31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Prof. Juurile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Cabdirisaaq Cismaan Xasan “Juurile” wuxuu u magacaabay in uu noqdo La-taliye sare oo dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowlad wanaagga ah.

Sida lagu shegay dikreetadaan Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Prof. Juurile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka,” ayaa lagu qoraalka madaxtooyada.

La-taliye Cabdirisaaq Cismaan “Juurile” ayaa horay u soo qabtay xilal wasiirnimo oo heer federaal ah.

Sidoo kale wuxuu ka soo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladnimada iyo bulshada.

Dhageyso: Deegaano cusub oo laga qabsaday Al-Shabaab iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ayaa maanta la wareegay deegaano badan oo hoos yimaada degmooyinka Maxaas iyo Jalalaqsi oo ka tirsan gobalka Hiiraan, kuna dhow degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo qeyb ka ahaa saraakiisha howl-galka hogaamineysa ayaa VOA u sheegay in deegaanadaas ay ula wareegeen si nabdoon, kadib markii ay ka firxadeen Shabaabkii ku sugna.

“Maanta deegaano badan ayaa la wareegnay oo labo degmo ka kala tirsan ayaa la wareegnay. Waxa kula wareegnay si nabad ah oo ayaga ayaa ku daba-joognay oo meelkasta wey ka cararayeen,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Waxa joogna xadka gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, weliba waxaa 15KM uga sii dhawahay degmada Aadan Yabaal.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galo qorsheysan ay socdaan, kuwaasi oo qeyb ka yahay Jeneraal Biixi iyo Odowaa, islamarkaana ujeedkoodu yahay inay uga daba-galaan cadowga meel kasta oo ay u firxadaan.

“Dadka waa nasoo dhaweynayay deegaanada aan la wareegnay oo waa dad muddo cabursanaa. Ciidanka DANAB oo duqeymaha ka qeyb qaatay, nimanka nabad diidka intay jiraan waa sii socone duqeynta.”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay inaysan ciidamada kasoo noqon doonin deegaanada ay kala wareegeen Al-Shabaab, sida hore u dhacday, hase yeeshee ay hore u sii wadi doonaan howl-galada.

Hoos ka dhageyso wareysiga guddoomiyaha Maxaas

Howlgal ay iska kaashadeen NISA iyo beesha caalamka oo lagu laayey Shabaab badan

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 17 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jireen labo horjooge lagu dilay howl-gal qorsheysan oo iska kaashadeen hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga.

Howl-galkaan oo dhacay xalay ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda oo ayagu isku aruursanayay deegaano hoos yimaada tuulada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Dhammaan dhagar qabayaashii cadowga ee ku sugnaa goobta bartimaameedku ahaa ayaa la laayay, waxaana halkaasi lagu soo afjaray dhagartii kooxdaan ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya dadka Soomaliyeed oo si joogta ah ula wadaaga xogta dhagarta aragagixisada ayaa howl-galadii ugu dambeeyay ee todobaadkaan ku dilay in ka badan 150 maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Aragagixisada, sida lagu sheegay qoraalka.

Labo maalmood ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale ay dowladda ku shaacisay war-saxaafadeed soo saartay in Al-Shabaab laga laayay horjoogayaal iyo dagaalyahano ka tirsan, inkasta oo aan la xusin dhamaan magacyada horgoojayaasha lagu dilay howl-galadii u dambeeyay.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli si habsami leh uga socda dalka, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay ku guuleysteen in cadowga kala wareegaan deegaano hor leh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen.

Xogta xariga Cabdalla Muumin iyo ciqaabta ay rabto xukuumadda in lagu qaado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumaddaha oo ah awoodda koowaad ee fulinta Dowladda iyo Saxaafadda oo lagu tilmaamo awoodda afaraad, waxaa markasta ka dhaxeeya xiriir aan fiicneyn iyo isku dhac joogto ah.

Dowladii Kacaanka ee Keli-taliska ahayd 1969-1991, dalka kama jirin warbaahin ka baxsan tan dowladdu leedahay waxayna madaxda ugu badan ee dalka ka talisa ku garaadsadeen xaaladaasi aan la ogoleyn wax xoriyad ah, taasi oo dhalisay dagaaladii sokeeye iyo burburkii dowladnimada Soomaaliya.

Dib u dhiskii dowladnimada Soomaaliya iyo Shirkii Carta sanadkii 2000 waxaa kaalinta ugu weyn ku lahayd saxaafadda xorta ah ee markaas dalka ka jirtay.

Laga soo bilaabo dowladii Cabdillaahi Yuusuf waxaa saxaafadda soo wajahay awood sheegasho, caburin iyo hanjabaad joogto ah, iyadoo lagula kacayay falal isugu jira weerarka xarumaha warbaahineed, xarigga saxafiyiinta iyo hanjabaad ay kula kacayeen madaxda dowladaha oo adeegsanaya hay’adaha Amniga.

Khilaafkii ugu danbeeyay ee Saxafiyiinta iyo Dowladda wuxuu bilowday markii Wasaarada Warfaafinta Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay 8-dii Oktoobar 2022 soo saartay Wareegtadii uu akhriyey Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Al-cadaalla.

Wareegtadan oo ‘Xeer iyo Sharci’ loo ekeysiiyay, waxay xambaarsaneyd Amarro ay saxafiyiinta u arkeen inay halis ku yihiin shaqadooda, isla markaana aan lagala tashan, kana horjeeda Dastuurka, Xeerka Saxaafadda iyo Sharciyada caalamiga ah.

