27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Biden oo qaatay go’aan kasii daraya xiisadda Maxamed bin Salman kala dhaxeysa

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden aysan u qorsheysneyn inuu la kulmo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga marka uu furmo shirka dalalka warshadaha ku horumaray ee G20 ee ka dhacaya Indonesia.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa Jimcihii hadalkan u sheegay warfidiyeenka xilli uu Biden kasoo baxay shirka isbedelka cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP27 oo socda waddanka Masar.

Xiriirka Biden iyo Maxamed bin Salmaan ayaa sii xummaaday horraantii October markii Sacuudiga iyo ururka OPEC+ ee uu xubinta ka yahay go’aasadeen inay dhimmaan wax soo-saarka shidaalka, xilli Mareykanka uu diidanaa arrintaas, taasi oo dhabar jab ku noqotay dadaalka maamulka Biden ee lagu xakameynayo qiimaha gaaska gudaha iyo sicir bararka Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa kadib wacad ku maray “Inuu jiri doono cawaaqib” ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga go’aankii OPEC+. 

Kooxda OPEC+ oo ka kooban dalalka shidaalka dhoofiya iyo Russia ayaa ku dhowaaqay inay dhimayaan bartilmaameedkooda wax soo-saar kadib toddobaadyo uu Mareykanka waday qalqaalo ah inaysan sidaas sameyn.

Mareykanka ayaa xilligaas ku eedeeyey Sacuudi Carabiya inay isu dhiibtay Ruushka oo kasoo horjeeda in dalalka Reer Galbeedka ay xaddidaan qiimaha shidaalka Ruushka ayaga oo uga jawaabaya duulaanka ay Moscow ku qaaday Ukraine.

Saraakiisha Mareykanka ayaa si qarsoodi ah isugu dayayey inay ka dhaadhiciyaan saaxiibadooda Carabta inay ka tanaasulaan fikradda dhimista soo-saarka, hase yeeshee Amiirka sida aan rasmiga aheyn u xukuma Sacuudi Carabiya ee Maxamed bin Salmaan ayaa laga dhaadhicin waayey.

Bin Salman iyo Biden ayaa intii lagu guda jiray booqasho uu Biden ku tegay Jeddah bishii July waxay isugu dhaceen dhimashadii 2018 ee suxufigii Sacuudiga ee wax ku qori jiray Washington Post Jamaal Khaashuqji. 

Maxkamadda G/Banaadir oo amartay in lasoo xiro guddoomiye Guuleed Cabdi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar qabasho oo lagu soo xirayo guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaaleey, Guuleed Cabdi Xuseen.

Maxkamadda ayaa amartay Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir in uu 24 saacadood gudahood uu kusoo qabto guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaaleey.

“Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, oo warqadaan sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa in uu horkeeno Maxkamadda gobolka Banaadir eedaysane Guuleed Cabdi Xuseen oo ku magacaaban Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada deegaanka Garasbaaleey, kaasi oo is-hortaag shaqo iyo handadaad ku sameeyay Maxkamadda gobolka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka gobolka iyo Maxkamadda Sare ee dalka,” ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaaleey ayaa waxa lagu eedeynaya in uu awoodiisa u adeegsaday is-hortaaga shaqada Garsoorka oo booqday dhul ku yaalla Garasbaaleey iyo ku-xadgudubka qoddobada kala ah: 267, 265, 269, 263, 250, 25 XCS.

Warqada qabashada guddoomiyaha ee maanta kasoo baxday maxkamadda ayaa sidoo kale waxa kala socda Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Goodax oo soo jeediyey in la baaro ‘xiriirka’ Farmaajo iyo Al-Shabaab kadib markii…

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa soo jeediyey in la baaro xiriir uu sheegay inuu ka dhaxeeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kooxda Al-Shabaab. 

Cabdullaahi Goodax ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in Farmaajo uu weligiis diidanaa la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, haddana uu ku howlan yahay fashilinta dagaalka ka dhanka ah kooxdaas ee ka socda qeybo ka mid ah dalka. 

“Inta aan ka aqaan Farmaajo, marnaba raalli kama ahayn la dagaalanka khawaarijta UGUS, taa waxaa u dheereyd isir nacaybka gobollada iyo beelaha qaar uu ku bartilmaameedsanaayay muddadii uu xilka hayay,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Waxa uu intaas ku daray “Waa ayaandarro iyo nasiib xumo weyn in isagoo Ankara jooga uu ku hawlanyahay fashilinta la dagaalanka UGUS. Hay’adaha Amniga waxaa ku waajibay in ay baaraan wadashaqaynta Shabaab iyo Madaxweynihii hore, cid kasta oo haysa macluumaad ku saabsan arrintan hala wadaagaan hay’adaha amniga.” 

