31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Goob ay isku urursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab oo weerar culus lagu qaaday

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo u dhexeeyey maleeshiyaadka la magac baxay ciidamada dib u xoreynta deegaanka iyo Kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka Ceelhareeri, kadib weerar ay ku qaadeen ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada halkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay isku uruursanayaan deegaankaasi, si ay weerar usoo qaadaan balse ay ka hortageen, islamarkaana ay khasaare ku gaarsiiyeen dagaal culus oo ka dhaca deegaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu sii xoogeystay markii ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay heleen ciidamo gurmad ah ay oo ka yimid deegaanka Tardo.

Intaas kadib ayaa waxaa ciidamada u suuragashay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceelhareeri oo u dhow magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Hiiran ayaa ka mid ah gobollada uu ka socdo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn ka gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya.

Wararkii ugu dambeeyey QARAX maanta ka dhacay Muqdisho + Bartilmaameedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya faahfaahinada laga helayo qarax khasaare geystay oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino, waxaa lla beegsaday gaari Cabdi Bile ah, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sida aan xogta ku helay gaariga la qarxiyey oo gubtay ayaa waxaa la socday ilaalada guddoomiye ku xigeenka amiga gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), waxaana uu ka yimid gaariga dhinaca Dayniile, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu qaraxa dhacayey uusan kolonyada la socon Cali Yare, balse waxaa waxyeelo ay soo gaartay askar iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey qaraxaan ku dhintay illaa saddex qof oo laba ka mid ah ay yihii carruur waddada mareysay, halka mid kalena uu yahay askari ka tirsan ciiidamada la qarxiyey.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay lix qof oo kale oo ay ku jiraan laba askari iyo dad kale oo isku qoys ahaa oo kala ah Aabe, Hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhaleen oo gaari saarnaa.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Sabtidii lasoo dhaafay qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen Zoobe, kuwaas oo ay ku dhinteen 120 qof, halka ay ku dhaawacmeen 300 oo kale.

Dhageyso: Sarkaal ka tirsan NISA oo shaaciyey qaladaadka amni ee ka jira Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee nabad sugidda gobolka Banaadir G/Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa tusaaleyn badan ka bixiyey sida ay tahay in wax looga bedelo sugidda amniga magaalada Muqdisho, maadaama ay dadku khatar ugu jiraan qaraxyada aan bartilmaameedka laheyn ee Al-Shabaab.

Ibraahim Macalin ayaa dhaliilay hanaanka hadda loo sugo amniga caasimadda Muqdisho, isagoo qiray in ciidanku ay dadaalayaan, balse ay kooban tahay awoodoodu.

Wuxuu sheegay in ciidanku aysan heysan qalab casri ah oo si fudud ay ugu baari karaan gaadiidka, taas oo sabab u noqoneysa in mararka qaar uu koontoroolada dhaafo gaadiid qarax sida.

Qaraxyada Muqdisho ayaa ah kuwa soo noqnoqda, oo kumanaan qof ay ku naf waayeen sanadihii tegay, welina ma muuqdo xal kama dambeys ah oo wax looga qaban karo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa 29-kii October qaraxyo dhimasho badan ka fulisay magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen 120 qof, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ibraahim Macalin oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in khatar badan ay ka soo wajahan tahay kooxda, maadaama ay dowladdu ku dhawaaqday dagaal ka duwan dagaaladii hore oo kooxda lagu soo afjarayo.

“Dagaalkaan wuxuu taabanayaa dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha, taasi waxay keeneysaa in Al-Shabaab ay bedelaan howlgalkooda, seddax tiir ee madaxweynuhu uu sheegay in dagaalka lagu saleynayo, arrimahaas ayaa Al-Shabaab ku qasbaya inay toos u soo weeraraan caasimadda,” ayuu yiri Taliyihii hore ee nabad sugidda gobolka Banaadir.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Muqdisho: Xubno Shabaab ah oo dil toogasho lagu fuliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa markale xukun dil toogasho ah saaka ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay horey xukun dil ah ugu ridday maxkamaddu.

Labada nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdulle Axmed Muudey oo 24 sano jir ah iyo Cumar Aadan Maxamed oo 29 sano jir ah, kuwaas oo lagu helay inay dilal u geysteen askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Cumar Aadan ayaa lagu helay inuu dilay Cabdullaahi Maxamed Hilowle bishii October 2019, halka Cabdulle Axmed Muudey isna lagu helay inuu dilay Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada amniga dowladda Soomaaliya bishii November ee sanadkii hore 2019.

Sidoo kale labadaan nin oo maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan ayaa waxaa dil toogasho ah lagu xukumay December 2020-kii, kaas oo maanta lagu fuliyey.

Fagaaraha lagu toogtay labadaan ruux waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan maxkamadda iyo ciidamada ammaanka oo xukunka dilka ku fuliyey raggaasi.

Inta badan maxakamadda ciidamada ayaa dilal toogasho ah ku fuliso xubnaha Shabaab ee soo gala gacanta dowladda oo haatan sare u qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi.

