27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Sawirro: DF oo saxiixday heshiis kheyraadka badda loogu fasaxay shirkad shisheeye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa maanta heshiis is-afgarad la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang Liang, kaasi oo ay shirkaddu ku maal galinayso kalluumeysiga dalka.

Heshiiska oo ah is-faham laba dhinac leh oo waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa ogolaanay in Maraakiibta shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) la siiyo ruqsado ay uga kalluumeysato badda Soomaaliya.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, inay maal-galin xoogan ku sameyso wax soo saarka kalluunka Tuunaha, kaasi oo ah kalluun xilliyeed guur-guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta hindiya.

Munaasabadda saxiixa heshiiskan ayaa sidoo kale waxa kasoo qeyb-galay goob joogayaal caalimi ah, khuburo kalluumeysi iyo wakiilada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding (Group) co.ltd.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigu oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha dalkeenu uu ka mid yahay tiirarka ugu horreeya ee qorshaha xukuumadda Dan-Qaran iyo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.

“Waa in si wadajir ah loola dagaalamo kalluumeysiga sharci darrada ah,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, isaga oo dhambaal digniin ah u diray dalalka ay maraakiibtoodu sifada sharci darada ah ku soo galaan biyaha dalkeena.

Gaabis ku yimid dagaalkii Al-Shabaab iyo Macallimuu oo war kasoo saaray (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac horleh ka muujiyay gaabiska maalmihii dambe ku yimid dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

Xildhibaan Macalimuu ayaa sheegay in hakad ku yimaada dagaalka Khawaarijta ay fursad u siineyso dib usoo rogaal celinta argagixisada jabka xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

“Hakad uu galo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxeey siineysaa fursad ay dib isugu urursadaan, kadib jabkii cuslaa ee soo gaaray. Geeso lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa!,” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu.

Hadalka Macalimuu ayaa imanaya ayada oo la dareemayo in uu hoos u dhac ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo markii hore kasoo billowday deegaanada gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale maalmihii dambe faarujiyey deegaano iyo magaalooyin ay ka qabsadeen Al-Shabaab, taasi oo dagaalka lagula jiro kooxdan ka dhigeysa mid aan dhamaad laheyn.

Aqriso: Beelaha ay kasoo jeedaan 9-ka xubnood ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 10-kii November isbeddel ku sameeyey Golaha Dhaqaalaha Qaranka, isaga oo kala diray xubnihii hore islamarkaana magacaabay kuwa cusub.

Xubnaha Golaha hore ayaa waxaa ku jiray afar qof oo ajaaniib ah, kuwaas oo hadda lagu beddelay Soomaali, waxaana sagaalka xubnood ee golaha ay dhammaantood iminka ka kooban yihiin Soomaali. 

Hase yeeshee, wixii ka dambeeyey markii golaha lagu dhowaaqay, waxaa faafay warar aan sal laheyn oo ku saabsan in beelo gaar ah ay u badan yihiin golaha, gaar ahaan beesha madaxweynaha. 

Sidaa darteed, Caasimada Online ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in golaha lagu soo xulay nidaamka awood qeybsiga Soomaalida ee 4.5, islamarkaana aanay jirin qabiilo si gaar ah xubno looga soo xulay. Beelaha Hawiye, Daarood, Dir iyo Digil iyo Mirifle ayaa la siiyey min laba xubnood, halka beesha shanaad la siiyey hal xubin. 

Haddaba hoos ka aqriso magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan xubnaha golaha.

1- Dr. Xasan Aadan Hoosow, La-taliye sare ee madaxweynaha, ahna agaasimaha Guud (Leysaan, Digil iyo Mirifle)
2- Dr. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin, (Murusade, Hawiye)
3- Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin (Shanta Caleemo, Digil iyo Mirifle)
4- Dr. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin (Majeerteen, Darood)
5- Dr. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin (Biyomaal, Dir)
6- Dr. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin (Surre, Dir)
7- Adam Xuseen Rooble, Xubin (Abgaal, Hawiye)
8- Drs. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin (Banaadiri)
9- Nimco Maxamuud Sakal, Xubin (Majeerteen, Daarood)

Waxaa sidoo kale xusid mudan in lix ka mid ah sagaalka xubnood ee golaha ay haystaan shahaadada PhD, oo caddeyn u ah in aqoon ay ku yimaadeen, aanu madaxweynaha iska soo xulan dad uu si gaar ah u rabo.

Wasiirka Gaashaandhiga oo boggaadiyey tallaabo ay qaadeen Golaha Wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay kulankii ay xalay yeesheen Golaha Wasiirada, isaga oo boggaadiyey tallaabada ay qaadeen Goluhu.

