27.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

PAKISTAN: Go’aan culus oo laga gaaray IMRAN KHAN

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga mamnuucay inuu xafiis siyaasadeed u tartamo muddo shan sano ah, kadib markii guddiga doorashada dalka ay xukumeen inuu mas’uuliyiinta ka marin habaabiyey hadiyado uu ka helay hoggaamiyeyaal shisheeye intii uu xafiiska joogay.

“Guddiga Doorashada Pakistan wuxuu shaaciyey in Imran Khan uu ku lug yeeshay dhaqan musuq-maasuq,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Gohar Khan, oo ka mid ah qareenadiisa, kaasi oo intaas ku daray in shan sano la mamnuucay.

“Waxaan damacsannahay inaan uga loolanno maxkamadda sare ee Islamabad,” ayuu yiri.

Kiiskan ayaa waxaa ku lug leh waax ka tirsan dowladda oo loo yaqaan “Toshakhana” oo shaqadeedu tahay inay hayso oo ay soo bandhigto hadiyadaha la siiyo madaxda.

Saraakiisha dowladda ayaa waxaa qasab ku ah inay shaaciyaan dhammaan hadiyadaha, balse waxaa loo ogol yahay inay haystaan kuwa ka hooseeyo qiimo gaar ah.

Hadiyadaha qaaliga ah ayaa ay tahay in lagu wareejiyo Toshakhana, hase yeeshee kiisaska qaar, kuwa la siiyey ayaa dib uga iibsan kara ayada oo loo sameynayo qiimo dhimis 50 boqolkiiba ah — qiimo dhimistaas oo markii hore aheyd 20 boqolkiiba balse uu 50 gaarsiiyey Khan intii uu xafiiska joogay.

Wargeysyada Pakistan ayaa muddo bilo ah daabacayey sheekooyin Khan iyo xaaskiisa ku tuhmaya inay heleen hadiyado qaali oo u qalma malaayiin dollar intii lagu guda jiray safaro dibadeed.

Waxaa ku jira saacado qaali ah, dahab, boorso gacmeedyo iyo barfuuno.

Khan ayaa lagu eedeeyey inuu ku guuldarreystay inuu shaaciyo qaar ka mid ah hadiyadaha, ama uu ka faa’iiday iibintooda.

Ashtakooyinka ka dhanka ah Khan ayaa waxaa markii hore intii uu xafiiska joogay guddiga doorashada u gudbiyey Dhaqaaqa Dimoqraadiyadda Pakistan, oo ah isbaheysi xubnihiisa ay hadda inta badan ka sameysan tahay dowladda Pakistan.

Xilligaas, Khan wuxuu sheegay inuusan shaacin qaar ka mid ah hadiyadaha sababo amni qaran dartood, hase yeeshee wuxuu qoraal ku qirtay inuu iibsaday alaabo qiimahoodu yahay 22 milyan oo rupee ($100,000) kadibna uu ku iibiyey laba jibaar lacagtaas.

AFP, VOA

Tallaabada Mareykanka oo caddeysay in DAGAALKA uu XASAN Sheekh iclaamiyey aanu ku koobneyn jiidda hore

0

Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii October 17, 2022 kusoo rogtay xayiraad afar iyo toban xubnood oo ay ka mid yihiin Khaliif Cadale oo u qaabilsan shabakad Al Shabaab soo uruurinta lacagaha hay’addaha aan dowliga aheyn (NGOs, samafalka), iyo Cabdullahi Jeeri oo ka mid ah Golaha Shuurada kuna shuqul leh ka soo iibinta hubka, dirayska ciidamada, qalabka isgaarsiinta, iyo GPSyada dalka gudahiisa iyo dibeddiisaba.

Shakhsiyaadka la beegsaday waxaa ka mid ah Xasan Afgooye oo uu horey Maraykanka u saaren madixiisa 5 milyan doolar, Waaxda Maaliyadda Mareykankana ku tilmaantay mid muhiim u ah sii socoshada hawlgalada kooxda. Cunaqabatayntu waxay daba socotaa codsigii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo September 2022 safar ku tagay Washington.

Kaaliyaha Xoghayaha ee Argaggixisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian Nelson ayaa qoraal ku yiri, “Waaxda waxay diiradda saaraysaa carqaladaynta iyo kashifaadda shabakadaha sharcidarrada ah ee argaggixisada uga hawlgala Bariga Afrika”.

Ganacsiga hubka waa mid ribix badan oo gobolka Bariga Afrika oo ay colaado kala duwan ka aloosan yihiin ka   dhigtay saldhiggiisa. Hubka si sharcidarro ah, oo ku qulqulaya gobolka, waxaa lagu qiyaasay hal bilyan doolar waxaana laga soo daabulaa Liibiya, iyadoo lagu kala iibsado inta badan Sudan, Koonfur Sudan, Uganda, Buruundi, iyo Kenya oo ay shabakadaha tahriibka hubka xoog ku leedahay.

