27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Dagaal culus oo galabta ka dhacay Hiiraan iyo khasaare badan oo ka dhashay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cabdi-cagweyn oo u dhow deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana lasoo werinayaa in khasaare culus uu ka dhashay dagaalkaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa galabta kooxda Al-Shabaab ku weeraray deegaanka Cabdi-cagweyn, waxaana halkaas looga dilay dagaalamayaal badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay maalmihii lasoo dhaafay fariisimo ka sameysteen deegaankaas, kadib markii ay dhanka bari uga soo talaabeen wabiga Shabeelle.

Dadka ku nool deegaanadii lagu dagaalamay maanta, ayaa sheegay in tobaneeyo Shabaab ah meydadkooda lagu arkay deegaan, balse ma cada tirada rasmiga ah ee khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay inay kooxda Al-shabaab kala wareegeen fariisimahii ay ka sameyteen deegaanka Cabdi-Cagweyn.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay deegaano kale oo dhaca jiinka wabiga Shabeelle, gaar ahaan dhinaca bari ee wabiga ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugaanaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda.

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalameysa deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ayaa doomo uga soo gudba wabiga, iyagoo fariisimo waa weyn ku leh dhanka deegaanada Galbeed ee jiinka  wabiga.

Wabiga Shabeelle ayaa kala bara deegaanada biriga iyo galbeedka ee gobolka Hiiraan, waxaana kooxda laga xoreeyey deegaanada bari, iyagoo weli ku harsan deegaano badan oo wabiga ka xiga dhinaca galbeed.

 

Sawirro: Qarax dhimasho iyo dhaawac badan sababay oo ka dhacay magaalada Istanbul

Istanbul (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, 53 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ruxay waddada Istiklal Avenue ee degmada taariikhiga ah ee Beyoglu ee magaalada Istanbul, sida uu xaqiijiyey barasaabka magaalada Ali Yerlikaya. 

Qaraxa ayaa dhacay abaare 16:20 pm, sida uu sheegay Yerlikaya. 

“Booliskeena, caafimaadka, dab damiska iyo kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa loo diray goobta. Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac. Wixii kusoo krodha dib ayaan idin kaga soo sheegi doonnaa,” ayuu yiri.

Booliska ayaa xiray waddada Istiklal sababo la xiriira suurta-galnimada qarax labaad, sida ay ku warantay warbaahinta Turkey.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinayey meydad iyo dhaawacyo dhulka yaalla, oo uu ku jiro canug yar. Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa.

Dhinaca kale, hay’adda sharci-dejinta warbaahinta Turkey ee TRUK ayaa manuucday in la baahiyo sawirrada qaraxa ama la bixiyo warbixin ku saabsan marka laga reebo bayaanada dowladda.

Bayaan kasoo baxay xafiiska dacwad-oogaha guud ee magaalada Istanbul ayaa lagu sheegay inuu billaabay baaritaan lagu sameynayo dhacdadan. 

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyey qaraxan “aadka u xun,” wuxuuna sheegay in lagu dilay 6 qof, islamarkaana 53 kale lagu dhaawacay.

“Si dhab ah uma dhihi karno waa weerar argagixiso, balse waxaa jira astaamo muujinaya, inta aan ogahay. Waxaa jirta haweeney ku lug laheyd dhacdadan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

“Hay’adaha ku shaqada leh ee dalkeena ayaa ku howlan inay helaan kuwa ka dambeeyey qaraxan aadka u xun.”

 

Sawirro: R/Wasaare XAMZA oo maanta xariga ka jaray dhisme dowladeed cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Dhismaha xaruntaan oo si wanaagsan loo qalabeeyay ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay xaruntaan cusub, isagoona u mahad-celiyay dowladaha Denmark, Norway, UK iyo Finland oo dowladda ka taageeray dhismaha xaruntaan.

Xamza oo ka hadlay munaasibada ayaa tilmaamay in hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay tahay wajiga qaranka, islamarkaana tallaabada lagu dhisay xaruntaan ay muujinayso dardarta ay ku socdaan horumarka hay’addaan iyo xoojinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu guud ahaan shaqaalaha hay’adda ku bogaadiyey howsha wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu kula dardaarmay maamulka iyo howl-wadeennada hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan shuruucda iyo hufnaanta shaqo ee muwaadiniinta ay adeegyada siinayaan, ayna sii horumariyaan hanaanka shaqo oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo sugida amniga.

Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, agaasimyaashii hore ee hey’adda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Mucaaridka Somaliland oo qarka u saaran inay maamul cusub ku dhowaaqaan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaanka xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Ucid iyo Wadani ayaa waxaa saacadihii u dambeeyay u socday kulamadoodii ugu dambeeyay ee ay ku cadeynayeen mowqifkooda ku aadan muddo xileedka dhamaaday ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka oo saacada badan qaatay ayaa lagu wadaa inay maanta ku shaaciyaan go’aamo cusub, xili ay dibadbaxyadii saaka u baajiyeen saacado kooban dalab uga yimid Suldaanka guud ee Somaliland.

