27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo saaray go’aan culus oo la xiriira ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo uu maanta shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Salaax Jaamac ayaa waxa laga soo saaray go’aan culus.

Golaha Wasiirada ayaa gebi ahaanba mamnuucay in ciidanka xooga dalka loo adeegsado wax ka baxsan waajibkooda dastuuriga, xili uu dalka ku jiro xaalada dagaal.

Sidoo kale waxa uu golaha ka dhageystay warbixin Wasiirka Gaashaandhiga, taasi oo ku saabsaneyd halka ay marayaan hawl-galada lagu baacsanyo argagixisada iyo guulaha wax-ku-ool ah ee ay gaareen ciidamada qalabka iyo dadka deegaanka oo is-kaashanaya.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha asagna ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo halka ay marayaan hawlaha gurmadka.

Ugu dambeyntiina waxa shirka golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya lagu soo bandhigay warbixino la xiriira Isgaarsiinta iyo caafimaadka dalka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waxaa si gaar ah diirada lagu saarayay xaalada dagaal ee ku jiro dalka, ayada oo shirka kasta golaha uu soo saaray go’aamo muhiim u ah xaalada taagan.

Sawirro: XAMZA oo gaaray magaalada Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Cumar iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb-gali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana Shirkan oo ay ka qayb-galayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo hay’ado caalami ah.

Shirkaan ayaa waxaa diirrada lagu saarayaa arrimaha amniga ee guud ahaan Qaaradda Afrika.

Xamza ayaa khudbad ka jeedin doono madasha, wuxuuna ka hadli doono amniga gobolka iyo kan Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda.

Sidoo kale wuxuu afhayeenku tilmaamay in ra’iisul wasaaraha uu kulan duceed la yeelan doono madaxda ka qayb-galeysa shirkan, isaga oo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la filayaa inuu wadahadallo la yeesho ra’iisul wasaare Abiy Axmed, maadaama uu shirka martigeliyey, kaas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana labada dowladood ay wajahayaan dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir ku xigeenka Duulista Hawada, General Sulub Axmed Firin, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdixakiim Xasan Ashkir, Senator Ilyaas Beddel Gaboose, La Taliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dowladda Sacuudiga oo si weyn u difaacday go’aankii ka careysiiyey Mareykanka

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudia Carabiya ayaa diiday kuna sheegtay “wax aan xaqiiqda ku saleysneyn” dhalleeceynta ka dhanka ah go’aankii uu toddobaadkii tegay qaatay ururka OPEC+ ee uu ku dhimayo wax soo-saarka saliidda, xilli Mareykanka uu aad uga soo horjeedo.

Sacuudi Carabiya waxa sheegtay in codsiga Mareykanka uu ahaa in go’aanka dib loo dhigo hal bil kaliya, uuna yeelan lahaa cawaaqib dhaqaale oo taban.

Go’aanka OPEC+ waxaa lagu qaatay si heshiis ah ayada oo lagu xisaabtamayo isu-dheeli tirka soo-saarka iyo dalabka, waxaana looga dan lahaa in lagu xakameeyo xasillooni darrada suuqa, waxaa sidaas bayaan ay maanta soo saartay ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Talaadadii wacad ku maray “Inuu jiri doono cawaaqib” ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga kadib go’aankii OPEC+ ee toddobaadkii ay qaateen ayaga oo ku gacan sayray diidmada Mareykanka.

Kooxda OPEC+ oo ka kooban dalalka shidaalka dhoofiya iyo Russia ayaa toddobaadkii tegay ku dhowaaqay inay dhimayaan bartilmaameedkooda wax soo-saar kadib toddobaadyo uu Mareykanka waday qalqaalo ah inaysan sidaas sameyn.

Dhimista OPEC+ ayaa Washington ka buurtay walaac ku saabsan suurta-galnimada ah inuu sare u kaco qiimaha shidaalka kahor doorashada dhexe ee November, taasi oo Dimoqraadiga ay isku dayayaan inay sii xajistaan maamulka Aqalka Wakiilada iyo kan Senate-ka.

Wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa maanta xustay wadatashiyo ay la yeelatay Mareykanka kahor kulankii OPEC+ ee 5-tii October, taasi oo lagu weydiistay inay dhimista dib u dhigto muddo bil ah.

“Boqortooyadu waxay caddaysay iyada oo la tashanaysa maamulka Maraykanka in dhammaan falanqaymaha dhaqaale ay muujinayaan in dib u dhigista go’aanka OPEC + muddo bil ah, sida lasoo jeediyey, ay yeelan lahayd cawaaqib dhaqaale oo taban,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga.

Mareykanka ayaa ku eedeeyey Sacuudi Carabiya inay isu dhiibtay Ruushka oo kasoo horjeeda in dalalka Reer Galbeedka ay xaddidaan qiimaha shidaalka Ruushka ayaga oo uga jawaabaya duulaanka ay Moscow ku qaaday Ukraine.

Bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga, oo soo xiganaya sarkaal aan la magacaabin, ayaa adkeeyey in dhimista “ay sii buuxdo ugu saleysneyd dhaqaale.”

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in boqortooyada ay u aragto xiriirkeeda Mareykanka mid “Istaraatiji ah” waxayna xoojisay muhiimadda ay leedahay in la is-ixtiraamo.

Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa sidoo kale soo saaray bayaan uu ku taageerayo hadalka Sacuudiga, wuxuuna amaanay dadaallada boqortooyada ay suuqa uga ilaalineyso qalalaase.

REUTERS, VOA

Daawo: Xusul oo ku biiray abaabulka socda – Maxaa iska beeddalay mowqifkiisii?

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa xirtay dharka tuutaha ee ciidanka, isaga oo ku biiray abaabulka ka socda Shabeelaha Dhexe, si uu u dhiira-geliyo ciidanka Xoogga.