Afar ka mida Ururrada ay ku mideysan yihiin Saxafiyiinta madaxa bannaan ayaa shirkoodii jaraa’id ku caddeeyay mowqifkooda.

Dowladda oo sida muuqata u cuntami weyday falcelinta ka timid ururrada Saxafiyiinta waxay si gaara beegsatay mid kamida madaxda ururrradii soo saaray War-saxaafadeedka Saxafiyiinta oo habeennimo Xafiiskooda ay tageen ciidamo Af-xiran, kadibna waxay 10-kii Oktoobar 2022 Garoonka Muqdisho ka qabteen xoghayaha ururka SJS Cabdalla Muumin Axmed oo safar ugu socday dalka Kenya.

Ma caddeyn sababaha keenay in si gaara loo beegsado Xoghaye Cabdalla Muumin, iyadoo loo adeegsaday ciidamada Sirdoonka ee Hay’adda NISA, isagoo lagu xiray Xabsiga NISA ee Godka Jilacow oo habeen uu ku qaatay, kadibna loo wareejiyay xarunta CID.

Sidoo kale lama caddeyn cidd amartay xarigiisa oo ay sharci darro ku tilmaameen saxafiyiinta iyo Qareenada u doodaya.

Isu-soo bax, Qeylo dhaan iyo Shirar jaraa’id oo ay qabteen Saxafiyiinta, kadib ayey Wasaaradda Warfaafinta soo saartay War-saxaafadeed ay isaga fogeysay Xariga Weriye Cabdalla Muumin, waxana qoraal ay soo saartay 12 Oktoobar ku caddeysay:

“Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda”

Subaxnimadii 13-kii Oktoobar ayaa Weriye Cabdalla Muumin lagu wareejiyey xarunta CID-da, waxaana Duhurnimadii maalintaasi la hor geeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, balse waxaa la yaab ahayd in lagu soo oogay eedo ku saabsan inuu jebiyay XEER kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta iyo qodob ku saabsan faafin sir amni, sida uu sheegay Qareenka Wariyaha.

Maxkamadda ayaa waxay CID-da ka dalbatay inay keenaan caddeymaha Xeerka uu jabiyey iyo muuqaalkii Sirta ahaa ee ay ku eedeeyeen inuu faafiyay, waxaana Weriye Cabdalla Muumin dib loogu celiyay Xarunta CID-da.

Mar labaad waxaa Cabdalla Muumin la hor geeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir Axaddii 16-ka Oktoobar 2022, iyadoo CID-da iyo Xeer ilaalinta laga sugayey eedeyn rasmi ah iyo caddeymaheeda wadata, balse waxaa dhacday in eedihihii hore loogu jeediyay isbedel lagu sameeyay, waxaana markan lagu soo oogay saddex qodob oo ka mida Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo kala ah: 219, 321, 505.

Waxaa meesha laga saaray qodobkii faafinta Sir ciidan, iyadoo Xeer ilaalintu dalbatay xabsi ku heyn iyo Xabsiga dhexe loo gudbiyo si baaritaanka kiiska loo dhammeystiro, taasi oo maxkamaddu ogoalatay.

Dadaal ay sameeyeen Qareenada iyo madaxda warbaahinta ayaa Maxkamadda ka codsaday in Cabdalla damiin lagu sii daayo oo bannaan joog uu noqdo, mudadda dacwadu socoto ee 45 maalmood ah, taasi oo lagu guuleystay.

Qodobadda ay soo diyaariyaan xeer ilaalinta ee dowladu u heysato Weriye Cabdalla Muumin waxay kala yihiin:

Qodobka 321 oo ku saabsan: Ku boorrin in sharciga laga horyimaado, waxaana ku xusan ciqaaba xarig lix bilood ilaa shan sanno ah. Qodobka 505 oo cinwaankiisu yahay: “Dhawrid la’aanta Amarada Maamul” ciqaabta uu watana ay tahay xarig ilaa Saddex bilood ah ama xarig iyo ganaax.

Qodobka 219 oo ka hadlaya: Cambaaraynta Ummadda ama Qaranka, kaasi oo wata ciqaab gaareysa lix bilood ilaa sadex sanno ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa la noqotay damaanadii uu bannaanka ku joogay weriye Cabdalla Muumin, waxaana Galabnimadii 18 Oktoobar 2022, mar kale laga soo qabtay garoonka Muqdisho, balse Maxkamadda Racfaanka ayaa mar kale dib ugu soo celisay damaanadii, isagoo laga sii daayey xabsiga.

Nuxurka Dacwadda lagu soo oogay Weriye Cabdalla Muumin iyo eedaha lagu soo oogay oo ka baxsan Xeerka Saxaafadda, lagana dhigayo arrimo Amni iyo Dagaalka Alshabaab lagula jiro waxay xaaladda ka dhigeen mid cakiran oo saxafiyiinta loo adeegsanayo inay lagu shaabadeeyo Al-Shabaabnimo, looguna yeelo dembi culus.

Waxay ahayd siyaasad xumo in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay xilligan gasho dagaal saxaafadeed, halkii Wasaarada Warfaafinta la imaan lahayd qorshe lagu mideeyo Warbaahinta oo lagala tashado sida loo wajahayo xaaladda lagu jiro marka sharci ahaan la isla meel dhigo, laga ilaaliyo xuquuqda dhinac kasta.