Si kastaba, dilka maanta lagu fuliyey Cabdulle iyo Cumar ayaa todobaad gudihiis ka dhigaysa in la toogtay illaa 10 ruuux oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Aadan Madoobe oo ka dagay GAROOWE + Ujeedka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehlinayaan xubnaha guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Garoowe kusoo dhoweeyey guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo ku xigeenadiisa koowaad iyo labaad.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta loo sameeyey Sheekh Aadan Madoobe qayb ka ahaa guddoomiyaha maamulka gobolka Nugaal, Duqa Garoowe, xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada, wasiiro ka tirsan golaha wasiirada Puntland, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Intaas kadib waxaa loo gudbiyey qaybta nasiinada ee garoonka diyaaradaha Garoowe, halkaas oo ay kula hadleen warbaahinta, iyagoo faahfaahin ka bixiyey safarkooda.

Ujeedka ah ayaa sidii uu baarlamaanka Soomaaliya kala shaqeyn lahaa baarlamaanka Puntland nidaaminta xeer-hoosaadka golahaas iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka ayaa inta uu joogo Garoowe wadahadallo la yeelan doono madaxda sare ee Puntland, isaga oo kormeeri doono xarumaha Garoowe.

Dhankiisa guddoomiyaha golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo madasha ka hadlay ayaa uga warbixiyey xaalada guud ee Puntland, isaga oo sheegay inta ay joogan Garoowe wefdiga guddoomiyaha golaha shacabka ay ku marti qaadi doonaan kalfadhiga 51-aad ee golaha wakiillada oo dhowaan ka furmay magaaladaasi.

Booqasho Aadan Madoobe ee Garoowe ayaa kusoo aadeyso, xilli uu maalmo kahor kasoo laabtay safaro kala duwan oo uu kusoo kala bixiyey qaar ka mid ah waddamada reer Yurub.

Wasiir ka tirsan dowladda oo eryey shaqaalihii uu ugu tegay wasaaradda qaarkood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda ganacsiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo dhejisay warqad ay shaqada uga cayrisay shaqaalihii wasaaradda ugu shaqey jiray xuquuq la’aanta.

Warqadaan oo lagu dhejiyey derbiga wasaaradda ganacsiga waxay ka soo baxday xafiiska wasiirka ganacsiga Jabriil Cabdirashiid Xaaji, wuxuuna ku amray ciidamada ilaaliya amniga wasaaradda in shaqaalahaasi aysan soo geli karin gudaha wasaaradda.

Shaqaalahaan ayaa ah kuwii mushaarka ama gunada aan ka qaada jirin wasaaradda, sida ku cad warqadda uu soo saaray wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya.

“Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha waxay ku wargelineysaa dhamaan shaqaalaha ku meel gaarka ah ee aan wax gunno ah ka qaadan wasaaradda in laga bilaabo 1-da bishaan la kala diray, oo aysan soo xaadiri karin wasaaradda ganacsiga, kana tirsaneyn shaqaalaha wasaaradda,” ayaa lagu yiri warqadda.

Wasiirka Jabriil ayaa ciidanka amniga faray in shaqaalahaas aysan wasaaradda soo geli karin, isla markaana ay deg deg u fuliyaan go’aanka uu ka gaaray shaqaalihii xuquuq la’aanta ku ahaa wasaaradda ganacsiga Soomaaliya.

Tallaabadaan ayaa fadeexad weyn ku ah dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxda cusub ee dowladda oo ku soo ololeeyey inay shaqo abuur u sameynayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale tallaabadaan waxay niyad jab ku abuureysaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ah, isla markaana u hanqal taageysay inay dowladu shaqaaleysiiso.

Hoos ka eeg warqadii uu shaqaalaha ku ruqseeyey wasiir Jabriil

Sawirro: Dowladda Jabuuti oo gurmad iyo dhaqaatiir usoo dirtay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa jawaab ka bixisay dalabkii dowladda federaalka ee ku aadanaa u gurmashada dadkii kala duwanaa ee ku waxyeeloobay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay agagaarka Zoobe.

Jabuuti oo ka jawaabeysay dalabkaas ayaa maanta gurmad iyo dhaqaatiir caafimaad usoo dirtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyeen wasiirka caafimaadka, wasiirka warfaafinta iyo guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaaraha

Wafdiga ka socda dowladda Jabuuti waxaa horkacaya wasiirka waxbarashada ahna sii- hayaha xilka wasiirka caafimaadka dalkaasi Mudane Mustafa Maxamed Maxamuud.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo garoonka kula hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey deeqda ka timid dowladda dalka Jabuuti.

“Waxaan maanta Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweynay dhakhaatiir iyo deeq dawo ah oo inooga yimid dalka aanu jaarka iyo wallaalaha nahay ee Jamhuriyadda Djibouti,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Dhankiisa wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahadceliyey dowladda Jabuuti oo dawo iyo dhaqaatiir qeyb ka ah gurmadka dhaawacyadii Zoobe usoo dirtay Soomaaliya kadib baaqii Wasaaraddaiisa ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo caafimaad oo taqasus u leh qaliinada dadka gubtey iyo kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin.

Qaraxyadii Zoobe 2 oo lala beegsaday dhismaha wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa ku dhintay illaa 120 qof, halka ay ku dhaawacmeen 300 oo kale oo u badan dad shacab ah.

Dowladda ABIY AHMED iyo Tigray-ga oo heshiis gaaray

Pretoria (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya iyo mucaaradka Tigray ayaa Arbacadii shalay heshiis lagu joojinayo colaadda ku gaaray magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxaa sidoo kale labada dhianc ay ku heshiiyeen inay dhacdo hub ka dhigis marxaladaysan, iyo in gargaarka bani’aadannimo loo furo in dadka la gaarsiiyo, iyo in la soo caliyo adeegyadii dadweynaha.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyey kadib wadahadallo socday toddodbaad oo ka socday dalkaas, oo ay ka qaybgalayeen ergooyin ka kala socda dawladda Itoobya iyo mucaaradka Tigray.

