29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Daawo: Xaadoole oo fariin ka soo diray degaanka maanta laga xoreeyay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo ka mid ah masuuliyiinta maanta hoggaamineysa howlgalkii Shabeellada Dhexe ayaa warbaahinta kula hadlay degaanka Nuur-dugle ee hoos taga degmada Aadan-Yabaal.

Xildhibaan Xaadoole ayaa sheegay inay maanta Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano badan oo dhaca inta u dhaxeysa degaanka Masaajid Cali-Gaduud iyo degmada Aadan-Yabaal.

Xildhibaanka oo halkaas warbaahinta kula hadlay ayaa fariin u diray Al-Shabaab, isagoo ku goodiyey in aysan ka hari doonin kooxda, inta ay joogaan dhulka ay degto beesha uu ku metelo baarlamaanka.

Xildhibaan Xaadoole ayaa kooxda ugu baaqay inay dadkooda ku soo laabtaan oo waxay wadaan joojiyaan, hadii aysan isisoo dhiibin, wuxuu ku goodiyey in meel kasta ay uga daba geli doonaan.

Sidoo kale dadka ku nool deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan Sh/Dhexe ayuu Xildhibaan Xaadoole ugu baaqay inay kooxda iska dulqaadaan oo fursadaan ay ka faa’iideystaan.

Dhowr deegaan ayaa oo hoos taga degmada Aadanyabaal ayaa maanta laga xoreeyey Al-Shabaab, waxaana howlgalkaas hoggaaminaayey Xildhibaan Cusmaan Xaadoole, Xildhibaan Yuusuf Kabaale iyo guddoomiye Abshir Kaaraan.

Masuuliyiintaan ayaa ka mid ahaa ciidankii xoreeyey degaanka Masaajid Caligaduud, waxayna hadda u sii gudbeen degaanada kale ee gobolka ay ka joogaan Al-Shabaab, iyagoo kaabiga ku haya degmada Aadan-Yabaal oo muhiim u ah howlgalkaan.

Hoos ka daawo

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo war kasoo saartay heshiiska Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku taageereyso heshiis ay gaareen dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Jabhadda TPLF.

Qoraalka ay soo saartay DFS ayaa ku bilowday, “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhawaynaysaa ku dhawaaqista heshiiskii nabadeed ee ay wada gaadheen Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Tigreega ee lagu soo afjaray colaadihii hubaysnaa.”

Dowladda Soomaaliya waxay bayaankaan ku cadeysay inay carabka ku adkeynayso in heshiiskani uu ka dhabeynayo himilooyinka shacabka Itoobiya ee ku aaddan horumarka, barwaaqada iyo midnimada dalka Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaanka ururka Midowga Afrika ku bogaadisay dadaallada ay ku bixiyeen wada-hadallada nabadeed ee Itoobiya iyo Jabhadda TPLF.

“DFS waxay ugu hambalyeysay Jamhuuriyadda Koonfur Afrika martigelinta wada-hadallada nabadeed, iyo doorka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Kenya ay ku leedahay heshiiska sii kordhinaya xasilloonida Itoobiya iyo gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay carrabka ku dhufatay muhiimadda heshiiskaan, waxayna si joogta ah u taageertaa Itoobiya oo nabad ah, dhaqaale ahaan horumarsan iyo Geeska Afrika oo ka caagan xasarado iyo colaado hubaysan, sida lagu cadeeyey qoraalkaan.

“Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay rajaynaysaa in heshiiskan “Dhibaatada Afrikaanka ah – Xalka Afrika” uu u gogol xaaro dib-u-heshiisiin dhamaystiran oo Itoobiya iyo Itoobiya ah oo gebi ahaanba soo afjarta colaadaha gudaha iyo rabitaanka gooni-goosadka, isla markaana kor u qaada barwaaqada, kobaca dhaqaale ee Itoobiya, gobolka iyo meelo kale,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii qoraalka ay heshiiskaas ka soo sartay DFS waxaa lagu yiri, “Maadaama tubta nabadda ay ka buuxaan caqabado u baahan dadaal dheeri ah, go’aan qaadasho iyo kalsooni, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay ku taageeri doonaan heshiiskan inuu noqdo xal waara iyo cashar laga barto.”

Sawirro: NISA oo heshiis la gashay sirdoonka Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa Muqdisho kula kulmay agaasime ku xigeenka Nabad sugidda ee dalka Itoobiya.

Xog ay Caasimada Online ka heshay kulankaas ayaa xaqiijineysa in labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan dagaalka Al-Shabaab.

Kulankaan Muqdisho ay ku yeesheen madaxda labada sirdoon ayaa diiradda lagu saaray sida ay muhiim u tahay in sirdoonada labada dal ay iska kaashadaan ka hortagga khatarta argagixisada.

Agaasime ku xigeenka hey’adda nabad sugida Itoobiya General Sisay Tola, ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, wuxuuna la socday wafdi Soomaaliya keenay dawo ay dowladda Itoobiya ugu qeyb qaadatay gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Soobe.

Agaasime Mahad Salaad ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii dowladda Soomaaliya ka socday ee shalay wafdiga Itoobiya Muqdisho ku soo dhaweysay.

Aragtida Mahad Salaad oo dadka ku yareed tan iyo markii loo magacaabay Taliyaha NISA ayaa shalay hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada, markii uu ka soo muqday warbaahinta, isagoo ku sugan garoonka Aadan Cadde.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka gobolka ee wajahaya khatarta ka imaa karta weerarrada Al-Shabaab, taas oo labada dalka muhiim uga dhigeysa inay iskaashi ka sameystaan dagaalka kooxda.

