31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Aqalka Cad ee Mareykanka iyo dowladda UK oo war kasoo saaray qaraxyadii Zoobe 2

0

Muqdisho (Caasimada Online)Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa cambaareeyey qaraxyadii Sabtidii ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof.

“Dowladda Mareykanka waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii argagixisada ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 100 qof, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 oo kale, waxay si gaar ah ay u cambaareyneysaa beegsiga foosha xun ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo kooxaha gurmadka deg degga ah,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri Jake Sullivan oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden.

Sullivan ayaa sheegay inay tacsi u dirayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan kuwii noloshooda ku waayey iyo kuwa ku dhaawacmay “weeraradaas argagaxa leh ee lala beegsaday shacab aan waxba galabsan.”

“Dowladda Mareykanka waxaa weli ka go’an inay dowladda federaalka Soomaaliya ka taageerto dagaalka ay uga hortageyso ficillada argagixiso ee naxariis darrada ah,” ayuu yiri Sullivan.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Britain James Cleverly ayaa ka hadlay weeraradii Zoobe, wuxuuna si adag u cambaareyey qaraxyadii ka dhacay halkaasi.

James Cleverly oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in muragada iyo xanuunka ay la qaybsanayaan ehellada ay dadkooda waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadaasi.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii fulaynimada ahaa ee argagaxa lahaa ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan la murugoonayaa qoysaskii iyo asxaabtii dadkii sida xun loo dilay loona dhaawacay” ayuu ku yiri warka qoraalka ku yiri Cleverly.

Sidoo kale wuxuu xusay in dowladdiisa ay sii wadi doonto garab istaaga iyo taageerada ay siiso dowladda faderaalka oo haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan sii wadi doonaa garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada. UK waxay cambaaraynaysaa argagixisada nooc kasta oo ay tahay,”.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay dhimashada 104 qof iyo dhaawaca in ka badan 300, haddana waxaa weli jira dad la la’yahay, waxaana suurta-gal ah in khasaaraha intaas kasii bato.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay wacad ku maray in loo aargudi doono dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadaas.

Daawo R/W Xamza: Waxaan ballan-qaadeynaa in dadka Soomaaliyeed loo aargudo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay ballan-qaaday in loo aargudi doono shacabkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku xasuuqeen qaraxyadii ka dhacay Zoobe 29-kii October. 

In ka badan 105 qof ayaa lagu dilay qaraxyadaas, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 300, ayada oo la rumeysan yahay in dhimashadu ay intaas ka badan tahay maadaama ay jiraan dad badan oo weli la’yahay. 

Xamza ayaa shacabka u sheegay in Al-Shabaab markii looga soo adkaaday furimihii dagaalka ay billaabeen inay si toos ah shacabka u xasuuqaan, oo ay ka aargoostaan haweenka, caruurta iyo odayaasha.  

“Waxaa ballan ah in dadkaas loo aargudo, waana u aagudeynaa, waana go’aan aan kasoo noqosho laheyn in nimankaas dalka laga xoreeyo,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.  

“Xanuun baan mareynaa, marka waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay deganaansho iyo dulqaad u yeeshaan dagaalka socda waxyaabaha naga soo gaaraya. Waxaan rajeynayaa inaan muddo kooban ku noolaano waddankeena oo aan qarax laheyn iyo waddankeena oo aan dil laheyn,” ayuu yiri.

Xamza ayaa shacabka qeybihiisa kala duwan ugu baaqay in cid kasta sida ay awooddo uga qeyb qaadato dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xalay ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii kooxaha Khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso oo aan cidna u tureyn. 

Xamza oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, ayaa ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.

Xasan oo dhiigiisa ku deeqay, baaq kalena soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa dhiig u shubay dadka qaba dhaawacyada, wuxuuna mar kale bulshada ka codsaday in loo gurmado dadka mudan ee wajahaya duruufaha caafimaad iyo kuwa nololeed ee xaaladaha jira ka dhashay.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay baaqiisii xalay ee ku aaddanaa in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadii argagixiso ee shalay ka dhacay isgoyska Soobe.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo codsaday in loo midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey sida qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ay dhiigga ugu deeqeen dadkooda, biyaha iyo cuntada, dharka iyo agabyada kale ee muhiimka ah ay u la gaaraan dhaawacyada.

Madaxweynaha ayaa caawa dhankiisa ku deeqay dhiig si uu u dhiirri geliyo olalahan gurmadka qaran.

Weli waxaa goobta ka socda gurmadka ay wadaan shaqaalaha dowladda hoose iyo dhalinyaro kale, waxaana maqan in ka badan 10 qof oo weli aan nolol iyo geeri lagu helin.

Maanta tiradii ugu badneed oo dhalinyaro ah ayaa tegay isbitaallada Muqdisho, iyagoo ku deeqaya dhiigooda, si loogu badbaadiyo dhaawacyada dhiig baxay.

Inta badan wadada weyn ee Maka Al-mukarama ayaa xiran weli, maadaama uu isgoyska Soobe ka socdo gurmadka loo fidinayo dad loo maleynayo inay burburka dhismayaasha ku hoos jiraan, madaxda ayaa aad u isticmaaleysa wadadaas.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo war cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si qota dheer uga hadlay waxa ay yihiin Shabaab-ka dagaalka kula jira dadka Soomaaliyeed ee xasuuqa joogtada ah ku haya shacabka aan waxaba ka galabsan.

