31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Ethiopia oo eedeymo culus wajaheysa kadib duqeymo ay ka fulisay gobolka Oromada

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Jabhadda mucaaradka Oromada ee OLF iyo kooxda hubaysan ee ka goosatay ee Oromo Liberation Army (OLA) oo saldhigoodu yahay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay ciidanka inay ku dileen boqollaal qof oo rayid ah duqeymo cirka ah oo ay ka geysteen gobolka, xilli uu dhawaan furmay wada-hadal nabadeed oo looga hadlayo colaadda Tigrayga.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa la hadashay qof rayid ah oo ku sugan Oromiya oo ku taalla galbeedka Itoobiya, kuna hareeraysan caasimadda federaalka ee Addis Ababa, kaasi oo sheegay in uu goobjoog ka ahaa weerar dhinaca cirka ah oo Axaddii lagu dilay illaa 60 qof oo uu ku jiro adeerkiis.

Gobolka Oromiya oo ay ku nool yihiin qoomiyada ugu badan ee dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin in ka badan 40 milyan ayaa waxaa sanado badan ka socday rabshado ka dhashay xaqiraadda iyo dayaca dowlada federaalka oo xiliyada qaar ku cadaadin jirtay gobolka.

Xukuumadda iyo afhayeennada ciidamada ayaan wax jawaab ah ka bixin Khamiistii codsiyo ah inay ka hadlaan eedeymaha uga yimid jabhadda mucaaradka Oromada ee OLF iyo kooxda hubaysan ee ka goosatay ee Oromo Liberation Army (OLA).

Dhinaca kalena, wada-hadallada nabadeed ee u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Tigrayga ee TPLF ayaa kasii socda dalka Koonfur Afrika. Wada-hadalladan oo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika ayaa imaanaya xilli ciidamada Itoobiya oo taageero ka helaya Eritrea ay u muuqdaan kuwo guulo ka gaarayo furimaha dagaalka.

Ezekiel Gebissa oo ah aqoonyahan u dhashay Itoobiya, ahna bare Jaamacadda Kettering ee gobolka Michigan ka dhiga taariikhda iyo daraasaadka Afrika ayaa VOA u sheegay inay calaamad wanaagsan tahay in labada dhinac ay wada-hadlayaan, islamarkaana aan la aqbali karin wax ka baxsan joojinta dagaalka.

Ciidamo ka tirsan ATMIS oo dalka ka baxay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay ciidamo ka tirsan howlgalma midowga Africa ee Soomaaliya ee ATMIS.

Ciidamadaan oo kasoo jeeday Uganda ayaa la sheegay inuu dhammaaday waqtigooda shaqada, waxaana loo sameeyey maamuus kadib markii la sheegay inay ka qeyb qaateen dadaalada nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Keith Katungi oo ah taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS ayaa aad ugu mahadceliyey ciidamadaan, wuxuuna ku ammaanay ina yka qeyb qaateen dagaalo badan oo lala galay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa ciidamadaan ku ammaany inay qeyb weyn ka qaateen qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ee dhawaan ka dhacday Soomaaliya.

“Waxa ay ahayd muhiim in aan joogno gudaha Soomaaliya oo aan hubinno in kala-guurka siyaasadeed iyo xilliga doorashada uu yahay mid hagaagsan,” ayuu yiri Katungi.

Ciidamadaan ka dhoofay Muqdisho oo ka tirsanaa kooxda 33-aad ee Uganda ayaa waxaa la guddoon siiyey shahaadooyin iyo bilado ay ku muteysteen sida ay u guteen shaqada.

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee dhanka howlgallada iyo qorshayaasha William Kitsao Shume ayaa ku bogaadiyay ciidamada waqtigooda dhamaaday sida ay u xaqiijiyeen Soomaaliya oo nabad ah oo xasiloon.

Ciidamadaan inta ay Soomaaliya joogeen waxay ku sugnaayeen saldhigyo ciidan oo ku yaala Carbiska, Arbacow, Lafoole iyo Laantabuur, oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka midowga Africa oo wax ka badan 15 ka socdo Soomaaliya ayaa weli ku guuleysan la’ soo afjaridda kooxda Al-Shabaab.

DF iyo maamul goboleedyada oo ka shiray kacdoonka ka dhanka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa kulanka muhiim ah ka yeeshay kacdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka bilowday qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha dowladda Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa kulan la qaatay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Muqtaar Rooboow Cali iyo wasiirada awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowlad Goboleedyada.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay sidii ay wasaaradaha isaga kaashan lahaayeen kacdoonka iyo dagaalka looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, sidoo kalana waxay isku raaceen in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeyo dhinacyada.

Wasiir Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta uga mahadceliyey waqtiga iyo juhdiga ay gelineyso jiheynta kacdoonka dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya Muqtaar Rooboow Cali ayaa dhankiisa sheegay in ay muhiim tahay in la iska kaashado sidii dagaal adag loola geli lahaa Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin dalka & dadka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada dadaalo ku aadan sidii looga qeyb qaadan lahaa howlgallada ka socda dalka, iyada oo amarro ka dhan ah Al-Shabaab dhowr jeer soo saartay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheyso kacdoonkii ugu weynaa ee soo wajaho tan iyo markii kooxdaan la sameeeyey, waxayna dowladda Soomaaliya ballan qaaday in laba sano gudahood dalka looga saari doono.

