29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Sawirro: FIQI oo magaalada Baydhaba gaaray + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, mudane Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Fiqi oo barqanimadii maanta ka degay garoonka Shaati Gaduud ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyey xatunta madaxtooyada, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Ujeedka socdaalka wasiir Fiqi ayaa la xiriira xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira deegaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kormeer ku teego xerooyinka barakacayaasha ee ku yaalla halkaasi, si uu qiimeeyo xaaladaha qoysaska ku nool halkaasi.

Baydhabo ayaa ka mid ah magaalooyinka ay kusoo barakaceen qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ay saameyn ku yeeshaan abaaro iyo dagaallada ka socda dalka.

Horey waxaa magaaladaan u booqday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo indho indheeyey xaaladdaha barakayaasha ku nool magaaladaasi.

 

Daawo: “Beeryaraha iyo hal kili ayaan qaraxa ku waayey” – Muuse oo isbitaal ku jira

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Xasan Cawaale oo kamid ahaa boqolaalkii qof ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxyadii Soobe 2 ayaa ka sheekeeyey xaaladii xanuunka badneed ee maalintaas qabsatay.

Muuse ayaa ka mid ahaa ganacsatada sarafka lacagaha, wuxuu ka badbaaday qaraxii Soobe 1 oo sida uu sheegay indhihiisa uu ku arkay gaarigii qarxay ee boqolaalka qof laayey 14-kii October 2017-kii.

Maalintaas wuxuu sheegay inuu badbaaday oo waxaba aysan soo gaarin, inkastoo uusan sharaxin sida uu uga badbaaday qaraxaas, hadda dhaawacyo aad u culus ayaa ka soo gaaray qaraxii koowaad ee isgoyska Soobe ka dhacay 29-kii bishii hore ee October.

Beeryaraha iyo hal kili ayuu sheegay inuu ku waayay qaraxii koowaad ee Soobbe 2, sidoo kale gacantiisa midig ayuu sheegay inay labo meelood ka jabtay.

Bukaankaan uu lagu dabiibayo isbitaalka Madiina, waxaa soo wareystay TV-ga Universal, wuxuuna markii dambe cesha waayey ilinta, isagoo aad u dareensan xaaladda xun ee dalka ka jirta, hadana wuxuu mar kasta muujinayey inuu ku qanacsan yahay qadarta Alle.

Hadallada ugu badan ee carrabkiisa ku soo noqnoqanayey waxaa ka mid ahaa “Alle ayaa noo qoray sidaan, dalkeena xaaladda ka jirta ayaa iska sidaan ah, magaraneyno sababta naloo beegsaday, waa nagu daba dheeraaday dagaalkaan iyo fadlan xal kale hala raadiyo sidaan waa lagu baaba’aye.”

Dhibane Muuse Xasan Cawaale ayaa ilinta cesha waayey, markii uu soo xasuustay saaxiibadiisii lagu laayey qaraxyadii Soobe 1 iyo Soobe 2, kuwaas oo 10 sano ay halkaas ka wada shaqeysanayeen. Wuxuu soo tiriyey magacyada saaxiibadiis oo wada dhintay.

Ugu dambeyntii bukaankaan oo xaalad quus ah laga dheehan karay hadalkiisa ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sidaan ka dhiidhiyaan oo talo mideysan ay ka yeeshaan gumaadka ku socda.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisada ka dhex aloosan dalalka Rwanda iyo Congo

0

Kigali (Caasimada Online) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Rwanda ayaa isku raacay in ay xoojiyaan dadaallada ay hoos ugu dhigayaan xiisadda u dhaxeysa, islamarkaana ay ku xallinayaan qalelaasaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan.

Xiriirka goboleedka bartamaha Afrika ayaa bilihii u danbeeyey aan xasillooneyn iyadoo DRC ay ku eedeysay dalka yar ee ay deriska yihiin, Rwanda, in uu taageero malayshiyaadka fallaagada ee barakiciyay tobanaan kun oo qof.

Bayaan ay si wadajir ah uga soo saareen shir ay ku yeesheen Angola ayay wasiiradu isku raaceen in ay sii wadaan wada-hadallada, taasi oo ah mudnaanta in qalalaasaha siyaasadeed ee labada dal ee walaalaha ah la xalliyo iyo in dib loo qeexo jadwalka lagu dedejinayo qorshaha dhimista xiisaha ee la saxiixay bishii July.

Qorshahaasi lagu dhameynayo xiisadda ayaa waxaa heshiis ay Angola garwadeen ka ahayd ku kala saxiixday madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo dhiggiisa Congo Felix Tshisekedi.

Ka dib markii ay toddobaadyo xasillooni ah jirtay ayaa fallaagada M23 ay dib u bilowday weerarkeeda dhamaadkii October, iyadoo toddobaadyadii u danbeeyey ka qabsatay Koongo dhul badan.

