27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Saddex gobol oo si wadajir ah looga billaabayo dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug uu ka furmo shir ay leeyihiin Beelaha disay maamulka Galmudug, iyagoo ka arrinsanaya dagaalka Al-Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa.

Shirka waxaa ka qeyb galaya siyaasiyiin, mas’uuliyiin, sarakiil iyo qeybaha bulshada ee Galmudug, waxaana dhowaan gaaray Dhuusamareeb xubno ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaashii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo sidoo kale sanataro iyo xildhibaano ka tirsan barlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Galmudug ayaa dhowaanahan waxaa hakaday dagaalkii ka socday Gobolka Galgaduud, waxaana mar kale la filayaa in shirka go’aan looga gaaro sidii Galmudug loog xoreyn lahaa Degaanada Galmudug oo 11 qabiil ay degaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inuu filayo bishaan October gudaheeda inay dagaallada Al-Shabaab ka wada bilowdaan Galgaduud, Mudug iyo Shabeellaha Dhexe. 

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa howlgalladu ka bilowdeen, iyadoo ay ciidamada dowladda la wareegeen degaanka Xawaadley iyo degaano kale oo ka tirsan degmada Balcad, balse waxaa maalmaha soo socda la filaya inuu furmo aagga Cadalle oo ciidamada laba jiho uga wajahan yihiin degmada Aadan Yabaal oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ku leedahay Shabeellaha Dhexe.

Waxaa kaloo howlgal cusub ka bilowday aagga degmada Jalalaqsi oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada dowladda ay halkaasi ka wadaan diyaar garow dagaal iyo howgallo bilow ah.

Dagaallada Al-Shabaab looga furay gobolladan ayaa culeyska ku kordhin doona kooxda Al-Shabaab oo awooddeeda isugu gaysay gobolka Hiiraan oo dagaallo qaraar ay ka socdaan muddo toddobaadyo ah.  

Sawirro: Xasan Sheekh oo billad sharaf ku taxay xulka 17 jirada ee guusha soo hooyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasabad maamuus heer sare ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay xulka inay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.

Madaxweynaha oo ay garbihiisa taagan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa hadiyado iyo billad-sharafyo guddoonsiiyey maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada xulka 17-jirrada ee guushan taariikhiga ah u soo hoyey qarankeenna.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha khudbad bogaadin iyo dhiirri-gelin ah u jeediyey dhallinyarada, isagoo uga warbixiyey sida ay dowladda uga go’an tahay in gacan ay kula dagaallanto argagixisada Alshabaab, gacanta kalena mustaqbal ifaya ugu abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntiina Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo uu matalayey Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane C/llahi Sheikh Nuur ayaa madaxweyne Xasan Sheekh guddoonsiiyey koobka ay ku soo guuleysteen xidigaha soo kacaya ee Qaranka, waxa uuna uga mahad-celiyey maamuuska iyo dhiirri-gelinta uu u sameeyey bahda ciyaaraha dalka.

Siyaasiyiin ka digay qorshe uu damacsan yahay DENI

0

Garoowe  (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Musharaxiinta xilka madaxweynaha Puntland u tartamay doorashadii 2019 ayaa si weyn uga digay qorshe muddo kororsi oo ay ku eedeeyeen in uu damacsan yahay madaxweyne Saciid Deni.

Musharaxiintaan oo ay kamid yihiin wasiirkii maaliyada Puntland, Faarax Cali Shire iyo wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame ayaa waxay sheegeen in Deni uu doonayo in saddexda urur siyaasadeed ee kusoo baxa doorashada golayaasha deegaanka ay muddo kordhin u sameeyaan.

“Ragayagii madaxweynaha la kulmay waxaanu kula talinay inuu cadeeyo inuusan muddo kororsi u socon. Barnaamijkaasna uu daacad ka yahay, laakiin sida hadda soo baxaysa waxaa weeye dowladdu inay faras kale saaran tahay, aysanna doonayn in la wada guuro,” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.

Sidoo kale Faarax Cali Shire, Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland ayaa sheegay in damaca Deni uu Puntland u horseedayo dagaal gudaheeda ka qarxa, kaasi oo uu masuuliyadeeda koowaad uu qaadan doono Deni, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Deni waxa uu tolanaya shaati ka weyn,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay, kaasi oo uu ula jeedo doorasho waqtigeeda la dayacay inuu isku dayayo inuu hadda qabto.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa ayada oo soo baxeyso in Deni uu qorsheynayo sidii uu ugu soo laaban lahaa markale tallada Puntland ama ugu yaraan muddo kororsi ugu sameysan lahaa.

Ciidamada uu hogaaminayo xildhibaan Xaadoole oo la wareegay degaano hor leh

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa weli dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka dhan ah Ururka Al- Shabaab ka wada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada oo shalay gelinkii hore la wareegay degaano ku yaalla Bariga degmada Balcad, ayaa saaka howlgallo amniga lagu xaqiijinaya ka sameeyay degaannada Mukaydheere, Shanlow, Dhaqaxow, Jameeco, Xawaadleey iyo degaano kale, halkaas oo dhawaan ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Howlgallada oo ay hoggaaminayaan xildhibaan Cusmaan Xaadoodle iyo guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan oo labaduba ka tirsan ciidamada milateriga ayaa waxaa la sheegay inay maanta kula wareegeen degaannada Jameeco, Yaaqle, iyo degaano kale oo ku yaalla degaannada jiinka wabiga ee bariga degmada Balcad.

Dhinaca kale ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa howlgallo ka sameeyay deegaano hoos yimaada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo sida la sheegay lagu arkay xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo uu horkacayay xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa waxaa la sheegay inay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku galeen deegaanka Qoryaalle iyo deegaanada kale ee ka ag dhow, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Nabadoon Maxamuud Cismaan Hagar oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in isaga oo jira da’da 60 sano uu ku biiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kadib markii dadka reer Hiiraan ay dhibaato adag kala kulmeen Al-Shabaab, wuxuuna odayaasha kale ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dagaalka. 

Daawo: Sidee xulka qaranka ee 17 jirada maanta loogu soo dhoweeyey Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib guushii taariikhi aheyd ee ay xulka qaranka ee 17 jirada kasoo gaareen ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa maanta lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo boqolaal shacab ah ayaa safaf dhaadheer u galay soo dhoweynta kooxda ciyaartoyda ee soo qaaday koobka CECAFA, kadib markii ay guul weyn  ka gaareen xulka qaranka South Sudan oo ay ciyaartii ugu dambeysay uga badiyeen 3-1.

