27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Dagaalka Al-Shabaab oo laga billaabayo deegaan cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa kasii socda qeybo badan oo ka tirsan gobolada dalka, ayada oo xiligaan uu howl-galka dagaalkaasi ka bilaabanayo deegaanka Bakajeex ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan iyo masuuliyiin kale ayaa sheegay in geba-gebo uu marayo abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaanka Bakajeex, ayada oo halkaasi lagu diyaariyay ciidamo fara-badan oo ka qeyb-qaadan doona howl-galada.

“Madaxda sare iyo kuwa gobolkaba diyaar ayey u yihiin in lala dagaalamo Al-Shabaab, waxaana dadka deegaanka ee hubka qaatay ku boorinaya inay laba jibaaraan howl-galka ka dhanka Al-Shabaab,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale qaar kamid ah horjoogayaasha ciidamada deegaanka ee u diyaarsan inay howl-galo ka fuliyaan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin kala duwan ka geysteen gobolka, islamarkaana ay dhankooda u diyaarsan yihiin ka qeyb qaadashada xoreynta deegaanka.

Howl-galada ka dhanka Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii dambe sii xoogeysanayay, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay argagixisada ka xoreeyeen deegaano ay sanado badan gacanta ku hayeen.

Sidoo kale waxaa tan iyo markii ay billowdeen howl-galada ka dhanka ah argagixisada lagu burburiyay saldhigyo muhiim u ahaa Al-Shabaab, kaasi oo u dambeeyay saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof.

CALI DHEERE oo si yaab leh uga jawaabay sababta ay u beegsadaan SHACABKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), oo wareysi dheer siiyey warbaahinta kooxdaas, ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsaneyd sababta ay dadka shacabka ah u dilaan oo ay qaraxyada ula beegsadaan. 

Cali Dheere ayaa sheegay in kooxdooda aysan si toos ah beegsan shacabka muslimiinta ah, wuxuuna qiil yaab leh u sameeyey shacabka ay dilaan. 

“Annaga ahlu towxiidka iyo dadka muslimiinta ah dhiiggoodu waa inaga xaaraan, Ilaahey baana xarrimay subxaanahu watacaalaa, Ilaahey wuxuu xarrimayna uma gudbeyno annagoo og, tusaale waxaa kuugu filan haddaan annaga dhiig muslim iska daadineyno wilaayaatka maxaan dadka ugu leyn weynay? suuqyada Bakaaraha iyo Suuq bacaad maxaan dadka faraha badan ee dhooban ugu leyn weynay?” ayuu yiri Cali Dheere.

Hase yeeshee Cali Dheere, oo u muuqda inuu ka hadlayo dadka aan ku sugneyn Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ee ay ku dilaan meelaha kale ee Muqdisho, ayaa ugu yeeray kuwa aysan u aqoonsaneyn muslimiin, oo sida uu hadalka u dhigay, u adeegga dowladda federaalka. 

“Haddii loola jeedo islaamnimada ninka murtadka ah ee cadawgaas soo horjooga ee cadawgaa indhaha u ah ee gacan yaraha u ah ee Muslimiinta cawraadkooda tusaya haddii muslimiin loola jeedo innaga kuwaa muslim uma naqaano,” ayuu yiri.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkii ugu dambeeyey ee shacab ay la beegsato wuxuu ahaa kii Zoobe ka dhacay 29-kii October, waxaana ku dhintay dad ka badan 120 qof oo aan shaqo ku laheyn dowladda federaalka, una badnaa haween xoogsato ah iyo caruur. 

Hadalka Cali Dheere ayaa laga fahmi karaa inay bartilmaameed u yihiin dhammaan shacabka ku nool ama taga goobaha ay ku xooggan tahay dowladda federaalka. 

Horey ayaa Mahad Karataay oo ka mid ah madaxda kooxdaas wuxuu u sheegay in dadka ku dhinta weerarada ay la beegsanayaan dowladda ay yihiin; kuwa ku dhintay shil, oo aan loo haysan kooxdaas.

Danjiraha Soomaaliya ee SERBIA oo kulan la qaatay R/W ku-xigeenka dalkaas

0

Belgrade (Caasimada Online) – Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia Mudane Ivica Dačić.

Kulankan Shaqo ayay Danjire Maxamed Cabdullaahi iyo Mudane Ivica kaga wada hadleen xoojinta Xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Labada dal, Fursadaha Ganacsi iyo sida ay Ganacsatada labada dal uga faa’iideysan lahaayeen.

Inta uu kulanka socday ayay sidoo kale kaga hadleen Iskaashiga labada dal sida Waxbarashada iyo Cilmiga Farsamada.

Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia ayaa leh Xiriir Wax wada qabsi, waxaana moodaa in uu furmayo bog cusub oo ku saabsan Xoojinta Xiriirkaas.

“Aabahey afartii nin ee dishay maxay u haysataa Puntland?”

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah wiilasha uu dhalay Allaha u naxariistee Wariye Jamaal Faarax Aadan oo horey sanadkii 2021-kii loogu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay kiiska dilka Aabihiis & sababta weli loo fulin la’yahay xukunkii kasoo baxay maxamadda.