Cabdullaahi Goodax ayaa sidoo kale ku baaqay in codad laga duubo Farmaajo, si loo caddeeyo tuhunka ku jira, sida uu hadalka u dhigay. 

“Waxaan ku boorinayaa qof kasta oo uu soo waco Madaxweynihii hore in laga duubo codka si bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga loola wadaago dhagartiisa iyo jaa’ifada uu dalka iyo dadkaba ku haayo,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre. 

Cabdullaahi Goodax sooma bandhigin wax acddeymo ah oo muujinaya eedaha uu u jeediyey madaxweynihii hore. Dhanka kale, Farmaajo weli kama jawaabin eedahan. 

Dowladdii Farmaajo ayaa aheyd dowladdii ugu xumeyd ee soo marta Soomaaliya marka ay noqoto dagaalka Al-Shabaab, ayada oo shanti sano ee uu dalka hoggaaminayey aan kooxdaas laga saarin xitaa hal degmo. 

Dagaalka hadda ka socda Soomaaliya ee ay iska kaashanayaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka, ayaa muddo shan bilood ah Al-Shabaab looga xoreeyey dhul aad uga badan kii laga saaray shantii sano ee Farmaajo uu madaxweynaha ahaa.

Xiisad ka taagan Baydhaba iyo Lafta-gareen ‘oo amray’ in mucaaradka laga saaro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ee caasimada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed u dhaxeysa maamulka iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.

Maamulka uu hogaamiyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa waxa uu maalmihii lasoo dhaafay magaalada Baydhaba ku xiray siyaasiyiin dhowr ah iyo masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay maamulka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka biyo diidan muddo kororsi uu sameysto Lafta-gareen, iyaga oo ku hanjabeyna inay ka dagaalami doonaan arrintaasi haddii uu kusii madax adeygo.

“Marnaba ma aqbali doono in nala caburiyo, waan ka dagaalameyna muddo kororsi,” ayuu yiri Shiine Macalin Nuur oo kamid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in muddo xileedka Lafta-gareen uu ku egyahay bisha December, wixii ka dambeeyana aysan Madaxweyne u aqoonsaneyn.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la sheegay in uu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda laga saaro magaaalda Baydhaba, xili ay sii xoogeysanayso xiisada kala dhaxeysa mucaaradka.

Lafta-gareen ayaa muddo xileedkiisa sharciga ah wuxuu ku egyahay bisha December ee soo aaddan, hase yeeshee wuxuu horey u sameystay muddo kororsi hal sano ah, wax qorshe ahna kama lahan inuu doorasho qabto, xilli mucaaradka ay sidaas dalbanayaan.

Mareykanka oo qaaday weerar lagu laayey Al-Shabaab badan kadib codsi ka yimid DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu duqeyn cirka ah ku dilay 17 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kaddib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, ma jirto waxyeello dhimasho ama dhaawac ah oo duqeytan kasoo gaartay dadka rayidka ah.

“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan argagixisada Al-Shabaab oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

“Soomaaliya ayaa weli ah xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababaridda, la talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab,” ayuu raaciyay bayaanka Taliska AFRICOM.

Duqeyntay ayaa dhacday sagaalkii bishan, kaddib markii ciidamada xoogga dalka ay dagaal kaga hortageen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, deegaan ay AFRICOM ku sheegtay inuu qiyaastii 285 km waqooyi bari kaga beeganyahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon,” ayaa lagu yiri bayaanka taliska Mareykanka ee Africa.

Daawo: Shaqaale careysan oo ku dibadbaxay mid kamid ah wasaaradaha dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed ayaa maanta dibadbax cabasho ah ka dhigay Muqdisho, iyaga oo eedeyn culus u jeediyey wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarisiinta xukuumadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in wasiirka uu saaka shaqada kasoo eryey, isla-markaana ay haatan yihiin shaqo la’aan.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed, Cabdinuur Cabduqaadir oo goobta dibadbaxa ka hadlay shaaciyey in wasiirka boostada uu ka soo xirtay xafiisyadii ay ku shaqeynayeen oo ku yaallo xarunta wasaaradda, wuxuuna sheegay in 5 sanno ay daganaayeen.

