31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadeed laba maalin kadib qaraxyadii Zoobe 2

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay u baxay safar kale oo dibadeed isaga oo gaaray magaalada Khartoum ee dalka Sudan, ugana sii gudbaya dalka Algeria, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Xasan Sheekh ayaa Algeria uga qeyb-galay shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta, sida ay madaxtooyada sheegtay.  

Safarka cusub ayaa imanaya laba maalin kadib markii 120 lagu dilay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, boqolaal qof oo dhaawac ahna ay weli ku jiraan isbitaallada, taasi oo dhalineysa su’aallo ku saabsan haddii safarka xilligan uu habboonaa. 

Hase yeeshee, Villa Somalia ayaa isku dayday inay qiil u sameyso safarkan islamarkaana xiriiriso safarka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.   

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa gaaray magaalada Khartuum, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Qaar ka mid ah shacab ka falceliyey qoraalka safarka oo lasoo dhigay bogga Villa Somalia ee Facebook ayaa muujiyey sida aysan ugu qanacsaneyn, ayaga oo soo dhigay qoraallo canaan ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii dib loo doortay galay safarro badan. Qaar ka mid ah dadka dhaliila ayaa safarrada qaar ku qeexay kuwa laga baaqsan karay halka taageerayaashiisa ay ku macneeyeen kuwa muhiim u ah xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka caalamka iyo in dowladda ay hesho taageero.

Soomaaliya ayaa xilligan ku jirta dagaal ay shacabka qeyb ka yihiin oo madaxwenaha uu iclaamiyey, kaasi oo toddobaadyadii ugu dambeeyey uu ka muuqday gaabis xooggan, ayada oo ay sii yaraanayaan deegaanada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Muddada uu dagaalkaas socdo ayaa madaxweynaha wuxuu galay safarro badan oo dibadeed, welina ma tegin deegaanada ay dagaallada ka socdaan si uu u dhiiri-geliyo ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan. 

Maxkamadda ciidamada oo toogasho ku fulisay nin geystay dilal iyo qaraxyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta markale xukun dil toogasho ah ku fulisay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay fagaare ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ninka toogasho lagu fuliyey ayaa waxaa lagu magacaabi jirau Cabdullahi Cali Aadan, sida ay shaacisay maxkamadda ciidamada oo 2020-kii ninkan ugu xukuntay dil toogasho ah, kaas oo ugu dmabeyn maanta lagu fuliyey kadib markii lagu qisaasay koonfurta Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa ku eedeysay Cabdullaah inuu dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalada Gaalkacyo, waxaana ka mid eedaha loo jeediyey dilkii Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare kaas oo lagu dilay weerar toos ah oo 2018 lagu qaaday xarun uu ku lahaa Gaalkacyo.

Fagaaraha lagu toogtay ninkan horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan maxkamadda ciidamada iyo mas’uuliyiinta Gaalkacyo

Maalmihii u dambeeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa suu kordhisay fulinta dilalka toogashada ah, wuxuuna ninkan noqonayaa qofkii siddeedaad ee muddo ku siman 15 cisho gudahood toogasho lagu fuliyo.

Qorshaha dowladda dhexeayaa ah in labada bil ee ka harsan sanadkan 2022-ka in lagu dhameeyo toogashada dadka xukuman, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Si kastaba, arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka.

Golaha Ammaanka ee QM oo go’aan cusub ka gaaray howlgalka UNSOM ee QM

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammmaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo hal sano ah oo dheeri ah u kordhiyey howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano UNSOM.

Golaha ayaa meel-mariyey qaraar ku aandan muddo kordihintan oo ku eg illaa 31-ka October ee sanadka soo socda 2023-ka.

Waxaa qaraarkan oo uu tirsigiisu yahay 2657 u codeeyey illaa 14 dal, halka 1 waddan oo kaliya uu ka aamusay.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in ay si dhow ula socon doonaan xaaladda Soomaaliya, islamarkaana ay ku sameyn doonaan dib eegis, ayada oo loo kuur galayo dhanka horumarka siyaasadda iyo sidoo kale  xaaladda amni ee waddanka.

UNSOM ayaa sanad kasta loo sameeyaa muddo kordhin horleh, ayada oo ujeedadu ay tahay in lasii wado howlahala Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Si kastaba howlgalka kaalmeynta QM ee Soomaaliya ayaa la aas aasay bishii June ee 2013, ayada oo loo abuuray in la taageero dhismaha dowladnimada iyo nabadeynta Soomaaliya.

Madaxda Golaha Wadatashiga oo farriin u diray Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu soo gaba-gabeeyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada, ugana socday Villa Somalia.

Shirka oo qaatay waqti ka badan intii loo qorsheynayey ayaa waxaa qeyb kamid ah si weyn loogu bogaadiyay Somaliland, gaar ahaan amniga iyo dimuqraadiyada sanado badan jirsatay.

“Goluhu wuxuu bogaadinayaa dhaqanka deganaanshiyaha siyaasadeed, wada-nolaanshiyo iyo dimuqraadiyadda ee ay Somaliland ku soo caano maashay,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Sidoo kale waxay madaxda Soomaaliyeed ugu baaqeen shacabka iyo madaxda Somaliland inay ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda ay mudada badan kusoo caano maashay Somaliland.

Waxaa xusid in war-murtiyeedka kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran aan Somaliland loogu yeerin maamul, midaasi oo u muuqata in madaxdaan ay aad uga taxadareen si aysan macno kale u yeelan farriintoodu, islamarkaana ay usii kala fogaan.

Baaqa madaxda Soomaaliyeed ayaa imanaya ayada oo Somaliland muddooyinkii dambe ka jirtay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka, kadib markii Golaha Guurtida ay muddo kororsi u sameeyeen madaxweyne Muuse Biixi.

