27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Dowladda Mareykanka oo amar dul-dhigay dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya

0

Washington (Caasimada Online)Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray fiidnimadii Jimcaha ku celiyay mowqifka Maraykanka, isagoo sheegay inay uu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka socda waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan “Bartilmaameedka aan kala sooc lahayn ee lagu beegsado dadka rayidka ah”.

“Waxaan ku celinaynaa in dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ay si deg-deg ah u joojiyaan dhammaan colaadaha oo ay si dhab ah uga qayb galaan wadahadallada nabadeed ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika ee soo socda,” ayuu yiri Blinken.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabbilsan Geeska Africa Mike Hammer ayaa Jimcihii ku sugnaa magaalada Addis Ababa, booqashadaas oo qayb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka socday ku dhawaad laba sano ee u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Tigreega.

Quwadaha reer galbeedka oo uu ku jiro Mareykanka ayaa Arbacadii ku boorriyay dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) in ay billaabaan wadahadallo nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, waxayna ugu baaqeen dalka deriska ah ee Eritrea in ay ciidamadeeda kala baxdo goobta dagaalka.

Hammer ayaa wadahadal kula yeeshay Addis Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Demeke Mekonnen, kaasoo “dib u xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in si nabad ah lagu xalliyo colaadda ka aloosan waqooyiga dalka,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ku soo qortay barteeda twitter-ka.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo maamulka Tigrayga labaduba waxay aqbaleen martiqaad ay Midowga Afrika u fidiyeen si ay u soo fariistaan miiska wadahadalka.

Balse wadahadallo lagu waday in todobaadkii hore ay ka bilowdaan Koonfur Afrika ayaa guuldarreystay, iyadoo dublamaasiyiintu ay soo jeediyeen in arrimaha qabanqaabada iyo ay qayb ka yihiin eedda.

Hammer ayaa sheeegay in dib ugu soo noqoshada ciidamada Eritrea ee Itoobiya ay si weyn uga sii dartay xaaladda.

VOA + AFP.

Daawo: Roobow oo culumada u sheegay qorshe ay kula dagaalami karaan Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee XFS Mukhtaar Roobow ayaa culumada Soomaaliyeed hor dhigay dalab ah in dhanka fikirka ay kala dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka oo ka mid ahaa culumo galabta marti ku aheyd barnaamij ka baxay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxda la gaaray goortii lasoo afjari lahaa.

“Ilmahaas duurka ku jira luuqad aan rasaasta aheyn fahmi maayaan, kuwa soo dirayna ilmahooda jaamacadaha ayey aduunka ka dhigtaan, horaan u sheegay, aan iska dhicino oo hal maalin aan ku dhaqaaqno,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Hadii culumadu banaanka la soo istaagto afkaarta ay isku waafaqeen ee ah in lala dagaalamo Al-Shabaab, waxay u guuleysa doonaan sida reer miyiga qoryaha qaatay ay uga guuleysteen.”

Sidoo kale wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in Al-Shabaab ay si tarab-tarab ah dadka Soomaaliyeed u laayaan, balse hadii hal maalin loo dhaqaaqo ay geeridu dhankooda u bada doonto, dilalkoodana laga reysa doono.

Wuxuu u mahad celiyey culumada reer Minnesota ee dalka Mareykanka oo cadeysay mowqif-kooda, dadkana ugu baaqday inay u midoobaan ciribtirka Al-Shabaab, sidoo kale culumada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka kale ee adduunka ayuu Mukhtaar ka codsaday inay codkooda ku soo biiriyaan kacdoonka.

“Maadaama daraasiin loo dhimanayo, hal maalin hadii lagu dhaqaaqo intaas nagama dhimaneyso, ajal ayaa loo dhintaa, ee raggaas xuquuqdeena hor istaagay aan iska difaacno, dhalinyaradaas kuwa soo diray ilahoodu jaamacadey Xamar ka dhigtaan, iyaguna waxay xaq u leeyihiin inay waxbartaan ee aan ka soo reebno caruurta, ayagana leyno,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Hoos ka daawo

Dhageyso: Jacfar oo xog cusub ka bixiyey abaabulka dagaal ee Murusade, raali gelina siiyey Xawaadle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan golaha shacabka ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha ciidan xoog leh oo maanta Beesha Murursade ay soo bandhigtay.

Jacfar oo wareysi siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay diyaariyeen ciidan xooggan oo berri dhaqaaqi doona, kuwaas oo reer Hiiraan garab ku sii doona dagaalka ay Al-Shabaab kula jiraan mudada dheer.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa reer Hiiraan raali gelin ka siiyey in lagu fiirsaday dagaalka, “Nimanka reer Hiiraan dagaalka waa lagu hagraday, ka raali ahaada, maanta waxaan ku tashanay inaan idin garab istaagno, isla berrina waan dhaqaaqi doonaa,” ayuu yiri Jacfar.

Wuxuu sheegay in dadka ku nool deegaan deegaanada beesha ee ilaa Ceelbuur ay la soo xariiraan maalin kasta, iyagoo ka codsanaya in laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

“Maanta ayaa inku nimid markii ugu horeysay, berrina waan dhaqaaqi doonaa, aagga Maxaas ayaan ka dagaal geli doonaa, halkaas oo Ceelbuur iyo deegaanada kale aan ka xorey doono,” ayuu yiri Jacfar.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo masuuliyiinta beelaha kale inay is abaabulaan, “Nin hadda kadib wax abaabulaya waxaan rajeynaa hortiis in lasoo afjari doono Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu muujiyey rajada ah in aysan jirin beel Soomaaliyeed oo aan u abaabulneyn inay iska difaacdo Al-Shabaab.

“Reer Hiiraan waxaan ka raali gelineynaa dagaalka lagu hagraday, hadda ayaan u soconaa, waan idinka dul qaadi doonaa culeyska, waad halganteen reer Hiiraanow dagaalkaan is xoreynta ahna magaciisa adinkaa leh, waana idinku garab istaageynaa,” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Daawo: Tirada dadkii lagu qarxiyey duleedka Muqdisho iyo khasaaraha soo gaaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khasaare culus ayaa ka dhashay qarax maanta ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ee koonfurta magaalada Muqdisho, halkaas oo gaari Caasi ah ay miino kula qaraxday.

Ugu yaraan sagaal qof oo shacab ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxaan, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Meydadkii iyo dhaawacyadii ka dhashay qaraxaas intooda badan waxaa la keenay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Madiina, waxayna dadkii tegay Caasimada Online u sheegeen in dadka dhintay ay ku jiraan ilmo dhalaan ah.

