31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

AL-SHABAAB oo shaqaale kasoo afduubatay’ KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Rag loo maleynayo inay ka tirsan yiihiin xoogaga Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ka fuliyeen gobolka waqooyi bari, Kenya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan aya awaxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari nooca ambalaasta ah oo ay la socdeen shaqaale caafimaad, sida uu sheegay Booliska

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in kooxda weerarka fulisay oo lala xiriirinayo Al-Shabaab inay afduub u geysteen gaarigaas, laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka iyo sidoo kale darawalkii waday, xilli ay marayeen meel ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Booliska ayaa intaa ku daray in raggaas loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab inay weerar gaadmo ah ku qaadeen ambalaasta oo ay leedahay dowlad goboleedka Mandera ee waqooyi bari Kenya xilli ay bukaanka u qaadaysay isbitaal ku yaala deegaanka.

Sidoo kale taliska saldhiga Lafey ee Mandhera ayaa sheegay in Ambalaasta iyo shaqaalaha caafimaadka ay kusii jeedeen isbitaalka Ceelwaaq si loogu gudbiyo bukaan, iyada maleeshiyada looga shakisanyahay Al-shabaab ee qafaashay baaburka iyo shaqaala ay ula baxsadeen dhinaca Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada Kenya ay howlgallo lagu baadi goobayo kooxda weerarla geystay ay ka bilaabeen halkaasi, si loo soo bad-baadiyo shaqaalaha.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fulisa gudaha waddanka Kenya, gaar ahaan gobolka waqooyi bari oo so xiga dhinaca Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa xusid mudan in kooxdu ay horey u beegsatay ciidamada ammaanka, iskuullada, gaadiidka, magaalooyinka iyo isgaarsiinta waqooyi bari  Kenya, taasi oo qeyb ka ah ololaha ay Kenya ku cadaadineyso, si ay ciidamadeeda ugala baxdo dalka Soomaaliya.

Rag hubeysan oo weerar ka geystay Milxo + Khasaaraha

0

Milxo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo markale xalay ka dhacay deegaanka Mixlo oo ku yaalla gobolka Sanaag.

Weerarkan oo sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen rag hubeysan oo afka soo duubtay.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda hubeysan oo goobta isaga baxsatay ay rasaas ku furtay dad shacab ah ooku caweynayey mehrad ganacsi oo ku taalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay hal qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland, kuwaas oo gurmad u sameeyey dadka ay waxyeelada soo gaartay, waxayna sidoo kale haatan wadaan howlgallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey dhacdadaas

Illaa iyo hadda ma cadda heybta dableyda weerarkan fulisay iyo waxa ay salka ku heyso dhacdadaan sababtay dhimashada iyo dhaawaca.

Si kastaba, dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale weeraro sababay dhimasho iyo dhaawac waxayan uga dhaceen Milxo, kuwaasi oo midkood uu ahaa qarax xoogan, walow ninkii farsameeyey qaraxaa soo baxsad ahaa ciidankaPuntland ay ku qabateen Boosaaso.

SOMALILAND oo cadaadis xoogan kala kulmeysa beesha caalamka + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Golaha Guurtida Somaliland ku dhawaaqay muddo kordhin 2 sano ah oo u sameeyay madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa isa-soo tarayay cadaadiska ay beesha caalamka saareyso xukuumadda iyo saamileyda siyaasada.

Beesha Caalamka ayaa rabta in xal wada-ogol ah laga gaaro khilaafka ka dhashay muddo kordhinta, si meesha looga saaro xiisada siyaasadeed ee arrintaas sababtay.

Safiirka Ingiriiska iyo ku-simaha safiirka Mareykanka ayaa shalay kulan xasaasi ah oo dhanka fogaan araga (Video Conference) la qaatay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Safiirada ayaa waxay ka dhageysteen madaxweyne Biixi warbixin ku aadan howlaha doorashooyinka, sida tartanka ururada siyaasada iyo qabsoomida doorashooyinka kusoo food leh Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale wuxuu u xaqiijiyay safiirada beesha caalamka inay xukuumaddu diyaarisay kharashka ku bixi doona diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka Somaliland.

Safiirada ayaa dhankooga ballan-qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan Somaliland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii dambe uu ka dhashay khilaaf xoogan.

Kenya oo ciidan u dirtay dal mucaarad xooggan dagaal ka wadaan si ay ula dagaalaan

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa maanta ciidamo ku daadgureysay bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, taasi oo qeyb ka ah howlgal goboleed wadajir oo ka dhan ah mucaaradka, waxaa sidaas ku dhowaaqay madaxweyne William Ruto.

Kooxaha hubeysan ee Bariga Congo ayaa sare u qaaday weerarada, iyagoo dib u soo nooleeyay cadaawad soo jireen ah, waxayna sare usii qaadeen xiisadda Congo kala dhaxeysa dalka deriska ah ee Rwanda.

