Muqdisho (Caasimada Online) – Raadiyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee SNA Radio ayaa sheegtay inuu afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaal.
Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashadan. Sidoo kale ma jirto warbaahin kale oo madax banaan oo werisay in Cali Dheere uu dhintay.
Qoraal xalay lasoo dhigay bogga facebook ee Raadiyaha ayaa lagu yiri “Xog muhiim ah oo warbaahinta codka ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in afhayeenka argagixisada Al-Shabaab dhagar qabe Cali Dheere Axaddii lasoo dhaafay 04:30 galabnimmo uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.”
Qoraalka ayaa intaas ku daray in Cali Dheere uu maalmahaan isbitaal la jiifay dhaawac culus oo kasoo gaaray dagaal ciidanka xoogga iyo shacabka xoreynta Hiiraan ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, Khamiistii lasoo dhaafay ee 29-kii September ee 2022.
Haddii sida Raadiyaha ciidanka wax u sheegay ay u jiraan, waxaa is-weydiin mudan sababta aysan mas’uuliyiinta dowladda uga hadlin arrintan.
Dowladda federaalka ayaa marka xubin sare laga dilo kooxda Al-Shabaab waxay inta badan soo saartaa qoraallo rasmi ah oo lasoo mariyo wasaaradda warfaafinta.
Saddex maalmood kahor, qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa aas-aasayaasha kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqeyn.
Maalin kadib qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn lagu dilay hoggaamiye sare oo Shabaab ah, inkasta oo aan magaciisa la shaacin balse loo maleynayo inuu yahay Cabdullaahi Nadiir oo sidoo kale loo yaqiin Cabdullaahi Yare.
Soomaaliyaayaasanadkii 2016-kii kubiirtayhindise-sharciyeedkaSahankaMiisaaniyadda Furan (Open Budget Survey- OBS), waxaynasoogabagabeysaysaddexwareegoosahankaasi ah, kuwaasoo la qabtolabadiisanaba mar. Dhibcahadaah-furnaantaSoomaaliyaeewareeggiiugudambeeyeyee 2021-ka ayaaahaa 20 boqolkii, taasoo ah horumar la taabankaromarka loo eegowaxqabadkeediihore. Waxa ay kuxigtaydalka Tanzania.
“Waankufaraxsanahay in qiimeynnalagusameeyeyiyadoo la adeegsanayohabkan furan.Ballanqaadkayagakuaaddandaahfurnaantaiyoka-qaybgalkadadweynahaeehannaankamiisaaniyaddaiyomaaliyaddawaacaddahay. Waxaanagago’aninaanqiimoiyo la xisaabtan u sameynodadkeena,”WaxasidaasiyiriYuusufMaxamedAadan, WasiiruDowlahaWasaaraddaShaqadaiyoArrimahaBulshadaeeXukuumaddaSoomaaliyaookaqeybgalayshirka.
Waxauuraaciyey“Waankufaraxsanahayinaan u isticmaalnoqalabkansiaan u wanaajinohufnaanta, kormeerka, iyoheerkaislaxisaabtanka, iyosidoo kale inaankacaawinosaaxiibadayadadibaddainayarkaanqiimaha ay u leeyihiinmaalgashigooda,”
Mr Adan ayaaintaaskudaray in Soomaaliya ay haatanwadohanaankiideyncafinta kana mid tahaywadamadakafaa’ideysanayohindisawadamadaaadkasaboolka u ah loogacafinayodeymaha.
Iyadaoola adeegsanayoqorshahaiskudhafkamisaaniayadahaqaran ((INFF)iyoqiimeyntafurfurnaashahamiisaanayadaoo ay sameeyaansaaxibomadaxbanaan, khubaraduwaxayaaminsanyihiin in dalkuugudambeyntiikutiirsanaankarokheyraadkiisakana maarikaromaalagashigashisheeye.
Dr Maxamed Cismaan, Maamulaha Machadka Sadar, ahna martigeliyaha maxalli ah ee Hindisaha Miisaaniyadda Furan ee Soomaaliya, ahna Wakiilka Dalka ee Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa intii uu socday shirka ka hadlay.
“HabkaMaalgelintaIsku-dhafka ah (INFF) iyoHindisahaMiisaaniyadda Furan waakuwosigaar ah diirada u saarayahanaanmaliyadeedoocusubooloogutalagalay in lagumaalgeliyoujeedooyinkahorumarineedeewaaraiyadaoolalakaashanayohimilooyinkaiyomudnaantaqaranka,” ayuuyiriDrMaxamedCismaan, MaamulahaMachadkaSadar, ookatirsandegaanka. martigelinayaHindisahaMiisaaniyadda Furan eeSoomaaliya, ahnaWakiilkaDalkaeeJaamacaddaNabaddaeeQaramadaMidoobayeeSoomaaliya.
“The goal is for developing countries to move beyond reliance on traditional ODA and finance their own Sustainable Development goals in the future,”DrMohamed added.
“Hadafkuwaa in dalalkasookoraya ay kagudbaankutiirsanaantamaalgelintashisheeyeoo ay maalgeliyaanujeedooyinkoodaHorumarineedeemustaqbalka,”ayuuraaciyeDrMaxamed.
During his opening speech, Nigerian President MohammaduBuhari emphasized the importance of integrating national budget systems to reduce reliance on foreign aid.