Gaariga uu qaraxaasi haleelay ayaa ka soo baxay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, wuxuu ku soo jeeday Muqdisho, markii laga soo tago dadka shacabka ah ee saarnaa, wuxuu sidoo kale siday Khudaar.

Miinada haleeshay gaariga waxaa lagu aasay bartamaha laamiga, wadadaan ayaa dhawaan la dhisay, balse waxaa banaan oo aan laami la saarin qeybta dhexe ee kala barta labada seed ee laamiga.

Dadka la socday gaariga ayaa u badnaa carruur iyo haween danyar ah, dowladu weli kama hadlin arrintaan, sidoo kale kooxdii geysatay oo la aaminsan yahay inay tahay Shabaab ayaa ka aamustay.

Dhaawacyada waxaa la xaqiijiyey 10 qof, waxaana intooda badan la dhigay isbitaallada Madiina iyo ZamZam, Hooyo iyo cunug saqiir ah ayaa nolol iyo geeri lagu waayey, darawalkii waday gaariga oo dhaawac fudud uu soo gaaray ayaa sheegay in gaariga ay la socdeen 18 qof oo haween iyo carruur u badan.

Hoos ka daawo

DF oo sheegtay inuu socdo kacdoon aargudasho ah oo la xiriira qaraxii Zoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo kale 14-kii bishii October ayey aheyd markii gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay qaraxyo ay argagixisadu ku eekeysay isgoyska Soobe oo ah goob aad u mashquul badan.

Qaraxaas ayaa waxaa dad badan ay ku waayeen ehelkoodii iyo hantidoodii, kuwa kalena illaa iyo maanta ayaysan kasoo ka-banin waxyeeladiisii, waxaana ku dhintay in ka badan 500 oo qof, kumanaan kale ay ku dhaawacmeen.

Haddaba, Shan sano kadib wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in uu socdo kacdoon loogu aargudayo dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxaas oo weli uu muuqdo raadkiisa oo si sahlan u duugmi karin.

“Xuska 5 sano guurrada qaraxii argigixisada Al-Shabaab ee Zoobe October 14, 2017. Waxaa hubaal ah in aan la iloobi doonin dadkii ku waxyeeloobay iyada uu socdo kacdoon loogu aargudayo dadkeenii dhintay, laguna badbaadinayo inta nool,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaarada.

Xuska sanadkaan ayaa kusoo aaday, ayada oo markii ugu horaysay uu qeybo kamid ah dalka ka socdo howl-gal ay shacabku ka qeyb qaadanayaan oo Al-Shabaab lagula dagaalamayo.

Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah argagixsada Al-Shabaab looga xareeyay kooxda deegaano ay sanado badan gacanta ku hayeen.

Sheekada ku saabsan Trump iyo Soomaaliya ee mar kale qabsatay Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya ayaa mar kale qabsaday warbaahinta Mareykanka kadib dood ka dhacday Congress-ka Mareykanka.

Dooddan ayaa qeyb ka ah kiiska loo haysto madaxweyne Trump ee ah inuu wax ka ogaa weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Congress-ka 6-dii Janaayo 2021, ayaga oo diidan in la ansixiyo guushii Biden ee doorashadii madaxweyne ee uu November 2020 kaga adkaaday Trump. 

Guddiga January 6 ee Congress-ka ayaa shalay si buuxda ugu codeeyey in loo yeero madaxweyne Trump si wax looga weydiiyo dhacdadaas, ayada oo lagu eedeynayo inuu wax ka ogaa isku day wax looga beddeli lahaa natiijada doorashada. 

Go’aanka uu Trump ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya ayaa guddiga u adeegsaday inuu ku caddeeyo in Trump qirsanaa in doorashada looga adkaaday, iskuna dayey inuu natiijada wax ka beddelo.

Madaxweyne Trump ayaa amray Pentagon-ka ku amray in si deg deg ah ciidmada Mareykanka looga soo saaro Soomaaliya iyo Afghanistan kadib markii uu doorashada 2020 kaga adkaaday madaxweyne Joe Biden, waxaa sidaas shalay lagu sheegay marag-fur ka dhacay Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Adam Kinzinger, oo ah wakiil Jamhuuri ah oo laga soo doorto gobolka Illinois ayaa intii u socday kulank Guddiga January 6, wuxuu sheegay in amarka ciidamada looga soo saaray Soomaaliya iyo Afghanistan uu caddeyn u yahay in Trump uu ogaa in maalmihiisa Aqalka Cad ay dhammaad ahaayeen, iskuna dayey inuu meesha ka saaro guusha Biden, sidoo kalena dhameystiro “shaqooyinkii qabyada ka ahaa.”

“Wuxuu iska indho-tiray walaaca ku saabsan cawaaqibka ku iman karay dawladaha taagta daran ee safka hore ee dagaalka lagula jiro Daacish iyo argagixisada al-Qaacida,” ayuu yiri Kinzinger. 

“Isaga oo og inuu xafiiska ka tegayo, wuxuu si deg deg u saxiixay amarkan 11-kii November 2020, kaasi oo qasbayey in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya iyo Afghanistan, lana soo geba-gebeeyo kahor inta aanu Biden xafiiska loo dharain 20-ka Janaayo 2021.” 

Amarka Trump ayaa maalmihii ugu dambeeyey ee xilkiisa waxaa 700 oo askari oo Mareykan ah looga soo saaray Soomaaliya. Madaxweyne Biden ayaa bishii May 2022 amray in ciidankaas dib loogu celiyo Soomaaliya. 

Itoobiya oo digniin kama dambeys ah u dirtay Ireland

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa diginin kama dambeys ah u dirtay Ireland oo ku saabsan mowqifkeeda dagaalka labada sano ka socda dalkaas, ayada oo ku eedeysay cadaawad kana digtay inuu go’i karo xiriirka diblomaasi ee labada dal.

“Ireland waxay si aan kala joogsi laheyn oo xooggan u waxyeeleyneysay Itoobiya labadii sano ee tegay,” waxaa sidaas qoraal uu twitter soo dhigay ku yiri Redwan Hussein oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

“Codsigii dowladda ay sameysay markii ugu dambeysay waa la diiday oo dhegaha laga fureystay. Sidaas darteed, waxaa waajib ku noqotay inay kama dambeys rasmi ah toddobaadkan u dirto dowladda Ireland,” ayuu yiri Redwan isaga oo aan bixin faah-faahin.