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya wuxuu bogaadiyey heshiiska ay xukuumadda Itoobiya iyo kooxda hubeysan ee TPLF ay dhawaan ku gaareen magaalada Pretoria ee waddanka Koofur Afrika.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab istaageeda walaaltinimo iyo deeqihii caafimaad ee dhowaan ay soo gaarsiiyeen magaalada Muqdisho. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin labo dal oo ay waxbadan ka dhexeeyaan, wajahayana khatar argagixiso oo isku mid ah.

Sisay Tola Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ayaa muujiyay sida uga xun yahay falkii argagixiso ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay si loo yareeyo cabsida laga qabo dhacdooyinka noocaan oo kale ah in la xoojiyo iskaashiga iyo la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa waxay uga hadleen iskaashiga labada dal ee ku aadan ka hor taga qataraha Argagixisada.

 

Sidee loo fashiliyey qaraxii ay Al-Shabaab kusoo weerareen MASAAJID CALI-GADUUD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanka Masaajid Cali-gaduud ayaa saakay fashiliyey gaari qarax ah oo Al-Shabaab ay doonayeen inay ku soo weeraraan deegaankaas.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan deegaanka, gaariga qaraxa siday ayaa aad ugu soo dhawaaday ciidanka, waxaana lagu fashiliyey afaafka hore ee magaalada, gaar ahaan bar control oo ciidanku ay lahaayeen.

Gaariga ay Al-Shabaab u adeegsadeen qaraxaas ayaa ahaa Layla-calaawi, kaas oo inta badan loo adeegsado safarada gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Hase yeeshee ciidanka ayaa ka shakiyey gaariga oo xawaare badan ku socday iyo in kor aysan waxaba ka saareyn gaariga, sida lagu yaqaanay gaadiidka safarka ah, taas oo ciidanka u sahashay inay fashiliyaan qaraxaas.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Caanood ayaa maanta xaqiijiyey in qaaraxaas ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen laba askari, kuwaas oo ka mid ah askartii fashilisay gaariga qaraxa siday.

Deegaanka Masaajid CaliGaduud ee gobolka Sh/Dhexe oo ka mid ahaa talisyada ugu muhiimsanaa Al-shabaab ayaa dhawaan soo galay gacanta dowladda, kadib markii duqeyn looga saaray Shabaab-kii heystay sanadaha badan.

Dadka deegaanka Masaajid CaliGaduud ayaa warbaahinta u sheegay in saakay aroorninadii hore ay maqleen jugta gaariga lagu gubay duuleedka deegaanka oo aheyd mid aad u culus.

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa Al-shabaab u ahaa mid istaraatiiji ah oo lacagaha canshuurta ah ay uga qaada jireen gadiidka u kala safra gobollada Hiiraan, Galgaduud, Sh/Dhexe iyo Mudug.

Sidoo kale deegaankaan waxay kooxdu ka difaaca jirtay Aadan-Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe oo weli gacanta ugu jirta Al-Shabaab, qaraxaan ay saakay soo abaabuleen ayaa ku soo aaday iyadoo deegaano hoos taga Aadan-Yabaal ay saakay ciidamada dowladdu ka xoreeyeen kooxda.

Hadal-heyn ka dhalatay diyaarad gargaar sidda oo ay Kenya u dirtay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalka Kenya oo ka mid ah waddamada geeska Afrika ee ay sida ba’an u saameysay abaarta ayaa diyaarad sidda gargaar ugu deeqay dalka deriska la ah ee Soomaaliya. 

Deeqdan ayaa waxaa buuq iyo sawaxan ay ka abuurtay baraha bulshada iyadoo in ka badan rubuc ka mid ah dadka u dhashay Kenya ee ku nool dhulka xoola dhaqatadu dagaan iyo dhulalka oomanaha ah ay soo food saartay xaalad cunto yari ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Shixnaddan ayaa isugu jirtay raashiin kala duwan iyo dawooyin leh noocyo kala duwan, sida lagu sheegay war ka soo baxay militariga Kenya.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in gargaarkan uu jawaab u yahay qaraxyadii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 120 qof.

Gargaarkan ayaa waxaa Soomaaliya gaysay mid ka mid ah diyaaradaha militariga Kenya. “Waxaan dareemeynaa xanuunka ay dareemayaan walaalaheena Soomaaliya, waxaana uga mahadcelineynaa Madaxweyne William Ruto howshan oo wax ka tari doonta dhibaatada haysata dalka deriska nala ah,” ayuu yiri Korneyl Victor Kang’ethe.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa Khamiistii ka codsaday shacabka Kenya in ay raashin ugu deeqaan shacabkooda gaajaysan ee gudaha Kenya, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

“Qof u dhashay Kenya waa in uusan gaajo u dhiman iyada oo muwaadiniinta kale ee Kenya ay haystaan cunto dheeri ah,” ayaa laga soo xigtay madaxwayna ku xigeenka.

Diyaaradan sida gargaarka ee ay Dowladda Kenya u dirtay Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay fal-celin ay baraha bulshada, sida Twitter-ka ku soo qoreen qaar ka mid ah madaxda iyo shacabka Kenyanka.

Babu Owino, oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Kenya, ahna mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu codka dheer ayaa dowladda Kenya ku dhaliilay tallaabadan.

Dadka arrintan ka hadlay qaarkood ayaa sheegay in gargaarka loo diray Soomaaliya looga baahnaa gudaha Kenya oo ay dada badan abaarta saameysay.

“Ma idinka Dhab baa, carruur ayaa ku dhimanaysa Turkana idinkana ma cunto ayaad u qaadaysaan Soomaaliya?,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka fal-celinta ku sameeyay Twitter-ka.

Qof kale ayaa isagana isweydiiyay su’aashan: “Sidee ugu dirtaa Soomaaliya diyaarad ay ka buuxaan cuntooyin, iyada oo dadkeenna ay gaajo u dhimanayaan? ma aha wax aqliga galaya.”