Ciyaartoyda iyo macallinkooda oo farxad weyn ay ka muuqatay, isla-markaana waday koobka ayaa ka soo dagay garoonka, waxayna koobka ku wareejiyeen guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Madaale oo ku sugnaa garoonka Aadan Cadde.

Intaas kadib ayaa kooxda xulka qaranka ee 17 jirada loo soo galbiyey gudaha magaalada Muqdisho oo haatan laga dareemayo dabaal-deg weyn iyo soo dhoweyn ballaaran.

Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, ayada oo inta badan la xiray jidadka magaalada Muqdisho, si looga hortego suurta-galnimada falal ammaan darri oo dhaca.

Guushan ayaa Soomaaliya uga dhigan mid aad u weyn oo qiimo badan, maadaama markii ugu horreysay ay ku guuleystay koobka kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Daawo: Amiir Sacuudiyaan ah oo Jihaad ugu hanjabay dalalka Reer Galbeedka

Riyadh (Caasimada Online) – Amiir la ilmo-adeer ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa soo saaray hanjabaad rabshado leh oo ka dhan ah Reer Galbeedka xilli uu sii xumaanayo xiriirka labada dhinac. 

Farriin muuqaal ah oo ku socota Reer Galbeedka oo lasoo dhigay baraha bulshada, ayuu Amiir Sacuud al-Shaalan ku yiri “Qof kasta oo caqabad ku noqda jiritaanka boqortooyada, waxaan dhammaan diyaar ugu nahay jihaad iyo shahiidnimo.” Wuxuu ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Faransiiska.

Sacuud al-Shaalan waa hoggaamiye qabaa’il oo uu awoowe u ahaa Boqor Cabdulcasiis, aas-aasihii Sacuudiga.

Hanjabaaddiisa ayaa timid ayada oo xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka uu aad u xun yahay, kadib markii Sacuudiga iyo ururka OPEC+ ay dhimeen wax soo-saarka shidaalka xilli ay tallaabadaas aad uga soo horjeeday Washington.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u safray boqortooyada bishii July inkasta oo uu horey u balla-qaaday inuu Sacuudiga ka dhigi doono go’doon kadib dilkii 2018 ee Jamaal Khaashuqji. 

Maamulka Biden ayaa warbaahinta u sheegay in Sacuudiga ay kordhin doonaan wax soo-saarka, balse OPEC+ ayaa toddobaadkii tegay go’aamiyey in wax soo-saarka la dhimo 2 milyan oo barmiil maalinkii, taasi oo sare u qaadi doonta qiimaha shidaalka caalamka.

Washington ayaa si caro leh uga falcelisay go’aanka, ayada oo ku eedeysay Sacuudiga inay Ruushka ka caawinayaan inay ka khafiifiyaan cadaadiska cunaqabateynaha ay Reer Galbeedka saareen kadib duulaankii Ukraine.

Aqalka Cad ayaa Arbacadii sheegay inuu Congress-ka kala shaqeynayo dib u qiimeyn lagu sameeyo xiriirka Riyadh. Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa soo jeediyey tallaabooyin dhowr ah, oo ay ku jiraan hakinta hubka laga iibiyo Sacuudiga iyo in dacwad ka dhan ah OPEC+ laga furo Mareykanka.

Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in xubno ka mid ah OPEC+ ay u sheegeen inay kasoo horjeedeen go’aanka lagu dhimay wax soo-saarka balse ay qasbeen Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa hadda isku dayaya inay yareeyaan waxyeellada hanjabaadda al-Shaalan, waxaana xubno ku dhow boqortooyada ay sheegeen inuu yahay amiir aan saameyn laheyn, islamarkaana aan wax xil oo rasmi ah hayn.

Sawirro: Safiirkii ugu awooda badnaa safiirada Muqdisho fadhiya oo la beddelay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka dalka Qatar ayaa Soomaaliya u soo magacaabay Safiir cusub oo lagu magacaabo Cabdalla Saalim Nasser Al-Holie oo ah diblomaasi sare.

Cabdalla ayaa waxa uu bedelayaa Safiirkii hore ee Qatar u joogay Soomaaliya Xasan Bin Xamza, oo ahaa Safiirka dalkaas tan iyo 13-kii July ee 2014-kii. Waxa uu ahaa mid ka mid ah safiiradii ugu waqtiga dheeraa ee joogay Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa safari Hamza Muqdisho ugu qabatay xaflad sagootin ah, oo uu ka qeyb-galay wasiirka arrimaha dibedda Abshir Cumar Haruuse, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac iyo xubno kale oo ka mid ah dowladda. Waxaa sidoo kale ka qeyb-galay safiirka Turkey Mehmet Yilmaz.

Safiirka Xasan Bin Xamza ayaa lagu amaanay doorkii uu ku lahaa horumarinta iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar xilligii madaxweyne Farmaajo.

Balse waxa uu sidoo kale muddadaas ahaa safiirka ugu awodda badan Muqdisho, isaga oo si buuxda u maamulayey dowladdii Farmaajo, awooddaas oo soo geba-gebowday markii madaxweyne Xasan Sheekh la doortay 15-kii May 2022.

Qatar ayaa ah dalkii labaad oo kamid ah Khaliijka oo isbedel ku sameeya Safiirkii Soomaaliya u joogay, ayada oo horay Imaaraadka Carabta uu Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya.

Qatar ayaa ah kamid ah dalalka mashaariic horumarineed oo dib u dhis iyo samafal ah ka fuliyay Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay, kuwaasi oo ay kamid yihiin dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Agooye – Muqdisho iyo Balcad.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in dhawaan la bilaabi doono Wadada Balcad iyo Jowhar oo gacanta lagu hayo mashruuciisa.

Sawirro: R/W Xamza oo ka dagay magaalada JIGJIGA

0

Jijiga (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya, halkaas oo si diiraan loogu soo dhoweeyey.

Xamza iyo wafdigiisa ayaa kasoo kicitimay magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu uga qayb galay shika sanadlaha ah ee Madasha Tana, kaas oo looga hadlaya amniga Afrika.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka Wiil Waal kusoo dhoweeyey madaxweynaha dowlad deegaanka Mustafe Cagjar iyo mas’uuliyiin kale iyadoo kadib loo galbiyey dhanka madaxtooyada.