Sheekh Shariif ayaa ku taliyey in la balaariyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isla markaana furimo dagaal looga furo meel kasta oo ay joogaan, si deg deg loogu soo afjaro dhibaatooyinka ay ka geysanayaan dalka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay la imaato qorshe cad oo looga jawaabi karo xaaladaan deg degga ah, wuxuu dowladda ku adkeeyey inay tallaabooyin deg deg ah Al-Shabaab uga qaado furimaha dagaalka.

Dowlad goboleedyada ayuu ka codsaday inay dowladda dhexe kala shaqeyaan dagaalka ay ku soo afjareyso kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa fiican in culeyska la wada qaado, meelaha ay joogaan oo dhan dagaal ha looga furo, hadda waxaa muuqata fursad weyn oo looga xoroobi karo Al-shabaab,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay in kooxdu ay cadaadis kala jeedo qaraxyada iyo weerarrada ay geysanayso, isagoo ku baaqay in aan loo joojin oo dagaalka laga guul keeno.

“Arrintaan u jeedkeedu waa in dagaalka lagu hakiyo, waxaan soo jeedinayaa in aan loo jilcin, hala sii laban laabo dagaalka, mar hore ayaa laga quustay kooxdaan dadka dhibaateyneysa, yaan dagaalka laga jilcin,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa Al-Shabaab u kala saaray laba group, isagoo qeyb ka mid ah fariin u diray, “Al-Shabaab waxay u qeybsan yihiin laba qeybood oo kala ah, dad isku deyaya inay fikir qaldan umadaan ku hoggaamiyaan oo dhiigga islaamka bareystay iyo kuwo siyaabo kala duwan uga qeyb qaata,” ayuu yiri.

Kuwa aan sida buuxda u caadeysan inay dhiiga dadka daayiyaan ayuu Sheekh Shariif ugu baaqay inay dariiqaas qaldan ka soo laabtaan, isagoo sheegay in dhalinyaro aan waligood waxbaran ay kooxdu qaladay oo duruufihii heystay ay uga faa’iideysatay.

“War marka hore diinta barta, oo u soo laabta dadka Soomaaliyeed iyo dowladiina, ugu yaraan waxaad ka qeyb qaada kartaan inaad joojisaan dhiiga umadaan aan waxaba idinka galabsan,” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in qarniyo badan ka hor ay Khgawaarijtu soo jirtay, “Yaan loo kala harin maanta, fursad looga guuleysa karo ayaa jirta dadkaas mujrimiinta ah, waxaan Alle ka baryaa inuu naga dulqaado Al-Shabaab, joogitaankooda caqabad ka weyn ma heysato dadkeena,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Daawo: Duqa Muqdisho oo sheegay in lasoo saaray meyd hor leh kuwo kalena ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo warbaahinta kula hadlay isgoyska Soobe ayaa xaqiijiyey in meydad hor leh laga soo saaray burburka dhismayaasha hoostooda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in weli dad lagu la’yahay nolol iyo geeri toona, isla markaana loo maleynayo inay burburka ku hoos jiraan, oo weli uu goobta ka socdo gurmad xoog leh.

Guddoomiyaha degmada Wartanabadda Seynab Xaabsay adeerkeed ayuu sheegay guddoomiyuhu in galabta maqribkii meydkiisa laga soo saaray burburka dhisme dumay hoostiisa.

“Waa maalintii labaad meydad hor leh ayaan u maleynayaa inay ku jiraan burburkaan hoostiisa, dad badan ayaa maqan, waxaan hadda ka soo saarnay guddoomiyaha Wartanabadda adeerkeed, waan u mahad celinayaa shaqaalaha iyo dadka kale ee ku howlan gurmadkaan adag,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Weli waxaa goobta ka socda gurmadka ay wadaan shaqaalaha dowladda hoose iyo dhalinyaro kale, waxaana maqan in ka badan 10 qof oo weli aan nolol iyo geeri lagu helin.

Maanta tiradii ugu badneed oo dhalinyaro ah ayaa tegay isbitaallada Muqdisho, iyagoo ku deeqaya dhiigooda, si loogu badbaadiyo dhaawacyada dhiig baxay.

Inta badan wadada weyn ee Maka Al-mukarama ayaa xiran weli, maadaama uu isgoyska Soobe ka socdo gurmadka loo fidinayo dadka loo maleynayo inay burburka dhismayaasha ku hoos jiraan.

Hoos ka daawo Duqa Muqdisho

Daawo: Shariif oo si dag uga hadlay musiibadii Zoobe 2, fariina u diray shacabka iyo DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay masiibada ka dhalatay qaraxyadii ay shalay Khawaarijtu ka geysatay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, isagoo fariin u diray shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa ugu horeyn dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si hagar la’aan ah isugu gurmadaan, maadaama ay dhacday musiibo baaxad weyn.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay la imaato qorshe cad oo looga jawaabi karo xaaladaan deg degga ah, sidoo kale wuxuu dowladda ku adkeeyey inay tallaabooyin deg deg ah Al-Shabaab uga qaado furimaha dagaalka.

“Arrintaan u jeedkeedu waa in dagaalka lagu hakiyo, waxaan soo jeedinayaa in aan loo jilcin hala sii laban laabo dagaalka, mar hore ayaa laga quustay kooxdaan dadka dhibaateyneysa, yaan dagaalka laga jilcin,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in dagaal looga furo meelaha hadda aysan dagaaladu ka socon ee kooxdu joogto, si deg deg looga guuleysto.

