28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Beesha caalamka oo cadaadis xoogan ku haysa Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Golaha Guurtida Somaliland ku dhawaaqay muddo kordhin 2 sano ah oo u sameeyay madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa isa-soo taraya cadaadiska ay beesha caalamka saareyso xukuumadda iyo saamileyda siyaasada.

Beesha Caalamka ayaa rabta in xal wada-ogol ah laga gaaro khilaafka ka dhashay muddo kordhinta, si hoos loogu dhigo xiisada siyaasadeed ee arrintaas sababtay.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Kate Foster oo dhawaan booqasho ku timid caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxay kulan la qaadatay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Kulankaas ayaa waxa diirada lagu saaray xiisada siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, waxaana warbixin guud oo ku aadan xaalada taagana Safiirka ka dhageystay guddoomiyaha.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa sidoo kale muujiyay sida ay ka gole ahaan marwalba diyaar ugu yihiin inay qeyb ka noqdaan xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.

“Waxaa uu dhanka kale gudoomiyuhu usheegay safiirka in ay Somaliland ku caano maashay xalinta khilaafyadda yimaada maadaama dalka Somaliland uu yahay dal nabdoon oo xasiloon,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo Safiir Kate Foster.

Somaliland ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed xoogan oo ka dhalatay muddo kororsiga uu sameystay madaxweyne Biixi, ayada oo aan xal laga gaarin khilaafkii doorashooyinka ay isku hayeen xukuumadda iyo mucaaridka.

DF iyo ATMIS oo furay xarumo laga hagi doono duulaanka lagu qaadayo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa furay xarumo cusub oo laga hagi-doono duulaanka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, tallaabadaan ayaa lagu macneeyey in kor loogu qaadayo isku-dubaridka iyo qorsheynta hawlgallada.

Masuuliyiin ka socotay wasaaradda difaaca ee dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ugu sareysa howlgalka ATMIS ayaa goobtaas ka sheegay in duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab uu garab socdo qorshe ay ciidanka qaranku kula wareegayaan guud ahaan ammaanka dalka.

Ugu horeyn Taliyaha Ciidanka ATMIS, Lt. Gen. Diomede Ndegeya, ayaa sheegay in xarunta la hir-geliyey ee laga hagi doono howlgallada wadajirka ah ay ka shaqey doonto fulinta go’aamadii kala duwanaa ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo ahaa in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan amniga dalka.

“Kulamo wada-tashi ah ayaa dhex maray ATMIS iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya, si dib loogu habeeyo ATMIS, iyadoo la tixgalinayo muhiimadaha shaqo ee ciidamada xoogga Soomaaliya,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka ATMIS.

Wuxuu intaas ku sii daray “Sidaas darteed, xarumaha howlgallada wadajirka ah waxay noqon doonaan kuwo ka shaqeeya dhammaan qeybaha kala duwan, waxayna isku xirayaan howlgallada la dagaalanka Al-Shabaab.”

Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasin oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in guulo laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay oo ay iska kaashanayeen ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, howl-galladaas oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa ATMIS hirgelinta xarumaha howlgallada wadajirka ah, taas oo wanaaji doonta isku xirka ciidamada Soomaaliya iyo ATMIS. Saraakiisha oo isku duuban iyo wada shaqeynta ayaa xaqiiji doonta howlgallada wax ku oolka ah ee la qorsheynayo,” ayuu yiri wasiir Cabdifitaax Qaasin.

Suxufiyiinta MUQDISHO oo cabsi hor leh ka muujiyay fulinta go’aankii dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururada Saxaafada Soomaaliyeed ee kala ah SJS, SOMA, FESOJ iyo SIMHA ayaa si adag uga horyimid go’aankii ay dhawaan dowladda uga joojisay baahinta wararka la xiriira Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareen ururadaan ayaa waxay ku sheegeen in go’aanka Wasaarada Warfaafinta aan lagala sameyn wax wada-tashi ah, islamarkaana la iskugu dayayo in la xadido xuquuqda saxaafada ee sharcigu ogol yahay.

Sidoo kale waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka in go’aankaas uu yahay mid amni darro u keenaya warbaahinta Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ku shaqeeya.

“Xayiraad waxay imaan karta marka uu sharcigu ogol yahay oo ay marka hore isku dheelitaran tahay, lagama maarmana ay tahay. Sidoo kale waa in la helo habraac looga dacwoon karo oo leh nooc dib u eegis Garsoor, taasi oo aan ku jirin go’aanka ay wasaaradu soo saartay.”

“Suxufiyiinta ma wataan Bullet-Proof oo ilaalina lama socoto, marka go’aanka wasaarada warfaafinta kuma fadhiyo tiir sharci. Waa in aan marnaba la xadidin xuquuqda saxafiyiinta iyo xoriyada saxaafada ee sharcigu ogol yahay.”

Sidoo kale waxay dalbadeen in dowladda dib u eegis ku sameeyso sharciga saxaafada, oo ay sheegeen inay ku jiraan qoddobo badan oo ka hor imanaya xoriyada saxaafada iyo xuquuqda ay leeyihiin saxafiiyiinta, sidaas darteedna aysan yeeleyn.