Wiilkan dhalinyarada ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilka Aabihiisa oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ay kasoo wareegatay sanad sideed bilood, welina aysan helin cadaalad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga dilay oo afar ahaa lasoo qabtay, islamarkaana la xukumay balse weli aan wax tallaabo ah laga qaaday, isaga oo ku dooday in la gacan bidixeynayo kiiska.

“Aabahey Jamaal Faarax Aadan dilkiisa waxaa kasoo wareegtay sanad iyo sideed bilood afartii nin ee dishay waan aqaanaa ehelkoda oo ku jees-jeesayay dilka Abaahey $50 baa dhinac ii tuurta lahaa ma garanayo waxay Puntland u haysto. Anigu waxaan ahay nin dhallinyaro ah waxkasta waa iga imaan karaa” ayuu yiri mid ka mid ah wiilasha uu dhalay AUN Jamaal Faarax Aadan.

Wiilkan yar oo sidoo kale ah arday ayaa la gar-naqdsay maamulka Puntland, wuxuuna sidoo kale ka digay in la abuuro iska horkeen bulsho iyo colaad horleh.

“Shacabka yeysan dib isugu laaban yaan la’isku dirin dadku waxaa dad ehela waa dad wada daga marka Puntland 4 nin oo dambi geysatay yeysan fidno dad kale isku abuurin,” ayuu sii raaciyey

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday hoggaanka sare ee Puntland in arrintaan ay soo farageliyaan, si cadaaladda loo marsiiyo raggii dilay AUN Aabihiis Jamaal Faarax Aadan.

“Dowladda iyada ayaa shacabka u dhexeyso iyadaa dowlad ah cadaaladda ha mariso raggaas dadkii ka horreeyey meesha ay mareen ha mariso” ayuu markale yiri.

DF oo soo saartay DIGNIIN ku wajahan laba GOBOL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in gobolada Awdal iyo Gedo ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka (flash floods).

Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in sida saadaaashu sheegayso labadaas gobol ay asbuucan heli doonan roobab inta u dhaxeysa 10 – 50 (mm).

“Hadii roobabkaasi ay goboladaas uga da’aan sida ay saadaashu sheegeeyso waxay dagmooyin gobolladaasi ka mid ah wajihi Karaan khatar kaga timaadda halista daadadka roobka (flash floods) ay roobabkaasi sababi doonaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka.

Sidoo kale waxay hay’addu sheegtay in gobolada kale ee dalka sida: Barri, Woyooyi Galbeed, Sanaag, Bay, Jubada-dhexe, Jubadda-hoose, Shabeellaha-dhexe, Shabeellaha-hoose iyo degmooyin ka mid ah gobolka Hiiraan ay asbuucan heli doonaan roob xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm), sidaas darteedna aan la fileyn inay yeeshaan saameyn badan.

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay soo saareysay “Saadaasha Roobka todobada casho ee soo socota”, taasi oo ay uga digeyso haddii ay jirto halis ka dhalan karta roobabkaasi.

Daba-yaaqada bishii hore ayey aheyd markii magaalada Qardho ee hoostagta maamulka Puntland ay ku rogmadeen daadad xoogan, kuwaasi oo aan horay looga sii feejignaan.

Illaa saddex tog oo Qardho ku soo dhaca ayaa xiligaas biyo ka yimid meelo fog ku soo rogeen magaalada, gaar ahaan xaafadaha ku yaal dhanka hoose ee biyo dhaca.

Daadadkaas ku rogmaday Qardho ayaa waxaa la xaqiijiyay ugu yaraan laba qof oo da’ah inay ku dhinteen, sidoo kale ku burbureen guryo iyo goobo kale oo ganacsi, tan iyo xiligaasina waxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka bilowday ka digista khataraha noocaan oo kale ah ka hor inta aysan dhicin.

SOMALILAND oo war lama filaan ah ka soo saartay walaaca doorashooyinka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo shirkii shalay ee Golaha Wasiirada kaga hadashay arrimaha doorashooyinka ayaa shaacisay inay ka xukuumad ahaan dhameystirtay doorkii kaga aadana arrimaha doorashooyinka.

Waxay sheegtay xukuumadda Muuse Biixi inay sidoo kale dhameystirtay dhaqaalihii doorashooyinka lagu qaban lahaa ee dhankeeda ku waajibka ahaa, islamarkaana ay u diyaar garowday sidii loo sugi lahaa amaanka cod-bixiyayaasha.

“Xukuumaddu waxay raacaysa qorshaha wakhtiga ay guddida doorashooyinku soo cayimaan ee ay ku qaban karaan diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalkaasi “Waxay xukuumaddu ku boorrinaysaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay si nabada ah doorashooyinka u galaan.”

Arrintan ayaa aheyd mid lama filaan ah oo la rumeysan yahay inay ku timid cadaadiska wakiilada beesha caalamka ay ku saarayeen arrimaha doorashooyinka xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi.

Golaha Guurtida oo uu gadaal ka riixyay madaxweyne Biixi ayaa kal hore waxay u sameeyeen muddo kordhin laba sano ah, taasi oo u muuqata inay meesha uga bixi doonto cadaadiska lagu saarayo qabashada doorashooyinka.