QM oo soo saartay BAAQ cusub oo ku saabsan…

0

Geneve (Caasimada Online) – Madaxa guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Tuerk ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada-hadaladii dalka Yemen ee ay dhex-dhexaadinaysay Qaramada Midoobay.

Baaqan cusub ayaa imanaya iyada oo bilo ka hor uu dhamaaday heshiiskii xabbad joojinta ahaa, kaasi oo sababay inay sare u kacaan khasaaraha dadka rayidka ah soo gaadhaya.

War qoraal ah oo uu soo saaray Tuerk ayu uku sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay, tan iyo markii dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ay ku guuldaraysteen inay kordhiyaan heshiiskii xabbad joojinta ee soconayey muddada lixda bilood ah, taasi oo ku ekayd, bishii October 2-deedii.

Guddoomiyaha guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada ku boorriyey inay ka wada-hadlaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda khasaaraha badan dhalisay.

Afhayeen u hadlay guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Jeremy Laurence, ayaa sheegay in qaybo badan oo kamid ah khasaaraha soo gaadhay shacabka, in lagu eedaynayo kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen.

Laurence waxa uu sheegay inay adag tahay in la xaqiijiyo tirada dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay dagaalada ugu dambeeyey, balse wuxuu sheegay in xafiiskiisu inuu xaqiijiyey saddex dhacdo oo duqaymo ah oo fallaagada ay dawladda Iran taageerto ay ka gaysteen dhulka ay dawladdu maamusho.

Dagaalka ka socda dalka Yemen oo bilaabmay sideed sano ka hor ayay ku dhinteen in ka badan 350,000 oo qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Mareykanka oo weerar ‘is-difaac ah ku dilay’ 15 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ayaga oo taageeraya dowladda federaalka Soomaaliya ay weerar is-difaac oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen meel u dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay AFRICOM, weerarka oo dhacay 3-dii November ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay soo weerareen Ciidanka Xoogga Dalka.

“Qiimeyn horudhac ah oo taliska uu sameeyey waxay sheegeysaa in duqeynta, oo ay codsadeen ciidamada xoogga dalka, lagu dilay 15 ka mid ah argagixisada Al-Shabaab, mana jiro wax khasaare dhaawac ama dhimasho ah oo soo gaaray shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu qaadayaa tallaabooyin culus si looga hortago waxyeellada rayidka. Ilaalinta rayidka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si sare loogu qaado Afrika ammaan ah oo xasilloon,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka xalay kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay gelinkii dambe ee Khamiistii kusoo biireen dagaal saacado badan socday oo kooxda iyo ciidamada dowladda federaalka ku dhex-maray deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

“Duqayn ay geysteen diyaaradaha Maraykanka waxaa ku shahiiday sideed kamid ah ciidamada Mujaahidiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka kooxda Al-Shabaab. 

Ma cadda haddii weerarka ay Al-Shabaab qireen iyo midka uu sheegay taliska AFRICOM uu yahay mid kaliya, iyo haddii uu Khamiistii dhacay weerar labaad.

Faahfaahin: Qaraxyadii caawa laga maqlay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhowr jug oo caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho, waxaana la sheegay in dhawaqa la maqlay uu ahaa qalqal gelin bulsho.

Saraakiil amni ayaa Caasimada Online u sheegay in waxa dhacay ay ahaayeen dheemish oo wax khasaare ah aysan geysan, balse laga rabay oo kaliya lagu qalqal geliyo bulshada, markii laga reebvo qaraxii koowaad oo dad badan ay ku dhinteen.

Degmooyinka Waaberi, Hodan, Wartanabadda, Boondheere iyo Kaaraan ayaa la sheegay in laga maqlay jugta, waxayna saraakiisha aan la hadalnay noo sheegeen in waxa dhacay ay dheemis ahaayeen.

Hey’adaha amniga ayaa qaba in waxa dhacay ee jugtooda la maqlay ay koox u abaabulan qalqal gelinta bulshada ay dhigeen goobaha qashin qubka ee degmooyin dhowr ah, isla markaana uusan ka dhalan wax khasaare ah.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa hadda ku soo laabatay si caadi ah, kadib markii ay dadku kala carareen fiidkii hore ee caawa, markaas oo dhowr degmo laga maqlay jugta waxyaabahaas la qarxiyey.

Hase yeeshee qaraxii koowaad oo maqribkii ka dhacay afaafka hore ee Xero Nacnac, oo hadda loo bixiyey Xerada Jeneraal Dhegobadan, halkaas oo lagu qoro dhalinyarada ku biireysa ciidanka xoogga dalka.

Qof naftiisa haligay ayaa isku qarxiyey dhalinyarada oo safaf dhaadheer ugu jirtay inay qortaan ciidanka xoogga dalka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare culus, inkasta oo tirada rasmiga ah ay warar kala duwan ka soo baxayaan.