“Ninka wasiirka ah qolalkii oo dhan ayuu naga xirtay bannaanka ayuu na soo dhigay, saaka shaqo la’aan ayaa nahay bannaanka ayaan taaganahay. Muddo 5 sano ahna waan daganeyn xarunta,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka hay’adda cilmi baarista badaha Cabdinuur Cabduqaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaan ay cabasho ka yihiin ayna gudbinayaan madaxda kale ee dowladda, isaga oo sheegay in dad kale uu wato wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta.

“Cabashada aan gudbineyo waxa ay tahay nidaam haddii uu jiro wasiir dhan waayey isaga wuxuu la hadli karaa mas’uulka hay’adda dhowr jeer ayuu na meermeeriyey, kadibna albaada dhan ayuu beddalay waa xirtay”. ayuu sii raaciyey guddoomiye ku xigeenka hay’adda cilmi baarista badaha.

Sidoo kale oday kale oo ka mid ah shaqaalaha hay’adda oo la hadlay warbaaninta ayaa isna ku daray in tallaabada uu qaaday wasiirka ay la yaab ku noqotay, maadaama ay ka wada tirsan yihiin hay’ado ahaan dowladda dhexe, isaga oo ku baaqay in arrintaan si deg deg ah wax looga qabto.

“Waxaan la yaabanahay maamul dowladeed oo maamul kale oo dowladeed ka xiranaayo xafiiska, laakiin waxay aheyd in si nidaam ah naloo soo maro, xittaa haddii xafiiska nagala qaadayo,” ayuu yiri mid ka mid shaqaalaha hay’adda cilmi baarista oo isna la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya oo ku aadan shaqaalaha maanta ku dibadbaxay xarunta wasaaraddaas, kuwaas oo cabasho u jeediyey wasiirka boostada & isgaarsiinta.

Koox hubeysan oo IMAAM MASJID ku dishay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho loogu geystay Imaam Masaajid oo caanka ahaa gudaha caasimada.

Dilka ayaa ka dhacay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, waxaana loo geystay Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaalla degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey Dharkenley, balse ma jiro wax war ah oo ay kasoo saareen dilka iyo howlgallada xigay.

AUN Imaamka ayaa inta aan la dilin kahor khudbaddii Jimcaha ee uu shalay ka jeediyay masajidka Dabaqeynka wuxuu uga hadlay arrimo ah xasaasi ah, isaga oo ku dheeraaday ka hadalka amni darrada Muqdisho iyo carada Alle ee ka dhalaneysa baneysiga dhiigga qofka muslimka ah.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii 29-kii bishii hore ka dhacay agagaarka Zoobe.

Waa dilkii labaad ee muddo 24 saac gudahood la dhacaya Muqdisho, waxaana xalay Dayniile lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu magacaabi jiray, General Cabdullahi Xuseen Warsame (Waran) kaas oo ay toogteen rag ku hubeysnaa bistoolado kadibna goobta ka baxsaday.

Shabaab oo Sheekh caan ah iyo wiilkiisa ku dilay Galgaduud

0

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay dil arxan darro ahaa ka geysteen qaybo ka mid ah deegaanka Dhisaq Shurufle oo ka tirsanaa gobolkaasi.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay Aabe iyo wiilkiisa xilli ay dukanayeen Salaadda Cishe, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Aabaha ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Cismaan Axmed Geedi, waxaana si weyn looga yaqiinay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhacdadaan ayaa Galmudug waxa ay ku eedeysay inay dambeeyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, kadib markii ay toogashada fuliyeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo gaaray deegaanka ay mashaqadu ka dhacday ayaa sameeyey howlgallo kooban oo ay ku baadi goobayaan xubnihii ka dambeeyey dilkaas.

AUN Sheekh Cismaan Axmed Geedi ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii hore ee maxkamadda degmada Cadaado, waxaana la filayaa in maanta isaga iyo wiilkiisa lagu aaso halkaasi.

Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka uu dilka ka dhacday ayaa sheegaya in laga dareemayo saameynta ka dhalatay dhacdadaan oo ay aad u hadal hayaan dadka deegaanka.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga saaray kooxda, waxaana ugu dambeeyey deegaanka Wabxo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada DF oo lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay saaka kooxo hubeysan ka geysteen qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Sii Sii ee degmadaas ayaa waxaa loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Genaral Cabdullahi Xusen Warsame (Waran) wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo la socday Mooto Fekon, waxaana la sheegay in toogashada kadib ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa daqiiqado kadib gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxayna sameeyeen baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen dhacdadaasi.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro weeraro qaraxyo ah iyo dilal ay kooxda Al-Shabaab ka fulineyso Muqdisho.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, iyaguna waxay culeyska soo saareen caasimadda dalka.

