31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

R/W XAMZA oo war kasoo saaray qaraxyadii maanta, sheegay inay ka dhigan yihiin…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxyadii maanta ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho oo shacab badan lagu dilay.

Xamza ayaa weerarka ku tilmaamay “mid naf lacaari ah oo khawaarijtu ay ku dadka maatida ah,” waxaana uu sheegay in aanu marnaba niyad jabin doonin kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ay Dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagu ciribtiraayo Khawaarijta. 

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Allaah uga baryay inuu Janatul Fardowsa ugu deeqo dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee Shuhadada ahaa ee maanta Khawaarijtu ku laayeen Magaalada Muqdishu.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in qaraxyada maanta dhacay ay tusaale u yihiin hadafka guud ee Khawaarijta oo ah inay baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo aan kala sooceyn carruur, dhallinyaro, haween iyo waayeel intaba.

Waxaa mar kale uu Ra’iisul Wasaaruhu ku celiyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo dabargoyn lahaa kooxda argagixisada ee gabalkoodu sii dhacayo, isagoo shacabkana ugu baaqay in si wadajir ah la isaga kaashado ka hortagga dhagarta ay maleegayaan.

Labadii qaraxi ee maanta ayaa ujeedkoodu ahaa in lala beegsado wasaaradda waxbarashada, oo ku taalla agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho. 

Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya G/lle Sidiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay inay kooxda Al-Shabaab qaraxyadaas la damacsaneyd inay la beegsato arday ku sugneyd gudaha wasaaradda waxbarashada.

Doodishe wuxuu sheegay inay qaraxyada khasaaro kasoo gaareen dad shacab ah oo ay ku jireen carruur iyo hooyooyin ku sugnaa meesha uu qaraxa ka dhacay.

Afhayeenka ma uusan sheegin tirada dhaawaca iyo dhimashada ee ka dhashay qaraxyadaan dhacay maanta, balse wuxuu sheegay inay ciidamada dowladda ka hor tageen islamarkaana ay yareeyeen khasaarihii ka dhalan lahaa sida uu hadalka u dhigay.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka isbitaalada ah waxaa qaraxyadaan ku dhintay in  ka badan 20 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafayo intaas.

Daawo: Booliska oo faah-faahin ka bixiyey labadii QARAX ee ka dhacay Zoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya G/lle Sidiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey qaraxyadii ay maanta kooxda Al-Shabaab ka fulisay isgoyska Soobe.

Afhayeenka ciidamada Booliska ayaa sheegay inay halkaas ka dhaceyn laba qarax oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab, isl markaana aysan u dhicin sidii ay ugu talagaleen.

Afhayeenka ayaa sheegay inay kooxda Al-Shabaab qaraxyadaas la damacsaneyd inay la beegsato arday ku sugneyd gudaha wasaaradda waxbarashada oo ku taalla meel u dhow halka ay labada qarax ka dhaceyn.

Doodishe wuxuu sheegay inay qaraxyada khasaaro kasoo gaareen dad shacab ah oo ay ku jireen carruur iyo hooyooyin ku sugnaa meesha uu qaraxa ka dhacay.

Afhayeenka ma uusan sheegin tirada dhaawaca iyo dhimashada ee ka dhashay qaraxyadaan dhacay maanta, balse wuxuu sheegay inay ciidamada dowladda ka hor tageen islamarkaana ay yareeyeen khasaarihii ka dhalan lahaa sida uu hadalka u dhigay.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka isbitaalada ah waxaa qaraxyadaan ku dhintay in  ka badan 20 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafayo intaas.

Dadka ku dhintay qaraxayadaan waxaa kamid ah taliyihii booliska ee degmada Hodan Xuseen Cadceed iyo wariye Koonaa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay wariyayaal kale.

Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin labadaan qarax oo ay khasaaro xoog leh kasoo gaartay dad shacabka ah oo ku sugnaa Isgoyska Zoobe oo ah halkii ay kooxdaan dhowr sano ka hor ku dishay in ka badan 500 qof oo shacab ah.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee afhayeenka booliska

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyada ka dhacay aagga Zoobe ee Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qaraxyada maanta agagaarka Laami Yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ka dhow Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, balse waxay xogtu sheegeysa inaan wasaaradda si toos ah loo qarixin.

Qaraxyada ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac xoog leh, waxaana Caasimada Online ay illaa iyo hadda xaqiijisay 20 dhimasho, dhaawacana aad ayuu uga badan yahay intaas.

Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in qaraxa labaad uu ku dhintay taliyihii booliska ee degmada Hodan Xuseen Cadcadeed kaasoo dhawaan laga soo badalay degmada Wardhiigley, waxaana sidoo kale la dhintay qaar ka tirsan ilaaladiisas.

Sidoo kale dadka illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen waxaa kamid ah wariye Maxamed Ciise Koonaa oo u shaqeenayey M24 TV, kana mid ah suxufiyiinta ugu caansan magaalada. Sidoo kale weriye Cabdulqaadir OK oo ka tirsan VOA ayaa dhaawac ah.

Waxaa jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa agagaarka xarunta, waxayna wasaaradda ku taalay meel aad u mashquul badan oo isgoys ah.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay, wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Shiikh Cabdulqaadir, ku-xigeenka iyo agaasmaha guud ee wasaaradda ayaa gebi ahaanba ka maqnaa xarunta wasaradda oo la rumeysan yahay in bartilmaameedku ahaa.

Ciidamada DF oo gudaha u galay Masaajid Caliguduud

0

Cadale (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay maanta si buuxda ula wareegeen deegaanka Masaajid Caliguud oo labadii todobaad ee ugu dambeysay ay isku hayeen dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Gorgor ee Xoogga dalka ay gudaha u galeen deegaankaasi, kadib markii ay xalay ka baxeen Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay markii hore madaafiic la dhaceen deegaanka, gaar ahaan aagga ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, taas oo keentay inay ka cararaan duqeymaha iyo sidoo kale dagaalka foolka foolka ee uga yimid ciidamada.

Saraakiil ka tirsan milatariga oo ku sugan Masaajid Caliguduud ayaa sheegay inay wadaan howlgallo ballaaran, waxayna shaaciyeen in Shabaab ay qaraxyo ku aaseen halkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ka warbixiso howlgalka ay dib ugula wareegtay Masaajid Caliguduud, waxaana saacadaha socdo shir jaraa’id qaban doono taliyaha ciidanka dhulka, Generaal Maxame Tahliil Biixi oo jooga jiida hore ee dagaalka.