Waxay ahayd arrin laga xumaado in markii madaxda Qaranka iyo mas’uuliyiinta xukuumadda ay amar ku bixiyaan xariga Muwaadin weriye ah aysan jecleysan aragtidiisa, iyadoo aan loo marin amar maxkamadeed, taasi oo ah sharci-darro aan is-bedelin muddo 20 sano ah.

Waxaa kale oo nasiib-darro ahayd in Hay’adaha Xeer ilaalinta iyo Dembi baarista eedo uga raadiyaan qof weriye ah Xeerka Ciqaabta, iyadoo uu dhaqan-gal yahay Xeerka Saxaafadda oo dacwooyinka loo heysto weriyeyaasha ay tahay in loo maro.

Isku dayga Wasaaradda Warfaafinta ee ah in kiiska Weriye Cabdalla laga saaro mid la xiriira shaqadiisa saxaafadeed, si dembi ciqaabeed loogu raadiyo iyo hadalkii Ra’iisal wasaare Xamse waxay caddeyn u yihiin in dagaalka Alshabaab xukuumaddu u adeegsaneyso Saxaafadda si ay Warbaahinta Madaxa bannaan ugu shaqeyso rabitaanka Madaxda dowladda.

Kiiska Weriye Cabdalla Muumin wuxuu dibadda usoo saaray qaabka ay u fekerayaan madaxda Qaranka xilligaan joogta, waxaana la ogaan doonaan sida Garsoorku ugu cadaalad falo, una qaato go’aan aan lagu cadaadin.

Xigasho: Radio Risaala

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta daah-furay barnaamij ku kacaya $150 milyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha hormarinta korantada dalka oo qayb ka ah qorshaha xukumadda ee tiirka horumarinta arrimaha bulshada.

Barnaamijka horumarinta korantada dalka ayaa waxaa ku baxayso lacag dhan 150 Milyan oo dollar, waxaana fulinaysa wasaaradda korantada iyo biyaha oo kaashanaysa bangiga Adduunka.

Sida qorshaha uu yahay barnaamijkan ayaa soconaya mudo 5 sano ah, ayada oo loo qorsheeyay in 11 magaalo oo kamid ah dalka laga hir-geliyo koronto gelin loogu samayn doono goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ee dhamaan gobolada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in nolosha casriga ah ay korontadu saldhig u tahay oo la’aanteed aan dhaqaale la horumarin karin, amni la sugi karin, waxbarasho iyo caafimaadna la tayeyn karin.

“Waa lagama maarmaan in la helo tamar casri ah oo dadkeenna siisa fursad ay dunida kula jaan qaadi karaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa qorshaheeda siyaasadeed waxaa saldhig u ah horumarinta adeegyada bulsho dalka ee ku burburay dagaaladii sokeeye iyo xoreynta deegaannada cadawgu ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho iyo xogta shirka caasimadda ka furmaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Abdule Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan bulshada Caasimada.

Socdaalka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee magaalada Muqdisho ayaa ah ka qeyb-galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo xaaladda dalka, kaasi oo maalmaha soo socda ka furmaya Villa Somalia.

Sidoo kale waxaa isla maanta magaalada Muqdisho kusoo wajahan madaxda kale ee dowlad-goboleedyada si ay shirka uga qeyb galaan.

Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada ayaa todobaadkan shir deg-deg ah ku yeelanaya Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo xaaladaha haatan soo kordhay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyey in shirkan uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana 27-ka bishaan oo ku beegan berri uu ka qabsoomayo Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa casuumad u fidiyey shanta hoggaamiye goboleed sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo lagu wado inay soo gaaraan Muqdisho.

Lama shaacin muddada uu qaadan doono shirkan oo ah mid xasaasi ah, isla-markaana ku soo aaday xilli haatan dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wararka aaan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyada dalka lagu soo qaadi doono arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo sidoo kale xoojinta howlgallada haatan ka billowday dalka.

Xogta ayaa intaasi ku sii dareysa in madaxdu ay falanqeyn doonaan arrimaha shidaalka ee ay haatan faraha la gashay dowladda Xasan Sheekh oo dhameystirtay heshiiska shidaalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaadi doonaa gurmadka abaaraha, maadaama ay kasii darayaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Gunaanadka shirka Madaxda Wadatashiga Qaranka ayaa la filayaa in ay si wada jir u soo saaraan warmurtiyeed kaga hadlayaan qodobadii ay ku gorfeeyeen Shirka inta uu u socda, qodobka ugu weyn uu yahay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska ku soo laabtay 15-kii May ee sanadkan 2022 ayaa kulamo hore la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, isagoo kala wada hadlay sii amba qaadida howlaha waa weyn ee horyaalla dowladdiisa cusub iyo sidoo kale wada shaqeynta labada dhinac.

Sawirro: Kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka billowday magaalo cusub

0

Xudur (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka billowday gobollo kamid ah Soomaaliya tan iyo markii dib loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kacoonka oo markii hore ka billowday gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa hadda waxaa kusoo biiraay deegaano cusub oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Xudur ee gobalka Bakool, ayaa billaabay abaabul hubaysan oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, si ay isaga dulqaadaan.

