28.3 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Waa kuma xildhibaanka ay is haystaan AADAN BARRE?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada ee dalka Kenya maalmahaan isugu jawaabay xildhibaan laga soo doorto bariga magaalada Mumias oo lagu magcaabo Peter Salasya iyo Aadan Barre Ducaale oo dhowaan loo magacaabay wasiirka Gaashaandhigga Kenya.

Dooda u dhaxeysa labadaan xildhibaan ayaa timid kadib mariii Peter Salasya oo markii ugu horreysay loo doortay xildhibaan uu sheegay hadal baraha bulshada maad ka dhaliyay, kaasi oo keenay inuu kasoo jawaabo xildhibaan Aadan Barre.

Aadan Barre ayaa kasoo jawaabay muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada kaasi oo xildhibaan Peter Salasya uu ku dhahayo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Kenya Gladys Shollei hadal Soomaali ahaan u tarjunmaya “marwo afhayeen, mudane”.

Xildhibaan Barre oo muuqaalkaan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa isna kusoo kor qoray ereyo af-Soomaali ahaan noqonaya “Waxaan ma dhab baa? Ma noqon karo Aqalka baarlamaanka agoosto. Allah ha caawiyo.”

Xildhibaan Peter Salasya ayaa isna durbadiiba jawaab kale kasoo bixiyey hadalka uu Barre kusoo kor qoray muuqaalkiisa wuxuuna isna yiri “Aadan Ducaale, oo loo magacaabay wasiir, ayaa hadda i dhaleeceynaya, oo ii sheegaya sida aan kaftanlow u ahay.”

Sidoo kale xildhibaan Peter Salasya ayaa jawaabtiisa ku dhahay “Waxaan ku eegayay markaad oranaysay ‘waxa ugu horreeya waa in ciidamada KDF laga soo saaro Soomaaliya’. Runtii dalkaan dhibaato hor leh ayaad ku soo kordhineysaa, uma qalantid inaad noqoto wasiirka difaaca,” ayuu raaciyay.

Ducaale oo u muuqday inuu ka kululaaday hadalka kasoo yeeray xildhibaan Peter Salasya ayaa mar kale bartiisa Twitter-ka kusoo qoray jawaab u qorneyd sidaan  “in markii horeba ay ahayd in aanba laguu dooran xildhibaan.”

Waa kuma xildhibaan Peter Salasya?

Xildhibaan Salasya oo markii ugu horreysay la soo doortay waxa uu noqday xildhibaan ay dad badan oo Kenyan ah yaqaannaan oo kasbaday quluubtooda kaddib wareysiyo xamaasad leh oo warbaahinta uu siiyay ka hor intii aan la dooran.

Waxa uu jaamacadda Egerton ee dalka Kenya ka baxay sanadkii 2014. Wuxuu ku biiray baarlamaanka kaddib doorashadii guud ee Agoosto 9, 2022.

Waxa uu dhashay Jannaayo 15, 1989. Waxaa la dhashay toddobo carruur ah.

DF oo xirtay dhammaan warbaahintii Al-Shabaab ee online-ka (Aqriso liiska)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay dhammaan barihii Internet-ka ee lagu baahi jiray wararka kooxda Al-Shabaab, sida lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xaqiijiyey in la xiray oo hawada laga saaray barihii internet-ka ee Al-Shabaab, iyadoo la soo bandhigay liiska.

“Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa ee Khawaarijta ee Warbaahinta waa xiranyihiin, waana socdaa howlgalku, waana dhamaystiraysaa Dawladdu inta dhiman.Waa ku mahadsanyihiin Shacabka Soomaaliyeed dhiiranaantooda,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale wasiirka oo shaaciyey Email uu dowladda ku soo ogeysii karo qofkii arka Page lagu baahiyo been abuurka argagixisada ayaa yiri, “Waxaan si xushmadleh uwaydiisanaynaa Qofkii arka Bar Warbaahineed oo Khawaarijtu ku dhuumanayso in uu nala wadaago, waxaadna nagula wadaagikartaa [email protected]. Mahadsanidiin.”

Shirkadaha bixiya internet-ka Soomaaliya ayaa toos loogu wargeliyey inay xayiri karaan oo masuuliyadi ka saaran tahay baraha Al-Shabaab ay ku baahiyaan filimadooda argagaxa leh.

Websityo mudo dheer baahi jiray wararka Al-Shabaab ayaa hadda hawada laga saaray, kuwaas oo ay ku jiraan Somalimemo, Calamada iyo Alfurqaan.

Sida ku cad amarka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, shirkadaha ayaa laga dalbaday in websityadaas ay xiraan ugu dambeyn Jimcihii shalay, waana hir galay amarkaas.