Duqa magaalada Muqdisho oo warbixin loo gudbiyey kadib qaraxyadii ZOOBE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga gurmadka deg-degga ee gobolka Banaadir kadib booqasho uu ku tegay xarunta guddigaas.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha guddiga oo uga warbixiyey howlaha u qabsoomay iyo inta hortabinta u leh ee weli dadaalladooda socda.

Intaas kadib guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku amaanay xubnaha guddiga kaalinta adag ee ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo dadkii waxyeelada kasoo gaaray qaraxyadii Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in sii laba jibaaraan u gurmashada dadka dhaawacyada qaba ee ku jira isbitaallada ku yaalla caasimada, si gaar ahna looga warqabo.

Ugu dambeyn guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa uga mahad-celiyey shacabka Muqdisho kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka socdo, isaga oo xusay in isku tashiga iyo is-gargaarida ay tahay mid looga bartay Soomaalida, halkaasina ay kasii wadaan howsha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa saameynta ka dhalatay qaraxyadii 29-kii bishii hore ee October ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta wasaarada waxbarashada ee agagaarka Zoobe kaas oo sababay khasaare xoogan.

Ehallo raadinaya dadkooda weli aan nolol iyo geeri lagu hayn kadib qaraxyadii Zoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tiro qoysas ah ayaa weli aan nolol iyo geeri toona ku heyn ehelkooda oo ugu war dambeysay kahor inta aysan dhicin qaraxyadii weynaa ee lagu beegsaday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya October 29, 2022.

Qaar kamid ah dadka baadigoobka ku jira ayaa sheegay in telefoonnadii ay wateen dadkooda ay ka maqan yihiin hawada, kana raadiyeen goobaha caafimaadka ee la geeyay dhaawacyada si looga daweeyo Waxyeellada gaartay dadkaas.

Aamina Maxamed, waxa ay raadineysaa Seygeeda oo sheegtay in uu ugu maqnaa qaliin lacag la’aan ah (Bilaash ah) oo ay u baahan tahay, balse taa baddelkeeda waxa ay weysay isaga qudhiisa oo ku dhawaad 48 saac raq iyo ruux toona ku hayn.

“Waxa aan raadinayaa Seygeeda oo aan u dhalay 10 Carruur ah, waxa uu igu dhahay qaliin lacag la’aan ah ayaan kuu raadinayaa oo waxa uu idhahay ma awoodi in aan isbitaal lacag ah ku geeyo, Aniga & Walaalihiis ayaa ka raadineyno goobtii ugu dambeysay uu joogay oo uu ku iibinayay dharka huudheyda,” Aamina Maxamed.

Dadka ehalladooda raadinayo waxaa kamid ah Cabdicasiis Cabdi oo ah ardey wax ka dhigta Muqdisho wuxuu sheegay in habeenkii oo idil uu raadinayay walaashii oo ku sugneyd isgooyska Zoobe xilliggii uu qaraxa dhacayay.

“Meydkeeda saaka ayaan helnay, waxaan ku garanay dharkii ay qabtay, jirkeeda gebi ahaanba wuu gubtay,” ayuu yiri Cabdicasiis. Wuxuu intaa ku daray, “Weligey ma arag dhacdo noocan ah.”

Dhinaca kale, Maxamed Ganey oo dumaashidii ka raadinayay isbitaalka ayaa sheegay, “waxay u dhimatay dhaawaca daqiiqo kadib markii aan ka helnay isbitaalka, qof kasta wuxuu ka naxay qaraxa.”

“Su’aasha la isweydinayo ayaa ah maxaa loo laaynaya dad aan waxbo galabsan?,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dadka illaa iyo hadda nolol iyo geeri lagu la’yahay ayaa lagu sheegay inay kor u dhaafayaan illaa 10 qof, waxaana meesha uu qaraxa ka dhacay laga helay qeybo kamid ah jirka bini’aadamka kuwaas oo aan la aqoonsan dadka ay yihiin.

Goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan qoysas raadinaya xubno ka tirsan ehelkooda oo ugu war dambeysay markii ay dhaceen qaraxyadii sababay dhimashada & dhaawaca ee Muqdisho ka dhacay 29-October-2022.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadaan ku dhimatay 120 qof oo shacab ah halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Waa markii labaad oo qarax noocaan ah uu ka dhaco isgoyskaan, waxaana sidaan oo kale 5 sano ka hor loo waayey dad badan oo nolol iyo geeri lagu waayey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ka dambeysay  qaraxyadaan, waxayna sheegatay inay la beegsatay arday la rabay in askar laga dhigo balse sida muuqata waxaa qaraxyadaan ku dhintay dad shacab ah oo ganacsiyo ku lahaa Zoobe iyo kuwa kale oo jidka marayey.

Baarlamanka maamulka PUNTLAND oo ansixiyey xubnaha maxkamadda sare

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xubnaha maxkamadda sare ee maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada caasimada ee Garoowe.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayadoo inta badan ay goobjoog ahaayeen xildhibaanada.

Codeyn gacan taaga ah oo Golaha ka dhacday ayaa lagu ansixiyey xubnaha oo uu madaxweyne Deni u magacaabay maxkamadda sare ee maamulka Puntland, waxaana ogolaatay 53 Xildhibaan, ma jirin wax diidmo ah, balse waxaa ka aamusay 1 mudane.

Intaas kadib ayaa guddoonka maxkamadda sare iyo xubnaha kale ee lasoo magacaabay ayaa lagu dhaariyey isla goobta, si ay u guda galaan howlaha shaqo ee horyaallo.