Shacabka ayaa sheegay in ay doonayaan in ay qayb ka noqdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Haween, Dhalinyaro iyo wayeel ayaa ka soo muuqday gudaha magaalada kuwaas oo ku hubaysan hubka, waxaana ay sheegeen in ay degmada Xudur iyo deegaannada hoostaga ay doonayaan in Al-Shabaab ka xureeyaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo dhowr sano ah waxay go’doon geliday Xudur, waxaana magaalada u furan oo kaliya dhanka cirka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markaan wajaheysa kacdoonkii ugu weynaa tan iyo markii la aasaasay kooxdaan, waxayna madaxda dowladda Soomaaliya ballan qaadeyn inay 2 sano gudahood uga saari doonaan guud ahaan dalka.

Shirkadda Coastline oo lacag siisay 3 maamul goboleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Coastline Exploration oo fadhigeedu yahay Mareykanka, isla-markaana maalmo kahor ay dowladda Soomaaliya u saxiixday heshiiska shidaal baarista ee dalka ayaa ku dhowaaqday taageero ku aadan gurmadka abaaraha.

Coastline Exploration ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacagn dhan 1.4 milyan oo dollar, taas oo cunto gargaar lagu siinayo 6,000 oo qoys oo ku nool K/Galbeed, Jubbaland & Galmuudg.

Lacagtaan ayaa lagu soo iibin doonaa raashin noocyo kala duwan leh oo la gaarsiin doono saddexda magaallo ee xeebaha ku yaallo ee kala ah Baraawe, Kismaayo iyo Hobyo.

Dhammaan saddexda goobood ee ay bartilmaameedsatay ayaa ku dhow meelaha ay ku yaalaan ceelasha batroolka, ayada oo ay arrintan u muuqata mid looga hortegayo gadood ay suurtagal tahay inay sameeyaan dadka deegaanka, maadaama saameyn ku yeelaneyso.

Qoraalka ka soo baxay Coastline Exploration ayaa lagu sheegay in 2,000 qoys oo ku nool gobol kasta la siin doono lix nooc oo cunto ah sida Sonkor, Bariis, Bur, Saliid, Isbaanish iyo Caano. Qoys kasta ayaa heli doono 87.5 kg oo cunto ah iyo sidoo kale 20 litir oo saliid ah.

Madaxa fulinta ee shirkadda shidaalka ee Coastline Exploration, Richard Anderson oo ka hadlay lacagtaan ayaa sheegay inay uga qayb qaadanayaan gurmaadka abaaraha ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyey in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin caawimaad.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay caawin si ay u yareyso xaaladaha abaarta & sidoo kale macluusha daba dheeraatay ee saameeyay qoysas badan. Waxaan rajeyneynaa in deeqdan raashinka ah ay wax ka bedesho xaaladda. si dhibaatada loo yareeyo” ayuu yiri Mr Richard.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajahaysao abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah, kaddib afar xilli oo xiriir ah oo roob yari uu sababay in xoolihii ay dhintaan, dalagyadii beerahana ay baaba’aan, iyadoo dadka reer miyiga ah ee ku nool meelaha ay adag tahay in la gaaro ay yihiin kuwa ugu daran. Waxay sidoo kale abaarta saamaysaa ku dhawaad illaa 7.8 milyan oo qof oo ah kala bar dadka iyo 90% dalka waxaa soo food saartay macluul.

PUNTLAND oo ka laabatay go’aankii arrimaha shidaalka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka laabatay go’aankeedii arrimaha shidaalka, waxayna taageertay heshiiska wadaagga wax soo-saarka shidaalka ee ay kala saxiideen dowladda federaalka iyo shirkadda Coastline Exploration.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo shalay hadalka ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 51-aad baarlamaanka, ayaa sheegay in Puntland soo dhaweynayso ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadkaas.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya, sidaa daraadeed waxay Puntland diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadka dabiiciga ah,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Puntland ayaa horay uga digtay dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalka Soomaaliya ee waddo dowladda federaalka iyo in la fuliyo hindise sharciyeedka batroolka ee la ansixiyay 2020 oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay maamul goboleedyada, oo ay Puntland ku jirto ka talo-gelisay heshiiska dib loola galay shirkadda Coastline Exploration. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 21-kii October ogolaatay heshiiskii muranka badan dhaliyey ee u dhaxeeyey Soomaaliya Shirkadda Coastline Exploration, kaasi oo ay horey u diiday dowladdii madaxweyne Farmaajo.

Heshiiskaas oo uu saxiixay wasiirkii hore ee batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxaa diiday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Roooble, balse shirkadda Shirkadda Coastline Exploration ayaa ku adkeysatay inuu yahay mid sharci ah oo aan laga bixi karin. 

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda ay shan qodob ka bedeshay heshiiskaas, ayada oo la kaashaneysa garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah kadibna dhameystirtay. 

Shirkadda Coastline Exploration ayaa shaaciay inay lacag dhan 7 milyan oo dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, oo qeyb ka ah heshiiska.

“Anagoo taageero ka helayna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waxaan si toos ah u dhignay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya lacag dhan $7 milyan oo ah saxiixa heshiiska,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkadda.

Caro xoogan oo ka dhalatay dilkii xildhibaan Juweeriya

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, taas oo ka dhalatay caro xoogan oo ay shacabka ka muujiyeen dilkii Isniintii shalay loo geystay xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsaneyd baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Jigjiga oo maanta isugu soo baxay afaafka hore ee guriga marxuumadda ayaa diiday in la’aaso illaa inta cadaalad looga helayo.

