27.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Guddoomiyihii maxkamada gobolka BANAADIR oo xil ka qaadis lagu sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta garsoorka gobolka Banaadir, wuxuuna xilka qaadis ku sameeyey gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Banaadir iyo midka racfaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyey xilka qaadista haatan lagu sameeyey guddoomiyihii maxkamadda gobolka Banaadir, Mudane Cabdiqadar Maxamed Xasan, waxaana xilkan loo magacaabay Garyaqaan Salah Ali Dabaan, sida ay wararku sheegayaan.

Sidoo kale waxaa xilka guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir isna loo magacaabay Garyaqaan Saciid Cali Maxamed (Gureey), sida ay ogaatay Caasimada Onlne.

Mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabay ayaa sidoo kale la faray inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalka loo magacaabay, isla-markaana ay gutaan waajibaadka loo igmaday.

Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey, maadaama uu horey madaxweyne Xasan Sheekh uu shaaciyey inuu wax ka beddal ku sameyn doono guud ahaan hay’adaha garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa dhowaan xilkiisii hore dib ugu celiyey guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida, Liibaan Cali Yarow oo uu horey shaqada uga eryey Farmaajo.

Si kastaba Tallaabadan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmo kahor madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu kala diray guddiga garsoorka dalka iyo kan la dagaalanka musuq-maasuq, isaga oo sheegay in hannaan baal-marsan sharciga lagu dhisay labadaas guddi.

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay wasiirada ka socdo maamul goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay wasiirada waxbarashada dowlad goboleedyada oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka waxbarashada dowladda dhexe Faarax Sheekh C/qaadir

Madaxweynaha ayaa wasiirada waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed kala hadlay sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa dadaallada tayeynta waxbarashada.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay tayeynta iyo kordhinta fursadaha waxbarasho, tirada macalimiinta iyo xarummaha waxbarashada.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah oo tahay in caruurteennu ay helaan. Waxa ay nagu tahay waajib in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal anfaca dadkeena iyo dalkeena.” ayuu yiri madaxweynaha dowladda dederaalka Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xooga saareyn horumarinta waxbarashada dalka, si ay fursaddo u helaan caruurta Soomaaliyeed ee gaaray da’da iskuulka iyo kuwa kale ee aan fursadaha helin.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgelinayo hindiseyaal lagu kordhinayo qoondada maaliyadeed ee waxbarashada, si ay fursaddo u helaan caruurta Soomaaliyeed ee gaaray da’da iskuulka iyo kuwa kale ee aan fursadaha helin una baahan tababarro dhanka xirfadaha ah” ayaa lagu yiri.

Dhankooda wasiirada waxbarashada dalka ayaa madaxweynaha uga warbixiyey baahiyaha waxbarasho ee jira iyo sidii heerarka kala duwan ee dowladda iskaga kaashan lahayeen suurta-gelinta kordhinta fursadaha waxbarashada, manhajka & imtixaanaadka shahaadiga.

Maamul goboleedyada iyo DF oo ku heshiiyey 6 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyey shir u dhexeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, kaas oo diiradda lagu saaray tayeenta hay’adaha waxbarashada eev dalka.

Shirkan oo socday intii u dhexeysay 16 illaa 18 bishaan ayaa lagu soo xiray Muqdisho, waxaana guddoomiyey Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir, iyada oo ay goobjoog ahaayeen wasiirada Waxbarashada ee shanta maamul goboleed ee dalka.

Xubnaha shirka ka qayb-galay ayaa soo saaray warmurtiyeed ka kooban illaa lix qodob oo ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadleen.

Sidoo kale waxay ku ballameen in la qabto shirweyne guud oo u dhexeeyo labada dhinac, kaas oo looga hadlayo dib u jiheynta waxbarashada dalka.

Qodobada lasoo saaray ayaa waxaa ugu muhiimsan:-In la joogteeyo kulamada u dhexeeyo wasaaradaha waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka.

-In la qabto Shirweynaha dib u jiheynta waxbarashada dalka.

-In dib u eegis lagu sameeyo sharciga waxbarashada dalka iyo siyaasada waxbarashada qaranka.

Daawo: R/W Xamza Cabdi oo dalab u gudbiyey DDS

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatah booqasho ku marayo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markale ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xamza Cabdi Barre ayaa shacabka iyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka dalbaday inay kusoo biiraan dagaalka, isla-markaana ay qayb ka noqdaan howlgallada ka socda dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay tahay cadowga Ummadda Soomaaliyeed, loona baahan yahay in loo midoobo, si looga adkaado.

“Waxaan u nimid meeshaan inaan idin sheegno in la’idin baahan yahay in cadowgaas aan naga caawisaan naga kaalmeysaan, sidaad sheegteen cadow waxaa jira aan wada leenahay oo runtii ah argagixisada ee dhibaatada fara badan Ummadda Soomaaliyeed ku haayo muddada dheer idinkana waa dhoweyd idin soo hujuumay,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa dardaaran culus u jeediyey dadka shacabka ah,  wuxuuna ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo horumarka deegaanka.

