27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Wiil la dhashay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BF oo Muqdisho lagu dilay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay barqanimadii maanta dabley hubeysan ay ka geysteen qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Abshirow, kaas oo ka mid ahaa dhalinyarada waxbaratay ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Sidoo kale marxuumka ayaa waxa ay walaalo yihiin guddddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullahi Cumar Abshirow, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyey baaaritaano kooban oo lagu baadi goobayo kooxihii dilka geystay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo war kasoo seeray geerida Marxuum Cabdiraxmaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelladdiisa, gaar ahaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxa aan halkan tacsi uga dirayaa Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Cumar Abshiroow oo walaalkiis Abdiraxman Omar Abshirow saaka lagu dilay degmada Dharkanleey ee gobolka Banaadir. Naxariistii Janno Eebe ha siiiyo, gacan ka xaq daran ayaa dishay,” ayuu yiri xildhibaan Macallimuu.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaanka dari ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo sidoo kale weeraro qaraxyo ah.

DF oo markii ugu horreysay xirtay qaar kamid ah akoonada maaliyadeed ee Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku guulaysatay inay xanibto akoono maaliyaddeed oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen xawaaladaha iyo bangiyada dalka, sida uu shaaciyey wasiirk ku-xigeenka warfaafinta.  

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in akoonada la xanibay ay ku jirtay lacag badna oo kooxda Al-Shabaab ay u adeegsaneyseen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

“In ka badan toban kun oo farriimood ayaa nasoo gaaray, kuwaas oo dadku nagula wadaagayeen akoonada ay Khawaarijtu lacagaha ugu diri jireen, taasoo keentay in bangiyada iyo xawaaladuhu xannibeen akoonnadaas oo lacago ugu jireen Khawaarijta,” ayuu yiri Al-Caddaala. 

Wasiirka ma sheegin shirkadaha ay akoonadan ugu furnaayeen kooxda Al-Shabaab iyo haddii ay jirto tallaabo ay dowladda qorsheyneyso inay ka qaado.

Wasiir Al-Caddaala waxaa uu sheegay in tallaaabadan ay qeyb ka tahay dhaqan galka go’aanno dowladda kasoo baxay oo lagu cuuryaaminayo ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa qiyas ay sameysay waxa muujineysaa in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii uu yahay 182 milyan oo dollar.

Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka sameysay dowlad dadban oo dhinac socota tan federaalka, taasi oo soo xareysay lacagtan oo badankeed ka timaada canshuurta iyo lacagta kale ee baadda ah ee laga qaado shacabka. Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacabka.

Dakhliga ay Al-Shabaab kasoo xareyso lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada kale ee gaaraya $120 milyan, halka lacagaha kale ay ku hesho gobollada kale ee dalka. 

Si kastaba, wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay inay qaar kamid ah ganacsatada dalka ay hadda qaateen go’aankii dowladda ee ahaa inay diidaan inay lacag siiyaan Al-Shabaab, taasoo uu tilmaamay inay si weyn u saameyn ugu yeelatay kooxda Alshabaab.

Ugu dambayn, wasiir Al-Caddaala wuxuu farriin culus u diray cid kasta oo aan fulin awaamiirta dowladda kasoo baxay. Wuxuu caddeeyay in ciqaabaad adag lagu fulin doono cid kasta oo Alshabaab dhaqaale siiya ama xog u gudbiya.

Daawo: Farxaan Jimcaale oo warbaahinta ku weeraray hab-tebinta wararka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weriyaasha Soomaaliyeed ayaa kulan duco ah magaalada Muqdisho ugu sameeyey Maxamed Ciise Koonaa iyo Cabdullahi Jaamac oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday qaraxyadii Soobe 2.

Kulankaas loogu duceynayey labada Weriye ayaa waxaa ka soo qeyb galay inta badan weriyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, waxaana halkaas hadalo ka jeediyey xubnihii ugu sareeyey suxufiyiintii ka soo qeyb gashay kulankaas.

Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay kulankaas ayaa si adag uga hadlay doorka war tebinta suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo ficillada argagixisada.

Wuxuu sheegay in weriyaha Soomaaliga ah uusan dhexdhexaad ka noqon karin gumaadka ku socda dadka Soomaaliyeed, “War sidaan si maahane aan wax ka bedelno tebinta wararkeena la xariira argagixisada,” ayuu yiri.

Farxaan ayaa tusaale u soo qaatay in dunida ay mamnuuc ka tahay in dhexdhexaad laga noqdo qadiyad la xariirta argagixiso, “Xitaa qof ay argagixiso heysato in madax-furasho laga dhiibo adduunka dembi ayey ka tahay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan heysanaa fursad aan weligeed soo marin Soomaaliya, cabsidii laga qabay Shabaab waa dhamaatay, dadkii lacagta sii jiray ayaa diiday, makarafoonkii idinkaa haya ee aan kor u sheegno waxa wanaagsan.”

Wuxuu sheegay in dadka dhan ay Al-Shabaab dil ugu xukuman yihiin, balse loo baahan yahay in geesinimo lagu dhinto, “adigoo la dagaalamaya nimankaas dhimo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Maxamed Ciise Koonaa iyo Cabdullahi Jaamac ayaa ka mid ahaa weriyaasha Soomaaliyeed ee sida weyn uga soo shaqeeyey saxaafadda, waxayna mudo dheer ka soo howlgalayeen warbaahinta dalka, dadkii ku dhintay qaraxii Soobe 2 ayey ka mid ahaayeen.

Hoos ka daawo

Xildhibaan Sanbaloolshe oo ka digay ‘isa suuxinta’ Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Inkastoo maleeshiyada Al-Shabaab laga saaray inta badan deegaanada Gobolka Hiiraan ayuu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu ciidamada uga digay isa suuxinta maleeshiyadaasi.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka, balse haatan ka mid ah mas’uuliyiinta hoggaaminaya hawlgalada ka socda gobolkaasi ayaa sheegay in Shabaabku yihiin kuwo dhagar badan, oo mar kasta oo meel laga saarana goob kale u wareegga.

Waxa uu ciidamadu ku ammaanay in awood ahaan ay Shabaabka naafeeyeen, balse aanay weli ka fogayn, inta buu yiri tallaalkiisu dambeeyo.

“Codowgii waad naafeyseen, laakiin meel ma jiryo, inta tallaalkiisu dambeeyo meel kaama jiro,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali oo ciidamada kula hadlayay deegaanka Qandho.

Waxa kaloo uu yiri “Deegaanada deriska, mar dhow waxaan rajaynayaa, haddii Ilaahay yiraahdo inaad isa soo gaartaan, dadka deegaan idiinku xigga, hadday noqoto bari iyo hadday noqoto koonfurba.”

“In yaraa idin dhiman, Inta la idiinka soo gaaraya dulqaata, inta yaroo idinku jirto ee meelaha madaxa ka soo taag taageysana madaxa ka guura oo iska sifeeya,” ayuu yiri Sanbalooshe.

Sanbaloolshe ayaa yiri “Kol dhiigaaga, Allaha ka dhigee dhiigaaga, hadduu sumoobo waa la iska daadiyaa, Shabaab waa dhilqo, waa niman maro ku dheg ah, waa niman qaa’imiin ah, waa niman dhagar badan, waa niman mintid ah, waa niman haddaad geedka dhinaciisa galbeed aad ka bixiso dhinaciisa bari degaaya, waa niman aan guul kuu ogoleyn, waa niman aan naxariisan lahayn, asaguna aan isu naxariisanayn, idinkana aan idin naxariisanayn, Soomaalina aan u naxariisanayn.”

Waxa uu hadalkiisa ku xoojiyay “Waxa aad ka difaaceysaan lafihiina keliya ma ahanee Islaam meel uu jooggo iyo Soomaali meel ay joogtaba ayaad ka difaaceysaan, mahad ha idinka gaarto.”