Wasiir Jaamac ayaa marka hore soo dhoweeyey go’aanka Golaha Wasiirada ee ay ku ansixiyeem heshiisyo dhanka milatari oo ay wasaaraddiisu lasoo gaashay dalalka Suudaan iyo Uganda oo dhowaan ku tegay booqashooyin kala duwan, xilli dalka uu ku jiro dagaal.

“Waxaan mahad ballaaran u dirayaa golaha wasiirada JFS oo caawa meelmariyay heshiisyo  isafgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arrimaha difaaca  oo ay Wasaaradda Gaashaandhiggu horgeysay golaha sharafta leh” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in heshiisyada la meel mariyey oo lasii marin doono Baarlamaanka ay muhiim u yihiin Soomaaliya, islamarkaana laga faa’idi doono.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray inay ka go’an tahay dhismaha hay’ado difaac oo tayo sare leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Heshiisyadan ayaa waxa ay wasaaraddu la kala gashay dowladaha Sudan iyo Uganda. Waxaa naga go’an dhismaha hay’ado difaac oo tayo sare leh” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Heshiisyada la ansixiyey ayaa dhamaantood ku aadan is-kaashiga dhanka Gaashaandhigga, waxaana wasaaraddu ay shaacisay in la waafajiyey dastuurka iyo sharuucda dalka.

Al-Shabaab oo beddeshay xeeladdii dagaalka, billowday qorshe cusub oo yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa beddeshay xeeladdeeda dagaalka, xilli dhul badan ay ku lumisay gacanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo dagaal kula jira ayaga oo gacan ka helaya shacabka.

Al-Shabaab ayaa hadda dib ugu laabtay xeelad ay horey u adeegsan jirtay, taasi oo falanqeeyayaasha amni ay rumeysan yihiin inay caddeyn u tahay in kooxda ay ku qiraneyso inaysan diyaar u aheyn isku dhac iyo dagaal dhimasho badan.

Xeeladda ay Al-Shabaab dib ugu laabatay ayaa ah inay dadka deegaanka ku qasabto inay ka baxaan magaalooyinka kahor inta aysan soo gelin cidamada dowladda, taasi oo ay sameysay kahor inta aan la qabsan deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Xeeladdan, oo hadda kahor ay Al-Shabaab ka fulisay magaalada Ceel-buur, ayaa lagu macneeyey dadaal looga hortagayo xiriir dhex-mara dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadkaku sugan deegaanada ay qabsaneyso.

Al-Shabaab ayaa xagjiriin ka dhigta shacabka deegaanada ay qabsadaan ayada oo sanado badan gelineysa waqti iyo dhaqaale u muuqda in lagu caawinayo, mana dooneyso in dowladda ay maskaxdooda beddesho.

Ayada oo shacabka ka saareysa deegaanada, ciidamada dowladda ayaa noqonaya kuwa niyadjabsan kadibna dib uga baxaya magaalooyinka ay xorreeyaan, taasi oo mintidiinta u ogolaaneysa inay kusoo laabtaan.

Al-Shabaab ayaa dhowaan dib ula wareegtay Wabxo maalmo un kadib markii ay gacanteeda ka baxday oo ay qabsadeen ciidamada xoogga dalka. 

Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Axaddii sheegay in xoogag ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwo dibedda ka jooga ay iska kaashanayaan fashilinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waare ayaa tusaale usoo qaatay ka-bixitaanka ciidamada dowladda ee deegaanka Wabxo, halkaasi oo ay dib u qabsadeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, iyo dagaal beeleedka ka dillaacay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Kadib ka-bixitaankii ciidamada xoogga dalka ee Wabxo, iyo kasii darista dagaal beeleedka Cadale, waa ay caddahay in xoogag qarsoon oo ku jira dowladda iyo kuwa dibedda ka ah ay waxyeeleynayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijita. Waa arrin murugo leh, waana sir furran,” ayuu yiri Waare.

Ciidamada dowladda ayaa toddobaadyadii tegay faarujiyey deegaano iyo magaalooyin ay ka qabsadeen Al-Shabaab, taasi oo dagaalka lagula jiro kooxdan ka dhigeysa mid aan dhammaad laheyn. 

Maxaa ka jira in xalay QARAX uu ka dhacay HARGEYSA?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Booliska Somaliland ayaa ka horyimid warar xalay si weyn loogu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka kuwaas oo sheegayey in qarax uu ka dhacay  gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi.

Booliska ayaa beeniyey warkaasi, waxaana qoraal uu soo saaray taliska lagu sheegay in jugta la maqlay ay aheyd taayar ku qarxay agagaarka Dahabshiil.

