27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Dhageyso: HirShabeelle oo shaacisay tirada dadkii ku dhintay dagaalka Cadale

0

Cadale (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka ka qarxay aaggaa degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wasiirka arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulka Hirshabeelle Cabdullaahi Cadde oo la hadlay BBC ayaa sheegay in qiyaastii 30 oo reer miyi ah lagu dilay dagaalladii aagga Cadale ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

“Waan ka tacsiyeyneynaa dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhacay, dadka dagaalamaya waa walaalo, ma sheegi karno waxa sababay in maalin kasta wiilal dhalinayaro ah colaadaan loo aaso,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale wasiirka ayaa odayaasha dhaqanka iyo culumada ugu baaqay in colaadaan ay ku baxaan, si loo demiyo, “Dadku waa maleeshiyaad oo tira koob lagama hayo, laakiin dhimashadu waa 30 qof,” ayuu yiri.

Wasiirka Cabdullaahi Cadde ayaa sheegay in colaada halkaas ka jirta ay dhowr weji leedahay, “Sanadihii dambe qabaa’ilku siyaabo kala duwan ayey u dagaalameen, qeyb dhul beereed isku heysata, qeyb daaqsin isku heysata iyo kuwa waxa ay isku dilayaan aan garaneyn ayey isugu jiraan dadkaan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in maalmaha soo socda Cadale la dhigayo gogol xal looga gaarayo colaadaan, taas oo madaxweynaha HirShabeelle uu garwadeen ka noqonayo.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Madaxweyne XASAN oo dar-dar gelinaya iskaashi heer gobol ah oo wejiyo badan

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadiisii labaad, tan iyo markii dib loo doortay, ku tegay Eritrea Khamiistii November 10, 2022 ayaa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee socdaalkiisu ahayd sidii dib loogu soo celin lahaa  ciidamdii seddaxda sano tababarka gaarka ah ku qaadanayay dalka jaarka ah.

Wasiirka Warfaafinta Yemen Gebremeskel ayaa November 11, 2022 ku sheegay tweeter in labada madaxweyne ay kormeereen Kulliyadda Duulista (Aviation College) ee dalka Eritrea, halkaas oo dufcad dhan 200 layli lagu tababarayo.

Cutubyo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ka tirsan ayaa tababaro khaas ah ku qaadanayay dalka Eritrea ilaa 2019. Xogta ciidamadaas ayaa in muddo ah ku xeernaa sir.

Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo si rasmi ah May 2022 ugu wareejiyay Xasan Sheekh Maxamuud xilka ayaa munaasabada ka sheegay in bartimihii 2021, askar lagu qiyaasayo in ka badan 5000 tababar saddex sanadood ah ugu dhammaday dalka Eritrea.

Wax yar kaddib markii Soomaaliya, Itoobbiya, iyo Eritrea ku heshiiyeen Iskaashi Seddax Geesood ah ayay Eritrea ugu deeqday Soomaaliya inay ka taakulayso la dagaallanka argaggixisada una soo tababbarto ciidaan ku xeeldheer dagaallada jabhadaynta (guerrillia warfare).

Balse, dadaalka waxaa isku dayay inay kala daadiyaan shisheeye aan marnaba doonayn in Soomaaliya ay yeelato ciidan cudud leh, kaddib markii ay faafiyeen kutiri-kuteen leh in Eritrea ay si qarsoodi ah u gelisay layliyada Soomaaliyeed dagaalka Tigrayga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xaallada Soomaaliya wadahadallo ballaaran kala yeeshay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki ayey isku afgartay iskaashi dhinacyo badan, iyagoo isla gorfeeynayay isbeddelka ka dhacaya gobolka. Booqashada ayaa ku soo beegantay xilli argagixisada looga gacan sareeyo dagaal dhan walba leh, jabhaddii TPLFna lagu qasbay inay isku dhiibto maamulka Addis Ababa.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa la daalaadhacaysa caqabado waaweyn sida la tacaalidda abaaro daba dheeraaday oo barakaciyay dad kor u dhaafay ilaa 3.7 malyan, xakamaynta argagixiso arxan la’aan ah oo dadka iyo duunyada abaarta ku habsatay ka burburinaysa ceelashii biyaha, iyadoo weliba isku  dayaysa inay isku hayso dal burbursan.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh waxuu dardargelinayay iskaashi heer goboleed ah oo wejiyo badan korna u qaadi kara xiriirka dalku uu la leeyahay dalalka jaarka ah, si gobolku ugu wada noolaado nabad, amni iyo horumar waara.

Barkhad Batuun: Ma dagaal baa ka dhacaya S/LAND?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo u warramay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan xiisadda u dhexeyso madaxweynaha iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ee maamulkaasi.