Walow, cunaqabatayntu aysan dhab ahaantii ku fillayn in wax ka beddesho khatarta argaggixisada, haddana wadahawlgalka labada dowladood oo ugub ah ayaa astaan cad u ah in dagaalka ku koobnaan doonin jiidda hore, balse uu noqon doono mid dhan walba leh sidii uu horeyba u sheegay Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kaloo ka mid ah  shakhsiyaadka xayiraadaha lagu soo rogay Cabdikariim Xuseen Gaaggaale iyo dhowr kale oo dowladdu ku beegsanayso dhaqaalaha kooxda iyo dacaayadaha loo fidiyo. Sanadkii 2021 waxaa xayiraad la saaray shakhsiyaad ay ka mid yihiinAbuukarCali Aadan, Macallin Ayman, iyo Mahad Karate, kuwaas ka wada tirsan hoggaanka Al-Shabaab.

Toddobaadkii dhawaa ayuu Xasan Sheekh ku guulaystay in dowladda Soomaaliya iyo tan Itoobbiya iska kaashtaan sirdoonka si loo xakameeyo hawlgallada Al Shabaab oo aad u ballaartay labadii sanadood oo uu dalka ku jiray marxalad kalaguur ah, taasoo keentay in kooxda u xaluulato degaanka Soomaalida Itoobbiya.

Kooxda waxaa lacago lagu qiyaasay ilaa 100 malyan doolar sanadkii ka soo gashaa ilo kala duwan, iyadoo rubac ka mid ah (24 malyan) ku baxdo hub. Warbixin uu soo bandhigay Machadka Cilmi Baarista ee Frankfurt ayaa sheegaysa in Puntland ay tahay goobta ugu kharashka yar ee lagu kala wareego shixnadaha, iyadoo Iran u adeegsato maamul-goboleedka xuddunta hubka u socda amase ka yimaad Yemen (PRIF Blog 24/03/2021).

Sidoo kale, donyo ka yimaada dekedaha Imaaraadka Carbeed ayaa ka soo dega xeebaha aadka u ballaaran oo aan la ilaalin ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada badda ee caalamiga ah ay qayb yar uun qabtaan. Shabakadda ka hawlgasha ganacsiga hubka iyo tarhiibinta Yemen ee lagu soo rogay xayiraadda waxaa ka mid ah Maxamed Xusen Salad, Axmed Xasan Cali Sulaiman Mataan iyo Maxamed Cali Badaas.

Ma jiro waddan keligiis wax ka qaban kara argaggixisada. Haddii hawsha ay bilaabeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka uu caalamka gacan ka gaysan waayo waxna laga qaban mashaakilaadka salka u ah in dhallinyarada ku biirto argaggixisada, cunaqabateynta waxay noqon doontaa wax kuma ool. 

Shirkadda COASTLINE oo shaacisay LACAGTA ay ku bixisay heshiiska shidaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Coastline Exploration ayaa faahfaahin ka bixisay heshiis xalay lagu saxiixay magaalada Muqdisho, oo ay la gashay dowladda Soomaaliya, kaasi oo dib u habeyn loogu sameeyey heshiis ay horey u saxiixday dowladda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay shaacisay inay oggolaatay heshiiskii wadaagga wax soosaarka shidaalka ee Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, kaasoo uu hore u saxiixay Wasiirkii hore ee Batroolka Cabdirashiid.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa shaaciay inay lacag dhan 7 milyan oo dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

“Anagoo taageero ka helayna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waxaan si toos ah u dhignay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya lacag dhan $7 milyan oo ah saxiixa heshiiska,” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay inay shirkadda rajeyneyso in guul weyn laga gaaro baarista shidaalka.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay bixinta malaayiin dollar oo kale ah lacagaha loo yaqaan ‘royalty’, faa’iido kala qaybsiga iyo cashuurta dakhliga.

Shirkadda waxay shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud uu ogolaaday heshiiskan, sidaas darteedna ay ku dhawaaqayaan inuu dalka Soomaaliya u furan yahay ganacsi iyo heshiisyada shirkadaha caalami ah.

Waxay sidoo Shirkadda taageero ka heshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo badan.

“Waxaan dib u eegid ku sameynay heshiisyadii la galay bishii Febraayo 2022, si aan u saxno hannaanka loo maray iyo qodobbada heshiisyada ka kooban yahay. Garyaqaanka Guud iyo qareenno caalami ah ayaa si gaar ah u soojeediyay in isbeddel lagu sameeyo qodobbo kooban, si waafaqsan shuruucda Soomaaliya, taas oo aan ku guuleysannay. Wax ka beddelka lagu sameeyay heshiisyada ayaa gaaray illaa shan qodob, kuwaas oo lifaaq ahaan uga mid ah heshiisyada ( deed of amendment of the PSAs).” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Sawirro: Ciidamo la magac baxay ‘Caano ka dhan’ oo ku biiraya dagaalka Al-Shabaab