“Waxaan ku talinayaa inaad midowdaan ood walaalowdaan oo aad xukuumad iyo shacaba gacmaha is qabsataan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo dhowaan ay toos isku wajaheen ciidamada Liyuu Boolis ee dowladda deegaanka Soomaalida iyo Al-Shabaab oo weerar ku qaaday qaybo ka mid ah dhulkaasi, kadib markii ay ka tallaabeen xadka u dhexeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya

Galmudug ma noqon kartaa maamulkii ugu horeeyay ee iska saara Al-Shabaab?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Galmudug ayaa ku dhawaaqday dagaal rasmi ah oo lala galayo kooxda Al-Shabaab, kaas oo loo sii dhex marayo ruuxiyadda qabiilka, sidii caadada u aheyd dagaalka socda maalmahaan.

Dhowr cisho oo ay wada-hadalo iyo shirar u socdeen siyaasiyiinta kasoo jeedo maamulka Galmudug ugu dambeyn waxaa lagu dhawaaqay in la aadaayo dagaal aan loo kala harin oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay dishay tobanaan kun oo Soomaali ah.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor hoggaamiyaha Galmudug, ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, ra’isulwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Galmudug madax kasoo noqday, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Senator Cabdixakiim Macalin Axmed, Xildhibaan Dhagey Geelle Ugaas, xildhibaan Odawaa, Xildhibaan Feysal Qorane iyo xubno kale oo reer Galmudug ah ayaa dhammaan kalmado ka yiri iclaaminta dagaalka Galmudug isaga saareyso kooxda Al-Shabaab oo deegaano muhiim ah ka heysata maamulkaan.

Qoor Qoor oo madasha ka hadlay wuxuu ballan qaaday in Galmudug noqon doonto maamulkii ugu horeeyey ee iska saara Al-Shabaab. Hoggaamiyaha Galmudug wuxuu ugu baaqay dadka reer Galmudug inay si dhab ah dagaalka ugu soo baxaan si gaar ah wuxuu weydiistay beelaha aan furinta ku jirin inay dagaalka si walba uga qebgalaan xoog iyo xoolo wixii ay awoodaan.

Marka Galmudug laga hadlayo, reer Cabudwaaq iyo reer Xiraale ayaa kamid ah beelaha aan furinta dagaalka Al-Shabaab deganeyn.

Hoggaamiyihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, isna wuxuu xoojiyey in dagaalka daacad laga noqdo, isagoo dib u milicsaday sida ay reer Galmudug u yihiin dad ku suntay guul xilliga dagaalka, wuxuuna muujiyey inay natiijada dhowdahay, haddii wadajir loo gacan saaro kooxda.

Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobta ka hadlay wuxuu isna sheegay inay tagayaan furimaha dagaalka oo ay dhiira gelinayaan ciidanka u xil saaran inay Al-Shabaab ka saaraan dalka.

Marka la eego gunimada ay Al-Shabaab badeen dadka reer Galmudug, Rooble wuxuu sheegay in haddii odayaashii hore ee deegaanka lasoo nooleyn lahaa, inayba inkiri lahaayeen inay dadkaani dhashoodii yihiin.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la filayo inuu qeyb ka noqdo hoggaamiyo ciidanka la rabo inay qabtaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, wuxuu madasha ka sheegay in Al-Shabaab yihiin kansar ku yaala bulshada Soomaaliyeed, haddii aan la jarina inay kusii faafi doonaan bulshada.

Dhammaan fariimahaan iyo kuwa ay jeediyeen madaxda kale oo iyaguna madasha dagaal iclaaminta ka hadlay ayaa muujinaya in reer Galmudug dagaalka isla qaateen. Khudbadaha ka sokow waxaa la xaqiijiyey in laga heshiiyey howsha dagaalka iyo furimaha.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kaalin ku leh kulamadaan iyo qorshaha dagaal ee sida rasmiga ah uga bilaabanaya Galmudug, waxaa la filayaa maalmaha soo aadan in seddex aag oo Galmudug uu dagaal kaga bilowdo kooxda Al-Shabaab, taas oo su’aal culus gelineysa sida ay kooxda kusii joogi karto dhulka maamulkaas.

SOOMAALIDA saameynta ku leh siyaasadda Kenya ee xilalka sare loo magacaabay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto, ayaa qaar kamid ah xilalkii ugu sarsareyay ee dhinaca ammaanka iyo garsoorka u magacabay dad Soomaali ah.

Ruto ayaa dowladdiisa cusub waxaa saameyn balaaran ku yeelanayo siyaasiyiinta ka soo jeedda Soomaaliya, waxayna muujineysa dadaalka ay siyaasiyiinta Soomaalida ah ku bixiyeen soo dhisidda madaxweynaha cusub.

Hadaba maqaalkaan waxaan ku eegeyna siyaasiyiinta xilalka sar sare uu u magacaabay William Ruto,  kuwaas oo Soomaalida ah.

Amiin Ibraahim Maxamed

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, ayaa taliyaha hay’adda dambi baarista dalka Kenya u magacaabay 14-kii bishaan Aamiin Ibraahim Maxamed oo asalkiisa uu yahay Soomaali.

