27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Sawirro: SOOMAALIYA iyo Kenya oo wadahadallo cusub ku yeeshay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Thomas Chepkuto.

Kulanka ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada waddan ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Danjiraha ayaa sidoo kale dhankiisa sheegay in uu ka shaqeynayo wanaajinta iyo horumarinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Thomas Chepkuto oo bedelay Lucas Tumbo ayaa waxa uu kusoo aaday xili uu soo wanaagsanaanayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo aad u xumaa mudadii uu talada dalka hayay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kenya ayaa waxay sidoo kale kamid tahay dalalka ay ciidamadooda nabad ilaalinta u joogaan dalkeena, iyagoo ka howl-gala deegaanada Jubaland, halkaasi oo ay kula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo qaatay shahaadada PhD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay war ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaatay shahaadada PhD ee culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ayaa si Online ah ku dhigtay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay (University for Peace), isagoo u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacaddaasi oo uu ku bogaadiyey heerka uu gaaray.

Waxaa Jaamacaddan dhigta siyaasiyiin badan oo Soomaaliya oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood dhowaan ka qalin jebinaya.

Xasan Sheekh waxa uu noqday madaxweynihii ugu darajada sareeyay xaga aqoonta maadiga ah oo ka taliya Soomaaliya iyadoo ay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ay uga horreeyeen 8 madaxweyne.

Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay shahaadada sare ee culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ku bixinayso hirgelinta waxbarasho tayo leh iyo fududeynta adeegyada la xiriira waxbarashada aas-aasiga ah.

Madaxweynaha ayaa xusay go’aanka dowladdu ee ku aaddan in ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare laga dhaafo lacagta qaadashada shahaadada, iyadoo miisaaniyadda dowladda laga maalgelinayo xaqiijinta xuquuqdan aas-aasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin ubadkeenna Soomaaliyeed.

Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey ayaa ku bogaadiyey Jaamacadaha gudaha dalka kobaca ay sameeyeen, waxa uuna kula dardaarmay in ay waxbarashada heerka sare ay la kaashaadaan dhiggooda kaga horreeya caalamka.

CC Shakuur oo u jawaabay siyaasiyiin ku howlan inay fashiliyaan kacdoonka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gurmadka abaaraha ee Soomaaliya, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inay jiraan dad dano siyaasadeed leh oo isku dayaya inay fashiliyaan howlgallada dalka looga xoraynayo Al-Shabaab.

“Waxaa ayaan darro ah annagoo Soomaali ah ama qaar naga mid ah ay doonayaan inuuu howlgalkaas fashilmo. Waxaad moodaa inaan dhexdeenna ka raadinayno political scoring,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan ayaa ka digay in la suurad xumeeyo kacdoonka Al-Shabaab, islamarkaana loo yeelo wajiyo kale si aysan meesha uga bixin kooxdaan, wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ay si daacad ah u wajahayaan howlgalka socda.

Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxdan Al-Shabaab, wuxuuna taas ku sheegay inay tahay fursad qaali ah oo mudan in laga faa’ideysto.

Wuxuu si cad u sheegay inay arrin saxan tahay in dagaalka Al-Shabaab loo adeegsado hab qabiil si kooxda meesha looga saaro, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo mudan in la bogaadiyo.

“Dadkan Soomaaliyeed markastoo isku dayaan inay argigixisada iska qaaadaan waa la gabaayay. Dowladahaa gabaayay. Laakiin, maanta dowladdiiyaa diyaar ah oo safka hore joogta,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiishakuur.

Hadalka ergayga abaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aaday iyadoo la sheegayo inuu khilaaf ka dhex bilowday saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaaminaya ciidamada ku sugan Cadale ee loogu talo galay inay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa socda abaabul xooggan oo la doonayo in kooxda Al-Shabaab looga saaro gobolka Shabeelada dhexe, waxaana deegaanka Cadale gaaray ciidan ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markaan wajaheysa culeyskii ugu weynaa ee soo wajaha tan iyo markii kooxda la abuuray, waxaana la qiyaasi karin meesha uu ku dambeyn doono kacdoonkaan.

Itoobiya oo qaaday tallaabo muhiim u ah Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online)Soomaaliya ayaa taageero u helaysa ololaheeda ku aaddan in cunaqabateynta hubka laga qaado, kadib markii Itoobiya ay ku biirtay Uganda oo hore u taageertay tallaabadaas.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in bisha November ay u codeeyaan dib u cusboonaysiinta xayiraadda qeyb ka mid ah, taasi oo ay Soomaaliya sheegtay in laga saaro si ay si wanaagsan ula dagaallamaan argagixisada Al-Shabaab.

Taageerada Itoobiya ayaa timid kadib markii bishii July ay xooggaga Al-shabaab gudaha u galeen dalka Itoobiya, xilli ay Soomaaliya iyo xulafadeeda ka wadeen duullaan ballaaran oo ka dhan ah ururkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inay tahay in la qaado cunaqabateynta soddonka sano ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si Soomaaliya ay si wanagsan ula dagaalanto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika bishii July inay taageeraan ololahooda ku aaddan qaadista cunaqabateynta, taas oo ay ku jiraan hubka iyo gaadiidka dagaalka ee laga mamnuucay Soomaaliya.

Kooxda cilmi-baarista amniga ee Hiraal Institute ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay bishii February ku sheegtay in cunaqabateynta hubka ay ku guuldareysatay inay ka hortagto Al-Shabaab oo soo galiya hub aan loo oggoleyn ciidamada federaalka in ay iibsadaan.

Samiira Gaid oo ka tirsan machadkan ayaa sheegtay in awoodda Soomaaliya ay tahay mid xaddidan, maadaama ay u baahan tahay oggolaansho ay ka hesho Qaramada Midoobay, gaar ahaan xubnaha Golaha Ammaanka si ay u iibsato hubka qaarkiis.

Waxa ay Samiira sheegtay in Al-shabaab ay si sharci darro ah hubka uga soo iibsadan ama uga soo galiyaan Yemen iyo suuqyada guda, laakiin awoodda dowladda ee soo iibsashada hubka ay xaddidad tahay.

Inkastoo oo xayiraadaha saaran yihiin Soomaaliya, haddana ciidamada Soomaaliya iyo xulafadooda ayaa guulo ka gaarayay maleeshiyaadkan.

VOA

Madaxweyne Museveni oo sheegay arrin uu sameynayo kadib booqashadii Xasan

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni oo dhowaan wadahadallo la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tegay Kampala ayaa ku dhowaaqay taageero cusub oo ay dowaddiisa siineyo Soomaaluiya.

Museveni oo ka warbixinayey wadahadalladii uu la yeeshay dhiggiisa Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay siin doonto Soomaaliya qalab milatari oo dheeri ah.

Madaxweynaha Uganda ayaa tilmaamay inay muhiim tahay wax ka qabashada amniga Soomaaliya iyo caqabadaha heysta dowladdda federalka oo uu ugu horreyso Al-Shabaab.

“Waxaan ku siin doonaa qalab dheeraad ah si aad wax uga qabato xaaladda amniga. Waxaa gobolku ka shaqayn karaa bixinta qalab,” ayuu yiri Yoweri Museveni.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in diiradda la saaro dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka, si ay u hantaan amniga dalka oo dhan.

“Waa in aad leedahay qorshe aad ku dhiseyso ciidan qaran. Shacabku waa inay dhistaan ciidankooda si ay isu difaacaan,” ayuu sii raacyey madaxweyne Yoweri Museven.

Uganda ayaa Soomaaliya ka caawisa dhanka milatariga, waxayna ciidamo badan oo qayb ka ah howlgalka ATMIS haatan ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo la dagaala Al-Shabaab.

Ballan-qaadka uu haatan u sameeyey Yoweri Museveni dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadayo kadibn laba safar oo is xig-xigay uu Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay Kampala.

DF oo shaacisay khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyey DAGAALKII Yasooman

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Yasooman oo hoostaga degmada Buuloburde, kaas oo u dhexeeyey ciidamada huwanta iyo xoogaga Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa guullo ka sheegatay dagaalkan oo yimid, ka gadaal markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ciidan ku yaalla halkaasi.

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada Xoogga ay hayeen xogta Al-Shabaab, kadibna ay ka hortegeen weerarka, ayna ku dhufteen dharbaaxo kulul.

“Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka siina hayay xogta abaabulka weerarka Kooxda khawaarijta ah ayaa ka hortagay weerarka nafla caariga ah waxaana ay ku dhufteen dharbaaxo kale oo xooggan oo ay adkaan doonto in ay ka soo kabtaan nabad diidka,” ayaa lagu yirio warsaaxaafadeedka ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay shaacisay in dagaalkan ay ku dishay illaa 20 ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab, dhankeedana ay ka dhinteen saddex askari, sida ay hadalka u dhigtay.

“Inta lagu jiray hawlgalka ciidankeena geesiyaasha ah waxaa ka shahiiday 3 askari, kooxihii khawaarijta ee weerarka soo qaadayna waxaa ay ka carareen meydadka dhalinyaradii ay soo qaldeen,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda federaalka.

Yasooman ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee la gala wareeygay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgallo culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa aad u kordhay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo gudaha dalka, kuwaas oo looga qabsaday deegaano horleh.

DF Soomaaliya oo si lama filaan suuq-gayn bilaash ah ugu sameysay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxay dowladda qaadeyso tallaabooyin kala duwan oo lagu xoojinayo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Go’aamada dowladda federaalka Soomaaliya oo badankooda ka dhanka ahaa Al-Shabaab ayaa haddana waxa uu go’aankii u dambeeyay ee Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada ku xayirtay Warbaahinta Internet-ka Al-Shabaab ka dhalatay saameyn aan wanaagsaneyn.

Wasaarada ayaa baahisay warqad oo si toos ah ugu socotay shirkadaha bixiya adeega internet-ka, waxaana ku lifaaqna magacyada mareegaha ay isticmaasho Al-Shabaab, kuwaasi oo inta badan bulshada Soomaaliyeed aysan badankooda hore u aqoon.

Shaacinta magacyada mareegaha warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa waxay fallan-qeeyayaasha rumeysan yihiin in uu ahaa go’aan lagu deg degay, islamarkaana suuq-gayn lacag la’aan ah u noqday argagixisada.

Waxay qabaan fallan-qeeyayaashu inay aheyd in dowladda ay bulshada la socodsiiso kaliya in la xiray mareegihii warbaahineed ee Al-Shabaab, si hoose-na ay magacyada mareegahaasi ugu gudbiso shirkada ay ku amreysay xayiraadooda.

Dhinaca kale, dhammaan barahaas ayaa ka xiran kaliya Soomaaliya, waxaana laga aqrisan karaa caalamka oo idil, waxana suurta-gal ah in tallaabadii ay qaaday dowladda ay barahaas bartay dad badan oo qurbo-joog ah.

Waxaa la gudboon dowladda inay si aad ah ugu fiirsato, ayna dhinacyo badan ka eegto saameynta ka dhalan karta go’aamada ay soo saareyso, maadama uu dalka u jiheystay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxba kuma jabna go’aanka lagu xiray barahaas, balse in magacyadooda la faafiyo ayaa laga wanaagsanaa.

Sawirro: DF oo gacanta ku dhigtay hub iyo gaari kadib howlgal ka dhacay BALCAD

0

Balcad (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda ka sameeyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay ayaa sheegtay in howlgalkan uu ka dhacay degaanka Buulo Kuuno oo hoostaga Balcad, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Qoraalka dowladda ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkani lagu dilay illaa 4 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale nolosha lagu qabtay mid kale.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada howlgalka sameeyey ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo gaari ay wateen xubnaha Al-Shabaab ee lagu weeraray duleedka degmada Balcad, gaar ahaan beero ku yaalla dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada dowladda Somalia ay isbedel ka sameeyeen howlgallada ay ka wadaan deegaanada isku xira Balcad iyo Afgooye, halkaas oo markii hore fariisimo ciidan iyo maxkamado ay dadka ugu yeeraan ku lahaayeen Shabaab.

“Tan iyo markii ciidamada dowladda ay isku fidiyeen dhammaan deegaanada isku xira degmooyinka Balcad iyo Afgooye isla markaana ciidamadu ay dageen dhulka beeralayda oo Aragagisadu ay ugu yeeri jirtay Ganacsatada Muqdisho si ay ugu baado ayaa haatan waxaa laga dareemayaa isbadal,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaa agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, howlgalladan oo sii xoogeystay todobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa saraakiisha uga dhintay dowladda ka mid ahaa taliyihii Booliska Banaadir, Farxaan Qaroole.

Daawo: Dhaqtar caan ka ah Muqdisho oo la ilmeeyey xanuun daran oo soo wajahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Dr. Xabeeb) oo kamid Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa maalmihii u dambeeyay xaalad halis ah ku wajahaya magaalada Muqdisho, sida uu shalay warbaahinta usoo bandhigay.

Dr Xabeeb oo in ka badan Afartan sano si bilaash ah ugu shaqeynayay bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa soo foodsaartay xaalad caafimaad oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

“Bishii hore waxa isa-saaray Scan oo waxa uu muujiyay in uu dhiig bax ku yimid mid kamid ah xuubabka maskaxda daboola. Aniga waayeel aan ahey maskax dhiig ku furtay inaysan sahlaneyn wuu dareemi kara qofkasta oo bini-aadam ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh inay u fidiso gar-gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah, taasi oo wax looga qaban karo xaalada lasoo daristay dhaqtarka.

“Haddii uu madaxweynihii uu ii qiray in aan umaddaan usoo istaagay, waa in aniga maanta garab i siiyaan walaalaha Soomaaliyeed iyo dowladeyda.”

Dr Xabeeb ayaa la ilmeeyay xaalad caafimaad daro ee lasoo daristay, isaga oo sheegay in uu ku jiro waqtigiisi ugu adkaa ee noloshiisa. Dhaqtarkaan ayaa mudan inay dowladda ay si deg deg ah ugu garab istaagto wax ka qabashada xaaladiisa caafimaad oo laga deyrinayo.

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha hadda tallada dalka jooga ee Xasan Sheekh Maxamuud uu hada ka hor uga marag kacay oo qiray shaqada naf hurnimada leh ee Dr Xabeeb usoo qabtay bulshadiisa Soomaaliyeed.

“Dr Xabeeb runtii waa Nin aad iyo aad qiimo u leh oo ah Nin is diray, dadka Soomaaliyeedna ugu soo baxay duruufo adag oo wuxuu kamid yahay dhaqaatiir Soomaaliyeed oo is dirtay oo u istaagay dadka intiisa badan ee loo jeedin u istaagay,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo kal hore u qiray shaqadii adkeyd ee dhaqtarkaan u qabtay bulshadiisa.

QOF kasta bartilmaameed ayuu u yahay Al-Shabaab – Xaqiiq aan la fahamsaneyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan bulshada Soomaaliyeed ayaa aaminsan ama qaba aragtida ah in Al-Shabaab ay kaliya bartilmaameed u yihiin madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee dowladda, hase yeeshe midaas waa ka gedisan tahay xaqiiqda jirta.

Al-Shabaab ayaa waxaa bartilmaameed u ah qofkasta oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kusii nool gudaha dalkeena, waxa weli laga yaaba inaysan ka daadagin ee bal dib u yara celi maskaxdaada oo isweydii imisa qof oo aad taqaanay ama ehelkaaga ahaa oo aan ku jirin bartilmaameedka Al-Shabaab ayey ku dishay kooxda qarax ama weerar sanadihii u dambeeyay.

Si kale aan u dhigno, adiga oo magaalada ku sugan haddii Al-Shabaab ay qarxiyaan gaari hortaada marayay bal ka waran khatar intee le’eg ayaa kasoo gaari karta, dabcan haddii aad naftaada ku waayin ugu yaraan waxa kasoo gaaraya dhaawac aad la noolaato inta ka dhiman noloshaada.

Tani waa tusaalaha u yar ee ku muujinaya in dhamaanteen aan bartilmaameed u nahay Al-Shabaab, haddaba marka ay arrintu halkaas taagan tahay waxa nala gudboon in aan si dhab ah uga wada qeyb qaadano kacdoonka ka dhanka ah kooxda ee ka billowday dalka.

Waxaa dalka ka socda kacdoon dagaal oo ka dhan ah argagixisada dhiigeena macno la’aanta u daadineysay sanadihii u dambeeyay, waxaana kacdoonkaan bilowgiisa laga gaaray guulo ifafaalo wanaagsan u noqonaya in dalkaan aysan baaqi kusii ahaan doonin Al-Shabaab.

Haddaba, waxaa la gudboon qofkasta oo Soomaaliyeed in uu kacdoonka dagaal ee socda ka qeyb qaato, kuna taageerno xoog, xoolo ama fikir, kaasi oo inoo horseedi doonta in cadowga aan ka adkaano oo dalkeena ka xoreyno.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa waxay wajaheysa culeyskii ugu weyn ee soo mara sanado badan kadib, waana midkii looga adkaan lahaa haddii si dhab ah loo taageero kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah.

W/Q: Cabdiraxmaan Cali Maxamuud

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Dagaal culus oo dib uga qarxay YASOOMAN iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale maanta dagaal culus uu dib uga qarxay deegaanka Yasooman hoostaga degmada Buuloburde, kaas oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleda ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana sidaas ku qarxay dagaalka oo haatan ka socdo gudaha deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isweydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab ay kusoo dhowaadeen deegaankan, balse weli dagaalka ayaa socdo, ayada oo ciidamada huwanta ay dhankooda difaac ku jiraan

Yasooman ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee la gala wareeygay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgallo culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa aad u kordhay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo gudaha dalka, kuwaas oo looga qabsaday deegaano horleh.

Xukuumadda Somaliland oo sameysay mashruuc yaab leh oo lacag looga abuurayo…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku kacday arrin xad-gudub ku ah Saxaafada ka howl-gasha deegaanadeeda, kadib markii ay si bareer ah ugu qasabtay telefishanka CBA in u bixiyo lacag dhan 10-kun oo dollar.

Maamulka telefishanka CBA oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay in uu bixiyay lacagtaasi oo uu ku sheegay inay tahay sharci darro, balse ay ku qasabtay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

“Xayiraad saarneyd telefishanka CBA muddo 34 maalmood ah maanta ayaa laga qaaday kadib markii aan bixinay 10kun dollar oo lagu sheegay ganaax, kadib markii uu maamulka uu eegay shaqaalaha iyo dadkii ku xidhna telefishanka.”

“Maamulka telefishanka waxa uu go’aansaday in uu lacagtaas bixiyo anaga oo u aragna lacag xaqdaro ah oo aan nagula laheyn. Markii aan bixinay lacagta waxay Wasaaradii soo qortay waraaq xayirid ka qaadis ah.”

Sidoo kale maamulka telefishanka CBA ayaa sheegay in uu garab ka waayay ururka SOLJA oo ah ururka Saxaafiyiinta Somaliland, kaasi oo uu ku eedeeyay in uu dhinaca saaray xukuumadda.

“Waxa u mahadnaqaya cidkasta oo na-garab istaagtay intii uu xayirna telefishanka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay maamulka CBA ee maanta la hadlay warbaahinta.

Si kastaba, Telefishanka CBA ayaa noqonaya telefishankii labaad ee xukuumadda Somaliland ka qaado lacag ay ku sheegtay ganaax, taasi oo lagu macneeyay in wasaarada warfaafinta ay arrintaan ka dhigatay mashruuc lacag uga sameyso warbaahinta madaxa banaan.

Muxuu Xasan Sheekh ka beddalay halkii uu Farmaajo uga tegay xiriirka Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Eritrea?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo laabtay xafiiska 15-kii bishii May ee sanadkaan 2022. Xilligaas Soomaaliya oo geeska Africa dhacda waxay dhexda kaga jirtay mowjado cadaawad oo daris ah.

Dadkeedu waxay u qeybsanaayeen in raacsan in lala saaxiibo Itoobiya iyo Eritrea iyo in kale oo rabta in la qurxiyo saaxiibtinimada Soomaaliya kala dhaxaysa Jabuuti iyo Kenya, qiyaarkii dhexda ayaa laga qaaday bulshada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ahaa macalinkii hindisay siyaasadda kala miirtay shacabka Soomaaliyeed oo lagu saleeyey in inta isaga taageersan la siiyo kararka wadaniyadda inta ka aragtida duwana lagu daro liiska cadowga.

Haddii aan u soo laabano xiriirka Soomaaliya ee dalalka xuduud wadaagga iyo kuwa ku xiga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib loo doortay xilli ay kala tageen Soomaaliya iyo Jabuuti iyo Soomaaliya iyo Kenya.

Nidaamkii Farmaajo wuxuu doortay Itoobiya iyo Eritrea, kuwaas oo tan iyo 2018-kii ahaa qubladda siyaasadeed ee madaxweyne Farmaajo.

In la tuuro Jabuuti iyo Kenya waxay saameysay dalka, dadka, dhaqaalaha, siyaasadda arrimaha dibadda iyo socdaalka.

Xujada ugu weyn ee madaxweyne Xasan Sheekh u taalay soo laabashadiisa kadib waxay aheyd sida uu Soomaaliya uga tiri karo cadaawadda lagu tiray, una abuuri karo saaxiibtinimo siman oo afartaasi dal ah.

Shaqada cilaaqaadka xogan ee dalalka dariska ah waxay aheyd mid kamid ah waxyaabihii ugu sahlanaa ee laga sugaayey nidaamkii Farmaajo, balse uu awoodi waayey.

Xasan Sheekh wuxuu tagay Kenya, isagoo aan tagin Itoobiya, wuxuu tagay Eritrea, isago aan tagin Jabuuti, waxay u muuqatay tallaabo lagu simay labadii saf ee abuurmay shantii sano ee na dhaaftay.

Xasan Sheekh iyo Eritrea ayaa is qaatay, Kenya ayuu la galay heshiis iyo dib u hagaajinta xiriirka, Jabuuti ayuu uga hoyday gafkii lagula kacay, isagoo xitaa baarlamaanka Jabuuti ka hor sheegay farriin cudur-daar u muuqatay.

Ugu dambeyna wuxuu si ka baaxad weyn sidii la filaayey u garab dhigtay Itoobiya oo la sheegay inay gunaanadkii is qaateen, kuna heshiiyeen in Itoobiya toos u soo gasho dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay waddo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Waqti xaadirkaan Soomaaliya waxay heshiis la tahay Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Eritrea, shan bilood ka hor intaas ma jirin, siyaasadii Farmaajana waa dhalin weysay inay intaas isku keento.

Soomaaliya waxaa jooga ciidamo nabad ilaalin ah oo ay qaarkood ka socdaan dalalkaan dariska ah, qaxooti badan oo Soomaali ah ayaa jooga dalalkaas, ganacsiyo baaxad weyn ayey Soomaalidu ku heysataa dalalkaan, waana meelaha ugu badan oo ay dadka Soomaaliyeed ugu socdaalaan sida maalinlaha ah, laakiin dowladdii hore waa akhri weysay mudnaantaas guud.

In la arko Soomaaliya oo heshiis la ah dhammaan dariskeeda waxaa ugu dambeysay 2018-kii, “sababta uu dalku  u qaadi waayey tallaabooyin waaweyn sanadihii lasoo dhaafay waxaa qeyb ka ah in lagu mashquuliyey dagaal dariska ah oo bilaa ujeedo ah” ayey leeyihiin dadka ka faalooda siyaasadda gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama uu ku guuleystay inuu Soomaaliya ka tiro sumadda dariska xanaaqsan oo uu hagaajiyey cilaaqaadkii dhammaan dalalka dariska ah, hadda waxaa hor taalla inuu la yimaado aragti quman oo ay Soomaaliya uga faa’ideysan karto cilaaqaadkaan la hagaajiyey, gaar ahaan arrimaha ganacsiga, fursadaha waxbarashada iyo sida ay kaalin buuxda uga qaadan lahaayeen dalalkani inay Soomaaliya iska dul qaado kooxda Al-Shabaab oo ah sababta ugu weyn ee dib u dhaca dalka.

Hoggaamiyihii Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan iyo xubno kale oo la dilay (Faah-faahin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino hor leh ayaa laga helayaa khasaarihii kooxda Al-Shabaab loogu geystay deegaanka Jicibow ee gobolka Hiiraan, halkaas oo dagaal culus uu ka dhacay laba maalin ka hor, balse weli ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa werisay geerida sarkaalkii hoggaaminayey ciidankii Shabaab-ka ee ka dagaalamay Jicibow, waxaana lala dilay labaatameeyo kale.

Ninkaas oo magaciisa lagu sheegay Rakhib Maxamed Xasan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa hoggaamiyihii Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

“Hogaamiyihii kooxda Alshabaab ee gobolka Hiiraan Rakhib Maxamed Xasan iyo 20 kale oo dabley ah ayaa lagu dilay howlgal ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaanka Jicibow. Ciidamada ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay howlgalo ka waday deegaankaasi,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Jab culus ayaa Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkii Jicibow, deegaankaas ayaa 30 KM waqooyi ka xiga degmada Buuloburde, wuxuuna dhacaa inta u dhaxeysa Buuloburde iyo Bedelweyne, halkaas oo muhiim u ah Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa is abaabulay ee deegaanka ayaa Al-Shabaab ku weeraray Jicibow Axadii todobaadkaan, halkaas waxaa ka dhacay dagaal culus, kadib markii dhinac kasta laga maray Shabaab-ka ee la go’doomiyey.

Dagaalyahano wabiga dabaal uga gudbay ayaa la shegay in ciidanka ay ka badbaadeen maalinkii labaad ee dagaalka, haatan Jicibow waxaa maamusha dowladda.

Ciidamada NISA oo galabta garoonka Aadan Cadde ka xiray Cabdalla Axmed Muumin

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xiray Cabdalla Axmed Muumin oo ah xoghayaha ururka suxufiyiinta ee Somali Journalists Syndicate (SJS). 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Cabdalla ay garoonka Aadan Cadde ku xireen ciidamada NISA, kuwaas oo ka watay garoonka lana aaday meel aan la aqoon.

Ma cadda sababta loo xiray Cabdalla, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay NISA, hase yeeshee xariga ayaa yimid saacado kadib markii SJS ay facebook soo dhigtay qoraal ay ku sheegeen in ciidanka NISA ay shalay weerar ku qaadeen xarunta SJS ee Muqdisho.

“Shalay abaare 6:29 pm ayaa koox hubeysan oo ka tirsan NISA oo uu horkacayay Taliyaha Saldhiga degmada Hawlwadaag “Shakiib” ayaa weeraray xafiisyada SJS. Inkasta oo shaqaalaheena ay ka maqnaayeen xafiiska, saraakiisha, oo laba ka mid ah ay wejiyada soo duubteen ayaa u hanjabay deriska si ay ugu qasbaan inay furaan albaabkeena amniga,” ayaa lagu yiri qoraal galabta kasoo baxay SJS. 

Ururka ayaa sidoo kale baraha bulshada ku baahiyey muuqaallo muujinaya saraakiil ay sheegeen inay ka tirsan yihiin NISA oo isku dayaya inay xoog ku furaan xafiiska balse ku guuldarreystay.

Caasimada Online ma xaqiijin karta sax ahaanshaha muuqaalka iyo haddii ciidanka weeraray xafiiska ay ka tirsan yihiin NISA.

Dhacdooyinkan ayaa yimid ayada oo shalay Cabdalla Axmed Muumin iyo madaxda kale ee ururada suxufiyiinta ay Muqdisho ku qabteen shir jaraa’id oo ay ugu baaqayaan dowladda federaalka inay ixtiraamto xoriyadda hadalka. 

Waxay ka jawaabayeen go’aan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta oo warbaahinta loogu sheegay inaan la baahin karin wararka kooxda Al-Shabaab.

SJS ayaa cambaareysay weerarka lagu qaaday xafiisyadeeda, waxayna ugu baaqeen dowladda federaalka inay baaritaan ku sameyso weerarka iyo saraakiisha ku lugta leh.

Mareykanka oo ka fakaraya tallaabooyin xasaasi ah oo ka dhan ah Sacuudi Carabiya

Washington (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Debedda ee Golaha Senate-ka Maraykanka Robert Menendez ayaa Isniintii ku baaqay in la hakiyo dhammaan iskaashiga Maraykanka uu la leeyahay dalka Sucuudiga.

Menendez ayaa si xooggan u muujinayey sida Maraykanku uu uga cadhooday tallaabadii uu Sucuudigu qaaday ee fursadda dhaqaale siinaysay dalka Ruushka.

Bayaan uu soo saaray Senator Menendez ayuu ku baaqay inaan wax hub ah laga iibin dalka Sucuudiga, islamarkaana la joojiyo iskaashiga amni ee ka dhexeeya labada dal, marka laga reebo arrimaha lagama maarmaanka u ah danaha Maraykanka iyo difaaca amniga qaranka.

Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa in ka badan 70 sannadood ah waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinaca amniga ah iyo weliba heshiis dhinaca ganacsiga hubka ah.

Guddoomiyaha guddida arrimaha debedda ee golaha Senate-ka Menendez ayaa ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, waxaana laga soo doortaa gobolka New Jersey.

Wuxuu wacad ku maray “inaanu taageeri doonin nooc kasta oo ah iskaashi lala yeesho Riyadh, illaa inta uu Sucuudigu dib uga qiimaynayo mowqifkooda ku saabsan dagaalka Ukrine,” wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey “intaas ayaa nagu filan”

Hadalka Senator-ka ayaa ku soo beegmaya iyada oo afar maalmood ka hor uu ururka ay ku bahoobeen dalalka soo saara saliida ee OPEC+ oo ay hoggaaminayeen Sucuudiga iyo Ruushku ay ku heshiiyeen in la dhimo illaa 2 milyan oo foosto maalintii shidaalka ay soo saaraan.

Tallaabadan hoos loogu dhigayo wax soo saarka shidaalka ayaa waxay keenaysaa, in qiimaha shidaalku uu cirka isku shareero, taas oo keenaysa in dalka Ruushku inuu shidaalkiisa ku iibiyo qiime sarreeya. Macaashka uu ka helo shidaalkaasina, uu ka caawiyo madaxweyne Putin, inuu helo dhaqaale uu ku bixiyo, dagaalka uu ka wado dalka Ukraine.

Sidoo kale hoos u dhigista wax soo saarka shidaalka ayaa dhaawacaysa dedaalada uu wado isbahaysiga uu hoggaaminayo dalka Maraykanku, kuwaas oo doonaya, inay curyaamiyaan dhaqaalaha Ruushka, si aanu u sii awoodin inuu sii wado dagaalka Ukraine, iyada oo dhinaca kalena halis gelinaysa, siyaasadaha madaxweyne Joe Biden iyo xisbigiisa, haddii qiimaha shidaalku uu sare kaco, xilli dalka Maraykanku uu bisha soo socota u dareerayo doorashada xilliga dhexe.

Associated Press

Guddoomiyihii degmada QORYOOLEY oo la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helaya qarax goordhoweyd ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo lagu dilay Guddoomiyihii degmadaas Sayid Cali Ibraahim.

Qaraxa ayaa la sheegaya in uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, wuxuuna ka dhacay meel aan ka fogayn maqaayad u dhow bundada degmada Qoryooley.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in sidoo kale qaraxaas ay ku geeriyoodeen qaar kamid ah ilaalada guddoomiyaha la socotay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa amaanka degmada Qoryooleey ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi kasoo qaaday meydka Guddoomiye Sayid AUN iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Guddoomiyaha ayaa hoggaaminayey degmada Qoryooley muddo dheer, waxaana u suurtogashay in ciidan boolis oo degaan ay degaankaas gacanta ku hayaan muddadaas, amnigeedana ilaaliyaan.

Mas’uuliyadda dawlada Soomaaliya ayaa cambaareeyey dilkan.

Qaraxyada noocan oo kale ayaa inta badan waxaa fulisa kooxda Al-Shabaab, hase yeeshe illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda, kaasi oo la xiriira qaraxa lagu dilay guddoomiyaha.

Daawo: XASAN SHEEKH oo dalab la xiriira kacdoonka Al-Shabaab u jeediyay culimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay culimada Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday inay door muhiim ah ka qaataan kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay baneysteen dhiiga umadda Soomaaliyeed, ayna tahay in la iska dhiciyo oo gebi ahaanba laga ciribtiro guud ahaan dalka.

“Dowlada iyo Xasan Sheekh toona ugu hiilin maysaan ee umadda 20-ka Milyan ee Soomaalida ah ayaa ugu hiilineysaan inay cisi iyo karaamo ku noolaadaan. Dadka Soomaaliyeed waaye waxa aan isku haysano nimankaan (Al-Shabaab),” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in dowlad ahaan ay ka go’an tahay la-dagaalanka Al-Shabaab iyo in dalka laga xoreeyo, sidaas darteedna ay rabaan in culimada Soomaaliyeed si weyn uga qeyb qaataan kacdoonka dagaal ee socda.

“Nimankaan waxay wadaan Diin ma aha wixii ay rabaan ee kale ha la baxaan. Intiina meesha fadhida hadey taladood tahay midkiin ma noolaan laheyn maanta, fursad hadey u heli karaan Sheekh Bashiir qoorta ayey ka goyn lahaayeen laakiin waxa ka asal ah in aad dhaafeyn maalintaada.”

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale waxa uu culimada ka dalbaday inay dowladda ku garab istaagan sidii lacagaha ganacsatada looga jari lahaa argagixisada, islamarkaana ay uga dhaadhicin lahaayeen in naftooda aysan ku badbaadsan kareyn lacagta baada ah ee ay siinayaan Al-Shabaab.

“Sidii aan ahaan jirnay haddii aan ahaano wixii aan heli jirnay ayaa helayna, wixii aan heli jirnayna nama anfacayaan oo waa soo aragnay waa soo taabanay, waxaa rabna wixii hore wax ka duwan, si taas u helnana waa in aan si ka duwan u dhaqano.”

Sawiro: Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan DF Soomaaliya oo gaaray furimaha dagaalka

0

Buula Burde (Caasimada Online) – Wafdi ay hoggaamineyso Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiye Salaad Samatar ayna qeyb ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Macdanta Xildhibaan Cabdirsaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Haweenka Khadiijo Diiriye, Xildhibaan Maxaamed Xasan Nuux &  Xildhibaan Maxamed Buraale ayaa, iyaga oo ku labisan Tuutaha ciidamada gaaray Degmada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde kusoo dhaweeyay Xildhibaano uu kamid yahay Maxamed Ibraahim Macalimuu, Saraakiil Ciidan, Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaannada gaaray degmada Buulo-Burde oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka dagaalka dalka looga saarayo Al-Shabaab, isla markaana ay tagayaan furimaha dagaalka.

Waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay yihiin kuwo dhibaato ku haya dadka Soomaaliyeed loona baahan yahay in hal meel looga wada soo jeesto si uud ahan dalka looga saaro.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay tagaan furumaha dagaalka ka socdaan, kuwaas oo u dhexeeya ciidanka doogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka oo isku dhinaca ah iyo Al-Shabaab.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaan Saraakiisha hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo sidoo kale booqan doona deegaannada lagala wareegay Al-Shabaab si ay u soo wareestaan dadka ku sugan deegaannadaas.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maalinimadii shalay howlgallo ka sameeyay Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan oo uu ka dhacay dagaal socday in ku dhaw 10 Saac, waxaana ka dhashay dhimasho & dhaawac.

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa isu furay waddooyin sanado go’doonsanaa.

 

Booliska G/Banaadir oo taliye cusub loo magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta magacaabay taliyaha qaybta guud ee  Booliska gobolka Banaadir, kadib wareegto goordhow kasoo baxday xafiikiisa.

Xijaar ayaa xilkan u magacaabay Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin oo ku magac dheer (Macalin Mahdi), kaas oo beddalaya taliyihii dhowaan la dilay ee Farxaan Qaroole.

Wareegtada ayaa lagu faray  taliyaha cusub inuu guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday, ayada oo sidoo kale la amray saraakiisha kale Booliska inay la shaqeeyaan.

Muumin ayaa ka soo jeeda Galmudug, waxaana maalmihii dambe aad loo hadal hayey in loo wado xilkan, isaga oo taageero ka helayey, Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale, qorshahaas oo ugu dambeyn guuleystay, maadaama maanta lagu dhowaaqay magacaabistiisa.

Sidoo kale Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa horey usoo noqday taliyaha nabad sugidda Galmudug, isaga oo ka soo shaqeeyan Dhuusamareeb iyo deegaanno kale.

AUN Farxaan Qaroole oo ahaa sarkaal dhalinyaro ah ayaa ku dhintay qarax bishii hore ka dhacay deegaanka Basra oo uu u tegay howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana geeridiisa si weyn looga dareemay gudaha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan waddanka.

Si kastaba, taliyaha cusub ee maanta la magacaabay ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ugu horreyso wax ka qabashada amniga caasimada oo haatan ah mid aad u liita.