0

Ceelberde (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana markaan dagaalka kusoo biiray dadka deegaanka Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Ciidamada deegaanka degmada Ceelberde ee gobolka Bakool ayaa u diyaar garoobay ka qeyb qaadashada howgalka degaannada hoostaga degmadaas looga saarayo maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamada deegaanka ee la baxay (Caano ka dhan) waxay isugu jiraan dhallinyaro odayaal iyo haween oo u diyaar ah ladagaalanka Al-Shabaab, waxayna wacad ku mareen in ay deegaankooda ka xoreyn doonaan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Ceelbarde iyo Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka oo fagaaro kula hadlay Ciidamada degaanka ayaa uga mahadceliyay sida ay u go’aansadeen inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Waxaa ay ballan qaadeen inay garab istaag u muujin doonaan ciidamada degaanka si ay Al-Shabaab, guud ahaan uga saaraan degaannada hoostaga degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka curtay deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya, waxayna kooxdaan wajaheysaa culeyskii ugu weynaa oo sababi karo in laga taqalusi.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo qirasho ka sameeyey kulan ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay xiritaanka shirweynaha caalamiga ah ee Culuumta Shareecadda Islaamiga ah, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen culumo iyo aqoonyahan ka socday gobolada iyo dalalka caalamka, ayaa qiray in dowladda federaalka ay ka gaabisay doorkeedii diinta ku aadanaa.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiiga dadkeena.

“Waxa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin waa diinteenna suubban ee Islaamka. Dowladda oo gaabisay dowrkeeda ku aaddan diinta ayaa sabab u noqotay in argagixisadu ay ka faaiideystaan oo si khaldan ugu maran habaabiyaan dadka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Maanta waxaa naga go’an in aan fasiradaas khaldan meesha ka saarno, dhaqankeenna bulsho iyo dowladnimo aan ku ilaalinno diinteenna suuban ee Islaamka.”

Madaxda xarumaha cilmu-baarista shareecada, maamulka macaahidda iyo goobaha lagu barto culuumta diinta Islaamka ee dalka ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, gaar ahaan qeybta shareecada.

Sidoo kale waxay gudoonsiiyeen madaxweynaha billad sharaf ay ku maamuusayaan doorkiisa kobcinta waxbarashada dalka.

Munaasibadaan ayaa waxa ka qeyb-galay Wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliin sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wasaaradda diinta iyo awqaafta Mudane Mukhtaar Roobow, culimo iyo aqoonyahano ka socday dalalka Jabuuti, Suudaan, Ciraaq, Nayjeriya, Al-jeriya iyo Itoobiya.

Khasaare ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay Mudug iyo wararkii u dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in laba maleeshiyo beeleed oo dagaal khasaare geystay uu ku dhexmaray deegaano u dhaxeeya Laan-waalay iyo degmada Saaxo ee gobolkaas.

Dagaalka ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay in ka badan 3 ruux, halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in labada dhinac dagaalkooda uu ahaa mid aad u xoogan, balse si iskiis ah uu u istaagay galabta, walow dhinacyadii dagaalamay ay weli isku horfadhiyaan deegaanadii lagu dagaalamay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in labada maleeshiyo beeleed uu dagaalkooda salka ku hayo muran dhul, wuxuuna dhulkaasi oo ku yaallaa halka ay maanta ku dagaalameen.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda deegaanada lagu dagaalamay ay gaari doonaan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland, si ay u kala dhex galaan labada beelood ee halkaasi isku horfadhiya.

Dagaal beeleedyada ayaa inta badan ku soo noq-noqda deegaanada gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland ee gobolkaas ay dadaal ku bixiyaan sidii meesha looga saari lahaa muranka sababay gacan ka hadalka.

Saddex bil kadib heshiiskii Xasan Sheekh iyo Kenyatta, dhinaca guuleystay oo cad

0

Nairobi (Caasimada Online) – Tan iyo markii dib loo furay qaadka Miirooga ayaa waxay Kenya ka heshay dhoofintiisa lacag dhan 4 bilyan oo lacagta dalkeeda ah, oo u dhiganta lacag ka badan 8 Milyan oo dollar.

Madaxa Qaadka Miraa iyo Dalagyada kale ee warshadaha, Felix Mutwiri ayaa sheegay in Kenya illaa hadda ay dhoofisay 1.4 milyan oo kiilogaram oo qaadka Miirooga ah, kadib markii labada dal ay ka heshiiyeen dhoofintiisa.

“Waxaan ilaa hadda dhoofinay 1.46 milyan oo kiilogaram oo Miiro ah tan iyo markii aan dib u bilownay suuqa Soomaaliya bishii Luulyo, waxaana wali wadnaa wada-hadallo lagu kordhinayo tirada maalmaha soo socda,” ayuu yiri Felix Mutwiri.

Kenya ayaa Kiilada qaadka Miirooga ee Soomaaliya loo soo dhoofiyo waxay ka hesha lacag dhan $23 milyan.