Labada xisbi oo la filayay in saaka subaxdii ay warbaahinta kula hadlaan magaalada Hargeysa ayaa waxaa shirkoodii jiraa’id ku yimid dib u dhac, maadama ay weli socdaan wada-hadalada hoggaanka labada xisbi ee ku aadan xiisada taagan.

Madaxda xisbiyada ayaa sidoo kale la filayaa inay kulama la qaatan xubna ka socda beesha caalamka iyo saaxibada taageera hanaanka dimuqoraadiyadda Somaliland, oo xiisada taagan darteed u tagaya caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Mucaaridka ayaa horay ugu dhawaaqay inaysan aqbaleyn in waqti dheeri ah uu xafiiska sii joogo madaxweyne Muuse Biixi, waxaana lagu soo waramayaa inay sareyso suurta-galnimada inay maamul gooni ah ku dhawaaqaan.

Sidoo kale waxaa qaybo kamid ah Somaliland ka socda abaabulka isku soo baxyo ay sameynayaan dadweynaha taageersan mucaaridka, oo iyagu kasoo horjeeda muddo kordhin laba sano ah oo dhawaan Golaha Guurtida u sameeyeen Muuse Biixi.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 November ayaa waxaa gebi ahaanba ku eg muddo xileedka shanta sano ah ee dastuurka Somaliland u ogolaanayo in uu Muuse Biixi sii joogo xafiiska.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday Muuse Biixi Cabdi ayaa illaa xalay waday isku-dayo uu ku rabo in uu ku dajiyo xiisada ka taagan muddo xileedkiisa dhamaaday, islamarkaana uu ku baajiyo dibadbaxyada ay mucaaridka qorsheeyeen.

Hase yeeshe isku-deyga Muuse Biixi ayaa waxaa ku gacan seyray mucaaridka oo iyagu ku doodaya in Biixi uu hore waxba uga maqli waayay ergo dhowr ah oo isku xilqaamtay wax ka qabashada xiisada siyaasadeed ee taagan.

Si kastaba, Saacidihii u dambeeyay ayaa waxaa deegaanada Somaliland ka taagneyd xaalad deganaansho la’aan siyaasadeed ah, ayada oo laga cabsi qabo in xiisada taagan ay isku badasho rabshado hor leh oo u dhaxeeya mucaaridka iyo xukuumadda uu hogaamiyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Tarsan oo raali-gelin siiyey madaxweyne Saciid Deni iyo beesha Cismaan Maxamuud

0

Nairobi (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka hadlay muuqaal laga duubay oo ku baahay baraha bulshada, kaas oo uu uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ka dhan ah Beesha Cismaan Maxamuud.

Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in Beeshaas ay tahay Jareer, islamarkaana laga keenay Zanzibaar, isaga oo tusaale usoo qaatay madaxweyne Deni, sida uu ku yiri codkiisa oo laga maqlayo muuqaalka laga duubay oo uu qof kale wareysanayo.

“Cismaanka Maxamuud oo dhan wada jareer weeye Zanzibarbaa laga keenay waa run war Deni arag,” ayuu ku yiri muuqaalka laga duubay Tarsan.

Tarsan oo qoraal soo saaray ayaa markale ka hadlay arrintan, wuxuuna qiray in hadalkaas uu yiri, kaas oo ay dhibsatay Beesha Cismaan Maxamuud.

“Aniga oo ah Danjire Maxamuud Axmed Nuur, waxaan si buuxda raalli gelin uga bixinayaa hadalka baraha bulshada la wareejinayo oo ah mid aan anigu iri” ayuu yiri Tarsan

Sidoo kale wuxuu raalli-gelin buuxda siiyey madaxweyne Saciid Deni, Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo guud ahaan Beesha Cismaan Maxamuud oo uu ka raalli-geliyey hadalkaasi.

“Qof kasta oo dhibsan kara ayaan si niyad ah uga raalli gelinayaa gaar ahaan Beesha Cusmaan Maxamuud, Boqor Burhaan iyo Madaxweyne Siciid Deni,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa si weyn u baahay, waxaana ka falceliyey dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood sheegay inay arrintan u arkaan inay tahay mid kaftan ah, balse waxaa haatan ka jawaabay Danjire Tarsan oo soo afjaray dooddii ka dhalatay hadalkiisa kadib raalli-gelinta uu haatan bixiyey.

Saddex arrin oo sababay isu soo dhowaashaha dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa maalmihii ugu dambeeyey bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka iskaashi ee ka dhexeeya labadaan dowladood oo sidoo kale ah kuwa daris ah.

Aqoonyahan Cabdiraxmaan Sahal oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ka hadlay xiriirka labada dowladood iyo isku dhowaashaha ay sameeyeeen maalmihii lasoo dhaafay.

Sahal oo u warramay Universal TV oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Ethiopia ay isaga xiran yihiin dano dhowr ah, ayna ku qasban yihiin inay iskala shaqeeyaan.

“Marka laga hadlayo xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Ethiopia waa wax ku saleysan dowlad kasta danteeda iyo siyaasaddeeda arrimaha gudaha iyo dibadda. Labadaan dal waa daris oo runtii waxyaallo fara badan ay ka dhexeyn karaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sahal.

