28.3 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Maxamed bin Salmaan oo dharbaaxo siyaasadeed ku dhuftay madaxweyne Biden

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah khamaar siyaasadeedkiisii arrimaha dibedda ee ugu weynaa uguna bahdilka badnaa oo ah; salaan gacan-duubkii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lala xiriiriyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha.

Kulankii yaabka lahaa ee Biden uu July la yeeshay Maxamed Bin Salmaan ayaa ahaa isku day uu ku hagaajinayey xiriirka quwadda ugu saameynta badan shidaalka caalamka, xilli Mareykanka uu raadinayey caawimaad la xiriirta sare u kaca shidaalka ee ka dhashay duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Salaan gacan-duubkaas dhacay saddex bil kahor waxaa xigay dharbaaxo weji oo toddobaadkan ka timid Amiir Maxamed, taasi oo ah: dalalka OPEC+ ee shidaalka soo saara iyo Ruushka oo dhimay wax soo-saarka.

Tallaabadan ayaa sare u qaadeysa qiimaha shidaalka kana careysiin doonta cod-bixiyayaasha Mareykanka kahor doorashada dhexe ee Mareykanka ee dhacaysa November, taasi oo wiiqeysa rajadii Biden iyo Dimoqraadiga.

Mar wax laga weydiiyey ficillada Sacuudiga, Biden ayaa weriyayaasha u sheegay Khamiistii “Inay aheyd niyadjab, ayna muujineyso inay dhibaato ka jirto” xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga.

Xubno Dimoqraadi ah oo ka tirsan Congress-ka ayaa Mareykanka ugu baaqay Khamiistii inuu joojiyo siyaasadda tobaneeyada sano jirta ee Mareykanka uu hubka uga iibiyo Sacuudiga, kuna siiyo ilaalinta militari.

Waxay ku eedeeyeen Amiir Maxamed inuu isaga joojiyey inuu dhanka Sacuudiga ka ilaaliyo iskaashigan istaraatiijiga ah ee jiray in ka badan 70 sano.

Xiriirkan ayaa ku saleysan in Mareykanka uu boqortooyada ka ilaaliyo cadowga dibedda, islamarkaana Sacuudiga uu suuqyada caalamka siiyo shidaal ku filan si loo xasiliyo.

Ku-baaqista dhimista wax soo-saarka shidaalka waa “ficil cadaawad ah”, waxaa sidaas yiri Tom Malinowski oo ah dimoqraadi ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo isaga iyo laba xildhibaan oo kale ay qoreen sharci ku baaqaya in ciidamada Mareykanka iyo habka difaaca gantaallada laga soo saaro Sacuudiga.

“Waxa Sacuudiga ay sameeyeen si ay uga caawiyaan Putin inuu sii wado dagaalkiisa laga yaqsiyoodo ee ka dhanka ah Ukraine waxaa weligeed xusuusan doona dadka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka Chuck Schumer.

“Waxaan eegeynaa dhammaan hababka sharciga ah ee aan kula tacaaleyno ficilkan xun ee daneysiga ah,” ayuu yiri.

Mareykanka iminka wax qorshe ah kama lahan inuu shaqaalihiisa militari kala soo baxo Sacuudi Carabiya, waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Vedant Patel.

Congress-ka iyo xubnaha maamulka Biden ayaa ka falcelinyey dhimis ka badan intii la filayey oo ah laba milyan oo barmiil maalintii oo wax soo-saarka saliidda cayriin ay ku sameeyeen dalalka OPEC+ ee ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Ruushka.

Dhimistan ayaa sare u qaadi doonta qiimaha shidaalka, waxayna xoojin doontaa dakhliga shidaalka kasoo gala Ruushka, oo u adeegsanaya dagaalka ka dhanka ah Ukraine, inkasta oo Reer Galbeedka ay xayiraado saareen.

Wasiirka shidaalka Sacuudiga Abdulaziz bin Salman, oo ah wiilka ka yar dhaxal-sugaha, ayaa kulankii OPEC+ ku adkeystay inaysan “cadaawad ku jirin,” tallaabada ay qaadeen.

AP, VOA

Waa kuma afhayeenka Al-Shabaab CALI DHEERE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaciisu waa Sheekh Cali Maxamuud Raage, oo aad loogu yaqaanno(Cali Dheere) waa afhayeenka ururka Al-Shabaab.Inkastoo xilliga uu dhashay aan si dhab ah loo ogeyn, haddana waxaa la tilmaamaa inuu ku dhashay agagaarka deegaanka Gal-hareeri oo u dhow magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud sida ay sheegeen khuburo aan la hadalnay.

Waxaa dadka falanqeeya arrimaha Al-shabaab ay sheegaan in aanu ku badneyn tagista furimaha dagaalka maadama uu yahay afhayen qaabilsan  arrimo ay ka mid yihiin shaacinta weerarada iyo howgallada ay Shabaabku gaystaan,fariimaha ciiddaha iyo wixii la mid ah.