Qaadka Kenya oo in muddo ah laga joojiyay gudaha Soomaaliya ayaa waxay dowladda federaalka ogolaatay bishii July in loo soo dhoofiyo dalkeena, kadib wada-hadalo ay yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Soomaaliya ay iyana Kenya u dhoofiso kalluunka, sidoo kalena dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo dal-ku-galka Kenya, qodobadaas oo weli aan la fulin, taasi oo caddeyn u ah in heshiiskaas ay ku guuleysatay Kenya, balse Soomaaliya aysan waxba ka faa’iidin.

Kenya ayaa dhaqaale badan ka hesha qaadka Miirooga ee loo dhoofiyo Soomaaliya, ayada oo hore u sheegeen beeraleyda qaadka ee dalkaas in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray xayiraadii ay kusoo rogtay dowladdii hore ee Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyey Sh/Dhexe iyo Al-Shabaab oo deegaano laga qabsaday

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa hormar weyn ka sameenayo dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Xildhibaan Cabdiraxman Gacal,Gudoomiyaha Degmada Raagacelle, Korneyl Masdile saraakiil ciidan iyo mas’uulyiin kale ay gaareen Tuulooyinka Geefo, jabada carbeed ,biyo madoobe ,Dhalow ,Gowraar, Goldhabo iyo imaam Gowrac oo dhamaantood hoos taga Degmada Raagacelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada Dowladda ayaa la wareegay gacan ku heynta tuulooyinkaan kadib markii ay isaga baxeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa bulshada ku nool tuulooyinka u sheegay in laga saaray Al-Shabaab, isla markaana looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada iyo Maamulka

Sidoo kale,  Gudoomiyaha ayaa u balanqaaday in qofkii so sheega Al-Shabaab meelaha ay ku sugan yihiinXubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab la siin doono abaalmarin, dhalinyaradana laga doonayo iney iska dulqaadaan dhibaatada ay Al-Shabaab ku heyso dadka iyo Degaanka.

Talalabada ay qaadeen ciidamada dowladda ayaa imaaneyso kadib markii beesha dagto gobolkaas ay go’aan ku gaartay inay iska saarto kooxda Al-Shabaab.

Ciidamo u diyaarsan hab beeleed oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana loogu talagalay inay xoreeyaan deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: DF oo dib u saxiixday heshiiskii SHIDAALKA ee Coastline Exploration

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay heshiiskii muranka badan dhaliyey ee u dhaxeeyey Soomaaliya Shirkadda Coastline Exploration, kaasi oo ay horey u diiday dowladdii madaxweyne Farmaajo.

Heshiiskaas oo uu saxiixay wasiirkii hore ee batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxaa diiday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Roooble, balse shirkadda Shirkadda Coastline Exploration ayaa ku adkeysatay inuu yahay mid sharci ah oo aan laga bixi karin. 

Qoraal xalay kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda ay shan wax ka bedeshay heshiiskaas, ayada oo la kaashaneysa garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah kadibna dhameystirtay. 

Haddaba hoos ka aqriso qoraalka.  

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba-gabeysay hannaanka toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, si loogu saleeyo danta dalka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kaashatay dib u habaynta heshiiskan Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah ayaa ku guuleystay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashadu, taas oo dhabbaha u xaareysa in loo hirgeliyo heshiiskan si ay ku qanacsan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan dib u eegid ku sameynay heshiisyadii la galay bishii Febraayo 2022, si aan u saxno hannaanka loo maray iyo qodobbada heshiisyada ka kooban yahay. Garyaqaanka Guud iyo qareenno caalami ah ayaa si gaar ah u soojeediyay in isbeddel lagu sameeyo qodobbo kooban, si waafaqsan shuruucda Soomaaliya, taas oo aan ku guuleysannay. Wax ka beddelka lagu sameeyay heshiisyada ayaa gaaray illaa shan qodob, kuwaas oo lifaaq ahaan uga mid ah heshiisyada ( deed of amendment of the PSAs).” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax soosaarka shidaalka, wuxuuna tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay kobaca dhaqaalaha iyo sida ay fursad ugu tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan saboolnimada, macaluusha iyo dhibaatooyinka ay la daalaa-dhacayaan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay la daalaa-dhacayaan duruufo dhaqaale oo adag, taas oo sannad kasta laga diro qeylo dhaan iyo in aan u baahan nahay gurmadka iyo taageero caalami ah, taas si aan uga gudubno waa in aan la soo baxnaa kheyraadkeenna, horumarinnaa dhaqaalaha iyo dakhliga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Munaasabadda toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Ergayga gaarka Madaxweynaha ee arrimaha ganacsiga caalamiga ah, mas’uuliyiin ka tirsan Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo maamulka Shirkadda Coastline Exploration. 

DHAMMAAD

 

Wafdi CAALAMI ah oo soo gaaray Muqdisho iyo ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi heer caalami ah oo uu hoggaaminayey madaxa hey’adda qaxootiga adduunka (UNHCR) Filippo Grandi.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si heer sare ah ugu soo dhaweeyey wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi.