Cagjar oo u jawaabay dadka dhaliila dagaalka ay qabiilada kula jiraan AL-SHABAAB

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa u jawaabay dadka dhaliilaya dagaalka ay shacabka isku abaabulay habka qabiil iyo ciidamada dowladda kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka ayaa waxaa jiray siyaasiyiin dano ka leh oo dhaliilaya dagaalka ayaga oo sheegaya in shacabka hubeysan ay dhibaato ka iman karto marka laga adkaado Al-Shabaab iyo in hubkii dowladda lagu xoojinayo qabiilo gaara h.

“Dadka sida kale uga hadlay kacdoonka ka socda gobolka Hiiraan ee lagaga soo horjeedo Al-Shabaab dadkaasi way khaldan yihiin, Muddo aad u dheer dadkan dadka qarxinayay haddii cid u dhaqaaqda la waayay, maanta markii dadku dhaqaaqeen in waxyaabo kale la yiraahdo oo khalkhal iyo doodo kale ay keenaan dad iyagu wakhti haya oo meelahaa fadhi ku dirirka fadhiya khalad ayaan u arkaa,” ayuu madaxweyne Mustafe.

Mustafe ayaa sheegay in howl kasta oo lagalo ay dhibaato ka imaan karto, sidaasi si lamid ahna howlgalladana wixii dhibaato ah ee hadhow ka yimaadda xalkeeda loo wada joogi doono.

“Codka midaysan ee Soomaaliyeed ee ah in Al-Shabaab meel la iska saaro, cidda tashuushka ku furaysa iyo khalkhalka haka waan toobaan,” ayuu yiri. 

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa bogaadiyay sida Shacabka gobolka Hiiraan ay isugu xil qaameen inay u midoobaan sidii ay meel uga soo wada jeedsan lahaayeen ladagaalanka kooxda Al-Shabaab, iyagoo gacan ka helaya Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in dowlad degaanka Soomaalidu ay ka go’an tahay sidii loo soo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab oo uu sheegay in dhibaatooyin badan ay Soomaalida u gaysteen.

“Kooxda Al-Shabaab waa koox Soomaalida halaag iyo dhibaato badan u gaystay, waxaana naga go’an inaan gudano kaalinta nagu aadan ee lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab”, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxa kale oo Madaxweynuhu xusay inay xukuumaddiisu iyo shacabka degaanka Soomaalida ay mar walba hiil iyo hooba la garab taagan yihiin shacabka gobolka Hiiraan ee howlgalka kula jira kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay in labada shacab waa degaanka Soomaalida iyo gobolka Hiiraan inay yihiin dad wlaalo ah oo howlo badan iska caawin kara.

Qatar iyo Israel oo gaaray heshiis cusub (faah-faahin)

0

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ogolaatay in duulimaadyo toos ah uga imaan karaan Israel, kuwaasi oo u furnaan doona taageerayaasha Israel iyo Falastiiniyiinta oo u imaanaya Koobka Adduunka, sida uu sheegay xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.

Heshiiska ayaa bixiyay faah-faahin yar oo ku saabsan sidii ay hal diyaar ugu safri lahaayeen Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta oo tobannaan sano dagaal ka dhexeeyay, kuwaasi oo hadda uga safraya koobkii ugu horreeyay ee lagu qabto dal Carbeed.

“Ku dhawaaqidda taariikhiga ah ee maanta ayaa bixisay gogol lagu hagaajinayo xiriirka bariga dhexe oo dhan,” ayuu yiri Gianni Infantino, guddoomiyaya xiriirka K/cagta ee FIFA.

“Heshiiskan, Israa’iil iyo Falastiin waxay awood u yeelan doonaan inay si wadajir ah u duulaan oo ay ku wada raaxaystaan kubadda.” ayuu sii raaciyay Infantino.

Sidoo kale Bayaan kasoo baxay FIFA ayaa lagu sheegay in duulimaadyadu ay ku xirnaan doonaan “shuruudaha ammaanka ee Israel iyo awoodahooda shaqo” waxaana hadalada kasoo baxay Israa’iil iyo Qatar oo aan xiriir diblomaasiyadeed ka dhexayn ay cadeeyeen kala qaybsanaantooda.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid oo xilka ka degaya ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiskan isagoo aan soo hadal qaadin safarka Falastiiniyiinta ee tartanka oo billaabanaya 20-ka November.

Sarkaal ka tirsan dowladda Qatar oo la hadlay wakaalada AFP ayaa sheegay in dowladda Qatar ay gudbisay Israa’iiliyiinta in xaalad kasta oo kusoo korortay Quddus, Gaza ama Daanta Galbeed inta lagu jiro waqtigan ay halis u tahay baabi’inta heshiiskan oo ay ku jiraan duullimaadyada tooska ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ka badan 10,000 oo taageereyaal Falastiiniyiin ah iyo Israa’iiliyiin ah ay heleen tikidhada tartankan oo socon doona 29 maalmood.

Sida ku cad heshiiska marti-gelinta Koobka Adduunka, Qatar ma diidi karto taageereyaal ka socda waddan kasta.

FIFA ayaa lasoo warinaya inay bilo ku qaadatay “gorgortan adag ah” si ay u dhex-dhexaadiso heshiiska u ogolaanaya duulimaad toos ah oo ka imaanaya garoonka diyaaradaha Israa’il ee Ben Gurion.

Qoddobka ugu adag ee la isku mari la’yahay wada-hadalada Ethiopia iyo TPLF

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wejigii labaad wada-hadaladii u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF ee ka socday magaalada Nairobi ayaa durtaba u muuqda kuwa qaadan doona waqti dheer kadib markii ay soo wajaheen caqabado cusub.