Sidoo kale wuxuu isku dhowaashaha ay haatan sameeyeen u sababeeyey saddex arrimood oo uu sheegay inay xudun u yihiin hana qaadka labada dowladood Soomaaliya & Ethiopia.

“Isbeddalka jiraa wuxuu yahay waa saddex arrin mid waxaa weeyaan Ethiopia oo hadda runtii kasoo kabaneyso dagaalladii socday laga soo laabo 2020-kii illaa hadda. Mida labaad Soomaaliya lafteeda oo guul laga gaaray doorashadii May dhacday oo iyadana isbeddal uu ka dhacay keentayna xasilooni siyaasadeed. Midda saddexaadna ay tahay Al-Shabaab oo soo xoogeystay oo bishii July ee lasoo dhaafay isku dayey in ay Ethiopia galaan oo dhulka Soomaalida ay ka galaan dagaallo ba’an” ayuu markale yiri Cabdiraxmaan Sahal.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in arrimahan oo dhan ay keeneen in bog cusub ay furaaan xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa, si ay uga wada shaqeeyaan danahooda.

“Saddexda arrin marka la fiiriyo waxa ay keenayaan in Page cusub la furo oo la’iska kaashado arrinta ku saabsan siyaadda iyo faragelinta arrin mar kasta la xiriira Soomaaliya waayey wax ku xiran Ethiopia ma ahan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey aqoonyahay Sahal.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu wanaagsan yahay xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana ugu muhiimsan oo ay labada dal ay iska kaashanayaan ammaanka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, ayada oo arrintaasna ay heshiis ku kala saxiixdeen hay’adaha sirdoonka ee labada dowladood oo maalmo kahor wadahadallo ku yeeshay caasimadda dalka Ethiopia.

Shabaab oo maanta dib ula wareegay degaanka Wabxo iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xoogaga Al-Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Wabxo oo hoostaga degmada Baxdo, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada Xoogga dalka.

Al-Shabaab ayaanan iska caabin ah G/le Ismaaciil Cabdimaalik , waxayna dib ugu laabteen fariisimihii ay horey ugu sugnaayeen, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gaaf wareegayaan deegaanka, islamarkaana ay difaacyo ka sameysteen halkaasi.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xalay ka soo baxeen deegaanka, saaka wabarigiina ay soo galeen xoogaga Al-Shabaab.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u gurashada ay sameeyeen ciidamada dowladda, balse taliyihii hore ee ciidanka Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysay ciidanka xoreeyey Wabxo ayaa sheegay in marka looga soo baxay deegaanka uu bixiyey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gaashanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in uu jiro qalad ka yimid dhanka taliska ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna sheegay in taasi ay fursad siineyso kooxda Al-Shabaab.

Arrintan ayaa dib u dhigeysa qorshihii ahaa in horey loo sii wado howlgallada ka socdo Galgaduud oo ujeedkooda u ahaa in lagu gaaro illaa degmada Ceelbuur ee gobolkaasi.

Waalidiinta askarta Eritrea ku maqan oo shaaciyey xog ay la wadaageen wiilashooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababr ay ugu qaaday dowladdii uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli rejo ka qaba in dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay dalka dib ugu soo celiso.

Mid kamid ah Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin Eritrea oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay inay rejaynayso in dib ula kulanto wiilkeeda oo sanado badan tababar ugu maqan dalkaas, balse mar ay dhowaan la hadashay aanu u sheegin in lasoo celinayo dhowaan.

“Markii u horeysay ee uu baxay Eritrea la geyna nalama dhihin, waxbarasho Qatar ah ayaa naloo sheegay. Waan naxay markii lagu murmayay inay Eritrea jiraan, markii dambe hal sano iyo toddoba bil isaga oo maqan ayaa aqbaar ka helay,” ayey tiri Hooyadaan oo kamid ah Waalidiinta ay ka maqan yihiin wiilashooda.

“Asbuucii hore Talaadada ayuu isoo wacay oo dhib ma sheegin, tababarka mar hore ayuu noo dhamaaday ayuu i dhahay, waqti ay soo baxayaan ma ii sheegin laakiin rejo Ilaahay ayaa ka leenahay.”

Sidoo kale waxay ka dalbatay madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda kasoo laabtay magaalada Asmara ee caasimada Eritrea in wiilashaas maqan ee wiilkeedu ku jiro uu dib ugu soo celiyo dalka.

“Madaxweynaha waxaa ka codsan laheyn in si deg deg ah inoogu keeno Ilmaheena, waa u xiisnay Ilmaheena oo aad iyo aad ayaa u rabna, inaga oo nabad qabna in aan aragno koley waqtiga uu qofka bini’aadamka uu noolaanayo Allahu-aclam.”

Waxay sii raacisay hadalkeeda “Wax ma ka qabi in (Wiilkeygu) wadankiisa u shaqeeyo oo difaacdo waa rajeynaya, in asaga isbedelo ma ogiye aniga dhib kuma qabo.”

Dhalinyaradaan oo dalka Eritrea tababar ugu maqan mudo ku dhow afar sano, ayaa waxaa shalay soo kormeeray xeryaha ay ku jiraan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kahor inta aanu kasoo laabay Asmara.

