27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Faarax C/qaadir oo shaaciyey sababta Al-Shabaab weerar ugu yihiin W/Waxbarashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka, Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed ayaa ka sheekeeyay marxaladihii heerka waxbarasho ee dalku soo maray, kadib burburkii Dowladdii Militariga iyo markii ugu horreysay oo maleeshiyada Al-Shabaab u soo hanjabaan Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka ayaa sheegay, kadib burburkii Dowladdii Dhexe in caqabado badan ay la soo derseen tacliinta dalka, dad uu isagu ka mid yahayna ay dhexda u xirteen, sidii waxbarashada dalka u sii socon laheyd, xilli dad badani ay rumeysan kari waayeen in dowlad la’aani ay iskuulaad gaar ahi dabooli karaan baahida waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed.

“Markii ay dowladdii burburtay, dee tacliintiina way la burburtay, muddo ayay qaadatay in tacliintii dib loo soo celiyo, aniguna nasiib wanaag waxaan ka mid ahay dadka fursadda u helay in dadka Soomaaliyeed ay u adeegaan, laga bilaabo sanadkii 1992-kii oo waxbarashada ay ka shaqeeyaan. Xilligaas waxbarashada bilaawgeeda dadku way rumeysan la’aayeen, waxbarasho aan dowlad lahayn baa la qaban karaa, waxaana is garab socday gargaarka raashiinka dadka la siiyo iyo iskuulada oo loo furo,” ayuu yiri Faarax Cabdulqaadir.

“Muddo kadib iskuuladaas waxaa ay sameysteen dallado waxbarasho, dalladahaas waxbarashadu waxay isku dayeen inay wax ka qabtaan arrimaha aanay iskuuladu waxba ka qaban karin, arrimihii ay wasaaraddu qaban jirtay ee waxbarashada ama ay dowladdu qaban jirtay, laakiin maadaama dowladdii ay maqneyd shahaadooyinka ayay bixin jireen, imtixaanaadkee qaadi jireen, tacliinta ayayna u ololeyn jireen, waxaa ay samayn jireen in adduunyada kale shahaadadaas aqoonsi iyo deeq waxbarasho looga helo, tacliintuna ay horey u sii socoto.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadkii 2014 ay ahayd markii ugu horreysay oo la isku dayo in la mideeyo imtixaanaadka shahaadiga ee Dugsiga Sare, inkastoo uu ku tilmaamay arrin aad xilligaasi u adkeyd.

“Waxaa la isku dayay 2014-kii oo runtii dee arrin adag ahayd in bal horta imtixaanka Dugsiga Sare ee ardayda laga qaado la mideeyo, isku waqti la qaado, imtixaan mid ahna la qaado,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadkaasi ay Shabaabku wasaaradda soo gaarsiiyeen hanjabaadoodii ugu horreysay, si dugsiyada waxbarashada iyo ardaydaba uga joojiyaan imtixaanaadka shahaadiga ee xilligaasi la bilaabay in la mideeyo, ha yeeshee aan wax dheg jalaq ah loo siinin.

“Shabaabka nimankan isku sheegaya ee annaga Khawaarijta aanu u naqaano ee argagixisada ah, sanadkaa 2014-kii digniin ayay soo direen, oo ay ku amrayaan iskuulada iyo ardayda inaanay geli karin imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada ay qaadeyso. Runtii dadkeena geesiyaasha ah dheg uma dhigin, waa la galay, sidaas bayna ku socotay. Hadda sanadkan ugu dambeeyay Wasiirkii iga horreyay ayaa imtixaanka xilligiisii la qaaday, aniga xilligii natiijada la soo dhejinayay ayaan xilka la wareegay. 35 kun oo arday oo Soomaali ah ayaa Dugsiga Sare imtixaankiisa gashay, oo badankood ku guuleystay, waana kuwaas kuwa hadda shahaadada la siinayay,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

29-kii bishii hore ee October maleeshiyada Al-Shabaab ayaa gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada oo ku taala Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, xilli ay ka socotay shahaado bixinta ardaydii ku guuleysatay imtixaanka fasalka 4aad ee Dugsiga Sare.

Qaraxyadaasi oo laba ahaa ayaa galaaftay nolosha in ka badan 120 qof oo u badan dad shacab ah, oo aan waxba galabsan. Shabaabka oo masuuliyadda qaraxyadaasi sheegtay ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay “Waxa loogu yeero Wasaarada Tacliinta ayaa sidoo kale kaalin weyn ku leh askareynta ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo kumanaan ka mid ah ay ku biirinayaan ciidamada, halka qaar kalena ay qaab calooshood u shaqaystanima ah ugu askareyso wadamo ajanabi ah.”

Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in dalku uu maanta leeyahay manhaj waxbarasho oo mideysan, kaasoo buugaagtiisu ay daabacan yihiin.

“Waxaa lagu guuleystay, hadba sidii tallaabo loo soo qaadayay mideynta manaahijta, sanadkii 2020-kiiyaa ugu dambayn la soo dhameystiray manhajka Dugsiga Sare, sanadkii 2018-kiina la soo dhameystiray manhajka Dugsiga Hoose/dhexe. Maanta Somaliya waxaa ay leedahay manhaj waxbarasho oo dhammaan heerarka kala duwan ee tacliinta aasaasiga ah, maadooyinka oo dhan ah, buugaagteedana ay daabacan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Faarax.

Wasiir Faarax ayaa meesha ka saaray sabab ay maanta Shabaabku uga horimaan karaan in manhajkan laga dhigo dugsiyada dalka, isla-markaana uu yahay mid cid kasta ay daalacan karto.

“Manhajku waa manhaj bannaanka yaalo oo iskuulada lagu dhigto oo macalimiinta ay wax ku baraan, oo manhaj qarsoon oo hadda meel ku qarsoon haba yaraatee ma ahan. Manhajku waa af Soomaali, marka laga taggo maadooyinka ku baxa luqadaha Ingiriisiga, Carabiga iyo tarbiyada Islaamka,” ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay wareysi uu siiyay Barnaamijka Galka Baarista ee VOA.

