degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan iyo deegaanada hoos yimaada, wuxuuna balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay dadajin doonto qorshaha ay adeegga dowladnimada ku gaarsiineyso deegaanada laga xoreeyay kjooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sii jeeda deegaanno kale oo ay ka socdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ku yaalla Galmudug iyo HirShabelle.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dooneysa in la dardar-geliyo dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, waxaana ujeedka safarka madaxweynaha uu yahay dhiira-gelin uu ugu tegayaa ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka.

ASKAR ka tirsan NISA oo dil iyo dhaawac maanta loogu geystay suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ay maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka geysteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday askar ka tirsan ciidamada Dharcadda ee hay’adda Nabad Sugidda, kuwaas oo ka howlgala gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in weerarka uu ku billowday bam-gamceed, waxaana kadib xigay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamada ammanka iyo rag hubeysan oo la sheegey in markaas ay ka soo dageen mooto Bajaaj ay la socdeen.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan hal askari, ayada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka tirsana ciidamada Dharcadda ee hay’addas NISA.

Dhammaan askarta wax ku noqtay weerarkan ayaa hoostagayey taliyaha Nabad Sugidda ee degmada Howlwadaag, kaas lagu magacaabo Shakiib.

Xaaladda Suuqa ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana ka socdo howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada Nabad Sugidda iyo sidoo kale kuwa Booliska Soomaaliya

Si kastaba, weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan intaba.

Yuusuf Madaale oo xilalka ka qaaday gudoomiyeyaal degmo kuwa kalena magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta qaaday tallaabo culus, isaga oo xil ka qaadis ku sameeyey qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, kuwa kalena magacaabay.

Madaale ayaa xilka qaadis ku sameeyey illaa saddex guddoomiye, kuwaas oo kala joogay degmooyinka Boondheere, Waabari iyo Hodan, waxaana loo magacaabay:-

1-Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Boondheere, ayada oo xilkaas laga qaaday Marwo Seynab Yuusuf Wehliye.

2-Maxamed Sayid Cali ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Waabari, ayada oo xilkaas laga qaaday Sugaal Cali Ayaanle.

3-Cali Axmed Faarax ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan, ayada oo xilkaas laga qaaday Cabdifitaax Xayir Ciise.

Sidoo kale wargeetada ayaa lagu sheegay in dhammeytirka xeerkan laga rabo waaxada shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda hoose iyo waaxda xiriirka degmooyinka.

“Dhammeystirka wixii ka dhimman xeerka fulintiisa waxaa u xil-saaran waaxda shaqada iyo shaqaalaha gobolka Banaadir iyo waaxda xiriirka degmooyinka,” ayaa lagu yiri wareetada.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbedallada uu haatan wado guddoomiye Yuusuf Madaale oo uu markale xilkan usoo magacaabay madaxweynaha Xasan Sheekh, isagoo horey sidan oo kale guddoomiyeyaal cusub ugu soo magacaabay Kaxda, Dharkenley iyo Xamar Jajab.

NISA oo fulisay amarkii kasoo baxay Laftagareen – Maxaa maanta ka dhacay Baydhaba?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada NISA ee maamulka Koonfur Galbeed oo fulinayey amarkii kasoo baxay madaxweynaha maamulkaasi ee ahaa la bilaabo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ayaa xalay baaritaano culus ka sameeyey magaalada Baydhabo.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa isku fidiyey xaafado dhowr ah, sida  Isha, Bardaale, Horseed, Holwadaag, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Sidoo kale ciidamada Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ayaa gacanta kusoo dhigay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro ah, kuwaas oo ah tuhmanayaal, waxaana ku socdo baaritaano dheeraad ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Baydhabo.

Saraakiisha ammaanka ayaa intaasi kusii daray in iyaga oo ka duulaya fariinta uga timid madaxweynaha Koonfur Galbeed ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka bilaabeen caasimada KMG ah ee maamulka, si looga hortego falalka amniga darrada ee ka dhici kara.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha laga dareemayo abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda wadanka, kaas oo ujeedka uu yahay in looga adkaado kooxda.

Dhowaan ayey aheyd markii madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo tegay Baraawe uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanayo gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolkaaso inay ka qayb qaataan.

Si kastaba, waxaa haatan inta badan gobollada ka curtay kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu xoogiisu ka socdo gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Ka warramidda arrimaha bani’aadamnimada iyo isbedelka cimilada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalladda Xarumaha Warbaahinnada Madaxabannaan ee Soomaaliya – SIMHA, ayaa qabanqaabisay tababar sare oo ay ka qaybgalayaan in ka badan 30 weriye oo isugu jira tifaftirayaal iyo saxafiyiin xul ah.

