27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Amnigeenu wuxuu gaarsiisan yahay intuu le’egyahay qiimaha askarigu nagu dhex leeyahay

0

Inteena badan waxaan isku waafaqsanahay in caqabaddaha dalkeena hooyo haysta inay ugu horeyso arinta nabad galyada. Nabaddu waxay kamid tahay baahiyaha asaasiga ah ee banii aadamka ee dowlad laga rabo waana furaha hormarkaste ee bulsho gaarto. Hadaba qoraalkeygaan kooban waxaan ku iftiiminayaa sida aan u arko sida ugu haboon ee lagu heli karo nabad galyo waarta.

Laakiin marka hore bal aan iftiimiyo waxyaabaha sababi kara nabadgalyo daradda dalkeenu ladaadaalaa dhacayo iyo habacsanaanta hay’adeheena nabadgalyada qaabilsan. Ma tiro yari ayaa haysato mise tayo xumo?. 

Nabadgalyo daradda waxyaabaha sababa hadii aan dhowr arimood katilmaano waxaa kamid ah (1) hooseynta heerka wacyiga bulshada, (2) la,aanta cadaalad bulsheed, (3) tayo xumida haysata hay’adaha amniga ilaaliya oo aan daacad u ahayn shaqadooda, iyo (4) isla xisaabtan la,aanta baahdsan. Shaki kuma jiro arimahaas aan soo sheegnay iyo kuwo kale oo badanba inay isbiirsadeen ayna ka dhalatey dhibaatadda haysata Soomaaliya noocey rabtoba ha ahaatee. 

Amnigu waa wax lawada leeyahay oo la rabo in ay iska kaashadaan bulshada iyo hay’adaha u xilsaaran. Laakiin taas ma suurto galayso ilaa labadalo fikradda khaldan ee bulshadu ka haystaan shaqada askarinimada. Hadii aan u aragno in askarinimadu ay tahay shaqo laqabto tan ugu hooseysa ama aadan adigu qorateen inaad askari noqoto aadna rabto inaad hesho amni buuxa, taasi waa kaaf iyo kala dheeri. 

Hadaba waxaa iswaydiin mudan xagee ka yimid dhaqanka kudhisan kalsooni daradda iyo quursiga qiimaha askarnimadu nagu dhexleedahay? Anigu waxaan aaminsanahay in arintaani ay salka ku hayso dhaqan soojireen ah oo Soomaali ay leedahay kaasoo oranaya “askarigu waa qof qori sita dadkana dhaca ama dila!”. Iyadoo sidaas bulshadii aaminsantahay ayaa Soomaaliya u wareegtey nidaamka dowladnimo ee casriga ah. Kadib dowladaas waxa ay qoratey qof kaste oo qori ridi karey oo waxaa la qorey askarigi aan kor kusoo xusney. Dagaaladii sokeeya markii ay biloowdeen fikradii bulshadu kahaysatey askariga ayaa sii rumoowdey oo waxa ay idhahooda ku arkeen askartii shalay lagu qancinaayey inay sugayaan amaankooda oo gumaadaya shacabkii. 

Waxaa muuqata ilaa hadda in askari loo qoro qof tilmaantii aan soo sheegney leh(qof qori sita oo dadka dhaca ama dila) waxaana bulshada dhexdeeda hadalhays kanoqotey (askarigu waa maliibaanaha lagu liibaaney!).

Si fikradaas khaldan loo badalo waa in la helaa askari shacabkiisa kalsooni ku dhex leh ayna isku haleyn karaan lana wadaagi karaan xogaha amniga quseeya. Sidee ugu haleeyn karnaa nafteena (1) askari balwad dilootey, (2) aan helin hurdo ku filan, (3) aan qaadan mushaar ku filan oo baahan, (4) aan laga warqabin baahiyihiisa gaarka ah (5) aqoontiisa maaddi iyo diiniba ay aad u hooseyso!?. Askariga noocaas ah asgaa ilaalin ubaahan masuuliyadda ugu culusna (ilaalinta nafta) looma dhiibi karo.

Nabadda oo la ilaaliyo waxay u baahantahay iimaan iyo caqiido suuban oo askariga hagta. Labadaas arimood la,aantood waxaa fududaanaysa in askarigii si fudud loolaaluusho lagana fushado wixii ladoono oo ay ka mid tahay fududeynta waxyabaha amniga lidka ku ah. Tusaale, waxaan xasuusta 2018 kii mar aan kasoo degay airportka Aden Adde, shaqaalihii joogey xafiiska socdaalka waxa ay iwaydiisteen shaxaad. Waxaan hubaa hadii aan jeebka u buuxin lahaa in ay ii fududeeyn lahaayeen waxyaabo amniga lid ku ah. Arintaani Mogadishu kaliya kuma koobna ee aad bay u fududahay inaad lakulanto askar ama shaqaale dowladeed oo masuulka ah goobo xasaaasi ah oo shaxaad ama laaluush kuwaydiisanaya. Sidaasoo ay tahay waxa jira askar daacad u ah shaqadooda inkastoo ay faro kutiris yihiin. Tusaale kale, gaadiidleyda isticmaala wadoonyinka dalka deegaankey rabtoba ha noqotee marka uu istaajiyo askarigu asagoon hubsan ama baarin in gaarigu wado wax amniga lidku ah waxa uu waydisanaya gaadiidleyda waa shaxaad. Marka nin baahan ma ilaalin karaa badqabka bulshada mise ku aamini karnaa!?.

Soomaaliya waxa ay si weyn uga faa’iidaysan lahayd dib u habaynta hay’adaha amniga gaar ahaan iyadoo la qaadanayo nidaamka booliiska madaniga ah oo ay saraakiishu u shaqeeyaan shacabka halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwo ushaqeeya madaxda dowladda ee markaa joogta una gutaan waajibaadkooda shaqo si dhexdhexaadnimo, anshax iyo xirfad leh.

Dalkeenu wuxuu kasoo kabanayaa dowlad la,aan iyo dagaal sokeeye oo nagu yeeshay saameyn dhankaste ah. Si looga soo kabto saameyntaas taban iyo nabadgalyo daradaas waa in laga dhigaa qorshaha ugu horeeya uguna muhiimsan tayeeynta hay’addaha nabadgalyada qaabilsan si ay u usugaan nabadgalyada shacabka Soomaaliyeed. 

Hadaba si loo helo nabadgalyo waarta waa in dolwaddu ay ku sameysaa dib u habeeyn qotodheer hay’adaha amniga qaabilsan iyadoo qaadeysa tilaabooyinkaan:

1. In la badalo fikradda khaldan ee shacabku kahaystaan askarinimada iyadoo kor looqaadayo maqaamka iyo xuquuqda uu leeyahay askariga daacada ahi. 