Filippo Grandi inta uu joogo Muqdisho,  waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dowladda federaalka ah sida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’isul wasaare Xamze Barre, wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallim Fiqi iyo hey’adaha kale ee daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacaasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorsheyaal lagu hormarinayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyada oo ballanqaadday meelmarinta sharciyo waxtar leh sida ansixinta  xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023, qorshe howleedka lagu soo afjarayo dowlad la’aanta ee heshiiska dowlad la’aanta ee 1954 iyo 1961 ilaa December 31, 2023, hirgellinta qorshaha qaran ee xalka waara ee 2020-2024 iyo la xoojiyo dadaaladda nabadda, xasillinta iyo dib u heshiisiinta.

Socdaalka madaxa UNHCR Grandi ee Soomaaliya ayaa imaanaya todobaad kadib markii isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ay ku kulmeen Switzerland, iyaga oo isla meeldhigay arrimo badan oo ku saabsan arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.

Soomaaliya ayaa wajaheyso xilli adag kadib markii la waayey 4 xilli roob, waxaana abaar iyo gaajo u dhimanayo dadkii iyo xoolihii ku dhaqnaa inta badan gobolada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ballan qaaday inuu wax badan ka qaban doono abaaraha isagoo markii uu xilka la wareegay magacaabay la taliyihiisa dhanka abaaraha.

Midowga Yurub oo IRAN ku ciqaabay tallaabadii xasaasiga aheyd ee dagaalka Ukraine

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa isku raacay cunaqabatayno ka dhan ah saddex shaqsi iyo hal hay’ad oo diyaaradaha drone-ka Iran u qeybinaya Ruushka, kuwaas oo loo adeegsaday in lagu duqeeyo Ukraine, waxaa sidaas sheegay dalka Czech oo hadda haya madaxtinimada ururka.

“Kadib 3 maalmood oo wada-hadallo ah, safiirada Midowga Yurub ayaa isku raacay tallaabooyin hay’adaha qeybinaya drone-ka Iran ee lagu garaacayo Ukraine,” ayaa lagu yiri qoraal ay Czech soo dhigtay twitter.

Cunaqabtaynada ayaa dhaqangeli doonta Khamiista maanta ah.

“Dalalka Midowga Yurub waxay isku raaceen in la hakiyo hantida saddex shaqsi iyo hal hay’ad oo mas’uul ka ah gudbinta diyaaradaha drone-ka,” ayey tiri Czech.

“Midowga Yurub wuxuu sidoo kale diyaarinayaa in cunaqabtaynada lagu sii ballaariyo afar hay’ad oo kale oo horey uga soo muuqday liiska xayiraadaha.”

Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka inay afar diyaarado drone ah oo ay sameysay Iran u adeegsadeen duqeyn Isniintii ka dhacday magaalada Kyiv, waxayna sheegtay in ciidamadeeda ay soo rideen 223 diyaarado drone ah oo ay Iran sameysay tan iyo bartimihii September.

Kremlin-ka ayaa sheegay inaysan ka war hayn in ciidamadeeda ay drone-ka Iran u adeegsanayaan Ukraine, islamarkaana Tehran ayaa sheegtay in sheegashooyinka ku saabsan inay hub siineyso Ruushka “ay yihiin kuwa aan sal laheyn.”

Madaxa Golaha Midowga Yurub Charles Michel ayaa soo dhoweeyey tallaabada isaga oo isku diyaarinaya in hoggaamiyeyaasha 27-ka dal ee Midowga Yurub uu kusoo dhoweeyo shir madaxeed ka dhacaya Brussels.

“Waxaan tallaabo deg deg ah ka qaadnay Iran oo taageereysa dagaalka Ruushka ee Ukraine,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Czech Petr Fiala ayaa sheegay in xayiraadaha “lagu beegsaday shaqsiyaadka iyo hay’adaha soo saara islaamrkaana qeybiya Drone.”

“Tani waa jawaabteena cad ee ku socota taliska Iran ee Ruushka u qeybinaya drone-ka, kuwaas oo loo adeegsanayo in lagu dilo muwadaaniniinta aan waxba galabsan ee Ukraine,” ayuu yiri.

Iran iyo Ruushka ayaa heshiis gaaray 6-dii October markii madaxweyne ku-xigeenka Iran Mohammad Mokhber iyo saraakiil ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah iyo Golaha Sare ee Amniga Qaranka ay booqdeen Moscow, halkaasi oo ay Ruushka kula yeesheen wadahadallo ku saabsan sidii hubkaas loo gaarsiin lahaa.

“Ruushku waxay weydiisteen diyaarado Drone iyo gantaallo ballistic oo dheeraad ah oo shiishkoodu saxan yahay, gaar ahaan gantaallada Fateh iyo Zolfaghar,” ayuu yiri diblomaasi sare oo Irani ah oo lala wadadaagay xogta safarka.

Fateh-110 iyo Zolfaghar ayaa ah gantaallada riddada gaaban, waxayna weerari karaan masaafo u dhaxeysa 300 ill 700 km.

Dhinaca kale, mid ka mid ah diyaaradaha drone-ka ee Iran ay ogolaatay inay Ruushka siiso ayaa ah Shahed-136.

Waa kuma guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir?