Masaajid Caliguud ayaa muddo sanado ah waxaa ka talinayey xoogaga Al-Shabaab oo dhaqaale badan ka heli jiray deegaankaasi, balse maanta laga fara maroojiyey.

Ciidamada howlgalka wada ayaa ku sii jeeda illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga weyn ee kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah kacdoonka ay hor-boodeyso dowladda Soomaaliya oo kaashaneyso dadka deegaanka, kaas oo meelo badan looga qabsaday Al-Shabaab.

Maxkamadda Ciidamada oo DIL ku fulineysa xubnihii ugu badnaa ee Al-Shabaab

0

Muqidisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo maalmihii u dambeeyey kordhisay fulinta toogashada ah ayaa lagu wadaa in 60 cisho ee soo socdo ay soo gabagabeyso xubnaha Al-Shabaab ee toogashada ku xukumay.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay saraakiisha maxkamadda inuu amray in la dadajiyo dilka xubnaha Al-Shabaab ee horey xukunnada toogashada loogu riday, balse aan lagu filin xilligii Farmaajo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online illaa 26 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana ah dil sugayaal ayaa maalmaha soo socdo la geyn doono tiirka, si loo qisaaso.

Qorshaha dowladda federaalka ah ayaa ah in labada bil ee ka harsan sanadkan 2022-ka in lagu dhameeyo toogashada dadka xukuman, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Guud ahaan dadka dilka ku xukuman ayaa  gaaraya illaa 119 qof, 90 ka mid ah ayaa rayid, halka 29-ka soo harayna oo 4 toogashadooda la fuliyay ay yihiin xubnoShabaab ah.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka.

Si kastaba, xukunada toogashada ah ayaa waxaa inta kasoo horjeesta dalal reer galbeedka iyo hay’adda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo aad u cambaareeya fulinta dilalkaasi.

Sawirro: DF oo wafdi u dirtay Buuloburde + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online)Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa gaaray magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS Cabdi Nuur Fiidow, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasilinta. 

Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, arrimamaha dib u xorreynta, qiimeynta iyo dhismaha buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale kulammo la yeeshay saraakiisha amniga ee ka socdo ATMIS, ciidanka xooga dalka, Booliiska , maamulka degmada iyo bulshada rayidka.

Buuloburde ayaa ka mid ah magaalooyinka ay haatan ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana magaaladaas ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa deegaanka ee u istaagay iska caabinta xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Askari ka tirsan ciidamada DF oo Muqdisho ka gaystay dil iyo dhaawac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo murugo leh oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo lagu dilay gabar ardayad aheyd, mid kalena lagu dhaawacay, kadib rasaas uu ku furay askari ka tirsan dowladda.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Allaha u naxariistee waxaa rasaasta uu furay askariga oo mar dambe goobta ka baxsaday ku geeriyootay Asmo Cabdullahi Warsame, ayada oo ay ku dhaawacantay gabar kale oo ay saaxibo ahaayeen taas oo lagu magacaabo Najmo Qaasim Maxamuud.

Meydka gabadha la dilay ayaa la geeyey isbitaalka Madiina, halkaas oo ay isugu tageen ehellada marxuumadda iyo ardayda Jaamacadda Banaadir oo ay wax isla baranayeen.

“Gabadhaas gabar kale ayaa la socotay oo la dhaawacantay saaxibteed aheyd waxaa dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda ka bacdina meesha ayuu ka cararay illaa haddana ma heyno,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada gabadha la dilay oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dowladda federaalkla ah ee Soomaaliya isaga oo ka dalbaday inay cadaalad u helaan dilka loo geystay gabadhooda.

“Cadaalad ayaan rabnaa in gabadhaas masaakiinta ah ee Jaamacadda dhiganeysay oo indhihii waxbarashada qayb ka mid ah aheyd in ay hesho cadaalad dowladda federaalka iyo taliska booliska gobolka Banaadir ayaan ka codsaneynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Qaar ka mid ah ardayda ay isku fasalka ahaayeen marxuumadda ayaa dhankooda ka hadlay dareenkooda, waxayna baaq u direen madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

“Geerida iyada oo xaq ah ayey kala xanuun badan tahay, ayna ka saameyn badan tahay qof go’aansaday inuu dhaqtar noqdo oo waalidkiis hiil & garab la garab taagnaayeen ayaa si fudud lagu dilay, cadaalad ayaan uga baahanahay dowlada,” ayey tiri ka mid ah gabdhaha ay wax isla baranayeen Asmo oo maanta lagu dilay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Inta badan askarta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, waxaana dhibaatada ugu badan ay soo gaartaa shacabka.

Nuuradin Xaaji oo dambiyo culus kusoo oogay booliska waddanka KENYA + Sababta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dacwad oogayaasha Kenya ayaa go’aan taariikhi ah oo ay gaareen ku sheegay Jimcihii inay kusoo oogi doonaan saraakiisha booliiska dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, kuwaas oo la xiriira olole dhiig badan ku daatay oo lagu qaaday mudaaharaadyadii ka dhashay doorashadii 2017-kii.

Eedaha loo haysto booliska ayaa waxaa ka mid ah kufsi, dil iyo jir dil, waxaana ka mid ah kiiska gabar lix bilood jir ah oo dhimashadeeda ay calaamad u noqotay falkii naxariis darrada ahaa ee boolisku ay geysteen intii lagu guda jiray doorashadii uu dhiiga badan ku daatay.

“Tani waa kiiskii ugu horreeyay ee dambiyada ka dhanka ah bini’aadminimada ee lagu soo oogo sharciga gudaha ee Kenya, iyadoo la raacayo sharciga dambiyada caalamiga ah iyo sidoo kale dacwad dambiyeedkii ugu horreeya ee xadgudubyada galmada la xiriira,” ayuu yiri Nooraddin Haji, Agaasimaha Dacwad-oogista.

Sarkaal ka tirsan xafiiska dacwad oogaha ayaa sheegay in 12 ka mid ah saraakiisha sarsare ee booliiska ay wajahayaan dacwado.