Barkhad Batuun ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay wajaheyso xaaladdii ugu adkeyd, islamarkaana loo baahan yahay in la bad-baadiyo mustaqbalkeeda.

“Waa xaaladdii ugu cakirneyd ee gasho Somaliland, kuma talinayo inay faraha ka baxdo nabad-gelyada Somaliland,” ayuu yiri Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.

Xildhibaanka ayaa xusay in xittaa khilaafkan siyaasadeed uu saameeyey dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo nolosha guud ahaan dadka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu walaac ka muujiyey sida ay arrintu ku socoto marka la fiiriyo hubanti la’aan ka jirta Somaliland iyo hadallada kul-kulul ee ay isweydaarsanayaan labada dhinac.

Barkhad Batuun ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qof kasta, gaar ahaan ardayda  ay is weydiinayaan meesha ay ku dambeyn doono xaaladda iyo inuu dagaal ka dhacayo dalka.

“Waxaa qalbigu i xanuunaa marka ardeyda dariiqyada mareysa ee iskuulada tagaya barkood ay ku weydiinayaan adeer ma dagaal baa ka dhacaya Somaliland” ayuu yiri

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray mucaaradka iyo xukuumadda, isaga oo ka dalbaday inay u turaan shacabka, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda taagan.

Si kastaba, Somaliland waxaa ka jira xaalad hubanti la’aan ah, taas oo ka dhalatay go’aanka kasoo baxay mucaaradka oo iska diiday muddo kordhintii dhowaan loo sameeyey madaxweyne Biixi, iyaga oo shaaciyey inay qabsan doonaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Madaxweyne Lafta Gareen oo dalab culus u gudbiyey howlgalka ATMIS + Sawirro

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay saraakii sar sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS ee ka socda Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa goobjoog ahaa taliyaha ciidanka Booliska, qeybta gobolka Baay iyo taliyaha saldhigga degmada Baydhabo, ayada oo diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale xoojinta taageerada ay ATMIS siiso maamulkaasi.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa saraakiisha uu la kulmay ee ka socday ATMIS ka dalbaday in ay u tababaraan ciidamo cusub oo Boolis ah oo gacan ka geysta sugidda amniga.

Ciidamada cusub ee loo tababarayo Koonfur Galbeed ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah qayb qaabilsanaan doonto dambi baarista iyo kuwa kale oo loo tababarayo ilaalinta nabadgelyada waddooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Koonfur Galbeed.

“Kooxda ATMIS waxa ay marweliba tababaro lagu kordhinayo la dhaqanka Bulshada & howlaha sugidda amniga siiyaan Ciidamada Booliiska Koofur Galbeed, Madaxweyne Lafta Gareen waxa uu ATMIS u bandhigay qorshaha guud ee tababarada Ciidamo Booliis ah, kuwa dambi baarista (C.I.D). & kuwa ilaalinta nabadgalyada waddooyinka” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dhankooda saraakiisha ka socotay howlgalka ATMIS ayaa ballan qaaday in ay sii kordhin doonaan tababarada ay siiyaan ciidanka Koonfur Galbeed sidoo kalena ay taageeri doonaan dhanka howlgallada, si loo xaqiijiiyo amniga guud ee magaalooyinka maamulkaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaaa waxaa haatan ka socdao dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana deegaanka qaar ka bilowday abaabulka guluf dagaal oo lagu qaadayo deegaanada ay weli xoogaga Mintidiinta kaga sugan yihiin gobolada maamulkaasi.

 

Madaxweyne Lafta-gareen oo magacaabay wasiir cusub, kadib dilkii LUGBUUR

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa magacaabay wasiir cusub, kadib wareegto maanta kasoo baxday xafiiskiisa.

Lafta Gareen ayaa xilka wasiirka cadaaladda oo banaanaa u magacaabay Xasan Cabduqaadir Maxamed, kadib la tashiyo uu waday maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa faray wasiirka cusub inuu si deg deg ah xilka ula wareego, islamarkaana uu laba jibaaro dadaalkiisa ku aadan shaqada looga igmaday.

Sidoo kale wuxuu ka codsaday hay’adaha kale ee maamulka iyo kuwa ammaanka inay la shaqeeyaan wasiir Xasan Cabduqaadir Maxamed oo ah nin dhalinyaro ah oo firfircoon.

Wasiirka cusub ayaa beddalaya Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur oo ahaa wasiirkii cadaaladda ee Koonfur Galbeed, kaas oo 13-kii Julay ee sanadkan lagu dilay qarax miino isaga iyo wiil uu dhalay xilli kasoo baxeen masjid ku yaalla gudaha Baydhabo.

Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay soo qabashada labo ka mid ah kooxihii kasoo qorsheeyey qaraxalagu dilay wasiirkaasi, waxaana la toogtay ninkii fuliyey qaraxa, halka wiil la dhashay oo maqane ah isna lagu xukumay dil toogasho ah, waxaana dhinac kale 15 sano oo xabsi  ciidan ah lagu riday gabar kala shaqeysay diyaarinta qaraxaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysaa xaalado is biirsaday, sida xiisad kala dhalatay muddo kororsiga Lafta Gareen, abaaro iyo dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Mareykanka oo 10 milyan oo dollar ku bixinaya xogta maaliyadeed ee Al-Shabaab

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay lacagta abaal-marinta ah ee ay ku bixineyo xog hoggaamin karta aqoonsiga iyo halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab iyo carqaladeynta hanaankeeda maaliyadeed.

“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo ay maamusho Waaxda Nabadsugidda Diblomaasiyadda, ayaa kordhinaysa oo illaa $10 milyan gaarsiineysa abaal-marinta la siinayo ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Al-Shabaab ee kala ah; Axmed Diiriye, Mahad Karate, iyo Jehad Mostafa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee loo soo gaabiyo RFJ ayaa sidoo kale yaboohaya illaa $10 milyan oo lagu bixinayo xog horseedi karta carqaladeynta hanaanka maaliyadda kooxda Al-Shabaab. Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ay abaal-marin ku yaboohdo xogta shabakadaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab.

Axmed Diiriye oo ahaa amiirka Al-Shabaab tan iyo bishii September 2014 ayaa liiska argagixisada caalamiga ee Mareykanka (SDGT) lagu daray April 21, 2015.

Mahad Karate ayaa isna liiska lagu daray isla April 21, 2015. Mahad Karate waa amiir ku-xigeenka ama amiir ku-xigeenka dadban ee Al-Shabaab, wuxuuna weli hoggaamiyaa qaar ka mid ah howlgallada Al-Shabaab.

Karate ayaa sidoo kale haya qaar ka mid ah mas’uuliyadda talis ee Amniyaat, oo ah garabka sirdoonka Al-Shabaab oo mas’uul ka ah weeraro ismiidaamin ah iyo dilal ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo gobolka ka mid ah.

Jehad Mostafa waa muwaadin Mareykan ah oo horey u deganaa gobolka California. Mostafa wuxuu tababare militari kasoo noqday xerooyinka tababarka Al-Shabaab. Sidoo kale waa hoggaamiyaha ajaaniibta Al-Shabaab, hoggaamiyaha garabka warbaahinta Al-Shabaab, iyo dhex-dhexaadiyaha Al-Shabaab iyo ururada kale ee argagixiso.

Bishii December 2019, maxkamad federaal oo Mareykan ah ayaa Mostafa kusoo oogtay dacwado ay ka mid yihiin inuu ka shaqeeyey taageero siinta qalab ee argagixisada iyo Al-Shabaab. FBI-da Mareykanka ayaa qiimeysay in Mostafa uu yahay aragagixiyaha ugu darajada sarreeya ee haysta dhalasho Mareykan ah ee dibedda ka dagaalamaya.

“Al-Shabaab waxa ay weli ku tiirsan tahay shabakadaha maalgelinta iyo fududaynta si ay usii waddo hawlgalladeeda, oo ay u qorsheyso weeraro argagixiso oo caalami ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Wasaaradda arrimaha dibadda waxay abaal-marin ku bixineysaa xogaha horseedaya aqoonsiga iyo carqaladaynta ilaha muhiimka ah ee dhaqaale ee Al-Shabaab, oo ay ku jiraan ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee gudaha, deeqaha dhaqaale ee ay bixiyaan deeq-bixiyayaasha iyo fududeeyayaasha maaliyadeed, kala wareejinta maaliyadeed ee ay sameeyaan hay’adaha maaliaydeed, ganacsi kasta ama maalgashi kasta oo ay leedahay ama ay maamusho Al-Shabaab ama maal-geliyayaasheeda, dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee shirkadaha ku xiran Al-Shabaab, iyo hawlgallada afduubka madax-furasho, qorshayaasha maaliyadeed ee sharci darrada ah, iyo wareejinta maalgelinta iyo agabka ay al-Shabaab siiso argagixsada iyo maleeshiyada saaxiibada ah iyo kuwa la shaqeeya.”

DF oo soo xirtay Sheekh MUQDISHO ‘ku faafin jiray fikradaha KHAWAARIJTA’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa maanta soo xiray Sheekh Mustafa Cali Caanood oo lagu eedeeyey inuu faafiyo fikirka kooxaha xagjiriinta ah.