Wada-hadalka oo qeyb ka yihiin saraakiisha ciidamada labada dhinac ayaa lagu waday in maalintii shalay aheyd lasoo gaba-gabeeyo, hase yeeshe illaa hadda majiro war rasmi ah oo dhinacyadu soo saaree.

Wararka ayaa sheegay in qodobka ugu adag ee illaa hadda la isku mari la’yahay uu yahay “hub ka dhigista kooxda TPLF” taasi oo jabhaddu ay shuruudo ku xirtay fulinta arrintaas.

TPLF ayaa rabta in gobolka Tigray ay si dhaqso ah uga baxaan ciidamada Eritrea, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Itoobiya.

“Hubka dhigista qodobka la xiriira waxaa caqabad ku noqday dalab ka yimid kooxda TPLF oo doonaysa in si deg-dega ciiddamada Eritrea uga baxaan Tigray,” ayuu yiri sarkaalka oo magaciisa qariyay.

Sidoo kale waxaa dalabaadka TPLF ay hordhigtay wada-hadaladaan qeyb ka ah in marka hore la soo celiyo adeegyadii aasaasiga iyo inay dadkoodu gargaar deg-deg ah helaan.

Arrintaan ayaa imaneysa xili ay jabhadda TPLF wajaheyso culeyso uga imanaya dibadda, kuwaasi oo ku aadan inaysan ku deg-degin hubka dhigista, taasi oo ay si weyn u dooneyso dowladda dhexe ee Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa iyaduna dhankeeda dooneysa in in marka hore TPLF hubka dhigaan, ka hor inta aan talaabo kale la qaadin, taasi oo sida muuqata marnaba aysan aqbaleyn TPLF.

Si kastaba, waxaa socda dadaalo ay wadaan wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Itoobiya iyo madaxweynihii hore ee Kenya oo garwadeen ka ah wada-hadalka, sidii labada dhinac ay ugu heshiin lahaayeen qodobada la isku mari la’yahay.

CALI YARE oo u jawaabay Senator Sareedo Maxamed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa u jawaabay Senator Sareedo Maxamed Xasan Jayte oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare, islamarkaana laga soo doortay maamulka Puntland.

Senator Sareedo ayaa ka mid aheyd dadkii ka falceliyey doodii Cali Yare ee ku saabsaneyd in amniga Muqdisho la qabiileeyo, islamarkaana awoodda la siiiyo beesha Hawiye.

“1972-1974-kii haddii ay caasimaddu ammaan ahayd ma qabiil baa ilaashan jiray mise magaalo Soomaaliyeed oo si wadar ah loo daganyahay bay aheed? Haddii dadkii lagu tuhmayay inta yar oo aqoonta ah ay leeyihiin qofka ka yimid gobol kale, Xamar waa laga xigaa, dee markaa aan xaarxaaranno meel aan la kala xigin,” ayey falcelinteeda ku tiri Senataro Sareed Maxamed Xasan.

Sidoo kale waxaa dib usoo jawaabay guddoomiye Cali Yare oo su’aallo ka keenay qoraalka Senataradda, taas oo la xiriirta isla arrinta magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Cali Yare ayaa intaasi ku daray in 19972-dii Soomaaliya ay laheyd qaran xoogan, balse hadda ay la dagaalameyso gaari qarax sido iyo qof miineysan, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka laga soo tago Isbarbar dhigga 1972 oo aan aheyn qaran xoog leh iyo 2022 oo aan la dagaalameymno gaari qarax ka buuxo iyo qof miineeysan ay kun ruux ku dhimanayaan, hadana aan Senatorada waydiiyo su’aal xaqiiqo qaraar ah taas oo ah; hadii ay bulshada la wadaagi karto qof labadii qarax ee Soobe uga dhimatay Beesha Reer Maxamuud oo ay kursiga ku matasho iyo haddii ay jiraan magacyada dadkaas iyo sidoo kale magacyada 10 Qoys oo Muqdisho ka daggan reerka ay kursiga ku matasho? Haddii aanay heyna dood uma furna,” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir oo faahfaahin ka bixinayey doodii uu bixiyey iyo hadal heynta ka dhalatay ayaa sharraxaad ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray.

“In Muqdisho Caasimmaddii dalka tahay oo ay Soomaali oo dhan ka dhexeyso, balse hal qabiil uu hadda iyo shalayba u badanyahay reerkaasina uu Hawiye yahay miyaa dood ka qabtaa?. In qasaaro kasta oo Muqdisho ka dhacda uu culeysku reerkaas u badantahay miyaa been ah? ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay Muqdisho wajaheyso culeys xoogan oo ku aadan amniga, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ee ka dhacaya iyo dilalka qorsheysan.

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay 100 dhalinyaro ah oo rabay inay ku biiraan Al-Shabaab

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda ay gacanta ku dhigeen in ka badan 100 dhalinyaro ah oo dooneysay inay ku biiraan kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal culus oo ay sameeyeen ciidamadu.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee ciidamada difaaca qaranka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyaradaas ay doonayeen inay kasoo dhoofaan dalkaas, si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyarada looga sheekeeyey in ay dalka isaga baxaan oo ay ku biiraan Al-Shabaab oo isku dayeyso inay gudaha u gasho dalka Itoobiya.