“Waxaa fiican in culeyska la wada qaado, meelaha ay joogaan oo dhan dagaal ha looga furo, hadda waxaa muuqata fursad weyn oo looga xoroobi karo Al-shabaab,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu codsaday in si hagar la’aan ah dowladda loo garab istaago si looga guuleysto kooxdaan, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in kooxaha Khawaarijta ah ay diinta islaamka fasir qaldan ka siiyeen dhalinyaro aan baran.

“War marka hore diinta barta, oo u soo laabta dadka Soomaaliyeed iyo dowladiina, ugu yaraan waxaad ka qeyb qaada kartaan inaad joojisaan dhiiga umadaan aan waxaba idinka galabsan,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Hay’addii ugu horeysay oo kasoo jawaabtay cosiga Xasan Sheekh ee qaraxii Zoobe 2

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO) ayaa noqotay hey’adii ugu horeysay ee kasoo jawaabto codsiga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in si deg deg ah gargaar caafimaad loola soo gaaro dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe 2 ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inay Soomaaliya u dirayaan gargaar caafimaad oo deg deg ah..

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sidoo kale tacsi u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska ay sida gaarka ah u saameeyeen qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxa WHO wuxuu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay ka kaalmeynayaan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada faraha badan, iyo hannaanka tiiraanyo bixinta dadkii ay dhibaatada xun soo gaartay.

Magaalada Muqdisho, ayaa shalay waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan qof inta la xaqiijiyey, halka saddex boqolna ay ku dhaawacmeen, waxaana jirta cabsi ah in dhimashada ay aad uga badan karto intaas.

Qaraxaan ayaa noqonaya midkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho, wuxuuna qaraxii kan khasaaraha badnaa ka dhacay isla isgoyska Zoobe shan sano ka hor 14-kii October 2017.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna sheegatay inay la beegsatay dhallinyaro la ciidameyn rabay balse sida muuqata waxaa ku dhintay dad shacab ah oo u badnaa ganacsato iyo dad isticmaalayey jidadka.

Khasaaraha qaraxyadii Zoobe 2 oo kordhay iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, illaa haddana waxa la xaqiijiyay dhimashada 104 qof, halka dhimashada ay intaas kasii badan tahay, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goordhoweyd la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in illaa hadda lala soo wadaagay in dhaawaca uu yahay 269 qof.

“Waxaa ina soo gaartay sida ay nala wadaagtay waaxda caafimaadka dhaawacu waxa uu gaaraya 269 ayey nala wadaageen, dhimashaduna 104 ayey mareysa oo illaa hadda 6 qof ayaa la aqoonsan dadkoodii,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka si fiican loo aqoonsan waayo ay masuul ka tahay dowladda Hoose ee Xamar, islamarkaana ay la wareegi doonto aasitaankooda, sida uu sheegay.

“Waxaa leenahay dadka Isbitaalada ha tagaan oo ha fiiriyaan, waxaa rabnaa in aan isku gurmano, is-kaalmeyno oo is caawino.”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu faray Isbitaalada magaalada Muqdisho inaysan lacag ka qaadin dhaawacyada ay daaweyn karaan, ayada oo xusay in dhaawacyada culus ay isla xalin doonaan dowladda.

Si kastaba, waxaa la filayaa in khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Zoobe 2 uu ka badan inta illaa hadda ay warbixintooda soo gaartay maamulka gobolka Banaadir, maadama weli maydad hor leh laga soo saarayo dhismayaashii burburay.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Ra’iisule Wasaare Xamza oo tallaabo deg deg ah qaaday kadib qaraxyadii ZOOBE 2

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhoweyd magacaabay guddi ka shaqeeya howlaha gurmadka ee qaraxyadii shalay ka dhacay Zoobe.

Guddigaan oo heer Qaran ah ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha u xilsaaray hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee shalay iyo fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.

Sidoo kale waxay guddigaan sameyn doonaa diiwaan-gelinta iyo baadi-goobka dadka la la’yahay, isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka iyo xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee isbitaallada dalka

“Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ka jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada ayaa waxa uu magacaabay guddigaan oo heer qaran ah.”

Guddigaan ayaa waxa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, sidoo kale waxa ku jira oo xubno ka ah Wasiirada wasaaradaha Amniga, Waxbarashada, Warfaafinta iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddiga gurmadka ayaa waxa uu ka kooban yahay 10 xubnood, waxay kala yihiin;

1. Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka = Guddoomiye
2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali, Wasiirka Amniga Gudaha = Xubin
3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir, Wasiirka Waxbarashada = Xubin
4. Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta = Xubin
5. Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka = Xubin
6. Abshir Maxamed Axmed, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada = Xubin
7. Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru-dowlaha xafiiska RW = Xubin
8. Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir = Xubin
9. Maxamuud Macallin Cabdulle, Guddoomiyaha SODMA = Xubin
10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax, Maareeyaha NEOC = Xogheyn

Caro ka dhalatay arrin ay sameeyeen isbitaallada Muqdisho kadib qaraxyadii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah isbitaallada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa maanta bilaabay inay lacago ka qaadaan dadka shacabka ah ee dhiiga u shubayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay isgoysa Zoobe.