‘Al-Shabaab ka hor’

Xog aan helnay ayaa sheegaysa inuu ka mid ahaa dhalinyaradii ururkii Al-itixaad ee Soomaaliya ka aas-aasmay wixii ka dambeyay markii ay dhacday dowladdii miltariga ahayd, ee Allaha u naxariistee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Sida ay sheegeen khuburo kala duwan oo aan la hadalnay ururkii Al-itixaad oo xilligaasi uu dhaliyardiisii qayb ka ahaa Cali Dheere, ayaa dagaallo la galay ciidamo uu hoggaaminayay Allaha unaxariistee Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, kaas oo sanadkii 1991-dii, ka dhacay meel u dhow magaalada Kismaayo. Sidoo kale sanadkii 1992-dii dagaal u dhaxeeyay Al-itixaad iyo Jabhadii SSDF, oo ka dhacay Puntland ayuu door ku lahaa, halka 1996-diina uu ku jiray dagaal ururkaasi kula galay dowladda Itoobiya, deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya

Al-itixaadkii markii lagu jabiyay dagaalladii waxaa inta badan raggii bud-dhigga u ahaa ay intooda badan ku soo laabteen magaalada Muqdisho,dadkaas ayuuna ka mid ahaa Cali Dheere sida uu BBC-da u sheegay aqoonyahan Maxamed Xaaji Ingiriis oo culuumta taariikhda ka barta jaamacadda oxford ee dalka Ingiriiska.

“Itixaad raggii soo jabay waxaa la isku soo aruursaday Muqdisho,waxayna kala noqdeen ganacsato iyo macalimiin,isagoo ah ganacsade ayuu haddana ka mid ahaa macallimiintii hay’addii Al-xarameyn”,ayuu yiri aqoonyahan Ingiriis. Hay’addas waxaa markii dambe xiray dwoladda Mareykanka xilligii ay dhaceen qaraxyadii lagu qaaday daarihii mataanaha ahaa 11-kii bishii September sanadkii 2001-dii.

Sheekh Cali Dheere wuxuu ka mid ahaa dadkii qaybta weyn ka qaatay aas-aaskii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee xaruumaha ku lahaa degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir,kuwaas oo xilligaa qaban jiray howlo la xiriira kiisaska ka dhex dhaca bulshada.

Xogta ayaa sheeegaysa in xilligaasi Cali Dheere uu sidoo kale ka mid ahaa ganacsatadii suuqa daawada ee Bakaaraha isaga oo marka uu shaqdiisa suuqa ka rawaxo caadiyan tagi jiray Maxkamadaha si uu gacan uga gaysto howlaha Maxkamadda.

Waxaa la sheegaa sidoo kale in Masaajid ku yaalla xaafadda gubta ee magaalada Muqdisho uu ka aqrin jiray kitaabo ku saabsan siirada Rasuulka N.N.K.H.

Nin ina adeerkiis ah ayuuna caawin jiray oo gacan-yare u ahaa sanadihii 2004-tii ilaa 2006-dii.

 Bilowgii Shabaab oo ahaa garab ka mid ahaa Maxkamadihii Islaamiga ayaa afheen u magacaabay waxaana la aaminsanyahay in waxyaabaha uu caanka ku noqday ay ka mid yihiin dhiiranaanta iyo shaacinta mar walba howgallada iyo weerarada Al-shabaab fuliyaan.

Wuxuu la hadlaa warbaahinta taageerta Al-shabaab,waana ninka sheega weerarda iyo qaraxyada ay Shabaabku gaystaan.Aqoonyahan Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa sheegay in ninkaandhiirnaantiisa ay sabab u tahay ka soo qayb qaadashadii dagaalladii iyo ururadii Islaamiga aha aee dalka soo maray.

Liiska argagixisada’

Bishii Ogoosto ee sanadkii 2021-kii war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Mareykanka, gaarahaanna xafiiska xoghayaha arrimaha dibadda ee dalkaasi ,ayaa rag uu ka mid yahay afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ku daray liiska argagixisada.

“Waxaa la yaableh in muddo dheer oo uu ahaa afhayeenka Shabaab aan lagu darin liiska argagaxisada oo sanadkii 2021-kii lagu daray, “ ayuu yiri aqoonyahan Ingiriis.

War-saxaafadeedkaas ayaa lagu cadeeyay in Cali Dheere iyo ragga kale  oo ka tirsan Al-shabaab ay qayb ka ahaayeen weeraro ururkoodu maleegay oo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

Hadal uu dhawaan jeediyay

Dhawaan mar uu hadal jeediyay waxaa uu ka hadlay dagaallada hadda socda ee ka dhanka ah ururkiisa, wuxuuna ku hanjabay in ay beegsan doonaan xaruumaha dowladda.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, oo hadalkaasi afhayeenka Shabaab ka falcelinayay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah ay diyaar yihiin in ay iska difaacaan Al-shabaab.

Isha BBC

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyo iyo dagaal culus oo ka dhacay degaanka BASRA

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta dagaal culus ka socdo, inta u dhexeyso deegaanka Basra iyo degmada Balcad ee gobolkaasi.

Dagaalka oo saacado qaatay ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku billowday qaraxyo ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin tuulada Muryaale oo hoostagta Basra, waxaana kadib halkaasi ka dhacay dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare xoogan uu soo kala gaaray labada dhinac, waxaana mid kasta uu guullo ka sheegtay dagaalkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalkan ay ku dhinteen illaa 10 askari oo uu ku jiro sarkaalkii hoggaaminayey ciidamada Haramcad ee halkaasi joogay, kaas oo lagu magacaabi jiray Xabiib Salaad Xoreyste, isaga oo ku geeriyooday toogasho ay u geysteen xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa dagaalkan ku dhaawacmay sarkaal kale oo ka tirsan hay’adda NISA oo lagu magacaabo Xasan Fanax, kaasoo haatan ku magacaaban taliyaha Nabad Sugida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askar kale lagu la’yahay nolol iyo geeri, kuwaas oo ku hoobtay dhinaca wabiga, kadib markii ay la kulmeen weeraro qaraxyo ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka ay ku dishay ugu yaraan illaa 12 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, balse ma shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray.

Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay duleedka Basra lagu dilay 19 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena uu weli howlgalku socdo.

Basra oo ah deegaan muhiim ah oo dhaca waddada isku xirto Balcad iyo Afgooye ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday howlgallo ay ka wadaan ciidamada Haramcad iyo kuwa Nabad Sugidda ee dowladda Soomaaliya.

Jimcihii hore ayey aheyd markii qarax miino oo ka dhacay deegaankaasi lagu dilay taliyihii qaybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, kaas oo si weyn looga falceliyey geeridiisa.

Soomaaliya oo taageertay qaraar ka dhan ah Shiinaha

0

Geneva (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa noqotay dalka keliya ee ku yaalla Afrika, kana tirsan Ururka Midowga Islaamka ee taageeray qaraar ka dhan ahaa Shiinaha oo la horgeeyey Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Qaraarkan oo la soo hordhigay inay u codeeyaan 47-ka xubnood ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa 17 ka mid ahi waxay taageereen in sannadka dambe dood laga yeesho, halka 19 dal ay ka hor yimaadeen, waxaana sidoo kale qaraarkan ka aamusay 11 xubnood.

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM ayaase ku guul daraystay inay meel mariyaan qaraarkan oo la doonayey in sannadka dambe dood laga yeesho, si looga hadlo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Xinjiang, ee dalka Shiinaha, tacadiyadaas oo si gaar ah loogu geysto qowmiyadda Uyghur iyo muslimiinta kale ee gobolkaas ku nool.

Ka hor intii aan codaynta la bilaabin, qaar ka mida dalalka xubnaha ka ah golahan ayaa si adag u soo bandhigay mowqifkooda ku aaddan qaraarkan qabyada ah, iyo muhiimadda uu u leeyahay in goluhu taageero.

Maraykanka oo ka mid ah toban dal oo reer Galbeedka ah oo dabada ka riixayey qaraarkan ayaa golaha soo hordhigay.

Dhanka kale Cadaadis uu saaray dalka Shiinuhu illaa 13 waddan oo Afrikan ah ayaa faa’iido u noqotay ama horseedday inaan la meelmarin qaraarkan. Sideed dal ayaa ka hor yimi qaraarka, halka afar dalna ay ka aamuseen.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah, in afar dawladood oo muslimiin ahi inay ka horyimaadeen qaraarkan, halka dawlad kale oo muslim ahina ay ka aamuseen.

Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Taylor ayaa xustay in caddaymaha muujinaya xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhacay gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha in lagu soo bandhigay warbixintii Qaramada Midoobay ee la soo saaray bil ka hor. Waxay intaas sii raacisay, inay muhiim tahay in madal dhexdhexaad ah lagu qabto dood arrintaas ku saabtan.

Warbixin ay soo saartay bishii August 31-keedii, madaxii hore ee Golaha Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay Michelle Bachelet, waxay ku xustay caddaymo muuqda oo ka hadlaya jidh-dil, bahdilaad, xadgudubyo galmo, ama xadgudubyo jinsi oo ka dhan ah qowmiyadda laga tirade badan yahay ee Uyghur. Warbixinta ayaa ku sheegtay in xadgudubyadaasi, inay gaadhsiisnaan karaan illaa heer lagu tilmaamo, xadgudubyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

In ka badan hal milyan oo ah qowmiyadda Uyghurs iyo kooxo kale oo muslimiin ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku xidhan yihiin, waxa loogu yeedho xarumaha farsamada gacanta ee gobolka Xinjiang. Shiinaha ayaa si joogto ah u dafira eedahaas, isagoo markale ku heliyey isla fariintaas.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay ee ku yaalla Geneva ayaa sheegay in hindidaha qabyada ahi uu yahay mid siyaasadaysan oo uu Maraykanka iyo dalalka kale ee reer Galbeedku ay dabada ka riixayaan, wuxuuna ku eedeeyey inay been abuur sameeyeen, isla markaana ay Shiinaha ka faafiyeen warar aan sugnayn.

Dalka Shiinaha ayaa cadaadis badan ku haya muslimiinta ku nool gobolka Xinjiang.

Muxuu Xasan Daahir Aweys ka yiri duqeyntii lagu dilay wiilkiisii iyo C/llaahi Nadiir?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho, islamarkaana u xiran dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay dilka wiilkiisii Dr. Ibraahim oo dhowaan ku dhintay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey gobolka Jubbada Hoose, taas oo sidoo kale lagu khaarijiyey Cabdullahi Nadiir oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muuqaal soo duubay ayaa sheegay inuu wiilkiisa shahiiday, isaga oo sheegay inuu ku baxay gacanta Ameerikaanka, islamarkaana ay ku faraxsan yihiin ka qoys ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Wadaadkan xabsi guriga ku ah magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay in xittaa ay jeclaayeen in wiilkooda uu ku dhinto dagaalkii horey Iidaale lagula galay ciidamada dowladda Itoobiya.

“Waaba ku faraxsanahay annagu hooyadiis ayaa ugu daran, ayada waxay la rabtay dagaalkii Xabashida Iidaale inuu ka shahiido ayey hooyadii rabtay, haddana ilaahey ayey ku mahdisay, isaga oo wax ka tegay, afar carruur ah ayuu lahaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay dilka Cabdullahi Nadiir oo ahaa madaxii dacwadda kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena ka mid ahaa aas aasihii kooxdaasi, wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa ardaydiisa, ayna u dhaxday walaashiis.