Bishii August ayey aheyd markii Itoobiya ay shaacisay in illaa 800 oo ka tirsan Al-Shabaab ay ka talaabeen xadka, kadibna ay dagaal ku qaadeen dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Itoobiya ayaa wixii ka dambeeyey markaasi xoojisay feejignaanteeda, ayada oo ciidamo dheeraad ah soo dhigtay xadka, halka ay kuwa kale ay soo gelisay gobollada Bakool iyo Gedo.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u wajahaya khatarta kooxaha xagjirka ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ugu horeeyaan.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya kuwaas oo ku jira howlgalka ATMIS ee ka socda Ururka Midowga Afrika.

Mareykanka oo shaaciyey tirada askarta Ruushka looga dilay Ukraine illaa hadda

0

New York (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka General Mark Milley ayaa sheegay in “in ka badan” 100,000 oo askari oo Russian ah lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaalka bishii sagaalaad galay ee ka socda dalka Ukraine.

General Milley ayaa sidoo kale sheegay in khasaaraha ciidan Ukraine “sidoo kale laga yaabo inuu la egyahay” kan Ruushka, halka khasaraaha shacabka Ukraine uu yahay 40,000 oo dhimasho.

“Waxaa jira xaddi aad u weyn oo silac ah, silac bani’aadannimo,” ayuu Jeneral Milley u sheegay Naadiga Dhaqaalaha New York.

Milley ayaa sheegay in go’aanka Ruushka ee ah inuu dib uga guranayo magaalada Kherson, oo ah caasimad goboleed ku taalla koonfurta Ukraine oo uu qabsaday billowgii dagaalka, iyo billowga xilliga qaboobaha oo dagaalka uu hakan doono, ay fursad u tahay labada dal inay wadaxaajood furaan.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Talaadadii sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Ruushka oo lagu dhameynayo dagaalka, balse kaliya haddii Ruushka ay soo celinayaan dhammaan dhulka Ukraine ee ay haystaan, ayna magdhow ka bixinayaan khasaaraha dagaalka, islamarkaana wajahaan dacwad dambiyo dagaal.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal, wuxuuna toddobaadkan ku dhowaaqay inuu billaabay inuu dib uga gurto Kherson.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa ka digay in Ruushka ay iska dhigayaan kuwa ka baxaya Kherson, si ay usoo geliyaan ciidamada Ukraine dagaal daba dheeraada oo ka dhaca magaaladan muhiimka ah oo loo maro jasiirad u yaalka Crimea oo Ruushka uu haysto.

Milley, oo ah sarkaalka militari ee ugu sarreeya Mareykanka, ayaa sheegay in Ruushka ay qiyaastii 20,000 illaa 30,000 oo askari ku ururiyeen Kherson, islamarkaana dib u gurasho buuxda ay qaadan karto toddobaadyo.

“Tilmaamaha horudhaca ah waxay yihiin inay dhab ahaantii sidaas sameynayaan. Si shaacsan ayey ugu dhowaaqeen inay sameynayaan. Waxaan aaminsanahay inay sameynayaan si ay xariiq difaac uga sameystaan koonfurta webiga Dnieper, balse waan arki doonnaa,” ayuu yiri.

General Milley waxa uu sheegay inay suurtagal tahay in Ruushka ay dib u gurashadan u sameynayaan si ay mar kale ciidankooda ugu diyaariyaan weerar dhaca gu’ga, balse “waxaa sidoo kale halkan ka jirta fursad, fursad lagu wadahadlo.”

Hase yeeshee si wadahadallada ay fursad u yeeshaan, waa in Ruushka iyo Ukraine “ay si isku mid ah u garowsadaan” in guul militari “aan lagu gaari karin habab militari, sidaas darteedna aad u baahan tahay inaad u weecato habab kale,” ayuu yiri Milley isaga oo tusaale usoo qaatay dhammaadka Dagaalkii Koowaad.

VOA, AP

Sawirro: Xasan oo gaaray Asmara iyo Eritrea oo shaacisay maalmaha uu joogi doono

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, sida uu shaaciyey wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

Yemane Meskel ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ay garoonka diyaaradaha Asmara uu kusoo dhoweeyey madaxweyne Isaias Afwerki, wuxuuna intaas ku daray inuu dalkaas joogi doono muddo afar maalmood ah. 

Madaxtooyada ayaa ujeedka safarkan ku sheegtay mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh mudnaan ku siinayo Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

“Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Eritrea Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. 

Safarkan ayaa ah kii labaad ee madaxweynaha uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, ayada oo safarkii koowaad uu dhacay 9-kii July 2022.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligaas ka qeyb-galay dhoola-tus ay sameeyeen ciidamada Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan, wuxuuna dowladda Eritrea uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay.

Xasan Sheekh ayaa horey u ballan-qaaday in askarta Soomaaliyeed ee ku sugan Eritrea oo gaaraya illaa 5,000 uu si deg deg ah dalka ugu soo celin doono, balse kama dhabeyn ballan-qaadkaas illaa hadda.

Toddobaadkii tegay, Qaar kamid ah Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea ayaa si weyn u cambaareeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waalidiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uusan ahmiyad gaar ah siin soo celinta wiilashooda, islamarkaana uusan ka dhameyn ballan-qaad uu usameeyay waalidiintaan, sida ay sheegeen.