Waa markii labaad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu dhalinyaradaan ku booqdo xeryaha lagu tababaro, waxaana socda qorshe la doonayo in ciidankaan dalka loogu soo celiyo oo dowladda Soomaaliya ay wado, laakiin ilaa hadda dowladdu ma shaacin waqtiga kama dambeysta ah ee ciidankaan dalka lagu soo celinayo.

Dilalka qorsheysan oo kusii kordhaya MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad amni oo daran, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab culeys xoogan soo saartay caasimada, iyada oo kaga jawaabeyso dagaallada uga furan gobollada dalka.

24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xaafadaha magaalada Muqdisho lagu dilay illaa 5 ruux, kuwaas oo dhammaantood toogasho gaadmo ah lagu dilay.

Baar-Ubax ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu dilay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Kowte Faarax Shiil iyo Cabdi Yuusuf Maxamed (Zeytuuni), kuwaas oo ka shaqeynayey baabuurta isaga kala goosha gobollada dhexe iyo Muqdisho, waxaana dilka fuliyey xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Labada nin ee lagu dilay Baar-Ubax ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Cadaado oo Al-Shabaab beesha degto muddooyinkii u dambeeyey ay ku heysay beegsi gaar ah.

Sidoo kale waxaa xalay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir isna lagu dilay Nabadoon Xasan Cali Aybakar oo ka mid ahaa waxgaradka caanka ah ee magaalada Muqdisho.

Nabadoonka ayaa waxaa toogasho ku dilay rag ku hubeysnaa bistoolado, xilli uu ku sugnaa Farmashiye ku yaalla agagaarka halka loo yaqaano Sii Sii.

Dhacdooyinka kale waxaa ka mid ah dilal qorsheysan oo shalay ka kala dhacay degmooyinka Dayniile iyo Dharkenley oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Dilka ka dhacay degmada Dayniile ayaa waxaa loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabi jiray General Cabdullahi Xuseen Warsame (Waran), halka degmada Dharkenley lagu dilay  Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Dhammaan kooxihii ka dambeeyey dilalkan ayaa goobta isaga baxsaday, mana jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay maalin kahor soo saartay digniin ku saabsan weeraro ay Al-Shabaab la damacsan tahay Muqdisho.

12 qodob oo laga soo saaray shirkii DF iyo maamullada uga socday MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir maalmihii dambe uga socday magaalada Muqdisho Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha arrimaha gudaha dowlad-goboleedyada dalka ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay.

Shirka oo diiradda lagu saarayay xiriirka dowladaha hoose ee dalka ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed ka kooban 12 qoddob oo ay isla meel dhigeen madaxdii ka qeyb-gashay shirkaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay ka go’antahay in dhismaha golayaasha deegaanka ay ku dhismaan qorshe dowladdu leedahay.

Waxa uu xusay in midaan muhiim u tahay si meesha uga baxdo in Degmo aan dhaqaale iyo shacab ahaanba aan is bixin karin gole deegaan loo dhiso oo wakhti iyo dhaqaale meel kale looga faa’iidayn lahaa lagu baxsho.

Hoos ka aqriso qoddobada kasoo baxay shirkaan oo dhameystiran:

  1. In did u eegis lagu sameeyo Hannanka Dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Wadajir (Wadajir National Framework).
  2. In Dowladdu dhammaystiro Degmooyinka dhimman iyada oo la hubinaayo ka qaybgalka haweenka, dhalinyarada iyo dadka (Gender inclusivity).
  3. In Dowladdu qorsha midaysan ka yeelato Arrimaha Dowladaha Hoose iyada oo lagu salaynaayo baahiyaha dhabta ah ee degmooyinka ka jira Lana waafajinaayo Qorshaha Qaran, kan Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir iyo sidoo kale Qorshaha Hormarinta Degmada (District Development Framework – DDF).
  4. In Dowladdu ay maalgeliso qoonda muuqatana ku bixiso Dowladaha Hoose (Director investment and contribution) gaar ahaan mashaariicda adeegga asaasiga ah (Social Services).
  5. Si looga fogaado dib u dhacyada ku yimaada qorshayaasha iyo Heshiisyada (Letter of Agreements – LoAs) waa in dhammaan heshiisyada laga fekeraa macquulnimada in la wada qaban karo, kadibna wakhtigaas lagu heshiiyay waa in lagu qabto.
  6. In Dowladdu ku dadaasho inay maamulka daadejiso iyadoo la raacaayo Siyaasadda Maamula Baahinta heer Federaal iyo Dowlad Goboleed (Decentralization Policy).
  7. Si loo kobciyo awoodaha Dowladaha Hoose waa in Macaahidda Dowladaha Hoose ee heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir la hawl-geliyaa.
  8. Isbadalka cimalada ayaa loo arkay xaalad taagan, si loog jawaabo taas waa in dowladaha hoose door ku yeeshaan ka jawaabidda isbedellada Cimilada (climate change) iyo maaraynta musiibooyinka ka dhasha cimilada si looga hor tago Abaaraha soo noq-noqda.
  9. In degmooyin gacan lagu siiyo kobcinta ilaha dakhliga gudaha (Domestic Revenue) si degmooyinku u gaaraan isku-filnaansho dhaqaale, lana xoojiyo hannaanka daadejinta maaliyadda (Fiscal Decentralization).
  10. In kaalmada Degmooyinka la siinaayo lagu dar kharashaadka joogtada ah sida gunnada shaqaalaha, adeegyada xafiisyada IWM, hannaan dowladu kula wareegto oo tartartiib ahna loo sameeyo.
  11. Xilli miisaaniyadeedka dalka oo ah Janaayo ilaa December, waxaan lagu taliyay in sanad miisaaniyadeedka kaalmada la waafajiyo tan dalka si looga baaqsado dib dhac iyo isla jaan-qaad la’aan.
  12. In kaalmada degmooyinka la mariyo habka maamulka maaliyadda dalka ayaa iyadana loo arkay talaabo xoojinaysa isla xisaabtanka iyo helitaanka xog maaliyadeed qaran oo qorshayaasha lagu salayn karo iyo sidoo kale in la xoojiyo nidaamka dakhli ee dalka.