Fiqi oo si adag uga jawaabay weerarkii uu Cali Yare ku qaaday ganacsatada (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan uu fagaare ka sheegay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare).

Cali Yare ayaa maalmihii uu Muqdisho ka socday gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobe 2 wuxuu ku goodiyey inay ku banaanbixi doonaan oo xiri doonaan ganacsiyada canshuurta siiya kooxda Al-Shabaab.

“Maalmahaan olole ayaa ku socda ganacsiga Muqdisho, dad wax magarato ah oo masuuliyiin sheeganaya ayaa gadaal ka riixaya ololahaas, waxaana lagu beegsanayaa ganacsatadaan duruufaha adag ku soo shaqeysay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa cadeeyey in hadalkii uu Cali Yare fagaaraha Soobe ka sheegay aysan raali ka aheyn dowladdu, isla markaana ay amaanayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee xiliyada adag soo shaqeysay.

“Wixii qaldamay waa la saxayaa, mar kasta ayey wax qaldamaan, laakiin warkaan fagaaraha lala soo istaagay ee ah ganacsatada waan ku banana-baxaynaa, maahan wax aan raali ka nahay, mana dhici doonto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo xarunta talo soo jeedinta Soomaaliyeed ay ku abaal-marineysay shirkadda Hormuud.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waqti adag ayey soo shaqeysay, waa geesiyaal ku soo shaqeeyey xaalad adag, khatar ayey maalkooda iyo naftooda u quureen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Fiqi.

Hoos daawo

Sawirro: Shir u dhexeeya DF iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweyne muhiim ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Shirkan ayaa ah mid qaran oo looga hadlayo xiriirinta dowladaha hoose, kaas oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Waxaa kulanka goobjoog ah wasiirada arrimaha gudaha maamul goboleedyada ka jira dalka, howlwadeenadooda iyo xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir.

Intiisa badan waxaa shirkan lagu gorfeynayaa arrimaha dowladaha hoose iyo sidoo kale wada shaqeynta u dhexeysa wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo furitaanka khudbad ka jeediyey ayaa u mahad-naqay ka qayb-galayaashan, isaga oo rajeeyey in qodobo miradhal ah ay kasoo bixi doonaan shirka.

“Waxaan soo dhoweynaa kasoo qeybgalka kulanka ee dhammaan wasaaradaha arrimaha gudaha ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, waxaa kale oo bogaadin mudan wada shaqeynta Soomaalininada, walalalitinnimo, waxaan rajeynayaa kulanka uu noo noqda mid laga doodo, oo qorshe wadajir ah loola tago saxiibada caawiya Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmed Macali Fiqi.

Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Mudane Cabdi Daahir Guure (Karoore) oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyey arrimaha dowladaha hoose ee maamulkiisa, wuxuuna sheegay inay ku guuleysteen dhismaha golaha deegaanka Warsheekh, kuwa kalena way wadaan.

“Ka Hirshabelle ahaan Warsheekh ayaa u dhisan gole deegaan, Afar degmo oo kale ayaa hadda gebogabo ah oo la dhisi doonaa, oo Jowhar iyo Buulaburde ay ku jiraan, waana ka mahadcelineynaa wada shaqeynta wasaaradda arrimaha gudaha,” ayuu yiri wasiir Karoore.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) oo isna khudbad ka jeediyey shirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in muddada uu socdo wadahadalka lasoo bandhigo caqabadaha jira, si xal looga gaaro, wuxuuna u mahadceliyey wasaaradda.

“Shirkan waa wixii caqabado ah inaan soo gudbino, wixii hortabin lehna aan isla soo qaadno, waana ka madacelinayaa sida wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka ah ay noola shaqeyso,”ayuu isna khudbaddiisa ku yiri wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug.

Dowladda federaalka ayaa maalmihii dambe xoojisay wada tashiyada ay la sameyneyso maamul goboleedyada, xilli dalka uu ku jiro marxalad adag, sida abaaro iyo dagaallo ka dhan ah Shabaab.

PUTIN oo qaaday tallaabo ka dhan ah MAREYKANKA

0

Moscow (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa Jimcihii sheegtay inay ka mamnuucday 200 oo qof oo Maraykan ah inay soo galaan Ruushka.

Dadkaas 200 ah ee loo diiday Ruuska ayaa waxaa ku jira saddex la dhalatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Cunaqabateyntan ayaa jawaab u ah mid hore oo Washington ay kusoo rogtay shakhsiyaad Ruush ah.