“Taliska guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadaynayaa inaanay Jirin Wax Qarax ah oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland. Waxaanu Bulshada u Cadaynaynaa in Agagaarka Dahabshiil Gargaar Agteeda Banjarle Ama Goomayste Ku Yaala oo banjarinaya Tayir ay Wax isaga uun ku kooban oo sameeyay Qarax yar dhaceen,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Booliska Somaliland.

Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in laba qof ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi, islamarkaana ay haatan wadaan baaris ku aadan waxa sababay falkaasi.

“Waxaana dhawac fudud soo gaadhay Banharlihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee hargeisa. Hadaba Ciidamada boolisku waxa Ay Baadhitaan Ku Hayaan Wixii Sababay Dhacdadii Goobtaasi ka dhacday”.

Ugu dambeyn Booliska Somaliland ayaa digniin adag u diray dadka faafinaya wararkaasi liddiga ku ah amniga magaalada Hargeysa, ayna ka qaadi doonaan tallaabo adag.

“Taliska guud ee ciidamada boolisku waxa uu digniin u dirayaa cidkasta oo ku hawlana Fidinta wararka Boro Bogaada ah gaar ahaan kuwa beenta Qoraya Iyo kuwa ka qaadanayaba,” ayaa gabagabadii lagu yiri warsaxaafadeedka taliska ciidamada Booliska

Somaliland ayaa haatan laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashooyinka, kaas oo u dhexeeyo xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda.

Daawo: Sheekh Usuuli oo si cajiib ah uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabab

0

London (Caasimada Online) – Sheekh Cusmaan Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isagoo cadeeyey in wax kasta ay ka muhiimsan tahay in kooxdaas laga xoreeyo dalka.

Sheekh Usuuli ayaa ganacsatada u sheegay in cadaab iyo carada Alle ay ku muteysa doonaan dhaqaalaha ay siinayaan kooxdaan baneysatay dhiigga dadkaan Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Sheekh Usuuli ayaa aad u amaanay beelaha Soomaaliyeed ee kacdoonka sameeyey oo dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab, isagoo culumada dalka joogta ku dhiirageliyey inay dadka ku hogaamiyaan dagaalka Khawaarijta.

“War ganacsatadaan la hadlayaa, inaad Shabaab heshiis ku ahaataan inaad idinku ganacsataan oo dhaqaale sameysaan, dadkana ay Shabaab laayaan, ilaahey ayaa idinkaga caroonaya,” ayuu yiri sheikh Usuuli.

Isagoo ganacsatada ku amaanay doorkooda dib u dhiska dalka, ayuu u soo jeediyey in lambarada ay ka soo wacayaan Al-Shabaab ay dowladda ku war-geliyaan, si ninkaas baadda raadinaya tallaabo ay uga qaado dowladdu.

“Ganacsato shacabka ayaad wax ku tihiin, maanta isha ayaa idinku godan, Al-Shabaab la’aantii wax ma noqon karaan, qiyaamaha ayaad ka shalaayi doontaan hadaa dhaqaale siisaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Wuxuu amaanay ciidanka xoogga dalka oo dadka shacabka ah ka hor taagan kooxda Al-Shabaab oo caadeysatay daadinta dhiigooda, isagoo culumada ku dhiira geliyey inay cabsida iska dhaafaan oo dadka dagaalka ku hoggaamiyaan.

“Ilaahey ayaa maanta xaqa soo daahiriyey, ciidankeena xoogga dalka ayaa naga qabtay Al-Shabaab, Khawaarijtu waxay sheegaan inay gaalo la dagaalamayaan, laakiin gaaladu Xalane ayey iska fadhiyaan, waxayna mushaar ku qaataan Shabaab joogitaankooda,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Sheekh Cusmaan Usuuli ayaa dowladda ugu baaqay inay reebto xumaanta oo diinta loo laabto oo musuqa la joojiyo, “Kuwaan oo ilaahey naga dul qaado ayaan Alle ugu dhawaaneynaa, culumadu waa inay safka hore gasho,”

Sheekha ayaa aad u amaanay qabaa’ilka dagaalamaya, “Maanta qabaa’ilkii ayaa kacay, dad ayaa isku dayaa inay suurad xumeeyaan kacdoonkaan, dadkaas waxay la jiraan Al-Shabaab, waxay ku leeyihiin umadu waa halaagsamee oo beel beel ayaa la isku leynaa, war ninkii qaba in umadu halaagsamee, isagaaba halaagsamay mar hore,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Abiy Ahmed oo shaaciyey mowqifkiisa heshiiska Tigray

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u sheegay xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya inay ka go’an tahay heshiiski nabadeed oo uu kula gaaray hoggaanka Tigray-ga waddanka Koonfur Afrika horraantii bishan, si loo soo afjaro colaadda dad badan lagu dilay ee laba sano ka socotay waqooyiga gobolka Tigray.