Xusul oo horey loogu dhaleeceeyey hadal kasoo yeeray oo ku aadan weerar uu ku qaaday Macawiisleyda dagaalka kula jirta Al-Shabaab, ayaa hadda bedelay mowqifkiisii hore,  wuxuuna qayb ka noqday howlgallada ka socda dalka, gaar ahaan Shabeelaha Dhexe.

Xidlhibaanka oo la hadlayey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo u baxay degmada Cadale ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada gobolka.

“Waxaa halkan ka dhaqaajinaayo oo ah  duleedka magaalada Muqdisho ciidamada Birmad Bulsho oo raba inay ku baacsadaan argagixisada cadowga ah ee Al-Shabaab ee ku soo daalay dalka iyo dadka  muddada dheerna heystay,” ayuu yiri xildhibaan C/risaaq Xusul.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay inay guul kasoo hooyaan dagaalka, ayna tegi doonaan furimaha hore ee dagaalka, si loo dhiirageliyo ciidamada iyo shacabka

“Waxaan rabnaa inaan caawaba u hooyano aagaga hore annaga oo aan kala harin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

C/risaaq Xusul ayaa sidoo kale baaq u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay qayb ka noqdaan dagaalkan oo uu horey u  iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dagaalkan iclaamintiisa madaxweynaha isagaa iska leh, mar haddii madaxweynihii dagaalka iclaamiyeyne wuxuu noqonayaa dagaalka mid waajib ku ah qof kasta,”.

Daawo: Goodax oo su’aalo adag ka keenay ciidamada lagu uruurinayo CADALE

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, ahna xildhibaan hore Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo muuqaal iska soo duubay ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo deegaannada HirShabelle.

Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in laga hagraday beesha uu kasoo jeedo ee Xawaadle oo haatan Al-Shabaab kula dagaalameyso gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ka billowday degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo la geeyey ciidamo aad u tiro badan, isaga oo ka keenay su’aallo shaki leh oo ku aadan abaabulka ka socda halkaas oo ay horkacayaan mas’uuliyiin.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa sheegay in loo baahan yahay in la’is weydiiyo sababta ay Al-Shabaab culeyska usoo saareen Hiiraan, ayada oo dhanka Cadale ay ka socdaan guluf kale oo ay wadaan madaxweynaha HirShabelle, xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo sar sare.

“Waxaan isweydinaya ciidankii iyo gaadiidkii faraha badnaa ee laga diray Muqdisho ee Cadale gaaray oo rag masuuliyiin ah iyo madaxweynaha Hirshabeelle u tageen oo Cadalle sawiro kula soo galeen, sababta Al-Shabaab tiro badan oo kumanaan gaaraya ay u soo dhaafaan deegaanadooda oo ay Hiiraannu soo weerarayaan, ma heshiis qorsoonba jira, mase waxayba yasayaan in halka ciidanka jooga waxka tari karin,” ayuu yiri Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu jiro tuhun weyn oo ay ka qabaan arrintaasi, isla-markaana ay tahay in si hoose loo eego qaabka ay hadda wax u socdaan.

“Koley tuhuna ba jira, waana in la is weydiiyaa awooda ciidan ee Cadale joogta shabaab asoo og inuu Hiiraan xooga soo saaro” ayuu sii raaciyey Cabdullaahi Goodax Barre.

Ugu dambeyn Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku baaqay in dagaalka Al-Shabaab daacad laga noqdo, isla-markaana la garab istaago walaalaha Soomaaliyeed ee reer Hiiraan.

“Dalka waa la isla leeyahay oo hadii la rabo yo dhalyo iyo walaalnimo, Soomaalinimo in lagu wada joogo waa in dagaalada lagala qeyb qaata Xawaadle, mahan in hal qabiil kaliya dabka la saaro oo indhaha laga fiirsado,” ayuu markale yiri wasiiir hore Goodax Barre.

Hadalkan ayaa ku soo aadauo, ayada oo haatan ciidamo badan oo ka baxay Muqdisho ay gaareen degmada Cadale, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Shabaab.

Afhayeenka Shabaab, Cali Dheere oo soo hadlay kadib markii la sheegay in la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo dhowaan ciidanka xoogga dalka ay sheegeen in lagu dilay dagaallada gobolka Hiiraan ayaa soo hadlay, taasi oo meesha ka saartay sheegashadii dowladda.

Cali Dheere ayaa cod lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab waxa uu kaga hadlay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanada Yasooman iyo Beera-Yabaal ee duleedka degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan. 

Codka ay xalay baahisay Al-Shabaab ayuu Cali Dheere ku sheegayaa in taariikhdu tahay 12-ka October 12, 2022, taasi oo u muuqata mid looga dan leeyahay in lagu xaqiijiyo inaanu aheyn cod horey loo duubay.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii shalay ay ku dileen 117 askari oo ka mid ah ciidamada dowladda, inkasta oo sheegashadaas aan si madax-banaan loo xaqiijin karin, ayada oo dowladda ay horey u sheegtay in khasaare culus dagaalkaas lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Raadiyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee SNA Radio ayaa 6-dii October sheegtay inuu afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaal.

Qoraal lasoo dhigay bogga facebook ee Raadiyaha ayaa lagu yiri “Xog muhiim ah oo warbaahinta codka ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in afhayeenka argagixisada Al-Shabaab dhagar qabe Cali Dheere Axaddii lasoo dhaafay 04:30 galabnimmo uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Cali Dheere uu isbitaal la jiifay dhaawac culus oo kasoo gaaray dagaal ciidanka xoogga iyo shacabka xoreynta Hiiraan ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, Khamiistii lasoo dhaafay ee 29-kii September ee 2022. 