2. In shardi laga dhigo qofka raba inuu noqdo askari inuu leeyahay aqoonta dugsi sare ugu yaraan 

3. In uu aqoon asaasi ah u leeyahay sharecada islaamka

4. Inuusan balwad lahayn noocay rabtoba ha noqotee

5. In kor loo qaado mushaarka iyo xuquuda uu leeyahay askarigu iyadoo lala simayo macalimiinta

6. In la sameeyo islaxisaabtan dhab ah oo joogto ah

7. In miisaaniyadda ugu badan looqoondeeyo hormarinta amniga

8. In ciidanku helo tabobarro tayo leh oo lagu dhisayo wacyigooda laguna beerayo wadaniyadda.

9. In kalabar askarta amniga suga laga dhigo dharcad si ay ugu fududaato inay ka hortagaan khataraha amniga lidka ku ah.

10. In la hirgaliyo lana sameeyo aqoonsiga gaarka ah ee bulshada khasabna laga dhigo in muwaadin kaste qaato.

11. In laga fogeeyo hay’adaha amniga qaabilsan arimaha siyaasadda iyo qabiilka danbina laga dhigo la isku cinqaabo kulug lahaanshahooda. 

12. In uu noqdo askarigu mid qaran lagana keeno dhamaan dowlad goboleedyada dalka si isku dheeli tiran

13. In lagu xusho hogaanka sarsare ee hay’adaha amniga aqoontooda iyo hufnaantooda iyadoo latixgalnayo nidaamka saami qeybsiga ee beelaha kudhisan. 

Baaris aan sameeyay waxaan ku ogaadey in mushaarka askarta booliska ah ee dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania uu u dhexeeyo USD 500-800 halka askarteenu ay qaadato bishii waxkayar 300 USD. Sidoo kale qorshaha maaliyadeed ee sanadlaha ah oo loo asteeyo arimaha amniga ee dalalkaas wuu kasareeya kan Soomaaliya. Si loo helo hay’ado tayo leh amnigana gacanta ku dhiga waa in wax laga badalaa sida hada ayku suganyihin hadii kale waxaan guraynaa miraha kharaar ee aan marwalba helno.

Sida muuqata waxaa jirta isku dheeli tirnaan la,aan laxiriirta qaab dhismeedka iyo xuquuqaha ay leeyihiin hay’adaha dowladdu iyodoo aan la siin mudnaanta siday ukala leeyihiin. Tusaale dhanka xuquuqsiinta, meesha xildhibaanka baarlamaanku kaqaato bishii USD5000 asakirigii har iyo hameyn larabey inuu usoo jeedo ilaalinta amniga uusan haysan daryeel kufilan sidee buu usugi karaa amniga xildhibaankaas. Waxaan soojeedinayaa in lagu laabto qaabeynta xuquuqda hay’adaha dowladda iyadoo dib u eegis lagu sameynayo xuquuqaha maaliyadeed ee badan ee lasiinayo wasiirada, xildhibaanada, shaqaalaha rayidka ah, lataliyaasha iyo dhamaan shaqalaha dowladda laguna kabo daryeelka iyo xuquuq siinta ciidanka Somaliyeed. Hadii aan wax laga badalin sida hadda hay’adaha amnigu yihiin waxaan guraneynaa mirihii kharaaraa ee aan markaste guran jirney. Bulsho way noolaan kartaa xukuumad iyo baarlamaan la,aan laakiin ma noolaan karto askari la,aan

Wa billahi Towfiiq

Qalinkii Dr Awil Mohamud
PhD holder in Organizational Leadership From Anadolu University Turkiye [email protected] 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Soomaaliya: Maxaa sababay madaxweynaha 10-aad iyo baarlamaanka 11-aad?

0

Soomaaliya waxaa 15kii bishii lasoo dhaafay ee Maay 2022 lagu soo gabagabeeyay doorasho waqti dheer qaadatay, waxaana ugu dambayntii ay yeelatay baarlamaanka 11aad oo doortay madaxweynaha 10aad Mudane Xasan Sheekh Maxamed oo xilka loo igmaday, su’aasha iswaydiinta mudan oo aan qormadan diirada ku saarni doonno, innagoo milicsanayna taariikhda waxay tahay, maxaa keenay isdhaafka tirada madaweynayaasha iyo golaha baarlamaanka dalka Soomaaliya soo maray?

31-kii Janaayo sannadkii 1961-kii waxaa soo baxay xeer lambar 5 oo lagu yagleelay Jamhuuriyada Soomaaliya, oo markaas si rasmi ah u yeelatay baarlamaankii koowaad oo ka koobnaa 123 kursi, kuwaas oo ku yimid doorasho shacab oo ka dhacday koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Doorashooyinkii golaha xeer-dejinta ee Soomaaliya ka dhacay sannadkii 1964-kii waxaa lagu sameeyay baarlamaankii labaad ee dalku yeeshay oo sidoo kale ka koobnaa 123 xubnood. Muddo xileedkii xigay ee 1969-kii waxaa sidaas si lamida guud ahaan dalka si nabadgalyo leh uga qabsoomay doorashadii xubnaha baarlamaankii sadexaad, balse aysan u suuragelin inay madaxweyne doortaan maadama xukunkii dalka ay si xoog ah kula wareegeen ciidamadii kacaamay.

Kahor inta aysan ciidamadu afgambin dawladdii rayidka ahayd, Soomaaliya waxaa soo maray sadex baarlamaan iyo laba madaxweyne oo kala ahaa Allaha u wada naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Intaas kadib, mudadii uu kacaabku xukunka haayay waxaa dalka ka dhacday laba doorasho, oo lagu sameeyay gole xeer-dejin, taasoo ay iska cadahay inaan lagu qaban hab dimuqraadi ah oo hufan, balse tirada iyo sooyaalka baarlamaanka Soomaaliya lagu daray. Sannadkii 1980-kii kacaanka ayaa qabtay doorashada baarlamaankii afaraad oo ka koobnaa 171 kursi, dhawr sanno kadib sidaas si lamida ciidamadii xukunka haystay ayaa abaabulay doorasho kale oo aan wax badan ka duwanayn midii hore, sannadkii 1985-kii waxaa la doortay baarlamaankii shanaad oo tiradiisu ahayd 173 xubnood.

21 sano kadib markii xukunka laga riday kacaankii ciidamada, sannadkii 1991kii waxaa kulan dib-u-heshiisiin ah lagu qabtay dalka Jabuuti kaas oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin iyo waxgarad Soomaaliyeed ayaa si kumeel-gaar ah waxaa xilka madaxweynaha afaraad ee Soomaaliya loogu dhiibay AUN Cali Mahdi Maxamed, iyadoo aan la dooran ama aan la samayn gole xeer-dejin/baarlamaan.