Khudbad uu Talaadadii ka hor jeediyay baarlamaanka, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dhinacyada dagaallamaya ay tahay inay hadda xaqiijiyaan inay raacaan heshiiska.

“Waan ka wadahadalnay, waanu heshiinay, waana saxeexnay,” ayuu yiri Abiy. “Waxa xiga ayaa la filayaa in la fuliyo.” ayuu raaciyay.

Fulinta heshiiskan oo kaliya, ayuu sheegay inay, “keeni karto nabadda mid waarta.”

Sida ku cad shuruudaha heshiiskii xabbad-joojinta ee 2-dii Nofembar lagu saxiixay Pretoria, dowladda federaalka Itoobiya waxay la wareegi doontaa xudduudaha gobolka Tigray, waddooyinka, iyo garoomada diyaaradaha halka dagaalyahannada Tigrayga ay hubka dhigi doonaan.

Noofambar 12-keedii, taliyayaasha militariga ee matalaya dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwa gobolka Tigray ayaa saxiixday heshiis ay ku jiraan hub ka dhigista hubka culus iyo ka bixitaanka “ciidamada shisheeye iyo kuwa aan ENDF (militeriga federaalka)” ee gobolka Tigray.

Abiy ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in nabaddu ay lama huraan tahay si loo hagaajiyo dhaqaalaha loona ilaaliyo “jiritaanka, madaxbanaanida, iyo midnimada” Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof.

“Nabaddu mar walba waa wanaagsan tahay,” ayuu yiri Abiy, isagaoo raaciyay. “Xitaa haddii aad guuleysato, dagaalku waa xun yahay mar walba, sababtoo ah waxaad dilaysaa dadka, waxaad gubeysaa dollar.”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xildhibaannada baarlamaanka.

Isha: VOA

Ciidamada Danab oo howlgal ku burbriyey saldhigyo ay lahaayeen AL-SHABAAB

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliua ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada Danab oo kaashanaya kuwa Macawiisleyda ayaa howlgalkan ka sameeyey inta u dhexeysa deegaanka Halgan iyo degmada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan Danab oo ka hadlay howlgalkani ayaa shaaca ka qaaday in aysan la kulmin wax iska caabin ah, islamarkaana ay Shabaab isaga baxeen deegaannadaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay burburiyeen xarumo iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas oo ay tilmaameen inay kasoo abaabuli jireen weerarada qorsheysan.

Danab saraakiisha u hadashay waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqeen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda guleedka Beledweyne oo ay weli ku sugan yihiin Shabaab.

Howlgalkan ayaa jawaab u ahaa weerar culus oo ay todobaaadkan xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Gorgor ay ku leeyihiin deegaanka Burdaar ee gobolka Hiiraan.

Xasan Sheekh oo hal arrin ku amaanay BF – Ma waxaa la helay xogta mooshin cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada aqal ee baaralamka ku amaanay wada shaqeynta iyo khilaaf la’aanta jirta, maadaama ay xildhibaanadu can ku ahaa jireen mooshin joogto ah iyo khilaaf labad gole dhexdooda ah.

“Is qabqabsiga Baarlamaanka dib ayuu noo dhigayaa, hogaamiyeyaasha maanta waa inaga, xildhibaanada waxaan leeyahay yeysan idin seegin fursadaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Durbadii waxaa dhalatay su’aal ah in madaxtooyadu heshay xogta mooshin ay wadaan xildhibaanada qaar, wuxuuna madaxweynuhu si aan leex-leexad laheyn uga codsaday baarlamaanka inay is qabqabsi iyo khilaaf ka fogaadaan.

“BFS waxaa mar kasta ku adkeynayaa oo ku celinayaa is qabqabsiga iyo hadallada kala socda dib ayey noo dhigayaan, waxaan bogaadinayaa wadashaqeynta quruxda badan ee labada gole,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday xildhibaanada in kalfadhiyada dambe ay ku dhameystaan xasiloonidaan, isagoo ka codsaday baarlamaanka inay deg deg u ansixiyaan sharciyada ay u soo gudbi doonto xukuumadda Xamse Barre.

“Waxaa nagu waajib ah inaan ku shaqeyno dareen iskaashi, inagoo mudnaanta siineyna dejinta shuruucda dalka. Waxaan si xushmad leh idinkaga codsanayaa inaad fudududeysaan, sharciyada idinkaga imaa doona xukuumadda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 2-aad ee BFS.

