31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Putin oo saxiixay sharci uu RUUSHKU ku goostay afar gobol oo Ukraine ka mid ah

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa maanta saxiixay sharci baarlaman oo Ruushka uu ku goostay dalkiisana ugu darsaday afar gobol oo ka tirsan Ukraine, sida ku cad dokumenti dowladeed.

Gobollada Donetsk, Lugansk, Kherson iyo Zaporizhzhia “ayaa waxaa laga aqbalay inay ku biiraan federaalka Ruushka si waafaqsan dastuurka federaalka Ruushka,” ayaa lagu yiri dokumentiga.

Putin ayaa sidoo kale saxiixay dikreeto uu si rasmi ah ugu magacaabay madaxda Moscow ay taageerto ee afartaas gobol, si ay u noqdaan sii-hayayaasha xilalkaas.

Goor sii horreysay, sharciga ku darsashada ayaa waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyey labada aqal, hoose iyo sare, ee baarlamanka Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa Jimcadii tagtay guddoomiyey xaflad weyn oo ka dhacday Kremlin ka, taasi oo intii ay socotay uu afarta hoggaamiye ee Moscow ay gaysay gobolladaas uu kula saxiixday heshiis ay qeyb uga noqonayaan federaalka Ruushka, inkasta oo ay aad u cambaareeyeen Kyiv iyo xulufadeeda Reer Galbeedka.

Afarta gobol ayaa abuuraya marin muhiim ah oo u dhaxeeya Ruushka iyo jasiirad u yaalka Crimea oo Moscow ay goosatay 2014.

Marka la isku geeyo, shanta gobol ayaa ah 20 boqolkiiba dhulka Ukraine.

Hase yeeshee ciidamada Ruushka si buuxda uma maamulaan Kherson iyo Zaporizhzhia, islamarkaana Kremlin-ka weli ma xaqiijin meelaha ka midka ah gobolladaas ee la goostay.

AFP, VOA

GAAS oo ka digay dagaal sokeeye oo ka dhaci kara…

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedyada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka digay in dagaal sokeeye uu ka dhaco Puntland, haddii la isku dayo muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda.

Maamulka Puntland ayaa ah kan kaliya ee aan wax muddo kororsi ah sameyn, ayada oo maamul goboleedyada kale ee dalka uu midkiiba hal sano ku daray muddada sharciyeed ee baarlamanka iyo madaxweyne goboleedka.

Balse Puntland ayaa waxay uga duwan tahay in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu yahay 5 sano, halka maamul goboleedyada kale iyo federaalka uu yahay 4 sano. 

Gaas, oo sidoo kale soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland hal mar ay mudda kororsi soo martay, markaasna uu ka dhacay dagaal sokeeye.

“Puntland ku darsasho mar bay soo martay, 2001-dii bay hayd, Cabdullaahi Yuusuf baa sameeyay, wixii ka dhacay waa la ogaa civil war (dagaal sokeeye) bay abuurtay,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa kamid noqday siyaasiyiinta sida weyn uga digaya in Puntland lagu dayo mudda kororsi, haddii taasi dhacdana ay horseedi doonto qalalaase siyaasadeed iyo amni-xumo baahsan.

Dhinaca kale, Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in doorashooyinka golayaasha degaanka lagu qaban karo qof iyo cod, haddii ay dowladda ka go’antahay in ay hirgeliso doorashooyinkaas.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa 18-kii September sheegay in doorashada madaxtinimada Puntland ay ku dhici doonto waqtigeedii 8-da January 2024, islamarkaana aanu waxba iska beddelin jadwalkaas.

Ciidanka gaaray Sh/Dhexe oo ku dhowaaday deegaan muhiim u ah Al-Shabaab

Cadale (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gaaray deegaanka Geel-gub oo kaabiga ku haya halka loo yaqaano Masjidka Cali Gaduud ee gobolka Shabeellada dhexe.