Hoggaamiyayaasha ururka Bulshada Bariga Africa (EAC) ayaa bishii April isku raacay inay dhisaan ciidan wadajir ah oo gacan ka gaysta soo celinta amniga gobolka.

Isaga oo ka hadlayey xaflad ka dhacday Nairobi, madaxweye Ruto ayaa sheegay in ciidamada “ay ku jiraan howlgal ay ku badbaadinayaan bani’aadannimada.”

“Deris ahaan, masiirka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo iyo keena waa isku xiran yihiin,” ayuu yiri.

“Ma ogolaan doonno in kooxo hubeysan, dambiilayaal iyo argagixiso ay noo diidaan barwaaqada aan wadaagno.”

Kenya ayaa hoggaamin doonta ciidamada, oo ay ku jiraan askar ka socota dalalka Burundi, Uganda iyo South Sudan.

Ciidanka ka socda Rwanda ayaa la gayn doonaa xuduudda kadib markii Kinshasa ay diiday ka qeybgalka Kigali ee howlgal kasta oo ka dhaca gudaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Saraakiil militari oo ku sugan Nairobi ayaa diiday inay shaaca ka qaaday tirada ciidamada Kenya ee ku lugta leh howgalka, ayaga oo qiil ka dhigaya “sababo amni oo cad”.

Xoogagga QM ee marka Faransiis ahaan loo soo gaabiyo loo yaqaan MONUSCO ayaa sidoo kale ka howlgalaya Congo. Uganda iyo Burundi ayaa sidoo kale ciidamo u diray dalkaas kal hore kadib casuumad ay ka heleen dowladda.

Mucaaradka M23 ayaa dagaalka dib u billaabay 2021-kii kadib markii ay hubka dhigeen sanado badan ayaga oo dowladda ku eedeeyey inay ku guuldarreysatay inay ixtirmaato heshiiska dagaalyahanada loogu dhex deri lahaa ciidamada.

Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa ku eedeysay Rwanda inay taageereyso maleeshiyada M23, eedeymahaas oo Kigali ay beenisay.

AFP, VOA

Sawirro: R/W Xamza oo isugu yeeray ganacsatada Xamar kadib qaraxyadii Zoobe 2

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay kaallinta kaga aadan Gurmadka iyo taakuleynta dadkii ku wax yeeloobay qaraxyadii shacabka badan lagu xasuuqay ee Soobe 2.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen guddiga heerka wasiir ee xukuumadu ay u xilsaartay maareynta musiibadii ka dhalatay qaraxyadaas iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusf Madaale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka ganacsatadu ay ku leeyihiin samata-bixinta iyo midaynta kaalmaha dhaqaale ee lagu taakuleynayo dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxyadii Soobe 2 ee Al-Shabaab ay Muqdisho ka fuliyeen 29-kii October.

“Ra’iisul Wasaare Xamse oo ganacsatada ugu mahad celiyey doorkooda muuqda, ayaa xusay in wadajir xoogga loo saaro sidii shacabka loogu gurman lahaa, dowladduna ay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, lana sii wadi doono howlaha gurmadka, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay sii kordhiyaan gurmadka iyo dadaalka ay wadaan,” ayaa lagu yiri qoraal uu kulankaas ka soo saaray xafiiska R/Wasaaraha.

Kulankaan uu Xamse Barre la yeeshay ganacsatada Muqdisho ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladdu ay laba jibaartay cadaadiska ay saareyso ganacsatada, si meesha looga saaro canshuurta ay siiyaan kooxda Al-Shabaab.

Ganacsatada Soomaaliyeed oo kooxda Al-Shabaab badda siiya ayaa weli hoos u dhigaya go’aankooda, mana jiro ganacsade shaaciyey inuu dhaqaalihii ka jartay kooxda.

Arrintaas waxaa loo sabaneynayaa guulaaha ay dowladdu ka gaareyso furimaha dagaalka oo yar iyo ganacsatada oo weli beylah u ah Al-Shabaab, maadaama aan dalka laga xoreyn, iyaguna aysan sameysan ilaalo ka difaacda kooxda.

   

DF oo shaacisay ujeed laga lahaa qaraxyadii ZOOBE 2

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta ka hadlay kulan duco iyo xus loogu sameynayey dadkii ku dhintay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay agagaarka Zoobe ayaa shaaca ka qaaday ujeedka laga lahaa qaraxyadaasi oo ay mas’uuliyaddoodu sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Fiqi ayaa marka hore sheegay in dad shacab ah oo aan waxba galabay lagu xasuuqay weeraradaas, isla-markaana si nabad ah ugu ganacsanayey halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maalintaas Al-Shabaab u dagaal uga furmayaa meelo kala duwan oo ka mid ah furimaha dagaalka uu ka socda gobollada, balse ay kasoo weecdeen.

“Ayadoo nimanka Khawaarijta ah oo ay furimo badan oo ay ka diriri karaan u furan yihiin maalinkaas dagaalbaa uga furnaa Masaajid Caliguduud, maalinkaas Hiiraanbaa dagaal uga furnaa, maalinkaas Galgaduudbuu uga furnaa, maalinkaas Bakoolkbuu uga furnaa, Shabeelaha Hoose  ayuu uga furnaa,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Al-Shabaab caro heysay darteed ay u beegsadeen shacabka ku sugnaa agagaarka wasaaradda waxbarashada, ayna ka soo baqdeen inay si foolka fool ah u wajahaaan ciidamada, sida uu hadalka u dhigay.

“Intay halkaas kasoo jiireeyeen oo kasoo baqdeen ayey caro iyo xasuuq u geysteen dadkii KM5 joogay maalinkaas,” ayuu markale sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay guud ahaa dadka Soomaaliyeed inay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab, si looga saaro meelaha ay ka joogaan dalka.

Halkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan magaalada Muqdisho uu ka socdo gurmad ballaaran oo loo fidinayo dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii Zoobe.

Xog: Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano oo ka shiray damaca muddo kororsi ee Deni

Nairobi (Caasimada Online) – Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan madaxweyne Siciid Deni ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay.

Labada siyaasi ayaa kamid ah dadka sida weyn uga horjeeda in uu mudda kororsi samaysto madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo mudda xileedkiisu ku eg yahay 8 Jan 2024.

Inkastoo aysan jirin xog rasmi ah oo ka soo baxday kulanka Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano, haddana warar hoose ayaa sheegaya in mucaaradka ku sugan Bari iyo Nugaal ay ka midaysan yihiin diidmada mudda kororsiga.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa isna saacadaha soo socda ku wajahan Nairobi waxaana xusid mudan in safarkiisa Nairobi aysan ku wehelin cid ka tirsan dowladda.

Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale u sii gudbo dhinaca magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta balse faahfaahin intaas ka badan lagama hayo safarkiisa.

Damaca muddo kororsiga Deni ayaa sii xoogeysanayey bilihii dhowaa, balse ma cadda sida uu u maareyn doono ugana dhaadhicin doono jilboweynta Puntland.

Saciid Deni ayaa ah madaxweyne goboleedka kaliya ee aan weli sameyn muddo kororsi, ayada oo dhammaan madax goboleedyada kale ay samysteen muddo kororsi min hal sano ah.

Si kastaba, Puntland ayaa maamul goboleedyada kale uga duwan inay leedahay hay’ado dowladeed oo saldhig xooggan leh kuna dhisan dastuur, islamarkaana aanay awoodda gacanta ugu jirin hal shaqsi.

Isha: Puntland Post

Madaxweyne XASAN oo ka qaybgalay furitaanka shirka dalalka Carabta + Sawirro

0

Aljeris (Caasimada Online) – Meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si rasmi ah uga furantay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya, halkaas oo ay goobjoog ka yihiin hoggaamiyeyaasha wadamada Carabta oo ay Soomaaliya qayb ka tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay furitaanka shirka 31-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo sanadkaan lagu qabanayo dalka Aljeeriya.

Qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu shirkan ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo dhibaatooyinka arggagixisadu ay ku hayso nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale guulaha dawladda iyo shacabka oo wadajira ay ka xaqiijiyeen dagaalka dalka ka dhanka ah kooxda Shabaab.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka Carabta, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeybgalay meertadan.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur, Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas sheekh Cabdulqaadir iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya mudane Danjire C/wahaab Macallim Maxamed.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Aljeeriya kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha kala hadlay labo arrin oo kan koowaad uu yahay dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada beesha caalamka, si loo soo af-jaro argagixisada.

Amnesty: Al-Shabaab waa inay si deg deg ah u joojiyaan weerarada SHACABKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa si adag uga hadashay qaraxyadii lagu hoobtay ee Zoobe 2 ee magaalada Muqdisho, kaasi oo Sabtidii ay ka fulisay Al-Shabaab.

Amnesty ayaa waxay si kulul u cambaareysay qaraxyadaasi oo galaaftay nolosha shacab badan oo Soomaaliyeed, iyadoo baaq deg deg ah u kala dirtay dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.

Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu horeyntii ugu baaqday kooxda Al Shabaab inay joojiyaan weerarada aan loo meel dayin ee ku dilayaan shacabka.

Sidoo kale waxay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqday inay xaqiijiyaan amaanka dadka rayidka ah, oo inta badan ay dhibaatada kasoo gaarto falalka ay fuliyaan argagixisada.

Waxay tilmaamtay hay’addu in weerarada ay Al Shabaab geysanayaan ay yihiin fal dambi, islamarkaana ay muhiim tahay in kuwa lagu tuhmayo inay masuul ka yihiin loo maxkamadeeyo.

Qaraxyadii Sabtidii ka dhacay isgooska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa galaaftay nolosha dad kor u dhaafaya boqol, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay in ka badan 340 qof.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Xoghayaha QM hor dhigay labo qodob oo xasaasi ah

0

Algiers (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa halkaas kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha kala hadlay labo arrin oo kan koowaad uu yahay dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada beesha caalamka, si loo soo af-jaro argagixisada.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha guud la wadaagay horumarada ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya Shacabka ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxa uuna xusay in cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay si weyn u caawineyso dagaalka lagu hayo Argagixisada Somaaliya, tan Gobolka iyo Caalamka.

Qodobka labaad, Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yihiin ammaanka dalka iyo dhammeystirka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka argagixisada, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriira Isbedelka cimilada iyo deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna  adkeeyay in ay sii wadaan garab istaagga ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u muujiyeen.

Mahad Karataay oo qiil yaab leh u sameeyey shacabkii ay ku xasuuqeen Zoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mahad Warsame (Karataay) oo kamid ah hoggaamiyaasha sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadlay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu laayey dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Karataay oo ka hadlayey shir ay culumada taageersan ugu fatwoonayeen kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zoobe ay ugu talageen xarunta Wasaaradda Xaxbarashada oo ku taal meel u dhow isgoyska Zoobe.

Mahad Warsame ayaa sheegay in qaraxii koowaad oo baabuur ah ay ku dhufteen Wasaaradda Waxbarashada, halka baabuurkii labaad uu sheegay inay rasaas ku fureen ciidamada dowladda, kadibna ay qarxiyeen isagoo aan gaarin halkii loogu talagalay.

“Qaraxii koowaad wuxuu u dhacay sidii loogu talo-galay, kii labaad waxaa rasaas ku furay ciidamada dowladda oo diiday inuu gaariga gaaro meesha loogu talagalay oo ah wasaaradda, khasaaraha shacabka kasoo gaaray waxaa mas’uuliyaddeeda qaadeysa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri.

Hoggaamiyahaan ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay muddo badan waday qorsho ardayda Soomaaliyeed looga dhigayo askar, sida uu hadalka u dhigay wuxuuna sheegay inay dhowr sano baaritaan ku hayeen.

“Annaga dhiigga muslimiinta waa naga xaaraan, dadkii shacabka ahaa ee qaraxyada ku dhintay waan u tacsiyeyneynaa, anaga mar kasta waxaan weerar kusoo nahay xarumaha dowladda, waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay ka guuraan goobahaas, haddii aysan ka guurin wixii soo gaaro iyaga mas’uul ka ah,” ayuu yiri.

Hadalkiisa wuxuu kusii daray inay been abuur tahay warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee ah inay qaraxyadaas ku dhinteen 100 qof oo shacab ah, wuxuuna taas badalkeeda sheegay in dadka dhintay ay 69 ka mid ahaayeen askarta dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeynti Mahad Karataay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dagaalka uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Al-Shabaab ayaan horey looga baran inay qiil u sameyso ama iska leexiso eedaha shacabka ay ku laayaan qaraxyada, waxaana hadalka Mahad Karataay uu abuurayaa su’aalo ku saabsan sababta ay xilligan sidaas u doorteen.

Kooxdan ayaa hadda wajaheysa kacdoon shacab oo awood badan, waxaana qaraxyadii Zoobe 2 ay sii kordhinayaan dadka u careysan ee hubka qaadanaya, taasi oo ay suurta-gal tahay inay ka walaacsan tahay, sidaasna Mahad Karataay ugu qiil dayayo dadkii la laayey.

Beelaha MURUSADE iyo DUDUBLE oo go’aan culus uga dhawaaqay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Duduble iyo Murusade ayaa maanta ku shiray magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsanaya dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Labadaan beelood ayaa sheegay inay isku af-garteen inay iska kaashadaan dagaalka deegaanada ay wada degaan looga xoreynayo Al-Shabaab, gaar ahaan degmada Ceelbuur iyo deegaanada hoos taga ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaanada iyo wasiirrada beelahaas ayaa ka hadlay munaasabadii lagu soo gabagabeeyey shirkaas, waxayna sheegeen inay ka mideysan yihiin dagaalka lagu xoreyn doono Ceelbuur.

Wasiirka Cadaalda iyo Dastuurka XFS Xasan Macalin oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa sheegay inuu Ceelbuur ku dhashay, isla markaana uusan maanta tegi karin Ceelbuur

Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in tani ay ka dhigan tahay in beeshiisa Murusade ay ku jirto gumeysi ay Al-Shabaab ku heystaan dhulkooda, isagoo wacad ku maray inay dhulkooda ka xoreysa doonaan kooxda.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug Senator Farxaan Cali Maxamuud ayaa balan qaaday in markii uu guuleysto is kaashiga ay Murusade iyo Duduble ku xoreynayaan Ceelbuur ay si gaar ah xoogga u saari doonaan ka shaqeynta hormarkeeda.

Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas ayaa sheegay in qorshihii hore uu ku fashilmay abaabulka oo yaraa, balse maanta ay garab ka helayaan beesha Murusade “hadii aan nahay reer Ceel-buur waa in aan dhiiga isku shubnaa oo dagaalka wada galnaa” ayuu yiri Dhegey Ugaas.

“Beesha Murusade hadda dagaalka waa soo gashay ilaa 7 diyaaradood oo ciidan ah ayey Muqdisho ka direen, sidoo kale Duduble waa diyaar garoobay, qabiil kasta ciidankiisa ayuu diyaariyey, waxaana muuqata inaan isku filanahay,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas Dhegey.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa sidoo kale muujiyey yidadiilo ah in iskaashigaan uu guuleysa karo isla markaana si fudud lagu xoreyn karo Ceelbuur, “waxaa arki doontiin madaxda Al-shabaab oo aad wada taqaaniin in la soo qaban doono dhamaantood,” ayuu yiri.

Dowladda Mareykanka oo cunaqabatayn cusub kusoo rogtay SOOMAALI kale

0

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Lacagta ee dalkan Maraykanka ayaa cunaqabatayn saartay xubno ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin inay ku lug leeyihiin iibka hubka ee Bariga Afrika, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Maraykanka ayaa sannadkii 2018-da liiska ururrada argagixisada ku daray ururka Daacish ee Soomaaliya.

Shaqsiyaadka cunaqabataynta la saaray waxaa ku jira Cabdirahman Mohamed Cumar, oo lagu eedeeyey inuu xubin ka yahay Daacishta Soomaaliya, iyo inuu yahay xubinta ugu firfircoon ee laga soo bilaabo 2020-kii hubka sharcidarada ah kasoo dejiya Puntland, sida ay qortay Reuters.

Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Ciise Mohamoud Yusuf, oo lagu eedeeyey inuu hubka iyo saadka ufududeeyo Al-Shabaab, islamarkaana uu soo geliyo Puntland hub.

Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Cabdirahman Faahiye oo lagu sheegay inuu yahay Amiirka Daacish ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale xayiraadda lala beegsaday Mohamed Ahmed Qahiye oo Wasaaradda Maaliyadda ay sheegtay inuu yahay madaxa Amniyaatka, oo ah kooxda sirdoonka u aqaabilsan Al-Shabaab iyo xubno kale.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo Washington ay isku dayeyso inay sare u qaaddo diiradda lagu arbushayo shabakadaha maalgelinta argagixisada ee Afrika, sida uu weriyayaasha u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Inkasta oo tallaabdan ay tahay tii ugu horreysay ee Mareykanka uu ku beegsado kooxda Daacish ee Soomaaliya, haddana sarkaalka ayaa sheegay in toddobaadyada soo socda ay iman doonaan tallaabooyin kale oo dheeri ah.

Wasaaradda Maaliyadda waxay sidoo kale sheegtay in kooxda Daacish ee Soomaaliya “ay si caadi ah ula shaqeyso ururada kale ee argagixisada” sida Al-Shabaab iyo kooxaha burcad badeedda.

Qaraxii Zoobe 2 oo daaha ka qaaday lix arrin oo u baahan in deg deg wax looga qabto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qaraxyo ku laysay in ka badan 120 qof oo shacab ah oo ku sugnaa isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho Sabtidii aan soo dhaafnay.

Wuxuu ahaa qaraxii labaad oo ugu khasaaraha badnaa oo abid ka dhaca Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa si aan cabsi ku jirin u sheegatay xasuuq wadareedkaan.

Haddaba dhowr maalmood oo tacsi iyo gurmad ah, waxaynu billaabeynaa inaan dul istaagno gaabiska dhacay, waxyaabaha aan weli qaraxyada laga baran, sida haboon ee loo maareyn karo xaaladaha adag, baahida xaaladahaan la xiriirta ee ka jirta Muqdisho, dariiqa isla xisaabtanka iyo sheekooyin kale oo ku gadaaman dhacdadaan.

Sheekadeena koowaad waxaan ku eegeynaa waxyaabaha aan weli laga baran qaraxyada magaalada Muqdisho.

1- Inuu isla goobta ka dhici karo qarax labaad

Markii uu dhaco qarax waxaa badan dadka ku yaaca goobta si ay u raadiyaan dadkii ay ehelka ahaayeen oo ay goobta ku ogaayeen ama kuwa raba inay xaaladda soo arkaa.

Saxaafadda ayaa kamid ah kuwa ugu horreeya ee goobta taga. Qarax bareer loo sameeyey ma ahan dhacdo caadi ah oo dadkii fuliyey ay goobta ka dhow yihiin.

13-kii sano oo ay Al-Shabaab qarxinayeen shacabka ku dhaqan caasimadda ku nool, waxaa muuqata inaan waxba laga baran filashada qarax labaad.

Sidii dhacda Sabtidii, marar badana horey u dhacday qaraxa labaad ayaa geysta khasaare badan, xataa waxaa dhici kara mid saddexaad sida horeyba u dhacday mar ay Al-Shabaab soo weerartay Hotelka Sahafi ee magaalada Muqdisho 2018.

Mar walba waxaa haboon qaraxa kadib in la sugo imaatinka ciidanka dowladda, gaar ahaan kooxda miino baarista lagana fogaado gaadiidka yaalla goobta qaraxa.

2- Dadka ku hoos jira daaraha burburay

Mar waba oo uu qarax dhaco burburka wuxuu ku habsadaa dad, dhimasho labaad ayuuna burburka sababa, dadka ku hoos jira burburka guryaha ku duma qaraxyada gurmad deg deg ah ma heli karaan sababtuna waa inusuan jirin qalab iyo koox u tababaran shaqadaan.

Dadka shacabka ah ee gurmadka u yimid ayaa isku daya inay gacantooda kusoo saaraan dadka ku hoos jira dhismayaasha dumay, balse waqti ayey ku qaadataa, waxayna u badan tahay inay naf ku gaari waayaan dadkii ay rabeen inay badbaadiyaan.

Dowladda ayey hor taallaa inay arrintaan xalkeeda keento oo ay ku darsato waxyaabaha hortabinta leh .

3- Waddooyinka la xiro qaraxyada kadib

Markii uu qarax dhaco waxaa la xiraa waddooyinka caasimadda gaar ahaan kuwa u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana la joojiyaa dadka raadsanaya dadkooda maqan.

Waddo aad ka celin weysay gaarigii qaraxa siday ayaad ka xireysaa dadkii dadkooda la laayey, tani waa adigoo bixinaya fursad ku dhaawaca ahna ay ku dhintaan, ayey leeyihiin shacabka. Haddii ay ciidanka xal ku keeni karaan waddo la xiro qaraxuba ma dhaceyn.

4- Isbitaalada Muqdisho iyo dadka kusoo dhaawacmo qaraxyada

Buuq ayaa ka dhashay sida ay isbitaallada Muqdisho u maareeyeen dhaawacyada qaraxii Zoobe 2. Maadaama magaaladu qarax la nool tahay horey uma jirin heshiis u dhaxeeya Isbitaallada iyo dowladda oo ku saabsan sida loo wajahayo xaaladahan oo kale.

Tallooyinka lasoo jeediyey oo dowladdana wax qabad u noqon kara, waxaa kamid ah in Isbitaallada gaarka ah ay kula heshiiyaan inay daaweeyaan qof walba oo qarax kusoo dhaawacma dowladdana ay kusoo dalacaan lacagaha adeegga ama ugu yaraan 60%.

Tani waxay sahli kartaa in deg deg loogu fuliyo adeeg caafimaad dadka kusoo dhaawacma qaraxyada waxayna culeyska ka yareyn kartaa qoysaska uu dhibka soo gaaray.

5- Goob lagu keediyo meydadka

Markii uu qarax dhaco isbitaal walba qeyb kamid ah meydadka ayaa la geeyaa raadinta iyo tiro koobka dhib badan ayaa laga maraa, magaalada Muqdisho weli malahan keyd meydadka loogu tago.

6- Banki dhiig

Qaraxii koowaad ee Zoobe ee 2017 waxyaabaha la qorsheeyey waxaa kamid ahaa dhismaha Banki dhiig welina lama dhisin.

Magaalo ay cadow ku hareereysan yihiin oo qarax u joog ah inaan banki dhiig loo dhisin waa in madaxda iyo shacabku aysan isku nooc u aqoon mudnaanta.

Muuse Biixi oo dalab ka dhan ah DF u gudbiyay laba dal

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan xasaasi ah oo dhanka fogaan araga ah (Video Conference) la qaatay safiirka Ingiriiska iyo ku-simaha safiirka Mareykanka.

Kulankaan ayaa waxaa uu madaxweynaha Somaliland uga dalbaday safiirada Ingiriiska iyo Mareykanka inaysan lacagaha taakulada caalamiga ah usoo marin dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay si toos ah ugu soo shubaan Somaliland.

“Madaxweynuhu waxa uu uga waramay safiiradda xaaladda guud ee abaaraha ka jira Somaliland, taasi oo lagu qiyaasay in dad gaadhaya hal milyan iyo badh (1.5 M) qof ay u baahan yihiin gargaar bini-aadanimo,” ayaa lagu yiri qoraal ay kulankaan kasoo saartay Madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxa uu madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay in taakulada caalamiga ah ee loogu talo-galay Somaliland aanay noqon mid loo soo mariyo cid kale ee lagu saleeyo qorshaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dalalka beesha caalamka oo iyagu ka taxadaraya inay ku xad-gudbaan madax-banaanida dalkeena ayaa waxay badankooda deeqaha iyo mashaariicda horumarineed kusoo hagaajiyaan dowladda federaalka, inkasta oo sanadihii dambe ay soo baxayeen waddamo iyo hay’addo caalami ah oo si toos ah ula macaamila Somaliland.

Somaliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya ayaa hore sidan oo kale u diiday in deeqaha beesha caalamka loo soo mariyo dowladda federaalka Soomaaliya, si lamid ah dowlad-goboleedyada.

Xilliga ay shaqo billaabeyso xarunta Bangiga Dhiigga Soomaaliya oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta bangiga dhiiga ee dhismaheedu ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay kormeer ku tagay wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan iyo wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalim Fiqi.

Xarunta bangiga dhiiga ayaa mareysa meel gaba-gabo ah, ayada oo dhismaheedu soo socday muddo sanad iyo bar ah, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah u shaqo bilaabi doonto laba bilood gudahood, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka.

Wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay rajeynayaan in gobolada dalkana la gaarsiin doono.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macalim fiqi oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyntii u mahadceliyey wasaaradda caafimaadka iyo Isbitaalka Banaadir.

Waxa uu sheegay in bulshada uu hayay welwel la xiriira arrintaan, islamarkaana haddii xarunta bangiga dhiiga dhismaheeda xariga laga jaro uu bangiga dabooli doono baahiyo badan iyo qeyla dhaanta ka soo yeerta umadda Soomaaliyeed.

“Bangigaan oo Injineerada ay sheegeen in laba bil kadib la furi doono, taasi oo ah arin lagu farxo. Waxaa la ii sheegay in dhiigan loo dhoofin karo gobalada dalka oo meel kasta oo dhib ka dhaca lageyn karo dowladihii ka qeyb-qaatay ee dalkeenna ugu tabarucay waan ugu mahadcelinaa.”

Ugu dambeyntiina waxaa goobta ka hadlay agaasimaha guud ee isbitaalka hooyada iyo dhalaanka Banaadir Marwo Fartuun Shariif, iyada oo u mahadcelisay dowladaha Sweden iyo Finland oo dhismahaan kaalin weyn ka geystay.

Villa Somalia oo shaacisay mowqif ku aadan beegsiga qoysaska kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hortimid in la gowraco maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ama la beegsado qoysaskooda, kadib markii falal noocaas ah ay ka dhaceen gobolka Hiiraan.

Maleeshiyada Macawiisleyda ayaa dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan 18-kii September waxay ku dileen 45 maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo saddex ka mid ah ay gowraceen.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa 16-kii bishan, wuxuu Macawiisleyda ku amray inay dilaan xaasaska iyo caruurta Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale lacag abaal-marin dul dhigay madaxa saraakiisha Al-Shabaab.

Cali Jeyte ayaa sheegay in qofkii u keena madax Al-Shabaab uu siinayo lacag, taasi oo uu ka dhabeeyey toddobaadkii tegay islamarkaana lacagtii ugu horreysay siiyey dagaal-yahan u keenay madax Al-Shabaab uu soo dilay.

Hase yeeshee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in taasi aanay sax aheyn.

Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa wareysi uu siiyey wargeyska Mareykanka ee New York Times, ku sheegay in gowraca uu yahay khalad ay tahay inaan lasii wadin.

Xuseen ayaa sheegay in dowladda ay weydiisatay maleeshiyada Macawiisleyda inay joojiyaan fulinta ficillada noocaas ah.

Waxa uu intaas ku daray in dowladda ay la xiriirtay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo dadka kale ee saameynta ku leh gobolka, si looga fogaado in la beegsado xaasaska, caruurta iyo ehellada xubnaha Al-Shabaab.

“Qoysaska mintidiintan ma ahan dad xor ah. Waxaana dooneynaa inay annaga na isku key soo dhiibaan. Ma ahan siyaasadda dowladda in la dilo rayid, mana dhiiri-gelineyno,” ayuu yiri. 

Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii madaxda Golaha Wadatashiga Qaran

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee sheegta inuu ka go’ay inta kale ee Soomaaliya ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii shalay kasoo yeeray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee shirka kusoo geba-gebeeyey Muqdisho.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa ugu baaqay inay madaxda iyo shacabka Somaliland ilaashadaan xasilloonida iyo nabadda xilli ay deegaanadaas ka taagan tahay xasarad ka dhalatay doorashada madaxweyne ee weli la qaban la’yahay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleemaan Cali Koore ayaa sheegay in hadii ay cid la talinayaan oo ay wax yihiin Golaha Wadatashiga ay badbaadin lahaayeen shacabka hortooda maalin walba lagu dilayo.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in maalin kasta Soomaaliya lagu dilo dad shacab ah oo ay mas’uul ka yihiin Golaha Wadatashiga Qaran loogana baahan yahay inay dadkooda u tashadaan oo ay ka badbaadsaadan cadawga dilaya.

Saleemaan Cali Koore ayaa madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inaysan waqti isaga lumin arrimaha Somaliland, islamarkaana looga baahan yahay inay ku ekaadaan xalinta dhibka heysto shacabka ay madaxda u yihiin.

“Shacabka hortooda ugu dhimanaya sida Ayaxa iyo Kaneecadda la buufiyey oo kale ayaa tallo uga baahan ee Somaliland talo ugama baahna,” ayuu wasiir Saleemaan Cali Koore oo qabtay shir jaraa’id.

Somaliland ayaa mar walba ka jawaabta hadallada iyo go’aanada kasoo baxa Dowladda Soomaaliya ee ku saabsan arrimaah Somaliland, iyaga oo aaminsan inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Somaliland ayaa dhowr sano ka hor ku dhawaaqday inay tahay dal madax banaan balse illaa iyo hadda ma aysan helin aqoonsi caalami ah, waxaana sidoo kale diidan Soomaalida inteeda kale.

DF oo war cusub kasoo saartay khasaaraha dagaalkii Masaajid Caliguduud + Video

0

Cadale (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahin cusub ka bixisay howlgalkii culuslaa ee todobaadkan lagula wareegay deegaanka Masaajid Caliguud, kadib dagaallo u dhexeeyey ciidanka dowladda & Shabaab oo ka dhacay halkaasi.

General Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) oo ka mid ah saraakiisha sare ee milatariga Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay furinta hore ee dagaalka ayaa sheegay in Masaajid Caliguduud oo muddo saldhig u aheyd Al-Shabaab haatan laga fara maroojiyey, wuxuuna shaaca ka qaaday in halkan ay kooxda u aheyd albaab muhiim ah oo laga soo galo.

“Runtii Caliguduud dadka waxa ay u heysteen magaallo caadi ah, laakiin ma aheyn waxa ay aheyd albaabka koowaad ee Al-Qaacidada laga galo” ayuu yiri Gerenaral Tareedisho.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey tirada rasmiga ee Al-Shabaab looga hadlay howlgalkaasi, isaga oo xaqiijiyey inay gaarayaan illaa 189 xubnood, sida uu hadalka u dhigay.

“Howlgallada meel fiican ayey marayaan Khawaarijta meeshaan waxaa looga dilay dad gaaraya ilaa 189, halkaas way ku baaba’day,” ayuu yiri markale sii raaciyey.

Dhinaca kale xildhibaano, siyaasiyiin, waxgarad iyo guddi ka socdo dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Masaajid Caliguud, kuwaas oo kormeeray gudaha deegaankaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamada huwanta ay isku ballaariyeen magaaladaasi, kadib markii Al-Shabaab duqeyn iyo dagaal looga saaray halkaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ujeedkooda uu yahay inay gaaraan illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Dowladda oo xil u magacowday Abwaan Guure

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Abwaan Cusmaan Cabdullahi Guure ayaa loo magacaabay maareeyaha golaha murtida iyo wac-gelinta qaranka, xilkaas oo horay sidaan oo kale loogu magacaabay markii ay cusbeed dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa xilkaan u magacaabay Abwaan Guure, wuxuuna sheegay in deg deg loogu baahan yahay in la soo saaro fanaaniin qaran oo kaalin ka qaada karta wacyi gelinta iyo jiheynta bulshada.

Waxaa wareegtadaan xilkii maareeyaha golaha murtida iyo wacyi-gelinta looga qaaday Abwaan Shube oo saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii hore Farmaajo.

Shube ayaa aad u taageersanaa mudo kororsigii Farmaajo, wuxuuna sameeyey hees markii dambe ay kooxdii Farmaajo ku dhici weysay inay baahiso, taas oo Abwaan Shube uu ku taageeray mudo kororsigii fashilmay.

Waa markii labaad oo xilkaan loo magacaabay Abwaan Guure, waxaana xusid mudan in markii hore la magacaabay tiyaatarka qaranka oo burbursan, kaas oo Guure uu olole u galay in isxilqaan lagu dhiso.

Hoos ka daawo wareegtada