28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee daadad kusoo rogmaday QARDHO + Khasaaraha

0

Qardho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Qardho ee hoostagta Puntland ayaa sheegaya in haatan xaalad adag ay ka taagan tahay magaaladaasi, kadib markii ay xalay ku rogmadeen daadad xoogan, kuwaas oo aan horay looga sii feejignaan.

Illaa saddex tog oo Qardho ku soo dhaca ayaa lagu soo warramayaa in biyo ka yimid meelo fog ku soo rogeen magaalada, gaar ahaan xaafadaha ku yaal dhanka hoose ee biyo dhaca.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed ay ka dhasheen daadadka markale ku dhuftay magaalada Qardho.

Ugu yaraan laba qof oo da’ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen daadadka xalay ku rogmaday Qardho, waxaana sidoo kale ku burburay guryo iyo goobo kale oo ganacsi.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Karkaar oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey saameynta ka dhalatay daadadkaasi, wuxuuna sheegay xaalad cakiran ay ka taagan tahay degmada Qardho, isaga oo qaylo dhaan u diray Puntland, dowlada dhexe & hay’adaha kale.

“Magaalada Qardho oo dhan biyaa maraya buundadii xattaa biyuhu dushay ka mareen , roob aan onkod iyo hilaac laheyn baa magaaladii biyo badan kusoo celiyey” ayuu yiri.

Waa markii labaad oo daadad xoogan ay ku dhufteen Qardho, waxaana u dambeysay 2020-kii oo biyo ay ku rogmadeen magaaladaas, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan.

Maamulka Puntland oo digniin cusub soo saaray kadib…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Puntland ayaa digniin cusub oo ku aadan roobab dabeylo wata oo ku wajahan maamulkaasi u dirtay dadka shacabka ah, ayadoo ku baaqday in dadweynuhu ay muujiyaan feejignaan.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in saadaashu muujinayso roobab mahiiggaan ah oo ku soo foodleh Puntland, gaar ahaan Gobolka Nugaal.

Wasaaradda ayaa si gaar ah farriin ugu dirtay dadka degan dhulka godan iyo meelaha biya qaba-tinka leh oo ay suurtagal tahay inay ku rogmadaan daadad xoogan.

“Digniin ku saabsan roobabka; waxay saadaashu sheegaysaa inay jiraan Roobab mahiigaan ah, gaar ahaan gobolka Nugaal, haddaba waxaa bulshada Puntland ku wargalinaynaa inay ka digtoonaadaan meelaha biyo qabatinka ah Miyi, Magaalo iyo Xeebaha” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Puntland ayaa ugu baaqday kalluumeysatada iyo dadka u dhow xeebaha inay ka taxadaan badda, maadaama laga cabsi qabo roobab daadad wata oo markale kusoo wajagan deegaanada maamulkaas.

Digniintan ayaa ku soo beegantay, ayada oo xalay ay daadad xoogan ay ku rogmadeen magaalada Qardho, kuwaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac & burbur.

Waa markii labaad oo daadad xoogan ay ku dhuftaan Qardho, waxaana u dambeysay 2020-kii oo biyo ay ku rogmadeen magaaladaas, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan.

WEERAR ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday hoteel ku yaallo Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ku billowday qarax xoogan oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Weerarka ayaa waxa lagu soo warramayaa in lagu qaaday hoteelka Tawakal ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay inoo sheegay in weerarka loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana kadib hoteelka gudaha u galay rah hubeysan.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana la soo warinayaa in weli rasaas xoogan laga maqlayo gudaha hoteelka la weeraray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkan iyo qaraxa ka horreeyey

Dhismaha la weeraray ayaa ku yaallo meel aan ka fogeyn hoteelka caanka ah ee Ex Cascaseey oo ay horey 2019-kii u weerareen xoogaga Al-Shabaab.

Weerarka Kismaayo ka socdo ayaa ku soo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyey magaaladan laga dareemayey abaabul ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan gobollada Jubbooyinka

Wixii soo kordho kala soco: Caasimada.net.

Maxaa kasoo kordhay weerarka tooska ah ee ka socda KISMAAYO?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa weli ka socdo magaalada Kismaayo weerar toos ah oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen dhismaha Hoteelka Tawakal oo ku yaallo waddada aada dhanka dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa ku billowday gaari qarax siday oo lagu dhuftay albaabka hore ee hoteelka la weeraray, kaas oo ay inta badan fariistaan siyaasiyiinta iyo madaxda Jubaland.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jiro, balse si dhab ah looma xaqiijin karo, maadaama uu weli socdo weerarka lagu qaaday magaalada Kismaayo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in xilliga uu weerarka dhacayey hoteelka uu ka socday shir ku saabsan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale simaar dowladeed oo loo qabtay shaqaale ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Lama oga khasaaraha soo gaaray mas’uuliyiinta goobta ku sugneyd, waxaana weli socdo dagaal u dhexeeyo xubnaha gudaha u galay hoteelka iyo ciidamada ammaanka.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in hooteelka ay la wareegeen xubnaha weerarka fuliyey, sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba weerarka Kismaayo ka socdo ayaa ku soo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyey magaaladan laga dareemayey abaabul ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan Jubbooyinka.