Dagaalka AL-SHABAAB ‘oo laga billaabayo’ Sh/Hoose

0

Baraawe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shalay safar ku tegay magaalada Baraawe ayaa bulshada gobolka Sh/Hoose ugu baaqay inay sameeyaan kacdoon bulsho oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Laftagareen ayaa sheegay in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku balameen in la iska xoreeyo Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’antahay in K/Galbeed ay kaalinteeda qaadato.

“Gobolada Somaliya oo dhan waa laga istaagay, annagana sidaas oo kale ayaan ku baaqaynaa meel kastoo ay dadka reer Koonfur Galbeed jooggaan inay u istaaggaan, hawlgaladiina way ka bilowdeen Koonfur Galbeed, Gobolada Bakool iyo Baay-na way ka socdaan hawlgalada,” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

“Sida dadka Soomaaliyeed ay ula dagaalamayaan ula dagaala Al-Shabaab, dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed garabkiina ayey taagan yihiin,” ayuu yiri Laftagareen.

Wuxuu sheegay in Shabaab aan loo sii dul qaada karin, isagoo bulshada ku nool deegaanada gobolka Shabeellada Hoose ugu baaqay in kacdoon ay sameeyaan, sida deegaanada kale ee dalka oo dagaalo ka dhan ah kooxda ay ka socdaan.

“Mar dambe ma dhici doonto inaan hoos fiirino iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab dhibaateynayaan, gobolkaan Sh/Hoose culeyska Al-Shabaab waa ku yar yaryahay ee inta dhiman dhameystira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha K/Galbeed.

Laftagareen ayaa intaasi ku daray “Marka qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, gaar ahaan dadka Gobolka Shabellaha Hoose degan, ciidamadoodii iyo shacabkooduba, ayaga culeyskoodu waa yar yahay, intaan yar ee hartayna hala is raaciyo, hala is dhaafiyo. Halaga faa’iideysto hawlgalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee socda, shacabkana ha garab istaaggaan.”

Madaxweyne Laftagareen ayaa maanta safar ku tegay magaalada Baraawe oo ah caasimadda rasmiga ah ee maamulkaas, wuxuuna xarigga ka jaray mashaariic uu maamulkiisu ka fulinayo magaaladaas.

Hoos ka daawo

Daawo: C/casiis Laftagareen ‘diyaar uma aha doorasho’

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Malaaq ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, xilli haatan la isku hayo qabashada doorashada.

Cabdiraxmaan Cismaan oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa eedeymo culus u jeediyey Lafta Gareen, isaga oo sheegay inuu kasii dhamaanayo muddo xileedka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in weli uusan u diyaar garoobun in la qabto doorashada hoggaanka guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Maamulka Koonfur Galbeed waa xilligii rasmiga ahaa ee muddo xileedkii doorashada waqtigeeda waa la loogaa, maadaama madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo Cabdicasiis Lafta Gareen oo u diyaar garoobin in doorasho la qabto,” ayuu yiri Malaaq.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in madaxweynaha uu hareer maray dastuurka, islamarkaana uu sameystay muddo kororsi.

“Wuxuu rabaab inuu sii joogo muddo kororsi isaga jeebkiisa ah sameysto, dastuurkana waxa uu qabanaa 4 sano inuu ku egtahay muddo xileedka rasmiga ah,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu si kulul cambaareeyey xarig xubnaha mucaaradka loogu geystay magaalada Baydhabo, isaga oo xaqiijiyey in illaa 10 xubnood lagu xiray magaaladaasi.

“10 xubnood ayaa hadda u xiran waxaana si sharci darro loogu xiray Baydhabo. Xorriyatul Qowl ma jiro,” ayuu markale yiri wasiirkii hore ee waxbarashada Koonfur Galbeed.

Xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana taagan xiisad u dhexeyso madaxweynaha iyo mucaaradka oo isku hayo arrinta doorashada.

Donald Trump oo soo rogaal celiyey kuna dhawaaqay qorshihiisa sanadka 2024

0

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump, ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashada 2020-ka waxa uu billaabay weerarro aan kala joogsi lahayn oo ka dhan ah hufnaanta codbixinta ee Mareykanka, waxa uuna Talaadadii markii saddexaad ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Mareykanka ee doorashada 2024.

Trump ayaa ku dhawaaqistiisa uga gol-lahaa inuu ka hor-gudbiyo musharraxiinta kale xisbiga Jamhuuriga.

Trump oo rajeynaya inuu mar kale doorasho uga hortago madaxweyne Joe Biden oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa hadalkan ka sheegay gurigiisa Mar-a-Lago, ee gobolka Florida toddobaad kadib doorashadii xilliga dhexe oo ay Jamhuuriyiintu ku guuldarrayseen inay ku guulaystaan kuraas badan oo Congress ka ah sidii ay rajaynayeen.