In ka badan 10 qof ayaa la soo sheegayaa inay ku geeriyootay qaraxa Xero Nacnac, welina laamaha amniga wax faahfaahin ah kama soo saarin khasaaraha qaraxyada ka dhacay Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay qaraxa Xero Nacnac ayaa “howlgal guuleystay” ku macneysay qaraxaas uu fuliyey qofka isku qarxiyey dhalinyarada ciidanka qoraneysay.

Maxay Sheekh Umal, Sheekh Bashiir iyo Sheekh Qorane ka yiraahdeen qaraxyadii Zoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zoobe 29-kii October 20222, waxaa soo baxayay falcelinta kale duwan ee ka imanaysa bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan dhibaatada ka dhacday halkaas.

Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa caanka ah ayaa ka hadlay dhacdadan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Cumlimada sida weyn looga yaqaano dalka iyo dibadda oo Salaadii Jimcaha kadib kula hadlay bulshada Soomaaliyeed magaalada Nairobi ayaa siweyn uga hadlay dhacdada qaraxyadii Soobe oo lagu dilay in 119 ruux, 334 qofna ay ku dhaawacmeen, iyadoo wali nolol iyo Geeri lagu haynin 13 qof oo ka mid dadkii qaraxa la kulmay,.

“War Muqdisho yaa jooga? war dadka aad qarxisay ee aad baai’isay, Gaalo ayaan u socday aaway Gaaladaa u socotay? War Baladweyne yaajooga? War Kismaayo yaa jooga ? Adigoo qalbigaaga iimaan ku jiro oo ka buuxo inaad dhiig Muslim gasho, oo aad daadiso oo aad jiirto, sidee ku suurtoobi kartaa? Aaway wixii ku xakamaynayay, aaway iimaankii ku celinayay, aaway cabsidii,” ayuu yiri Sheekh Umal.

“Rabbi Subxaanahu Watacaalaa wuxuu leeyahay xitaa meelaha ay wax qaldami karaan taxaddara, xitaa meelaha aad qalad ku gali karayso inaad dhiig Muslim daadiso taxadar qaado.”

Sidoo kale Sheekh Cabdiqani Suldaan Qorane oo bulshada ku nool  Garoowe kula hadlaayay Masjid ku yaalla magaalada ayaa si weyn uga hadlay ganacsatada ku taageerta lacagaha Al-Shabaab, waxaana uu carabka ku dhuftay in aysan ogoleyn iyagu dowladnimada, isaga oo intaas raaciyay in loo baahan yahay lacagaha ay ku taageeraan dowladda iyo ciidanka xoogga.

“Umadda Nabi Muxamed (CSW) Dhiigeeda ku daneysi magalo tujaaro magalo, faa’iido magalo, nimankaan Khawaarij waaye cidda caawisana iyaga ayey la mid yihiin, cidda caawisana ma badbaadeyso, imisaa inta lacag siiyeen oo tiri ma idin dileyno qaraxyo kale ay ku dhinteen, cadad iyo xisaab malahan,” ayuu yiri Sheekh Qorane.

Wuxuu intaas ku daray “Towbadkeen baa la’ idiin ka rabaa, haddaad wax qabanaysaan maad ciidamada kacdoonka samaynaya ee iska dhicinaya lacagta siisaan, haddaad wax qabanaysaan dalka dhismihiisa qeyb ka qaata, risiqa lagu helay in umatul Muxamed la laayo kasab xaaraan ah waaye.”

Dhanka kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo khudbadii Jimcaha boqolaal Soomaaliyeed kula tukaday Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay in qoriga marka laga tago sidoo kale dagaalka ugu weyn uu yahay fikir  iyo fahamka laga heysto diinta suuban ee Islaamka, si shacabku ay waxbadan uga ogaadaan sida uu hadalka u dhigay Shiikha oo hadlayay.

“Dadkii saxaabada gaaleysiiyay, oo yiri diintii aan idiin ka baranay ayaan idin ka badinaa, waa khaldan tihiin dadkii lahaa ayaa wali taagan. Alfaadii ay ku hadlayeen markii shalay Cali Ibnu Abii Daalib (RC) ay la dagaalamayeen meeshii ay ka cabanayeen oo farta ay ku fiiqahayeen ayey ilaa maanta sheegayan, oo ah xukunkaa laga tagay,” ayuu yiri .

“Hadalku waa isku aadan yahay, dadku waa dadkii, hadalku waa hadalkii dagaalkuna waa dagaalkii marka. marka niman saxaabi ah oo Jannada loogu bishaareeyay kuwii dilay cid kale ma daynayaan, inay wax dilaan macno gaar ah malahan, laakiin waxaa macnaha leh inaan fahamsanahay waxaa ay yihiin, ha u malaynin inuu Ilaahey moog yahay,.”

