27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Daawo: Nabadoon Xaad oo shaaca ka qaaday in laga shaqeysto amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho laga shaqeysto ee dadka magaaladaan ku nool aan la sugin amnigooda.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in Muqdisho sidaan aysan amni ku noqa doonin, maadaama uusan masuuliyad gaar ah laheyn oo cid gaar ah aan lagu eedey karin wixii dhaca.

“Magaaladaan Xamar dadka lagu tilmaamo hey’adaha amniga kama shaqeeyaan amni ee waa ka shaqeystaan, sababtoo ah mudo dheer ayaan ku noolaa magaaladaan, weligeyna tan oo kale ma arkin,” ayuu yiri Xaad.

Guddoomiyaha oo marti ku ahaa dood uu qabtay TV-ga Universal ayaa sheegay in isaga oo la yaqaano uusan aqoonsi la’aan Xamar dhex mari karin, balse gaadiidka iyo dadka qaraxyada fuliya aysan jirin cid celineysa.

“Muqdisho lama helin wadadii saxda aheyd ee ammaankeeda lagu sugi lahaa, waxaana shaki ku jiraa in amni aan loo rabin magaaladaan, sababtoo ah masuuliyadeeda cid leh ma jirto,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dowladda iyo masuuliyiinta ugu sareysa dalka ay fahmi karaan sida loo sugi karo amniga magaaladaan, balse uu la yaaban yahay sababta ka hor taagan in tallaabooyinka haboon ay qaadaan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare oo doodaan isna marti ku ahaa ayaa xalka amniga Muqdisho ku tilmaamay in lagu heli karo in la hoos geeyo beelaha dega iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Hoos ka daawo Nabadoon Xaad

Maxay ka wada-hadleen Xamza iyo Geelle + Sawirro

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdii Bare oo haatan booqasho ku joogo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha waddankaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah, isla-markaana ay goobjoog ahaan xubnaha wafdiga la socda ra’iisul wasaaraha iyo wasiiro ka tirsan Jabuuti ayaa ka dhacay qasriga madaxtooyada ee dalkaas.

Labada dhinaca kulankooda waxa ay diiradda ku saareen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya laba waddan ee walaalaha ah.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti sida ay isaga iyo shacabkiisu mar walba u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda.

Kulankan ayaa qayb ka ah wadahadallada u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Jabuuti oo iyadu casuumadda u fidisay ra’iisul wasaaraha oo maalintii saddexaad ku sugan waddankaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale horey ula kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti, Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed, isaga sidoo kale booqday xarunta isgaarsiinta iyo dekedaha ku yaalla dalkaasi.

Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida u dhow u taageero Soomaaliya oo ay daris la tahay, sidoo kalena ay kala dhaxeyso walaaltinimo iyo xiriir sokeeye oo taariikhiga ah.

GOODAX BARRE: Waa in la maxkamadeeyo bankiyada akoonadii ay xirtay dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhowaaqday inay xirtay dhowr akoon oo kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd bankiyada iyo xawaaladaha dalka.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda ay heshay in ka badan 10,000 oo farriimo oo shacabka ka yimid kuwaas oo ku saabsan akoono ay ay adeegsanayeen mintidiinta.

AL-Cadaala ayaa sheegay in dowladda ay bankiyada iyo shirkadaha xawaaladah ku amartay inay xayiraan lacagta ku jirta akoonadaas, inkasta oo uu sheegay inta le’egtahay.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa VOA u sheegay in tallaabada lagu xiray akoonada kooxda Al-Shabaab ay aheyd mid loo qaaday dhanka wanaagsan. Hase yeeshee, wuxuu intaas ku daray, in kuwii Al-Shabaab u fududeeyey inay adeegsadaan bankiyada la maxkamadeeyo. 

“Shaqaalaha bankiyada waa in lala xisaabtamaa. Iyo sidoo kale kuwa fududeeyey, kuwa magacyadooda loo isticmaalay in lagu furto akoonada waa in sidoo kale dacwad lagu soo ogaa oo ay wajahaan cadaaladda. Taasi waa inay noqotaa tallaabada xigta,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

“Hase yeeshee, guud ahaan jihada dowladda waa mid sax ah, waxaana u maleynayaa inay tahay tallaabo muhiim ah inay sidaas sameeyeen. Balse uma maleynayo inay ku filan tahay inay natiijooyin la taaban karo ku guuleysato,” ayuu ku diray.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa soo jeediyey in dowladda ay maalgeliso dhismada awoodda hay’adaheeda baaritaanada si ay si wanaagsan ugu raad raacdo qulqulka lacagaha argagixisada. 