Dhageyso: Axmed Daaci oo shaaciyey xogta dagaalkii cuslaa ee maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci oo ka hadlay dagaalkii cuslaa ee maata ka dhacay degaanka Masaajid Caliguduud ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa xaqiijiyey in dagaal aad u culus uu maanta ka dhacay deegaankaas.

Axmed Daaci oo u waramay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dagaal soo bilowday saakay afar saac oo barqonimo uu soo gaaray galabta gabal dhicii.

Sidoo kale guddoomiyaha oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysa dagaalka ayaa sheegay inay gabal-dhicii galabta ku guuleysteen inay Al-Shabaab ka saaraan deegaanka Masaajid Caliguduud.

“Saakay afartii saac ayuu dagaalku soo bilowday, waxaa la siku gaaray gabal-dhicii galabta, waxaana laga saaray, kooxda waa lagu laayey dagaalka, welina dagaalka faro kama qodna, inta ay dalka joogaan nimankaan,” ayuu yiri Axmed Daaci.

Mar la weydiiyey tirada xubnaha dagaalka looga dilay Al-Shabaab ayuu sheegay in tiro rasmi ah uusan sheegin karin, “Cadowga aad ayaa loogu jebiyey dagaalka, hadii ay muslim yihiina haween badan ayaa asaay qaadi doona,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalka hal gaari looga gubay kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay caawa ciidamada dowladda ku sugan yihiin deegaanka masaajid Caliguduud.

“Lagama hari doono waa sii daba joogi doonaa ilaa aan dalka ka xoreyno, hadda dagaalka anagaa ku gacan sareyna, welina culeys ayaa jira,” ayuu yiri.

Guddoomiye Axmed Daaci ayaa sidoo kale sheegay in dadka deegaankaas ay kooxdu Shabaab ka wada dhigtay, isla markaana dadka deegaankaas ay u baahan yihiin kala shaandheyn xoog leh.

Hoos ka dhageyso

Sawirro: Xasan Sheekh oo u baxay safar kale oo dibadeed – Xaguu caawa ka degay?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray dalka Jabuuti, waxaana ku soo dhaweeyey garoonka diyaradaha magaalada Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti kaga qeyb galaya shir looga hadlayo Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay safarkaan.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu wada-hadallo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka amaanka iyo la dagaallanka argagixisada la yeelanayaa dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ku sugnaa deegaanada Puntland oo galabta uu ka sii baxay, wuxuuna maanta xarigga ka jaray dekedda cusub ee degmo xeebeedka Garacad ee Puntland.

Waa safarkii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay dalka Jabuuti tan iyo markii dib loo soo doortay, wuxuuna safarkiisii hore ee Jabuuti ahaa mid lagu wanaajinayey xiriirkii xumaaday ee labada dal, intii uu xukunka joogay Farmaajo.

Xogta dagaal culus oo caawa soo gaaray oo ka dhacay degaanka Masjid Caliguduud

0

Muqdisho (Casimada Online) – Faahfaahino dheeraad ayaa laga helayaa dagaal aad u culus oo caawa fiidkii soo gaaray oo ciidanka xoogga dalka iyo kooxda Al-Shabaab ku dhex maray degaanka masaajid Cali-Gaduud ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno degaankaas waxay sheegayaan in caawa Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda labada dhinac uga kala  sugan yihiin degaanka Masaajid Cali-gaduud, kadib markii dagaal aad u culus oo la isku habeensaday uu halkaas ka dhacay.

Khasaare badan ayaa lasoo werinayaa in labada dhinac uu soo kala gaaray, inkastoo aan la xaqiiji karin tirada rasmiga ah, waxaana ciidanka dowladda u suurta geli weysay inay si buuxda gacanta ugu dhigaan deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab oo saakay u baqa dirirtay ciidanka ayaa dagaal rogaal celis ah soo qaaday maanta gelinkii dambe, waxayna caawa ku sugan yihiin qeybo ka mid ah degaanka Masaajid Caliguduud, halka ciidanka dowladda ay ayaguna dhinac ka joogaan deegaanka.

Markii ay Al-Shabaab isaga baxeen deegaanka, si buuxda ulama wareegin ciidamada dowladdu, waxayna Al-Shabaab soo rogaal celiyeen iyadoo miino baaris ay ka socoto gudaha iyo daafaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa lasoo weriyey in ciidanka uu khasaare ka soo gaaray miinooyinkii kooxdu ay ku aastay wadooyinka gala degaanka, ugu yaraan hal gaari oo nooca dagaalka ah iyo dhowr askari ayaa naloo xaqiijiyey nin miino ay haleeshay.

Waxaa aad u yar xogta laga heli karo dagaalkii maanta ilaa caawa fiidkii ka socday degaanka Masaajid Caliguduud, madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo saraakiil ciidan oo badan ayaa hoggaaminaya dagaalkaan.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Daawo: Madaxdii Al-Shabaab ee degaanka Moqokori oo meydadkooda lasoo bandhigay

0

Maxaas (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaysa ciidanka dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta weerar qorsheeysan ka fuliyay gudaha deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo xubno Shabaab ah ay ku sugnaayeen.

Seddax nin oo labo saraakiil sare tahay ayaa Al-Shabaab maanta looga dilay Moqokori, waxaana howlgalkaas looga furtay seddax qori iyo gaari NOAH ah oo ciidanku ay saxaafadda u soo bandhigeen.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo warbaahinta kula hadlay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana bartilmaameedkoodu uu ahaa xubnaha la dilay.