Waxaa intaa xigay in si isdaba-joog ah loo doortay dawlado kumeel-gaar ahaa oo ka bilawday, magaalada Carta ee dalka Jabuuti, sannadkii 2000 waxaa la unkay baarlamaankii lixaad oo ahaa 245 xubnood oo isla markaana doortay madaxweynihii shanaad oo noqday Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo madaxweynihii lixaad AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku doorteen baarlamaankii todobaad (275 kursi) sannadkii 2004, intaas kadib mar kale ayaa dib loogu noqday dalka Jabuuti sannadkii 2009 wxaana heshiis siyaasadeed iyo xulasho qabiil ku yimid baarlamaankii sideedaad (550 xildhibaan) waxayna doorteen madaxweynaha todobaad oo ahaa Shariif Sheekh Axmed, oo suuragaliyay in doorashadii xigtaa ay ka dhacday gudaha Soomaaliya.

Intaas wixii ka dameeyay Soomaaliya waxa ay ka baxday nidaamkii kumeel-gaarka ahaa oo waxaa sannadkii 2012 la sameeyay baarlamaankii sagaalaad (275 xeer-dajiyaal) ayaa doortay madaxweynihii sideedaad oo ahaa Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu dhammaaday mudo xileedkoodii sannadkii 2017, waxaa la hirgaliyay barlamaankii tobanaad (275 xubnood) oo doortay madaxweynihii sagaalaad oo ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhawr bilood kahor baarlamaanka kow iyo tobanaad ayaa doortay madaxweynaha tobanaad ee hadda talada haya, waxaana la filayaa in ay wali sii socon doonto tixanaha tirada isdheer ee golaha sharci-dejinta iyo madaxweynaha dalka, waase haddii hannaanka qori is-dhiibka ee dawladnimada Soomaaliya uu si nabadgalyo ah usii socdo.

W/Q: Abubakar Yasin

Sawirro: Soomaaliya iyo Serbia oo heshiis ku gaaray Belgrade – Maxaa dhacaya 2023?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa kulan kula qaatay Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Wasiirka Ganacsiga Jamhuuriyadda Serbia Mudane Tomislav Momirović.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashi Ganacsi oo dhexmara labada dal sida isku xirka Ganacsatada labada dal iyo labada Rug Ganacsi ee Soomaaliya iyo Serbia si ay isku weydaarsadaan wax soo saarka Labada dal.  

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal leh wax soo saar halka Serba ay tahay dal leh Warshado ayna muhiim tahay is dhaafsi Ganacsi oo dhexmara labada dal si ay uga faa’iideystaan Ganacsatada labada dal. 

Labada Wasiir ayaa gaaray Heshiis is afgarad ah taas oo ah in horaanta sanadka 2023 lagu qabto Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia shir ay isugu imaanayaan Ganacasatada labada dal si ay uga doodaan ka faa’iideysiga iyo fursadaha Ganacsi ee labada dal.  

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abbshir Cumar Huruuse ayaa sidoo kale kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Bratislav Gašić, isagoo mar hore ugu hambaliyeeyay xilka wasiirnimo ee dhawaan loo magacaabay. 

Kulanka ayaa looga hadlay sidii dowladda Serbia ay uga qeyb qaadan laheyd dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed , waxaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Serbia uu sheegay in ay Dowladda Serbia diyaar u tahay taageerida Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Dhinacyada Amniga iyo Tababarada Ciidanka Booliska, sida ka hortagga dambiyada abaabulan iyo Baarista Dambiyadda rayidka  

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in Ahmiyad gaar ah ay Dowladda Soomaaliya siisay sidii dalka looga ciribtiri lahaa Khawaarijta ayna muhiim tahay Taageerada Saaxiibada Soomaaliya.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale Kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dhaqaaalaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Rade Basta. Kulanka ayaa diirada lagu saaray Xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo Saaxiibtinimo sida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Ganacsiga.

Inta Kulanka uu socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia ayaa Dadka soomaaliyeed ku Ammaanay Fir-fircoonida Ganacsiga iyo shaqo abuurka Maadaama Soomaaliya ay tahay Dal leh dhul beereed iyo Xeeb dheer oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana Mudane Reda Basta uu ku taliyay In Soomaaliya ay u guurto Habka Casriga ee Canshuuraha lagu uruuriyo ee loo yaqaano (E-Government). 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in ay ka faa’iideysan doonaan khibrada dowladda Serbia ay u leedahay Dhaqaalo Abuurka, ayna labada dal iska kaashan doonaan Horumarinta Dhaqaalaha.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la is dhaafsado khuburo dhaqaalaha ah oo labada dal ka socda kuwaas oo tagi doonna Magaalooyinka Muqdisho iyo Belgrade 

Kulamadan iyo qorshaha iskaashiga ganacsi ee labada dal ayaa waxaa kasoo shaqeeyey safiirka Soomaaliya ee Serbia Maxamed Cabdullaahi.

Ujeedka saraakiil Mareykan ah oo tegay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedyada Galmudug, kuwaas oo si ballaran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Wafigan ayaa waxaa hoggaaminayey saraakiil ka socotay howlgalka Mareykanka ee Afrika waxayna kulan la yeesheen wasiirka amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe).

Wasiirka iyo saraakiisha Mareykanka ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Galmudug ayaa sidoo kale ka codsatay Mareykanka inuu ku garabsiiyo howlgallada haatan ka socdo gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale dhankooda xubnaha ka socda AFRICOM ayaa ballan-qaaday inay laba jibaari doonaan taageeradooda ku aadan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Shabaab.

Kulankan ayaa ku soo aaday, xilli haatan Galmudug ay is hayaan Al-Shabaab, waxaana howlgallada xoogooda ay ka socdaan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qayb qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna duqeyno dhanka cirka ah ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti oo qaaday tallaabo ka dhan ah IRAN kadib go’aanka Mareykanka

Jabuuti (Caasimada Online) – Hay’adda Jabuuti u qaabilsan diiwaan-gelinta maraakiibta caalamiga ah ayaa hakisay calanka afar markab oo kuwa shidaalka qaada ah, oo lala xiriiriyey Iran kadib markii ay xayiraad oo kusoo rogtay dowladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa maraakiibtan ku eedeysay inay fududeeyeen ganacsiga saliidda cayriin ee ururka Xizbullah iyo ciidamada Qudus ee Iran. 