Aqriso: Ethiopia iyo TPLF oo gaaray heshiis cusub oo dhaqan-galaya Talaadada

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreega ayaa kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay bishaan ku gaareen waddanka Koonfur Afrika.

Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaaraan dhinacyo kala duwan oo la xiriira dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Pretoria.

Ku dhawaaqidda heshiiskan cusub ayaa la filayaa inay sare u qaaddo dadaalada ay wadaan dhex-dhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ee lagu xalinayo colaadda labada sano ka socotay Itoobiya, taasi oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ku barakiciyeen.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa heshiis ka gaaray hub ka dhigista dagaal-yahanada TPLF iyo soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigreega, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Itoobiya heshiiskan kadib.

Hub ka-dhigistu waxay bilaaban doontaa maalinta Talaadada ah ee 15-ka November, sida lagu sheegay bayaankan, oo nuqul ka mid ah ay aragtay Reuters.

Falan-qeeyeyaasha ayaa sheegaya in doorka Eritrea oo aan ka qeyb galin wada-hadaladan uu yahay mid weli walaac ka jiro. Ciidamada Eritrea ayaa dagaalka kala qeybgalay kuwa Itoobiya.

Iyadoo aan si gaar ah loo magacaabin cid ka tirsan ciidamada shisheeye, ayaa bayaanka la saxiixay Sabtidii lagu sheegay in “hubka ka dhigista hubka culus ay dhici doonto marka laga saaro ciidamada shisheeye iyo kuwa aan militariga Itoobiya ahayn ee ku sugan gobolka.”

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel ayaan markiiba ka jawaabin inuu ka hadlo arrintan.

General Tadesse Werede oo ka mid ah wakiillada TPLF ayaa sheegay in ku dhawaaqista fulinta heshiiskan ay rajo galisay inay soo afjari doonto dhibaatada heysata shacabka Tigrayga.

DIGNIIN laga soo saaray qaraxyo ay AL-SHABAAB u qorsheeyeen dhowr magaalo

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Banaadir G/Sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa maanta soo saaray digniino culus oo la xariira qaraxyo uu sheegay in kooxda Al-shabaab la damacsan tahay inay ka fuliso magaalooyin ka mid ah gobolka Hiiraan.

Sarkaalkaan ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in Al-Shabaab ay qorsheysay qaraxyo waa weyn oo ay doonayaan inay ka geystaan magaaloyinka kala ah Beledweyne, Jalalaqsi iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

“Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan reer Beledweyne Buuloburde iyo Jalalaq waa inay galaan feejignaan amni oo dheeraad ah oo looga hor tegayo shirqoolo ay kooxda Al-Shabaab ku qorsheynayaan qaraxyo waaweyn oo ay ku gummaadaan shacabka deegaanadaas,” ayuu yiri.

Sidoo kale Taliyaha ayaa qoraalkiisa ku faray laamaha amaanka gobolka Hiiraan inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si ay uga hortagaan qaraxyada uu tilmaamay inay kooxdu ka geysa karto magaalooyinka ugu muhiimsan gobolka.

“Todobaadkaan gudihiisa sida aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay, saraakiisha hay’adaha amniga ee magaalooyinka waaweyn sida kuwa aan soo tilmaanay, waxaan ka codsaneynaa inay howlahooda labanlaabaan,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliye ku xigeenka booliska gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Inkastoo sarkaalkaan uu ku magacaaban yahay taliye ku xigeenka booliska gobolka Banaadir, hadana mudooyinkii dambe wuxuu ku sugnaa furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan, maadaama beeshiisa ay dagaal culus la gashay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha sida joogtada ah uga soo muuqda furimaha Hiiraan.

Daawo: Wasiir Deeqa Yaasiin oo dacwad kaga adkaatay ninkii yiri ‘ha la ii soo dilo’

0

Amesterdam (Caasimada Online) – Wasiiradii hore ee Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka dowladda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin ayaa shir jaraaíd oo ku qabatay agaalada Alphen aan den Rijn, ee dalka Netherlands waxey ku faah-faahisay dacwad kala dhexeysay nin Soomaali ah oo deggan dalka Holland, oo ay ku dacweysay Maxkamad ku taal magaalada Den Heeg.