“Kan kalena (Cabdullaahi Nadiir) walaalkey buu ahaa walaashey ayaa u dhaxday, ardayna waa ii ahaa,” ayuu markale yiri Xasan Daahir Aweys.

Kol sii horeysay ayuu Ibraahim Sheekh Xasan Daahir ka qalin jebiyey jaamacadda Muqdisho, xiligaas waxaa xafladiisa qalin jebinta ka qeyb galay Aabihiis.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si weyn looga falceliyey, waxaana lagu baahiyey baraha bulshada, ayada oo dadka qaar ay su’aallo badan ka keeneen, ayaga oo is-weydiinayo in uusan weli isbeddalin fikirka wadaadkan oo horey uga mid ahaa hoggaanka kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Sanbaloolshe oo fasiraad ka bixiyay hadal siyaabo badan loo turjumtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa fasiraad ka bixiyay hadal uu dhawaan sheegay, kaasi oo ahaa in reer Hiiraan aysan sii wadi karin dagaalka Al-Shabaab.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in hadalkiisi hore si xun loo fasiray, balse ujeedkiisu ahaa in laga wada qeyb qaato dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo ay tahay in laga wada shaqeeyo si loo ciribtiro argagixiso.

“Hadalkayga ma aheyn in aan anaga (reer Hiiraan) sii wadi karin dagaalka, oo micnaheedu tahay in aan ka daalnay dagaalka ee xuduudo kale ayuu nala galaya marka aan ka baxno Hiiraan, xuduudahaas kale ma gaari karno haddii aan laga wada shaqeyn ama dadka degan uusan nala jaan-qaadin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedkoodu aheyn inay iska difaacan cadowga oo gobolka ka saaran oo kaliya, hase yeeshe ay rabaan in guud ahaan Soomaaliya laga waayo argagixisada Al-Shabaab.

“Cadowga inta uusan idin halaagin waa in aad halaagtan, cadowgu wax uusan maleysaneyn ayaa kula dhaqanteen oo weligiis cabsi kama qabin in qabiil Soomaaliyeed uu ka horyimaado oo iska kor qaado heeryadiisa, waxaa tihiin deegaankii u horeeyay ee Soomaaliyeed oo si muuqata ula dagaalay ee dadka Soomaaliyeed toosh u daaray, waa idinku hambalyeeynaya.”

“Waxaa rabaa in aan idin sheego saaxiib hadduu leeyahay dagaalkan waa dowladda federaalka ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadda, saaxiibka kale waa saaxiibadeena shisheeye ee Mareykanka iyo ciidamada xooga dalka oo iskaashanaya, saaxiibka saddexaadna waa dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo saaxiibka kalena waa dadweynaha.”

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aysan hilmaami doonin cidkasta oo codsi ay u dirsadeen, haddana ku fiirsata culeyska uu cadowga ku hayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Gacmo wada-jir ayaa wax lagu gooya, cadowga maanta wuu nugul yahay ee aan isla wada dilno maanta, si uusan qofba maalin u dilin.”

Daawo: Jeesow oo jawaab kulul ka bixiyey ‘beegsi Jeyte uu ku sameeyay’ beeshiisa

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul uga hadlay beegsi uu sheegay in Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan kula kacay beesha uu kasoo jeedo, kadib qaraxyadii dhawaan gilgilay magaalada Beledweyne.

Jeesow ayaa sheegay in guddoomiye Jeyte uu ciidamo badan dul dhigay Buundada Liiq-liiqata, islamarkaana uu amray in qofka reer Qoraxsin ee gudaha magaalada usoo gudbaya si gaar ah loola dhaqmo, sida uu sheegay.

“Ciddii soo gudubta ee reer Qoraxsin wajiga halaga calaamadiyo ayuu yiri, sida la igu yidhi guddoomiyaha yidhi oo Booliskii meesha joogay ayaa sheegay. Waa masuuliyad xumo oo aan ku habooneyn dadka reer Qoraxsin,” ayuu yiri.

“Reer Hiiraan dhibaatada wey wada saameysay qoys aan laga dhiman malaha, dadka reer Qoraxsin ayaa ugu badna dhimashada marka Ilaahay laga baqayo. Arrintaasi waa kala qeybin umadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in labada gaari ee qaraxa ku rarnaayeen aysan kasoo gudbin dhanka buundada, hase yeeshe baabuurkii saddexaad uu ka gudbay ayada oo la xabadeynayo uu ka gudbay.

“Guddoomiye haddii saaka ciidamada aad soo daadisay ay aheyd ciidamo aad ku xumeyneysid dadka reer Qoraxsin waa qalad iyo masuuliyad xumo. Waxaa ka rabna haddii ay jirto in aad raali-gelin shacabka ka siiso, labada dhinacba dadka adiga guddoomiye u ah.”

Xildhibaan Jeesow ayaa ku eedeyay guddoomiye Jeyte in uu eekaday guddoomiye degmo, isaga oo ah heer gobol, taasi oo uu ku tilmaamay arrin aad looga xumaado maadama guddoomiyihii degmada uu joogo.

“Hal dhinac ha ku eedeyn wixii dhacay, idinka waa qaxdeen aniga gurigeyga daganahay waxaa diyaar u ahay in aan is-difaaco. Magaalada kusoo noqda oo dadka deganaansho ku beera, amaankaaga haddii aad sugan weyday cid kale amaankeeda ma sugi kartid.”