Intiiuukugudajiraykhudbadiisafuritaanka, Madaxweynaha Nigeria MohammaduBuhariwuxuukunuuxnuuxsadaymuhiimadaayleedahay in la iskudarohababkamiisaaniyadaqarankasi loo yareeyokutiirsanaantagargaarkadibadda.
Madaxweyne Mohammadu Buhari oo hadal ka jeediyey inta lagu gudajiray kalfadhiga furitaanka munaasabadda daahfurka INFF oo lagu qabtay New York, 23-dii Sebtembar 2022. Kullankaas waxa uu barbar socday shirweynaha 77-naad ee Golaha Guud ee Qaramada Misogamy (UNGA77) ee New York.
“Soomaaliyaaad bay ugafaa’iidaysandoontaanatiijadasahankan, waxayhorumarindoontaahannaankamiisaaniyadeena, waxaynakalsoonikubeeridoontaashaqaalaheennaiyohay’adahadibadda,” ayuuyiriMaxamedTahliilAxmed, madaxamiisaaniyaddaiyowarbixintaeeWasaaraddaMaaliyadda.
“Waxaynoofuridoontaafursadobadanoomaal-gelineedannagooiskudaynaynainaankagudubnocaqabadaha ay keeneentobannaansanooodagaalsokeeye,” MrTahlilayaaintaaskudaray.
Wakiiloka kala socday 54 dal ooAfrikaan ah, Hay’adahaQaramadaMidoobay, UruradaBulshadaRayidka ah, iyohay’adaha kale ee la shaqeeyahorumarintaayaakasooqaybgalayshirka Abuja oosocday afar maalmood.
Musiibadaiyonaxdintauureebaycudurka Covid-19, kaasioosaameeyeydadaaladadhinacahorumarkawaaraiyomaalgelintoodasanadihii 2020 ilaaiyo 2021-kii, ayaawaxaaykeentay in sarauu u kocdomuhiimada ay leedahaymaalgelintaqaraneeiskudhafan.
Qaar ka mid ah ergada shirka INFF ee lagu qabtay magaalada Abuja ee dalka Nigeria
QaaraddaAfrikaayaahormuudkanoqotaytiradadalalkadoonayainaykaqaybqaataanhindise-sharciyeedkaisku-dhafka ah eeqaab-dhismeedkamaaliyaddaqaranka (INFF). In kabadan 40 waddanayaaisticmaalahabkanAfrikadaSaxarahakahooseeya (Sub-Saharan Africa).
Erayga “qaababkamaaliyadeedeeiskudhafaneeqaranka,” ama loo soogaabshoINFFs ,ayaalagusoobandhigayAjendahaWaxqabadee Addis Ababa markiiuguhoreysay. Dalalkuwaxaycodsadeen INFFs si ay u helaankaalmosi ay u hirgeliyaanistaraatiijiyaddoodaqaraneehorumarwaara. IntiilagujirayshirkiiGolahaGuudeeQaramadaMidoobayee 2019, lix iyotobanwaddanayaaxaqiijiyaysida ay ugago’antahayinaynoqdaanhormuudkahabkan.
Qaababkamaaliyadeedeeiskudhafaneeqaran wax uu la mid yahaysidabuundooo kale waxauunaiskuxiraagacannakageystaaabuubulkanidaamiyadamaalgelintaeedadweynahaiyokuwagaarka ah. Waxaykacaawiyaandawladahatoosintaiyotayeyntakaqaybqaadashadasiyaasadahamaaliyadeedeeqorshayaashahorumarintaqaranka. Waxayfududeeyaanwadashaqeynballaaranoodhexmartajilayaashadadweynahaiyokuwagaarka ah waxaynaxoojiyaanxiriirkakadhexeeyadhinacyadasiyaasaddamaalgelintaee kala duwan.
Gabagabadii, wasiirudowlahawasaaraddashaqadaiyoarrimahabulshadaayaabogaadiyaydadaalka ay muujiyeenqabanqaabiyayaashashirkaiyodalka Nigeria oo ah kanmartigeliyay. WasiiruDowlahaayaaxaqiijiyay in Soomaaliya ay qaadandoontoistaraatiijiyadda INFF, maadaamaWasaaraddaMaaliyadda ay horay u waddayqorshayaallagudardargelinayoqorshahan. WasiiruDowlahaayaakunuuxnuuxsaday in Wasaaradiisa ay kala shaqeyndoontoWasaaradaMaaliyadasidiiloo xoojinlahaakaqeybgalkashacabka, taasioo u baahan in siweynloogawadaqeybqaato.
“Waxaan la shaqeyndoonnaaWasaaraddaMaaliyadda in aankaqeyb-galnoka-qeybgalkadadweynahahab-raacadiyaarintaMiisaaniyaddaiyointalagugudajirohannaankaMiisaaniyadda,” ayuuyiriYuusufMaxamed, WasiiruDowlahaShaqadaiyoArrimahaBulshada.
Gunaanadkii, wadamaduwaxayballan-qaadeeninayhorumarinayaanhufnaantageeddi-socodkamiisaaniyaddaiyoinaykafikiraanqaadashada NIFF. WafdigaSoomaaliyaoouuhoggaaminayayWasiiruDowlahaYuusufMaxamedAadanayaakaqeybgalaykulamoxiriir ah oo ay la yeesheendalalka kale eegobolka, sida Sudan, Ethiopia, Eritrea, Uganda, iyo South Sudan, oo ay kawadahadleenhorumarintadaah-furnaantamiisaaniyaddaiyoxaqiijintakaqeybgalkabulshada.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta ka qayb-galo shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, kaas oo ah mid xasaasi ah.