Maxay yihiin ciidamada cusub ee la geynayo degaanadii laga saaray Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta tababar loo soo xiray ciidamo Boolis ah oo muddo saddex bilood lagu tababarayay duleedka degmada Cadaado, kuwaasi oo qorshuhu yahay in la geeyo deegaanadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Munaasibada tababarka loogu soo xirayay ciidamadaan ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka amniga Galmudug, saraakiisha Booliska Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe, madaxa tababarada iyo qorshaynta Booliska Galmudug oo ugu horeyntii ka warbixiyay tababarka ciidamada ayaa xusay in ciidaankan oo 200 oo askari ka kooban ay qaateen koorsooyinka jireed ee ciidanka iyo sharciyada uu ku shaqeeyo Booliska.

“Ciidamadaan waxay qaateen oo ka dhisan yihiin sharciyada Booliska, sida dambi baarista, la dhaqanka shacabka, xuquuqul insaanka iyo xeerarka madaniga ah ee dalka.”

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sheegay in ka degmo ahaan ay ku faraxsanyihiin ciidankan tababarka dhameystay, kuwaasi oo ka qayb qaadan doona xoojinta amaanka deegaanka iyo ilaalinta sharciga.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Galmudug gaashaanle sare Khaliif Cabdulle ayaa u mahad-celiyey saraakiisha dugsiga tababarka, wuxuuna faray askarta tababarka dhamaysatay inay si ficil ah uga muuqato cilmigii la baray mudadii sadexda bilood ahayd ee ay tababarka ku jireen.

Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aaden Gaboobe oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu dambeyntiina sheegay in ciidankan tababarka dhamaystay ay ku soo aadeen waqti xasaasi ah oo loo baahna, islamarkaana ay Galmudug ku jirto dagaal ka dhan ah argagixisada.

Ciidamada maanta loo soo xiray tababarka ayaa noqonaya dufcadii 1-aad ee ka soo baxda dugsiga tababarka Booliska Galmudug ee degmada Cadaado, waxayna ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga deegaanadii laga saaray Al-Shabaab.

Xog: Shirka DF iyo maamul goboleedyada oo muddo kororsi lagu go’aaminayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo warinaya in lagu go’aamin doono muddo kororsi dadban oo loo sameeyo madaxda dowlad-goboleedyada.

Ilo wareedyo ka ag dhow shirkaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Golaha uu isla meel dhigay in dhamaan dowlad-goboleedyada isku waqti uu ka dhamaado xilka, si aan howlo doorasho aan looga mashquulin dagaalka adag ee lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

Qoddobkaan ayaa kamid noqon doona war-murtiyeedka la filayo in uu kasoo baxo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Arrintaan ayaa ka dhigan in dhamaan madaxda dowlad-goboleedyada uu xilka isku mar ka wada dhamaan doonaan 2025-ka, xiligaasi oo ah waqtiga uu muddo xileedkiisa ku egyahay madaxweyne Cali Guudlaawe, maadama uu hore muddo sanad ah ugu daray baarlamaanka maamulkaasi.

Sidoo kale, Axmed Madoobe, Cabdicasiis Laftagareen iyo Qoor Qoor ayaa iyaguna baarlamaanadooda horey ay ugu ansixiyeen muddo kororsi hal sano ah.

Si kastaba, waxaan caddeyn sida arrintan loo marsiin doono Reer Puntland, maadaama maamulkooda uu kaga duwan yahay maamul goboleedyada kale in awoodda aanay gacanta ugu jirin hal shaqsi.

Si rasmi ah looma oga in markii hore qoddobkaan uu qeyb ka ahaa ajendaha shirka iyo in uu gadaal kaga soo biiray, maadama qoddobka ugu weyn ee xiligaan horyaallay uu ahaa iskaashiga dhinacyada ee dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab iyo xoojinta howl-galada socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo ku dhalleeceyn jiray madaxweyne Farmaajo inuu ku tuntay dastuurka oo uu sameystay muddo kororsi, waxayna noqon doontaa kala wareeg siyaasadeed iyo mid mabda’ oo deg deg ah in shan bilood kadib bixitaanka Farmaajo uu muddo kororsi aqbalo.

Daawo: Waalidiinta askarta ku sugan Eritrea oo billaabay kacdoon ka dhan ah Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababar ay ugu qaaday dowladii uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn u cambaareeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waalidiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uusan ahmiyad gaar ah siin soo celinta wiilashooda, islamarkaana uusan ka dhameyn ballan-qaad uu usameeyay waalidiintaan, sida ay sheegeen.