Labada mas’uul ayaa wadahadallo gaar ah ku yeelan doono dhismaha xarunta ismaamulka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale waxaa la filayaa in wadahadalladan intooda badan diiradda lagu saaray amniga, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab oo dhowaan weeraro ka fulisay halkaasi.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu Xamza Cabdi Barre ku tegay magaalada Jigjiga, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, waxayna magaaladaan ka mid tahay meelaha sida weyn looga soo dhoweeyey magacaabistiisii.

Si kastaba, ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqonaya mas’uulkii labaad ee Soomaaliyeed oo booqda Jigjiga, waxaana uga horreeyey madaxweyne Xasan Sheekh oo xil heyntiisii hore booqasho ku tegay, xilligaas oo uu madaxweyne ka ahaa DDS, Cabdi Maxamuud Cumar.

Koox ciyaal weero ah oo dil ka geysatay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay xalay koox ciyaal weero ah ka geysatay qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dhacdadaan ayaa si gaar ah uga dhacday inta u dhexeyso halka loo yaqaano Dabaqiinka iyo Suuq Liif ee degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Kooxda ciyaal weerada ah ayaa si arxan u dishay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Ciise Sheekh Ibraahim, waxayna la sheegay dilka ay u adeegsadeen Toorey ama Mindi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda ciyaar weerada ee dilka fulisay ay goobta isaga carartay, waxaana dhacdadaan walaac ay ku abuurtay dadka shacabka ee ku nool halkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo meydka wiilka yar kasoo qaaday halkaasi, waxayna geeyeen xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Dharkenleyd oo ku aadan dilka xalay ka dhacay gudaha degmadaasi.

Dharkenley ayaa ka mid ah meelaha ay dhibaatooyinka xoogan ka geystaan kooxaha ciyaal weerada ee ka jira xaafadaha Muqdisho, kuwaas oo ay qaati ka taagan yihiin shacabka.

Si kastaba, dhibaatooyinkan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, ayada ciidamada ammaanka oo wada howlgallo culus ay maara la’yihiin wax ka qabashada amniga iyo ciyaal weerada.

Daawo: Guddoomiyihii hore ee degmada BARAAWE oo xabsiga laga sii daayey

0

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dadaallo dheer, kadib lagu guuleystay in maanta xabsiga laga sii daayo guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi (Shafaana) oo haatan ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmadaasi, kaas oo Jimcihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka ee Booliska ay xireen, kadib xiisad ka dhacday halkaasi.

Shafaana ayaa waxaa loo xiray shaqaaqo 14-kii bishan ka dhacday degmada Baraawe, taas oo u dhexeysay isaga & xildhibaan kale oo lagu magacaabo Deeq Cumar Saalax (Insaani).

Odayaasha dhaqanka, saraakiisha hay’adaha amniga degmada iyo xeer ilaaliyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo ku baxay xiisaddan ayaa ku guuleystay in mas’uulkan la soo daayo, ayada oo kadib kulan ka dhacay magaalada Baraawe lagu heshiisiiyey labada xildhibaan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe Cumar Sheekh Cabdi (Shafaana) oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyey waxgaradka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada, isaga oo intaas kadib raali-gelin siiyey xildhibaan Deeq Insaani oo ay kuwa jiraan golaha deegaanka.

“Odayaasha dhaqanka degmada iyo mas’uuliyiintii isku howlay shaqaaqadii maalin dhoweyd dhacday runtii ee xalkeeda odayaasha ka gaareen. Walaalkey Deeq kista yar ee maalmahaan na dhex martay cafis iyo ma saamax waxba uma heysto,” ayuu yiri Cumar.

Dhankiisa Xildhibaan Deeq Cumar Saalax (Insaani) ayaa cafis weydiistay guddoomiyihii hore ee Baraawe, wuxuuna tilmaamay in xiisaddii taagneyd ay halkaas kusoo dhammaatay.

“Wixii way dhammaadeen Nabadoonada way ku mahadsan yihiin, mas’uuliyad culus ayey qaadeen arrintaasna hadda way dhammaatay aniga iyo walaalkey wax aan isku qabno ma lahan, aniga xageyga cafis waayey” ayuu yiri Mudane Deeq Cumar Saalax (Deeq Insaani).

Baraawe ayaa waxaa inta badan ka dhaca shaqaaqooyin soo laa laabta oo u dhexeeyo mas’uuliyiinta maamulka, kuwaas oo saameyn ku yeeshay amniga guud ee magaaladaasi.

Wararkii ugu dambeeyey kacdoonka ka socda dalka IRAN iyo tirada dhimashada

Tehran (Caasimada Online) – Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in mudaharaadada ka socda dalka Iran ee looga soo horjeedo xukuumadda dalkaasi ay ku dhinteen boqolaal qof oo ay ku jiraan caruur.

Mudaharaadadan ayaa dalka Iran ka qarxay ka dib markii ay xabsiga ku dhimatay Mahsa Amini oo 22 jir ahayd. Mahsa, waxaa xiray ciidamada anshaxa ee Iran, iyaga oo ku eedeeyey inay ku xadgudubtay hannaanka lebiska ee laga ogol yahay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in la dilay ugu yaraan 233 qof oo ka mid ah mudaharaadayaasha tan iyo bishii September 17-keedii oo ahayd xilligii ay bilaabmeen mudaharaadada ka socda dalkaas. 

Kooxda xuquuqda aadanaha ee HRANA ayaa sheegtay in 32 qof oo ka mida dadka dhintay ay da’doodu ka hoosayso 18 jir.

Mudaharaadadan ayaa si joogto ah u socda toddobaadkii shanaad, kuwaas oo ka dhacaya qaybo kala duwan oo ku yaalla guud ahaan dalkaas.

Shacabka mudaharaadaya ee ku sugan magaalada Ardabil ee ku taalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaasi ayaa ku isticmaalaya hal ku dhegyo ay ka mid yihiin “ha dhoco keligi taliska.”

Barxadda jaamacado ku yaalla Kermanshah, Rast iyo Tehran, ayaa iyagana laga soo sheegayaa in ardaydu ay ka qaybqaadanayaan isu-soobaxyada, sida ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada.

