27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Yaa Al-Shabaab u gudbiya xogta dekedda Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo la hadlayey warbaahinta ayaa shaaciyey xog ku saabsan sida ay Al-Shabaab ku hesho xogta & dhaq-dhaqaaqa dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan illaa 4 shirkadood oo badeecadaha kasoo dega dekedda lasii wadaaga kooxda Al-Shabaab, si ay uga qaadaan lacago canshuuro ah.

Jibriil Cabdirashiid ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay xogta hesho kahor inta aysan soo gaarin ganacsatada, taas oo noqotay arrin la yaableh.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in magacyada shirkadahaasi ay shaacin doonaan, isla-markaana ay la wadaagi doonaan hay’adaha ku shaqada leh si looga qaado tallaabo adag.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay ka cabanayaan, ninka ganacsadaha ah inta uusan helin Konteenarka kasoo baxa China macluumaadkiisa, ayay kooxaha Shabaab helaan, waxaana la wadaaga arrinkaas oo aan haynaa saddex illaa afar shirkadood,” ayuu yiri wasiir Jibriil.

Wasiirka ganacsiga ayaa sidoo kale ugu baaqay wasaaradda dekedaha in ay arrintan wax ka qabato, isla-markaana ay shatiga kala laabto shirkadahaasi xiriirka la leha Al-Shabaab.

Horey wasiirka ayaa sidoo kale u shaaciyey in Nootaayooyinka ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho ay la macaamilaan Al-Shabaab, ayna siiyaan xogta maalinlaha ah, taas oo u sahasha inay helaan macluumaadka shacabka iyo sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed.

Si kastaba, dowladda dhexe oo ku dhowaaqday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa hada wada dabagal xoogan, si loo soo afjaro ilaha ay dhaqaalaha ka hesho kooxdaas.

Mareykanka oo shaaca ka qaaday in hal beel kaliya lagu hagraday dagaalka Hiiraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Mareykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya Larry Andre oo ka hadlayey howlgallada ka socdo dalka ayaa soo dhoweeyey kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka billowday koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Larry Andre ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay taageereyo shacabka Soomaaliyeed ee howlgalka qaybta ka ah & ciidanka Xoogga dalka, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu soo hadal qaaday dagaalka haatan ka socda gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in in culeyska lagu fiirsaday hal beel oo kaliya, isaga oo intaasi ku daray in beelaha kale ee degan gobolkaas ay indhaha ka fiirsanayaan dagaalka socda, sida uu hadalka u dhigay.

Safiirka Mareykanka ayaa guud ahaan qabaa’illada Soomaaliyeed ku booriyey in ay iska kaashadaan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa dagaalka Al-Shabaab.

“Soomaalidu ma waxay u dhaqmi doontaa midnimo? Ma midnimadooda ayay muujinayaan?Ma waxay muujinayaan inay yihiin qaran Soomaaliyeed mise waxay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay qabiilo la soo ururiyay, waxaan ula jeedaa in beel ka mid ah beelaha dega Hiiraan ay ku daashay dagaalka halka beelaha ay iska fadhiistaan oo ay daawanayaan, oo aysan iyagu dagaalka gelin. Bulshadu waa inay xifaaltankooda meel dhigaan oo ay yiraahdaan annagu hal dan ayaanu leenahay dhammaanteen, ”ayuu yiri.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna ciidamada huwanta ka taageeraa dhanka cirka, isaga oo duqeeyo kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guullo waa weyn laga gaaray howlgallada ka socda dalka, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxaa ka jira in uu Aadan Madoobe u tegay YURUB arrimaha dadka isku jinsiga?

0

Veinna (Caasimada Online) –  Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciirow) oo ka mid ah wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan booqasho ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa ka warbixiyey safarka Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaan Ciirow ayaa marka hore beeniyey warar lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka kaas oo ku saabsanaa in safarkan uu la xiriiro arrimo ku saabsan u doodida dadka isku jinsiga ah ee is guursanaya, taas oo sare u kacday, markii uu guuddoomiyuhu la kulmay dhiggiisa dalka Netherlands haweeneyda lagu magacaabo Marwo Vera Bergkam, taas oo ku caan baxday u ololeynta dadka isku jinsiga ah.

Xildhibaanka ayaa waxba ka jiraan ku tilmaamay wararkaasi, isaga oo sheegay in hadalkaas lagu suurad xumeynayo booqashada guddoomiye Aadan Madoobe.

“Social Media waxaan beryahaan ka arkeynay warar soo xumeynaya wafdiga guddoomiyaha dad suurad xumeynayo oo si xun u fasirayo ayaan arkeynay. Sheekh Aadan Madoobe waa nin culumo ah marka kama suurtowdo waxyeelaha la sheegayo, Ummadda Soomaaliyeedna uma qalanto, isagana lagama yaabo inuu waxaas ku kaco,” ayuu yiri.

Sidoo kale intaasi kusii daray in arrintan ay meel ku dhac ku tahay guddoomiyaha iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in aan loo baahneyn waxaas oo kale.

“Waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed ma marin habaabin kartaan kuwiina caloosha ka jiran waxaa weeye waa wax aan loo baahneyn oo meel ka dhac ku ah magaca Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyey Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cusmaan.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in natiijo wax ku ool ah laga gaaray booqashada guddoomiyaha uu ku tegay dalalka Belgium, Netherlands, Austria & Luxemburg.