“Marnaba ma yeeleyno in sharciga saxaafada marmarsiyo looga dhigto in qawaaniin iyo qoddobo qof intuu iska qor-qortay uu soo saaro kaligiis kuna dhawaaqo, inooga dhigana digreeto sharciga wadanka ka shaqeeya. Waxa ka digeyna amniga suxufiyiinta oo awal khatar ku jiray in markale khatar la galiyo yaan lagu ciyaarin.”

Ugu dambeyntiina waxay ka codsadeen Wasaarada Warfaafinta in go’aankaas oo ay sheegeen in markii horeba lagu deg degay ay dib u eegis ku sameeyso, islamarkaana ilaaliso xuquuqda wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Arrintaan ayaa imaneysa maalin kadib markii ay kooxda Al-Shabaab soo saartay digniin si toos ah ugu socotay warbaahinta madaxa-banaan ee fulisa go’aanka kasoo baxay dowladda, taasi oo u muuqata in durtaba ay abuurtay cabsi hor leh oo soo foodsaartay qaar kamid ah saxafiyiinta ka howl-gala warbaahinta dalka.

Sawirro: Cali Guudlaawe oo tegay xarunta laga hagayo howlgallada SH/ DHEXE

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo xudun u noqotay abaabulka la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay ka heystaan gobolkaasi.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa degmada Cadale ku soo dhoweeyey mas’uuliyiinya degmadaas, qaybaha kala duwan ee bulashada & saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Madaxweynaha HirShabelle oo soo dhoweyntiisa ka hadlay ayaa sheegay in socdaalka uu ku tegay degmada Cadale uu ka duwan yahay socdaaladiisii hore, islamarkaana safarkiisa uu ku qotomo dardargelinta howlgalada Shabaab looga saarayo degmooyinka SH/DHEXE.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gobolka uu hormuud u noqon doono kacdoonka shacab ee haatan socdo, si guud ahaan meesha looga saaro kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ciidamada huwanta inay u diyaar garoobaan duulaan cusub oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo lagu beegsanayo meelaha ay gobolka ka joogaan.

Guudlaawe ayaa horey u booqday gobolka Hiiraan oo uu haatan ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo kormeeray goobihii lala beegsaday qaraxyadii Beledweyne.

Inta badan deegaanada maamul goboleedyada, sida HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa ka socdo abaabulkii ugu dambeeyey ee dalka looga xoreynayo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo haatan wajahaya culeyskii ugu adkaa.

default

Maxay Qaramada Midoobay ka tiri tahriibayaashii lagu gubay xeebaha LIIBIYA?

0

Taripoli (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa si adag cambaareysau dilkii ugu foosha xumaa ee loo geystay 15 tahriibayaal ah oo Axaddi ka dhacay ka dhacay meel u dhow xeebaha magaalada Sabratha ee Liibiya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay howlgalka QM ee dalkaasi.

Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dilkaas inay ka dambeeyeen kooxaha mukhalasiinta ah ama dilaaliinta wax tahriibiya.

Sidoo kale waxa ay QM ayaa dalbatay in kooxaha falkaas ka dambeeyey si deg deg ah cadaaladda la horkeeno, si looga qaado tallaabada ku haboon dhibaatada ay geysteen.

Meydadkan ayaa subaxnimadii Jimcihii laga helay meel xeeb ah, waxaana intooda badan ay ku dhinteen dooni gubatay, sida ay sheegeen howlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya iyo Bisha Cas ee isna dalkaas ka hawlgala.

“Iyada oo weli lagu mashquulsan yahay in la ogaado xaaladda dhabta ah, ayaa haddana wararka hordhaca ahi waxay sheegayaan in dilkan uu ka dhashay, iska dhac dhexmaray kooxaha wax tahriibiya” ayaa lagu yidhi warbixinta ka soo baxday xafiiska QM ee Liibiya.

Waxay ku boorisay masuuliyiinta Liibiya, inay si deg-deg ah u bilaabaan baadhitaan madax-banaan oo daahfuran si cadaaladda loo horkeeno dembiilayaashii ku luglahaa falkaas.

Waddanka Liibiya ayaa ah marin muhiim ah oo si qarsoodi ah looga tahriibiyo dadka ku sii jeeda dalalka reer Yurub.

Haweenka Soomaalida Belgium-ka oo xaflad ku maamuusay safiirka Benelux iyo Midowga Yurub (Video)

Brussels (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo ay soo abaabuleen ururka haweenka Soomaalida Benelux ayaa Sebtidii lagu qabtay Magaalada Gent, ee waddanka Beljium-ka. 

Munaasabaddan, oo ay soo agaasintay Guddoomiyaha ururka haweenka Soomaalida Beljium-ka  Canab ayaa dadkii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya waddamada Benelux iyo Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Gent Abshir Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN ee fadhigeedu yahay Netherland C/qaadir Cali Nuune, masúuliyiin ka socotay Jaaliyada Soomaalida Beljium iyo waxgarad isugu jira rag iyo haween. 

C/qaadir Nuune oo ku hadlayay codka Soomaalida ku dhaqan Netherland ayaa soo dhoweeyey dedaalada safiirka ee ku aadan sidii dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddamada Beljium iyo Netherland iyaga oo middeysan ay kaga qeybqaadan lahaayeen caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen. 

“Anigoo ku hadlaya magaca Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan Netherland waxaan u xaqiijeynaa safiirkeena Yoonis in reer Holland ay diyaar u yihiin wax walba oo kor loogu qaadayo magaca iyo sumcada Soomaaliyeed” Ayuu yiri C/qaadir Nuune. 

