27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Dhageyso: Guudlaawe oo shaaciyey guulo laga gaaray howgallada HirShabeelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelle oo hoggaaminaya howlgalka gobolka Shabeellada Dhexe looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab ayaa faahfaahin ka bixiyey tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee la qaaday iyo xubno Shabaab ah oo nolosha lagu qabtay.

Madaxweynaha oo wareysi siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe laga xoreeyey kooxda.

Cali Guudlaawe wuxuu sheegay in deegaanadii lagu weeraray Al-Shabaab aysan ciidanku kala kulmin wax iska caabin ah, isla markaana ay nolosha ku qabteen xubno la xaqiijiyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

“Waxaa jira argagixiso howlgalka Sh/Dhexe lagu qabtay, gaar ahaan aagga Xawaadley, ilaa 70 qof ayaa la qabtay, qaar weli baaritaan ayaa ku socda, qaarna waa ku cadaatay inay ka tirsan yihiin argagixisada,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Maadxweynaha HirShabeelle ayaa intaas ku sii daray in baaritaan deg deg ah la marsii doono xubnaha gacanta lagu hayo, “Dad lambar weyn ah ayaa la hayaa, waana la kala saarayaa, wixii Shaabaab noqda iyo wixii shacab ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in HirShabeelle howlgallada ka socda ay u socdaan hanaan saf balaaran ah, isla markaana dhawaan lasoo af-jari doono Al-Shabaab.

“Xaqiiq waxaa ah in HirShabeelle aysan Al-Shabaab sii dhex joogi doonin, bulshada waxaan ugu baaqaa in laga fogaado goobaha ay joogaan nimankaas, sidoo kale waxaan ugu baaqaa in ciidanka ay soo siiyaan xogta iyo meelaha ay ku dhuumanayaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Guudlaawe.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Ciidamada Itoobiya oo 3 magaalo kala wareegay TPLF

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan gobolka waqooyi ee Tigray, sida ay dowladdu sheegatay Talaadadii, waxaana laba ka mid ah magaalooyinkaas ay u dhow yihiin koofurta magaalada caasimadda Tigray ee Mekelle.

Ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda oo ay ku jiraan ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ayaa dagaal goos-goos ah kula jiray ciidamada Tigrayga muddo labo sano ah, waxaana colaaddaas galaaftay kumanaan qof, malaayiin qofna ay ku barakiciyeen, halka boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.

“Ciidanka ENDF (Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya) waxay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Shire, Alamata, iyo Korem iyadoo aan dagaal ka dhicin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya.

Afhayeenka ciidamada Tigreega ayaan ka jawaabin codsi la xiriira hadalka dowladda, iyadoo dhinaca kale, maamulka Tigraygu ay qireen inay gacantooda ka baxday magaalada Shire oo ah magaaloo istiraatiiji ah, oo ku taalla qiyaastii 140 km (90 mayl) waqooyi-galbeed ee Mekelle.

Shire waxay leedahay garoon diyaaradeed waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka. Waxay magaaladan martigelisaa tobannaan kun oo qof oo ka barakacay degaannada kale ee colaaduhu ka jiraan.

Mid ka mid ah dadka deggan magaalada Mekelle ayaa sheegay in dadku ay ku yaaceen goobaha laga adeegto, si ay usoo gataan, una kaydsadaan waxyaabaha aasaasiga ah, iyadoo ay sii kordhayso maciishaddu iyo cabsida laga qabo in ciidamada federaalka iyo kuwa Eritrea ay yimaadaan magaaladaas.

Colaada Tigreega ayaa salka ku haysa loolan dheer oo u dhexeeya kooxaha awoodda ku leh gobolka, kaas oo ku saabsan cidda la wareegeysa talada Itoobiya, iyo sidoo kale ismaandhaaf hoose oo salka ku haya sidii la isugu dheeli tiri lahaa awoodaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dhowr sarkaal oo Maraykan ah, Madaxda dowladda ayaa dhamaantood ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah, in la bilaabo wadahadallo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika iyo in ciidamada Eritrea laga saaro Itoobiya.

VOA + Reuters.

Sawirro: Soomaaliya oo ballan-qaad muhiim ah ka heshay dowladda Belgium-ka

0

Brussels (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shalay la kulmay dhigiisa dalka Belgium, Marwo Eliane Tillieux oo ayadu ku soo dhaweysay xarunta baarlamaanka ee Brussels.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay horumarinta iyo tayada howl-wadeenada baarlamaanka Soomaaliya iyo weliba iskaashiga dhanka aqoonta, oo qeyb ka yihiin xildhibaanada.

“Gudoomiyaha Golaha Wakiilada dalka Belgium Marwo Eliane Tillieux, ayaa wafdiga uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadcelisay inay booqda xarunta baarlamaanka Belgium,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankaan.

Marwo Eliane Tillieux ayaa sidoo kale waxay dhankeeda ballan-qaaday in la xoojin doono xiriirka saaxiibtinimadda labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Belgium-ka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa uga mahad-celiyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyey, wuxuuna ballan-qaaday inay ka wada shaqeeyaan horumarinta baarlamaanka.

Daawo: Rooble oo sheegay in reer Galmudug ay ku jiraan xaalad aysan u qalmin

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Dhuusamareeb ku sugan ayaa ka hadlay shirkii maanta u soo idlaaday siyaasiyiinta reer Galmudug, kaas oo laba maalmood ka socday madaxtooyada Galmudug.

Rooble ayaa sheegay in Dhuusamareeb ay u tegeen inay Galmudug ku garab istaagay sidii looga xoreyna lahaa Al-Shabaab, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta ay Al-Shabaab dhul ka tirsan Galmudug dad aan waxaba galabsan ku dilayaan.