Aamiin ayaa noqonaya agaasimaha hadda dambi baarista Kenya ee Directorate of Criminal Investigations (DCI), waxaana uu kamid noqonaya dadka ugu saameynta iyo awoodda badan Kenya.

Soomaali kenyaankan Aamin Ibrahim Maxamed, ayaa badalaya agaasimihii hore ee hay’addaas George Kinoti, oo dhawaan xilkaas iska casilay.

Aamiin ayaa haysta darajada kaaliyaha sare ee kormeeraha guud ee booliska dalka Kenya, waxaana uu horay u soo noqday madaxa hay’adda DCI ee gobalka Rift Valley sanadkii 2007.

Soomaaligaan ayaa xilal kala duwan oo dhanka dambi baarista booliiska Kenya ah ka soo qabtay gobalada kala duwan ee dalka Kenya.

Nuur Gaabow

Waxaa golaha qaran ee adeegga booliiska dalka Kenya ay u magacaabeen Nuur Gaabow in uu noqdo kusimaha taliyaha guud ee booliiska dalka Kenya.

Ninkaan ayaa booliiska ku soo biiray sanadkii 1989-kii, markaas oo uu noqday askari kamid ah ciidamada booliiska dalka Kenya.

Magacaabista Nuur Gaabow ayaa timid kadib markii uu ku guulaystay xakameynta qalalaaso ka dhacday goobtii looga dhawaaqayay natiijada doorashada dalka Kenya ee uu dhawaan ku guulaystay William Ruto.

Gaabow ayaa xilka sii hayn doono inta laga ansixinayo taliyaha cusub ee Booliiska Kenya, ee uu dhawaan madaxweyne Ruto, u magacaabay Japhet Koome.

Koome ayaa doonaya kalsoonida golaha adeegga qaranka ee Booliiska dalka Kenya, si uu xilka ula wareego, waxaana hadda xilkaas sii haayo Nuur Gaabow.

Aadan Barre Ducaale

53-sano jirkaan saameynta ugu wayn dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay ku lahaa siyaasiyiinta dalka Kenya, ayaa loo magacaabay wasiirka difaaca Kenya.

Madaxweyne Ruto, ayaa  golahiisa wasiirada ku soo daray Aadan Barre Ducaale, kaas oo horay u soo noqday shaqsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dalka Kenya.

Wasaaradda difaaca dalka Kenya, ayaa noqoneysa in markii labaad uu hoggaamiyo shaqsi Soomaali ah, kadib Maxamed Yusuf Xaaji, oo xilkaan u magacabay madaxweyne Muwai Kibaki, waxa uuna haayay xilka intii u dhaxeysay 2008-2013.

Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji

49-sano jirkaan ayaa loo magacabay xilka Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, waxaana xilkaan horay loogu magacaabay 2018-kii.

Nuuradiin oo kamid ah siyaasiyiinta saameynta ku dhex leh dhanka garsoorka ee dalka Kenya ayaa waxaa dhalay wasiirkii hore ee difaaca Kenya Maxamed Yusuf Xaaji.

Soomaali Kenyaankaan ayaa sidoo kale mudda dheer ka shaqeynayay howlaha dacwadaha iyo maxkamadaha dalka Kenya, waxaana.

Sikastaba waxaa sidoo kale jiro siyaasiyiin badan oo Soomaali ah, kuwaas oo xilal kala duwan looga magacaabay gudaha dalka Kenya.

Madaxweyne Ruto, ayaana u muuqda mid fursad fiican ka siinayo Soomaalida miiska talada ee dalka Kenya, halkaas oo aan looga baran in xilalka iyo go’aannada ugu dambeeya ee ay gaarto dowladda.

WQ: Abdirahman Sabriye

ITOOBIYA oo wajahayesa cunaqabatayn caalami ah

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa Arbacadii ku baaqday in cunaqabateyn dhinaca hubka ah iyo xayiraadyo lagu soo rogo shakhsiyaadka ku lugta leh dagaalka Itoobiya, si tallaabooyinkaas ay gacan uga geystaan ilaalinta dadka rayidka ah, xilli dagaalka halista ah ee Itoobiya uu ku sii xoogaysanayo gobolka Tigrayga.

Human Rights Watch waxay sheegtay in warbixinnada kasoo baxaya meelaha ay colaaduhu ka dhaceen ay ahaayeen kuwo “argagax leh.”

“Weerarradu waxay sababeen khasaare aan lasoo koobi karin oo soo gaaray dad rayid ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha gargaarka oo bixinayay cunnada, burbur hanti iyo barakac baahsan,” ayay tiri agaasimaha Geeska Africa ee Humah Rights Watch Laetitia Bader oo hadal kooban ka jeedisay xaaladda Itoobiya.

“Keliya Eritrea oo xulufo la ah maahane waa in Ethiopia lagu soo rogo cunaqabatayn caalami ah, sababo la xiriira hab-dhaqankeeda colaadeed. Mareykanka iyo Midowga Yurub, iyo sidoo kale Golaha Ammaanka, waa inay adeegsadaan tallaabooyin ku habboon, oo ay ku jiraan cunaqabateynta la beegsanayo shakhsiyaadka ku lugta leh dagaalka iyo cunaqabateyn dhinaca hubka ah, si loo ilaaliyo rayidka halista ku jira,” ayay tiri Bader.Talaadadii, Addis Ababa ayaa sheegtay inay qabsatay saddex magaalo oo ku yaalla gobolka waqooyi, halkaas oo ay dagaallo ku dhex marayeen xoogagga dowladda taageersan iyo TPLF tan iyo bishii Ogoosto kadib markii ay burburay xabbad-joojin hore loo gaaray.