Madaxweyne Xasan oo u baxay furimaha dagaalka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u ambabaxay furimaha hore ee uu ka socdo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isagoo kormeer kiisa ku bilaabi doono Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u gudbi doono aagga dagaalka Baxdo iyo Qaayib, halkaas oo uu ka socdo dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa u kuur-geli doono xaaladda deegaanada la xoreeyey, isaga oo sidoo kale warbixino ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhageysan doono saraakiisha.

Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Xasan uu tegi doono dhammaan furimaha dagaalka, gaar ahaan gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa doonaya in la dardar-geliyo dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna dhiira-gelin ugu tegayaa ciidamada xoogga dalka ee furimaha gobollada dhexe jooga iyo xogagga deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa gebi ahaan istaagay duullaankii lagu qaaday maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socday gobollada dhexe ee Soomaaliya, marka laga reebo dhowr tuullo oo ciidamada ay qabsadeen dagaal la’aan, kadib markii ay isaga carartay kooxdu.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib uga baxay degaanno kala duwan oo laga qabsaday kooxaha Al-Shabaab, oo uu ugu dambeeyey deegaanka muhiimka ah ee Wabxo ee dhowr maalmood kahor ay ciidamada faarujiyeen.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa hadda u jeestay dhanka dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna qorsheeyey inuu safar ku tago furimaha dagaalka ee Galmudug iyo HirShabeelle.

Jubaland oo toogasho ku fulisay laba qof + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa maanta markale fagaare ku yaalla magaalo xeebeedka Kismaayo ku toogtay  laba askari oo ka tirsanaa ciidamada mamaulkaas, kuwaas oo horey dilal uga geystay Jubbaland,.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa raggan oo labo ah ku heshay dilal ay horey si ula kac ah u geysteen, iyada oo maanta lagu qisaasay bartamaha Kismaayo.

Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabi Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u geysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow iyo Yuusuf Xuseen Cabdi oo isna dilay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021.

Sidoo kale goobta lagu toogtay raggaan oo uu mid kamida ahaa nin da’ ah m halka kan kale uu ahaa wiil dhalinyaro ah ku sugnaa mas’uuliyiinta maxkamadda iyo dadweyne. 

Gaashaanle Dhexe, Bashiir Maxamuud Xareed oo ah guddoomiye ku xigeenka maxkamadda ciidamada Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey xukunkan dilka ah ee ay maanta fuliyeen iyo heerarkii usoo maray, maadaama uu muddo soo jiitamayey kiiskan.

Xareed ayaa sidoo kale u digay ciidamada kale ee shaqeynaya, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan waxyeeleynta shacabka dambiyada dilka ah.

Jubbaland ayaa u muuqata inay qaaday dhabihii dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo todobaadyadii ugu dambeeyey dardar-gelisay xukunnada dilka ah ee ay horey u ridday maxkamadda ciidamada qalabka sida, Somalia.

Daawo: Waare oo sheegay in aysan xal aheyn in la laayo dhallinyarada Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyihii hore ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in xalku uusan jirin in la laayo dhalinyarada ay qaldeen hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, balse Soomaalida laga rabo inay xal u hesho sidii loo badbaadi lahaa tirade ugu badan ee dhalinyaradaas.

Madaxweyne Waare oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab uusan ku dhamaa doonin in la laayo dhalinyarada ka tirsan kooxdaas.

Wuxuu saadaaliyey inay suurta geli doonto, in la soo badbaadiyo inta badan dhalinyaradaas oo dhaqan celin loo samey doono, halka hoggaamiyeyaashii qalday la dhaleyn doono, sida uu sheegay.

Si gaar ah Waare wuxuu carabka ku dhuftay Cali Dheere oo ah Afhayeenka Al-Shabaab, isagoo ugu goodiyey in Cali Dheere uusan ku baxsa doonin dunuubtii uu ka galay dadka Soomaaliyeed.

“Qof kasta oo caqli leh wuxuu fahmayaa dhalinyarada la qalday in la wada laayo in aysan ku dhamaa doonin oo xal aysan aheyn, waxay ku dhamaa doontaa in lasoo dhaqan celiyo oo bulshada lagu soo daro,” ayuu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle wuxuu wareysigaan ku sheegay in hoggaamiyeyaasha kooxda aan lagala tasha doonin sidii loo badbaadi lahaa dhalinyarada Al-Shabaab u dagaalameysa, balse xalku uu imaa doono markii la laayo amiirrada.

“Hadii hadalka Cali Dheere jileec laga dareemay jabka gaaray ayuu ka turjumayaa, laakiin Cali naxariis uma heyno, wixii nakala gaara ayuu leeyahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweyne Waare ayaa ugu dambeyntii wareysiga qeybtaan ku sheegay, in dowladda looga baahan yahay inay ka fikirto sidii dhalinyarada Al-Shabaab inta ugu badan loo badbaadin lahaa, iyadoo aan wax isxaan ah aan loo sameyn horjoogayaasha.

Hoos ka daawo

Weerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday Hotel Wehliye ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ku bilowday ismiidaamin ayaa goordhow ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online, weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo gaaray dad shacab ahaa oo ku sugnaa goobta weerarka ka dhacay.

Sida wararka hordhaca ah sheegayaan, weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyey, weerarka ayaa waxaa ku dhintay 4 askari oo goobta ku sugnaa halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen.

Mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan dowladda ayaa iminka ku sugan goobta uu ka dhacay weerarka, waxaana halkaasi laga daabulayaa dhaawacyo iyo meydad.