Ruushka oo ciidamadiisa kala baxay magaallo muhiim ah oo ku taalla dalka UKRAINE

0

Kyiv (Caasimada Online) – Moscow ayaa amar ku bixisay in ciidamadeedu ka baxaan meel u dhow magaalada istaraatiijiga ah ee koofurta Ukraine ee Kherson, taasoo ku timid guuldarro soo gaartay, iyadoo Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka uu ku qiyaasay in khasaaraha Ruushka ee dhimasho iyo dhaawac uu ka badan yahay 100,000 oo tan iyo markii uu deriskooda weeraray bishii Febraayo.

Wasiirka difaaca Sergei Shoigu ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ciidamada Ruushku ay ka baxayaan daanta galbeed ee wabiga Dnipro ee u dhow Kherson taas oo noqon karta goob dagaal.

Ukraine ayaa si taxadar leh uga jawaabtay ka bixitaanka ciidanka Ruushka, iyadoo xustay in qaar ka mid ah ciidamada Ruushka ay ku hareen Kherson, isla markaana gurmad loo dirayo gobolka.

“Waa ay ka baxayaan laakiin maaha ilaa xadka ay taasi dhici lahayd haddii ay tahay gebi ahaanba ka bixitaan ama dib u gurasho,” ayuu yiri Oleksiy Arestovych, oo ah la taliyaha madaxweyne Volodymyr Zelenskiy.

“Ciidamada Ruushka ayaa burburinayay buundooyinka markii ay baxayeen, waxaana ay qodayeen waddooyinka” ayuu yiri Arestovych.

Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka General Mark Milley ayaa Arbacadii ku qiyaasay in militariga Ruushka ay soo gaareen in ka badan 100,000 oo askartooda ah oo la dilay ama la dhaawacay, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada qalabka sida ee Kyiv “ay u badan tahay” inay soo gaareen khasaare la mid ah heerkaas.

Ilaa 40,000 oo rayid ah oo Ukraine ah ayaa sidoo kale laga yaabaa in la dilay, sida uu sheegay General Mark Milley.

Qiyaasaha si madax-banaan uma xaqiijin tiradan wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warkan.

General Mark Milley, oo la hadlayay Naadiga Dhaqaalaha ee New York, ma uusan sheegin sida uu u xisaabiyay qiyaasahaas.

Nin miino aasayey oo lagu dilay howlgal qorsheysan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu dilay dagaalame ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolkaas ayaa waxaa lagu khaarijiyey xubin ka tirsan Al-Shabaab, kadib toogasho ay ku dileen ciidamada waday howlgalka.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ninka la toogtay uu qarax miino ku aasayey xilligaas waddo ay shacabka isticmaalaan oo ku taalla halkaasi.

Sidoo kale waxay saraakiishu tilmaameen in uusan jirin khasaare kale oo ka dhashay howlgalka, marka laga soo tego toogashada ninka qaraxa ku diyaarinayey deegaanka Halgan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas oo ay dowladdu sheegtay inay ku fashilsay weerar qarax miino ah.

Halgan oo ay muddo ku sugnaayeen ayaa Al-Shabaab ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab laga saaray, kadib howlgallo iyo dagaallo ka dhacay Hiiraan.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah oo ay ka mid yihiin qaraxyo miino ku qaada ciidamad dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan howlgallada ka wada gobollada dalka.

Xasan Sheekh oo u safray Eritrea iyo Villa Somalia oo shaacisay laba qorshe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu amba-baxay dalka Eritrea, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya. 

Madaxtooyada ayaa ujeedka safarkan ku sheegtay mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh mudnaan ku siinayo Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

“Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Eritrea Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. 

Safarkan ayaa ah kii labaad ee madaxweynaha uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, ayada oo safarkii koowaad uu dhacay 9-kii July 2022.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligaas ka qeyb-galay dhoola-tus ay sameeyeen ciidamada Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan, wuxuuna dowladda Eritrea uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay.

Xasan Sheekh ayaa horey u ballan-qaaday in askarta Soomaaliyeed ee ku sugan Eritrea oo gaaraya illaa 5,000 uu si deg deg ah dalka ugu soo celin doono, balse kama dhabeyn ballan-qaadkaas illaa hadda.

Toddobaadkii tegay, Qaar kamid ah Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea ayaa si weyn u cambaareeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waalidiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uusan ahmiyad gaar ah siin soo celinta wiilashooda, islamarkaana uusan ka dhameyn ballan-qaad uu usameeyay waalidiintaan, sida ay sheegeen. 

