27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Sweden oo Soomaaliya ka taageereysa qorshaha NDP-9

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene) ayaa shalay kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya, Per Lindgarde.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa Istaraatiijiyadda Sweden ay ku taageerayso Soomaaliya, islamarkaana la waafajiyo qorshaha horumarinta Qaranka NDP-9.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla meel dhigeen in mashaariicda kala duwan ee dalka lagu taageero lagu saleeyo waxyaabaha mudnaanta u leh Soomaliya.

“Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay in mashaariicda kala duwan ee ay qorsheynayso sidii loo amba-qaadi lahaa howlaha kala duwan ee hadda socda,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankaan.

Is-fahamkaan cusub ee ay gaareen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo Danjiraga dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya ayaa wax badan ka tari doona dardar-galinta iyo nidaaminta mashaariicda labada dhinac.

Dowladda Sweden oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka mashaariicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sidoo kale dowladda Sweden ayaa ka qeyb qaadata gurmadka Abaaraha.

Mahad Salaad iyo wasiiro ka shiray qorshe muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu qabtay shir muhiim ah oo looga arrinsanayay sidii looga hortagi lahaa dhaqaalaha ay argagixisado ka hesho gudaha dalka.

Shirkaan oo ka dhacay xarunta wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay Madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda sida; Bangiyada iyo Xawaaladaha dalka ka jira.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa shirka wasiirrada Maaliyadda, Ganacsiga, Cadaaladda, xeer-ilaaliyaha guud, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Agaasimaha Xarunta FRC iyo Taliyaha NISA.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur oo shir-guddoomiyay shirkaan ayaa sheegay inay dhinacyada si adag uga wada-hadleen in si wadajri ah looga wada-shaqeeyo sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaqaalahood looga difaaci lahaa argagixisada.

Shirkan ayaa daba socda kulan uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay Guddiga Qaran ee la-dagaalanka lacag dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta waxa loogu yeero argagaxisada (AML/CFT), kaasi oo labo maalin ka hor ka dhacay Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa faray Guddigaan in la dardar-geliyo qorshaha ciribtirka khataraha maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta hay’ada la-dagaalanka khataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFAT).

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo ay ku dooneyso inay meesha uga saarto lacagaha ay argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab ka qaado Ganacsatada, ayada oo mamnuucday in wax dhaqaale ah la siiyo.

Daawo: Xasan Sheekh oo shirka Masar ka shaaciyay dhibaato ka jirta Soomaaliya

0

Sharma Sheekh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka (COP27) oo ka socda dalka Masar ayaa diiradda ku saaray sida isbeddelka Cimiladu uu u saameysay Adduunka iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay ee shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimiladu uu ku yeeshay Adduunka, waxa uuna adkeeyay gurmadka ay u baahan yhiin dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

“Sannadkan aan ku jirno in ka badan siddeed boqol oo milyan oo qof oo Afrikaan ah ayaa waxaa heysta cunto yari. Soomaaliya gudaheedana, in ka badan 7 milyan oo qof ma dabooli karaan baahiyahooda cunto ee aasaasiga ah waxayna u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah. Waxaan u baahanahay in aan is waydiino sababta? Jawaabtu waa isbeddelka Cimilada iyo colaadda,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya abuurtay Wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada, sidoo kalana daah-furtay Hindise lagu dhireynayo Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa soo food saartay dhibaato bini’aadinimo oo aan inta awooddeena ah isku dayeyno in aan wax ka qabanno, taas oo ka dhalatay Abaaraha soo noqnoqda. Waxa kale oo na soo maray daadad ba’an kuwaas oo baabi’iyay kaabayaashii dhaqaalaha, dhul beereedkii ugu fiicnaa iyo sidoo kale hab-nololeedkii bulshadeenna. Dadkeenu ma awoodaan in ay beertaan dalagyada Abaarta jirta awgeed” ayuu ku yiri khudbadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, iyada oo laga faa’iideysanayo dhaqaalaha badda iyo fursadda beeraha ayaa xoojiyay ahmiyadda ay leedahay in dalalka Adduunku ay maanta muujiyaan isku-tiirsanaan, iyada oo aan loo eegin dal horumaray iyo mid soo karaya, si loo maareeyo duruufaha bani’aadannimo ee dadka dunidu ay wajahayaan.

Hoos ka daawo Khudbadda

Dagaal lagu dilay Al-Shabaab badan oo lagu xoreeyey Wabxo

0

Maxaas (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey degaanka Wabxo oo hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Ciidankaan oo maanta ka duulay aagga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa galabta casir liiqii gudaha u galay deegaano ay ugu weyntahay Wabxo oo ka tirsan Galgaduud.

Ciidamadaan waxaa hoggaaminaya xildhibaano iyo saraakiil ka soo jeeda beesha Murusade, waxaana deegaanadii laga xoreeyey kooxda caawa ka socda howlgallo miino baaris ah.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Ibraahim Dheere oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 16 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlaglkii galabta lagu xoreeyey Wabxo.