Weerarradan ayaa muujinaya halista joogtada ah ee ka jirta Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan sida hoteellada iyo maqaayadaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii ay u xoojin lahayd amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaana socda howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Xog: Xasan Sheekh oo tegaya furimaha dagaalka iyo qorshe culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaya inuu berri u safro magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, isla markaana uu uga sii gudbo furimaha dagaalka ee aagga Qaayib, halkaas oo ciidan xoog leh lagu diyaarinayey maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxtooyada ayaa labadii maalmood ee u dambeysay dhowr magaalo oo ka tirsan gobollada dhexe u dirtay ciidan iyo shaqaale ka soo horeynaya wafdiga madaxweynaha, wuxuuna Xasan Sheekh tegayaa degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan Galmudug iyo HirShabeelle.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, madaxweynaha ayaa doonaya in la dardar geliyo dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna dhiira-gelin ugu tegayaa ciidamada xoogga dalka ee furimaha gobollada dhexe jooga iyo xogagga deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa gebi ahaan istaagay duullaankii lagu qaaday maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socday gobollada dhexe ee Soomaaliya, marka laga reebo dhowr tuullo oo ciidamada ay qabsadeen dagaal la’aan, kadib markii ay isaga carartay kooxdu.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib uga baxay degaanno kala duwan oo laga qabsaday kooxaha Al-Shabaab, oo uu ugu dambeeyey deegaanka muhiimka ah ee Wabxo ee dhowr maalmood kahor ay ciidamada faarujiyeen.

Saraakiisha qaarkood ayaa laga soo xigtay in Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka uu bixiyay amarka dib looga baxay degaannadii laga saaray kooxaha Al-Shabaab, inkasta oo aan si rasmi ah loo caddeyn karin taas.

Fallanqeeyayaal amni oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in arrintan ay ugu wacan tahay xeelad la’aan dhanka dowladda ah iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqda mid aan muhiimad weyn siineyn dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay aheyd inuu dagaalka hoggaamiyo, isla markaana dhiiri-geliyo shacabka iyo ciidanka dowladda, ayaa waqtigiisa ugu badan ku bixinaya safaro dibadeed oo badankood aan wax macno iyo dan ah ugu jirin Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in hadda uu u soo jeestay dhanka dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna qorsheeyey inuu safar ku tago furimaha dagaalka ee Galmudug iyo HirShabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh, safarkiisa ugu horeeya ayuu ku tegayaa Cadaado, wuxuuna uga sii gudbayaa dhanka Baxdo iyo Qaayib, sida ay shegeyso xogtaan, sidoo kale waxaa suurta gal ah inuu tago Wisil iyo Dhuusamareeb, kadibna uu uga sii gudbo Beledweyne ilaa Maxaas.

 

Mareykanka oo sheegay sababta uu u taageeray go’aankii ay diidaneyd DF

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay sababta ay u taageertay qaraarka Golaha Ammaanka QM ee muddo sanad ah ku kordhiyey cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ay dooneysay in la qaado.

Qaraarka 2662 (2022) ayaa waxaa taageeray 11 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, oo Mareykanka uu ku jiro, mana jirin dal diiday. Waxaana ka maqnaa afar dal oo kala ah; China, Gabon, Ghana iyo Ruushka. 

Danjire Robert Wood, oo ka wakiil ahaa dowladda Mareykanka ayaa sheegay in dowladdiisa ku faraxsan tahay inay codeysay muddo kordhinta cunaqabataynta hubka, illaa 12 bil oo dheeraad ah, sababtuna ay tahay in dowladda federaalka ay u baahan tahay in horumar dheeraad ah ka sameyso xakameynta hubka.

“Waxaan soo dhoweyneynaa horumarka la ammaani karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan maareynta hubka iyo kaydintiisa. Wax ka beddelka qaraarkani waxa uu ka tarjumayaa horumarkaas la taaban karo. Waxaan rajeyneynaa in horumarka noocaan ah uu sii socon doono, kaas oo oggolaan doona in lasii fududeeyo cunaqabataynta hubka,” ayuu yiri. 

Danjire Wood ayaa sheegay in qaraarka loo dhigay qaab taageeraya ficillada dowladda federaalka ah iyo saaxiibada la shaqeeya ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena xakamaynaya in Al-Shabaab ay hub helaan. 

Qaraarka ayaa waxaa lagu daray qodob ogolaanaya in dowladda federaalka iyo dalalka caawiya militariga Soomaaliya ay hub keeni karaan dalka.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah QM inay dhaqan geliyaan qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 751 ee quseeya Al-Shabaab, oo ay ku jiraan tallaabooyin lagu xakameynayo awoodda Al-Shabaab ay ku heli karto dhaqaale, hub, iyo taageerada kale ee ay u baahan tahay si ay weeraro u fuliso, iyo in hay’adaha amniga iyo booliska Soomaaliya lagu taageero agabka ay u baahan yihiin si ay ula dagaalamaan argagixisada, una sugaan amniga shacabka,” ayuu yiri

Danjire Wood ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay taageeridda shacabka Soomaaliya iyo inay si dhow ula shaqeeyaan dowladda federaalka. 

Hadal-haynta ku saabsan GABAR SOOMAALI ah iyo qaraxii ka dhacay ISTANBUL

0

Istanbul (Caasimada Online) – Qarixii Axaddii ka dhacay aagga Istiklal Street ee magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 6 qof  tiro intaa ka badana way ku dhaawacantay.

Wixii markaas ka dambeyay waxaa  baraha bulshada ku faafayay warar been abuur ah oo laga sameeyay dhacdaas.

Maalmo kadib markii qaraxu dhacay haweenay Soomaali ah ayaa iska soo duubtay muuqaal ku saabsan weerarkaas  kaasi oo lagu baahiyay barta TikTok.

Muuqaalka gabadhan Soomaalida ah ayaa sidoo kale lagu faafiyay qaybaha kala duwan ee baraha bulshada sida Facebook iyo Telegram, iyadoo sheegaysa in qofka lagu tuhmayo weerarka ay walaalo yihiin.

Sidoo kale gabadha Soomaalida ah ayaa muuqaalka ku sheegtay in haweenayda loo haysto qaraxa aaney dambi lahayn, hadalkaas oo wax kama jiraan ah, sida wararku sheegayaan.

Haweenaydan ayaan ku muujin muuqaalka in ay wax xiriir ah la leedahay qofka eedaysanaha ah, balse waxay shaki galisay in haweenaydu ay boolisku u soo qabteen weerarka ay ku lug leedahay dhacadaas.

Haweenaydan Soomaalida ah ayaa ku boorisay Soomaalida iyo ajaaniibta kale ee ku sugan Turkiga inay  taxadaraan.