Magaalada Sanandaj oo xuddun u ah mudaharaadada ka socda gobolka Kurdiyiinta ayaa hablo wax ka barta dugsiyada magaaladaasi, waxay isticmaalayeen hal ku dhegyo ay ka mid yihiin “haweenka, nolosha iyo xorriyadda”.

AP

Turkiga iyo Greece oo isku eedeeyey dad muhaajiriin ah oo la qaawiyey (Warbixin)

0

Istanbul (Caasimada Online) – Saraakiisha Turkiga ayaa Axaddii ka jawaabay eedaymo uga yimi dalka Giriiga oo ku saabsanaa, in dalka Turkigu uu si Khasab ah ugu diray dalka Giriiga illaa 92 tahriibe oo qaaqaawan isla markaana ay ka muuqdaan dhaawacyo jidheed, hase ahaatee masuuliyiinta Turkiga ayaa warkaas ku tilmaamay inuu yahay been abuur, iyaga oo ku eedeeyey dalka Giriigu inuu si xun ula dhaqmay muhaajiriinta.

Agaasimaha isgaadhsiinta ee xafiiska madaxweynaha turkiga Fahrettin Altun ayaa sheegay in wasiirka socdaalka ee Giriigu Notis Mitarachi uu ku faafiyey bartiisa Twitterka, war been abuur ah, isaga oo isticmaalay muuqaalka muhaajiriin qaaqaawan, ka dibna ku eedeeyey dalka Turkiga.

Fahrettin Altun ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal ku qoran Turkish, English iyo Greek, isaga oo sheegay in qoraalkaas looga dan lahaa in dalkiisa la tuhmo, taas bedelkeeda wuxuu Athens ugu baaqay inay ka waantowdo sida xun ee ay ula dhaqanto qaxootiga.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Turkiga Ismaaciil Catakli ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in sawirkani uu muujinayo naxariis darrada Giriiga. “Waqtigaaga ku bixi inaad u hoggaansanto xuquuqda aadanaha, ha ku bixin wax-is-daba-marin iyo daacad-darro!” ayuu yidhi.

Booliiska Giriiga ayaa Sabtidii sheegay in ciidamadoodu ay Jimcihii soo heleen muhaajiriintan oo qaaqaawan, iyaga oo qaarkood ay qabeen dhaawacyo loo geystay. Waxayna sheegeen in muhaajiriintani ay dalkooda ku soo galeen doonyo caag ah, kana soo gudbeen biyaha u dhexeeya labada dal.

Giriiga iyo Turkiga ayaa xidhiidhkoodu aad u xun yahay, waxayna isku maandhaafsan yihiin arrimo badan.

VOA + AP

Sawirro: Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha xoogga oo Baydhaba tegay iyo qorshaha socda

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka gashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa galabta gaaray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Masuuliyiintaan ayaa Baydhaba u tegay abaaulka howlgal ka bilaaba doona deegaanada K/Galbeed, kaas oo hormuud ay u noqa doonaan ciidanka xoogga dalka, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga.

Wasiirka iyo Taliyaha xoogga ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inay Baydhaba ka abaabulaan dagaal Al-Shabaab looga xoreynayo Bay, Bakool iyo Sh/Hoose.

Safarka wafdigaan uu galabta ku tegay Baydhaba ayaa daba jooga kulan weyn oo shalay ay Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiinta, saraakiisha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada K/Galbeed, kulankaas ayaa looga arinsaday sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada maamulkaas.

Waxaa xusid mudan in shirarka iyo abaabulka ka socda Muqdisho iyo Koonfur Galbeed uusan kaalin muuqata ku laheyn madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, lamana oga sababta.

Waxaa aad u liita kacdoonka bulsho ee xiligaan ka jira Koonfur Galbeed, markii loo eego gobollada kale ee dalka, gaar ahaan inta ay Al-Shabaab joogaan.

Deegaaano hoos taga degmada Bardaale ayuu ka jiraa kacdoon yar, halkaas waxaa ka dhisan koox macawiisley ah oo ‘Dulmidiid’ la baxday, kuwaas oo dhowr jeer dagaal kala hor tegay Al-Shabaab.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in wax badan ay iska bedalaan kacdoon la’aanta ka jirta K/Galbeed, maadaama ay halkaas gaareen, masuuliyiintii ugu sareysay taliska ciidanka xoogga dalka iyo wasaaradda difaaca, sidoo kalena indheer-garadka deegaanadaas ay kulan weyn ku yeesheen Muqdisho.

Daawo: Marwada Qaranka oo isbitaalka xoogga gargaar ugu geysay ciidanka dhaawaca ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Sahra Cumar Xasan iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gargaar gaarsiiyey ciidanka ku soo dhaawacmay furimaha dagaalka ee lagu dabiibayo isbitaalka ciidanka xoogga dalka.

Dhamaan ciidankii ku soo dhaawacmay dagalada ka socda gobollada dalka oo isugu jira Macwiisley iyo askarta dowladda ayaa la isugu keenay isbitaalka ciidanka xoogga dalka ee Muqdisho, si ay u helaan dayeel caafimaad oo ku filan.

Marwada Madaxweynaha Maamo Sahro, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin, wasiirka haweenka Khadiija Diiriye iyo wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Cabdifitaax Qaasin ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyey dhaawacyada ku jira isbitaalka xoogga dalka.

Marwo Sahra Cumar oo isbitaalka kula hadashay warbaahinta ayaa ciidanka dhaawacyada qaba u balan qaaday garab istaag joogto ah, sidoo kale waxay dowladda ka codsatay in hoos loo sii eego baahiyaha dhanka reeraha ah ee ciidanku ay dareemayaan.

“Raashinkaan aan maanta idiin keenay waxaa keentay hey’adda maareynta mudiibooyinka qaranka, wixii idinka dhimana waan soo dhameystiri doonaa, wixii Hooyo ku filan tahay idinka hagra meyno,” ayey tiri Maamo Sahra Cumar.

guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo iyaduna warbaahinta la hadashay ayaa carabka ku adkeysay in ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka ee dhaawacooda isbitaalkaan la wada keenay ay isku xuquuq yihiin.

“Ciidamadu waa isku mid dowladda waxaan ka codsanaa in macawiisley qoysaskoodii si gaar ah loo ogaado, waa ciidankii bilaabay halganka dalka ka socda,” ayey tiri guddoomiye Sacdiya Yaasiin Samatar.