Fiqi oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Sheekh Aadan Sunne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Sheekh Aaadan Cabdiraxmaan Warsame (Sunne) oo khudbad ka jeediyey shir ay qabatay kooxda Al-Shabaab, isaga oo weerar qaawan ku qaaday dowladda federalka Soomaaliya oo kordhisay dagaalka Al-Shabaab.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in argagixiye uu yahay Sheekh Aadan Sunne, islamarkaana uu doonayo inuu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed.

“Wadaadkan argagixiyaha ah ee dhowr bilood kahor usoo goostey in uu qeyb ka qaato xasuuqa shacabka, waxaa la yaab lahayd asagoo isqalqaloocinaya hadalada qadafka ah ee uu ku hadlayey, ee uu rabo in uu marmarsiiyo uga dhigto xasuuqa shacabkeena,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in wadaadka uu Al-Shabaab ku biiray, xilli ay xaaladda ku xun tahay, islamarkaana ay kordheen cadaadiska haatan lagu haayo.

“Aadan Sunne waxaa muuqata in xisaabtu ay ka qaldantay oo uu kooxda Khawaarijta u soo goostey mar kooxda xaalku uu ku sii xun yahay oo ay il-geeriyaad leeyihiin!” ayuu raaciyey.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ujeedka uu Sheekh Aadan Sunne ugu biiray Al-Shabaab ay tahay inuu qabto hoggaanka kooxda maadaama xanuunsan-yahay buu yiri hoggaamiyaha Al-Shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubaydah.

“Waxaa ka sii daran markii la sheegey in uu madaxtinimada kooxda Khawaarijta soo raadsaday maadaama kii heystay uu xanuun la ildaran yahay,” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Maxaa ka cusub safarka Mahad Salaad ee Itoobiya?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mahad Maxamed Salaad oo weli ku sugan caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta maamulka xogaha sirdoonka ee IMEDA.

Mahad Salaad ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban xaruntan oo ah halka lagala socda xogaha sirdoonka ee dalka Itoobiya, waxaana xarunta kusoo dhoweeyey mas’uuliyiinta hay’addaasi.

Sidoo kale taliyaha NISA iyo wafdigiisa ayaa warbixin laga siiyey sida ay u shaqeyso xarunta IMEDA iyo doorka ay ku leedahay sugidda nabad geliyada ee dalkaasi.

Agaasimaha hey’adda Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad ayaa sii joogi doono magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalka Itoobiya oo casuumay.

Labada Agaasime ayaa la sheegay inay yeela doonaan kulamo muhiim u ah labada dowladood, oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada shaqeynta hey’adaha sirdoonka labada dal.

Safarkaan ayaa ku soo aaday maalmo uun kadib markii uu magaalada Muqdisho safar ku yimid Agaasime ku xigeenka sirdoonka Itoobiya oo la kulmay hoggaanka sare taliska Nabad Sugidda.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u wajahaya khatarta kooxaha xagjirka ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ugu horeeyaan.

Madaxda labada dowladood ayaa horey u ballan-qaaday inay yeela doonaan cilaaqaad dhinacyo badan leh, sida iskaashi dhinaca ammaanka ah iyo is dhexgal bulsho, maadaama ay deris yihiin.

Ciidamada DF oo qabtay rag weerar ka geystay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgal qorsheysan kusoo qabtay laba nin oo hubeysan, kuwaas oo weerar ka geystay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, xilli ay la socdeen Mooto Bajaaj mareysay waddada 21-ka October.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Doodishe oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey howlgalkaas iyo sida uu u dhacay, waxa uuna shaaca ka qaaday in ciidamada Booliska ay toogasho ku dhaawaceen raggaasi, xilli ay soo geysteen weerar loo adeegsaday bam-gacmeed.

Doodishe ayaa tilmaamay in raggan oo dhaawacyo ah ay ugu dambeyn gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka Soomaaliya, haatana lagu haayo baaritaano dheeraad ah.

Afhayeenka ma shaacin bartilmaameedka weerarka ay geysteen raggaasi, balse wuxuu tilmaamay in bambada lagu tuuray dad shacab ah oo marayey waddada, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada Boliiska Soomaaliyed ayaa manta oo taariikhdu tahay 10/11/2022 abaara 10:30 gacanta ku dhigay eedeysanayaal watay Mooto Bajaaj,ku waas oo la rumaysanyahay in ay ku tuureen Bombo gacmeed dadweynihii marayay wadada 21 OCT aaga Hotel Nasahablood,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ragga lasoo qabtay ee ay dhaawacyada soo gaareen hadda lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Eedeysanayaasha oo dhaawac ah ayaa lagu dabiibayaa goobaha caafimaadka,” ayuu sii raaciyey afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qosheysan iyo qaraxyo, waxaana ka mid ah weerarkii ka dhacay Zoobe.

Xasan Sheekh oo kala diray Golaha Dhaqaalaha Qaranka, magacaabayna mid cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaaday tallaabo culus, isaga oo isbedal ku sameeyey dhismaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka koobnaa 5 xubnood oo Soomaali ah & 4 xubnood oo ajaaniib ah, isagoo magacaabay kuwa cusub.