Sidoo kale Ibraahim Dheere wuxuu sheegay in dagaalkii galabta Al-Shabaab looga gubay laba gaari oo kuwa dagaalka ah, hal kalena ay ka furteen, sidoo kale wuxuu sheegay in dhankooda ay dagaalkaan uga dhaawacmeen laba askari.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhulka ay galabta ka xoreeyeen Al-Shabaab uu dhan yahay 16 KM, waxaana howlgalka ka qeyb qaadanaya ciidanka Danab oo caawa miino baaris ka wada Wabxo iyo deegaanadii kale ee laga xoreeyey kooxda.

“Dagaal aad u qaraar ayaa galabta dhacay, sagaal saac oo galabta ah ayuu soo bilowday, ciidamadeena waxay maanta ka dhaqaaqeen deegaan la yiraahdo Safiir oo u dhow Maxaas, waxayna dagaal ku qabsadeen deegaano ay Wabxo ku jirto,” ayuu yiri Ibraahim Dheere.

Ciidankaan oo Muqdisho diyaarado looga qaaday ayaa laga dejiyey Beledweyne, waxayna ku wajahan yihiin ilaa Ceelbuur, halkaas oo Al-Shabaab ay ka xoreynayaan dhowr iyo toban sano kadib.

XASAN oo loo soo jeediyay inuu xilka ka qaado Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah golaha Aqalka Sare ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeediyay in uu bedelo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Senator Cabdi Ismaaciil ayaa ku dooday in xiligaan loo baahan yahay in xilka Ra’iisul Wasaaraha la keeno Aqoonyahan tayo leh oo bulshada hagi kara, islamarkaana lagu aamini karo dowladda.

“Madaxweynaha waa in uu soo nooleeya kalsoonidiisa hogaamiye Qaran isagoo ku hawlaya afar arrimood. Ugu horeyn waxaa loo baahan yahay in la bedelo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha wasiirada, lana keeno Aqoonyahano Soomaaliyeed oo tayo leh oo bulshada hagi kara, dowladana lagu aamini karo,” ayuu yiri Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ra’iisul wasaaraha hadda xilka haya iyo wasiiradiisa loo magacaabay sidii uu madaxweynaha u noqon lahaa madaxa fulinta ee xukuumadda, halkii ay aheyd inuu ka noqdo madaxa qaranka.

“Madaxweynaha waa in uu ciyaaro kaalin hogaamiyenimo oo uu ku dhaqaaqo isbedello waaweyn, sida in uu bedelo Ra’iisul Wasaaraha.”

Senator-ka oo Qormo dood badan dhalisay ka qoray xaaladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu dalka u horseedo marxalad aan kasoo noqod laheyn.

“Dagaalka Al-Shabaab ee hadda socda iyo beelaha hubka la siiyay, lana abaabulay haddii aan la maareyn waxay Soomaaliya u horseedi doonaan cadaab.”

Ugu dambeyntiina waxa uu Senator-ka soo jeediyay in caasimadda Muqdisho la hagaajiyo maamulkeeda iyo amnigeeda, ogolaanshana loo siiyo dadkeeda inay soo doortaan maamulkooda sida; duqa magaalada iyo golaha deegaanka.

MADAALE oo magacaabay agaasimayaasha cusub ee Gobolka Banaadir (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta magacaabay agaasimayaal cusub oo uu yeelanayo gobolka Banaadir.

Wareegtooyin uu soo saaray guddoomiye Madaale ayaa waxa uu xilalka uga qaaday qaar kamid ah agaasimayaasha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu magacaabay agaasimayaal cusub oo bedelaya kuwa xilalka laga qaaday, kuwaasi oo ay ku jiraan xubno hore guddoomiyaal degmo usoo noqday xiligii dowladdii hore ee Xasan Sheekh. 

Agaasimayaasha cusub ayaa sidoo kale waxaa kamid ah  xubno katirsan xisbiga UDP.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa waxaa la filayaa in xilalka ka qaado agaasimayaal kale oo isugu jira kuwa sare iyo kuwa hoose oo u badan kuwa lasoo shaqeeyay maamulkii hore ee uu hogaaminayay Cumar Finish.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa kamid ah:

1- Ahmed Nuur Cabdi Siyaad —  Agaasimaha Canshuuraha gobolka Banaadir.
2- Khaasim Cabdudlle Xasan — Agaasimaha xafiiska Duqa Muqdisho.
3- Cabdirashiid Cabdullaahi Salaad — Agaasimaha Dad-dhigista Gobolka Banaadir.

Maleeshiyaad la wareegay garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka GALMUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad beeleed ay la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.

Maleeshiyaadkan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa gudaha u galay garoonka, waxayna joojiyeen shaqadii ka socotay halkaas iyo duulimaayadya garoonka Caabudwaaq.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka qabsaday garoonka ay ka soo horjeedaan habka loo qeybiyay xubnaha golaha deegaanka degmada Cabudwaaq oo haatan qaarkood lasoo doortay, waxaana maleeshiyaadka ay ku doodeen in aan weli lasiin saamigii ay lahaayeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka ay dib usoo celiyaan diyaarad sidday mas’uuliyiin iyo sidoo kale odayaal ku sii jeeday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad kacsan.

Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale wacad ku maray in aysan furin doonin garoonka, ilaa laga xaliyo tabashadooda ku aadan dhismaha golaha deegaanka degmada Caabudwaaq.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo sidoo kale madaxda sare ee dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan xiisadda ka taagan halkaasi.

Si kastaba, maamlmihii u dambeeyey ayaa waxaa degmada Cabudwaaq ka taagneyd cabasho la xiriirta dhismaha golaha deegaanka, taas oo timid markii lakala diray maamulkii degmada Cabudwaaq, kadib amar kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.

Madaxweyne Saciid DENI: Waxaa la rabaa in ay meesha ka baxaan DAMUL-JADIID

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan Nairobi ayaa ku dhowaaqay tallaabo lama filaan ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan siiyaasadda ku dhisan is kooxeysiga.

Deni oo khudbad ka jeediyey kulan ka dhacay magaaladaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo horumarinta dowladnimada oo heerer kala duwan soo martay.

Madaxweynaha Puntland ayaa carabka ku adkeeyey inay haboon tahay in laga gudbo siyaasadda ku dhisan kooxeysiga, isaga oo tusaale usoo qaatay kooxda Damul-Jadiid oo haatan heysa talada dalka, islamarkaana uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh

“Waxaa la rabaa in ay meesha ka baxaan Dam-jadiid iyo dam-fulaan,” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu isagu si gaar ah uga shaqeyn doono sidii looga gudbi lahaa arrimahaasi, islamarkaana uu dhaqan-galkeeda ka bilaabi doono Puntland.

“Dowladnimada in aan dadka ku celino rabnaa anigaa bilaabaya waadna arki doontaan” ayuu markale yiri madaxweyne Saciid Deni oo shaaciyey inay ka go’an tahay in isbeddal laga sameeyo dowladnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa waxaa ka dhashay facelin xoogan oo qabsatay baraha bulshada, waxayna dad badan ay tilmaameen in isaguba Deni uu ka dhisay Puntland koox loogu magac daray Aaran Jaan, kuwaas oo u badan xubno u dhow isaga oo ku jiro xeyndaabka madaxtooyada.

Si kastaba, arrintaan ayaa sidoo kale muujineyso inay sii kala fogaadeen Deni iyo Xasan Sheekh oo uu mad-madow soo kala dhex-galay kadib soo magacaabistii ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo uu ka xumaaday hoggaamiyaha Puntland oo isagu doonayey xilkaas.

Dowladda Federaalka oo xirtay bogag ay Al-Shabaab ku laheyd baraha bulshada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal soo saray ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay guul weyn ka gaartay dagaalka dhanka baraha bulshada ee ay kula jirto Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladdu ay ku guuleysatay inay xirto illaa 500 oo boggag ah oo ay kooxda ku laheyd baraha bulshada sida Facebook, Twitter, Telegram iyo TikTok.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed ee xogta lasoo wadaagay, isaga oo tilmaamay in dagaalka iyo howlgalka uu sii socon doono, guushana ay dhowdahay.

Halkan hoose ka aqriso:-

Shacabka Soomaaliyeed waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida joogtada ah ee aad noola soo wadaagaysaan Bogaga Khawaarijtu ay isku dayayaan in ay si dhuumaalaysi ah ugu faafiyaan Afkaartooda Habawsan.

Waxaan ogaysiinaynaa Shacabkeenna Sharafta leh in Xogta aad nala soo wadaagtaan aan markiiba ka jawaabno innaga oo si joogto ah u xirna hadba halka ay isku dayaan Khawaarijtu in ay ku dhuuntaan.

Ilaa intii aan ku bilawnay hawlgalka aan ku joojinayno Baraha ay isticmaasho Khawaarijtu, waxaan xirnay in ka badan Shan boqol oo fadhi oo ay ku kala lahaayeen Aaladaha Warbaahinta Bulshada ee Facebook,Twitter, Telegram iyo TikTok.

Runtii inta ugu badan barahaas aan xirnay waa kuwii aad nala wadaagteen walaalayaal oo aan si Maalinle ah u ugaarsanno.

Aad ayay Inoo dhiirigalinaysaa sida aad innoola wadaagaysaan god kasta oo ay isku dayaan in ay ku dhuuntaan, aadna waan idinkaga mahadcelinaynaa Walaalayaal.

Tani waxeey muujinaysaa sida dhaqsaha ah ee marka aan wada-shaqayno aan uga guulaysankarno Khawaarijta.

Joojinta Faafinta Fikirka Khawaarijka ah wuxuu ka badbaadinayaa Ubadkeenna in ay noqdaan Bambooyin Qarxa.

Mahadsanidiin markasta Shacabkeenna Sharafta badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday inay xireyso Baraha Internet-ka oo ay wax ku faafiyaan Al-Shabaab, iyaga oo Shacabka ka codsaday inay u soo gudbiyaan dowladda hadii ay arkaan Barahaas.