Sawirro: Muxuu yahay qorshaha safarka Mahad Salaad ee Addis Ababa?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wafti uu hoggaaminayo Taliyaha hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta gaaray dalka Itoobiya.

Wafdiga Mahad Salaad waxaa halkaas kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Itoobiya, wuxuuna safarkaan ku soo aaday maalmo kadib markii uu Muqdisho safar ku yimid Agaasime ku xigeenka sirdoonka Itoobiya.

Agaasimaha hey’adda Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad ayaa maalmaha soo socda ku sugnaa doona magaalada Addis Ababa, kadib markii casuumaad uu ka helay dhiggiisa wadanka Itoobiya.

Labada Agaasime ayaa la sheegay inay yeela doonaan kulamo muhiim u ah labada dowladood, oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada shaqeynta hey’adaha sirdoonka labada dal.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u wajahaya khatarta kooxaha xagjirka ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ugu horeeyaan.

Madaxda labada dowladood ayaa horay u balan qaaday inay yeela doonaan cilaaqaad dhinacyo badan leh, sida iskaashi dhinaca ammaanka ah iyo is dhexgal bulsho, maadaama ay deris yihiin.

 

100 Al-Shabaab ah oo lagu laayey howlgal qorsheysan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka, saaxiibada caalamiga ah iyo dadka deegaanka ay ku dhowaad 100 Al-Shabaab ah ku dileen hawlgallo ka dhacay gobolka Galgaduud.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Gorof ee gobolka Gagaduud, waxay ku dileen in ka badan 50 Shabaab ah, sida lagu sheegay warka dowladda.

“Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay khawaariijtu ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof, waxaana Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanku soo uruuriyeen 31 ka mid ah meydadka khawaarijta ee lagu dilay howlgalka,” ayaa lagu yiri warkaan.

Dhinaca kale howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay beeraha aaga Geeshaan ee deegaanka Basra  ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 47 ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa heshay xogta Khawaarijtaan oo isku aruursaday beeraha Geeshaan kuwaas oo ku howlanaa dhagarta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Ugu dambeyntii warka dowladda waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo gacan ka gaystay howlgalkan guuleystay oo lagu ciribtiray shabakado Khawaarijta ka tirsan oo qorsheynayay weeraro ay ku bartilmaameedsadaan shacabka.”

Xildhibaan ku sugan furinta oo sheegay arrin yaab leh oo Al-Shabaab ay billaabeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horeysay warbaahinta u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dagaalka gobolka Hiiraan u adeegsato dhalinyaro ay soo qafaasheen.

Xildhibaanka oo kamid ah xildhibaanada lagu soo doortay Beledweyne, kana qeybta ah siyaasiyiinta Al-Shabaab kula dagaalamaya Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyartaas ay argagixisadu geedo lugaha uga xirtay, si aanay uga cararin furimaha dagaalka.

Maalik Cabdalla oo la hadlay BBC ayaa tilmaamay inay hayaan caddeymo muujinaya arrintaas, islamarkaana ay ciidamada gacanta ku hayaan dhalinyaro qaabkaas u xir-xirnaa oo isa-soo dhiibay.

“Dagaal-yahanada ka tirsanaa qolada Khawaarijta ama ha noqoto inay xoog ku dagaal galinayeen oo soo qafaasheen ama ha noqoto farsamo ay keeneen hogaamiyeyaashooda si aysan u cararin, midaasi ayaa iigu yaab badneyd,” ayuu yiri.

“Marka dagaalka uu bilaabanaya ama la weerarayo inay kusii diyaar garooban oo ay ugu tala-galeen in aan meesha laga saarin ay tahay sababta geedaha loogu xirxiro. Waxaa laga yaaba in qofkaan markii lasoo qabanayay uusan raali ka aheyn in uu dagaalamo laakiin marka xabad ku socoto waa ku qasban yahay in uu iska celiyo wixii soo weeraraya.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan uu indhihiisa ku arkay, islamarkaana aysan aheyn baranbogaado ay dowladda ka abuurayso kooxda ay is hayaan.

“Maanta u dambeysay waxa jirtay labo dhalinyaro ah oo isa-soo dhiibtay, waxaa jirta dad aan soo qabanay asbuucyo ka hor oo noo sheegay inay dadka qafaalan oo waxaa hayna xogo aan ka hayno in 100 iyo ka badan dhalinyaro ah ka badan laga soo qafaashay waqooyiga gobolka Hiiraan.”