“Awooweyaasheenii hore hadey maanta ogaan lahaayeen xaaladda aan ku jirno iyo sida Shabaab noo gelaayo, waxay ku dhaara lahaayeen in aysan na dhalin, gacmahaa isku kaana kor saran diyaarna uma nihin dagaal, runtii taas nalaguma aqoon,” ayuu yiri Rooble.

Wuxuu sheegay in shirkaan ay ku go’aamiyeen in dhamaan siyaasiyiintu ay tagaan furimaha dagaalka ee Galmudug, “Waxaan diyaar u ahay in jiida hore aan tago oo Madaxweynaha ku taageero hoggaaminta howlgalka,” ayuu yiri.

Siyaasiyiinta kale ayuu ugu baaqay in nin kasta uu deegaankiisa ka xoreysto Al-Shabaab oo dadkiisii uu dib ugu laabo, “Anigu gobollo kale waan tegayaa, laakiin Galmudug waa bud dhigeygii oo ayadaan ka bilaabay hadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Rooble.

Ugu dambeyntii Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka uga mahad celiyey dagaal gelinta dadka iyo ciidanka qaranka, si looga guuleysto dhibaatada dhowka sano ay dalka ka wado kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

DF oo war cusub ka soo saartay go’aankii xalay ka soo baxay dowladda Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka  cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka ka taageera kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu lagu faray in laamaha kala duwan ee dhaqaalaha Soomaaliya inay ka fogaadaan la macaamilka iyo wada-shaqeynta shakhsiyaadkan ‘dembiileyaasha ah’ ee ku xusan liiskan cunaqabateynta.

‘Tallaabadan ay xukuumadda Washington qaaday ayaa ka dhalatay baaritaano ay si wadajir ah u wadeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxayna qeyb ka tahay dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada sida khaldan diinta Islaamka u adeegsaneysa, baneysateyna dhiigga Muslimiinta aan waxba galabsan,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Wuxuu go’aankan ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan soo saartay awaamiir loogu digayo cid kasta oo dhaqaale ama lacago u uruurineysa argagixisada.

“Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ay daashadeen gabbood-falada ay argagixisada ka wadaan dalka ayaa guulo waaweyn ka soo hoyay dagaalka ay kula jiraan kooxaha arxan-laaweyaasha ah ee diinta Islaamka ku gambaneysa,” ayuu lagu yiri warka dowladda ka soo baxay.

Ugu dambeyntii waxaa war-saxaafadeedkaan lagu yiri, “Khasaaraha maliishiyaadka Khawaarijta la gaarsiiyay ayaa isugu jira dhimasho, dhaawac iyo qaar kale oo badan oo isa soo dhiibay ama la qabtey.”

DF oo shaacisay deegaano hor leh oo qeyb ka noqonaya kacdoonka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Dowladda federaalka Soomaaliya ay markale shaacisay in kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ay dhawaan ka bilaaban doonaan deegaano kale oo hor leh.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Sareeye guuto Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in saraakiisha ku howlan yihiin howl-galo millateri oo lagu xoreynayo deegaano hor leh oo ka tirsan maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabelle.

“Sida la socotaan dalka waxa ka socda howl-gal millateri oo si wada-jir ah uga howl-galayaan xoogaga kacdoonka shacabka Soomaaliyeed, ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta dowlad-goboleedyada, howl-galkaas si fiican ayuu uga socda meelaha uu ka bilowday guulo badan waa laga gaaray oo dowlad-goboleedyada kalena abaabul iyo diyaar garow ballaaran ayey ku jiraan,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “howl-galkaan dambe oo gobolada diyaar garowga ay ku jiraan waxa uu bilaabmi doona toddobaad gudahiisa, marka uu halmar bilowdana waxa rajeynayna cadowga umadda Soomaaliyeed in uu dalka ka suulo.”

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu si gaar ah u xusay in abaabulka u xoogan uu ka socdo maamulka Koonfur Galbeed oo ay ku sugan yihiin Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha xooga dalka Soomaaliyeed.

“Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha xooga waxay joogaan Koonfur Galbeed waxa la qorsheynaya oo la diyaarinaya howl-galadii laga bilaabi lahaa deegaanada maamulkaas ee cadowga gacanta ku hayo sida; Tiyeeglow, Rabdhuue, Yeed iyo wixii lamid ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dalka intiisa badan marka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab in la isugu tagi doono gobolka Jubbada Dhexe, islamarkaana laga sifeyn doono cadowga.

DF oo mar kale garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka xirtay Cabdalla Muumin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururuka u dooda xuquda suxfiyiinta Soomaaliya ee Somali Journalists Syndicate ayaa sheegay in xoghayaha guud ee ururkaas Cabdalle Axmed Muumin ay mar kale qabteen ciidamada dawladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay soo dhigeen barta twitter-ka ayey ku sheegeen in la qabtay isaga oo doonayey inuu ka baxo garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo isku dayaya inuu siyaabo caafimaad u daado Nayroobi, Kenya.

SJS ayaa sheegtay inay cambaaraynayso tallaabadaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in amarka hadda lagu xeray weriye Cabdalle uu ka yimid taliyaha booliiska.

Cabdalle Axmed Mumin ayaa damiin lagu soo daayey maalintii Axadda kadib markii uu xirnaa tan iyo October 11-keedii.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli dacwad kusoo oogin Cabdalle, inkasto xaakimka maxkamadda gobolka Banaadir uu dib u dhigay kiiskiisa muddo 45 maalmood ah. Sidoo kale dawladda Soomaaliya weli kama jawaabin hadalka SJS ee ah in dib loo qabtay Cabdalle Axmed Muumin.