Qeylo dhaan laga soo saaray Shabaab iyo qoysaskooda oo kusoo qulqulaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo qoysaskooda ay kusoo qulqulayaan magaalada Muqdisho, xilli laga soo saaray deegaano badan oo dalka ka mid ah.

Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa bilihii dhowaa laga saaray inta badan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, hase yeeshee taasi kama hor-istaagin inay weerar ka fuliyaan caasimadda.

Guddoomiye Yuusuf Boorsaani ayaa ugu baaqay dadka ku nool magaalada Muqdisho inay isha ku hayaan dadkaasi Al-Shabaabka ah iyo qoysaskooda ah, soona sheegaan, inta aanay sameyn amni darro ah.

“Meesha bahallo-galeenka ah waa taqaaniin, cidda wax kasta soo dhoweysata waa taqaaniin, waa magaalada Muqdisho magaalada Muqdisho soo dhoweynta inaysan u dhiman ayaan rabnaa. Maalin kasta in la yiraahdo baabuur qarax sida ayaa meel hebel jooga ee khalkhald dadka ay ku noolaadeen, suuragal maaha,” ayuu yiri Yusuuf Boorsaani

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dagaallada looga horjeedo Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, taasina ay keentay in markii lagu soo jebiyay ay carruurtooda iyo xaasaskooda soo geliyeen magaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa xaalad cabsi ah ku jirtay tan iyo intii uu dhacay Qarixii Zoobe ee labaad 29-kii October 2022, waxaana xarumo badan a dhigay ciidamo dheeraad ah, iyadoo la saadaaliyay inay qaraxyo dhici karaan.

Sidaas oo ay tahayna saddex habeen kahor un waxaa ka dhacay qarax kale oo lala beegsaday Xerada Jeneraal Dhegobadan, halkaasi oo lagu dilay shan dhallinyaro oo loo qorayey ciidan ahaan. 

Maxaa ka jira in Didier Drogba uu qaatay diinta Islaamka?

0

Saacadihii la soo dhaafay waxaa aad baraha bulshada ugu baahay qoraallo lagu sheegayo in laacibka weyn ee u dhashay Ivory Coast, Didier Drogba uu qaatay diinta Islaamka.

Warkan ayaa soo baxay kadib markii wadaad Muslim ah oo lagu magacaabo Dr Maxamed Saalax oo ku nool Maraykanka uu baahiyay sawiirro muujinaya Drogba oo u ducaysanaya sida Muslimiinta.

Wadaadka ayaa sheegay in Drogba uu qaatay diinta Islaamka, sidaana waxaa ku baahay warka.

Saacado kadib Drogba ayaa bartiisa rasmiga ah soo dhigay in uusan bedalin diintiisa, isla markaana uu la yaabay sida uu u faafay warkaas.

“Sheekadan aad ayey u faaftay, balse ma beddelin diinteyda. Waxaan xushmad u muujinayay walaalahay Muslimiinta ah oo aan ku booqday deegaankayga. Waxay ahayd munaasabad aan midnimo ku muujinay,” ayuu bartiisa Twitter ku sheegay Drogba.

Dr Maxamed Saalax ayaa markii dambe tiray qoraalka hore, waxaana uu sheegay in Drogba uusan noqon Muslim, hase yeeshee uu u duceynayo.

Waa kuma Drogba?

Didier Drogba waxa uu kamid yahay xidigaha ugu magaca dheer kubadda cagta dunida. Waxa uu koobab badan la qaaday kooxda Chelsea ee ka dhisan Ingiriiska. Dalkiisa Ivory Coast waxa uu u ciyaaray saddex koob oo dunida ah.

Kadib 20 sano oo uu heerka ugu sarreeya ka gaaray kubadda cagta, waxa uu sanadkii 2018 shaaciyay inuu ka fariistay ciyaaraha.

Waxa uu u tartamay hogaanka xiriirka kubadda cagta dalkiisa, balse kuma aanu guulaysan.

Waxa uu haystaa diinta Masiixiga, isagoo si weyn ugu xiran kaniisadaha dalkiisa iyo weliba kuwa dibedda.

Isha: BBC

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka dagay JABUUTI + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxayna ka dageen dalka Jabuuti.

Xamza Cabdi Barre iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran garoonka ugu soo dhaweeyay, dhiggiisa dalkaasi Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti.

Booqashada ra’iisul wasaaraha oo ku timid casuumaad uu ka helay dowladda Jabuuti ayaa qaadan doonto muddo saddex cisho ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiikiisa.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Jamhuuriyadda Jabuuti wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi, isaga kala hadli doono xoojinta xiriirka ku dhisan walaaltinimada iyo darisnimada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale dowladda Jabuuti kala hadli doono arrimo ku aadan dagaal ay dowladda kula jirto Shabaab iyo sidii ay uga taageeri laheyd howlgallada socdo.

Wuxuu sidoo kale uga mahadcelin doonaa garab istaagga ay reer Jabuuti u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, kadib qaraxyadii ka dhacay Zoobe, maadaama ay soo direen gurmad deg deg ah iyo dhaqaatiir howlo caafimaad ka fuliyey magaalada Muqdisho.