Hoos ka daawo

Sawirro: Siyaasiyiinta Habar-gidir oo Dhuusomareeb isugu tegay kadib markuu u yeeray Qoor Qoor + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, kadib marti qaad uu u fidiyey madaxweynaha Galmudug.

Madaxwayne Qoor Qoor ayaa Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdigaan ka socday siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug, gaar ahaan kuwa beesha Habargidir.

Madaxtooyada Galmudug ayaa shaacisay in qorshaha safarka siyaasiyiintaan ay maanta ku tageen Dhuusamareeb uu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa kacdoonka beelaha ee dagaalka Al-Shabaab.

“Wafdigaan ayaa soo gaaray magaalada Dhusamareeb kadib martiqaad ay ka heleen madaxwaynaha Dowladda Galmudug, iyadoona ujeedada safarka uu salka ku hayo dhiirogelinta iyo dardargelinta howlgallada dalka looga sifeenayo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay madaxtooyada Galmudug.

Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed, Senator Cabdi Qeybdiid, masuuliyiin kale oo dhamaantood ka soo jeeda beesha Habargidir ayuu ka koobnaa wafdigaan maanta gaaray Dhuusamareeb.

Qorshahaan ay Habargidir uga tashaneyso dagaalka Al-Shabaab ayaa ku soo aadaya iyadoo beelaha Soomaaliyeed intooda badan ay kacdoonkii ugu weynaa sameynayaan, kaas oo u muuqda mid deg deg u soo afjari kara Al-Shabaab.

Inta badan dhulka ay degto beeshaan ayaa ah mid ka caagan Al-Shabaab, waxaana 10 sano ka hor ka xoreysay culumadii Ahlu-Sunna, waxaa xusid mudan in magaalooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Cadaado Matabaan iyo Guriceel oo beeshaan ay degto aysan waligood ka talin kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka eeg sawirrada

Ra’iisul Wasaare Xamza oo shaaciyay magaca cusub ee kacdoonka dalka ka socda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta khudbad dheer ka jeediyay madasha Tana-Forum ayaa shaaciyay in gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab loo bixiyay “Dulmi-diid”.

Madasha Tana-Forum oo sanadkan si gaar ah looga hadlayay sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya qaaradda Afrika, ayaa sidoo kale wuxuu ka sheegay in dagaalkaan uu yimid kadib markii ay Shacabka u adkeysan waayeen dhibaatooyinka xad dhaafka ah ee uga imanaya argagixisada.

“Al-Shabaab waxay si ula kac ah u abuureen daruufo sii cakiraya xaaladda bini’aadanimo ee dalka, taasina waxay keentay in markii dadku u caalwaayeen cunaqabateynta lagu hayo ay kacaan si ay isaga saaraan Kansarka ku dhex jira,” ayuu yiri.

“Dulmi-diid waa magaca loo bixiyay gulufka socda ee ka dhanka Al-Shabaab iyo kooxaha la halmaala ee Soomaaliya ku sugan, taasi oo budhig u ah istiraatijiyadeena togan ee dalka Soomaaliyeed, dhulkooda, maalkooda iyo maskaxdooda looga xoreynayo hagardaamooyinka kooxaha xagjirka ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladiisa ay ku taamayso hubinta Soomaali heshiis ah oo dunida inteeda kalena la heshiis ah, kaasi oo ah aragtida siyaasadeed ee madaxweynaha dalka uu ku galay ololihii doorashada.

“Islamarkii aan tallada qabanay waxaan ka xoornay istiraatijiyada ku dhisan go’doonka oo waxaa qaadnay weerar ballaaran oo argagixisada ku sugan Soomaaliya ka dha ah. Sidoo kale waxaa dagaal ku qaadnay fikradaha xagjirka iyo ilaha dhaqaalahu kasoo galo argagixisada si loo wiiqo hawl-galkooda.”

Ra’iisul wasaaruhu ayaa sidoo kale waxa uu xusay si caqabadaha heysta qaaradda wax looga qabto inay muhiim u tahay bulshooyinka oo ah kuwa awoodda isbeddelka, islamarkaana laga qayb-galiyo iyo in xoogga la saaro qaabkii la isugu xiri lahaa.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed-ba ay go’aansadeen sidii dalka looga ciribtiri lahaa Al-Shabaab, ayada oo lagala dagaallamayo dhinacyada militeri, dhaqaale iyo fikirba.

Xildhibaan Macallimuu oo arrimo xasaasi ah shaaciyey: “ATMIS far baa ku godan”

0

ATMIS far baa ku godan

Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ATMIS ee hore loogu yaqiin AMISOM sannado ka hor waxa ay ka qeyb qaadan jireen ama hormuud ka ahaayeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Xilligii wariyenimadeyda waxa aan u raacay howlgallo badan oo Khawaarijta lagaga saaray deegaano badan, sida: Qoryooleey, Buulamareer illaa Baraawe. xilligaas AMISOM waxa ay ku doodi jireen in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya aaney awood badan laheyn, dadweynaha deegaanadana aaney wadashaqeyn ka heysan.

Hadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya waa kuwa dagaalka adag kula jira cadowga, Shacabkii waa kaa ku kacay Al-Shabaab, laakiin nasiib darrada jirta waa ATMIS oo gacmaha ka laabatay dagaalkii ay Al-Shabaab kula jireen oo kaliya ku soo ururay is difaac.

Sidan xal maaha, Baarlamaanka Soomaaliya waxa aan u soo jeedin lahaa kolka uu furmo kalfadhiga innagu soo aaddan in la iska wareysto howlgalka ATMIS. Ciidamo 20,000 gaaraya oo magaca kaalmada Soomaaliya mushahar ku qaata, oo aan haddana kuu ciidmineyn waa arin culus oo shaki badan abuureysa.

Waxa kala oo iyana nasiib darro kale ah Ciidamada khaaska ah ee tababarka sare leh ee Soomaaliyeed in ay ku shaqeeyaan amarro shisheeye oo aay madaxda Ciidamda awood kooban ku leeyihiin. Waxa ay mararka qaarkood Ciidamada iyo xoogagga kacdoonka dadweyne galiyaan cabsi iyaga oo u sheegay in dhowr boqol oo Al-Shabaab ah ay dhankoodu ku soo socdaan drones-kooda ay arkayaan.