Sanbaloolshe oo ciidamada bogaadinayay ayaa yiri “Shabaab iyo idinka wax dambe oo asxaan ah oo idiin ka dhaxeeya ma jiraan.”

Marka laga soo taggo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada, haddana Sanbaloolshe ayaa loo arkaa mid ka mida garbaha ay ku duulaan ciidamadu.

Guudlaawe oo shaaciyey dhibaato ka jirtay deegaanadii laga xoreeyey Al-Shabaab

0

Nuur-dugle (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa saacadihii lasoo dhaafay kormeer ku maray deegaanadii laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Deegaanada kala ah Wargaadhi, Geedi-xeer, Xasan-geedi, Qaahira, Maxaa-saciid iyo Nuur-dugle oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay laga xoreeyey Al-Shabaab ayuu safar dhulka ah ku maray Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in deegaanadii uu soo maray uu ku soo arkay xaalado aad u liita, isagoo dadka ku nool deegaanadii la xoreeyey ku tilmaamay inay ahaayeen maxaabiis oo kale.

Xarumo waxbarasho iyo kuwo caafimaad in aysan la heyn dhamaan deegaanadii laga xoreeyey kooxda ayuu sheegay Cali Guudlaawe, isagoo balan qaaday in deg deg ah uu maamulkiisu u howl-geli doono xarumihii danta guud.

Gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Gudoomiye Axmed Daaci iyo saraakiil ciidan ayaa madaxweynaha HirShabeelle ku wehliyey safarkaas, waxayna deegaanka Nuur-dugle ugu tageen Xildhibaan Yuusuf Ibraahin Afrax iyo Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo hoggaaminayey howlgalkaan xoreynta ah.

“Ciidan ayaa hadda ku wajahan Aadan-Yabaal, waxayna saacadaha soo socda halkaas ka xorey doonaan Khawaarijta, ciidanka Sh/Dhexe xoreynaya iyo kuwa Hiiraan ka imaanaya waxay isaga hor imaa doonaan Aadanyabaal,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay Al-Shabaab ka xorey doonaan dhamaan gobolka Sh/Dhexe, isla markaana ay u sii gudbi doonaan Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceeldheer.

Hoos ka daawo

Khubaro sheegtay sida uga habboon ee QARAXYADA Muqdisho looga hortagi karo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyey sii kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kuwaas oo geysta khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.

Todobaad gudihiis ayaa kooxda Al-Shabaab waxa ay gobolka Banaadir ka fulisay illaa saddex qarax oo uu ugu dambeeyey midkii dhacay xerada Jeneral Dhaga-badan.

Haddaba Sidee looga hortagi karaa qaraxyada ka dhacaya Muqdisho?

Agaasime ku xigeenkii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo la hadlay VOA ayaa sheegay in kooxda Al-Shabab ay go’aansatay inay culeys soo saaraan magaalada Muqdisho, kadib markii ay kordheen howlgallada iyo dagaallada uga furan qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka.

Cabdisalaan Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka Al-Shabaab uu yahay inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah, ayaga oo ka faa’iideysanaya dayaca amni ee jira.

“Al-Shabaab waxay go’aan ku gaareen inay dadka Soomaaliyeed xanuunjiyaan bartilmaameed ma’aha waxa ay weerarayaan meel xero ciidan waa laga yabaa inay dayacaad ka helaan oo wax ka sameeyaan, ” ayuu yiri Cabdisalaan Yuusuf Guuleed.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in amniga gobolka Banaadir lagu sugu karo in qorshe cusub iyo istaraatiijyad ay la yimaadaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