Arrintan oo ah mid halis ah ayaa waxaa aad loogu baahiyey baraha bulshada, ayadoo dadweynuhuna ay si carro leh uga falceliyeen tallaabadan oo si weyn loo dhaleeceeyey isbitaallada.

Lacagta laga qaadayo dadka shacabka ah ee dhiiga tabarucaya ayaa gaareyso illaa 30 Dollar, sida ay muujinayaan dukumintiyo lagu baahiyey baraha bulshada ee Iternet-ka.

Dhinaca kale wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo durbo arrintan war ka soo saartay ayaa amar culus dul-dhigtay isbitaallada ku yaallo gudaha magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa fartay bahda caafimaadka inay shacabka Soomaaliyeed ee dhiiga u shubaya dadka ay waxyeelada soo gaartay inay u fududeeyaan habraaca looga baahan yahay ee dhiig shubista.

“Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey fareeysaa dhamaan Isbitaalada Muqdisho in Shacabka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqaan walaalahood ay dhibaatada kasoo gaartay musiibadii shalay ay u fududeeyaan habraacyada looga baahan yahay si ay u bixiyaan dhiigaga,” ayey tiri wasaaraddu.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in isbitaallada looga baahan yahay inay qaataan doorkooda oo ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada soo gaartay

“Wasaaradda Caafimaadku iyo Daryeelka Bulshad xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey adkeynaysaa in Isbitaalada ay caawiyaan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaadhay. Sidoo waxaa bulshada lawadaageynaa inay si degdeg ah u gaadhaan Isbitaalada danta guud ee Demartini, Benadir, Madiino iyo Ex-Digfeer oo  diyaar u ah fududeynta howlaha gaegaarka Caafimaad,” ayaa markale lagu yiri qoraalka wasaaradda. caafimaadka Soomaaliya.

Meydad horleh oo laga soo saaray goobaha ay shalay ka dhaceen qaraxyada ee Zoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli xaalad cakiran ay ka taagan tahay agagaarka isgoyska Zoobe oo ay shalay ka dhaceen weeraro loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey qaraxyo, waxaana xiran waddada, halkaas oo ay joogaan ciidamo dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in meydad horleh maanta laga soo saaray dhismihii ku burburay goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen ee xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Dadweyne kala duwan ayaa buux dhaafiyey aaga Zoobe, kuwaas oo baadi goobaya meydadka dad ehelladooda ah oo lagu waayey qaraxyadii ka dhacay halkaasi.

Tirada dhimashada ayaa sidoo kale aad u korortay, waxayna kor u dhaaftay illaa 100 qof, halka dhaawacana uu gaarayo 300 oo kale oo u badan dad rayid ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintan ku dhawaaqay kadib markii uu booqday goobtii uu weerarku ka dhacay, waxaana uu ka codsaday beesha caalamka inay u soo diraan dhaqaatiir iyo agab caafimaad si ay ula tacaalaan dhaawacyada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey shacabka in ay tagaan isbitaalada oo ay dhiig ugu deeqaan dadkii ku dhaawacmay weerararadan.

Si kastaba, weerkam ayaa saameyn ku reebay caasimada oo si weyn looga dareemay kadib markii ay qaraxyo xoogan ay gilgileen agagaarka isgoska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

DF oo war kasoo saartay howlgalkii lagula wareegay Masaajid Caliguduud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Masaajid Caligduud, kadib markkii ciidanka huwanta ay ka saareen xoogaga Shabaab oo sanado ku sugnaa halkaasi.

Qoraal lagu daabacay bogga wakaaladda wararka ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen Masaajid Caliguduud, kadib dagaallo ka dhacay deegaanka.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Guduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee lagu daabacay bogga Sonna.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Gorgor oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgalka fuliyey, kuwaas oo gudaha u galay deegaankaas, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale wuxuu warka intaasi kusii daraya “Sida muuqata goon kasta oo ay isku fara saaraan Khawaarijta iyo Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka waxaa uharaya Ciidanka Qaranka iyo shacabka, taas oo ah fariin cad oo muujinaysa guuldarooyinka waaweyn ee ay tunka u ridaneyso Khawaarijtu,”

Warka ka soo baxay dowladda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalkan oo ay barbar socdeen duqeymo xoogan lagu dilay in ka badan 100 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa deegaan istaraatiiji ah, islamarkaana muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, maadaama ay dhaqaale badan ka heli jiray halkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa ujeedkooda uu yahay inay gaaraan illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay halkaasi.

Hogaamiyayaasha sare ee Al-Shabaab ‘oo kala qeybsamay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka laga soo tago sheegashada Al-Qaacida ee ah in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tahay koox ku dayasho mudan, marka loo eego kooxaha kale ee ururkaan ka tirsan, islamarkaana ay guulo ka gaartay howlgaleeda, sida lagu sheegay majaladda Al-Qaacidda ee soo baxay 26 Agoosto ee sanadkaan, waxaa muuqata in warbixintan lagu qarinayo dhibaatooyinka ay kooxdaan u geysatay dadka shacabka ah iyo khilaafka dhanka hoggaanka ah ee kooxdaan ka dhex jira.