Ma duqeynayaan, juuq uma yiraahdaan, haddiise iyagu ay howlgalku qeyb ka yihiin dhan walba waa laga taageerayaa oo ay ku jirto duqeynta ay codsadaan si loo yiraahdo ciidamada dal heblaayo uu tababaro waa cajiib, ma garan karo goorta Ciidanka Soomaaliyeed uu labo qaanad kala galay.

Waxa la joogaa xilligii Al-Shabaab waddanka laga saari lahaa, haddii ciidamada ajnabigu aaney howlgalka iyo dagaallada socdaa aaney qeyb ka aheyn, ma aqaano sabab ay dalka u joogaan.

Hadii ay innaga baxaan Shisheeyaha sadax uun bey mid noqon:

  1. In runta loo dhaadhaco oo aan Al-Shabaab jihaad sax ahaan la galno kana adkaanno, sida ka jirta deegaanno badan oo Soomaaliyeed.
  2.  In Al-Shabaab sidii Daalibaanka ay innaga adkaadaan oo dalka ay la wareegaan.
  3.  In cid walba ay taagtiisa runta u sheegto oo la gaaro hishiis dhab ah.

Wixii intaas ka soo hara waa qorshe Ha Dhiman, Hana Noolaan (Daalac Naasil), Waxa aan aaminsanahay haddii ay daacadnimo jirto Al-Shabaab bilo yar gudahood si weyn ayuu u wiiqmayaa lagagana adkaanayaa balse waxaa muuqata ra’yi ay dad badan ka qabaan shisheeyaha waddankeena jooga oo ah in Al-Shabaab nalku dul hayo.

W/Q: Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu

XASAN SHEEKH oo qoraal kasoo saaray KACDOONKA – ‘Dib u noqosho ma jirto’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maqaal dheer ka qoray gulufka colaadeed ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadka shacabka ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.

Qoraalka madaxweynaha oo dhinacyo badan taabanayay ayaa waxa uu ku sheegay inaysan jirin waqti ka wanaagsan xilligaan oo uu dareemay rajada uu ka qabo jabinta Al-Shabaab, taasi oo uu sababteeda ku sheegay midnimada bulsheed ee lagu wajahayo dagaalka argagixisada.

Hoos ka aqriso Maqaalka oo dhameystiran:

Soomaaliya waxay dagaal kula jirtaa koox argagixiso caalami ah oo arxan daran, akhlaaq daran oo aan la aqbali karin inay dalkeena iyo dadkeena ku dhex noolaadaan kagana dhex shaqeeyaan afkaarahooda guracan. Hadii aynaan ka suulinin kooxdan dibin- daabyeynta iyo dhibaateynta ku haysa bulshadeena, waxa ka go’an inay baabi’iyaan jiilasha danbe. In dhibaato ku filan wey gaarsiiyeen shacabkeena, waxaan leenahay, hadda waxaa la joogaa xilligii uu gabalkiina dhici lahaa, ugu dambeyntiina aan soo afjari lahayn arxan-daridiina.

Al-Shabaab waxay u bareereen dilka, naafaynta, baadda iyo dhaca shacabka Soomaaliyeed oo ay caadeysteen inay xoog uga qaataan hantidooda. Waa cadawga iyo halista ugu weyn ee maanta ay ummaddeena iyo qaranimadeenu wajaheyso, ayna tahay inaan cududeena iskugu geyno.

Xilligan adag oo dhibaatooyin bini’aadannimo iyo kuwa dhaqaale ka jiraan dalkeena, kooxdan qowleysatada ahi waxay qarxiyeen ceelal biyoodyo dadka Soomaaliyeed iyo xooluhuba ka cabayeen, waxay gubeen degaanno shacab Soomaaliyeed ku noolayeen. Waxay si xoog ah ay uga qaataan xoolaha nool ee shacabku dhaqdaan, waxayna lacago baad ah ka sameeyaan ganacsiyada iyo shaqsiyaadka kale ee la daaladhacaya sidii ay u soo saaran lahayeen nolol maalmeedkooda. Kooxdani waa Kansar inagu dhexjira, waana inaan iskugu geynaa awooddeena si wadajir ah inaan diinteena, dadkeena iyo dalkeena uga badbaadino. Haddii sidaas eynaan yeelin, mustaqbalka dalkeena iyo jiilasha soo socdaba mugdi ayay geli doonaan.

Waxaan bogaadinayaa geesinimada ay muujiyeen shacabkeena Soomaaliyeed ee adkaysiga badan ee ku bahoobay tageerida ciidamadooda amniga si ay uga dhiidhiyaan tacadiyada iyo gumaadka kooxda Al-Shabaab ay ku hayaan dadkeena iyo qarankeena. Fariinteena mideysani waa ay caddahay: mar dambe nooma cagajugleyn doonaan, nama qabjabin doonaan, nama sii dili doonaan, mana sii socon doonto baadda xoog-sheegadka ah ee ay shacabka ka qaadaan. Waxa aan nafteena, shacabkeena iyo dalkeena ka difaaci doonaa argagixisada caalamiga ah. Argigixisadu saaxiib iyo guri kuma sii yeelan doonto Soomaaliya.

Tan iyo markii uu Soomaaliya ka billowday dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah sanadkii 2007, ma jirin waqti ka wanaagsan xilligan oo aan dareemay rajada aan ka qabo jabinta Al-Shabaab. Taas waxaa sabab u ah, maanta, annaga oo ka midaysan caqabad ahaanshaha kooxdan, isla markaasna go’aansanay in aynu badbaadsano mustaqbalka ummaddeenna. Iftiinka ifaya ee rajada ummadda Soomaaliyeed marnaba mugdi ma galin kari doonaan argagixisadu.

Waxaynu horumar iyo barwaaqo wada gaari doonnaa marka aynu ka adkaano argagixisada oo aynu baal mugdi ah ka galino taariikhda qormeysa. Si aynu u dhinno awoodooda, ugana adkaano kooxdan, waxaan qaadnay nidaam dhamaanteen kaalin uga banaantahay oo heysta taageerada shacabkeena si aynu u gacan bir ah ugu qabano cid walba oo garab ku siisa Al-Shabaab sii wadida dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan rumeysannahay in wadashaqeynteena ay muhiim u tahay in laga adkaado Al-Shabaab, waana sababta aan u sameynay istaraatiijiyad dhameystiran oo aan ku wajaheyno yareynta khatarta Al-Shabaab si aan ugu dambeyntii u ciribtirno. Toddobaadyada iyo billaha soo socda, waxaan idiin xaqiijinayaa, muwaadiniinteenna aan jecelnahay, in aan sii wadi doono baacsiga cadawga oo aan ka xoreyn doono degaanno badan oo muhiim ah, kadibna aan gaarsiin doono gargaarka bini’aadantinimo iyo horumarinta ay aadka ugu baahanyihiin deeganadaas iyo dadka ku nool.

Inkastoo aan dowlad ahaan iyo saaxiibadeenna caalamiga ah, in muddo ahba ku howlaneyn la dagaalanka Al-Shabaab, haddana falcelinta iyo dhiranaanta ay maanta muujiyeen dadkeenna ayaa dib u soo nooleeyay inaan aamino si wadajir ah inaan uga adkaan karno kooxdan sharwadayaasha ah.

Waa sax in aan awood ciidan adeegsano, balse Al-Shabaab qoriga oo kaliya laguma jabin doono. Sidoo kale waa in aan saxnaa fikirka tacliinteena, oo aan xirno maalgelinta xaaraanta ah iyo illaha uu dhaqaaluhu ka soo galo argagixisada. Waxaan mar kale ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan dadaalkeenna wadajirka ah oo ay si geesinimo leh uga hortagaan cid walba oo la shaqeysa argagixisada.

Waa in aan ka hortagnaa khayaanada ay Al-Shabaab ku hayaan diinteena Islaamka ee quruxda badan, ee ku saleysan nabadda. Anaga oo nabadda jecel waxaan nahay muslimiin dhab ah. Argagaxisada dilaaga ah ee dhiigga u ooman xitaa faham kama heystaan macnaha dhabta ah ee fariinta Islaamka ee ku saleysan rajada, nabadda, iyo horumarka aadanaha oo dhan. Runtii Alle SWT waa naxariis badane, wuxuuna ina faray inaan isku naxariisano mar walba.

Sanadihii lasoo dhaafay, waxaan ku waynay si murugo badan leh dagaalka lagula jiro Al-Shabab muwaadiniin badan oo geesiyaal ah iyo ciidamada dalalka aan saxiibada nahay ee naftooda inoo huray si ay bulshadeenna uga ilaaliyaan halista kooxdan. Maanta oo aan dagaalka u soo wadajeesanay waxa ay isku dayeyaan inooga yoolkeena inooga leexiyaan falalkii fulaynimada iyo caga-juglaynta lahaa ee ay ku hayeen shacabkeena aan waxba galabsan, ayna ku boobi jireen hantidooda iyo xoolahooda. Waxba nagama leexin karaan, laakiin waan sii laba-laabaynaa dedaalkeena, ilaa aynu ka soo afjarno bahalnimada kooxdan.

Xaqiiqdu waxay tahay in eynaan gaari karin horumar waara, mid dhaqan-dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed hadii aynaan iska dulqaadin Al-Shabab. Kooxdan argagixisada ah ee Al-Shabab dan kama lahan ka run-sheegida diinteena Islaamka, kama shaqeyaan horumarka dalkeena. Waxay rabaan inay mustaqbalkeena iyo kuwa jiilalka soo socda u baabi’iyaan danahooda guracan. Marna uma oggolaan karno inay guulaystaan. Haddaba, waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed inuu sii wado dadaallada aan kaga hortageyno kooxdan maafiyada ah ee Al-Shabaab iyo falalka foosha xun ee ay ula bareereen shacabkeena. Waxaan ku kalsoonahay, haddii aan si hufan oo wadajir ah u sii wadno baraaruga iyo dadaaladeena shacab iyo dowladba in aan guulaysan doono Insha Allah.

Mudane Xasan Sheikh Maxamuud – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Twitter: @HassanSMohamud,
Facebook: www.facebook.com/HassanSheikhMahmud

Afar Soomaali ah oo hadda xilalka ugu sarreeya ka haya hay’adaha amniga Kenya

0

Dowladda Kenya ee uu madaxweynaha ka yahay William Ruto ayaa u muuqata mid ay saameyn ballaaran ku sii yeelanayaan siyaasiyiinta Soomaalida ah ee kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Waxaa hadda taagan hadal-heynta ku saabsan shaksiyaadka Soomaalida ah ee xilalka sare ka haya laamaha amniga Kenya oo ah kuwa ugu muhiimsan ee xasaasiga ah.

Soomaali badan ayaa haysa jagooyin amniga la xiriira balse waxaan halkaan idiinku soo gudbineynaa 4 qof oo Soomaali ah oo haysa xilal aad u sarreeya oo dhanka amniga ah.

Aadan Barre Ducaale – Wasiirka gaashaandhigga ee magacaaban

Madaxweynaha Kenya ayaa Aadan Barre Ducaale, oo kasoo jeeda Soomaalida Kenya, u magacaabay wasiirka Difaaca, waxa uuna noqday Soomaaliga keliya ee ka dhex muuqday 22 wasiir uu ka kooban yahay Golaha Wasiirrada ee goor sii horreysay lagu dhawaaqay.

Aadan Barre wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha cusub ee Kenya, William Ruto oo ay marxalado badan isla soo mareen.

Maxamed Yuusuf Xaaji ayuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Soomaali ah oo qabta xilkan awoodda badan, xilligii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Muwai Kibaki. Waxa uu Xaaji wasaaraddan maamulayay intii u dhaxeysay 8-dii Jannaayo ee sanadkii 2008 ilaa 26-kii Abriil ee sanadkii 2013.

Wasaaradda gaashaandhigga Kenya waxa ay maamushaa militeriga ama Ciidanka Difaaca Qaranka, waxaana mas’uulka ugu sarreeya ka ah Madaxweynaha.

William Ruto, oo hadda ah madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale haya xilka taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Kenya.

Waa mid ka mid ah wasaaradaha ugu awoodda badan golaha wasiirrada Kenya, waxa ayna ku jirtaa wasaaradaha loo qoondeeyo dhaqaalaha ugu badan ee miisaaniyadda sannadlaha ah ee qaranka.

Aadan Ducaale waxa uu dhashay sanadkii 1969-kii. Dugsida hoose dhexe iyo kan sareba waxa uu kaga baxay magaalada Gaarisa.