Sida lagu baahiyey warbaahinta Dowladda Ciidanka hada gaaray Deegankan Geel-gub ayaa ah ciidan ka baxay magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab.

Ciidamada iyo sarakiishii hoggamineysay ayaa sheegay in si nabad ay ku galeen deegaankaas haddana ay ciidanku howlgallo ka wadaan, lamana sheegin wax dagaal ah oo ka dhacay.

Qabsashada ciidamada dowladda ee deegaanka ayaa kusoo aadeysa iyadoo kooxda Al-Shabaab ay shalay goobta Masjidka Cali Gaduud ee gobolka Shabeellada Dhaxe kusoo bandhigeen dad shacab ah oo hubeysan, kuwaas oo ay ku sheegeen inay la dagaalami doonaan ciidamada dowladda.

Dadkaasi ayaa xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa in la qasbay looguna hanjabay dil si ay Shabaabka ugu muujiyaan in shacabka deegaanka ay kasoo horjeedaan ciidamada dowladda. 

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka iyo gaadiid dagaal oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa kusii qulqulaya degmada Cadale ee gobolkaasi, halkaasi oo noqon doonta xarunta laga hayo duulaanka Al-Shabaab looga xoreynayo Shabeellaha Dhexe.

Gulufkaan qayb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sida Cismaan Xaadoole, Maxamed Cajiib iyo Maxamuud Abuukaate.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay abaabulka ka socdo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in howlgalkooda uu ku wajahan yahay deegaanka Masaajidka Cali Gaduud, halkaas oo ay haatan ku sugan yihiin xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa dhankooda wacad ku maray in aysan ka soo laaban doonin deegaanada ay qabsadaan illaa ay ka gaarayaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay saldhigyo iyo goobo caafimaad ku leeyihiin xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib kulan ay Beesha Mudulood ku yeelatay Muqdisho, kaas oo ay uga dhowaaqday duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilaabanayo deegaanada beesha ee ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Xog: Yaa u kala dabqaaday Xasan Sheekh iyo ABIY?

0

Addisi-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay tan iyo dib u doorashadiisii ku tegay magaalada Addis Ababa booqasho hawleed labada maalmood ah Arabacadii September 28, 2022. Booqashada ayaa ku soo beegantay xilli xiriirka labada dal uu soo galay madmadoow.

Ajendaha ugu sarreeyay ee wadahadallada ayey warbaahinta Turkiga ku tilmaamtay inuu diirrada ku hayay ganacsiga, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Labada dal ayaa wadagaaray heshiisyo kor loogu qaadayo xiriirkooda dhaqaale ka sokow, iskaashigooda arrimaha gobolka, waxaana lagu wadaa inay magacaabi doonaan guddi heer wasiir ah oo dhaqangeliya axdigaas.

Horaantii toddobaadkan ayaa labada dowlad isku waafaqeen kor u qaadista iskaashiga sirdoonka si si wax ku ool ah ay uga hawlgalaan argaggaxisada ah cadawga mideeyay. Socdaalku waxuu ka turjumayaa mudnaanta siyaasadeed uu Xasan Sheekh siinayo deris wanaagga.

Labada mas’uul oo ka wadahadley caqabadaha is-dhexgalka iyo fursadaha guud ee ka dhalan kara iskaashi ayaa isku waafaqay, iyadoo la dhowrayo midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida dal walba, in la kobciyo lana xoojiyo xiriirkii dalalka.

Walow, fagaare aan la isku dhaafsanin eedeymaha dal waliba ka tirsanayo midka kale, haddana si xushmad leh ayay madaxdu isku weydaarsadeen wixii ay kala tabanayeen.

Ragaadiddii booqashadii Xasan Sheekh ee Qaahira ayaa dowladda Itoobbiya ku beertay welwel iyo cabsi ah in uu dalka Masar ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) taageero siyaasadeed, iyo saldhig militeriba. 