Shirka oo furmi doono saacadaha soo socdo ayaa lagu wargeliyey dhammaan xubnaha golaha wasiirada ayada oo loo sheegay inuu maanta kasoo qaybgalayo madaxweyne Xasan.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha uu shirka ka jeedin doono khudbad ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo dardargeliyo kacdoonka shacabka ee haatan ka billowday deegaanada maamul goboleedyada dalka, gaar ahaan HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Sidoo kale waxaa lafilayaa in shirka laga soo saaro go’aanno xasaasi ah oo ku aadan sida loo wajahayo xaaladaha adag ee haatan ka jira dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.
Golaha wasiirada ayaa todobaadyadii u dambeeyey kulamadooda diiradda ku saarayey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo warbixino laga dhageysanayey wasiirada amniga iyo gaashaandhigga.
Soomaaliya ayaa ku jirto xaalad cakiran oo dhanka ammaanka ah, siiba dagaalka Shabaab iyo xaaladdo bani’aadanimo oo ka dhashay abaaraha ka jira koonfurta & bartamaha dalka.
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay kacdoonka shacabka ee dalka ka bilowday, isla-markaana ay dadka shacabka ahi kula dagaalamayaan maleeshiyada Al-Shabaab.
“Waxaan runtii halkan baaq uga dirayaa dadka Soomaaliyeed ee hadda bilaabay inay iska saaraan cadowga, in ay sii xoojiyaan leeskuguna tago,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha ayaa ku boorriyay beelaha halganka kula jira Al-shabaab in ay sii xoojiyaan, islamarkaana dhammaan la isu-gu tago oo loo midoobo kacdoonka hubaysan.
Madaxweynaha ayaa yiri “Nabadgelyadeena inaan ilaashano, horumarkeena inaan ka shaqayno. Dalka inaan u soo jeedsano, gacana amnigiisa inaan uga shaqayno, gacana horumarkiisa aan uga shaqayno, annagoo wadajirna oo isku duuban, maxaa yeelay xaaladaha dalku marayo waa xaalado adag, oo u baahan in midnimada iyo isku duubnimada aad loo xoojiyo.”
Madaxweyne Deni ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii maalintii Isniinta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Deni ayaa hadalkan ka sheegay Bandhigga Carwada Shaqo, oo uu shalay ka daahfuray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Athens (Caasimada Online) – Greece ayaa soo saaray digniin cusub, isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu adeegsado dhammaan awoodaha diblomaasiyadeed iyo kuwa milateri, si ay u difaacdaan madax-banaanidooda, ayna uga hortagaan farogelin qorshaysan oo uu wado dalka Turkiga, sida hadalka loo dhigay
Digniintan tooska ah ayaa daba socota, heshiiskii muranka badan dhaliyey ee dhowaan dhexmaray dalka Turkiga iyo qayb ka mid ah dawladda ka dhisan dalka Liibiya.
Xiisadda u dhexeysa labadan dal ee xubnaha ka ah isbahaysiga NATO, ayaa beryahanba cirkaas maraysay, waxaana laga cabsi qabaa inay faraha ka baxdo ayna u xuubsiibato gacan ka hadal, taas oo halis gelin karta isbahaysiga milateri ee ay xubnaha ka yihiin.
Ra’iisal wasaaraha Greece Kyriakos Mitsotakis oo la hadlayey baarlamaanka dalkiisa ayaa u soo jeediyey dalka Turkiga inuu ku soo laabto, wax uu ugu yeeray, caqliyadda saliimka ah ama jid macquul ah.
Waxa uu ku hanjabay in haddii ay taasi dhici waydo oo ay Ankara sii waddo gardarradeeda, in Greece ay qaadi doonaan tallaabo ay dib gacanta ugu dhigaan, wax uu ugu yeeray, dhulkooda.
Hanjabaadda Greece ayaa timid ka dib markii uu Turkigu dhowaan heshiis la saxiixday mid ka mida labada maamul ee isku haya dalka Libya, isagoo heshiiskaasi uu dalka Turkiga fursad u siinayo inay sahamin shidaal ka sameeyaan dhul uu Greece u arko inuu leeyahay.
Bangkok (Caasimada Online) – Nin hore uga tirsanaa booliiska Thailand ayaa Khamiista maanta ah 34 qof ku dilay toogasho wadareed ka dhacday xarun lagu xanaaneeyo carruurta.
Dhibanayaasha ayaa waxaa ku jiray 22 caruur ah iyo sidoo kale dad waaweyn, sida ay booliisku sheegeen.
Mar sii horreysay, boolisku waxay sheegeen inay ku raad-joogaan ninkii toogashada geystay, waxaana afhayeen u hadlay dowladda uu sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu ku wargeliyay dhammaan hay’adaha ammaanka in gacanta loogu soo dhigo dembiilaha.
Toogasho wadareedka ayaa naadir ku ah Thailand in kasta oo heerka lahaanshaha hubku uu sareeyo marka loo eego qaar ka mid ah wadamada kale ee gobolka, iyo sidoo kale hubka sharci darrada ah caadi ka ah Thailand.