Sanadkii 1992 ayuu heerka koobaad ee Jaamacadda uga baxay Jaamacadda Moi isagoo bartay kulliyadda waxbarashada, halka sanadkii 2011 uu heerka labaad ee Jaamacadda uga baxay Kuliyadda Beeraha iyo Teknoolajiyada ee Jaamacadda Jomo Kenyatta.

Nuur Gaabow – Ku-simaha Taliyaha guud ee Booliska

Golaha Qaran ee Adeegga Booliska Kenya ayaa bayaan ay soo saareen 7-dii bishan October, 2022 ku shaaciyay in Noor Gaabow loo magacaabay ku-simaha Taliyaha Guud ee Booliska.

Waxa ay bayaankooda ku sheegeen in uu xilkaas – oo usoo billowday 26-kii August – sii heyn doono ilaa inta xilkaas loo dhiibayo taliye cusub.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhawaan soo magacaabay Japhet Koome si uu u noqdo taliyaha booliska, waxaase la horgeyn doonaa Golaha Qaran ee Adeegga Booliska oo go’aan ka gaari doona.

Markii lagu dhawaaqayay natiijada doorashadii Kenya ka dhacay bishii Ogosto, Nuur Gaabow ayaa kaalin mug leh ka qaatay in xaaladda la dejiyo ka dib markii uu qalalaase hareeyay goobtii looga dhawaaqayay najiidada doorashada uu ku guuleystay William Ruto.

Nuur Gaabow wuxuu xilal kasoo qabtay booliska Kenya oo uu ku biiray sanadkii 1989-kii.

Ka hor inta uusan noqon taliye ku xigeenka guud ee booliska wuxuu ka tirsanaa taliska maamulka kuleejka booliska.

Wuxuu heystaa shahaadada labaad ee jaamacadda, wuxuuna ku takhasusay amniga, maamulka iyo ka hortagga dambiyada.

Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji – Dacwad oogaha Guud

Dacwad oogaha guud ee Kenya waa Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji.

Nuuradiin Xaaji ayaa xilka agaasimaha guud ee waaxda dacwad oogista Kenya qabtay bishii April ee sanadkii 2018-kii.

Waxaa dhalay Alle ha u naxariistee siyaasigii ruug-caaddaaga ahaa ee Maxamed Yuusuf Xaaji oo isna soo noqday wasiirka Wasaaradda Difaaca Kenya intii u dhaxeysay 8-dii Jannaayo ee sanadkii 2008 ilaa 26-kii Abriil ee sanadkii 2013.

Nuuradiin ayaa horay u sheegay inuu la kulmay caqabado waaweyn oo uga yimid awoodo isugu jira kuwo gudaha ah iyo sidoo kale kuwo bannaanka ah., balse aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin shaqada uu u hayo qaranka.

Amiin Ibraahim Maxamed – Taliyaha Hay’adda Dambi-baarista

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Amiin Ibraahim Maxamed u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Dambi-baariska ee Kenya, oo magaceeda loo soo gaabiyo DCI.

Amiin ayaa beddeli doona agaasimihii hore ee waaxda Dambi Baarista Kenya, George Kinoti, oo xilkaas iska casilay, sida lagu shaaciyay bogga Facebook ee DCI-da.

Amiin ayaa kasoo jeeda magaalada Wajeer, in muddo ahna waxa uu ku jiray shaqada dambi baarista.

Magacaabistiisa ayaa timid kaddib markii turxaan bixin lagu sameeyay 10 murashax oo u tartamay jagadaas. Waxaa murashaxiinta wareysi ka qaaday Guddiga adeegga Booliska ee Kenya.

Ka hor inta aan loo magacaabin xilkan, Amiin waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Arrimaha Gudaha, oo qaabilsan inay baaritaanno ku sameyso cabashooyinka ka dhanka ah booliska.

Haddase isagoo madaxa DCI-da ah ayuu ku noqonayaa hay’addan oo uu horay uga soo shaqeeyay, xilal kala duwanna kasoo qabtay.

DCI-da Kenya ayaa dowladda u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.

Jagooyinka uu horay ugasoo qabtay gudaha DCI-da waxaa ka mid ah inuu ahaa madaxa qeybta baaritaannada ee Xarunta Dhexe, Madaxa Howlagallada, Madaxa qeybta qaabilsan musuqmaasuqa Bankiyada iyo xilal kale.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation, intii u dhaxaysay 2009 iyo 2010, Amiin Maxamed waxa uu ku sugnaa qaybta baarista ee dhaca iyo wax isdaba marinta bankiyada ee hay’adda DCI.

Sannadkii 2004-tii, waxa uu ahaa Madaxa Baarista ee xafiiska dabagalka. Waxa kale oo uu hoggaaminayay dhammaan baaritaannadii la xiriiray Adeegga Booliska Qaranka (NPS).

Sannadkii 2014-kii, waxa uu ahaa Isu-duwaha Xarunta DCI-da ee Gobolka Bartamaha, waxa kale oo uu hormuud ka ahaa hawl-galladii xarunta dhexe ee DCI intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2015.

Jagadiisii ugu dambeeyay ee DCI waxa ay ahayd Isuduwaha Gobolka Waqooyi Bari intii u dhaxaysay 2015 iyo 2019.

Xigasho: BBC Somali

Ciidamo uu hoggaaminayo Xaadoole oo la wareegay deegaano hoostaga Balcad

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaanno horleh oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay halkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa horkacayey Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla-markaana horey u ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka Milariga.

Sidoo kale waxaa howlgalkan qayb ka ahaa guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan iyo guddoomiye ku xigeenka amniga deegaanka Daaru-salaam Maxamed Deeq Geedow, waxaayana ay ciidamo kula wareegeen deegaano dhaca bariga degmada Balcad.

Deegaannada ay maanta gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Mukaydheere, Yaaqle, Shanlow, Kooreebe, Farbaraki iyo Dhagaxow, halkaas oo muddo badan ay maamulayeen xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta howlgalka qaybta ka ahaa ayaa sidoo kale meel fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka, waxayna ugu baaqeen inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka.

Dhanka kale ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in aysan jirin iska caabin xoog badan oo ay sameeyeen Al-Shabaab, marka laga tego dagaallo kooban oo ka dhacay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo ka waday gobolkan, kuwaas oo abaabulka ugu weyn haatan ka wada degmada Cadale oo dhacda xeebta.