Taas waxaa dheer, in Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ololeynayay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee gobolka uu geesmaray Itoobiya. Arrinkaas waxuu xoojiyay mala-awaalkii lahaa xiriirka labada dal waxuu gelini doonaa khalkhal isbeddelka hoggaanka dalka kaddib.

Falcelintii ugu horraysa ee Itoobiya ayaa noqotay dib u dhigiddii safarkii July 2022, uu ku tegi lahaa Xasan Sheekh, iyadoo ku marmarsiinyootay in jadwalka ra’iisul wasaaruhu uu aad u buuxo. Taas waxaa xigay ku xadgudubkii arrimaha gudaha Soomaaliya kaddib markii Addis Ababa ay gacansaar toos ah la yeelatay maamul-goboleedyo federal ah, iyadoo aan lagala tashan Villa Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, xogta ayaa sheegeysa in dalka Turkiga uu suurtag geliyay in Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed si fool-ka-fool ah arrimahooda uga wadaxaajoodaan si aan fursad loo siin shisheeyaha wax u dhimi kara nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

Turkiga ayaa tagaeero xooggan Abiy Ahmed ka siiya dagaalka Tigray-ga oo uu u adeegsado diyaaradaha drone ee Bayraktar, waana ku qasban yahay inuu maqlo Ankara. 

Diblomaasiyiinta gobolka qaarkood ayaa rumeysan aragti kale oo leh, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka odoyeeyay khilaafka kaddib markii labada madax oo ku wada baryay Nairobi is-bariidin waayeen.

Labada aragti waxaa barbar yaal mid ka wada duwan oo qabta in kacdoonka shucuurta qawmiyadda Amxaaradu uu walbahaar hor leh ku riday taliska Addis Ababa. Halka, Villa Somalia ay ka hoyo la’dahay in maamul-goboleedyadii federaalka ay ka wada siiban rabaan faraheeda.

Waxaa xaqiiqa ah in Itoobbiya ay kala daadan doonto haddii reer Galbeedka iyo Masaaridaba u adeegsadaan Xasan Sheekh hangool ay iskaga qabtaan Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki. Halka Xasan Sheekh uusan dalka u heli doonin xisillooni siyaasadeed iyo mid amniba ilaa uu iska soo oodo faragelinta deriska – Itoobiya iyo Kenya.

Cali Guudlaawe oo tallaabo culus qaaday maanta kadib qaraxyadii BELEDWEYNE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta qaaday tallaabo culus, kadib qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Isniintii ka dhacay xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Cali Guudlaawe ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah, si ay u qiimeeyo baaxadda khasaaraha ka dhashay saddexdii qarax ee todobaadkan ka dhacay halkaasi.

Madaxweynaha ayaa faray guddigan oo ka kooban illaa 9 xubbood, inay si deg deg ah u guda galaan howlaha shaqo ee loo  igmaday, si loogu gurmado dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne,

Xubanaha guddiga ayaa kala ah:-

1: Cabdiraxmaan Daahir Guure Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiyaha Guddiga.

2: Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Guddiga.

3: Maxamuud Wabar Xasan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Guddiga.

4: Saadaq Salaad Warsame Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xoghayaha Guud ee Guddiga

5: Cali Cabdulle Nuur Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle Xubin.

6: Muuse Salaad Wehliye Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Xubin

7: Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin.

8: Maxamed Faarax Cali Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Shir-Shabeelle Xubin

9: Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Xubin.

Sadexda qarax ee ka dhacday Beledweyne waxaa dhammaan loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey walxaha, waxaana fuliyey shaqsiyaad isa soo miidaamiyey, ayada oo dadka ku dhintay ay ka mid ahaayeen wasiirkii caafimaadka HirShabelle Zakariye Hurre iyo guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey.

Weeraradaan ayaa daba socday howlgallada ka socdo Hiiraan, kuwaas oo lagu beegsanayo xoogaga Al-Shabaab, kadib markii uu kacdoon shacab ka billowday gobolkaas, kaas oo Al-Shabaab lagu gaarsiiyey khasaare xoogleh.