Waxa uu intaas kusii daray “Adiga (Jeyte) ka daa dadka kala qeybinta, adiga guddoomiye u wada ah ee maxaa kaligood uga hadleysa oo buundada ha la xiro u leedahay. Umad isla dagaal galeysa ha ahaato, oo ha u eekaan nin dadka qeybinaya.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dadka reer Hiiraan inay ka qeyb qaatan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyaga oo isku duuban, islamarkaana iska kiciyaan cadowga si ay ugu noolaadaan xornimo gobanimo leh.

NISA iyo Haramcad oo fuliyey howl-gal culus iyo xubno Al-Shabaab ah oo lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal qorsheysan oo shalay ay ciidamada NISA iyo kuwa Haramacad ka sameeyeen tuulooyin u dhow deegaanka Basra ee wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Ciidamada kala duwan ee dowladda iyo dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxa halkaasi ku dhexmaray dagaal kooban, kadib markii ay ciidamadu weerar ku qaadeen deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Haramcad oo ka hadlay howl-galkaan ayaa sheegay in lagu dilay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo sida ay sheegen ahaa ujeedka howl-galka.

Jimcihii ayey aheyd markii ciidamada dowladda oo taageero ka helaya dadka deegaanka ay howl-galo ballaaran kula wareegeen deegaanka Basra iyo Tuulooyin hoostaga.

Ujeedka howl-galka ay ciidamadu ku qabsadeen Basra iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo dhaqaajin lahaa mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, taasi oo u istaagtay sababao amni kadib markii cabsi laga muujiyay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan dadka dhismaha wada oo isugu jira Soomaalida iyo Turkish-ka, wuxuuna hadda dhismaha wadada ayaa jooga degmada Balcad.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in howl-galada ay sii socon doonaan, inta laga xoreynayo Al-Shabaab dalka, ayada oo dhallinyarada ku jira markale dowladdu ugu baaqday inay isku soo dhibaan ciidanka xooga dalka.

Si kastaba, Waxaa muddooyinkii dambe dalka ka socday kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ka gaareen guulo waaweyn, islamarkaana kooxda looga qabsaday deegaano dhowr ah oo markii hore ay gacanta ku haystay.

Ciidamada DF oo fashilayay shirqool ay Al-Shabaab ku layn laheyd shacab badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada deegaanka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku guuleystay inay soo saaraan miino ay Al-Shabaab ku aaseen inta u dhaxeysa Muuri iyo Lambr 50, halkaasi oo ay safar dhulka ah ku maraan ciidamada dowladda.

Ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda oo kaashanaya maamulka gobolka ayaa maalmihii la soo dhaafay sameeynayay howl-galo kala duwan, kadib markii qaraxyada miino ay kusoo bateen inta u dhaxeeysa deegaanada Lambar 50 iyo Muuri ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Shacabka gobolka waa uga mahadcelinayna digtoonida dheeraadka ah ee markasta muujiyaan iyo weliba wada-shaqeynta dhow ee la leeyihiin saraakiisha amaanka si looga hortago dhagaraha Al-Shabaab,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraal kooban oo laga soo saaray howl-galadaan.

Sidoo kale ciidamada ayaa sii wadi doona howl-galada, si looga hortago shirqoolka ay argagixisada u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada kula jira dagaalka.

Dhowr jeer ayaa qaraxyo miino ah waxay ka dhaceen deegaano u Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo inta badan uu dhaawac iyo dhimasho ka soo gaartay ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu ku bilowday dagaalka tooska ah ee ka dhanka ah ayaa waxay sare u qaadeen qaraxyada iyo inay miinooyin ku aasaan waddooyinka ay adeegsadaan ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah.

Maxkamadda ciidamada oo toogasho ku fulisay askari horey u dilay taliyihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheikh Hassan oo 29 kii September ee sanadkan 2022 si bareer ah u dilay taliye ururkiisii Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye.

Cabdinasir oo dhowaan kasoo muuqday maxkamadda ciidamada ayaa qirtay inuu si bareer ah ah u dilay marxuumka, ayada oo maalmo kahor lagu xukumay dil toogasho ah oo ugu dambeyn saaka lagu fuliyey.

Sidoo kale wuxuu sababta uu ku dilay taliyihiisii ku tilmaamay inuu waayey xuquuq ka maqneyd in muddo ah, islamarkaana uu muran soo kala dhex-galay isaga taliyihiisa kadibna uu rasaas ku furay, taas oo uu ku dhintay marxuumka, ayada oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen illaa 2 qof oo kale.

Fagaaraha Iskuul Buluusiya oo lagu toogtay Cabdinaasir ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo saraakiil ka mid ah ciidanka Xoogga.

Kadib qisaasta ayaa waxaa la’isku dhinac aasay askariga maanta la toogtay iyo sidoo lale taliyihii uu ka dambeeyay dilkiisa.

Sidoo kale xukunka dilka ah ee lagu fuliyey askarigan ayaa waxaa soo dhoweeyey ehellada taliyihii uu dilay Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye.

Horay maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa digniin culus ugu dirtay dhammaan askarta dowladda, gaar ahaan kuwa dilalka sida bareerka ah uga geysta meelaha ay ka howgalayaan ee guud ahaan dalka.

Si kastaba, ma’aha askarigii ugu horeeyey ee toogasho lagu fuliyo Muqdisho dhexdeeda, ayada muddooyinkii u dambeeyey ay kordheen dilalka toogashada ah ee ay fuliso maxkamadda ciidamada ee dowladda Soomaaliya.

Dowladda oo qorsheynaysa magacaabista guddi cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa shaaciyay inay qorsheynayaan magacaabista guddi cusub oo dhalinyaro.