Xasan Sheekh oo Liibaan Cali Yarow dib ugu soo celiyey xilkii uu ka qaaday Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka u magacaabay guddoomiyihii hore ee uu xilka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa Jeneraal Liibaan Cali Yaroow dil loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida oo hore xilkaasi u soo qabtay.

Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa laga qaaday Gen. Maxamuud Axmed Xasan (Dalab), kaasoo madaxweyne Farmajo uu xilkaasi u dhiibay, balse aanu muuqan waxqabadkiisa.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay soo jeedin uu sameeyay xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga kaasoo u jeedku ahaa in is-baddel lagu sameeyo hoggaanka garsoorka.

Wasiirku wuxuu sheegay in Guddoomiyaha cusub S/Guuto Liibaan Cali Yarow uu xilligaan ahmiyad gaar ah u leh la dagaallanka Kooxda Al-Shabaab, wuxuuna u mahadceliyay Guddoomiyihi hore S/Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Waa markii 2-aad ee Liibaan Yarow qabanayo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida, bishii September 2014 ayayna ahayd markii uu isla-xilkaan u magacaabay Wasiirkii Gaashaandhigga ee xilligaas Maxamed Sheekh Xasan.

S/Guuto Liibaan Cali Yarow oo shahaadada Master-ka ka diyaariyey culuumta amniga ee Jaamacadda Naayif Al-Carabiya oo ku taalla Sacuudiga, ayaa hore u soo noqday Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidammada qalabka sida.

Daawo: Beel MUQDISHO ku soo bandhigtay qorshaheeda DAGAALKA Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Wacaysle ee Abgaal ayaa caawa ciidankii ugu badnaa ka ambabixisay magaalada Muqdisho, ciidankaan ayaa Al-Shabaab ka xorey doona degmada Ceeldheer iyo deegaanada hoostaga ee gobolka Galgaduud, halkaas kooxdu ay ku xoogan tahay.

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul, Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Jeneraal Gacmadulle oo warbaahinta kula hadlay halkii laga ambabixiyey ciidankaan ayaa sheegay in deegaanada beesha ay maalmaha soo socda ka xorey doonaan Al-Shabaab.

“Waxaan caawa duleedka Muqdisho ka dhaqaaqaya ciidankii xorey lahaa deegaano badan oo Khawaarijtu joogto, waxaan caawa u hoya doonaa aagagga hore anagoo aan kala harin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baaqa madaxweynaha ay deg deg uga jawaabayaan oo dalka xoreyntiisa ay ka qeyb qaada doonaan, “Dagaalkaan dalka oo dhan ka socda waa in qof kasta doorkiisa uu ka qaato,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ku dheeraaday sharaxaada dhagarta Al-Shabaab.

Dhankiisa Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa yiri, “Waxaan caawa u diyaarsanahay, in kaalinteena aan ka qaadano dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, reer Hiiraan sida ay u dagaalamayaan ayaan u dagaalami doonaa, madaxweynaha ayaa iclaamiyey dagaalkaan, cid ka dambeysana wax laga weydii maayo, dadkii horay dagaalka ugu jiray waxaan u sheegeynaa in bariga gobolka Galgaduud aan ka dagaal geli doono.”

Jeneraal Gacmadulle ayaa yiri, “Waxaan u jaheysanay goobaha ay Al-Shabaab ka joogaan gobollada dalka, waxaan hambalyo leeyahay dadka Soomaaliyeed ee cadowga la dagaalamaya, waxaan ku soconaa gobollada Shabeellada Dhexe, Galgaduud iyo Hiiraan, war farxad leh ayaana soo yeeri doona maalmaha soo socda iyo in Khawaarijta madaxa laga wada gooyo.”

Hoos ka daawo Xidhibaan Xusul

Deni oo tallaabo u qaaday arrin ay si weyn u diidan yihiin ururada siyaasadda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weli ku taagan qorshihiisii ahaa inuu deegaanada maamulkaas ka qabto doorasho qof iyo cod ah kadib 20 sano oo uu maamulkaas ku shaqeenayey doorasho baarlamaani ah.

Saciid Deni ayaa casuumaad heer sare ah u sameeyey qaar kamid ah Ururada Siyaasadda wuxuuna kala hadlay hirgalinta doorashada golayaasha deegaanka oo la gaarsiinayo guud ahaan deegaanada iyo habka ay uga qeybgeli karaan ururada siyaasadda ee dumuqraadiyadda ku dhisan

“ waxaan kulan la qaadanay Ururada Siyaasadda iyo Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, waxaan iska xog wareysanay halka uu marayo diyaargarowga dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Madaxtooyada Puntland ayaa shaacisay in Ururada Siyaasadda ay ku garab istaageyso caawinaad dhanka maaliyadda ah oo lagu maareeynayo howlahooda, wuxuuna Saciid Deni u ballan qaaday ururada in  bil kasta la siin doono lacag cayiman.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka jawaabaya soo jeedinta Ururada Siyaasadda ayaa ku dhawaaqay in Dowladdu taageero dhaqaale la garab istaagayso Ururada Siyaasadda, Dowladda ayaa $10,000 howlgelinta koowaad siinaysa Ururkasta Iyadoo inta howsha Doorashada iyo ololaha socdona bil kasta Ururkasta lasiinayo $3,000 oo joogto ah”. ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Deni.

Kulanka waxaa qaadacay qaar ka mid ah ururada siyaasadda, waxayna qaarkood kol hore ka biya diideen qaabka Xukuumadda Deni u wajahayso doorashada goleyaasha deegaanka Puntland oo madmadow badan ku jiro sida ay ku doodeen.

Urur Sincad oo uu hogaamiyo Eng Mohamud Khalif Hassan Jabiye ayaa shuruudo ku xiray doorashada goleyaasha deegaanka, iyadoo Senator Cabdiraxmaan Faroole oo hogaamiya Urur Siyaasadeedka Horseed ku tilmaamay doorashada qof iyo cod ee Puntland boob xukuumadda hadda jirta ay waqtiga ku dheeraysanayso.