“Waxaa hadda joognaa Magaalada Vienna ee Austria oo aan uga qaybgalnay kulan heshiis iskaashi ay ku wada galeen Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas & Guddoomiyaheenna, Guddoomiyaha waxa uu baryahaan safar ku marayay Belgium, Netherlands, Austria & Luxemburg oo ay casuumeen Guddoomiyaasha Baarlamaannada Dalalkaas oo ay wada galeen heshiisyo iskaashi oo Baarlamaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan Ciirow.

Weerar lagu qaaday saldhiga ciidanka Ruushka iyo wararkii ugu dambeeyay xiisadda

0

Kyiv (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in rag hubeysan ay 11 qof ku toogteen goob ciidamada Ruushka lagu tababaro, waana dharbaaxadii ugu dambeysay ee soo gaartay ciidamada madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii ay duullaanka ku qaadeen Ukraine.

Wakaaladda wararka ee RIA oo soo xiganaysa wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in 15 kale ay ku dhaawacmeen toogashada oo Sabtidii ka dhacday gobolka Belgorod ee koonfur-galbeed Ruushka, kuna yaalla xuduudda Ukraine markii ay laba nin oo hubeysan ee weerar ku toogteen koox si mutadawacnimo ah isugu diiwaangeliyey in ay ka qeybgalaan dagaalka socda.

Waxa ay sheegtay in labada nin ee toogashada gaystay oo kasoo jeeda jamhuuriyad ka tirsanaan jirtay Midowgii Soviet oo aysan magacaabin iyana toogasho lagu dilay.

Qaar ka mid ah warbaahinta madaxa-banaan ee Ruushka ayaa warinaya in tirada dadka dhaawaca ah ay ka badan yihiin tirada ay dowladdu sheegtay.

Guddoomiyaha gobolka Belgorod Vyacheslav Gladkov ayaa saaka sheegay sida uu hadalka u dhigay in dhacdo xannuun badan lala beegsaday cutub ka tirsan ciidamada.

Waxa uu sheegay in ciidamo ay ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen weerarka, isaga oo intaa ku daray in aysan jirin dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay.

Reuters + Voa

Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray musiibadii ka dhacday dalka TURKIGA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay qarax xoogan oo ka dhacay Turkiga, gaar ahaan goob laga qodo dhuxul-dhagaxa oo ku taal waqooyiga dalkaas.

Madaxweyne Xasan ayaa dhambaal tacsi ah u diray dhiggiisa Turkiga Rajab Dayib Erdogan, wuxuuna shaaciyey inuu murugada la qaybsanayo dowladda iyo shacabka dalkaasi.

“Aniga oo ku hadlaya magaca dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh gaarsiinaynaa dowladdaada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo la muragaysan dhibaatada ka dhacday Gobolka Bartin.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa caafimaad u rajeeyey muwaadiniinta reer Tuki ee ku dhaawacmay dhacdadaasi oo saameynteeda si weyn looga dareemay waddankaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku naf-waayey qaraxaas in Alle u naxariisto, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda.

Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero Soomaaliya, waana saaxibka koowaad ee dowladda federaalka, isaga oo ka teegeero dib u dhiska ciidanka & gargaarka.

Si kastaba, dowladda Turkiga ayaa waxaa si gaar ah loogu xasuustaa, sida ay uga qayb-qaadatay gurmadka abaarihii Soomaaliya ku dhuftay sanadkii 2011-kii, xilligaas oo uu madaxweyne Erdogan iyo Marwadiisa ay kasoo degeen garoonka magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay hal ku dhigeeda 5 sano kadib qaraxii Soobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanad guuradii 5-aad ee xasuuqii Soobe ayaa sanadkaan ku soo aaday iyadoo ciidamada dowladda iyo dadka ku nool deegaanada fog ee miyiga ah ay dagaal kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha, Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in sanad guuradan ay ku soo aaday, xilli dowladda ay ka go’an tahay inay ka adkaanayto Al-Shabaab iyo fikirkooda xagjirka ah.

“Dareenka sanad-guuradaan ma aha mid rajo xumo iyo xanuun, laakiin waa iska caabin iyo u adkeysi, waan ka adkaan doonnaa Al-Shabaab iyo fikirkooda argagixisada ah,” ayuu yiri Xuseen Sheekh.

Waxaa sanadkaan heerkii ugu sareeyey gaaray kacdoonka dadka Soomaaliyeed ee ku jaheysan Al-Shabaab, waxaana jira guulo waaweyn oo laga soo hooyey furimaha dagaalka ee Hiiraan, Galgaduud iyo Bay.

Dowladda Soomaaliya oo in ka badan 15 sano la daalaa dhacaysay dagaalka Al-Shabaab, kuna guul dareysatay inay xasiliso amniga dalka ayaa hadda laf-dhabar u ah abaabulka ka socda gobollada dalka.

Dadka ku nool deegaanada ay kooxdu joogto ayaa hadda u caaboon inay iska dul qaadaan Al-Shabaab, mudo dheer ayaa la weysnaa dowlad ka faa’iideysata kacdoonka bulshada, balse hadda waxaa jirta yidadiiladii ugu weyneed.

Shalay waxay ku beegnayd 5-sano guuradii ka soo wareegtay qaraxii ugu dhimashada badnaa ee Al-Shabaab ay geystaan oo ka dhacay isgoyska Soobe, waxay dadka Soomaaliyeed sanad kasta 14-ka October xusuustaan xasuuqii loo geystay maalintaas.