Booqashadaan ayaa qayb ka ah safaro kala duwan oo uu ra’iisul wasaaruhu ku bixinayo dalalka dariska, wuxuuna dhowaan gaaray dalka Itoobiya, isagoo kadib soo maray Jigjiga.

Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero Soomaaliya, waxayna sidoo kale qayb ka tahay howlgalka ATMIS, ayada oo ciidamadeeda ay ka howlgalaan gobolka Hiiraan.

Maxaa ka hirgalay siyaasadda Soomaali dunida heshiis la ah ee madaxweyne Xasan?

0

Tan iyo markii uu yimid xafiiska yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waa uu bilaabay dadaallo uu ku hirgelinayo halku dhigga xukuumaddiisa ee Soomaal Dunida Heshiis la ah’, taas oo uu madaxweynaha ku bixiyay dadaalkii ugu badnaa.

Madaxweynaha ayaa bilawgii mudda xileedkiisa socdaallo ku gaaray dalalka deriska, kuwa carabta iyo Yurub si uu saldhig buuxda ugu yeelo siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya oo aanan fadhinin dhawrkii gu’ ee tagay.

Intaas kadib dowladaha ayaa bilaabay in ay mid mid uga jawaabaan xiriirka soo jireenka ah ee kala dhaxeeya dalkeenna, taas oo keentay in Soomaaliya ay garabkeeda ka aragto dowlado badan, iyadoo xejisaneyso kuwii horay u fadhiyay xiriirkooda.

Hadaba Warbixinta waxaan kusoo bandhigeynaa dadaallada ay saaxiibada Soomaaliya ay ku bixinayaan garab istaagga dowladda Federaalka tan  iyo is-af-garadyadii ay la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud.

Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii uu yimid waxa uu dadaal xooggan uu geliyay sidii ay dowladda federaalka ah ee Itoobiya, u laba jibaari lahayd xiriirkeeda Muqdisho.

Taas ayaa keentay in madaxweynaha uu booqdo Adis Ababa, halkaas oo uu kulanno kula qaatay rai’iisulwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, waxaana labada dhinac ay isla meel dhigeen in laga wada shaqeeyo dhinacyada dhaqaalaha, Amniga, Qiyamka dowladnimada iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah.

Adis Ababa ayaa dhankeeda muujisay kalsoonida iyo wada shaqaynta dhinacyadaas kala duwan ah ee ay ku qabto Muqdisho, waxaana ay qayb ka noqotay dowladihii gurmadka bini’aadanimo u fidiyay Soomaaliya, markii 29-kii October qaraxyo dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay Isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho.

Itoobiya oo ka jawaabayso gurmadka dadkii wax ku noqday qaraxyadii Muqdisho ka dhacay ayaa dowladda federaalka ah ku wareejisay deeq gargaar ah.

Dhinaca kale hay’adaba muqaabaraadka labada dhinac ayaa Muqdisho qalinka kula duugay heshiis xoojinta wadashaqaynta iyo ishdaafsiga xogaha amni.

Jabuuti

Dowladda Jabuti oo kamid ah dowladaha sida gaarka ah ugu suntan garab istaagga iyo taageeridda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayaa iyadu dhankeeda bilawday sidii ay qayb wayn uga qaadan lahayd gurmadka iyo kaalmada loo fidinayo dadka Soomaaliyeed.

Wadashaynta diblomaansiyadeed iyo iskaashiga dhigacyada amniga ayaa labada dhinac ay bilaabeen dhaqan gelintiisa, waxaana ay taasi dhalisay in habmaamus sare ay kala helaan labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa biladda ugu sareysa ee dowladda Jabuti ay  ay bixiso ka guddoomiya Ismaacil Cumar Geelle, kadib dadaaladiisii uu ku bixiyay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee Hiil-Walaal.

Jabuti ayaa sidoo kale dhaqaatiir u soo dirtay Soomaaliya, markii Muqdisho ay 29-kii October ay ka dhaceen qaraxyo ay dad badan ku dhinteen, xilligaas oo uu ra’iisulwasaaraha dalka Jabuti Cabdoulkader Kamil Mohamed, faray in si degdeg ah loo garab istaago Muqdisho.

Kenya

Waxa ay muddo dhawr sano ah xiriirkeeda uu la xumaa arrimo salka ku hayo dano gaar ah, taas oo meesha keentay in labada dal oo ah ood wadaag ay xaaladooda adkaato.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safar booga dhayid ah ku tagay Nairobi kadib doorashadiisi, waxaana ay noqotay middaas in labada dhinac ay si wadajir ah u sheegaan in khilaafkii iyo xurguftii jirtay la xaliyay.

Xasan Sheekh ayaa kadib doorashadii ka dhacday Kenya markale cagaha dhigay Nairobi, waxaana uu hoggaankeeda cusub uu kala hadlay sidii loo adkayn lahaa danaha labada dhinac oo aan marna kala maarmin.

Dowladda Kenya ayaa iyaduna dhankeeda bilawday in ay soo celiso, wanaajisana wadashaqaynta Amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

Nairobi ayaa sidoo kale bilawday in ay doorwayn ka ciyaarto sidii ay u taageeri lahayd sidii ay Soomaaliya ugu biiri lahayd ururka bulshada bariga afrika EAS.