Wadahadalladan waxaa dhex-dhexaadiyey Midowga Afrika iyo dawladda Maraykanka oo la sheegay inay korjooge ka ahayd.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya laba sano kahor markii colaaddu ay ka qaraxday gobolka Tigray, taasi oo ay ku dhinteen kumannaan kun oo qof, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda.

Gobolka Tigray ayaa waxaa ka jirtay xaalad bani’aadanimo oo darran iyo cuno yari, tan iyo markii uu dagaalka billowday November 2020, waxaana ka go’naa adeegyasada aasaasiga ah sida korontada, isgaarsiinta, ayada adeegga bankiyada uu xadidan yahay.

Xasan iyo al-Siisi oo kulmay xilli si sir ah Soomaaliya looga qoray 3,000 oo dhallinyaro

0

Algiers (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Algeria ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfataax Al-siisi, iyagoo ka wadahadlay arrimo khuseeya danaha labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga warbixiyay dhiggiisa dalka Masar howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda goballada dalka iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab si dadka ku nool ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya lagu taageero dagaalka ay uga soo horjeeddo argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha Masar saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, taas oo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada xoogga si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada.

Sidoo kale Madaxweynaha Masar ayaa muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi oo balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka cunayarida si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameyeen ayaa intaas raaciyay in ay shirka soo socda ee cimilada ee ka dhacaya Masar ay cod ugu noqon doonaan Soomaaliya sidii uu caalamku ugu baraarugi lahaa saameynta isbedelka cimiladu ku yeelatay Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankii labada madaxweyne.

Kulankan ayaa imanaya ayada oo Masar iyo Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya ka qorteen 3,000 oo dhallinyaro ah oo askar ahaan loo tababarayo. Halkan ka aqriso warbixintaas.

DEG DEG: Qarax goordhow ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahibno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax markale maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay caasimada.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay aargada degmada Dayniile, halkaas oo ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo marayey ah halkaasi, waxaana jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah iyo askar.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana rasaas laga maqlay goobta, maadaama ay ka agdhoweyd barkoontarool oo lagu hubiyo gaadiidka halkaasi mara.

Sabtidii lasoo dhaafay ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen agagaarka Zoobe, kuwaas oo ay ku dhinteen illaa 120 qof, halka ay ku dhaawacmeen 300 oo kale.

Wasiirka Bartoolka oo qirtay inaan wax weyn laga bedelin heshiiska shidaalka ee muranka dhaliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka XFS, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiskii shidaalka ee dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda Coastline Exploration oo ay horay u diiday dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Cabdirisaaq oo wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay inaan wax badalan laga badalin heshiiskii hore oo muran badan ka dhex dhaliyey dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka ayaa xusay in kaliya wax laga badalay illaa 5 qof oo kamid ahaa heshiiskii hore, kuwaas oo aan aheyn arrimo waaweyn sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in qodobadaas ay ahaayeen kuwa kaliya dib u eegis lagu sameeyey.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in heshiiskaan uu ahaa mid isaga ka horreeyey, balse la codsaday in wada-hadal toos ah laga galo halkii laha dhigi lahaa tartan furan oo u dhaxeeya dhowr shirkadood.

Qodobadda laga bedelay ayuu Wasiir C/risaaq ku sheegay inay kala yihiin:

  1. Aadeegga Saadka amniga iyo arrimaha kale (Local Content) laga qaato gudaha, haddii ay awoodaan inay qabtaan.
  2. Waxaa kaloo laga saaray arrin ku saabsan (Xaalad hubanti la’aan ah- force majeure).
  3. In wixii qalab ama hantiga haraaga ah ay yeelan doonto dowladda Soomaaliya.
  4. Heshiiska in aysan saameyn karin isbedello yimaada sida canshuuraha, taas oo la isla gartay, laakiin Wasiirka la siiyey inuu soo saari karo shuruuc iyo canshuuraha
  5. Iyo Qodob ku saabsan haddii Heshiiska lagu wareejinayo shirkad ama saami dad kale oo lagu caddeeyay dadka saamiga leh ee lagu wareejin karo.

“Qodobaddaas waa la saxay, wax weyna ma ahayn, wuxuu ahaa heshiis fiican oo ka fiican kuwa caalamiga ah, waxaana kala tashanay sharci yaqaano arrintaan aqoon fiican u leh,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka.

Muhiimada heshiiska ayaa ah inaan waxba laga bedelin qeybsiga dhaqaalaha oo ay ku caddahay in Soomaaliya waxa loo yaqaan Royal-tiga ay leedahay: 5%, faa’iidadana loo qeybsan doono si isla mid ah 50% iyo 50%, canshuurta laga qaadayo faa’iidada ayaa ah 30%.

Heshiiska Wax-soosaar wadaagga ah ee shidaalka Soomaaliya oo dalka Turkiga lagu saxiixay Febraayo 2021-kii ayaa khilaaf weyn dhaliyey, waxaana sharci darro ku tilmaamay madaxweynihii xilligaasi Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dad badan ayaa shaki ka muujiyey sida deg degga ah ee heshiiskan loo saxiixay iyo inaan dadka loo soo bandhigin faahfaahinta heshiiskan, sidii markii hore ahaa iyo qodobada laga bedelay.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo qorshe cusub uga dhowaaqay shirka Algeria

0

Aljeris (Caasimadfa Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya uga qaybgalay furitaanka shirka 31-aad ee madaxda dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta, halkaas oo khudbad dheer uu ka jeediyey.

Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeediyey khudbad uu mid mid ugu dul istaagay marxaladaha ka jira Soomaaliya, sidoo kale wuxuu khudbadiisa ku soo hadal qaaday caqabadaha ay wajahayaan shucuubta carbeed.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku howllan tahay sidii ay uga gudbi lahayd caqabadaha iyo dhibaatooyinka amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka dhashay kooxaha argagixisada ah, abaaraha soo noqnoqday ee ka dhashay isbeddelka cimilada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu dul istaagay caqabadda ay Alshabaab ku tahay horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed soo dhibaateynayey 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku sheegay in dowladiisu ay ku guuleysatay inay wiiqdo awoodda dhaqaale, ciidan iyo fikir ee kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ka warbixiyey dhibaatooyinkii u dambeeyey ee Al-Shabaab ay geysteen ayaa yiri, “Kooxdan argagixisada ah waxay ku suntan tahay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyo falalka arxan darrada ah oo ay u danbaysay qaraxyadii argagixisanimo ee todobadkan ay ka geysteen magaalada Muqdisho, taas oo ay ku naf waayeen in ka badan 100 muwaadin oo Soomaaliyeed, halka dhaawacuna uu kor u dhaafay 300 oo qof, khasaaraha dhaqaale ee soo gaaray dadkayagana uu yahay malaayiin doolar.”

Sidoo kale Madaxweyne xasan Sheekh ayaa sheegay in qorshaha ay ku wajahayso dowladdu kooxdan uu ka kooban yahay saddex qeybood oo oo kala ah:

  1. Dagaal milatari oo aan ku xoreynayno deegaannada ay ku joogaan.
  2. Dagaal dhaqaale oo aan ku curyaaminayno ilaha dhaqaale ee maalgeliya argagixisada guda iyo dibadna.
  3. Dagaal ka dhan ah fikirka gurrucan ee xagjirnimada, iyadoo aan daaha ka qaadeyno been abuurkooda ka dhanka diinteenna suubban iyo ficilladooda khaldan ee aan melena ka soo gelin diinta Islaamka.

Hoos ka daawo Khudbada oo dhameystiran

 

Mareykanka oo soo saaray digniin ku saabsan weeraro ka dhici kara MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Onlkine) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa soo saartay diginin amni oo la xiriirta weeraro iyo qaraxyo ka dhici kara magaalada caasimadda ah.

“Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxay weli si dhow ula socotaa xaaladda amni ee magaalada Muqdisho oo uu ku jiro garoonka Aadan Cadde. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay xayiraad dhanka socdaalka oo mustaqbalka dhow ah oo lagu soo rogay shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan Muqdisho, oo ay ku jiraan bannaanka xarumaha caalamiga ah iyo xarunta Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri digniinta oo lasoo dhigay website-ka safaaradda.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay inay dadweynaha dib u xusuusineyso talooyinka safarka ee Soomaaliya, kuwaas oo sheegaya in argagixisada ay weli qorsheynayaan afduubyo, qaraxyo iyo weeraro kale oo ka dhaca Soomaaliya.

“Weerarada waxaa laga yaabaa inay dhacaan ayada oo ay jirto digniin yar ama digniin la’aan, iyadoo lala beegsanayo garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, xarumaha dowladda, hoteellada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee soo jiita dadka badan ama ay ku badan yihiin Reer Galbeedka ah, iyo sidoo kale kolonyada ciidamada dowladda, iyo kuwa Reer Galbeedka,” ayaa lagu yiri digniinta.

“Hababka weerarka waxa ka mid noqon kara qaraxyo baabuur, is-miidaamiyeyaal, shakhsiyaad weeraro fuliya, hoobiyeyaal, iyo kuwo kale. Weerarada argagixisanimada waxaa ka mid ah isticmaalka aan la kala soocin ee walxaha qarxa iyo hubka kale, waxayna ka dhici karaan meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah wakhti kasta digniin la’aan.”

Safaaradda Mareykanka ayaa ugu baaqday shacabka inay muujiyaan feejignaan marka ay tagayaan goobaha munaasabadaha, Masaajiddada iyo goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan. 

Ujeedka farriintii Al-Shabaab usoo dhiibeen Mahad Karataay iyo waxa ka dhallan kara

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu dhawaan Muqdisho kusoo idlaaday shir ay lahaayeen culimada Soomaaliyeed, wasaaradaha diinta ee heer maamul goboleed iyo middad heer federaal lagana soo saaray fadwo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo sheegeysa inay ka been abuuranayaan Diinta Islaamka, ayna xaq tahay in lala diriro, ayaa dhinaca kale Al-Shabaab waxay qaaday laba tallaabo oo ay hoos ugu dhigeyso miisaanka bayaanka culimada.

Labadaasi tallaabo mid waa inay shir isugu keeneyn wadaaddaa ku nool dhulka ay heystaan si ay u jeediyaan bayaan kaas liddi ku ah, midda labaadna waa laba qarax oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 120 qof oo shacab ah.