 

 

Hay’adda DADSOM oo dhan ayaa in la kala diro u baahan

Aniga oo qayb ahaan bogaadinaya tallaabada uu Wasiir Ahmed Moallim Fiqi shaqada uga joojiyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (DADSOM), haddane waxaa xusid mudan in uu wasiirka ilduufay arrin aad iyo aad muhiim u ah oo ah in masuulka uu shaqada ka joojiyay iyo hay’adda uu madaxda ka ahaaba AYSAN LAHAYN JIRITAAN SHARCI AH.

Haddaba, si aan u fahamno sharciyad la’aanta hay’adda, bal aan dib u jalleecno SIDA AY HAY’ADDU KU SAMAYSANTAY?

6-di Luulyo, 2020 ayaa bogagga baraha bulshada ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha lagu shaaciyay qoraal sheegaya in masuulka shaqada laga joojiyay loo qaatay inuu noqdo Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka (Managing Director for the National ID Project), si uu usoo dhiso hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority). Arrinta muhiimka ah ee magacaabistan ku jirta ee in lagu baraarugo u baahan waxay tahay, in Mukhtaar Qooraansey loo magacaabay in uu maareeye ka noqdo mashruuc, loona xil saaray in uu soo dhiso Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, ee aan loo magacaabin in uu isla hay’adda maareeyo ka noqdo. 

Waxaa xigay in Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu kalfadhigiisa 8-aad, kulankiisa 3-aad oo qabsoomay 2-da Nofeembar 2020, ayna soo xaadireen 143 xildhibaan lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (DADSOM).

Waxaa sii xigay in 29-ki Diseembar 2020 uu Guddoomiye Ku Xigeenki 2-aad ee Golaha Shacabka oo markaas ahaa Ku Simaha Guddoomiyaha, Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu madaxweyne Farmaajo hindise sharciyeedka qabyada ahaa u gudbiyay si uu u saxiixo, madaxweyne Farmaajana kama daahine si boobsiis iyo kala tuur ah ayuu 1 maalin kadib u saxiixay.

Waxaa in la iftiimiyo mudan, in tallaabooyinka ay Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mahad Cawad qaadeen ay ahaayeen tallaabooyin sharci darro ah oo baalmarsan qodobbada 79 – 86 ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya Habraaca Sharci Dejinta Baarlamaanka oo dhigaya in hindise sharciyeed walba oo uu ansxiyo Golaha Shacabka ay waajib tahay in loo gudbiyo Golaha Aqalka Sare si uu isagana u ansixiyo. 

XITAA HADDII LAGA SOO QAADO IN HABRAACA SHARCIGA UU ANSAX YAHAY, waxaa xusid mudan in qodobka 10-aad ee sharciga, faqraddiisa 2-aad ay dhigayso in habraaca magacaabista Maareeyaha Guud ee Hay’adda ay ku soo billaabanaayo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha, oo ay xigto horgaynta iyo meelmarinta Golaha Wasiirrada, kuna soo dhamaanaysa magacaabis ku soo baxda xeer madaxweyne, magacaabista Mudane Qooraanseey oo iyada sharciga ka horraysay, ayaa ah mid aan marin habraacaas uu sharciga hay’adda jidaynayo. Haddaba, waxay u muuqataa in Wasiir Fiqi uu  si aan ku talagal ahayn sharciyad u siiyay Maareeye iyo Hay’ad aan jiritaan sharci ah lahayn. 

Dowladda cusub ee uu madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud hoggaamiyo waxaa la gudboon in Hay’adda DADSOM iyo hay’adaha lamidka ah ee aan sharciyada ku dhisnayn ay kala dirto, oo marki sharciyaddooda la saxo dib loo soo dhiso.