Hoos ka eeg liiska Website-yada ay dowladu xirtay

Xog: Maxaa ka soo kordhay kiiska saraakiishii loo haystay qaraxyada Beledweyne?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa maanta taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan u fasaxay shaqadiisa, kadib maalmo uu su’aalo weydiin u joogay magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska gobolka Hiiraan Isxaaq Cali Cabdulle oo maalmihii lasoo dhaafay la faafiyey warar sheegayey in Muqdisho looga yeeray kadibna la xiray ayaa sheegay in su’aalo laga weydiiyey qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

Sidoo kale Taliyaha oo ka gaabsaday inuu wareysi bixiyo ayaa cadeeyey in hadda loo fasaxay shaqadiisa oo Beledweyne uu dib ugu laabanayo.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa taliyahaan iyo kan NISA ee gobolkaas ku eedeeyey inay amniga magaalada Beledweyne dayaceen, taas oo keentay in qaraxyo waaweyn ay Al-Shabaab magaalada soo geliyaan.

Labada Taliye ee NISA iyo Booliska ayaa maalin kadib qaraxyadii Beledweyne waxaa looga yeeray magaalada Muqdisho, iyadoo su’aalo laga weydiiyey sababta ay uga hor tegi waayeen qaraxyada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, hadda waxaa shaqadiisa loo fasaxay Taliyaha booliska gobolkaas Isxaaq Cali Cabdulle, balse xog lagama hayo waxa laga yeelay Taliyaha NISA ee gobolka Hiiraan oo isla kiiskaan eedeymihiisa wajahaya.

Guddoomiya Cali Jeyte ayaa markii ay qaraxyadaasi dhaceen wuxuu dowladda dhexe ka codsaday in la baaro waxa sababay in labada taliye qeyb ay masuuliyad iska saari waayaan ammaanka magaalada, isagoo sheegay in hal buundo ay ka soo gudbeen 3-da gaari ee qaraxday.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka degay Uganda – Muxuu yahay qorshaha safarkaan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Uganda, halkaas oo booqasho ay uga bilaabatay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala, halkaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu wada-hadallo uu kula yeela doono madaxda Uganda.

Madaxtooyada oo war ka soo saartay safarkaan ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu wadahadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab uu la yeelanayo Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Qorshaha wada-hadalka ay dalbadeen odayaasha ka wakiilka ah Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab waxaa laga soo warinayaa damac wada-hadal. Waxaa la helay codka mid kamid ah odayaal Shabaabku iska soo hormariyeen oo ergo ah si ay qabiilada ula hadlaan.

Codka la baahiyey, oday dhaqankaan safka Shabaabka jooga wuxuu ku sheegay inay Al-Shabaab diyaar u yihiin inay ka baxaan dhulka hal beel, nabadoonku mar wuxuu u muuqanayaa mid afkii Shabaabka ku hadlaya marna mid u naxayaa dadka isku beesha ah ee ku dhimanaya labada dhinac.

Wuxuu sheegayaa inay yihiin seddex oday oo ay Al-Shabaab usoo xil saartay inay wada-hadal uga baxayaan dhulka hal beel laakiin aan looga daba imaanin dhulka beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Dhawaan waxaa kaloo soo baxay warar sheegaya inay Al-Shabaab wada-hadal ka dalbadeen beesha hoggaamineysa dagaalka ka socda gobolka Hiiraan, Galgaduudna heshiis cusub ayey kooxda ka dalbatay mid kamid ah beelaha gobolkaasi daga si ay culeyska isaga yareyso.

Dhammaan tallaabooyinkaan waxaa laga aqrisan karaa jabka culus ee dagaalada socda kasoo gaaray kooxda Al-Shabaab iyo dhab ahaanshaha aragtidii waqtiga fog la aaminsanaa ee aheyd inaysan Al-Shabaab u babac dhigi karin haddii ay qabiilada kacaan.

Haddaba Al-Shabaab wada-hadal ma lala geli karaa waqtigan?

Dad badan ayaa waqti dheer taageersanaa in Al-Shabaab wada-hadal lagu xaliyo arrintooda oo ay qeyb ka noqdaan nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya, laakiin marka la eego dhibaatada ay geysatay kooxda iyo halka uu dhaqankooda taabtay waxaa dhinaca kale taagan dad dalbanaya inaysan furneyn albaab aan aheyn in toos loogaga adkaado kooxda.

Hadda Al-Shabaab waxay ku jiraan waqtigoodii ugu xumaa laakiin weli waxaa lagu eedeynayaa inay wadaan afduub shacab, ceelal duugis, sumeynta ceelasha shacabka leeyihiin, qaraxyo iyo qafaalashada xoolo nool.

Dagaallada ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya waxay banaanka soo dhigeen, ayey leeyihiin khubarada amniga, itaal yarida kooxda Al-Shabaab. In Al-Shabaab laga aqbalo inay ka baxaan deegaano gaar ah waxay dhaawac ku tahay dowladda Soomaaliya.

Waxaa macquul ah in qabiilada qaar ka haraan dagaalka haddii Al-Shabaab ka baxdo dhulkooda balse dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa loogu baaqay inay ka hor tagto wada-hadalka noocaas ah, si uusan u dhantaalin kacdoonka socda.

Caalamka, kooxo badan oo sida Al-Shabaab u gumaado shacabkooda ayaa ugu dambeyn qeyb ka noqday maamuladii ay kasoo horjeedeen qaarna waa loo diiday fursadaas oo waxaa laga dhigay qaar la laayey iyo qaar xabsiga la dhigay.