Madaxa amniyaadka ee kooxda Al-Shabaab Mahad Warsame oo Karataay loo yaqaano ayaa sii daaiyey farriin toban daqiiqo ah oo uu ku sheeganayo mas’uuliyadda xasuuqii Zoobe 2.

Mahad Karataay, oo la fahamsan yahay inuu waayahaan qeyb ka yahay khilaafka kooxda dhexdeeda ka jira ee ku aabsan hoggaanka sare, ayaa sii matalaya afhayeenka la aaminsan yahay inuu dhaawac qabo ee Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Wuxuu sheegay Mahad Karataay inuu bartilmaameedkooda qaraxyada ahaa wasaaradda waxbarashad aee dowladda Soomaaliya, ayna qaraxii koowaad ku dhufteen wasaaradda balse kan labaad uu bannaanka ku qarxay.

Inuu Mahad Karataay farriinta u leexiyo dhanka wasaaradda waxbarashada waxay muujineysaa inuu garan la’yahay si ay kooxda u qaadato xasuuqa shacabka soo gaaray iyo inuu hoos u dhigo carada shacabka ee ka dhalatay ficilkaan guracan.

Wuxuu si jees jees ah u sheegay inay dowladda qaadaneyso mas’uuliyadda dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhintay, sababtana wuxuu ku tilmaamay inay ciidanka xabadeeyeen gaarigii siday qaraxa labaad kadiba uu sidaasi ku qarxay.

Macnaha haddii aan la xabadeyn laheyn gaarigaasi gudaha wasaaradda ayaan geli laheyn, shacabkuna ma dhinteyn, ayuu ku doodayaa Karataay.

Farriinta Mahad Karataay oo sida muuqata ay Al-Shabaab ugu talogashay inay ku damiso carada shacabka ee ka dhalatay xasuuqii Zoobe 2 ayaa u muuqata mid uga sii darreysa xaaladda maadaama uu Karataay ku jees jeesay qoysaskii uu dhibka soo gaaray.

Hadalka Mahad Karataay ee lasii daayey waxaa ku jirtay qeyb kale oo ay ku baneysanayaan dhigga shacabka. Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Muqdisho ku dhaqan oo ay kooxda xasuuqeysay 13-kii sano ee lasoo dhaafay uma harin waqti badan oo ay daawadaan xasuuqa kooxda Al-Shabaab .

Al-Shabaab waxay sidoo kale weerarki Zoobe ku dadeen xasuuq kooxda kasoo gaaray dagaal ay ku galeen deegaanka la yiraahdo Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay kooxda boqolaal maleeshiyo ah uga dhimatay kadib markii laga fuliyey duqeymo badan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wadan oo ay leeyihiin saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Al-Shabaab oo ugu dambeyn laga qabsaday deegaanka Masaajid Cali Gaduud illaa iyo hadda kama hadlin dagaalkaas uu khasaaraha badan kasoo gaaray kooxda.

Kooxda waxay heysataa dhallinyaro dadkii dhalay khasab ay uga soo wadatay oo ay maalinba dalka qeyb kamid ah ku gubto.

Bulshada Soomaaliyeed waxaa hor taalla inay u midoobaan in lasoo afjaro kooxda si xataa loo badbaadiyo kuwa xaggooda ku dhimanayo ee Soomaalida ah oo ay dabka ku shubayaan maalin walba oo aysan jirin cid kula xisaabtameyso ayey leeyihiin dadka waxgalka ah ee Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday go’aan cusub oo la xiriira CORONAVIRUS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday go’aan cusub oo ay meesha uga saareyso baaristii waajibka aheyd ee Coronavirus, kaasi oo markii hore waajib ku ahaa dadka u soo safraya Soomaaliya iyo kuwa ka dhoofaya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in go’aankaan cusub uu yimid kadib markii uu hoos u dhac weyn ku yimid caabuqa COVID-19.

“Dhammaan dada ka safraya Soomaaliya loogama baahna Warqadda Caddeynta Baaritaan ee Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid). Dhammaan dadka usoo safraya Soomaaliya loogama baahna in ay la yimaadaan Warqadda Cadeynta Baaritaanka Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay wasaaraddu in dadka ka dhoofaya Soomaaliya looga baahan yahay inay iska hubiyaan una hogaansamaan sharuudaha iyo habraacyada Wadamada ay u socdaan ee la xariira COVID-19.

“Wasaaradda Caafimaaka iyo Daryeelka Bulshada JFS waxay ku dhiiri-galinaysay muwaadaniinta in ay joogteeyaan tallaabooyinka ka hortaga halista Caabuqa COVID-19.”

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina usoo jeedisay muwaadaniinta inay qaataan talaalka COVID-19, islamarkaana ka ilaaliyaan naftooda iyo kan ehealadooda qatarta caabuqaan.

 

Kadib qaraxyadii Zoobe 2, maxaa ka socda Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga loo xilsaaray Gurmadka dadkii dhibaatadu ku gaartay qaraxyadii ka dhacay isgoyska Zoobe 29-kii October 2022 ayaa bilaabay tirakoobka dadkii uu galaaftay noloshooda, kuwa dhaawacmay iyo khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay qaraxyadaas.

Sidoo kale waxaa xarunta gurmadka iyo xiriirinta qaraxyadii Zoobe 2 ka socda howlo la xiriira sidii meel la isugu geyn lahaa tirada dadka dhaawacyada ah ee laga diiwaan-geliyay goobaha caafimaadka, dadka dhintay iyo kuwa la waayay, si warbixin dhameystiran looga soo saaro.