Kala qeybsanaanta soo wajahday ururka Al-Qaacidda ayaa hadda u muuqata inay u gudubtay gudaha kooxaha hoos taga ururkaan, sida uu baahiyey taleefishinka Akhbaar Alaan ee dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa weli sii socda kala qeybsanaanta ka dhex jirta ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama, gaar ahaan hoggaamiyaha ururkaasi Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda) iyo garabka uu hoggaamiyo Mahad Karataay oo ah madaxa Amniyaadka koodaan, ayuu yiri taleefishinka

Waxaa fashilmay dib u heshiisiin laga dhex sameynayey labada nin ee is heysta waa Abuu Cubeyda iyo Mahad Karataay.

Mahad Karataay ayaa marba marka ka dambaysa soo diraya fariimo muujinayo hamigiisa xilka ugu sarreeya kooxdan iyo inuu diyaar u yahay inuu qabto hoggaanka, waxayna arrintaan si weyn u soo shaac baxday markii uu fashilmay duulaankii Militari oo ay kooxdaan ku qaaday bariga Itoobiya bishii July ee lasoo dhaafay.

Duulaankaas waxay kooxdu ku weysay boqolaal ka tirsan ciidamadeeda oo dagaalka lagu dilay.

Garabka Mahad Karataay ayaa duulaankaas kadib billaabay inay muujiyaan inuu jiro daciifnimo dhanka hoggaanka ah, isla markaasna loo baahan yahay in isbadal lagu sameeyo hoggaanka sare ee kooxdaan.

Garabkaasi wuxuu rabaa inay iyagu markaan qabtaan hoggaanka, waxaana booskaas u sharaxan Mahad Karataay, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Akhbaralaan.

Maadaama xaaladda caafimaadka ee hoggaamiyaha kooxda Axmed Diiriye Abuu Cubeyda ay sii xumaaneyso waxaa sare u kacay jaanisyada uu Karataay u leeyahay inuu ka dhex muuqdo kooxda.

Hamigiisu wuxuu sare u sii kacay wixii ka dambeeyey markii la dilay ninkii loo diyaarinayey hogaamiyaha kooxda oo ahaa Cabdalla Naasir, kaas oo bil ka hor lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.

Cabdalla Naasir ayaa kamid ahaa musharixiinta ugu cad cad ee xilka uu sii baneynayo Axmed Diiriye, maadaama uu ahaa isku duwaha dhammaan howlaha kooxda, wuxuuna qaabilsanaa dhanka dagaalka, sida uu sheegay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Karatay ayaa mudooyinkii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqday warbaahinta, taas oo loo arkay inay tahay mid uu isku suuq geynayo, isla markaasna uu ku muujinayo mowqifka kooxda.

Wuxuu dhawaan Mahad Karataay wareysi siiyey TV-ga Channel 4 ee dalka Ingiriiska, wuxuuna wareysigaasi u muuqday mid horudhac u ah xil-wareejinta Diiriye iyo isku dayga lagu doonayo in lagu soo bandhigo hoggaanka la filayo.

Karataay ayaa wareysigaas ku sheegay in kooxda Al-Shabaab ay diyaar u tahay inay la wareegto hoggaanka dalka oo dhan, isla markaasna aan la cabsi gelin karin.

Sidoo kale Karataay ayaa maamula lacag aad u badan oo ay hesho kooxdaan, waxaana warbixin dhawaan lasoo saaray lagu sheegay in Al-Shabaab ay uruuriyaan lacag ka badan inta soo gasha dowladda Soomaaliya.

Warbixin ay daabacday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in miisaaniyad sanadeedka kooxdaasi ay ku dhowdahay 100 milyan oo dollar, lacagtaas ayaa u badan mid lagu khasbay inay bixiyaan ganacsatada iyo deeq shisheeye.

Qiyaastii rubuc ka mid ah lacagtaan ayaa loo qoondeeyay in lagu soo iibiyo hub casri ah si sare loogu qaado howgalada kooxdaan ay ka fuliso gudaha Soomaaliya ee ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee hadda loo bixiyey ATMIS.

Waxaa la og yahay in Mahad Karataay uu u dhaqmo qaab lagu tilmaamay inuu ka madax bannaan yahay hoggaanka kooxda, waxaana sababtaas awgeed looga qaaday xilal kala duwan oo uu horay u hayay, balse wuxuu awood u yeeshay inuu sii xoogeysto oo uu saameyntiisa sare u sii qaado, wuxuuna hadda qaabilsan yahay sirdoonka iyo amniga, iyo sidoo kale maaliyadda.

Wararku waxay daaha ka rogayaan in Diiriye uu hore awoodiisa ugu wakiishay ku xigeenkiisa Sheekh Abuu Bakar Cali Aadam, waxaana la rumeysan yahay in arrintan ay dhacday markii uu xanuunsanaa hoggaamiyaha kooxda oo gudan waayay shaqadiisa.

Tallaabadaas waxaa la sheegay inay sii xoojisay khilaafyo gudaha ah, waxayna  u muuqatay mid si ula kac ah xilka loogu dhaafinayey Karataay.

Sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Aadam – oo magaciisa lagu daray liiska argagixisada loogu doonista badan yahay Maraykanka – ayaa dhab ahaantii kooxdaasi hoggaaminayay muddo, waxayna hey’adda sheegtay in hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye uu la ildaran yahay xanuun halis ah oo saameeyey kelyaha, taas oo keentay inuu sariirta seexdo si loo daaweeyo.