Dadweynaha reer Jigjiga ayaa si weyn wax isaga weydiinaya dilka xildhibaan Juweyriya Subcis oo shalay ku dhimatay rasaas uu furay askari ka tirsan ciidanka ilaalada garoonka  diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal, taas oo sababtay dhaawaca illaa saddex qof oo kale.

AUN Xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa xubin ka aheyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Cagjar oo dilkan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay askarigii ka dambeeyey falkaasi, wuxuuna tilmaamay in cadaaladda la horkeeni doono.

“Ciidamada amaanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay” ayuu yiri madaxweynaha DDS.

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray ehellada marxuumadda iyo guud ahaan shacabka dowladda deegaanka Soomaalida, isaga oo tilmaamay inuu xanuunka la qaybsanayo.

Waxaan shacabka Deegaanka la qaybsanaynaa xanuunka iyo tacsiyaha dilka foosha xun ee ay nafteeda ku wayday Allaha ha u naxariistee Xildhibaan Juweria Subcis oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaanka Deegaanka”. ayuu markale Cagjar oo war qoraal ah soo saaray.

Dilka xildhibaan Juweeriya ayaa si weyn looga dareemay Jigjiga, waxaana dhammaan dadka ay waxyeelada ay soo gaartay ay ka dhoofayeen garoonka magaaladaas.

Madaxweyne Deni oo maanta magacaabay xilal dhowr ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta sameeyay soo saaray dhowr wareegto oo uu ku kala magacaabayo xubnaha maxkamadda sare ee Puntland, Taliyayaasha ciidanka booliska iyo la-dagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Deni ayaa maxkamadda sare u magacaabay toddoba xubnood, kuwaasi oo kala ah 1. Xassan Yuusuf Nuur (Guddoomiye), 2. Axmed Sheikh Cumar Xassan (Guddoomiye Ku-xigeen), 3. Saciid Axmed Faarax (Garsoore), 4. Maxamuud Cawad Cumar (Garsoore), 5. Saciid Maxamuud Maxamed (Garsoore), 6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi (Garsoore Kayd ah) iyo 7. Aadan Axmed Moxamed (Garsoore Kayd ah).

Garsoorayaasha uu magacaabay madaxweyne Deni ayaa waxa uu mudda xileedkoodu noqon doona 5 sano, sida uu qeexayo qodobka 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Dowladda Puntland.

Wareegtada labaad ee kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waxa lagu magacaabay taliyaha ciidanka booliska iyo ku-xigeenkiisa, iyo weliba taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug, kuwaasi oo kala ah;

1. Waxaa S/Guuto Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.

3. Waxaa G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Mudug.

Sidoo kale wareegtada saddexaad ee isla maanta uu soo saaray Deni ayaa waxa uu ku magacaabay Taliyaha la-dagaalanka argagixisada, kaasi oo u magacaabay S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse.

Wareegtada u dambeysa ayaa wuxuu ku magacaabay agaasimaha guud ee wasaarada haweenka iyo agaasime ku-xigeenka guud ee madaxtooyada, kuwaasi oo loo magacaabay xubnahaan hoose;

1. Waxaa Cabdiqani Yuusuf Daahir loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland.

2. Waxaa Cabdirisaaq Cali Cartan loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay rag ka tirsanaa kooxda DAACISH

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaas oo ay maxkamaddu dil ku xukuntay kowdii August ee 2019-kii.

Labada nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed, waxaana lagu helay ka mid ahaanshiyaha Daacish.

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu shaacisay inay ku lug lahaayeen dilal qorsheysan oo ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, kuwaas oo ay qirteen, halka sidoo kale maxkamadda la hor geeyay caddeymo ku filan xukunka ku dhacay ee saaka lagu fuliyey.

Eedeymaha loo soo jeediyey waxaa ka mid ahaa in 24-kii August 2018, Aadan iyo labo ruux oo kale ay Boosaaso ku dileen labo xiddigle Axmed Hurfe Jaamac oo ahaa taliyihii Gaadiidka Madaxtooyada maamulka Puntland, halka 25-kii October 2018 ay isla Boosaaso ku dileen Cabdiraxmaan Aadan Cali oo ahaa Ganacsade & dilal kale oo ka dhacay Muqdisho.

Fagaaraha lagu toogtay labadaan ruux waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan maxkamadda iyo ciidamada ammaanka oo xukunka dilka ku fuliyey raggaasi.

Inta badan maxakamadda ciidamada ayaa dilal toogasho ah ku fuliso xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish ee soo gala gacanta ciidamada dowladda oo haatan howlgallo culus wada.

Si kastaba, maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii u dambeeyey kordhisay fulinta dilalka toogashada, waxaana todobaadkan gudihiisa la qisaasay illaa 5 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Al-Shabaab, askarigii dilay wasiir Cabaas iyo labada saaka la dilay.

Sawirro: R/W Xamza oo war cusub kasoo saaray xiriirka Soomaaliya iyo QATAR?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Qatar Xasan Bin Xamza Hashim, kaas oo soo gabagabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalka.