Deeroow oo ahaa guddoomiyihii Al-Shabaab u magacownaa Moqokori iyo Siraad Cumar Gacal oo kooxda u qaabilsanaa canshuurta gaadiidka ee gobolka Hiiraan iyo hal askari oo ilaalo u ahaa, ayaa lagu dilay howlgalka Moqokori, kuwaas oo meydkooda lasoo bandhigay.

Sidoo kale sarkaalka u hadlay ciidamada dowladda wuxuu sheegay in xubnaha ay dileen ay gaarayaa ilaa shan, balse ay u suurta gashay in seddaxdaan ay meydkooda Maxaas keenaan.

Meydadka xubnahaas maanta Shabaab laga dilay, hubkoodii iyo gaarigii ay wateen ayaa warbaahinta loo soo bandhigay, waxaana gaarigii galabta la geeyey degmada Maxaas.

Howlgalkaan maanta lagu soo dilay xubnaha Shabaab-ka ah ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu balan qaaday in qofkii soo dila dagaalame ama sarkaal Shabaab ah uu siinayo lacag u dhaxeysa $5 kun ilaa $25 kun oo dollar.

Hoos ka daawo

Cali Yare: “Safarada shaqo ee sirdoonka qaranka lagama xayeysiiyo saxaafadda”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka amniga gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa dhalleeceeyey wax uu ku sheegay xayeysiin warbaahinta looga sameynayo hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA.

Cali Yare ayaa ka jawaabayey warbixin warbaahinta qaar ay ka sameysay safar la sheegay in taliyaha NISA Mahad Salaad uu ku tegay dalka Masar, halkaasi oo uu kaga qeyb-galay shirka madaxda sirdoonka dalalka Carabta.  

“Safarada shaqo ee Sirdoonka qaranka saxaafadda lagama xayeeysiiyo waana farqiga udhexeeya Hey’ad Sirdoon iyo Shirkad ganacsi oo xayeeysiis loo sameeynayo si ay macaamiisheeda ugu sheegto adeeg dheeri ah oo ay dalka keentay,” ayuu yiri Cali Yare. 

Cali Yare ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay hadal u muuqda in NISA ay shaqaaleysiisay suxufiyiin xayeysiin u sameeya. “Dhallinyarada suxufiyiinta ah ee la shaqaaleeysiiyay qaab kale ha ula shaqeeyaan hey’adaha amniga,” ayuu yiri.  

“Maanta cadowga gacan ayuu noogu jiraa ee yaanay farsamo xumo innaga naga timaada fursad kale siin, wixii siyaasad iyo Iidheh ah waxaan u soo laaban karnaa markii aan cadowga jabino Insha Allah,” ayuu hadalkiisa ku daray. 

Ma jirto jawaab deg deg ah oo laga heli karay NISA iyo Mahad Salaad oo ku wajahan eedeymaha ka yimid Cali Yare. 

Cali Yare ayaa aad ugu dhow taliyihii hore ee NISA Fahad Salaad, oo uu marar badan sheegay inuu isbeddel weyn ku sameeyey NISA, kana dhigay hay’ad xooggan, inkasta oo dadka dhaliilay Fahad ay ku eedeeyeen inuu hay’adda ka dhigay mid loo adeegsado arrimo siyaasadeed. 

Cali Yare iyo Mahad Salaad oo isku jufo kasoo jeeda ayaa horey ugu loolamay kursiga xildhibaan ee uu Mahad Salaad ku magacaaban yahay, kaasi oo ay aheyd in laga beddelo markii loo magacaabay taliyaha NISA. 

Qatar oo billowday cutub cusub oo ku saabsan Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar waxay aheyd hal boolihii nidaamkii madaxweyne Farmaajo shantii sano ee uu xilka hayey, balse hadda waxaa laga dheehanayaa inay diyaar u tahay inay la qabsato nidaamka cusub ee ka dhashay Soomaaliya.

Marka lagu laabto kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh iskuma xumeyn isaga iyo dowladda Qatar. Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qatar waxay muddo u muuqdeen inay ku luulamayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Xiisaddii Khaliijka ayaana uga sii dartay  loolanka labada dal.

Hadda oo uu dhammaaday khilaafkii Khaliijka waxaa soo shaac baxday inuu hoos u dhacay loolankii dalalkaan ee arrimaha Soomaaliya.

Maadaama aan la joogin xilli doorasho labada dalba waxay raadinayaan macaamil dagan oo dhanka Soomaaliya ah. Inuu khilaafkii Carabta dhammaaday faa’iido ayey u tahay Soomaaliya, taasi oo hadda abuureyso la macaamil siman.

Markii aan gaar u dul istaagno Qatar, dadka arrimaha carabta faaqida waxay qirayaan inuu dalkaan isku diyaarinayo cutubkiisa cusub ee Soomaaliya.

Qatar waxay dhawaan badashay safiirkeedii Soomaaliya ee waqtiga fog Xasan Bin Xamza, waxayna kusoo beddashay Cabdalla Saalim Nasser. Waa dhaqan caalami ah in dalka uu badalo safiirkiisa haddii uu isbeddal xukunka dalkaas ka dhaco, uuna talada qabsado maamul cusub oo aan aaminaad badan ku qabin safiirka jooga.