Walaaca caalamiga ah ee laga qabo dadka ku dhintay dagaalka ayaa isa soo taraya, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay xaaladda mid faraha ka baxday oo sababtay khasaare badan oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah ee International Rescue Committee ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalihiisa uu ka mid ahaa saddex qof oo rayid ah oo lagu dilay weerar Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Shire oo ay ku nool yihiin 100,000 oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Erigrea kadib duqeyn joogta ah.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dad rayid ah ay waxyeello kasoo gaartay duqeymo dhanka cirka ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaaladaas.

Dawladdu waxay sheegtay howlgalkoodii ugu dambeeyay inay ka fogaatay dagaal ka dhacay magaalooyinka, isla markaana ay baari doonto cid kasta oo ka mid ah dadka rayidka ah oo uu soo gaaray khasaare nafeed.

Balse waxaa jirta cabsi isa soo tareysa oo laga qabo in dadka rayidka ah ee ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka ay dib ula wareegeen ciidamada dowladda taabacsan ay halis ugu jiraan in ay geystaan falal dambiyo dagaal oo la mid ah kuwii dhacay biloowgii dagaalkan oo socda ku dhawaadd laba sano.

VOA + AFP

Dhowr QOF oo lagu dilay weerar uu nin Soomaali ah ka fuliyey dalka Jarmalka

Berlin (Caasimada Online) – Laba qof ayaa lagu dilay mid kalena si daran ayaa loogu dhaawacay mindiyeyn Talaadadii ka dhacday koonfurta galbeed ee dalka Jarmalka, sida ay sheegeen booliska. 

Qofka lagu tuhunsan yahay weerarka oo la sheegay inuu yahay Soomaaali ayaa la xiray.

Booliska ayaa sheegay in galabkii Talaadada lagu soo wargeliyey toogashada oo ka dhacday duleedka magaalada Ludwigshafen ee gobolka Rhineland-Palatinate.  

Tuhunsanaha, oo ah muwaadin Soomaali ah, ayaa markii hore ka baxsaday goobta uu weerarku ka dhacay, balse waxaa laga soo xiray dukaan dawooyinka lagu iibiyo.

Booliska ayaa rasaas adeegsaday intii lagu guda jiray bursashada, waxayna si darran u dhaawaceen tuhunsanaha, balse dhaawaca ayaan aheyn mid naftiisa halis gelinaya, sida ay boolisku sheegeen. 

Booliska ayaa goor dambe sheegay in dhibanayaasha la dilay ay yihiin laba nin oo Jarmal ah oo da’doodu kala tahay 20 iyo 35 jir. Qofka dhaawaca ayaa sidoo kale ah Jarmal da’diisu tahay 27 jir. 

Lama sheegin magacyada dhibanayaasha iyo sidoo kale magaca qofka Soomaaliga ee weerarka lagu tuhmayo. 

Booliska ayaan weli sii dayn xog intaas dheer oo ku saabsan weerarka iyo sababta ku qasabtay tuhunsanaha inuu gaysto. Waxay weli wadaan baaritaan waxayna sheegeen inay dib kasoo gudbin doonaan natiijada.

Waa weerarkii labaad oo dhimasho leh oo wax ka badan sanad gudihiis uu qof Soomaali ah ka fuliyo dalka Jarmalka.

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay, 10 kalena si darran ayaa loogu dhaawacy weerar loo adeegsaday mindi, oo uu 24 jir ah Soomaali ah uu 26-kii June 2021 ka gaystay magaalada Würzburg. 

Shacab careysan oo arrin dhiiranaan leh ka sameeyey MUQDISHO caawa kadib….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in shacabka degmada Kaaraan ay caawa soo qabteen labo nin oo hubeysan, kuwaas oo dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Afhayeenka oo la hadlay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in raggaas lagu qabtay agagaarka Kaawada Kabasiini – Waaxda Nagayle ee degmada Kaaraan, iyagoo doonayey inay goobta ka baxsadaan.

Shacabka ayuu sheegay inay ka caruudeen dilkii loo geystay askari, waxaana hadda labadii nine e askariga dishay ay shacabku ku wareejiyeen ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray.

Afhayeenka booliska ayaa sidoo kale sheegay in labada nin markii la qabtay ay wateen hubkii ay ku dileen askariga “Labada dhagarqabe ayaa waxaa la wareegay ciidanka ammaanka, ayaga iyo hubkii ay wateen, waxaana la horgay doonaa Maxkamada xukunkooda awooda u leh, Ilaahay idiinkii,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Askari ayey si gaadmo ah ku dileen nimankaan oo ka tirsan argagixisada, shacabka oo careysan ayaana degdeg uga jawaabay falkaas oo labadii nin raacdeystay, soona qabtay, waa markii labaad ee shacabka ay soo qabtaan rag hubeysan, waxay tan oo kale maalmo ka hor ka dhacday suuqa Bakaaraha.”