Wararka sheegaya in Diiriye uu xanuunsan yahay ayaa markii ugu horeysay soo shaac baxay sanadkii 2018-kii, markaas oo la isla dhex marayay in kooxdu ay billowday qaban-qaabada ku aaddan isbedel hoggaanka sare ka hor geerida Diiriye.

Xiligaas Al-shabaab waxay cadaadis weyn kala kulmeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin Golaha Shuurada (Golaha fulinta ee kooxda), waxay isku fahmi waayeen magacaabista qofka bedeli doona hogaamiyaha, waxaana xusid mudan in Karatee uu ka mid yahay xubnaha Shuurada oo tiradooda ay tahay 10 qof.

Waxaa si weyn loo hadal hayey khilaafka u dhexeeya Karatee iyo Hoggaanka kooxda, iyadoo xilligaas uu Karataay bilaabay inuu dhaqaalaha ka xayiro hoggaanka in muddo ah taasoo cuuryaamisay awooddii hoggaanka ee bixinta mushaaraadka dagaalyahanada.

Markaas wixii ka dambeeyey Axmed Diiriye wuxuu bilaabay inuu eryo taageerayaasha Karataay oo intooda badan kasoo jeeda beesha Habargidir, Karataay dhankiisa isagoo tallaabadaas ka jawaabaya wuxuu bilaabay inuu beegsado “Raxanweyn” oo ah beesha uu kasoo jeedo Diiriye.

Sidoo kale dhalinyarada Habargidir ee kooxda ka tirsan waxay ku hanjabeen inay sameysan doonaan urur kasoo horjeeda Al-Shabaab, taas oo keentay inuu Diiriye dib u gurto oo uu soo afjaro  colaada, isagoo ka baqaya dil-dilaac ku yimaada ururka, wuxuuna Karataay xilligaas wixii ka dambeeyey sii waday inuu hoggaamiya ku adkeeyo ilaha dhaqaalaha.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah, calaamado muujinaya khilaafkan ayaa soo kala dhex galay labada nin kaddib geeridii Abdel-Fattah Berri, oo ahaa hoggaamiye ku weyn gobollada Jubbooyinka, isla markaana lagu tixgalin jiray mas’uuliyiinta ugu sarreysa kooxda.

Karate, oo sidoo kale loo yaqaan Abd al-Rahim Muhammad Warsame ayaa ku jira liiska argagixisada Mareykanka tan iyo 10-kii Abriil 2015, waxaana madaxiisa la dul saaray lacag  dhan 5 milyan oo dollar, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay weeraro ismiidaamin ah iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo gobolka ah.

Sidoo kale waxaa magaciisa lagu daray liiska cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 26-kii February ee sanadkii 2021, iyadoo lagu eedeeyey ka qaybgalka falalka khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Bishii Febraayo 2016, ciidamada Kenya ayaa ku dhawaaqay inay dileen Karatee iyo toban kale oo hoggaamiyeyaal ah oo lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay Soomaaliya, laakiin warkan ayaa noqday mid been abuur ah.

CC Sharmaarke oo ka digay arrin ka dhalan karta muddo kororsiga M/Goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka arrinta maamul goboleedyada ee ku aadan muddo kororsiga.

Sharmaarke oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha ay haatan wadaan madaxda Soomaalida ee ku aadan inay sameystaan muddo kororsi labo sano ah ayaa sheegay inay dhaawaceyso howlgallada xoreynta ah ee haatan ka socdo waddanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ceeb ku tahay in ay haatan u hanqal taagaaan muddo kororsi ay markii hore kasoo horjeedeen in loo sameeyo madaxii ka horreysay.

“Haddii ay run noqoto wararka xanta ah, waxa ay abuuri doontaa saameyn liddi ku ah, waxayna u badan tahay in ay wiiqdo dagaalka ka dhanka ah Al Shabab,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan uu magaalada Muqdisho shir uga socdo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreeyaan dagaalka Shabaab, shidaalka iyo arrimo kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Golaha ayaa isla meel dhigay in dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada isku waqti uu ka dhamaado xilka, si aan howlo doorasho aan looga mashquulin dagaalka adag ee lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

Qoddobkaan ayaa ka mid noqon doona war-murtiyeedka la filayo in uu kasoo baxo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Arrintaan ayaa ka dhigan in dhamaan madaxda dowlad-goboleedyada uu xilka isku mar ka wada dhamaan doonaan 2025-ka, xiligaasi oo ah waqtiga uu muddo xileedkiisa ku egyahay madaxweyne Cali Guudlaawe, maadama uu hore muddo sanad ah ugu daray baarlamaanka maamulkaasi.

Al-Shabaab iyo Daacish oo hal magac loo bixiyey iyo fatwo laga soo saaray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir laga soo saaray fatwo ka dhan ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, maga kooxahaan ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday Khawaarij, waxaana soo baxay bayaan ka kooban 11 qodob.

Wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa 5-tii maalmood ee lasoo dhaafay Muqdisho ku shirsanaa, waxayna soo saareen fatwo lagu taageerayo kacdoonka looga soo horjeedo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Qodobka koowaad ayaa hoosta ka xariiqaya in si aan kala har laheyn loola dagaalamo labadaas kooxood, iyadoo hadda kadib loogu yeerayo magaca (Khawaarij).

Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada, saraalkiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa ka qeyb galay munaasabadii xiritaanka shirkaas.