“Waa muhiim ciidamada qorshe cusub, istaraatiijiyad iyo howl cusub inay la yimaadaan qaasatan hay’adda Nabad Sugidda iyo Booliska” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhankiisa Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cabdullahi Daqare oo ka hadlayey amniga caasimada ayaa sheegay in loo baahanyahay in howlaha sugidda amniga laga qayb galiyo shacabka, si loo helo wada shaqeyn buuxda oo u dhexeyso dadka shacabka ah iyo ciidamada booliska

“Runtii amniga gobolka Banaadir ama caasimada Muqdisho waxa lagu sugi karaa oo kaliya in dadweynaha reer Banaadir ay iyagu ka qayb galaan amni sugidda, nabad-gelyada iyo deganaashaha Banaadir,” ayuu isna yiri aqoonyahan Cabdiraxmaan Cabdullahi Daqare.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu haatan faraha kasii baxayo amniga Muqdisho, kadib qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay gudaha caasimada, waxaana aad loo xasuustaa qaraxyadii ka dhacay Zoobe oo weli saameyntooda laga dareemayo guud ahaan waddanka.

Al-Shabaab oo weerar ku billowday ismiidaamin ku qaaday deegaanka QAAYIB

0

Baxdo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey walxaha ku qaadeen deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxdo oo ka tirsan gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in marka hore Al-Shabaab ay laba qarax ku dhufteen saldhigga deegaankaasi, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyey xubnaha weerarka qaaday iyo ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu weli socdo, islamarkaan uu yahay mid xoogan kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyey in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarkan, waxaana ku dhintay illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale.

Xog aan ka helnay ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegeysa in ciidamada huwanta ay sameeyeen iska caabin xoogan, taas oo sababtay in khasare badan lagu gaarsiiyey xubanaha weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay

Deegaanka Qaayib oo dhaca duleedka degmada Cadaado ayaa dhowaan waxaa la wareegay ciidamada Galmudug, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab oo muddo maamulayey deegaankaasi, waxaana saaka markale ay ku soo qaadeen weerar rogaal celis ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland oo shaaca ka qaaday ururada soo baxay ee ka qeyb-galaya doorashada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddida Diiwaan-galinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Somaliland ayaa shaaca ka qaaday 9 urur siyaasadeed oo buuxiyay shuruudihii diiwaan-gelinta.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda ayaa sheegay in ururadaan Sagaalka ay xaq u yeesheen inay ka qeyb-galaan doorashada asxaabta qaranka.

“Ururadaan ayaa kasoo gudbay oo buuxiyay dhamaan shuruudihii diiwaan-gelinta ee muddooyinkii dambe ka socday Somaliland, hadey noqoto hubinta 1000-ka qof ee gobol kasta iyo xafiisyada ururada.”

Waxaa xusid mudan in ururada soo baxay ay ka qeyb-gali doonaan doorashada asxaabta qaranka oo ay qeyb ka yihiin saddexdii xisbi ee hore u jirey ee Waddani, Kulmiye iyo Ucid.

Ururada Siyaasadeedyada gudbay ayaa kala ah;

1. Urur Siyaasadeedka WAABERI
2. Urur Siyaasadeedka SHACABKA (SPP)
3. Urur Siyaasadeedka HORSEED
4. Urur Siyaasadeedka REJO
5. Urur Siyaasadeedka BARWAAQO
6. Urur Siyaasadeedka HILAAC
7. Urur Siyaasadeedka MIDEEYE
8. Urur Siyaasadeedka OGAAL
9. Urur Siyaasadeedka KAAH

Qoraalka kasoo baxay Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda ayaa sidoo kale waxa uu si toos ah ugu socodsiiyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Maxkamadda Sare JSL iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sawirro: Xasan Sheekh oo u safray Masar + Ujeedka

0

Sharma-Sheekh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee cimillada adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Madaxweynaha iyo khuburada cimillada  Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaas ku soo bandhigaya qorsheyaasha dowladda Soomaaliya ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimillada.