“Iyada oo laga duulayo go’aanka dowladda ee la xiriira ciribtirka fikirka marin habaabinta ah ee kooxaha Khawaarijta ah ayaa ciidamada Amnigu waxay xalay oo ku beegnayd November 13, 2022 soo xireen Mustafa Cali Caanood oo ah shakhsi caadeystey fidinta fikirka Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Hawlgalka lagu qabtay Mustafa ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana la qabtay xilli uu isku dayay in uu ka baxsado ciidamada amniga, sida qoraalka lagu sheegay.

Wadaadkan ayaa baraha bulshada marar badan lagu faafiyey muuqaalladiisa, isagoo gaaleysiinaya dad badan oo ay ka mid yihiin dhalinyaradda ciyaaraha jecel ee taageera kooxaha ka dhisan Ingiriiska iyo Talyaaniga.

“Mustafa Caanood ayaa ah shakhsi caadaystay faafinta fikirka Khawaarijta, waxaana fariimihiisu ahaayeen kuwa loogu talo-galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Sida ay sheegtay dowladda, Mustafa waxaa la horgeyn doonaa sharciga si loogu soo oogo dembiyada lagu eedeynayo. 

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay mar kale ku celinayso in ay mamnuuc tahay nooc kasta oo ah faafinta iyo dhiirigalinta afkaaraha qalafsan ee Khawaarijta, afkaarahaas oo inta badan loo adeegsadey in lagu laayobomolaal shacab ah oo aan waxba galabsan. 

“Waxaa kale oo reeban nooc kasta oo ah la macaamil iyo gacansiinta Khawaarijta naf la caariga ah. Dawladdu waxay uga mahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xarigga Mustafa Cali Caanood ayaa yimid, iyadoo la sheegay inuu si buuxda u tageeray Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sawirro: Ciidan iyo gaadiid dagaal oo qeyb ka noqonaya dagaalka Shabaab oo gaaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa maanta gaaray ciidamo badan iyo ugu yaraan 30 gaadiidka dagaalka ah, kuwaasi oo ay hogaaminayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidanka iyo gaadiidka dagaal ee gaaray Qaayib ayaa waxay door muhiim ah ka qaadan doonaan howl-galada dagaalada ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiisha iyo Masuuliyiinta kale ee la socotay ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay hadda u diyaarsan yihiin iska xoreynta Al-Shabaab, islamarkaana ay dhawaan howl-geli doonaan.

Ciidamadaan ayaa si gaar ah qeyb uga noqonaya dagaalka cadowga looga xoreynayo deegaanada ku yaala bariga gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen saraakiisha hogaamineysay.

Arrintaan ayaa imaneysa xili ay dhawaan Ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen deegaano ku yaala bariga gobolka Galgaduuda sida; Wabxo, Warxoolo iyo deegaano kale, inkasta oo ay dib uga soo baxeen.

Daawo: Haweeney lagu tuhmayo qaraxii Istanbul oo la xiray + Dalka ay u dhalatay

0

Istanbul (Caasimada Online) – Turkey ayaa maanta ku eedeysay haweeney u dhalatay dalka Syria inay talaashay qaraxii lixda qof ku dilay magaalada Istanbul Axaddii, ayada oo ku eedeysay kooxda Kurdish-ka ee PKK inay fulisay weerarka.

Laba gabdhood oo da’doodu aheyd sagaal iyo 15 jir, ayaa ka mid ahaa dadka lagu dilay qaraxa oo ka dhacay waddada Istiklal Avenue. In ka badan 80 qof oo kale ayaa lagu dhaawacay.

“Qofka talaalay bamka waa la xiray,” ayuu wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ku yiri bayaan uu soo saaray oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah Anadolu Agency.

“Sida ay muujinayaan xogaha aan helnay, ururka argagixisada ee PKK ayaa ka mas’uul ah,” ayuu yiri Soylu.

PKK, oo ah urur argagixiso oo liiska madow ay ku dareen Ankara iyo xulufadeeda Reer Galbeedka, ayaa muqaawamo dhimasho leh ka wadday gobolka iskiis isku maamul ee Kurdish-ka ee koonfurta bari ee Turkey tan iyo sideetamaadkii. 

Booliska, oo uu soo xigtay taleefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV, ayaa sheegay in qofka ugu weyn ee la tuhunsan yahay ay tahay haweeney Suuriyaan ah oo u shaqeysa mintidiinta Kurdish-ka. Waxaa guud ahaan la xiray 46 qof, sida ay booliska sheegeen. 

Muuqaallo ay booliska la wadaageen warbaahinta Turkey ayaa muujinaya haweeney da’ yar oo xiran funaanad midab buluug-guduud ah oo booliska ay ku xirayaan dhisme ku yaalla Istanbul.

Booliska, oo ay soo xigteen NTV, ayaa magaceeda ku sheegay Alham Albashir, waxayna sheegeen in abaare 02:50 am lagu xiray duleedka Istanbul. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay inay tababareen sirdoonka PKK.