Safiirka la badalay ee dowladda Qatar ayaa muddo toos ula safnaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu saaxiib la ahaa maamul goboleedyada Farmaajo taageersanaa isagoo maamulada kale u gaabiyey xiriirka, taasoo marar badan lagu dhaleeceeyey safiirka la badalay.

Isbadalka hoggaanka safaaradda Qatar ku leedahay Soomaaliya waxaa lagu qeexay mid Qatar ku talaaleyso abuurkeeda cusub ee Soomaaliya iyo inay isku diyaarineyso inay la shaqeysato nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Qatar waxay dhawaan casuumtay agaasimaha cusub ee hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad, kaasi oo la sheegay inay ka wada hadleen sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen iyadoo aan la eegeyn wixii kala dhaxeeyey agaasinkii hore ee hey’adaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna la hadal hayaa inuu tagi doono Qatar sida ay wararku sheegayaan, waqtiga booqashadaan weli lama shaacin.

Xasan Sheekh inuu isku helo Qatar iyo Imaaraadka waxay ka yareyn kartaa loolanka dalalka Carabta wuxuuna heli karaa mashaarici dheeri ah, ayey leeyihiin dadka la socda arrimaha carabta iyo Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa dhowr mashruuc ka hirgelisay Soomaaliya muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo,  waxaana wajigooda cusub uu isna keeni karaa mashaarici kale oo dheeri ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda inuu dunida ku wajahayo siyaasad ka qabow tii Farmaajo taasoo dalka usoo jiidi karta inuu helo aaminaad caalami, mashaariic dheeri ah, maalgashui iyo shaqo abuur.

Qoyska Cabaas Siraaji oo qoraal soo saaray kadib xukunkii maanta la fuliyey

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Qoyska Allaha u naxariiste wasiirkii hore ee howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Cabaas Siraaji ayaa bayaan ay soo saareen kusoo dhaweeyay xukunka dilka ah ee saaka lagu fuliyay Axmed Cabdullaahi Ceydiid.

Bayaanka kasoo baxay qoyska ayaa lagu sheegay in maanta “ay caddaaladdii timid” kadib muddo dheer ay raadiyeen. Qoyska waxay u mahadceliyeen cid kasta oo ku lug laheyd dadaalladii caddaaladda loogu raadinayay Marxuum Cabaas Siraaji.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay qoyska

Qoyska Xaaji Cabdulaahi Sheekh Siraaji oo ah qoyska uu ka dhashay Allah ha u naxariistee Marxuum Wasiir Cabaas Xaaji Cabdulaahi Sheekh Siraaji waxa uu soo dhaweenayaa qisaastii maanta oo ay taariikhdu tahay 22-October-2022 lagu fuliyey gacan ku dhiigle Axmed Cabdulaahi Cabdi Caydiid oo si bareer ah u dilay Marxuum Cabaas bishii May 03, 2017.

Qoyska waxa uu muddo dheer raadinayey cadaalad u helida Marxuum Cabaas, balse maanta ugu dambeyn, cadaaladii ayaa timid.

Qoyska waxa uu u mahadcelinayaa Maddaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xaqiijiyay in ay Soomaaliya caddaalada ka shaqeyso, sidoo kale waxaa qoyska halkaan ugu mahad celinayaa Saraakiisha sare ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo guud ahaan hay’adihii dowliga ay howshaan khuseeysay.

Ugu dambeyn, waxa uu qoyska Xaaji Cabdulaahi Sheekh Siraaji halkaan ugu mahadcelinayaa cid kasta oo qayb ka aheyd geedigii lagu raadinayey cadaalada Marxuum Wasiir Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji – waxaana leenahay mar walba garab istaagiina waxa uu noo ahaa qiimaha ugu weyn.

Soomaaliya Soomaali baa leh, Bulshana waxa ay ku wada noolaan kartaa Cadaalad.

Erdogan oo sheegay hadal carruurta ku saabsan oo aad looga carooday (Warbixin)

Ankara (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhaleecayn ba’an kala kulmaya baraha bulshada, taasi oo ka dhalatay talo uu u jeediyay nin la yiraahdo Mehmet Ali oo kusoo biiray xisbiga uu hoggaamiyo AKP.

Mehmet Ali Celebi ayaa dhawaan iska casilay xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee Jamhuuriga, wuxuuna ku biiray Xisbiga Cadaalada iyo Horumarinta ee Erdogan horaantii bishaan, waxaana Arbacadii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay munsaabad uu qabtay xisbiga.

Mehmet ayaa xaaskiisa la yimid munaasabadda xisbiga ee lagu soo dhaweynayay. Erdogan ayaa Mehmet waydiiyay imisa caruur ah oo uu dhalay? Isaga oo ka jawaabaya, ayuu u sheegay inuu haysto hal canug.

Kadib markii uu maqlay jawaabta, Erdogan wuxuu u sheegay xaaska Mehmet in ay tahay in carruur badan la helo. Mehmet waxa uu sheegay in xaaskiisa ay dhigato PhD, ayna muhiim u tahay xirfaddeeda.

Erdogan ayaa yiri, “Waa sax laakiin sidoo kale waa muhiim in la kordhiyo tirada carruurta, waxaan rajeyneynaa inay taasi fahantay, bal eeg, xubnaha xisbiga shaqaalaha ee Kurdiyiinta waxay dhalaan 5, 10 ilaa iyo 15 caruur ah.”