Danjire Yoonis ayaa noqonaya danjirihii ugu horreeyey ee ka socda Dowlad Soomaaliyeed wixii ka dambeeyay qaran-jabkii dalka ka dhacay, ee soo gaara fagaarayaasha ay isugu yimaadaan Jaaliyadaha Soomaalida, wuxuuna marar badan ka soo dhexmuuqday shirarka ay isugu yimaadaan Jaaliyadaha Soomaalida Beljium iyo Netherland. 

Danjire Yoonis, wuxuu ku guuleystay muddadii uu xafiiska joogay inuu soo celiyay billicdii iyo quruxdii safaarada Soomaalidu ku laheyd Beljium, waxaanna socda olole ay hormuud u yihiin Soomaalida Netherland oo lagu nadiifinayo gurigii martida ee ay safaaradu laheyd. 

Halkan ka daawo  

Baadi goobka kaalmada dagaal ee madaxweyne Xasan Sheekh

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ku joogo dalka Uganda, halkaas oo ay kaga billaabatay booqasho rasmi ah.

Socdaalka madaxweynaha ayaa la xaqiijiyey inuu daaran yahay kaalmo la xiriirta dagaalka dalka ka socda ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, taasi oo tacdadiyo dhowr waji ah geysatay sanadihii lasoo dhaafay.

Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa xaqiijiyey inuu madaxweynuhu maalmahaan ku mashquulsan yahay inuu dagaalka Al-Shabaab u helo kaalmo u badan hub, si uusan u fashilmin kacadoonka ka socda dalka.

Iyadoo beelaha Soomaaliyeed qaarkood ay muujiyeen sida ay u karaan inay iska saaraan kooxda Al-Shabaab ayaa dhinaca kale deegaanada qaar waxaa laga soo wariyey hub la’aan.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhawaan tagay wadanka Itoobiya, waxaa la sheegay inuu laba shaqo kusoo guuleystay.

Mid waa in isaga iyo dowladda Itoobiya si fiican isku qaateen oo uu meesha ka saaray mad-madowgii Itoobiyaanka ka qabeen maamulkiisa cusub, midda kalena waa inay ka aqbaleen inay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Itoobiya ayaa la filayaa inay deegaanada u dhow dhow ka bilowdo beegsiga Al-Shabaab, halka ay sirdoonka labada dalna toos isaga kaashanayaan xogaha dagaalka, waa sida la sheegay inay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed.

Safarkaan madaxweyne Xasan Sheekh ee Uganda wuxuu daaran yahay codsi hub, si loo xoojiyo dagaalka Al-Shabaab, ayuu yiri qof xog-ogaal u ah safarkaan.

Villa Somalia iyaduna waxay sheegtay in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Uganda ay ka wada-hadlayaan dagaalka argagixisada iyo inuu madaxweyne Xasan Sheekh ka qeyb-galaayo lixdan guurada xoriyadda waddanka Uganda.

Uganda waa dalka ugu badan oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka la yiraahdo ATMIS. Inay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Yoweri Museveni isla qaataan qadiyaddaan wax badan ayey ka tari doontaa dagaalka socda, ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Doorka ciidanka ATMIS ee dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab ayaa daciif ah waqtigaan. Safarka madaxweyne Xasan kadib waxaa jirta rajo ah inay ATMIS oo horey AMISOM loo oran jiray ay kaalin fiican ku yeelan doonaan dagaalka socda.

Sidoo kale, waxaa jira warar dheeri ah oo sheegaya inuu madaxweyne Xasan Sheekh dhawaan booqan doono boqortooyada Sacuudiga isagoo dhaqaale u raadinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka dhaqaale ahaan u taageera dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh oo 5 bilood xafiiska jooga wuxuu muujiyey ka go’naanshaha dagaalka Al-Shabaab, taas oo ay dad badan ku taageereen oo ay xataa mucaaradkiisa ku jiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ku laysay kumanaan ruux oo shacab ah dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, balse hadda waxay u muuqdaan kuwa taagan gunaanad, kadib markii shacabkii si buuxda uga hor yimaadeen dhaqamada kooxda.

Daawo: Beelaha Mudullood oo maanta Muqdisho ka sagootiyey ciidan xoog leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidan xoog leh oo ka socda beelaha Mudullood ayaa maanta laga ambabixiyey gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku wajahan deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobollada HirShabeelle iyo Galmudug.

Saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaaminaysa ciidankaas oo warbaahinta kula hadlay duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay qorsheynayaan in maalmo gudahood lagu xoreeyo Muqdisho ilaa Xarardheere, iyadoo cagta la marinayo gabi ahaan deegaanada ay kooxdu ka joogto dhulka HirShabeelle iyo Galmudug.

Ciidankaan maanta la sagootiyey ayaa wata hub iyo gaadiid dagaal oo aad u badan, waxaana ka sii horeeyey ciidan kale oo maalmihii lasoo dhafay la isugu geeyey degmada Cadale.

Beelaha Mudulood ayaa wada abaabulkii ugu cuslaa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, maadaama inta badan gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Galgaduud kacdoon shacab looga xoreeyey Al-Shabaab.

Inka badan 200 oo gaadiidka dagaalka ah ayaa ku sugan Cadale waxaana hadda deegaanadaas ku wajahan tiro kale oo intaas ku dhow, maalamaha soo socda waxaa lagu wadaa in howlgaladaan ay ka bilowdaan dhulka ay Al-Shabaab ka joogaan gobolka Shabeellada Dhexe.