Sudan

Khartoum, ayaa kamid ah dowladaha ay xukuumadda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay bilaawday in ay la yeelato xiriir saaxiibtanimo oo ka dhaw midkii ay horay u lahaayeen labada dowladood.

Xasan Sheekh ayaa booqasho ku tagay dalka Sudan isaga oo la kulmay madaxda dalkaas, waxaana labada dhinac ay kawada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen amniga.

Wasiirada difaaca Sudan iyo Soomaaliya, ayaa fadhi gaar ah ku yeeshay Khartoum, waxaana ay Soomaaliya ay ka dalbatay dhiggeeda Sudan, in ay qayb ka noqoto dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

Sudan ayaa dhankeeda aqbashay in ay Soomaaliya ku taageerto saanadda dagaalka, waxaana ay taas xoojisay xiriirka wadashaqayn ee labada dhinac.

Masar

Qaahira waxa ay door muuqdo oo waxbarashada, caafimaadka iyo taageeridda siyaasadda ay ku leedahay dowladda Soomaaliya, waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uu siiwaday wadashaqayntii ay dalka ay lalaheeyd.

Cabdulfatah Sisi iyo Xasan Sheekh ayaa dhawrjeer oo kala duwan kulama yeeshay, waxaana ay labadaba ay meel isla dhigeen in iskaashiga islaamnimo iyo saaxiibtinimo ay sii wadaan dhinacyada.

Masar ayaa sidoo kale taageero dhanka ciidanka ah u balan qaadday dowladda Soomaaliya, waxaana ay sidoo kale iska kaashanayaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada labada shacab.

Turkey

Dowladda Turkiga oo xiriir walaaltinimo muddo 12 sano ah la garab taagneyd shacabka iyo dowladda Soomaaliya, ayaa ayadana waxa ay sii xoojisay taageeradeeda dhinaca walba ah ee Muqdisho ay siiso.

Ankara oo kamid ah saaxibada safka hore kaga jira garab istaagga Soomaaliya ayaa dhankeeda qayb ka noqotay hawlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda dalka.

Turkiga ayaa diyaaradihiisa dagaalka Bayraktar ay ka soo muuqdeen dagaalka ay shacabka iyo ciidamada ka wadaan qaybo kamid ah bartamaha iyo koonfurta dalka.

Istanbul ayaa xoojisay sidoo kale tababarka ay siiso ciidamada kala duwan ee Soomaaliya, waxaana ay iskaashigeeda militeri ee ay Muqdisho kula jirto uu noqday mid aad u sarreyo.

Labada madaxweyne ayaa ku heshiiyay in saaxiibtinimada iyo walaaltinimada ay si wadajir ah u adkeeyaan, la iskana kaashado dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Ururka Jamacada Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Aljeriya, kaga qayb galay shirwaynaha ururka jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya Xubin firfircoon ka tahay waxa uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanayso oo uu kaga hadlay xaaladda dalka.

Xasan Sheekh ayaa dalalka carabta u sharaxay dagaalka Al-shabaab ka dhanka ah ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ururka looga baahan yahay in dowladdiisa ay ku garab siiyaan dagaalka.

Dhammaan dadaaladaas ayaa salka ku haya hirgelinta Soomaali oo dunida heshiis la ah, sida uu horay u sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

W/Q: Abdirahman Sabriye

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

CALI JEYTE oo shaaciyey ujeedka safarkiisa Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan ayaa maanta ka warbixiyey safar shaqo oo uu kusoo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, xilli ay howlgallo ay ka socdaan gobolka uu maamulo.

Jayte ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka safarkiisa uu la xiriiro dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo deegaanada gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inuu kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, islamarkaana uu kala hadli doono wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Safarkeyga Muqdisho waxa uu ku saabsanyahay waqti dheer ayaan dagaal ku jirnaa waxaan madaxda dowladda la wadaageynaa sidii wax looga baddeli lahaa qorshaha dagaalka,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan oo haatan ku sugan Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka go’an tahay isku xirka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus.

“Howlgalka waxaa kasoo billawnay dhinaca waqooyi gaar ahaan Matabaan, waxaana rabnaa in aan isku xirno Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe” ayuu  raaciyey Cali Jayte Cismaan.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Shabaab ee haatan ka socdo dalka, kaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey Al-Shabaab oo sidoo kale deegaano looga qabsaday.

MUUSE BIIXI oo kulan la qaatay in ka badan 10 safiir

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan xasaasi ah oo dhanka fogaan araga ah (Video Conference) la qaatay 14 Safiir iyo ku-xigeeno isugu jira.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay howlaha gargaarka bini-aadannimo, dardar-gelinta iyo xoojinta mashaariicda ay hore uga wadeen deegaanada Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Sidoo kale waxa kulankaan diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka Somaliland oo muddooyinkii dambe ay ka taagneyd xiisad xoogan, kadib markii muddo kordhin loo sameeyay madaxweyne Muuse Biixi.