W/Q: Mustafa Caadle
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo soo saaray digniin culus oo ku socota odayaasha…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo ka qayb-galay kulan looga arrinsanayay howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin Odayaal dhaqameed iyo dad kale ee Al-Shabaab ula shaqeeya sida dadban iyo si toos ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dad badan ay u dhinteen kuna dhaawacmeen halka ay u barakaceen kuwo kale weerarada ay geysaneyso Al-Shabaab, islamarkaana xalka keliya ee looga gudbi karo uu yahay in wada-jir la isku kaashado.

“Deegaan weliba oo Soomaaliyeed shir noocaan ah ayaa ka socda, Soomaali meel weliba oo ay joogto waxa aan rabaa in ay warkeyga dhageysato, Waqooyi sow Soomaali ma degto, Puntland sow Soomaali ma degto, Dhuusamareeb, Cadaado, Guriceel & Xeraale ma dowladda difaacday, dadkaas soo iyaga wax iskama caabin, meel weliba oo dadkooda difaacday waxaa ka furan dekedo, iskuullo iyo ganacsi marka nin weliboow degmadaada intaas keenso,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in guud ahaan la dardar-geliyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay garab taagan tahay howl-galada socda.

“Deegaannada Soomaaliyeed labo ayay u kala baxayaan, kuwa heeryada iska tuura iyo kuwa suga illaa inta lasoo gaarayo, heeryada in la iska tuuro ayaa la rabaa, deegaanada miyaad maqli jirteen, rag dhiiggooda ayaad ku barateen, kuwa idinka maqan waa in aad nafta u hurtaan.”

“Waxaa la rabaa in dowladdu idin garab istaagto oo wixii idinka maqan idiin baadi-goobto, Isbitaalka Marka waxa uu u baahan yahay waddo, daryeel caafimaad iyo shaqo abuur, intaas oo dhan waxa ay ku imaanayaan dowladda iyo shacabka oo iskaashada.”

Abiy Axmed oo aqbalay inuu wadahadal la galo TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay si shuruud la’aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Hussein.

“Dowladda Itoobiya waxay aqbashay martiqaadkan wadahadallada nabadda kaas oo waafaqsan mawqifkayaga mabda’a ah ee ku saabsan in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka iyo baahida loo qabo wadahadal aan shuruudo ku xirneyn” ayuu kusoo Redwan Hussien kusoo qoray bartiisa Twitterka.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadka toddobaadkan, kaas ujeeddadu tahay in lagu soo afjaro colaadda laba sano jirsatay, sida lagu sheegay warqad ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Saddex ilo diblomaasiyadeed oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa xaqiijiyay jiritaanka warqadda 1-dii Oktoobar, oo uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki oo ku socotay Departition Gebremichael, oo hoggaamiya siyaasadeed ee Tigray.

Dowladda Itoobiya iyo madaxda gobolka Tigrayga ee waqooyiga dalkaasi ayaa labaduba sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka wadahadallada uu dhexdhexaadinayo Midowga Afrika, si loo soo afjaro dagaallada ay ku dhinteen kumannaan qof oo rayid ah.

Balse ma jiraan wax wadahadal ah oo rasmi ah oo dhacay, intii lagu guda jiray xabbad-joojin shan bilood ah oo socotay intii u dhaxaysay March iyo Ogosto, iyada oo markaas kaddibna uu dagaal xooggani dib uga bilaabmay guud ahaan goboblka Tigrayga.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika uu hoggaamin doono wada xaajoodka isagoo taageero ka helaya madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka.

 

Jubbaland oo ka hortegtay weeraro qaraxyo ah kadib..

0

Afmadow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaalia ayaa sheegaya in maanta ciidamada Jubbaland ay fashiliyeen qarax miino oo ay Al-Shabaab qorsheeyeen inay ka geysteen degmada Afmadow ee gobolkaasi.