Hoos ka daawo ciidankii maanta laga sagootiyey Muqdisho

Faahfaahin: Dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka Buuloburde + Khasaaraha

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta weeraray deegaanka Jicibow oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay ka war heleen in kooxda Al-Shabaab ay isku uruursaneyso halkaas.

Ciidanka qaranka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ayaa hareereeyey Al-Shabaabkii lagu weeraray degaanka Jicibow, gaar ahaan goob wabiga jiinkiisa ah, maadaama ay doonayeen inay halkaas ka talaabaan.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaal xoog leh uu gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degaanka Jicibow, isla markaana uu jiro khasaare xoog leh, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka howlgalkaas fuliyey ayaa balan qaaday in khasaaraha la gaarsiiyey kooxda iyo hub badan oo laga furtay ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa ilo-wareedyo Militeri ayaa werisay in ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen in ay kala eryaan, qaarna laayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay deegaanka.

“Ciidanka iyo dadka deegaanka ayaa iska kaashanaya howlgalka socda ee lagu soo qabanayo haraadiga cadowga,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Dhamaadkii bishii hore ee Sebtembar, ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ku guuleystay in ay Al-Shabaab ka xoreeyaan in ka badan 40 deegaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegtay inay xirtay 40 ka mid ah akoonnada Twitter-ka iyo Facebook-ga oo ay Al-Shabaab ku faafin jireen wararkooda iyo afkaaraha xagjirnimada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo culimada oo wada qorshe cusub oo lagu dhisayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyay kulankii u horeeyay ee dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Culimada Soomaaliyeed.

Sheekh Wajiis ayaa shaaciyay in kulankaas lagu go’aamiyay dhismaha Gole Sare oo arrimaha Islaamka ee Soomaaliyeed, kaasi oo ay leeyihiin inta badan wadamada Islaamka ah, sida uu sheegay.

“Waxaa laga wada-hadlay arrimo aad u muhiim ah, waxa la isla qaaty in la mideeyo Culimada Soomaaliyeed oo la iclaamiyo shir weyn oo ay isugu yimaadan culimada oo dhan oo dadka madaariska kala duwan iyo fikriga la isku keeno, si loo abuuro Golaha Sare ee arrimaha Islaamka ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhismaha Golahaan uu hakad ku yimid muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh, hase yeeshe xiligaana ay isla qaatan in lasii amba-qaado.

“Madaxweynaha waxa uu Culimada u soo jeediyay inay kaalintooda muhiimka ah ka qaatan dib xoreynta dalka iyo fikirka xagjirka oo horkacaan dadaalkaas ballaaran ee wado dowladda. Culimada awal waa wadeen dadaalka waxayna ballan-qaadeen inay sii laba-laabi doonaan.”

Sheekh Wajiis ayaa ugu dambeyntiina sheegay in kulankaas lagu gaaray wada-shaqeyn guud oo dhexmarta dowladda iyo culimadda Soomaaliyeed, si loo hagaajiyo qeybaha kala duwan ee Garsoorka, Dacwadda & Ilaalinta Dhaqanka iyo Diinta dalka.

Maxay tahay kooxda askarta ku laysay gudaha Jabuuti?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Qeyb kamid ah mucaaradka dalka Jabuuti ayaa ku baaqday in la dejiyo xaaladda, kaddib markii garabka hubaysan ee fallaagada Front for the Restoration of Unity and Democracy (FRUD) ay Jimcihii askar ku laayeen saldhig ku yaalla waqooyiga dalkaas.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay 7 askari, islamarkaana ay baadigoobayso lix kale oo lagu waayay weerarka.

Jabhadda FRUD ayaa dagaal ka dhan ah xukuumadda dalkaas billowday 30 sano ka hor.

Mucaaradka baaqa soo saaray waxaa kamid ah xisbiga RAAD oo uu guddoomiye u yahay Cabdiraxmaan Maxamed Geelle ahna duqii hore ee caasimadda Jabuuti.

Waxa uu BBC-da u sheegay in ay ka xun yihiin dagaallada iyo dhimashada meesha ka dhacay: “Ma jeclin in [dalkeenna] uu wax qalalaase ah ka dhaco oo uu dhiig ku daato.

“Waxaan leenahay nabad baa caano macaan, dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta, marka taliska Jabuuti waxaan ugu baaqeynaa maaddaama xaaladdu ay cakiran tahay inay xaallada dejiyaan, ma jeclin in dadkayaga iyo askartayadaba ay ku dhintaan dagaal gudaha ah, askarta waxaa loogu talagalay in cadowga shisheeye ay difaacaan ee ma aha in dhexdayada loo adeegsado,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Geelle.

Jabuuti Waxay ku taallaa mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka, halkaas oo Badda Cas kaga darto Gacanka Cadmeed.

Waxaa ku taalla mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn Bariga Afrika, sidoo kalena saldhigyada ciidamada Maraykanka iyo Shiinaha ayey martigelisaa.

Horay waxaa Jabuuti uga dhacay mudaharaadyo inta badan lagaga soo horjeedo xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo xisbigiisu muddo dheer xukumayay dalka.