Qof kale ayaa soo qoray: “Yaa yiri waxaan haysannaa wax naga badan oo nagu filan oo aan bixinno?” Xilli roobabkii afraad oo baaqday ayaa sababaya mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee Bariga Afrika soo mara muddo tobanaan sano ah. Dalka Kenya dad ay tiradooda dhan tahay 4.2 milyan ayaa wajahaya cunno la’aan.

Abaarta ayaa si gaar ah u saameysay 24 ka mid ah ismaamullada ka jira dalka Kenya. Gobollada ay degaan dadka xoolo dhaqatada ah sida gobolka Soomaalida ee Waqooyi bari ayaa ka mid ah goobaha ay abaartan sida ba’an ay u saameysay. Isha: BBC SOMALI

Howl-galo ay horkacayeen Xaadoole iyo Yuusuf Kabaale oo lagula wareegay degaano

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa maanta waxay kala wareegeen argagixisada Al-Shabaab deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howl-galkaan ayaa waxaa hogaaminayay Xildhibaannada kala ah Cismaan Xaadoole iyo Yuusuf Kabaale, waxaana Ciidamada ay dagaal la’aan la wareegeen degaanada kala ah; Cadcadeey, Cadaan laxeey, Nuur Dugle,, Maxaad Siciid , Booska Xasan Geedi, iyo Ceelka Maraweyne.

Deegaanada ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxay ku yaallan inta u dhaxeeysa degmada Aadan-Yabaal iyo degaanka Masaajid Cali gaduud.

Saraakiisha horkaceysay howl-galka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan wax iska caabin ah kala kulmin dagaal-yahaanada Al-Shabaab, oo iyagu isaga baxay markii ay ka warheleen ciidamada kusoo wajahan.

Howl-galadaan ayaa sii socon doona illaa inta laga gaarayo degaanada gobolka Galgaduud, haatana ay ku dow yihiin degmada Aadan-yabaal oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegeen saraakiishu.

Waxaa sii xoogeysanaya kacdoonka dagaal ee kooxda Al-Shabaab looga saarayo Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan dalka, kaasi oo illaa hadda deegaano badan looga fara-maroojiyay kooxda.

Isku daygii lagu KHAARIJIN rabay Imran Khan – Maxaan ognahay illaa iyo hadda?

0

Lahore (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga toogtay lugta galabinimadii Khamiista, xilli la isku dayey in la khaarajiyo.

Haddab waa kuwan waxa aan ka ognahay dhacdadan illaa hadda:

– Weerarka –

Khan waxaa ku dhacay rasaas la furay intii uu socday dibadbax ka dhacay magaalada Wazirabad. 70 jirkan ayaa dul saarnaa konteenar, wuxuuna la hadlayey taageerayaashiisa, taasi oo qeyb ka aheyd dibadbax socod ah oo lagu tagi lahaa caasimadda Islamabad.

Taleefishinada Pakistan ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya Khan iyo kooxda la socotay oo gambanaya ayada oo ay dhaceyso rasaas darandoori ah.

Diiwaanka isbitaallada ayaa muujiyey in ka sokow Khan, toban qof oo kale la dhaawacay, kuwaas oo saddex ka mid ah ay rasaasta haleeshay. Waxaa sidoo kale la dilay hal qof.

Dibad-baxayaal ayaa gubay taayaro, waxayna xanibeen waddooyinka dhowr magaalo oo Pakistan ka mid ah Khamiistii. Waxaa sidoo kale la qorsheeyey dibad-baxyo dheeri kadib salaadda Jimcaha.

– Dhaawacyada –

Khan waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Lahore, wuxuuna maray qalliin, hase yeeshee dhaqaatiirta ayaa sheegay in xaaladdiisa ay degan tahay. Weli ma cadda inta rasaas ee ku dhacday.

Goobjooge ayaa sheegay in Khan uu miyir qabay kadib weerarka, uuna muujinayey astaan guul kahor inta aan goobta lagala cararin.

Xiddigii hore ee cayaarta cricket-ka ayaa xalay ku baryey Isbitaalka, hase yeeshee wuxuu kulamo la qaadanayey saaxiibada xisbigiisa Tehreek-e-Insaf (PTI).

Waxaa la filayey inuu khudbad jeediyo kadib salaadda Jimcaha.

– Qofka toogashada fuliyey –

Booliska ayaa xabsiga ku haya hal nin. Muuqaal u muuqda qirasho oo baraha bulshada la wareejinayo — ayna soo xigatay dowladda — ayaa tuhunsanaha wuxuu ku qiranayaa inuu Khan u weeraray “inuu marin habaabinayo shacabka”.

Weli ma cadda haddii ninka toogashada fuliyey uu ka tirsan yahay koox siyaasadeed ama mintidiin.

Sida ay sheegeen goobjoogeyaal, mid ka mid ah dadkii ku sugnaa dibadb-baxa ayaa hor-istaagay ninka weerarka soo qaaday, isaga oo la hardamay markii uu isku dayey inuu rasaasta furo, taasi oo keentay inuu seego bartilmaameedkiisa.

– Xog hore –

Khan ayaa ra’iisul wasaare noqday 2018, hase yeeshee wuxuu goobjoog u noqday hoos u dhac dhaqaale, wuxuuna lumiyey taageerada militariga awoodda badan.

Waxaa bishii April lagu riday codka kalsoonida baarlamanka, wuxuuna tan iyo markaas u ololeynayey in la qabto doorasho waqtigeeda kasoo hormarta.

– Taariikh –

Siyaasiyiinta Pakistan ayaa waxaa inta badan lala beegsadaa weeraro, hase yeeshee tallaabooyinka ammaan ayaa weli ah kuwa dabacsan.

Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalka Liaquat Ali Khan ayaa lagu toogtay dibadbax ka dhacay magaalada Rawalpindi 1951-kii.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ayaa sidoo kale la dilay 2007 kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay gaarigeeda agtiisa xilli ay salaameysay taageerayaasheeda magaalada Rawalpindi.

Tobanaan sano, Pakistan waxay sidoo kale la xarbineysaa islaamiyiin mayal adag, oo ku xooggan xuduudda dalkaas uu la wadaago Afghanistan.

AFP, VOA

Abshir Macallin Idiris oo isku soo dhiibay ciidamada DF

0

Xudur (Caasimada Online) – Taliska qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Diinsoor.

Abshir Macallin idiris, oo magaciisu afgarashadu ay yahay Sahal, ayaa isku soo dhiibey ururka 154-aad ee taliska guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka dhulka ee fadhiggooda yahay degmada Diinsoor.

Abshir ayaa markii uu isisoo dhiibayey watay qori nooca AK47 ah iyo booshkiisa, wuxuuna kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Jabhadda ama kuwa weerarada gaysta, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Wuxuu sheegay inuu kasoo qeyb galay weeraro badan oo ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, Mudug iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ninkan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 5 sano ah, wuxuuna sheegay inuu markii uu kooxda ku biirayey ku sugnaa degaanka Gurbaan ee gobolka Baay

Bilihii la soo dhaafay ayaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60-aad waxa ay sheegeen inay kordheen xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya, iyada oo ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay cafin doonto cid kasta oo Shabaab ka tirsan oo isku soo dhiibta ciidamada dowladda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda waxaa ku socdo kacdoon culus oo looga soo horjeedo kaasoo hadda si rasmi ah uga socdo gobolada Hiiraan, Shabeelaha dhexe iyo Mudug.

AL-SHABAAB ‘oo laga dilay’ 200 oo dagaalyahan kadib weerar cirka iyo dhulka ah

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa weerar qorsheysan ku qaaday degaanka Ceel-hareeri oo ku yaalla xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa socday muddo saacado ah, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska ee Danab G/le Axmed Cabdulaahi Beeryare ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in dagaalka ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah, islamarkaana lagu dilay 200 oo xubnood.

Wuxuu sheegay in Ciidanka DANAB oo kaashanaya dadka degaanka ay howlgalka si wadajir u fuliyeen, islamarkaana degaano dhowr ah oo u dhow degaanka Ceel-hareeri ay ciidamada la wareegeen.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay burburiyeen saldhigyo ay gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen ayna sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan ďalka Soomaaliya.

Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka qarxay kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana deegaanadaas kooxda looga dilay dagaalayahano badan waxaana sidoo kale laga qabsaday deegaano badan oo ay gacanta ku heysay sanado badan.

Saldhigii ay Al-Shabaab ka difaacayeen degmada Aadan Yabaal oo u gacan-galay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo maleeshiyada dib u xoreynta Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay ka wareegeen difaacii ugu weynaa ee Al-Shabaab u yaallay Gobolka Hiiraan, kaasoo ku dhow xaruntooda degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaal culus oo billowday shalay subax ayaa soo gaaray illaa xalay, waxaana dhowr jeer lagu dagaalamay degaanno ka tirsan degmada Jalalaqsi, markii ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo ka war helay Shabaab isku urursanaya halkaasi.

Saraakiisha maleeshiyada degaanka ayaa sheegay inay ugu danbeyn Al-Shabaab ka qabsadeen saldhiggii ugu weynaa ee Ceel-hareeri oo 20 KM u jira degmada Aadan Yabaal oo laga difaacayey, ayna gaarsiiyeen khasaare fara badan.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab looga dilay dagaalka ilaa 40 dagaalame, dhaawacayna intaas ka badan yihiin, halka wararka qaarkood ay dhimashada ka badinayaan, waxaana guul ka sheegtay dagaalka saraakiisha ciidamada dowladda iyo maleeshiyada degaanka.

Waxaa dagaalka qeyb ka aahaa ciidmaada Danab oo taageero ka helaya Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegay inay dagaalkii maanta ku dishay 36 askari oo uu ka mid yahay Axmed Muuse Fiidoow oo ah sarkaal u dhow Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Guuldarrada Al-Shabaab ee looga qabsaday degaanka Ceel-hareeri ayaa imaneysa ayada oo dhowaan laga qabsaday degaanka Masaajid Caligaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku lahaayeen saldhigga labaad ee ugu weyn ee ay ku lahaayeen gobolka.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya inay hadda maalmo un naga xigto in Shabaabka laga saaro Aadan Yabaal.

Ganacsade Soomaali ah oo Mareykanka uu xayiraad saaray oo jawaab bixiyey

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa Taladaadii soo saartay liiska dad Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay hubka soo geliyaan Soomaaliya, kuwaasoo lagu soo rogay cunaqabateyn.

Ragga magacyadooda ay ka muuqdaan liiska uu soo bandhigay Mareykanka waxaa ugu horreeya Liibaan Maxamed Yuusuf oo lagu sheegay in uu horay u ahaan jiray sarkaal sare oo Amniyaadka Al-Shabaab kala shaqeyn jiray fududeynta afduubyada. 

Maraykanka ayaa sheegay in Liibaan uu ka tirsanaan jiray Amniyaadka Al-Shabaab, hadda se uu yahay ganacsade si rasmi ah ugu shaqeeya ururka Daacish ee Soomaaliya. Waxaa lagu tilmaamay in shirkaddiisa Liibaan General Trading Co uu lacago u marsiiyay ururkaas.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Liibaan uu ka mid yahay kooxaha sida sharci darrada ah hubka ku soo geliya dalka. Sidoo kale Maraykanka ayaa u haysta inuu taageero muuqata u fidiyay ururka Daacish ee Soomaaliya.