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Simon Coveney?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaba-gabeeyey safar shaqo oo uu ku joogay dalka Masar ayaa maanta la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Ireland Mudane Simon Coveney.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wasiirka Simon Coveney xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Jamhuuriyadda Ireland ay safka hore kaga jirto dowladihii ugu horeeyey ee hogaankoodu ay Soomaaliya soo gaaraan xiligii dalku uu la daalaa dhacayey colaadaha sokooye iyo duruufihii nololeed ee adkaa.

Waxa uu tilmaamay halganka wada-jirka ah ee shacabka iyo dowlad Soomaaliyeed ay maanta dalka kaga xoreynayaan argagixisada iyo dadaalada xoogan ee gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka rajeeyey Jamhuuriyadda Ireland in ay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo gurmadka abaaraha gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Jamhuuriyadda Ireland Mudane Simon Coveney ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan iyo kulankan miro-dhalka ah.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, codka Ireland ee gudaha Midowga Yurubna ay ka kabayaan dadaallada dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu horkacayay ee ka qeyb-galay shirka Cimilada Adduunka ee COP-27 ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyagoo inta ay ku sugnaayeen Sharma Sheekh ku soo bandhigay caqabadaha xoogan ee dalkeenna ka soo gaaray isbeddelka cimilada.

Al-Shabaab oo ka hadashay magaca cusub ee ay u bixisay dowladda federaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si adag uga hortimid go’aankii ay ku dhawaaqday dowladda federaalka Soomaaliya ee adeegsiga magaca “Khawaarij”.

Warbaahinta kooxda ayaa baahisay in magacaan cusub uu yahay meel ka dhac ah oo macneheeduna noqonayo koox qaloocan oo xag-jir ah, taasi oo ay ka horyimaadeen hogaanka Al-Shabaab.

Afhayeenka Al-Shabaab Maxamuud Cali Raage (Cali Dheere) oo la hadlay Idaacadda ku hadasha afka kooxda ee loo yaqaano Al-Furqaan ayaa sheegay “in adeegsiga eraygaasi uu qeyb ka yahay dacaayadaha ay dabada ka riixayaan wadaado taageersan dowladda.”

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan mamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, ayada oo warbaahinta iyo shacabka ka codsatay in kooxdan loogu yeero “Khawaarij”.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu reebay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan Kaligii-muslinimada, dilka, isdilka iyo naftii halignimada aan sal ku laheyn Diinteena Islaamka ee Xaniifka ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayada oo la macaamilka kooxda ku sheegtay fal-dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.

Go’aannadan ayaa qeyb ka ah fatwo lagu taageerayo ciribtirka Al-Shabaab oo kasoo baxay shirkii wasaaradaha arrimaha awqaafta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Dagaalka dhanka ra’yiga ah ee dowladda ay kula jirto argagixisada ayaa sii xoogeysanaya ayada oo hore ay uga xirtay warbaahinta kooxda ee baraha internet-ka ee gudaha Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda federaalka Soomaaliya ay magac kale u sameyso Al-Shabaab, ayada oo 2015-kii ay dowladdu soo saartay in warbaahinta ay kooxdan xagjirka ah ugu yeerto “Ugus”.

Natiijooyin lama filaan ah oo kasoo baxay doorashadii ka dhacay dalka Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Maamulka Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaan weli kala caddeyn saaka oo Arbaco ah, ayada oo Dimoqraadiga ay muujiyeen awood aan la fileyn kadib markii ay Jamhuuriyiinta kaga adkaadeen tartano dhowr ah oo aad la isugu dhowaa.

Awoodda Dimoqraadiga ayaa meesha ka saartay cabsidii laga qabay in sicir-bararka sare ee dalka ka jira iyo heerka hoose ee ansixinta shacabka ee shaqada madaxweyne Joe Biden ay la degi doonaan xisbiga.

Warkii ugu wanaagsanaa ee Dimoqraadiga usoo yeeray ayaa ahaa in John Fetterman uu ku guuleystay kursi Senate oo horey ay ugu fadhiyeen Jamhuuriga, kaasi oo muhiim u ah rajada xisbiga ee ah inuu sii haysto maamulka Aqalka Senate-ka.

Waxaan weli caddeyn cidda ku guuleysan doonta kuraasta Senate-ka ee gobollada Wisconsin, Nevada, Georgia iyo Arizona kuwaas oo go’aamin kara cidda heli doonta aqalabiyadda.

Aqalka Wakiilada-na, Dimoqraadiga ayaa ceshtay kuraasta degmooyin kasoo billowda Virginia illaa Kansas illaa Rhode Island, halka kuwa ka mid ah gobollada New York iyo California aan weli la go’aamin natiijadooda.