0

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa xilka guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Saciid Cali Maxamed oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka.

Waa kuma guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir?

Garyaqaan Siciid Cali Gurey waxa uu ku dhashay, kuna soo barbaaray Magaalada Muqdisho. Waxa uu 2002dii ka baxay Dugsiga Sare ee Al-Xikma. Kaddibna waxa uu waxbarasho ugu safray dalka Suudaan oo uu uga biiray Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika (IUA), oo uu ka bartay cilmiga Qaanuunka. 

Waxaa uu dalka dib ugu soo laabtay 2006dii oo ay Muqdisho ka talinayeen Maxkamadihii Islaamiga, waxa uuna garsoore ka noqday Maxkamadda Gobolka Banaadir. 

Burburkii Maxkamadaha kaddib, waxa uu aqoon-kororsi ugu safray dalka Suuriya. 2016kii ayuu Muqdisho ku soo laabtay, waxa uuna garsoore ka noqday Maxkamadda Gobolka Banaadir, oo uu uga sii dallacay Maxkamadda Racfaanka oo uu garsoore ka noqday.  

Sanad ka hor waxa uu waxbarasho Sare oo dhanka Qaanuunka ah oo ay Wasaaradda Caddaaladdu u dirtay ugu safray dalka Turkiya oo uu dhowaan ka soo laabtay. 

Soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ay Siciid soo wada shaqeeyeen ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu caawa ugu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir.

Garyaqaan Siciid Cali Gurey waxaa loo ixtiraamaa in uu yahay dadka ugu aqoonta iyo khibradda badan sharciyada Soomaaliya, ayna lexajeclo badan ka hayso garsoorka dalka, oo la filayo in uu wax badan ka beddelo.

Alle ha u fududeeyo xilka culus ee loo magacaabay.

W/Q: Hussein Sabrie 

DF oo war kasoo saartay shirkado ka howlgala dekedda oo xogta siiya Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku socota shirkadaha bixiya adeegga Maraakiibta (Ship Agents), kadib markii ay cabasho xoogan kasoo gudbiyeen ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa uga digtay shirkadaha bixiya adeegga Maraakiibta inay xogta badeecadaha ay dalka keenaan la wadaagaan kooxda Al-Shabaab oo sanadihii u dambeeyay canshuur ka qaadaysay shixnadaha ganacsi ee laga soo dejiyo Dekeda Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale waxa lagu faray shirkadaha ka howl-gala dekedda in ciddii lagu helo falalka nuucaan ah loo aqoonsanayo inay si toos u taakuleeyaan Al-Shabaab.

“Wasaaraddu iyada oo gudaneysa waajibaadkeeda waxa ay hay’adaha Amniga la wadaagtay cabashada muwaadiniinta si ay baaris dhameystiran ugu sameeyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda in cidii lagu helo arrintaan laga qaadi doono tallaabooyin isugu jira mamnuucis shaqo iyo in lagala wareego ganacsigooda.

Digniintaan ayaa imaneysa kadib markii qaar kamid ah ganacsatada dalka ay cabasho ka gudbiyeen shirkadaha bixiya adeega Maraakiibta (Ship Agents) ay xogta badeecadaha dalka ay keenaan la wadaagaan kooxda Al-Shabaab, oo ayaguna lacago canshuuro ah kusoo roga ganacsatada xogtooda loo gudbiyay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u mamnuucday in ganacsatada ay lacago baad ah siiyaan kooxda Al-Shabaab, xili uu socdo kacdoon dagaal oo ka dhan ah, islamarkaana deegaano hor leh laga saaray kooxda.

Daawo R/W Xamza: Haddii ay Soomaalinimo jirto, dadka Soomaaliyeed ha yimaadaan…

Beledweyne (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, xilli uu sii laba-lixaadsanayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka ka socda

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in booqashada uu ku tegay Hiiraan ay ahmiyad gaar ah u leedahay qorshaha dib-u-xoreynta dalka ee la magac baxay DULMIDIID, maadaama gobolkani yahay halka uu ka curtay halganka hubeysan ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab.

“Dadka Reer Hiiraan waxaan leeyahay ha niyad jabina, keligiin ma tihiin. Ummadda Soomaaliyeed ayaa garab iyo gaashaan idiin ah. Waa la idin la joogaa. Horay, gadaal iyo hareerahaba waa la idinka jiraa ee halganka halkiisa ka sii wada”, ayuu yiri Xamza oo farriin guubaabo ah u diray dadweynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan oo uu ku tilmaamay in ay “tixraac sharfan” u yihiin ummadda Soomaaliyeed ee xorriyadda jecel.

“Haddii ay jirto Muslinimo, haddii ay jirto Soomaalinimo – dadka Soomaaliyeed waa inay Beledweyne imaadaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. 

Xamza ayaa inta uu booqashadiisa ku gudajirey wuxuu uu tagey goobihii ku burburay weerarradii dhawaan argagixisadu la beegsatay qaraxyada ee xarunta maamulka gobalka, halkaas oo ku naf waayeen dadweyne aan waxba galabsan. 