“Si aan mar kale Ameerika uga dhigo mid weyn, caawa waxaan ku dhawaaqayaa in aan u tartamayo xilka madaxweynaha Maraykanka” ayuu Trump u sheegay dadkii isugu soo baxay xafladda ku dhawaaqista oo isugu jiray xubno qoys ka tirsan, kuwa dhaqaalaha ku taageera doorashadiisa iyo shaqaale hore.

Ku dhawaaqista Trump ayaa kasoo hormartay xilligii la filayay, waxayna calaamad u tahay rabitaankiisa ah inuu ka dhaadhiciyo musharraxiinta kale ee suurtagalka ah sida guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ama madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Mike Pence, inuu u tartamo musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga.

Siyaasiyiinta kale ee rajada ka leh madaxweynaha ee ka tirsan Jamhuuriga waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Virginia Glenn Youngkin, Guddoomiyaha Texas Greg Abbott, Guddoomiyihii hore ee South Carolina Nikki Haley iyo Xoghayihii hore ee Arimaha Dibada Mike Pompeo.

Sawirro: Golaha wasiirrada oo anxisiyey miisaaniyadii ugu badnayd iyo heshiisyo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen ku-talagalka miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka

Kulankaan waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre wuxuuna goluhu meel mariyey miisaaniyad gaareysa $967.7 Milyan oo dollar.

Miisaaniyadaan ayaa ka kooban dakhliga gudaha uga soo xaroonaya dowladda iyo deeqda ay dowladda siiyaan saaxiibada caalamka.

“Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xukuumadda.

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda.

“Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaandhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha.

Tirada dadka rayidka ah ee sanadkan lagu dilay Soomaaliya oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay khasaaraha sii kordhaya ee dadka rayidka ah ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in in ka badan 600 oo rayid ah lagu dilay Soomaaliya sanadkan 2022.

Sida uu sheegay madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk, ugu yaraan 613 qof oo rayid ah ayaa la dilay 948 kalana waa la dhaawacay.

315 kamid ah dhimashada iyo 686 dhaawaca ah, ayaa loo sababeeyay inay la kulmeen walxaha qarxa.

Ugu yaraan 94 boqolkiiba dhimashada dadkani waxaa loo aaneynayaa inay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Khasaaraha kale ee dhimashada iyo dhaawaca waxay ka dhasheen iska hor imaadyada ciidamada ammaanka ee dowladda, maleeshiyo beeleed iyo dad kale oo aan la aqoonsan.

“Waxaan aad uga walaacsanahay in dad badan oo Soomaaliyeed ay naftooda waayaan maalin kasta.” Dhammaan dhinacyada iskahorimaadyada ku lugta leh waa inay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo inay xaqiijiyaan in dadka rayidka ah la ilaaliyo,” ayuu yiri Volker Türk.

29-kii Oktoobar, qaraxyo mataano ah oo ay mas’uuliyadeeda sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 121-qof, waxaana ku dhaawacmay 333-qof, sida ay sheegtay QM, oo soo xiganaysay tiro-koob lagu sameeyay khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.

Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah, iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka  si loo xoojiyo ilaalinta rayidka, iyadoo la raacayo xeerarka iyo halbeegyada xuquuqul insaanka ee caalamiga ah iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Isha: HOL

Xasan oo shaaciyay ujeedka iyo natiijada safaradii badnaa ee uu ugu baxay dibadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta daahfuray kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay safaradii kala duwana ee ugu baxay dalka dibadiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedka safaradaas iyo booqashooyinkaasi ay salka ku hayeen qorshaha dowladiisa ee ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah.

Waxa aan markii aan xafiiska imid safarro dalka dibaddiisa ah ugu ambabaxay dalal kala duwan. Ujeedka safarradaas iyo booqashooyinkaasi waxa ay salka ku hayeen qorshaheenna ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed oo ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa safaradaas aas-aas u ahaa inaan madaxda dalalkaas ka wada-hadalno danaha aan wadaagno iyo qaabka ugu haboon ee ay uga qayb-qaadan karaan dib u soo kabashada qaranka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka geysanayaan dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ma-naxaanka ah ee caqabadda ku ah dowladnimada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed kuwaasi oo bannaystay daadinta dhiiggooda, boobkaa hantidooda, kuna xadgudba sharaftooda,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in safaradii kala duwan ee ugu baxay dalka dibadiisa uu kala soo laabtay guul wax ku ool ah, oo macno weyn u leh horumarka dalkeena.