Waxa ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushku in shakhsiyaadka ay mamnuucday ay ku jiraan madaxweyne Biden walaalihiis, kuwaas oo kala ah Valerie Biden Owens, James Brian Biden iyo Francis William Biden.

Waxaa sidoo kale ku jira liiska cunaqabateyntan la saaray xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre.

Labada dal oo ka mid ah quwadaha waa weyn ee caalamka ayaa maalmihii u dambeeyey hawada isku marinayey hanjabaado, waxayna xiisaddu kasii dartay kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Daawo: Xasan Sheekh oo toos u wareysanaya ciidanka tababarka u jooga Eritrea

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Eritrea ayaa galabta kormeeray xeryaha ay ku jiraan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalkaas Eritrea.

Madaxweynaha ayaa u kuur-galay xaaladda nololeed ee dhilinyaradaan, wuxuuna uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee shacabka iyo ciidanka xoogga Soomaaliya ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaar ka mid ah dhalinyaradaan si hoose u wareystay, isagoo weydiinaya magacooda, da’dooda, xaaladda ay ku sugan yihiin iyo deegaanada ay Soomaaliya uga noolaa jireen.

Daahir Cabdinuur Xuseen ayaa ku jiray dhalinyarada uu sida tooska ah u wareystay madaxweyne Xasan Sheekh, Daahir wuxuu sheegay inuu jiro 20 sano, madaxweynaha ayaa weydiiyey gobolka u uku dhashay, wuxuuna Daahir sheegay inuu ku dhashay Sh/Hoose.

“Waxaan diyaar u ahay inaan difaaco dalkeyga,” ayuu yiri Daahir Cabdinuur mar uu salaamayey madaxweynaha.

Dhalinyaradaan ayaa dalka Eritrea tababar ugu maqan mudo ku dhow afar sano, waana markii labaad oo madaxweyne Xasan Sheekh u uku booqday xeryaha lagu tababaro.

Waxaa socda qorshe la doonayo in ciidankaan dalka loogu soo celiyo oo dowladda Soomaaliya ay wado, laakiin ilaa hadda dowladdu ma shaacin waqtiga kama dambeysta ah ee ciidankaan dalka lagu soo celinayo.

Hoos ka daawo

Daawo: Xildhibaan Jacfar oo shir jaraa’id ku qabtay Wabxo oo fariin u diray beeshiisa

0

Wabxo (Caasimada Online) – Xidlhibaan Maxamed Abuukar Jacfar ayaa galabta warbaahinta kula hadlay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Jacfar ayaa dadka deegaanka u sheegay inay sii dawi doonaan dagaalka, isagoo sheegay in dhulka ay degto beeshiisa Murusade ay Al-Shabaab wada heystaan, markii laga reebo deegaankaan Wabxo.

Xildhibaan Jacfar, guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale iyo masuuliyiin ka tirsan HirShabeelle ayaa maanta safar dhulka ah ku tagtay degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmo ka hor laga saaray Al-Shabaab.

“Halkaan xoolo iyo xil uma soo doonan ee waxaan rabnaa inaan cadowga idinka xoreyno, nimankaan dhulka ay heystaan roob kama da’o markii aan idinka xoreyno ayuu Alle roob idin siinayaa,” ayuu yiri Xildhibaan Jacfar.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifiraax Afrax, masuuliyiin iyo saraakiil kale oo reer Hiiraan ah ayaa safarkaan ku wehliyey Xildhibaan Jacfar.

Xildhibaanka ayaa Wabxo ka sheegay in reer Hiiraan iyo reer Guriceel ay diyaar u yihiin in beesha Murusade ay dhulkeeda kala xoreeyaan kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyey ee safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Asmara + Sawirro

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Eritrea. 

Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Eritrea uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka, ayaa Dowladda Eritrea uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan dufcada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Cirka ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay Madaxweynaha in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aaddan dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.  

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada tababarka ku jira uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee ay soo hooyeen ciidanka Xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed. 

Waxa uu sidoo kale ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen inta uu tababarku u socday, isaga oo intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay ka dulqaadaan argagixisada qatarta ku ah nolosha iyo horumarka.

Madaxweynaha ayaa inta aan la dooran iyo markii la doortay kadibba ballan-qaaday inuu dib usoo celin doono kumanaan askar Soomaaliyeed ah oo dalkaas tababar u jooga, hase yeeshee booqashadii hore ee bishii July uu ku tegay Eritrea ma suurtogelin in laga dhabbeeyo ballan-qaadkaas.