Shirkaan uu ah mid caalami ah, isla markaana ay isugu imaanayaan madax aad u badan ayaa ka furmaya magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa ka ambabaxay Muqdisho, waxayna gaareen magaalada uu shirkaasi ka furmayo ee Sharma Sheekh, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Masar.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka bii’ada iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada ayaa madaxweyne Xasan Sheekh safarkaan ku wehliya.

Sawirro: Xasan Sheekh oo isugu yeeray guddi muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee la-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo ka hortagga maalgelinta argagaxisada ee (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa xasuuqa, boobka iyo gumeysiga ay ku heyso argagixisadu.

Guddigan Qaran oo la aas-aasay sanadkii 2016-kii ayaa waxaa ku mideysan hay’adaha dowladda ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo garsoorka, waxayna Madaxweynaha uga warbixiyeen baraarugga ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddiga ayaa warbixintiisa ku sheegay hoos u dhac weyn uu ku yimid dhaqaalaha baadda ah ee Al-Shabaab ay ka qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku celiyey go’aankiisii ku aaddanaa ganacsatada la macaamisha Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in ciddii dhaqaale siisa argagixisada ay door ka qaateen qaraxyada iyo xasuuqa lagu gumaaday ardayda, hooyooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee birmu-geydada ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu faray in la dar-dar geliyo qorshaha ciribtirka khataraha maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta hey’ada la dagaalanka Khataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFAT).

Kulankan waxaa ka qeyb galay  Wasiirrada XFS ee Maaliyadda, Cadaaladda, Amniga, Ganacsiga, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka Qaranka, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Agaasimaha Hey’adda Warbixinada Maaliyadeed (FRC).

Madaxweyne XASAN oo magacaabay la-taliye cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wareegto uu soo saaray ku magacaabay La-taliyaha xiriirka caalamiga ah ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

Xilkaan ayaa waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Mudane Nasa Ige.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hanaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Alle uga baryey La-taliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay Nasa Ige in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay magacaabay la-taliyeyaal badan, oo mararka qaarkood lagu weerarayo waxa ay qabtaan, balse dadka ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha.

DF oo amar culus dul dhigtay culimada Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay amar cusub oo ay dul dhigtay Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo looga mamnuucayo inay aadaan deegaanada ay weli maamulaan kooxda Al-Shabaab iyo la macaamilkooda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegya inay reeban tahay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan Kaligii-muslinnimadda, dilka, isdilka iyo naftii halignimada- salna aan kulahayn Diinteena Islaamka ee xaaraanta ka ah.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in la macaamilka kooxda Al-Shabaab uu yahay fal-dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.

Hoos ka aqriso qoddobada kasoo baxay Wasaarada oo dhameystiran:

1. Wasaaradda iyadoo adkeynaysa Bayaankii shirkii 24-29 Oktoober 2022,waxay reebtay in kooxaha Khawaarijta ee ka daagalama Soomaaliya loogu yeero magac aan ahayn Khawaarij.

2. Wasaaraddu waxay reebtay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan-Kaligii muslinnimadda, dilka, isdilka iyo naftii halignimada- salna aan kulahayn Diinteena Islaamka ee xaaraanta ka ah.

3. Wasaaraddu waxay ka reebtay Culimadda Soomaaliyecd la macamilka iyo aadista kooxaha Khawarijta, madaama la macaamilkoodu uu yahay faldambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.

4. Wasaaradu waxay bogaadinaysaa dadaalada ay Culimada Soomaaliyeed ku bayaaninayaan jidka toosan ee ay Diinteena Xaniifka ah inoo jideysay.

5. Wasaaradu waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa in ay isukaalmeystaan wanaaga, gutaanna waajibkooda ku aadan taageerida gulufka dowladda ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ee caadeystay daadinta dhiga Shacabka Soomaliyeed.