Waaxda Maaliyadda Maraykanka ayaa horraantii November waxay cunaqabatayn kusoo rogtay shirkado, dad iyo maraakiib badan oo lagu eedeeyay inay qariyeen asalka shixnado ka yimid Iran kadibna ay u dhoofiyeen meelo ka mid ah caalamka.

Maraakiibta kala ah; Bueno, B Luminosa, Bluefins iyo Boceanica ayaa laga hakiyey Diiwaanka Maraakiibta Caalamiga ah ee Jabuuti kadib xayiraadda Mareykanka.

Washington ayaa weli wadda cunaqabatayno ballaaran oo saaran Tehran, waxa ayna raadineysaa habab ay ku kordhiso cadaadiska saaran, ayada oo uu istaagay isku daygii dib loogu soo noolayn lahaa heshiiska Nukliyeerka Iran ee 2015. 

Maraakiibta aan lahayn calan waddan ama caymis ayaa waxaa mamnuuc ah inay isaga gudbaan dekedaha caalamiga ah.

Inta badan maraakiibta ay xayirtay Jabuuti ayaa ku sugan biyaha dalka Venezuela, halkaas oo shirkadda saliidda ee dawladda Venezuela ee PDVSA u adeegsato inay saliidda iyo shidaalka u kala gudbiyaan dekedaha gudaha dalkaas, sida ku cad dokumenti ay heshay wakaaladda wararka Reuters. 

Jabuuti ayaa xiriirka diblomaasi u jartay Iran bishii Janaayo 2016 kadib markii dibad-baxayaal ay ku ku xoommeen safaaradda Sacuudi Carabiya ee magaalada Tehran. 

Sawirro: Muxuu yahay shirka uu maanta Muqdisho ka furay Ra’iisul Wasaare Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirweyne u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, kaas oo diiradda lagu saarayo hannaanka wadashaqeynta ee labada dhinac.

Shirka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa inta badan Golaha Wasiirada iyo xuno ka socda Bangiga Adduunka.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbeeyey ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, wuxuuna cadeeyay in dalka uu kasoo gudbay dhibaatooyin badan haddana la hiigsanayo horumar.

Sidoo kale wuxuu soo bandhitay qorshaha xukuumaddiisa, gaar ahaan siyaasadda  ku aadaan dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda.

“Somalia waxay maanta taagan tahay marxalad kala guur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeye hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran” ayuu yiri.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa taageerada hagar la’aaneed uga mahadceliyey maamulka Bangiga Adduunka, gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka hannaanka deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan oo gabagabo ku dhow.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in lixda tiir ee mudnaanta u leh barnaamijka siyaasadeed ee xukuumaddiisa uu mudnaan gaar ah siinayo Xoreynta deegaannada iyo qaab-dhismeedka amniga, caddaaladda iyo garsoor madax-bannaan, Soomaali heshiis ah, kobaca dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada, iyo helitaanka Soomaali dunida heshiis la ah.

Ciidamada DF oo Al-Shabaab kala wareegay degaan muhiim ah oo ka tirsan Sh/Dhexe

0

Cadale (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta ururka Al-Shabaab kala wareegay deeggaanka Cadcadeey oo hoostaga magaaladda Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhaxe oo in muddo ah maamulayeen.

Gen. Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ciidanka xoogga saakay ay si nabadgelyo ah gudaha u galeen deegaanka Cadcadeey kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgallada ay siwadajir ah u sii wadi doonaan Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka guud ahaan dalkana laga saari doono Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in qof walba uu u kaco sidii uu ula dagaalami lahaay Al-Shabaab.

La-wareegistan ayaa imaneysa ayada oo maalmihii ugu danbeeyey uu gaabis xooggan ku yimid kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab oo bilihii tegay kooxda looga saaray deegaano badan oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. 

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hakad ku yimaada dagaalka Khawaarijta ay fursad u siineyso dib usoo rogaal celinta argagixisada jabka xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

“Hakad uu galo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxeey siineysaa fursad ay dib isugu urursadaan, kadib jabkii cuslaa ee soo gaaray. Geeso lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa!,” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu.

Madaxweynaha oo Talaadadii khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhigga baarlamanka ayaa ballan-qaaday in dagaalka uu sii socon doono oo aanay jirin meel dib loogu laabto.

“Waxaan soo waayay ka Madaxweyne ahaan jid aan ahayn inaan difaacno karaamadeena, Islaamnimadeena iyo qaranimadeena. Dalka iyo dadkuba waxay innooga baahan yihiin xil gudasho dhameystiran, oo ah in aan dhinac uga soo wada jeedsano halka cadow ee Soomaaliyada maanta ay leedahay. Waa inaan isku garabsiino shacab iyo dowladba, sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn halkaas cadow ee maanta aan leenahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda oo mamnuucday in shaqaale Soomaaliyeed loo dhoofiyo dibadda + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aan culus oo ay ku mamnuucday in dalka laga dhoofiyo shaqaale Soomaaliyeed, si ay uga soo xoosadaan dalalka caalamka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda, islamarkaana uu soo saaray wasiirka shaqada, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya 15-ka beeshan oo Talaadadii ku beegneyd la joojiyey in dibadda loo diro shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku amartay dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha bixiya adeega shaqo-siinta in aysan shaqaale qoran karin dalkana ka dhoofin karin.

Sidoo kale waxay intaasi kusii dartay in tallaabadaan ay qaaday kadib markii ay u cadaatay inay jiraan shirkado si sharci darro ah dalka uga dhoofiya shaqaale Soomaaliyeed, taas oo aysan ka war qabin wasaaradda shaqada kadibna ay dhibaato la kulmaan muwaadiniintaas.

Amarkan ayaa sidoo kale lagu socod siiyey hay’adaha ay quseyso, sida hay’adda duulista, hay’adda socdaalka & jinsiyadda, wasaaradda Amniga iyo wasaaradda Arrimaha dibadda.

Dhanka kale wasaaradda ayaa ruqsadihii iyo shatiyadii ay horay bixisay lala laabatay iyada oo baabi’say, kuna amartay shirkadaha ka shaqeeya arrimahaan in aysan ku shaqeyn garin.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa, xilli maalmihii u dambeeyey lasoo warinayey tacadiyo ay la kulmaan gabdho Soomaaliyeed oo shaqaale ahaan loo geeyey dalka Sacuudiga.

 

Xog: Madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe oo gaaray is-faham qarsoodi ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si hoose heshiis uga gaaray qadiyadd muddo badan cakir-neyd, sidda ay xusayaan warar soo baxaya.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, heshiiskan lagu gaarey daaha gadaashiisa ayaa wuxuu ku saabsan yahay qeybta 43 aad ee ciidanka xoogga dalka oo fadhigoodu yahay Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa muddo dheer ka biyo diidanaa qaabka loo wajahayo xaaladda ciidanka xoogga dalka qeybtiisa Jubbaland iyada oo uusan jirin wax heshiis ah oo u dhaxeeya iyaga iyo federaalka.