Tababarka oo la qorsheeyay in uu socdo seddex maalmood oo ka billaabmaysa sabtida maanta ah ayey suxufiyiintu ku heli doonaan; aqoon, aragti iyo faham gun dheer oo ku saabsan habka tebinta sheekooyinka Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Isbedelka Cimilada oo ah dhibaatooyin isku xiriirsan oo ah halis adduunku ka digayo, Soomaaliyana la daalaadhaceyso natiijooyink ka dhashay.

Kooxdan Saxafiyinta oo ka kooban ‘RAG iyo Dumar’ ayaa gebi ahaanba ka halwgala caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ujeedka Tababarka

Xasan Cali Geeseey, guddoomiyaha Dalladda SIMHA ayaa seminaarka ku qeexay mid looga golleeyahay u qareemidda dhibbaneyaasha iyo in suxufiyiinta yeeshaan awood ay ku shaandheeyaan hor-tebinnada qisooyinka qayb ahaan ka qarsoon warbaahinta ee arimaha bani’aadanimada 

“Maadaama ay Soomaaliya mar walba u dhexeyso ‘daadad iyo abaaro’ oo ah laba aafo oo horseeda burbur hantiyeed, barakac bulsho, baaba’a bii’o iyo xataa dhimashada qaybaha bulshada ee nugul, sida; dumarka, carruurta iyo duqayda, ayaa waxaa ka muwaadiniin ahaan na danqinaya duruufaha iyo diifta haysata dadkeenna….labada musiibo -xilliyeed ayaa waxa ay khubarrada leeyihiin waxaa sababta ugu weyn leh bulshooyinka oo aan faham u haysan muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka iyo yareynta khatarta Isbedelka Cimilada. Sidaas awgeed weriyeyaasha oo ah codka dheer ee gaaraya guud ahaan geyiga ayey Dalladda SIMHA  garatay in la siiyo tababar xirfad-kaab ah oo noociisu yahay markii ugu horreysay,” ayuu yiri, Xasan Cali Geeseey.

Taageerada Tababarka

Hawlgalka QM ee Kaalmaynta Soomaaliya iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha u Xilsaaran Dowladda ayaa taabbageliyay Tababarka.

Xasan Cali Geeseey, guddoomiyaha SIMHA ayaa qabsoomidda seminaarka uga mahadceliyay dhinacyada fududeeyay.

“Haddii aan la helin taageerada taabbageliyeyaasha UNSOM iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, ma aysan suuragasheen hirgelinta hawshan”

Mas’uuliyiinta Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee dowladda u xilsaaran arrimaha abaaraha iyo gargaarka ayaa ka qaybgalay furitaanka ayaa bogaadiyay abaabulka SIMHA.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ergayga Arrimaha Abaaraha u xilsaaran Soomaaliya oo ka hadlayay seminaarka ayaa sheegay in ay filayaan in saxaafadda qaadato doorkeeda shariifka ah ee ay ugu qareemayso nafaha badbaadada u baahan.

Ka-hor iyo Kadib Tababarka

Kooxda tifaftirayaasha ah ee helay fursadda ka qaybgalka tababarka ayaa ku faraxsan inay wacaal u yeeshaan xaaladaha iyo xaqiiqooyinka halista ku ah bulshadooda.

“Marki hore, ma haysan aragti fiican oo aan ku soi gudbin karnay duruufaha isdulsaaran ee dadkeenna laakin haatan waxa aan awoodnaa in meel sare gaarsiinno codadka kuwa jilicsan si adduunka iyo dadkeennaba u ogaadaan xaaladda dhabta ah” ayuu yiri, Xuseen Axmed oo ah tifaftiraha Dalsan.

Faadumo, oo ah tifaftiraha Danan ayaa sheegtay in sheekooyinka arrimaha bani’aadamnimada aysan keliya ahayn u doodid dhibbaneyaasha’e balse sidoo kalena ay ka mid yihiin soo saaridda curiyeyaasha dhibaatada.

“Ma aha oo keliya in aan tebinno duruufaha dadka naf-badbaadinta u baahan laakin sidoo kalena waa in aan door ku yeelannaa joojinta dhibaatada, sida; duullaanka lagu hayo deegaanka” ayey Tiri faadumo.

Tababarro kale

Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, Mudane Xasan Cali Geeseey ayaa sheegay in tababarro kale ay dhowrka toddobaad ee soo socda ku qaban doonaan afar magaalo oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayna ka faa’iidaysan doonaa isu-geynta ku dhawaad 200 oo saxafi.