Cabdirisaaq Axmed Cali, Agaasimaha Guud ee Yareynta Musiibooyinka ayaa dhankiisa sheegay in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir ay ka sugayaan gargaar ay ugu deeqeen dadka dhibaateysan.

“Ummadda Soomaaliyeed meel weliba ha joogtee gurmad bay wadaan, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ku howlan tahay tirakoobka dadkii dhintay, dhaawacmay, kuwii la waayay, qiimeynta Hantida burburtay haddii Gaadiid ama Guryo ahaan lahaayeen, waxaa halkaas ka dhashay Mid dhaawacmay oo naafoobay iyo mid agoon ka tagay, qof weliba waa in uu gacan ka geystaa Gurmadka,” ayuu yiri.

Xarunta Gurmadka ayaa waxaa laga sugayaa inay soo saarto warbixin dhameystiran oo la xiriirta khasaaraha kala duwan ee ka dhashay qaraxyadii Zoobe 2, si loo ogaado baaxada khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.

Qaraxyadii Sabtidii ka dhashay isgoyska Zoobe ayaa warbixinada hordhaca ah waxay sheegayaan in tirada dhimshada ay ka badan tahay 100 qof, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 300 qof.

Qorshaha sirta ah ee MASAR iyo Imaaraadka ay Soomaaliya uga qorteen 3,000 oo ah dhallinyaro la askareynayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdisho ka wada hindise sir ah oo askar ahaan loogu qoray 3,000 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, waxaa sidaas maanta shaaca ka qaaday wargeyska caanka ah ee Middle East Eye. 

Qorshahan oo billowday bilo ka hor, ayaa dhallinyarada la qoray oo da’doodu u dhaxeyso 18 illaa 28, ayaa waxaa loo ballan-qaaday shaqooyin mushahar wanaagsan leh, waxaana qaar badan oo ka mid ah goor horeba tababar militari loogu diray Masar, ayada oo qarashka ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta. 

Hindisahan ayaa la rumeysan yahay inuu horseedi doono shaki xooggan oo ka yimaada dalka deriska ah ee Itoobiya oo xiisad ay kala dhaxeyso Masar, iyo sidoo kale dalalka Turkey iyo Qatar oo sanadihii dhowaa saameyn ku lahaa Soomaaliya.

Qaar ka mid ah kuwa lagu tababarayo xerada Damanyo ee Muqdisho, waxaa ku jira wiil yar oo la dhashay Mustafa Cabdullaahi. 

Mustafa ayaa ka walaacsan walaalkiis oo sababo amni dartood uusan magaciisa shaacin, balse ku sheegay 28 jir horey u wadi jiray Mooto Bajaaj. 

Mustafa ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye inuu u careysan yahay mas’uuliyiinya dowladda Soomaaliya oo walaalkiis ka dhaadhiciyey inuu ku biiro tababarka si uu u helo lacag uu ku caawiyo gabar yar oo uu dhalay.

“Maadaama aan ahay walaalkiis ka weyn, iguma uusan wargelin markii uu tegayey, waana ka walaacsanahay xaaladdiisa,” ayuu yiri Mustafa.

“Waxaa hadda naloo sheegay inuu xaalad adag ku sugan yahay oo ka jirta xerada, islamarkaana la filayo in dhowaan loo qaado xero militari oo ku taalla dalka Masar,” ayuu ku daray.

 “Waxaan sidoo kale ogaanay in loo ballan-qaaday mushahar bishii ah $500,” ayuu Mustafa oo ku nool Baydhaba u sheegay Middle East Eye. 

Si ka duwan Mustafa walaalkiis, wiil kale oo la qoray oo lagu magacabo Maxamed balse codsaday inaan magaciisa buuxa la shaacin ayaa awooday inuu xerada Damanyo kasoo baxsado Sabtidii lasoo dhaafay. 

Maxamed oo ay isla tababaranayeen Mustafa walaalkiis, islamarkaana taleefon gacmeedkiisa laga qaatay markii uu xerada tegay, ayaa sheegay inuu u dulqaadan waayey xaaladaha adag ee tababarka xerada, oo ay ka mid yihiin cunto iyo dawo la’aan.

Dhimashooyin ka dhacay gudaha xerada

Maxamed ayaa sheegay in xaaladda xerada ay aad u xun tahay oo shan dhallinyaro ah ay ku dhinteen bartamihii October. 

“Qiyaastii 120 naga mid ah ayaa waxaa bartamihii September laga soo qoray magaalada Baydhaba, waxaana naloo sheegay in tababar na loogu qaadayo Masar,” ayuu Maxamed u sheegay Middle East Eye.

“Waxaan doortay inaan ku biiro, maadaama la ii sheegay inaan lacag ku helayo. Illaa 2,000 ayaa ku sugan gudaha xerada,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in sarkaal amni oo Soomaali ah uu u sheegay in Imaaraadka Carabta uu soo nooleynayo joogitaankiisii militari ee Soomaaliya, islamarkaana dhowaan ay u safri doonaan Masar oo lagu tababarayo.  

Dhallinyarada la qoray oo badankood kasoo jeeda qoysas sabool ah ayaa la mariyey hubin caafimaad iyo mid amni ka hor inta aan la diiwaan-gelin. 