Maamul goboleedyada qaar oo la shaaciyay inay diidan yihiin dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo markale ka hadlay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ayaa shaaciyay inay jiraan dowlad-goboleedyada qaarkood oo xiligaan diyaar u aheyn dagaalka socda.

Jeneraal Tuuryare oo carabka ku dhufan magacyada maamuladaasi ayaa sheegay in aysan rabin in deegaanadooda laga saaro kooxda Al-Shabaab, taasi oo ku sababeeyay arrimo la xiriira xukun jaceyl.

“Maamuladda qaarkood far baa ku gudan. Xan waxaa laga sheegayaa inay Shabaab ku ilaashanayaa kursiga. Haddii aysan midaas jirin waa in ay is-waafujiyaan hadalkooda iyo ficilkooda,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in haddii laga itaal roonaado kooxda ay madaxda dowlad-goboleedyada qaarkood ay qabaan walaac ah in siyaasiyiinta kasoo horjeeda usoo guuraan deegaanada maamuladaasi oo haatan Shabaab looga cabsado.

“Hogaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada qaarkooda waxaa looga baahan yahay inay iska saaraan farta ku godan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa hadalkiisa Jeneraal Tuuryare.

Inkasta oo uu ka gaabsadey in uu carabaabo maamuladaasi, haddana waxaa muuqaata in illaa haatan deegaanada ay weli ka bilaaban howl-galada ay kala yihiin Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, walow ay hore u sheegeen inay ku jiraan diyaar-garow.

Si kastaba, waxaa qeybo kamid ah dalka ka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo intiisa badan uu ka socdo HirShabelle oo kaaxdaasi cashiro lama ilaawaan ah loogu dhigay.

Qaraxyo is xig-xigay oo caawa ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowr qarax ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Isgoysyada Dabka, Sayidka ilaa shaqaalaha ayaa lagu kala cararay, kadib markii qaraxyo la maqlay. Si rasmi ahna looma oga goobaha la bartilmaameedsaday, marka laga reebo qaraxii koowaad ee caawa dhacay.

Ilaa hadda waxaa la ogyahay hal bartilmaameed oo qaraxii koowaad ah, kaas oo ka dhacay afaafka hore ee Xero Nacnac, oo hadda loo bixiyey Xerada Jeneraal Dhegobadan, halkaas oo lagu qoro dhalinyarada ku biireysa ciidanka xoogga dalka.

Qof naftiisa haligay ayaa isku qarxiyey dhalinyarada oo safaf dhaadheer ugu jirtay inay qortaan ciidanka xoogga dalka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare culus, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga.

Magaalada ayaa waxaa ka jira cabsi xooggan, gaar ahaan dhanka waddada Maka Al-Mukarama, ayada oo ay jirto cabsi ah inay qaraxyo kale dhici karaan.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la soo sheegayaa inay ku geeriyootay qaraxa Xero Nacnac, welina laamaha amniga wax faahfaahin ah kama soo saarin khasaaraha qaraxyada ka dhacay Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayey ku sheegatay qaraxa Xero Nacnac, oo ay ku tilmaameen “howlgal guuleystay” oo ay uu fuliyey dagaal-yahan ka tirsanaa kooxda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aaddan qaraxa.

Wixii soo kordha kala soco Caasimada Online

Galmudug iyo Puntland oo gaaray heshiis 5 qodob ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta gaaray heshiis 5 qoddob ah, kaasi oo sare looga qabanayo amniga, xasiloonida iyo wada-jirka bulshada gobolka Mudug ee labada maaamul.

Heshiiskaan ayaa lagu gaaray kulan ka dhaqan deegaanka Laama Ari-boob ee gobolka Mudug, waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Mudug, Axmed Xuseen Shire Bukhaari, gudoomiye ku-xigeenka dhanka Puntland Waloore, odayaasha dhaqanka iyo laamaha amniga.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Bulshada Reer guuraaga ah iyo xal u helida deegaamaynta dhulka xoolo daaqeenka ah, taasi oo marar badan kusoo noq-noqotay inta u dhaxaysa deegaano horay looga heshiiyay inay xoolo daaqeen noqdaan,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka lagu gaaray heshiiska.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa laga soo saaray qoddobadaan hoose;

1. Guddiga 14 xubnood ah oo dhaqan ah, islamarkaana xog ogaal u ahaa heshiisyadii degaanada oo ugu dambeeyay heshiisyadii Bandiiradley iyo Goldogob.

2. In la keeno heshiisyadii la kala Qortay.

3. In todobaarkaan layskugu yimaado shir lagu dhamaystirayo hirgalinta heshiisyadii hore.

4. In dib loogu laabto heshiisyadii Bandiiradleey iyo Galdogob.

5. Ilaalinta soodimaha ayna u xilsaaran yihiin ciidamada isku-dhafka ah oo ay xoojinayaan ciidamada booliska iyo daraawiishta labada dowlad-goboleed.