Mowduuca wada-hadalka inaan weli la gaarin ayey dadka qaarkiisa qabaan, kuwaas oo ku talinayo in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Qorshe ay kooxda isaga dajineyso culeyska dagaalka ayna rabto inan dib isugu soo abaabusho ayuu sidoo kale noqon karaa, ayaa la leeyahay dalabka wada-hadalkaan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli kama jawaabin qorshaha Al-Shabaab kula xiriireyso qabiilada qaar iyadoo la dalbaneyso wada-hadal taas oo haddii aysan dowladda aragti ka yeelan daciifin karto wada-hadalka socda.

Weerar ay koox ‘argagixiso ah’ ka fulisay dalka Jabuuti oo lagu dilay toddoba askari

Jabuuti (Caasimada Online) – Jabuuti ayaa sheegtay in toddoba ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar ay koox fallaago ah gelinkii hore ee Jimcihii ku qaadday xero ciidan, iyadoo billowday in ay baadi-goobto lix askari oo wali la la’ yahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa lagu eedeeyay weerarka lagu qaaday saldhiga Garabtiisan ee waqooyiga dalka yar ee ku yaalla Geeska Afrika in ay ka danbeeysay kooxda hubeysan ee FRUD (Front for the Restoration of Unity and Democracy), oo ay wasaaraddu ku tilmaantay “koox argagixiso ah”.

“Inkastoo ay askarteennu si geesinimo leh isaga difaaceen weerarkaasi, waxaa ku dhintay toddobo ka mid ah askarteenna, afarna waa ku dhaawacmeen, halka lixna la la’yahay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qoraal uu soo saaray ku canbaareeyey weerarka ay fallaagadu ku qaadday saldhigga ciidan, waxaana uu sheegay in dowladdu ay sharciga horkeeni doonto kooxda weerarka qaaday.

“Kooxdan burcadda ah ayaa caan ku ah falalka foosha xun ee argagaxisanimo iyo dhaca ay ka geysato deegaannada fog fog ee dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda oo intaa ku daray in ay dadaallo badan ku bixinayaan in la helo kooxda dilka gaysatay iyo askarta maqanba.

Kooxda FRUD oo u badan qowmiyadda Canfarta ee Jabuuti ayaa sanadkii 1991-kii dagaal la gashay dowladda Jabuuti. Hase ahaatee mar danbe ayay kala jabtay iyadoo xisbiga FRUD uu qeyb ka yahay isbahaysiga UMP ee haya talada dalka Jabuuti ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, halka garabka hubeysan ee FRUD uu wali ku jiro dagaallo hubeysan.

Jabuuti oo ku taalla mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan dunida ee ay badda cas ku kulmaan gacanka Cadan, ayaa martigelisa saldhigga kaliya ee Maraykanku ku leeyahay Afrika iyo saldhigga ugu weyn ee ciidamada Faransiiska uu ku leeyahay caalamka.

Qeybo ka mid ah warkan waxaan ka soo qaadannay AFP iyo warbaahinta qaranka Djibouti.

Xog: DF oo xayiraad cusub kusoo rogtay Xasan Daahir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay xayiraad cusub kusoo rogtay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo horey xabsi guri ugu jiray muddo dhowr sano ah.

Sheekh Xasan Daahir, oo aan ka tanaasulin afkaartiisa uu ku taageero kooxda Al-Shabaab, ayaa muddooyinkii dambe fikirkiisa kusoo gudbinayey baraha bulshada balse waxaa hadda laga qaaday tallaabo, waxayna wararku sheegayaan in laga joojiyey adeegsigii baraha bulshada.

Go’aan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu amray in lasoo koobo awoodda hoggaamiyahan oo horey uga mid ahaa madaxda ugu sareyso maxaakiimtii Islaamiga, waxaana xoriyadaan horey u siisay dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, oo la weydiiyey farriimaha Sheekh Xasan Daahir mariyo baraha bulshada, ayaa sheegay inuusan jirin qof loo ogol yahay inuu argagixiso taageero, ayna tallaabooyin ka qaadeen, arrintaasina laga bogsan doono oo aanay dib u soo noqon doonin.

Arrintan ayaa timid, kadib amarro ay soo saartay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Federaalka oo ku saabsan inaan la baahin karin farriimaha Al-Shabaab, lana xiray xarumo ay baraha bulshada ku leeyihiin.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa baraha bulshada kusoo gudbin jiray farriimo ay ka dhasheen doodo badan, waxaana ugu dambeysay middii uu kaga hadlay geeria Jeneral Farxaan Qaroole iyo dilkii loo geystay wiil uu dhalay.

Wadaadkaan da’da ah muddo badana ku taagan fikirkiisa ayaa lagu hayaa xabsi guri ay ilaaliyaan ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana gurigiisa kula nool xaaskiisa iyo qaar ka tirsan ilmihisa.