Taleefishinka NTV ayaa sidoo kale muujiyey muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka ammaanka oo muujinaya haweeneyd xiran surwaal iyo qamaar madow oo ka carareysa goobta qaraxa.

Wasiirka cadaaladda Bekir Bozdag ayaa taleefishinka A Haber u sheegay in haweeneyd ay 40 daqiiqo fadhisay goobta, “kadibna istaagtay”, ayada oo ka tagtay bac.

“Hal ama laba daqiiqo kadib, waxaa dhacay qaraxa,” ayuu yiri.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

AFP, VOA

Cawad: Doorasho qof iyo cod ah kama dhici karto Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa markii u horeysay ka hadlay barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ee khilaafka siyaasadeed ka abuuray Puntland.

Danjire Cawad oo wareysi siiyay idaacada Daljir ayaa waxa uu sheegay in xiligaan ay Puntland ka dhici karin doorashooyinka qof iyo cod, maadama uu ku dooday in maamulka uusan buuxin shuruudaha aas-aasiga u ah doorashada noocaasi ah.

“Si loo qabto doorashooyin qof iyo cod ah, waa in ay heshiis ku yihiin oo isku raacsan yihiin dhamaan dadka ku nool meesha laga qabanayo,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad.

“Waa in dadka dalka jooga oo dhan ay xor u yihiin inay ka qayb-geli karaan doorashooyinka qof iyo cod waa Universal suffrage, cid kasta ayaa xaq u leh. Waa in aysan maamulin xukuumadda markaas jirta oo waxa la yiraahdaa level playing field dadka oo dhan waa in ay dhex u tahay, dadkaa iska leh.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in doorashada qof iyo cod ay u baahan tahay madax-banaanida guddiga qabanaya doorashooyinka, haddii kale loo adeegsan karo musuq maasuq iyo keligii-talisnimo.

“Waa in uu jiraa census wax la yiraahdo oo tira-koob waa in uu jiraa, oo dhammaan dadku tira-kooban yihiin, si loo hirgeliyo doorashooyinka qof iyo cod,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

“Doorashada noocan ah waxaa kale oo muhiim u ah madax-banaanida guddiga qabanaya doorashooyinka iyo inay jirto maxkamad dastuuri ah (constitutional court) oo xallisa haddii muran ka dhasho.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “hadddii laga weeciyo mabaadi’da aas-aasiga ah u ah doorashooyinka dunida ee doorashada qof iyo cod waxaa loo adeegsan kara musuq-maasuq iyo keligii-talisnimo, sida marar badan ka dhacday Ruushka.”

Danjire Cawad ayaa ugu dambeyntiin tusaale u soo qaatay dalka Ruushka oo sida uu sheegay markasta laga qabto doorasooyin qof iyo cod ah, haddana uu mar kasta uu ku soo baxo madaxweyne Vladimir Putin.

Macallin C/llaahi C/raxmaan oo lagu dilay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo maanta kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaas oo kadib goobta isaga baxsatay.

Dilka oo ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgooye, gaar ahaan dhanka Haanta Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo geystay nin oday ahaa ioo lagu magacaabi jiray Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan, kaas oo caan ka ahaa deegaanka.

Marxuumka ayaa xilliga la dilayey ka soo baxay Salaaddii Subax, ayada oo rag hubeysan ay toogasho ku dileen, mana illaa iyo hadda sababta ka dambeysa dhacdadaan.

Allaha u naxariistee Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan ayaa Imaam ka ahaa masaajid ku yaalla halkaas, waxaana dilkiisa ka dambeysay burcad ah taleefoon ka dhaceysay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban sameeyey, balse ma jirto faaahfaahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen dhacdadaas iyo haddii ay jiraan inay dad usoo qab qabteen dilka.

Waa Imaamnkii labaad oo todobaadkan gudihiisa lagu dilayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo Jimcihii la soo dhaafay Dharkenley lagu dilay Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaal degmadaasi.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey wajaheysay xaalad amni oo daran, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab culeys xoogan soo saartay gudaha caasimada, iyada oo kaga jawaabeyso dagaallada uga furan gobollada dalka.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay maalmo kahor soo saartay digniin ku saabsan weeraro ay Al-Shabaab la damacsan tahay Muqdisho.

Su’aallo ka dhashay shir ay xildhibaano ka tirsan BF ku yeesheen KIGALI + Sawirro

0

Kigali (Caasimada Online) – Shir gaar ah oo ay yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Kigali ee caasimada dalka Rwanda, kaas oo ay ka dhasheen su’aallo iyo sidoo kale hadal-heyn xoogan.