Madaxweyne Erdogan laftiisu waa aabbe dhalay afar carruur ah. Mehmet Cali Celebi, oo 38 jir ah, waa xildhibaan, waxaana uu la soo shaqeeyay ciidammada. Sidoo kale waa duuliye diyaaradeed.

Hayaankiisii siyaasadeed wuxuu ahaa mid siyaasad ahaa aad isu beddela. Sannadkii 2018, waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Sannadkii 2021, waxa uu ka baxay xisbiga Jamhuuriga  waxa uuna ku biiray xisbiga Waddani. Intaa ka dib, waxaa bishii February ee sannadkii hore loo doortay xildhibaan madaxbannaan.

Sannadkii 2008-dii ayaa lagu soo oogay dacwad musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay 41 bilood oo xabsi ah. Sannadkii 2014-kii ayaa lagu sii daayay xabsiga.

Muuqaal laga duubay wadasheekeysiga dhexmaray Erdogan, Mehmet iyo xaaskiisa ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.

Dhowr hoggaamiye oo mucaarad ah ayaa si kulul u weeraray Erdogan waxayna ku tilmaameen hadalkiisa mid cunsurinima ah. Meral Danish Bestas, oo ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Turkiga ee taageera Kurdiyiinta, ayaa cambaareeyay hadalka Erdoan.

“Erdogan si fiican ayuu ula socdaa in xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdishka aysan dhalin carruur badan. Erdogan waxa uu u arkaa in carruur badan ay dhalaann xisbiga shaqaalaha Kurdishka fal argagixisanimo, hadalka Erdogan waa mid ka dhan ah Kurdiyiinta oo midab takoor ah.”

Xisbiga ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga Axmed Davutoglu ayaa sidoo kale dhaleeceeyay hadalka Erdogan.

Xisbiga Shaqaalaha Kurdiyiinta ayaa muddo dheer dalka Turkiga ka waday dhaqdhaqaaq uu ku raadinayo xuquuqdiisa. Xukuumadda Erdogan ayaa ku tilmaantay xisbigan inuu yahay urur argagixiso. Axmed Dawatogalu waxa uu ka tagay xisbiga Erdogan, waxaanu samaystay xisbi u gaar ah sanadkii 2019-kii.

“Hadaladaadu waxa ay meel ka dhac ku yihiin haweenka iyo xuquuqul insaanka, ilmo kasta oo dhasha waa muwaadin ixtiraam leh oo dalkan u dhashay, Erdogan waxa uu xitaa takoor ka abuurayaa carruurta dhexdooda,” ayuu yiri Axmed Dawatogalu. Erdogan wuxuu horay u daliishaday in Islaamka uu ogalyahay caruur badan.

Mar uu khudbad ka jeediyay Istanbul 2016, Erdoan wuxuu yiri, “Haweenka waxaa mas’uuliyad ka saaran in ay ilaaliyaan caafimaadka dadka Turkiga, waxaan u baahanahay inaan kordhinno tirada faracankeena, dadku waxay ka hadlaan dhimista tirada dadka iyo qorsheynta qoyska laakiin qoyska Muslimka ah ma aqbali karo taas, tani waa wixii Allah iyo Nebigeenu inoo sheegeen, dariiqanna waanu raacaynaa”.

Xigasho: BBC

CALI YARE oo isla xiriiriyey toogashadii maanta la fuliyey iyo dilkii C/xakiin Dhagajuun

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cale ayaa ka hadlay toogashadii saaka lagu fuliyey Axmed Cabdullahi Cabdi (Caydiid) oo bishii May ee 2017 dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumaddii ra’iisul wasaare Kheyre Allah ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Cali Yare oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay inay xaq tahay toogashada lagu fuliyey ninkan oo aheyd qisaasta marxuum Cabaas.

Sidoo kale Cali Yare ayaa dalbaday in si deg deg ah iyaguna loo toogto raggii dilay guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun.

“Waa xaq waana sharci in qofkii qof dila in loo qisaaso, sidoo kale waxaan rajeynayaa in iyadana si degdeg ah loo fuliyo qisaasta dilka bareerka ahaa ee loo geeystay walaalkeey Abdixakiin Dhagajuun” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir,.

Dhinaca kale Cali Yare Cali ayaa soo bandhigay su’aallo la xiriira kiiskan, kuwaas oo tilmaamay in haboon tahay in la’is weydiidyo, wuxuuna yiri  “Nin ka mid ah Koox aan saakay meel ka wada quraacannay ayaa na waydiiyay labo su’aalood oo kala ahaa;

Maxaa dhici lahaa haddii saakay dilkaan la fuliyo iyada oo Farmaajo Madaxweyne yahay?

Xilligan maxay qori lahaayeen imisa Idaacad ayay ka hadli lahaayeen Abdirahman Abdishakur, Mahad Mohamed Salad, Saabir Shuuriye, Abshir Bukhaari, Ahmed Fiqi iyo ragga la midka ah?”

Kiiskan ayaa soo jiitamayey muddo ka badan 5 sano, waxaana guul dareystay dadaalo ay waday beesha uu kasoo jeedo askariga saaka la toogtay oo dooneysay in si hoose xal looga gaaro kiiskan balse waxaa arrintaas ku gacan seeray oo ka horyimid ehelada wasiir Cabaas.