Ciidamada PUNTLAND oo 5 askari looga dilay weerar

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Sugure oo ku dhow tuulada Galgala oo 40km dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaas qaraxyo lagula eegtay ciidamada Puntland.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah, in ka badan 5 askari oo kamid ah ciidamada mariiniska Puntland ayaa ku geeriyooday labadaas qarax, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyadaan oo ahaa kuwa dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay laba gaari oo nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamadan, kuwaas oo u socday saldhigyada ay ciidamada Puntland ku leeyihiin agga buuraleyda oo ay ku hor fadhiyaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Weerarkan oo dhacay saakay ayaa ciidamada lala eegtay xilli ay socdaal ku jireen. Waxaana dhimashada iyo dhaawaca loo qaaday magaalada Boosaaso, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Ururka Al-Shabaab oo saldhiyo qarsoodi ah ku leh buuraha Galgala ayaa loo maleynayaa inay ka dambeeyaan weerarkan, iyagoo weeraro nuucaan ah horey uga geysteen buuralayda gobolka Bari.

Laamaha amnig ee Maamul goboleedka Puntland weli kama aysan hadlin weerarkaan khasaaraha xooggan dhaliyey ee lala eegtay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay, xilli taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland uu maalmihii ugu dambeeyay kormeer ku marayay ciidamada ku sugan saldhigyada ku yaalla buuralayda gobolka Bari.

Kooxda Al-Shabaab la rumeysan yahay inay maleeshiyo badan geysay buuraleyda Galgala, waxaana sidoo kale halkas ku sugan kuwa kale oo ka tirsan kooxda Daacish oo aan xiriir fiican kala dhaxeyn kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Biden oo qaatay siyaasad cusub oo si weyn u saameyneysa Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dajiyey qorshe cusub oo wax looga beddelay siyaasadda duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya iyo dalal kale oo caalamka ah.

Biden ayaa amar ku siiyay saraakiisha ciidamada in aysan qaadi karin weerar xagga cirka ah oo aan lasoo ogeysiin Aqalka Cad marka laga reebo arrimo qaar sida marka ay halis galaan ciidamada Mareykanka ah ciidamada xulafada la ah ee la shaqeeya sida, uu faafiyay wargeyska New York Times.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa taliyeyaasha ciidamada militariga awood u siiyey inay ayaga go’aan ka gaaraan cidda lala beegsanayo duqeymaha iyo goorta la fulinayo.

Hase yeeshee, Biden ayaa hadda qaatay go’aan ah inaan la fulin karin weerar aan ansixin looga haysan Aqalka Cad, taasi oo macnaheedu yahay in qof kasta oo duqeyn lala beegsanayo lala soo socodsiiyo Aqalka Cad. 

Qorshahaan cusub oo uu dajiyey madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa yimid kadib eedeymo badan oo ka yimid duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay dowladda Mareykanka ka fuliso waddamada Soomaaliya, Yemen, Ciraaq, Afghanistan, Suuriya iyo Yemen .

Sida lagu shaaciyey warbixino ay qoreen CNN iyo New York Times, Madaxweyne Joe Biden waxa uu soo gabagabeeyay qorshahaan Jimcihii 7-dii October 2022, wuxuuna sheegay sarkaal diiday in magaciisa la isticmaalo in qorshahaan uu sare u qaadi karo howlgallada ay dowladda Mareykanka ka fuliso waddamada kale iyadoo laga fogaanayo waxyeellada shacabka.

Go’aanka Biden ayaa yareyn kara khasaaraha shacabka, balse dadka dhaliila ayaa sheegaya in sidoo kale uu yareyn karo beegsiga argagixisada, maadaama waqti badan ay qaadaneyso ansixinta weerarada, taasina ay keeni karto inay baxsadaan saraakiil fursad lagu helay. 

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International iyo Human Right Watch ayaa horay uga dalbaday Mareykanka in uu bixiyo magta dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeymaha ay fuliyeen Diyaaradaha duulliye la’aanta (Drones-ka).

Dowladda Mareykanka ayaa qiratay eedeymaha loosoo jeediyey ee ku aadan inay waxyeelo kasoo gaarto duqeymaha ay ka fuliso wadamada ay ku sugan yihiin kooxaha loogu yeero “argagixisada” ee Al-Qaacidda iyo Daacish, waxayna sheegtay inay magdhaw ka bixin doonto dadkii shacabka ahaa ee dhibaatada kasoo gaartay duqeymaha.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ay Mareykanka ka fuliso duqeymaha dhanka cirka ah, waxaana dhowr jeer soo baxay warar sheegaya inay ku dhinteen dad shacab ah inkastoo aysan jirin illaa hadda magdhaw ay ka bixisay falkaas.

Tan iyo billaawgii sanadii 2021-kii markii uu Biden talada qabtay ayay diyaaradaha Mareykanka duqeymo dad shacab ah lagu laayay ka geysteen Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaana udambeeyay duqeymo bishii September ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Sh/hoose.

Daawo: DF Soomaaliya oo mamnuucday baahinta wararka AL-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo ku dhowaaqay go’aanno culus.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay xoojisay dagaalka adag ee ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay haatan kusoo kordhisay in lagala dagaalamo dhinaca dhaqaalaha iyo sidoo kale dhanka baraha bulshada ee Internet-ka.

“Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay soo kordhisay in Al-Shabaab lagala dagaalamo laba farumood oo lagu soo kordhiyey dagaalka oo ah in laga joojiyo dhaqaalaha baadda ah ee dadka Soomaaliyeed intay ka gurtaan, isla iyaga dib ugu gumaadayaan iyo sidoo kale in la joojiyo faafinta firkirka Al-Shabaab” ayuu yiri Al-Cadaala.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa ku dhowaaqay in maanta laga bilaabo dowladda dhexe ay warbaahinta & baraha bulshada ka mamnuucday faafinta fariimaha & wararka Shabaab.

“Joojinta fikirka Qawaarijta in la faafiyo iyo farriimahooda argax-gelinta ah, sidaas daraadeed dowladda Soomaaliyeed, iyada oo xiganeyso qodobada kala duwan ee dastuurka jamhuuriyadda, sharciga isgaarsiinta qaranka iyo sharciga warbaahinta qaranka waxa ay mamnuucday oo gebi ahaanba ay joojisay nooc kasta oo faafin fikirka argagixisada iyo falalka cabsi-gelinta ah,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sidoo kale sheegay in fal dambiyeed ay u aqoonsan doonaan cid kasta oo jebisa amarka maanta ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan rabaa in wabaahinta iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed u sheegno in arrintaas loo aqoonsanayo in ay tahay fal dambiyeed nooc kasta oo la xiriira falalka argagixisada iyo fikirkooda,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaal.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdu ay ku guuleystay inay hawada ka saarto ku dhowaad 40 fadhi oo baraha bulshada, sida Facebook iyo Twitter ay ku laheyd kooxda Al-Shabab, sidoo kalena ay ku howlan yihiin boggag kale oo u shaqeeya kooxdaasi.

Sakaal ka tirsan SHABAAB iyo ilaaladiisa oo lagu dilay howlgal ka dhacay Janaale

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyey koox Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Xoogga ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo 13 dagaalyahan oo ilaalo u ahaa.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Shire, wuxuuna Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabeelaha Hoose.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Janaale ku dilay Horjooge Maxamed Nuur Shire oo argagixisada u qaabilsanaa Gobolka Shabellaha Hoose iyo 13 dhagarqabe oo kale.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay  Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale wuxuu qoraalka intaasi kusii darayaa in sarkaalkan iyo xubnaha kale ee lala dilay ay qorsheynaayeen weeraro ka dhan ah ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hortagay dhagar ay argagixisada u soo maleygayeen shacabka ku dhaqan deegaanka Janaale.” Ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana howlgalkan uu qayb ka noqonayaa dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ciidamada dowladda ka wadaan gobollada dalka.

Awooda ciidanka Milatariga Soomaaliya oo ka sare martay dal ka tirsan YURUB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bogga Golobal firepower oo sanad walba soo saara liiska awoodda militeriga ee dalalka caalamka ayaa cusboonaysiin ku sameeyay xogtii sanadkan oo meelaha qaar isbaddallo laga arki karo.

Sida caadiga ahaydba, xagga sare ee liiskan, saddexda dal ee ugu awoodda badan militeriga adduunka waa Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo sida ay magacyadooda u kala horreeyaan isugu xiga.

Hase yeeshee, haddii aad eegto meesha ugu hoosaysa, waxaa kuu muuqanaya isbaddal aan horay looga baranin liiska.

Markii xogtan la shaacinayay horaantii sanadkan saddexda Soomaaliya ayaa ka mid ahayd saddexda waddan ee ugu hooseeya liiska awoodda militeriga caalamka, waxaana ka hooseeyay oo keliya waddamada Kosovo iyo Bhutan.

Laakiin cusbaanaysiinta dhawaan la sameeyay ayaa muujinaysa in waddan saddexaad oo kasii hoos maray Soomaaliya, kaasoo meesha ugu dambaysa ka galay liiska.

Dalkaasi waa Iceland oo ku yaalla qaaradda Yurub. Iceland ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ee uu Mareykanku hoggaamiyo.

Sida ku xusan xogta GlobalFirePower, Iceland waxa ay shacabkeeda ka heli kartaa 81,474 qof oo awood u leh inay militeri noqdaan. 48,070 ka mid ah dadkaas waxay xilli kasta diyaar u noqon karaan in loo qoro ciidanka qalabka sida. Sanad walba waxaa da’da militeriga soo gaara 1,779 ruux.

Balse sidaasoo ay tahay Iceland ma laha ciidan dhisan oo militeri ah.

Waxaase uu waddankan leeyahay nidaam difaaca hawada ah, ciidamo ilaalada xeebta u qaabilsan, boolis iyo ciidamada maamulka.

Militeriga Iceland lama dhisin tan iyo sanadkii 1869-kii balse waddankan waxa uu xubin ka yahay isbahaysiga NATO ee ugu awoodda badan caalamka.

BBC

FAROOLE iyo GAAS oo ka horyimid qorshe uu wado madaxweyne SACIID DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiraxmmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka qayb-galayey dooda BBC ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee Puntland, gaar ahaan doorashooyinka.

Labada nin ayaa si weyn uga horymid qorshaha madaxweynaha hadda talada haya ee Puntland, Saciid Deni ee ku aadan inuu doorasho qof iyo cod ah ka qabto maamulkaasi.

Faroole oo dooda ku horreeyey ayaa shaaca ka qaaday in Saciid Deni uu wado boob iyo masuq-maasuq, isla-markaana ay ka fogtahay dimuquraadiyadda la sheegayo.

“Doorasho iyo Dimuqaraadiyad ma’ahan waa boob iyo musuq maasuq dowladdu u soo harag badalatay oo ay rabto in ay wax ku boobto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddada u hartay madaxweynaha in aan lagu qaban karin doorasho qof iyo cod ah, balse ujeedkiisa uu yahay inuu sameysto muddo kororsi horleh.

Dhankiisa Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in horta Puntland ay u baahan doorasho qof iyo cod ah, balse qaabka haatan wax loo wado aysan ka tarjumeyn doorasho xor iyo xalaal ah.

“Anigu waxaan qabaa waa loo baahan yahay dimuqraadiyada one person one qof, laakiin midda hadda qaabka loo dhigayo, waxay u muuqataa inay tahay kalmad xaq ah oo laakiin baadil loola jeedo,” ayuu isna yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlayey BBC-da.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in maamulka Garoowe, gaar ahaan madaxweyne Saciid Cabdullah Deni laga sugayo in doorashada uu qabto waqtigeeda oo ah January 2024.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan guux siyaasadeed uu ka jiro Puntland, kaas oo ku aadan inuu muddo kororsi damacsan yahay Saciid Deni oo dhowaan qaaday tallaabo culus, kadib markii uu xilalkii ka qaaday wasiiro aad ugu dhowaa, kuwa kalena uu magacaabay, taas oo la sheegay inay salka ku heyso doorashada iyo diyaar garowgeeda.

Dhul badeedkii ay muddada isku hayeen Soomaaliya iyo Kenya oo shidaal laga waayey

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa ku guuldarreysatay inay shidaal iyo gaas ka hesho qeyb ka mid ah dhul-badeedkii muddada afarto sano ah doodda ka taagneyd, waxaa sidas weriyey wargeyska Daily Nation.  

Baaritaan lagu sameeyey ceelka Mlima-1 oo loo yaqaan Block L11B ayaa lagu ogaaday inuu qalalan yahay, taasi oo soo geba-gebeysay 10 sano oo Kenya ay si sharci-darro ah shidaal uga baareysay dhul-badeedkan.

Hay’adda Maamulka Tamarta iyo Shidaalka Kenya ee (Epra) ayaa sheegtay in shirkadda ENI ay joojisay mashruuca bartimihii sanadkan kadib markii ay ku guuldareystay inay wax raad oo shidaal ama gaas ah ka hesho aagga.

Kenya ayaa fasaxa sahminta siisay shirkadda ENI sanaddii 2012 xilligaas oo ay si aad ah uga hortimid dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Kenya si sharci darro ah u yaboohday xirmooyinka shidaalka. 

Kenya ayaa xoojisay dhaq-dhaqaaqyada sahminta ee agga Lamu Basin bishii December ee sanadkii tegay, toddobaadyo kadib markii ay diiday xukunkii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) bishii October oo badankiis u hiiliyey Soomaaliya.

“Waxaa jiray dhaq-dhaqaaqyo rajo-gelin ah balse nasiibdarro ENI waxay ku tageen ceel qalalan, waxayna ku qasbanaadeen inay soo geba-gebeyaan howlgalka,” ayey tiri Epra. 

ENI ayaa tan iyo bishii April ee sanadkii hore ku hawlanayd khariidaynta kaydka shidaalka iyo gaaska ee Lamu Basin inkasta oo uu jiray murankii Soomaaliya iyo Kenya ee dhul-badeed cabirkiisu yahay 100,000 km oo laba jibaaran.

Soomaaliya ayaa dacwadda kiiska badda u gudbisay Maxkamadda ICJ bishii August 2014, waxaana xukunka uu dhacay October 2021, kaasi oo badankiisa ay ku guuleysatay Soomaaliya.  

Kenya ayaa ku gacan sayrtay go’aanka Maxkamadda, waxayna sii wadday sahminta shidaal.

Waxaa xusid mudan in halka shidaalka laga waayey uu yahay kaliya hal block ama xirmo, ayna jiraan dhowr iyo toban kale oo aan weli la ogeyn waxa ku jira. 

Wiilkii ku dhacay godka dahabka oo lasoo saaray

0

MILXO (Caasimada Online) – Wararka laga naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta lagu guuleystay in maydkiisa la soo saaray wiil dhalinyaro ahaa oo uu ku dumay god Dahabka laga qodo oo ku yaallo Milxo.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Siciid ayaa waxaa haatan la soo gabagabeeyey howlgalkii lagu soo bixinayey maydkiisa oo soo billowday saqdii dhexe ee Khamiista

Dadka deegaanka ayaa adeegsanayey qalabka ay heli karaan, waxaana saacado badan ku qaadatay qodida godkaasi ku dumay marxuumka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa sheegeen in aanay jirin cid maamul ah oo gacan u fidisay intii ay guda jireen qodista godkaas oo ahaa mid aad u dheer.

Milxo oo ah deegaan hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaaag ayaa halka ugu badan ee laga qodo macdanta noocyadeeda kala duwan, waxaana halkaasi ka howlgala shaqaale kala duwan oo soo saara dahabka iyo macdanta kale ee laga helo deegaankaas.

Dhacdadaan ma’ah tii ugu horreysay ee ka dhacday Milxo, waxaana xaaladda uga sii dartay godadka oo loo sameeyey si miliqsan, waxaana horey ugu dhintay shaqaale kale.

Turkey oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ay faafisay wakaaladda wararka rasmiga ah Anadolu Agency.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa u magacaabay İbrahim Mete Yağlı, oo ah diblomaasi rug caddaa ah inuu noqdo safiirka Turkey u fadhin doono Muqdisho, isaga oo beddelaya Mehmet Yilmaz.

Mehmet Yilmaz ayaa ahaa safiirka Turkey ee Soomaaliya tan iyo bishii December ee 2018.

İbrahim Mete Yağlı, oo ah 60 jir, ayaa horey usoo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan, waxaana ugu dambeeyey inuu soo noqday safiirka Turkey ee dalka Botswana intii u dhaxeysay 2014 illaa 2019. Kahor, wuxuu 2010 illaa 2013 ahaa qunsulka guud ee Turkey ee magaalada Vienna ee dalka Austria. 

Safaaradad Turkey ee Muqdisho ayaa ah tan ugu weyn ee Turkey ay ku leedahay caalamka, waxaana Ankara ay taageero xooggan oo maaliyadeed iyo mid ciidan siisaa dowladda federaalka Soomaaliya.,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib dib u doorashadiisa wuxuu Ankara booqday 6-dii July, isaga oo wada-hadallo la yeeshay dhiggiisa Turkey Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir qarniyo soo jireen ah, oo ku saleysan ixtiraam iyo iskaashi, kaasi oo horseeday booqashadii taariikhiga aheyd ee sanadkii 2011 bishii Agosto uu Muqdisho ku yimid Recep Tayyib Erdogan.

Waxaa xusid mudan in xiligaas uu Erdogan booqashada ku yimid Muqdisho ay ka jirtay xaalad adag oo bani’aadanimo ah, ayada oo caasimada dalku aheyd meel ka caagan booqashada Madaxda, islamarkaana ah “khad cas ah oo aan cidna tegin”.

“Caalamka oo dhan ayaa la yaabay markii ay arkeen Madaxweyne Erdogan iyo qoyskiisa, golahiisa wasiirrada iyo xildhibaanno socod ku maraya waddooyinka Muqdisho ka dibna booqasho iyo hoy ku jooga xeryaha barakacayaasha,” ayuu yiri madaxweyne Xasan. 

Wada-hadalkii la filayey inay yeeshaan Ethiopia iyo TPLF oo dib u dhacay + Sababta

Addis Ababa (Caasimada Online) – Diblomaasiyiin kala duwan ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid wada-hadalladii qorshaysnaa inay toddobaadkan dhammaadkiisa yeeshaan dawladda federaalka Ethiopia iyo kooxda TPLF, ee uu garwadeenka ka ahaa ururka Midawga Afrika.

Guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika Moussa Faki Mohamat ayaa ku casumay hoggaamiyayaasha labada dhinac inay yimaadaan dalka Koonfur Afrika, halkaas oo la filayey inuu ka dhaco wadaxaajoodka labada dhinac, sida lagu sheegay warqad qarsoodi ah oo ay warbaahintu heshay.

Wadaxaajoodka labada dhinac ayaa la qorsheeyey inuu dhexdhexaadiyo ergeyga gaarka ah ee Midawga Afrika Olusegun Obasanjo oo ay wehelinayaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka iyo madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Dawladda Ethiopia ayaa Arbacadii sheegtay inay aqbashay martiqaadka, sidoo kale Kooxda Tigray ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qayb galaan dhexdhexaadinta, laakiin ay raadinayan inay xog badan ka helaan qabanqaabada shirka, dhinaca ammaanka iyo weliba doorka dhexdhexaadiyayaasha caalamiga ah.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa si kastaba iminka sheegay in arrimaha keenay in wada-hadallada dib loo riixo inay ka mid tahay, hawlaha qabanqaabada iyo weliba arrimo la xiriira hannaanka dhex-dhexaadinta. 

Saraakiisha Tigrayga iyo ilo-wareedyo kale oo diblomaasiyadeed ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in wada hadaladu ay dib u dhaceen, sababo ku aaddan dhanka farsamada ee qabsoomidda wada-hadaladaasi.

Ilo-wareedyada diblomaasiyadeed oo codsaday inaanan la magacaabin ayaa sheegay in aan weli la cayimin waqtiga cusub ee wada hadaladaasi qabsoomi doonaan.