Mucaaridka Somaliland ayaa hore u shaaciyay in wixii ka dambeeya 13-ka bishaan aysan Muuse Biixi u aqoonsaneyn madaxweynaha Somaliland, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sidii ay u dhisi lahaayeen Gole badbaado.

Safiirada kulankaan maanta la qaatay madaxweyne Biixi ayaa kala ahaa;

1. EU – Ambassador Tiina Intelmann
2. Belgium – Ambassador Peter Maddens
3. Denmark – Ambassador Steen Sonne Andersen
4. Finland – Ambassador Pirkka Tapiola
5. France – Ambassador Arnaud Suquet
6. Ireland – Ambassador Fionnuala Quinlan
7. Italy – Ambassador Alberto Vecchi
8. Norway – Ambassador Gunnar Holm and chargé d’affaires Haakon Svane
9. Sweden – Ambassador Per Lindgärde
10. Germany – Sascha Kienzle, Deputy Ambassador
11. Netherlands – Deputy Ambassador Laurie Visser
12. US – Anthony Diaz, Deputy Chief of Mission (Acting)
13. UK – Lizzie Walker, Head of British Office Hargeisa
14. Canada – Robert Bunbury, First Secretary.

Xogta dagaalkii Qaayib iyo Xiindheere iyo Galmudug oo ka hadashay

0

Qaayib (Caasimada Online) – Xaaladda deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaguud ayaa daggan kadib dagaal saacado socday oo halkaas ku dhexmaray kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya dadka deegaanka.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa VOA u sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay Qaayib uu ahaa mid aad u xooggan oo qaraxyo ku bilowday, balse ay iska caabiyeen.

“Gaadiid waxyaabaha qarxa wada iyo rag ismiidaanimaya ayey iska soo hormariyeen, laakiin ciidankeena ayaa deg deg xogta u helay, intii aysan hadafkooda gaarin ayaa la qarxiyey,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa sheegay inuu jiray gaari weyn oo ay doonayeen in Al-Shabaab ay ku dhex qarxiyaan magaalada, balse la fashiliyey isaga iyo koox maleeshiyaad ah oo dooneysay inay mid-mid isku qarxiyaan.

“Kooxda waa la jebiyey subaxdii horaba, waana la sii eryanayaa, dhamaan qaraxyadii ay soo abaabuleen sooma gaarin talisyada ciidankeena, khasaaraha jira wuxuu u badan yahay dadkii reer miyiga ahaa, Qaayib waa deegaan muhiim ah, mar dhow ayaana laga xoreeyey cadowga,” ayuu yiri Axmed Shire Falagle.

Ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkii maanta uu gaystay khasaare nafeed oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray xarumihii isgaarsiinta ee deegaanka oo qarax lala beegsaday.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa weerar ku qaaday deegaanka Xiindheere oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana aad u yar xogta laga heli karo dagaalkii dambe ee maanta ka dhacay Xiindheere.

Dagaalkii maanta ee Qaayib ayaa qeyb ka ah dagaallada dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo bulshada deegaanka oo iskaashanaya ay kula jirayaan deegaanadii ay ka tali jirtay kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka xooggiisa ayaa ka socda gobollada Hiiraan, Shabellada Dhexe iyo Galgaduud, waxaana bilihii u dambeeyey kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaano intooda badan dhaca dhulka uu ka arrimiyo maamulka HirShabeelle.

 

Muddada lagu soo afjarayo Al-Shabaabka HIIRAAN iyo Sh/Dhexe oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in qorshaha howl-galada gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu yahay in 20 maalmood gudaheed lagu soo afjaro kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in maamulka HirShabelle ka go’an tahay in mudadaas ay deegaanada maamulka kaga xoreyn doonaan kooxda Al-Shabaab, oo weli gacanta ku hayso deegaano kamid ah maamulka HirShabelle.

“Waxaa leeyahay Shacabka mooral ha yeesho waa laga xoreynaya cadowga oo dowladda ha la shaqeyaan, wiilashooda ha ku soo biiraan ciidamada dalka,” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Daaci.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay hub fara badan ku qalabeynayso Macawiisleyda oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Argagixisada, islamarkaana ay helayaan mushaar joogto ah.

“Qabiilada waxaa u jeedinaya inay dowladda la shaqeeyaan oo aad u gacan siiyaan, ciidamada dalka waa inay aad u horkacaan bulshadaas oo cadowga laga kiciyo,” ayuu yiri Axmed Daaci.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in deegaanada illaa hadda laga xoreeyay cadowga ay dowladda u qorsheysay gaarsiinta dhamaan adeegyada aasaasiga ah, sida; goobaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Arrintaan ayaa imaneysa ayada oo madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdlaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu shaaciyay in degmada Aadan Yabaal ay noqoneyso halka ay iskaga xiri doonaan howl-galada gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Howl-galada ka socda maaamulka uu hogaamiyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa illaa hadda laga gaaray guulo, ayada oo ciidamada ay gacanta ku dhigeen deegaano dhowr ah oo sanado badan ay gacanta ku haysay Al-Shabaab.