Halkan hoose ka aqriso:-

Muqdisho, Nofeembar 10, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer:

1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah:

Madaxweynaha J.F.S, Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya.

2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha.

Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xeer Madaxweyne LR.62 ku kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xubnood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn,

Waxaa uu Madaxwaynuhu u magacaabay mudanayaasha iyo marwooyinka magacyadoodu hoos ku xusan xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee heerka la-talinta iyo xoghaynta:

1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud

2. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin

3. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin,

4. Adam Xuseen Rooble, Xubin

5. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin

6. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin

7. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin

8. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin

9. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida nolosha muwaaddiniinta Soomaaliyeed.

Al-Shabaab oo billowday ilo dakhli oo cusub kadib markii DF ay ka xirtay kuwo badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab haatan ay billowday inay kordhiso ilaha dakhliga uu kasoo galo kadib markii dowladda ay qaaday tallaabooyin lagu xakameynayo dakhliga kooxda.

Warbixinta ayaa sheegtay in kooxda ay billowday qaadista canshuuraha guryaha lagu soo rogo iyo dhismayaasha kala duwan, kadib tallaabooyinkii u dambeeyey ee ay qaaday dowladda dhexe oo ku dhowaaqday dagaal dhaqaale.

Khubaro ka tirsan QM ayaa shaaca ka qaaday in haatan kooxda ay raadineyso dhaqaale fara badan oo ay siiso dagaalyahaneeda oo haatan wajahaya dagaallo culus oo ka socdo dalka.

Warbixintan waxaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab ay sameysteen xarumo cusub oo ka baxsan meelihii soo jireenka ah ee ay ku qaadi jireen lacagaha canshuuraha iyo  Zakawaatka.

QM ayaa sheegtay in weli Shabaab ay awood u leedahay in ay lacag u xawisho bangiyada gudaha iyo kuwa dibadda, ayada oo jirto in dowlada Soomaaliya ay xayirtay akoono ay leedahay kooxdu.

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu wareystay haweeney Soomaaliyeed oo magaceeda la qariyey sababo amni darteed, taas oo sheegtay in Al-Shabaab ay la soo xiriirtay, kana dalbatay inay bixiso lacag dhan $425, taas loogu sheegay canshuurta guri ay ka iibsatay magaalada Muqdisho.

Haweeneyda ayaa intaasi ku dartay in markii hore taleefan laga soo wacay, kadibna looga yeeray maxkamad Al-Shabaab ay ku leedahay duleedka Muqdisho, sida ay hadalka u dhigtay.

Khuburada soo saaray warbixinta ayaa sidoo kale intaasi ku daray in kooxda ay sidoo kale lacago baad ah ka qaato milkiilayaasha dhismayaasha iyo guryaha laga dhisayo magaalada Muqdisho.

Warbixintan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan Al-Shabaab oo ay horkaceyso dowladda dhexe oo kaashaneyso dadka deegaanka, waxaana sidoo kale barbar socda dagaal kale oo  dhaqaalaha looga cuuryaaminayo kooxda, sida ay sheegtay dowladdu.

FADEEXAD kusoo baxday wasiirkii UK ee u ololeynayey madax-banaanida Somaliland

London (Caasimada Online) – Sir Gavin Williamson oo ka tirsanaa golaha wasiiradda ee dalka UK ayaa xilkaas iska casilay kadib markii lagu eedeeyay handadaad.

 Xildhibaankan oo u ololeeya in Britain ay dal u aqoonsato jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay inuu xilka uga digay si uu u caddeeyo in aanu wax dembi ah gelin.

“Sidaad ogtahay, waxaa socda cabashooyinka ku saabsan fariimaha qoraalka ah ee aan u diray saaxib aan shaqa wadaaga nahay. Waan u hogaansamayaa hanaankan, waxaanan ka raali galiyay qofka aan fariimahaas u diray,” ayuu ku yiri qoraalkiisa iscasilaada.

Sir Gavin ayaa beeniyay eedeymaha kale ee ah in uu handaday qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka, balse waxa uu sheegay in eedeymahani ay caqabad ku yihiin.

“Tan iyo markaas, waxaa jiray eedeymo kale oo ku saabsan hab-dhaqankeygii hore. Waxaan beeninayaa sifada sheegashadaas, laakiin waxaan garowsanahay in eedeymahani yihiin kuwo carqalad ku ah shaqada wanaagsan ee ay dowladdani qabato,” ayuu intaa ku daray.

Xildhibaan Gavin ayaa ka mid ahaa xubnihii taageeray tartankii uu Mr Sunak ku noqday rai’sul wasaaraha.

Rai’sul wasaaraha UK ayaa aqbalay iscasilaadiisa isaga oo ka murugeysan , waxaa uuna uga mahadceliyay taageerada iyo daacadnimadii uu u muujiyay.

Miisaanka Siyaasadeed ee Gavi

Gavin waa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Conservative ee haya talada dalkaasi UK, wuxuuna ahaa madixii ololaha hoggaaminta ee ra’iisul wasaare Boris Johnson sanadkii 2019-kii.

Gavin ayaa xiligaasi ka hor ahaa xoghayaha gaashaandhiga UK xilligii ra’iisul wasaare Therasa May, hase yeeshee xilka laga qaaday.