DF oo ka digtay WEERARO kusoo wajahan SHACABKA, una soo jeedisay shan qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay uga digtay weeraro ay qorsheynayaan Al-Shabaab oo lala beegsado goobaha shacabka, waxayna usoo jeedisay shacabka talooyin ka kooban 5 qodob.

Hoos ka aqriso bayaanka

Muqdisho, 11 Nov 2022: Ciidanka Qaranka iyo shacabka oo is garabsanaya ayaa si xawli ah guulo uga gaaraya dagaalka lagula jiro Khawaarijta argagixisada ah.

Toddobaadkan waxaa Ciidanka Qaranka iyo shacabka ay guuldarooyin waaweyn ku huwiyeen cadowga degaannadii lagu dagaalamey ee Galmudug iyo HirShabelle, waxaana la dilay in ka badan 200 oo Khawaarij ah. 

Dowladda Soomaaliya waxay bogaadineysaa shacabka oo markii ay garwaaqsadeen hagardaamada Khawaarijta, si buuxda u garab istaagey Ciidanka Qaranka, kuna biiray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Khawaarijta oo ku jira xaalad naf la caari ah ayaa waxay weli faraha kula jiraan fal dembiyeedyo ay ka mid yihiin dilka dadka shacabka, burburinta kaabeyaasha sida ceelasha, beeraha, Buundooyinka, Waddooyinka iyo wixii la mid ah. 

Dowladda Soomaaliya iyo laamaha amniga qaranka oo gudanaya waajibaadkooda sugidda amniga iyo difaaca shacabka ayaa waxaa ka go’an inay ciqaab kulul marsiiyaan cadowga Khawaarijta. 

Dhanka kale dowladda waxay fareysaa shacabka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah si looga hortago dhagarta cadowga. Xogaha sirdoonka ee la socodka dhaqdhaqaaqa Khawaarijta ayaa la kordhiyay, si looga hortago tallaabo kasta oo ay ku doonayaan inay shacabka ku waxyeeleeyaan.

Tallaabooyinka la doonayo inay shacabku qaadaan iyagoo si dhow ula shaqeynaya laamaha amniga, si looga hortago dhagarta iyo fal dembiyeedyada Khawaarijta waxaa ka mid ah:

1- In shacabku muujiyaan feejignaan guud, gaar ahaan inta uu socdo hawlgalka beegsiga Khawaarijtu.

2- Si gaar ah dowladdu waxay milkiilayaasha hotelada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee ganacsiga u soo jeedinaysaa in ay muujiyaan taxaddar dheeri ah.

3- Muwaadiniinta waxaa loo soo jeedinayaa in ay si taxadar leh xaaladda ula socdaan, isla markaana yareeyaan tagista laga maarmi karo ee goobaha ay khatartu uga imaan karto.

4- Waxaa la xusuusinayaa milkiileyaasha guryaha, hoteelada, garaashyada iyo goobaha kaleba in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda goobahooda, ciddii aragta ficillo shaki lehna waxaa laga codsanayaa in ay degdeg u soo wargeliyaan laamaha amniga.

5- Ciidamada amniga waxaa ka go’an inay sii wadaan hawlgallo qorsheysan oo lagu burburinayo Khawaarijta, sidaas darteedna waxaan ka codsanaynaa shacabka in ay dulqaad muujiyaan.

-Dhammad-

Wasiir Cawad oo ka hadlay sababta hortaagan soo celinta askarta ku maqan ERITREA

0

 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan dalka Eritrea, oo uu ku tegay booqashadii labaad ee kadib dib u doorashadiisa.

Madaxweynaha ayaa inta aan la dooran iyo markii la doortay kadibba ballan-qaaday inuu dib usoo celin doono kumanaan askar Soomaaliyeed ah oo dalkaas tababar u jooga, hase yeeshee booqashadii hore ee bishii July uu ku tegay Eritrea ma suurtogelin in laga dhabbeeyo ballan-qaadkaas.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo bilo gudahood ah laba goor safar ku tago Eritrea, maxaase hortagaan in la soo celiyo ciidankaas? Su’aalahaas ayaa waxaa ka jawaabay wasiirkii ee arrimaha aha dibedda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyey BBC.