Dagaalka hadda socda ayaa dib u billowday 24-kii August wuxuuna meesha ka saaray xabad-joojin jirtay illaa bishii March.

Dagaalka ayaa muddada labada sano ku dhow ee uu socdo waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaana laga diiwan geliyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo ay gaysteen dhammaan dhinacyada.

Madaxweynihii hore ee K/A oo xabsiga laga daayey

Johanessburg (Caasimada Online) – Madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa xabsiga laga soo daayay, kaas oo horey loogu xiray eedo la xiriira musuq.

Dowladda Koonfur Afrika oo war ka soo saartay sii deynta Zuma ayaa shaaca ka qaaday inuu dhammeystay xukunkii xabsiga ahaa ee lagu xukumay.

Zuma ayaa sanadkii hore lagu xukumay 15 bilood kadib markii uu iska dhaga tiray awaamiir maxakamadeed oo amreysay inuu yimaado dhageysiga eed la xiriirtay musuq-maasuq intii uu ahaa madaxweynaha dalkaas, laakiin ay maxkamaddu sheegtay inuu ixtiraam darro ku sameeyay amarkaas.

Jacob Zuma ayaa is dhiibay Toddobadii Julay ee sannadkii hore, si uu u bilaabo xukunkiisa muddada uu xabsiga ku jirayo, taasoo kicisay rabshadihii ugu xumaa ee Koonfur Afrika soo marta muddo sannado ah, iyadoo taageerayaashiisa oo xanaaqsan ay isugu soo baxeen waddooyinka.

Bayaan uu soo saaray ayuu Zuma ku sheegay inuu dareemay nafis markii uu noqday nin xor ah, wuxuuna u mahadceliyay taageerayaashiisa.

Zuma ayaa lagu sii daayay cafis caafimaad bishii Sebtembar 2021. Balse bishii December, maxkamada sare ayaa dhinac isaga saartay go’aanka sii-dayn sharafeedka, waxayna ku amartay inuu xabsiga ku laabto.

Daawo: Bilaal Bulshaawi oo ka waramay qaabkii loo dhaawacay iyo xaaladiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo loo yaqaano Bilaal Bulshaawi ayaa ka warbixiyey xaaladiisa caafimaad, kadib mudo bil ah oo isbitaalka Digfeer ee Muqdisho lagu baxnaaninayey.

2-dii bishii September ayaa Bilaal Bulshaawi iyo wiil saaxiibkiis ah lagu dhaawacay maqaayad ay ku caweynayeen oo ku taalla aagga isbitaalka Banaadir, xilli habeen ah, kadib markii ay soo weerareen koox aan ilaa hadda heybtooda la garan.

Bilaal oo ka sheekeeyey dhacdadii habeenkaas ayaa sheegay in laba xabadood ay ku dhacday, balse hadda uu ka soo kabsanayo, sidoo kale wuxuu sheegay in caafimaad dalka dibadiisa ah uu u baahan yahay.

TV-ga Dalsan ayaa xaafadiisa ku soo wareystay Bilaal Bulshaawi oo hadda dhaawaciisa laga saaray isbitaalka, balse naawilaya inuu u safro dalka dibadiisa, si baxnaano caafimaad oo tan dalka dhaanta uu u helo.

Ugu dambeyntii Bilaal Bulshaawi ayaa dadka Soomaaliyeed ee uu caawi jiray, maadaama uu ka shaqey jiray howlaha samafalka wuxuu weydiistay inay ku garab istaagaan sidii ay caafimaad dalka dibadiisa ah u heli lahaayeen, isaga iyo saaxiibkiisa lala dhaawacay.

Hoos ka daawo

AL-SHABAAB oo mar kale maanta qarxisay ceelal, dishayna xoolo iyo daanyeero

0

Maxaas (Caasimada Online) – Kooxda Al-shabaab ayaa galabta qaraxyo ku xirtay dhammaan ceelashii biyaha ee  deegaanada hoos taga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday xilli ay xoolo badan  taagnaayeen hareeraha ceelasha la qarxiyey, maadaama ay dadka reer guuraaga ah doonayeen inay xoolahooda ka waraabiyaan.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in xoolo iyo xayawaano kale oo u badan Daanyeero ceelasha la qarxiyey biyo u soo duuntay ay shirqoolkaan ku geeriyoodeen.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab waxaa la sheegay deegaanadaas ay maanta ka afduubatay qaar ka mid ah dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee ceelasha ay ka qarxiyeen.

Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa hadda ka jirta deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan, halkaas oo dagaalo culus ay ku dhex marayaan kooxda Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo garab ka helaya dowladda dhexe iyo maamulka HirShabeelle.

Abaar, biyo la’aan iyo colaad ayaa isugu darsoontay dadka reer Hiiraan, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada dhaca bariga gobolkaas ee Maxaas hoos taga.

Al-Shabaab oo looga adkaaday dagaalka tooska ah ee ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay kula jiraan ayaa maanta abaabushay qorshahaan ay ku qarxiyeen dhamaan ceelashii ay cabi jireen dadka reer guuraaga ah iyo duunyada ay dhaqdaan.