Howlgalkii booliiska ee daba socday doorashadii madaxtooyada ee lagu murmay ee Ogosto 2017 ayaa lagu dilay tobannaan qof muddo afar bilood ah.

Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya ayaa diiwaangeliyay 94 dhimasho ah intii lagu jiray xiisadda iyo sidoo kale 201 xaaladood oo xadgudub galmo ah iyo in ka badan 300 oo dhaawac ah — kuwaas oo intooda badan loo aanaynayo ciidamada ammaanka.

“Weerarradu waxay ahaayeen kuwo qorsheysan, la isku dubariday oo aan si kedis ah u dhicin,” ayaa lagu yiri bayaanka Agaasimaha Dacwad-oogayaasha Nooradin Haji, iyadoo lagu sheegay dambiyada kala duwan sida jirdilka, kufsiga iyo tacaddiyada galmada “ay ay geysteen ama hoos yimaadaan awoodda saraakiisha sare ee booliiska qaranka”.

Ilmo yar oo lagu magacaabo Samantha Pendo ayaa geeriyootay kadib markii ay garaaceen booliska xilli ay ku guda jireen weerar ay ku qaadeen guri ay daganaayeen dad mudaaharaadayaal ah oo ku sugnaa galbeedka magaalada Kisumu. Baaritaanka lagu sameeyay meydka ayaa muujiyay in Samantha uu soo gaaray dhaawacyo weyn oo madaxa ah, taasoo ka dhalatay awood arxan darro ah oo ay booliisku u adeegsadeen.

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka, Volker Turk, ayaa soo dhaweeyay go’aanka “bilowga ah” ee dacwad-oogaha Kenya, isagoo sheegay in uu “horumar muhiim ah u yahay isla xisaabtanka xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee Kenya.”

Xaaji, wuxuu sheegay Jimcihii in dad badan ay la kulmeen dhacdooyin xanuun iyo rafaad leh oo aan la sheegin intii lagu jiray caburinta dibadbaxyada.

VOA + AFP.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka golaha wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo Khamiistii ka furmay xarunta Villa Soomaaliya.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay ka qayb-galayaan ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Bare, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka.

Madaxda shirka ku sugan ayaa shalay nasiino galay, maadaamo ay aheyd Jimco, waxaana la filayaa in shirka maanta la sii amba qaado, si looga sii doodo qodobada miiska saaran.

Dhinacyada ay dooda u dhexeyso ayaa sidoo kale saacadihii ugu dambeeyey yeeshay kulamo gaar gaar ah, ayaga oo ka arrinsanayaa xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Arrimahga laga wadahadlayo waxaa ka mid ah amniga, gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab, xoojinta wada-shaqeynta dhexdooda, shidaalka iyo bani’aadanimada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Golaha ayaa isla meel dhigay in dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada isku waqti uu ka dhamaado xilka, si aan howlo doorasho aan looga mashquulin dagaalka adag ee lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

Qoddobkaan ayaa ka mid noqon doona war-murtiyeedka la filayo in uu kasoo baxo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in shirka la soo gabagabeyn doono gelinka dambe ee maanta, ayada oo la soo saari doono war-murtiyeed qodobeysan oo ay isku raaci doonaan madaxda dowlada dhexe, kuwa dowlad goboleedyada & duqa Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska ku soo laabtay 15-kii May ee sanadkan 2022 ayaa kulamo hore la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, isagoo kala wada hadlay sii amba qaadida howlaha waa weyn ee horyaalla dowladdiisa cusub iyo sidoo kale wada shaqeynta labada dhinac.

Daawo: Xildhibaanno balan-qaad cusub ka sameeyey DAGAALKA Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Buraale iyo Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir ayaa maanta Hiiraan kula hadlay dadka beeshooda ee u istaagay inay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanadaan oo dadkooda ku dhiira-geliyey halganka ay ku jiraan ayaa u balan qaaday inay dhex joogi doonaan deegaanada beeshooda inta ay dagaalka kula jiraan Al-Shabaab.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir ayaa yiri, “Dagaalka lagula jiro cadowga ee Hiiraan, waxa uu ku bilowday si fudud oo aan horey loogu balamin, balse maanta wuxuu marayaa in Soomaali oo dhan ku wada baraarugto, mana ka hari doono Shabaab ilaa dalka laga wada xoreeyo.”

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Buraale ayaa dadkiisa u balan qaaday markii laga guuleysto Al-Shabaab inuu u dhisi doono goobo waxbarasho iyo xarumo caafimaad.

“Waxa ugu muhimsan ee aan howlgalka qeyb uga nahay waa in Khawaarijta laga xoreeyo dhulkeena, kadibna laga hirgaliyo adeegyadii bulshada,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale.

Halgan xoog leh oo Al-shabaab looga xoreynayo deegaanadii ay heysteen ayaa ka socda gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in siyaasiyiinta, saraakiisha, masuuliyiinta iyo shacabka reer Hiiraan, gaar ahaan beesha Xawaadle aysan u kala harin dagaalkaan.

Hoos ka daawo

Maraykanka: “Shiinuhu waa khatarta ugu sarraysa ee danaha dalka Maraykanka”

Washington (Caasimada Online) – Sida lagu sheegay Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo dhowaan la sii daayey, dalka Shiinaha ayaa ah caqabadda ugu sarraysa ee danaha amniga qaranka ee Maraykanka, halka Ruushka lagu tilmaamay in xaaladdiisu ay tahay mid “ba’an”, maadaama uu sii wado dagaalka “axmaqnimada” ah ee uu ka wado dalka Ukraine.

“[Jamhuuriyadda dadka ee Shiinuhu] waa dalka keliya ee tartan xooggan kula jira [Maraykanka], marka la eego hindisaha ah, in dib loo qaabeeyo nidaamka caalamiga ah, iyo iyada oo ay sii kordhayso awoodda uu sidaas ku samayn karo,” ayuu yiri xoghayaha difaaca ee Maraykanku oo khamiistii weriyayaasha kula hadlay Pentagon-ka.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka oo warbaahinta la hadlay, hase ahaatee magaciisa qariyey, ayaa sheegay in awooda Shiinuhu ay sii kordhayso, isaga oo horumariyey nidaam uu kula tartami karo Maraykanka, marka la joogo dalalka caalamka, gaar ahaan dhinaca Milateriga, dhaqaalaha, farsamada casriga ah iyo diblomaasiyadda.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay, in Maraykanku uu dib u casriyeeyey hannaankiisa dagaalka, gaar ahaan dhinaca hawada sare iyo dhinaca internetka, si loogu muujiyo cid kasta oo cadow ah, “dhibaatada uga iman karta haddii ay ku gardarroodaan Maraykanka ama xulafadiisa.”