Maalmahaan oo kale sanad kasta waxaa kaca dareenka dadka, waxayna sanadkaan ku soo aaday iyadoo gobollada lagu eryanayo Shabaab-kii geystay xasuuqii Soobe, carada xusuustaan waxay shidaal ku sii shubi kartaa kacdoonka socda.

14-kii October 2017-kii gaari ay Al-Shabaab ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa ayaa isgoyska Soobe ku laayey dhamaan dadkii joogay, in ka badan 600 oo qof ayaa halkaas ku geeriyootay, ku dhawaad 1,000 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Daawo: Sanbaloolshe oo ka hadlay beelaha usoo gurmaday iyo kuwo hagraday

0

Yasooman (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo shalay Yasooman kula hadlay ciidanka dib u xoreynta deegaanka ayaa dardaaran kadib dul istaagay gurmadka beelihii ay qoylo dhaanta horay ugu direen iyo garabka ay reer Hiiraan ka heleen dowladda federaalka.

Wuxuu sheegay in dowladda dhexe aysan waxaba ka hagran reer Hiiraan intii ay dagaalka ku jireen, “Anaga dowladda Soomaaliyeed waa noo hiilisay, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed halkaan ayaa la isugu keenay, maxaa kaloo naloo samey lahaa” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay inay jiraan beelo wali ka hagranaya reer Hiiraan gurmadka ay codsadeen, inkastoo uusan carabka ku dhufan magaca beelahaas, hadana wuxuu ku goodiyey inuu dib ka sheegi doono.

Sanbaloolshe ayaa ciidanka deegaanka ka dalbaday inay aqbalaan gurmadka uga imaanaya beelaha kale oo dhexdooda aysan isku  dhicin, “Dagaal waa is baheysi, anagu tol ayaan leenahay, Murusade berri ayuu imaanayaa, Habargidir-na waa noo soo gurmatay iyo beelaha kale ee dowlad deegaanka,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Mar uu soo hadal qaaday beelaha Mudulood, gaar ahaan Abgaal, wuxuu sheegay ayaga laga rabo inay Shabaab dhameystiraan, “Abgaal qabiil maaha ee waa qowmiyad, waana dowlad, dagaalka waa soo gelaayaan, waxaana laga rabaa inuu Shabaab dalkaan ka dhameeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa dadka reer Hiiraan ugu laab qaboojiyey inay guushu dhowdahay dadka Soomaaliyeed-na ay ka heli doonaan abaabul gud, “Xaaladda aad maanta ku jirtaan waa mid dhib badane ku sabra, waad guuleysa doontaane,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Dadkii Soobe lagu xasuuqay 5 sano kadib weli looma jawaabin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 14-kii October 2017-kii salaadii casir kadib waxaa dhacay qarax uu qof walba oo Muqdisho joogay xilligaas u mooday inuu ka dhacay illinka hore ee gurigiisa, waxaana daqiiqado kooban kadib soo yeeray aqbaar aan u wanaagsaneyn dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, taas oo aheyd inuu qarax xooggan ka dhacay Isgoyska KM 5 ee magaalada Muqdisho.

Jawiga isgoyska Zoobe qaraxa ka hor wuxuu ahaa mid saxmad ah, gawaari waaweyn oo kasoo baxay dekadda magaalada Muqdisho, Bajaaj aan tirsi laheyn oo ay dad shacab ah saarnaayeen, gawaari raaxo oo aan xisaab laheyn, dad badan oo inta cariirigii jiray sugi waayey lugtooda isticmaalayey, xoogsato shaqo sugayaal ahaa oo ay meesha saldhig u aheyd iyo ganacsato nolol maalmeedkoodii ku jiray ayaa ku sugnaa goobta.

Weerarkaasi bahalnimada ahaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 500 ruux, dhaawucu kun waa ku dhawaa, waxaana ku burburtay hanta aad u badan, guri walba oo Soomaaliyeed ayuu gaaray xanuunka khasaarihii ka dhashay qaraxii Zoobe.

Wuxuu ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa taariikhda dhibaatooyinka iyo qaraxyada Soomaaliya. Waxaa isbitaalada Muqdisho buux dhaafiyey dhawaacyada, meydadka gubtay ee la garan waayey, dad baadi goob ugu jira dadkoodii, kuwa dhiig shubaya iyo dad u kacay inay si bileesh ah uga qeyb qaataan daaweynta dhaawacyada.

Qaraxaas kadib waxaa dhashay kacdoon dadweyne, dhallnyaradii Muqdisho iyo guud ahaan dadkii waxgalka ahaa ayaa dibadda u soo baxay, iyagoo u careysay Al-Shabaab, laakiin nasiib darro dadkii maalintaasi dhintay shan sano kadib weli ma helin cadaalad.

Kacdoonkii curtay dowladdii xilligaasi jirtay kama faa’ideysan, mana jirto cid dambe oo wax iska waydiisay xasuuqii Soobe, waxaa sii naaxay Shabaab-kii dadkaas laayey, saacad kastana waxaa laga filan karay fal ka fool xun kii Soobe ka dhacay.

Dadkii uu saameeyey qaraxii Zoobe ee 14-kii October waxay jawaabta ugu haboon ee aargudashada dhibkii gaaray u arki lahaayeen in lasoo afjaro kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo maanta ka sahlan sidii ay ahaayeen shan sano ka hor.

Wax ceymis ah looma sameyn dadkii ku hanta beelay qaraxii Zoobe, ganacsatada qaar ayaa ku baxay khasaaraha gaaray, halka qaarna horay loo waayey iyaga iyo hantidoodii, madaxweynihii dalka ee xiligaas Farmaajo ayaa bilo ka hor ololihiisii doorashada ku soo galay in haddii uu guuleysto uu bixin doono hantida ku burburta qaraxyada ay geystaan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa intaasi dheeri ku ah in dalku uusan weli u diyaarsaneyn ka hor tagga musiibo noocaas oo kale ah iyo maareynteeda haddii ay dhacdo.

Tallooyinkii la bixiyey xilligaasi si dalka loogu diyaariyo ka jawaabista xaaladahaasi adag lama dhaqan gelin, dowladdii horana waa ka gaabisay arrintaas.

Iyadoo shidaal laga dhiganayo xusuustaan murugada badan iyo in aysan soo noqon dadku waxay ku talinayaan in dagaalka socda daacad laga noqdo, si loosoo afjaro kooxda Al-Shabaab oo muddo fog dhibaato ku heysay shacabka Soomaaliyeed.

Inkastoo 5 sano kadib isgoyska Zoobe laga dareemayo nolol caadi ah, hadana waa xasuus xanuun badan oo mar walba hortaalla dadka Soomaaliyeed in Al-Shabaab laga adkaadana waxaa loo arkaa midda ugu dhow ee dhayi karta boogaha xasuuqii dhacay.

Madaxda hadda hoggaamisa dowladda waxaa la filaayey inay dagaalka socda uga faa’ideystaan munaasabadaan oo ay ku heli lahaayeen ciidan iyo cudud shacab, laakiin si weyn loogama dareemin dhankooda.

Dhacdadii Zoobe waa bar-madow oo aan ka hari doonin kooxaha argagixisada ah ee dagaalka aan hadafka laheyn ka wada Soomaaliya.

Daawo: Cali Jayte oo lacag badan dul-dhigay madaxa Cali Dheere iyo xubno kale

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan oo galabta fagaare kula hadlay boqolaal ciidanka dib u xoreynta deegaanka ah ayaa balan qaaday lacago uu siinayo qofkii soo dila xubno Shabaab ah oo Cali Dheere uu ka xusay magaciisa.

Cali Jayte ayaa sheegay in qof kasta oo u keena madaxa xubin Shabaab ah uu siinayo shan kun oo dollar, qaar ayuu dul dhigay 10 kun, halka amiirrada ugu sareeya uu madaxooda ku dalbaday lacag dhan 25 kun oo dollar.

Guddoomiyaha oo si gaar ah u carabaabay Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa yiri, “Cali Dheere iyo kuwa lamidka ah ee Amiirrada ay ku sheegeen ninkii soo dila waxaan siinayaa 25 kun oo dollar, ee yaa abaal na erga kara, aakhiradiisana u shaqeysa kara, jilaalkana ka soo bixi kara?”

Sidoo kale guddoomiye Cali Jayte ayaa ciidanka deegaanka ugu laab qaboojiyey in Shabaab sii dhamaanayo, isagoo ku dhiira geliyey in qof kasta uu soo dilo nin Shabaab ah.

“Idinkoo dhulkiina jooga oo saan u hubeysan, hadii qof kasta uu nin Shabaab ah dilo, waa dhamaanayaan, nin kasta hal qof oo Shabaab ah madaxiisa ayaan ka rabaa,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Shabaab maleeshiyaad ah qofkii madaxiisa ii keena 5 kun oo dollar ayaan siinayaa, kuwa amiirada ay u ekeysiinayaan waa 10 kun oo dollar, Cali Dheere iyo kuwa lamid ah ninkii soo dilana 25 kun ayaan siinayaa.”

Hoos ka daawo

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri guushii galabta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey xulka da’yarta Soomaaliyeed ee kubadda cagta guusha taariikhiga  ay u soo hoyeen qarankooda ayaa tilmaamay dareenka farxadeed iyo qiimaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciyaaryahannada, macalimiinta iyo maamulka xulka da’yarta Soomaaliyeed ay tusaale wanaagsan u noqon karaan xirfadda iyo dadaalka ciyaarhannada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas wanaagsan ay u ah Xul Soomaaliyeed oo la tartama dhigooda gobolka iyo qaaraddaba.

“Xulka Kubadda Cagta ee 17 jirrada ah ee qarankeenna, waxa ay muujiyeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in ay la tartamaan dhiggooda caalamka, aysanna niyad jabin karin kuwa ku gumuaadaya  fikirka xagjirnimada ah ee qaraxa iyo xasuuqa u adeegsanaya qaarkood, kuna beegsada walaalahooda kale ee la da’-da ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraalka ay Villa Somalia soo saartay ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si dhow ula socday ciyaaraha xulka 17 jirrada ah ee ku matalayey qarankeenna Isreebreebka Afrika ee heer gobol ee Bariga iyo Bartamaha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo bahda ciyaaraha dalka ugu hambalyeey hanashada koobkan oo dhabbaha u xaaraya soo noqoshada wacdarihii heer gobol iyo heer qaaradeedba ee Xidagaha Soomaaliya.”

Soomaaliya oo ku guuleysatay koobka CECAFA ee 17 jirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xulka qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa ku guuleystay koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA) kadib guul weyn oo ay ka gaareen xulka qaranka South Sudan.

Soomaaliya ayaa bilowga cayaartay la hormatay gool uu dhaliyey Cabdixafiid oo ahaa cayaaryahankii dhaliyey goolkii guusha ee kulankii hore, waxaana qeybta hore ee cayaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay Soomaaliya ku hor kaceysay.

Qeybta labaad ee cayaarta xulka qaranka South Sudan ayaa iska soo guday goolkii lagu lahaa waxayna cayaarta ka dhigeen 1-1.

Daqiiqado kadib xulka qaranka Soomaaliya ayaa u suurta gashay inay dhaliso goolkii labaad ee cayaarta, waxaana markaasna shabaqa ku hubsadau Cabbdiraxiim Muxiyaddiin Daahir oo ah xidigga Soomaaliya uga cayaarayey Number 9.

Isla Cabbdiraxiim Muxiyaddiin Daahir ayaa daqiiqado kadib Soomaaliya u dhaliyey goolkii seddexaad oo ahaa mid si weyn looga soo shaqeeyey wadnaha jaray taageerayaasha iyo xidigaha xulka qaranka South Sudan maadaama rajadooda ay ceel ku dhacday.

Cayaarta ayaa ugu dambeyn kusoo dhammaatay 3-1 waxaana sidaas koobka ku qaaday xulka qaranka Soomaaliya taasoo farxad weyn u ah Soomaaliya.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa la filayaa inay berri kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde halkaas oo loogu sameyn doono soo dhaweyn weyn.

Sawirro: Ciidankii ugu badnaa ee Murusade oo diyaarad looga qaaday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaweyd garoonka diyaaradaha ee Aadan Caddde ka dhoofay diyaarad siday ciidamo badan oo si weyn u hubeysan iyo noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka.

Ciidamada ka dhoofay garoonka Aadan Cadde oo ka tirsanaa Militariga Soomaaliya gaar ahaan beesha Murusade ayaa qeyb ka noqon doono kacdoonka ka socdo gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si gaar ah waxay ciidamadaan ka howlgeli doonaan degmada Maxaas, waxaana la qorsheenayaa inay kadib usii gudbaa deegaanada Gobolka Galgaduud oo ay degto beeshaan.

Ciidamadaan oo hordhac ah iyo qaar kale oo berri lagu wado inay baxaan ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaan Jacfar iyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, iyadoo qeyb ka ah abaabulka dagaalka lagu qaadayo Al-Shabaab.

Abaabulka Ciidamada qaabka beeleed loo diyaariyay ayaa ka socda Gobollada Banaadir, Sh/Dhexe iyo Galgaduud, waxaana qeybihii ugu horeeyay ay saldhig ka dhigteen degmada Cadalle, iyadoo weli aanay bilaaban howlgalladii dagaalka.

Ciidamada Muqdisho ka baxay ayaa imaanayo kadib xildhibaanada kasoo jeedo gobolka Hiiraan ay beelaha kale ee Soomaaliyeed ka codsadeyn inay qeyb kasoo noqdaan kacdoonka ka socdo gobolka Hiiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheyso kacdoonkii ugu weynaa muddo 15 sano ah oo ay ka dagaalameyso gudaha Soomaaliya, waxaana la qiyaasi karin halka uu ku dambeyn doono.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo maalmihii dhowaa uu gaabis ka muuqday kacdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taasi oo loo sababeynayo in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay ka gaabisay.

Deegaan cusub oo lagala wareegay Al-Shabaab iyo magacyada xubno laga dilay

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya deegaanka Xawaadleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Deegaanka Xawaadleey ayaa lasoo wariyay in Militariga Soomaaliya ay si nabad ah kula wareegeen kadib markii ay isaga baxeen halkaasi ciidankii AL-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu khaarijiyey seddex hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Magacyadda horjoogeyaasha ay dowladda sheegtay in la dilay ayaa kala ah Maadeey Madoobe, Xamaali Kalombe iyo Mukhtaar Gabigoor.

Xawaadley oo ah degaan beereed muhiim u ah dhaqdhaqaaqa gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay ku lahayd fariisimo ay kamid yihiin maxkamado iyo goobo canshuur.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDA

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa argagixisada Al-shabaab kala wareegay deegaanka istaraatijiga ah ee Xawaadley, iyaga oo ku dilay in ka badan 30 ka tirsan Argagixisada oo ay ku jiraan saddex horjooge.

Argagixisada qaarkood ayaa la laayay ayagoo ku baxsanaya gaadiid ay xoog uga qaateen dadka shacabka ah, ka dib markii ciidamada dowladda ay jihooyin kala duwan ka galeen deegaankaan, halka qaarka kalana lagu beegsaday ayagoo isku dayaya inay ciidamada wadooyinka u sii galiyaan Qaraxyo.

Hawlgalka waxaa lagu dilay Horjoogayaasha deegaannada wabiga ku teedsan ee gobolka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo kala ahaa:

1, Maadeey Madoobe 2, Xamaali Kalombe 3, Mukhtaar Gabigoor.

Deegaanka Xawaadlay oo qiyaastii 30km u jira magaalada Balcad ayaa ah marin muhiim ah oo ay argagixisada isaga kala gudbi jireen gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellha Dhexe, iyo goob ay ka so maleegaan dhibaatooyinka ay u geystaan dadka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada qatarka ah ku aha nolosha dadka iyo jiritaanka dalka iyo diinta.

Kacdoonkii oo fashil qarka u saaran iyo Xasan Sheekh oo sababteeda koowaad leh

0

Maanta oo bartamaha Oktoobar la joogo, dagaalkii kama dambaysta noqon lahaa oo lagu ciribtirayay argaggaxisada Al-Shabaab misna dalka Soomaaliya oo isku tashaday uu tusi lahaa adduun weynaha arrin ugub ah oo ah in waddan sabool ah oo cunaqabatayn hub ay saran tahay uu dagaal aan soo noqosho lahayn ku qaaday ururka Al-Shabaab oo xubin weyn ka ah Al-Qaacida, guushiisii lama gaarin.

Dagaalkaas wuxuu joogaa in calankiisa uu si geesinnimo leh u sido gobolka Hiiraan oo qur ah, kuna taagan yahay wacadka uu u qaaday dadweynihiisa iyo dalkaba. Ballantii Beelihii kale oo iyagana wacadka ku qaaday in taakulaynayaan kuna dayanayaan waxay maanta ka yihiin dagaalka daawadayaal dhaliil mudan.

Afeeftii Hiiraan ee ahayd inaan laga adkaan karin argaggaxisada, haddii gobol qura ah oo aan taageera haysan uu dagaalka ka socdo guushana ceel ku dhacdayso, waa waxa dhacay kaddib markii Al-Shabaab xooggeeda oo idil isu geysay gobolka Dowladda Federaalkana aad u gaabisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu iclaamiyay kaddib markuu kasoo noqday safarkiisii ugu horreeyay ee dalka Turkiga inay jirto hal waddoo qur ah oo lagu wajahi karo Al-Shabaab, taasoo ah qori caaraddiisa. Isagoon diyaarin qoorshe ebyan ayuu misna dhawr jeer ku celceliyay in xukuumaddiisa uusan ka qaadanaynin muddo ka badan hal sano.

Sida muuqata hadalka Madaxweynaha waxaa dhab u qaatay Al-Shabaab oo hub aruursi iyo tabaabusho ku dhaqaaqay kalana soo degay Xaradheere oo gacanta ugu jirta September 3, 2022 doonyo hub ka buuxa iyadoo maraakiibta sharcidarrada ah ee Midowga Yurub “Ataltatis” ay daawanayaan.

Maalmo dhawr ah kaddib, waxaa dhacday xasuuqii Afar Irdood (Maxaas, Hiiraan) ee arxan darrada ahaa oo ku kalliftay Shacabka Hiiraan inuu gaaro go’aanka iska-caabinta ee uu  welina ku taagan yihiin.

Dowladda Xasan Sheekh oo arrinxumo iyo qorshe la’aan haysay ayaan iska lumin fursaddaan, siduu u lumiyay Farmaajo, xamaasadii  ka dambaysay qaraxii Soobbe.

Waxgaradka Soomaaliyeed meel waliba ay joogaan, ayaa uga digay dowladda cawaaqib xumada ka iman karta hub muunad-xulasho la’aan (Randomly) faraha loo geliyo dadweyne kacdoomay. Balse, waxay taageereen inay dawladdu siiso kacdoonka taakulayn, iyadoo lagama maarmaan tahay in dagaalka looga dambeeyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdirasaaq Xusul, wuxuu si mandhaqi ah uga digay cawaaqibxumadaas isagoo soo qaatay tusaale taariikhi ah. Nasiibdarro, waxaa ka xumaaday tilmaanta markii uu isbarbardhigay Al=Shabaab iyo Macawisleyda kuna tilmaamay inay noqon karaan kuwa ka daran kuwa lala dagaallamayo oo noqotay intay sugayeen siyaasiyiin fursad raadis ah.

Cawaaqibta qoorshe la’aanta weli way muuqataa waxayna halis ku tahay guusha. Dagaalgelinta Macawislayda iyo taakulaynta la siinaayaba waxay noqdeen wax laablakac ku yimid.

Beelihii Galmudug iyo Shabeellada Dhexe ee ballan-qaaday inay dagaalka wadi doonaan, ma dhaboobin. Dagaalka Galmudug wuxuu durbadiiba ku dhiiqday damaca hoggaanka beelaha iyo khilaaf beeleed keenay in beelaha qaarkood aysan ka qayb qaadan dagaalka  qaar kalena cagajiid ay muujiyeen ilaa uu ka hakado.

Dowladda oo xoogga saartay beelaynta dagaalka waxay ka gaabisay heshiisiinta maamullada gobollada, waxayna u bareertay inay dagaal gasho iyadoo Shirka Wadatashi Qaran aysan ka gaarin go’aan loo dhan yahay.

Runtii waxaa lays wediin karaa haddii dagaal uu iclaamiyay madaxweyne aad mooddo in hawshiisa kowaad ay tahay safarrada dalka dibaddiisa ah guul ma laga gaari karo. Ugaanda ayuu xitaa ka doorbiday Cadale oo malahaa sababtay in ciidama beeleedkii xoreyn lahaa Shabeellada Dherxe ay weli far taagin. Dowladda Xasan Sheekh waxay ku najaxday inay dagaalka beelayso kaddibna ay beelayso ciidamada XDS. 

Ciidamada saldhig Cadale laga abaabuli lahaa dagaalka horreyntiisana qabsan lahaa degaannada Ceel Guduud iyo Aadan Yabaal oo ah deegaan gebigeedba mudda dheer ugu jirta gacanta Al-Shabaab, maanta waxba kama soo xaasilin. Tani waxay sii yaraanaysa kalsoonida dadweynuhu ku qabi karo dowladda inay ku hagaysa dagaalka dhabbaha guusha.

Ciidamada Macawislayda gobolka Hiiraan oo culayska dagaalka kusoo dhacayo waxaa ka maqan taakulaynta ay mudnaayeen. Ciidamada Haramcad ee gobolka Hiiraan ku sugan waxau u baahan yihiin qudhooda taakulayn iyo saad halka ciidamada Danab ay maqan yihiin gobolka.

Isha: Jamhuuriyadda

Koox hubeysan oo maanta dil ka geysatay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho ay goordhow koox hubeysan ka geysatay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo aan xiriiro la sameynay.

Toogashada oo loo geystay mid ka mid ahaa ergadii wax ka soo dooratay baarlamaanka 11 ee dalka ayaa ka dhacday degmada Warta Nabadda, sida ay xaqoojiyeen goobjoogayaashu.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Caraaye Macalin, waxaana ragga dilka geystay ay horey uga sii qaateen qoray uu watay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda dilka geystay ay goobta isga baxsatay, ayada oo mar dambe meesha ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo sidoo kale weeraro qaraxyo ah.

Ciidamada ammaanka ayaa dhinaca kale ayaguna wada holwgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga guud ee dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasiir Jibriil: Ganacsatadu waxay toos uga qeyb-qaataan dilka shacabka (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab ee dhinaca maaliyadda.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu leeyahay saddex weji oo kala ah dhanka milatariga, dhinaca fikirka iyo sidoo kale dhaqaalaha.

“Sidaad ogtihiinba dalka dagaal ayuu galay dagaalkaas oo saddex weji lahaa wejiga koowaad xaga milatariga iyo kan Ideology-ga iyo midka saddexaad oo maaliyadda ku saabsanaa in la gala dagaalamo qolyaha argagixisada ah,” ayuu yiri wasiirka ganacsiga.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey ganasatada Soomaaliyeed in ay si toos ah uga qayb-qaataan dilka dadka shacabka, maadaama buu yiri ay lacago siiyaan kooxda Al-Shabaab, taas lagu soo iibiyo hubka iyo qaraxyada ay adeegsato kooxda.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay si toos ah ayey uga qeyb-qaataan dilka shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah waxay wax siiyaan ururkaas argagixisadda ah” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dowladda ay la wareegi doonto hantida shirkad kasta oo lagu helo in ay gacan-saar la leedahay argagixisada lagana laaban doono shatiga.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo lagu qaaday meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, kadib kacdoon ka bilowday gudaha dalka.

Ciidamada Korneel Boonow oo qabsaday degaan muhiim ah oo ka tirsan Sh/Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la wareegeen degaanka Xawaadley ee hoos taga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Milateriga ee Xoogga Dalka Al-Shabaab kala wareegay Tuulada Xawaadley ee hoos tagta degmada Balcad oo ah xarun ay Al-Shabaab ka maamuli jireen canshuuraha ay ka qaadaan gaadiidka iyo Beerayleyda Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidankan ayaa waxaa hoggaaminaya Korneel Abuukar Boonow, waxaana la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Cadale.

Al-Shabaab ayaa isaga baxay degaanka Xawaadley markii ay ka war heleen inay cidiamada dowlada kusoo jeedaan, waxaana dagaal la’aan kula wareegay ciidamada milaterige ee Shabeellaha Dhexe ka howlgala.

Al-Shabaab ayaa ku dhex milmay dadka degaanka, waxaana ciidamada dowladda oo dhowr jeer gaaray degaankan ay dib uga soo laabteen, iyadoo dib ugu soo noqdeen Al-Shabaab. 

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qabsashada Xawaadley ku qeexay mid muhiim u ah in laga hortago maleeshiyada Al-Shabaab ee ka imanaya Jubbooyinka kuwaas oo ku biiraya dagaalka Hiiraan. 

“Taliye Boonow iyo askar uu wato ayaa la wareegay deegaanka Xawaadley ee degmada Balcad. Buundada Xawaadley ayaa ahayd meel muhiim ah oo ay isaga kala gooshi jireen Shabaabka Jubbaland ilaa Hiiraan. Waa horumar wanaagsan oo weyn. Haysashada aaggan waa muhiim,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine iyo Putin oo go’aan ku dhowaaqay

Moscow (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ayaa sii wada duqaymaha dhinaca cirka ah ee ay ka geysanayaan magaalooyinka Ukraine, iyaga oo ugu yaraan afar gantaal ku garaacay ama ku duqeeyey magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas ee Kharkiv.

Ciidamada Ukraine ayaa iyagana duqaymaha Ruushka kaga falceliyey madaafiic ay ku garaaceen goobo rasaasta lagu kaydiyo oo ku yaalla gudaha Ruushka.