Dhinaca kale, ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee CPJ ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mar kale la xiray Cabdalla, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo.

“CPJ waxay aad uga niyad jabtay inay ogaatay in wariye iyo u doodaha xoriyadda saxaafadda Soomaaliyeed Cabdalle Axmed Muumin dib loogu xiray Muqdisho. Mas’uuliyiinta waa in ay si deg deg ah usii daayaan oo ay soo afjaraan dhibaateyntan,” ayaa lagu yiri qoraal uu ururka soo dhigay twitter-ka.

DF oo go’aan kasoo saartay sida laga yeelayo xaasaska iyo caruurta Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa shaacisay in aan la bartilmaameedsan karin xaasaska iyo caruurta dadka ka tirsan Al-Shabaab.

Amarkaan oo si toos ah uga soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxa sidoo kale lagu faray in aan la dili karin qof aan dembi ku jirin ama isa-soo dhiiba.

“Ciidamada waxaan u sheegaynaa siyaasada dowladda, ninkii isdhiibiya waa in lasoo dhaweeya, xaaska iyo carruur loo nisbaynayo Al-Shabaab waa in aan la dili karin, haddii dambi aysan ku jirin,” ayuu yiri Afhayeenka wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cali Caanood.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Maxaa yeelay dowlad baanu nahay, in aan cadowgaas naga qabsaday kasoo fujinaan doonaynaa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenku inay ka warqabaan in Al-Shabaab dhallinyaro badan ay qafaasheen si ay u galiyaan dagaalka ay dawladda kula jiraan, kuwaasi oo ugu baaqay inay isa-soo dhiibaan marka ay dagaalada usoo diraan.

Waxa uu ballan-qaaday isagoo ku hadlaya afka dowladda in ciidamadu ay si wanaagsan u soo dhaweyn doonaan dhalinyarada isa-soo dhiibta ee ay qaladay argagixsada.

Awaamiirtan ayaa imanaysa xili dhawaan uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu soo jeediyay in la bartilmaameedsado qoysaska Al-Shabaab, si loo dareensiiyo dhibaatada ay kooxdaasi ku hayaan Shacabka.

Sawirro: Beesha caalamka oo cadaadis ku billowday Deni iyo shir ka dhacay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir-guddoomiyey Shirweyne ay Beesha Caalamka iyo Dowladda Puntland isugu yimaadeen, kaasi oo ay kasoo qeyb-galeen wafdi ka socda saaxiibada Soomaaliya ee caalamka.

Kulankan ayaa sida aan xog ku helnay waxaa ujeedkiisu ahaa in madaxweyne Deni lagu cadaadiyo qabashada iyo dhameystirka doorashada Goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Wafdiga oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa waxay qeyb ka yihiin Safiirada Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Midowga Africa, Midowga Europe, Norway iyo IGAD.

Kulankaan ayaa waxay dhinacyadu uga wada-hadleen doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacaya degmooyinka Puntland, ayada oo guddiga doorashooyinka Puntland TPEC uu shirka la wadaagay meesha wax u marayaan iyo farsamo ahaan inay diyaar u tahay qabashada doorashada goleyaasha deegaanka.

Sidoo kale waxay xukuumadda soo bandhigtay tallaabooyinkii dardar-gelinta ah ee ay qaaday iyo inay ka go’antahay in dhacdo doorasho Gole deegaan oo ku dhacda jawi ku xasiloon, loo dhan yahay laguna tartami karo.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhinacooda waxay muujiyeen inay ka go’an tahay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay la garab taagan yihiin hirgelinta nidaamka doorasho ee goleyaasha deegaanka ee Puntland.

“Waxaa la isla qaatay Doorashada Goleyaasha deegaanka ee Puntland in ay muhim u tahay, daadejinta awooda iyo kheyraadka iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya, hadii ay Puntland ku guuleysatona waxay noqon karta wax Soomaaliya laga hirgelin karo,” ayaa lagu yiri qoraal ay Madaxtooyada Puntland kasoo saartay kulankaan.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wada-yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Puntland, sida Amniga, Abaaraha, Dowlad wanaaga iyo Mashaariicda horumarin.

Ciidanka xildhibaan Xaadoole oo degaano cusub qabsaday iyo wararkii u dambeeyey

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya ee howlgalka ka bilaabay Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa degaano horleh oo hoos taga degmada Balcad kala wareegay kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada uu hoggaaminayo Xildhibaan Cismaan Xaadoole la wareegeen degaanada Bariga degmada Balcad ee kala ah: Jamceeco Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaareey, Jameeco Mubaarak, Doonka Maxaa Colow iyo Mansaale

Xildhibaan Cismaaciil Xaadoole ayaa laga soo xigtay inay gacanta ku dhigeen 30 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo Gobolka Sh/Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in rajo laga qabo inuu isu furmo jidka u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo Al-Shabaab ay qaraxyo iyo weerarro jidgal ah ku qaadi jireen, una xirmay qaraxyada iyo weerarrada Al-Shabaab.

Dhinaca kale, ciidamada Dawladda iyo dadka degaanka oo is kaashanayaa ayaa saaka aroortii  hore howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Xalfooleey oo ku yaalla meel u dhow xadka kala qaybiya gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysa ayaa sheegay in ciidamada oo si xirfadaysan jidka ugu galay Al-Shabaab socoto ahaa ay gubeen mid ka mid ah gawaaridii ay wateen, islamarkaana ay dileen tobaneeyo ka tirsan Al-Shabaab ee halkaas ku safrayay.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in qorshahaan weerarka ah uu yahay mid ku cusub Al-Shabaab, ciidamada dowladana ay markasta diyaar u yihiin inay beegsadaan halkii lagu arko xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Cumar Abu Ayaan: Waxba sooma kordhineyso tallaabada Mareykanka ee Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale cunaqabateyn horleh ku soo rogtay shaqsiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegtay inay ka tirsan yihiin shabakad ururka u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo keenista hubka.