Hase yeeshee Liibaan Maxamed oo wareysi uu siiyay BBC-da ayaa ka jawaabay eedeymaha loo jeediyay isaga iyo shirkaddiisa.

“Wax aan aad ula yaabay weeye, aniga waxaan ahay nin reer Puntlander ah, 91-kii ayaan halkan imid, waxaana tan iyo markaas ahaa ganacsade. Ma ahi nin la isweydiinayo oo la leeyahay Liibaan waa kuma?. Arrintan aad ayaan ula yaabay,” ayuu yiri Liibaan. 

Mar Liibaan la weydiiyey inuu 2013 ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab, sida Mareykanku sheegay, wuxuu ku jawaabay “arrintaas wax ka jiraa ma jiraan. 2013-kii waa xiligii dowladda Faroole, dhammaan dowladihii ka jiray Puntland-na waa I garanayaan.”

Liibaan ayaa sidoo kale beeniyey inuu xiriir la leeyahay kooxda Daacish ee Soomaaliya.  

“Arrintaas waxaan ka leeyahay wax ka jiraa ma jiraan. Waxaan diyaar u ahay in Mareykanka ugu tago meel kasta oo uu doono, waxaana qabsanayaa abuukaate, arrintaas ma ahan mid aan ka harayo,” ayuu yiri.

Liibaan ayaa sidoo kale sheegay inaysan waxba ka jirin eedeynta Mareykanka ee ah shirkaddiisa ay lacag siiso kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Mar la weydiiyey inuu hub sharci-darroo ah keeno Soomaaliya, wuxuu Liibaan ku jawaabay “Aniga weligey hub kama ganacsan, maraakiib kalluumeysina kama ganacsan. Shirkaddeyda waxa ay ka ganacsato waa la yaqaan, waxaana leeyahay shati.”

Liibaan ayaa sheegay in sababta liiska Mareykanka loogu daray ay tahay arrin ay ka dambeeyaan dad ay siyaasad iyo ganacsi isku hayaan, kuwaas oo uusan magacaabin. 

Liiskan cusub ee uu Mareykanka soo saaray ee ay Soomaalida ku jiraan ayaa noqonaya midkii labaad ee uu dalkaas soo saaro muddo ka yar saddex todobaad.

Mareykanka ayaa 17-kii bishii October shaaciyay magacyada rag Soomaali ah oo uu ku daray liiska argagixisada, kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay Al-Shabaab ka caawiyaan dhinaca dhaqaalaha.

Hoos ka dhageyso wareysiga Liibaan

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar – Caqabadaha iyo RAJADA mustaqbalka (Xog-warran)

0

Maalin kaddib, kulankii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Amir Sheekh Tamim bin Xamad Al-Thani ayaa Dr. Cabdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi loo magacaabay danjiraha dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya.

Magacaabidda waxaa xiiso u yeelaya in safiirkii hore Xasan Xamza Asad Hashem oo hayay xafiiska tan iyo Abril 21, 2018 uu aad ugu dhowaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo lataliyihiisii Fahad Yaasiin.

Xilhayntii hore ee Xasan Sheekh, Qadar ayaa matalaad hoose “chargé d’affaire” ku haysay xiriirkeeda Soomaaliya. Balse, muddo xilhayntii Farmaajo ayuu xiriirku isku rogay mid iskaashi hammi leh oo sii kobcay wixii ka dambeeyay khilaafkii “Khaliijka Carbeed” oo ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay mowqif dhexdhexaad ah.

Danjiraha oo galaangal lixaad leh ku lahaa Nabad iyo Nolol ayaa ka il damuuqsaday afgambigii muddo kordhinta (Abril 2021) oo hoostiisa lagu qooshayay. Siyaasiyiin badan oo waqtigaas mucaarid ahaa ayaa khaladka Danjiraha u arka mid Dooxa ku lug lahayd, walow Muqdisho loo soo diray Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani oo door wacan ka qaatay xal u raadinta doorashadii murugsanayd.

Iyadoo raacaysa aragtida dib u soo kabashada qaranka ayay ku deeqday dalka maalgelin dhan 200 malyan doolar oo lagu dhisay waddooyin isku xira suuqyada caasimadda Muqdisho iyo goobaha wax-soo-saarka ee magaalooyinka Afgooye iyo Jawhar. Qadar oo aan dadaal hagran ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin maareynta xaaladaha degdegga ah iyo musiibadahaba.

Isku beddelka diblomaasiyiinta ayaa muujinaysa in xiriirka Dooxa iyo Muqdisho uu ka weyn yahay shaqsi, xilli siyaasiyiinta UPD ku kala aragti duwan yihiin iskaashiga Dooxa. 

Xiriirka maalgashiga dhaqaalaha ayaa sii kordhay kaddib markii “Qadar Airways” ay bilawday duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho. Dooxa ayaa ballanqaaday inay maalgashato dekedda Hobyo oo muhiim u ah soo gelidda suuqyada Afrika.

Qadar waxay taageero deeqsinimo leh ka gaysataa casriyeenta ciidamada amniga iyadoo dalka ku deeqday 68 gaadiid dagaal oo casri ah, maalgelisana askarta uu Turkigu u tababbaro la dagaallanka argagixisada.

Ergeyga u fadhisa Qaramada Midowbay ayaa 2021 soo bandhigtay in waanwaan u socoto iyaga iyo Al Shabaab. Dooxa waxay leedahay waayo aragnimo badan oo ay Soomaaliya ugu yaboohi karto. Waxay dalka ka unkumtay machad lagu carbiyo diblomaasiyiinta, iyadoo ku lug lahayd xal u raadinta khilaafkii dhex yiil Muqdisho iyo Nairobi, inkastoo aan lagu guulaysan. 