Afhayeenku wuxuu sheegay in sharciga lamarsiinayo ragaan oo maxkmadda awooda u leh ay u gudbi doonaan, si looga jaaseeyo dembiyadii ay geysteen.

“Waxaan ku dadaaleynaa in eedeysanayaasha aan lagu xadgudbin xuquuqdooda, waxaana ku wareeji doonaa garsoorka iyo maxkamad awooda u leh,” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Cali Guudlaawe oo war ka soo saaray qaraxyadii ka dhacay Buuloburde iyo Jalalaqsi

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada dadkii maanta ku nafwaayay qaraxyadii ay Al-Shabaab ka geysteen degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

“Madaxweynaha ayaa xusay in argagixisadu cadow ku yihiin nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, yoolkooduna yahay xasuuqa shacabka iyo beegsiga haldoorka umaddda, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wadajeestaan jiritaanka Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada HirShabeelle.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyay geerida Gudoomiyihii hore ee degmada Jalalaqsi Marxuum Maxamed Nuur Dabaashe iyo Duqii Degmada Jalalaqsi Marxuum Aadan Maxamed Ciise oo ka mid haa dadkii maanta ku geeriyooday qaraxii ka kacay xarunta degmada Jalalaqsi.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay qaraxii galabta ka dhacay buundada degmada Buuloburde oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah, isagoo tilmaamay in argagixisada arxanka daran ee sii dabar go’aya ay damacsanaayeen inay kala jaraan isu socodka dadka ku nool degmada Buuloburde,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha HirShabeelle ayaa Alle uga baryay masuuliyiintii iyo shacabkii ku geeriyootay qaraxyadaasi argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta ku dhaawacantayna uu Eebbe caafimaad deg deg siiyo.

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay labada qarax ee ka kala Buuloburde iyo Jalalaqsi, sidoo kale waxaa burburtay muundadii muhiimka ahayd ee Buuloburde, waxayna qaraxyadaasi ahaayeen kuwo is miidaamin ah.

Dhimashada qaraxyadii Jalalaqsi iyo Buulo-Burde oo kordhay iyo mas’uuliyiin sare oo ka mid ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo maanta ka kala dhacay magaalooyinka Buulo Barde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta magaalada Jalalaqsi ayaa sheegay in baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay bar kontorool oo laga hubiyo baabuurta u socota buundada magaalada. Baabuurkaas ayaa qaraxiisa uu burburiyey dhisme ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise, iyo Gudoomiyihii degmada Maxamed Nuur Cagajoof Dabbaashe oo xilkaasi laga qaaday dhowaan balse aan weli xil-wareejin samaynin.

Dhinaca kalena, mas’uuliyiinta magaalada Buulo Barde ayaa u sheegay idaacadda VOA in qarax loo adeegsaday mooto bajaaj lagu dhuftay buundada magaalada ee kormarta webiga Shabeelle.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa. Qaraxa waxa uu sidoo kale burburiyey qayb ka mid ah buundada oo uu dalooliyey.

Labadaan qarax ayaa u muuqda kuwo qorshaysnaa in lagu burburiyo buundooyinka magaalooyinka Buulo Barde iyo Jalalaqsi xixlli ay gobolka Hiiraan iyo gobollada ku dhow ay ka socdaan abaabullo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda labada qarax.

Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya in buundada ay ka go’aday dhex-bartankeeda, sidaas darteedna waxaa xiligaan aan mari karin wax gaadiid ah.

Qaraxayadan ayaa wuxuu u muuqda mid ay Al-Shabaab ku rabtay inay ku kala jarto buundada degmada Buulo-burte, marka la fiiriyo halka gaariga Ismiidaaminta ah lagu qarxiyay oo aheyd dhex-bartanka buundada.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka degmada ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, illaa haddana majiro war kasoo baxay dhinacooda.

Sacuudi Carabiya oo qaaday tallaabo kasii dareysa xiisadda kala dhaxeysa Mareykanka

Riyadh (Caasimada Online) – Muwaadin Mareykan ah oo lagu xiray dalka Sacuudi Carabiya ayaa loo ciqaabayaa qoraallo uu soo dhigay twitter-ka oo la xiriira mowduucyo ay ka mid yihiin dagaalka Yemen iyo dilkii 2018 ee weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas AFP u sheegay wiilkiisa.

Saad Ibrahim Almadi, oo ah 72 jir asal ahaan kasoo jeeda Sacuudiga, ayaa waxaa bishan lagu xukumay 16 sano oo xabsi ah.

Kiiskan ayaa kasii daraya xiisadda markii horeba kacsaneyd ee ka dhex-oogan Riyadh iyo Washington oo muddo fog saaxiibo ahaa balse hadda isku haya go’aanka ay dalalka OPEC+ ku dhimeen wax soo-saarka saliidda.

Almadi ayaa la xiray markii uu Sacuudiga yimid bishii November ee sanadkii tegay si uu laba toddobaad oo safar ah ugu bixiyo, waxaa sidaas sheegay wiilkiisa Ibrahim oo toddobaadkan shaaciyey kiiska.