Anisixinta xubnaha maxkamadda sare ayaa marar badan dib u dhacday, kadib khilaaf soo kala dhex-galay madaxtooyada iyo baarlamaanka, waxayna taasi sababtay in laba jeer oo hore ay Golaha ay iska diidaan meelmarinta xubnahan oo mar dambe wax ka bedal lagu sameeyey, taas oo hadda suuragelisay in maanta lagu ansixiyo cod aqlabiyad leh.

Arrintan ayaa waxaa soo dhoweeyey hoggaanka sare ee Puntland oo ay ku jiraan ururada siyaasadda iyo sidoo kale qaybaha kala duwan bulshada maamulkaasi.

Dhismaha maxkamadda sare ayaa ku soo aaday xilli loo baahnaa, islamarkaana dhowaan doorasho ay aadeyso Puntland, taas oo haatan uu ka taagan yahay muran aad u xoogan.

Xasan oo qiil u sameeyey madax goboleedyada u safraya dalalka kale + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta warbaahinta la hadlay, markii lasoo gabagabeeyey shirkii maalmahaan u socday madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa tusaale ka bixiyey macnaha uu shirkaasi u lahaa hir gelinta balan qaadkiisii ‘Soomaali heshiis ah.’

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxda Soomaaliyeed aysan kala aragti aheyn markii la joogo la macaamilka caalamka, isagoo xusay in hadii masuul ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada uu safro uu sido fariin ay madaxda Soomaaliyeed ka mideysan yihiin.

“Caalamka jecel inuu garab istaago Soomaaliya waan u mahad celineynaa, waana booqaneynaa, safarada aan aadeyno dan Soomaaliyeed ayaan ku raadineynaa, aniga ama madaxdaan kale, nin kasta wuxuu caalamka u sidaa fariin aan ka mideysanahay, taas ayaan caalamka kula macaamileynaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay kalsooni ku qabaan madaxdooda, isagoo ku celiyey in labo loo kala baxo, “Meel dhexe oo la istaago ma jirto Shabaab iyo inta la dagaalameysa ayaan nahay,” ayuu yiri.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii ay dadka Soomaaliyeed hal dhinac ugu wada jeesa la haayeen, balantii aan qaadnay ee Soomaali heshiis ah, waa tan tusaalaheeda, waxaan bogaadinayaa hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ee galabta halkaan ila jooga,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyadu ay kula shaqeyaan niyad sami, go’aan wada qaadasho, rayi’wadaag iyo isku tanaasul, isagoo wada shaqeyntaas uga mahad celiyey.

“Sida aan u wada shaqeyno waxay i tusineysaa yidadiilo cusub oo Soomaaliya u soo socota,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Saadaq Joon iyo Sheekh Cabdiqani Qorane oo hadallo kulul isu mariyey Facebook

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa jawaab kulul kala kulmay mid kamid ah culumada Soomaaliyeed kadib qoraal uu saakay kusoo daabacay bartiisa Facebook.

Saadaq Joon ayaa saaka soo daabacay qoraal uu cinwaan uga soo dhigay Aaway Culummadii?, kaasi oo sida muuqata ku saabsan sababta culimada aysan uga hadli qaraxyadii lagu laayey shacabka ee Sabtidii ka dhacay Zoobe, wuxuuna qoraalka uu soo qoray u qornaa sidaan:

Aaway Culummadii?

1- Ma hadli karaan?, Dhiig ma shubi karaan?, 3- Cunto Magayn karaan?, 4- Dhawacyada Qur’aan kumasoo aqrin karaan?, 5- Janaasooyinka Kuma tukan karaan?, 6- Dhaawacyada nasoo booqankaraa?, 7- Nadaafada kama qayb qaadankartaa?

Waxaa saacado kadib qoraalkaan kasoo jawaabay Suldaan Cabdiqani Qorane oo muddooyinkii dambe ku caan baxay inuu codkiisa kula dagaalamo kooxda Al-Shabaab isagoo su’aalo adag waydiiyey.

Shiikh Qorane ayaa sidaan ugu soo jawaabay Saadaq Joon

“Xildhibaan Saadaq Joon, marka aad culumada u keentid ciidamo ka waardiyeeya Khawaarijta wuxuushta ah iyo gaadiid aysan xabbaddu karin (Bullet proof vehicles), xaafado amnigoodu sugan yahayna dejisid ama adigu aad ciidamada iska reebtid, gawaarida gaashaamanna ka degtid, xaafadaha shacabkana soo dhex degtid, dhiigna aad adigu bixisid marka hore ayey su’aashaas kuu furan tahay, Jawaabteeda oo ficil ahna aad heli kartaa. Intaas inta ka horreysa tooshka aad ifineysid adiga un buu ku qabanayaa.

Culumadu dagaalkan wey galeen, wey ku dhinteen, weyna u dakanoobeen, walina wey u taagan yihiin iyadoo cid aan Alle ahayn oo u maqan aysan jirin ee Brig. Jeneraalow culumada wax ula har adigana wax isula har.

Saadaq ayaan isna mar kale kusoo jawaabay  “Shiekh Suldan ixtiraam Umdda Soomaaliyeed kuu hayso oo kale ayaan kuu hayaa Waxaan lahaa kaligaa ayaad noqotee Garab u raadi. Aniga Waxaan qabanayana bilaa Sawir ayaan qabtaa. Baraarujin Culimmo ayay eheed ee eedayn Ma ahayn”.

Daawo: Sarkaal Gorgor ah oo ka hadlay sidii ay xoreeyeen Masaajid Cali-Gaduud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba Xidigle Xasan Ibraahim oo ka tirsan ciidanka Gor Gor ayaa ka warbixiyey muhiimada uu leeyahay degaanka Masaajid Cali-Gaduud ee gobolka Sh/Dhexe oo dhawaan ay Al-Shabaab ka xoreeyeen.