Xubnaha xayiraadda la saaray ayaa gaaraya illaa 10 ruux, waxa ka mid ah Cabdullahi Jeeri oo ah madaxa kooxda Al-Shabaab ee keenista hubka, Khalif Adale oo Al-Shabaab u qaabilsan lacag kasoo uruurinta ururada aan dowliga aheyn ee NGO-yada, iyo Xasan Afgooye oo ay horey dowladda Mareyankanka madaxiisa u dul-dhigtau5 milyan oo Dollar.

Haddaba maxay soo kordhin kartaa xayiraadda cusub ee Maraykanku ku soo rogay Shabaab?

Cumar Maxamed Abu Ayaan oo horey uga tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab, isla-markaana haatan ku nool dalka Sweden ayaa shaaca ka qaaday in tallaabada Mareykanka uu qaaday aysan waxba ka duwaneyn kuwii hore, gaar ahaan cunaqabateyntii uu horey usoo rogay, sida uu hadalka u dhigay.

Abu Ayaan oo u warramay VOA ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan saameyn xoogleh ku yeelan karin xayiraaddaan cusub ee hadda lagu soo rogay 10 xubnood oo ka mid ah ururka iyo taliyeyaashooda, wuxuuna tilmaamay in kooxdan ay tahay mid maxali ah isla-markaana aysan jirin shaqsiyaad taajiriin ah oo ka soo maal-geliya dibadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Horta Al-Shabaab ma’aha sida waddamada kaleeto oo shaqsiyaad taajiriin ah ay maal-gelinayaan waa urur maxalli ah oo aan dibadda aadin. Cunaqabateynta Mareykanka waxay la mid tahay kuwii horey loo soo saaray,” ayuu yiri Cumar Maxamed Abu Ayaan.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay in kooxda Al-Shabaab aysan isticmaalin bangiyada caalamka, ayna lacagaha ay hesho ka qaado shacabka iyo ganacsatada Soomalaiyeed.

“Cunaqabateyntaan waxaan is leeyahay waxba kama tareyso, dadkan weligood Bangi dibadda ah ma isticmaalin, xoolahooda bangiyada caalamka ma yaallaan waxa ay ku nool yihiin waxa ay ka dhacaan shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale Cumar Maxamed Abu Ayaan ayaa xusay inay muhiim tahay in Al-Shabaab lagala dagaalamo ilaha ay ka helaan dhaqaalaha gudaha, sida canshuuraha & Zakawaatka.

“Haddii la rabo in la naafeeyo dhaqaale ahaan waa in la gala dagaalmo ilaha ay wax kasoo galayaan , sida canshuuraha iyo Zakawaatka waxa ay ku sheegaan,” ayuu markale yiri.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan wajaheyso dagaal wejiyo kala duwan leh, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo saaxibada caalamka ee taageera, waxayna arrimahan ay ku soo aadayaan ayadoo haatan kacdoon shacab uu ka socdo dalka.

Xiisadda Puntland oo kasii dartay iyo dibadbaxyo dhacay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya in haatan ay kasii dareyso xiisadda ka taagan maamulkaasi, taas oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashada oo ay isku hayaan madaxweyne Deni iyo ururada kale ee siyaasadda.

Xiisadda ayaa haatan kusii fidieysa magaalooyin horleh, waxaana maanta dibad-bax ballaaran uu ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo ay dhigeen shacabka ku dhaqan magaaladaasi oo xarun ganacsi u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dadweynaha ayaa dibadbax kala hortegay xubno ka mid ah guddiga doorashada Puntland oo Boosaaso u tegay qiimeynta doorasho qof iyo cod ah oo uu haatan qorsheynayo in madaxweyne Saciid Deni ka qabto illaa 12 degmo, wallow taasi si weyn loogu dhaliilay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dibadbaxayaasha iyo ciidamada ammaanka ay isku dhaceen, taas oo keentay in rasaas lagu kala eryo dadka isugu soo baxay halkaasi.

Ma cadda waxyeelada ka dhalatay rasaasta ay ciidamada ku fureen dibadbaxayaasha, balse haatan xaaladda ayaa ah mid deggan, sida ay inoo sheegeen dad goobjooagayaal

Maalin kahor ayey aheyd markii maleeshiyaad hubeysan oo ka soo horjeeda Puntland ay duleedka degmada Garoowe ka qabsadeen agab loogu talagalay doorashada iyo gaadiid ay la socdeen xubno ka tirsan guddiga ku meel gaarka ah doorashooyinkamaamulkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse Deni ayaa wajahaya culeys aad u xoogan oo uga imaanayao reer Puntland oo ay xittaa ku jiraan madaxdii hore ee maamulkaasi.

Si kastaba, Mudaaharaadka Boosaaso ayaa kusoo beegmay xilli ay Puntland wajahayso qalalaase ka dhashay doorashooyinka lagu muransan yahay ee tooska ah.

Ciidamada Abiy Ahmed oo qabsaday magaalo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Tigray

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dalka Ethiopia ayaa Isniintii sheegay inay qabsadeen magaalo ku taalla gobolka woqooyi ee ay colaaduhu ka taagan yihiin ee Tigray.

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay inay doonayaan inay si degdeg ah gacanta ugu dhigaan garoomada diyaaradaha iyo kaabayaasha kale ee gobolka Tigray. 

Ciidamada federaalka Ethiopia oo kaashanaya dhinacyo kala duwan ayaa Isniintii gacanta ku dhigay magaalada Shire ee ku taalla dhinaca woqooyi galbeed ee gobolka Tigray, sida ay xaqiijiyeen afar ilo-wareed oo ah kooxaha qaabilsan gargaarka bini’aadanimo oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP.