Waxay ku dhawaaqeen banaanbax haddii aysan madaxda sare ee dalka uga soo jawaabin cabashadooda, kuwaasi oo markii u horeysay ay soo bandhigtay xogta ciidamadaasi dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaa iclaamineyna anaga oo ah waalidiintii dhibanayaasha ah banaanbax aan caadi aheyn oo lala yaabi doono oo dhagaha faraha la galin doono oo dowladda iyo caalamka ay la yaabi doonaan haddii aan jawaab deg deg ah nala siin,” ayuu yiri mid kamid ah waalidiinta oo warbaahinta la hadlay.

“Xasan Sheekh keen ciidanka, adiga ayaa dalka u weyn xataa shalay waadigii u ololeynayay. Xasan Sheekh waxa uu keeni waayo cid kale ma keeni karto. Waxaa ka codsanaya gobolada Soomaaliya inay banaanbaxyo ku dhuftaan waa dadka u badan ee ka caruurtu ka maqan tahay.”

Sidoo kale waxay sheegeen inay xaalado adag la soo daristay qaar kamid ah waalidiinta kadib markii ay war iyo wacaal waayeen caruurtoodii oo dowladdii hore ay u qaaday tobabar ciidan.

“Dowladeena sharafta leh waa soo ahaan weyday ma aqaan wax ay kusoo ahaan weyday, waxaa codsaneyna inay na-qancsio dowladu oo haddii ay cilad jirto waa in naloo sheego oo waxaa daneynayna in dowlada naqaabisho oo nala hadasho.”

Tan iyo markii uu dib u qarxay dagaalka Itoobiya ee Jabhadda Tigray iyo dowladda waxaa soo baxaaya walaac hor leh oo laga qabo in Eritrea furimaha dagaalka soo geliso ciidamada Soomaaliya ee dalkaasi ku sugan, kuwaasi oo dowladda Xasan Sheekh aysan weli xal u helin inay dalka dib ugu soo celiso.

Waalidiin Soomaaliyeed oo caruurtooda kamid yihiin ciidamadaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in ay walaac ka qabaan in mar kale caruurtooda la dagaal geliyo, iyagoo ka filayay dowladda cusub ee Xasan Sheekh inay ka dhabeyso balan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa in howsha koowaad uu qaban doono ay noqon doonto soo celinta askartaasi.

Ballan-qaadkaasi ayaa u muuqda inuu ku ekaa booqashadii Xasan Sheekh uu ku tegay Eritrea iskuna soo sawiray ciidamadaasi, wixii markaasi ka danbeeyayna dib dambe aan loo maqlin warka ku saabsan ciidamadaasi iyo rajo farxad gelinaysa waalidiinta askartaasi.

Ilaa hadda Villa Somalia qorshe cad oo lagu soo celinayo askartaasi uma soo bandhigin shacabka, gaar ahaan waalidiinta welwelka ka qabo caruurtooda halka ay ku danbeyn doonaan, taasi oo sii laba jibaareysa walaaca ay hore u qabeen waalidiinta.

Maxaa berri ka dhacaya Pakistan kadib baaqa culus ee kasoo baxay Imran Khan?

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa ku baaqay isu-soo baxyo ka dhacaya dalka Pakistan, isaga oo sheegay in isu-soo baxyadu ay billaabanayaan maalinta Jimcaha.

Khan ayaa ujeedka dibadbaxyada ku sheegay mid lagu muujinayo awoodda shacabku ay ku doonayaan inay sanduuqa codka wax lagu beddelo, wuxuuna ka digay inay dhici doonto fawdo haddii ay mas’uuliyiinta dalkaasi isku dayaan inay hor-istaagaan mudaharaadyada.

Imran Khan oo ka qaybgalay dood dhinaca Internet-ka ah oo ay soo abaabushay Jamaacadda Oxford ee dalka Britain, ayaa sheegay in mudaharaadkan oo wakhti dheer la qorshaynayey, uu ka billaabmi doono dhinaca bari ee magaalada Lahore, isaga oo ku faafi doono qaybo badan oo dalka Pakistan ah.

Wuxuu sheegay in shacabka ay doonayaan inay ku cadaadiyaan xukuumadda inay qabato doorashooyin wakhtigoodii laga soo hormariyey.

“Socodkani wuxuu muujinayaa halka ay taagan yihiin dadka reer Pakistan, waxaan dareensanahay inuu noqon doono mid ka mida dhaqdhaqaaqyadii ugu weynaa ee taariikhda dalka Pakistan,” ayuu yiri Imran Khan.

Xisbiga uu hoggaamiyo Imran Khan ayaa maamula dhawr gobol oo dalkaas ku yaalla, oo ay uu ku jiro gobolka Punjab ee ugu dadka badan dalka Pakistan, kaas oo caasimaddiisu ay tahay Lahore.

Imran Khan ayaa ku eedeeyey ra’iisal wasaaraha haatan xukunka haya ee Shehbaz Sharif inuu qaadayo tallaabooyin ka dhan ah mucaaradka kasoo horjeeda, isaga oo xakamaynaya xorriyadda warbaahinta. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay Pakistan u horseedday in shacabku ay dareemaan culays iyo nacayb.