“Fadlan is jira. Dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo ajaanibka ku nool halkan waa in ay ka digtoonaadaan sababtoo ah booliska ayaa hadda u dhacaya guryaha dadka ajaanibka ah ee dalka ku nool, isla markaana ururinaya dhammaan ajaaniibta aan waxba galabsan,” ayay ku tiri muuqaalka.

In kastoo muuqaalka uu ka saaray TikTok qofkii soo galiyay, haddana, baraha kale ee bulshada ayuu aad ugu baahay. Dadka isticmaala baraha bulshada iyo warbaahinta ayaana siyaabo kala duwan uga faallooday.

Booliska Turkiga oo shaaciyay xogta gabadhii qarxisay Istanbul

Saraakiisha booliiska dalka Turkiga, ayaa shaaciyay xog ku saabsan qarixii Axaddii la soo dhaafay ka  dhacay Turkiga. Waxay sheegeen in la qabtay dad lagu tuhmayo in falkaas ay ka dambeyeen.

Sida laga soo xigtay maamulka Turkiga, waxaa dadkaan la soo qabtay kadib markii la baaray 1200 kaamiradaha wax duuba ah kuwaas oo laga helay xogta sida uu u dhacay weerarku.

Waxaana loo xiray dhacadaan 46 qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayen.Su’aalo la weeydiiyay shaqsiyaadkan kadib ayaa waxaa lagu dhawaaqay haweenayda looga shakisan yahay weerarka oo ah Axlam Albashir una dhalatay dalka Suuriya, taasoo lagu qabtay magaalada Küçükçekmece.

Sawirrada howlgalkan dadka lagu qabqabtay ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay saraakiisha Booliska.

Maamulka ayaa shaaciyay in Albashir ay amarka ay ku fulisay weerarka ay soo qaadatay iyadoo joogta magaalada Kobani (Caynu-Carab) ee waqooyiga Suuriya, kadibna ay Turkiga si sharci darro ah ku soo gashay 4 bilood ka hor, iyadoo aadday magaalada Istanbul, halkaas oo ay ka shaqeysay midka id ah goobaha dharka lagu talo.

Warka laga soo saaray qarixii dhacay ayaa lagu sheegay in haweenaydan ay ku fadhiistay mid ka mid ah kuraas taallay, halka qaraxu ka dhacay mudd 40 daqiiqo ah. Boorso ayay kaga tagtay halkii ay fariisatay daqiiqado yar kadibna waxaa dhacay qaraxa, iyadoo in cabbaar ah ka sii maqan goobta.

Warku wuxuu intaa ku darayaa marka ay goobta ka tagtay in ay  aadday Esenler, iyadoo gaari u raacday Küçükçekmece.

Agaasinka Amniga Istanbul, ayaa sheegay in haweenaydan lagu tuhmayo in ay ka dambeysay weerarkii Axaddii dhacay ay Waddada Istiklal ee Taksim Square, gashay iyadoo dhabarka ku wadata boorso, ayna ku fariisatay kursi yaalla halka wax ka dhaceen.

Kaamiradda ayaa laga arkay muuqaalkeeda. Intii ay su’aalaha weydiinayeen saraakiisha booliisku waxay sheegeen in Albashir ay sheegtay in si gaar ah  ay tababarro u siiyeen ururada PKK/PYD/YPG, iyadoo si sharci darro ahna ku soo gashay dalka Turkiga oo ay ka soo gashay gobolka Afrin.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Turkiga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in haweenaydan ka hor inta aan la soo qaban ay isku diyaarineysay in ay u baxsato dalka Giriigga.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa la kulmay nin dukaan ku leh halka haweenaydan ay ku nooleed isla markaana ay ka shaqeyn jirtay, kaas oo lagu magacaabo Kazım Karabeki.

Isaga oo la hadlayay waraabhinta  Demirören, wuxuu yiri; “deegaanka ayay ku nooleed muddo hal sano ah. Waxayna ka shaqeyn jirtay feeraynta dharka(kaawadeynta), “.

Dukaanle kale ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee uu arko hawenaydan ay la socotay ilmo yar.

Waddada Istiklal, oo ah waddo muhiim u ah isu-socodka dadka oo weerarkii dib la xiray ayaa hadda dib loogu furay dadweynaha.Dowlada hoose ayaa goobta ku midabeysay calanka Turkiga, iyadoo sidoo kale dhigtay ubaxyo.

Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadayo bacaha iyo boorsooyinka lala galo fagaaraha ay wax ka dhaceen.

Goobtan ayaa ah goob ay inta badan tagaan dadka dalxiisayaasha ah, waxaana hadda wixii ka dambeeya la baari doonaa sida boolisku sheegeen dadka halkaa la galaya alaabaha shakiga dhalin kara.

Isha: BBC Somali

Maxay Xasan Sheekh lix bil ugu qaadatay inuu beddelo ku-xigeenada G/Banaadir?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka Banaadir, iyadoo ay 6 bilood ku qaadatay.

Xogta laga helay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaysa in magacaabidda guddoomiye ku xigeenada Gobolka oo in muddo ah diyaar ahayd ay ka harsan tahay in lagu dhawaaqo oo la shaaciyo, taasoo ku xiran xilliga uu doorto Madaxweynaha.

Siyaasiyiin badan ayaa olole ugu jiray inay helaan afarta xil ee ku xigeenada Gobolka Banaadir, waxaana xil kasta uu yahay qoonde beeleed oo ay qasab tahay in beelihii hore u hayey xilalkaasi qof ka mida loo magacaabo.

Waxaa sii xoogeystay loolanka loogu jiro xilalkan, iyadoo ay rajo soo gashay mas’uuliyiintii xilalkan hore ugu fadhiyey oo markii hore aan shaqada xaadiri jirin, balse bilo kadib markii ay arkeen xaaladda ay dadaal u galeen inay xilalkooda ii heystaan.

Madaxweynaha ayaa 7-dii September 2022 wuxuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale, balse ku dhowaad 2 bilood iyo Bar, weli waxaa laga sugayaa Madaxweynaha inuu soo magacaabo ku-xigeenadiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kor u haya xilal fara badan oo isugu jira taliyeyaasha ciidamada oo la filayey in la bedelo, Agaasimeyaal, Safiiro iyo xilal kale, taasoo keentay inay yaraato mucaaradnimda loo hayo, iyadoo xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ay rajo ka qabaan in xubnaha ay wataan xilalkaasi wax ka helaan.