Macallimuu oo si weyn uga horyimid arrin ay ciidamada ku sameeyeen Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa si weyn uga horyimid in lagu dul ciyaaro meydadka dagaal-yahaanada Al-Shabaab, sida ka dhacday deegaan kamid ah kuwa lagu jabiyay kooxda.

Xildhibaan Macalimuu ayaa sheegay in dhaqanka ah in Meydad dushooda lagu dul ciyaaro uusan sax aheyn, islamarkaan uusan aheyn wax dhaqanka Soomaalida iyo tan Diinta Islaamka ku jira.

“Waxaa qabnaa iyada oo lala dirirayo Al-Shabaab oo intaas iyo in kabadan laga laayo ay tahay haddana waa in Diinta iyo Dhaqanka laga tagin. Ma aha in aan kasoo horjeedo dagaalka Al-Shabaab, waxaa ahay dadka ugu horeeyo dagaalka oo waxaa kamid ahay dadka ay dhibaatada badan kasoo gaartay,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Ma rabno in aan sameyno dhaqankii iyagu ay lahaayeen oo Islaamka ayey suurad xumeynayeen, anaga dad Islaam ah ayaa nahay waxaa rabnaa in aan u dhaqano sidii Islaam wanaagsan.”

Xildhibaan Macalimuu ayaa ku dooday in haddii laga aamuso arrintaan ay hadhoo caado iyo dhaqan fool xun u noqoneysa bulshadeena, taasi oo uu sheegay inaysan marnaba inoo wanaagsaneyn.

“Haba-yaraato majirto meel aan ugu qiil-dayayo Al-Shabaab, culimada noo sheegtay inay Khawaarij yihiin oo dilkooda waa banaan yahay. Waxaa ka hadlaya waa wixii ka dambeeyay markii laga adkaaday oo la laayay.”

Arrinta uu ka qeylo-dhaamiyay Xildhibaan Macalimuu inay markale soo laabato ayaa waxaa la rumeysan yahay inay keentay gabood-faladii foosha xumaa ee kooxda kula kacday Shacabka, ayada oo xiligaan kooxda looga adkaaday deegaano badan oo dalka ah.

S/Land oo markii u horeysay ka hadashay xiriirka la sheegay inuu kala dhaxeeyo Shabaab

0

Hargeisa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay si adag uga jawaabtay eedeymo lagula xiriiriyay kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ay u jeediyeen maamulka Puntland.

Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland, Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani oo warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland magan-geliso kooxaha argagixisada.

“Ninka taliyaha ah ee hadlayey qurbaha ayuu ka yimid dalka wixii ka dhacay ma oga, iskadaa dagaalka kuwii ka horeeyay weydii sidaas baa lagu shaqeyn jiray,” ayuu sidoo kale yiri isaga oo ka jawaabaya hadal kasoo yeeray Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Jeneraal Nuux Taani ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in liiskii u dambeeyay ee shakhsiyaadkii Maraykanku ku tilmaamay argagixisada ay dhamaantood ka soo jeedaan Puntland.

Hadalka Taliyaha ayaa imanaya kadib dhawaan markii uu Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland uu ku eedeeyay Soomaliland inay gacan-siiso argagixisada.

Ma aha markii u horeysay ee maamulka Puntland uu eedeyn noocaan ah u jeediyo Somaliland, ayada oo hore marar kala duwan ugu eedaysay inay xiriir iyo wada-shaqayn la leedahay kooxaha argagixisada, taasi oo uu beeniyay maamulka Somaliland.

Daawo: Shabaab oo arrin la yaableh sameysay, kadib dagaalkii CEEL-HAREERI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo uu haatan dalka ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxaa isa soo taraya macluulmaadka & wararka laga helayo dhacdooyin la yaableh oo ka dhacay deegaannada ay howlgallada ka socdaan ee laga saaray Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa war cusub kasoo saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Shabeelaha Dhexe.

Caanood ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Xoogga dalka ee la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-hareeri oo u dhow degmada Aadan Yabaal ay la kulmeen arrin la yaableh, kadib markii ay gudaha u galeen difaacyadii ay ku sugnaayeen xoogaga Shabaab.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidamadu ay heleen meydadka dhalinyaro koox koox la’isugu xiray, kadibna la toogtay, halka qaarkoodna bam lagu qaraxiyey, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada Xoogga dalka waxa ay heleen arrin la yaableh oo aan horey noo soo marin dhalinyarada maleeshiyada Al-Shabaab oo toban toban katiinada ugu xiran tahay xabadduna ku wada taallo qaarna bam ayey ku dhinteen, qaarna ciidanka ayaa toogtay ,” ayuu yiri General Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaas ay caddeyneyso in kooxda Al-Shabaab ay soo qasbeen dhalinyaradaas, islamarkaana raaf ahaan dagaalka lagu soo geliyey.