Redwan ayaa xiriirka labada dal ku qeexay inuu joogo “halkii ugu hooseysay.”

Ma cadda waxa dhaliyey carada ka dhanka ah Ireland oo hadda ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka QM.

Codsi ay wakaaladda wararka AFP u dirtay safaaradda Ireland ee Addis Ababa lagama jawaabin.

Bishii November ee sanadkii tegay, Itoobiya ayaa amartay cayrinta afar ka mid ah lixda diblomaasi ee Ireland ee Addis-Ababa.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ireland ayaa xilligaas sheegtay in mas’uuliyiinta Itoobiya ay muujiyeen in go’aankaas loo qaatay “sababo la xiriira mowqifyada Ireland ee masraxyada caalamiga ah ee ku aadan dagaalka iyo xasaradaha bani’aadannimo ee dalka Itoobiya.”

Cayrinta ayaa timid saddex toddobaad kadib markii Ireland ay ku biirtay Golaha Ammaanka kuna baaqday xabad-joojin laga sameeyo dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas, islamarkaana ay wadahadlaan dhinacyada dagaaalamaya.

Bayaan ay baahisay warbaahinta Fana, ayey wasaaradda arrimaha dibeda Itoobiya ugu baaqday Diblin “inay faraha kala baxdo cadaawadda ka dhanka ah Itoobiya.”

Waxay ka ashtakootay in intii ay tageeri laheyd dadaallada dowladda ay kusoo afjareyso dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga TPLF, “ay Ireland sii waddo inay Itoobiya weerarto ayada oo adeegsaneysa xubinnimadeeda Golaha Ammaanka QM, Midowga Yurub iyo meelo kale.”

Waxay sheegtay in Ireland “ay u muuqato inay damacsan tahay inay xoojiso TPLF kuna baaqeyso ficillo ka dhan ah Itoobiya ayada oo adeegsaneysa xubinnimadeeda Golaha Ammaanka.” Waxay sidoo kale ku eedeysay Dublin inay hortaagan tahay dadaalalda ay Addis-Ababa ku hagaajineyso xiriirka Midowga Yurub.

“Ayada oo ay tahay isku daygii ugu dambeeyey, waxaan heli karnaa fursad aan kaga wadatashano haddii ay jirto rabitaan wadajir ah oo aan ku raadineyno xiriirkeena diblomaasiyadeed,” ayay wasaaraddu ka digtay.

Xiriirka Addis Ababa iyo Brussels ayaa u xumaaday sababo la xiriira dagaalka oo qarxay November 2020, islamarkaana tan iyo markaas dilay tiro dad ah oo aan la sheegin, islamarkaana dhaliyay xasarad bini’aadannimo oo weyn.

Ireland, oo xiriir diblomaasi la lahayd Itoobiya tan iyo 1994, ayaa hadda ka digta in loo safro meelo badan oo Itoobiya ah oo ay ku jiraan Tigray iyo gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

AFP, VOA

Sawirro: Ciidamo badan iyo gaadiid dagaal oo gaaray gobolka Hiiraan (Warbixin)

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamadii ugu badnaa oo ah kuwa degaanka iyo Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed sida Ciidamada kumaandooska DAMAB iyo Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ayaa gurmad ahaan u gaaray degaanka Yasooman iyo nawaaxigeeda .

Ciidamadaan oo ah qeybtii labaad ayaa ka kala yimid magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyaga oo qeyb ka noqonaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda meelo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa horkacayo gulufka dagaal ee Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ka wadaan Gobolka Hiiraan, iyaga oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo ka dajiyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa khasaaro xoog leh lagu gaarsiiyey dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaana laga saaray deegaano badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’isulwasaare Xamze Cabdi Barre ayaa ballan qaaday in laba sano gudahood ay dalka uga sifeenayaan kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo ka badan 15 sano waxay ka dagaaameysaa gudaha Soomaaliya, waxaana dagaalkooda awgeed dalka loo keenay ciidamo ka socda midowga Africa.

Magacyada 6 dhallinyaro ah oo ay toogatay Al-Shabaab

0

Saakoow (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Saakoow ee gobolka Jubbada waxa ay ku toogatay rag ay ku eedeysay inay basaasiin ahaayeen sida ay iyada sheegtay.

Fagaaraha toogashada ay ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa dad shacab ah, waxayna kooxdaan 6-da ragga ah oo ay toogatay ku eedeysay inay indho u ahaayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA-da loo yaqaan, sida ay kooxdaan sheegatay.

Ma jirto cid madax-banaan oo xaqiijin karto sheegashada kooxdaan ee ah in dadka ay toogatay ay ahaayeen kuwa basaasiin ah. Al-Shabaab ayaa dadka eedeysay, maxkamadeysa kadibna disha, ayaga oo aan helin garsoor madax-banaan oo ay isku difaacaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay kooxdaan toogasho ku fuliso ay eedeyn noocaan ah usoo jeedisay, waxaana suuragal ah in dadka la toogtay ay yihiin dad shacab ah oo kasoo horjeedo fikirka kooxdaan.

Toogashadaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu dalka ka socdo kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab kadib markii ay kooxdaan xasuuq u geysatay dad shacab ah.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada dhallinyarada la toogtay

1: Xasan Maxamed Aadan oo loo yaqaanno (Mustaf), da’diisuna tahay 33 jir.
2: Cabdiqaadir Maxamed Sheekhey Cali oo loo yaqaanno (Buule), da’diisuna tahay 29 jir.
3: Cabdullaahi Cabdiraxmaa Ibraahim oo loo yaqaanno (Dalmar), da’diisuna tahay 27 jir.
4: Xasan Cali Xaaji Cabdiraxamaan, da’diisuna tahay 43 jir.
5: Cabdisalaan Ibraahim Maxamed oo loo yaqaanno (Shaalle), da’diisuna tahay 38 jir.
6: Cabdulqaadir Xuseen Cabdi oo loo yaqaanno (Gobal), da’diisuna tahay 22 jir.

Xildhibaan reer Hiiraan ah oo kashifay siyaasiyiin lacag ku raadinaya dagaalka Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka kashifay siyaasiyiin uu sheegay inay madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday Lacag si ay uga qeyb qaataan dagaalka Al-Shabaab.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka mida Xildhibaannada ku sugan jiidaha dagaalka ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in siyaasiyiinta qaarkood ay Madaxweynaha Soomaalia kula gorgortamayaan in la siiyo lacag iyo xilal si ay ugu biiraan dagaalka Al-Shabaab.

“Waxa nasiibdarro ah in shaqsiyaad siyaasiin ah ama sheeganaya masuuliyiin ay ku gorgortamaan in lacag la siiyo ama xilal loo magacaabo si ay dagaalada Al-shabaab ugu biiraan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo siyaasiyiintan u sheegay inay ahayn AMISOM/ATMIS oo lacag ku qaadata howlgalkooda.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in dagaalada ka socda degaanada beeshiisa Xawaadle in wixii hadda ka dambeeya ay Al-Shabaab kula dagaalami doonaan degaanada ay iska soo abaabulaan ee ka baxsan Gobolka Hiiraan.

“Laga bilaabo Maanta Walaah Bilaahi waxaa naga go’an inaan Al-shabaab ku dagaallano meelaha ay iska soo abaabulaan, mar hadii dagaalka annaga kaliya nagu furan yahay oo walaalaheena kale aysan diyaar  aheyn iney nagala qeyb galaan dagaalka,” ayuu yiri xildhbaan Cabdimaalik Cabdalla.

Ugu dambeyn Xildhibaan Maalik Cabdalla wuxuu sheegay in dadka Reer Hiiraan aysan jirin cid ay duulaan ku yihiin, balse Gobolada la deriska ah ee siyaasiyiinta kasoo jeeda shuruud ku xirayaan dagaalka ay Al-Shabaab ku weerari doonaan goobaha ay kasoo abaabulaan weerarada.

Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Xawaadle ayaa soo saaray farriimo qeylo dhaan ah oo ku saabsan in dagaalka Alshabaab lagu fiirsaday, oo degaanadii kale aanay wax dagaal ah ka socon.

Isha: Goobjooge

Wax ka ogow nolosha iyo aqoonta Xasan Sheekh iyo madaxweyneyaashii dalka

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay saacadihii ugu dambeeyay ee habeenkii Talaadada in uu shahaadada ugu sarreysa ee waxbarashada jaamacadda ee PhD ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey.

Waxa uu daraaseeyay culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka. Waxa ay tan ka dhigan tahay in uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee qaata Ph.D, waxaana hadda kaddib loogu yeeri doonaa Dr Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba, halkan ka akhriso noloshii iyo waxbarashadii madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya.

Aadan Cabdulle Cusmaan

Aadan Cabdulle Cismaan Daar ‘Aadan Cadde’ oo ku dhashay tuulada Ceelqurun oo u dhow deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan, waxa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya. Waxa uu ahaa madi lagu qiyaasay in uu dhashay xilli ku beegan 1908-dii.

Ma helin waxbarashada aas-aasiga ah oo dhammaystiran, laakiin waxbarashada hoose iyo dhexe ayuu ku qaatay dugsi uu Talyaanigu ku lahaa Baydhabo, isla halkaas ayuu Qur’aanka ku bartay.

Waxa uu waxbarashada aasaasiga ah uga haray fasalka shanaad oo ahaa halka ugu sarreysa ee gumeystaha Talyaanigu uu u oggolaa in qof Soomaali ah uu waxbarashada ka gaaro.

Sida uu BBC-da u sheegay wiilkiisa Cabdulkaadir Aadan Cadde, waxa uu madaxweynuhu intaa kaddib tababar kalyaaliyennimo ku qaatay Isbitaalka Talyaaniga ee De Martino, isaga oo markii dambe noqday madaxa kalkaaliyeyaasha ee isbitaalka.

Aadan Cadde oo sidoo kale noqday guddoomiyaha Xisbiga Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed oo xilligaa ahaa kan ugu ballaaran, uguna saameynta weyn dhulka Soomaalida, iyo guddoomiyihii ugu horreeyay ee baarlamaan Soomaaliyeed, waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa qof isaga wax isbaray, oo ku xeeldheeraa akhriska iyo qoraalka.

Waa madaxweynaha keliya ee laga hayo diiwaan dhammeystiran oo maalinle ah, kaas oo uu ku keydiyay dhammaan dhacdooyinka iyo waxyaabaha kale ee maalinlaha ah ee soo maray intii uu xilka hayay.

Diiwaankan waa kan ugu weyn ee ay soo xigtaan taariikhyahannada daraaseeya Soomaaliya.

Kahor inta uusan madaxweyne noqon, waxa uu wax ku qori jiray Wargeys Talyaaniga kasoo baxa oo la oran jiray Il Popolo.

Maxamed Xaaji Ingiriis oo taariikhda ka dhiga Jaamacadda Kings College waxa uu ku tilmaamay Aadan Cadde madaxweynihii ugu aqoonta badnaa dhammaan madaxweyneyaashii Soomaaliya. Waxa uu ku hadli jiray Talyaani, Ingiriis iyo Carabi.

Cabdirashiid Cali Sharmaake

Cabdirashiid Cali Sharmaake waxa uu ahaa raysul wasaarihii iyo madaxweynihii labaad ee Soomaaliya. Waxaa xilalkaas uga horreeyay Cabdullaahi Ciise, iyo Aadan Cadde oo uu raysul wasaare u ahaa. Waxa uu ku dhashay qiyaastii 1919-kii magaalo-xeebeedka Xarardheere, oo ay hadda haysato kooxda Al-Shabaab. Wuxuu ku barbaaray magaalada Muqdisho oo uu ku qaatay waxbarashada Qur’aanka iyo tan dugsiga hoose iyo dhexe.

Cabdirashiid oo ahaa raysul wasaaraha Soomaaliya intii u dhexeysay 1960- kii ilaa 1964-kii, waxaa la weriyay in uu dugsiga sare dhameeyay 1953-kii isaga oo shaqaale rayid ah, isaga oo sidoo kale Muqdisho ku qaatay labo sano oo koleejka dhaqaalaha iyo siyaasadda ah. Kaddib ayuu Talyaaniga ka helay deeq waxbarasho Jaamacadeed ah isaga oo cilmiga siyaasadda ka bartay jaamacadda Sapienza University of Rome. Waxa uu ka qaatay shahaadada koowaad ee Jaamacadda.

Cabdirashiid oo karaani ka ahaa degmada Isku-Shuban 1948-kii, sida uu buuggiisa ‘A tear for Somalia’ ku sheegay ninkii madaxda ka ahaa maamulka gumeystaha Ingiriiska ee degmadaas, waxaa lagu sheegaa in uu ahaa nin ku xeeldheer afka Talyaaniga, isaga oo xiiseyn jiray buugaagta sheeko xariirooyinka.

Cabdirashiid oo ah aabbaha siyaasiga keliya ee labo jeer raysul wasaare ka noqday Soomaaliya ma uusan dhammeysan muddo-xileedka madaxweynennimo ee loo doortay Luulyo 1967-kii. Waxaa lagu dilay magaalada Laascaanood bishii Oktoobar 1969-kii – maalmo uun kahor inta aysan xukunka la wareegin askartii markii dambe la baxday Kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Siyaad Barre

Jaalle Maxamed Siyaad Barre, hoggaamiyihii kacaanka askarta ee xukunka afgembiga kula wareegay 1969-kii waxaa lagu qiyaasaa in uu dhashay 1910-kii. Siyaabo kala duwan ayaa loo tebiyay halka uu ku dhashay. Mid ka mid ah werintu waa in uu ku dhashay degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.

Si la mid ah madaxda ka horreysay qaar, waxaa la rumeysan yahay in hoggaamiyaha muddada dheer xukumayay Soomaaliya uusan gelin waxbarasho aasaasi ah oo dhammaystiran. Laakiin, waxa uu ahaa sarkaal ciidan oo leh waayo-aragnimo, tababar iyo aqoon sare oo dhanka ciidanka ah. Waxaa uu tababar sarkaalnimo oo labo sano ah ku qaatay koleej ciidan oo ku yaalla Talyaaniga.

Jaalle Siyaad oo si wanaagsan ugu hadli jiray Talyaaniga iyo Ingiriiska waxaa lagu xusuustaa oo cilmi-baareyaashuna ay soo xigtaan khudbaddii uu jeediyay labadii sano ee ugu horreysay xukunkiisa.

Wasaaradda Warfaafinta ee dowladdii Kacaanka ayaa khudbadaha Jaalle Siyaad u rogay labo buug oo la kala daabacay 1970-kii iyo 1971-kii. Waxaa loo bixiyay labadaas buug ‘Dadkeyga iyo Dalkeyga’ iyada oo Ingiriis iyo Soomaali lagu qoray. Oraahyada aadka loo xigto ee Maxamed Siyaad Barre waxaa ka mid ah: ‘Haddii dadka Soomaaliyeed ay naar galaan, waxaa naarta geysay qabyaalad’.

Sarreeya Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa madi, agoon iyo rajay ah oo ay labadiisa waalidba geeriyoodeen isaga oo yar waxa uu ku geeriyooday waddanka Nigeria 1995-kii, kaddib 21 sano oo uu xukumayay Soomaaliya.

Cali Mahdi Maxamed

Waa madaxweyne lagu muransan yahay oo la caleemo-saaray wax yar kaddib markii jabhadihii hubeysnaa ay Muqdisho ka saareen dowladdii Kacaanka.

Waxa uu ku dhashay Jowhar qiyaastii 1939-kii. Wuxuu ahaa ganacsade iyo siyaasi saameyn weyn lahaa, oo horraantii lixdameeyadii la shaqeeyay waaxda caafimaadka Jowhar. Kaddib xildhibaannimo ayuu u tartamay, wuuna ku guuleystay isaga oo xubin ka noqday baarlamaankii ay askartu afgembiyeen.

Cali Mahdi oo si wanaagsan ugu hadli jiray Talyaani iyo Ingiriis waxa uu fayraska Covid-19 ugu geeriyooday magaalada Nayroobi bishii Maarso, 2021.

Nooma suurtagelin in aan wax badan ka ogaanno waxbarashadiisii.

Cabdiqaasim Salaad Xasan

Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowladdii KMG ahayd ee dhismaheedu uu ka billowday Jabuuti 2000. Waxa uu ku dhashay magaalada Dhuusamarreeb qiyaastii 1941-kii, halkaas oo la rumeysan yahay in uu ku qaatay waxbarashada Qur’aanka iyo tan hoose, dhexe iyo sare.

Waxaa dhalay hoggaamiye qabiil oo caan ka ahaa dhulkaas, kaas oo markii horena ka mid ahaa taliyeyaashii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee askartii Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa ciidamadii gumeystaha Talyaaniga.

Cabdiqaasim oo noqday wasiirka warfaafinta iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladdii Kacaanka, waxa uu waxbarasho jaamacadeed u aaday Ruushka horraantii lixdankii, isaga oo bartay dhaqaalaha beeraha. Cabdiqaasim oo la doortay dhammaadkii 2000, xilkana hayay ilaa dhammaadkii sanadkii 2004, waxa uu si wanaagsan ugu hadlaa Carabiga iyo Ingiriiska. Waxa uu hadda deggan yahay Masar.

Korneel Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Waa Madaxweynihii dowladdii KMG ahayd ee lagu dhisay Kenya, ahna madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland. Waxaa la diiwaangeliyay in uu dhashay 1934-kii, kuna dhashay magaalada Gaalkacyo.

Si la mid ah dadkii ku da’da ahaa, Korneel Cabdullaahi Yuusuf ma helin waxbarasho aasaasi ah, laakiin, tababar militari oo labo sano ah ayuu ku qaatay koleej ciidan oo Ruushka ku yaalla. Sidoo kale, waxaa la sheegay in uu tababar kale oo sarkaal ciidan ah oo dhowr sano ah ku qaatay Talyaaniga.

Cabdullaahi oo dhisay jabhaddii ugu horreysay ee la dagaallanta dowladdii Kacaanka waxa uu shan sano oo xabsi ah ku qaatay Itoobiya, halkaas oo saldhig u ahayd jabhaddiisa. Waxaa xariggaas ka horreeyay mid ay dowladdii Kacaanka ku xirtay isaga iyo Jeneraal Caydiid.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo xilka hayay intii u dhexeysay dhammaadkii 2004-tii ilaa dhammaadkii 2008dii waxa uu bishii Maarso sanadkii 2012 ku geeriyooday Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Shariif Sheekh Axmed

Shariif Sheekh Axmed waa guddoomiyihii hore ee maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya iyo madaxweynaha dowladdii ballaarnayd ee lagu dhisay Jabuuti 2009-kii.

Waxa uu ku dhashay degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1964-kii. Waxaa la sheegay in isagoo da’yar ayuu xafiday Quraanka. isla deegaankaas ayuu ku bartay Qur’aanka, diinta Islaamka iyo Carabiga, waxbarashadiisii aasaasiga ahaydna uu ku soo qaatay.

Bartamihii sagaashamaadkii ayuu waxbarashada Jaamacadeed u aaday Sudan iyo Libya halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee cilmiga Shareecada Islaamka iyo Qaanuunka.

Sheekh Shariif oo xilka hayay Ilaa dhamaadka 2012-kii waxa uu sidoo kale noqday garsoore maxkamadeed iyo bare dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ah. Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa madaxdii ugu horreysay ee dhistay Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya.

Saddex jeer oo kale ayuu u tartamay madaxweynennimada, kumana guuleysan.

Xasan Sheekh Maxamuud

Waa madaxweynaha keliya ee labo jeer la doortay. Markii ugu horreysay waxaa la doortay dhammaadka 2012-kii, isaga oo xilka hayay ilaa horraantii 2017-kii. Waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi sanadkii 1955-kii, halkaas oo uu ku bartay Qur’aanka, iyo waxbarashada aasaasiga.

Madaxweynaha agoonka iyo hooyo koriska ah waxa uu u soo wareegay Muqdisho 1978-kii, isaga oo ku biiray Jaamacadda Ummadda, halkaas oo ka bartay teknoolajiyada. Waxa uu waxbarasho sare u aaday Hindiya 1986-kii, isaga oo ku biiray Jaamacadda Bhopal oo hadda loo bixiyay Barkatuah, halkaas ayuuna ka qaatay shahaadada labaad ee Jaamacadda.

Waxa kale oo uu sameeyay koorsooyin kale oo dhowr ah isaga oo bare iyo maamule jaamacadeed ahaa muddo dheer.

Waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay cilmi-baarista iyo daraasadaha la xiriira dib-u-heshiinta iyo nabadda Soomaalida dhexdeeda ah. Waa madaxweynaha ugu shahaadooyinka badan, muddada ugu dheerna ka shaqeeyay waxbarashada Soomaaliya.

Waa madaxweynaha keliya ee heysta shahaadada ugu sarreysa waxbarashada jaamacadda ee Ph.D, taas oo la shaaciyay inuu qaatay toddobaadkan.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Waa qofka labaad ee raysul wasaare iyo madaxweyneba ka noqday Soomaaliya.

Waxa uu ku dhashay Muqdisho 1962-kii, halkaas oo uu waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ku qaatay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo xilka hayay laga soo billaabo horraantii sanadkii 2017 ilaa bartamihii sanadkan 2022, waxa uu ka shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya laga billaabo 1986-kii, isaga oo markii dambe noqday xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Washington.

Waxa uu shahaadada koowaad ee cilmiga taariikhda ka qaatay Jaamacadda Buffalo sanadkii 1993.

Isla Jaamacaddaas ayuu shahaadada heerka labaad ka qaatay, isaga oo buuggiisa qalin-jebinta ka qoray ‘Danaha Mareykanka ee Soomaaliya: Dagaalkii Qaboobaa ilaa Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada’.

Waxaa qoray: Muhyadin Roble

DF oo Nootaayooyinka Muqdisho kusoo rogtay amar la xiriira kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa ku amartay Nootaayooyinka magaalada Muqdisho inaysan xogta shacabka ay dhulalka u kala wareejiyaan u gudbin karin Al-Shabaab. 

Nootaayooyinka Muqdisho ayaa lagu yaqaan inay xogta dhulalka iyo guryaha la kala ibsado siiyaan Al-Shabaab, kuwaas oo kadib soo waca shacabka kuna qasbay inay lacag cabshuur ah ka bixiyaan. 

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxaa soo gaartay cabasho ka timid qaar ka mid ah Dadweynaha Soomaaliyeed, kuwaasoo ka cabanaya in qaar ka mid ah Nootaayooyinka Magaalada Muqdisho ay xogtooda la wadaagaan Ururada Argagixisada, sida Khawaarijta Al-Shabaab taasoo ah fal dembiyeed weyn,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda

Bayaanka ayaa intaas ku daray :Haddaba, Wasaaraddu waxay u gudbisay Hay’adaha Amniga Qaranka cabashooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo gudbiyeen si baaris loogu sameeyo dhacdooyinkaas. Wasaaradda iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda ku qeexan xeerka Nootaayooyinka waxay ruqsadda kala noqoneysaa Nootaayooyinka lagu helo fal-dembiyeedyo lid ku ah sharciga..”

Wasaaradda ayaa ku wargelisay dhammaan mas’uuliyiinta leh nootaayooyinka dadweynaha in xogta macaamiishooda oo ay la wadaagaan argagixisada tahay fal-dembiyeed weyn oo xad-gudub ku ah shuruucda iyo dastuurka dalka, falkaas oo noqonaya gacan-siin ama la-shaqeyn argagixiso oo cad.

“Qof kasta oo lagu helo gacan-siinta argagixisada wuxuu muteysanayaa ciqaabta ku qeexan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS) iyo Xeerarka kale ee dalku leeyahay,” ayey tiri wasaaradda.

“Wasaaaraddu waxay ogeysiinaysaa dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la kulma tacadiyo ku aaddan in xogtooda lala wadaago argagixisada ay si toos ah ugu soo gudbiyaan cabashadooda Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xukuumadda JFS.”

 

Xukunno dil iyo xabsi ah oo lagu xukumay askar ka tirsan AMISOM oo shacab laayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamad racfaanka Uganda ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Labo askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee howlgalka u joogay Soomaaliya oo lagu helay inay dil toogasho ah ku fuliyeen 8 qof oo rayid.

Kabtan Charles Asiimwe iyo Corporal Edison Bwambale ayaa ka mid ahaa shan askari ee Uganda u dhashay ee lagu helay todobo dambi oo dil ah oo ay ku riday maxkamadda ciidamada qalabka sida, xilli ay ku sugnaayeen Muqdisho bishii Nofembar ee sanadkii  2021-kii.

Asiimwe iyo Bwambale ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka saddexda askari ee soo hartay  ee kala ah Corporal Alexander Babu, Lance Corporal Phillip Ichumar iyo Private Kerere Tushemereirwe  lagu xukumay min 39 sano oo xarig ah.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib codsi uga yimid koox ka tirsan AMISOM oo loo xil-saaray inay soo baaraan dilka 10 qof oo rayid ah kuwaas oo lagu dilay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose.

Sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada xukunka lagu riday ayaa xiray 7 qof oo shacab ah kadib markii ciidamada Uganda ay wadada ka heleen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana waqtigaas la sheegay in Asiimwe uu amar ku bixiyey in la toogto dhammaan todobada qof ee shacabka ahaa ee aan waxba galabsan.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada dilka geystay ay sidoo kale sameeyeen fal naxdin leh kadib markii ay qarax ku xireen meydka dadkii shacabka ahaa oo ay toogteen taasoo ah mid ka baxsan bini’adaadanimada.

Markii uu dilkaas dhacay AMISOM waxay sheegtay inay dishay 7 kamid ah kooxda Al-Shabaab xilli ay isku diyaarinayeen weerar gaadmo ah oo lagu soo qaado ciidamada Uganda taasoo markii dambe la ogaaday inay tahay sheeko wax kama jiraan ah

Wax yar laba bilood ka dib, AMISOM waxay qiratay in Ciidamadooda Nabad ilaalinta ay si sharci darro ah ku dileen toddobo qof oo rayid ah gudaha Soomaaliya, iyagoo ballan qaaday in lala xisaabtami doono askartii ka dambeysay falkaas.

Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda rafcaanka ciidamada ee Kampala ayaa dhinac isaga dhigtay xukunka dilka ah Arbacadii, iyadoo xukuntay in ciqaabtu ay ahayd mid xad dhaaf ah.

Taa beddelkeeda, Capt Asiimwe iyo Cpl Bwambale ayaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah. Iyagoo wajihi doonaan 19 sano iyo saddex bilood oo kale oo xabsi ah.

Maxkamadda Racfaanka ayaa sidoo kale hoos u dhigtay 16-sano oo lagu xukumay Cpl Ichumar iyo Pte Tushemererwe, iyadoo sheegtay in labadan nin ay u hogaansameen awaamiir ka soo baxay saraakiishooda, taasi oo ay aheyd in lagu xisaabtamo marka ay xukunka ridayaan.

Corporal Babu oo kamid ah raga lagu soo eedeeyay dilalka rayidka ayaa waxaa sii daayay maxkamadda rafcaanka, iyadoo xustay in marqaatiyaasha xeer ilaalintu aysan ku lug lahayn Corporal Babu mid ka mid ah dilalka rayidka.

Qaraxii Soobe – ‘Waxa uu reebay raad weli muuqda oo aan si sahlan u duugmi karin’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo ka hadlay qaraxii Soobe ka dhacay Shan sano ka hor maanta oo kale 14-kii October 2017-kii, ayaa sheegay in weli uu muuqdo raadkiisa oo si sahlan u duugmi karin.

James Swan ayaa sidoo kale sheegay in marka la eego waqtiga qaraxa uu dhacay uu fog yahay, hase yeeshe weli xusuustooda aysan ka go’in dadka Soomaaliyeed ee ehelkooda iyo asxaabtooda ku waayay, kuwa ku dhaawacmay iyo kuwa dhibbanayaasha kale u ah qaraxaas.

“Waxaa laga yaabaa in waqti dheer laga joogo laakiin xanuunka baahsan ee uu sababay weerarkan naxdinta leh ayaa weli taagan, waxaana fikradaheenna ay ku wajahan yihiin dadka waayey qoys iyo asxaab iyo sidoo kale kuwa ku dhaawacmay,” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray James Swan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee dhibanaha u ah qaraxa ismiidaaminta ahaa ee xiligaas loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah, kaasi oo ku qarxay isgoyska saxmada badan ee Soobe.

“Qaramada Midoobay waxay si adag u garab taagan tahay dhammaan dadka Soomaaliyeed dadaalkooda hagar la’aanta ah ee lagu soo afjarayo argagixisanimada iyo sidii Soomaaliya loogu dhoweyn lahaa waddada nabadda iyo xasilloonida.”

Qaraxii maanta oo kale Shan sano ka hor ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaare aad u badan, ayada oo ku dhinteen dad ka badan 500 oo ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aad u badan.

Sidoo kale waxaa qaraxaas raq iyo ruux lagu waayay tobaneeyo ruux, halka ay ku hanti waayeen qoysas badan oo la kulmay dhibaatada halkaas ka dhacday.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo saddex arrin iska kaashanaya

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal Waaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay galab gaaray magaalada Addis Ababa ayaa xalay la kulmay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ayaa ka wada hadlay, sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee deriska, isla-markaana iskaashi xoogan looga samayn lahaa saddex dhinac oo kala ah: 1- Arrimaha amniga, 2- Ganacsiga, 3- Iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wafdiga Ra’iisal Wasaare Barre ayaa Caasimadda Addis Ababa kaga qaybgeli doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, oo looga hadlayo amniga Qaaradda Afrika.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa Warbaahinta u sheegay “Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa ay dalka Itoobiya kaga qaybgeli doonaan shir caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto, oo la yiraahdo Madasha Tana Forum, oo si gaar ah looga hadlo dhibaatooyinka amniga ee soo wajaha Qaaradda Afrika.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo la filayo in shirka uu khudbad ka jeediyo ayaa waxa uu kaga hadli doonnaa dhibaatooyinka xagga amniga ee haysta dalal fara-badan oo qaaradda ah, oo ay ka mid tahay Somaliya, oo si gaar ah ula dagaalameysa kooxda xagjirka ah ee argagixisada Al-Shabaab.”

Sawirro: Liibaan Cali Yarow oo la wareegay xilkii uu dib ugu magacaabay Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yarow ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Guddoomiyihii hore Maxkamadda Sareeyo Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka socday Ciidamada Qalabka Sida iyo marti sharaf kale ayuu Wasiirka Gaashaandhigga xilkii ugu kala wareejiyay.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yarow ayaa munaasibadaas ka sheegay in howsha uu halkiisa ka si wadi doono, isagoo u mahad-celiyay cidkasta oo gacan ka geysatay xilka loo igmaday.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada Sareeyo Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab) oo halkaasi ka hadlay ayaa isaguna sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Guddoomiyaha cusub.

Ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya kula dardaarmay guddoomiyaha cusub in uu si daacadnimo ay ku jirto u guto waajibaadkiisa shaqo, isagoona guddoomiyihii hore uga mahad-celiyay howsha uu so qabtay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka u magacaabay Liibaan oo hore uu xilka uga qaaday madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay soo jeedin uu sameeyay xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga kaasoo u jeedku ahaa in is-baddel lagu sameeyo hoggaanka garsoorka.

Daawo: R/W XAMZA oo la kulmay xulka Soomaaliya ee qarka u saaran taariikhda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay kulan dhiirigelin iyo taageerid ah la qaatay Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano, kuwaasi oo guullo taariikh ah ka soo hooyay tartanka CECAFA Zone.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku ammaanay cayaartooyda kooxda, macallinkooda iyo masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta guusha ay u soo hooyeen magaca Soomaaliyeed oo ku tilmaamay inay tahay mid dhaxalgal ah.

Mudane Xamse wuxuu dhallinyarada u sheegay in Soomaali oo dhan ay dhinacooda soo eegayaan cayaarta kama dambeysta ah – isagoo u ballanqaaday abaalmarin weyn oo ay ku farxaan haddii ay ku soo guuleystaan iyo haddii aysan koobka soo qaadinba.

Kooxda kubadda cagta Da’yarta Soomaaliya ayaa cayaarta finalka waxa ay isaga hor iman doonaan kooxda South Sudan maalinta Sabtida – waxaana labada koox ay u soo baxeen tartanka AFCON ee 2023 ka dhici doona Aljeeriya. 

Daawo: Jeneraal Gacma-duule oo shaaciyay howl-galo culus oo hor leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duule) ayaa faah faahin ka bixiyay halka ay marayaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Jeneraal Gacma-duule ayaa sheegay inay ciidamada ku jiheysan yihiin deegaano ay weli ku sugan yihiin dagaal-yahaanada Al-Shabaab, islamarkaana ay soo afjari doonaan.

“Ujeedada u horeysa dagaalka waa in Al-Shabaab laga sifeeyo, taas oo la tixraacayo iclaamkii madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya. Maalmaha soo socda howlahooda waa soo afjarmi doona insha allah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in howl-gal culus u jiheysan yahay gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, isagoona sheegay in war farxad leh ay dhawaan maqli doonaan umadda Soomaaliyeed.

“Kuwii u dhintay xoreynta dalka Allaha janadiisa ka waraabiyo, kuwii u dhaawacmayna Ilaahay caafimaad ha siiyo.”

Jeneraalka ayaa ugu dambeyntiina bogaadiyay sida ay shacabka isku abaabuleen ee qeyb uga yihiin dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, kuna dhiirigeliyay inay halkaas kasii wadaan halganka.

“Qofkasta oo Soomaali ah waxa waajib ku ah in gacan ka geystaan in dalka laga cirib-tiro nimaankaas diin-lawaayaasha. Waxa ku dardaarmeyna khawaarijta oo maalmaha soo socda madaxa laga wada gooyo.”

Kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa beelaha oo is abaabulay ayaa toddobaadyadii dambe laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga qabsaday deegaano ay ka talinayeen sanado badan.

Daawo: “Xasan markii uu ka adkaaday Farmaajo dabkuu naga riday” – Cali Mareexaan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh uu garab istaag ka dalbaday xiligii uu loolanka adag kala dhaxeeyay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Biyaha Somaliland Cali Mareexaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan ka hor inta aan loo dooran madaxweynaha Soomaaliya uu markasta lasoo hadli jiray madaxda sare ee Somaliland, si ay ugu garab siiyaan damiciisa siyaasadeed iyo in uusan soo laaban Farmaajo.

“Xasan Sheekh barigii dhaweyd uu Farmaajo ka adkaaday telefoonka ayuu dabka naga riday, habeen iyo maalin wuu soo hadlayay oo waxa uu lahaa gurmad baa u baahanahay,” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xasan Sheekh uu ku abaal dhacay Somaliland, inkasta oo si cad uusan u tilmaamin wasiirka abaalka ay madaxda Somaliland u gashay madaxweynaha Soomaaliya.

“Soomaalidu waxay tiraahda waxay kugu daran tahay marka midka ka heelineyso ku garto, kaad u hiilineyso ku garan waayo oo maangab noqdo. Waxa la hadlaya dadkooda taariikh fara badan ayaa lasoo mare nimankaas eeda idiin soo jiidaya ee umadda reer Somaliland ku gafaya dib u eega.”

“Abaal xumadu ma wanaagsana, dunida himika oo qudha ma aha oo waxa laga yaaba in wax badan la isku baahdo. Marka ay isku kiin dubo dhacdo cayda iyo af xumada joojiya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay isaga oo ka jawaabaya hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo uu ku sheegay maamul.

Hoos ka daawo muuqaalka

Geelle oo qaaday tallaabo deg deg ah kadib weerarkii ka dhacay dalka JABUUTI

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa amray in fadhi deg deg ah oo ay isugu yimaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Jabuuti, kaasi oo lagu wado in uu dhawaan qabsoomo.

Ajendaha kulankaan caadiga aheyn ayaa waxa lagu sheegay ansixinta Sharciga qabyada ah ee Nidaamka la-dagaalanka xagjirka, kaasi oo xaalad dagaal loo isticmaalo una ogolaanaya awood kasta iyo hub nooc kasta oo la-haysto.

Amarkaan deg deg ah ee kasoo baxay madaxweynaha dowladda Jabuuti ayaa imanaya kadib markii dhawaan Jabhad hubeysan oo kasoo jeeda Qowmiyada Canfar-ta ay weerar ka bilowday gudaha Jabuuti.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Jabuuti ayaa lagu eedeeyay weerarka lagu qaaday saldhiga Garabtiisan ee waqooyiga dalka yar ee ku yaalla Geeska Afrika inay ka danbeeysay kooxda hubeysan ee FRUD (Front for the Restoration of Unity and Democracy), oo ay wasaaraddu ku tilmaantay “koox argagixiso ah”.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku cambaareeyey weerarka ay fallaagadu ku qaadday saldhigga ciidan, waxaana uu sheegay in dowladdu ay sharciga horkeeni doonto kooxda weerarka qaaday.

Tan iyo markii ay weerarka soo qaaday jabhada hubeysan ayaa la la’ayahay 7 Askari oo lasoo warinayo inay dagaal ku qabsadeen, iyadoo dawladdu baadigoob ku jirto.

Si kastaba, Jabuuti oo ku taalla mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan dunida ee ay badda cas ku kulmaan gacanka Cadan, ayaa martigelisa saldhigga kaliya ee Maraykanku ku leeyahay Afrika iyo saldhigga ugu weyn ee ciidamada Faransiiska uu ku leeyahay caalamka.