Arrinka wanaajinta xiriirka Muqdisho iyo Dooxa wuxuu guud ahaan dabada ku wataa, xiriirka Dowladaha Iskaashiga Khaliijka oo badidoodaba Soomaaliya ka faa’iidaysan karto iyadoo laga digtoonaanayo waxyaabaha dhaawici kara iskaashi faa’iido wadaag ah.

Waxaa haboon in cilaaqaadka dalalkaas lagu sameeyo dibuhabayn la jaanqaada danahayaga iyo qiyamkayagaba si loo abuuro jawi iskaashi, halka dalku ku milmi lahaa “xifaaltankooda” siyaasadeed.

Dowladdii Farmaajo oo aan samayn daraasad cilmiyaysan oo saadaalin karay cawaaqibta ka dhalan karta xurgufta dhex tiillay Dowladaha Khaliijka ayaa dhe-dabbaalatay bad aysan ku sabbayn karin waxayna la kulantay colaad iyo ciqaab dib u dhigay soo kabashadii.

Dowladda Xasan Sheekh waxay haysataa fursad ay kusoo celin karto xiriirka taariikhiga ah ee Saldanada Cumaaan iyo Kuwait oo xasaasiyaddooda ka yar tahay midda Riyadh iyo Abu Dhabi. Madaxweyne Xasan Sheekh oo khibrad u leh xiriirka Soomaaliya iyo Qadar waxaa suuraggal u ah hab niyad wanaag ku jiro inuu dib ugu hagaajiyo xiriirka si uu u gaaro heer cusub.

Isha: Jamhuuriyadda

DF oo qoraal kasoo saartay arrin aad looga cabsi qabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay saadaasha roobka toddobaadka u horeeya ee bishaan November, xili hore looga cabsi qabay roobab dabeylo wata ku dhafta qeybo ka mid ah dalka.

Qoraal kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka xarunteeda ka digista halis-wadareedka ayaa waxa lagu sheegay in asbuucani uu ka qalalnaan doono afartii asbuuc ee la soo dhaafay.

“Waxaa aad u qalalnaan doona gobollada Waqooyi, gobollada dhexe iyo qeyb ka mid ah gobollada Koonfureed ee dalka, kuwaasi oo intooda badan heli doona roob aad u yar,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka.

Sidoo kale waxay saadaashu sheegaysa in asbuucan ay roob aad u yar heli doonaan gobollada; Waqooyi-galbeed sida, Awdal, Sool, Togdheer, Nugaal, Bari, Mudug, Hiiraan, kaasi oo xadigiisa lagu qiyaasay 01 – 10 (mm)

“Gobollada kale ee dalka sida: Sanaag, Galguduud, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha-hoose, Jubada-dhexe, Bay, Bakool iyo Banaadir waxay asbuucan heli doonaan roob xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm) sidaa darteed ma fileeyno ineey saameeyn badan yeeshaan.”

Ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka in gobollada Gedo iyo Jubada-hoose inay asbuucan heli doonaan roobabka ugu badan dalka, kuwaas oo qiyaastii u dhexeyn doona 01 – 50 (mm).

Gudoomiye Cali Jeyte oo sharraxaad ka bixiyey arrin dood ka dhalisay bulshada

Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaaka hadlay arrin hadalhayn ka dhex dhalisay bulshada, ka dib markii uu dhowaan shaaciyay inay lacago ku bixinayaan dilka xubin kasta oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa 23-kii bishii October abaalmarin lacageed guddoonsiiyay askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda, kadib markii ay dileen xubno ka tirsanaa maleeshiyadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu amray oo keliya in la dilo Shabaabka dagaalamaya iyo kuwooda sirdoonka ah, ayna tahay in sidaasi loo fahmo.

“Waxaan rabaa hal qodob inaan caddeeyo amaba iftiimiyo, oo ah dhacdadii maalin dhaweyd ka dhacday Aboorey. Anigu waxaan iri ragga qoryaha wato ee Al-Shabaabka ah iyo kuwa sirdoonka ah ee faltamaya madaxooda lacag baan saarnay,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Allaha (SWT) wiilka anigu aan dhalay dembiga anigu aan la imaaddo annaa iska leh, wiilka dembiguu la yimaadana, hadduu qaangaarana asagaa iska leh, taasi soo ma cadda? Dembiga aan anigu galay wiilkayga Ilaahay ma u ciqaabayaa? Waa maya, sabab loogu ciqaabaa ma jirto.”

Gudoomiye Jeyte ayaa tilmaamay in kuwa uu amray in la dilo aanay ka mid ahayn xaasaska iyo carruurta Shabaabka, islamarkaana ay kuwaasi yihiin birimageeddo, ayna tahay in la daryeelo.

“Waa ku keligood, waxa aniga aan ka hadlayna ka mid ma ahayn, inaan caddeeyaa rabaa. Birimageedada kuma jirto waxa la dilayo, carruurta iyo dumarka kuma jiraan. Dadka birimageedada ah kuwaa waxaa loo baahan yahay in la xannaaneeyo oo laga saaro howsha shidada ah ee Shabaab ku jiraan,” ayuu yiri Gudoomiye Jeyte.

Jeyte ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Mowduucaas waxaan rabaa inaan saas u qeexo, ninkii waxaan ka hadlay wax aan ahayn ka shaqeeyay, aniga la iguma dabaqi karo, Soomaali inay fahamtaa rabaa.”

Maxaa iska beddelay lacagtii Shabaab ay ganacsatada ka qaadi jirtay kadib amarkii DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadana in Ganacsatada aysan lacag siin karin Al-Shabaab ayaa waxaa soo baxeysa in weli si rasmi ah uusan u noqon karin dhaqan-gal.