Dhinaca Tigraygu wax jawaab ah kama bixin arrintan.

Magaaladan Shire ayaa marti gelisay dad badan oo barakacayaal ah, waana xaruntii ugu weynayd ee ay ciidamada dawladdu gacanta ku dhigaan beryahan.

 Deegaanka Shire oo maalmihii lasoo dhaafay ay dagaallo culus ku dhexmareen dhinacyadii dagaalamay ayaa ah goobta Jimcihii lagu dilay shaqaale ka tirsan guddiga samatabixinta caalamiga ah (IRC) oo gargaar qaybinayay.

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Isniintii ka digay in xaaladda woqooyiga Ethiopia inay u muuqato “mid faraha ka sii baxaysa”, isagoo sheegay inaanay tallaabo milateri xal u noqon karin colaadda ka jirta gobolkaas.

“Rabshadaha iyo burburku waxay gaareen heer aad looga naxo, qaab nololeedkii bulshadu wuu burburay” ayuu yiri xoghaye Guterres, xilli uu ku sugnaa mid ka mida xarumaha Qaramada Midoobay. 

“Colaadda ka jirta gobolka Tigray ee dalka Ethiopia waa in haatan la soo afjaraa – iyada oo ay [ku jiraan tallaabooyinka ay tahay in la qaado] ka bixitaan degdeg ah iyo in dhulka Ethiopia laga saaro ciidamada hubaysan ee Eritrea,” ayuu sii raaciyey.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in beesha caalamku inay tahay inay isu yimaadaan si loo soo afjaro colaadda muddada labada sano ah ka socotay dalka Ethiopia, taasoo ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen kumanaan qof, halka ay malaayiin kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.

“Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay taageerto dedaalada Midawga Afrika si kasta oo suurtogal ah, si loosoo afjaro colaaddan murugada ku reebtay shacabka Ethiopia” ayuu yidhi, isaga oo hadalkiisa ku daray “Waxaan u baahanahay in si degdeg ah dib loogu bilaablo wadahadallo wax ku ool ah oo horseedi kara hannaan siyaasadeed oo waara.”

Baaqa xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa qayb ka ah, bayaan uu soo saaray guddoomiyaha Midawga Afrika Mousa Faki Mahamat, oo Sabtidii isaguna ku baaqay in la dhaqan geliyo xabadjoojin cusub iyo in dib loo bilaabo adeegyada bini’aadanimo.

Dublamaasiyiinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in saddexda ergay ee Afrikaanka ah — ee ka kala socda Gabon, Ghana iyo Kenya — inay codsadeen kulan gaar ah oo degdeg ah, si ay warbixinno uga helaan Midowga Afrika iyo waaxda bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Itoobiya ayaa Isniintii sheegtay inay ka go’an tahay in si nabad ah lagu xalliyo colaadda iyadoo loo marayo wadahadal uu hoggaaminayo Midowga Afrika, halka xukuumadda gobolka Tigray ay sheegtay inay ixtiraamayso baaqa Midowga Afrika ee xabbad-joojinta degdegga ah.

Dowlada iyo Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa wali ku heshiinin cida hogaaminaysa hannaanka wadahadalka. Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa hadda ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika.

Wadahadallada nabadeed ee la qorsheeyay in bishan ka furmaan dalka Koonfur Afrika ayaa guul daraystay ka dib markii la isku fahmi waayay arrimo farsamo iyo dhinaca saadka.

Daawo: Ciidan laga dejiyey Bardaale iyo wasiirka difaaca oo isugu yeeray saraakiisha

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa galabta diyaarado lagu geeyey degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Waxaa la qorsheeyey in Bardaale maalmaha soo socda si rasmi ah looga bilaabo dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada maamulka K/Galbeed.

Koonfur Galbeed waxaa abaabul xooggan ka wada wasiirka gaashandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, kuwaas oo shalay Baydhaba kula kulmay madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen, waxayna kala hadleen dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Xoogga ayaa shalay kulan isugu yeeray saraakiisha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed.

Kulanka kadib Wasiir Jaamac oo saraakiisha u khudbeeyey ayaa ku booriyay inay dar-dar galiyaan howlgallada deegaanada K/Galbeed looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dejisay qorshe dhameystiran oo dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, isagoo ku adkeeyey in Koonfur Galbeed ay ka difaacaan Al-Shabaab-ka ka soo carari doona gobollada kale ee dagaaladu ay ka socdaan.

Sidoo kale wasiir Jaamac ayaa saraakiisha u gudbiyey qorshahooda ku aadan dib u xoreynta deegaanada ay K/Galbeed ka joogaan Al-Shabaab, wasiirka iyo taliyaha xoogga oo maalin ka hor Baydhaba tegay ayaa K/Galbeed ka wada abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

IMF oo warbixin kasoo saartay deyn cafinta Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa warbixin cusub kasoo saartay deyn cafinta Soomaaliya, gaar ahaan hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee barnaamijka deyn cafinta (ECF) oo lagu kala qabtay Nairobi iyo Washington.

Madaxa guud ee IMF Laura Jaramillo ayaa boggaadisay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aadan hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka deyn cafinta, waxayna ay sheegtay haddii lasii wado dadaalladan laga gun gaari doono deyn cafinta oo sanado fara badan soo socotay

“Haddii Soomaaliya ay sii waddo horumarka joogtada ah ee ku aaddan dib-u-habaynta, waxa ay gaari kartaa heer gabagabo ah hannaanka cafinta daynta cafinta caalamiga ah,” ayay tiri.