Axmed Madoobe ayaa doodiisu ahayd in laga talogaliyo qofka loosoo magacaabayo taliyaha qeybta 43-aad, hubka ay helayaan, hawlgalada ay qaadanayaan, askarta la qorayo, iyo waliba mushaarka la siinayo.

Heshiiska labada mas’uul, oo aanan faahfaahintiisa la haynin, ayaa waxaa ka dhashay in markii ugu horeysey muddo 4 sano ah uu Kismaayo tago taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Bagmadoow.

Jeneraal Bagmadoow ayaa sanadka markii uu ahaa 2019-kii waxaa laga soo celiyey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo sababo ku aadan in Jubaland aysan raali ka ahayn.

Jeneraal Bagmadoow ayaa waxaa horey u magacaabay madaxwaynihii hore Farmaajo. Magacaabidan waxay kusoo beegantay iyada oo Jubaland ay cabashooyin badan ka tirsaneyso maamulkii 15-kii May laga adkaadey.

Tabashooyinka Jubaland waxaa ugu waaweynaa in maamulkii Farmaajo ku sameeyay beegsi gaar ah iyo in uu madaxdii waqtigaas jirtay si gaar ah u doonayeen in ay meesha ka saaraan Axmed Maxamed Islaam.

Warbixinada qaar ayaa muujinaya in maamulka Farmaajo uu dowladaha Itoobiya iyo Kenya kala hadlay qadiyaddan hase ahaatee Nairobi ay si xoogan uga hor-timid ayna halkaas isku seegeen.

Hadda Bagmadoow waxa uu bilaabay kulamo iyo kormeer uu ka samaynayo xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Kismaayo, halkaas oo askarta joogta ay aad u yartahay, uusana oolin saad ciidan oo tiro badan.

Heshiiska cusub ee Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli waddanka uu dagaal ku jiro isla markaana degaanada Jubaland aysan wali ka bilaaban howlgalada lagu soo afmeerayo maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Isha: GO

DAGAAL salka ku haya $80 milyan oo ka dhex qarxay DF iyo dowlad goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada Boostada iyo Isgaarsiinta maamul goboleedyada dalka ayaa bayaan ay soo saareen xiriirka ugu jaray Wasiirka Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif, oo ay ku eedeeyeen inuu dhowr jeer baajiyey shir lagu madalsanaa inay labada dhinac yeeshaan.

Khilaafkan ayaa salka ku hayo maamulka iyo qeybsiga dhaqaale laga helayo Bankiga Adduunka, gaar ahaa Mashruuca Digital Integration, kaasoo la sheegay inay ku baxeyso lacag gaareysa 80 milyan oo dollar.

Hos ka akhriso war-saxaafdeedka
Tr: 16/Nov/2022
War-saxafadeed wadajir ah. 

Ku: Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS
Og: Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS
Og: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaliya
Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya 

Ujeeddo: Joojinta wadashaqeynta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda X.F.S 

Maanta oo Taariikhdu tahay 16/Nov/2022, Shir ay ku yeesheen aaladda fogaan aragga dhammaan Wasiirrada Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknlojiyadda ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka, waxa ay ku joojiyeen wadashaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federalka Somalia. 

Dhammaan Wasiirrada ayaa qaatay go’aankan kadib markii ay arkeen in Wasiirka isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda X.F.S Jaamac Xasan Khaliif uu lumiyay Xiriirka labadda heer ee Wasaaradaha isla markaana uu kaligiis qaaday Talaabooyinka hoos ku xusan. 

1: in uu bajiyay dhowr jeer shir lagu madalsanaa in labada dhinac ay yeeshaan, si wadatashi loo dhanyahay looga yeesho Siyaasadaha lagu maamulayo Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dalka. 

2: in Mashaariicdii hormarineed ee loogu talagalay Wasaaradaha isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee heer Dowlad Goboleed uu ku qortay shaqsiyaad gaar oo xafiskiisa ka shaqeeya, uuna ku takrifalay masuuliyadii lagu aaminay. 

3: in dhammaan Tababarada ay xaqa u lahaayeen Shaqaalaha Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee heer Dowlad Goboleed uu joojiyay kuna koobay kaliya Wasaaradda heer Federal. 

4: in si musuq maasuq baahsan ah oo u maamulayo Mashruuca Digital Integration oo World Bank dhowaan bilaabeyso, kuna baxeyso lacag gaareysa 80 milyan oo Dollar, kaas oo loogu talagalay inta badan dhismaha iyo horumarinta Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowladda Xubnaha ka ah Dowladda Federalka, waxa uuna si cad uga horyimid in Wasaaraduhu soo qortaan baahiyahooda muhiimka u ah.

Sidaa darteed waxan ugu baaqeynaa Madaxda sare ee DFS iyo Hey’adaha naga taagyeeraya Mahariicda in si dhow ula socdaan in aysan jirin wax wadashaqeyn ah oo ka dhaxeeya Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowlad Goboleedyadda iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS, kana fogadaan in heshiis gooni ah la galaan shaqsi kaligiis ah. 

War-saxafadeedkan waxaa si wadajir ah usoo saaray. 

1: Eng Maxamuud Caydiid Dirir, Wasiirka Igaarsiinta, Teknoljiyadda, Warfaafinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Puntand. 

2: Abdullahi Shiikh Dahir, Wasiirka Wasaaradda Boostada, Igaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowladda Koofur Galbeed. 

3: Abdifatah Hassan Farah, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolajiyadda ee Dowladda Hirshabelle: 

4: Abdirashid Mohamed Du’ale, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolajiyadda ee Dowladda Jubbaland. 

5: Xill Abbas Hussein Ali, Wasiir ku xigeenka ahna kusimaha Wasiirka Boostada, lsgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dowladda Galmudug. 

Dowladda oo AL-SHABAAB kala wareegtay deegaano cusub oo ka tirsan HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobolkaasi ay deegaano horleh kala wareegeen xoogaga Al-Shabaab, kadib dagaallo ay la galeen.

Ciidamada Xoogga dalka, qaybtooda 27-aad, kuwa Danab iyo Macawiisleyda ayaa si wadajir ah howlgalladan uga sameeyey inta u dhexeyso deegaanka Halgan iyo Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen deegaanada kala ah:-  Cabdi Cagweyn, Dhagaxyaxoor, Garasaani, Booco iyo Nuur fanax ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale ciidamada ayaa cagta mariyey saldhigyo iyo xarumo kale oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Taliyaha qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Hiiraan ayaa sheegay in ay guullo ka gaareen, wuxuuna tilmaamay in ujeedka uu yahay sidii Al-Shababa looga saari jinka webiga, si looga hortago weerarada ay mararka qaar kasoo qaadaan halkaasi.