Mid kamid ah Ganacsatada magaalada Muqdisho oo la hadlay VOA ayaa sheegay in uusan isbedel badan ku iman lacagihii ay Al-Shabaab siinayeen Ganacsatada.

Waxa uu sheegay in kooxda ay ku billowday Ganacsatada cago-jugleyn hore leh, xilli ay wajahayaan cadaadis uga imanaya dowladda oo ayadu rabta inay meesha ka saarto dhaqaalaha ay Al-Shabaab ka hesho Ganacsatada dalka.

“Waxaa la iisheegay Nin diiday in uu telefoon ka qabto (Al-Shabaab) waxaa loo soo direy Nin oo inta uu utagay ku yiri telefoonka hada qaban weydo waa ka shalaaye, markaas uu ka qabtay telefoonka oo waxa lagu yiri lacagta soo tuur,” ayuu yiri Ganacsadahaan la hadlay VOA oo magaciisa loo qariyay sababo amni.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in sababta u weyn ee Ganacsatada weli kusii qasbaysa inay Al-Shabaab lacag siiyaan ay tahay inaysan haysan damaanad qaad buuxa oo amnigooda ah.

“Waa baqayaan oo damaanad ma haystaan inay badbaadayaan. Waxaa diidaya inay Nimankaan lacagta joojiyaan naftooda ayey u baqayaan.”

Arrintaan ayaa banaanka usoo saareysa inay xiligaan adag tahay in Ganacsatada ay joojiyaan lacagaha ay siinayaan Al-Shabaab, illaa inta ay dowladda kala imaaneyso qorshe dhab ah oo lagu dhaqan-galin karo go’aankaan.

Sawirro: Ciidan loo abaabulay hab beeleed oo Muqdisho ka baxay si ay u xorreeyaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo loo abaabulay hab Beeleed ayaa waxay maanta diyaarad ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa maanta ciidamadaan kasii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo sheegay in ciidamadaan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dagaalka ka dhanka argagixisada.

Ciidamadaan oo kasoo jeeda beesha Duduble ayaa waxay kusii wajahan yihiin magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay kaga biiri doonaan kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamadaan ay si gaar ah qeyb uga noqon doonaan ciidamo loo diyaariyay howl-gal Al-Shabaab looga saarayo degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Waxaa muddooyinkii dambe socday abaabul ballaaran oo beelaha ay uga qeyb noqonayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo durtaba laga gaaray guulo waaweyn.

Al-Shabaab ayaa waxaa kacdoonkaan dagaal looga xoreeyay deegaano badan oo ay gacanta ku hayeen sanadihii dambe, waxaana weli gobolada dalka ka sii socda howl-galada lagu baacsanayo dagaal-yahanaada kooxda.

Erdogan oo sheegay inuu wadahadal la geli doono Musk kadib go’aankii kasoo baxay

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu wada-xaajood la geli doono milkiilaha cusub ee shirkadda Elon Musk, si uusan u bixin lacagta $8 ah ee lagu soo rogayo calaamadda bulugga ee xaqiijinta qofka.

Kadib markii uu twitter ku iibsada $44 bilyan oo dollar toddobaadkii tegay, Musk ayaa sheegay in shirkadda ay adeeggeeda Bulugga ku kireyn doonto $8 bil kasta, taasi oo ay qeyb ka tahay calaamadda bulugga ee raacsan magaca qofka.

Wareysi uu Arbacadii siiyey warbaahinta ee ATV ee Turkey ayuu Erdogan ku yiri inuu la hadli doono Musk, kalana xaajoon doono lacagtan. 

“Waxaa macquul ah inay noo duwan tahay annaga,” ayuu yiri Erdogan mar wax laga weydiiyey lacagta lagu soo rogay calaamadda bulugga. “Waxaan la sameyn karnaa xoogaa diblomaasiyad ah,” ayuu Erdogan ku kaftamay.

Calaamadda bulugga ee ku xigta magaca qofka ayey twitter ku xaqiijisaa inuu yahay qofka saxda ah ama shirkadda leh. Twitter ayaan hadda wax lacag ah ku qaadin bixinta calaamaddaas.

In ka badan 80% dadka adeegsada twitter ayaa ra’yi ururin dhowaan la sameeyey ku sheegay inaysan lacag ku bixin doonin calamaddaas, halka 10% ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay bishii ku bixiyaan $5.

Musk ayaa Talaadadii sheegay in dadka oggolaada inay lacag ku bixiyaan calamadda bulugta ah ay heli doonaan muhiimadda jawaabaha, ayna awoodi doonaan inay muuqaallo iyo codad dhaadheer soo dhigaan bartooda. Sidoo kalena ay arki doonaan kala bar xayeysiimaha ay hadda arkaan. 

Wuxuu sidoo kale yiri “kuwa bixiya lacagta waxay si bilaash ah ku aqrisan doonaan website-yada lacagta lagu aqristo ee nala shaqeynaya.”

Dowladda oo shaacisay deegaano muhiim ah oo lagala wareegay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xooga dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaay ayaa maanta kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaano muhiim ah oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka wasaarada gaadhaandhiga Janaral Caanood oo howl-galadaas uga waramay Radio Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ciidamadu ay burburiyeen labo dhufeys oo waaweyn oo argagixisada ku laheyd deegaanada laga wareegay.

“Howl-galkaas oo ka dhacay Xabaal-Xuseen iyo Gurac-dheere oo aheyd labo dhufeys oo waaweyn oo cadowgu ugu tala-galay in Aadan Yabaal looga imaan dhanka, waa labo deegaan oo muhim ah oo ayagu haysteen, waxay u jireen magaalada Aadan Yabaal 18-20KM,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galka argagixisada looga saaray deegaanadaas muhiimka ah ay ku dhaawacmeen labo askari oo kaliya, islamarkaana ay ciidamadu si buuxda gacanta ugu hayaan deeganadaas.