“Dhamaan safaradaas waxa aan kala soo laabanay guul, annaga oo madaxda dalalkaas isku raacnay inay door mug leh ka geystaan arrimaha hortabinta u leh dowladdeenna iyo dadaallada aan ku baadi-goobaynno dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimadeena curdinka ah.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in siyaasadda dowladdeenna ay laf-dhabar u noqon doonto in la soo dhaweeyo cid walba oo diyaar u ah inay naga taageerto arrimaha mudnaanta inoo leh.”

“Waxaa isu dheelli-tirayna danaha aan caalamka ka leennahay iyo kuwa ay iyagu innaga leeyihiin. Soomaaliya xilligan la joogo inta ay saaxiib u baahan tahay ayaa ka badan inta ay cadaw u baahan tahay.”

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay u baxay safaro badan oo dalka dibadiisa ah, si usii xoojiyo xiriirka iyo taageerada dalalkaas ee Soomaaliya, inkasta oo safaradaas tirada badan ay si weyn u dhaliileen siyaasiyiinta mucaaridka ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal beeleedka Cadale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wejigii koowaad ee isku-day lagu rabay in lagu damiyo xiisada colaadeed ee kasoo cusboonaatay aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maanta guul kusoo dhamaaday.

Xubno uu horkacayo Imaamka Mudulood ayaa ku guuleystay inay xabad joojin kala dhex dhigaan beelihii ku dagaalamayay deegaanadaasi, islamarkaana la kala qaaday ciidamadii labada dhinac ee is horfadhiyay

“Maanta iyo shalay waxaa tagnay dhamaan aaggagii ay xabadu ka dhaceysay oo ciidamadu isku horfadhiyeen, marka isku marnay intaas waxa isku afgaranay dadkii deegaan iyo ciidamadii joogay in xabad dambe aysan dhicin oo ciidamada aagga laga bixiyo,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay xubnaha uu horkacayo Imaamka Mudulood.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in dhinacyada isla qaateen ku dhawaaqista gogol nabdoon oo la dhigayo degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

“Ilaahay mahadiis waaye, intii naga dhursugaysay ee Abgaal aheyd ee islaheyd maxaa dhici doona waxaa ku seexataan in xabad joojin ay dhacday oo gogol nabdeed la isugu imanayo.”

Dagaal beeleedkaan ayaa intii uu socday waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 30 ruux, halka ay tiro kalena ku dhaawacmeen iyo khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya dagaal beeleedkaan xili uu qeybo kala duwan oo dalka ah ka socdo dagaal ka dhanka Al-Shabaab, oo muddo badan dhibaato ku haysay umadda Soomaaliyeed.

Wiil Falastiini ah oo weerar uu laba hab u fuliyey maanta ku dilay laba qof oo Israeli ah

0

Daanta Galbeed (Caasimada Online) – Nin Falastiini ah ayaa maanta dilay laba qof oo Israeli ah, oo mid uu mindiyeeyey kan kalena la dul maray baabuur, Daanta Galbeed ee la haysto kahor inta aan isaga la dilin, sida ay sheegeen saraakiisha Israel.

Weerarkan ayaa yimid saacado kahor inta aan la dhaarin baarlamanka cusub ee Israel, ayada oo xildhibaanada midigta fog ee ku jira oo la filayo inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, ay wacad ku mareen inay joojin doonaa rabshadaha.

Ciidamada Israel ayaa ku warramay in “weerar toorey” ah uu ka dhacay aagga warshadaha ee Ariel ee waqooyiga Daanta Galbeed.

“Qof argagixiso ah ayaa yimid ganjeelka laga galo aagga wuxuuna mindiyeeyey qof shacab ah oo goobta ku sugnaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada.

Adeegga gurmadka deg degga ah ee Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay in nin 35 jir ah uu u dhintay dhaawacyo soo gaaray, halka saddex qof oo kale oo la mindiyeeyey ay dhaawac yihiin, kuwaas oo mid ka mid ah dhaawaciisa uu darran yahay.

Qofka weerarka soo qaaday ayaa kadib u jiheystay “meel gaaska looga shubto baabuurta wuxuuna ku tooreeyey shacab kale,” sida ay sheegeen ciidamada oo intaas ku daray inuu kadib xaday gaari oo uu baxsaday.

“Wuxuu la cararay baabuur uu xaday, wuxuuna kadib ku dul maray qof shacab ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa sheegay in 50 jir ah uu ku dhintay gaariga lala dul maray.

Ciidamada ayaa intaas ku daray in askari uu kadib dilay qofka weerarka soo qaaday, islamarkaana lagu raad joogo qof labaad oo la tuhunsan yahay inuu weerarka ku lug lahaa.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in qofka Falastiiniga ah ee ciidamada Israel ay toogteen lagu magacaabay Mohammed Souf oo ahaa 18 jir, mana bixin faah-faahin intaas dheer.

AFP, VOA

Xasan Sheekh oo BF kahor sheegay arrin ay si weyn ugu baahan tahay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay xarunta KMG ee Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Munaasibada daahfurka kalfadhiga ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo labadooda ku-xigeen, Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaanada labada Aqal, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Guddoomiyaasha Golaha Wakiillada dowladd-gobaleedyada iyo marti sharaf kale.

Kulfadhiga ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay guddoonka labada Aqal, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kuwaasi oo ka hadlay shaqooyinka laba Aqal u qabsoomay kalfadhigii koowaad ee Golaha iyo ajandayaasha horyaala kalfadhiga labaad.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Golaha ayaa wuxuu ugu horeyntii xaalada guud ee dalka uga warbixiyay mudanayaasha labada Aqal, isaga oo sheegay in dalka hadda uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ka socda inta badan gobolada.

“Waxaan soo waayay ka Madaxweyne ahaan jid aan ahayn inaan difaacno karaamadeena, Islaamnimadeena iyo qaranimadeena. Dalka iyo dadkuba waxay innooga baahan yihiin xil gudasho dhameystiran, oo ah in aan dhinac uga soo wada jeedsano halka cadow ee Soomaaliyada maanta ay leedahay. Waa inaan isku garabsiino shacab iyo dowladba, sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn halkaas cadow ee maanta aan leenahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waa in aan isku garab siino shacab iyo dowladba sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn halkaas cadaw ee aan maanta leenahay, dib u xoreynta dalka oo dhan waa wadada kaliya ee aan ku xaqiijin karno dal nabad ah oo uu sharcigu sarreeyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh inay Soomaaliya xiligaan u baahan tahay kasbashada saaxiibo ka taageera arrimaha mudnaanta u leh dowladda, taasi oo uu sheegay inay laf-dhabar u tahay siyaasadda dowladdiisa in la soo dhaweysto cid waliba.

“Soomaaliya inta ay saaxiibo u baahan tahay ayaa ka badan inta ay cadaw u baahantahay,” ayuu sii raacsiiyay hadalkiisa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Maanta dalkeena iyo dadkeenuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho lahayn, meel guuldarradu aanay boos ku lahayn/uga bannaanayn, waxaan go’aansanay inaan u guntano dagaal dalka looga sifeynayo Khawaarijta.”

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa mudanayaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka codsaday inay fududeeyaan dhamaan sharciyada horyaala Golaha, kuwaasi oo uga imaaday xukuumada.

AMNESTY oo 10 qodob ka dalbatay XASAN SHEEKH

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin cusub kasoo saartay xaaladda Soomaaliya, ayada oo talooyin usoo jeedisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hay’adda Amnesty ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh aanu weli ka dhabeyn ballan-qaadyadii uu sameeyey ee la xiriiray arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, amniga iyo cadaaladda shacabka.

“Lix bilood kadib markii uu xilka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, weli dowladdiisa kama aysan dhabeyn ballan qaadyadii ay sameysay ee ahaa in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay helaan caddaalad iyo amni,” ayey tiri Amnesty International.

“Bishii May 2022, dowladdu waxay sheegtay inay mudnaanta siin doonto arrimo ay ka mid yihiin amniga, cadaaladda, dib u heshiisiinta, iyo horumarinta bulshada. Si kastaba ha ahaatee, go’aan iyo waxqabad dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo hagaajiyo oo mudnaanta loo siiyo xuquuqda aadanaha, si loo xaqiijiyo la xisaabtanka xadgudubyada, iyo in la ilaaliyo rayidka,” ayey tiri Amnesty.

Amnesty ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu wax ka qabto tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay soo saartay hay’addu 10 qodob oo ay kula talisay inuu qaado madaxwynaha, si uu ugu saleeyo tallaabooyinkiisa.

Halkan hoose ka aqriso:-

1- In la ilaaliyo xuquuqda rayidka.
2- Dib u habaynta nidaamka garsoorka.
3- In la xaqiijiyo caddaaladda iyo magdhowga xadgudubyada ay geystaan ciidamada shisheeye.
4- In la dhowro lana ixtiraamo xoriyada hadalka.
5- Dammaanad qaad iyo ilo ku filan helitaanka xaqa caafimaad ee qof kasta.
6- In la ilaaliyo dadka gudaha ku barakacay lana joojiyo raritaan qasab ah.
7- In la ilaaliyo xuquuqda carruurta.
8- In la Ilaaliyo haweenka iyo gabdhaha xuquuqdooda bini’aadantinimo lagana ilaaliyo xadgudubyada galmada.
9- Ka-hortagga isbeddelka cimilada iyo xasaradaha kale.
10- In la dhiso oo la hawlgeliyo Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.