Deeqa ayaa ninka ay dacweysay sheegtay inuu abaalmarin lacageed u ballan-qaaday cid kasta oo soo disha Deeqa Yaasiin oo xilligaasi aheyd wasiiradda haweenka iyo xuquuqda insaanka.  

Wasiirka ayaa sheegtay in dacwada ay ninkan kusoo oogtay ay aheyd mid dambi, ee aanay aheyn mid rayid ah, maadaama uu nafteeda halis geliyey, ayada oo intaas ku dartay in eedeysanaha uu yahay nin deggan dalka Netherlands.

Deeqa ayaa sheegtay in ninka ay dacwadda kala dhaxeysay, ee yiri “ha la isoo idlo” uu ka careysnaa oo uu daba socday sharciga jinsiga Soomaaliya ee sida ay sheegtay dad badan ay khalad u fahmeen. 

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Deeqa Yaasiin.  

Dhageyso: Sarkaal shaaciyey in ciidankii ay caawa dib uga soo baxeen Wabxo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidankii dhowaan kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in galabta ay dib uga soo baxeen deegaankaas, kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf culus.

Taliyihii hore ee ciidanka Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysay ciidanka xoreeyey Wabxo ayaa xaqiijiyey inay dib uga soo baxeen deegaanka, kadib markii ay difaacyada soo baneeyeen ciidankii Danab ee qeybta ka ahaa howlgalka.

Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidanka Danab ay isaga soo baxeen deegaanka iyagoo aan shaacin sababta, taas oo keentay inay ayaguna ka soo baxaan Wabxo.

Wuxuu sheegay in sababta Danab looga saaray howlgalka uusan garaneyn, balse uu jiro qalad weyn oo ka jira dhanka taliska ciidanka xoogga dalka.

“Waxaa muuqata in fursad la siinayo cadowga, qaladaadkaan marar badan ayey dhaceen, maanta fursad ayaa jirta, laakiin qaladkaan soo noqnoqonaya waa in lagula xisaabtamo, wax kasta sabab ayey leeyihiin, waana in la is weydiiyaa sababta,” ayuu yiri G/le Ismaaciil Cabdimaalik.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in ciidamada ay u diyaarinayeen howgallo hor leh oo lagu xoreynayo ilaa degmada Ceelbuur, balse ay dib u soo baxeen ciidanka Danab oo muhiim u ahaa howlgalkaan.

“Caawa waxaan isaga soo baxnay Wabxo iyo degaanada hoos yimaada, kadib markii ciidamada dowladda lagu amray inay soo faarujiyaan dhammaan furimaha dagaalka,” ayuu yiri G/le Ismaaciil Cabdimaalik.

Sarkaalkaan ayaa muujiyey tuhun uu ka qabo taliska ciidanka xoogga dalka, isagoo madaxda sare ka dalbaday in deg deg loo baaro qaladaadka ciidan ee soo noqnoqonaya.

Hoos ka dhageyso wareysi uu bixiyey Ismaaciil Cabdimaalik.

Sawirro: Xasan Sheekh oo kormeeray ciidanka tababarka u jooga Eritrea, kadibna …

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan ciidanka badda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay Taliyeyaasha ciidanka badda Soomaaliya ee tababarka u jooga dalka Eritrea iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo xoreynta dalka.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa  ku bogaadiyey ciidankan dadaalka, aqoonta iyo kartida ay muujiyeen, inta ay tababarka ku jireen, waxa uuna u sheegay in ay yahiin tilmaamihii lagu yaqaanno Ciidanka Badda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kormeerkaas.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa booqashada kadib waxaa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka Eritrea soo dhaweynta iyo qaabilaadda wanaagsan oo ay u muujiyeen.

Dhalinyaradaan ayaa dalka Eritrea tababar ugu maqan mudo ku dhow afar sano, waana markii labaad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku booqday xeryaha lagu tababaro.

Waxaa socda qorshe la doonayo in ciidankaan dalka loogu soo celiyo oo dowladda Soomaaliya ay wado, laakiin ilaa hadda dowladdu ma shaacin waqtiga kama dambeysta ah ee ciidankaan dalka lagu soo celinayo.

Daawo: Booliska oo soo bandhigay qaraxyo iyo raggii watay oo la qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta degmada Afgooye, ku qabtay mooto Bajaaj siday ugu yeraan labo nooc oo waxyaabaha qaraxa ah, sida uu sheegay afhayeenka booliska Soomaaliya.

Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in qeybta la dagaalanka qaraxyada ee booliska ay Afgooye ku qabteen laba nin oo qaraxa ku siday mooto Bajaaj-ta.

“Argagixisada ayaa dhagartaan la damacsanaa inay ku wax yeelaayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, halkaas ayey ciidanku uga hortageen dhagartaan, waxaana gacanta lagu hayaa laba dhagarqabe iyo mootadii ay argagixisadu isticmaali jirtay, cadaaladda ayaana hor keeni doonaa,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Afhayeenka ayaa soo bandhigay sawirrada mootada iyo qaraxyada, isagoo faahfaahiyey nooca qaraxyadii ay mootada ku siteen raggaan labada ah ee gacanta lagu dhigay maanta.