Sarkaalkaan ayaa warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee saldhiggii ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas, wuxuuna ka warbixiyey nolosha ka jirta deegaankaas.

Xasan Ibraahim wuxuu warbaahinta u sheegay in deegaankaas ay si wadajir ah u xoreeyeen ciidamada Danab iyo Gor Gor oo is kaashanaya.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay aad uga tiiraanyoonayaan dhibaatada iyo xasuuqa ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna balan qaaday inay furimaha ku soo afjarayaan.

“Waxaan nafteena ugu deeqnay qarankeena, maalin kasta waxay dilaan tobanaan masaakiin ah oo aan waxaba ka galabsan, anaga waa naga cararayaan, laakiin kama hari doono, hadii ay dhulka galaan waan ka daba geli doonaa, kama hari doono,” ayuu yiri Xasan Ibraahim oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Gor Gor.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka sii gudbayaan degaankaan ay xoreeyeen ee Masaajid Cali-gaduud, “Shabaab kama hari doono, waajibaadkeenu waa inaan soo afjarno kooxdaas, maanta deegaankii idinkugu muhiimsanaa waa kan waa xor,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii sarkaalkaan ayaa balan qaaday inay dib u dejin iyo garab istaag u muuji doonaan dadkii ay Al-Shabaab deegaankaas ku dhibaateynayeen 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Hoos ka daawo

DF oo SHACABKA u dirtay DIGNIIN cusub oo la xiriirta weerarada AL-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo maanta booqday xarunta howl-galada gurmadka degdega ah ee ay hirgelisay hey’adda musiibooyinka qaranka kadib qaraxyadii Zoobe ka dhacday Sabtidii, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka feejignaada weerarada Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Cabdiraxmaan Maxamed Guutaale oo ah maamulaha xarunta howl-galada gurmadka degdegga ah, isaga oo sharaxaad ka bixyey diiwaan-gelinta ay sameeyeen sida khasaaraha kala duwan ee naf iyo maalba leh oo ay ku jiraan dhaawacyada, dhimashada, dadka maqan, hantida kala duwan ee baaba’day iyo agoonta.

“Waxaan u baahanahay in xaaladda degdegga ah laga qayb qaato sidii loo gargaari lahaa shacabka,” ayuu yiri Dr. Axmed Aadan Cabdi, guddoomiye kuxigeenka SODMA oo isagna goobta ka hadlay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa bogaadiyey shaqada xarunta iyo ahmiyadda ay leedahay, isaga oo soo jeediyey in lala shaqeeyo hey’adda maareynta musiibooyinka iyo xarunta gurmadka si ay u helaan xogaha maqan.

Sidoo kale waxa uu xusay wasiirku in loo baahan yahay in shacabka istaakuleeyaan, dhanka kalana ay ka feejignaadaan argigixisada jabtay ee naf la caarida ah, una socota aargoosigooda.

“Si khasaaraha u yaraado waa in lasoo sheego argigixisada, argigixisadu waxaa ay ku faaneen leynta Shacabka Soomaaliyeed, waa in sida tuugada loo qabanayo oo kale in lasoo qabto,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina tilmaamay in wasaaraddiisu ay hormuud ka tahay dadaalada kala duwan ee gurmadka, waxaa uuna adkeeyey in la ballaariyo howlaha socda oo dadka dhan ay ka qeyb qaataan.

Shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa dhiig u shubay dhaawacyada qaraxa Zoobe, waxaa kale oo ay wasaaraddu uga qeyb-qaadatay gurmadka socda lacag dhan $5,000.

Safaaradda Mareykanka oo qaaday tallaabo cajiib ah kadib qaraxyadii Zoobe + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida goordhoweyd lagu baahiyay barta twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, shaqaalaha safaarada ayaa maanta bilaabay olole ay dhiig ugu shubayaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Zoobe 2 ee dhacay Sabtidii.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Waxa kale oo lagu xusay in Mareykanka uu marwalba taageero nooc walba la garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, si looga adkaado argagixisada.

“Kooxda safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa maanta dhiig ugu deeqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxyadii Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka lasoo dhigay barta twitter-ka ee safaraadda.

Tan iyo markii ay Sabtidii dhaceen qaraxyadii lagu hoobtay ee Zoobe 2 waxaa isa-soo taraya gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaas, kaasi oo isugu jira dhaqaale ururin iyo dhiig shubis.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya oo goor sii horeysay oo maanta ah ka hadashay khasaaraha qaraxyadaasi ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay haatan marayso 120 qof, islamarkaana dhaawaca uu ka badan yahay 320.

Markasta waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay qaraxyadii is xigxigay ee Sabtidii ka dhacay agagaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, ayada oo marba marka kasii dambeysa maydad kale laga soo saarayo dhismayaasha ku burburay qaraxyada.

Aqriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii madaxda DF iyo maamul goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu soo gabagbeeyey shirkii dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada uga socday Villa Somalai..

Shirka oo qaatay waqti ka badan intii loo qorsheynayey ayaa waxaa looga hadlay qodobo badan, waxaana ugu dambeyn maanta laga soo saaray war-murtiyeed ay saxiixeen dhammaan madaxdii shirka ka qeyb gashay.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo  saaray ayaa waxaa kamid ah sidii kooxda Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan dhulka Soomaaliya iyo sidii loo fulin lahaa dhammaan heshiisyadii dhanka amniga ee horey loo kala saxiixday.

Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu bogaadiyey guulaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab .

Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool gobolada dalka kuwaas oo halis ugu jiro inay gaajo u dhintaan.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa sidoo kale qeyb ka ah in la dhameystiro dastuurka dalka, waxaana lagu heshiiyey in la dhameystiro xubnaha dhiman ee guddiga dib u eegista dastuurka dalka.

Halkaan hoose ka akhriso qodobada oo dhameystiran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Muqdisho 27-31 October 2022. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). 

Ugu horeyn Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu tacsi u dirayaa shacabka Soomaaliyeed, ehelada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii ku shahiiday weeraradii argagixiso guud ahaan dalka gaar ahaana weerarkii 29 Oktoobar ee agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Goluhu wuxuu Allah uga baryayaa inta dhaawacantay inuu u booga-dhayo, inta ku hanti beesheyna bedel kheyr qaba Alle siiyo. Goluhu wuxuu canbaareynayaa gummaadka ay khawaarijtu ku hayso ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah. 

BOGAADIN

Golaha Wada-tashiga Qaran waxa uu:

• Bogaadinayaa guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen Ciidanka Qalabka-Sida oo kaashanaya kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta.

• Ammaaney gargaarka bani-aadannimo iyo gurmadka dadka ay abaaruhuu saameeyeen ee ay waddo XFS oo kaashaneysa shacabka, DXDF iyo beesha caalamka. 

• Goluhu wuxuu bogaadinayaa dhaqanka deganaanshiyaha siyaasadeed, wada-nolaanshiyo iyo dimuqraadiyadda ee ay Somaliland ku soo caano maashay, wuxuuna ugu baaqayaa madaxda iyo shacabka Somaliland inay ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda.

• Bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Dowladda Puntland ee hirgeliyey dekadda Garacad oo noqotay isku-tashi ku dayasho mudan. 

• Bogaadinayaa dadaalka ay Dowladda Puntland ugu jirto horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeynta iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

• Bogaadinayaa dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka kala dhexeeya saaxiibada caalamka.

QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY

Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedyadii shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 12 June iyo 12 September 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda:

1.SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA

• Golohu wuxuu isla qaatay ka ciribtirka kooxaha khawaarijta dhammaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Golohu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istratejiyad qaran ee la dagaalanka khawaarijta la iskuna dubarido dadaalada kala duwan.

• Golohu wuxuu isla qaatay dhaqan-gelinta  heshiiska Qaab-Dhismeedka Amniga Qaranka ee la saxiixay April 2017, wixii farsamo ahna waxaa ka shaqayn doona guddi farsamo.

• Golohu wuxuu dhiirigelinyaa dardargelinta qorshaha kala guurka ee ciidamada qaranka ay kagala-wareegayaan mas’uuliyadda amniga ciidamada ATMIS si dhameystiran.

2. GURMADKA ABAARAHA IYO LA TACAALIDDA SAAMEYNTA ISBEDDELKA CIMILADA

• Goluhu wuxuu diiradda saaray saamaynta abaaraha soo noqnoqonaya ee dalka ka jira iyo raadka ay ku reebaayaan hab nololeedka bulshada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu hay’adaha gargaarka farayaa dardargelinta gurmadka abaaraha. 

• Goluhu wuxuu sidoo kale isla qaatay baahida weyn ee loo qabo maareynta iyo la tacaalidda saameynta is-baddelka cimilada iyo dhisidda kaabayaasha u adkaysiga aafooyinka.

3.DARDARGELINTA DIB-U-EEGISTA DASTUURKA

• Goluhu wuxuu isla qaatay in mudnaan gaar ah la siiyo qodobada wada-xaajoodka siyaasadeed u baahan si loo dhameystiro dib-u-eegista dastuurka KMG.

• Goluhu wuxuu isku raacay in XFS iyo DXDF ay soo dhammaystiraan xubnaha ka dhimman Guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka KMG.

4.DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA

• In dalka laga dhaqan-geliyo nidaamka xisbiyada badan iyadoo dib loo milicsanayo xeerarka xisbiyada iyo doorashooyinka.

• In dalka oo dhan laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufan kuna saleysan codbixiyeyaal diiwaan-gashan iyo xisbiyo u tartama goleyaasha heerarka kala duwan.

• In dalka laga qabto laba doorasho; mid Heer Federaal ah iyo mid Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

5.JADWALKA IYO HABRAACA SHAQO EE GOLAHA WADATASHIGA QARAN

• Golohu wuxuu isku raacay in uu samaysto habraac shaqo oo qeexaya hannaanka loo marayo heshiisyada, qaab-dhismeedkiisa, hawlaha golaha, qodobada wada-xaajoodyada iyo dhaqan-gelinta go’aamada Golaha. 

• Goluhu wuxuu isku raacay in labada shir ee soo socda ay qabsoomaan Disember 2022 iyo Febraayo 2023.

Dhammaad

 

 

DF oo dhaqaatiir ka dalbatay afar dal xilli dhaawacyada qaar ay yihiin kuwa halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhaqaatiir ka dalbadeen afar dal, si ay u yimaadaan magaalada Muqdisho oo ay qeyb uga noqdaan badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Zoobe 2.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji oo la hadlay BBC-da ayaa sheegaya in dhakhaatiirtaas ay illaa hadda ka dalbadeen dalalka Turkiga, Masar, Kenya iyo Sacuudiga, oo saaxiibo la ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay ku dhalisay kadib markii ay arkeen xaalada dadka dhaawaca ah oo ay adag tahay in dibada loo qaado, sidaas darteedna si loo badbaadiyo ay door-bideen in dalka keenaan dhakhaatiir ajnabi ah.

“Marka qiimeynay haddii la dalbo in dibedda loo qaado ay waqti qaadan karto, in laga yaabo in kuwa ICU-da hadda noogu jira ay diyaarad qaban karin oo la qaadi karin. Marka waxaa doorbidnay in aan dalbano dhakhaatiir aan u baahanahay, ciddii noo soo hor jawaabta ayaa arki doona,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Xarunta gurmadka degdeg ah dhismaheeda wuu soo gaba-gaboobay oo waa la dhameystiray, ayadana mardhow waa lagu shaqeynayaa insha allah.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina sheegay in xarunta loogu tala-galay inay noqoto Bangiga Dhiiga ee dalka ay mareyso heer gaba-gabo ah, islamarkaana la furi doono labo bilood gudahood.

Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in tirada dhimashadu ay haatan marayso 120 qof, islamarkaana dhaawaca uu ka badan yahay 320. Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmayayaa  laga saaray isbitaallada, islamarkaana hadda waxaa isbitaallada ku jiraan 152, sida uu sheegay wasiirka.

Khasaaraha dhimasho ee qaraxyadii Zoobe oo kordhay iyo DF oo tiro cusub shaacisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay qaraxyadii is xigxigay ee Sabtidii ka dhacay agagaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxana saacaddihii ugu dambeeyay maydad kale laga soo saaray dhismayaasha ku burburay qaraxyada.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegaysa in tirada dhimashadu ay haatan marayso 120 qof, islamarkaana dhaawaca uu ka badan yahay 320.

Dhinaca kale waxa socda gurmad loo samaynayo dadka ay dhibaatadu ku gaartay qaraxyadii lagu hoobtay ee Sabtidii Muqdisho ka dhacay.

Dawladda ayaa shalay magacowday guddi heer wasiirro ah oo isku dubarida hawlaha gurmadka ee socda, waxana gudoomiye u ah wasiirka caafimaadka Dr Cali Xaaji.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay laga saaray isbitaallada, islamarkaana hadda ay isbitaallada ku jiraan 152, balse wuxuu sheegay in dad badan oo kale la la’yahay, qaarna dhaawacoodu halis yahay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay ballan-qaaday in loo aargudi doono shacabkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku xasuuqeen qaraxyadii ka dhacay Zoobe 29-kii October. 

Xamza ayaa shacabka u sheegay in Al-Shabaab markii looga soo adkaaday furimihii dagaalka ay billaabeen inay si toos ah shacabka u xasuuqaan, oo ay ka aargoostaan haweenka, caruurta iyo odayaasha.  

“Waxaa ballan ah in dadkaas loo aargudo, waana u aagudeynaa, waana go’aan aan kasoo noqosho laheyn in nimankaas dalka laga xoreeyo,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.  

“Xanuun baan mareynaa, marka waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay deganaansho iyo dulqaad u yeeshaan dagaalka socda waxyaabaha naga soo gaaraya. Waxaan rajeynayaa inaan muddo kooban ku noolaano waddankeena oo aan qarax laheyn iyo waddankeena oo aan dil laheyn,” ayuu yiri.

Xamza ayaa shacabka qeybihiisa kala duwan ugu baaqay in cid kasta sida ay awooddo uga qeyb qaadato dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Xildhibaan shaaciyey cidda Al-Shabaab qaraxyada usoo gelisa magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday xog ku aadan weerarada qaraxyada ah ee ay Al-Shabaab ka geysato gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Macallimuu ayaa sheegay inay jirto wada shaqeyn ka dhexeyso kooxda Al-Shabaab iyo qaar ka mid ah saraakiisha laamaha amniga dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay jiraan rag saraakiil oo Al-Shabaab qaraxyada uga soo gudbiya baraha koontarool ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka lagu dhibo barahaas koontarool, balse Al-Shabaab si fudud loogu soo gudbiyo qaraxyada.

“Saraakiisha amniga ee qaraxyada gudbiya,daaraha waaweyn dhista ,waxa ay ka xun yihiin Khawaarijta laayaanka ah. Shacabka baraha koontorool dhib bey ku soo gudbaan, qaraxyadana si fudud” ayuu warka qoraalka ah ee uu soo saaray ku yiri Macallimuu.

Hadalkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku soo aadayo maalin kadib qaraxyadii gilgilay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimashada dad kor u dhaafayo ilaa 100 qof iyo dhaawaca 300 oo kale, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Si kasataba, xaalada Muqdisho ayaa ah mid cakiran, waxaana laga dareemayaa saameynta ka dhalatay qaraxyadaas & falalka kale ee amni darada ee ka dhaca gudaha caasimada

Somaliland oo Puntland ka qabsatay magaalo muhiim ah

Boocame (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay maanta la wareegeen gacan ku heynta degmada Boocame ee gobolkaasi, kadib markii ay ka baxeen ciidamada Puntland.

Ciidamada milatariga Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan aya agudaha u galay degmadaasi, kuwaas oo saldhig ka sameystay halkaasi.

Boocame oo ah magaallo weyn oo Puntland ay maamuleysay ayaa ka mid aheyd meelaha tirada yar ee gobolka Sool ee Puntland u qorshaysay in ay ka qabato doorashooyinka qof iyo cod ee haatan qaban qaabadeeda ay ka socoto deegaanada maamulkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xiisaddu ay kacsan tahay, islamarkaana ciidamada Puntland ay iyaguna ku sugan sugan yihiin duleedka degmadaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada maamul oo ku aadan xaaladda degmada Boocame ee gobolka Sool.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda walaac ka muujinaya xaaladda soo korortay iyo ciidamo isku beddalay gacan ku heynta degmadaasi oo ah mid muhiim ah.

Somaliland iyo Puntland ayaa horey ugu dagaalamay gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Turkaraq, kadib markii isku qabteen maamulidda deegaanada ku yaalla halkaasi.

Shir deg deg ah oo yeesheen golaha wasiirada oo laga soo saaray go’aano 9 qodob ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay shir guddoomiyay shir Golaha Wasiirrada oo degdeg ah oo looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii 29-kii October ka dhacay Zoobe ee magaalada Muqdisho ka geysteen Al-Shabaab.