Warbixinta Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo ah mid la baahiyey, ayaa ku soo aadaysa xilli Maraykanka iyo Shiinuhu ay ku kala aragti duwan yihiin xaaladaha Taiwan. Shiinaha ayaa marar kala duwan ku hanjabay inuu xoog kula wareeji doono Taiwan haddii ay lagama maarmaan noqoto, sidoo kale Ruushka ayaa isagu weerar toosa ku qaaday Ukraine bishii February, isagoo si joogto ah u duqeynaya magaalooyinka dalkaas oo uu xataa u isticmaalay diyaaro ay samaysay Iran.

Warbixinta istiraatijiyadda aan la kala saarin ayaa timid iyadoo Shiinaha iyo Ruushka labaduba ay sare u qaadeen gardarrada ka dhanka ah deriskooda. Shiinuhu wuxuu si isdaba joog ah ugu hanjabay inuu maamuli doono Taiwan, xoog haddii loo baahdo, Ruushka ayaa weeraray Ukraine bishii Febraayo wuxuuna sii wadaa inuu weeraro magaalooyinka iyo magaalooyinka Yukreeniyaan gantaalada iyo xitaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kamikaze ee Iran.

Nuqul sir ah oo ka mida warbixinta ayaa loo gudbiyey Congress-ka horraantii sannadkan.

Sarkaale sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca oo la hadlay weriyeyaasha ayaa sheegay in hubka Nukliyeerku uu sii ahaan doono “udub-dhexaadka” tallaabooyinka ay ciidamada milateriga ee Maraykanku ay u isticmaali doonaan cabsigelinta.

Sida ku cad warbixintan, Maraykanka ayaa haatan waajahaya tartan uga imanaya laba quwadood oo ku hubaysan hubka nukliyeerka, oo kala ah Ruushka iyo Shiinaha.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in gardarrada uu Ruushku ka wado dalka Ukraine, inay abuurtay halis degdeg ah, wuxuuna sheegay in Maraykanku uu kor u qaaday ciidamadii ka joogay qaaradda Yurub, kuwaas oo hore u ahaa 80,000 halka uu haatan gaarsiiyey 100,000.

Istaraatiijiyada cusubi waxay ku baaqaysaa in horumarin ballaaran lagu sameeyo laga bilaabo dhinaca teknoolojiyadda casriga ah illaa hubka kala duwan. Xoghayaha ayaa sheegay in miisaaniyad sannadeedka 2023 ay ku jirto lacag ka badan $130 bilyan oo dollar oo loogu talo galay in loo isticmaalo cilmi-baaris iyo horumarin, tasoo noqonaysa lacagtii ugu badnayd ee abid uu Maraykanku u qorsheeyo dhinaca horumarinta iyo cilmi-baarista.

VOA

Dhageyso: Booliska DF oo digniin ka soo saaray qorshe ay wadaan odayaal dhaqameed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa digniin u diray odayaal dhaqan oo la sheegay inay hor taagan yihiin maxkamadaha dalka, kuwaas oo doonaya inay xeer dhaqameed ku xaliyaan kiiska gabar 7-sano jir ah oo maalmo ka hor lagu dilay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in booliska Soomaaliya aysan yeelin doonin in kiis dambe oo gacanta lagu hayo qofkii ku geystay aan lagu xali doonin xeer-jajab.

Wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan haweeneydii qiratay inay dishay gabadhaas yar ee shaqaalaha u ahayd, sidoo kalena uu meesha ku jiro dembi kale oo ah in cunug saqiir ah aan la shaqaaleysii karin.

“Xeerkeena dhaqanku ma xuma, laakiin malahan cidii qaadan laheyd dembiga, sharciga dalkaan wuxuu dhigayaa in la helo cid qaada masuuliyadda dembigii dhacay, marka dembiyada dhacaya dhaqan in lagu xaliyo uma rabno,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Afhayeenka booliska ayaa intaas ku sii daray in cunug saqiir ah aan la shaqaaleysii karin, sida sharciga dalku dhigayo, balse hadda uu dil meesha yimid, taas oo qasab ka dhigeysa in dembigaan lagu xaliyo garsoorka dalka.

“Waxaan ka digeynaa in xeer dhaqameed lala soo aado dembiyada noocaan ah, sababta ay u soo laalaabanayaan waa sida loo xaliyo, waana u digeynaa odayaasha doonaya inay dhaqan iyo xeer-jajab ku xaliyaan kiiskaan,” ayuu yiri Afhayeenka Boosiska Soomaaliya.

Haweeney loo heysto dilka gabar yar oo 7-sano jir ah, isla markaana uu boolisku shaaciyey inay qiratay dilkaas iyo seygeeda ayaa la soo xiray maalin ka hor, wuxuuna booliska Soomaaliya ku adkeysanayaa in kiiskaan sharciga la marsiiyo.

Hoos ka dhageyso

Askarigii loo haystay dilka xildhibaan Juweyriya Subcis oo ka hadlay ‘sababta dilka’

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn uga hadlayay dilkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga maalintii Talaadada loogu geystay Juweyriya Subcis oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sheekadan ayaa weji kale yeelatay markii uu askariga lagu eedeynayay dilka Juweyriya isaga qudhiisa qirtay inuu si “ula kac ah” u toogtay marxuumadda, sida BBC u sheegay ku xigeenka hogaanka nabadgalyada deegaanka Soomaalida, Maxamed Axmed Gureey.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdadaas oo sababtay mudaharaad ay sameeyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo dalbanayay in ay caddaalad helaan qoyska Juweyriya oo ahayd hooyo 26 jir ahayd oo ka tagtay labo carruur ah.

Waaxda dembi baaristu waxay sheegaysaa in ninkan isagu dilka geystay uu qirtay in uu falkaas u geystay si ulakac ah. Maxamed Guurey waxa uu BBC iyo warbaahin kale ba u sheegay in ninkan dembi ka hor qirtay maxkamada 26-kii bishan oo ahayd maalintii ku xigtay maalinta uu dhacay dilka.