Guddoomiye ku xigennada Gobolka Banaadir ayaa wararku sheegayaan in ugu danbeyn maalmaha soo socda 6 bilood kadib kasoo bixi doonaan xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xigasho: Goobjooge

Dowladda Mareykanka oo badbaadisay Bin Salmaan

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii ku talisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu ka reeban yahay in lagu furo dacwado sharci oo la xiriira dilkii 2018 ee weriye Jamaal Khaashuqji, sida ku cad warqado maxkamadeed.

Maxamed bin Salmaan ayaa bishii September loo magacaabay ra’iisul wasaare, taasi oo dhalisay tuhuno ku saabsan inuu isku dayayo inuu ka baxsado dacwado looga furo maxkamado dibadeed – oo uu ku jiro kiis madani ah oo ay dalka Mareykanka ka furtay Hatice Cengiz, gacalisadii Jamaal Khaashuqji.

Dilka Khaashuqji oo afar sano kahor ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ayaa Maxamed bin Salmaan si ku-meel gaar ah uga dhigay mid laga go’doomiyey dalalka Reer Galbeedka.

Qareenadiisa ayaa horey ugu dooday “inuu halka ugu sarreysa ka joogo dowladda Sacuudiga,” sidaas darteedna uu haysto xasaanadda ay Maxkamadaha Mareykanka siiyaan madaxda dalalka ama saraakiisha haya xilalka sare.

Dowladda Mareykanka ayaa haystay illaa Khamiistii shalay si ay u caddeyso fikirkeeda ku aadan arrintan. Talo soo-jeedinteeda ma ahan mid ay Maxkamadda ku qasban tahay.

“Dowladda Maraykanka waxa ay si xushmad leh ugu wargelinaysaa Maxkamadda in eedaysane Maxamed Bin Salmaan, ra’iisal wasaaraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, uu yahay madaxa dawladda ee xilka haya, sidaas darteedna uu xasaanad ka haysto in dacwad lagu furo,” ayaa lagu yiri qoraalka uu maamulka Biden u gudbiyey Maxkamadda Federaalka ee degamada Washington DC.

Hase yeeshee qoraalka ayaa intaas ku daray “Waaxda Arrimaha Dibedda wax aragti ah kama bixineyso sax ahaanshaha dacwadda, waxayna ku celineysaa cambaareynteeda aan gambashada lahayn ee dilkii foosha xumaa ee Jamaal Khaashuqji.”

Talo soo-jeedinta ayaa ka caraysiisay Cengiz iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dacwaddeeda, oo uu ku jiro ururka Dumuquraadiyada Dunida Carabta ee Hadda (DAWN), oo ah urur aan dowli aheyn oo uu aas-aasay Khaashuqji.

“Jamaal mar kale ayuu maanta dhintay,” ayey twitter kusoo qortay Cengiz.

“Ma ahayn go’aan qof kastaa filanayay, waxaan u maleynay in laga yaabo in uu iftiin caddaalad ah ka heli doono Mareykanka, laakiin mar labaad lacagta ayaa ka hormartay,” ayey tiri.

“Hadda oo Biden uu ku dhawaaqay inuu haysto xasaanad buuxda, waxaan filan karnaa weerarrada Maxamed bin Salmaan ee ka dhanka ah shacabka inay sii kordhi doonaan.”

Agnes Callamard, oo ah xoghayaha guud ee ururka xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa go’aanka dowladda Mareykanka ku tilmaamtay “khiyaano qoto dheer.”

AFP, VOA

Maxay DF ka tiri go’aankii Golaha Ammaanka QM?

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, taasi oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Al-Shabaab ay tahay koox argagixiso ah oo weli si dhab ah u carqaladeyneysa nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodday in loo baahan yahay in cunaqabateynta laga qaado, si ay Al-shabaab meesha uga saarto.

Qaraarkan oo sidoo kale walaac ka muujinaya sii joogitaanka kooxda Daacish ee ku sugan Geeska Afrika, ayaa waxa ansixiyey 11 dal oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta qaraarkan.

“Qaraarka wuxuu go’aamiyey in dhammaan dalalka ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga dhammaan hubka iyo agabka milateri ee la geeyo Soomaaliya, marka laga reebo hubka ay ka faa’iideysanayaan hay’adaha amniga iyo booliiska Soomaaliya ee heer qaran iyo heer gobol, kuwaas oo qaraarka aanu saameyneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka qaraarka.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero ka heleysay Midowga Afrika, si loo qaado cunaqabateynta hubka.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu ku ammaanay afarta dal ee ka aamusay in aysan taageersaneyn kordhinta cunaqabateynta hubka.

Waxa uu ka digay in cunaqabateynta hubka oo ah tii ugu dheereyd ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku noqoneyso dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si looga hortago Al-Shabaab.

“Cunaqabateyntan gacamaha ayay naga xireysa xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga arxan-laaweyaasha ah” ayuu yiri Abuukar Cusmaan.

Danjire Abuukar ayaa waxa uu sheegay in dhibanayaasha “argagixisada” ee Soomaaliyeed ay la yaaban yihiin sababta qaadista cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay khatar ugu tahay nabadda iyo ammaanka caalamka, iyadoo dalalka kale loo hubeeyo si ay u difaacaadaan dhulkooda iyo dadkooda.

“Cadaalad-darrada iyo laba-wejiilanimadan waxay ka hor istaageysaa dowladda Soomaaliya inay si sharci ah u hesho qalab millatari, si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda qaranka,” ayuu u sheegay Golaha Ammaanka Danjire Abuukar Cusmaan.

Waxaa xusid mudan in qaraarka Golaha Ammaanka QM lagu cadeeyay in cunaqabataynta hubka aysan khuseyn keenista hubka iyo agabka ciidan, ama bixinta talo farsamo, dhaqaale, kaalmo kale, iyo tababarada militari ee loogu talogalay horumarinta hay’adaha amniga iyo booliska Soomaaliya, si loo sugo amniga dadka iyo dalka.