Ciidamada daraawiishta Jubbaland oo sameeyey howlgallo amni xaqiijin ah ayaa ka hortegay qaraxaas oo lagu diyaariyey suuqa xoolaha ee degmada Afmadow, waxayna ku guuleysteen inay qarxiyaan miinadaaas, ayada oo aan geysan wax khasaare nafeed ah.

Saraakiisha Jubbaland ayaa shaaciyey in ujeedka kooxda Al-Shabaab uu ahaa inay qaraxaasi ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah iyo ganacsatada ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay xog ka heleen dadka deegaanka, taas oo suura-gelisay in miinada ay soo saareen ciidamada ammaanka, kadibna ay qarxiyeen.

Jubbaland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadu ay weli wadaan baaritaano kale, si looga hortego weeraro qaraxyo ah oo ay suuragal tahay inay Shabaab ka fuliso halkaasi.

Howlgallada ay wadaan ciidamada Jubbaland ayaa waxaa horey sidaan oo kale loogu fashiliyey qaraxyo miino oo ay kooxda Al-Shabaab ku aastay duleedka Kismaayo, kuwaas oo uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaro dadka rayidka ah ee ku socdaala waddooyinkaas.

Muddooyinkii dambe ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka wada gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan magaallo xeebeedka Kismaayo oo haatan lagu diyaariyey ciidamadii ugu badnaa oo loo qorsheeyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha dabkii xalay ka kacay Kismaayo + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab geystay khasaare hantiyeed oo xalay ka kacay suuqa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dabka ayaa ka kacay qaybta shidaalka ee suuqa Kismaayo, waxaana ku bas beelay goobo ganacsi oo aad u fara badan, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada suuqa.

Waxaa nagu dhacday Musiibo Dab ah oo abaaro 9kii Fiidnimo ka kacay Suuqa Kismaayo gaar ahaan qaybta shidaalka, illaa 7 bakhaar ayaa gubatay, Maamulka Kismaayo ayaa soo gurmaday oo kaalin wayn ka qaadatay” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Kismaayo.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay dhacdadan ayaa u tacsiyeeyey ganacsatada reer Kismaayo, gaar ahaan kuwa uu khasaaraha ka soo gaaray dabka, isaga oo shaaciyey in ka maamul ahaan ay xanuunka la qaybsanayaan.

“Waxa aan xanuunka iyo dhibka la wadaagayaa ganacsatada ay hantidoodu ku gubatay dabkii ka kacay suuqa Kismaayo kuna fiday goobaha ganacsi, musiibada dabku waa mid kamid ah arrimaha nooga wada baahan maareynta” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo war qoraal ah soo saaray ayaa u rajeeyey ganasatada Kismaayo beddel khayr qaba.

Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dadka shacabka ah ee hantidooda ku wayay musiibada caawa ka dhacday suuqa ugu weyn ee Magaalada Kismaayo, Waxaana Alle uga baryayaa inuu badal khayr qaba ka siiyo hantida ay ku wayeen dabkaas. Waxaa Alle mahadii ah in lagu guuleystay daminta dabka iyada oo aaney jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka ayaa lagu  yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Gubashada suuqa Kismaayo ayaa qayb ka noqoneyso dhibaatooyinka soo noq-noqday ee ay la kulmaan ganacsatada Soomaaliyeed, ayada oo marar badan ay gubteen suuqyada waa weyn ee ku yaalla gudaha dalka.

Guterres oo shaaciyey arrin ay sameyneyso QM kadib qaraxyadii BELEDWEYNE

0

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa war ka soo saaray qaraxyadii Isniintii ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran.

Guterres ayaa marka hore si kulul u cambaareeyey weeraradaan oo ahaa kuwa ismiidaamin ah, isla-markaana lala beegsaday xerada Lama-galaay oo ay ku taallo xarrunta madaxtooyada HirShabelle.