Sawirro: Xasan Sheekh iyo SACIID DENI oo xarigga ka jaray dekedda GARACAD

0

Gaalkacyo (Caasimada Online)Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida. Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida  shacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay halganka isku tashiga ah ee ka socda guud ahaan dalka oo uu ugu horreeyo midka lagu cirib tirayo argagixisada Alshabaab oo isbaarada u dhigtay nolasha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in Soomaaliya xasilloon oo nabad iyo barwaaqo ah ay ku imaaneyso dalka oo laga xoreeyo khawaarijta Alshabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhiirri geliyey deegaannada dalka, dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ku tartamaan horumarka iyo wax-wada qabsiga, isagoo tilmaamay taageerada iyo mudnaanta dowladdu ay u siineyso mashaariicda isku tashiga ah.

Munaasabadea daahfurka ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin kala duwan, sida madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar, wufuud ka kala socota dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Madaxda madasha ka hadashay ayaa intooda badan qiray inay dekeddan wax badan ka beddeli doonto  dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee dalka, gaar ahaan isku xirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dekedda Garacad ayaa ah dekeddii ugu horreysay oo ay maalgashtaan ganacsato Soomaaliyeed, waxaana la dhagax dhigay sannadkii 2017-kii.

Waa dekaddii shanaad ee ay Soomaaliya yeelaneyso, waxaana lagu maalgaliyay in ka badan 300 milyan oo dollar, ayada mashruucaan uu noqday kii ugu weynaa ee dalka laga hirgeliyo burburkii kadib.

Dekedda Garacad ayaa sidoo kale muhiim u noqon doonto isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Ethoipia, maadaama ay tahay dekedda ugu dhow ee xigta dhinaca Ethiopia.

Puntland ayaa sheegtay in dhismaha dekedda uusii socon doono, maadaama haatan wejigii labaad uun lasoo gabagabeeyey, kaas oo qaatay muddo 5 sanno oo xiriir ah.

Shan sano kadib oo maanta toogasho lagu fuliyey ninkii dilay wasiir Cabaas Siraaji

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn saaka aroortii hore toogasho ku fulisay Axmed Cabdullahi Cabdi (Caydiid) oo bishii May ee 2017 dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre Allah ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Toogashada lagu fuliyey ninkan ayaa ka dhacday dugsiga tababarka General Gordan ee Muqdisho, waxaana soo dhoweeyey ehelada wasiir Siraaji oo muddo 5 sano ah sugayey in cadaalad uu helo wiilkooda.

Maxamuud Siraaji oo la dhashay wasiirka la dilay ayaa shaaciyey in ugu dambeyn ay guuleysatay cadaaddii ay muddada dheer sugayeen.

“Cadaaladda ayaa ugu dambeyntii guuleysatay” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Axmed Cabdullahi oo saaka la toogtay ayaa ahaa askari ka tirsanaa ilaalada hanti dhowrkii hore ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale, wuxuuna dilka wasiirka ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa guul dareystay dadaalo ay wadday shantii sano ee lasoo dhaafay beesha uu kasoo jeedo askariga saaka la toogtay oo dooneysay in si hoose xal looga gaaro kiiskan, balse waxaa arrintaas ku gacan seeray oo ka horyimid ehellada wasiir Cabaas.

AUN Cabaas Siraaji, oo 31 jir ahaa, ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xilligaas, waxa uu kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray.

40 Soomaali ah oo laga soo tarxiilayo dalka Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Sannadahan dambe waxaa sii badeyneysay tirada tahriibeyaasha Soomaalida ah ee ku wajahan dalka Mareykanka, kuwaasoo si la mid ah tahriibeyaasha kale ee caalamka safar ku sii mara dalalka Qaaradda Koonfurta Ameerika. Waxaase dadkaas qaarkood dib loo soo celiyaa marka ay Mareykanka galaan ka dib.

Intii uu xukunka hayay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayey hoos u dhacday tirade tahriibeyaasha Soomaalida ah ee u hanqal taagayay Mareykanka, balse markii u uku guul darreystay dib u doorashada waxaa soo laabtay qulqulkii hore.

Dowladda Madaxweyne Joe Biden waxa ay meesha ka saartay mamnuuciddii dalal ay Soomaaliya ku jirto laga saaray safarrada Mareykanka. Balse dadka tahriibka ku gaaraya dalkaas qaarkood ayaa ku guul darreysta in la aqbalo.

Soomaali ay tiradoodu tahay 40 qof ayaa hadda la filayaa in dowladda Mareykanku ay usoo tarxiisho Soomaaliya.

Afartanka qof ee Soomaalida ah waxa ay hadda tarxiilka ku sugayaan xabsi ku yaalla gobolka Mississippi ee dhaca koonfurta dalka Mareykanka.

Su’aal dad badan isweydiiyaan ayaa ah; maxaa ka khaldama dadka dib loo soo celiyo iyagoo magangalyo doon ah?

Dadka tahriibka ah ee ka tallaaba xadka Maraykanku la leeyahay Mexico ayaa waayadii hore marka maalmo kooban lagu hayo goobo dalkaas ku yaalla kolka dambe laga sii deyn jiray.