Dimoqraadiga ayaa sidoo kale ku guuleystay kuraasta barasaabka ee gobollada Wisconsin, Michigan iyo Pennsylvania – oo ah gobollo aad loogu loolamo kuwaas oo muhiim u ahaa guushii uu madaxweyne Biden ka gaaray Donald Trump 2020.

Hase yeeshee Jamhuuriyiinta ayaa ilaashaday kuraasta barasaabka ee gobollada Florida, Texas iyo Georgia.

Ayada oo weli codadka la tirinayo, Jamhuuriyiinta ayaa weli haysta fursad ay ugu guuleystaan maamulka Congress-ka. Hase yeeshee natiijooyinka illaa hadda soo baxay ayaa sare u qaaday rajadii Dimoqraadiga oo filayey guuldarrooyinka xooggan.

Kevin McCarthy oo noqon doona afhayeenka Aqalka Wakiilada, haddii ay Jamhuuriyiinta helaan aqlabiyadda, ayaa niyad wanaag ka muujiyey in GOP ay la wareegi doonaan maamulka.

“Marka aad soo kacdaan berri subax, innaga ayaa haysan doonna aqlabiyadda,” ayuu yiri Kevin McCarthy.

Afhayeenka iminka ee Aqalka Wakiilada, Nancy Pelosi oo Dimoqraadi ah ayaa iyana tiri “Inkasta oo tartano badan aad la isugu dhow yahay, haddana waxaa cad in xubnaha Aqalka ee Dimoqraadiga ah iyo musharaxiinta cusub ay aad u dhaafeen rajadii laga qabay dalka oo dhan.

AP, VOA

Xisbiga WADDANI oo ka fal-celiyey bayaankii maanta ka soo baxay Beesha Caalamka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka Waddani ee Somaliland ayaa ka falceliyey bayaankii kasoo baxay Beesha Caalamka ee looga hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan doorashooyinka oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xisbiga Waddani ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey halka kasoo yeeray Saaxibada Caalamka, kadib kulan ay sideedii bishaan la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waddani ayaa shaaca ka qaaday inay ka mahad-celinayaan doorka Caalamka ee ku aadan taageerada ay la garab taagan yihiin dimuquraadiyadda Somaliland.

“Waanu soo dhawaynaynaa bayaankii ay sida wada-jirka ah ay usoo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland, waxaana nu uga mahadcelinaynaa taageeradooda hagar la’aanta ah ee ay u hayaan dimuquraadiyada Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka Waddani.

Xisbiga ayaa sidoo kale xusay in aad u boggaadinayaan sida ay Beesh Caalamka wax iskaaga weydiisay tallaabada ay qaaday xukuumadda uu hoggamiyo Muuse Biixi Cabid sida cabudhinta warbaahinta madaxa bannaan, xoriyada shirarka iyo mudaharaadyada.

“Waxaanu si buuxda u taageersanahay in saaxiibada caalamiga ahi ay waydiiyaan ficilada dimuquraadiyada ka leexsan, sida cabudhinta warbaahinta, xoriyada shirarka, mudaharaadada, iyo adeegsiga awooda halkii xal siyaasadeed laga raadin lahaa” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xisbiga mucaaradka Waddani, Somaliland.

Somaliland ayaa haatan wajaheyso khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashooyinka, kaas oo kasii daray markii baarlamaanka oo labo sano oo muddo kordhin ah usii sameeyey madaxweynaha, taas oo ay si weyn uga horyimaadeen xisbiyada kala ah UCID iyo Waddani.

Ciidamada dowladda oo la wareegay magaalo ay 15 sano ku sugnaayeen Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgallada ka socdo gobolka Galgaduud.

General Caanood ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo ka gaareen dagaalladii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Wabxo iyo tuulooyinka u dhow.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyey in ciidamada huwanta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Wabxo oo ah magaallo ay 15 sano ka badan maamulayeen xoogaga Al-Shabaab.

“Ciidanka muddo hal saac kahor waxay la wareegeen deegaanka Wabxo oo ah magaallo weyn oo ballaaran oo illaa xalay howlgalka uu ka socday,” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ay qabsadeen toolooyin kale oo hoostaga deegaankaasi, sida Warxoolo, Waragibile iyo Ceell Gorof.

Dhinaca kale afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyey khasaaraha ka dhashay dagaalladaas balse wuxuu tilmaamay inay dib ka shaacin doonaan.