Si kastaba, ma jirto ilo wareed kale oo madaxbaan oo arrinkan xaqiijisay, iyadoo aysan warbaahinta goobjoog u ahayn dhegeysiga dacwada.

Ku xigeenka hogaanka nabadgalyada deegaanka Soomaalida, Maxamed Axmed Gureey oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in uu askarigan qirtay in uu dilka isaga geystay.

“Ninkaas booliiska ayaa gacanta ku haya wuuna xiran yahay wuuna qirtay dilka inuu geystay,” ayuu yiri Gureey.

Waxa uu sarkaalkan sheegay in maalintii uu dilka dhacay maalintii ku xigtayba eedeysanaha la hor geeyay Maxkamadda gobolka Faafan, maadaama aan la heyn karin wax ka badan 48 saacadood, markii garsoorka la hor geeyayna uu maxkamadda ka qirtay inuu geystay dilka.

Maxkamadda ayaa oggolaatay in boolisku ay sii hayaan si loo wado baaritaannada, sida uu sheegay Gureey. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kiiska eedeysanaha si rasmi ah loo furi doono maalinta Isniinta ah.

“Muran”

Askarigan ayaa sheegay in ka hor inta uusan dilka gaysan uu muran dhex maray isaga iyo gabadha sidaasina uu u toogtay.

“Waan careysnaa oo hadallo ayaan isdhaafsannay yuu isagu ku andacoonayaa, waan murannay, gabdhuhu wax bay igu yiraahdeen aanan raalli ka ahayn markaa goor aan xabad ku furay-ba ma aanan garanayn, saas ayuu hadda ku doodayaa,” ayuu yiri Gureey.

Nooma suurtogelin in aan helno qareenada u doodaya eedeysanaha ka tirsan ciidamada booliska Itoobiya ee ka howlgalla garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga.

Ku xigeenka madaxa nabadgalyada deegaanka Soomaalida Maxamed Axmed Gureey ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan askar kale oo la xiran askariga ku eedeysan dilka xildhibaan Juweyriya, iyadoo ay boolisku weli wadaan baaritaan dheeraad ah oo ku ogaanayaan sida ay wax u dhaceen. Dadka la xiran eedeysanaha waxaa ka mid ah askar kale oo shaqada kula qorneyd maalintaas, sida uu sheegay Maxamed Gureey.

“Ma jirin cid ku wehelisay falka”

Maxamed Gureey ayaa dhanka kale sheegay in askarigan uu sheegay in dilka uu kaligii ku ahaa oo aysan cid ku wehelisay aysan jirin.

“Wuxuu sheegay in kaligii uu ahaa oo aysan jirin cid kale oo ku wehelisa, xabadahana cidda riday uu isaga yahay, qofka wax toogatayna uu isaga yahay intaas-na wuu qirtay,” ayuu Gureey sii raaciyay hadalkiisa.

Waxaa uu intaa ku daray in weli ay wadaan baaritaannada ay ku hubinayaan arrinkan.

Dilka xildhibaan Juweyriya Subics ayaa waxaa ka dhalatay caro iyo dibadbaxyo kooban oo ka dhacay magaalada Jigjiga.

Mareykanka oo ka hadlay geerida Juweyriya

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa Khamiistii tacsi u dirtay qoyska iyo ehelada xildhibaannaddii la dilay, waxayna sheegtay in ay ka mid ahayd dadkii wax ka bartay barnaamij ay Mareykanku fuliyeen oo loogu talogalay hoggaamiyeyaasha da’da yar ee Afrika.

Bayaan lasoo dhigay bogga saraafadda ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Juweyriya ay ahayd samafale si weyn u daneyn jirtay in gabdhaha yar yar iyo haweenkuba ay helaan xuquuqdooda.

Marka laga soo tago xubinnimada baarlamaanka ee dowlad deegaanka iyo xisbiga talada haya, Juweyriya waxa ay sidoo kale ahayd Agaasimaha Ogaden Welfare Society, oo ah hay’ad aan dowli ahayn oo caawisa dadka kaalmada u baahan, sida uu tebiyay wargeyska kasoo baxa Itoobiya ee Addis Standard.

Isha: BBC SOMALI

Maxaad ka ogtahay awoodda 3-aad ee DF sida weyn ugu adeegsaneyso Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kacdoonka shacab ee ka dhanka Al-Shabaab iyo go’aanka adag ee madaxweynaha Soomaaliya ee dagaalka socda, ayaa marka laga imaado waxa jira dhinac kale oo si weyn u jabiyay awooddii dagaal ee Al-Shabaab.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ayaa ah awooda saddexaad ee dowladda federaalka Soomaaliya u adeegsaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa ay beesha caalamka ka dalbatay inay si dhab ah ugala qeyb qaatan dagaaalka socda.

Kadib dalabkaas waxay diyaaradaha Drones-ka ee dalalka Mareykanka iyo Turkiga ay bilaabeen duqeymo iyo sahmin joogto ah, kuwaasi oo dhaawac weyn u geystay awoodii ciidan ee Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay dowladda sameysay goob laga maamulo duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha Drones-ka, ayada oo xili kasta oo dowladda ay dalbato duqeyn dhinaca cirka ah si deg deg ah uga jawaabaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Diyaaradahaan ayaa u sahlay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka inay helaan xogaha Al-Shabaab, gaar ahaan gawaarida qaraxyada wada iyo abaabulka xoogaga Al-Shabaab, ayaga oo gebi ahaanba hakiyay dagaaladii gaadmada ahaa ee kooxda ku weerari jireen fariisimaha ciidamada dowladda.

Tan iyo markii ay si toos ah u billowdeen duqeymaha diyaaradaha aan duliyaha laheyn ayaa sidoo kale waxaa ku adkaatay Al-Shabaab inay is aruursadaan oo ay fuliyaan dagaaladii cusla ee ay ku qaadi jireen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika.

Si kastaba, Dadka ku xeel dheer arrimahaan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ku adag tahay inay sii wadaan dagaalka haddii ay sii socdaan duqeymaha ay fulinayaan diyaaradahaan, kuwaasi oo toddobaadyadii u dambeeyay lagu dilay dagaal-yahano badan oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana lagu gubay gawaari ay ku diyaariyeen qaraxyo.