“Weerarkii ugu dambeeyay ee FRUD wuxuu ahaa Janaayo 2021, markaasoo hal askari lagu dilay.” Alexis Mohamed oo ah la taliyaha Geelle ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Maxay tahay fallaagada FRUD?

Waxaa la aasaasay 1991-dii, waxaana la sheegay in loo aasaasay danaha dadka Canfarta ah ee ku nool dalka Jabuuti.

Jabhadda ayaa waxaa la sheegaa inay haysato taageerayaal ku nool dalka dibaddiisa.

Sannadkii 1994, kooxdu  waxay u kala jabtay laba garab: garab qunyar socod ah oo uu hoggaaminayay Cali Maxamed Daa’uud, kaas oo heshiis nabadeed 26 December 1994 dowladda kula saxiixday magaalada Adiis Ababa, halka garabkii kale ee uu hoggaaminayay Axmed Diini Axmed uu ku gacan sayray heshiiskaas, kaas oo sii ahaa mid hubeysan oo ku dhawaaqay iska caabin.

Khalalaasihii dhacay sannadkii 1994 waxaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 1,000 qof.

Ka dib waxa billowday kacdoon cusub oo ka dhan ah dowladda Jabuuti, iyada oo jabhadda lagu eedeynayay in ay taageero hub ka helaysay Ereteriya si ay u gooyaan marinnada saadka ee Jabuuti ilaa Itoobiya oo aan bad lahayn, gaar ahaan intii uu socday dagaalkii Eritera iyo Itoobiya. Kacdoonkaas waxa uu sababay dhimashada 100 qof.

“Bishii Maajo 2001, koooxdii ka goosatay FRUD  waxay heshiis nabadeed la saxiixatay dowladda balse koox saddexaad oo heshiiskaas ka hartay ayaa hadana sii wadda dagaalka ay leeyihiin waxaan ku rabnaa isabadal dimuqraadiyadeed iyo caddaalad,” ayuu BBC-da u sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Geelle.

“Waxay ila tahay jabhaddan aysan ku qanacsanayn heshiiskii dowladda ay la galeen kooxihii kale ee ay ka goosteen si la mid ah heshiiskii siyaasadeed ee aan annagu dowladda la galnay ee aannu ugu qanacsanayn oo runtii ay nagaga baxday,” ayuu sii raaciyay.

Xigasho: BBC

Xasan Sheekh oo baabi’iyey laba guddi oo uu sharci darro ku dhisay Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kala diray Golaha Adeega Qarsoorka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka musuqmaasuqa, kuwaasi oo la dhisay xiligii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale gebi ahaanba waxa uu baabi’iyey dhammaan wixii go’aano ahaa ee ay gaareen Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuq-maasuqa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo Xeerarka waafaqsan, ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi’iyey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la-dagaallanka Musuqmaasuqa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Go’aanka madaxweynaha ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya wixii go’aamo ahaa ee guddiyadaas ay gaareen tan iyo markii muddadii la howl-geliyey, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowladnimada Soomaaliyeed ayaa waxa uu faray xukuumadda inay deg deg u soo dhisto labadaan guddi, iyadoo la marayao sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa.

“Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan-galay Oktoobar 09, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Somali.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu xilka hayey lagu eegeeyey dhismaha guddiyo badan oo sharci darro ah, oo qaarkood aan waafaqsaneyn qaarna aan la marin hay’adihii sharci-dejinta ee labada Aqal ee baarlamanka.

Cali Wajiis: Ganacsatada lacagta siiya Al-Shabaab waa in laba loo kala saaraa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo si gaar ahna uga hadlay go’aamada ay dowladda ku wajaheyso soo afjarida kooxda.

Sheekh Wajiis oo ka hadlay go’aankii dowladda ee ganacsatada ku amreysay inay joojiyaan lacagaha ay siiyaan Al-Shabaab, ayaa waxa uu dalbaday in dowladda ay u kala saarto ganacsatada labo nooc, si aysan dhibaato hor leh usii gaarsiin.

“Dowladda waxa usoo jeedinayna in la tixgeliyo dadka daruufahooda amniga oo la baaro qofka xoolaha u siiya jaceyl iyo taageero uu hayo kooxda, waa in lasoo qabto oo ciqaab adag la marsiiyo hadey ku cadaato iyo in la kala saaro qofka u bixiyay in uu naftiisa ku badbaadsado, qofkaas dhibaato laguma sameyn karo waa loo digayaa un,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu kaceen xoreynta dalka, xili sanado badan ay dhibaato ku haysay argagixisada dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

“Shacabka waxa uu kaabaya dowladda oo waa dadka xanuunku ku dhacay, deegaanadooda inay xoreystaan xaq ayey u leeyihiin, labada dadaal wey is dheelitirayaan. Wadamo badan oo argagixisada soo wareerisay waxa looga xoreeyay shacabka iyo dowladda oo iskaashaday.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Al-Shabaab ma aheyn in xiligaan soo gaaraan howl-galkaan waa guuleysanaya waxa kaliya u baahan yahay in gacmaha la is-qabsado.”

Ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in dowladda ay dardar-geliso abaabulka beelaha, islamarkaana ay u dhameystirto waxkasta oo ay u baahan yihiin, si aan loogu kala hadhin kacdoonka dagaalka ee ka dhanka Al-Shabaab oo markii hore kasoo billowday gobolka Hiiraan.

Daawo: Jeneraal Tuuryare “ATMIS waxaa kusoo baxday xujo kala caddeyn doonta…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA), Jeneral Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sheegay in la joogo waqtigii gacan ku gambashada Al-Shabaab, isagoona dowladda federaalka kula taliyay in aan laga aqbalin beenta iyo hagardaamada ay soo marinayaan dadka deegaanadooda ay dul saaran yihiin.

Jeneral Cabdiraxmaan Tuuryare oo booqasho shaqo ku yimid London ayaa Caasimada Online uga waramay marxaladda xiligaan ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, isagoona ka digay halista ay maleegayaan iyadoo suuragal tahay inay weeraro nafla caarinimo ah ay ka fulayaan goobaha shacabka iyo waddooyinka ay isticmaalayaan ciidamada iyo shacabka kacdoonka wada.

Mar aan weydiinay sababta 10 sano ka badan oo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (EX-AMISOM) ay guulo wax ku ool ah ugu soo hoyn waayeen howlgalada Al-Shabaab maadaama ay ka tayo iyo awood badan yihiin shacabka kacdoonka bilaabay iyo ciidamada DFS, wuxuu ku jawaabay Jen. Tuuryare in AMISOM ay dagaallada qeyb ka ahaayeen, khasaaro naf iyo maal lehna uu kasoo gaaray laakiin hadda imtixaan ay ku tahay AMISOM kacdoonka billowday ee lagu dhabar jabiyay Al-Shabaab.

“Haddii hadafkii dalka loo keenay AMISOM ay aheyd dagaalka Al-Shabaab waxay garab galayaan hadafka cusub ee dagaalka Al-Shabaab, oo waxaa la arkayaa furmaha dagaalka iyagoo garab joogaa, haddii ay ahaayeen mashruuc nooca Shabaab loola dagaalamo nooc kale aheyn oo dalka lagu waxyeeleynaayo hadda ayey kala caddaaaneysa, waxaan is leeyahay meeshii AMISOM ku kala caddaan laheyd, inay dalka u joogeen dano saaxiibtinimo qaran oo dalka in laga xoreeyo Shabaab iyo in dano kale oo guracan oo waqti dhameys ah u joogeen hadda ayey kala caddaaneysaa,” ayuu yiri Jen. C/raxmaan Tuuyare.

Wuxuu qiray Jen. Tuuryare in 10 sano oo AMISOM ay dalka joogtay in guulaha xiligaan la gaaray in aysan weli soo hoyin, balse taasi wuxuu ku macneeyay inay ka dhalatay bisil iyo naceyb loo qaaday Al-Shabaab.

“Hadii AMISOM ay aheyd mashruuc 10 sano soo socday waxay kala caddaan doontaa maalmaha ama todobaadyada soo socda guulaha ay gaaraan ciidamada dowladda iyo shacabka is-abaabulay, waxaana kala caddaan doonta in AMISOM dalka u joogtay mashruuc dhaqaale iyo howlgal amni,” ayuu yiri Taliyihii hore ee NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare.

Mar aan weydiinay sababta kacdoonka billowday ayuu sheegay in yihiin shacab isbaabulay oo la baneystay dhiigooda, hantidooda iyo reerahooda, kuwaasi oo horey aan fursad ugu helin dowladihii hore balse dowladda xilligaan ay muujisay taageero iyo inay garab taagan tahay shacabka kacdoonka billaabay.

Jen. Tuuryare wuxuu kaloo dowladda madaxdeeda ugu baaqay in kooxaha ay adeegsanayaan Shabaab ee deegaanadooda la haysto aysan dhageysan hagardaamada iyo shirqoolka ay soo marsiinayaan ee ah in wadahadal lala galo si nabad ah ugu baxaan deegaanada ay haystaan, hadalladaasi oo uu ku tilmaamay hagar looga bartay Shabaab.

Ugu danbeyntii wuxuu ka digay Tuuryare shirqoolada AL-Shabaab ay la damacsan yihiin shacabka, ciidamada dowladda iyo kooxaha isbaabulay ee macaawiisleyda wuxuuna fariin u diray ciidamada inay ka feejignaadaan wadooyinka ay isticmaalayaan si aysan u dhicin dhacdadii lagu dilay taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole iyo saraakiishii kale.

Jen. Tuuryare ayaa xiligaan si dhow ula shaqeeya dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna warar ay heshay Caasimada Online ay sheegayaan in xil sare loo magacaabi doono, gaar ahaan garsoorka maxkamadaha.

Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online

Al-Shabaab oo digniin culus u dirtay warbaahinta kadib go’aankii DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si deg-deg ah uga fal-celisay amarkii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee warbaahinta looga mamnuucay baahinta wararka ka soo baxa kooxdaasi, yada oo ku dhowaaqday tallaabada xigta ee ay qaadeyso.

Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa looga digay warbaahinta madaxa banaan inay fuliyaan go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya, waxayna kooxda shaacisay in si la mid ah dowladda federaalka ay ula dagaalamayaan warbaahin kasta oo fulisa amarkaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in warbaahintii ka tegta dhex-dhexaadnimada in ay u aqoonsan doonaan inay qayb ka tahay dagaalka iyaga lagula jiro.

“Waxaan halkan uga digeynaa dhamaan warbaahinta ka shaqeysa gudaha Soomaaliya inay ka qayb qaadato dagaalka ka dhanka ah Shareecada Islaamka. Warbaahin kasta oo si bareer ah ama si dadban ula safata xukuumadda Soomaaliya, waxaan u aqoonsaneynaa inay qayb ka tahay duullaanka” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab.

Digniinta Al-Shabaab iyo sidoo kale amarka ka horreeyey ee kasoo baxay dowladda ayaa saameyn ku yeelanaya warbaahinta, maadaama labada dhinac ay ku soo saareen go’aanno iska soo horjeedo, taas oo caqabad ku noqoneyso shaqada warbaahinta Soomaaliyeed.

Hadalka kasoo yeeray kooxda Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, xilli dowladda Soomaaliya saacadihii ugu dambeeyey ay qaaday dagaal ka dhanka baraha bulshada ah, ayada oo sheegtay inay hawada ka saartay warbaahinta Oline-ka ee kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qaybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Daawo: Wasiir Cabdisaciid oo shaaca ka qaaday ‘arrintii ay isku qabteen’ R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay khilaxafkii dhex maray isaga iyo ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiir Cabdisaciid oo u waramay warbaahinta Gaylan ayaa sheegay in isaga iyo ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Roole aysan isku qabsan wax la xiriiraa dhuxul la dhoofiyey, maadaama shaqo ka joojintii uu ku sameeyey Rooble ay salka ku heysay dhuxul laga dhoofiyey dalka.

“Sidaa ogtahay ra’isul wasaare Rooble shaqada waa ku cusleyd isaga shaqadiisa markii hore ma aheyn wax la xiriira siyaasad, wuxuu ahaa Injineer, ma aheyn nin kala saari kara siyaasadda iyo caadifadiisa, dood na dhex martay aniga iyo isaga intii aan wasiirka ahaa way badneyd,” ayuu yiri Wasiir Cabdisaciid Muuse.

Wasiirka ayaa intaas kusii daray “Dooda way kala duwaneyd, waxaa kamid aheyd fasixidda qaadka, aniga November ayaa la i magacaabay, December illaa May qaadkaas ayaa la igala hadlayey inaan fasaxo, wuxuu Rooble ii keenay nin qaraabadiisa ah oo la siiyey mashruuca qaadka iyo nin kale oo wasiir ahaa.”

Wasiir Cabdisaciid ayaa sheegay inuu iska diiday cadaadiskii kaga imaanayey ra’iisul wasaare Rooble iyo kooxdiisa, wuxuuna xusay inuu u sheegay inay sugaan inta laga gaaro doorashadii madaxweynimo ee sanadkaan dalka ka dhacday.

“Aniga waxaan dhahay doorashada hala sugo, ayagana waxbaa ku taagnaa, mar kasta oo aniga aan diido inaan arrimaha Qaadka galo ra’isulwasaare Rooble wuxuu dhahayey Farmaajo ayaa ku dhahay sidaas miyaa, anigana waxaan ku iri Farmaajo waxaas igalama hadlin haddii aad ogtahay inuu Farmaajo diidan yahay adiga u tag,” ayuu yiri Wasiir Cabdisaciid.

Cabdisaciid ayaa sheegay inuu ra’iisul wasaare Rooble handaday wasiiro kale oo uu ku qasbayey arrimaha Qaadka, balse wuxuu sheegay in uusan isaga marnaba ku handadin shaqadiisa.

“Maalinbuu Rooble ii yeeray si deg deg ah iigu imow ayuu dhahay, markaan u tagay wuxuu i dhahay waxaan rabaa inaad maanta qaadka fasaxdo, wasiirrada kale waa la hadlay adiga bis ayaa ku dhagan, wuxuu igu dhahay ma ogtahay xalay inaan ku riyooday anigoo shaqada kaa qaaday, taasna waxay aheyd handadaad sarbeeb ah, waxaan ku dhahay ra’iisul wasaare haddii aad rabto inaad qaadka fasaxdo dhib malahan anaa kaala shaqeenaya ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu dhibayo garoonka Nairobi orad kala soo hadal ayaga, haddii ay taas aqbalaan waxyaabo kale oo ganacsiga ku saabsan waan ka wada-hadleynaa wuxuu igu dhahay haye, waana kala tagnay,” ayuu yiri Cabdisaciid.

Sidoo kale, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu sheegay inay jiraan arrimo kale oo ay isku qabteen isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble, balse wuxuu kaliya ka xusay arrin la xiriirta saxiixa heshiis la xiriiray shidaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga oo dhameystiran

Daawo: Saynab Xaabsey oo amar dul-dhigtay shacabka degmada Warta Nabadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, Marwo Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) ayaa amar culus dul-dhigtay shacabka ku dhaqan xaafadaha degmadaasi, kaas oo la xiriira sugidda amniga.

Saynab Xaabsey ayaa sheegtay inay uga digeyso shacabka in ay guryahooda ka kireeyaan qof aanan soo marin hanaanka diiwan-gelinta ee hay’adaha amniga.

Guddoomiye Saynab ayaa shaaca ka qaaday in gurigii la kireeyo ayada oo aan lasoo marin hanaanka saxda ah inay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“In aan la deji Karin guri aan soo marin nidaamka saxda ah ee diiwaangelinta & Kireynta, Gurigii aan lasoo marsiin Hay’adaha amniga & Maamulka Degmada ee la kireeyo waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo sharci ah,” ayey tiri guddoomiye Seynab Xaabsey.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay inay jiraan dad loo xil-saaray arrintan, islamarkaana ay dabagal sameyn doonaan, si loo hubiyo dhaqan-galka go’aanka haatan soo baxay.

Dhinaca kale waxay farriin adag u dirtay dadka degan guryaha leerka uu ka dansan yahay, ayada oo sheegtay inay iyaguna tallaabo ka qaadi doonaan.

“Guryaha Leedhkoodu dansan yahay waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo maadaama iftiinta uu qayb ka qaadanayo nabadgalyada, guud ahaan waxa aan rajeyneenaa in ay qaataan awaamiirteenna, Fadlan muwaadin hubi gurigaaga oo ka fiirso badqabkiisa si aan kaaga hubino qofka aad ka kireyneysid” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo todobaadkii hore maamulka gobolka Banaadir uu la wareegay illaa 5 guri oo la sheegay inay u kireysnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sidee warbaahinta dalka u saameynayaa amarka culus ee kasoo baxay dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, Ustaad Faarax Cumar Nuur oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa ka horyimid amarka ka soo baxay dowladda ee lagu joojiyey wararka la xiriira Al-Shabaab.

Faarax Cumar ayaa shaaca ka qaaday in go’aankan aysan ku shaqeyn karin warbaahinta madaxa bannaan, maadaama uu yahay mid hal dhinac ah, isaga oo sheegay in uu saameyn ku yeelanayo guud ahaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya baahinta wararka.

“Dabcan saameyn waa ku yeelanayaa wuxuuna ugu yeelanayaa Wariyeyaasha maalin walba ayey howlgalaan, maalin walba ayey dadka war siiyaan marka waa ayadoo war ha bixina la yiraahdo ee guryihiina jooga,” ayuu yiri Ustaad Faarax Cumar Nuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ah looga baahan yahay inay sharraxaad ka bixiso amarkan, si loo fahmo meelaha uu taabanayo go’aankeeda.

“Sababta waxaa waayey sharraxaad ma raacsana amarkaan waa la dul-maray uun, amaro marka lasoo saaro waxay u baahan yihiin sharaxaad,” ayuu sii raaciyey.

Xoghayaha Ururka FESOJ oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray dhammaan bahda suxufiyiinta, wuxuuna ugu baaqay inay taxadar muujiyaan, maadaama lagu jiro xilli adag.

“Waa in Wariyeyaasha arrintaan ay dabagalaan oo ay hubiyaan oo waxa lagu qabsan karo ay ogaadaan, taxadar badana ay yeeshaan,” ayuu markale yiri xoghayuhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay iska wareysan doonaan, isla-markaana ay madaxda dowladda Soomaaliya kala shiri doonaan xaaladda soo korortay.

Hagrashada qabiilo badan oo fursad siisay Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dadka ku nool gobolka Hiiraan ayaa culeyskii ugu badnaa kala kulmaya kooxda Al-Shabaab, maadaama ay kala hor tageen kacdoon adag iyo dagaal, kooxda ayaa xoogeeda isugu geysay Hiiraan.

Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe oo ku sugan Hiiraan ayaa u waramay VOA, isagoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay culeys badan soo saartay gobolka Hiiraan, maadaama aan dagaal ka heysan gobollada kale.

“Inta badan Al-Shabaab waxay nooga imaanayaan dhanka gobolka Shabeellada Dhexe, hadaan gobolkaas kooxda looga kicina howlgalku siima soca karo,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale Xildhibaanka oo ka hadlay dhanka gobolka Galgaduud oo Al-Shabaab dhul badan ay ka joogaan ayaa yiri, “Galgaduud xoog ayey u joogaan Al-Shabaab, oo waa naga soo weeraraan ama waa u baxsadaan, marka hadaan la helin howlgalo kale oo ka bilowday gobollada deriska ah culeys badan ayaa nooga imaana kooxda.”

Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa qiray in dowladda Soomaaliya ay kaalin weyn ka geysatay howlgalka Hiiraan, “Maamulka gobolka, kan HirShabeelle iyo dowladda dhexe ayaa gacan ka geystay dagaalka Hiiraan,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

“Waxaa noo qorsheysan in howlgalka lagu baahiyo galbeedka Hiiraan. Galgaduud dhaqdhaqaaqyo aan badneyn ayaa jira oo heerkii la rabay ma gaarin, waxaan dalbaneynaa in gobollada dalka laga bilaabo howlgalka, si Shabaabku u awoodu waayo in hal meel uu culeyska isugu geeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Sanbaloolshe.

Korneyl Macow oo isna VOA la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab dagaalyahanada ugu badan ay ka joogaan gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, sidoo kale wuxuu sheegay in kooxdu ay sare u qaaday sirdoonkeeda gudaha Muqdisho, si xogta abaabulka socda ay u hesho.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka socda duleedka BUULOBURDE

0

Buuloburte (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka socdo duleedka Buuloburde ee gobolkaasi, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xoogaga Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Jiciboow oo dhinaca koonfur ka xigo magaalada Buuloburde, halkaasi oo lasoo warinaya inay ka socoto rasaas xooggan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada dowladda ay si deg-deg ah uga fal-celiyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, maadaama weli rasaasta laga maqlayo nawaaxiga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Ma jiro sidoo kale wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kaas oo ku aadan dagaalka maanta dib uga qarxay halkaasi.

Hiiraan oo uu ka socdo kacdoon shacab oo ka dhan ah ayaa waxaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo sidoo kale Al-Shabaab.