Inkasta oo aan xayiraadda la qaadin, haddana qaabka loo dhigay iyo ogolaanshaha la siiyey dowladda federaalka iyo dalalka iyo ururada taageera ayaa ah guul weyn ah, marka loo eego go’aamadii hore.

NISA oo hoos u dhigtay shaqadii booliska Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’ada Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa hoos u dhigtay shaqadii ay magaalada Muqdisho ka hayeen ciidanka booliska, ayada oo la wareegtay howlihii ugu muhiimsanaa ee uu qaban jiray booliska.

Qorshaha hoos loogu dhigayo shaqadii booliska ee caasimada ayaa waxaa hindisaheeda iska leh taliyaha NISA Mahad Salaad, kaasi oo hadda dhaqan-galay wajigiisii koowaad, sida ay xaqiijiyeen saraakiil kamid ah nabad-sugida iyo booliska.

Waxaa meesha laga saaray oo la hakiyay howl-galadii ay ciidamadda booliska ee gobolka Banaadir iyo kuwa Haramcad ka sameyn jireen caasimada, waxaana shaqadaas si toos ah ula wareegay ciidamadda NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan.

Habeenadii la soo dhaafay ayey ciidamadaan ka tirsan NISA howl-galo ka fuliyeen degmooyinka Muqdisho, iyagoo iska reebay ciidamada booliska, waxaana la sheegaya in howl-galadaan oo joogto noqonaya ay fulinayaan NISA oo kaliya.

Sidoo kale waxaa socda qorshe lagu damacsan yahay in dhamaan baraha kontrol ee laga soo galo magaalada iyo kuwa gudaha lagu wareejiyo ciidamada ka tirsan hay’adda NISA, ayada oo haatan meelaha qaarba laga hirgaliyay arrintaan.

Ciidamo NISA ka tirsan ayaa la wareegay kontroolo ku yaala nawaaxiga isgoyska Dabka iyo midka Sayidka ee laga ilaaliyo madaxtooyada, waxaana halkaasi laga wareejiyay ciidamo boolis ah oo hubin jiray gawaarida aada dhanka Villa Somalia.

Waxaa maalmaha soo socda la filayaa in fariisimo hor leh ay la wareegaan ciidankaan ka tirsan NISA ee sida tooska ah u hoostaga taliye Mahad Salaad, si amniga guud ee caasimada loo hoos geeyo hay’ada uu madaxa ka yahay.

MASAR oo aqbashay dalab muhiim ah oo ay u gudbisay DF

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo khayraadka Badda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan muhiim ah magaalada Qaahira ee dalka Masar kula yeeshay Mudane Sayed Al-Qassir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga dowladda Masar.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaan.

“Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ayaa uga mahad-celiyay dhigiisa dalka Masar soo dhaweynta wanaagsan ee uu u sameeyay waxaana uu ka sheekeeyey cilaaqaadka taariikhiga ah labada dal, isagoo xusay inuu yahay mid soo jireen ah muhiimna ay tahay in wadajir looga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.”

Wasiir Axmed ayaa sidoo kale dhigiisa Masar ka dalbaday in dowladdiisa ay kala shaqayso Soomaaliya sidii loo horumarin lahaa kalluumaysiga dalka, loona heli lahaa Maraakiib kalluumaysi, tababaro kor loog qaadayo tayada kalluumeysatada iyo meelaha kalluunka lagu diyaariyo si loogu iib geeyo Masar iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka Beeraha Masar Mudane Al-Qassir oo soo dhaweeyay kulankan ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya ay walaalo yihiin, islamarkaana ay dowladda Masar waajib ku tahay in ay garab istaagaan walaalahooda.

Sidoo kale wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ayaa wuxuu u sheegay dhigiisa dalka Masar in dowladda Soomaliyeed danaynayso in ganacsatada Soomaaliyeed loo furo suuqa Masar, si ay ugu soo iib geeyaan kalluunka Soomaaliya iyo in laga wada shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka kalluunka iyadoo laga faa’iideysanayo khibradda iyo aqoonta Masaaridu u leeyihiim Kalluumeysiga.

“Wuxuu si gaar ah uga codsaday Maraakiib Kallumeysi maadaama Masar ka mid tahay waddamada sameeya maraakiibta, taasi oo qayb ka qaadanaysa qorshaha Qaran ee kobcinta dhaqaalaha dalka.”

Labada masuul ayaa ugu dambeyntiina isla qaatay sidii loo sameyn lahaa shirkad wadaag kalluumeysi (Joint Ventor) iyagoo ku heshiiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo sameeyo guddi farsamo oo labada dal ah, oo dardar-geliya arrintaan.

Golaha Ammaanka QM oo isbeddel weyn ku sameeyey xayiraadii hubka ee Somalia

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa isbeddel weyn ku sameeyey cunaqabataynat hubka ee saaran Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ay isku dayeyso inay dalka ka xoreyso Al-Shabaab oo hub badan ay u baahan tahay.

Golaha ayaa isku raacay qaraarka 2662 (2022), oo hal sano oo dheeraad ah ku kordhiyey cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu ku daray qodob ogolaanaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay hub hesho.

Qaraarka, oo muddadiisu tahay illaa 15-ka November 2023, ayaa waxaa “Haa” ugu codeeyey 11 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, mana jirin dal diiday. Waxaana ka maqnaa afar dal oo kala China, Gabon, Ghana iyo Ruushka.

“Qaraarka wuxuu go’aamiyey in dhammaan dalalka ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga dhammaan hubka iyo agabka milateri ee la geeyo Soomaaliya, marka laga reebo hubka ay ka faa’iideysanayaan hay’adaha amniga iyo booliiska Soomaaliya ee heer qaran iyo heer gobol, kuwaas oo qaraarka aanu saameyneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka qaraarka. 

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu xusay in cunaqabataynta hubka aysan khuseyn keenista hubka iyo agabka ciidan, ama bixinta talo farsamo, dhaqaale, kaalmo kale, iyo tababarada militari ee loogu talogalay horumarinta hay’adaha amniga iyo booliska Soomaaliya, si loo sugo amniga dadka iyo dalka.

Cunaqabatanta ayaan sidoo kale saameyneyn QM, ATMIS iyo hay’adaha kale ee caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya.

Waxaanu sidoo kale qaraarka saameyneyn ururada iyo dalalka tababarka ciidanka siiya Soomaaliya, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, Turkey, UK, Mareykanka iyo dal ama urur kasta oo heshiis is-fahan oo militari uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka.

Dowladda federaalka ayaa bilihii tegay wadday dadaal xooggan oo ay ku raadineyso in xayiraadda hubka looga qaado Soomaaliya, si ay u hesho hubka loo baahan yahay si dalka looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

Inkasta oo aan xayiraadda la qaadin, haddana qaabka loo dhigay iyo ogolaanshaha la siiyey dowladda federaalka iyo dalalka iyo ururada taageera ayaa ah guul weyn.  

Canada oo sabab yaab leh u masaafurineysa boqolaal qof oo Soomaali ah (Warbixin)

0

Ottawa (Caasimada Online) – Dowladda Canada ayaa bilowday qorshaha ay ku masaafurineyso ku dhawaad 400 oo dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasi oo dalkaas ku galay Baasaboorada waddamada deriska la ah Soomaaliya.

Canada ayaa shaki galisay Soomaalinimada dhalinyartaas maadama ay ku galeen baasaboorka wadamo kale, sidaas darteedna ay ku qasban tahay inay masaafuriso oo dib ugu celiso wadamadii ay ku socdaaleen Baasaboorkooda.

Dhalinyaradaan laga buuxiyay diiwaanka dowladda u ogolaanaya inay tarxiisho ayaa waxay sheegeen inay dowladda Canada ka dalbatay inay cadeeyaan Soomaalinimadooda, maadama Baasaboorka ay wataan uu tilmaamayo dhalasho ahaan dalalka deriska.

“In muddo ah ayaa dadaalladaan soo wadnay waxaa dhalinyarada la marsiinayaa nidaamkii dib dalkooda loogu celin lahaa, dhammaan waa isku kiis oo 400 Dhalinyaro weeye, waxa ay kusoo safreen Baasaboorka waddamada deriska maadaama dalka uu galay dagaal sokeeye, da’doodu waxay u dhaxeysaa 20 illaa 30 sano, waxa ay galeen isla hadal maskaxeed iyaga oo dhaqaatiirtooda u tagay si ay u qaataan dawooyin,” ayuu yiri Cabdullaahi Muuse oo kamid ah dhalinyaradaas.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay jaaliyada Soomaaliyeed ee Canada iyo mas’uuliyiinta xilalka dowladda ka haya inay u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in la masaafuriyo dhalinyarada oo dhamaan isku kiis ah.

“Dhalinyaradaan talo ayaa faraha ka baxday oo waxa ay keliya rejo ka qabaan ilaahay xaggiisa iyo in ay wax u qabtaan dad badan oo Soomaali ah oo dalkaan xilal ka haya, waxaa lagu heystaa Soomaali ma tihiin, qaar naga mid ah ayaa wata Baasaboor iyo Dukumiintiyo Soomaali ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorshaha ay dib ugu celineyso dhalinyaradaan Soomaalida ah ee dalkeeda ku galay Baasaboorka wadamada deriska la ah Soomaaliya, ayada oo ku doodeysa in qorshaha soo gelistooda uu markii hore qaldamay sidaas darteedna ay masaafurinayso.

Hakad ku yimid kacdoonkii dalka looga xoreynayey Al-Shabaab – Maxaa isbedelay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in gebi ahaan uu istaagay duullaankii lagu qaaday maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socday gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Marka laga reebo dhowr tuullo oo aad u yar oo ciidamada ay qabsadeen dagaal la’aan maalmihii, waxaa isataagay dagaalladii xoogganaa ee Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dalka, ayada oo aan la garaneyn sababta.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib uga baxay degaanno kala duwan oo laga qabsaday kooxaha Al-Shabaab, oo uu ugu dambeeyey deegaanka muhiimka ah ee Wabxo ee dhowr maalmood kahor ay ciidamada faarujiyeen.

Saraakiisha qaarkood ayaa laga soo xigtay in Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka uu bixiyay amarka dib looga baxay degaannadii laga saaray kooxaha Al-Shabaab, inkasta oo aan si rasmi ah loo caddeyn karin taas.

Fallanqeeyayaal amni oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in arrintan ay ugu wacan tahay xeelad la’aan dhanka dowladda ah iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqda mid aan muhiimad weyn siineyn dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay aheyd inuu dagaalka hoggaamiyo, islamarkaana dhiiri-geliyo shacabka iyo ciidanka dowladda, ayaa waqtigiisa ugu badan ku bixinaya safaro dibadeed oo badankood aan wax macno iyo dan ah ugu jirin Soomaaliya. 

Inkasta oo safarrada qaar loo qiil dayi karo sida kii ugu dambeeyey ee Eritrea, haddana Xasan Sheekh wuxuu galayaa kuwa kale oo macno-darro ah, sidii shirkii cimilada ee magaalada Sharma Al-Shaikh ee dalka Masar, oo wasiirada dowladda ay ku filnaayeen

Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa horey u sheegay in xoogag ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwo dibedda ka jooga ay iska kaashanayaan fashilinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maxkamadda G/Banaadir oo xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’ada Duulista

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan kadib markii ay ku eedeysay inuu u hoggaansami waayey amar kasoo baxay Maxkamadda.

Qoraal ku taariikheysan 16-ka November 2022, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa taliyaha Taliyaha Saldhigga Boliiska Garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka lagu faray in maareeyaha aanu ka dhoofi karin garoonka Aadan Cadde.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Axmed Macallin uu fulin waayey amar u yeeris oo kasoo baxay Maxkamadda oo lagu faray inuu horyimaado taariikhda 14-ka November, balse sida la sheegay uusan u hoggaansamin.

Maxkamadda ayaa maareeyaha ugu yeertay sababo la xiriria gal dacwadeed ay kasoo gudbisay gabar lagu magacaabo Fatxi Xasan Daahir. Qoraalka maxkamadda kuma cadda waxa ka dhaxeeya maareeyaha iyo Fatxi iyo sababta ay dacwad uga gudbisay. 

Sida ka muuqata qoraalka maxkamadda, waxaa horey u jiray amar kasoo baxay Maxkamadda Sare oo lagu faray Axmed Macallin inuu fuliyo balse uu ku guuldareystay, taasi oo qasabtay in looga yeero maxkamadda inuu horyimaado 14-kii November, si wax looga weydiiyo sababta, balse uu mar kale ku guuldarreystay inuu hortago.

“Sidaas Darteed, waxaa la farayaa Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, inaad Safarka ka joojisaan, Axmed Macallin Xasan (Maareeyayaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed), Maadaama uu u hogaansami waayay Amarka Maxkaamdda Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda. 

Warqadda Maxkamadda ayaa waxaa ku lifaaqnaa baasaboorka iyo sawirka maareeyaha.

Hoos ka arag warqadda

Muxuu Xasan kala hadlay guddoonka barlamaanada DF iyo dowlad-goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay guddoonnada baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, oo ayagu dhawaan Muqdisho u yimid furitaanka kalfadhigii 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Madaxweynaha ayaa guddoonka baarlamaanka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed kala hadlay arrimaha hortabinta u leh iyo dagaalka socda ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyay guddoonka inay xoojiyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah, wada-jirna uga shaqeeyaan dowlad-dhiska dalka, si loo gaaro Soomaali Heshiis ah oo Dunidana Heshiis la ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan qabyo-tirka dastuurka iyo dhameystirka shuruucda xoojinaysa dowladnimada, isagoo tilmaamay doorka xoogan ee baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay ku leeyihiin xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Ugu dambeyntiina waxay guddoonka baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed uga mahad-celiyeen madaxweynaha kulankaan, iyagoo soo dhaweeyey inay sii joogteeyaan, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Salaad Samatar, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoonnada Baarlamaannada Dowlad-goboleedyada dalka.

Sweden oo u hogaansantay dalabkii cuslaa ee TURKEY

0

Stockholm (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Sweden ayaa meel mariyay wax ka beddelka dastuurka dalkaas, kaas oo suurta-gelinaya in la meel mariyo sharciyo adag oo ka dhan ah argagixisada, taas oo ah dalab muhiim ah oo ka yimid Turkiga, si loo ansixiyo xubinnimada Stockholm ee isbaheysiga NATO. 

Kadib markii uu Ruushku ku duulay Ukraine, Sweden iyo Finland waxay ka tageen siyaasadii ay muddada dheer kusoo jireen ee aheyd dhex-dhexaadnimada, waxayna codsadeen inay ku biiraan isbahaysiga milatari ee NATO.

Balse Turkiga ayaa is-hortaagay codsiyadii Sweden iyo Finland ee xubinnimada NATO, isagoo ku eedeeyay gaar ahaan Stockholm inay hoy u tahay “argagixisada”.

Mooshinka wax ka bedelaka dastuurka, oo lagu ansixiyay 278 cod oo ka tirsan baarlamaanka Sweden oo ka kooban 349 kursi, ayaa suurtagal ka dhigaya in lasoo saaro sharciyo cusub oo lagu xaddidayo xorriyadda ururrada marka ay timaado ururada ku howlan ama taageera argagixisada.

Khubarada ayaa sheegay in sharciga cusub uu sahli doono in dacwad lagu soo oogo xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo ay Ankara iyo inta badan xulafadeeda Reer Galbeedka ay mamnuuceen.

Is-badalka lagu sameeyay dastuurka ayaa dhaqangeli doona 1-da Janaayo 2023.

Booqasho uu ku tagay Ankara toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha cusub ee Sweden, Ulf Kristersson, ayuu ku tilmaamay wax ka bedelka dastuurka “tallaabo weyn”.

“Sweden waxa ay qaadi doontaa tillaabooyin waa weyn dhammaadka sanadka iyo horraanta sanadka soo socda taasi oo siin doonta hay’adaha sharciga Sweden awood dheeri ah oo ay kula dagaallamaan argagixisada” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

AFP

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada lagu muransan yahay ee maamulka Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shaaciyay goobaha ay ka sameynayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaaasha doorashada lagu muransan yahay ee goleyaasha deegaanka Puntland.

Guddiga ayaa soo saaray xogta goobaha diiwaan-gelinta, kuwaasi oo ka kooban 37 degmo oo ku kala yaalla 9 gobol, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Degmooyinka uu guddiga sheegay inay ka sameynayaan diiwaan-gelinta ayaa waxaa 9 kamid ah ku yaalan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ku muransan yihiin Somaliland iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa ku jira liiska uu guddiga soo saaray degmooyin maalmo ka hor laga soo cayriyay guddiga doorashooyinka Puntland.

Hoos ka aqriso gobolada iyo degmooyinka uu shaaciyay guddiga

Gobolka Bari (6 degmo)
1. Boosaaso
2. Carmo
3. Balidhidin
4. Qandala
5. Xaafuun
6. Iskushuban

Gobolka Gardafuu (5 degmo)
1. Caluula
2. Bareeda
3. Baargaal
4. Murcanyo
5. Gumbax

Gobolka Karkaar (6 degmo)
1. Bandarbayla
2. Rako
3. Xumbays
4. Dhudhub
5. Shaxda
6. Waaciye

Gobolka Haylaan (3 degmo)
1. Dhahar
2. Buraan
3. Ceelaayo

Gobolka Mudug (7 degmo)
1. Gaalkacyo
2. Goldogob
3. Buursaalax
4. Xarfo
5. Towfiiq
6. Jariiban
7. Saaxo

Gobolka Sanaag (3 degmo)
1. Badhan
2. Laasqoray
3. Xingalool

Gobolka Nugaal (4 degmo)
1. Garowe
2. Buurtinle
3. Dangoroyo
4. Godobjiraan

Gobolka Cayn (1 degmo)
1. Buuhoodle

Gobolka Sool (2 degmo)
1. Taleex
2. Boocame