Jaramillo waxay sidoo kale sheegtay tallaabooyinka ay Soomaaliya waddo inay u oggolaan doonta in ay daynta ka dhigto ku dhawaad 550 milyan oo dollar halka ay ka ahayd $5.2 bilyan.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in Soomaaliya ay weli u baahan tahay sii socosho iyo taageero degdeg ah oo ay ka helaan saaxiibada caalamiga ah, si loo gacan siiyo,

Dhanka kale wasiirka wasaaradda maaliyadda, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhoweeyey warbixinta ay soo saartay IMF, wuxuuna shaaca ka qaaday in dowladdu ay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aadan ka mira-dhalinta barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan ku faraxsanahay Warbixinta ay soo saartay hey’adda Lacagta Adduunka IMF ee ka hadlaya natiijida wanaagsan ee ka soo baxday hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) Shirarkaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa sanadihii u dambeeyey waqti badan gelisay barnaamijka deyn cafinta, oo dhammeystirkiisa muhiim u ah dalka, si loo helo maalgashi caalami ah.

Daawo: Xogta qorshaha ay wadaan siyaasiyiinta tegay magaalada Dhuusomareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa faahfdaahin ka bixiyey safarka wafdigii ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaamiyey ee Axadii tegay Dhuusamareeb.

Cali Ciid ayaa sheegay in Dhuusamareeb uu ka furmay shir ay isugu yimaadeen 11-ka beelood ee dega Galmudug, kaas oo looga tashanayo sidii looga qeyb qaadan lahaa dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

“Iyadoo laga faa’iideysanayo duufaanta dalka ka socota ee la isaga xoreynayo Al-Shabaab ayaa shirkaan Dhuusamareeb ka furmay waxaa looga tashanayaa sidii ay Galmudug oo gacmaha is heysata ay qeyb uga noqon laheed, wixii shirkaan ka soo baxa ayaa lala aadayaa howlgalka,” ayuu yiri Cali Ciid.

Wuxuu sheegay in Galmudug ay ugu yeeratay xubnaha ku metela dowladda federaalka inay la kaashato dagaalka deegaanada maamulka iyo guud ahaan dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uga mahad celiyey dagaalka uu iclaamiyey ee lagu qaaday Al-Shabaab, isagoo beelaha ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadaan.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegayaa maanta wado kale nooma fura, Al-Shabaab waa inay naga adkaadaan ama aan ka adkaano, wada noolaasho dambe waa dhamaaday, waa in la kala adkaadaa,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Cali Ciid oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in shirkaan uu Dhuusamareeb ka soca doono laba maalmood, kadib la aadi doono furimaha dagaalka oo howlgal culus uu ka bilaaba doono Galmudug.

“Galmudug howlgalka Soomaaliya ka socda waxay u tahay laf-dhabar, ciidankii Galmudug ayaa ka dagaalama Hiiraan – Yasooman, dagaalka waan ku jirnaa hadda waxaan ku dhaqaaqeynaa inaan xoreyno degmooyinkii muhiimka ahaa ee Xarardheere, Ceelbuur iyo Ceeldheer,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Mareykanka oo shaaciyey shabakadaha lacagta iyo hubka u qaabilsan Al-Shabaab

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa maanta shaacisay shabakadda fududeynta dhaqaalaha iyo hubka ee kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo door hoggaamineed ku dhex leh Al-Shabaab, islamarkaana qaabilsan xiriirka kooxda iyo shirkadaha Soomaaliya ee lacagta baadda ah laga qaado.

Shabakaddan, oo xayiraad lagu soo rogay ayaa sida ay Waaxdu sheegtay ku hawlan soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo qorista askarta ee kooxda Al-Shabaab.

Marka laga soo tago inay hoggaamiyeyaal ka yihin Al-Shabaab, fududeeyayaashan ayaa sidoo kale xiriir toos ah la lahaa saraakiisha Al-Shabaab ee horey Mareykanku ugu daray liiska argagixisada. 

“Waaxda Maaliyadda waxay diiradda saareysaa aqoonsiga iyo carqaladaynta shabakadaha sharci darrada ah ee Al-Shabaab ee ka hawlgala Bariga Afrika,” ayuu yiri Brian Nelson oo ah kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee dhanka argagixisada iyo sirdoonka maaliyadda. 

“Waan sii wadi doonnaa inaan qaadno tallaabo ka dhan ah soo-gelinta hubka sharci-darrada ah iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale ururinta ee Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xiriirka la leh al-Qaacida.”

Waaxda Maaliyadda ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay maal-gelisay dadaallada al-Qaacida ee caalamka oo idil, oo ay ku jirto inay lacag u qeybiso kooxaha kale ee al-Qaacida xiriirka la leh. 

Waxay intaas ku dartay in Al-Shabaab ay sanadkii soo xareyo dakhli dhan 100 milyan oo dollar oo ay ka hesho ilo-dhaqaale oo kala duwan, sida baadda ganacsatada iyo shaqsiyaada, canshuurta la saaro badeecadaha iyo fududeynta ganacsiyada sharci-darrada ah

“Dakhliga kooxda ayaa taageeray awoodda kooxda, hoggaanka iyo weerarada ka dhanka ah shacabka Soomaaliya,” ayey tiri Waaxda.

“Al-Shabaab waxay horey u qorsheysay inay kala qeybsanaan ka dhex abuurto dowladda federaalka iyo xoogagga mucaaradka Muqdisho, si ay dib ugu dhigto doorashooyinka federaalka.”