Ibrahim ayaa ku dhaleeceeyey saraakiisha Mareykanka inay ku guul-darreysteen inay xaqiijiyeen sii dayntiisa.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay inay “si joogto ah oo xooggan ay walaaca kiiskan ula wadaagtay xubno sare oo ka tirsan dowladda Sacuudiga,” islamarkaana u sheegtay “In xoriyadda hadalka aysan marnaba aheyn in dambi laga dhigo.”

Arbacadii, Ibrahim ayaa AFP la wadaagay liiska qoraallada Twitter-ka ee caddeyn ahaanta loogu adeegsaday aabihiis — xogtaas oo uu sheegay in sidoo kale ay xaqiijisay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Waxaa ku jira qoraallo la xiriira canshuuraha, burburinta goobo ka mid ah Makka iyo magaalada Badda Cas ku taalla ee Jeddah.

Mid ka mid ah qoraallada ayaa su’aalaya sababta mas’uuliyiinta Sacuudiga aysan u awoodin inay ka hortagaan weerarada Xuutiyiinta Yemen.

Qoraal kale ayaa ku saabsan “naf-hurnimada” Kaashuqji, kaasi oo dilkii ay wakiilo Sacuudiyaan ah ugu dhex gaysteen qunusliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2018 uu dhaliyey caro caalami ah.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sidoo kale taleefonka Almadi ka helay sawir gacmeed aysan jecleysan oo laga sameeyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, sida uu sheegay Ibrahim.

AFP, VOA

Xubno kale oo Al-Shabaab ah oo la dilay iyo wararkii ugu dambeeyey ee howlgallada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ururka 8-aad guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ee xooga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-galo ka dhanka ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan Fanax gobolka Hiiraan.

Howl-galkaan ayaa waxaa la sheegay in ciidamada Kumaandooska ay bartilmaameedsadeen xubno Shabaab ah oo mararka qaar lagu arki jiray tuulooyin ku dhow deegaanka Nuur Fanax ee gobolkaasi Hiiraan.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howl-galkaas lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib dagaal kooban oo ciidamadu kula galeen dagaal-yahaanada Shabaab aaga deegaanka Nuur Fanax.

Waxay sidoo kale sheegeen inay ciidamadu sii wadi doonaan howl-galada lagu bartilmaameedsanayo dagaal-yahanada Al-Shabaab, illaa inta deegaanada gobolka laga ciribtirayo kooxda argagixisada ah.

Howl-galkaan lagu dilay xubnaha Shabaabka ah ayaa kusoo aadaya ayada oo maanta ciidamada huwanta ay sheegteen in deegaano hor leh ka qabsadeen kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu si habsami leh u socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Mareykanka oo dalab culus hordhigay madaxweyne Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa war qoraal ah kasoo saartay khilaafka ka taagan doorashada la filayo inay ka dhacdo maamul goboleedka Puntland, taasi oo hadda ay xiisad xooggan ka taagan tahay.

Qoraalka kasoo baxay safaaradda ayaa lagu soo dhaweeyey doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland qorsheynayso inay ka dhacdo 37 degmo, doorashadaas oo ah mid heer deegaan ah.

Sidoo kale, qoraalka ay soo saartay safaaradda Mareykanka ayaa madaxweynaha Puntland Saciiid Cabdullaahi Deni loogu baaqay inuu qabto doorasho loo dhan yahay, islamarkaana ay isku raacsan yihiin qeybaha kala duwan ee maamulkaas.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa kamid ahaa safiirrada beesha caalamka ee shalay booqday magaalada Garoowe, halkaas oo ay kula shireen madaxda Puntland, iyagoo kala hadlay arrimaha doorashada iyo ka go’naanshahooda.

Beesha caalamku waxay sheegtay inay taageerayso dimuqraadiyada Puntland, inkastoo maamulada Puntland ay ku fashilmeen labo jeer oo hore, haddana uu walaac xooggan ka taagan yahay marka loo eego muddada u hartay maamulka Siciid Deni.

Siyaasiyiin caan ah oo ay kamid yihiin madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo ra’isul wasaarayaal hore ayaa sheegay in madaxweyne Deni oo ku howlan yahay qorshe muddo kororsi ah.

Saciid Deni oo ku fashilmay doorashadii madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inuu doorashada qof iyo cod ka leeyahay muddo kordhin, waxaana tallaabadaas lagu tilmaamay mid qalqal gelineyso xasiloonida siyaasadeed ee maamulkaas.

Daawo: Xildhibaan cusub iyo ciidan uu hoggaaminayo oo ku biiray dagaalka Al-Shabaab

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanayo abaabulka beelaha iyo ciidamada loo diyaarinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka bilowday gobolka Shabeelalda Dhexe.

Wararkii ugu dambeeyey ee halkaas naga soo gaaraya ayaa sheegaya inuu dagaalka ku biiray xildhibaan kale iyo ciidamo badan oo uu hoggaaminayo/

Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax (Yuusuf Kabaale) oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka, kana soo jeeda beesha Kabaale ee Wacbuudhan Abgaal, ayaa gaaray Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo hoggaaminaya ciidamo Militari ah oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu si toos ah ugu biiray dagaalka iyo kacdoonka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab ee ka curtay deegaanada maamulka HirShabelle.