Qaraxyo dhowr ah ayaa lagu soo waramayaa in Jimcihii laga maqlay xarun ku taalla gobolka Belgorod ee dalka Ruushka. Xogta weerarkan waxaa barta bulshada ee Telegram ku faafiyey guddoomiyaha gobolkaas, hase ahaatee saraakiisha Ukraine ma sheegan mas’uuliyadda weerarkaas.

Dagaalladan cusub ee ka socda Ukraine ayaa ku soo beegmaya iyada oo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu difaacay tallaabadii ugu dambaysay ee kor u sii qaaday xiisadda dagaal, kadib markii uu ciidamo dheeraad ah u soo diray dalka Ukraine.

Putin ayaa Jimcihii sheegay inaan loo baahnayn weeraro cusub oo lagu qaado Ukraine, isla markaana wuxuu sheegay in Ruushku aanu raadinayn inuu dalkaas burburiyo. 

Madaxweyne Putin ayaa sidoo kale ku adkaystay inaanu ka qoomamaynayn dagaalka Ukraine, iyo tallaabadii uu dhowaan ku abaabulay illaa 222,000 oo ah ciidamada kaydka ah, si ay ugu biiraan dagaalka.

Shir jaraa’iid oo uu madaxweyne Putin ku qabtay Jimcihii magaalada Astana ee dalka Kazakhstan ayuu ku sheegay in illaa 16,000 oo ah ciidamo cusub oo la qoray in la hawlgeliyey, si ay u gutaan waajibaadka hawlaha dagaal.

Warbaahinta Ruushka ayaa soo werisay dhimasha ugu yaraan toddoba askari oo ka mid ah askartii dhawaan la qoray. Khasaarahan ayaa imaanaya iyadoo wasaaradda difaaca ee Ruushku ay wajahayso dhaleeceyn uga timid falanqeeyayaasha militariga Ruushka ee caanka ah ee taageera dagaalka ka dib markii ay furimaha dagaalka u direen askar aan tababarnayn.

Saacado ka hor inta uusan hadlin Putin, gantaalada Ruushka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah waxay beegsanayaan magaalooyin badan oo ku yaalla dalka Ukraine. Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay magaalada Mykolaiv ee koonfurta Ukraine, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dhanka kale, militariga Ukraine ayaa sheegay inay dib uga qabsadeen ciidamada Ruushka in ka badan 600 oo deegaan bishii la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda loo xilsaaray dib u soo celinta dhulalka sida ku meel gaadhka ah loo qabsaday.

Wasaaraddan ayaa sheegay in illaa 502 deegaan oo ku yaalla gobolka Woqooyi Bari ee Kharkiv inay dib u qabsadeen bishii hore, iyaga oo gudaha u galay Khadka difaaca ee Ruushka.

Xogta warbixintan: RFE/FL, Reuters, VOA iyo AP 

Amnesty: Waa in deg deg loo sii daayaa Cabdalle Muumin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda u doodda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa waxaa looga hadlay xariga Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta ee SJS Mudane Cabdalle Axmed Muumin oo haatan u xiran dowladda.

Amnesty International ayaa shaaca ka qaaday in si sharci darro ah loo xiray Cabdalle, isaga oo ku guda jiray difaaca xaqa xorriyadda hadalka ee Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in xariggiisa uu kor u qaaday walaaca ay qabaan Wariyeyaasha Soomaaliya oo haatan wajahaya xaalad adag.

Sidoo kale Amnesty International ayaa qoraalkeeda ku sheegtay xoghayaha la xiray, ayada oo lagu marmarsiyoonayo amniga qaranka dalka.

“Xarigga hormuudka difaaca xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda saxaafadda, iyadoo lagu marmarsiyoonayo amniga qaranka waxay farriin u diraysaa saxafiyiinta, dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka iyo cid kasta oo ku dhiirrata inay diidmo kala hortimaado dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’adda Amnesty International.

Ugu dambeyn hay’adda ayaa ugu baaqday in xorriyaddiisa dib loo siiyo Cabdalle Muumin, waxayna sheegtay in uusan jirin wax dambi ah oo uu galay, sida ay hadalka u dhigtay.

Cabdalle Muumin iyo ururada kale u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aankii dowladda ee lagu mamnuucay baahinta wararka la xiriira Al-Shabaab.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Itoobiya ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey Madasha Tana Forum oo sanadkan lagu qabanayo dalkaasi.

Xamza Cabdi Barre ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya guud Qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay si caqabadaha heysta qaaradda wax looga qabto inay muhiim tahay bulshooyinka oo ah kuwa awoodda isbeddelka keena laga qaybgaliyo iyo in xoogga la saaro qaabkii la isugu xiri lahaa.

Sidoo kale wuu shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ku shaqeyneyso Hiigsiga Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis La Ah, iyadoo ahmiyadda siineysa nabadda.

Dhanka kale Xamza waxa uu sheegay in amniga ka sokow dhibaatooyinka heysta qaaradda ay ugu weyn yihiin saameynta isbeddelka cimilladu ku keentay dalal fara badan – oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale khdubadiisa kusoo daray howlgallada ka socda dalka, isaga oo shaaciyey in dowladda ay guulo ka gaartay dagaalka kooxda Al-Shabaab, isla-markaana laga saareen dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Madasha Tana Forum oo ay soo qaban qaabiyeen hoggaamiyeyaal iyo madax kale oo ka socota qaaradda Afrika iyo hey’ado caalami ayaa lagu wadaa in berri la soo gabagabeeyo.