NISA oo fulisay howlgal lagu laayey Al-Shabaab badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay 21 ka tirsan Al-Shabaab, halka ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaas ay ciidanka gaarka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ay howl-galkaas ka fuliyeen deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Howl-galkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Sirdoonka uu helay xogta kooxdaan Khawaarijta ah oo ka mid ahayd kooxaha jabhadaha oo xiligaasi ku howlanaa diyaarinta falal ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxy wasaaradda warfaafinta.

Howl-galka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, sidoo kale waxaa lagu burburiyay dhamaan kooxdii Shabaabka ahayd ee halkaasi ku sugnaa iyo dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Jabka maanta la gaarsiiyay argagixisada ayaa ka dhigan in Afar maalmood oo xiriir ah ay Ciidanka Qaranka ka dileen Al-Shabaab ku dhawaad 200 oo ka tirsan kooxda, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaarada warfaafinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii uga mahad-celisay dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo fahmay muhiimada in hal meel looga soo wada jeesto argagixisada duulaanka ku ah dalka, dadka iyo diinta.

Sawirro: Xamza oo maanta maamuusay dhakhaatiir Muqdisho u timid gurmad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dhaqaatiir ka socday dalka Jabuuti oo dhawaan yimid magaalada Muqdisho.

Dhakhaatiirtaan ayaa dalka u timid sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dhaawacyada dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxyadii lagu hoobtay ee 29-kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Dhaqaatiirta oo gaareysa 20 ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho waxay ka qeyb-qaateen daaweynta iyo daryeelka dhaawacyada ku jira isbitaallada Muqdisho, iyagoo gacan siinaya dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey dhaqaatiirta, dowladda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiligan adag.

Sidoo kale waxa uu xusay doorkii muhiimka ahaa ee dowladda Jabuuti ay ka geysatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo ku ammaanay sida ay mar walba ugu taagan yihiin gacan qabashada ummadda Soomaaliyeed marxalad walba oo ay ku sugan yihiin.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha aya sidoo kale waxaa ka qeyb galay sii-hayaha Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed-Rashiid Ibraahim Yuusuf iyo Guddiga Qaranka ee Gurmadka Qaraxii Zoobe 2.

Dowladda Jabuuti ee uu hogaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan Dhakhaatiirtaan usoo dirtay caasimada dalka ee Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan samatabixinta dhaawacyada qaraxyadii 29-kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe.

R/W Rooble: Inaan dagaalka Al-Shabaab ku dhinto ayaan diyaar u ahay (Daawo)

0

 Stockholm (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden ayaa ka warramay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab.

Rooble oo khudbad ka jeediyey madal loogu duceynayey dadkii ku dhintay qaraxyadii 29-kii bishii hore ee October ka dhacay agagaarka Zoobe ayaa jeediyey baaq culus oo ku aadan in loo midoobo dagaalka adag ee haatan lagu jiro xoogaga hubeysan ee kooxda Shabaab.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaca ka qaaday in isagu diyaar u yahay inuu dagaalka ka qayb-galo, islamarkaana uu naftiisa u huro xoreynta dalka.

“Aan isbaheysano cadowgaan cadow soo jiray waayey, aniga diyaar ayaan u ahay inaan ku dhinto dagaalka naf kastaa maalinbey ku egtahay, laakiin carruurteena ayaa badbaadeyso” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxdu ay kordhisay weeraradeeda, maadaama inta badan deegaanada Hiiraan laga saaray iyo qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taasina ay muujineyso in uu sii dhammaado waqtigeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaama dagaal lagu qaaday oo Hiiraan laga soo saaray Jowhar iyo agagaarkeedana ay waxyar ka dhiman yihiin naf la caari waayey dhib waa geysanayaan,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in ay meel iska dhigaan kala fikir duwanaanshiyaha siyaasadeed, ayna u soo jeestaan horumarka dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas deegaano badan looga qabsaday, sidoo kalena jab culus lagu gaarsiiyey.