Daawo: DF oo ka hadashay waxa ka jira in dhaawacyo ay ku dayacmeen isbitaallada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka hadlay hanaanka loo daaweynayo dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen qaraxyadii Soobe 2.

Wasiir Faarax ayaa sheegay in uusan jirin qof dhaawac ah oo dayacmay, isagoo sheegay in dowladda iyo isbitaallada Muqdisho ay iska kaashadeen sidii qof kasta oo dhaawac qaba loo dabiibi lahaa.

“Qof dhaawac ah oo meel cidla ah dayac loo dhigay majiro, isbitaallada way buuxsameen, laakiin dowladda ayaa dusha u ridatay wixii dhaqaale ah,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab istaag buuxa ka heshay dadka Soomaaliyeed oo ganacsatadu ay ugu horeeyaan, sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay xoogga saartay sidii dadku ay dabiib ku filan u heli lahaayeen.

Dhanka tira koobka wuxuu sheegay inay ku hor mareen caruurta dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobe 2, kuwaas oo horay ay dowladdu ugu balan qaaday waxbarasho lacag la’aan ah.

“Wasaaradda waxbarashada guddi ay sameysay waxay soo tira koobeen ilmihii agoonta ahaa ee waalidiintood ay ku waxyeeloobeen qaraxyadii, waxayna bahda waxbarashada balan qaadeen in waxbarasho bilaash ah la sii doono,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Hey’adaha dowladda, ganacsatada iyo dad kale ayuu sheegay inay lacago badan ku yabooheen, dhaqaalahaas wuxuu sheegay in guddi gaar ah oo si sax ah u maamula loo sameynayo.

Wasiirka ayaa u mahad celiyey hey’adda maareynta musiibooyinka oo doorweyn qaadatay mudadii ay aas-aasneed oo bilo kooban ah, sidoo kale dadka Soomaaliyeed ayuu ku amaanay sida ay isugu soo gurmadeen.

Hoos ka daawo

Dowladda oo mamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba maamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, taasi bedelkeedana loogu yeero magaca Khawaarij.

Sidoo kale waxay wasaaraddu reebtay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan Kaligii-muslinimada, dilka, isdilka iyo naftii halignimada aan sal ku laheyn Diinteena Islaamka ee Xaniifka ah.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa lagu sheegay qoraalka in la macaamilka kooxda Al-Shabaab uu yahay fal-dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.

“Wasaaraddu waxay ka reebtay Culimadda Soomaaliyecd la macamilka iyo aadista kooxaha Khawarijta, madaama la macaamilkoodu uu yahay faldambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.”

Wasaaradda waxay kaloo mamnuucday in culimada Soomaaliyeed ay la macaamilaan Al-Shabaab, waajibaadna uu ka saaran yahay taageeridda gulufka ka dhan ah Alshabaab.

Go’aannadan ayaa qeyb ka ah fatwo lagu taageerayo ciribtirka Al-Shabaab oo kasoo baxay shirkii wasaaradaha arrimaha awqaafta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Dagaalka dhanka ra’yiga ah ee dowladda ay kula jirto argagixisada ayaa sii xoogeysanaya ayada oo hore ay uga xirtay warbaahinta kooxda ee baraha internet-ka ee gudaha Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda federaalka Soomaaliya ay magac kale u sameyso Al-Shabaab, ayada oo 2015-kii ay dowladdu soo saartay in warbaahinta ay kooxdan xagjirka ah ugu yeerto “Ugus”.

Al-Shabaab oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa ku hanjabtay inay ciqaabi doonto cid walba oo ay ku jiraan saxafiyiinta, kuwaasi oo u hogaansama awaamiirta dowladda ama ereygan cusub adeegsada.

Degmada ay isaga xirmayaan howl-gallada SH/DHEXE iyo HIIRAAN oo la shaaciyay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdlaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shaaciyay in degmada Aadan Yabaal ay noqoneyso halka ay iskaga xiri doonaan howl-galada gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Saraakiisha hogaaminaysa howl-galada inay sida ugu dhaqsaha badan ka gun-gaaraan go’aankooda ah inay gacanta ku dhigaan deegaanada ay duulaanka ku yihiin.

“Guullo is daba-joog ah ayaa illaahey nasiiyay, Alle ayaa uga mahad-celineynaa, way jabeen nimankaan Khawaariijta ah, dadka deegaanka waxa aan leeyahay yaa loo kala harin ee halaga reebto qoryaha, ciidamada ka howlgalaya Hiiraan & kuwa Shabeelaha Dhexe waxa ay isaga hor imaanayaan Aadan Yabaal,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Waxa kale oo uu tilmaamay in maalmaha soo socda ay Al-Shabaab ka xorey doonaan dhamaan gobolka Sh/Dhexe, islamarkaana ay u sii gudbi doonaan Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceeldheer.

Howl-galada ka socda maaamulka uu hogaamiyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa illaa hadda laga gaaray guulo, ayada oo ciidamada ay gacanta ku dhigeen deegaano dhowr ah oo sanado badan ay gacanta ku haysay Al-Shabaab.

Howl-galadaan ayaa waxaa si wada-jir ah iskaga kaashanayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas iyo Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.