Wasiirka ayaa sheegay in guddigaan cusub uu ka shaqeyn doono dhaqaale ururinta iyo taakuleynta ciidamada ku jira furimaha dagaalka ee la dagaalamaya argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed dagaalka ku wajahan Al-Shabaab ay uga qeyb qaadan karaan dhowr nooc si awooda la isugu geeyo ka xoreynta dalka, isaga oo xusay in fursadaasna ay heystaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Qorshahaan ayaa haddii uu si dhab ah u hirgelo ayaa wax badan ka tari doona howl-galada dagaal ee ka socda meelo kamid ah gobolada dalka, kaasi oo ka dhan ah argagixisada.

Kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii u dambeeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda oo iskaashanaya ay la wareegeen gacan ku haynta deegaano sanado badan ay hayseen kooxda Al-Shabaab.

Xog: Maxaa looga jawaabay codsigii ka yimid odayaal ka socday kooxda Al-Shabaab?

0

Cadale (Caasimada Online) – Sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta dowladda ee hoggaaminaya gulufka dagaal ee ku wajahan deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa diiday inay aqbalaan waan-waan ay odayaal deegaanka ka soo ka wadeen Al-Shabaab.

Seddax oday oo sheegay inay ergo ka yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa la soo xariiray masuuliyiinta, waxayna cadeeyeen in qorshaha Al-Shabaab uu yahay inay isaga baxaan dhulka ay degaan beelaha Hawiye, islamarkaana ay beesha ka codsanayaan in gobollada kale ee koonfurta dalka aysan uga daba imaan.

Xogta aan helnay waxay cadeyneysaa in saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta dowladda ee ku sugan degmada Cadale oo codsigaan uu ku socday ay ku gacan seyreen dalabka odayaasha, waxaana Cadale la isugu keenay ugu yaraan 200 oo gaadiid dagaal ah iyo ciidan aad u badan.

Sida qorshuhu yahay waxaa maalmaha soo socda gobolka Shabeellada Dhexe ka bilaaba doona guluf dagaal oo saf balaaran ah, kaas oo cagta lagu marinayo deegaanada ay Al-Shabaab joogaan, saraakiishu waxay noo sheegeen in la dejiyey qorshe la doonayo in lagu soo afjaro dagaalyahana kooxdaas ka joogta gobolka Sh/Dhexe.

Wararku waxay intaas ku darayaan markii Al-Shabaab laga sifeeyo gobolka Shabeellada Dhexe in ciidanka loo jihey doono dhenka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ka mid ah goobaha ay Al-Shabaab ku xoogan yihiin.

Kooxda Al-Shabaab oo cabsi iyo culeys badan kala kulmeysa duulaanka uga soo wajahan Shabeellada Dhexe ayaa soo dirtay odayaashaan codsigooda la diiday, kuwaas oo sheegay inay ku sugan yihiin deegaan u dhow degmada uu abaabulku ka socdo ee Cadale.

“Waxaan nahay 3 nin oo la soo wakiishay, inaan wadahadal furano ayaan rabnaa, waxaan helnay magacyada iyo taleefoonada raga hoggaaminaya ciidanka Xamar ka soo duulay, marka fariin ayaan idinkaga wadnaa Al-Shabaab,” ayuu yiri odagaan ay Al-Shabaab soo wakiisheen.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka soo balan qaadeen inay dhulka Hawiye isaga baxayaan, balse beesha ay ka rabaan in koonfurta Soomaaliya aysan uga daba tegin oo ammaan ay ka helaan.

“Yaanaa isku baabi’in, waxaan nahay rag ahlu diin ah, waxaan nahay rag tol ah, ee yaanaa isku baabi’in, ninmankii saas ayey nasoo dhaheen, waxaa tihiin walaalahee, waxaa rabtiin wata, dowladaa rabtiin wata, dhulkaan hadaa na dhibsateen waan idinkaga tegeynaa, koonfur ayaan aadeynaa ee hanooga daba imaanina,” ayuu odagaan hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka dhageyso codka sirta ah ee odayaasha codsiga waday

Daawo: Fiqi oo si caro leh uga hadlay dhismayaal lagu joojiyey amarka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si caro leh uga hadlay dhismayaal ka socday Muqdisho oo loo istaajiyey amarro ka yimid Al-Shabaab. 

“Dowladda Soomaaliya  waxaa ay fareysaa milkiileyaasha dhismayaashaas, in la qaato amarka argagixisida Al-Shabaab waxaa uu ka tarjumayaa in ay tahay arrin dambi ah,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa intaas ku daray “In amar laga qaato cunug xun ama kooxda argigixisada qof ka tirsan oo isaguba dhuumaaleysi kujooga duurarka in amarkiisa la qaato, loona ciqaabo dadkii xoogsatada ahaa, runtii arrintaasi waxaa ay muujineysaa arrin aysan dowladda u dulqaadaneynin in ay tahay.”

Wasiirka ayaa amray in la fasaxo dhammaaan dhismeyaasha, oo ay bartoodii ka wataan dadkii howsha dhismaha, wuxuuna ku hanjabay in tallaabo laga qaadi doono ciddii aan sidaas sameyn.

“Ciidamada ammaanku waxay tallaabo ku haboon ay ka qaadi doonaan kooxaha argigixisada ah, cid kasta oo amarka dowladda fulin weydana waxaa laga qaadaa tallaabo sharci ah,” ayuu yiri. 