Madaxda ayaa halkaas ka jeedisay khudbado ay ku taageereen bayaanka wasaaradaha diinta, iyadoo aad loo naqdiyey afkaaraha diinta Islaamka ka hor imaanaya ee kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ay adeegsadaan.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow oo adkeynayay Fatwadaan ayaa carabka ku adkeeyey in dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish uu bannaan yahay, ayna sahlan tahay in laga adkaado oo la suuliyo fikirkooda kooxahaan loo bixiyey Khawaarijta.

Hoos ka akhriso 11-ka qodob ee fatwadaan lagu soo koobay:

1: In lala dagaalo Alshabaab iyo Daacish

2: Inay xaaraan tahay dhaqaale kasta oo la siiyo Khawaarijta, islamarkaana ay isku mid yihiin, qarax side iyo qarash bixiye.

3: In maanta wixii ka dambeeya kooxaha Shabaab iyo Daacish loogu yeero Khawaarijta

4: In laga horyimaado wax kaste oo ka hor imaanaya shareecada islaamka iyo dhaqanka suuban, sida isticmaalka daroogada iyo anshax xumada baraha bulshada ee internetka.

5: In la taageero, loona sameeyo qorshe iyo siyaasad qaran oo lagu horumarinayo xarumaha diinta islaamka lagu barto.

6: In la dhiso sanduuqa Sakada iyo hay’adda awqaafta qaranka Soomaaliyeed.

7: In la qabto shirweyne ay kasoo qeyb galaan culimada ku sugan dalka iyo dibadda, si looga tashado, gaar ahaan ka ilaalinta diinta islaamka afkaaraha qalloocan.

8: In muddo kooban lagu dhameystiro habraacyada iyo xeerarka laga maarmaanka u ah dhismaha golaha sare ee  culimada Soomaaliyeed  oo ay u dhan yihiin dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo noqonaya marjaca diiniga ah.

9: In arrimaha xajka ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan wasaaradda diinta iyo awqaafta dowladda Soomaaliyeed iyo wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowlad goboleedyada.

10: Shirweynuhu wuxuu bogaadinaya kacdoonka dadweynaha Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

11: Ugu dambayn, shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dammaan shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan la dagaalanka kooxaha kharaarijta diinta, bannaystana dhiiggooda iyo maalmooda.

Daawo: Xasan oo booqday Zoobe, ballan-qaaday inaysan October dambe dhicin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay booqday isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii Al-Shabaab ay shalay halkaas ka fuliyeen.

Madaxweynaha oo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadan argagixiso ayaa tilmaamay in weerarkan bahalnimada ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyey.

“Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda. Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Illaahay idin kii Oktoober kale ma dhicidoonto. Dalka dagaal buu ku jiraa,saacadan aan idin la hadlayo dagaal baa socda, geesiyaasha Ciidama Qalabka Sida ayaa  daba jooga Khawaarijta.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan argagixiso, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay inoo ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Sheekh Maxamuud oo dhiniciisa uu joogo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in dowladdu ay waxbarasho bilaash ah siineyso dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee waalidiintooda ay ku shahiideen qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay dalka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.


Turkiga iyo dowlado kale oo Carbeed oo cambaareeyey qaraxyadii Zoobe ee shalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga iyo qaar ka mid ah dalalka Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weeraradii qaraxyada ahaa Sabtidii shalay ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa looga hadlay weeraradan oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Dowladda Turkiga ayaa tacsi u dirtay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, kadib dadkii ku dhintay qaraxyadaas, ayada oo kuwa dhaawac ah u rajeysay caafimaad.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan argagaxisada ah, Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada, qaraabada iyo sidoo kale dowladda aan saaxiibada iyo walaalaha nahay ee Soomaaliya, inta dhaawacantayna waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayaa kulamo doceedyo kula yeeshay caasimada Algiers intii uu socday kulanka loogu gogol-xaarayay shir madaxeedka Carbeed ee 31aad, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq iyo qaar kale oo dhiggiisa ah oo ay ka mid yihiin, wasiirada arrimaha dibadda dalalka Suudaan, Liibiya, Falastiin iyo Sheikh Khalifa bin Ali Al-Harthy oo ah agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda Cumaan u qaabilsan arrimaha diblomaasiyadda.

Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa si adag u cambaareeyey qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaga oo tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weeraradaasi.

Sidoo kale waxa ay ballan qaadeen in ay ka qayb qaadan doonaan gurmadka caafimaad ee loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii gilgilay Zoobe.

Khasaaraha qaraxyadii Zoobe oo sii kordhaya iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isoo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii maanta ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, ilaa hadda isku dar tirada dadka geeriyooday ayaa lagu qiyaasayaa 50 qof, in kastoo dadka loola kala cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada oo aad u badan.

Dowladda Soomaaliya, ilaa hadda sooma bandhigin tira koob rasmi oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxyadii maanta, balse warbaahinta ayaa heleysa xog aad u kooban oo ka imaaneysa goobaha caafimaadka.

Wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganeysa qof ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka Madiina ayaa werisay, meydadka in ka badan 30 qof in la geeyey isbitaalkaas, sidoo kale tarada dhaawacyada ee la geeyey Madiina ayaa intaas ka badan.

Isbitaalada Digfeer iyo Somali-Sudaneys ayaa sidoo kale la geeyey meydad iyo dhaawacyo aad u badan oo cid tira koob rasmi ah ku sameysay aysan jirin.