Shirka ayaa ku saabsanaa wada xaajoodka shuruucda muhiimka u ah arrimaha maaliyada dalka, geedi socodka hannaanka deyn cafinta iyo sidoo kale diyaarinta iyo turxaanbixinta miisaaniyadda dalka ee sanadka 2023 kaasoo maalimihii la soo dhaafay ka socday Kigali.

Waxaa shirka ku sugnaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir iyo xildhibaano badan oo ka tirsan guddiyada baarlamaanka.

Abshirow oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ka go’an tahay sidii dadka iyo dalka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa isku filnaansho dhaqaale.

Haddaba sidee looga falceliyey shirkan la geeyey magaalada caasimada ah ee Kigali?

Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticaamla baraha bulshada ayaa aad uga hadlay arrintaan, iyaga su’aallo ka keenay sababta keentay in shir noocaan oo kale ah oo ay ka qayb-galayaan xildhibaano Soomaaliyeed loo doortay in lagu qabto dalka dibaddiisa.

Inta badan dadweynaha ka falceliyey shirka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in lagu qabto Kigali, waxayna ku doodeen in lagu shiri karay dalka gudihiisa, ayada oo laga fakirayo dhaqaalaha.

“Shir intan oo dad ah ka qeyb galayaan sababta Kigali loogu qabtay ayaa la yaabay intaan oo xildhibaan mid kasto Tikid ayuu goostay safarkiisa qarash ayaa ku baxay. Maxaa diidayo in qarshkaas la Save gareeyo shirkan Xamar lagu qabto?,” ayuu yiri Maxamed Jiinow.

“Waa nasiib daro wayn in dalka dibaddiisa lagu qabto shir noocaan ah aqligiina ha shaqeeyo,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed.

“Shirarka maa lagu qabto dalka maxaa dal shisheey la gala doonaa?” ayey iyaduna tiri Maryan Jaamac Cali.

“Intaan oo masuul hotel ay ku shiraan miyay ka waayeen Xamar iyo dalkiiba?” ayuu isna yiri Yuusuf Balayax.

“Maxaa diidaya shirarka Soomaalida in lugu qabto wadanka gudahiisa?. Kigali, Kampala & Nairobi ayaa dhaqaalihi Soomaalida la galiyey” ayuu yiri Cabdisamad Cabdullahi.

Xoogag ka tirsan DF iyo kuwo dibedda ah ‘oo fashilinaya’ dagaalka lagu jiro Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday in xoogag ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwo dibedda ka jooga ay iska kaashanayaan fashilinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waare ayaa tusaale usoo qaatay ka-bixitaanka ciidamada dowladda ee deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay dib u qabsadeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, iyo dagaal beeleedka ka dillaacay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Kadib ka-bixitaankii ciidamada xoogga dalka ee Wabxo, iyo kasii darista dagaal beeleedka Cadale, waa ay caddahay in xoogag qarsoon oo ku jira dowladda iyo kuwa dibedda ka ah ay waxyeeleynayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijita. Waa arrin murugo leh, waana sir furran,” ayuu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii laga hortagi lahaa kooxda fashilineysa dagaalka ee la joojin lahaa.

Waare ma uusan magacaabin kooxdan, hase yeeshee todobaadyadii dhowaa waxaa gaabis xooggan uu ku yimid dagaalka lagu jiray kooxda Al-Shabaab, taasi oo wiiqday rajada laga qabo in dagaalka uu guuleysto.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay aheyd inuu dagaalka hoggaamiyo, islamarkaana dhiiri-geliyo shacabka iyo ciidanka dowladda, ayaa waqtigiisa ugu badan ku bixinaya safaro dibadeed oo badankood aan wax macno iyo dan ah ugu jirin Soomaaliya. 

Inkasta oo safarrada qaar loo qiil dayi karo sida kii ugu dambeeyey ee Eritrea, haddana Xasan Sheekh wuxuu galayaa kuwa kale oo macno-darro ah, sidii shirkii cimilada ee magaalada Sharma Al-Shaikh ee dalka Masar, oo wasiirada dowladda ay ku filnaayeen.

Si kastaba, hadda madaxweynaha aanu isbeddel deg deg ah sameyn, islamarkaana cago dhigin dalka, waa adkaan doontaa in laga adkaado Al-Shabaab.

Xukuumadda Somaliland oo jawaab ka bixisay go’aankii ay qaateen Mucaaradka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab rasmi ah kasoo saartay go’aanka kasoo baxay xisbiyada mucaaradka ee Wadani & UCID oo xalay shaaciyey in Muuse Biixi aysan u aqoonsaneyn madaxweyne, kadib 13-ka November oo shalay aheyd.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo u warramay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in hadalka kasoo yeeray mucaaradka uu meel ka dhac weyn ku yahay qaranimada Somaliland, ayna sidoo kale tahay arrin ayaan darro ah.

“Waxaa ayaan darro ah in dadkii dalkaan ka doonayay in ay xukumaan ee Ummadda codka ka doonayay ay yiraahdaan dalkaan doorasho kama jirto, Xisbiyadu waxa ay Mucaarad ku yihiin Qaranka Somaliland” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka ay ku dhowaaqeen xubnaha mucaaradka uu yahay wax laga xumaado, islamarkaana dhaawacaya dimuquraadiyadda Somaliland.

Kaahin ayaa sidoo kale ku eedeeyey xisbiyada Wadani iyo UCID in ay wadaan abaabulka kacdoon bulsho, si loo kico dadweynaha reer Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale taliyaha Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa ka hadlay xiisadda kacsan ee Somaliland, isaga oo digniin adag u diray hoggaanka xisbiyada mucaaradka maamulkaasi iyo sidoo kale taageerayaashooda.

Dabagale ayaa wacad ku maray in ay ka hortegi doonaan rabshado ka dhaca Somaliland, islamarkaana ay adeegsan doonaan awood ciidan, haddii mucaaradku tallaabo qaado.

“Booliisku waxa ay isu yimaadaan qofka shuruucda dalka kahor yimaada, Dadka faraha la gala amni darro, Dadka wixii soo baxa ee khaladaad nooca uu doono ha ahaado sameeyo way is arkaan, Dadka kale wuu ilaaliyaa, Qof wailibow gurigaaga ku jir, Qof walibow shaqadaada qabso oo Amniga garab istaag” ayuu yiri Sarreeye Guuto Maxamed Aadan.

Somaliland ayaa wajaheysa xaalad hubanti la’aan ah, taas oo ka dhalatay go’aanka kasoo baxay mucaaradka oo iska diiday muddo kordhintii dhowaan loo sameeyey madaxweyne Muuse Biixi, iyaga oo shaaciyey inay qabsan doonaan doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Sawirro: Soomaaliya oo markii ugu horreysay yeelaneysa Xarunta Xogta Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa shalay soo kormeeray dhulka loogu tala-galay in laga dhiso xarunta Xogta Qaranka (National Data Center) oo ku taalla gudaha xerada Xalane, gaar ahaan halka ay Badda ka soo galaan Internet-ka dalka.

Wasiirka ayaa waxaa kormeerkaan ku wehlisay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Marwo Fardowso Cismaan Cigaal, wasiir ku-xigeenka Mudane Sulub Axmed Firin iyo ku-xigeenka maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheekh.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in dhulkaan la siiyey wasaaradda Isgaarsiinta, islamarkaana ay qorsheynayaan in laga dhiso kaydka xarunta Xogta Qaranka (National Data Center).

“Waxaan booqday dhulka wasaaradda ku leedahay aagga Xalane, qorshaha wasaaradda waxaa ku jira in la dhiso xaruntaan oo muhiim u ah in lagu keydiyo Xogta Qaranka, waa fursad aad u weyn in dhamaan Xogta Soomaaliya iyo hay’ad walba oo macluumaad ururiso in hawada toos ugu jirto, iyada oo ammaan ah la helikaro xilli walbo oo loo baahdo,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Xaruntaan oo laga dhisi doono meel u dhow halka Internet-ka ka soo galo dalka, ayaa waxa looga maarmi doona in dalal kale lagu hayo xogteena, sida himika jirta. Wuxuu dal walba horumar ku gaaraa sida uu u keydsado Xogta Qarankiisa.

Ciidamada DANAB oo ka hortegay qaraxyo kadib…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano waqooyiga ka xiga magaallo xeebeedka Kismaayo.

Howlgalka oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ayaa ciidamadu waxa ay ku gaareen deegaanada kala ah:- Dheycabdi, Mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo Bandarjadiid oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu aysan la kulmin wax iska hor imaad, islamarkaana ay deegaanadaas kula wareegeen si nabad doon.

Saraakiil u hadashay Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee ciidanka Danab oo howlgalladan sameeyey inay deegaanada ay qabsadeen laga soo abuubuli jiray weerarada Al-Shabaab, sidoo kalena ay burburiyeen saldhiga iyo xarumo kale oo ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay ka hortageen weeraro qaraxyo, islamarkaana ay ku guuleystaan inay soo saaraan sagaal miino oo ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka muhiim ah oo ay isticmaalaan dadka shacabka iyo gadiidka isaga kala goosha gobolkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya agagaarka magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Tallaabadan ay qaadeen ciidamada Danaba ee ku sugan Jubbooyinka ayaa qayb ka ah howlgallo la doonayo in lagu qaado Al-Shabaabka ku sugan gobolladaasi.

 

Sawirro: Xasan oo qaabilay safiirka cusub ee Imaraadka oo farriin soo gaarsiiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Axmed Jumca Al-rumeysi. 