“Taasi waxay daliil u tahay dadka inay soo raafeen oo ay soo qasbeen oo laga cararayo oo qof walba rabo inuu ka cararo, maadaama ay qasbayaan,” ayuu sii raaciyey afhayeenku.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray  “Arrintaas waxa ay ka dhacday Ceel-hareeri waxayna arrintaan noo sheegeysaa boqolka qof ee dhintay in aysan wada aheyn Al-Shabaab”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in dagaalkii ka dhacay Ceel-hareeri lagu dilay illaa 200 oo ka tirsanaa maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo soo saartay bayaan lama filaan ah oo ay ku qiratay jab soo gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay si lama filaan ah ugu qiraty in maleeshiyo looga dilay duqeyn Khamiistii ka dhacday deegaan ka mid ah gobolka Hiiraan.

Bayaanka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay gelinkii dambe ee Khamiistii kusoo biireen dagaal saacado badan socday oo kooxda iyo ciidamada dowladda federaalka ku dhex-maray deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

“Duqayn ay geysteen diyaaradaha Maraykanka waxaa ku shahiiday sideed kamid ah ciidamada Mujaahidiinta. Waxaan Allaah u waydiinaynaa inuu Shahaadadooda ka aqbalo,” ayaa lagu yiri bayaanka kooxda Al-Shabaab. 

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay in dagaalka ka dhacay deegaanka Tardo ay ku dileen 36 ka mid ah ciidamada dowladda, halka sidoo kalena ay 23 ku dileen dagaal kale oo ka dhacay deegaanka Twofiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida bayaanka lagu yiri.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa shacabka ugu baaqday inay ka dheeraadaan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada dowladda, taasi oo loo arko hanjabaad ah inay qorsheynayaan weeraro kale.

Kooxdan ayaa laba qarax baabuur oo ka dhacay Zoobe ee Muqdisho 29-kii October, waxay ku dileen 120 qof oo shacab ah, halka in ka badan 300 oo kale ay dhaawacmeen. 

Bayaanka ay Al-Shabaab xalay soo saareen ayaa ah qirasho naadir ah oo kooxda ay ku sheegatay in maleeshiyo looga dilay duqeymaha Mareykanka, oo inta badan ay sheegi jirtay in lagu dilo shacab. 

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska ee Danab G/le Axmed Cabdulaahi Beeryare ayaa shalay warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in dagaal ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah oo ka dhacay Hiiraan lagu dilay 200 oo Al-Shabaab ah.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Masaajid u beddalay goobo ganacsi iyo guryo + Video

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo booqasho ku tegay Masaajid Caliguduud ayaa ka warbixiyey xaaladda nololeed ee deegaankaas, kadib markii laga saaray xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay dhibaato badan u geysateen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaankaasi iyo kuwa socotada ah ee mara halkaasi.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle oo kormeeray deegaanka Masaajid Caliguduud ayaa sheegay inay soo arkeen dhibaatooyin kala duwan, wuxuuna tilmaamay in xittaa kooxdu ay masaajidka deegaanka u beddaleen dukaamo ay ku ganacsadaan iyo guryo ay seexdaan.

“Waxaad arkeysaan Masaajid loogu talagalay in lagu cibaadeysto inay u beddaleen meel ganacsi iyo guryo ay seexdaan,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ka been sheegayaan Diinta, islamarkaana ay yihiin koox ma naxayaal ah oo dhibaato ku haya Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa caalamd weyn oo muujineysa in ay Diinta ka been sheegayeen waa koox isku timiday oo gaangis ah oo Ummaddaan inay nolosha ku cadaabaan go’aansaday,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale Cali Guudlaawe ayaa la garnaqdsay Shabaab, isaga oo su’aallo badan ka keenay sida ay ula dhaqmeen shacabka ku sugan deegaanka Masaajid Caliguduud.

‘Haddkii Masaajidka ay u beddaleen dukaan ay ku ganacsadaan iyagu, hadii ay gaadiidka dadka masaakiinta ah ku shaqeysanayeen ay  gubayaan oo ay dab qabadsiiyeen, hadii ay gabdhaha musaafurka ahaa ina dajiraan ku faraxumeynayaan saldhigga inay ku leexiyaan maxay ku tusinee meeshaas wax diin la yiraahdo in aysan ka jirin,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgalada ay sii socon doonaan inta Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Halkan hoose ka daawo:-

Madaxweyne Erdogan iyo PUTIN oo heshiis ka gaaray arrin ku saabsan Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online)  Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay inuu dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kula heshiiyey in qamadiga Ruushka ee soo mara badda madow ay si bilaash ah ay ku tagaan dalalka Afrika ee saboolka ah.