Xamza Cabdi Barre ayaa safiirka ku qaabliay hoygiisa, isaga oo u sameeyey casho sharaf, sidoo kalena guddoonsiiyey haddiyado gaar ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay xiriirka labada waddan, wuxuuna tilmaamay inuu yahay mid soo jireen ah, islamarkaana ay xukuumaddiisa ka go’an tahay inay sii xoojiso.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey safiirka hawshii uu ka qabtay Soomaaliya intii uu ahaa danjiraha dalka Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dhankiisa danjire Xasan Bin Xamza Hashim oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyey wada shaqeynta iyo xiriirka soo jireenka ah, isaga oo si gaar ah uga mahad-naqay munaasabadda cashada ah iyo hadiyado uu guddoonsiiyay ra’iisul wasaare Xamza.

Danjire Xasan Bin Xamza Hashim ayaa waxaa dhowaan beddeli doono safiirka cusub ee Qatar ay u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo la yiraahdo Cabdalla Saalim Nasser.

Safiirka la badalayo ee Qatar ayaa waxaa si weyn loogu xasuustaa sidii uu ula safnaa madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), wuxuu saaxiib la ahaa maamul goboleedyada Farmaajo taageersanaa isaga oo maamulada kale u gaabiyey xiriirka, taasoo marar badan lagu dhaleeceeyey safiirka haatan la badalay.

Heshiiska Coastline, DF ma kusoo dabi doontaa shirkadaha waaweyn ee weli shakisan?

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii October 21, 2022, ansixiyay heshiiskii muranka dhaliyay ee lagu sahamin lahaa toddoba xirmood ee ku yaal biyaha qotada dheer ee Soomaaliya. Wasiirka Betroolka iyo Macdanta Cabdirizak Cumar Maxamed oo aan faafaahin dheeri ah ka bixin arrinka ayaa yiri, “heshiisku waxuu ahaa dhammaystirka heshiis hore loo saxiixay.”

Wasiirkii hore ee Betroolka iyo Macdanta Cabdirashid Maxamed Axmed oo May 12, 2020 daahfuray tartan shati bixin (SP GLOBAL) sahamin toddoba xirmood (152, 153, 164, 165, 177, 178 iyo 204), balse aan ku dhawaaqin ku guuleysteyaasha qandaraaska ayaa si shaki dhalisay ugu saxiixay heshiis shirkadda Coastline Exploration.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa ka qaaday tallaabo sharci ah dhinacyadii ku lugta lahaa qandaraaska. Wasaarkii hore ee Arrimaha Dibedda Cabdisaciid Muuse Cali oo tixraacaya eedaymaha ayaa Aprill 2022, ku booriyay Coastline Exploration inay dowladda Soomaaliya la shaqayso.

Dowladda ayaa ka shakiday inay shirkadda adeegsatay musuqmaasuq si ay ugu guulaysato qandaraas hawlahii saldhigga u ahaan bixintiisa dhammeystirnayn. Lama oga xaqiiqada balse, shirkadda ayaa 2014kii lug ku lahayd sahminta kheyraadka badda Soomaaliya iyadoo sidatay magac Soma Oil and Gas.

Inkastoo, Soomaaliya ay horumar ka samaysay dhismaha hay’adaha shidaalka iyo horumarinta sharciyada la xiriira, haddana waxaa caqabad ku noqday amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed, iyo dano qaran (federal) iyo kuwo heer gobol oo is haysta.

Hay’adda IHS Markit oo khabiir ku ah “Petroleum Economics and Policy Solutions – PEPS” ayaa heerka halista Soomaaliya ku tilmaamtay 107 darajo marka la barbardhigo halbeegga 119 dhulal oo ay hore u qiimaysay fursadaha maalgashigooda.

Taas micnaheedu waxuu yahay in Soomaaliya aysan si sahlan u soo jiidan doonin kalsoonida maalgashadayaasha leh karti iyo awood maaliyadeed ilaa shirkadaha gaddisleyda ee halista u bareera oo iibiya xuquuqda baarista (asset flippers) ka helaan bar macaan (sweet spot) biyaha dalka.

Walow, Soomaaliya ay ka mid tahay dhulalka aan weli la sahmin ee ku yaal biyaha diirran oo shirkadaha waaweyn ee shidaalka isha ku hayaan, haddana ilaa hadda Shell iyo ExxonMobil oo 2019kii dib u soo ceshatay xuquuqdoodii dalka lama imaan tub tansaasulaadyadii hore u jiray loogu rogo heshiisyo waafaqsan sharciga badroolka ee 2020.

Dowladda Federaalka faahfaahin ka bixin halka lagu furay eedayntii taagnayd. Ha ahaatee, in Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya garyaqaanno ka socda Bankiga Adduunka oo ku takhasusay qandaraasyada wax-soo-saar wadaagga shidaalka ay dib u saxaan shan qodob oo shaki ku jiray waxay muujinaysaa in dhabbaha loo xaarayo jawiga ganacsi Soomaaliya.

Haddii la eego mustaqbalka shidaalka, oo waayahan dambe baahidiisa sii kordhaysay, waxaa la saadaalinayaa in isticmaalka ugu sarreeya gaaska iyo saliidda caalamka aan weli la gaarin. Taas waxay muujinaysaa in dalka Soomaaliya uu ku jiro waqtigii ugu habboonaa ee uu la soo baxi lahaa kaydka shidaal dihan.