Isbitaallada kale ee ku yaalla wadada weyn ee Maka Al-mukarama, sida Al-Caasima ayaa sidoo kale la dhigay meydadka iyo dhaawacyada tobanaan dad ah.

Carruur, haween iyo dhalinyaro wax baratay ayaa u badan dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaan oo ka dhacay isgoyska Zoobe, xilli uu maanta aad mashquul u ahaa.

Tobanaan gaadiid ah oo Bajaaj u badan iyo goobihii ganacsiyada ee aaggaas ku yaallay ayaa burburay, halka dadkii ay noqdeen wax dhintay iyo wax ku dhaawacmay qaraxyada.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxyadaas ayaa ku andacootay inay weerartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, waxayna kooxdu ku faantay inay dishay dad gaaraya 24 qof.

Labada qarax oo ka dhacay banaanka hore ee wasaaradda waxbarashada ayaa loo adeegsaday gaadiid ay wadeen kuwo naftooda haligay, mid walba wuxuu geystay khasaare baaxad leh, waxayna kooxdu bartilmaameedkeeda ku sheegtay xarunta wasaaradda.

Daawo: Madaxweynaha oo ka hadlay qaraxyadii maanta, mar kalena canaantay ganacsatada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey geerida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah ee maanta argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in culimada Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Diinta, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay 5-tii cisho ee la soo dhaafay si wadajir ah uga doodayeen hannaanka la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in taasi ay ka tarjumayso dhibaatada iyo xanuunka Al-Shabaab ay u geysteen dadkeenna Soomaaliyeed iyo been abuurka ay ku sameeyeen diinteenna suubban.

“Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa sii caddaanaysa arxan-darrada iyo cadaawadda khawaarijta Alshabaab ay u hayaan qof kasta oo Soomaaliyeed. Qaraxa, dilka, xabadda la riday, ceelka la gubay, Masaajidka la dumiyey, maatada la gumaaday, dhammaan lacagta aad bixisaa qeyb ka ah ogoow, qofkii Alshabaab lacag siiyoow,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay in culimada Soomaaliyeed ay si cad ugu oogeen xujada khawaaarijta Alshabaab, taas oo daaha ka rogtay qiil kasta oo ay ku hoos gaban jireen, kagana been abuuran jireen diinteenna suubban ee Islaamka.

“Maanta ma jiro hal qof oo shaki uu kaga jiro qorshaha rasmiga ah ee argagixisada Alshabaab in uu yahay xasuuqa iyo gumaadka dadkeenna, goob kasta iyo goor kasta, laakiin taasi uma hirgaleyso, idam Alle, dalkana waan ka sifaynaynaa” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo ee kooxdan khawaarijta ahi kula beegsadeen Soobe in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Hoos ka daawo

Maxamed Ciise Koonaa: Waxaa hore loo dilay, aabihiis, hooyadiis iyo walaalkiiis, isna maanta ayaa la dilay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Weriye Maxamed Ciise Xasan (Koonaa) ayaa ka mid ahaa tobanaan dadka ah oo maanta lagu dilay qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, geerida iyo qisada qoyka Maxamed ayaa sacadihii u dambeeyey aad ugu faaftay baraha bulshada.

Maxamed Ciise ayaa mudooyinkii dambe ka howlgelayey M24 TV oo xaruntiisu ay ku dhowdahay dhismaha wasaaradda waxbarashada oo maanta banaankeeda hore ay qaraxyadaasi ka dhaceen.

Weriyayaashii ay shaqo wadaagta aheen ayaa Caasimada Online u sheegay in markii qaraxa hore uu dhacay uu ka soo baxay xarunta oo goobta qaraxu uu ka dhacay uu soo aaday.

Markii uu soo istaagay laamiga, waxaa qarxay gaarigii labaad oo aad ugu dhawaa isaga, halkaas ayey ku geeriyoodeen isaga iyo dad kale oo badan.

Allaha u naxariistee Weriye Maxamed wuxuu ka u dambeeyey qoyskiisa reer Ciise Xasan oo siyaabo kala duwan loo dilay.

Mar uu wareysi bixiyey ayuu sheegay in isagoo yar la dilay Hooyadiis iyo Aabihiis, sidoo kale laba sano ka hor ayaa walaalkiis Mahad Ciise lagu dilay dalka Koonfur Afrika, kaligiis ayaana ka noolaa reerka, isagiina maanta ayaa la dilay.

Maxamed wuxuu horay u sheegay in Aabihiis Ciise Xasan uu hoobiye ku dilay maqaayad uu fadhiyey intii ay dalka ka socdeen dagaalladii sokeeye.

Sidoo kale Hooyadiis ayuu sheegay in lagu dilay isgoyska Baar-ubax, isagoo aad u yar, walaalkiis oo Hooyo iyo Aabe la’aan ay ku soo wada koreen ayaa lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

Wareysigii uu Maxamed bixiyey maalmihii la dilay walaalkiis wuxuu ku sheegay in qadarta Alle uu ku qanacsan yahay, laakiin uu aad uga murugoonayo in waalidkiis iyo walaalkiis la dilay oo kaligiis uu ka nool yahay reer Ciise Xasan.

Berri ayaa lagu wadaa in Muqdisho lagu aaso meydka Allaha u naxariistee Weriye Maxamed Ciise Koonaa.

Weriyihii ugu dambeeyey ee la socday Koonaa ayaa ka sheekeeyey wixii uu arkay.