Cagjar oo si lama filaan uga hadlay rabshadaha ka dhashay dilkii Xildhibaan Juweeriya

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay sida ay ugu muuqdaan rabshadihii xigay dilkii xildhibaan Juweeriya Subcis loogu geystay garoonka diyaaradaha Jigjiga.

Madaxweyne Cagjar oo qoraal dheer kasoo saaray arrintaan, ayaa waxa uu dibad-baxyada ay dadku dareenkooda ku cabirayeen ku tilmaamay wax lagu diirsado.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dibadbaxyadan ka turjumayaan soo noolaanshaha damiirka shacabka deegaanka, isaga oo dhinaca kalena dadka isku soo baxay ku dhaliilay qaabka ay u wajaheen arrinta iyo sida ay uga falceliyeen.

“Waxaa mar walba haboon in aan is xusuusino in rabitaan shacab oo aan jiheeysnayn ama dareen ayna tab iyo xeelad la socon uuna meelna ina gaadhsiinayn. Waxaa caqabadaha soo jireenka ah iyo kuwa taaganba lagaga bixi karaa fahan fiican, muwaafaqo iyo Samir,” ayuu yiri.

Hoos ka aqriso qoraalka madaxweyne Cagjar oo dhameystiran.

Waa wax lagu diirsado soo noolaanshaha damiirka shacabka deegaankeena oo maanta maraya in uu ka dhiidhiyo dhacda walba oo uu u arko inay tahay gardaro.

Waa himilooyinkii halganadii dheeraa ee lagu jiray in dadku ka baxaan dulmi iyo duleeysi. Mana dhibsanayno wixii dareen iyo dardaaran ah ee ama cadaalad loogu raadinayo cid dulman ama lagaga falcelinayo xadgudub lagula kaco muwaadin shacabkeena kamid ah.

Sidaa oo ay tahay waxaa mar walba haboon in aan is xusuusino in rabitaan shacab oo aan jiheeysnayn ama dareen ayna tab iyo xeelad la socon uuna meelna ina gaadhsiinayn. Waxaa caqabadaha soo jireenka ah iyo kuwa taaganba lagaga bixi karaa fahan fiican, muwaafaqo iyo Samir.

Dhacdadii shalay ee dilka Xildhibaan Juweriya sida looga falceliyay waxay makhraati ka tahay isabadalka ka dhacay deegaanka iyo soo noolaansha damiirka muwaadiniinta. Shacabku sida uu uga xun yahay gardarada cod dheer iyo mid hooseba wuu ku gudbiyay dareenkiisa.

Eheladii iyo qaraabadii dhibku gaadhay waa loo tacsiyeeyay; gacan-ku-dhiiglihii gacanta sharciga ayuu ku jiraa; intii dhaawacantay waa lala dadaalay. Wixii dhiman ee ah in caddaalad ay hesho marxuumaduna sidii la balan qaaday heellan ayaa loo yahay.

Intaa marka laga tago doodo gacma daalis ah ama lugooyo ah in dadka lagu wareeriyo maaha.

(1) Hay’adaha Federalka hanaga baxaan waxaa ka haboon hay’adaha Federalka aan galno oo wax ku yeelano.

Hay’adaha amaanka ee dalka aan jaar ka nahay ee Kenya maanta cidda ugu sareeysa ee xukunta waynu wada ognahay: Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Booliskaba.

(2) Dambiga uu galo shaqsi dambiile ihi maati aan waxba galabsan aano aan ugu layno waxaa ka haboon dambiilaha sharciga hala mariyo.

(3) Meherado aan jajabino iyo caasimadeena aan gubno waxaa ka haboon nidaamka iyo kala dambaynta inagoo ilaalinayna aan xaqeena iyo xuquuqdeena raadsano. Dhagax la tuuro iyo dukaano la gubo kuma xoroobayno.

PUTIN oo shaaca ka qaaday inuu Nukliyeer u adeegsan doono Ukraine iyo in kale

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiistii beeniyey inuu wax damac ah ka leeyahay inuu hub Nukliyeer u isticmaalo dalka Ukraine.

Putin ayaa dagaalka dalkaas ku qeexay inuu qeyb ka yahay dadaallo ay Reer Galbeedka ku xaqiijinayaan awood ku muquunintooda caalamka, oo uu ku sheegay mid guuldarreysan doonta.

Isaga oo ka hadlayey shirka khubarada caalamka ee siyaasadda arrimaha dibedda, Putin ayaa sheegay inaysan wax macno ah sameyneyn in Ruushka ay Nukliyeer ku weeraraan Ukraine.

“Ma aragno baahi taas loo qabo. Ma jiro wax macno ah oo ay sameyneyso siyaasad ahaan, iyo militari ahaan,” ayuu yiri Putin.

Putin ayaa sheegay in diginin uu horey u jeediyey oo aheyd inuu diyaar u yahay inuu adeegsado “wax kasta oo la heli karo si loo difaaco Ruushka,” aysan ka dhigneyn isticmaal Nukliyeer, balse ay jawaab u aheyd hadallada Reer Galbeedka ee ah suurta-galnimada inay adeegsadaan hub Nukliyeer.

Wuxuu si gaar ah u xusay Liz Truss oo bishii August sheegtay inay diyaar u tahay adeegsiga hub Nukliyeer, haddii ay noqoto ra’iisul wasaare, hadalladaas oo Putin uu sheegay inay walaaciyeen Kremlin-ka.

Truss ayaa ra’iisul wasaaraha Britain noqotay horraantii September balse xilkaas iska casishay 44 maalmood kadib.

“Maxay aheyd inaan ka fakarno?” ayuu yiri Putin. “Waxaan taas u aragnay mowqif mideysan, isku day na lagu baqe-maalayo.”

Putin ayaa Mareykanka iyo xulufadiisa ku eedeeyey inay isku dayayaan inay dalalka kale u meeriyaan xeerarkooda, taasi oo uu ku sheegay cayaar xukun “oo halis, dhiig iyo wasaq ah.”