“Ciidamadu muddo tababar ay ku jireen, muddadii kalena waxay sugayeen in lasoo celiyo. Waa ayadii Soomaaliya ay martay doorasho, doorashadaas iyana waxay dib u dhigtay ciidankaas soo noqodkooda. Waxaa sidoo kale jiray colaad ka jirta dalka Itoobiya, oo Eritrea ay qeyb ka tahay, marka waxaas oo dhan oo la isku geeyey ayaa sabab u ah daahidda,” ayuu yiri Cawad.

Wasiir Cawad ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay mas’uuliyad ka saaran tahay ciidamadaas, islamarkaana laba ama saddex mar ama ka badan hadduu isaga daba laabto Eritrea, ay ka mid tahay mas’uuliyaddiisa.

Cawad ayaa sidoo kale la weydiiyey haddii soo celin la’aanta ciidankaas ay lug ku leedahay xiriirkii saaxiibnimo ee ka dhaxeeyey Farmaajo, Afwerki iyo Abiy Ahmed.

“Adduunkan iyo madaxda qaarkood wax kasta waa ka suurtoobaan, waa suurtagal, balse waxaan u maleynayaa marka aan eego xiriirka dowladaha, ciidamadaas oo ah ciidamo Soomaaliyeed ma ahan mid la siyaasadeyn karo, oo madaxdeena kuwa hadda jooga iyo kuwa horeba ay intaas ka weyn yihiin, Eritrean-kuna aysan haysan karin ciidamo Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan warar sheegaya in Eritrean-ka ay doonayaan magdhow iyo lacag, balse uusan ka warhayn meel qandaraas lagula galay, oo aanu xaqiijin karin wararkaas.

“Waxaan u maleynayaa duruufo jira daraadeed ayaa mas’uul ka ah dib u dhacaas,” ayuu yiri.

Cawad ayaa sheegay in socdaalka madaxweynaha uu si la mid ah kii hore uu farxad iyo rajo gelin doono waalidiinta wiilashaas iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku rajo weyn ciidan xoogg leh oo ka qeyb-gala dagaaalka Al-Shabaab.

Duulimaad Emirates ah oo ku socday New York oo dib loo celiyey kadib digniin amni

0

Athens (Caasimada Online) – Diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates, oo ku socotay New York ayada oo ay saaran yihiin ku dhowaad 250 qof, ayaa Khamiistii lagu qasbay inay dib ugu laabato magaalada Athens kadib digniin amni oo ka timid Mareykanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in xogta la siiyey diyaaradda ay la xiriirtay “qof tuhun laga qabo oo ka mid ahaa dadka saaran diyaaradda.”

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in diyaaradda ay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Eleftherios Venizelos caasimadda Greece usoo kaxeeyeen laba diyaarad dagaal oo ah nooca F-16 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Greece.

Duulimaadka EK-210 ayaa dib loo celiyey 45 daqiiqo kadib, waxayna soo cago dhigatay 10:00 PM ((2000 GMT), sida uu sheegay afhayeenka oo intaas ku daray in baaritaan lagu sameynayo diyaaradda uu socday.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 228 qof oo rakaab ah iyo 18 shaqaale ah.
Warbaahinta Greece ayaa ku warrantay in mas’uuliyiinta Mareykanka ay booliska Greece uga digeen in “qof la tuhunsan yahay” uu saaran yahay diyaaradda.

Goor sii horreysay oo isla maanta ah, diyaarad kale oo ay leedahay Emirates oo ku socotay Dubai ayaa loo diiday inay ka kacdo garoonka Athens, waxaana dhammaan rakaabka la mariyey hubin dheeri ah sababo la xiriira walaacyo amni, hase yeeshee lagama helin wax laga shakiyo, sida ay uu sheegay il-wareedka boolis.

Duulimaadkaas ayaa ka kacay kadib shan saac oo dib u dhigis ah.
Afhayeen u hadlay shirkadda Emirates ayaa xaqiijiyey labada dhacdo.

“Emirates waxay xaqiijin kartaa in duulimaadka EK201 ee Athens illaa Dubai ee 10-ka November dib loo dhigay kahor inta aysan kicin,” ayuu afhayeenka ku yiri bayaan uu email ugu soo diray AFP.

“Duulimaadka EK209 ee Athens illaa Newark ee 10-ka November ayaa dib ugu laabtay Athens, sababo la xiriira hubin amni oo ay codsadeen mas’uuliyiinta,” ayuu yiri afhayeenka.

Waxa uu intaas ku daray in rakaabkii saarnaa diyaaradda loo jaray ticket cusub oo Jimcaha maanta ah, islamarkaana la siiyey hotel ay seexdaan.

AFP, VOA

La-taliyaha XASAN SHEEKH oo u jawaabay CALI YARE

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – La-taliyaha Sare ee arrimaha siyaasadda ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii u horeysay ka jawaabay doodii uu soo jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare).

Axmed Xirsi ayaa si adag uga horyimid dooddii Cali Yare ee ku saabsaneyd in amniga Muqdisho la qabiileeyo, islamarkaana awoodda la siiiyo beesha Hawiye.

“Dowlada qorshe ayaa u dagsan sidii ay amniga caasimada iyo dalka oo dhan ku sugi laheyd. Meel ay kaga qoran tahey in (Qabiil) gaar ah la hubeeyo-na majirto. Dabcan waa jiraan dad mucaarad ah oo xilal sare soo hayey, kuna fashilmey amniga caasimada/dalka,” ayuu yiri.

Axmed Xirsi oo doodda Cali Yare kaga jawaabay Qoraal dheer ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Ololaha cusub ee la doonaayo in Shacabka Soomaaliyeed laga gado fikirka ah hubeynta (Qabaa’ilo gaar ah) oo xoreyn doona Caasimada! Waxay doonaayaan inay caqabadeeyaan dardar galinta la-dagaalanka cadowga iyo inay iska horkeenaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowlada.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Bismillah-

Hadafka dowlada ee la dagaalanka Khawaarijta mar naba ma’ahan in (Qabaa’ilo) gaar ah la hubeeyo! Waan ka gudubney xiligii aan hubka isku qaadan jirney.

Dowlada Qorshe ayaa u dagsan sidii ay amniga Caasimada iyo Dalka oo dhan ku sugi laheyd. Meel ay kaga qoran tahey in (Qabiil) gaar ah la hubeeyo na majirto.

Dabcan waa jiraan dad mucaarad ah oo xilal sare soo hayey, kuna fashilmey Amniga Caasimada/Dalka. Haatanna ay Lama-filaan waa ku noqotey guulaha mudada yar ey Dowlada Ku gaartey la dagaalanka argagixisada.

Waxay la fajaceen istiraajiyada cusub ee uu Madaxweynaha la yimid. Waxay fursad siyaasadeed ka dhex arkeen shacabka oo u nugul Amni.

Taas waxaa daliil u ah, ololaha cusub oo la doonaayo in Shacabka Soomaaliyeed laga gado fikir ah hubeynta (Qabaa’ilo gaar ah) oo xoreyn doona Caasimada! Waxayna doonaayaan in ay caqabadeeyaan dardar galinta la dagaalanka cadowga iyo in ey Iska horkeenaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowlada.

Waxaan heysanaa fursad Qaali ah oo aan Dalka ku xoreyno, waana muqadis in aan ka fogaano waxkasta oo na kala qeybinaayo. Waxaa amaan gaar ah mudan Ciidanka Xooga Dalka iyo Macawsleyda Hiiraan.

Waa in aan ka wada shaqeynaa mideynta macawsleyda Soomaaliyeed si ay garab u siiyaan Ciidanka Xooga Dalka.

Fadlan- Hadey talo guracantoo, siyaasadii sibiqdey yaan Qabiil lagu owr kacsan.

Weerar ku billowday qaraxyo oo ka dhacay gobolka Hiiraan iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii hore weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday Saldhig ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Burdaar ee galbeedka magaalada Beledweyne.

Waxaa lagu soo waramayaa in weerarka kadib uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada Kumaandooska Gorgor ee ku sugan deegaanka Burdaar iyo xubnihii Shabaabka ahaa ee weerarka soo qaaday.

Sida ay warbaahinta u sheegen dadka deegaanka waxa uu socday dagaalka in ka badan laba saacadood, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira mid nafeed iyo hantiyeed shacabka deegaanka soo gaaray.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka uu fashilayay weerarkaasi, kadib markii uu helay xogta qorshaha Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidamadu ay dileen 12 kamid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab, kadib markii ay ciidamadu ka hortageen weerarkooda, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka dhaawacmeen 3 Askari oo kaliya, islamarkaana ay ku raad-joogaan xubnihii kale ee qeybta ka ahaa weerarkii ay Al-Shabaab kusoo qaaday deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan.

Weerarka saaka lagu eekeyay Saldhiga Ciidamada Gorgor ee deegaanka Burdaar ayaa imanaya xilli maalmihii la soo dhaafay uu gaabis ku yimid howl-galkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday deegaanada gobolka Hiiraan, oo aheyd halkii u horeysay uu ka billowday kacdoonka ka dhanka argagixisada.