Maal-gelinta Imaaraadka Carabta

Saraakiil sare oo amni oo Soomaali ah, oo codsaday inaan la magacaabin ayaa u sheegay Middle East Eye, in howsha qorista ay si sir ah u wadaan shaqsiyaad ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo la shaqeynaya saraakiil amni oo Imaaaraati iyo Masaari ah. 

“Waxaan qoray in ka badan 50 ka mid ah oo aan isku qabiil nahay, waxaana la geeyey caasimadda si ay u maraan tababarka,” ayuu yiri siyaasi sare oo Soomaali ah. 

“Qorshahan kuma lug lahan qabiilo badan, waxaana ogahay inuu yahay mashruuc wadajir ah oo Imaaraadka Carabta ay si buuxda u maal-gelinayaan halka Masar ay fulineyso tababarka.”

Saraakiil sare oo amni, oo isugu jira kuwa hore iyo kuwa hadda xilal ah oo ku sugan gobolka, iyo khuburo kale, ayaa dhammaantood u xaqiijiyey Middle East Eye ku lug lahaanshaha Masar iyo Imaaraadka Carabta.

“Waa dhab iyo Masar iyo Imaaraadka Carabta ay qorayaan ciidamo, waxaana badankood laga soo xulay baadiyaha, booliska iyo militariga,” ayuu yiri sarkaal sare oo Soomaali ah oo ku lug leh qorshaha qorista oo la hadlay Middle East Eye.

Sarkaalka oo codsaday inaan magaciis la shaacin, ayaa sheegay in tababarka uu ka socdo gudaha Masar iyo Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo dekedda Boosaaso oo Imaaraadka ay ku leeyihiin xarun tababar oo horey loogu tababaray ciidamada mariiniska Puntland.  

Ilo-wareedka ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah dhallinyarada ay aadeen Masar.

Sawirro uu helay Middle East Eye ayaa muujinaya dhallinyarada la qoray oo wata jaakado iyo saraawiil buluug ah, madaxana laga xiiray, kuwaas oo ku sugan xerooyin militari kahor inta aan loo qaadin xerada Damanyo ee Muqdisho.

Qiyaastii 10 ka mid ah dhallinyarada ayaa la dilay horreentii October markii weerar is-miidaamin ah ay xerada la beegsatay kooxda Al-Shabaab. 

Marka loo barbardhigo mushaharka militariga dowladda oo bishii ah $200, ciidamada ay tababareen Imaaraadka ayaa la rumeysan yahay inay bishii qaataan $400, taasi oo dhallinyaro badan ku dhiiri-gelineysa inay ogolaadaan in la qoro.

Wargeyska Middle East Eye ayaa la xiriiray mas’uuliyiinta Abu Dhabi iyo Qaahira oo arrintan wax laga weydiiyey balse jawaab ma bixin.

Dhaqan laba wejiilenimo ah 

Si ka duwan askarta ay Turkiga ku tababaraan Soomaaliya, ciidamada ay qorayaan Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa laga dhigay kuwo sir ah.

Kuwa ku lugta leh ayaa looga digay inaysan shaacin wax xog ah oo ku saabsan qorshaha qorista, inkasta oo qorshaha noocan ah aanu ku cusbeyn Soomaaliya. 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si aad ah loogu cambaareeyey qorshe sir ah oo kumanaan askari uu tababar ugu diray dalka Eritrea, kuwaas oo weli aan dalka kusoo laaban.

Kuwa Farmaajo sida aadka ah u cambaareeyey waxaa ka mid ah madaxweynaha xilka ka beddelay ee Xasan Sheekh Maxamuud, oo xulufo dhow la ah Imaaraadka Carabta iyo Masar.

“Dhallinyaro ay waalidkood waqti iyo dadaal kusoo bixiyeen ayaa loo sheegay in ciidamada dalka loo qorayo si ay shaqo u helaan, kadibna waxaa loo diray Eritrea,” ayuu xilligaas yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Ma jirto cid xog ka haysa halka ay jiraan. Waa laga qariyey shacabka, waana la iibiyey.”

Isaga oo ogolaanaya hanaankan, dadka dhaliila madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyey inuu Soomaaliya lugaha u geliyey xasaradda gobolka ee webiga Nile ee xumeysay xiriirka dalalka Masar, Itoobiya iyo Sudan.

“Nasiib darro, in Imaaraadka iyo Masar ay ku lug yeeshaan hanaanka amnigeena, dan uguma jirto dalka,” ayuu yiri sarkaal amni oo Soomaali ah oo la hadlay Middle East Eye. 

“Si gaar ah, ku lug lahaanshaha Qaahira wuxuu ka careysiin doonaa Addis-Ababa, maadaama xiisad diblomaasiyadeed ay ka dhaxeyso labadan dal ee webiga Nile.”

Sarkaalka ayaa intaas ku daray “Wax badan ayaan la wadaagnaa Itoobiya, oo ay ku jirto joogitaanka ciidankeeda ee dalkeena, xuduudda ugu dheer ee aan dal la wadaagno oo ah 1,600 km iyo inaan ka wada tirsannahay Midowga Afrika iyo IGAD,” ayuu yiri sarkaalka.

Jabuuti oo go’aan ka gaartay dalabkii deg-degga ahaa ee ay u gudbisay DF Soomaaliya

0

Djibouti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti oo shir ka yeelatay dalabkii ay dhawaan u gudbisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go’aamisay in maanta magaalada Muqdisho loo diro dhaqaatiir caafimaad.