Al-Shabaab ayaa dowlad aan muuqan oo dhinac socota dowladda federaalka ku leh magaalada Muqdisho. Waxay canshuurtaa ganacsiyada, waxay maxkamado uga yeertaa shacabka, waxayna soo saartaa amaro dhaqan-gala oo ay ku joojiso dhismayaasha kuna xirto goobo gacansi. 

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Fiqi

Xamza oo xilka ka qaaday agaasimihii wasaaradda A/G, magacaabay mid cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xilkii laga qaaday, iyadoo la magacaabay agaasime cusub.

Wareegto maanta kasoo baxday ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Xamza Cabdi Barre ayaa xilkii looga xayuubiyey Saciid Cabdullaahi Calasow oo ahaa agaasimihii guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Agaasimaha cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa loo magacaabay Caydaruus Macallin Cabdulle, oo la amray inuu xilka si degdega ula wareego.

Qoraalka Xamza kasoo baxay laguma sheegin wax sabab ah oo xilka looga qaaday Saciid Cabdullaahi, waxaase warqadda lagu xusay sababta xilka loogu magacaabay Caydaruus Macallin.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Xamza uu xilkan ugu magacaabay Caydaruus khibradda iyo aqoontiisa iyo baahida loo qabo in la dardar geliyo habsami u socodka arrimaha maamulka ee wasaaradda arrimaha gudaha. 

Xil ka qaadistan ayaa timid kadib markii uu dalbaday wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Axmed Macalin Fiqi oo isbedello ka wada wWasaaradda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bishii June 2021 hore xilka agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ugu magacaabay Saciid Cabdullaahi Calasow.

Dal Carbeed ‘oo isku dayaya inuu fashiliyo’ kacdoonka ka socda gobolka Hiiraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ka hadlay kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa sheegay in dalal shisheeye aysan rabin soo afjarida kooxda argagixisada ah.

Waxa uu si gaar ah u xusay in dal kamid ah dalalka carbeed ay kasoo horjeedaan kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay arrintaas u adeegsanayaan dad uu ku sheegay calooshood u shaqeystayaal ah.

“Dalkaan fara-gelin siyaasadeed oo fara badan ayaa ku jirta, dowladaha Carbeed dowlad kamid ah oo marka aad eegto aan ka badneyn beelaha Soomaaliyeed beel kamid ah waxay carqaladeyn ku hayaan dib u xoreynta deegaanada Soomaaliya. Waxay adeegsanayaan dad calooshood u shaqeystayaal ah oo aan dan ka laheyn dalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dalka uusan carabaabin uu rabo in wada-hadal jah-wareerin ah lala furo argagixisada, si uga yaraado culeyska ay wajahayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Maamulka gobolka Hiiraan waxa rabaa in aan u sheego dad badan ayaa idinku dhex jira oo aan dhihi karno hebel iyo hebel ka digtoonaada. Dowladaas waa cambaareynayna maadama arimihii Soomaaliya ay soo fara-geliyeen.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxay adeegsadanayaan dad calooshood u shaqeystayaal ah oo dhahaya Shabaab yaa lala dirin oo wada-hadal ha lala furo, haddii ayaga Shabaab dad wada hadashiin karaan oo Diinta saxda ah u sheegi karaan oo ay Nabad ka keeni karaan waa soo dhaweynaysa dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed laakiinse waa dad argagixiso ah oo umadda Soomaaliyeed dhiigooda dhuuqaya.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in si dhab ah loogu wada istaago sidii dalkeena looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay beelaha Soomaaliyeed oo dhan qoriga qaatan.

“Nin Odey ah maadama aan ahay waxaa si xogagaalnimo ah waxaa ogaaday in faragelinta meesha ka socoto oo aysan ogoleyn in Shabaab dalka laga xoreeyo, waxay runtii ka shaqeynayaan in sidii Afghanistan oo kale uu Shabaab la wareego dalka Soomaaliya, mana dhici doonto Ilaahay idinkiis.”

Xog: Taliyayaasha BOOLISKA iyo NISA ee Beledweyne oo looga yeeray Muqdisho

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay inay Muqdisho soo gaaraan taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda ee u xilsaaran amniga Beledweyne, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha Booliska Beledweyne Isaaq Cali Cabdulle iyo taliyaha NISA ee magaaladaasi Colaad Dalabeey lagu amray inay muddo kooban oo loo qabtay ay ku soo galaan Muqdisho kadib amaro kasoo kala baxay tasliyada guud ee Booliska & NISA.

Sida ay ogaatay Caasimada Online labada taliye ayaa wax laga weydiin doonaa eedeymaha culus oo uu u jeediyey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, kadib qaraxyadii ismiidamainta ahaa ee Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay xerada Lamagalaay ee Beledweyn.

Jayte ayaa ku eedeeyey laamaha amniga, gaar ahaan Booliska iyo Nabad Sugidda inay ka gaabiyeen mas’uuliyaddii ka saarneyd amniga, isla-markaana qaraxyada ay Al-Shabaab la beegsaday xarunta uu ku shaqeeyo ay ka soo gudbeen koontaroolada magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan taliyaha Booliska Beledweyne Isaaq Cali Cabdulle uu soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo ka jawaabaya amarka kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayada oo haatan la sugayo taliyaha NISA.

Ma cadda tallaabada laga qaadi doono saraakiishaan oo haatan wajahaya eedeymo culus oo ay ugu horreyso inay dayaceen amniga shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Si kastaba, saddexdii qarax ee 3-dii bishan October ka dhacay Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay 30 qof, halka ay ku dhaawacmeen 58 kale, waxaana ku jira mas’uuliyiin sar sare.

Sawirro: Xasan oo amaro dul dhigay golaha wasiirada kadib markii uu shir guddoomiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxa uu faray Golaha Wasiirada inay mudnaanta koowaad siiyaan la-dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay wasaaradaha oo dhan kaalin ku yeeshaan dagaalka Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada ay haystaan.

“Wasaaradaha xukuumadda oo dhan waa inay mas’uuliyad iska saaraan sidii deegaanada laga xoreeyaya argagixisada looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyadoo dowladdu ay gurmad deg-deg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabadda, dowladnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Soomaaliyeed ee iyagu dagaalka adag kula jira argagixisada.

Golaha wasiirada ayaa todobaadyadii u dambeeyey kulamadooda diiradda ku saarayey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xili ay jiraan xaalad cakiran oo dhanka ammaanka ah, siiba dagaalka Shabaab iyo xaaladdo bani’aadanimo oo ka dhashay abaaraha ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dhageyso: C/Casiis Jawaari “Aabahey wuu nool yahay, balse khalad weyn ayaa…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wiil uu dhalay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa beeniyey wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee sheegayey inuu Aabihiis maanta ku geeriyooday dalka Turkiga.

Cabdicasiis Jawaari oo wareysi kooban siiyey Shabelle TV ayaa been abuur ku tilmaamay geerida laga faafiyey aabihiisa, balse wuxuu tilmaamay in uu arrimo caafimaad u tegay Turkiga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka faafiyey wararkaasi ay yihiin kuwa xaasidiin ah, isla-markaana ka lahaa dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka waxaa soo qoray waa dad xaasidiin ah oo been badan. Aabe wuu fiican yahay asaana soo hadli doono marka waa been abuur,” ayuu yiri wiilka guddoomiye Jawaari.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ka qoys ahaan qalad weyn laga galay, isla-markaana laga nixiyey ehellada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan dareenay in qalad weyn nagala galay ma fiicneyn in sidaa dadka looga nixiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay qaadi doonaan tallaabada ugu haboon, si loo ogaado cida faafisay warka geerida ee Jawaari iyo ujeedka gaarka ah ee laga lahaa.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa xalay diyaarad gaar ah looga qaaday magaalada Muqdisho oo uu ku xanuunsanayey maalmihii lasoo dhaafay, isaga oo la dhigay isbitaalka Digfeer, balse xaaladiisa oo kasii dartay darteed loo qaaday dalka Turkiga.

Jawaari ayaa markiisii ugu dambeysay kasoo muuqday dood cilmiyeed ku aadan dhammeystirka dastuurka, taas oo dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xog: Xasan Sheekh oo tegaya jiidda hore ee dagaalka iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Cadale (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo culus oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab laga dareemayo gobolkaasi, gaar ahaan degmada Cadale oo ku taalla dhanka xeebta ee Shabeelaha Dhexe.

Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab iyo Gorgor oo xalay ka baxay Muqdisho ayaa ku biiray abaabulka ka socdo degmada Cadale oo ay horey u joogeen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka oo kasoo jeeda deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor oo wata gaadiid dagaal oo aad u fara badan ayaa saldhigtay degmada Cadale, halkaas oo uu ka bilaaban doono guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Warar kale oo soo baxayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu isna kusii jeedo Cadale, si uu dhiira-geliyo ciidamada ku sugan halkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xiran doono tuutaha, isla-markaana uu dagaalka ka hagi doono magaallo xeebeedkaasi, waxaana soconayo qaban-qaabada soo dhoweyntiisa, ayada oo aad loo sii adkeeyey ammaanka, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo kalsoon yahay.

Cadale ayaa la ciir ciireysa ciidamadii ugu badnaa, kuwaas oo diyaar garoobayo howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana duulaankooda uu ka bilaaban doonaa deegaanka Masaajidka Cali Gaduud oo ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, ayada oo sidoo kale dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in uu dagaal culus ka qarxo halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa la xiriira kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo horey uga billowday gobollada dhexe, gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud.

Al-Shabaab iyo ciidamada Liyuu Boolis oo Bakool ku dagaalamay + Khasaaraha

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Bakol ayaa sheegaya in maanta halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyeey ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka iyo xoogaga Shabaab, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay tuulada Quracle oo hoostagta deegaanka Washaaqo oo dhaca xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalkan, wuxuuna mid kasta shaaciyey inuu khasaare gaarsiiyey midka kale, sida lagu sheegay qoraallo ay shaaciyeen labada dhinac.

Al-Shabaab waxa ay baahisay in dagaalkan ay ku dishay ugu yaraan illaa 50 askari oo ka tirsanaa ciidanka Liyuu Boolis, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale kooxda ayaa shaacisay magacyada qaar ka mid ah saraakiisha ay sheegeen inay dileen, waxayna kala yihiin Janaraal Saliid, Korneyl Dhigane iyo Korneyl Cabdirisaaq, balse ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara warkan marka laga tego sheegashadooda.

Dhanka kale ciidamada Liyuus Boolis ayaa shaaciyey inay khasaare culus gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay.

Qoraalka ka soo baxay taliska Liyuu Boolis ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ay dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgalka ka socdo gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa daba socdo weeraro ay horey Al-Shabaab ugu qaadeen dhulka dowlad deegaanka Soomaalida, kaas oo geystay khasaare xoogan, waxaana kadib labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka bilaabeen Bakool, gaar ahaan deegaannada u dhow xadka.