Afhayeenka marnaba ma sheegin khasaaraha Al-Shabaab kasoo gaaray howl-galkaas lagala wareegay deegaanada hoos yimaada Aadan Yabaal.

“Laba Askari ayaa xagayaga ku dhaawacantay, laakiin iyaga wixii khasaare ah weli nalooma soo sheegin oo dib ayaa kasoo sheegi doona.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-galada ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ciidamada uga daba-tagi doonaan deegaanada kale ee ay u firxadeen dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Imran Khan oo maanta lagu dhaawacay weerar toogasho

Islamar (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga dhaawacay lugta maanta kadib markii kolonyo baabuur oo uu la socday la rasaaseeyey xilli uu ku sugnaa bariga dalkaas, waxaa sidaas sheegay kaaliyihiisa.

“Nin watay qori darandoori u dhaca ayaa rasaas furay, dhowr qof ayaa dhaawacmay. Imran Khan sidoo kale wuu dhaawacmay,” ayuu Asad Umar u sheegay Reuters. Khan ayaa la dhigay isbitaalka.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Wazirabad, oo qiyaastii 200 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

Khan ayaa xabadda waxay kaga dhaacday kal-dheerta lugta, sida uu sheegay Fawad Chaudhry oo ah afhayeenka xisbiga PTI ee uu hoggaamiyo Imran Khan.

“Imran Khan iyo saaxiibkiis xisbiga Faisal Javed ayaa ku dhaawacmay rasaas. Khan waxay xabadda kaga dhacday kal-dheerta, waxaana labadooda loo qaaday isbitaalka,” ayuu Chaudry u sheegay Reuters.

Javad oo dhiig uu ka buuxay dharkiisa ayaa isaga oo isbitaalka ku jira u sheegay taleefishinka Geo “qaar badan oo ka mid ah saaxiibadeena ayaa dhaawacmay. Waxaan maqlanay in mid ka mid ah uu dhintay.”

Nin lagu tuhmayo weerarka ayaa la toogtay sida uu sheegay mid ka mid ah kaaliyeyaasha Khan.

“Sidoo kale nin labaad ayaa xabsi boolis la dhigay,” ayuu Raoof Hassan oo kaaliye sare u ah Khan u sheegay AFP, isaga oo intaas ku daray inaysan weli kala caddeyn qofka toogtay ninka weerarka soo qaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyey toogashada, wuxuuna amray wasiirka arrimaha dibedda inuu ku sameeyo baaritaan deg deg ah.

Khan, oo 70 jir ah, ayaa hoggaaminayey dibadbax lagu tagayey magaalada caasimadda ah ee Islamabad oo lagu dalbanayo doorashado waqtigeeda kasoo hormarta.

Tan iyo markii xukunka looga tuuray cod baarlamaan bishii April, Khan ayaa dibadbaxyo ku qabanayey Pakistan, isaga oo mucaarado xooggan ku kiciyey dowladda oo la halgameysa inay dalka ka saarto xasaradda dhaqaale ee ay ka tagtay dowladdii Khan.

Khan ayaa kolonyada uu la socday waxaa qorshuhu ahaa inay tartiib uga soo baxdo waddada Grand Trunk Road una jiheysato Islamabad, ayada oo taageerayaal badan ay kasii raacayaan waddada.

“Waxaan doonayaa inaad dhammaantiin ka qeyb qaadataan. Tani ma ahan arrin siyaasadeed ama mid shaqsi, ama in la rido dowladda. Tani waa in waddankeena lagu soo dabbaalaa xorriyad la taaban karo,” ayuu yiri Khan kahor dibadbaxa.

REUTERS, AFP, VOA

Sawirro: Mahad Salaad oo arrin lama filaan ah sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta sameeyey arrin lama filaan ku noqotay dad badan, kadib markii uu kasoo muuqday munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Munaasabaddan oo ay dowladdu kula wareegeysay gargaar ay soo dirtay dowladda Itoobiya ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin kala duwan, sida duqa Muqdisho, wasiirka caafimaadka, wasiirka waxbarashada, wasiirka warfaafinta, taliyaha NISA iyo xubno kale.

Deeqda ka timdi Itoobiya ayaa ah daawo loogu talagalay dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Zoobe 2, ayada oo sidoo kale ay la socdeen dhaqaatiir laga soo diray Addis Ababa, waxaana gargaarkaan wasaaradda caafimaadka ku wareejiyey safiirka Itoobiya.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahadceliyey dowladda Itoobiya, sida ay uga soo jawaabtay dalka wasaaraddiisa, kadibna deeqda ay soo dirtay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyey in taliyaha NISA uu ka soo muuqdo la wareegida gargaarka Itoobiya.

“Wakaas madaxii nabad sugidda dalku caawamida tirsanaya” ayuu yiri Aadan Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada isticmaala Facecook ee ka falceliyey arrintaan.

“Oo kan muxuu meesha ka dooney bilo ku ciyaadhey” ayuu isna yiri wiil kale oo lagu magacaabo Khayre Cali Nuur.

“Fahad sidaan ma lagu garaa?” ayuu isna yiri Cabdirisaaq Aadan Cabdisalaan oo ka mid ah dadka isticmaala Faceebok.

“Mahad Salaad ma iska hubisay daawadan nooga timid Itoobiya” ayuu dhankiisa yiri Nasiib Cabdi Tahliil oo qoraalkan uga falceliyey arrinta uu maanta sameeyey Taliye Mahad Salaad.