Shirkaan oo ay ka qeyb-galeen ra’iisul wasaaraha iyo inta badan madaxda sare ee dalka Jabuuti u qaabilsan caafimaadka ayaa waxa lagu sheegay inay waajib tahay in gurmad caafimaad oo deg deg ah lala gaaro walaalaha Soomaaliyeed.

“Waa in aan istaageersi u muujino walaalaheena Soomaaliyeed intii aan karno kaalmo caafimaad in aan u fidino dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi axmaqnimada ah, si ay si wanaagsan uga soo kabtaan dhaawacyada soo gaaray,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dhakhaatiirta loo soo dirayo Muqdisho ay yihiin koox caafimaad oo ah kuwa sida gaarka ah u qaabilsan gurmadka caafimaad, islamarkaana u dhameystiran yahay qalabkooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhaawacyada wax looga qaban waayo gudaha magaalada Muqdisho ay si deg deg ah ugu soo daad-gureyn doonaan dalka Jabuuti, maadama halkaasi ay farsamada kaalmeynta caafimaad aad uga sii wanaagsan tahay.

Maanta ayaa lagu wadaa in kooxda dhakhaatiirta ah iyo agabkooda caafimaad ay kasoo dagaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo si toos ah u bilaabi doona howlaha caafimaad ee uga qeyb noqonayaan samatabixinta dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Sabtidii.

Si kastaba, Jabuuti ayaa kamid aheyd afar dal oo si gaar ah ay dowladda federaalka Soomaaliya uga codsatay inay dhakhaatiir usoo direen, si ay qeyb uga noqdaan badbaadinta dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Zoobe 2.

Golaha Ammaanka oo sheegay tallaabo ay tahay in la qaado kadib qaraxyadii Zoobe 2

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa si xooggan u cambaareeyey qaraxyadii ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho, 29-kii Oktoobar 2022, kuwaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 120 qof, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in la qaado talalabo lagula xisaabtamo kooxihii ka dambeeyey.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay sheegay in ay aad uga xun yihiin qaraxyadaas, islamarkaana ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay, shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwii ku dhaawacmay.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay tahay ay ka dhigan tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay kaga hortagayaan khatarta Al-Shabaab, waxayna ku booriyeen madaxda Soomaaliya in ay iska kaashadaan la dagaalanka Argagixisada,’ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka Talaadadii.

Bayaanka ayaa intaas ku daray “Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha falalkaas argagixisanimada ah ee foosha xun, lana horkeeno sharciga. Waxay ku booriyeen dhammaan Dawladaha, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aamada Golaha Ammaanka ee khuseeya, inay si firfircoon ula shaqeeyaan dhammaan hay’adaha ay khusayso arrintan.”

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ku celceliyeen in falal kasta oo argagixisanimo ay yihiin dembiyo, isla markaana aan marmarsiinyo lahayn, iyada oo aan loo eegin waxa ku kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo geysatay. Waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan dawladaha ay si kasta ula dagaallamaan khataraha nabadda iyo ammaanka caalamiga ah ee ay sababaan falalka argagixisanimo, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadka kale ee hoos yimaada sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada xilliyada colaadaha.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya, waxayna ku dhiirigeliyeen Dowladaha xubnaha ka ah inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ATMIS, si ay ugu suurtagasho inay sii waddo inay si hufan u gudato waajibaadkeeda, iyo sidoo kale Ciidamada Amniga Soomaaliya, si loo taageero hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen qadarinta ay u hayaan gobanimada, madaxbanaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed iyo midnimada Soomaaliya,” ayaa lagu soo geba-gebeeyey bayaanka.

Daawo: Fiqi oo JAWAAB kulul ka bixiyey HADALKII yaabka lahaa ee Mahad Karataay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Sheekh Mahad Warsame (Karataay) oo kamid ah hoggaamiyaasha sare ee Al-Shabaab, kaas oo sheegay in qaraxyadii ka dhacay Zoobe ay la beegsadeen xarunta wasaaradda waxbarashada, islamarkaana ay ku dileen 69 ka mid ah askarta dowladda Soomaaliya.

Fiqi ayaa sheegay in Mahad Karataay uu yahay nin tuug ah, islamarkaana ku faanayo daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay

“Mahad Karataaygii tuugga ahaa wuxuu ku faanay in 100 ruux uu ku dilay qaraxyadii Zoobe wuxuu yiri wasaaradda waxbarashada ayaan u socday wasaaradda waxbarashada yaa joogo? arday iyo waalid” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waa nin ma naxe ah, waa ninka rabo inuu cabo dhiiga dadka shacabka ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in qaraxyadii Al-Shabaab ay la beegsadeen wasaaradda waxbarashada ee agagaarka Zoobe ay caddeynayaan inay taarged u yihiin dadka aqoonta leh ee Soomaaliyeed maadaama ay weerareen goobtii waxbarashada.

“Wasaaradda waxbarashada ciidan ma joogo furin dagaal ma’aha ardayda Soomaaliyeed marka ha ogaadaan kuwa jaamacadaha dhigta oo danuhu ka geli lahaayeen iyo kuwa iskuulada dhigta iyo waalidkuba nimaankaas inay yiraahdeen dadka aqoonta leh meeshii aqoonka Soomaaliya laga hagayey baa taarget noo aheyd, waana helnay” ayuu makale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii Zoobe, islamarkaana shaacisay in ay khasaare ku gaarsiisay dowladda Soomaaliya.