Shirka oo ay sidoo kale ka qeyb-galeen taliyayaasha ciidamada ayaa waxaa kasoo baxay qodobadda soo socda:

1. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay lacag dhan hal million oo dollar ku deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada waxashnimada ah ee argagixisada khawaarijtu ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

2. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay kafaala qaadeysaa daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii shaley ee KM5.

3. Waxaa kale oo Goluhu isku raacay in la kafaala qaado waxabarashada carruurta ay ka tageen shuhaddadii ku nafweysay qaraxyadii shaley, iyadoo laga ambaqaadayo balanqaadkii uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud markii uu booqday goobta uu qaraxa ka dhacay.

4. Waxaa xukuumadda ay fareysaa Wasaaradda Waxbarashada iyo  Hiddaha in muddo saddex maalmood ah la fasaxo goobaha waxbarashada si ay waqti ugu helaan ardeyda sii wadista hawlaha gurmadka socda ee loogu gargaarayo dhibbaneyaasha weeraradii dhacay.

5. Waxaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda la farayaa inay si buuxda uga qeyb qaataan gurmadka socda.

6. Waxaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku dhawaaqeysaa qaadista talaabooyin cad cad oo amniga lagu sugayo, lana sameynayo isbeddelo degdeg ah oo la jaanqaadaya xaaladda dalka ka jirta.

7. Waxaa uu Golaha Wasiirrada si xushmada leh uu shacabka Soomaaliyeed uga codsanayaa inay yeeshaan feejignaan dheeri ah, samir, dulqaad iyo adkeysi inta lagu guda jiro hawlgalka lagu ciribtirayo cadowga khawaarijta oo dhammaan goobihii ay isku fara saareen Ciidammadda Qaranka iyo shacabka taageeraya looga adkaadey, sidaa darteedna ay iyagoo naf la caari ah isku dayayaan inay beegsadaan shacabka masaakiinta ah.

8. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale balanqaadeysaa in Khawaarijta dalka laga cirib tirayo,  isla markaana ay Ciidammada Qalabka Sida sii wadi doonaan gulufka guulaha badan laga gaarey, kaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare ballaaran.

9. Waxaa kale oo uu Golaha Wasiirrada isku afgartey in In dib loo yagleelo Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran si sare loogu qaado adeegga caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu mar kale tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen shuhaddadii shaley ku naf waayey weerarada waxashnimada ee naf lacaariga khawaarijta ku qaadeen goobaha rayidka, iyadoo dhinaca kalena mahad celin loo jeediyay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee isku xilqaamey gurmadka qaraxyadii ka dhacay KM 5.

Shirkaan aan caadiga ahayn ayaa Goluhu waxaa kale oo uu ku dhegeystay warbixino ay soo jeediyeen Taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka, Booliiska, Nabadsugidda iyo Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wasiirrada ee Ra’iisul Wasaaruhu u magaacabay Gurmadka Qaraxyadii dhacay shaley, madaxda laamaha amniga iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

Sheekooyinka ugu argagax badan ee laga soo weriyey qaraxyadii Zoobe ee Sabtidii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wali waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii mataanaha ahaa ee gilgilay Isgooyska Zoobe Sabtidii iyo agagaarka wasaaradda waxbrashada ee magaalada Muqdisho, iyadoo marba marka ka dambeeysa ay soo baxayaan sheekooyinka argagaxa leh ee qaraxydaasi ka dhashay.

Ilmo saqiir ah oo laga soo dulqaaday meydka hooyadeed

Markii qaraxyadu dhaceen durba muuqaallada baraha bulshada iyo warbaahinta qabsaday waxaa ka mid ahaa gabadh yar oo qiyaastii laba sano jir ah hadiiba aysan ka yaren taasoo askari soo gaaray goobta musiibadu ka dhacday uu dhabta ku haya.

Askariga oo ah nin dhalinyaro ah oo kor u haya gabadha yar ayaa oranaya:- “gabdhaan yar hooyadeed way dhimatay meydkeed ayaan ka soo dulqaaday”. Wuxuu intaa sii raacinayaa,” gabadhaan cid Allaa cidii taqaanna si degdeg ah ha noola soo xiriirto”

Muuqaalka ayaa laga maqlayaa codka qof kale oo leh “Geesay iyo ciidanka Haramacad ha kala soo xiriiraan”. Sida aan maleeynayo geesayga uu qofkaasi sheegayo waa askariga sinta ku haya gabdha yar oo wajigeeda buska iyo boorka uu ka muuqdo.

Dad badan oo muqaalka gabadhaas yar kaga faceliyay baraha bulshada ayaa bixiyay aragtiyo isku mid ah oo muujinaya xanuunka ay leedahay ilmahaasi saqiirka ah oo hooyadeed ay dhabta ku haysay kohor inta aaney, isla markaana aan ogeyn sababta dhibkaan ugu dhacayo.

Qof ka mid ah dadkaasi baraha bulshada kaga fikir dhiibtay sheekada gabadha yar ayaa sidaan qoray:- “Inanta yar mataqaan hooyadeed meel ay jirto iyo cidda dishay waa saqiir, abayo Allah kuu maceeyo Muslimiinta, hooyo macaanna Allaha unaxariisto yaa Rabi”.

Wariye Maxamed Ciise Koona

Wuxuu ahaa wariye ka howlgala magaalada Muqdisho, wuxuu ka soo shaqeyay qaar ka mid ah Idaacadaha iyo telefishinnada fadhigoodu yahay Muqdisho. Markii ugu dambeysay wuxuu ka shaqeynayay telefishinka M24, waxaana la sheegay in culuumta saxaafadda ku soo bartay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan. Sida wararku sheegayaan Maxamed Ciise Koona wuxuu ku dhintay qaraxyadii mataanaha ahaa midkii dambe.