Daawo: DF oo shaacisay natiijada laga gaaray dagaalka Al-Shabaab afar bil kadib

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afartii bilood ee lasoo dhaafay waxaa inta badan gobollada dalka, gaar ahaan HirShabelle iyo Galmudug ka socday abaabul iyo kacdoon culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo weli ka soco Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

Howlgalladan oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa iska kaashanaya, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale KUWA deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Haddaba Maxaa natiijo ah oo laga gaaray dagaalka Al-Shabaab afar bil kadib?

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlayey howlgallada socdo ayaa sheegay in guullo laga gaaray, tan iyo markii ay billowdeen dagaallada Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in markii hore Al-Shabaab ay joogeen xadka Itoobiya, balse haatan 90% laga saaray deegaanada gobolka Hiiraan, islamarkaana uu dagaalka ka socdo xadka gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

“Afar bilood kahor Al-Shabaab meesha ay ka joogeen gobolka Hiiraan iyo meesha ay maanta ka joogaan qof kasta oo Soomaaliyeed ha cabiro. Waxay joogeen xadka Itoobiya intay dhaafee gobolka, maantana xabaddii ugu dambeysay waxay ka dhaceysaa xadka gobolka Shabeelaha Dhexe,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Taas micnaheedu waxa ay tahay in 90% dadka deegaanka iyo ciidamada qaranka ay ka guuleysteen inay khawaarijta ka xoreeyaan,”

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dagaallo qaraar ay ka socdaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay dagaalka ku biireen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Turkiga.

DAGAAL culus oo mar kale ka qarxay gobolka HIIRAAN iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu dib uga qarxay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeya ciidamada huwanta iyo sidoo kale xoogaga Al-Shabaab.

Dagaalka oo weli socdo ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen deegaanno dhaca jinka webiga, islamarkaana hoostaga Beledweyne.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadu ay gaareen deegaanada Baareey iyo Dhoqor oo ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana ka socdo dagaal xoogan.

Sidoo kale ciidamada ayaa u suuragashay inay burburiyaan doomo ay isticmaalayeen dagaalyahanada lagu weeraray deegaankaas, kuwaas oo uga gudbi jireen webiga.

Saraakiisha dowladda ayaa shaaciyey in ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan halkaasi, iyaga oo tilmaamay inay ka warbixin doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

\Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana la soo warinayaa inuu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac.

Hiiraan ayaa xudun u noqotay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana tan iyo markii uu billowday kooxda looga qabsaday deegaanno dhowr agh oo ka tirsan gobolkaasi.

Daawo: Nin ‘taageeri jiray’ FARMAAJO oo qirtay inuu dhibaateeyey dad badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah taageerayaashii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu dhibaateeyey dhowr qof oo mucaarad ku ahaa dowladii Farmaajo.

Ninkaan oo magaciisa la qariyey ayaa la soo xariiray Kheekh Usuuli oo barnaamij ka baxa TV-ga Universal su’aalaha diiniga ah lagu weydiiyo.

Ninka la soo xariiray Sheekha ayaa yiri, “Xiligii dowladii hore ee Farmaajo Allaha xafidee ayaan taageero u ahaa, mucaarad badan ayaa joogay magaalada, ana waan dili jiray qofkii ka soo hor jeeda Farmaajo.”

Ninkaan ayaa sheegay in dadka uusan toos u dili jirin, balse ay garaafo gaarsii jireen, isaga iyo koox kale oo la taageersaneed madaxweyne Farmaajo.

“Dhimasho ma geysan, laakiin dadka inta luuq u galno ayaan nabar xoog leh ku dhufa jirnay, marka dadkaas ma ayagii ayaan cafis weydiistaa? Mise Ilaahey ayaan cafis ka baryaa?” ayuu yiri ninkaan la soo xiriiray Sheekh Usuuli.

Wuxuu sheegay in nin kale oo ka tirsanaa ciidamada dowladda uu ku hagi jiray dadka la beegsanayo ee mucaaradka ku ahaa Farmaajo.