Wuxuu kulamo la yeeshay dadweynaha iyo mas’uuliyiinta gobolka ee hoggaaminaya kacdoonka reer Hiiraan ee ka dhanka ah Al-Shabaab. 

“Dowladda Soomaaliya ayaa taageero hiil iyo hoo leh la garab istaagtey kacdoonka shacabka ee looga soo horjeedo Al-Shabaab iyo inta la hal maasha, waxayna dajisey istiratijiyad Saddex Geesood ah oo lagu ciribtirayo awoodaha ciidan, dhaqaale iyo fikradaha xagjirka ah ee argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Xamza. 

Xasan oo xilalkii ka qaaday laba guddoomiye maxkamad, magacaabay kuwo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay guddoomiyeyaasha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir iyo Maxkamadda gobolka Banaadir, kadib soo jeedin ka timid guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa xilka guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Saciid Cali Maxamed oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir u magacaabay Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud.

“Xeerkan Madaxweyne oo ku saleysan Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3, soona baxay 12 Juun 1962, ayaa dhaqan galay ka dib faafinta rasmiga ah ee maanta oo ku beegan 20-ka Bisha Oktoobar 2022,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay guddoomiyeyaasha uu magacaabay inay ka shaqeeyaan sareynta sharciga iyo xalinta cabashooyinka caddaalad daro ee ka imaanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Saaka ayey aheyd markii ay Caasimada Online baahisay xogta magacaabistan oo illo wareedyo lagu kalsoon yahay ay inoo xaqiijiyeen, ayada oo faafinta rasmiga ah ee madaxweynaha ay soo baxday goordhoweyd.

Isbeddalkaan ayaa ah mid la filayey, maadaama uu horey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shaaciyey inuu wax ka beddal ku sameyn doono guud ahaan hay’adaha garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa dhawaan xilkiisii hore dib ugu celiyey guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida, Liibaan Cali Yarow oo uu horey shaqada uga eryey madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Ciidamada oo deegaano hor leh kala wareegay Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta deegaano hor leh kala wareegay Al-Shabaab xili howl-galo dagaal ay ka socdaan deegaano ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada Dhexe, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidanka Gorgor ay argagixisada Al-Shabaab ka saareen deegaanada Geelgub, Baqdaad, Faqayaalo iyo Bur-dacaar.

“Ciidamada ayaa waxay haatan kaabiga u saaran yihiin deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo argagixisada ay ku leeyihiin fariisin weyn.”

Howl-galadaan ayaa imanaya ayada oo isla saaka ay ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Warciise, Gaaleef, Qoordheere iyo Jilable oo dhammaantod hoostaga magaalooyinka Jowhar iyo Raaga-Ceelle ee gobolka Sh/Dhexe.

Taliyaha Guutada 17-aad ee kumaandooska xooga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor Col. Dayax Cabdi oo howl-galkaas hogaaminayay ayaa sheegay in ciidanka Gorgor ay xaqiijiyeen amaanka guud ee deegaanadaasi, iyagoo dilay ku dhawaad 10 dagaal-yahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa muddooyinkii dambe deegaano hor leh kala wareegayay Al-Shabaab, waxaana weli sii socda kacdoonka dagaal ee argagixisada looga xoreynayo weli deegaanada gacantooda ku jira.

DF oo taageertay go’aankii boqortooyada Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay sharaaxaddii ay dowladda Sacuudiga ka bixisay go’aankii urur OPEC+ uu ku dhimay wax soo-saarka saliidda, kaasi oo ka careysiiyey dowladda Mareykanka. 

OPEC+ ayaa go’aankan qaatay 6-dii October, waxaana uu isku raacay in laba milyan oo barmiil laga dhimo wax soo-saarka saliidda, taasi oo Mareykanka ay u arkeen inay caawineyso Ruushka oo dakhliga xooggan ee soo gala ka hela shidaalka iyo gaaska, islamarkaana ay Reer Galbeedka saareen xayiraado. 

Dowladda Sacuudiga oo ka jawaabeysa eedaymahaas ayaa sheegtay in go’aanka OPEC+ uu ahaa mid dhaqaale oo kaliya, islamarkaana dalalka xubnaha ka ah ay qaateen ayaga oo isku dheeli tiraya shidaalka lasoo saaro iyo dalabaadka suuqyada caalamiga ah. 

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay garab is-taag xooggan u muujineysaa boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya sharaxaaddii ay ka bixisay go’aanka ururka OPEC+ uu ku dhimayo wax soo-saarka si looga fogaado qalqalka suuqa saliidda caalamka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.  

Go’aanka Sacuudiga ayaa ka careysiiyey madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo wacad ku maray inuu jiri doono cawaaqib ka dhashay.

Xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka oo markii horeba xumaa ayaa hadda gaaray heerkii ugu hooseeyey, waxaana Mareykanka ay ka fakarayaan tallaabooyin ay ka mid yihiin la joojiyo hubka ay Washington ka iibiso Riyadh.