“Suxufiyiinta ku kala sugan dowlad goboleedyada oo dhan waxa aan ugu tegi doonnaa deegaamada ay ka hawlgalaan si aan u gaarno dalka oo dhan. Waxa aan rabnaa in aan u hirgelinno sida ugu dhaqsiyaha badan, si aan wadajir ugu badbaadinno nafaha’ ayuu yiri, Mudane Xasan.

Labada dal ee Xasan Sheekh uu saaxiibka ka dhiganayey ee ka hiiliyey Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa Khamiistii sanad dheeri ah ku daray cunaqabtaynta hubka ee saaran Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ay dadaal u gashay in la qaado, si ay taas uga caawiso dagaalka lagu jiray Al-Shabaab.

Golaha ayaa isku raacay qaraarka 2662 (2022), waxaana taageeray 11 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, mana jirin dal diiday. Waxaana ka maqnaa afar dal oo kala ah; China, Gabon, Ghana iyo Ruushka.

Dalalka taageeray qaraarka, ee ka horyimid rabitaanka dowladda federaalka, waxaa ka mid ah dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo ka mid ah xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka.

Labadan dal ayey aad isugu xumaayeen dowladdii madaxweyne Farmaajo, waxaana markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal dheeri ah u galay inuu xiriirkooda hagaajiyo, saaxiibna ka dhigto.

Hase yeeshee, Abu Dhabi iyo Nairobi ayaa ugu abaal-guday Muqdisho inay diidaan in la qaado cunaqabatayn ay dowladda federaalka u aragto inay caqabad ku tahay dagaalka lagula jiro argagixisada.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee QM, Lana Zaki Nusseibeh ayaa sheegtay in meel-marinta qaraarka ay ka dhigan tahay in Golaha uu si aan leex-leexad laheyn u cambaareynayo dhaq-dhaqaayada argagixiso ee kooxda Al-Shabaab, halka taa caksigeed ay dowladda federaalka u aragto in dhab ahaantii inuu qaraarkan caqabad ku yahay dagaalka Al-Shabaab. 

Safiirka Kenya ee QM Martin Kimani ayaa sheegay inuu u codeeyay qaraarka iyadoo ay ugu wacan tahay tallaabooyinka adag ee laga qaadayo ururka Al-Qaacida ee ku xiran ee Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxay raadineysaa taageero dheeri ah oo ay ka hesho Golaha, oo ay ku jirto qaadista cunaqabateynta hubka. Tani sidoo kale waa mowqifka uu qaatay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. Si kastaba, hindisahan ayaan helin taageero ku filan intii lagu guda jiray wareegan wada-xaajoodka,” ayuu yiri Kimani isagoo kalsooni ka muujiyay in hab-dhaqanka ciidamada Soomaaliya iyo dowladda federaalka ay mustaqbalka horseedi doonaan in la qaado cunaqabataynta.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta, waxaana uu ammaanay afarta dal ee ka aamusay si aysan u taageerin kordhinta cunaqabateynta hubka.

“Cunaqabateyntan gacamaha ayay naga xireysa xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga arxan-laaweyaasha ah,” ayuu yiri Abuukar.

Ma cadda sababta Imaaraadka Carabta iyo Kenya, oo la rumeysnaa in Xasan Sheekh ay saaxiib la yihiin, aysan u taageerin dowladda federaalka.

Si kastaba, qaraarka ayaa waxaa ku jira qodob u ogolaanaya dowladda federaalka inay hub hesho.

“Qaraarka wuxuu go’aamiyey in dhammaan dalalka ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga dhammaan hubka iyo agabka milateri ee la geeyo Soomaaliya, marka laga reebo hubka ay ka faa’iideysanayaan hay’adaha amniga iyo booliiska Soomaaliya ee heer qaran iyo heer gobol, kuwaas oo qaraarka aanu saameyneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka qaraarka. 

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu xusay in cunaqabataynta hubka aysan khuseyn keenista hubka iyo agabka ciidan, ama bixinta talo farsamo, dhaqaale, kaalmo kale, iyo tababarada militari ee loogu talogalay horumarinta hay’adaha amniga iyo booliska Soomaaliya, si loo sugo amniga dadka iyo dalka.

Cunaqabatanta ayaan sidoo kale saameyneyn QM, ATMIS iyo hay’adaha kale ee caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya.

Waxaanu sidoo kale qaraarka saameyneyn ururada iyo dalalka tababarka ciidanka siiya Soomaaliya, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, Turkey, UK, Mareykanka iyo dal ama urur kasta oo heshiis is-fahan oo militari uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka.

Dowladda federaalka ayaa bilihii tegay wadday dadaal xooggan oo ay ku raadineyso in xayiraadda hubka looga qaado Soomaaliya, si ay u hesho hubka loo baahan yahay si dalka looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.