Putin oo ciidamadiisa u diray Ukraine 24-kii Febraayo, ayaa taageerada Reer Galbeedka ee Kyiv ku qeexay inay qeyb ka tahay dadaallo ballaaran oo Washington iyo xulufadeeda ay rabitaankooda ugu qasbayaan kuwa kale.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in siyaasadaha Reer Galbeedka ay kordhin doonaan qaska, isaga oo intaas ku daray “qof walba wuxuu guran doonaa miraha waxa uu beerto.”

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa Khamiistii weriyayaasha u sheegay in Mareykanka uusan weli arkin wax muujinaya in Putin uu go’aansaday inuu nukliyeer adeegsado.

AP, VOA

Al-Shabaab oo ay dhaqaale la’aan soo wajahday iyo tallaabo cusub oo ay qaadeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab waxaa laga soo warinayaa dhaqaale xumo baahsan xilli ay dowladda dhaqaajisay dagaalka dhaqaalaha ee kooxda AL-Shabaab.

Khasaaraha kasoo gaarayo dagaalada ayaa kordhay, dhaawacyo badan ayey kooxdu kala noqotay dhowr dagaal oo ay gashay.

Ilo-sirdoon ayaa xaqiijiyey in daawadu gabaabsi ka tahay Al-Shabaab, waxaana adag inay alaab soo dhoofsadaan. Daawooyin ayaa la sheegay inay ka raadinayaan gudaha, rasaasta iyo waxyaabo badan oo gabaabsi ka ah kooxda ayaa dhaliyey inay aad dhaqaale u baadi goobaan.

Goor sii horeysay waxay ganacsatada waydiisteen inay lacago u hormariyaan taas oo ay qaar ajiibeen, qaarna ay ka dhuunteen. Marka kale xogo aan helnay ayaa sheegaya inay kooxdu bilowday dhaqaale raadis xoog leh.

Ganacsatada qaar ee xiriirka fog la leh kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay kooxda waydiisatay inay lacago deyn ah siiyaan maadaama ay dagaal ku jiraan.

Ilo sirdoon oo ka tirsan dowladda Soomaaliyaa waxay sheegeen inay xogtaan heleen oo ay ku daba jiraan ganacstadaan ay sidaan kooxda ugu kalsoon tahay.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in Al-Shabaab deyn la siiyo?

1- Waa Dambiile deyn sii

In Al-Shabaab lala macaamilo waa dambi dhanka dowladda Soomaaliya iyo caalamka intaba. Qofka Al-Shabaab lacag deyn ah siiyo si ay dagaalka usii wadaan, wuxuu maal-gelinayaan in naf la jaro waana dambi culus oo dowladda Soomaaliya ku qasbaaya inay tallaabo adag ka qaado ganacsatada ay ku cadaato arrintaas.

2- Waa nin la duqeynayo deyn sii

Al-Shabaab waxaa ku socda dagaal culus saacad walba kooxda xageeda waxaa ku wajahan ciidanka dowladda, ciidan beeleed iyo duqeyn caalami ah.

Saddex cisho ka hor madax iyo ciidan badan oo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday agagaarka deegaanka Masaajidka Cali Gaduud. Sidoo kale shalay duqeyn ka dhacday deegaanka Xawaadley ayaa lagu dilay 17 xubnood oo Al-Shabaab ah.

Maadaama aysan Al-Shabaab dowlad aheyn qofkii deynta kaa qaaday haddii uu duqeyntaasi ku baxo yaad u raacan doontaa deyntaada? Waa su’aal qasab ku ah inay is waydiiyaan kuwa laga yaabo inay u dhag raariciyaan codsiga kooxda.

3- Masii jiri doonaan Al-Shabaab?

Inta aadan deynta bixin is waydii kooxda masii jiri doontaa? Al-Shabaab waxay ku jiraan dagaalkii ugu adkaa ebid oo ay la kulmaan, waxay soo gaareen marxalad uu qof walba ka cararo magacooda ama inuu maalin la macaamilay.

Gabood-falada kooxda ayaa kiciyey qabiilada, waxaana xafiiska dalka looga taliyo kusoo noqday Xasan Sheekh Maxamuud oo dagaal toos ah la galay Al-Shabaab muddo xileedkiisii hore haddana sidii ka ciil iyo faham badan.

Koox aadan hubin inay sii jiri karaan sidee ugu aamini kartaa xoolahaaga?

4- Bixinta deyntii lagu dumin lahaa dalka

Inaad Al-Shabaab deyn siiso ama aad dhaqaale ku kabto waxay ka dhigan tahay inay u bareertay inaad dumiso Soomaaliya. Dadka dhaqaalaha heysto mas’uuliyad ayaa ka saaran dalka iyo dadkaba.

Iyadoo la aaminsan yahay in dhaqaalihii Soomaaliya uu gacanta u galay dad aan laheyn mas’uuliyad ay ku maareeyaan oo ay dalka iyo dadka ugu turaan haddana in xilligaan Shabaab dhaqaale la amaahiyo waxay ganacsatada qaar luqunta u gelin doontaa kacdoon bulsho.

5- Deyntaada in lagugu dilo waa macquul

Al-Shabaab waxay dileen dad badan oo lacag siin jiray bil walba, qaar waxay ku dishay waa ku qaldanay qaarna qaraxyo ay fuliyeen ayey sababsadeen.

Lacagta ay kooxdan raadineyso xilligaan waxaa lagu iibinayaa hub, waxaa lagu sameenayaa qaraxyo, waxaana lagu fulinayaa dilal.

Inta aadan ka fakarin dul saarka laga yaabo inaad ka heleysid deyn aad siiso Al-Shabaab horta bal is waydii inaad ka badbaadi doonto qaraxyada lagu fulin doono lacagtaada?

Marxaladda dagaal ee maanta lagu jiro waxay u baahan tahay iskaashi bulsho, ganacsatadana waxaa hor taalo inay si qoto dheer uga fakaraan tallaabooyinka ay qaadayaan marxaladaan si aysan halis ugu horseedin ganacsigooda iyo naftooda.

XOG: Madaxweyne XASAN SHEEKH oo Saciid Deni ku qanciyey xil la siiyey wiilkiisa

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xubin cusub loogu daray Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA), si loogu qanciyo inuu mucaaradada ka daayo heshiisyada shidaalka Soomaaliya. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubintaas uu yahay Cabdullaahi Siciid Cabdullaahi Deni, oo ah wiilka Deni, kadib markii Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya heshiis hoose ka gaareen khilaafkii ka taagnaa Arrimaha Shidaalka.