Kobaca baahida adduunka ee shidaalka dareeraha ah oo sii kobcaya ka sokow, waxaa laga yaabaa in fursadda maalgashiga sahaminta shidaalka biyaha qotoda dheer ee Soomaaliya dib u soo noolaado dhowr arrimood oo isku aaday awgood:

  • IMFta oo March 25, 2020, ansixiyay tubtii lagu gaari lahaa  deyn cafin aan dib u soo noqosha lahayn;
  • Maxkamadda ICJ oo go’aan ka gaartay murankii soohdinta badda Soomaaliya iyo Kenya;
  • Qiimaha shidaalka maanta oo aan la filayn inuu hoos u soo dhaco dhawaanahaan;
  • Dalalka Yurub oo go’aansaday inay ka aalaan shidaalka Ruushka oo dantu ay ku khasbayso helaanna beddelkiisa.
  • Dowladda Federaalka oo mudnaan siinaysa la ganacsiga dalalka gobolka;
  • Shiinaha iyo Ruushka oo laga yaabo inay soo hunguriyeyaan shidaalka Soomaaliya; iyo
  • Kenya oo ku hungowday baariistii shidaalka badweynta Hindiya;

Ilaa hadda daraasaadka sahaminta biyaha qotada dheer ee Soomaaliya waxay muujinayaan rajo kayd saliid iyo gaas ugu yaraan dhan 30 bilyan foosto. Khayraadka oo aan laga bixin saami munaasab ah, iyo canshuuraha oo lala baxsado waxay sababaan saboolnimo, caddaalad-darro, iyo colaad sokeeye oo aan xal lahayn. Rajadu waxay tahay in tani noqoto mid baraka leh oo uu dalku ku barwaaqoobo.

QOOR QOOR oo war kasoo saaray deegaan muhiim ah oo laga xoreeyay Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa si weyn u bogaadiyay howl-galka ciidamada xooga dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ay gacanta cadowga uga xoreeyeen deegaanka Qaayib.

Howl-galka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ku qabsadeen deegaanka Qaayib oo hoostaga magaalada Cadaado, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

“Qaayib waa deegaan ay muddo dhib ku hayeen kooxaha argagaxisada ah, halkaas oo u aheyd maxkamad beeneed ay ku dhici jireen hantida dadka shacabka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Qoor Qoor kusii dhiiri-geliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida inay sii laba jibaaraan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada Galmudug.

Galgaduud ayaa ka mid ah meelaha ay ka socdaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ujeedka uu yahay in la gaaro degmada Ceelbuur ee gobolkaasi.

Inta badan gobolada dalka ayaa waxaa weli ka socda kacdoon shacab oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo deegaano horleh ay ku qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ururada Somaliland oo la dul dhigay amarro culus (Aqriso)

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasada Somaliland ayaa awaamiir cusub dul dhigay ururada siyaasada, xili ay deegaanada Somaliland ka socdeen ololaha ay ururada uga soo gudbayaan ururnimada.

Guddiga oo isla maanta madaxda ururada Somaliland kulan kula qaatay magaalada Burco ayaa ku wargeliyay awaamiirtan cusub, kuwaasi oo guddiga ku sheegay in meesha looga saarayo carqaladaha soo wajahay hanaanka hubinta shuruudaha ururada.

“Waxaa la farayaa dhamaan ururada Siyaasada xubnaha ay doonayaan in madax ka tiriska loogu sameeyo ay ku urursadaan goob leh deyr, waxaana reeban in tirada lagu sameeyo goob furan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale waxa guddiga uu joojiyay nidaamkii kala horeynta ee hore u adeegsanayay guddigu, ayada oo hada kadib halmar la is-raacin doono goobaha masaafo ahaan isku dhow.

“Howsha tirinta waxay si toos ah u bilaabaneysa 9:00 subaxnimo, waxaana la faraya dhamaan ururada siyaasada inay diyaar ahaadaan saacada. Waqtiga tirinta waxa la joojinaya bixida iyo soo galida goobta la tirinayo.”

Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasada Somaliland ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ururada siyaasada Somaliland midkiiba laga rabo kun qof gobolada Togdheer iyo Sanaag, halka gobolka Sool ay ku joojin doonaan 400 oo xubnood.

“Urur siyaasadeedka baalmara qoddobadaas waxay guddiga diiwaan-gelinta ururada u diiwaan-gelin doonta in uusan raacin nidaamkaas, sidaas darteedna suurta-gali mareyso in loo tiriyo dadweynaha uu haysto ee laga rabay.”

Carruur indhooleyaal ah oo ku dhintay dab ka kacay iskuul ay dhiganayeen

0

Kampala (Caasimada Online) – Booliiska dalka Uganda ayaa baaraya sababta keentay dab ka kacay iskuul ay wax ku bartaan arday aragga naafo ka ahaa, kaas oo ay ku dhinteen 11 gabdhood oo da’doodu u dhaxeyso 4 ilaa 13 sano jir.

Dabka ka kacay Iskuulka Indhoolayaasha ee Salama oo ku yaalla degmada Mukono ee dalka Uganda ayaa kacay wax yar saqdii dhexe ee Isniintii, waxaana dabkan uu ka kacay qeyb ay ku sugnaayeen 17 carruur ah.