“Ciidanku howlgalkaas uu shalay sameeyey wixii khasaare ah oo dambe dib ayaan idin kaaga soo sheegi doonaan,” ayuu markale sii raaciyey.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana deegaanada soo galay gacanta dowladda ay dhacaan inta u dhexeysa degmooyinka Ceelbuur iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Soomaali badan oo kusoo baxday doorashada dalka Mareykanka + Magacyada

0

Washington (Caasimada Online) – Doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ee xalay dhacday waxaa ka qeybgalay musharraxiin Soomaali-Mareykankan ah, kuwaas oo u tartamay xilal kala duwan oo heer degmo, gobol iyo Federaal ah.

Gobolka Minnesota waxaa ka tartamay ilaa 12 musharax, waxaana guuleystay siddeed ka mid ah, kuwaas oo kala ah;

Ilhan Cumar oo markii saddexaad ku guleysatay doorashada kuriga degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.

Maxamuud Nuur, Hodan Xasan iyo Samakaab Xuseen oo loo doortay wakiillo ka tirsan aqalka hoose ee gobolka Minnesota.

Zayban Maxamed ayaa iyana noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali iyo madow ah oo ka mid noqota Aqalka Sare ee Senate-ka gobolka Minnesota. Waxay sidoo kale noqotay gabadhii ugu da’da yareyd ee ka mid noqda aqalkaas, halkan Cumar Faatax isna dib loogu soo doortay kursigiisii Aqalka Sare.

Fathia Feerayare iyo Cabdul Cabdi ayaa iyagana loo doortay guddiga iskuullada magaalada Minneapolis.

Gobolka Ohio, Ismail Mohamed iyo Munira Abdullahi ayaa ka mid noqday golaha wakiillada gobolkaas.

Gobolka Maine waxaa Aqalka Sharcidejinta kusoo baxay laba gabdhood oo Soomaali ah, kuwaas oo kala ah Maana Cabdi oo aan lala tartamin iyo Deeqa Dhalac, kuwaas oo kusoo baxay doorashooyinkiii ka dhacay magaalooyinka Portland iyo Lewiston.

Deeqa Dhalac ayaa hore u soo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo duq magaalo ka noqotay Mareykanka.

Isha: VOA

Cabdisaciid oo dhaleeceeyey go’aankii ROOBOW kuna taliyey in xilka laga qaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa sharci darro ku tilmaamay amarro kasoo baxay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Mukhtaar Roobow Cali.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee uu hoggaamiyo Mukhtaar Roobow ayaa 6-dii bishan maamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, taasi bedelkeedana loogu yeero magaca Khawaarij.

Qoraal uu soo saaray wasiir Cabdisaciid ayuu ku sheegay in dhaqanka caburinta, magac bixinta aan saxda ahayn, iyo xornima la’aanta ay yihiin habdhaqan lagu yaqaan Al-Shabaab.

“Wasaarada Arrimaha Diinta waxaa wasiir ka ah hogaamiye ku talin jirey nidaamka Al-Shabaab. Talada saxda ah waa in asaga la beddalaa oo dawladnimada la baro iyo ku shaqaynta sharciga,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda oo qoraalkiisa ku weerarray Wasiir Roobow.

Wuxuu qoraalkii ku caddeeyay in sareynta sharciga, iyo ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ee muwaadinka aan laga hor istaagi karin. 

“Go’aanada Wasaaradda Diinta waa waxba kama jiraan maadaama ay sharci daro yihiin. Magaca Kooxda Mukhtar Robow ka tirsanaan jirey waa Al-Shabaab ee la qabso,” ayuu yiri yiri.

“Wasaaradaha ay hoggaamiyaan rag horey uga tirsanaa Al-Shabaab waa in la fahansiiyo nidaamka dawladnimada iyo go’aanada cukuumada qaabka loo maro hadana loo faafiyo. Xuquuqaha aasaasiga ah si fudud looma badali karo. Dawladnimada maaha inkiraad iyo aarsi kooxdaadii hore.”

Qorshaha dagaalka Shabaab oo wax laga beddelayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan oo ah hoggaamiyaha dagaalka lagu xoreynayo gobolkaas ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey qorshaha socdaalkaan uu ku yimid Xamar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu doonayo in wax laga bedalo qorshaha dagaalka lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab, maadaama ay ayaguba bedali karaan qorshahooda dagaalka, wuxuuna qorshihiisa la wadaagayaa madaxda qaranka, sida uu sheegay.