Kooxda Al-Shabaab oo guul darrooyin culus ka wajaheysa dagaallada uga furan furimaha gobollada dalka, waxaana muuqata in kooxdu ay wado iskuday ah inay fuliso qaraxyo iyo weerarro hor leh.

Hoos ka daawo afhayeenka

Xog: Biixi oo caawa sameeyay isku-deygii u dambeeyay iyo xiisada oo kasii dareysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhamaanayo ee Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa qaaday tallaabo u muuqata isku-deygii u dambeeyay ee uu ku rabay baajinta dibadbaxyada berri loo balansan yahay.

Muuse Biixi ayaa goor sii horeysay oo caawa ah ergo u dirsaday guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani, oo ah hogaamiyaha mucaaridka ku hogaaminaya dibadbaxyada looga soo horjeedo Muuse Biixi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ergada uu Biixi u dirsaday Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro ayaa kala ahaa siyaasiyiinta Cali Warancade iyo Maxamed Caraale Duur.

Siyaasiyiintan ergada ka ahaa Muuse Biixi oo gurigiisa ugu tagay guddoomiye Cirro ayaa kala kulmay waji gabax, isaga oo gebi ahaanba ku gacan seyray.

Isku-deygii u dambeeyay ee Muuse Biixi uu ku rabay inuu ku baajiyo dibadbaxyada berri ayaa fashil wajahaya, waxaana kasii dareysa xiisada taagan ee ka dhalatay muddo xileedka madaxweynaha.

Mucaaridka ayaa hore u sheegay in Muuse Biixi aysan wada-hadal la fureyn, kadib markii ay ku eedeeyen in uu waxba ka maqli waayay ergo dhowr ah oo isku xilqaantay wax ka qabashada xiisada siyaasadeed ee Somaliland uu galiyay.

Muuse Biixi oo muddooyinkii dambe ku doodayay in uu haysto sharciyad weli uu kusii fadhiyo xilka u sareeya Somaliland, kadib markii ay Golaha Guurtida u sameeyeen muddo kororsi laba sanno ah ayaa u muuqata inay wax iska badaleen qorshihiisa, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn.

Xisbiyada mucaaridka oo iyagu ka biyo diidan damaca muddo kororsi ee Biixi ayaa qorsheeyay in maalinta berri ah guud ahaan Somaliland ka dhigaan dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Muuse Biixi.

Sidoo kale waxay hore u shaaciyeen in Muuse Biixi aysan berri iyo wixii ka dambeeya u aqoonsaneyn madaxweynaha Somaliland, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay u dhici laheyd doorasho.

Dhinaca kale, Xukuumadda Biixi oo si dhow ula socota dhaq-dhaqaaqyada mucaaridku abaabulayaan ayaa waxay heegan buuxa galisay ciidamada kala duwan, ayada oo ciidamo hor leh dul dhigtay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Waxaa laga cabsi qabaa in xiisada taagan ay isku badasho rabashado hor leh, sida kal hore dhacday markii ay mucaaridka soo abaabuleen dibadbaxyo looga soo horjeedo Muuse Biixi.

Sidoo kale walaaca ay qabaan qaar kamid ah bulshada reer Somaliland ayaa sii xoogeystay saacadihii u dambeeyay, kuwaasi oo bilaabay inay bank-yada iyo adeegyada lacagaha mobile-ka ay kala soo baxaan lacagtooda oo kaash ah.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Sawirro: Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo guul weyn usoo hoyisay SOOMAALIYA

0

Berlin (Caasimada Online) – Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi ayaa guul weyn usoo hoyisay Soomaaliya kadib markii ay ku guuleystay in mid ka mid ah dalalkii deynta ku laha auu ka cafiyo.

Wasiirka Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta ee dowladda Jarmalka Mdne Jochen Flasbarth ayaa maanta ku dhawaaqay inta lagu guda jiray madal ka tirsan Shirka Isbeddelka Cimilada ee COP27 intii ay Soomaaliya ka cafiyeen deymihii lagu lahaa.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa goobjoog Ka aheed madasha looga dhawaaqay deyn cafinta Jarmalka, iyada oo halkaas kula kulantayWasiir ka Maalgashiga Norway iyo Sabarina Dhowre oo ah Danjiraha Hey’adda IFAD.

“Soomaaliya way ka mahadcelinaysaa taageeradaan miisaanka leh, runtii tani waa guul weyn oo laga gaaray deyn cafinta, Soomaaliya waxay hiigsaneysaa inay gaarto heer ay soo gabagabeyso barnaamijika deyn cafinta,” ayey tiri wasiir  Khadiija

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wasiirka Khadiija ayaa dadaalka deyn cafinta Soomaaliya ee dhanka Jarmalka wadday wixii ka dambeeyey shirka QM ee September, halkaasi oo ay kula soo kulantay wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka Annalena Baerbock.

Wadamo ka tirsan Yurub ayaa horay ugu dhawaaqay inay Soomaaliya ka cafiyeen deymihii ay ku lahaayeen, kadib markii ay ku qanceen nidaamka hufnaanta maaliyadda dalka.