Maamulka Deni ayaa 5-tii bishii July 2021 shaaciyey inaysan gebi ahaanba aqoonsanayn hay’adda Batroolka u qaabilsan dowladda Soomaaliya ee Somali Petroleum Authority, kana soo horjeedaan dhaq-dhaqaaqyada shidaal ee dowladda fedeaalka.

Si katsaba, Puntland ayaa 25-kii October ka laabatay go’aankaas waxayna taageertay heshiiska wadaagga wax soo-saarka shidaalka ee ay kala saxiideen dowladda federaalka iyo shirkadda Coastline Exploration.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo hadal ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 51-aad baarlamaanka, ayaa sheegay in Puntland soo dhaweynayso ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadkaas.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya, sidaa daraadeed waxay Puntland diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadka dabiiciga ah,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Xasan Sheekh uu Deni ku qanciyey inuu xubin ugu daro Hay’adda Batroolka Soomaaliya, waxaana kadib la xalliyay khilaafkii Arrimaha shidalka ee dowladda Federaalka iyo Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 21-kii October ogolaatay heshiiskii muranka badan dhaliyey ee u dhaxeeyey Soomaaliya Shirkadda Coastline Exploration, kaasi oo ay horey u diiday dowladdii madaxweyne Farmaajo.

Heshiiskaas oo uu saxiixay wasiirkii hore ee batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxaa diiday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Roooble, balse shirkadda Shirkadda Coastline Exploration ayaa ku adkeysatay inuu yahay mid sharci ah oo aan laga bixi karin. 

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda ay shan qodob ka bedeshay heshiiskaas, ayada oo la kaashaneysa garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah kadibna dhameystirtay.

Ciidamada HARAMCAD oo weeraray goob ay isku aruursanayeen Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Birtaqleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegayo inuu xalay ka dhacay dagaal aad u culus u dhaxeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sida dad goobjoogayaal ah ay Caasimadda Online u sheegeen, dagaalka ayaa socday wax ka badan hal saac waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay weerareen degaanka Birtaqleey oo u dhow degaanka lambar Konton, halkaas oo la sheegay inay isku aruursanayeen Al-Shabaab.

Dhawaqa hubka la isku adeegsanayey ayaa laga maqlayey meelo fog fog, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray inkastoo aan tiro rasmi ah la heyn.

Inta la ogyahay dagaalka waxaa ku dhintay 1 qof oo kamid ahaa dadka deegaanka halka uu jiro dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa guryahooda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa dhankooda sheegay inay ka warheleen in degaanka Birtaqleey ay isku aruursanateen Al-Shababa, si ay weeraro u geystaan, balse ay ciidamadu ka hortageen.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyey bilaabay inay weeraro gaadmo ah ku qaadaan meelaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaa dalka ka bilowday howlgalo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab waxayna dowladda Soomaaliya garab ka heshay shacab u abaabulan hab qabiil oo bilaabay kacdoon ka dhan ah kooxdaan.

Maamulka Joe Biden oo ka fakaraya codsi xasaasi ah oo uga yimid SOOMAALIYA

Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa qiimeynaya codsi ka yimid Soomaaliya oo ah in Mareykanka uu dabciyo xayiraadaha duqeymaha militari ee lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab, waxaa sidaas qoray wargeyska New York Times.

Codsiga ayaa yimid ayada oo dowladda Soomaaliya ay billowday weerar ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada qaranka iyo shacab hubeysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in howlwadeenada militari ee Mareykanka ay awood u yeeshaan inay weeraraan kooxda Al-Shabaab – xitaa haddii aanay markaa ku lug laheyn weerar toos ah oo ka dhan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee xulufada la ah. 

Saraakiisha Mareykanka ayaa tallaabadaas u arka inay xoojin karto ku lug lahaanshaha Mareykanka ee la-dagaalanka argagixisada Soomaaliya. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib dib u doorashadiisa bishii May, wuxuu dib u billaabay dagaalka Al-Shabaab, isaga oo hub iyo dhiiri-gelin ku xoojinaya ciidamada shacabka hubeysan. 

Sida uu qoray New York Times, saraakiisha Mareykanka qaarkood ayaa rumeysan in Soomaaliya ay ugu dambeyn sameyneyso isbeddel, halka kuwa kale ay qabaan shaki ah in Xasan Sheekh aanu sii joogteyn doonin wax ay ugu yeereyn “bisha malabka” marka la eego taariikhda waxqabad xumo ee dowladda Soomaaliya. 

Madaxweyne Biden ayaa dhowaan saxiixay siyaasad cusub oo ku saabsan duqeymaha diyaaradaha drone-ka ee aagga dagaalka, waxaana qasab laga dhigay in ansixin madaxweyne la helo kahor inta aan la beegsan mintidiinta, marka laga reebo haddii weerarada ay yihiin kuwo is-difaac ah.

Codsiga dowladda Soomaaliya, ayaa saraakiil Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin, waxay ku qeexeen mid ay dowladda Mareykanka ku weydiisatay inay si baaxad leh u qeexdo waxa loo arko is-difaac.  

Waxaa lagu qeexay mid Soomaaliya ay ku dooneyso in goobaha Soomaaliya qaarkood lagu arko aag dagaal, taasi oo ogolaaneys in lagu beegsado cadowga, xitaa haddii aanay markaas halis toos ku aheyn ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida. Tani waxay ogolaaneysa in duqeymo lala beegsado Shabaabka fursadaha lagu helo ayada oo aan loo baahan ansixinta Aqalka Cad.

Codsiga Soomaaliya ayaa weli la qiimaynayaa, sida ay saraakiisha sheegeen, welina Wasaaradda Gaashaandhigga si rasmi ah uma hordhigin Aqalka Cad. 

Saraakiil dhowr ah ayaa sheegay inay u badan tahay in codsigan uu wajihi doono baaritaan adag iyo hanaan dib u eegis oo ay ku lug leeyihiin hay’ado badan. 

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa horey militariga awood ugu siisay inay fuliyaan duqeymaha ayaga oo aan ansixin u baahan, go’aankana ay ka gaaraan taliyayaashooda, taasi oo kordhisay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee caalamka, balse sidoo kale kordhisay khsaaraha shacabka.