28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

‘Olole aan caadi aheyn oo ka dhan QATAR oo socda’

Doha (Caasimada Online) – Qatar waxaa lagu soo qaaday “olole aan caadi aheyn” oo cambaareyn ah sababo la xiriira marti-gelinta Koobka Adduunka, waxaa sidaas maanta sheegay amiirka xukuma dalkaas.

Dalkan tamarta hodanka ku ah ee ku yaalla Khaliijka ayaa balaayin dollar ku bixiyey marti-gelinta Koobka Adduunka ee ugu horreeyey ee lagu qabanayo dhul Carbeed, hase yeeshee wuxuu wajahay weeraro sii kordhaya oo ka dhan ah diiwaanka xuquuqda aadanaha.

Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa sheegay in Qatar ay dhibane u tahay “been abuur”, isaga oo tusmeeyey ujeedooyin qarsoon oo laga leeyahay dhalleeceynta ka dhanka ah.

“Tan iyo markii aan ku guuleysanay marti-gelinta Koobka Adduunka, Qatar waxaa lagula kacay olole aan caadi aheyn oo weligeed uusan wejihin dal marti-geliye ah,” ayuu yiri Amiirka oo khudbad u jeediyey golaha sharci-dejinta, 26 maalin kahor inta aanu cayaaraha billaabin 20-ka November.

FIFA ayaa Qatar ku abaal-marisay marti-gelinta koobka sanadii 2010 kadib loolan adag. Qatar ayaa wixii markaas ka dambeeyey wajaheysa su’aalo ku saabsan sida ay ula dhaqanto shaqaalaha ajnabiga ah, iyo xuquuqda haweenka iyo bulshada LGBTQ.

Toddobaadkan, dowladda ayaa si caro leh u diiday warbixin ay soo saartay kooxda xuquuqda aadanaha ee Huma Rights Watch, oo sheegtay in booliska ay si sharci-darro ah u xireen islamarkaana ugu xadgudbeen xubno ka mid ah bulshada LGBTQ.

Amiir Sheikh Tamim bin Hamad ayaa sheegay in markii hore Qatar ay “si daacad ah” u aqbashay hadallada taban qaarkood, oo xitaa ay dhalleceynta qaarkeed u aragtay kuwa togan oo wax ku ool, kana caawisay inay waxyaabaha qaar horuamriso.

“Hase yeeshee, deg deg ayey noogu caddaatay in ololaha uu sii socdo, ballaartay, kuna jirto been abuur iyo laba wejiyeyn, heer ay ka gaartay cadaawadda mid dad badan ka yaabisay sababaha dhabta ah iyo waxa dhiiri-gelinaya ololahan,” ayuu yiri.

AFP, VOA

Xubno ka mid ah Shabaabka ka dagaalamaya gobolka Hiiraan oo duqeyn lagu dilay

0

Buulo-burde (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa sheegay inay Soomaaliya ka fuliyeen duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jiray ciidamada Xoogga Dalka.

“Iyada oo la kaashanayo dowladda federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) wuxuu fuliyey duqeyn ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo weerarayey ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya, meel u dhow degmada Buulobarde, oo qiyaastii 218 KM waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho, October 23,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRICOM.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in duqeynta lagu dilay laba Al-Shabaab ah, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray shacabka.

“Taliska AFRICOM wuxuu qaadayaa tallaabooyin waa weyn si looga hortago waxyeellada rayidka. Ilaalinta rayidka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska uu sare ugu qaadayo Afrika xasilloon oo ammaan ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda dagaal xooggan oo ay iska kaashaanayaan ciidamada dowladda iyo shacab hubeysan oo la baxay Macawiisley, dagaalkaas oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Xasan Sheekh oo sagootiyey James Swan oo ka tegaya xilkii Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan.

James oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeena ayaa waxa uu madaxweynaha ku bogaadiyay doorkii uu ka qaatay taageerada dowladda Somaliland.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ku amaanay James Swan kaalinta uu ka qaatay gurmadka abaaraha baahsan ee ka jira dalkeena iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Danjire Swan ayaa dhankiisa waxa uu madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankaan, isaga oo tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu xusay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taasi oo ku saleysan in danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

James oo dhawaan wareejin doona xilka wakiilka Xoghayaha Guud ayaa sidan oo kale shalay kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha dalka, kaasi oo guddoonsiiyay haddiyado kala duwan oo ay ku jiraan dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee QM weli ma uusan magacaabin danjiraha beddeli doona James Swan, balse waxaa la filayaa inuu shaaciyo maalmaha soo socda.

SOMALI AIRLINES qabriga taariikhda ha lagu dhaafo

0

18-kii bishan Oktoobar saxaafadda dalka iyo kuwa dibedduba waxay sheegeen in Hay’adda Lacagta Dunida ay aqoonsatay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dib u habeynta maaliyaddeeda, uuna dadaalkanu noo dhoweeyay maalinta Soomaaliya laga cafin lahaa boqolkiiba sagaashan shanta bilyan iyo labada boqol ee milyan ee doolar ee la innagu leeyahay. 

Isbuuc buuxa iyadoonan weli laga soo wareegin maalintan la shaaciyay in Soomaaliya ay afka u saaran tahay in laga qaado culeyska deymuhu ku hayeen fursadaha u furan dowladda, waxaa 23-kii Oktoobar warbaahintu daabacday wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabayo guddi todobo qofood ka kooban oo la faray in ay 30 maalin gudahood ku keenaan qorshe dib loogu howlgelinayo Somali Airlines. 

Fardowsa Cusmaan Cigaal, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka, ma aha wasiirkii koowaad ee wasaaraddaa loo soo magacaabay ee ku dhowaaqa in ay ka go’antahay dib u howl-gelinta diyaaraddii qaranka. 

2013-dii Wasiirka isku hayay wasaaradaha warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, mudane Cabdillaahi Ciil Mooge Xirsi, wuxuu asagoo booqasho shaqo ku jooga Turkiga saxaafadda u sheegay in qashinqubka dowlad la’aantu ku tuurtay Somali Airlines laga soo celin doono. Dad aanan magacyadooda rabin in la sheego oo la hadlay shabakadda Keydmedia waxay isla waagaa sheegeen in Turkiga iyo Qadar ay iska kaashan doonaan maalgelinta lagu soo nooleynayo diyaaradda. 

Shan iyo lix sano kadib waxaa 2018-dii iyo 2019-kii shabakadaha wararka ee Caasimada iyo Hadalsame midba gooni loogu sheegay in dalalka Turkiga, Bakistaan iyo Malaysia ay Soomaaliya duuliyeyaal u soo tababari doonaan. In howsha lagu billaabi doono labo diyaaradood  (lama sheegin in diyaaradahaas ay soo isticmaashay shirkad musallifmatay 2014-tii oo laga lahaa dalka Islofeekiya) ayna Qadar bixin doonto lacagta lagu soo gadayo. In garoonka Aadan Cadde laga dhisi doono meel la dhigo diyaaradaha. In… 

Ujeedada maqaalkan ma aha in aan farta ku qodo nabarrada rajooyinkan aan soo sheegay ee aanan hirgelin. Sida aan aaminsanahay ma jiro aadane guul gaaray oo jilbihiisu aynan xognayn, shakina iigama jiro in ragga iyo dumarka ka soo shaqeeyay, welina ka shaqeynaya, in dib loo soo nooleeyo Somali Airlines ay yihiin muwaadiniin dalkooda jecel.  

Sidaan ognahay se jeceylku waa ku lagu yaqaanno inuu naga indha tiro waxa horteenna yaalla, oo indhaha wax jecel maahine dunida oo dhani ay aragto. 

Waxa muuqdana waa tan: Somali Airlines xaq jiritaan uma lahayn waagii ay jirtay, dib u howlgelinteeduna waa tu uunan awood maaliyadeed u lahayn dalkeennu. Haddii awood maaliyadeed uu u lahaan lahaana waxaa jira kummanaan wax oo baahi loo qabo oo ka muhiimsan, kana mudan in dowladdu ka hormariso. Haddii aynan baahiyaashaasi jiri lahayn xataa na shaki kama jiro in maalka ku bixi doona dib u howlgelinta Somali Airlines ay dalka ku celin doonta godka deynta ee dowladihii dalka soo maray iyo wasiirradii uu ugu dambeeyo Dr Cilmi Maxamuud Nuur ay ku soo dadaaleen in ay dalka ka soo saaraan.  

Awoodda maaliyadda dowladda 

Miisaaniyadda baarlamaanku ansixiyay bilo ka hor waxaa lagu sheegay in miisaaniyadda sanadkan ee dowladda federaalka ay tahay 944 milyan oo doolar. Dakhliga dowladda gudaha dalka ka soo galeysa, sida warbixinta baarlamaanka la siiyay lagu sheegay, waa 250 milyan oo doolar. Inta kale waxay ka imaan doontaa dunida. Kaba sii darane dakhliga dowladda ka soo gelaya gudaha kuma filna inuu bixiyo mushaarka shaqaalaha dowladda, oo la sheegay in ay ku bixi doonto 258 milyan oo doolar sanadkan. 

Haddii aan hoos u sii aadno Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada miisaaniyaddeedu waa 17 milyan oo doolar, oo 15 ay ka leedahay Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada. 

Haddaba sidee ayay dowlad aanan mushaarka shaqaaleheeda xataa bixin karin caqli gal uga dhigi doontaa in lacag loogu deeqay ay dib ugu howlgeliso diyaarad qaran? Waa su’aal jawaab u baahan. 

Baahiyooyinka kale ee ka muhiimsan

Halkee ayaan ka billaabaa tirinta inta wax ee mudan in maalka yar ee dowladda soo gala lagaga horreysiiyo dib u howlgelinta Somali Airlines?  

Kow dheh howsha aasaasiga eh ee dowlad kasto lago rabo inay daboosho: Baahida ammaanka. Labo dheh dhisitaanka laamaha caddaaladda iyo tababarista shaqaalohooda. Saddax dheh waxbarashada, siiba tan dadka xerooyinka gudaha dalka ku nool oo boqolkiiba sagaashan madaxda reerka u eh aynan weligood iskool cagta dhex dhigin. Afar dheh ka hortagga abaaraha soo laalaabta iyo xal waara u helidda sidii bulshada webiyaasha ku dhinac nool loogu heli lahaa xal laga tashtay oo ka badbaadiya biya baxyada sida joogtada ah qaxootiga uga dhiga. Shan dheh tababarka laamaha siyaasadda, sida xildhibaannada baarlamaannada maamul goboleedyada oo qaar badani aynan aqoonin sida ay howshooda u gudan lahaayeen, iskaba daa la xisaabtanka Madaxweyne diida inuu dastuurka raaco oo magacaabo Madaxweyne ku xigeen (Laftagareen) iyo kii 20 bilood iskii dowlad iska ahaada, halka dastuurka maamulka uu Madaxweynaha ka yahay uu amrayo inuu dowlad ku soo dhiso 45 maalin (Cali Guudlaawe). Ku dar…Liisku waa iska socon doonaa haddaanan meeshan ku soo afjarin. Ujeedadu waa inaan kii in la xusuusiyo u baahan aan xusuusiyo in dalka baahida haysaahi ka weyntahay baahida diyaarad lagu rinjiyeeyay calankeenna.   

Dhaqaalaha dadka fuuli lahaa diyaaradda

«Soomaaliya,» baa ku taalla qiyaas uu Bangiga Horumarinta Afrika 2016-kii ka qoray gaadiidka cirka iyo dhulka Soomaaliya, «waa dal ka tirsan tobanka dal ee dunida ugu saboolsan.» Waa dal 70-80% dadkiisu ay u dhexeeyaan 0-illaa-30 sano oo boqolkiiba 60% dhalinyaradaasi aynan shaqo heysan. Heerka tacabka ummaddaasi madax kasta ee la rabo in ay Somali Airlines howlgeliyaan waxaa qiyaastii soo gasha 435 doolar sanadkii. U qeybi isbuucyada sanadka oo waxaad garaneysaa in celcelis ahaan qof kasta oo dalkeenna ku nool uu heysto uun 8 doolar isbuucii. Baaritaan degdeg ah oo aan ku sameeyay Google wuxuu ii sheegay in tikid diyaaradeedka Muqdisho-illaa-Garowe uu maanta joogo 80 doolar.  

Taasi waxay ka dhigan tahay in qofka caadiga eh ee dalka jooga ee raba inuu tikidkaa goysto ay qasab ku tahay inuu toban isbuuc cuntada ka soommo si uu u awoodo iibsashada tikidkaa. Dunida hadduu weli joogo tobankaa isbuuc kadib, waxaan u maleyhaa in maskaxdiisa waxa ugu horreeya ee uu ka fikirayo inaynan ahayn koritaanka Somali Airlines iyo aaditaanka Garowe. Ama Muqdisho. Hadba meesha meydkiisa dalxiiska jeceli uu joogo.  

Diyaaradaha qarannadu waa lacag gubayaal

Haddii dalkeennu nabad ahaan lahaa. Oo laamaha caddaladeedu dhisnaan lahaayeen. Oo carruurteenna oo dhan iskool dhigan lahaayeen iyadoonan lagu xirin inay lacag bixiyaan. Oo dadkeenna maanta baahidu ku dileyso dhinac kasta ay jiifan lahaayeen calooshoodo buuxda. Oo kuwa webiyaasha ku ag nool ay hoygooda ku noolaan lahaayeen iyagoonan ka welwelsaneyn in biyuhu guriga ugu soo galaan. Oo maamul gobaleedyadu ahaan lahaayeen kuwo dimoqraadiyada magaca lee eh kuwo ka dhiga tu si dhab eh loogu dhaqmo. Oo aan heesan lahayn lacag dheeraadi eh… Xataa markaa dib u hirgelinta Somali Airlines waxay ahaan lahayd jar-iskaxoor maaliyadeed. 

Kii raba inuu ogaado sababta ha eego diyaaradaha qarannada deriskeenna. 

Ka billow dalka ciidamadiisu Muqdisho joogaan ee Ugaandha. Maalintay diyaaradda Ugaandha Airlines dib u howlgashay 2019-kii illaa hadda waxay diyaaraddu dhumisay 498 bilyan oo shilinka Ugaandheeska eh, oo u dhiganta 131 milyan oo doolar. Ama 52% dakhliga sanadkii dowladda Soomaaliya ka soo gala gudaha. 

Rwandair, diyaaradda dalka ay Ugaandha deriska yihiin wax sidaas eh ma dhaanto. Xasilloonida dalkaas, musuqmaasuqiisa yar, maaliyaddiisa sii keceysa iyo dalxiisayaasha diyaarka u eh inay bixiyaan 400 oo doolar maalintii si ay u fiirsadaan goriillaha ku nool buuraheeda, kama difaacin dalkaa in diyaaraddaasi ay sanad waliba lumiso malaayiin doolar. 

Waxaase ugu sii daran diyaaradda dalka deriska aanu nahay ee Kenya. Sanadkan keliya waxay diyaaraddu lumisay 82 milyan oo doolar. Sanadkii keliya 2020-kii waxay lumisay lacag kor u dhaafeysa 300 oo milyan oo doolar. 

Geba gebadii

Xaqiiqdu ma dhadhan fiicna mar kasta, waa se dhab. Dalkeennu ma heysto lacag uu ku dhumiyo dib u howlgelinta diyaarad inta ugu badan muwaadiniinta canshuurtoodu shidaalka ku shubi dooni lahaa aysan haysan lacagta tikidka ugu jaban ee lagu raaci kari doono.  

Waxaan Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada kula talinayaa in fikraddan lacag dhumiska eh ee boorka dib looga jafayo Somali Airlines dhinac la iska dhigo. In xoogga la saaro howlaha kale ee wasaaradda ee faa’iidadooda ay indha ku arki karaan ummadda Soomaaliyeed.  

Intaan ku deysan lahayn tusaaleyaasha xun ee deriskeenna, lacagta yar ee laga soo qaado ummaddeena iyo tan dunidu nagu taageerto ha lagu isticmaalo jidadka dhulkeenna isku xiri kara, fududeyn karana isu socodka iyo ganacsiga dib u soo nooleyn doona rajada mustaqbalka bahda dalka dhaxli doonta.  

Somali Airlines qabriga taariikhda ee ay ku aasantahay ha lagu daayo. 

W/Q: Mohammed O, «Shaarib»

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Saciid Deni oo ku dhowaaqay go’aan ku saabsan kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khubad ka jeedinayay furitaanka kal-fadhiga 51-aad ee baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo arrimaha Puntland.

Saciid Deni, oo si gaar ah uga hadlay dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dagaalkaas, oo ay ku biirto.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dhibaato ku tahay horumarka guud ahaan dalka, wuxuuna ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxdaan.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadayo xilli qeybo kamid ah dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Kacdoonka looga soo horjeedo kooxdaan ayaa si xowli ah uga socdo gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana kooxdaan laga saaray deegaano badan oo ay ku sugnaayeen.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho ay guddi u saareen soo qiimaya waxyeeladu intay leeg tahay , sidoo kalena ay soo dhamaatay daraasad ku saabsan si xal waara looga gaaro daadadka soo noq noqday.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland degmooyin badan oo katirsan laga hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, taasina ay tahay qorshaha Xukuumaddiisa.

AXMED MADOOBE oo baaq culus u diray Soomaalida

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul uga hadlay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab shalay ku qaaday hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bogiisa gaarka ah ee Facebook ayuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska dhiciyaan kooxda Al-Shabaab ee uu ku sheegay inay tahay koox horror ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay illaa daqiiqadihii ugu dambeeyey naftooda u hureyn sidii ay usoo badbaadin lahaayeen dadka shacabka ee ku xayirnaa gudaha Hotel Tawakal, oo ah Hotel ay dagaan siyaasiyiinta iyo odayaal dhaqameedyada.

“Waxaan tacsi u dirayaa dadka aan waxba galabsan ee ku waxyeeloobay qaraxii maanta ka dhacay hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo halkaas oo argagixisadu ay doonaysay inay ku layso dad badan oo shacab ah balse ay qaar badan oo dadweynahii goobta ku sugnaa ah ay soo badbaadiyeen Ciidamada amniga,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu qoraalka ku yiri “Waxaan bogaadinayaa dhammaan Ciidamada kala duwan ee mudada koobaan kusoo afjaray weerarkii argagixisada anigoo Alle uga baryaya inuu janadii fardowso ka waraabiyo dadkii ku shahiiday goobta si gaar ahna Ciidamadii ilaa daqiiqadahii u danbeeyay naftooda u hurayay sidii ay usoo badbaadin lahayeen dadka shacabka ahaa ee ku xayiraa dhismaha”.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa baaq u diray shacabka “Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadka Soomaaliyeed inay u duceeyaan shuhadada aan maanta ku waynay weerarka hotel Tawakal ayna u diyaar garoobaan sidii argagixisada hororka ah dalkeena aan uga cirib tiri lahayn,” ayuu kusoo xiray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo la xaqiijiyey inay ku dhiteen 9 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 47 qof oo kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la xaqiijiyey inay kamid ahaayeen arday ka timid iskuulada oo xilligii weerarka dhacayey isticmaalayey wadada uu ku yaalo Hotelka.

Gaari ay la socdeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lala beegsaday

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weli dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdaan gobolkaasi, gaar ahaan deegaanka Masaajid Caliguduud iyo tuulooyin kale oo hoostaga magaalada Jowhar.

Howlgalladan oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada Xoogga dalka, maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisleyda iyo diyaarado dagaal oo kor ka caawinaya.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymo xoogan oo ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka Turkiga ay weli ka socdaan furimaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada iyo Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in mid ka mid ah duqeymahaas lala beegsaday gaari nooca Hoomeyda ah oo ay la socdeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, xilli ay marayeen agagaarka deegaanka Xawaadley oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay duqeyntaasi ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, balse ma shaacin tiro rasmi ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgallada ka socda halkaasi, gaar ahaan duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaa Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa guullo waa weyn ka sheegatay howlgalka Masaajid Caliguud, waxayna sheegtay in lagu dilay 21 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa garaash iyo guri ay ku shirayeen oo ku yaalla halkaasi, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda.

Sawirro: Maxaa ka soo kordhay xaalada Jawaari?

0

Istanbul (Caasimada Online)  – Waxaa haatan soo hagaageyso xaaladda caafimaad ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ku jiro isbitaal ku yaallo magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan safar transit ku ah magalada Istanbul ayaa isbitaalka ku booqday Jawaari.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee Jawaari ay aad u wanagsan tahay, islamarkaana uu caafimaad qabo, wuxuuna Alle uga baryey inuu u siyaadiyo.

Sidoo kale dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay u soo duceeyaan guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, si uu Eebbe u siiyo caafimaad taam ah.

Allaha caafiyee Proff. Jawaari ayaa diyaarad gaar ah looga qaaday Muqdisho kadib markii ay kasii dartay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo kahor maalmo ku jiray isbitaalka Digfer.

Si kastaba, marar kala duwan ayaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka xaalado caafimaad dartood loo dhigay isbitaallada Muqdisho, kadib xanuuno soo wajahay.

Jaawri ayaa ah rugcaddaa weyn oo siyaasadeed, walow kursigiisa xildhibaanimo uu waayey doorashadii u dambeysay, kadib markii uu tartanka ka reebay madaxweyne Lafta Gareen.

GALMUDUG oo deegaan cusub kala wareegtay Shabaab

0

Cadaado (Caasimada Online) – Ciidamada daraawiishta Galmudug oo kaashanayaa kuwa dowladda ee ka howlgalka deegaanada maamulkaasi ayaa maanta si wadajir howlgal uga sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Howlgalka oo ah mid ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ku qabsadeen deegaanka Qaayib oo hoostaga magaalada Cadaado, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ay si nabdoon kula wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa ku eedeeyey Al-Shabaab in ay burburisay xarumihii isgaarsiinta ee deegaanka Qaayib iyo sidoo kale ceel biyoodkii ku yaallay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada huwanta ay isku fidiyeen duleedka magaalada Cadaado, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Galgaduud ayaa ka mid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ujeedka uu yahay in la gaaro degmada Ceelbuur ee gobolkaasi.

Inta badan gobollada dalka ayaa waxaa ka socdo kacdoon shacab oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo deegaano horleh ay ku qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

FIQI: Inta nooga dhimata xabadaha iyo dagaalka waxaa ka badan inta ku dhimata…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi oo ka qeyb-galay shirweynaha 1-aad ee tayo-dhowrka qaranka ayaa sheegay in bulshada intooda badan ay u geeriyoodaan badeecadaha dibadda laga soo dhoofiyo iyo daragooda.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale tilmaamay in wasaaradiisa ay door muuqda ka qaadan doonto sidii ay ula shaqeyn lahayd hay’adda Tayo-dhowrka qaranka, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimada ay u leedahay qaranka.

“Waxaa ay mas’uuliyad naga wada saarantahay ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed, ka wasaarad ahaan waxa aan ka qeyb qaadan doonaa ulajeedooyinka loo aasaasay Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Inta xabadaha iyo dagaalada nooga dhinta maalin walba in ka badan ayaa inooga dhinta daroogada iyo cunnooyinka aan la koontoroolin ee dalka soo gala.”

Sidoo kale waxa uu wasiirku ku booriyey hay’adda sidii looga taxadiri lahaa, islamarkaana loo hubin lahaa badeecadaha iyo dawooyinka soo galaya dalkeena.

“Hay’adda waxay Qaranka Soomaaliyeed u tahay difaac adag oo looga hortagi karo wax kasta oo nolosha Ummaddeena halis gelin kara, gaar ahaan sidii loo hubin lahaa badeecadaha iyo dawooyinka dalkeenna soo galaaya.”

Wasaarada arrimaha gudaha iyo hay’adda tayo-dhowrka qaranka Soomaaliya ayaa ka wada-shaqeeya isku-xirka barnaamijdka xuduuduha dalka, iska kaashiga hay’ada ka shaqeeya iyo isku xirka maamul goboleedyada dalka.

Taliyihii ciidamada DAB damiska GEBILAY oo biyo xireen ku dhintay maanta

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in taliyihii ciidanka dab damiska magaalada Gebilay Caydaruus Cumar Ibraahim uu ku geeriyooday Biyo-Xireenka magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dab damiska.

Marxuumka oo u dabaal-degay biyo xireenkaas ayaa ku dhacay meel mool ah sida uu xaqiijiyey hoggaanka dab damiska Somaliland.

Cabdifitaax Maxamed Sulux oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dab damiska Somaliland oo ka warbixiyey dhacdadaan ayaa sheegay in dadaal badan ay sameeyeen, balse ay ku guul dareysteen in ay soo bad-baadiyaan marxuumka, isaga oo tacsi u diray ehelladiisa.

“Howsha waqti hore ayaa billawnay, dedaal badan ayaa sameynay innaga oo ka fogaaneyno in aan nafteena halis kale gelino, Biyo-xidheenka waa mid joog dheer, biyo badan ayaa jiifa, afar askari ayaa la socotay oo u dabbaaltagtay Biyo xireenka” ayuu Cabdifitaax Sulux.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in taliye Caydaruus uu ciidamada dab damiska kusoo biiray 2018-kii, kadib markii uu guuleystay imtixaan laga qaaday xilligaasi.

“Caydaruus waxa uu shaqada ciidanka Dab-damiska ku biiray 2018kii kaddib markii uu kamd noqday Rag ka gudbay Imtixaan laga qaaday, waxa uu qabtay howlo kala duwan oo la xiriira shaqada uu hayay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Somaliland ayaa haatan ciidamada quusa geysay magaalada Gebilay si looga hortago haliska ka dhalan karta waqtiyada qaar Biyo-xireenka Magaaladaas.

Sidee ciladda WhatsApp u saameysay Soomaalida?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacado uu hawada ka maqnaa kadib dib usoo laabta App-ka WhatsApp oo cilad ay ku timid, sida ay shaacisay shirkadda leh ee Meta.

Arrintan ayaa saameyn weyn ku ku yeelatay guud ahaan dadka isticmaala ee ku dhaqan waddamada caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto.

Aaladda WhatsApp ayaa ka mid ah baraha caanka ka ah adduunka, waxaana isticmaala ku dhowaad 2 bilyan oo qof guud ahaan caalamka.

Haddaba sidee ciladdan u saameysay dadka Soomaaliyeed ee isticmaala WhatsApp?

Dad badan oo Soomaaliyeed oo isticmaala aaladan ayaa Facebook ku baahiyey cabasho ku aadan in farriimaha WhatsApp-ka aan la isugu diri karin, kadib ciladda maanta ku timid.

Fardowsa Xasan oo ka mid ah dadka ka hadlay arrintaan ayaa sheegtay inay saameyn ku yeelatay ciladda ku timid WhatsApp, islamarkaana ay arki weysay fariimihii loo soo diray.

“Saaka dhan aan telka marna daminaayey marna daaraayey saa u arko fariimaha Whatsapp ee la’ii soo diray,” ayey tiri Farwowsa Xasan.

Dhankiisa  Jibriil Cabdullahi Shambow ayaa isna yiri “WhatsApp ka waabe la xeray Facebook halagu darro,” .

Wariye Farxiyo Maxamuud oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa iyaduna soo jeedisay in baraha bulshada oo dhan la xiro, si ay dadka uga nastaan.

“Social media dhan mala xiroo halaga nastee,” ayey si kaftan leh u tiri Wariye Farxiyo Maxamuud Yuusuf.

Hargeysa: Aabe isku daldalay duruuf adag oo soo wajahday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa golihiisa iyo warbaahinta la wadaagay dhacdo aad u xanuun badan oo ka dhacday magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xaafada Jigjiga yar uu isku deldelay Aabe ay soo wajahday duruufo adag oo nololeed, islamarkaana iska bixin kari waayay kirada iyo nolosha gurigiisa.

“Nin ayaa isku del-delay Jig-jiga yar oo xadhig isku xidhay, waan baadhay oo dadkii baan waraystay bal sababta ka danbaysa inuu is dilo, dadkii xaafaddu waxa ay ii sheegeen in uu ahaa Aabe haysta caruur badan wakhtiguna ku adkaaday,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Dirir.

Aabaha isku deldelay Jigjiga yar ayaa muddo bilaa shaqo ahaa, isaga oo ugu dambeyntiina xamili kari waayay nolosha adag ee lasoo daristay.

“Waxay ii sheegeen inuu bixin kari waayay lacagtii kirada guriga oo loo qabsaday iyo masaariiftii ciyaalka oo uu noqday qof bilaa camal ah sidaasina uu isku dilay noloshan uu is dhaafiyay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Axmed Dirir.

“Arrintaas ayaa kugu filan xaalada dhaqaale halka ay mareyso in dadkii muwaadiniinta ahaa marka ay kirada iska bixin kari waayan ee caruurtoodii biilin kari waayan inay is del-delaan.”

Sicir-bararka iyo xaalada kale ee nololeed ka jira Somaliland ayaa si weyn looga deyrinayay muddooyinkii dambe, ayada oo xukuumaddii wax ka qaban laheyd ay ku mashquushay xifaaltanka siyaasadda iyo muddo kororsiga madaxweyne Muuse Biixi.

Sawirro: DF Soomaaliya oo 8-sano kadib sagootisay Safiirkii hore ee Qatar

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga sagootiyey safiirkii dowladda Qatar u joogay Soomaaliya 8-dii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta kulan sagootin ah xafiiskiisa kula yeeshay Safiirkii hore ee Qatar u joogay Soomaaliya Xasan bin Xamza Asad Mohammed Hashim.

Waxaa soo gabagabowday 8 sano oo shaqo safiirnimo uu ku joogay dalka Soomaaliya, kadib markii ay dhawaan safiir cusub soo dirsatay dowladda Qatar.

Wasiirka ayaa uga mahad-celiyay xiriirkii iyo wada shaqayntii wanaagsanayd ee uu la lahaa wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo taageeradii ay dawladda Qatar “marwalba la garab taagan tahay dalkeena Soomaaliya.”

Qatar ayaa ahayd dowladda ugu dhow ee saaxiibka koowaad u aheyd Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxayna hadda u muqataa inay bedeshay siyaasadeedii Soomaaliya oo ay dejineyso siyaasad cusub oo ay kula shaqeyso dowladaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dowladda Soomaaliya iyo Qatar waxay kee yihiin xiriir soo jireen ah,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah qoraalkii ay sagootinta safiirka ka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Daawo: Xildhibaan Macalimuu oo xog cusub ka bixiyey saameynta qaraxii Jalalaqsi

0

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka hadlay khasaaraha weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo weerar is-miidaamin ah uu ka dhacay todobaadkii hore.

Macalimuu oo maanta gaaray degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in guryo badan uu dumiyey qaraxii ay Al-Shabaab doonayeen inay ku burburiyaan buundada degmadaas.

“Halkaan 30 qof ayaa ku dhimatay, 19 kale ayaa dhaawac ku noqotay qaraxaas, halkaan isbitaal fiican malaha, dadku waxay difaacanayeen buundada oo gaariga qaraxa ah loo waday, sidaas ayey dhibaatada isugu dhigeen,” ayuu yiri Macalimuu.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qaraxaas ay buundadii loo waday ka badbaaday, balse uu burburiyey goobihii ganacsiga iyo guryihii ugu muhiimsanaa magaalada.

“Dadkaan cadowgoodii ayaa sidaan guryaha uga baabi’iyey, waxaan maamulka degmadaan ka codsanayaa in dadka aan beelo loo kala fiirin ee Shabaab loo midoobo, halkaas cadow ayaa dalkeenna ka jira,  Insha Allaah waa laga guuleysanayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Macalimuu waxaa safarkaan uu ku tegay Jalalaqsi ku wehliyey Xildhibaan Caanoy waxayna degmadaas geeyeen gargaar ay sheegeen inay u qeybiyeen 400 oo qoys.