Imran Khan ayaa xilka laga tuuray bishii April ee sannadkan, kadib markii baarlamaanka dalkaasi ay kalsoonida kala laabteen xukuumaddiisa.

Imran Khan ayaa isaga oo aan soo bandhigin wax caddaymo ah, wuxuu dawladda Maraykanka ku eedeeyey inay ka dambaysay xil ka qaadistiisa, isagoo sheegay inay la shaqaysanayaan ra’iisal wasaaraha bedelay iyo ciidamada milateriga ee awoodda badan ee dalkaas, hase ahaatee Washington ayaa beenisay eedahaas.

Inta badan ciidamada milateriga ee awoodda badan ayaa ah cidda kala saarta siyaasiyiinta dalkaas, waxaana guulaysta hadba dhinaca ay raacaan. Dalkan oo ah kan shanaad ee ugu dadka badan caalamka ayaa ku hubaysan hubka nukliyeerka.

Soomaaliya iyo Mareykanka oo gaaray iskaashi cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xooga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka, kuwaasi oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga dhanka Millateriga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxa looga wada-hadlay xoojinta howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab, xili uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxdaasi, kuwaasi oo lagu gaarsiiyay jab xoogan, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Kulankaan ayaa imanaya labo maalin kadib markii diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Iyada oo la kaashanayo dowladda federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) wuxuu fuliyey duqeyn ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo weerarayey ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya, meel u dhow degmada Buulobarde, oo qiyaastii 218 KM waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho, October 23,” ayaa lagu yiri bayaan xiligaas kasoo baxay AFRICOM.

Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay codsigii Pentagon-ka ee ahaa in ciidamada Mareykanka la geeyo aaggaas si ay uga hortagaan kooxda argagixisada bishii May.

Soomaaliya ayaa xiligaan waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo illaa hadda laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kooxda kala wareegeen deegaano ay sanado badan gacanta ku hayeen.

Sawirro: Dowladda oo ciidamo horleh ka dajisay Ceel Barde

0

Ceel Barde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay ciidamo fara badan geysay degmada Ceel Barde oo ka tirsan gobolkaasi, halkaas oo uu ka socdo abaabul ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa diyaarado looga qaaday magaalada Baydhabo, ayada oo laga dajiyey degmada Ceel Barde oo ay ka howlgali doonaan.

Maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa askartan si weyn ugu soo dhoweeyey halkaasi, iyaga oo ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadan loogu talagalay inay ka qayb qaataan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya halkaasi.

Ciidamada laga dajiyey Ceel Barde ayaa ku biiri doono kuwa deegaanka ah ee shalay lagu soo bandhigay degmadaasi, si ay u qaadaan duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Koonfur Galbeed ayaa haatan u diyaar garoobeyso dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ka mid ah meelaha uu abaabulka ka socdo degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Maalinba maalinta ka dambeysa ayaa waxaa sii xoogeysanaya kacdoonka shacab ee ka socda gobolada dalka kaas oo ay guullo ka gaareen ciidanka dowladda & kuwa deegaanka.

 

Xasan Sheekh oo oo dalab u gudbiyey amiirka DALKA QATAR oo ay wada-hadleen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiriir dhanka khadka taleefoonka la sameeyey Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayaga oo ka wadahadlay horumarinta xiriirka labada waddan.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale wadahadalkooda ku soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee diblumaasiyadda iyo arrimaha gobolka ee geeska Afrika.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Amiir Tamim Bin Hamad hordhigay dalab la xiriira gurmadka abaaraha iyo sidii ay uga qayb-qaadan laheyd xukuumadda Dooxa.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Soomaaliya, walow uu isbedal ku yimid xiriirka labada dal, kadib doorashadii 15-kii May oo meesha laga saaray Farmaajo oo ay aad isugu dhowaayeen madaxda Qatar oo 5-tii sano ee u dambeysay taageereysay.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku soo aaday labo maalin uun kadib markii dowladda faderaalka ay sagootisay safiirkii Qatar ee Muqdisho, Xasan Bin Xamsa Haashim.

Isbeddalkan ayaa yimid, ka gadaal markii ay Qatar safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya, kaas oo la yiraahdo Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi.

Si kastaba, xiriirka labada dal ayaa weli ah mid wanaagsan, waxaana taliyaha NISA Mahad Salaad uu dhowr jeer safaro aan la shaacin ku tegay Qatar, si uu usoo celiyo taageeradii dowlada dalkaas ay siin jirtay hay’ada Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

R/W Xamza oo soo saaray amar saameynaya golaha wasiirada iyo shaqaalaha DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo saaray amar culus oo toos ugu socdo wasaaradda maaliyadda, kaas oo sidoo kale saameynaya golaha wasiirada iyo shaqaalaha dowladda.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa faray wasaaradda maaliyadda in dhammaan xubnaha golaha wasiirada gunada ay qaataan laga jaro qoondo lacageed oo dhan 20%, taas oo soconeyso illaa muddo saddex bil oo xiriir ah, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska Xamza.