Sheekh Usuuli ayaa u sheegay ninkaas la soo xiriiray inuu cafis weydiisto dadkii uu dhibka gaarsiiyey hadii uu garanayo, sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in qof dambe uusan u dhibaateyn fikirkiisa ama raali gelinta qof kale.

Hoos ka daawo

 

ODOWAA oo shaaciyey tallaabo ay qaadayaan kadib qaraxii xerada Dhaga-badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Sabtiid shalay ka dhacay afaafka hore xerada General Dhaga-badan oo ku taalla warshaddii hore ee Nacnaca ee Wadajir.

Odowaa ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, islamarkaana uu dhex tegay dhalinyaro isku diiwaangeliyey ciidanka Xoogga dalka.

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in qaraxaan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo ka mid ah dhalinyaradii ku sugneyd goobta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay qaadayaan tallaabo culus,islamarkaana sameyn doonaan baaris dheeraad ah oo ku aadan qaraxaas, si macluumaad looga helo qofka iska qarxiyey iyo sida ay ugu suuragashay weerarkaas oo uu la beegsaday mid kamid ah xeryaha dowladda.

Xerada Dhaga-badan ayaa waxaa lagu tababaraa dhalinyarada dooneysa inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu sii carbiyo xeradaan oo dhowr jeer oo hore la weeraray.

Weerarkaan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhacaya caasimada, wuxuu haatan ku soo aaday, xilli todobaadkii hore ay qaraxyo ka dhaceen Zoobe.

Si kastaba, weerarka ismiidaaminta ee lagu beegsaday xerada Dhaga-badan oo ay Al-Shabaab ay sheegatay ayaa ku soo beegmaya, xilli haatan ay howlgallo culus wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanay kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

 

Sheekh Soomow oo sheegay in tallaabo ay qaaday DF ay yareysay doorkii culimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo kamida Culimada magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay ka hadlay dhaliilo loo jeediyay Culimada, taasi oo la xiriirtay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zoobe 29-kii October 20222.

Sheekh Soomow ayaa sheegay in Culimada ay gudatay waajibkoodii kaga aadana qaraxyadii Zoobe 2, islamarkaana ay u daba fadhisanayaan arrintaan hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo dowladda u igmatay.

“Culimada waxaa laga rabay in naftooda ka bilaaban oo wax bixiyaan, dhigooda iyo hantidooda bixiyaan oo ay jiheeyaan umadda. Waxaa fariistay telefishanka Qaranka aniga oo ku hadlaya afka culimada Soomaaliyeed oo ku baaqay in lasoo gurmado,” ayuu yiri.

“Baaqii waa laga jawaabay Alxamdulilah, waxaa bilaabay wiilkayga curadka ah oo xertaydii gebigooda meeshay tageen oo dhiig ayey bixiyeen. Kulan deg deg ah ayaa isugu imanaya anaga iyo ganacsatada oo lacago ayaa jira ay yabooheen, waxaa wadna wacyi-gelin gudaha iyo dibadda.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in isbedelka kaliya ee jira uu yahay in dowladdii hore ay hogaaminta masiibadii Zoobe 1 ay u igmatay masuuliyadeeda culimadda, hase yeeshe ay dowladdaan iyadu u xilsaartay hogaaminta arrintaasi hay’adda Maareynta Masiibooyinka.

“Shalay dowladdii xiligaas jirtay iyada tiri Culimada hogaamiya, dowladda hadda jirta waxa u dhisan hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo haddii ay yiraahdaan Culimada ha hogaamiyaan diyaar ayaa u nahay hadeysa dhihin hay’addaha jira in aan caawino ayaa diyaar u nahay, ma nihin dad xil u rooraya.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Tallo ayaa bixineyna oo wax dheefkeena iyo xoogeena bixineyna laakiin ma lihin oo eedeyn in aan ku mudano u maleyn maayo, ma waxa la rabay in aan dhahno dowladda waa khilaafeyna.”