Sannadkii 2020-kii, askari ka carooday heshiis hantiyeed ayaa toogtay ugu yaraan 29 qof, 57 kalena ku dhaawacay weerar ka dhacay afar goobood.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadal ka jeediyay kulan-weyne looga hadlayay doorka bulshada ay ka qaadan karto horumarinta iyo xasilinta amniga caasimada ayaa waxa uu ka sheegay in ka maamul ahaan ay gacan bir ah ku qaban doonaan dadka ka ganacsada maandooriyaha.
“Daroogada magaalada kusoo badaneysa qeyb ayey ka tahay amni darada, waa in aan la dagaalano. Bulshada iyo amniga ma kala maarmaan oo waa isku baahan yihiin marka waa ku qabsanahay in aan amnigeeda ka shaqeyno,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu xusay in meel kasta oo kamid ah magaalada Muqdisho si caadi ah loogu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya, illaa heer ay lamid noqdeen sida dukaamada Burka iyo Bariiska lagu iibiyo oo kale.
“Maanta meelkasta dukaamada maxalaadka ah ee lagu gado burka & bariiska iyo tan daroogada lagu gado waa isku mid, weliba kuwaana ka daran. Askar ayaa ilaalineysa oo Boolis ama Millateri ah ayaa ilaalineysa oo dhex fadhiya.”
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in huteelada fisqiga ah ee magaalada Muqdisho ay ilaalinayaan ciidamada, taasi oo uu sheegay inay tahay mushkilad hor leh oo u baahan in wax laga qabto, islamarkaana la iska kaashado.
“Waxaan rabaa sida ay bulshada noo aaminto inaan kasbano, waxaase dhibaato ah inaysan naa aaminsaneyn, beryahaan waxaan ka cabaneynay in qofkii Bulshada kamid ah ee qof dambiile ah soo sheega in qofkii la xiray la soo deeynaao oo Xildhibaano iyo Wasiiro ay daba oradayaan.”
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa howlgallo culus ka wada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii Isniintii la soo dhaafay ay ka dhaceen qaraxyo ismiidaamin ahaa oo is xig xigay.
Howlgallada oo aha akuwa culus ayaa waxaa lagu xaqiijinayey amniga magaalada, ayada oo lagu soo qab qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dad kale oo tuhmanayaal ah, sida uu shaaciyey taliye ku xigeenka saldhigga Booliska degmada Beledweyne, Bashiir Cadaani.
Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in baaritaano dheeraad ah ay ku hayaan xubnaha la soo qabtay oo lagu xiray saldigga Beledweyne, isaga oo sheegay inay sii wadayaan howlgalka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay adkeeyeen amniga Beledweyne, ayna xireen dhanka buundooyinka oo uu sheegay in inta badan ay ka soo gudbaan qaraxyada.
“Hadda waxaan u maleynaa dhinac dambe oo ay ka soo geli karaan ma jirto, badanaa waxay ka yimaadaan buundooyinka, buundooyinkii oo dhana waan xirnay.” ayuu yiri.
Beledweyne ayaa waxaa Isniintii la soo dhaafay ka dhacay illaa saddex qarax kuwaas oo ay ku dhinteen 30 qof, ayna ku dhaawacmeeny 58 kale, sida ay shaaciyeen laamaha amniga.
Weeraradaan waxaa dhabarka u ridatay kooxda Al-Shabaab, waxayna uga jawaabeysay kacdoonka shacab ee ay reer Hiiraan ka bilaabeen gobolkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyey kooxda, kadib markii looga qabsaday deegaano muhiim ah oo ku yaalla halkaasi.
Kambala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa raalligelin guud ka siiyay Kenya, isaga oo cafis ku aaddan haddallo uu Twitteka soo dhigay wiilkiisa Kainerugaba Muhoozi weydiistay Kenya, hadalkaas oo uu Muhoozi si kaftan ah ugu sheegay inuu duullaan muddoo kooban ah ku qabsanayo Kenya.
Hase yeeshee, Museveni waxa uu wiilkiisa u dallacsiiyay General buuxa, kadib markii laga qaaday xilka Taliyaha Ciidanka Dhulka, isagoo sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo wax ku ool ah oo uu sameeyay Muhoozi.
War qoraal ah oo uu soo saaray madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa raalligelin ka bixiyay wax uu ku tilmaamay faragelinta walaalahooda Kenya.
“Waxaan ka codsanayaa walaalaheen Kenya inay naga cafiyaan qoraallada uu soo diray Jeneraal Muhoozi, taliyihii hore ee ciidamada dhulka ee Uganda, ee ku saabsanaa arrimaha doorashada dalkaas weyn,” ayuu Musevni ku yiri bayaan uu soo saaray.
Waxa uu wiilka Museveni, Muhoozi, bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ciidamada dhulka ee dalkiisa ay ku qabsan karaan magaalada Nairobi laba toddobaad gudahood, hadalkaas oo ka caraysiiyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Uganda iyo dad badan oo Kenyan ah.
Wasaaradda arrimaha dibada Uganda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay iskaga fogeysay hadalkaasi.
Dabayaaqadii bishii July, taliska ciidanka Uganda ayaa iska fogeeyay qoraalo uu qoray Muhoozi Kainerugaba oo uu ku taageerayay Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray TPLF ee Itoobiya, isaga oo sheegay in qoraallada twitter-ka aysan ahayn aragti rasmi ah oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda.
Kainerugaba Muhoozi ayaa loo arkaa inuu yahay ninka bedeli kara madaxweyne Museveni oo 78 jir ah, oo dalka Uganda xukumayay in ka badan 35 sano.
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta loo qaaday dalka Turkiga, kadib xaalad caafimaad oo soo wajahday, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo wareedyo aad ugu dhow.
Wararka ayaa sheegaya in Jawaari uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, isla-markaana la dhigay isbitaalka Digfeer, ayada oo laga deyrinayo xaaladiisa.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya diyaarad gaar ah looga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, taas oo ka dajisay waddanka Turkiga, halkaas oo lagula tacaali doono xaaladdiisa caafimaad.
Lama shaacin nooca xanuunka ee sababay in haatan loo qaado dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka Turkiga, balse waxaa la sheegay in qaadistiisa ay ka dambeeyeen xubno ka mid ah ehelladiisa iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay xaaladda guddoomiyahoodii hore ayaa u rajeeyey caafimaad deg-deg ah iyo soo kabasho.
Jawaari ayaa markii ugu dambeysay kasoo muuqday dood cilmiyeed ku aadan dhammeystirka dastuurka, taas oo dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Si kastaba, marar badan ayaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya xaalado caafimaad dartood loo dhigay magaalada Muqdisho, kadib xanuuno soo wajahay. Jaawri ayaa ah rugcadaa weyn. walow kursiga xildhibaanimo uu waayey doorashadii u dambeysay.
Inta uu socda shirka ayaa waxay dhinacyadu diirada ku sari doonaan horumarinta ciyaaraha kala duwan iyo jihaynta dhalinyarada Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulanka.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale waxay si gooni ah uga niqaashi doonaan ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo in siyaasad qaran loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Barre oo ka hadlay kulanka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shegay in wasaaradiisa ay xooga saari doonto sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen wasaaaradaha heer dowlad-goboleed iyo sidii uga taageeri lahayd arrimaha horumarineed.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xilliyada dagaalka mararka qaar waxaa dilaaca mashruuc dhaqaale doon ah. Mid kamid ah sababaha looga adkaan waayey Al-Shabaab waa inay jiraan kooxo dhaqaale ka dhex raadiya dagaallada la rabo in lagu xoreeyo dalka.
Kooxahaas waxay u badnaan jireen dadka ku dhow dhow madaxda sare ee dowladda federaalka ah, haddase waxaa lasoo warinayaa in madaxdii maamul goboleedyadu dhaqankaas oo kale ay billaabeen.
Dagaalada ka socda dalka wax door ah oo xooggan kuma lahan madaxda maamullada. Warar hoose oo aan helnay waxay sheegayaan in madaxda maamullada rabaan in madaxweyne Xasan Sheekh lacagta dagaalka iyaga uu kusoo wareejiyo kadibna ay iyaga markaas howsha galaan.
Haddii ay madaxda maamulada dagaal galayaan, Xasan wuxuu xafiiska kusoo noqday iyagoo jooga Shabaabkana irdaha u fadhiyaan taas oo hoos u dhigeysa daacadnimadooda dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Xasan Sheekh wuxuu markaas gafay ayaa la leeyahay in lacagahaas uu u weeciyo dhanka dagaalka oo uu maamullada u sheego in lacagahaasi ay badi u adeegsadaan dagaalka Al-Shabaab. Hadda dalkii dagaal ayuu ku jiraa madaxdii maamulladana dhaqaale ayey ka hadlayaan.
Waxay ku biirayaan kooxihii madaxtooyada ku xirnaa ama qaar ka tirsanaayeen ee lacagaha ka sameyn jiray dhiigga askarta iyo shacabka iska xoreenayo Al-Shabaab, waa dhaqan aad u fool xun oo muddo soo jiray.
Dib u gurashada dagaal ee ka muuqata madaxda maamulada waxay daaran tahay dhaqaale doon, ayey leeyihiin dadka arrintaan sida dhow ula socda.
Haddii aan hoos u dagno, HirShabelle Cali Guudlaawe weli ma tagin goobaha dagaalka ee gobolka Hiiraan, dadka dagaalamayana wax badan kuma darsan. Inkastoo guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu howsha qeyb ka yahay, haddana deegaan ahaan ayuu dagaalkaas u socdaa iyadoo hoggaamiye Guudlaawe uusan bixin wax u dhigma ama u dhow intii laga filayey.
Axmed Madoobe iyo Laftagareen labadii bilood ee u dambeysay oo ay dalku dagaallada ka socdeen waxay dhowr jeer galeen safaro dibadda ah. Axmed Madoobe, Kenya iyo Imaaraadka ayuu waqti ku bixiyey, halka Laftagareen isna uu Turkiga iyo Kenya maalmo badan ku bixiyey.
Axmed Madoobe weli dagaal ma qaadin, Laftagareen xagiisana wax weyn kama socdaan. Qoor Qoor isaga waxaa lagu eedeynayaa inuu ka cago jiiday dagaalkii dhanka Baxdo iyo kii dhanka Ceelbuur labadaba, isagoo muujinayo inuusan itaalka ku filneyn taasoo meelaha qaar niyad jab ka abuurtay.
Dhammaan tallaabooyinkaan waxay isugu imaanayaan cago-jiid dagaal oo ay qabaan madaxda maamullada waxayna dadka xog-ogaalka ah ku waramayaan arrin la xiriirta dhaqaale.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya weli ma sheegin inay dhaqaale u heshay dagaalka, waxaana muuqata inuu dagaalkaan huri-weyto ku qarxiyey kadib markii loo adkeysan waayey dhaqamada kooxda Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la gudboon inuu madaxda maamullada kulan deg deg ah la qaato ama u tago oo uu ku qanciyo inay dagaalka daacad ka noqdaan oo dalka looga faa’ideeyo kacdoonka shacabka.
Haddii aan la helin daacadnimada madaxda maamullada waxay wiiqi kartaa natiijada. Kacdoonkaan haddii uu fashilmo madaxda maamullada waxay kamid noqon doonaan kuwa loo heysto inay fashiliyeen shucuurtii shacabka.
Wasiirka Warfaafinta Dalka Al-geria Maxamed Buu Saleymaani ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa, isagoo muujiyey dareen qadarin iyo tixgelin ay ku dheehan tahay oo dalkiisu uu u hayo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
“Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleysan marti-qaadka shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo bisha soo socota ka furmaya dalka Al-Geria, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhambaal iyo farriin aqbalaad ah uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdulmajiid Tabuun,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in labada dowladood ay sii amba-qaadaan is afgaradkii ka soo baxay kulankii labada Madaxweyne ay ku yeesheen New York, bishii la soo dhaafay, kaas oo ku saabsanaa iskaashiga diblumaasiyadeed iyo in labada dal ay yeeshaan xiriir toos ah.
Ugu danbeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay wafdiga uu la kulmay ee dalka Al-geria xaaladda dalka iyo dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dib u xoreynta.
“Madaxweynaha ayaa u rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadallada labada dal ay dhabaha u xaaraan sidii loo soo celin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Cadale (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay codka mid ka mid ah odayaal seddax ah oo kooxda Al-Shabaab ay u soo wakiilatay inay ergo uga noqdaan suurta galnimada inay wadahadal la yeeshaan dowladda Soomaaliya iyo dhaqanka beelaha Hawiye.
Codkaan waxaa loo soo diray saraakiisha abaabulka ciidan ka wada degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, wuxuuna odaga soo duubay sheegayaa inuu joogo deegaan u dhow Cadale.
“Odayaasha culumada la shaqeeya ayaan ka mid ah ahay, ergo ayaan maanta ka ahay Al-Shabaab, sababta aan ergadaan u soo qaadana waa in kan lagu soo duulay iyo kan Xamar ka soo duulay ay ehelkeyga yihiin,” ayuu yiri odagaan ay Al-Shabaab soo wakiisheen.
Hadii laga ogolaado waan-waantaan wuxuu sheegay in degmada Cadale uu ku tegi karo 3-saacadood kaliya, isagoo lugeynaya, maadaama uu joogo deegaan u dhow, si wadahadalladu u bilowdaan.
“Waxaan nahay 3 nin oo la soo wakiishay, inaan wadahadal furano ayaan rabnaa, waxaan helnay magacyada iyo taleefoonada raga hoggaaminaya ciidanka Xamar ka soo duulay, marka fariin ayaan idinkaga wadnaa Al-Shabaab,” ayuu yiri odagaan codkiisa soo diray.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka soo balan qaadeen inay dhulka Hawiye isaga baxayaan, balse beesha ay ka rabaan in koonfurta Soomaaliya aysan uga daba tegin oo ammaan ay ka helaan.
“Yaanaa isku baabi’in, waxaan nahay rag ahlu diin ah, waxaan nahay rag tol ah, ee yaanaa isku baabi’in, ninmankii saas ayey nasoo dhaheen, waxaa tihiin walaalahee, waxaa rabtiin wata, dowladaa rabtiin wata, dhulkaan hadaa na dhibsateen waan idinkaga tegeynaa, koonfur ayaan aadeynaa ee hanooga daba imaanina,” ayuu odagaan hadalkiisa ku sii daray.
Ugu dambeyntii odagaan wuxuu ku cataabay, “Walaalayaalow waan-waantaan nala qaata, seddax oday ayaan nahay, waxaan joognaa Cadale agteeda, ma kala fogin, qaraaboy raga dhiigooda aan kala ceymino, labada dhinac waxaa ku dhimanaya Hawiye, marka tol ayaan nahay ee aan hoos u wadahadalno.”
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli dalka ka socda abaabullada dadka degaanka ay wadaan ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab. Dawladda Soomaaliyana waxay ku baaqday in abaabullada lagu ballaariyo dhammaan dalka.
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa degaanka ayaa degaano badan kala wareegay Al-Shabaab toddobaadyadii lasoo dhaafay.
Haddaba hawlgalladan iyo waxa ay ka beddeli karaan xaaladda amni ee waddanka ayaa waxay VOA ka wareysatay Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhoqarsho), taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Jeneralka oo wax laga waydiiyey sida uu u arko kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilowday qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa sheegay inay taas tahay guushii ugu weyneyd ee looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu guuleysan doono kacdoonka, dhowr sabab dartood.
“Dagaalkaan hadda socdo waxaa dhihi karaa wax mar hore loo baahnaa oo waqtigii ku haboonaa yimid, maanta shacabkii iyo dowladdii oo isla socda waxaan u arkaa guushii ugu weyneyd ee looga adkaan karo Al-Shabaab, waxaana filayaa in deegaanada dhiman ay kusoo biiri doonaan,” ayuu yiri Jeneral Indhoqarsho.
Taliye Indhoqarsho waxa uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay garab fiican siiso dadka shacabka ah ee diyaarka u ah inay iska xoreeyaan Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay inay dowladda Isbitaalo ka dhisto gobolada dagaalka lagu qaadayo.
“Madaxweyne Xasan Sheekh waqtigiisii hore waxaa dhacay dagaaladii ugu xoogaana kadibna dagaal ma dhicin, hadda wuxuu leeyahay khibrad fiican oo uu uga faa’ideysan karo kacdoonka hadda socda, hadda ummadda dhan waxay ogaatay in Al-Shabaab aysan heyn dan ummadda Soomaaliyeed, markii ay dadka sidaan oo kale u bislaadeen waxay u baahan yihiin hoggaamin, waxaana rumeysanahay in madaxweynaha uu yahay hoggaamoyihii ku habboonaa,” ayuu yiri Jeneral Indhoqarsho.
Mar wax laga waydiiyey haddii uu guuleysan karo kacdoonkaan ayuu yiri “Horta Soomaalida deg dega waa dhaqan ay leedahay, waxaa horta ila fiicneyd in marka hore 7 bil la diyaariyo ciidamadii la wareegi lahaa meelaha lala wareego, shacabka kaliya kuma filna dagaalka, dowladda Soomaaliyana hadda ma heysato ciidamo ku filan inay guud ahaan dalka la wareegaan, si kacdoonkaan u guuileysto waa in dowladda ay si deg deg ah dadkaan u gaarsiiso daawo, hub iyo raashin sidaas ayuu dagaalka ku noqon kara mid guuleysta haddii kale ma gaarayo meeshii la rabay.”
Taliyaha ayaa sababta kacdoonadii hore ay u fashilmeen ku sheegay inay tahay in markii hore ay kaliya dagaalka waday dowladda Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in hadda la helay shacab heegan u ah inay qeyb ka noqdaan dagaalka.
Mar wax laga waydiiyey taliyaha dhibaatada ka dhallan karto haddii dadka shacabka ah la hubeeyo ayuu yiri “Soomaalida dhan waa hubeysan tahay, dowlad kasta oo timaato qasab ayey ku tahay in dadka lagu sameeyo hub ka dhigis laakiin hadda looma baahno sababtoo ah dowladda kaligeed wax difaaci karto.”
Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran
Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha ayaa waxa uu danjiraha Imaaraadka la wadaagay guddoomiye Aadan Madoobe in dowladda Imaaraadka ay diyaaar u tahay ka qeyb qaadashada gargaarka dadka ay saameysay abaarta ka jirta dalka.
Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday danjiraha Imaaraadka in uu Golaha Shacabka kala shaqyn doono horumarinta howl-wadeenada.
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan oo shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Baledweyne ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay dadka Soomaaliyeed tuseen tabarta kooxda Al-Shabaab islamarkaana ay diyaar u yihiin inay inta hartay iska soo saaraan, xitaa haddii aanay cidna kula soo biirin dagaalka.
“Dadka Soomaaliyeed ee gobolada kala duwan dagana waxaan u sheegeynaa Al-Shabaab waa tagay ha lagu dhiirado, wallaahi billaahi tallaahi waan iska kicineynaa, qoladii iska kicin weysana iyada ayey u taallaa, haddii aad noosoo gurman weysaan iyo haddii kalaba anaga Al-Shabaab waan iska soo firjineynaa,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay jabtay wuxuuna yiri “Awood buuxda ayaan u leenahay inaan iska dhicino Al-Shabaab, annagoo kaashaneyna ciidamada xoogga Soomaaliyeed, waxaa hadda muuqato in Soomaaliya ay soo kabatay, waxaa muuqato inuu jabay cadawgii, war Soomaaliyeey ku dhiirada.”
Jeyte ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed inaysan isku haleyn gurmad uga yimaado beesha caalamka, wuxuuna iftiimiyey sida kaliya ee looga adkaan karo kooxda Al-Shabaab.
“Sida ugu fudud ee Al-Shabaab la isaga dhicin karo waa in Soomaaliya ay iyada gacmaha is qabsato, inta la leeyahay beesha caalamka aaway wax soconayo ma jiraan, beel caalam oo soo socota ma jirto.”
Ugu dambeyntii guddoomuyaha ayaa sheegay inay Al-Shabaab gaarsiiyeen in gabdhaha ay ku dhiiradaan inay caayaan Al-Shabaab, islamarkaana ay biyaha ka daba qaadaan ciidamada dagaalka ku jiro.
“Waxaan hadda Al-Shabaab gaarsiinay inay gabdhaha ku dhiiradaan inay caayaan oo ay biyaha iyo raashinka la daba socdaan ciidamada dowladda, haddii odayaasha iyo dhallinyarada ay go’aan ku gaaraan inay Shabaab iska dhiciyaan Shabaab ma dhex joogi karo,” ayuu hadalkiis kusoo gabagabeeyey.
Hadalka guddoomiye Jeyte ayaa imanaya xilli kooxda Al-Shabaab laga saaray inta badan deegaanada gobolka Hiiraan, wuxuuna ka yimid madaxda sida joogtada ah qeybta uga ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Hase yeeshee, waxaa jira beelo iyo deegaano weli ka cago jiidaya inay ku biiraan dagaalka, taasi oo fududeyn laheyd in kooxda looga adkaado sida ugu deg degta badan.
Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha maamulka iyo amniga ee garoonka Aadan Cadde ayaa beeniyay in khatar amni soo foodsaartay garoonka, isaga oo beeniyey warqad tirsgeedu ahaa 4-tii bishaan oo looga been abuurtay xafiiska maareeyaha.
Warqada looga been abuurtay xafiiska Maareeyaha guud ayaa waxa lagu sheegay in argagixisada ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah garoonka, sidoo kalena waxaa loogu digay Saraakiisha iyo howl-wadeenada kale inay feejignaan dheeri ah muujiyeen.
Xafiiska Maareeyaha maamulka iyo amniga ee garoonka Muqdisho ayaa qoraalka kasoo baxay maanta waxa uu shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay in uusan hadda jirin walaac amni.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in baahinta xogaha la xiriira amniga laga tixraacayo hay’addaha amniga qaranka, kuwaasi oo gacanta ku haya amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ma aha markii u horeysay ee sidan oo kale hay’addaha dowladda looga sameeyo warqad been abuur, balse arrintaan ayaa waxay kusoo aadeysa xili uu dagaal culus ku socda Al-Shabaab, islamarkaana laga filan karo fal kasta oo ay iskaga yareyn karaan culeyska wajahayaan.
Dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii u dambeeyay laga gaarayay guulo waaweyn, ayada oo ciidamada iyo kuwa deegaanka oo is-garabsanaya la wareegeen deegaano sanado badan gacanta ay ku haysay kooxda.
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay ciidamo horleh u dirtay gobolka Hiiraan oo haatan laga dareemayo xaalado amni, kadib qaraxyadii Isniintii ka dhacay magaalada Beledweyne.
Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Gorgor oo diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa goordhow laga dajiyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Saraakiil ka tirsan qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa ciidamadaan kusoo dhoweeyey garoonka magaalada Beledweyne, waxayna u mahad-celiyeen madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo aad u qalabeysan loogu tala-galay inay ka qayb qaataan howlgallada dib xoreynta ee ka socdo gobolka Hiiraan, waxayna xoojin doonaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ee ka howlgala halkaasi.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in saacadaha soo socdo ciidamo kale laga dajin doono Beledweyne, si duulaan loogu qaado deegaanada ay heystaan Al-Shabaab.
Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadayo, maalin kadib markii saddex qarax oo ismiidaamin ahaa ay Shabaab ka fulisay xerada Lamagalaay kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Si kastaba, Hiiraan ayaa xudun u noqday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano horleh looga qabsaday kooxda, isla-markaana lagu gaarsiiyey khasaare xoogan.
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasmadda Soomaaliya kulan ku yeeshay Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta iyo taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale.
Kulanka ayaa xoogga lagu saaray dadaallada dib u xorreynta ee Soomaaliya ka socda, ka jawaabista abaaraha, u gargaaridda deegaannada la xoreeyey, baahinta maamullada, adeegyada bulsho, xasillinta guud ahaan iyo arrimo kale.
Ugu horreyntii, taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa hordhigay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Fiqi howlgallada dib u xorreynta ee socda, baahiyada ay ku arkeen deegaannada la xoreeyey, aragtidooda la xiriirta sida dadkaasi loo caawin karo iyo xasillinta.
Taliye Odowaa waxaa uu sheegay in ay diyaariyeen ciidan, gaadiid iyo dhammaan tashiilaadka kale ee dadka iyo deegaannada looga hor wareejinayo dhibka argigixisada, laguna gaarsiinayo gargaar iyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin isaga oo wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ka dalbaday in ceelal biyo, raashiin, dawo iyo adeegyo kale loogu diyaargaroobo deegaannada ay halis ku hayaan Al-Shabaab iyaguna ka xoogga dalka ahaan ay dammaanad qaadi doonaan gaarsiinta iyo qeybinta.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macali Fiqi ayaa ugu horreyntii ciidamada xoogga dalka ku ammaanay howlgalka dib u xorreynta dalka ee ka dhanka ah Al-shabaab, guulaha ay gaareen, isaga oo adkeeyey garab istaagga wasaaradda iyo guud ahaan hey’adaha dowladda.
Wasiirka waxaa uu ku dheeraday qorshaha wasaaradda ee la xiriira arrimaha gargaarka, xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyada adeeg ee heysta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada uu howgalka ka socdo iyo kuwa dhimman.
Wasiir Axmed Fiqi waxaa uu taliyaha iyo kooxdiisa hordhigay xogtiisa la xiriirta dhibaatada ka jirta deegaannada kala duwan, qorshaha ay wasaaradda iyo hey’adaha caalamiga ah ugu talogaleen caawinta dadka iyo deegaannada isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in la isku dhex wado dagaalka Xorreynta iyo u gargaaridda shacabka Soomalaiyeed.
Wasiir Fiqi waxa uu kulanka ka sheegay in wasaaradda oo kaashaneysa hey’adaha gargaarka ay meeleeyeen isla markaana ay diyaariyeen qodista ceelal biyood, raashiin qeybin degdeg ah, sameynta, iskuullo, isbitaallo cusub oo leh dhakhaatiir iyo dawo iyo baahiyada kale ee ka jirta deegaannada ay Al-shabaab ka baxeen ama ay weli joogaan.