Deni ayaa hadda iska indha tiraya Ururada diidan nidaanka xukuumaddiisu u wajahayso Doorashada Puntland oo in ka badan 20-sano ku taameysay Doorasho hal qof iyo hal cod ah ilaa iyo haddana aan helin hogaamiye hirgaliya.

Lama ogo halka ay ku dhammaan doonto dooda u dhaxeyso madaxweyne Deni iyo ururada siyaasadda Puntland, waxaana jirto cabsi ku aadan inuu Saciid Deni sameysto muddo kororsi isagoo taas ku sababeenayo diyaarinta doorasho qof iyo cod ah.

AfroAtlas iyo Lufthansa oo gaaray heshiis dan ugu jirto shirkaddaha Soomaalida ee iibiya tikidhada diyaaradaha

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkadda AfroAtlas oo ay lee yihiin ganacsato Soomaali ah iyo shirkadda reer Yurub ee diyaaraddaha ee Lufthansa Group ayaa maanta magaalada Nayrobi ku soo bandhigay adeeg cusub oo ay labada shirkadood isaga kaashanayaan sidii farsamada casriga ah ee NDC la soo gaarsiin lahaa Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Barnaamijka cusub ee NDC ayaa u sahlaya macaamiisha AfroAtlas inay helaan qiimayaasha jaban ee NDC ee shirkadaha diyaaradaha ee ku bahoobay Lufthansa Group ee kala ah Lufthansa, Swiss, Austrian Airlines, Brussels Airlines iyo Eurowings.

Melford Ndungu oo ka socday Lufthansa Group ayaa munaasabadda ka sheegay in AfroAtlas ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee fadhigeedu yahay Bariga Afrika ee ay heshiis noocaan ah la galaan, iskana kaashanayaan sidii farsamadan casriga ah loo gaarsiin lahaa wakiillada safarka iyo guud ahaan musaafiriinta dooneysa inay ku socdaalaan shirkadaha ku bahoobay Lufthansa Group. Wuxuu xusay in qiiimayaasha laga heli doono barnaamijka AfroAtlas ay ka jaban yihiin kuwa laga heli karo nidaamka kale ee loo yaqaano GDS ee ay isticmaalaan inta badan wakiillada safarka (travel agents).

Marwo Agnes Mucuha oo madax ka ah Kenya Association of Travel Agents (KATA) iyo Mudane Anthony Ochieng oo madax ka ah Tour Operators Society of Kenya (TOSK) oo matalayay shirkadaha bixiya adeegyada safarka iyo dalxiiska Kenya ayaa munaasabadda ka sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin barnaamijkan, iyagoo ballanqaaday inay AfroAtlas kala shaqeynayaan sidii adeeggan loo gaarsiin lahaa dhammaan shirkadaha ka ganacsada safarrada iyo dalxiiska.

Ugu dambeyntii, Maamulaha Guud ee shirkadda AfroAtlas, Axmed Ugaas, ayaa u mahadceliyay dhammaan martidii ka soo qeybgashay xafladda furitaanka adeegga NDC ee Lufthansa Group. “Farxad weyn ayay noo tahay in aan soo bandhigno adeeggan. Dhiirrigelin weyn ayay noo tahay in shirkadaha diyaaradaha gobolka iyo kuwa caalamiga ahba ay noo doorteen inaan kala shaqeyno sidii aan adeegyadooda u gaarsiin lahayn qaaradda Afrika iyo adduunka intiisa kaleba” ayuu yiri Axmed Ugaas oo intaasi ku daray “Inkastoo xarunteenu tahay qaaradda Afrika, haddana adeegyadeena waxaa ka faa’iideysan kara cid kasta oo dooneysa inay sii iibiso tikidhada Lufthansa Group iyo diyaaradaha kale ee aan xiriirka la leenahay. Adeeggeena waa mid aan xuduud lahayn oo ay ka faa’iideysan karto cid kasta oo ku jirta ganacsiga safarka iyo dalxiiska meel kasta oo ay joogto.”

Lufthansa fadhigeedu waa magaalada Cologne ee wadanka Jarmalka, halka Afro Atlas ay fadhiyo waa weyn ku leedahay Nairobi iyo Dubai.

Wafdi ka soda Somalia oo ka qeybgalaya shirka cimilada iyo amniga ee Berlin + Video

Berlin (Caasimada Online) – Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa waxaa lagu qabtay shir aad u ballaaran oo caalami ah oo ku saabsanaa isbadalka cimilada iyo ammaanka.

Shirka waxaa ka qeybgalay madax kala duwan oo adduunka ka timid, qabiiro iyo daneeyaasha wax ka qabashada arrimaha deegaanka iyo isbadalka cimilada.

Soomaaliya waxaa kulanka uga qeybgalay wafdi ay hoggaamineysay Wasiirka qaabilsan arrimaha dhinaca deegaanka iyo isbadalka cimilada ee dalka Soomaaliya Ambassador Khadiija Maxamed Al-Makhsoumi.

Shirka oo socday laba maalin waxaa lagu fallanqeeyey sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada isbadalka cimilada, xagga amniga iyo sidii loo wajihi dhibaatooyinka dhanka biyaha ee ka taagan adduunka.

Intii uu shirkaan ka socday magaalada Berlin ayaa wafdiga Soomaaliya ka socday oo ay hoggaamineysay wasiir Al-Makhsoumi waxay kulamo gaar gaar ah la yeesheen madaxdii shirkaan ka qeybgashay qaarkood, waxaana madaxdii la kulantay kamid ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Germany.

Wasiir Al-Makhsoumi ayaa dowladda Jarmalka kala hadashay sidii ay kaalin mug leh uga qaadan laheyd arrimaha ku saabsan dhinaca Soomaaliya ee wax ka qabashada isbadalka dhanka cimilada iyo xagga amniga.

Dhanka kale wasiir Al-Makhsoumi ayaa qadka taleefoonka kula hadashay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka waxayna labada mas’uul ka wada-hadleen isbadalka cimilada Soomaaliya.

“Waxaan taleefonka kula hadlay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka. Waxaan ka wada hadalnay arrimaha isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka. Waxaan isku raacnay inaan dhidibada u aasno iskaashiga labada dal ee isbeddelka cimilada iyo hindisooyinka ilaalinta deegaanka.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Sawirro: Aadan Madoobe oo la kulmay jaaliyadaha Soomaalida Netherlands

Amsterdam (Caasimada Online) – Wefdi uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka FS Sheekh Aadan Maxamed Nuur [Madoobe] oo shalay soo gaaray waddanka Netherlands, kaddib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa  Vera Bergkamp ayaa xalay Magaalada De Heeg kula kulmay xubno ka tirsan jaaliyadaha Soomaalida iyo madaxdooda.

Kulankan, oo ahaa mid is-xog-iswareysi ahaa, waxaa soo qabanqaabiyay safiirka Soomaaliya ee waddamada Benelux iyo Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaashiin Xaashi iyo Dalladda FSAN ee fadhigeedu yahay Amsterdam, ahna dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaaliyeed oo ka dhisan Netherlands.

C/wahaab Yariisow oo ka tirsan Guddiga FSAN oo ugu horreeyn kulankaasi ka hadlay ayaa si guud ugu sharxday wefdigii Guddoomiyaha xaaladda Soomaalida ku dhaqan Netherland iyo doorkooda ku aadabn sidii ay kaga qeybqaadan lahaayeen Dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Soomaalida Holland ay caan ku yihiin in ay si midnimo leh kaga qeybqaataan sidii loo soo celin lahaa haykalkii Dowladnimada Soomaaliya.

“Guddoomiye, mushtamaca Soomaaliyeed ee ku dhaqan Netherland waa mushatamac  jecel in Dowladnimo taam ah dalkoodu ka hana-qaado, waxaan ku boorineynaa Dowladda cusub ee aad adigu hormuudkeeda ka mid tahay ilaalinta sharciga iyo in ummadda loogu khidmeeyo si cadaalad ah” Ayuu yiri C/wahaab Yariisoow. 

Zahra Siyaad Naaleeye oo dallada FSAN u qaabilsan arrimaha bulshada, waxay ku dooday in la duudsiiyay haweenka kootadii ay Baarlamaanka ku lahaayeen, waxayna ka codsatay Guddoomiye Aadan Madoobe sidii loo sixi lahaa qaladaadkii dhacay.

“Waxay ii tahay fursad qaali ah inaan halkan ka caddeeyo in lagu xagudbay awood qeybsigii kuraasta baarlamaanka, oo aan haweenka la siin kootadii ay xaqa u lahaayeen ee markii horeba ay saluugsanaayeen. Guddoomiye, waxaan kaa codsaneynaa inaad arrintaasi sixitaankeeda u howlgasho” Ayeey tiri Zahra Siyaad Naaleeye.

Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN C/qaadir Cali [Nuune] oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii madashaasi ka hadlay, wuxuu sheegay isaga oo ku hadlayay magaca guud ahaan mushtamaca Soomaalida iyo kan dalladda FSAN inuu ku soo dhoweynayo wefdiga Guddoomiyaha baarlamaanka waddanka Netherlands.

“Guddoomiye adiga iyo wefdigaaga lu soo dhowaada Netherland.  Waxaan soo dhoweyneynaa Dowladda cusub, waxaan rajo ka qabnaa Madaxweyne Xassan iyo RW Xamza in iyaga oo ka faa’ideysanaya khibradooda siyaasadeed in ay dalka u jiheeyaan nidaam Dowladeed oo ku dhisan isla xisaabtan iyo  sareynta sharciga” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, wuxuu intaasi ku daray in dalkan Holland ay joogaan aqoonyahanno Soomaaliyeed oo leh taqasusyo kala duwan, kuwaas oo doonaya in  khibradooda ay bilaa shuruud kaga qeybqaataan hannaanka Dowladeed ee dalka. 

“Madaxda Dalka iyo cid kasta oo ka tirsan howl-wadeenada Dowladda waa shaqaale ummadeed, waajibaadkooduna wuxuu ku jaan go’an yahay waxa Dastuurka ku qoran, Baarlamaanka maadaama uu yahay awooddii sharci dejinta iyo ilaalinta, waa in ay si cadaalad ah ula xisaabtaan hay’adaha Dowladda” Ayuu yiri C/qaadir Nuune.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Benelux iyo Midowga Yurub Danjire Yoonis oo hadalka qaatay, wuxuu dhinaciisa kaga warbixiyay wefdiga Guddoomiyaha sida ay safaaradiisu isugu howshay isku duba-ridka dadka Soomaaliyeed ee “illite” ka ah ee ku dhaqan Biljamka iyo Holland, iyada oo ujeeddada lagaga gol-leeyahay na ay tahay in la helo dad Soomaaliyeed oo waxtar u leh in ay ka qeybqaataan dedaaladda ay Dowladdu hormuud-ka ka tahay ee dhinacyada abaaraha iyo la-dagaalanka kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo gebagebadii kulanka hadlay wuxuu sharaxay dedaaladda ay dowladdu wado ee ku aadan la dagaalanka iyo cirib-tirka kooxda Alshabaab, sida uu sheegay iyo in gurmadka abaaraha.

“Dowladdu waxey la kowsatay dagaalo lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada, dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ku boorinayaa in loo midoobo sidii Alshabaab la isaga qaban lahaa” Ayuu yiri Sh. Aadan Madoobe, wuxuu intaasi raaciyay in ay muuqato iftiin iyo rajo sidii Dowladnimadu u guuleysan laheyd.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan 

Xog: Deni oo weli ku dhegan arrin uu wacad ka maray baarlamaanka Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weli kusii dhigan meel-marinta Guddiga Maxkamadda Sare, oo kal hore u diidey Baarlamaanka Puntland.

Saciid Deni ayaa wada abaabul xoogan oo ku doonayo in uu kusoo celiyo Guddigaasi Golaha, kaasi oo uu horkacayo Axmed Yuusuf Taaraan oo uu u xushay in uu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dowlad goboleedka Puntland.

“Deni ayaa diyaarinaya in uu xubnahaan horgeeyo golaha wakiilada marka uu dib u furmo kal-fadhigooda 25-ka bisha October ee sanadkaan 2022-ka,” ayuu yiri sarkaal muhiim ah oo arrintaan si dhow ula socda arrintaas.

Madaxweynaha ayaa waxaa ka go’an in kalkaan xubnaha magacaaban u heli lahaayeen codka kasloonida, kuwaasi oo laba jeer dib u celiyay xubnaha magacaaban uguna baaqay madaxweynaha in uu soo badalo shaqsiyaadkan.

Waxay markii ugu dambeysay aheyd ee Baarlamaanka Puntland uu go’aamiyeen in aan dib dambe loo horkeeni karin guddigaan magacaaban ayaa aheyd 4-tii July ee sanadkaan.

Sababta u weyn ee Deni ku riixaysa in uu weli kusii dhaganaado meel-marinta guddigaan ayaa lagu sheegay inay tahay guddoomiye Taaraan, si uu ugu adeegsado barnaamijkiisa doorashada deegaanka ee khilaafka xoogan uu ka taagan yahay iyo ku darsiga.

Madaxweyne Deni oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa madaxtinimada Puntland ayaa waxa uu ka shaqeynaya qorshe uu kusii joogi karo xilka u sareeya maamulka, si uu markale ugu tartamo madaxtinimada Soomaaliye ee sanadka 2026-ka oo doorashadii dhoweyd uu kamid ahaa xubnihii ugu cad-cadaa.

Taalibaan oo dalab culus u dirtay dowlada Mareykanka

0

Islamabad (Caasimada Online)Dowladda Taalibaan ee Afghanistan ayaa Arbacadii dhaleeceysay cunaqabateynta cusub ee Mareykanku kusoo rogay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasheeda, iyadoo ku tilmaantay “mid caqabad ku ah horumarka” xiriirka labada dal.

Falcelintan ayaa timid maalin kadib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay siyaasad cusub oo xaddideysa fiisaha, si loogu ciqaabo hoggaamiyeyaasha hadda ama kuwii hore ee Taalibaan iyo kuwa kale ee “la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ku lug leeyihiin, cabburinta” haweenka iyo gabdhaha Afghanistan, iyadoo loo marayo siyaasado xaddidan iyo rabshado.

“Go’aamadan oo kale waxay saameyn xun ku yeelan karaan xiriirka labada dhinac,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Taalibaan. “Dhammaan khilaafyada waa in lagu xalliyaa dariiqyo diblomaasiyadeed, go’aannada aan ka shaqaynayn danaha labada dhinac waa in dib loo eego,” ayay raacisay Taalibaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken, ayaa markii uu shaaca ka qaaday cunaqabateynta Talaadadii, wuxuu sheegay in xubnaha qoyska ee dadka la cunaqabateeyay sidoo kale laga yaabo in lagu soo rogo xayiraadahan.

Blinken wuxuu ugu baaqay dowladaha kale inay ku biiraan Washington si ay u qaadaan tillaabooyin la mid ah si ay farriin wadajir ah ugu diraan Taliban in kaliya dowlad matasha dhammaan Afghanistaan oo ixtiraamaysa xuquuqahooda bini’aadannimo loo aqoonsan karo sharci.

Taalibaan ayaa difaacday siyaasadooda, iyagoo sheegay inay waafaqsan yihiin dhaqanka Afghanistan iyo awaamiirta Islaamka.

Waxay sidoo kale sheegeen in dowladda rag kaliya ah ay matasho dhammaan dadka Afghanistan, waxayna meesha ka saareen eedeymaha ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka oo ay ku tilmaameen dacaayad warbaahinta reer galbeedka, taas oo ka dhan ah maamulkooda.

Dowladaha shisheeye weli ma aqoonsan dowladda cusub ee Afghanistan sababo la xiriira xuquuqda aadanaha iyo walaacyada la xiriira argagixisada.

Xamza oo maanta u baxay safar dibadeed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Itoobiya, halkaas oo uu uga qayb-galayo shirweyne caalami ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka kusii sagootiyey xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, waxaana lagu casuumay shirka Madasha Tana oo sanadkiiba mar la qabto.

Shirkan oo ay ka qayb-galayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo hay’ado caalami ah ayaa waxaa diirrada lagu saarayaa arrimaha amniga ee guud ahaan Qaaradda Afrika.

Afhayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka warbixiyey safarka ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Xamza uu khudbad ka jeedin doono madasha, isla-markaana uu ka hadli doono amniga gobolka iyo kan Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu afhayeenku tilmaamay in ra’iisul wasaaraha uu  kulan duceed la yeelan doono madaxda ka qayb-galeysa shirkan, isaga oo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la filayaa inuu wadahadallo la yeesho ra’iisul wasaare Abiy Axmed, maadaama uu shirka martigeliyey, kaas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana labada dowladood ay wajahayaan dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa haatan dadaal ugu jirto sidii ay taageero ugu heli laheyd dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, kaas oo sii xoogeystay, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay duulaan ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen xoogaga Al- Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin u diray SHACABKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee 12-ka Oktoobar oo ku beegaan maalintii la yagleelay Calankeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ay shacabka Soomaaliyeed ugu suntan tahay maalin weyn oo halyeey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay Calankeenna quruxda badan ee aan dunida kale kaga tilmaaman nahay.

“Waxay muujinaysa hindisaha Calankeenna sida dadka Soomaaliyeed maskaxdooda, naftooda iyo maalkooda ugu hureen gobanimada dalka iyo helidda astaan ay gaar u leeyihiin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo billowgiisa laga gaaray guulo ifafaalo u noqonaya in cadowga ka xoreyno dalkeena.

“Si aan u dareensiinno carruurteenna iyo jiilasha danbe maalintan qiimaha badan waa in aan xusnaa oo weynaynaa halgankii loo soo maray xornimada dalkeenna, madax-bannaanidiisa, dowladnimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale maanta waxaan nooga baahan xoreyn deegaannada argagixisada ay shacabka ku dhibaateeyaan”

Ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay in dhabbaha kaliya ee looga guuleysan karo argagixisada ay tahay midnimo, wadajir iyo xaqiijinta qorshaha dowladda ee lagu cirib-tirayo argagixisada.

DF oo shaacisay waxa loo heysto Cabdalla Muumin iyo hey’adda uu u xiran yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay sababta loo xiray xoghayaha urur saxaafadeedka SJS Cabdalla Axmed Muumin, oo shalay laga soo qabtay garoonka Aadan Cadde, xilli uu dalka ka dhoofi rabay.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu cadeeyey in xoriyadda hadalka iyo arrimaha saxaafadda uusan la xariirin xarigga Cabdalla Muumin, balse loo heysto arrimo amniga la xariira.

Ciidanka booliska Soomalaiya ayey cadeysay wasaaraddu in Cabdalla ay gacanta ku hayaan, isla markaana laga dalbaday inay cadeymo u keenaan eedeymaha amni ee loo heysto saxafigaas.

Cabdalla Axmed Muumin oo aad ugu dooda xuquuqda saxaafadda ayaa laba maalmood ka hor ka mid ahaa madaxda ururrada warbaahinta ee dooda adag ka keenay amarkii ay dowladda Soomaaliya ku mamnuucday sii faafinta wararka iyo afkaaraha argagixisada.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale caddeyneysaa inay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda.

Sidoo kale waxaa wasaaradda ka go’an ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta, in loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda iyo inay si xor ah fikirkooda u dhiibtaan, iyagoo raacaya xeerarka saxaafadda iyo sharciga dalka u yaalla.

Wasaaradda waxay ka war heshay xarigga Mudane Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada Muqdisho ka hawlgala.

Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.

Wasaaraddu waxay sidaa darteed caddeyneysaa in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ka dalbadey Xafiiska Xeer Ilaalinta in degdeg ay caddeymo uga bixiso sababta muwaadinkaasi loo hayo, lana marsiiyo habraacyada sharciga ee dalka u degsan.

Daawo: Sanbaloolshe iyo Cali Jayte oo gaaray Yasooman kana hadlay dagaalkii maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa degan xaaladda degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo maanta uu ka dhacay dagaal socday ku dhawaad 7-saacadood, kadib markii waaberigii hore ee saakay ay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ay ku soo qaadeen Al-Shabaab.

Xildhibaan cabdullahi Sanbaloolshe, guddoomiye Cali Jayte, guddoomiyaha Maxaas iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Afrax ayaa galabta tegay Yasooman.

Masuuliyiintaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in jab xoog leh Al-Shabaab lagu gaarsiiyey dagaalkii ay maanta ku soo qaadeen Yasooman, inkastoo aysan shaacin khasaaraha rasmiga ah la gaarsiiyey kooxda ama soo gaaray ciidanka iyo dadka deegaanka.

“Waxaan joogaa tuulada Yasooman, dagaal culus ayaa ka dhacay halkaan, Khawaarijta ayaa soo weerartay, wax ka jira malaha in cadowgu qabsaday, dadku waa guuleysteen, waxaan rajeynayaa in dhamaan gobolka Hiiraan aan maalmaha soo socda ka wada xoreyno cadowga,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Xildhibaan ayaa ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ku amaanay, sida ay ugu diyaarsan yihiin inay iska difaacaan Al-Shabaab, “Waxaan idin leeyahay adkeysta, guushu waa intii la adkeysto, difaaca halagu jiro, guulna waan idiin rajeynayaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Dowladda Soomaaliya ayaa gelinkii hore ee maanta sheegtay in Al-Shabaab lagu jebiyey dagaalkii Yasooman, kooxda ayaa weerar culus ku qaaday deegaankaan oo ah mid israatiiji ah, waxaana saakay dhacay dagaal aad u culus oo gadaal ay uga soo biireen diyaaradaha dagaalka.

Hoos ka daawo

Xulka 17-jirada Soomaaliya oo qarka u saaran guul taariikhi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud ayaa hambalyo u diray xulka 17 jirrada oo qarka u saaran inay guul taariikhi ah kasoo hooyan ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Wasiirka ayaa ku amaanay xulka 17 jirrada dalkeena in uu kasoo baxay dadaalkii laga filayay, isagoona u rajeeyay inay ku guulaysan doonaan tartanka isreeb-reebka ah.

Xulka kubbadda cagta 17 jirrada ee Soomaaliya ayaa natiijo ah Rigoorayaal (7-8) kaga adkaaday xulka dhigooda ee dalka Uganda, ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Labada xul ayaa kulankooda wuxuu kusoo dhamaday 1-1, waxaana markii hore xulka Soomaaliya gool lagala hormaray ay iska soo gudeen intii lagu jiray qeybtii hore ee cayaarta, kadib markii uu gool aad u qurux badan u dhaliyay cayaar-yahan lagu magacaabo Cabdixafiid.

Xulka 17 jirada Soomaaliya ayaa final-ka la cyaari doona kooxda kasoo baxday guruubka labaad, waxayna haddii ay ku guulaystaan noqonaysaa markii ugu horraysay oo tartan nuucaan ah ay qaadaan.

Xulka Soomaaliya ayaa guushan uga dhigan inay u soo gudbeen Final-ka Isreeb-rebka 17-jirada bariga iyo bartamaha Africa ayaa waxay si rasmi ah uga qeyb-gali doonaan tartanka 17 jirada ee CEFAFA oo 2023-ka ka dhacaya dalka Aljeeriya.

Biden oo wacad ku maray cawaaqib ka dhan ah Sacuudi Carabiya kadib go’aankii…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa Talaadadii wacad ku maray “Inuu jiri doono cawaaqib” ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga kadib markii dalalka OPEC+ ay toddobaadkii tegay ku dhowaaqeen inay dhimi doonaan wax soo-saarka shidaalka, kuna gacan sayreen diidmada Mareykanka.

Hadalka Biden ayaa yimid maalin kadib markii Senator-ka awoodda badan ee Dimoqraadiga ah Bob Menendez, oo ah guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda Senate-ka, uu sheegay inay qasab tahay in Mareykanka uu si deg deg ah u hakiyo dhammaan iskaashiyada uu la leeyahay Sacuudi Carabiya, oo ay ku jirto iibinta hubka.

Biden, oo wareysi siiyey Jake Tapper oo ka tirsan CNN, ayaan sheegay tallaabooyinka uu ka fakarayo.

Afhayeenka Aqalka Cad Karine Jean-Pierre ayaa sheegtay in dib u eegis siyaasadeed la sameyn doono, hase yeeshee waqti uma aysan qaban tallaabooyinka la qaadayo iyo cidda sameyneysa dib u qiimeynta.

“Dowladda Mareykanka si dhow ayey ula socon doontaa xaaladda toddobaadyada iyo bilaha soo socda,” ayey tiri.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan ayaa sheegay in go’aanka OPEC+ uu ahaa kaliya mid dhaqaale, islamarkaana ay si wadajir ah u qaateen dalalka xubnaha ka ah.

“Xubnaha OPEC+ waxay u dhaqmeen si mas’uuliyad leh, waxayna qaateen go’aano ku habboon,” ayuu Amiir Faisal u sheegay taleefishinka Al-Arabiya.

Kooxda OPEC+ oo ka kooban dalalka shidaalka dhoofiya iyo Russia ayaa toddobaadkii tegay ku dhowaaqay inay dhimayaan bartilmaameedkooda wax soo-saar kadib toddobaadyo uu Mareykanka waday qalqaalo ah inaysan sidaas sameyn.

Mareykanka ayaa ku eedeeyey Sacuudi Carabiya inay isu dhiibtay Ruushka oo kasoo horjeeda in dalalka Reer Galbeedka ay xaddidaan qiimaha shidaalka Ruushka ayaga oo uga jawaabaya duulaanka ay Moscow ku qaaday Ukraine.

Saraakiisha Mareykanka ayaa si qarsoodi ah isugu dayayey inay ka dhaadhiciyaan saaxiibadooda Carabta inay ka tanaasulaan fikradda dhimista soo-saarka, hase yeeshee Amiirka sida aan rasmiga aheyn u xukuma Sacuudi Carabiya ee Maxamed bin Salmaan ayaa laga dhaadhicin waayey.

Bin Salman iyo Biden ayaa intii lagu guda jiray booqasho uu Biden ku tegay Jeddah bishii July waxay isugu dhaceen dhimashadii 2018 ee suxufigii Sacuudiga ee wax ku qori jiray Washington Post Jamaal Khaashuqji.

IRAN OO ISHA LAGU HAYO

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in dhaxal-sugaha uu ansixiyey howlgal lagu soo qabto laguna dilo Khaashuqji, oo ahaa xog-ogaal Sacuudi ah oo isu beddelay dhalleeceeye, kaasi oo wakiilo Sacuudi ah ay ku dhex dileen kuna jarjareen qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Amiir Maxamed, oo uu dhalay Boqor Salmaan oo 86 jir ah, ayaa beeniyey inuu amray dilka balse wuxuu qiray inuu ku dhacay mas’uuliyaddiisa. Biden ayaa July sheegay inuu rumeysan yahay in amiirka uu mas’uul ka ahaa.

John Kirby, oo ah afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in Biden uu Congress-ka kala shaqeyn doono “sida uu xiriirka labada dal u ekaan doono hadda kadib.”

“Waxaan u maleynayaa inuu diyaar u yahay inuu billaabo wada-sheekeysiyadaas hadda. Uma maleynayo in tani ay tahay arrin u baahan in la sugo waqti fog,” ayuu yiri Kirby.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa sidoo kale Talaadadii sheegay in maamulka Biden uusan indhaha ka laaban doonin Iran, oo ah dal cadaawad kala dhaxeyso Mareykanka, sidoo kalena ay xifaaltamaan Sacuudi Carabiya, marka la sameynayo dib u qiimeynta.

Inta badan hubka Mareykanka uu ka iibiyo Sacuudi Carabiya ayaa la sameeyaa ayada oo maskaxda lagu hayo halista Iran ee gobolka.

“Waxaa jira caqabado amni, oo qaarkood ka imanaya Iran. Dhab ahaantii indhaheena kama xiran doono halista Iran ay ku hayso gobolka iyo meelo ka baxsan,” ayuu yiri Price.

Amiir Faisal ayaa sheegay in iskaashiga militari ee Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ay dan ugu jirto labada dal ba.

REUTERS