Sidoo kale qoraalkam ayaa waxaa lagu sheegay in shaqaalaha joogtada ee dowladda iyo kuwa aan joogtada aheyn ee darajadoodu tahay A iyaguna laga jarayo gunadooda 5%.

Dhammaan lacagaha laga jaro wasiirada & shaqaalaha dowladda ayaa loo weecin doonaan dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo guud ahaan waddanka.

Xamza ayaa sidoo kale faray wasaaradda maaliyadda inay furto akoon gaar ah oo loo adeegsan doono lacagahaas iyo taageerada loogu talagalay ciidamada huwanta ah.

“Waxaan idinka rajeyneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan aad iga howlgashaan arrimahan sare ku xusan,” ayaa lagu yiri amarka maanta ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaaraha ayaa muhiim ah dhaqaajinta howlgallada xoreynta ee ka socdo dalka, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda & kuwa deegaanka.

Kooxda Xasan Sheekh ‘oo u kala jabtay’ Itoobiya iyo Masar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan khilaaf u dhaxeeya saraakiisha ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh oo ku saabsan xiisadda ka dhex-oogan dalalka Itoobiya iyo Masar, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intelligence.

Itoobiya iyo Masar oo isku haya biyo-xireenka Nile ee ay sameysay Addis-Ababa ayaa dowladdii Farmaajo waxay si toos ah ula safatay Itoobiya, hase yeeshee dowladda Xasan Sheekh ayaan weli mowqifkeedu caddeyn oo aan dhinac jirin, sida wargeyska sheegay. 

“Mid ka mid ah xubnaha sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha, oo ah agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa xiriir qoto dheer la leh Masar. Wuxuu 2004 illaa 2012 ku noolaa Qaahira halkaasi oo uu arday ka ahaa balse xiriirka ayaa sii jiray tan iyo markii uu kusoo laabtay Soomaaliya 2012,” ayuu qoray Africa Intelligence. 

Booqashadii rasmiga aheyd ee Xasan Sheekh uu Qaahira u tegay July, waxaa ku wehliyey Mahad Salaad, halkaasi oo madaxweynaha uu kula lulmay dhiggiisa Masar Cabdifataax Al-Sisi. 

Waxaa sidoo kale safarkaas qeyb ka ahaa wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Xasan Macallin, kuwaas oo miisaan culus ku leh dowladda, aadna ugu dhow madaxweynaha.

Mahad Salaad, Jaamac iyo Xasan Macallin, ayaa sida wargeysku qoray taageersan in dib loola heshiiyo laguna dhowaado Masar, kadib markii uu riixay madaxweyne Farmaajo. 

Si ka duwan safarka Masar, oo deg deg ugu xigay kadib dib u doorashadiisa, madaxweyne Xasan Sheekh ayey afar bil ku qaadatay inuu booqdo Addis Ababa, wuxuuna ugu dambeyn tegay 28-kii illaa 29-kii September.

Safarka Itoobiya, waxaa Xasan Sheekh ku wehliyey wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad, oo loo arko inuu yahay wasiirka arrimaha dibedda ee dadban, wasiiru dowlaha madaxtooyada Abshir Bukhaari iyo la-taliyaha madaxweynaha Aweys Xaaji Yuusuf. 

Saddexda nin, oo mas’uul looga dhigay inay abaabulaan safarkaas, ayaa doorbidaya in la joogteeyo xiriir xooggan oo lala yeesho Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya, sida Africa Intelligence uu leeyahay. 

“Si kastaba waa koox yar oo laga tiro badan yahay,” ayuu qoray wargeyska.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa inuu doonay in Soomaaliya ay dhex-dhexaad ka noqoto labada dal, balse waxaa la rumeysan yahay inay taas adkaan doonto marka la eego sida xubnaha ugu awoodda badan dowladdiisa ay labada dhinac ula kala safan yihiin.

Caasimada Online ayaa xiriir la sameysay Villa Somalia si ay uga jawaabto warbixinta Africa Intelligence balse kama aysan jawaabin codsigeena. Qeybta warfaafinta ee madaxtooyada ayaa wixii ka dambeeyey Farmaajo noqotay qeyb fadhiid ah, oo ay adag tahay in la helo lana socon xaaladda dalka iyo warbixinada ay warbaahinta ka qoreyso madaxtooyada, waxaynta kusoo koobantay kaliya inay soo saarto war-saxaafadeedyo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay Villa Soomaaliya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo u dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay ka qayb-galayaan ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Bare, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka.