Haatan waxay wararku sheegayaan in dadkaas la geeyo xabis lagu sii hayo inta lagu celinayo wadamadii ay ka yimaadeen.

Haddaba si aan u helno jawaabta su’aasha aan kor ku xusnay, waxaan la hadalnay qareen Soomaali ah lagu magacaabo Maxamuud Muuse Xasan, oo BBC-da u sharraxay sababta dadka qaar dib loogu soo tarxiilo iyagoo maray tahriib dheer.

“Dadka marka xabsiga la geeyo waxaa laga yaabaa in qaarkood dib loogu celiyo Soomaaliya, maadaama magangalyada ay qorteen aysan ahayn mid xooggan oo waxyaabihii la weydiiyay, cabsidii su’aalaha [ay wax uga khaldameen],” ayuu yiri.

Qareenka u warramay BBC-da ayaa sheegay in dadka magangalyo doonka ah qaarkood aysan fahansaneyn sida dacwadda loo sameysto.

“Dabcan marka dacwadda la qorayo waa in dacwaddaadu ay tahay mid xooggan oo caddeyneysa dhibaatadii aad ka soo tagtay iyo dhibkii kusoo gaaray,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay waxaa Mareykanka ka taagneyd xiisad la xiriirta dadka soo galootiga ah ee ay Soomaalidu ka mid yihiin, waxaana gobollada qaar ay ka cabanayeen tirada tahriibeyaasha oo aad ugu badatay.

Bishii September, labo bas oo wada tahriibeyaal ayaa laga kaxeeyay gobolka Texas, dhammaan dadkaasna waxaa lagu daadiyay bannaanka hore ee guriga ay Washington ka daggan tahay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Kamala Harris.

Amarka dadkaas lagu geeyay guriga Harris, oo uu bixiyay guddoomiyaha gobolka Texas, ayaa yimid ka dib markii ay xoogeysatay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay tirada tahriibeyaasha ee badatay.

Guddoomiyaha Texas oo kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in tallaabadaas oo ay si ulakac ah u sameeyeen ay ku dalbanayeen in dowladdu ay keento siyaasado cusub oo lagu xakameynayo soo galootiga.

Murankaas ayaa ilaa hadda taagan, xilli ay dad cusub maalin walba kasii gudbayaan xadka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico.

Mareykanka iyo Ruushka oo kulan deg-deg ah ka yeeshay dagaalka dalka Ukraine

0

Washington (Caasimada Online) – Masuuliyiinta Difaaca ee Maraykanka iyo Ruushka ayaa markii ugu horraysay muddo bilo ah, waxay yeesheen wadahadalkoodii ugu horreeyey, ka dib markii ay Khadka telefoonka ku wadahadleen maalintii Jimcaha. Ruushka ayaa dhinaciisa muujiyey inuu diyaar u yahay wada-xaajood, xilli ay ciidamada Ukraine ku sii siqayaan magaalada Koonfureed ee Kherson oo Ruushku uu gacanta ku hayo.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa labaduba soo saaray qoraal muujinaya qodobadii ay ka wada hadleen xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Ruushka Sergey Shoygu, iyagoo isku raacay in diiradda la saaro dagaalka Ukraine.

Sida laga xigtay qoraalka uu soo saaray Pentagon-ku, xoghaye Austin “ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in uu furnaado xidhiidhka isgaadhsiintu, xilli uu socdo dagaalka ka dhanka dalka Ukraine”

Qoraal ka soo baxay dhinaca aqalka Kremlin ee looga taliyo dalka Ruushka oo ka hadlayey wada-hadalka dhex maray labada masuul ayaa lagu sheegay “inay ka wada hadleen dhibaatooyinka amniga caalamiga ah, gaar ahaan xaaladda Ukraine”

Ka hor wadahadalkan Jimcihii, markii ugu dambaysay ee ay labada wasiir wada hadlaan ayaa ahayd bishii May 13-keedii, xilligaas oo xoghayaha difaaca ee Maraykanku uu ku baaqay xabbad joojin degdeg ah in laga gaadho dagaalka Ukraine.

Wadahadalkan ugu dambeeyey ee dhex maray masuuliyiinta Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku soo beegmaya xilli uu Ruushku muujiyey inuu diyaar u yahay wadahadal.

Afhayeen u hadlay dalka Ruushka Dmitry Peskov ayaa Jimcihii saxaafadda u sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu “bilawgiiba ogolaa wada-xaajoodka”.

Putin “ayaa isku dayay inuu wadahadal la bilaabo Maraykanka iyo NATO ka hor intii aanu bilaaban hawlgalka milateri” ayuu yidhi Peskov, isaga oo dagaalka Ukraine u isticmaalay luuqadda Ruushka ee ah, inuu yahay hawlgal milateri.

Sidoo kale waxaa isna rajo ka muujiyey in wada hadal uu dhaco, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isagoo sheegay in Putin uu hadda u muuqdo mid “aad u danaynaya wada-xaajoodka”

Saraakiisha Maraykanka iyo NATO ayaa ku celceliyey in sida ugu dhakhsaha badan ee uu Putin ku soo afjari karo dagaalka Ukraine inay tahay in uu ciidamadiisa ka saaro Ukraine, arrintaas oo uu diiday hoggaamiyaha Ruushku.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa sidoo kale sheegay in qodobada heshiis kasta oo la gaadho inay tahay inay aqbalaan Ukraine. Masuuliyiinta dalka Ukraine ayaa iyagu wacad ku maray inay dib u qabsan doonaan dhammaan dhulalka uu hadda ka haysto dalka Ruushku oo ay ku jirto Crimea oo Ruushku qabsaday sannadkii 2014.