Gavin ayaa markii uu Boris xilka qabtay loo magacaabay xoghaya waxbarashada, taas oo markii dambe laga qaaday, sababahana qeybta dambe ayaan ku faahfaahin doonnaa.

Waa xildhibaan laga soo doorto deegaanka South Staffordshire tan iyo sanadkii 2010-kii, isaga oo sidoo kale noqday duqa xisbiga ee baarlamaanka UK.

Dhowaan waxaa wargeysyada UK kuso baxay warar sheegaya in Gavin la siin doono abaalmarinta loo yaqaano Nighthood, taas oo uu ka heli doono ra’iisul wasaare Boris Johnson sida uu qorey wargeyska Daily Express ee UK kasoo baxay, waxayna ka dhigantahay ayaa la leeyahay meeqaamka uu ka taaganyahay dhanka ra’iisul wasaaraha iyo sida ay isugu dhowyihiin.

Balse qeybo kale oo warbaahinta ka tirsan ayaa qoraya in Gavin uu xog badan ka hayo Boris oo maalmahan culeesyo siyaasadeed haystaan, sidaasi darteedna abaalmarintan lagu aamusiinayo isaga.

Muranadii uu wajahay Gavin

ra’iisul wasaarihii hore ee UK Therasa May ayaa xilka ka qaadday Gavin sanadkii 2019-kii kadib markii ay ku eedeysay in uu saxaafadda u dusiyay waxyaabo looga hadlay shirka amniga qaranka UK.

Gavin kolkaa waxa uu ahaa xoghaya gaashaandhiga UK, waxaana lagu eedeeyay in uu fakiyay sir , taas oo ku saabsan in barnaamijka 5G ee isgaarsiinta UK ay ku lug leedahay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Huwawei.

Hase yeeshee sida uu faafiyay wargeyska Guardian ee UK, Gavin ayaa beeniyay in uu faafiyay xogta golaha amniga qaranka ay ku wada hadleen, wuxuuna sheegay in la saaray ‘maxkamad aan caddaalad ahayn’, uuna dhibbane u noqday arrimo siyaasadeed.

Caqabadaha siyaasadda Gavin halkaas kuma aysan ekaan, bishii september ee 2021-dii ayaa laga xayuubiyay xilkii xoghayaha waxbarashada UK kadib markii uu qirtay in ay qalalaad ku jireen barnaamij imtixaanaadka iskuulaadka lagu saxanayo nidaam kumbuyuutar ah, sida uu qorey wargeyska Express and Star.

Gavin Williamson ayaa isaga oo ah xoghayaha gaashaandhiga UK waxa uu booqasho ku tagay Soomaaliya, isaga oo xerada Xalane kula kulmay qaar ka mid ah ciidamada UK ee Soomaaliya.

Gavin ayaanan gudaha u galin magaalada, isaga oo isla maalinkiiba u duulay Hargeysa, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

War saxaafadeed kasoo baxay xilligaas ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley xoghayaha gaashaan dhigga ee dalka Ingiriisa, Mudane Gavin Williamson, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland”.War saxaafadeed ayaa sidoo kale lagu yiri „ .

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyada oo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Somaliland”.

Isha: BBC Somali

Cali Yare oo soo jeediyey in la qabiileeyo amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay la tahay in lagu sugi karo amniga magaalada Muqdisho.

Cali Yare ayaa sheegay in amni darrada Muqdisho uu saldhig u yahay isla xisaabtan la’aanta jirta, maadaama aysan jirin cid si gaar ah masuul uga ah amniga caasimadda.

Wuxuu tusaale u soo qaatay erayga ah hey’adaha amniga, kaas oo muujinaya masuuliyad wadareed uu sheegay in amniga gobolka Banaadir ay beylah ka dhigtay.

“Sida kaliya ee Xamar nabad loogu heli karo waa in amniga gobolka Banaadir uu helo cid leh masuuliyadiisa oo hadey sugto lagu abaal mariyo, hadii ay ku guul dareysatana lagu ciqaabo,” ayuu yiri Cali Yare.

Wuxuu soo jeediyey in guddoomiyaha gobolka Banaadir la hoos geeyo amniga Muqdisho, si loo helo isla xisaabtan, waxana looga bedelo amniga Muqdisho ee masuuliyad wadareedka noqday.

“Aniga waxaan ku magacaabanahay guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, hadana booliska, nabad sugidda iyo hey’adaha kale ee amniga cid iga amar qaadata ma jirto, hadii aan shaqo u dirsaneyno waan soo barinaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in iyadoo uusan jirin ciidan ka amar qaata ay hadana dadku ku dhahayaan waakan ninka amigeena dayacay, “Marka magaaladaan waa in qabiilka dega ay sugtaan amnigeeda,” ayuu yiri.

Cali Yare ayaa tusaale u soo qaatay magaalooyinka kale ee Soomaalida, sida Hargeysa, Garowe iyo Baydhaba oo qabaa’ilka dega ay amniga sugtaan.

“Xamar waa in qabiilka iska leh uu waardiyeysto, sababtoo ah khasaaruhu qabaa’il isku si uguma dhacayo, tan kale amniga magaaladaan waa in la hoos geeyo gobolka Banaadir, hadda taliyaha booliska ee gobolkaan wuxuu hoos tagaa taliyaha guud ee booliska dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Yare.

Hoos ka daawo