Haddaba magacyada shaqsiyaadka Mareykanka shaaciyey ayaa ka ah:

ABDULLAHI JEERI: Dhammaadkii 2021, Abdullahi Jeeri (Jeeri) waxa uu si sharci-darro ah hub ugu soo geliyey Al-Shabaab. Jeeri waa madaxa Al-Shabaab ee keenista hubka, wuxuuna Al-Shabaab hub uga keenay gudaha dalka iyo hub iibiyeyaal shisheeye ah oo badankood ku sugan Yemen.

Jeeri waa isku xiraha Al-Shabaab iyo ganacsiyada gudaha Soomaaliya, wuxuuna soo ururiyaa canshuurta ay kooxda soo rogto. Waxa uu sidoo kale xubin ka yahay Golaha Shuurada kooxda, isaga oo dhanka kalena mar taliye usoo noqday cutub ka tirsan ciidamada Al-Shabaab.

KHALIF ADALE: Khalif Adale (Adale) waa madaxa maaliyadda Al-Shabaab ee lacag kasoo ururinta ururada aan dowliga aheyn NGOs, wuxuuna si toos ah ugu warbixiyaa amiirka kooxda Axmed Diiriye.

Adale wuxuu horey xubin uga ahaa kooxda Mahad Karate uu hoggaamiyo ee Al-Shabaab, wuxuuna xiriir toos ah la lahaa Karate. Dowladda Mareykanka ayaa Mahad Karate liiska argagixisada ku dartay April 10, 2015.

Illaa 2018, Adale wuxuu ahaa sarkaal maaliyadeed oo kaalintiisu tahay inuu u dhaxeeyo Al-Shabaab iyo ganacsiyada sharciga ah, isaga oo qaabilsanaa inuu soo ururiyo lacagaha waa weyn ee ganacsiyada lagu soo rogo. Wuxuu sidoo kale qaabilsanaa inuu dhex-dhexaadiyo khilaafyada soo kala dhex-gala qabiilada iyo inuu dagaal-yahano usoo qoro kooxda. 

Dhammaadkii 2017, hoggaamiyeyaal sare oo Al-Shabaab ah, oo uu ku jiro Adale, ayaa diyaariyey 600 oo dagaalyahan inay tababarto kooxda Al-Shabaab, wuxuuna bixiyey lacag la siiyey qabaa’ilka ay ka dhasheen. Dagaalyahanadaas ayaa ahaa caruur da’doodu u dhaxeyso 10 illaa 15 oo laga soo ururiyey xaafadaha si loogu diyaariyo howlgallada mustaqbalka ee kooxda.

HASSAN AFGOOYE: Mareykanka wuxuu ballan-qaadayaa illaa $5 milyan oo la siinayo cid kasta oo keenta akhbaar ku saabsan Hassan Afgooye oo ah hoggaamiye muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Afgooye waxa uu madax ka yahay shabakad maaliyadeed oo dhaq-dhaqaaqyadeeda ay ka mid yihiin lacagaha lagu soo ururiyo sadaqada beenta ah, baadda, iyo afduubka si loogu taageero Al-Shabaab. Afgooye waxaa loo arkaa inuu muhiim u yahay sii socoshada howlgallada Al-Shabaab.

Afgooye wuxuu sarkaal sare kasoo noqday Waaxda Maaliyadda ee Al-Shabaab markii uu hoggaaminayey Mahad Karate. Waxa uu kadib madax ka noqday Waaxda Maaliyadda Al-Shabaab.

Afgooye ayaa sidoo kale mas’uul ka ahaa xiriirka Al-Shabaab ee shirkadaha gudaha, wuxuuna si gaar ah u qaabilsanaa wada-xaajoodka isaga oo wakiil ka ah Al-Shabaab.

ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE: Abdikarim Hussein Gagaale (Gagaale) waxa uu ahaa ku-xigeenka madaxa Maaliyadda ee Al-Shabaab markii uu xukumayey Mahad Karate. 

ABDI SAMAD: Abdi Samad (Samad) waa mintid ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha Hoggaanka Sare ee Kooxda. Sanadii 2010, Al-Shabaab ayaa bixisay qarashkii ku baxay shahaadadii Jaamacadeed ee Samad oo ay ku jirto safarka iyo lacagta Jaamacadda.

Sanadii 2018, Samad wuxuu howl daba-gal iyo cilmi-baaris ah u sameeyey kooxda Al-Shabaab. 

ABDIRAHMAN NUREY: Abdirahman Nurey (Nurey) waa isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale keydiyey, kala wareejiyey islamarkaana been xalaaleeyey lacagta digital-ka ee Al-Shabaab. 

Nurey waxa uu lacagta kasoo ururiyaa madax hoosaadyada maaliyadeed ee Al-Shabaab una gudbiyaa madaxda sare ee maaliyadda ee Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday shabakadda hubka ee Al-Shabaab

Qoraalka kasoo baxay Waaxda Maaliyadda ayaa lagu sheegay Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas) inay qeyb ka yihiin shabakadda Al-Shabaab u qaabilsan hubka sida sharci-darrada ah looga keeno dalka Yemen.

2017 illaa 2020 doomo uu leeyahay Mataan ayaa Al-Shabaab ay u adeegsatay inay hub badan kusoo geliso Soomaaliya, kaasi oo laga keenay dalka Yemen kadib heshiis dhex-maray labada dhinac.

Salad ayaa isna la sheegay inuu shirko ganacsi la yahay Mataan, uuna fududeeyey in hub Al-Shabaab u socda lasoo geliyo Soomaaliya. Hubka ay Soomaaliya soo geliyeen ayaa waxaa ka mid ah miinooyinka, walxaha qaraxyada laga smaeeyo iyo qoryaha AK-47. 

Muddo shan sano gudaheed ah, Salaad ayaa in ka badan $700,000 ka helay shaqsiyaad hubka soo iibsada oo saldhigoodu yahay Puntland. Wuxuu sidoo kale isku xiraa dadka Yemen hubka ka keena iyo kuwa iibsada ee ku sugan Puntland.