Maxamed oo ka mid ahaa dadkii maanta lagu aasay Muqdisho, ayaa sheekadiisu waxay leedahay xanuun gaar ah oo horey waxaa Muqdisho loogu dilay labadiisii waalid halka walaalkii ka weynaa isana sanadkii 2021-kii lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

Qaraxii koowaad markii uu dhacay ayaa la sheegay in isaga iyo dhalinyaro kale oo saaxiibbadii ah ay soo aaden halkii uu qaraxu ka dhacay si ay u eegaan waxa dhacay.Cismaan Maxamuud Cismaan oo saaxiib dhaw iyo shaqo wadaag  ay ahaayen marxuum weriye Maxamed Ciise Koonaa, ayaa sheegay inuu ifka kaga tagey wiil iyo xaas.

“Wuxuu ahaa qof igu qaali ah oo saaxiibkey ah oo garabkeyga ah.” Ayuu yiri Cismaan. Wuxuu sheegay in uu ahaa Maxamed Ciise nin tebinta wararka siyaasadda ka jecel kuwa taabanaya nolasha dadka danyarta ah ee u baahan in codkooda la maqlo.

Hooyo iyo gabadheeda hal mar wada geeriyooday

Hooyo Madiina Cabdulqaadir Xaaji  (Madiina Caddaan) waxay ka mid noqotay dadkii ku dhintay qarixii koowaad ee ka dhacay dhabarka dambe ee wasaaradda warbarashada, waxay ka mid ahayd dadka halkaa muddada dheer ku iibinayay qaadka.

Gabadheeda oo meel xoogaa u jirta ku haysatay ganacsi, ayaa markii ay maqashay jugta qaraxa koowaad waxay is tiri bal hooyo soo eeg maadama dhankii ay ka jirtay uu ka yeeray dhawaq naxdin leh.

Iqro Cabdi abuukar ayaa markii ay soo gaartay goobta waxay la kulantay qarixii labaad oo ay ka mid noqotay dadkii ku geeritooday.

Azar Xaaji Cabdi oo ka mid ah qoyska ay ka baxeen hooyo Madiina iyo gabadheeda Iqro ayaa BBC-da u sheegay in ay qoyska ay gashay laba geeri oo uur ku taaalo ku noqotay.

Wuxuu sheegay in aysan marnaba fileynin in Iqro oo ka fogeyd halka qaraxyadu ka dhaceen ay ku dhimatay dhacdadaan, iyadoo markii dambe meydkeeda laga helay cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

“Markii meydadka la geeyay cusbitaalka ayaan ka raadinay qofkii ugu horreeyay ee aan aqoonsado Iqro ayay ahayd,” ayuu yiri Azar Xaaji. Madiina Cabduqaadir Xaaj waxay jaadka ku iibineysay halka ay ku geeriyootay muddo dhowr iyo toban sano ah.

Waxyaabaha argagax leh waxaa ka mid ah in qarixii 2017-kii ka dhacay Isgooska Zoobe oo dad badan ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen ay  Madiina ku ganacsaneysay isla goobta oo hilibkii dadka qaraxu goo-gooyay xilligaas dusheeda ku daatay.

Waxay ka geeriyootay toddobo carruur ah, iyadoo ganacsigeeda ku maareyn jirtay nolasha qoyskeeda.

Isha: BBC Somali

Askari hore oo Al-Shabaab ku biiray iyo rag qaraxyo ka geystay Xamar oo la toogtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida  ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo lagu helay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la xukumay sananadihii lasoo dhaafay.

Saddexda nin ee tiirka la geeyey ayaa kala ah Nuur Ibraahim Mahad Alle (Nuur Weyne), Xasan Cali Macalin Barre (Boy) iyo Isaaq Keerow Aadan (Masaar), kuwaas oo lagu eedeeyey qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho iyo Maxaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xasan Cali Barre (Boy) ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu gawaarida qaraxyada lagu soo xiro uu dhigo meelaha Al-Shabaab u qorsheysay in ay qarxiso, waxaa si gaar ah loogu heystay qarax ka dhacay Suuqa Kaawa-Godey Degmada Wadajir 26-11-2018kii, ugu dambeyn ninkan ayaa waxaa saaka toogasho ku fulisay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ninka labaad ee toogasho lagu fuliyey waa  Isaaq Keerow Aadan oo Al-Shabaab 2014kii uga biiray degmada Diinsoor waxaa isna lagu helay inuu ka dambeeyey tuurista 9 bambo oo ka dhacay Muqdisho iyo dilal toogasho oo gaadmo ah, siday maxkamaddu sheegtay, waxaana isna saaka uu ka mid ah raggii ay toogteen ciidamada ammaanka ee dowladda.

Sidoo kale Nuur Ibraahim Mahad Alle (Nuur Weyne) oo horey uga mid ahaa ciidamada gaarka ah ee Booliska Soomaaliya, balse looga saaray isticmaalka daroogada ayaa lagu eedeeyey inuu Al-Shabaab mar dambe uga biiray gobolka Hiiraan, islamarkaana uu qarax ku dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga degmada Maxaas, Rashiid Cismaan Cabdi, waxaana dil toogasho ah ninkaan lagu xukumay sanadkii 2019-kii, kaas oi lagu fuliyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey kordhisay fulinta dilalka toogashada ah, kuwaas oo uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay ogaatay Caasimada Online illaa 23 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana ah dil sugayaal ayaa maalmaha soo socdo la geyn doono tiirka, si loo qisaaso.

Qorshaha dowladda federaalka ah ayaa ah in labada bil ee ka harsan sanadkan 2022-ka in lagu dhameeyo toogashada dadka xukuman, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Si kastaba, arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka.