28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

UK ‘oo ku biireysa’ dagaalka lagula jiro AL-SHABAAB

0

London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhowaaqday taageero cusub oo ay fudineyso Soomaaliya oo haatan wajaheyso dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo abaaro baahsan oo ku dhuftay dalka kadib wadahadal khadka taleefoonka ah oo ay yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha arrimaha dibbedda ee UK, James Cleverly.

Xoghayaha ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in UK ay ka qayb qaadaneyso dagaalka Al-Shabaab, ayna ku taageereyso dowladda Soomaaliya oo haatan howlgallo culus ka wada gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in illaa £50 milyan oo lacagta Ingiriiska ah inay ugu deeqeen Soomaaliya, taas oo loogu talagalay in lagu taageero shacabka tabaaleysan, gaar ahaan kuwa ay haysato cunto yaraanta, biyo la’aanta iyo adeegyada kale ee caafimaadka

Dhankeeda dowladda Soomaaliya ayaa ka mahad-celisay deeqdan, waxayna sheegtay in ay kusoo aaday xilli aad loogu baahnaa, maadaama ay dalka ka jiraan xaalado isbiirsaday.

UK ayaa ka mid ah dowladaha reer Yurub ee taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale tababaro ay siisaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Horey waxaa dowladda dhexe ay u shaacisay in howlgallada socda ay ka qayb-qaadanayaan dowladaha Turkiga & Mareykanka oo hawada ka taageeraya ciidanka Xoogga.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo xoogeystay todobaadyadii dambe iyo xaalado bani’aadanimo oo ka jira dalka.

Xog: Cali Yare oo wada-hadal kula jira VILLA SOMALIA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Yare Cali uu wada-hadallo bayco siyaasadeed ah kula jiro madaxtooyada Soomaaliya.

Cali Yare oo si indha la’aan ah u taageera madaxweynihii hore dalka Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa shan bilood kadib bixitaankii Farmaajo weli sii haya xilkiisa, xilli la filayey in xitaanu toddobaadyo ka dambeyn doonin. 

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Cali Yare Cali iyo xubno aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh ay wada hadalo maalmo socda ku leeyihiin Muqdisho, iyadoo haddii ay wada hadalladaasi soo xermaan la filayo in Cali Yare Cali uu kusoo biiro kooxda hoggaanka dalka haysa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in wada hadaladaasi ay hoggaanka u hayaan siyaasiyiinta beesha Habar-gidir ee Xasan Sheekh aadka ugu dhow iyo xubno kale oo xafiiska ra’iisul wasaaraha ka tirsan.

Xog lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in Cali Yare Cali uu aqbalay soo jeedin ka timid Villa Somalia, isla markaana uu ka tanaasulay eedeymaha iyo xad-dhaafka iyo mucaaradnimada madaxda dowladda, taas badalkeedna loo balan qaaday in lagu abaal marin doono wax u qalma oo uu ku qanacsan yahay.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in Cali Yare Cali oo booska gobolka Banaadir awood qeybsi ahaan horay ugu fadhiyay laga wareejin doono, islamarkaana jago kale oo uu ku qanacsan yahay loo balan qaaday, walow aan weli la aqoon waxa ay tahay.

Xubno uu ka mid yahoo Mahad Salaad, Guddoomiye Yuusuf Madaale, Ra’iisul Wasaare Xamse, Axmed Macallin Fiqi, Abshir Bukhaari iyo xubno kale ayaa si weyn ugu shaqeeyay wax ka badalka mowqifka Cali Yare Cali.

Qoraal uu shalay bartiisa Facebook soo dhigay ayuu si weyn amaan ula dul dhacay madaxda hoggaanka dalka haysa xiligaan, kuwaasi oo uu ku tilmaamay qorax joog isla jaan qaadi kara oo is aaminadooda ay aad u sareyso.

Wuxu si gaar ah u xusay madaxweynaha oo uu ku tilmaamay inuu yahay oday Soomaaliyeed oo uu si gaar ah abaal ugu haayo iyo agaasimaha NISA Mahad Salaad oo uu tilmaamay inuu saameyn ballaaran leeyahay, xildhibaanimada uu ku matalo. Cali Yare Cali ayaa sidoo u mahad celiyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Yuusuf Madaale oo uu sheegay inuu kalsooni gaar uu tusay.

“Aniga qayaasteyda rajada ugu weyn ee laga qabi karo saaxiibada talada dalka ku guuleystay waa in ay yihiin rag dhammaantood wada Qaranjoog ah oo aan qurbaha ka imaan, sidoo kale badankood ay qibrad u leeyihiin xafiisyada ay hadda tageen oo ay horay u soo maamuleen sida xafiiska Madaxweynaha iyo kan Gobolka Banaadir iyo tan ugu danbeysa oo ah in ay yihiin rag muddo fog isla soo wada qariibay oo heerka is-aaminaad ee dhexdooda yaala ay aad u sarreyso,” ayuu yir Cali Yare Cali oo ka faaloonayay booqasho uu xafiisyada gobolka booqday Isniintii ra’iisul wasaare Xamsa, isla markaana uu kula kulmay xafiiska siyaasadda iyo amniga gobolka Banaadir.

Cali Yare Cali ayaa horay ugu mid ahaa jamaahiirta mayalka adag ee kooxda Nabad iyo Nolol, isagoo lagu xusuusto mowqifkiisa mayalka adag ee uu ku taageeri jiray N&N, waloow maalmahaan isbadal laga dheehan karo qoraaladiisa.

Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online, London

Faahfaahin: Dagaal culus oo ka socda gobolka HIIRAAN

0

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta markale uu dagaal culus dib uga qarxay deegaanka Ceel Macaan oo u dhow degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi, isla-markaana saaran waddada laamiga ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo ciidamada Macawiisleyda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weeraray deegaankaasi.

Labada dhinac ayaa isweydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo rasaas xoogan laga maqlayo deegaanka Ceel Macaan iyo agagaarkiisa.

Dagaalka ayaa daba socdo howlgal ay shalay deegaankaas kula wareegeen maleeshiyaadka Macawiisleyda, waxaana kadib dagaal rogaal celis ah soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socdo halkaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Hiiraan ayaa waxaa ka socdo dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada huwanta & Shabaab, wuxuuna shalay dagaalkii ugu cuslaa ka dhacay deegaanka Jicibow oo hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kaas oo ay ka qaybaleen ciidanka Jabuuti ee ku jira ATMIS.

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay howlgalladii ugu dambeeyey ayaa shaacisay in lagu dilay illaa 200 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena lag saaray deegaano horleh.

22 qof oo ah SOOMAALI u badan gabdho oo ku dhintay badda waddanka Greece

0

Athens (Caasimada Online) – Ugu yaraan 22 qof oo Soomaali ah oo u badan dumar ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen xeebta dalka Giriigga, kaddib markii ay qallibantay doon ay saarnaayeen.

Dadka dhintay ayaa u badan gabdho da’dooda lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 20 ilaa 34 jir. Meydadka la helay waxaa sidoo kale ku jira wiil dhallinyaro ah oo da’adiisa lagu qiyaasay 15 sano jir iyo nin oday ah.

Doonta qallibantay waxaa la socday muhaajiriin isugu jira Soomaali iyo ajaaniib. Waxay ka soo baxday dalka Turkiga, gaar ahaan gobolka Izmir, waxayna ku sii jeedday Giriigga.

Jaaliyadda Soomaalida ee Giriigga ayaa noo xaqiijisay in shilka uu dhacay Khamiistii, islamarkaana ay la soo xiriireen ehelada dadkii ku dhintay shilkaas.

Waxa ay intaas ku dareen in meydadka lagu hayo jasiirad ku taalla Giriigga, isla markaana uu maamulka halkaas ka jira amray in la helo eheladooda inta aan la aasin ka hor.

Tirada dadka ka badbaaday shilka ayaa lagu qiyaasay 15 ilaa 6 qof, kuwaas oo lagu hayo xero jasiiradda ku taalla.

“Markii ay doonta sidday muhaajiriinta u soo dhowaatay xeebta Giriigga, ayay raggii ka boodeen oo ay isku tuureen badda si ay berriga u tagaan, waxaana ku soo haray gabdhaha oo keliya. Intii saarnaydna hal dhinac ayay u bateen, taas oo sababtay in culeyska doonta uu dhinac u bato, sidaasna ay ku qallibanto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Xaaji (Sokor), oo ka mid ah xubnaha jaaliyadda Soomaalida ee Giriigga.

Waxaa lagu soo warramayaa in la aqoonsaday qaar ka tirsan meydadka.

“Ehelada iyo qaraabada waxaa la eegayaa xiriirka kala dhaxeeya qofka dhintay, waxaana la doonayaa qof aad ugu dhow qofka dhintay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali.

“Dadka qaar ee aan wadan dukumiintiyada rasmiga ah ee halkan soo gaaray, waxaa la weydiistay in laga qaado dheecaanka hidde-sidaha ah ee DNA,” ayuu sii raaciyay.

Sanadkii 2016, waxaa la gaaray heshiis uu Turkigu ku oggolaanayo inuu joojiyo in muhaajiriinta uu u oggolaado inay galaan Yurub, taas beddelkeedana loogu deeqo dhaqaale uu ku maamulo qaxootiga badan ee dalkaas tagaya.

Ciidanka xoogga oo fashiliyey qorshe ay Al-Shabaab ka damacsanaayeen Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ayaa fashiliyay isku day ay maleeshiyada Al-Shabaab ku doonayeen inay ku gooyaan waddada xiriirisa Degmooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, oo dhawaan uun la furay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Axaddii weerar u muuqday mid si weyn loo soo qorsheeyay ku ekeeyay fariisimihii ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Jicibow, oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Buulo Burde, halkaas oo uu ku dhex maray dagaal saacado badan qaatay, ugu dambayna lagu fashiliyay duulaankoodii.

Wasiirka Amniga HirShabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa sheegay in qorshaha Shabaabku ahaa inay cagta mariyaan ciidamadii halkaasi ku sugnaa, ka dibna ay gooyaan waddada Beledweyne iyo Buulo Burde.

“Waxay nimankan argagixisada ah ee Al Shabaab soo buux-dhaafiyeen jiinka webiga ee dhanka tuulada Jicibow, oo 30km waqooyi kaga beegan Degmada Buulo Burde, halkaasi waaberigii ciidankii amniga iyo ciidankii deegaanka ee ku sugnaa iyo ayagii oo soo buux-dhaafiyay webiga jiinkiisa iyo dhulkaasi oo dhan ay is fara-saareen, oo qorshahooduna ahaa in ciidamada meeshaasi jooggo ay burburiyaan, ka dibna ay soo galaan Buulo Burde iyo deegaanada hoos yimaada, si loo kala gooyo isu socodkii Buulo Burde iyo Beledweyne oo dib u soo laabtay,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo BBC la hadlayay ayaa yiri “Dagaalka waxaa markii dambe ku biiray oo gurmad u noqday ciidamo ka kala baxay Buulo Burde iyo Yasooman oo deegaanka tegay, ciidamadaas oo iska caabin xoogan kala kulmay nimankii argagixisada ahaa markii koowaad, markii dambena waxaa Ilaahay mahadiis ah u suurtagashay in la jiiro, oo nimankaasi cadowga ah si la yaab leh loo burburiyay difaacii ay sameysteen, firxadkoodiina qayb ka mida webigaa qaaday, qaybna meel buur ah ayay isu uruursadeen.”

Wasiirka ayaa muujiyay in waddada keliya ee u furan Shabaabka buurta saaran ay tahay inay isa soo dhiibaan, haddii kalena la soo afjari doono.

“Insha’Allah, intaasi dhiman waa la soo afjari doonnaa, haddii aysan is dhiibin, illaa iyo subaxnimada maanta ah,” ayuu yiri Wasiirku.

Mar wax laga weydiiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa waxa uu ku jawaabay “Khasaaraha xageena waxaa ka shahiiday Sarkaal iyo laba askari, oo midna yahay ciidamada deegaanka, midna yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, shuhaddaas saddexda ah iyo dhaawacyo aan saas u badnayn, laakiin khasaaraha xagooda gaaray aad ayuu u badan yahay. Khasaare aan la soo koobi karin weeye, qayb ka mida meydadkoodii webiga ayaa qaaday, waan u soo bandhigi doonnaa Warbaahinta jabka xoogan ee dhimashada ah ee gaaray nimankan cadowga ah.”

Mintidiinta Al-Shabaab ayaa jab xoog leh kala kulmaya gulufka lagaga soo horjeedo ee horaan ka bilowday Gobolka Hiiraan, waana furinta keliya ee uu sida tooska ahi uga soconayo dagaalka la doonayo in lagu soo afjaro.

Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin laga siiyey kiiskii badda ee Somalia iyo Kenya

0

Hague (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya oo haatan booqasho rasmi ah ku joogo dalka Netherlands ayaa maanta lagu soo dhoweeyey xarunta dhexe ee maxkamadda cadaaladda adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ.

Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa dhismaha weyn ee maxkamadda ku soo dhoweeyey madaxweynaha maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, Marwo Joan E. Donoghue, isaga oo wada-hadallo gaar ah leeyashay haweeneydan.

Labada mas’uul ayaa kulankooda wuxuu ahaa isbarasho iyo is xog-wareysi ku aaddan sidii Soomaaliya loogu faa’iideyn lahaa shaqada garsoorka.

Sidoo kale Marwo Joan E. Donoghue ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya warbixin ka siisay kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya ee horey loo xiray, kaas oo ay  guul weyn ka gaartay dowladda federaalka oo halgan dheer u gashay dacwadda badda ee ICJ.

Waxa kale oo ay uga warbixisay qaabka ay u shaqeyso maxkamadda iyo taariikhdeeda, ayada oo guddoomiyuhu kormeeray dhismaha maxkamadda oo ku taalla The Hague.

Dhankiisa guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo isaguna madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyey, wuxuuna xusay in maxkamadda ICJ ay gacan weyn ka geysato sidii loo tayeyn-lahaa adeegyaada garsoorka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa horey ula kulmay dhiggiisa dalkaasi Marwo Vera Bergkamp, waxayna ka wada-hadleen adkeynta xiriirka labada baarlamaan iyo is-dhaafsiga aqoonta ee la xirirta xildhibaannadda iyo howlwadennada baarlamaanada ladaba waddan.

Guuldarrada baarista shidaal ee Kenya iyo fursada Somalia

0

Shirkadda Talyaaniga ee Eni Energy (Agip) oo saliid iyo gaasba ka baaraysay aaga Lamu Basin ayaa ka tanaasushay dhammaan xuquuqdii kheyraadka xeebta qaniga ku ah kaydka shidaalka kaddib markii qodistii ceelkii Mlima-1 lagu guuldaraystay.

Xirmada L11B oo masaafadiisu dhan tahay 35,000 sq. kilometers ayaa ku taal barta xuddunta u ahayd muran soohdin badeedkii dhex yiil Soomaaliya iyo Kenya. Shirkadaha shidaalka ayaa tan iyo 2000kii ku qulqulayay xirmooyin Kenya si sharci darro ah u xaraashtay oo ku yaal soohdin badeedka badweynta Hindiya ee Soomaaliya.

Eni Energy oo aan joojin hawlaheedii xitaa markii Maxkamadda ICJ ay ka xukuntay Kenya ayaa December 2021 aagga qandaraas ku siisay markabka “Saipem 1200”, si uu u qodo ceel dhidibbada u taagi lahaa kheyraadka gobolka lagana filayay kayd dhan 700 malyan foosto oo lagu qiyaasay ugu yaraan 2.5 bilyan dollar, balse aan dhaboobin. 

Ku hungowga baarista ayaa laga yaabaa inuu albaabka u furo sahaminta shidaalka biyaha qotoda dheer ee Soomaaliya dhawr arrimood awgood:

  • Qiimaha shidaalka oo heerkii ugu sarreeyay gaaray dagaalka Yukrain kaddib; iyo
  • Somaaliya oo ku taal mariin muhiim u ah isu socodka ganacsiga adduunka noqotayna barta qur ah ee ka harsan Bariga Afrika.

Khubarada joologiga (geologist) ayaa saadaaliya in “meeshii Gaas laga sheego, Saliidna ku jirto.” Haseyeeshee, ku guuldarrada baarista shidaal ee aagga Lamu Basin oo salkeedu ku fadhiyo Tanzania, Kenya, iyo Soomaaliya (Jubbada Hoose), ayaa kordhinaya halista sahaminta iyo horumarinta dhulbadeedka aan macluumaad fara badan laga hayn. 

Dhinaca kale, Galbeedka oo saluugsan siyaasadda OPEC iyo qiimaha shidaalka caalamiga ah ee kor u sii socda ayaa laga yaabaa inuu tartan culus ku furo maalgashadayaasha u bareera halista kana faa’iidaysta xilliyada adag qandaraasyada mugdi ku jira (shaki) sida, shirkadaha Coastline Petroleum Company iyo Liberty Petroleum Corporation, iwm. 

Luggo ka laabashada Eni Energy aag shidaal firfircoon lagu sheegay waxay astaan u tahay in shirkadaha waaweyn ee doorbida ribixa halista yar isha ku hayaan Soomaaliya oo lagu sheegay saliid iyo gaas seddax jeer ka badan midka Nigeria.

Exxon Mobile, iyo Royal Dutch Shell, oo xuquuqdoodii kheyraadka Soomaaliya dib u soo ceshtay ayaa laga yaabaa inay hormuud u noqdaan maalgashiga dalka, gaar ahaan  xirmooyinka ku yaal Barawe-Qoryoolay iyo Hobyo basin, oo malaha  ka halis yaraan doona kuwa Lamu Bisan ee Jubbaland (Soomaaliya).

Si kastaba ha ahaatee, in Eni Energy ka tanaasusho lix bilood kaddib markii ay siiddaysay natiijooyinka qodista ceelkii qotoda dheeraa ee ay ku hawlaneed tan iyo 2012, shuraakaduna kula ahayd shirkadda Fransiiska ah ee TotalEnergies (33.75%) iyo tan dowladda Qadar ee QatarEnergy (25%) waa wax la yaab leh.

Balse, in Qadar saami ku leedahay xirmooyinka L11A, L11B iyo L12, waxay kordhinaysa tuhun laga qabay waxa lagu qooshayay xagaagii dhawaa Turkiga oo ay iskugu tageen Madaxweyne Xasan Sheekh, iyo Ra’iisulwasaaraha Talyaniga Mario Draghi, iyadoo weliba Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda Luigi Di Maio uu bil ka hor Muqdisho kaga qaybgalay caleemasaarkii.

Ballanqaadyada sahminta saliidda iyo gaaska ee aan la shaacin ayaa malaha Xasan Sheekh ku dhiirrigelinaya inuu mudnaanta siyaasadeed siiyo la dagaallanka argaggaxisada, wanaajinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ganacsi ee gobolka, iyo inuu ka fogaado wax kasta oo walaac gelin kara maalgashadayaasha.

Ugu dambeystii shidaalka laga waayay dooxada Lamu waxuu ku riixi doonaa Soomaaliya iyo Kenyaba inay toban sanadood oo muran ah kaddib si miradhal leh uga gudbaan cagajiidka ugana wadahadlaan si nabadoon sidii loo fulin lahaa xukunkii Maxkamada ICJ ee October 2021, iyagoo kaashanaya dadaallada Midowga Afrika iyo kuwo caalami ah (Washington iyo Dooxa). Taas ayaa siin doonta maalgashadayaasha shidaalka jawi soo jiidasho leh, gobolkana u horseedi doonta horumar haddii si hufan loo maareeyo.

Isha: Jamhuuriyadda

Xildhibaan shaaciyay mugdi ku gadaaman xeer dhowaan la horgeeyay golaha wakiilada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si adag uga horyimid xeerka caymiska shirakadaha oo la horgeeyay Golaha, kaasi oo u si weyn u dhaliilay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xeerka caymiska uu ku jiro mugdi badan, islamarkaana ay ka dhiman yihiin xeerka loo soo gudbiyay Golaha qeybtii ugu muhiimsaneyd ee caymiska uu lahaa.

“Xeerka Ceymiska waxa ka dhiman qeybtii lagu cadeyn lahaa cida la cayminayo iyo kuwa cayminaya. Waxa qosol ahba in Shirkada ceymiyaha laftiisa uu leeyahay shil cabiraha iyo jaangooyaha shilka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in muhiim aheyn in xeerkaan sida uu yahay hadda ay meel-mariyaan, maadama uu ku cel-celiyay in uu dhibaato hor leh u geysanayo bulshada reer Somaliland.

“Xeerkaan waxa uu ka kooban yahay 67 qoddob oo ka hadlay un aas-aaska shirkadaha caymiska, xeerkani waxay aheyd in uu ka hadlo ninka la yiraahdo caymiye iyo loo caymiye, labadaas midna kama uusan hadlin. Shirkadaha aas-aaskooda unbu ka hadlay, qaabkaasina waa dulmi.”

Hay’adda Caymiska Somaliland ayaa muddooyinkii dambe si weyn ugu ololeynaysay in gudaha Somaliland laga dhaqan-geliyo nidaamka caymiska, kaasi oo aan weli xeer-nidaamiyihiisa la meel-marin.

Sawirro: DF oo caawa Muqdisho kasoo dejisay gabar ay dowlad kale ku xukuntay xabsi dheer

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay ku guuleysatay inay dalka dib ugu soo celiso Faadumo Cabdullahi Samatar oo 15 sano oo xabsi ah ay ku xukuntay dowladda Kuwait.

Faadumo oo sanadkii 2018-kii ay dowladda Kuwait ku xukuntay 15-sano oo xabsi ah ayaa caawa laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana loo gudbiyey CID-da.

“Caawa oo taariikhdu ay tahay 10 Oct 2022, waxaa garoonka diyaaraddaha ee Adan Cadde uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku kula wareegay Fatima Abdullahi Samatar oo ku xirnayd dalka Kuwait laga soo bilaabo July 2018, Fatima waxaa lagu helay eedaymo ay ku eedayeen Dacwa oogista dalka Kuwait, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, xarigaas oo ugu dambayn Amiirka dalka Kuwait ka cafiyay kala bar,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu baahiyey Radio Muqdisho.

Warkaan laguma xusin dembiga ay gashay gabadhaan ee sababay in lagu xukumo 15 sano, waxaana hadda loo gudbiyey xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da, si baaritaan kale loo marsiiyo.

“Dadaal dheer iyo xiriiro uu xafiiska Xeer ilaaliyaha qaranka iyo hay’adaha kale oo ay khusayso la sameeyeen madaxda dalka Kuwait ayaa suurta geliyey in caawa Faadumo dib loogu soo celiyo dalkeeda hooyo, si ay wadanka ugu qaadato inta u dhiman xarigeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Yaxye Maxamuud Siciid Xeer Ilaaliye ku xigeenka Qaranka ayaa gabadhaan kula wareegay garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde, waxayna dowladdu shaacisay in xarigeeda sharciga la waafajiyo. 

Ugu dambeyntii, sida lagu baahiyey qoraalkaan xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa balan qaaday in dadaalkiisa uu isugu geynayo sidii dhammaan dalka dib loogu soo celin lahaa muwaadiniinta ku xiran daafaha caalamka, iyadoo la xusay inay jiraan dadaallo ku aadan arrintaas oo uu wado xafiisku.

Mareykanka oo faro-geliyey doodda DF iyo warbaahinta ee faafinta wararka Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay qoraal ay fariin ugu direyso dowladda Soomaaliya iyo warbaahinta Soomaaliyeed ee madaxa-banaan, kadib go’aan ay warbaahintu ka qeylisay oo dowladda kasoo baxay Sabtigii todobaadkaan.

Madaxda ururrada saxaafadda qaar oo maanta Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa dowladda ku eedeeyey inay caburineyso warbaahinta, kadib go’aankii ay ku mamnuucday in laga qeyb qaato baahinta wararka iyo fariimaha kooxda Al-Shabaab.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo qoraal ka soo saartay dooda dowladda iyo ururrada saxaafadda ayaa ku baaqday in iyadoo la ilaalinayo xorriyadda hadalka, hadana laga wada shaqeeyo ammaanka iyo danaha dalka. 

“Xuquuqda iyo Waajibaadku waxay qeexaan saxaafadda xorta ah – xaqa ay u leedahay inay soo bandhigto aragtiyo kala duwan iyo mas’uuliyadda bixinta xog sax ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa Dowladda Soomaaliya iyo Warbaahinta Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta amniga, oo ay ku jiraan badqabka suxufiyiinta iyo xorriyaddooda warbixineed,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka.

Dood adag ayaa ka dhalatay sida ay ururrada saxaafadda qaar uga fal-celiyeen go’aankii dowladda, maadaama amarka ay dowladdu soo saartay uu toos ugu socday Al-Shabaab iyo taageerayaashooda, sidoo kalena ay xirtay fadhiyadii rasmiga ahaa ee faafi jiray fijirada kooxda.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo warbaahinta la wadaagay go’aanka dowladda ayaa ku celceliyey in xorriyatul qowlka iyo wax kasta oo xog saxan ah aysan diidaneyn dowladdu, balse aan laga qeyb qaada karin faahfaahinta wararka iyo dacaayadaha Al-Shabaab.

Daawo: Cali Jayte oo tegay JICIBOW kana hadlay howl-galkii lagu laayey Shabaab

0

Jicibow (Caasimada Online) – Wafdi masuuliyiin ah oo guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Jicibow ee waqooyiga magaalada Buuloburde, halkaas oo lagu laayey Al-Shabaab doonayey inay kala jiraan magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa warbaahinta kula hadlay Jicibow, wuxuuna sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ay laayeen Al-Shabaab-kii soo galay deegaankaas, kadib markii ay ciidanku hareereeyeen.

Sidoo kale Guddoomiye Cali Jeyte ayaa si weyn ugu mahad-celiyey ciidanka Jabuuti ee Hiil-Walaal oo maanta duqeyn ku laayey koox Shabaab ah oo laga saari waayey goob ay gabaad ka dhigteen.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu beelaha Soomaaliyeed mar kale ugu baaqay in Shabaab ay iska xoreeyaan, “War Soomaaliyey Shabaab waa jabay ee dhulkiina ka xoreysta, war raggu maanta waa tabar beeleen ee dhameystira,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgalkaan ku dilay Shabaab aad u badan, iyadoo ugu dambeyntii maanta lagu duqeeyey buur ay fuuleen, si ay difaac uga dhigtaan, guddoomiye Jeyte ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in lasoo afjaray kooxdii soo gashay deegaanka.

Deegaanka Jicibow ayaa qiyaastii 30 KM dhanka Beledweyne ka xiga magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo marin muhiima u ah isku socodka labada magaalo oo dib loo furay dhamaadkii bishii hore.

Hoos ka daawo

Shacab arrin dhiiranaan leh maanta ka sameeyey suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya Nin ku hubeysna Bistoolad oo maanta rasaas ku furay goob ganacsi oo ay dad shacab ah ku dukaameysanayeen, taasi oo ku taalla gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ninkaan hubeysan ayaa markii uu furay rasaasta waxaa bursaday dadkii halkaasi joogay, ayada oo markii dambena ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan Nabadsugidda oo halkaasi ka agdhawaa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ninkaan hubeysan loo maleynayo inuu ka mid yahay kooxda Daacish oo hadda ka hor isku dayday iney xiraan goobtan maanta la rasaaseeyay.

Taliska Booliska degmada Howl-wadaag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada amniga ay fashiliyeen qorshaha argagixisada, islamarkaana ay baaritaano dheeraad ah ku hayaan dhacdadaan..

Dhacdada maanta ayaa muujineysa in shacabka Soomaaliyeed ay si dhab ah uga go’an tahay iska xoreynta argagixisada, ayada oo ay awal adkeyd in ragga ka tirsan kooxaha argagixisada ee lacagaha baada ka qaada ganacsatada si bareer ah loo hor istaago, waana guulaha ka dhashay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah argagixisada.

Arrintaan ayaa sidoo kale quus ku noqoneysa kooxaha argagixisada ee baqdin-gelinta lacagaha uga qaadan jiray ganacsatada, waana jabkii ugu weyna ee suuqa Bakaaraha kala kulmaan sanado badan kadib.

Xogta kulankii Xasan Sheekh iyo Yoweri Museveni + Sawirro

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Kampala oo uu booqasho ku joogo kula kulmay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Museveni kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si ay isaga dulqaadaan argagixisada Alshabaab oo caadeysatay gumaadka dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka iyo xasilloonida dhammaan dalalka gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalintii shalay, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni  ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Villa Somalia ayaa xustay in madaxweyne Museveni uu uga mahadceliyey Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo ka qeyb-galay xuska 60-guurada xornimada dalkiisa, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka dalka Uganda.

Sida aan warbixinadeenii hore idinkula wadaagnay, qorshaha safarka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kamid ah sidii uu Museveni uga heli lahaa kaalmo dhanka hubka ah si loogu xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamada ugu badan ee kamid ah howlgalk markii hore la oran jiray AMISOM ee hadda loo bixiyey ATMIS.

Daawo: Cali Guudlaawe oo runta u sheegay beeshiisa

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo booqasho ku tagay degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe oo lagu diyaarinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay qorayaha qaataan oo ay iska dhiciyaan kooxda Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe oo soo dhaweyn weyn loogu sameeyey degmada Cadale ayaa shacabka u sheegay in markaan lagu dhiiraday in kooxdaan la iska dhiciyo, islamarkaana laga xoreeyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada HirShabelle.

“Waxaan rabaa bulshada ku nool gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan degmada Cadale oo aan ku suganahay iyo degmooyinka kale ee an ku jiheysanahay Inshaa Allah inaan u sheego in booqshooyinkii aan ku imaan jirnay ay midaan tahay mid ka duwan,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in booqshada uu ku yimid Cadale ay tahay mid ka duwan kuwii hore isla markaasna laga doonayo dhallinyarada iyo waayeelka inay qoryaha qaataan.

“Markii hore waxaan isugu imaan jirnay annagoo danaheyna iyo horumarka deegaanka iyo xaaladad guud ee gobolka iska wareysaneyno, laakiin maanta way ka duwan tahay booqshadaan waa mid dib u xoreynta guud ahaan dalka gaar ahaan midda HirShabelle,” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray  “Waxaan rabaa nimaankaan horumarka u diiday ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada ah ee aan saqiir dhaafeyn oo aan waayeel dhaafeyn meel looga baxsanayo la waayey oo masaajidka haddaad tagtana kugu dhex dilayo inaan gacanteena isaga xoreeno ayaa la rabaa.”

“Waxaad marqaati ka tihiin gobolada dalka waa lagu dhiiraaday, gobolo badan oo ay dhib ku hayeen ayaa iska dul qaaday, gacantooda ayey ku ciil baxeyn, waxaa laga rabaa ummadda HirShabelle, gaar ahaan gobolka Shabeellada Dhexe yar iyo waayeel inta qoriga la qaato dadkaan aan afkooda la aqoon in la iska dhiciyo.”

Dadka Guudlaawe baaqa u diray ee dega gobolka Shabeellada Dhexe ayaa kasoo jeeda beeshiisa Abgaal, oo aan weli dagaalka ku biirin.

Deegaanada maamul goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka bilowday kacdoon looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna markii hore kasoo bilowday gobolka Hiiraan iyadoo hadda la qorsheenayo in laga bilaabo Shabeellada Dhexe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markaan wajaheysa culeys uga imanaya dadka shacabka oo u abaabulan qaab qabiil, mana la ogo waxa uu ku dhammaan doono kacdoonka, inkasta oo ay u badan tahay in dalka looga xoreey.

KACDOONKA oo marxalad cusub galay – Saddex arrin oo muhiim ah oo dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shahaab ayaa shalay weerar gaadmo ah kusoo qaaday deegaanka la yiraahdo Jicibow oo hoos taga degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.

Kooxda ayaa la sheegay inay dooman kaga soo gudbeen dhanka wabiga, iyagoo aad u hubeysan oo damacsan inay kala jaraan isku xirka ciidanka jira dhanka Beledweyne iyo midka jira dhanka Buula Burde.

Dagaalkii bilowday shalay aroortii wuxuu joogsaday xalay fiidkii, markaas oo ay ciidamada dowladda xaqiijiyeen in lasoo afjaray kooxdii soo qaaday weerarka.

Waxaa lagu tilmaamay dagaalkii ugu cuslaa ee dhacay in muddo ah. Dagaal 11-saacadood socday kadib wararku waxay sheegayaan geerida ku dhawaad 100 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, wararka qaar ayaa intaas ka badinaya geerida kooxda kasoo gaartay dagaalkaan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo midka dadka deegaanka iyagana dhankooda khsaare ayaa lasoo wariyey. Laba jiho ayaa la xaqiijiyey in laga weeraray kooxda Al-Shabaab ee iyada marka hore weerarka soo qaaday, iyadoo ciidanka dowladdu ay gurmad ka heleen dhanka magaalada Beledweyne.

Ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka waxaa caawiyey inay heleen xogta kooxda markii ay dhanka wabiga doomo uga soo gudbeen. Al-Shabaab kama hadlin dagaalkaan khasaaraha badan dhaliyey, caadiyana kama hadlaan dagaalada lagu jabiyo.

Dagaalkaan wuxuu noqday mid kamid ah saddexdii dagaal ee ugu khasaaraha badnaa oo ay la kulmaan Al-Shabaab waayahaan, mid wuxuu ahaa dagaalkii ay kusoo qaadeen deegaanka Baxdo, midka labaad waa dagaalkii deegaank Ceel-Qooxle ee hoos tagta Moqokori, midna waa dagaalkaan shalay ka dhacay deegaanka la yiraahdo Jicibow ee hoos taga degmada Buula Burde.

Laba kamid ah dagaalladaan waxaa khasaaraha ku badiyey kooxda Al-Shabaab ayaa la leeyahay in la helay xogtooda oo loo diyaar garoobay.

Dhanka kale, ciidankii ugu badnaa ee ka qeybgeli lahaa dagaalka Al-Shabaab ayaa shalay lagu soo bandhigay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidaankaan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la filayaa inay gobolkaasi ka billaabaan dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Haddii uu gobolka Shabeellaha Dhexe ka billowdo dagaalka la qorsheenayo waxaa la fahamsan yahay n Al-Shabaab aysan kasii dagaalami karin gobolka Hiiraan oo ay la kulmi doonaan culeys badan.

Ciidankaan loo diyaariyey inay weeraraan Al-Shabaabka ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa wararka qaar waxay sheegayaan inay billaabayaan howlgalkooda marka uu madaxweyne Xasan Sheekh kusoo laabto dalka oo ay is arkaan madaxweynaha iyo saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan.

Dhanka kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa billaabay inay gurmad siiyaan ciidanka ka qeyb qaadanaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Dhawaan waxaan sii deynay warbixin baaq aheyd oo aan shacabka ugu iftiiminay sida loogu baahan yahay inay gurmad dhinac walba ah la gaaraan ciidanka deegaanka iyo midka dowladda ee u taagan in lasoo afjaro gumaadka ay Al-Shabaab ku heyso shacabka Soomaaliyeed mudada dheer.

Waxaa muuqata in dalabka gurmadka la jiibay oo uu bilowgiisa muuqdo. Horey uma dhicin in dagaal intaan oo waji ka kooban lala galo kooxda Al-Shabaab, waana midda xoojineysa rajada shacabka Soomaaliyeed ee ah in lasoo afjaro kooxda.

Saddexdaas arrin ee kala ah; dagaalkii Jicibow, ciidanka ka baxay Muqdisho, iyo gurmadka shacabka waxay marxalad cusub gelinayaan dagaalka, waana dhowdahay guusha.

Daawo: WAARE oo su’aalo ka keenay howlgalka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab isaga oo su’aalo ka keenay, sida ay wax u socdaan.

Waare ayaa marka hore qiray in laga adkaaday Al-Shabaab, isla-markaana ay haatan ku jiraan marxaladoodii ugu dambeysay, sida uu hadalka u dhigay.

“Mashruucii Shabaab inuu dhammaaday iyaguba way fahmeen oo hadda guuritaanka iyo deegaanada ay kasoo baxayaan iyo istiraatiijiyadda ay hadda qaateen oo ay isku uruurinayaan, si ay u aadaan koonfurta iyaga saa-saantooda waa laga dareemayaa inuu waqtigooda dhammaaday,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle.

Maxamed Cabdi Waare oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale su’aalo ka keenay howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka degaanka ee Macawiisleyda, wuxuuna xusay in haboon tahay in wax la’iska weydiiyo waxyaabihii hore u dhacay ee sababay inay ciidamada huwanta dib uga soo baxeen deegaano ay ka qabsadeen Shabaab.

“Annaga waxaa na laga rabaa abaabulkeena ma waxa uu noqon doonaa mid kala daadsan, mase qaab darradeenii waxaas ayaa soo bixin doono? taas waayey dooda ma ogiyee Shabaab waqtigiisa waa dhammaaday,” ayuu sii raaciyey siyaasi Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Maxaas qabiilada maxay u kaceen, maxay qabiilada qaar buste hoosteed ugu jiraan, maxay nabadoonada qaarkood u dhiiran yihiin, maxaaa nabadoonada qaar loo aamusiyey, maxaa nabadoonada qaar Al-Shabaab uga soo dhex hadloowaan?.

Hadalkan ayaa kusoo aadyao, ayada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday howlgallo ka dhan ah kooxdaasi, kuwaas oo haatan xoogooda ay ka socdaan gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

&nbsp

Xildhibaano ka falceiyey ‘khasaarihii cuslaa ee shalay la gaarsiiyey’ AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo xildhibaano hore oo reer Hiiraan ah ayaa ka falciyey khasaaraha kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyey dagaal shalay ka dhacay deegaanka Jicibow oo 30km u jira degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Warbaahinta dowladda ayaa khasaaraha Al-Shabaab ku sheegtay 200 oo dhimasho ah halka guddoomiyaha degmada Buulo-burde uu sheegay in 100 lagu dilay. 

Cabdullaahi Goodax Barre oo horey u soo noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa yiri “Waxaan u hambalyaynayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisley, guusha weyn ee ay ka gaareen deegaanka Jicibow ee hoostagga Degmada Buulo Burde. Mujrimiinta oo in ka badan 500 oo nin ku soo weeraray deegaanka Jicibow ayaa jab xoogan loo gaystay, qaar la dilay, qaar dhaawac lagu qabtay iyo qaar buur dusheeda go’doon ku ah oo lagu hareereysan yahay ayay noqdeen.”

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ujeedka Shabaabku uu ahaa inay cagta mariyaan saldhigga ciidamada, balse ay ku hungoobeen.

“Waxa uu qorshahoodu ahaa in ay cagta mariyaan saldhigga ciidamada wadajirka ah, balse si la yaqaan ayay ciidankii sutida ugu qabteen Khawaarijtii weerarka soo qaaday, dhegta ayaana dhiigga loo daray. Loogama harin ee waa la daba-galay, waxay galeen dhul buureed kayn ah oo ay sii sahansadeen. Taliyeyaasha Ciidamada waxa ay amreen in la go’doomiyo keliya, si aanay fursad ugu helin in ay u tallaabaan dhanka galbeed. Khawaarijtuna waxa ay dan u arkayn in la isku habeensado, kadibna ay helaan dooman ay ku gudbaan, kuna qaataan dhaawaca iyo meydadka soo gaaray oo aad u baaxad weyn,” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu.