Badaas waxa uu xubin ka yahay Al-Qaacidada Jasiiradda Carbeed ee dalka Yemen, wuxuuna ku jiraa shabakadda Al-Shabaab u qaabilsan hubka sida sharci-darrada ah looga keeno Yemen. Badaas wuxuu fududeeyey hubka laga soo dhoofiyo Yemen ee loo soo diro Al-Shabaab.  

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa si waafaqsan Waaxda Maaliyadda waxay iyana xayiraado kusoo rogtay shaqsiyaad kale oo xubno ka ah ama hoggaan ka haya Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah: Mohamed Mire, Yasir Jiis, Yusuf Ahmed Hajji Nurow, Mustaf Ato, iyo Mohamoud Abdi Aden.

Maxay ka dhigan tahay xayiraadda?

Xayiraadda ayaa ka dhigan in laga billaabo maanta, dhammaan hantida shaqsiyaadkan iyo wax kasta oo ay leeyihiin si toos ah ama si dadban wax ka badan 50%, hantidaas oo taalla Mareykanka ama ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad Mareykan ah ay tahay in la xayiro laguna soo wargeliyo xafiiska OFAC ee Waaxda Maaliyadda.

Waxaa intaas dheer, in la mamnuucay in lala macaamilo shaqsiyaadkaas ama wax xiriir ganacsi ah lala sameeyo. 

Askar ka tirsan ciidanka QM oo lagu dilay dalka MALI

0

Bamako (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Chad ayaa lagu dilay dhinaca woqooyi ee dalka Mali, ka dib markii ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda loogu aasay.

Sidoo kale waxaa jira in tiro kale oo ka mid ah ciidanka QM ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Dhimashada askartan ayaa ku soo beegmaysa, hal maalin uun ka hor, inta aanu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay shir gaar ah ka yeelan hawlgalka Mali, kaas oo ah, hawlgalkii ugu khatarta badnaa ee Qaramada Midoobay hoggamiso, xattaa ka hor intii aanay ciidamada Faransiisku ka bixin dalka Mali.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in saddex askari oo kale oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalintu inay six un u dhaawacmeen, kuwaasoo lagu daawaynayo cusbitaal ay leedahay Qaramada Midoobay.

Goobta miinadu kula kacday ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa illaa 10 KM u jirta magaalada Tessalit ee gobolka Kidal.

Kooxaha Islaamiyiinta ayaa gobolkan saamayn ku leh, iyaga oo walxaha qarxa dhulka ku aasa.

Khasaare dhimasho oo culus oo ka dhashay qarax caawa ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay, tiro kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qarax miino oo caawa ka dhacay xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dadka uu soo gaaray khasaarahaan ay dhamaantood yihiin shacab halkaas marayey, wadada ayaa ah mid mashquul badan.

Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxaasi ka dhacay ayaa muujinaya in khasaaraha ugu badan uu gaaray dad la socday ugu yaraan labo mooto Bajaaj oo qaraxaasi uu haleelay.

Dhaawacyadii dadkaas aan waxaba galabsan ayaa loola cararay isbitaallada magaalada Muqdisho, lamana yaqaan cidda uu ahaa bartilmaameedka qaraxaan.

Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin khasaaraha ka dhashay qaraxaan iyo cida uu ahaa bartilmaameedku.

Kooxda Al-Shabaab ayaa fulisa qaraxyada iyo dilalka ka socda dalka, waxaana xusid mudan in gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka inta ay ka joogaan uu hadda ka socdo kacdoon bulsho iyo cudud militeri oo la doonayo in lagu soo afjaro Al-Shabaab.

Daawo: Xildhibaan Xaadoole oo ka hadlay deegaanadii ay ka xoreeyeen Al-Shabaab

0

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa maanta Al-Shabaab ka qabsaday degaano badan oo ku teedsan jiinka Wabiga Shabeelle ee mara degmada Balcad.

Ciidanka ayaa caawa galay tuulooyin badan oo hoos taga magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle, goobaha laga xoreeyey Al-Shabaab waxaa ka mid ah Buundadii ugu muhiimsaneed isku socod-kooda ee Xaambe.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo horay u ahaa sarkaal militeri ayaa hoggaaminaya howlgalkaan ka socda deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ilaa xuduuda HirShabeelle iyo K/Galbeed.

Deegaano ay ka mid yihiin, Jamceeco-Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaarey, Jameeco-Mubaarak, Doonka Maxaa Colow, Xaambe iyo Mansaale ayaa lagu xoreeyey howlgalka uu hoggaaminayo Xildhibaan Xaadoole.

“Waxaan umadda u sheegeynaa goobaha aan maanta xoreynay waxaa ka mid ah buundadii muhiimka aheed ee Xaambe, halkaan waxay marin muhiima u aheed cadowga,” ayuu yiri Xaadoole.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Dadka ku nool deegaanadaan waaba la yaaban yihiin ciidamada dowladda, anagoo kaashaneyna ciidamada is abaabulay ee deegaanka waxaa noo suurta gashay inaan qabano buundadaan halaq mareenka aheed, dhulkaan oo dhan muhiim ayuu ahaa Al-Shabaab.”

Sidoo kale ciidanka dowladda ayaa la sheegay in ay qabteen maalmihii uu howlgalkaani socday in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen qaar kamid ah saraakiisha amaanka ee ku sugan aaggaas.

Saraakiil ay kamid yihiin Yaasiin Geedi, guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan, Guddoomiye Maxamed Deeq Geedow iyo masuuliyiin iyo saraakiil kale ayaa xildhibaan Xaadoole ku wehliya howlgalkaan.