Danjire Axmed Jumca ayaa sidoo kale Xasan Sheekh soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda Imaaraatka Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah. 

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay in iminka ay tahay dowladda ugu saameynta badan Soomaaliya, waxayna si aad ah isugu dhow yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, ayada kaalintaas kala wareegtay dowladda Qatar oo ay xulufo ahaayeen madaxweyne Farmaajo. 

Dhowaan, Caasimada Online waxay qortay in Imaaraadka Carabta iyo Masar ay Soomaaliya ka qorteen 3,000 oo ah dhallinyaro la askareynayo, kuwaas oo qaarkood lagu tababarayo Muqdisho, halka qaarna loo qaaday dalka Masar.  

Mashruucan ayaa waxaa maal-gelinaya Imaaraadka Carabta, halka Masaarida ay bixinayaan tababarka, ayada oo dowladda Soomaaliya ay isku dayday inay ka dhigto mid ka qarsoon shacabka iyo caalamka kaleba. 

Halkan ka aqrsio warbixintaas.

Taliyaha CID-da ee Mudug oo isku day dil ka badbaaday

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas xalay saq-dhexe ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taas oo lagu furay guri uu magaaladaasi ka dagan yahayn taliyaha CID gobolka Mudug Mahad Cabdi Jaamac.

Wararka ayaa sheegaya in falkan ay ka dambeysay koox cabtoy ah oo weerar ku qaaday guriga taliyaha, kadibna goobta isaga baxsatay.

Ugu yaraan hal askari oo ka mid ah ilaalada taliyaha ayaa falkan ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee magaalada Garoowe.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in haatan ay wadaan baaris dheeraad ah, islamarkaana ay ku daba jiraan kooxihii ka dambeeyey dhacdadaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in la doonayey in falkan lagu khaarijiyo  taliyaha CID ee gobolka Mudug, balse uu ka badbaaday isku daygaasi dilka ah.

Garoowe oo ah xarunta  Nugaal iyo caasimada Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu xasiloon dhanka amniga, walow mararka qaar ay shaqaaqooyin ka dhacaan.

Si kastaba, deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa ku badan ka dhacay iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, ayada horey taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho  loogu dilay dagaal ciidamada amaanka maamulkaas ay la galeen koox cabtoy ah oo sidoo kale ka ganacsatada Qamriga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay taliye ciidan

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Gaashaanle Sare Mubarak Cabdiqani Muuse u magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.

“Madaxweynaha ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna ballaaran,” ayaa lagu yiri dikreetada.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xeerkan Madaxweyne oo waafaqsan qodobada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqan galay faafinta rasmiga ah.”

Taliyihii hore ee ciidamada badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo khilaaf adag uu soo kala dhex galay isaga iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu dambeysay waxaa shaqo joojin ku sameeyey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

27-kii December 2021-kii ayuu Farmaajo amray taliyaha xoogga inuu shad aka joojiyo Taliyihii ciidanka badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir, xilligaas oo R/Wasaare Rooble uu eedeyn culus u mariyey warbaahinta.

Mucaaradka Somaliland: Maanta kadib Muuse Biixi uma aqoonsanin madaxweyne

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba ay kalsoonidii iyo aqoonsigii kala noqdeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib markii uu diiday inuu dalka doorasho geliyo.

Kulan saacado badan qaatay oo u socday mucaaradka ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed dheer, waxaana warbaahinta u akhriyey hoggaamiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro.

Shantii sano ee xil heynta ayaa maanta u dhamaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, mucaaradka ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan doorasho kasta oo aan heshiis lagu ahayn.

Mucaaradka ayaa bayaankaan ku sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal kasta oo lagu gaarayo heshiis doorasho.

“Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo xukuumadiisa uma aqoonsanin qaar sharci ku fadhiya, sii socoshada xukunkiisu waxay ku suntantahay xoog ku haysasho iyo kalidii talisnimo, inta la helayo heshiis siyaasi ah oo layska ogolyahay oo lagaga baxo khilaafka ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu sheegay in axsaabta mucaaradku ay aqoonsanyihiin jadwalkii doorashada ee ay soo saareen guddida doorashooyinka Somaliland, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay galaan doorashooyinka oo ay ugu soo horayso doorashada madaxweynaha.

Sidoo kale mucaaradka ayaa bayaankaan ku sheegay inay aqoonsanyihiin sharcinimada golayaasha sharci dajinta, dowladaha hoose iyo maamulka adeega dadweynaha.

Guddoomiye Cirro ayaa shacabka ugu baaqay in nabadda ay ilaashadaan, sidoo kale wuxuu u soo jeediyey shacabka in sharci darrada uu wado Muuse Biixi aysan aqbalin, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hoos ka akhriso bayaanka mucaaradka Somaliland