“Markii aan taleefoonka kula xiriiray Vladimir Putin, wuxuu igu yiri ‘ aan bilaash ugu dirno dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan’ – waana ku heshiinnay,” ayuu Erdogan ku yiri hadal uu u jeediyay ganacsatada magaalada Istanbul.

Arrintan ayaa timid kadib markii Moscow ay Arbacadii dib u bilowday ka qaybgalka heshiiska dhoofinta qamadiga ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Turkiga, taas oo sooo afjartay afar maalmood oo iskaashi la’aan ah ee dhoofinta raashinkan ee dekedaha Ukraine.

Horraantii toddobaadkan, wuxuu Putin sheegay in xitaa haddii Ruushku ka baxo heshiiskan mar kale, uu ku beddeli doono dhammaan saamiga qamadiga ee loogu talagalay “dalalka ugu saboolsan” si bilaash ah kan kaydka u ah Ruushka.

Ukraine ayaa dhowaan billowday in Qamadiga dalkeeda loo daabulo Dunida inteeda kale, si wax looga qabto abaaraha ka jira dalal ka tursan Qaaradda Afrika qeybo ka mid ah Aasiya.

Shixnaddii u horreeysay ee Qamadiga Ukraine ayaa sidoo kale waxaa dhowaan la geeyey dalka Jabuuti, ayadoo loogu talo galay abaaraha ka jira dalkaas iyo sidoo kale Itoobiya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan waxaa jira xaalado bani’aadanimo oo aad u daran, ayadoo QM ay saadaalisay inay macluul ku dhufan karto dhamaadka sanadkan 2022-ka.

Soomaaliya oo Serbia uga mahadcelisay gar-gaar ay soo gaarsiisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Serbia ayaa deeq gar-gaar ku wareejisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya.

11-tan oo isugu jira dawooyinka, cuntooyinka carruurta iyo gar-gaar kale ayay la wareegtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin, xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo agaasimaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.

Gar-gaarkan ayaa la gaarsiin doonaa dadka ay abaaraha saameeyeen, sida uu sheegay guddoomiye Maxamuud Macallin. 

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay gar-gaarkan, waxaana ay shacabka iyo dowladda Serbia ku bogaadisay garab istaagga ay u muujisay Soomaaliya.

Gargaarkan ayaa hor dhac u ah gar-gaar kale oo ay Jamhuuriyadda Serbia ugu talo gashay in ay ku caawiso Soomaaliya. 

Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer. 

IMRAN KHAN oo shaaciyey cidda ka dambeysay isku daygii lagu khaarijin rabay

Lahore (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Jimcihii ku eedeeyey ninka xilka ka beddelay inuu ku lug leeyahay shirqoolka lagu dili rabay, isaga oo ku jira isbitalka kana soo kabanaya dhaawacii ay xabadda gaarsiisay.

Khan ayaa weriyayaasha u sheegay in Shehbaz Sharif, oo xilka ra’iisul wasaare kala wareegay kadib cod kalsooni oo uu baarlamanka qaaday bishii April, uu soo abaabulay weerarka lagu qaaday.

Waxa uu intaas ku daray in shirqoolka ay kula jireen wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo taliye sare oo ka tirsan ciidamada.

“Saddexdan ayaa go’aansaday in la I dilo,” ayuu yiri Khan oo markii ugu horreysay soo muuqday tan iyo toogashadii dhacday Khamiistii, wuxuuna intaas ku daray in weerarka ay fuliyeen laba dabley. 

Dowladda ayaa beenisay inay wax kaalin ah ku laheyd, waxayna isku dayga khaarijin ku eedeeysay hal weeraryahan kaliya oo ay dhiiri-gelisay xagjirnimo diineed. Militariga ayaa eedeymaha Khan ku sheegay “kuwa aan sal laheyn oo mas’uuliyad darro ah.”

Weerarka lagu qaaday kolonyada Khan ayaa lagu dilay hal qof, waxaana lagu dhaawacay ugu yaraan 10 kale, taasi oo si xooggan sare ugu qaaday xiisadda siyaasadeed ee dalkaas la degtay tan iyo markii xukunka laga tuuray Khan.

Khan oo 70 jir ah ayaa hoggaaminayey dibad-baxayaal kumanaan ah oo tan iyo toddobaadkii tegay waday socod kasoo billowday Lahore oo ku wajahnaa Islamabad. 

Isaga oo ku fadhiya kursiga curyaamiinta, islamarkaana lugtiisa bidix ay si xooggan u duuban tahay — Khan ayaa hadlayey muddo hal saac ah, wuxuuna oo si xooggan u weeraray dowladda iyo jilbo-weynta siyaasadeed ee uu ku eedeeyey inay xukunka ka tuureen.

Waxa uu sheegay in mucaaradkiisa ay doonayeen inay ku eedeeyaan “inuu aflagaadeeyey diinta ama nebiga NNKH” kadibna ay ku eedeeyaan xagjir inuu dilay. 