Baakaay ayaa sidoo kale xusay in aysan dib usoo laaban doonin ciidamada dowladda, ayna sii wadi doonaan howlgalka, inta la’isaga xirayo dhammaan deegaanada gobolka.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaa soo jab xoogan lagu gaarsiiyey maleeshiyada kooxdaasi oo haatan laga saaray deegaano dhowr ah.

Xisbiga Jamhuuriga oo ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Wakiillada Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Congress-ka Maraykanka Arbacadii, taas oo dejinaysa laba sano oo dowladda Mareykanka ay kala qaybsanaan doonto, iyada oo xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweyne Joe Biden uu gacanta ku hayo aqalka Senetka.

Guushan waxay siinaysaa Jamhuuriga awood ay ku xakameeyaan ajendaha madaxweyne Biden, iyo sidoo kale inay bilaabaan baaritaanno waxyeello siyaasadeed u keeni kara maamulkiisa iyo qoyskiisa, in kasta oo ay aad uga hoosayso guushani mowjadihii xisbiga Jamhuuriga ee la saadaaliyay.

Jamhuuriga ayaa ku guulaystay 218 kursi oo ay u baahnaayeen si ay u xakameeyaan Aqalka. Guusha xisbiga Jamhuuriga ee degmada 27-aad ee Koongareeska California ayaa u fududeysay inay la wareegaan aqlibiyadda golaha wakiillada.

Hoggaamiyaha golaha wakiillada ee xisbigan, Kevin McCarthy, ayaa laga yaabaa inay sugayaan caqabado adag, maadaama uu u baahan doono guddigiisa joogtada ah si uu isugu keeno codadka muhiimka ah, oo ay ku jiraan miisaaniyadda dowladda iyo militariga xilli madaxweynihii hore Donald Trump uu dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne.

“Dadka Maraykanku waxay diyaar u yihiin jiho cusub, Aqalka Jamhuuriguna waxay diyaar u yihiin wax qabad,” ayuu McCarthy kusoo qoray Twitter-kiisa.

Guuldaradan ayaa meesha ka saaraysaa qaar ka mid ah awooda Biden ee Washington laakiin Arbacadii Biden ayaa u hambalyeeyay McCarthy oo uu sheegay inay wada shaqeyn doonaan.

Afhayeenka xilligan ee Koongreska Nancy Pelosi ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Dimuqraadiyiinta golaha wakiillada “ay sii wadi doonaan inay door hoggaamineed ka ciyaaraan taageerida ajendaha Madaxweyne Biden – iyagoo awood xooggan ku leh aqlabiyadda tirada yar ee Jamhuuriga.”

Reuters, VOA

Xog cusub oo ku saabsan gabadha fulisay qaraxii Istanbul

0

Istanbul (Caasimada Online) – Saraakiisha booliiska dalka Turkiga, ayaa shaaciyay xog ku saabsan qarixii Axaddii la soo dhaafay ka  dhacay Turkiga. Waxay sheegeen in la qabtay dad lagu tuhmayo in falkaas ay ka dambeyeen.

Sida laga soo xigtay maamulka Turkiga, waxaa dadkaan la soo qabtay kadib markii la baaray 1200 kaamiradaha wax duuba ah kuwaas oo laga helay xogta sida uu u dhacay weerarku. Waxaana loo xiray dhacadaan 46 qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayen.

Su’aalo la weeydiiyay shaqsiyaadkan kadib ayaa waxaa lagu dhawaaqay haweenayda looga shakisan yahay weerarka oo ah Axlam Albashir una dhalatay dalka Suuriya, taasoo lagu qabtay magaalada Küçükçekmece.

Sawirrada howlgalkan dadka lagu qabqabtay ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay saraakiisha Booliska.

Maamulka ayaa shaaciyay in Albashir ay amarka ay ku fulisay weerarka ay soo qaadatay iyadoo joogta magaalada Kobani (Caynu-Carab) ee waqooyiga Suuriya, kadibna ay Turkiga si sharci darro ah ku soo gashay 4 bilood ka hor, iyadoo aadday magaalada Istanbul, halkaas oo ay ka shaqeysay midka id ah goobaha dharka lagu talo.

Warka laga soo saaray qarixii dhacay ayaa lagu sheegay in haweenaydan ay ku fadhiistay mid ka mid ah kuraas taallay, halka qaraxu ka dhacay mudd 40 daqiiqo ah. Boorso ayay kaga tagtay halkii ay fariisatay daqiiqado yar kadibna waxaa dhacay qaraxa, iyadoo in cabbaar ah ka sii maqan goobta.

Warku wuxuu intaa ku darayaa marka ay goobta ka tagtay in ay  aadday Esenler, iyadoo gaari u raacday Küçükçekmece.

Agaasinka Amniga Istanbul, ayaa sheegay in haweenaydan lagu tuhmayo in ay ka dambeysay weerarkii Axaddii dhacay ay Waddada Istiklal ee Taksim Square, gashay iyadoo dhabarka ku wadata boorso, ayna ku fariisatay kursi yaalla halka wax ka dhaceen.

Kaamiradda ayaa laga arkay muuqaalkeeda. Intii ay su’aalaha weydiinayeen saraakiisha booliisku waxay sheegeen in Albashir ay sheegtay in si gaar ah  ay tababarro u siiyeen ururada PKK/PYD/YPG, iyadoo si sharci darro ahna ku soo gashay dalka Turkiga oo ay ka soo gashay gobolka Afrin.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Turkiga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in haweenaydan ka hor inta aan la soo qaban ay isku diyaarineysay in ay u baxsato dalka Giriigga.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa la kulmay nin dukaan ku leh halka haweenaydan ay ku nooleed isla markaana ay ka shaqeyn jirtay, kaas oo lagu magacaabo Kazım Karabeki.

 Isaga oo la hadlayay waraabhinta  Demirören, wuxuu yiri; “deegaanka ayay ku nooleed muddo hal sano ah. Waxayna ka shaqeyn jirtay feeraynta dharka(kaawadeynta), “.

Dukaanle kale ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee uu arko hawenaydan ay la socotay ilmo yar.

Waddada Istiklal, oo ah waddo muhiim u ah isu-socodka dadka oo weerarkii dib la xiray ayaa hadda dib loogu furay dadweynaha.Dowlada hoose ayaa goobta ku midabeysay calanka Turkiga, iyadoo sidoo kale dhigtay ubaxyo.

Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadayo bacaha iyo boorsooyinka lala galo fagaaraha ay wax ka dhaceen.

Goobtan ayaa ah goob ay inta badan tagaan dadka dalxiisayaasha ah, waxaana hadda wixii ka dambeeya la baari doonaa sida boolisku sheegeen dadka halkaa la galaya alaabaha shakiga dhalin kara. 

Golaha Ammaanka QM oo maanta go’aan ka gaaraya arrin muhiim u ah Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya la saaray saaran 1992-dii, taas oo hadda muhiim u ah dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Ajendaha shirka oo ay soo gudbisay dowladda Ingiriiska oo heyso guddoonka Golaha ayaa soo bandhigtay wax ka beddel lagu sameynayo qaraarkan oo uu tirsigiisa yahay 751.

Golaha ayaa la filayaa inay dood adag ka yeeshaan arrintan, si Soomaaliya looga qafiifiyo xayiraadda dhanka hubka, si ay taageero iyo awood u helaaan ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Goluhu ay dib ugu cusbooneysiinayaan shaqada guddiga khubarada ee u xil-saaran la socodka cunaqabateynta Soomaaliya loona gaarsiinayo waqtiga howlgalkiisa 15-ka December ee sanadka 2023-ka oo loo diyaar garoobayo.

Dowladda federaalka ayaa horey QM uga dalbaday in dib u eegis ballaaran lagu sameeyo cunaqabateynta hubka si ay hesho taageero milatari, maadaama ay dagaaleyso Shabaab.

Intii lagu guda jiray booqashadii kooxda farsamada ee Golaha Ammaanka ku timid Miqdisho 16 ilkaa 27 July, mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay ku celiyeen codsigooda in laga qaado dalka cunaqabateynta hubka.

Si kastaba, Qaraarka ayaa u oggolaaday Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), hawlaha tababbarka iyo taageerada Midowga Yurub, Turkiga, UK iyo Mareykanka in ay taageero iyo tababarro siiyaan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

CALI JEYTE oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab lagu wajahayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo maalmihii dambe ku sugna magaalada Muqdisho ayaa shalay booqday xarunta Aqalka Sare oo ay ku qaabileen guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi, guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cali Shacbaan iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Cabdullaahi Timacadde.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, gaar ahaan gobolka Hiiraan ee uu ka yimid.

Jeyte ayaa waxa uu la wadaagay guddoonka muhiimada ay leedahay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada la mideeyo oo saf ballaaran laga dhigo si meel kali ah aan culayska dagaalka loo saarin, islamarkaana looga guulaysto Al-Shabaab.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahad-celiyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu ku hogaamiyay shacabka gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya ciidamada xoogga dalka.

Guddoomiye Jeyte ayaa dhowr bilood ka hor howl-galo guuleystay ka bilaabay meelo kamid ah gobolkaas, waxayna ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay deegaano badan kala wareegaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha qeyb ka yahay qorshaha la rabo in la iskugu xiro howl-galada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howl-galo culus.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka, kaasi oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey kooxda argagixisada ah ee sanadaha badan ku xooganeyd deegaanadaasi.

Jubaland oo dil toogasho ah ku fulisay laba askari

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa maanta meel fagaare ah ku toogtay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, kuwaas oo horey dilal uga geystay maamulkaasi, kadibna lagu xukumay toogasho ugu dambeyn lagu fuliyey.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa raggan oo labo ah ku heshay dilal ay horey si ula kac ah u geysteen, iyada oo maanta lagu qisaasay Kismaayo.

Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Cabdulle Ismaaciil oo laggu helay inuu dil bareer ah u geystay Marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo Cabdi Xasan Isaaq oo oo isna lagu soo eedeyey inuu horey si bareer ah ugu dilay Axmed Xuseen Cismaan.

Sidoo kale goobta lagu toogtay raggaan oo uu mid kamida ahaa nin da’ ah m halka kan kale uu ahaa wiil dhalinyaro ah ku sugnaa mas’uuliyiinta maxkamadda iyo dadweyne. 

Gaashaanle Dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo ah xeer ilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa shaaca ka qaaday in maxkamaddu ay gudatay waajibkeeda, islamarkaana ay sii wadi doonaan fulinta xukunada horey u rdday, si ay Ummaddau  ku kala nabad-gasho, cadaaladna loo helo.

Xeer ilaaliyaha ayaa dhanka kale digniin u diray askarta Jubbaland iyo kuwa dowladda ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi, isaga oo ugu baaqay inay shacabka u turaan.

Jubbaland ayaa u muuqata inay qaaday dhabihii dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo todobaadyadii ugu dambeeyey dardar-gelisay xukunnada dilka ah ee ay horey u ridday maxkamadda ciidamada qalabka sida, Somalia.

Xi Jinping iyo Justin Trudeau oo isku canaantay SHIR madaxeedka dalalka G-20

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku canaantay Ra’iisul Wasaaraha Justin Trudeau shir madaxeedka Arbacadii, isagoo ku eedeeyay inuu siidaayay tafaasiil ku saabsan wadahadal ay hore u yeesheen, kaas oo Trudeau uu walaac ka muujiyay faragelinta Shiinaha ee arrimaha gudaha Canada.

Labada hoggaamiye ayaa kulankan ku yeeshay waddanka Indonesia, iyada oo ay warbaahintu awood u yeelatay inay duubto.

“Wax walba oo aan ka wadahadalnay ayaa loo gudbiyay warbaahinta; taasi maahan mid habboon,” ayuu Xi u sheegay Trudeau isaga oo u maraya turjumaankiisa. “Taasina maaha… sida aan u wadahadalnay, haddii ay jirto daacadnimo dhinacaaga ah,” ayuu Xi sii raaciyay.

Trudeau oo hadalka soo dhex galay oo u soo dhaqaaqay dhanka Xi ayaa yiri “”Canada, waxaan aaminsanahay wadahadal xor ah, furan, oo daacad ah, taasina waa wax aan sii wadi doono,”

“Waxaan sii wadi doonaa inaan si wadajir ah u wada shaqeyno, laakiin waxaa jiri doona waxyaabo aynaan ku heshiin doonin.” ayuu raaciyay Trudeau.

Xi ayaa hareeraha eegay markii uu Trudeau u jawaabay.

“Marka hore aan abuurno shuruudo.” ayuu ku jawaabay Xi.