Ku xigeenka afhayeenka booliska Kampala Luke Owoyesigire ayaa sheegay in booliisku ay geeyeen koox sameysa baaritaan , kuwaas oo sameyn doona baaritaanno dhinaca DNA kahor inta aan meydadka carruurta dhintay lagu wareejin qoysaskooda.

“Sababta dabkan hadda lama garanayo. Laakiin illaa hadda, 11 dhimasho ah ayaa la xaqiijiyay, halka lix kale ay xaaladoodu liidato,” ayuu yiri Owoyesigire.

Dugsiga Salaam ee indhoolayaasha, oo ku yaala magaalada Kisoga, ayaa hoy u ah 70 carruur ah oo aragga naafa ka ah.

Hudson Kiyaga oo ah duqa magaalada ayaa VOA u sheegay in dabka ka kacay dugsiga uu argagax ku abuuray bulshada deriska la ah.

Kiyaga waxa uu sheegay in halka laga damiyo korontada iskuulka ay ku dhexl yaallay qolka maamulaha, balse aysan garaneyn waxa dabka dhaliyay. Maamulaha ayaa ka badbaaday dabka, balse ma aysan awoodin inay badbaadiyo ardayda.

Dabkan ayaa kacay dhowr maalmood kahor booqasho la qorsheeyay oo ay ku tagi lahaayeen iskuulakan Princess Anne oo ah gabar la dhalatay boqorka Ingiiska iyo marwada koowaad ee Uganda, Janet Museveni.

VOA

Daawo: DF oo shaacisay guulaha laga gaaray howlgallada Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay maanta kula wareegeen deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood oo warbaahinta la hdlay ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

“Cadowga Al-shabaab waxaa maanta ciidamada iskaashanaya ay kala wareegeen deegaan Qaayib, oo ah deegaan muhiim ah, waxayna cadowga burburiyeen ceelashii biyaha ee deegaanka iyo xarumihii isgaarsiinta oo ay dadku isticmaali jireen, ka hor inta aysan ka cararin deegaanka,” ayuu yiri Jenaraal Caanood.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay howlagallada Hiiraan, wuxuuna sheegay in ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay shalay dagaal xoogan Al-Shabaab kula galeen deegaanka Moora-eri ee gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in dagaalkaas kooxda looga dilay ilaa 6 xubnood, iyadoo ciidamadu ay la wareegeen deegaankaas oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Afhayeenka wasaaradda difaaca ayaa ka hadlay howlgalka xoreynta degaanka Masaajid Cali-gaduud ayaa sheegay in halkaas ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka guulo ka hooyeen.

“Deegaanka Masjid Cali-gaduud waxaa weli ka socda howlgalka lagula dagaalamayo Shabaab, waxaa halkaas ka socda dagaal iyo duqeymo lagu beegsanayo cadowga, wuxuu deegaankaasi ahaa mid muhiim u ah kooxda, waxay canshuurta uga qaadi jireen gaadiidka isaga gudba gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/Dhexe,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay deegaankaas ku mitidayaan oo ay doonayaan inay Masjid Cali-gaduud ka difaacdaan degmada Aadan-Yabaal oo ah saldhigooda ugu weyn ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Hoos ka daawo

 

Sawirro: Madaxtooyada oo war cusub kasoo saartay ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar-gelinaya qorshaha ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Mudane Dr. Peter Mathuki.

Madaxweynaha oo Xoghayaha la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhammeystirka dhammaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan ayaa faray in 12 bilood ee soo socda lagu soo gabagabeeyo qorshahan, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

“Waan ku faraxsanahay in halkan aan soo gaarno, waxa aan rabaa in muddo ku siman 12 bilood lagu soo afmeero howshan, si dadkeennu dhaqsi uga faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira  dalalka ku bahoobay isbaheysigaan. Waan ku kalsoonahay in dadkeyga hibada ganacsi u leh ay wax weyn kusoo kordhin doonaan kobaca dhaqaale iyo horumarka Bariga Afrika,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhankiisa, Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Dr. Peter Mathuki oo Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka xoogan ee ay u gashay in ay ka gudubto habraacyada ku xusan wejiga koowaad ee qorshahan.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in dhammaan xubnaha Dalladdu ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan ku biiritaanka Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xoojinaya hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horumarineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.

Is-rasaaseyn xildhibaan lagu dilay oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Jigjiga

Jigjiga (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ku dhaawacmeen is-rasaasayn gegida diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga ku dhex martay ciidanka ilaalada garoonka.

Qofka dhintay ayaa ahaa xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsan baarlamaanka gobolka Soomaalida, balse xubin ka aheyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soomaalida.

Dadka dhaawaca ah ee la xaqiijiay waxa ku jira xildhibaan kale oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Gaaruf.

Dadka khasaaruhu soo gaaray ayaa ka dhoofayay garoonka.

Madaxa booliska deegaanka Soomaalida ayaa warbaahinta dawladda u sheegay in askari ka tirsan ciidanka ilaaladu uu rasaas ku furay dadka rakaabka ah ee safrayay.

Waxa uu sheegay in ay wadaan baaritaanno ku saabsan sida ay wax u dhaceen, isla markaana ay gacanta kusoo dhigeen askarigii dhibka gaystay.

Waxa uu sidoo kale xusay in xaaladdu ay hadda caadi ku soo laabatay. Amniga garoonka diyaaradaha ee Jigjiga ayaa waxa ilaaliya ciidanka dowladda federaalka ee Itoobiya.

Isha: VOA