Macalimuu ayaa yiri “Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka waxaa u soo gurmaday ciidamo badan oo ahaa kuwii fidhiyay Yasooman iyo qaar Halgan ka soo baxay. Hawlgal aan garan karin ayay ciidamada oo amaro ka helaya Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed la damacsan yihiin haraadiga go’doonsan. Haddii Shabaab xero inta ay weerar gaadma ah ku soo qaaaan ay cagta marin jireen, hadda waxa yimid kuwa kalsooni iyo dhiiranaan qaba oo hubkooda ku xisaabtamaya.”

Khasaaraha Al-Shabaab ku gaaray halkaas ayaa noqonaya kii mid ka mid ah kii ugu xoogganaa ee hal goob ku gaaray.  

Wararkii ugu dambeeyey ee madaafiic lagu garaacay xerada ATMIS ee BALCAD

0

Balcad (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ay Al-Shabaab madaafiic ku garaaceen xero ciidamada dalka Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in hoobiyeyaasha oo gaarey illaa 5 madfac lala beegsaday saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin xaafadda Xaawa Taako, gaar ahaan aaga Warshaddii hore ee dharka Balcad, halkaas oo si xoogan looga dareemay weerarka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhankooda ciidamada Burundi ay ku jawaabeen madaafiic culus, mana cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaasi.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan madaafiicda ay is weydaarsadeen ciidamada Burundi iyo Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda ay howlgallo ka bilaabeen Balcad iyo agagaarkeeda, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdeen deegaanka Basra oo u dhow degmada Balcad, halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo xoogaga kooxdaasi, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Khasaaraha Al-Shabaab ku gaaray dagaalkii shalay ‘oo maraya 100 dhimasho ah’

Buulo-burde (Caasomada Online) – Xog cusub ayaa laga helayaa khasaaraha kooxda Al-Shabaab ay ka kulmeen dagaal shalay ka dhacay deegaanka ee Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka Jicibow, oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Warbaahinta dowladda ayaa werisay in ciidanka qaranka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ay hareereeyeen maleeshiyadii oo ku sugnaa goob wabiga jiinkiisa ah oo ay doonayeen inay ka talaabaan laguna laayey. 

Maxamed Shiine oo ah guddoomiye ku xigeeenka Maamulka iyo Maareynta degmada Buula-Burde ayaa warbaahinta u sheegay in ku dhawaad 100 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen, halka qaar kalena ay isa soo dhiibeen, halka intii hartayna ay ciidanka ku hareereysan yihiin.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa khasaaraha Al-Shabaab halkaas ku gaaray ku sheegay in ka badan 200 oo maleeshiyo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa damacoodu ahaa in ay kala gooyaan labadda magaalo ee Beledweyne iyo Buula-burde, sida ay xog ku bixiyeen saraakiisha ciidamada dowladda. 

Sida wararku sheegayaan, maamulka deegaanka ayaa ka war helay in Al-Shabaab badan oo doomo wata ay halkaas soo saldhigteen, waxaana durbaba halkaas u ruqaansaday ciidamada xoogga oo kaashanaya Macaawisleyda.

Ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale gurmad xoojin ah u diray halkaas kuwaasi oo kooxda ku hareereeyay deegaanka Jicibow, kadibna uu dagaal culus ka dhacay.

Dagaalkii oo shalay subax billaabmay ayaa soo gaaray illaa maqribkii xalay, waxaana la sheegay in cagta la mariyey Shabaabkii.

Khasaaraha Al-Shabaab ku gaaray halkaas ayaa noqonaya kii mid ka mid ah kii ugu xoogganaa ee hal goob ku gaaray. 

Daawo: Xoghayihii BF oo xog cusub ka bixiyey lacagtii laga qaaday musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayihii guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo 10-sano kadib shalay xilkaas wareejiyay, kadib markii uu is-casilay dhawaan ayaa sharaxay halka ay ku dambeeyaan lacagihii laga uruuriyey musharaxiinta xiligii doorashada.

Buux ayaa xafladii xil wareejinta uga faa’iideystay inuu ka jawaabo eedeymo laga faafiyey oo la xariiray in hoggaanka golaha shacabka uu lunsaday lacagahii laga uruuriyey musharaxiinta.

Wuxuu sheegay in lacagahaas toos loogu shubay qasnadda dowladda, isla markaana loo maamulay si waafaqsan sharciga maaliyadda ee dalka, “Yaan sharafta baarlamaanka meel looga dhicin, waxaan arkayey dad soo qoraya malaayiin dollar oo xiligii doorashada la uruuriyey ayaa la lunsaday,” ayuu yiri Buux.

Wuxuu intaas ku sii daray, “10-sano ayaan kasoo shaqeynayey hey’adaan sharci dejinta, waana halka laga ilaaliyo sharciga dalka, wax musuq ahna kuma dhex arkin, lacagtaasna waxaa laga maamulay oo lagu shubay qasnadda dowladda.”

Sidoo kale Cabdikariin Buux ayaa sheegay in lacagihii laga uruuriyey musharaxiinta xiligii doorashada ay gaarayeen hal milyan iyo seddax boqol, “Hadda waxaa ka dambeeya boqol kun oo loo qorsheeyey in la siiyo shaqaalihii ka shaqeynayey doorashada, waxaana gacanta ku heysa wasaaradda maaliyadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Buux.

Cabdikariin Buux ayaa dhawaan iska casilay xilka xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya, isagoo aan shaacin sababta, wuxuuna maanta xilkaas ku wareejiyey Cabdiraxmaan Jaabiri oo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu u magacaabay.

Hoos ka daawo hadalka Buux