Labada hoggaamiye ayaa is gacan qaaday kadib iska horimaad kooban.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Canada ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka hadleen duullaanka Ruushka ee Ukraine, Kuuriyada Waqooyi iyo is-beddelka cimilada, iyo in Trudeau uu sidoo kale kor u qaaday “walaacayada halista ah ee ku saabsan dhaqdhaqaaqyada faragelinta Shiinaha ee arrimaha gudaha Canada.” Sarkaalkan ayaa ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, maadaama aan loo ogolayn inuu si cad uga hadlo arrintan.

Trudeau oo shir jaraa’id oo uu qabtay kulankaas kadib wax laga weydiiyay iska horimaadka dhexmaray isaga iyo Xi ayaa yiri, “Wadahaddalladu mar kasta ma wada fududa, laakiin aad ayey muhiim u tahay inaan sii wadno inaan u istaagno waxyaabaha muhiimka u ah dadka Canada.”

VOA

Ganacsatada oo canshuurta Al-Shabaab looga qaado xafiisyo u dhow Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Ganacsatada Muqdisho ayaa shaaciyay inaysan weli waxba iska bedelin lacagihii canshuuraha ahaa ee Al-Shabaab ka qaadi jirtay, xili ay dowladda federaalka Soomaaliya soo saartay go’aan mamnuucaya bixinta lacagahaasi.

Ganacsatada xoolaha qaarkood ayaa VOA la wadaagay dukumtiyo muujinaya in lacagihii Khawaarijta ay sidooda uga qaadan, maadama aysan weli jirin qorshe dhab ah oo dowladda ku wajaheyso arrintaan.

Ganacsatada la hadashay VOA ayaa sidoo kale shaaciyay in xafiisyo ku yaalla Muqdisho gudaheeda oo qaarkood ku yaalla meelo u dhow Villa Somalia ay Al-Shabaabka lacagta uga qaadaan.

“Lacagihii nagala qaadi jiray waxba iskama badalin tan iyo markii dowladda ay sheegtay in la joojiyo lacagaha la siiyo Al-Shabaab. Waxaa dhibaato kala kulana isbaaro u taalla Al-Shabaab deegaanka Buqda ee gobolka Hiiraan, haddii aan warqad ka wadan Dallada Dhoofinta Xoolaha kama gudbi karno isbaaradaas oo 40KM u jirta deegaanka Buulo-Burte,” ayuu yiri Ganacsade codkiisa iyo xogtiisa ay qarisay VOA oo la hadlay.

“Neefkii waxay Al-Shabaab ka qaada $10, halka Dallada ay ka qaado $4, taasi oo ku wada qoran waraaqda Dallada ay bixiso. Waxaa intaas dheer lacagaha zakada oo ah $25 sanadkii.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Dallada inay Al-Shabaab ku wargeliso haddii aysan ganacsatada bixin lacagtaas, inkasta oo arruntaas uu beeniyay masuul ka tirsan Dallada oo ay la xiriirtay. VOA.

“Wax canshuur ah oo aan ururino Al-Shabaab majirto, waxay Dallada ka diiwaan-gashan tahay Rugta Ganacsiga oo waxaa sharci ka haysana Wasaarada Xoolaha iyo Wasaarada Ganacsiga. Waa waxba kama jiraan waxaasi oo canshuur aan nimankaas u aruurino majirto,” ayuu yiri guddoomiyaha Dallada Dhoofinta Xoolaha.

Arrintaan ayaa sii xoojinaysa walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay shaatiyo kala duwan u adeegsato qaadista canshuuraha ay ka qaadan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xili dowladda federaalka Soomaaliya ay wali wado dadaalo ku dooneyso inay ku joojiso ama ugu yaraan ku dhinto dhaqaalaha ay Al-Shabaab ka qaadaan ganacsatada.

Dowladda ayaa hore ugu tilmaamtay lacagaha laga qaado ganacsatada mid baad ah oo dhibaato loogu geysto shacabka Soomaaliyeed, ayada oo ku hanjabtay inay sharciga horgeyn doonto cidda ay ku cadaato arrintaas ee u fududeysa argagixisada.

Hoos ka dhageyso warbiixnta VOA

 

Daawo: Roobow oo ka horyimid arrin la qorsheynayo in Soomaaliya laga sameeyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in aysan suurta gal ahayn in la tiro koobo dadka Soomaaliyeed inta kooxda Al-Shabaab ka joogto.

Wasiir Mukhtaar ayaa soo jeediyey in kooxda Al-Shabaab laga xoreeyo dalka inta aan la sameyn tira koob ay qorshihiisa wado wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Kulanka uu Mukhtaar Roobow hadalkaan ka sheegay ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana looga arrinsanayey sidii dadka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa tira koob sax ah.

Sidoo kale wasiir Mukhtaar Roobow ayaa qiray in tira koob lagu sameeyo dadka Soomaaliyeed ay muhiim u tahay nabad geliyada iyo hiigsiga dowladnimo ee dalka.

“Diiwaan gelinta waxaa ka horeysa in ammaanka dalkaan la sugo oo awooda la isugu geeyo, nolol ma jirto ilaa ammaan la helo, kadib ayaa diiwaan gelin howsheeda la geli doonaa,” ayuu yiri.

Wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in adduun uu aragti aan sax aheyn ka heysto tirada dadka Soomaaliyeed, “Soomaalidu waa dad badan markii la diiwaan geliyana adduunku waa la yaabi doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in wasaaradda diinta ay waajib ku tahay in wax kasta oo la sameynayo ay shareecada waafajiso, “Wax kasta oo la sameynayo waa in la hubo shareecadeena ma waafaqsan tahay, wax kasta oo diinta khilaafsan ma soca doonaan,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan Sheekh oo lasoo gaarsiiyey farriin ka timid Cabdifataax Al-burhaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada kulan kula qaatay Sarreeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee dalka Suudaan.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Jeneraal Ibraahim farriin iyo dhambaal ku saabsan xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol.

Jananka ayaa fariintaan ka siday Guddoomiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Cabdulfataax Al-burhaan, iyadoo uu ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tallaabooyinka wax ku-oolka ah ee ay u qaadeen nabadda, horumarka iyo wadajirka.

Sidoo kale, dowladda Suudaan oo haatan ah Guddoonka Urur-Goboleedka Horumarinta Dalalka Bariga Afrika ee IGAD ayaa bogaadisay howlgallada isku-dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaannada ay dadka ku dhibaateynayaan kooxaha argagixisada ah.

Suudaan ayaa ku faantay in door wanaagsan ay ka soo qaadatay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey wafdigan booqashada qiimaha badan ee ay ku soo gaareen walaalahooda Soomaaliya, waxa uuna uga warbixiyey guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u soo dhaweynayso dowladda Soomaaliyeed dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee ka gacan siinaya in Gobolka laga dulqaado argagixisada curyaamisay xasilloonida iyo horumarka,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankaas.