28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Xog: Madaxweyne Xasan oo shir deg-deg ah isugu yeeray madax goboleedyada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa todobaadkan shir deg-deg ah isugu imaanayo Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladaha haatan soo kordhay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyey in shirkan uu iclaamiyey madaxweyne Xasan, isla-markaana 27 bishaan uu ka qabsoomayo Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa casuumad u fidiyey shanta hoggaamiye goboleed sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo lagu wado inay soo gaaraan Muqdisho.

Lama shaacin muddada uu qaadan doono shirkan oo ah mid xasaasi ah, isla-markaana ku soo aaday, xilli haatan dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wararka aaan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka lagu soo qaadi doono arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo sidoo kale xoojinta howlgallada haatan  ka billowday dalka.

Xogta ayaa intaasi ku sii dareysa in madaxdu ay falanqeyn doonaan arrimaha shidaalka ee ay haatan faraha la gashay dowladda Xasan Sheekh oo dhameystirtay heshiiska shidaalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaadi doonaa gurmadka abaaraha, maadaama ay kasii darayaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska ku soo laabtay 15-kii May ee sanadkan 2022 ayaa kulamo hore la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, isagoo kala wada hadlay sii amba qaadida howlaha waa weyn ee horyaalla dowladdiisa cusub iyo sidoo kale wada shaqeynta labada dhinac.

Daawo: Beesha Ceyr “Dilka Ceydiid waxaa dano gaar ah dhaafsaday Xasan Sheekh”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Beesha Ceyr oo uu kasoo jeeday Dable Ceydiid oo Sabtdi loo toogtay xukunka qisaasta ee dilkii wasiir Cabaas Siraaji ayaa ka hadlay sida toogashadu ku timid kadib shan sano oo la sugayey.

Odayaashaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu si gardaro ah u dilay marxuumkaas, sida ay hadalka u dhigeen.

“Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kas ah oo gardaro ah u dilay wiilkaas, iyadoo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhiiran waayey inuu saxiixo, waxaan intaan kiiskaan ku jirnay nooga baxay qarash aad u badan oo magtii ka badan,” ayaa lagu yiri shirka jaraa’id ee odayaasha beesha Ceyr.

Sidoo kale beesha ayaa sheegtay in sababta uu madaxweyne Xasan Sheekh “u saxiixay” dilka ay tahay dano uga xayiran maamul goboleedka Koonfur Galbeed, oo uu kasoo jeeday Cabaas Siraaji, sida ay warka u dhigeen.

“Dilka wuxuu saxiixay Xasan Sheekh isagoo dano ka leh Koonfur Galbeed, mana uusan baarin kiiskaan, waxaana xusid mudan in madaxweynihii hore ee Farmaajo uu iska dhaafay inuu saxiixo dilkaan maadaama uu arkay inuusan sharci aheyn,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay.

Shirka jaraa’ida ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qodobo ay beesha sheegtay inay caddeyn u tahay in kiiska dilka wasiir Cabaas Siraaji uu ahaa mid u dhacay qaab kama’ ah, waxayna qodobada ku sheegeen:

  1. Habeenkii uu wasiirka dhimanayey wuxuu gacantiisa ku watay gaari aan aheyn gaarigii lagu yaqaanay oo ahaa gaari nooca raaxada ahaa isagoo ku socday si xawaare ah, wuxuuna ka daba yimid gaari uu watay hanta dhowrihii qaranka.
  2. Waxaa soo kala dhex galay labada gaari kala shaki, waxayna taas keentay is rasaaseyn dhex martay labada baabuur.
  3. Mid kamid ah ilaalada wasiirka ayaa wuxuu maxkamadda horteeda ka sheegay in dhowr jeer ay wasiirka ku yiraahdeen gaari tartiib u wad, waana kala shakinay gaariga naga horreeya
  4. Ma jirin aqoon hore iyo dagaal ka dhaxeeyey Caydiid iyo wasiir Cabaas.
  5. Xeer ilaalinta waxay si cad maxkamadda uga hor sheegtay inuu kiiskaas yahay kiis kama’ ah markii baaris la sameeyey kadib.

Halkaan hoose ka daawo war-saxaafadeedka oo dhameystiran.

Wararkii ugu dambeeyay weerar geystay khasaare oo ka dhacay SOMALILAND

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ee ka howl-gala gobolka Sanaag ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen laba Nin oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerar maanta lagu qaaday maqaaxi ku taal degmada Dararweyne ee gobolkaas.

Howl-galo ay sameeyeen ciidamada Booliska kadib weerarkaasi ayaa gacanta loogu soo dhigay labada Nin, ayada oo weli ay baaritaan ku hayaan raga lagu tuhmayo weerarkaas, islamarkaana dhawaan la horgeyn doono maxkamadda gobolka si loo marsiiyo cadaaladda.

“Marnaba ma aqbali doono in weli deegaano kamid ah gobolka Sanaag ay ka jiraan maleeshiyaad hubeysan oo dadka shacabka ah iska dilaya, waxaa ka qaadi doona ttallaabo sharci ah.”

Dableyda weerarka geysatay ayaa saaka beegsatay maqaaxi ku taalla degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag oo maamul ahaan hoostagta Somaliland, waxayna rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa goobtaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen labo kale oo shacab ah, sida ay inoo xaqiijiyeen illo deegaanka ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan iyo bartilmaameedka kooxda weerarka fulisay, waxaana weli socda baaritaano arrintaan la xiriira.

Deegaano kamid ah Somaliland ayaa waxaa mararka qaar sidan oo kale ka dhaca weeraro hubeysan, kuwaasi oo qaarkood salka ku hayaan aanooyin Qabiil oo ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag.

Xaaladda Salman Rushdie oo war cusub laga soo saaray kadib weerarkii lagu qaaday

Madrid (Caasimada Online) – Salman Rushdie, oo ah qoraaga buuggii loogu gefay kitaabka qur’aanka, ayaa lumiyey aragga hal il, wuxuuna ka naafoobay oo ka dareen beelay gacan, kadib markii lagu tooreeyey Mareykanka bishii August, waxaa sidaas Axaddii shaaca ka qaaday wakiilkiisa.

Salman Rushdie, oo 75 jir ah, ayaa kadib hanjabaado badan oo loo jeediyey markii uu daabacay buugga “Aayada Shaydaanka”, waxaa dhowr jeer toorey looga dhuftay qoorta iyo caloosha isaga oo ku sugan gobolka New York.  

Rushdie ayaa kadib helicopter loogu qaaday isbitaal u dhow halka uu weerarku ku dhacay, waxaana lagu sameeyey qaliin deg deg ah. 

“Wuxuu lumiyey aragga hal il… saddex dhaawac oo halis ah ayaa qoorta ka gaaray. Hal gacan naafo ayey noqotay oo dareemihii ayaa ka tegay kadib markii neerfayaasha ay go’een. Sidoo kale 15 dhaawac ayaa xabadka iyo caloosha kaga yaal,” waxaa sidaas yiri wakiilkiisa Andrew Wylie, oo la hadlay wargeyska El Pais ee dalka Spain.

Dhaawacyadu waxay ahaayeen kuwa “aad u qoto dheer… wuxuu ahaa weerar aad u xun,” ayuu yiri Wylie.

Andrew Wylie ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer kuna saabsan halka uu hadda ku sugan yahay Salman Rushdie iyo haddii uu weli isbitaalka ku sugan yahay.

Qoraaga British-ka ah ayaa sanado badan ku noolaa dhuumasho kadib markii hoggaamiyihii hore ee Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini uu amray in lasoo dilo sababo la xiriira inuu u gefay diinta. 

Hadi Matar, oo ah 24 jir deggan gobolka New Jersey balse qoyskiisa ay asal ahaan kasoo jeedaan dalka Lubnaan, ayaa lagu tuhmayaa oo loo xiray weerarka.

Weerarkan ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalalka Reer Galbeedka hase yeeshee waxaa aad looga ammaanay dalal badan oo Islaam ah, gaar ahaan Iran iyo Pakistan. 

Sawirro: SWAN oo warbixin muhiim ah kulankii maanta kula wadaagay Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Kulanka ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha kaga dhageystay warbixin wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, taasi oo ku saabsaneyd hawlaha xafiiskiisa iyo hey’adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka.

James ayaa sidoo kale waxa uu Xamza la wadaagay howlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, islamarkaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay kooxda argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay hawlihii kala duwanaa ee uu qabtay dalka intii uu joogay.

James oo dhawaan wareejin doona xilka wakiilka Xoghayaha Guud ayaa kulanka kadib waxa uu ra’iisul wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado kala duwan, oo ay ku jiraan dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya.

JUXA oo war cusub ka soo saaray xiisadda PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa markale ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan muranka hareeyey doorashooyinka oo ay isku hayaan Deni iyo ururada kale ee siyaasadda.

Juxa ayaa marka hore beeniyey wararka sheegaya in madaxtooyada ay waddo qorshe muddo kordhin horleh loogu sameynayo Saciid Deni, wuxuuna shaaca ka qaaday in arrintaasi aysan suuragal aheyn, islamarkaana la aadayo doorasho guud oo xalaal ah.

“Ku darsi miyaa jira, Eregayaas waa lasoo celceliyaa, Madaxweynaha wuu ka jawaabay oo waxa uu sheegay in uusan jirin, ku darsi ma jiro oo suuragal ma ahan, waxaa jirto doorasho oo dowladda ay raadineysaa” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Sidoo kale waxa uu xusay in dhalinyaro badan uga dhinteen arrinta ku darsashada (muddo kororsiga) taasina ay ka barteen cashar qaraar oo aan habooneyn in dib loogu laabto.

“Arrinta ku darsashada Puntland mar ayaa lasoo maray, saddexdii sano ugu dambeysay markii maandheedka uu dhacay ee ahayd in laga gudbo ee laga gudbi waayay wixii ka dhacay waynu ogeyn, boqolaal wiil ayaa ku dhimatay, cashar qaraar oo lasoo maray weeye, doorasho ayaa jirto, dowladduna taas ayay qaadaneysaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday in ka wasaarad ahaan ay qaadi doonaan mas’uuliyada ah in doorasho ay ka dhacdo Puntland, si shacabka dowlad-goboleedkaas ay u doortaan ururada siyaasada si looga guuro xulashada mudada fog wax lagu soo dooranayay.

Puntland ayaa wajahayso qalalaase ka dhashay doorashooyinka lagu muransan yahay ee tooska ah, waxaana magaalooyinka qaar ka dhacay dibadbaxyo rabashada wata.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse Deni ayaa waxaa heysta culeys aad u xoogan oo uga imaanayo reer Puntland oo ay xittaa ku jiraan madaxdii hore ee maamulkaasi.

Sawirro: Muxuu wasiirka difaaca DF kala hadlay dhigiisa iyo taliyaha ciidanka Jabuuti?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah dalka Jabuuti kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) iyo Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dalkaas,  Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahim.

Wasiir Cabdulqaadir oo uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil-walaal, garab istaagga iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada.

Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda in labada dal ee walaalaha ah ay si dhow isaga kaashadaan ciribtirka Argagixisada, si nabad, horumar iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan shucuubta Soomaaliyeed iyo guud ahaan tan gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay si buuxda u garab taaganyihiin halganka shacabka iyo ciidamada Xoogga dalka Soonaaliyeed ay dalka kaga sifeynayaan Al-shabaab.

Wasiirka Difaaca Jabuuti ayaa hoosta ka xarriiqay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Maxkamadda ciidamada oo toogasho ku fulisay labo ka tirsanaa AL-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay horey xukun dil ah ugu ridday maxkamaddu.

Labada nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Shucayb C/llaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar, kuwaas oo lagu helay ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu shaacisay inay ku lug lahaayeen dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale sheegtay in Shuceyb iyo Saadaq oo magacyadooda afgarashada uu ahaa Axmed & Qoono ay Al-Shabaab ka tirsanaayeen illaa 2014-kii, iyaga oo lasoo shaqeeyey Horjooge Ilkacase oo isna horey loogu toogtay magaalada Muqdisho.

Fagaaraha lagu toogtay labadaan ruux waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan maxkamadda iyo ciidamada ammaanka oo xukunka dilka ku fuliyey raggaasi.

Inta badan maxakamadda ciidamada ayaa dilal toogasho ah ku fuliso xubnaha Al-Shabaab ee soo gala gacanta dowladda oo haatan sare u qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi.

Si kastaba dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii dambe kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horey u ridday maxkamadda ciidamada, waxaana muddada uu joogo madaxweyne Xasan Sheekh la toogtay illaa 4 qof oo labo mid ah askar yihiin, kuwaas oo dilal geystay, waxaana ugu dambeeyey dilkii lagu fuliyey Caydiid oo horey u dilay wasiir Cabaas Siraaji.

KENYA oo maxkamad soo taageyso kooxda booliska ee hadda dilaaga noqotay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Afar xubnood oo ka tirsan ciidamada Boliiska Kenya ayaa lagu eedeeyey in ay ka dambeeyyeen dilal , afduubyo iyo jirdil ka dhacay gudaha dalkaas ayaa maanta horgeynayaa maxkamad ku taalla magaalada Nairobi.

Waxay qeyb ka haayeen koox gaar ah oo uu dhawaan kala diray Madaxweynaha Kenya William Ruto iyadoo ciidamadaas lagu eedeeyey dil aan loo meel dayin taas oo sanado badan socotay.

Falkii ugu dambeeyay ee lagu eedeeyay waxaa kamid ah dil loo geystay labo muwaadin oo u dhashay Hindiya kuwaas oo la waayay halka jaan iyo cirib ay dhigeen, waxaana markii dambe meydkooda laga helay keyn ku taalla bartamaha Kenya.

Saraakiishan ka tirsan ciidamadan haatan la gala diray waxaa loo heystaa falal isugu jiro dil, inay ku takrifaleen awooddooda iyo shirqool ku aadan inay galeen dambiyo.

Madaxweyne Ruto ayaa dhawaan sheegay in kala diridda ciidamadii gaarka ahaa ay qeyb ka tahay isbeddelka dhanka hoggaanka, xilli maamulka cusub uu qorsheynayo inuu dib u habeeyo maareynta waaxda ammaanka ee dalka.

Waxa uu sheegay in ciidammadaas uu kala diray ay mas’uul ka ahaayeen dilalka aan kala sooca lahayn iyo dadka la waayay ee markii dambe maydadkooda laga helay deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan sida tuulooyinka ka ag dhaw webiga Yala.

Tallaabadan maxkamadeynta saraakiishan ah ayaa timid kadib Madaxweynaha uu helay warbixin ku aadan maqnaashaha labada muwaadin ee u dhashay Hindiya, Zulfiqar Ahmad Khan iyo Mohamed Zaid Sami Kidwai waxay Kenya u yimaadeen in Ruto ay ka caawiyaan ololahiisa doorashada.

Hay’adaha xuquuqul Insaanka ayaa la xiriirayay ciidamadan gaarka ah ee la kala diray iyo booliska inay dileen in ka badan 600 qof afarta sano ee lasoo dhaafay kadib markii ay sameeyeen baaritaan madaxbanaan.

Qaar kamid ah meydadka dadkaas ayaa laga helay webiyo mara galbeedka iyo waqooyiga Kenya.

Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ayaa haatan ugu baaqaya dowladda inay maxkamadeyso saraakiishan amar la’aanta wax fuliya isla markaana magdhaw la siiyo dhibanayaasha.

BBC

Dabley hubeysan oo weerar ka geysatay SOMALILAND

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay maanta dabley hubeysan ka geysatay degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag oo maamul ahaan hoostagta Somaliland, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dableyda weerarka geysatay oo aan haybtooda la garan ayaa beegsatay maqaaxi ku taalla halkaasi, waxayna rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa goobtaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen labo kale oo shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan iyo bartilmaameedka kooxda weerarka fulisay oo goobta isaga baxsatay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo mas’uuliyiinta Somaliland oo ku aadan falkaasi ka dhacay degmada Dararwayne ee gobolka Sanaag.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaan baaritaano dheeraad ah wada ciidamada Somaliland oo bilaabay howlgal lagu baadi goobayo dableyda geysatay weerarkaas.

Deegaanada Somaliland ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro hubeysan, kuwaas oo qaarkood salka ku hayo aanooyin Qabiil oo ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag.

Si kastaba, weerarkii ugu dambeeyey ayaa magaalada Hargeysa ka dhacay 13-kii August, kadib markii uu nin afka soo duubtay oo cararaya uu dad rayid ah xabad kula furay gudaha magaaladaasi, waxaana ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo uu ku dhaawacmay qof kale.

Britain oo maanta yeelaneysa ra’iisul wasaarihii u horreeyey ee aan caddaan aheyn

London (Caasimada Online) – Rishi Sunak oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka Britain ayaa lagu wadaa inuu maanta noqdo ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee kasoo jeeda dadka laga tirada badan yahay, kadib markii Boris Johnson uu xilli dambe ka tanaasulay isku day soo laabasho oo uu qorsheynayey.

Toddobaadyo un kadib markii uu ku guuldarreystay isku day uu ku hoggaamin lahaa xisbiga Tory-ga, Sunak ayaa soo rogaan celin aan caadi aheyn kusoo geba-gebeyn kara inuu maanta ku guuleysto hoggaanka kadibna noqdo ra’iisul wasaaraha dalka. 

Loolankan oo yimid kadib markii ra’iisul wasaare Liz Truss ay Khamiistii ku dhowaaqday inay is-casileyo ayaa musharaxiinta looga baahan yahay inay helaan taageerada ugu yaraan 100 xildhibaan kahor 2:00 pm ee maanta. 

Sunak, oo ah maal-qabeen Hindu ah oo waalidkiis ay kasoo jeedaan India iyo Bariga Afrika, ayaa habeenkii Jimcaha ka gudbay tiradaas, isaga oo helay taageerada 150 xildhibaan kahor inta aanu musharaxnimadiisa ku dhowaaqin Axaddii. 

Ka bixitaanka Johnson ee tartanka — kahor xitaa intaaa aanu toos ugu dhowaaqin — ayaa ka dhigtay in Penny Mordaunt ay tahay xildhibaanka kaliya ee loolanka u taagan marka laga soot ago Sunak. 

Hase yeeshee taageerayaasha Sunak ayaa maanta carabka ku adkeeyey in wasiirkii hore ee maaliyadda aanu weli u qaadaneyn “inuu gacanta ku dhigay” hoggaanka.

“Wuxuu la hadlayaa saaxiibadiisa saaka, dadaal xooggan ayuu wadaa oo uu kusoo jiidanayo taageerayaasha markii hore la jiray Boris Johnson,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Grant Shapps.

Mordaunt ayaa la filayaa in cadaadis xooggan lagu saaro inay ka harto isku daygeeda hoggaan, si deg deg loogu soo geba-gebeeyo loolanka xilli Britain ay wajaheyso xasarado dhowr ah. 

Haddii Mordaunt oo 49 jir ay ay iska caabiso cadaadiskan islamarkaana hesho taageerada 100 xildhibaan, kadib waxaa dhici doono tartan ay ka codeyn doonaan 170,000 oo ka mid ah xubnaha xisbiga, cod-bixintan oo u dhici doonta qaab online ah, ayada oo natiijadana lagu dhowaaqi doono Jimcaha. 

Laba bilood kahor xildhibaanada ayaa Truss ka doorbiday Sunak. Hase yeeshee, waxay u egtahay in nasiibkiisu ku simay in wax ka yar 2 bil uu usoo laabtay xilkii uu waayey.

Daawo: Cali Jayte oo lacag ku bixiyey xubno Shabaab ah oo madaxooda loo keenay

0

Maxaas (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa maanta fagaare ku taalla degmada Maxaas ku bixiyey lacagtii uu u balan qaaday ninkii soo dila qof Shabaab ah, kadib markii loo keenay madaxa labo xubnood oo Al-Shabaab ka tirsanaa.

Cali Jayte ayaa 10,000 oo dollar ku wareejiyey askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, ragga lacagtaan la siiyey ayaa shalay xubnahaan Shabaabka ah ku dilay degaanka Moqokori oo howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen.

Guddoomiyaha ayaa lacagtaas meel fagaare ah ku siiyey labadii askari ee gacantooda ku toogtay xubnihii Shabaab-ka ahaa, wuxuuna askari kasta qaatay 5,000 kun oo dollar, waana balantii uu qaaday guddoomiye Cali Jeyte maalin uu ku sugnaa Yasooman.

“Qof walba oo wanaag ka shaqeya waxa uu leeyahay abaal marin iyo dalacsiin, qofkii xumaato ka shaqeeyana waxuu leeyahay ciqaab, marka askarta fulisay howlgalka ay ku soo dileen nimanka cadowga ah ee dhiiga Islaamka baneystay, waan u mahadcelinaya, wayna mudan yihiin abaal marintaan, maadaama ay soo qabteen shaqo wanaagsan,” ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Askari u hadlay raggii abaal-marinta la gudoonsiiyey ayaa fariin u diray xoolo dhaqatada ay baadda ka qaataan Al-Shabaab, isagoo ku dhiirageliyey inay Shabaab-ka Zakawaadka ka qaata ay soo dilaan, si loo siiyo abaal marin ka badan xoolihii ay dhaqanayeen.

“Waxaan leeyahay dadka xoolo dhaqatada ah ee maalin walba xoolahooda neef ka mid ah ay ka qaadanan Shabaab, soo dila kuwa xoolaha in ka qaadanaya, kadibna anaga noo imaada, oo lacagtaan qaata, xoolihiina oo neefba mar la qaadanayo, halkii qof ee Shabaab aad la dishaan ayaa ka lacag badan,” ayuu yiri mid ka mid ah askartii lacagta la gudoonsiiyey galabta.

Hoos ka daawo

Daawo: Weerarkii Kismaayo oo lasoo afjaray iyo Jubaland oo shaacisay khasaare culus

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa lasoo afjaray weerarkii ka socday magaalada Kismaayo, kadib markii ay ciidanka ammaanka Jubbaland ku guuleysteen inay dilaan dhamaan xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee maanta weerarka ku qaaday Hotel lagu magacaabo Tawakal.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyey in la dilay seddax xubnood oo Hotelka ka dhex dagaalamaysay, waxaana weerarkaas ku geeriyooday sagaal qof, halka 42 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay wasiirku.

Seddax dabley ah ayaa gudaha u gashay Hotelka, kadib markii uu is-miidaamiyey midkii 4-aad oo watay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, markii laga soo baxay salaadii duhur ee maanta.

Labo ka mid ah dableydaas ayaa galabta la toogtay, waxaana hadda la xaqiijiyey in la dilay kii 3-aad oo mudo ka dhex dagaalamayey Hotelka, iyadoo la badbadiyey tobanaan qof oo nabad qabta.

Hotelka ayaa la sheegay inuu ahaa mid camiran oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, odayaal dhaqan iyo dad kale oo ganacsato ah, sidoo kale waxaa la sheegay in xiliga la weeraray ay odayaal ku shirayeen.

Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa warbaahinta u fxaqiijiyey in howlgalkaas lasoo gabagabeeyey oo ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay iska kaashadeen.

Hoos ka daawo

DF oo si rasmi ah u shaacisay qorshaha dib loogu howl-galinayo Somali Airlines

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday qorshe ay dib ugu howl-galineyso diyaaradii Soomaali Airlines, taasi oo muddo ku siman 30 sanno aan shaqeyn.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Fardowsa Osman Egal ayaa maanta magacowday guddiga dib u howl-galinta diyaaradii Soomaali Airlines.

Guddiga ayaa sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada waxay tallo bixin ku sameyn doonaan sida ugu haboon ee dib loogu howl-gelin karo diyaaradii Soomaaliya.

“Xubnahaan guddiga waxaa la farayaa inay muddo 30 cisho ah oo ka bilaabanysa taariikhda November 1-deeda illaa November 30-keeda kusoo gudbiyaan qorshe dhameystiran oo horseedaya dib u howl-gelinta shirkada Somali Airlines.”

Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxay kala yihiin;

  1. Mudane Cali Gacal Gaabow (Guddoomiye)
  2. Captain Maxamed Nuur Aadan (Xubin)
  3. Captain Cabdi Guuleed Maxamed (Xubin)
  4. Axmed Macallin Xasan (Xubin)
  5. Captain Caydaruus Axmed Kaahiye (Xubin)
  6. Cabdi Maxamed Maxamuud (Xubin)
  7. Cabdirisaaq Aadan Geedi (Secretary)

Dib u howl-galinta diyaaradii Soomaali Airlines ayaa Soomaaliya uga dhigan guul wayn, iyadoona muddo ku siman Soddan sano ay howlgab ahayd diyaaradu, taasi oo meesha ay ka saareen dagaaladii sokeeye ee ka qarxay dalka

Sawirro: Xasan Sheekh oo shirka Jabuuti kusoo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee…

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ku aadan ka hortaga xaalufinta iyo nabaad-guurka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dul istaagay saamaynta baaxada leh ee isbedelka cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada isbadalaysa.

“Soomaaliya waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada,” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaa dhawaan daah-furnay Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.”

Shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti oo kasoo qeyb-galeen wafuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka, ayaa waxa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada ee wadamada gobolka.

Ugu dambeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray xarunta cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti.

DF oo ka digtay arrin dhici karta maalmaha soo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xiriirta roobab daadad wata oo maalmaha soo socda ka di’i kara deegaano kamid ah dalka.

Qoraal digniin ah oo kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in toddoba cisho ee soo socota oo ah asbuuca saddexaad ee bishaan October ay saadaashu muujineyso in roobka dayrtu usoo guurayo dhinaca G/dhexe iyo qeybo kamid ah G/Koonfureed ee dalka.

“Gobollada Togdheer, Nugaal, Sool, Mudug, Galgaduud, Koonfurta-gobolka Waqoyi-galbeed, Koonfurta-gobolka Hiiraan iyo Bariga-gobolka Bakool ayaa sida ay saadaashu sheegeyso waxay asbuucan heli doonaan roobab ah inta u dhaxeysa 10 – 100 (mm),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Haddii ay roobabkaasi uga da’aan sida ay saadaashu sheegeyso waxay degmooyin goboladaasi kamid ah wajihi doonaan khatar kaga timaada halista daadadka (flash floods) ay roobabkaasi sababi doonaan.”

Sidoo kale waxay sheegtay hay’addu in gobolada kale ee dalka sida; Awdal, Gedo, Jubada-dhexe, Jubada-hoose, Baay, Shabeelaha-dhexe, Shabeelaha-hoose iyo Banaadir ay asbuucan heli doonaan roob aan badneyn oo xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm), sidaas darteedna aan la fileyn in saameyn badan ku yeeshaan goboladaas.

Digniintan kasoo baxday hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda ayaa kusoo aadeysa xili ay xalay daadad xoogan ku rogmadeen magaalada Qardho, kuwaasi oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Wararkii ugu dambeeyey weerarka lagu qaaday Hotel TAWAKAL ee KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka ee magaalda Kismaayo ayaa la dagaalamaya dabley hubeysan oo galay gudaha hoteel ku yaalla bartamaha magaalada, oo ay ku jiraan maleeshiyada Al-Shabaab.

Weerarka hoteelka ayaa ku billowday qarax culus oo lagu dhuftay albaabka hore ee hotel Tawakal, waxaana qaraxa iyo rasaasta socota ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan, sida aan xog ku helnay.

Ku dhawaad 15 qof oo dhaawac ah ayaa la geeyey isbitaallada magaalada Kismaayo, waxaana jiro dhimasho ka dhalatay weerarka inkastoo aan tiro rasmi ah la heyn, ayada oo dad badan la rumeysan yahay inay ku dhinteen gudaha hoteelka.

Hoteelka uu weerarka ka dhacay ayaa ku yaalla waddada aadda dekadda magaalada Kismaayo, waxaan wadada isticmaalayey arday iyo dad badan oo shacab ah xilliga uu qaraxa ka dhacayey. Dhaawcyada ayaa waxaa ku jira ardayda qaarkood.

Tawakal Hotel Wuxuu ka mid yahay hotellada caanka ah ee ammaankoodu uu adag yahay, waxaana dagan siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo qeyb kasoo qaatay dhismaha maamul goboleedka Jubbaland.

Hotelka la weeraray ayaa u dhow hotelka Cascaseey oo sidaan oo kale la weeraray sanadkii 2019-kii, kaas oo ay ku dhinteyn dad badan oo ka tirsanaa maamulka Jubbaland.

Kooxda Al- Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka socdo hotelkaasi, waxayna sheegtay inay gudaha hotelka ka wado toogasho toos ah.

“Qarax ayaa ka dhacay hotel Tawakal, waxaana la maqlayaa rasaas,” ayuu yiri Maxamed Nuur oo ah kabtanka ka tirsan booliska Kismaayo oo la hadlay Reuters isagoo ku sugan magaalada Kismaayo.

Ciidamada DF oo qabtay gaari dameer qaraxyo lagu soo raray

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa fashiliyey weerar qarax ah oo ay soo maleegeen dagaalayahanada Al-Shabaab, kaas oo lala damacsanaa fariisin ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka magaalada Beledweyn.

Wararka ayaa sheegaya in xalay ciidamada ay gacanta ku dhigeen gaari Dameer lagu soo raray walxaha qarxa, kaa soo kusoo wajahnaa dhinaca magaalada Beledweyne.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay heleen xogta gaari Dameerkan, isla-markaana ay ka hortegeen, kadib howlgal ay ka sameeyeen duleedka Beledweyne.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo waday qaraxa ay ku dagaalameen halkaasi, waxaana lasoo wariyey in dagaalyahanada Shabaab ay gooobta ka carareern, kadib markii la fashiliyey weerarkooda.

Ciidamada ammaanka ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah, waxayna sidoo kale ku howlan yihiin kala fur furista qaraxyada lagu soo raray gaari Dameerka.

Beledweyne oo xudun u ah howlgallada ka socdo gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey weeraro qaraxyo ah, waxaana ugu dambeeyey saddexdii qarax ee dhowaan lagu weeraray xarunta Lamagalaay oo ay ku taallo madaxtooyada HirShabelle.

Xaaladda gobolka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana deegaannada qaar ka socdo howlgallo, halka meelaha qaarna laga dareemayo abaabul ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradaha Turkiga oo ku biiray dagaalka deegaanka Masaajid Caliguduud

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha dagaalka dowladda Turkiga ay duqeymo xoogan ku garaaceen deegaanka Masaajid Caliguduud ee gobolkaasi, kadib markii ay halkaas shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in duqeynta oo aheyd mid culus lagu beegsaday aagga ay ku sugan yihiin xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubno ka tirsan kooxda lagu laayey duqeyntaasi, sida ay shaaciyeen saraakiil dhanka amniga oo ah ka hadlay xaaladda deegaankaasi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dib uga soo baxay Masaajid Caliguduud oo ay shalay la wareegeen, kadib dagaallo qaraar oo ka dhacay halkaasi, waxaana haatan wararka ay sheegayaan ciidamada huwanta ay sladhigteen duleedka bari ee isla deegaanaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa inay labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wadaan halkaasi, ayada oo dadka deegaanka ay dhankooda cabsi xoogleh ka muujinayaan in markale uu dib u qarxo dagaal culus.

Shabeelaha Dhexe oo hoostaga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa HirShabelle oo sidoo kale garab ka helaya maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Si kastaba, saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in duulaankooda uu ku wajahan yahay saldhigga ugu ee Al-Shabaab oo ku yaalla degmada Aadan Yabaal.

Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Masaajidka Cali Guduud oo la keenay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa la keenay dadkii kusoo dhaawacmay dagaalkii cuslaa ee Sabtidii shalay ka dhacay deegaanka Masaajid CaliGuduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyey ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab.

Dadka dhaawacyada ah ee la keenay Muqdisho ayaa isugu jiro askar iyo dad shacab ah, waxaana la geeyey isbitaalka Xoogga dalka oo haatan lagu dabiibayaa xaaladooda.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhaawacyada ku booqday isbitaalka, isaga oo u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

Madaale ayaa sidoo kale ku baaqay in lo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo haatan xoogiisa uu ka socdo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada, isla markaana Ciidanka Qaranka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka loogu xoreyn lahaa Kooxaha Khawaarijta ee banneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale xaalada Masaajid Caliguduud ayaa weli kacsan waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac oo dib u garasho sameeyey ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi.

Shabeelaha Dhexe oo hoostaga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa HirShabelle oo sidoo kale garab ka helaya maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Si kastaba, saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in duulaankooda uu ku wajahan yahay saldhigga ugu ee Al-Shabaab oo ku yaalla degmada Aadan Yabaal.