Furitaanka shirka ayaa ku bilowday is arag hordhac ah iyo kala war qaadasho ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee waddanka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Madaxda ayaa sidoo kale ka wadahadli doonto arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta howlgallada ka billowday dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xogta ayaa intaasi ku sii dareysa in madaxdu ay falanqeyn doonaan arrimaha shidaalka ee ay haatan faraha la gashay dowladda Xasan Sheekh oo dhameystirtay heshiiska shidaalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaadi doonaa gurmadka abaaraha, maadaama ay kasii darayaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Si kastaba, gunaanadka shirka madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa la filayaa in ay si wadajir u soo saaraan war-murtiyeed ay kaga hadlayaan qodobadii ay ku gorfeeyeen shirka inta uu u socda, qodobka ugu weyn uu yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mareykanka oo shaaciyay magacyada madax Shabaab ah oo aan horey loo aqoon

0

Washington (Caasimada Online) – Bayaan dhawaan kasoo baxay Mareykanka, oo lasoo dhigay bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Washington ayaa lagu shaaciyay magacyada rag mas’uuliyiin sarsare ka ah Al-Shabaab oo lagu daray liiska argagixisada.

“Dowladda Mareyknaku waxay si adag ugu taagan tahay waddada ay ku caawineyso dadaallada dalalka Bariga Afrika iyo Midoga Afrika hoggaaminayaan ee la dagaallanka khatarta Al-Shabaab, oo ka mid ah ururrada ugu halista badan ee hoos taga Al-Qaacida, oo dilay kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareyakan ah oo lagu laayay Soomaaliya iyo Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ragga magacyadooda la xusay ee lagu daray liiska argagixisada ayaa u muuqda kuwo aan horay wax badan looga aqoonin.

Balse warka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay yihiin shakhsiyaadka sida buuxda gacanta ugu haya Al-Shabaab, xilalka ugu muhiimsanna u haya.

Hoggaamiyeyaashan ayaa sidoo kale lagu soo rogay xayiraad dhaqaale ama cunaqabateyn si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo iyaga iyo cid walba oo la macaamisha.

Waxaa go’aanka laga qaatay uu qeyb ka yahay fulinta digreeto amar oo tirsigeedu yahay (E.O.) 13224, taasoo wax ka baddal lagu sameeyay.

Ragga la xisay ayaa kala ah:

Mohamed Mire

Mareykanku waxa uu sheegay in ninkan uu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, mas’uulna ka yahay sameynta istiraatiijiyadda ay ku howlgasho kooxda iyo go’aan qaadshada ugu sarreysa.

Sidoo kale Maxamed Mire waa madaxa garabka arrimaha gudaha ee Al-Shabaab, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Intaas waxaa usii dheer in uu dusa kala socdo ama kormeero howlo badan oo ay Al-Shabaab ka sameyso gudaha Soomaaliya.

Yaasir Jiis

Bayaanka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu caddeeyay in Yaasir Jiis oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab uu taliye u yahay garabka hubeysan ee kooxda, oo loo yaqaanno Jabha, kaasoo fuliya dhammaan weerarrada ay Al-Shabaab geystaan.

Faahfaahin kale lagama sii bixin hoggaamiyahan, marka laga reebo in uu ka mid yahay shanta qof eek u biiray liiska argagixisada.

Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow

Ninka saddexaad ee magaciisa lagu sheegay warka lasoo dhigay bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu hoggaamiyo Antony Blinken waa Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow, oo sidoo kale loo yaqaanno Gees Cadde.

Waxaa lagu tilmaamay in uu yahay madaxa qeybta sirdoonka ee Al-Shabaab oo dad badan ay u garan og yihiin “Amniyaad”.

Garabkan waxa uu door weyn ka qaataa weerarrada ismiidaaminta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca gobolka.

Mustaf Caato

Sida lagu qeexay isla warbixinta, Mustaf Caato oo ka tirsan madaxda saree e garabka Amniyaadka ayaa ah ninka mas’uulka ka ah isku dubaridka iyo fulinta weerarrada Al-Shabaab ee ka dhaca Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sidoo kale gacan ka geystay weerarro lala beegsaday meelo ka tirsan Kenya iyo saldhigyada militeriga Mareykanka ee Kenya.

Mohamoud Abdi Aden

Qofka shanaad ee magaciisa lasoo bandhigay waa Maxamuud Cabdi Aadan oo uu Mareykanku ku sheegay inuu yahay xubin ka tirsan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu tilmaamay in uu qeyb ka ahaa koox qorsheysay weerarkii 2019-kii lagu qaaday hoteelka Dusit2 ee magaalada Nairobi.

Muwaadiinta Mareykanka ayaa looga digay in ay wax lacago ah u diraan shakhsiyaadkan oo lagu soo rogay xayiraad dhaqaale.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Mareykanka shaaciyay magacyada toban qof oo Soomaali ah oo u uku tilmaamay inay dhinaca dhaqaalaha ka caawinayeen Al-Shabaab. Dhammaan dadkaas ayaa lagu soo rogay cunaqabateyn.

Isha: BBC Somali

Daawo: Gabar 7 jir ah oo si arxan darro ah loogu dilay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan oo ka dhacday xaafadda Wajeer oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo ka dhalatay dil arxan darro ahaa oo loo geystay gabar 7 sano jir aheyd.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Nasro Cabdifitaax Abuukar ayaa la sheegay in dishay haweeney ay shaqaale u aheyd, taas oo ay soo xireen ciidamada ammaanka.