Shantii bilood ee lasoo dhaafay waxaa gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ka socday dagaal u dhexeeya qaar ka mid ah qabaa’ilka Soomaaliyeed oo kaashanaya dowladda federaalka iyo kooxda Al-Shabaab, kaas oo reer Hiiraan ay guulo waaweyn ka gaareen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in Muqdisho uu u yimid inuu la kulmo madaxda dowladda federaalka, si qorshihiisa dagaalka uu ula wadaago iyo baahiyaha ka jira deegaanka ee dowladda federaalka aan looga maarmeyn.

“Safarkeygu wuxuu ku saabsanaa, maadaama waqti dheer aan ku jirnay dagaal, waxaan dowladda la wadaagayaa macnaha uu sameyey dagaalkii aan galnay, waxaa jira waxyaabo aan uga baahanahay dowladda federaalka,” ayuu yiri Cali Jayte.

Guddoomiyaha oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in dhul aad u baaxad weyn ay ka xoreeyeen kooxda Al-Shabaab, balse hadda ay ku harsan yihiin deegaano yar oo dhinaca galbeed ka xiga wabiga Shabelle ee mara Hiiraan.

“Markii la eego xeerka dagaalka, inta ay la egtahay khatarta aad wajaheyso ayey guusha aad gaari karto la egtahay, dadka Soomaaliyeed aad ayey u fiican yihiin, dhalinyarada Soomaaliyeed aad ayey u dagaalantay, dagaalka Hiiraan wuxuu ku socdaa sidii aan u qorsheynay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Guddoomiyaha ayaa beelaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay Shabaab iska dul qaadaan, isagoo u balan qaaday garab istaag iyo inay ka kooxda ka xorey doonaan meel kasta oo dalka ka mid ah.

“Shabaab oo looga guuleysto Hiiraan, waa in Soomaalidu ay ka wada guuleysatay, mar hadaan Hiiraan xoreyno, waxaan gacan ka geysa doonaa sidii looga xoreyn lahaa gobollada kale ee dalka, in kastoo aan Hiiraan bis masuul ka ahay, hadana waxaan u diyaarsanahay xoreyn qaran oo dhamaan umadda Soomaaliyeed aan kooxdaan ka dul qaado,” ayuu yiri Cali Jayte.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Taliska Danab oo sheegay in Al-Shabaab ay haystaan hal fursad oo kaliya (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa sheegay in waqtiga dhow ay soo afjari doonaan maleeshiyada Al-Shabaab ee dalka ka dagaalama.

Taliye ku-xigeenka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku baraarugeen in Shabaabku halis ku yihiin noloshooda, taasina ay ciidanka ka caawisay inay dardargeliyaan hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

“Waxaa nasiib wanaag ah in ummadda Soomaaliyeed ay ku baraarugeen, ayna garteen in nimankan ay yihiin argagixiso dhibaato ku hayso, ayna iska dulqaadaan,” ayuu yiri Taliye Kuxigeenka Danab.

Taliye Kuxigeenka oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee horkacaya gulufka ka socdo Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in hawlgaladan ay kuwii hore kaga duwan yihiin, iyadoo shacabku garowsadeen in ay iska dulqaadaan Al-Shabaab, isla-markaana ay la hawlgalayaan ciidamada.

“Hawlgaladan waxay uga duwan yihiin hawlgaladii hore, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed mar walba hawlgalku wuu sameynayay, dad badan oo deegaanka ah oo garabsiiya way jiri jireen, laakiin hadda kii hore wuxuu uga duwan yahay, bulshadii oo dhan ayaa waxay u kacday inay iska xoreeyaan nimankan, haddii saqiir iyo kabiir yahay iyo hadduu qof caajisa yahay intaba, inaan la dhaafaan markuu ogaaday ayaa ummaddii waxay go’aansadeen inay iska xoreeyaan cadowga ummadda Soomaaliyeed, wayna u istaaggeen, annagana meeshaas waxaan ka helnay yadidiilo iyo garab istaag fiican,” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka.

Isaga oo Warbaahinta Qaranka la hadlayay ayuu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed markii horeba shaqadu wuu waday, haddana asagoo intii ka sii niyad iyo awood fiican ayuu wadaa dagaalkii argagixisada lagula jiray, asagoo kaashanaya dadkii deegaanka. Hawlgaladan waxay uga duwan yihiin kuwii hore, waa bulshadii iyo ciidaankii oo is garab-socda.”

Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan ayaa qaba inaanay Shabaabku lahayn awood ay xilligan ugu babacdhigi karaan ciidanka iyo shacabka wada socda, isagoona qiimeyntooda cududda Al Shabaab ku sheegay boqolkiiba soddon (30%).