“Anagoo fulineyno baaqii madaxda sare ee dowladda waxaan si rasmi ah ugu biirnay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana qeyb ka noqon doonaa xoreynta deegaanada maamul goboleedka HirShabelle,” ayuu yiri xildhibaanka.

Ciidamadan ayaa ka mida kuwii uu danbeeyay ee laga abaabulo magaalada Muqdisho, kuna biira dagaalka Al-shabaab oo abaabulkii ugu danbeeyay iyo howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabeelle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa cadadadis xoog leh oo uga imaanayo beelaha Soomaaliyeed iyo dowladda dhexe, waxaana markaan ku furmay dagaal jihooyin kala duwan ah.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in howlgallo xooggan oo ka dhan ah AS ay ka socdaan deegaanno ka kala tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan si la isugu xiro degmooyinka muddada fog isu socodkoodu xayiran.

Guudlaawe waxa uu sheegay in horumar wanaagsan laga gaaray howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Dhexe ee dhowaan billawday isaga oo intaas ku daray in ciidamada ka howlgallaya Hiiraan ay kahortagi doonnaan.

Wararkii ugu dambeeyey guulaha laga gaaray howlgalka ka socda gobolka Sh/Dghexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgallo ka wadaan gobolkaasi, kaas oo ay guullo ka sheegteen ciidamada huwanta.

Ciidamadan oo uu horkacayp, xildhibaan Cismaan Xaadoole ayaa gudaha u galay deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay horey ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay saaka la wareegeen tuulooyinka Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey oo u dhaxeeya degmooyinka Jowhar iyo degmada Raaga Ceele oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineyso ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab, inta laga xoreynayeo guud ahaan deegaanka.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in ciidamada ay isku ballaariyeen goobaha ay qabsadeen, isla-markaana ay ka sameysteen fariisimo ciidan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka socda abaabulkii ugu xooganaa ee ka dhan ah  kooxda Al-Shabaab, waxaana horkacayam madaxweynaha HirShabelle iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe, balse deegaan ahaan kasoo jeeda gobolkaas.

‘Mid ka mid ah odayaasha’ AL-SHABAAB oo la qabtay

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda iyo xoogaga deegaanka ayaa shalay galab soo bandhigay nin oday ah, oo la sheegay inuu ka tirsan yahay saraakiisha Al Shabaab.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, kadib markii ciidamadu ay shalay subax weerareen deegaanka Xalfooley, oo hoostagga Degmada Jalalaqsi, kuna dhow xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Korneyl Nuur Dheere oo ka mid ah Saraakiishii hawlgalka hoggaaminaya iyo ciidamadu uu watay ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi odayga ah iyo gaari uu watay.

Wakaaladda Wararka Qaranka (SONNA) ayaa sheegtay in ciidamadu ay jidka u galeen gaadiid ay la socdeen maleeshiyada Al-Shabaab, ayna dagaalka ku dileen 10 ka mida maleeshiyadaasi, sidoo kalena ay gubeen mid ka mida gaadiidkii ay wateen.

SONNA ayaa ku warantay in ciidamadu ay halkaasi ka wadaan hawlgalo lagu dhameystirayo maleeshiyadii ku firxatay duurka.

Ciidamada ayaa u muuqdo kuwo guda galay wejigii ugu dambeeyay gulufka ay tahay in lagu soo afjaro Shabaabka Gobolka Hiiraan.

WASIIR FIQI oo shaaciyey xilliga dagaalka Al-Shabaab laga billaabayo Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday xilliga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab laga billaabayo deegaanada Galmudug. 

Fiqi ayaa sheegay in kahor inta aysan dhammaan bisha October la billaabi doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Galmudug. 

“Waxaan rajeynaynaa in bishaan October inta aysan dhamaan Galgaduud iyo Mudug iyo kulli aagaggaas oo dhan shaqada ay ka billaabato, culeyska Hiiraan haystana uu ka dul qaadmo,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi oo ka qeyb galay doodda Twitter Space ee BBC Somali. 

Axmed Macallin Fiqi ayaa intaas ku daray in shirka madaxtooyada Galmudug ee siyaasiyiinta Galmudug uu qeyb ka yahay howsha iyo abaabulka lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay ka haysato gobollada Mudug iyo Galgaduud.  

Fiqi ayaa in shirka ujeeddadiisa ay tahay in loo dhaqaaqo dhanka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah meelaha ay haysato Al-Shabaab. 

Dhaqdhaaqyo ciidan ayaa hadda ka socda dhowr deegaan oo Galgaduud, Mudug, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ah, sida uu sheegay wasiirka. Waxaa jira ciidamo ka degay Beledweyne iyo dhaqdhaaqyo cusub oo ka billowday Shabeellaha Dhexe. 

Axmed Macallin Fiqi ayaa aaminsan in furimaha cusub ee laga howlgalayo ay sababi doonaan in Al-Shabaabka ku sugan deegaannadaas la go’doomiyo, marka u dambeysana ay isku soo dhiibaan dowlada.