Ehellada gabadha yar ee la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in markii hore loo sheegay in gabadhooda ay ku dhacday musqusha, kadibna ay sidaas ku geeriyootay, balse waxa ay tilmaameen in arrintaasi aysan waxba ka jirin, isla-markaana la dilay gabadhooda yar.

Aabe Cabdifitaax Abuukar Cali oo la hadlay RTN Soomaali TV ayaa shaaca ka qaaday in gabadha yar jirkeeeda uu ka muuqday dhaawac ka dhashay jirdil xoogan oo loo geystay.

“Aniga waan ku qanci waayey hadalka la ii sheegay, marka saldhigga Kaaraan ayaan tegay waxaan ku sameeyey dabagal ciidanka iyo aniga waan is raacnay guriga uu dhibka ka dhacay ayaan tegnay waxaa noo cadaatay in gabadha la falay oo dhibaato badan jirkeeda uu ka muuqdo,” ayuu yiri  Aabe Cabdifitaax Abuukar Cali oo la hadlay RTN Soomaali TV.

Sidoo kale wwuxuu intaasi sii raaciyey “Ma aheyn mid saaka kaliya dhib loo geystay, dhib fara badana waa ka muuqday,”.

Dhankeeda hooyada dhashay gabadha yar ee sida arxan darrada ah loo dilay ayaa ka warbixisay dareenkeeda iyo waxa ay la kulantay markii ay dul tegtay meydka gabadheeda.

“Aniga saaka, ayadoo meyd ah ayey isoo wacday, haddii aan u tegaayey canugta naf kuma jirin waxaana u maleynaayey inay caadi u dhimatay daqar ayaa ku yaal marna isma dheheyn? ” ayey tiri Nasro Hooyadeed.

Ugu dambeyn waxa ay qosykan farriin u direen dowladda federaal Soomaaliya oo ay ka dalbadeen in cadaaladda ay marsiiso haweeneydii ka dambeysay dilka gabadhooda.

Filippo Grandi oo baaq culus u diray Xasan Sheekh iyo Ruto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg deg ah, markii la eego xaaladda Bariga Afrika, si loo xakameeyo tirada sii kordheysa ee dadka ay bara-kicinayaan abaaraha iyo iska hor imaadyada gobolka.

Mr. Grandi ayaa muddo afar maalmood ah wuxuu ku sugnaa dalalka Kenya iyo Soomaaliya, halkaas oo hal milyan iyo bar dad ah ay ku qasbanaadeen inay guryahooda kasoo qaxaan sababo la xiriira abaaraha ba’an kadib afar sano oo isku xigta oo roobabkii aanay di’in.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay caasimadda Nairobi ayuu ugu baaqay Madaxweyneyaasha labada dal Xasan Sheekh iyo William Ruto inay si wadajir ah uga wada shaqeeeyaan caawinta dadka kasoo barakacay saameynta abaaraha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ururrada caalamiga ah ay mar horeba ka digeen gaajada iyo macluusha ku soo wajahan gobolka.

Sanadkii hore ayaa saraakiisha Kenya waxay ku hanjabeen in ay xirayaan labo xero oo waaweyn oo ay Soomaalidu ku jiraan, iyagoo sheegaya in aanay sii heyn karin qaxootiga ku nool.

Labadaas xero qaxooti ee Kaakuma iyo Dhadhaab ayaa weli furan, waxaa ku sugan tiro qaxooti ah.

Dhowr sano oo uusan roobkii la filayay di’in ama meelaha qaar uu aad ugu yaraa ayaa sabab u noqotay in bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah ee miyiga ku nool ay soo wajahdo cunno-yari iyo biyo-yari.

Marka laga soo tago xoolaha qoysas badan ka dhammaaday, dadka ayaa ka tagay deegaannadooda kaddib markii ay macluul soo food-saartay.

Qiyaastii 7 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa qarka u saaran inay cunto-la’aan ku dhacda, sida ay tabiyeen hay’adaha gargaarka.

Tan iyo bishii January ee sanadkan ugu yaraan 448 carruur ah ayaa u dhintay nafaqo-darro, sida lagu xusay xog kasoo baxday hay’adda UNICEF.

Xamza: Soomaaliya waxaay u baahan tahay hal mid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo shalay daah-furay qorshaha hormarinta korantada dalka ayaa munaasibadaas ka sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay inay gebi ahaanba xorowdo, si ay dalka uga hirgalaan mashaariicda horumarineed.

Xamza ayaa sheegay inaysan joogin meel la fadhiyo ayna tahay in la difaaco qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in dhamaan bulshada Soomaaliyeed u wada istaagto dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Gacanta Bidix waxa ku wadeyna horumarinta iyo dhisida dhaqaalaha, gacanta kale ee midigta waxa ku qabaneyna nabad-gelyada iyo in aan cadowga la dirirno ayaa ku qabaneyna,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Haddii aad kor u dhihi karin hoos u dhaha oo ha la taageero dagaalka socda waxaa rabna in aan kuligeen u wada istaagno in dalkeena difaacno, si waqti kooban aan aduunka usoo gaarno oo waxa u baahanahay in aan xorowno.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidan oo kale hore ugu dardaarmay in umadda Soomaaliyeed ay meel uga soo wada-jeesato dagaalka ka dhanka ah argixisada Al-Shabaab, kaasi oo maraya meel fiican.