“Awood ay hadda ku hor istaaggaan ummadda Soomaaliyeed iyo Ciidanka Xoogga Dalka malaha, awoodooda waxa haray waa uun boqolkiiba soddon ayaan dhihi karnaa, markii aan qiimeyn samayno,” ayuu yiri Gaashaanle Xasan Tuure oo intaasi ku daray “Sababtoo ah waxaa ka dareemi kartaa dagaalkii meeshaan lagula galay, waxay hor istaag ku samayn waayeen ciidamada, ayagoo awooddii ugu badneyd keenay Ceel Hareeri ayay hor istaaggi waayeen ciidamadii ugu yimid meeshaas ee ku soo weeraray, ayagoo weliba dhuumaaleysi samaynayay oo godad qodanayay ayaa godadkii looga daba galay. Marka inaysan awood lahayn meesha ayay ka muuqataa.”

Gaashaanle Xasan Tuure ayaa tibaaxay in waqtiga dhow uu dalka xor ka noqon doono maleeshiyada Al-Shabaab, waddada keliya ee maleeshiyadaasi u furana ay tahay inay isa soo dhiibaan.

“Rajada ii muuqato waxaa waaye muddooyinka soo dhow in wadankan uu xoryahay, oo Al-Shabaab aan laga sheegi doonin, inta hadda dagaalkan ku dhimatayna way dhimatay, intii kalena waa la daba socdaa. Fursad waxay haystaan inay isa soo dhiibaan, sidii Dowladda Soomaaliyeed ay horeba u sheegtay. Ninkii isa soo dhiibo, waan soo dhaweynaynaa, ninkii aan isa soo dhiibina baqtigiisaa keeni doonnaa, haddii Ilaahay na gaarsiiyo,” ayuu yiri Xasan Tuure.

Sawirro: DENI oo laba arrin kala hadlay MAREYKANKA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Nairobi ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda  Soomaaliya iyo arrimaha Puntland.

Deni ayaa xalay hoyga uu degan yahay magaalada Nairobi ku qaabilay wafdi ka socday safaaradda dalka Mareykanka ee Soomaaliya, kaas  oo ka kooban u qeybsanaha qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca siyaasadda.

Kulankan oo ahaa mi muhiim ah waxaa sidoo kale goobjoog ahaa, islamarkaanka Deni ku wehlinayey agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali.

Madaxweynaha Puntland ay xubnaha ka socday safaaradda Mareykanka kala hadlay laba qodob oo kal ah Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda, sida ay shaacisay madaxtooyadu.

“Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda,” ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale xubnaha Mareykanka ee la kulmay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale boggaadiyey horumarka Puntland ka sameysay kaabayaasha dhaqaalaha sida dhismaha Dekadda Garacad iyo sidoo kale qorshaha horumarinta dhaqaalaha Puntland.

Wadahadallada dhexmaray Mareykanka iyo madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya, xilli haatan maamulkaas uu wajahayo muran ka dhashay doorashooyinka oo u dhexeeyo madaxtooyada iyo ururada siyaasadda oo ka digay in la sameeyo muddo kororsi horleh.

PUNTLAND oo shir deg deg ah ka yeelatay ammaanka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska dowlad-goboleedka Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa maanta guddoomiyey shir deg deg ah oo looga hadlayay xaalada guud ee amniga.

Shirka oo ay ka qeyb-galeen Taliye ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska, qaar kamid ah hogaanada ciidanka booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, ku-xigeenkiisa, Taliyaasha Saldhigyada iyo saraakiisha Booliska gobolka Nugaal, ayaa waxaa looga hadlay kor u qaadista amniga caasimada maamulkaas ee Garoowe.

Sidoo kale waxay shirkaan ay taliyayaashu uga wada-hadleen howl-gelinta saldhigyada iyo sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka amniga joogtada ah ee socda.

Shirkaan looga hadlayay amniga magaalada Garoowe ayaa imanaya ayada oo maalmihii lasoo dhaafay uu maamulka Puntland kordhiyay shirarka looga hadlayo arrimaha amniga kadib markii dhawaan ciidamada Somaliland ay la wareegeen magaalada Boocame ee gobolka Sool.

Ciidamada milatariga Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan ayaa dhawaan gudaha u galay degmadaasi, kuwaasi oo saldhig ka sameystay halkaasi, inkasta oo markii dambe ay dib ula wareegeen ciidamada Puntland.

Boocame oo ah magaalo weyn ayaa waxay Puntland u qorshaysay inay ka qabato doorashooyinka qof iyo cod ee haatan qaban qaabadeeda ay ka socoto deegaanada maamulkaasi.