Ra’iisul Wasaaraha BRITAIN Liz Truss oo is-casishay

London (Caasimada Online) – Liz Truss ayaa maanta sheegtay inay iska casileyso xilka ra’iisul wasaaraha Britain, ayada oo noqoneysa ra’iisul wasaarihii ugu muddada gaabnaa taariikhda Britain.

Truss ayaa waxaa la degay barnaamijkeeda dhaqaalaha, kaasi oo mowjado argagax ah u diray suuqyada dhaqaalaha, islamarkaana kala qeybiyey xisbiga Conservative-ka lix toddobaad un kadib markii xilka loo magacaabay.

Doorashada hoggaan cusub ayaa lagu soo geba-gebeyn doonaa toddobaad gudihiis.

Ayada oo ka hadleysa dibedda xafiiska 10 Downing Street, ayaa Truss waxay aqbashay inay awoodi weysay inay kasoo baxdo ballan-qaadyadii ay sameysay markii ay u tartameysay hoggaanka Conservative-ka, ayada oo lumisay aaminaadda xisbigeeda.

“Waxaan garowsanahay, ayada oo la eegayo xaaladda, inaan kasoo bixi waayey waajibaadkii uu ii doorta xisbiga Conservative-ka. Sidaas darteed waxaan la hadlay Boqorka kuna wargeliyey inaan iska casilayo hoggaanka Xisbiga Conservative-ka,” ayey tiri.

“Saaka waxaa la kulmay guddoomiyaha Guddiga 1922, Sir Graham Brady. Waxaan isku raacnay inay jiri doonto doorasho hoggaan cusub oo lagu dhameyn doonoo toddobaadka soo socda gudihiis. Tani waxay xaqiijin doontaa inaan ku taagnaano waddada aan kusoo gudbineyo qorshayaasheena dhaqaale kuna joogteyneyno xasilloonida dhaqaale iyo amniga qaranka dalkeena.”

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka Keir Starmer ayaa dalbaday doorasho guud oo dalka ka dhacda hadda.

REUTERS, VOA

HirShabelle oo isbeddal ku sameysay maamulka gobolka Hiiraan (Aqriso magacyada)

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha HirShabelle, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Gure (Karoorre) ayaa maanta isbeddal ballaaran ku sameeyey maamulka gobolka Hiiraan, isaga oo sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis.

Isbeddalkan ayaa toos u saameeyey maamulka gobolka iyo kan degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi, sida ku cad saddex wareegto oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasiir Cabdiraxmaan Karoorre) ayaa beddalay ku xigeenka guddoomiye Cali Jayte Cismaan, isaga oo magacaabay ku xigeeno cusub oo uu faray inay xilalka la wareegaan.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda iyo maaliyadda gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay Xasan Ibraahim Cabdulle, halka guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo dib u dhiska gobalka Hiiraan loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Muumin (Xuuf), sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dib u heshiisiinta iyo federaalka gobalka ayaa waxaa loo magacaabayMudane Maxamed Maxamuud Maxamed oo loo yaqaano (Dhoobey).

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka HirShabelle ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Buuloburde, kadib xilka qaadis uu ku sameeyey guddoomiyihii hore hore A Mudanexmed Mahad Nuur, waxaana xilkaas loo magacaabay Xasan Maxamed Cabdi.

Dhanka kale wasiirka ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan isaga oo magacaabay kuwa cusub.

Guddoomiye ku xigeenka arimaha maaliyadda Jalalaqsi ayaa wuxuu u magacaabay Mudane Maxamed Qaasim Cabdi, sidoo kale guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo dib u dhiska degmada ayaa wuxuu u magacaabay Cabdisalaan Xasan Abuukar halka uu Maxamed Xasan Ibraahim uu u magacaabay guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Jalalaqsi.

Isbeddalladan ayaa ku soo aadayo, ayada oo shalay qaraxyo ismiidaamin ahaa oo khasaare geystay ay ka kala dhaceen degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo haatan ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Ra’iisul wasaare Xamza oo maanta ka dagay BELEDWEYNE + Ujeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa markale maanta ka dagay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ka yimid dhanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa garoonka Ugaas Khaliif uga hortegay madaxwweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) wasiiro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira dardar-gelinta howlgallada ka socda gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay xoojinta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ay kula jiraan kooxda argagxisada ah ee gumaadka ku heysa shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu warka ka soo baxay xafiiska R/W Xamza Cabdi.

Sidoo kale waxaa horey magaalada Beledweyne ugu sugnaa wasiirada arrimaha gudaha, gaashaandhigga, haweenka, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe.

Waa booqashadii labaad ee uu ra’iisul wasaare Xamza ku tegayo magaalada Beledweyne tan iyo markii uu qabtay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Beledweyne ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana gudaha magaaladan ka socdo guluf xoogan, ayada oo dhanka kale Al-Shabaab ay weeraro ka fuliso waxaana u dambeeyey qaraxyadii is xig-xigay ee saddexdii bishaan ka dhacay halkaasi.