Dagaalkan oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa beelaha ayaa waxaa illaa hadda lagu xoreeyay deegaano hor leh oo argagixisada ay gacanta ku haysay sanado badan.

Waxaa la rajeynayaa haddii uu sidan kasii xoogeysto kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay noqon doonto dhamaadkii argagixisada ee Soomaaliya.

DAACISH oo sheegatay weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay dalka IRAN

0

Tehran (Caasimada Online) – Dalka Iran, dablay hubaysan ayaa waxay rasaas ku fureen dadweyne ku sugan goob ay shiicadu ka barakaysato, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaran illaa 15 qof ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay dhaawaceen 40 qof oo kale, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah.

Weerarkan ayaa ka dhacay goobta ay shiicadu ka barakaysato ee Shah Cheragh oo ku taalla magaalada Shiraz.

Warbaahinta dawladda ayaa dhacdadan ku tilmaamntay inay tahay weerar argagixiso, waxayna sheegtay in la ka mida dadka loo tuhmayo weerarkan in la soo xidhay.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dalka Iran ay maalintii 40aad ka socdaan mudaharaado looga soo horjeedo xukuumadda dalka Iran, kuwaas oo ka dhashay gabadh yar oo ay ciidamada anshaxa ee caasimadda Tehran ay xidheen, ka dibna ku dhex geeriyootay xabsiga.

Ciidamada Talyaaniga oo soo badbaadiyey in ka badan kun tahriibayaal ah

0

Rome (Caasimada Online) – Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa Arbacadii sheegay inay Badweynta Mediterranean-ka kasoo badbaadiyeen in ka badan 1,000 Tahriibayaal ah oo la socday laba doomood oo kalluumaysi.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay laba qof oo kale oo mayd ah ka soo saaraan Badweynta Mediterranean-ka.

Labadan hawlgal ee “isku-dhafan” ee xeebaha Syracuse ee Sicily, oo ay ku lug lahaayeen doomo ka yimid Liibiya, ayaa daba socday digniin Talaadadii ka timid khadka isgaariinta marinktaas ee Alarm oo ah koox maamusha khadka tooska ah ee muhaajiriinta u baahan samatabbixinta.

Doontii ugu horeysay, oo qiyaastii 35 mayl u jirta xeebta Sicilian, markab ay leeyihiin ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay 416 muhaajiriin ah, halka markab ilaalada Spain oo la shaqeeya ciidamada xudduudaha Midowga Yurub ee Frontex uu badbaadiyay 78 kale.

Dooni labaad oo kalluumeysi, oo 60 mayl u jirta xeebta, maraakiibta ilaalada xeebaha iyo booliiska dambiyada maaliyadeed ee Talyaaniga ayaa kusoo baxay si ay u badbaadiyaan 663 muhaajiriin ah.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa wacad ku martay Talaadii inay joojin doonto dadka tahriibayaasha ah ee ka imaanaya qaarada Afrika, iyadoo khudbadii ugu horeysay ka jeedisay baarlamaanka tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay dhamaadkii todobaadka.

Meloni waxa ay sheegtay in dowladeeda, oo ah tan ugu midigta fog dalka tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, ay doonaysay in ay “joojiso tahriibka sharci darrada ah, ayna jebineyso ka ganacsiga tahriibka”, gaar ahaan iyada oo ka hortagaysa dadka soo baxaya Liibiya oo ay dhibaatadu saamaysay.

VOA

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Golaha Wadatashiga ee ka furmaya MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dhammaan hoggaamiyeyaasha maamullada dalka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyey hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo HirShabelle oo maanta lagu soo dhoweeyey caasimada, halka Deni, Lafta Gareen iyo Qoor Qoor ay shalay yimaadeen.

Qaban qaabadiii ugu dambeysay ee furitaanka shirkan ayaa haatan ka socoto xarunta Villa Soomaaliya oo ah halka uu ka dhacayo shirkan oo ah mid xasaasi ah.

Shirka waxaa guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo ay ka qayb-galayaan ra’iisul wasaare Xamza, Duqa Muqdisho iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka.

Wararka aaan heleyno ayaa sheegaya in shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo sidoo kale xoojinta howlgallada haatan ka billowday dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xogta ayaa intaasi ku sii dareysa in madaxdu ay falanqeyn doonaan arrimaha shidaalka ee ay haatan faraha la gashay dowladda Xasan Sheekh oo dhameystirtay heshiiska shidaalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaadi doonaa gurmadka abaaraha, maadaama ay kasii darayaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska ku soo laabtay 15-kii May ee sanadkan 2022 ayaa kulamo hore la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, isagoo kala wada hadlay sii amba qaadida howlaha waa weyn ee horyaalla dowladdiisa cusub iyo sidoo kale wada shaqeynta labada dhinac.