Dhageyso: Korneyl Rufle oo shaaciyey khasaaraha weerar ay Kenya kusoo qaaday Gedo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeymo culus ka geystay gudaha deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Xoolo iyo guryo ay lahaayeen dad shacab ah ayaa la sheegay in lagu burburiyay duqeymaha ay ciidamada Kenya ka geysteen Caalcadde.

Korneyl Aadan Axmed Rufle oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in 21 neef oo Ari ah, Faras iyo Rati Geel ah ay duqeymahaas ku dileen ciidamada Kenya.

Sidoo kale Korneyl Rufle wuxuu sheegay in laba Guri oo dad shacab ah ay lahaayeen lagu burburiyay duqeynta, waxaana ka badbaaday reerkii degaanaa gurigaas oo ka cararay goobta.

“Diyaaradaha Kenya oo ka soo gudbay Mandheera ayaa duqeyn ka geystay Ceelcadde, laba guri oo bartamaha magaalada ku yaalla ayaa la duqeeyey, halkaas waxaa lagu laayey xoolo, 21 neef oo Ari ah, Aawr geel ah iyo Faras ayaa lagu dilay,” ayuu yiri Korneyl Rufle.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gantaallo aan qarxin ay weli goobta yaallaan, sidoo kale dadka deegaankaas ayuu sheegay inay guryahooda ka cararaan markii ay hawada soo galaan diyaaradaha Kenya, taas oo sabab u noqotay in reerkii deganaa gurigaas ay duqeynta ka badbaadaan.

“Wax khasaare ah dadka kama soo gaarin duqeyntaas, xoolihii iyo guryihii waa la baabi’iyey, waxaa intaas dheer in bartamaha magaalada Ceelcadde ay yaallaan ugu yaraan shan gantaal oo aan qarxin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Korneyl Rufle.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Dadkaan mudo dheer ayey diyaaraduhu beegsanaayeen, markii ay hawada soo galeen ayaa laga cararay guryaha, dadka qaar waxay galeen guryaha shubka ah, halka qaarna ay u carareen dhul bacaad ah oo aan dhagax laheyn si firirka ay uga badbaadaan.”

Ugu dambeyntii sarkaalkaan ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in deegaanka ay duqeyntu ka dhacday ee Ceelcadde uusan ka jirin wax maamul ah, oo Al-shabaab ay yimaadaan markii ay doonaan, wuxuuna degaankaasi hoos tagaa degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Hoos ka dhageyso wareysiga Korneyl Rufle:

Daawo: Dowladda Sacuudiga oo maanta MUQDISHO ka qaaday dhaawacyada 8 qof

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa maanta magaalada Muqdisho diyaarad uga qaaday sideed qof oo qabta dhaawacyo kale duwan, kuwaas oo ku dhaawacmay weerarkii Hotel Xayaat iyo weerarro kale oo Hoobiye loo adeegsaday oo Al-shabaab ay Muqdisho ka fuliyeen.

Dadkaan oo dhamaantood shacab ah ayaa waxaa la sheegay in qaar kamid ah guryahooda ay hoobiyayaal ugu tageen, qaarna ay ku dhaawacmeen weerarkii Hotel Xayaat, kadibna isbitaallada Muqdisho waxaba looga qaban waayey.

Diyaarad maanta oo Jimco ahayd ka timid Boqortooyada Sacuudiga ayaa 8-daan qof garoonka Aadan Cadde ka qaaday, waxaana lagu soo daweynayaa dalkaas.

Wasiir Caafimaadka XFS, xildhibaano, safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ku sugnaa garoonka Aadan Cadde markii laga qaadayey dhaawacyada dadkaan oo lagu soo daweynayo dalka Sacuudiga.

Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay caawinta ay la garab taagan yihiin dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ee burburka ka soo kabanaya.

Wasiirka Caafimaadka XFS Cali Xaaji oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay maanta ka soo jawaabtay codsi ay u dirsatay dowladda Soomaaliya, oo ahaa in gurmad caafimaad  ay u fidiso dadka Soomaaliyeed ee dhaawacyadooda dalka waxaba looga qaban waayey.

Hoos ka daawo

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta daah-furay qorshaha Soomaaliya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, isaga oo ku beeray guriga Ummadda geed ka mid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada dhirtu ay u leedahay dalkeena oo abaaro soo noq-noqday ay aafeeyeen, saameyn xoogana ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taasi oo sababtay nabaad-guur xoogan oo saameeyey nolosha iyo deegaankaba.

“Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu'” ayuu yiri.

“Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socotaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu faray hay’adaha dowladda inay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarumaha ay ku shaqeeyaan.

Wuxuu ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka ee ay dowladdu diyaarisay.

Ugu dambeyntiina waxa uu si gaar ah u faray maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda deegaanka Soomaaliya inay labada bilood ee sannadka ka dhiman ay ku abuuraan caasimadda 100,000 oo geed si loogu gudbo dhireynta caasimadaha dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan degmooyinka iyo deegaanada dalka.