“Waxaan gargaar cunno ah soo gaarsinay 400 oo qoys oo dadka degmada Jalalaqsi oo colaad iyo abaaro ay isugu darsameen, waxaana ugu baaqayaa dowladda dhexe, HirShabeelle iyo hey’adaha gargaarka in dadkaan loo soo gurmado,” ayuu Macalimuu hadalkiisa ku soo daray.

Hoos ka daawo

 

DF oo shaacisay guulihii 48 saac ee u dambeeyay laga gaaray dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacineyso guulihii 48 saac ee u dambeeyay laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo lagu gaarsiiyay jab xoogan kooxda.

War-saxaafadeedka oo ay soo saartay wasaarada warfaafinta ayaa waxa lagu sheegay in 48 saac ee u dambeeyay in Al-Shabaab laga laayay horjoogayaal iyo dagaalyahano ka tirsan, islamarkaana lagu burburiyey gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa.

“Howl-galladaan waxay ka dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe. Howl-galka 1-aad waxaa la fuliyay 22-kii October waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad, waxaa lagu dilay 21 argagixisada ka tirsan oo ay ku jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Horjooge Cabdullaahi Cali Caraale,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in howl-galkii ugu xoogana uu dhacay xalay, laguna beegsaday Bur-Coloow oo fariisin weyn u aheyd argagixisada, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxda jabhada oo uu hogaaminayay Muscab Saneey iyo horjoogayaal kale oo qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada huwanta.

“Weerarada xalay dhacay midka Koowaad waxaa lagu beegsaday gaari weyn oo nuuciisu yahay biijii oo ay u saarneed rasaas iyo saanad ciidan oo argagixisado lahaayeen halkaas ayaana si guul ah loogu burburiyay gaarigaas iyo agabkii saarnaa.”

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in tirada dhimashada ee Al-Shabaab kasoo gaadhay howl-galadii u dambeeyay ay kor u dhaafayso boqol.

“Howl-galadaan waxaa suura-galiyay xog dhameystiran oo ay haysay hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamka oo aan uga mahadcelinayno taageeradooda. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyada Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.”

Ugu dambeyntiina waxay dowladdu ugu baaqday dhalinyarada weli kusii jira kooxda Al-Shabaab inay isa-soo dhiibaan, si naftooda ay uga badbaadsadaan howl-galkaan wada-jirka ah ee lagu beegsaday kooxda.

BRITAIN oo yeelatay ra’iisul wasaare taariikh cusub dhigay

London (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Britain Rishi Sunak ayaa Isniinta maanta ah ku guuleystay hardankii loogu jiray hoggaanka xisbiga Conservative-ka Britain, wuxuuna noqonayaa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan caddaan aheyn.

Penny Mordaunt, oo aheyd qofka kaliya ee la loolamayey kadib markii uu tartanka ka haray Boris Johnson, ayaa ku guuldarreysatay inay hesho magacaabista 100 xildhibaan, oo lagama maarmaan aheyd.

“Rishi Sunak ayaa sidaas darteed loo doortay hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka,” waxaa sidaas yiri Graham Brady oo ah abaabulaha baarlamanka, ayada oo Mordaunt ay “taageero buuxda” u ballan-qaaday Sunak.

Guusha Sunak oo 42 jir ah ayaa timid kadib go’aankii uu Johnson Axaddii uga haray inuu sameeyo soo rogaal-celin siyaasadeed.

Toddobaadyo un kadib markii ay Liz Truss uga guuleysatay hoggaanka xisbiga Tory-ga, Sunak ayaa sameeyey isbeddel nasiib oo cajiib ah.

Sunak ayaa ahaa xildhibaanka kaliya ee helay wax ka badan taageerada 100 xildhibaan, taasi oo meesha ka saartay in la qabto codeyn lagu kala baxo. Wuxuu helay taageerada 200 oo xildhibaan, oo ah wax ka badan kala bar xildhibaanada Conservative-ka.

Sunak ayaa ah maal-qabeen Hindu ah oo waalidkiis ay kasoo jeedaan India iyo Bariga Afrika.

Guushiisa ayaa timid maalin dadka Hindu-ga ee caalamka ay u billaabatay shan maalin oo ah ciidda Diwali — oo ah dabaal deg loo sameeyo guusha wanaaga ka gaaray xumaanta.

Xubnaha xisbiga Tory-ga ayaa ku qasbanaaday inay qabtaan doorashadii hoggaan ee labaad muddo saddex bil gudaheed ah kadib markii ra’iisul wasaare Liz Truss ay ku dhowaaqday is-casilaad kadib kaliya 44 maalmood oo ay xilka haysay.

Truss — oo “taageeero buuxda” u ballan-qaaday Sunak — ayaa bishii September beddeshay Boris Johnson kadib markii xubno ka mid ah dowladdiisa oo uu hoggaaminayey Sunak ay gadoodeen isna casileen.

AFP, VOA 

Weriye caan ka ah DALKA PAKISTAN oo toogasho lagu dilay, magaalada NAIROBI

Nairobi (Caasimada Online) – Weriye caana ah oo u dhashay dalka Pakistan ayaa toogasho lagu dilay gudaha dalka Kenya, waxaa sidaas maanta sheegtay xaaskiisa, bilo un kadib markii uu kasoo cararay dalkiisa si uu uga baxsado in loo xiro eedeymo la xiriira rabsho kicin. 

Arshad Sharif ayaa si joogto ah u dhalleeceyn jiray militariga awoodda badan ee Pakistan, wuxuuna taageero u ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan, kaasi oo bishii April uu kalsoonida kala noqday baarlamanka.

“Waxaan maanta waayey saaxib, sey, iyo suxufigii aan ugu jeclaa, sida ay booliska sheegeen waxaa lagu toogtay Kenya,” waxaa sidaas twitter-ka ku qortay xaaskiisa Javeria Siddique. 

Booliska Kenya ayaa sheegay in la rasaaseeyey gaariga uu saarnaa Arshad kadib markii uu ku guuldarreystay inuu joogsado bar konotorool, meel u dhow magaalada Nairobi. Booliska ayaa sheegay inay baarayaan dhacdadan. 

Bishii August, Arshad ayaa wareystay siyaasiga sare ee mucaraadka ah ee Shahbaz Gill, kaasi oo sheegay in saraakiisha hoose ee ciidamada aysan qaadan amarrada ka hor imanaya “rabitaanka aqlabiyadda.”

Hadalladaas ayaa horseeday in taleefishinkii laga wareystay muddo kooban hawada laga saaro, islamarkaana waaran soo xiritaan loo jaro Sharif, oo dalka ka tegay. 

Kanaalka ARY ayaa mar dambe sheegay inuu “xiriirka u jaray” weriye Arshad. 

Gill ayaa la xiray kadib wareysiga — sidoo kale cambaareynta Khan ee ka dhanka ah nidaamka garsoorka ayaa hoggaamisay in isagana la xiro uuna kasoo muuqdo maxkamad.

Pakistan ayaa waxaa xukumayey militariga inta badan 75-ka sano ee taariikhdeeda, islamarkaana dhalleeceyn ka dhan ah saraakiisha ammaanka ayaa loo arkaa khad cas oo aan laga gudbi karin. 

“Weriye Arshad Sharif wuu shahiiday kadib markii lagu toogtay Kenya… booliska dalkaas ayaa baaraya,” waxaa sidaas lagu qoray twitter-ka ARY TV. 

Wasaaradda arrimaha dibedda Pakistan ayaa xaqiijisay dhimashada.

Pakistan ayaa kaalinta 157-aad kaga jirta 180 dal oo lagu qiimeeyey heerka xoriyadda saaxafadda, qiimeyntaas oo uu sameeyey ururka Suxufiyiinta aan Xuduudaha laheyn (Reporters without Borders).

MADAALEoo go’aan cusub kasoo saaray canshuurta guryaha Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa gabi ahaanba joojiyey lacagihii canshuurta ahaa ee laga qaadi jiray guryaha ku yaalla magaalada caasimadda ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu canshuurta joojiyey isagoo raacaya dastuurka dalka iyo sharciga lagu dhisay degmooyinka ee nambarkisu yahay 6 ee soo baxay 12/02/1980 iyo sharciga canshuuraha guryaha ee nambarkiisu yahay 43, soona baxay 23/04/1977.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inuu arkay inay lagama maarmaan tahay in la nadaamiyo hannaanka qaadista canshuuraha guryaha Muqdisho.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 24/10/2022 guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho wuxuu go’aamiyey in la joojiyo dhammaan qaadista canshuuraha guryaha iyo daaraha gobolka Banaadir illaa laga gaari doono 31/12/2022 si loo nidaamiyo hannaanka canshuuraha gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaale.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “waxaa la farayaa dhammaan mas’uuliyiinta ay arrintaan khuseyso inay fuliyaan amarkaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaale.

Amarka kasoo baxay guddoomiyaha ayaa yimid kadib cabasho badan oo ka timid shacabka Muqdisho iyo sidoo kale musuq maasuqa xooggan oo ka jiro habka loo qaado canshuurta guryaha.

Mas’uuliyiinta degmooyinka qaarkood ayaa shacabka ka qaaday lacag xitaa uusan ka war hayn maamulka, ayada oo lacagtaas marba magac cusub loo bixiyo ama qiil cusub loo yeelo.

Halkaan hoose ka daawo

Wararkii ugu dambeeyey ee duqeymaha iyo dagaalka Masaajid Caliguduud + Video

0

Cadale (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka Masaajid Caliguduud oo ay ku dagaalamayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Dagaalkan oo ah mid culus ayaa waxaa ka qayb-qaadanayaa diyaaradaha dagaalka Turkiga oo xalay iyo illaa saaka gantaallo ku garaacaya goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in duqeynta si xoogan looga dareemayo deegaanka, islamarkaana daryan hubka si weyn looga maqlayo halkaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay duqeymahaasi ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay xubno ka tirsanaa Shabaab, balse ma shaacin tirada rasmiga ah.

Ciidamada dowladda oo maalin kahor dib uga soo baxay Masaajid Calguud ayaa sidoo kale lagu soo warrayaa inay haatan dib ugu laabanayaan deegaankaas oo ay muddo sanado ah maamulayeen Shabaab oo weerar rogaal celis ah soo qaaday, kadib duulaanka dowladda.

Ujeedka ciidamada huwanta ayaa ah inay gaaraan illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaalla saldhigga ugu weyn ee ay kooxda ku leedahay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgallada ka socda HirShabelle ayaa guullo waa weyn laga gaaray, ayada oo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay Al-Shabaab uga qabsadeen deegaano horleh.