Khan sooma bandhigin wax caddeymo ah oo uu ku taageero sheegashooyinkiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah ayaa goor sii horreysay sheegay in weerarka “uu ahaa kiis cad oo xagjirnimo diineed.”

Tuhunsanaha oo ku jira gacanta booliska, ayaa saraakiisha dowladda gobolka Punjab waxay ku magacaabeen Naveed Ahmed, wuxuuna muuqaal ay warbaahinta baahisay ku sheegay in Khan “uu marin-habaabinayey dadweynaha.”

Wuxuu intaas ku daray inuu ka careysnaa qeylada kolonyada Khan oo arbusheysay aadaanka salaadda.

Khan ayaa eedeeyey dadweynaha wuxuuna dul saarna konteenar markii rasaasta ay ka dhacday magaalada Wazirabad oo 170 km u jirta bariga caasimada Islamabad. 

“Rasaastu waxay ku dhacday lugteyda, markii aan sii dhacayey waxaa la furay rasaas kale,” ayuu Khan u sheegay weriyayaasha. 

“Waxay ahaayeen laba nin, haddii ay si wanaagsan isugu xirnaan lahaayeen, ma badbaadi laheyn,” ayuu yiri.

“Mid ka mid ah ayaa la qabtay, waxaana lagu sheegay xagjir diineed, ma aheyn xagjir diineed — waxaa jiray qorshe cad oo arrintan ka dambeeyey.”

Siyaasiyiinta Pakistan ayaa waxaa inta badan lala beegsadaa weeraro, hase yeeshee tallaabooyinka ammaan ayaa weli ah kuwa dabacsan.

Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalka Liaquat Ali Khan ayaa lagu toogtay dibadbax ka dhacay magaalada Rawalpindi 1951-kii.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ayaa sidoo kale la dilay 2007 kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay gaarigeeda agtiisa xilli ay salaameysay taageerayaasheeda magaalada Rawalpindi.

Caro ka dhalatay tallaabo ay qaadeen ciidanka DF kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si weyn uga horyimid arrin ay sameeyeen ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada Hiiraan kadib markii ay qaadeen tallaabo la yaableh oo sidoo kale caro dhalisay.

Macallimuu ayaa ka falciyey muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada, kaas oo muujinayo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo ciyaar dhaqameed ku dil ciyaarayo goob la’isugu keenay meydadka xubno Shabaab looga dilay dagaalkii deegaanka Ceel-hareeri.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in arrintaas ay ka fog tahay dhaqanka Islaamka iyo kan Soomaalida, sida uu hadalka u dhigay.

“Meydka Khawaarijta dushooda in jiibta iyo jaanta leysla helo, dhaqan Islaam iyo mid Soomaali intuba maaha,” ayuu ku yiri Macallimuu, kadib qoraal uu soo dhigay Facebook.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in dagaalka uu xeer leeyahay guushiisana ay tahay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab.

“Dagaalku xeer buu leeyahay, waana xaq in la laayo Shabaab. Guuleysta,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyey xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga hadashay dhibaatooyinka qaar ee ka dhaca meelaha ay ka socdaan howlgallada culus, iyada oo digniin adag u dirtay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka, si looga fogaado ficilada guracan ee arxan darrada ah.

Si kastaba, ciidamada huwanta oo howlgallo culus ka wada HirShabelle ayaa khasaare culus gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, ayaga oo kala wareegay deegaano dhowr ah.

Kenya Airways oo wajaheysa culeys weyn – Maxaa dhici doona maanta oo Sabti ah?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa wajaheysa culeys weyn kadib markii ay duuliyeyaasha shirkadda ay ku dhawaaqeen inay shaqo joojin sameyn doonaan maalinta Sabtida ah.

Ururka Duuliyayaasha Diyaaradaha ee Kenya Airline (KALPA) ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in shaqaalahooda aysan Sabtida maanta ah kasoo xaadiri doonin garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, taasi oo isbedel ku keeni karta duulimaadyada qorsheysan.

Tallaabadan ayaa imaneysa maalmo kaddib markii uu dhammaaday ogaysiis shaqo joojin ah oo laba toddobaad ah oo ay soo saareen ururka duuliyayaasha, kuwaasi oo dalbanaya in shirkaddu dib u bilowdo wax ku biirinta sanduuqa lacagta la siiyo dadka hawl-gabka ah.

Ma aha markii u horeysay ee ururka duuliyayaasha uu ku dhawaaqo shaqo joojin, waxaan sidan oo kale kal hore dhacday in shaqo joojin uu ku dhawaaqay ay saameyn weyn ku yeelatay duulimaadyadii shirkada Kenya Airways.

Shirkadaan ayaa waxay door wayn ku leedahay isku socodka Afrika gudaheeda waxayna rakaab badan u fududaysa socdaallada ay ku tagaan meelo badan oo Afrika ah.