Waxaa maalmihii dambe jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegayay inuu hakad ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday Galmudug.

Hase yeeshee madaweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa beeniyay arrintaas, isagoo xusay in dagaalku uu socday, uuna sii socon doono. “Waxaa lagu sii xoojiyay dhiirragelin iyo gurmadyo kala duwan marka dagaalkaas marnaba ma istaagi,” ayuu yiri. 

“Waxaa naga go’an inaan si buuxda u xoreyno degmooyinka muhiimka ah sida Ceel-dheere, Ceel-buur iyo Xaradheere,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Dagaallka Ukraine: IRAN oo qaaday tallaabo xasaasi ah

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa u ballan-qaaday Ruushka inay siin doonto gantaallada dhul ka dhulka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone), sida ay laba sarkaal oo sare iyo laba diblomaasi oo Iranian ah u sheegeen wakaaladda wararka Reuters. 

Heshiiskan ayaa la gaaray 6-dii October markii madaxweyne ku-xigeenka Iran Mohammad Mokhber iyo saraakiil ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah iyo Golaha Sare ee Amniga Qaranka ay booqdeen Moscow, halkaasi oo ay Ruushka kula yeesheen wadahadallo ku saabsan sidii hubkaas loo gaarsiin lahaa.

“Ruushku waxay weydiisteen diyaarado Drone iyo gantaallo ballistic oo dheeraad ah oo shiishkoodu saxan yahay, gaar ahaan gantaallada Fateh iyo Zolfaghar,” ayuu yiri diblomaasi sare oo Irani ah oo lala wadadaagay xogta safarka.

Sarkaal Reer Galbeed ah oo helay xogtan ayaa sidoo kale xaqiijiyey, wuxuuna sheegay inuu jiro heshiis dhexmaray Iran iyo Ruushka oo gantaallo ay ku jiraan nuuca Zolfaghar lagu siinayo Moscow. 

Mid ka mid ah diyaaradaha drone-ka ee Iran ay ogolaatay inay Ruushka siiso ayaa ah Shahed-136.

Fateh-110 iyo Zolfaghar ayaa ah gantaallada riddada gaaban, waxayna weerari karaan masaafo u dhaxeysa 300 ill 700 km. 

Diblomaasi Irani ah ayaa diiday sheegashooyinka saraakiisha Reer Galbeedka ee ah in gudbinta hubkaas ay jebineyso qaraarkii Golaha Ammaanka QM ee 2015. 

“Halka lagu isticmaalayo gantaalladaas waxba kama gelin iibiyaha. Cidna lama jirno marka ay noqoto dagaalka Ukraine sida Reer Galbeedka oo kale. Waxaan dooneynaa in xasarad lagu soo afjaro hab diblomaasiyadeed,” ayuu yiri. 

Ukraine ayaa ku warrantay inay kordheen weerarada Ruushka ee loo adeegsanayo diyaaradaha Drone-ka ee Shahed-136 toddobaadyadii dhowaa. 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran ayaa Talaadadii ku gacan sayrtay oo kuwa aan sal laheyn ku sheegtay eedeymo ah inay hub iyo drone siisay Ruushka si ay ugu adeegsadaan Ukraine, halka Kremlin-ka uu Talaadadii beeniyey in ciidamadooda ay drone-ka Iran ku weerareen Ukraine.

Odowaa oo Somaliland iyo Puntland ka dalbaday arrin la xiriirta Al-Shabaab (Daawo)

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo haatan ku sugan caasimada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay abaabulka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee hadda ka socda halkaasi.

Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka kooxdan, si loogi wajaho, loogana saaro guud ahaan dalka.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay gurmad iyo inay toos uga qayb qaataan dagaalka ay wado dowladda Soomaaliya, isaga oo farriin u diray Puntland iyo Somaliland.

“Dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada aan hadda Shabaab Front Line-ka ka aheyn taakulaa laga rabaa, garabaa laga rabaa, hiilaa laga rabaa. Dadkaas kuwa deegaankan kaliya jooga ma’aha Puntland iyo Somaliland ayaa ka mid ah,” ayuu yiri xildhibaan Odowaa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay labada maamul ee Somaliland iyo Puntland inay garab istaag u muujiyaan dadka shacabka ah ee la dagaalamaya Al-Shabaab, isaga oo ka codsay in hub iyo ciidan ay usoo diraan deegaanada lagula dagaalamayo kooxda Shabaab.

“Haddii ay carigaan qararamsadaan meel ay daynayaan lama arko meel walbo saas ayey u rabaan inay tegaan, marka maamulka Puntland iyo maamulka Somaliland iyo wixii kale oo Soomaali ah oo ka nabad qaba nimanka gurmadka wax haka soo galaan, haddii ay rag soo diri karaan hasoo diraan iyo gabdho haddii ay hub & rasaas soo diri karaan” ayuu raaciyey.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhalatay howlgallad lagu qaaday Al-Shabaab ee haatan ka socdo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo sii xoogeystay markii ay dagaalka ku biireen dadka shacabka ee ku dhaqan gobollada dalka.