Dowladaha iyo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya ka taageera Miisaaniyadda, horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda kale ee horumarineed ayaa bogaadiyay doorka dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka Deyn Cafinta ee Wasaaradda Maaliyadda.

Waxay sidoo kale ballanqaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada iyo garab istaagooda ku aadan arrimaha dib-u-habeynta iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Xiisad kacsanaan ah oo ka taagan Somaliland – Maxaa dhacaya berri?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa saacadihii u dambeeyay ka taagneyd gudaha Somaliland, xilli ay saacado kooban ka harsan tahay muddo xileedka sharciga ah ee madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ku guuleystay doorashadii qabsoomtay 13-kii November ee 2017-kii ayaa waxaa kasoo idlaaneysa saacado kadib 5 sanno ah oo uu hogaaminayay Somaliland.

Mucaaridka ayaa ka biyo diidan in uu dhaqan-gashado muddo kororsiga ay dhawaan Golaha Wakiilada Somaliland u sameeyeen Muuse Biixi, taasi oo dhalisay xiisad hor leh oo ka taagan gudaha Somaliland.

Waxaa gebi ahaanba fashilmay isku dayo la rabay in xal looga gaaro xiisada taagan ee u dhaxeysa mucaaridka iyo xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Haddaba, Berri maxaa ka dhacaya gudaha Somaliland?

Sida ay ku dhawaaqeen mucaaridka Somaliland waxaa berri guud ahaan Somaliland ka bilaaban doona dibadbaxyo waaweyn oo maalmihii dambe ay abaabulayeen siyaasiyiinta mucaaridka, taasi oo looga soo horjeedo Muuse Biixi.

Mucaaridka ayaa shaaciyay in Muuse Biixi aysan berri iyo wixii ka dambeeya u aqoonsaneyn madaxweynaha Somaliland, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay u dhici laheyd doorasho.

Xukuumadda Biixi oo si dhow ula socota dhaq-dhaqaaqyada mucaaridku abaabulayaan ayaa waxay heegan buux galisay ciidamada kala duwan, ayada oo ciidamo hor leh dul dhigtay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Waxaa laga cabsi qabaa in xiisada taagan ay isku badasho rabashado hor leh, sida kal hore dhacday markii ay mucaaridka soo abaabuleen dibadbaxyo looga soo horjeedo Muuse Biixi.

Sidoo kale walaaca ay qabaan qaar kamid ah bulshada reer Somaliland ayaa sii xoogeystay saacadihii u dambeeyay, kuwaasi oo bilaabay inay bank-yada iyo adeegyada lacagaha mobile-ka ay kala soo baxaan lacagtooda oo kaash ah.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

DF oo shaacisay tirada iyo xogta akoonada maaliyadeed ee laga xiray Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa shaaciyay inay dowladda xirtay in ka badan 500 oo akoon oo kooxda ay u isticmaali jirtay faafinta aragtideeda xagjirka.

Al-Cadaala ayaa sheegay in akoonada ay dowladda ku guuleysatay inay xirto ay isugu jiraan kuwo ka furna baraha kala duwan ee Facebook, Twitter, Tiktok iyo Telegram.

“Waxaa ku guuleysanay ilihii lagu yaqaanay ee mudada badan ay kala hadli jireen dadka taageersan ama kuwa sida kale wax u faafiya in la xiro, welina howsha waa sii socota,” ayuu yiri.

“Laba nooc ayey isugu jiraan kuwa la beegsaday oo qeybo waa fadhiyo iyaga lagu yaqaan oo noocyo warbaahinood rasmi ah ayna isticmaali jireen, waa kuwa la yaqaano sidooda ayaa u xirnay. Waxa kale oo jiray boqolaal akoono oo lagu furtay magacyo shaqsiyaad kala duwan oo iyagana lagu faafiyo fariimaha argagixisada iyo cabsi galinta.”

Sidoo kale waxa uu xusay inay dowladda ka shaqeynayso sidii ay mareegaha warbaahineed ee Al-Shabaab ay gebi ahaanba u xiri laheyd, maadama ay xiligaan kaliya ka xiran yihiin gudaha dalka oo laga booqan karo dalka dibadiisa.

“Magacyada waa la sameysan karaa, cida dhibta ku qabta in maalin kasta magac cusub abuurto waa iyaga ee inaga ma aha. Meel kasta oo lagu faafiyo farriinta argagixisada waa inoo il iyo aragti oo waa xireyna meeshii aan aragno.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Website-yada gudaha waa ka xirnay banaankana waxaa ka wadna qorshe iyo dadaal oo website-yada waa ka duwan yihiin sida ay u shaqeeyaan baraha kale, iyagana shaqo ayaa ka hayna. Argagixiso gudaha iyo dibadda midna dalkeena awood uma yeelan doono.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inaysan arrimahaan ka laheyn ujeedo caburin ama inay shacabka ka hor istaagan xuquuqda helitaanka wararka iyo xogaha, hase yeeshe ay la-dagaalsan yihiin faafinta fikrada xagjirka ah iyo fariimaha cabsi galinta.