Sida uu sheeyey Stethane Dujarric  oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, Guterres tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaasiyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Qaramada Midoobay auaa sidoo kale sheegay tallaabo ay qaadayaan, kadib qaraxyadaasi, isaga oo sheegay in inay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si ay u taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliya ee uu jiheystay dhismaha dal nabad ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda saddexdii qarax ee dhowaan ka dhacay magaalada Beledweyne, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof oo ay ku jiraan mas’yuuliyiin ka tirsaneyd HirShabelle.

Weeraradaan ayaa daba socday howlgallada Hiiraan, kuwaas oo lagu beegsanayo Al-Shabaab, kadib markii uu kacdoon shacab ka billowday gobolkaas, kaas oo Al-Shabaab lagu gaarsiiyey khasaare xoogleh.

Farriintii Shabaab ee shalay iyo gulufka BEEL miisaan culus oo ku wajahan dhowaan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Al-Shabaab waxay shalay weerar ku qaaday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Qaraxyo is xig xigay oo ay ku weerareen xarunta Lama-galaay oo ay badi ku shaqeeyaan maamulka HirShabelle iyo midka heer gobol, waxaa ku dhintay daraasiin dad ah oo ay ku jireen xubno kamid ah maamulka HirShabelle iyo dad shacab ah.

Qaar kamid ah madaxda maamulka HirShabelle ayaa inta badan laga saaray xarunta markii uu dhacay qaraxii labaad. Sanadkaan gudihiisa qaraxyo ay dad badan ku dhinteen ayey Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Beledweyne.

Qaraxyadaas hore waxaa la fahamsan yahay inay yihiin kuwa sababay in dadka reer Hiirana hubka qaataan oo ay Al-Shabaab toos ula diriraan.

Qaraxyada shalay dhacay waxay kusoo aadeen iyadoo kooxda Al-Shabaab laga saaray inta badan goobihii muhiimka ahaa oo ay ka joogeen gobolka Hiiraan, balse waxaa is waydiin u baahan sida laga yeelaayo xubnaha kooxda ee wei ku dhex nool magaalada Beledweyne.

Qaraxyadii shalay waxaa lagu micneeyey in kooxda isaga yareeneyso culeyska heysta oo ay ku muujineyso inay weli tahay awood jirta.

Reer Beledweyne inkastoo qaraxyadii shalay ay khasaaro xooggan kasoo gaartay, haddana waxay qaraxyadaasi siiyeen baaq ah inay gudaha Beledweyne ka billaabaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaabka ku dhex dhuumanaya magaaada Beledweyne iyo dadka garabka siiya.

Suurtagal maahan in koox calooshaada ku jirta aad banaanka ka raadiso, ayey leeyihiin xeel dheerayaasha dagaalka.

Qaraxyadii shalay ee magaalada Beledweyne ayaa la aaminsan yahay inay uga sii darayaan naceybka ay reer Hiiraan u qabaan Al-Shabaab iyo inay sii xoojin doonaan mabda’a dagaalka.

Dhinca kale, ciidan ku hubeysan in ka badan 20 gaari oo nooca dagaalka ah ayaa shalay galab ka dhaqaaqay magaalada Muqdisho, kuwaas oo xalay gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidankaan oo ku xisaab ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalaya dagaalka Al-Shabaab looga xoreenayo dalka, gaar ahaan deegaanada ay dagto beesha dhexe ee madaxweynuhu.

Ciidankaani waa horudhac tiro intaasi ka badan ayaana la filayaa inay ku biiraan kadibna loo qeybiyo jihooyinka dagaalka, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa ciidankan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmahaan la waydiinayey sababta uu reerkiisa ugu qancin la’yahay inay soo galaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayey tani xujo fur u tahay.

Marka la eego cududda ciidan oo ay reerkaan heli karaan iyo awoodda yar ee Al-Shabaabka dhulkooda jooga waa wax aad isku diidaya.

Ciidankaan waxaa la filayaa inay soo afjaraan Al-Shabaabka jooga gobolka Shabeellaha Ddhexe iyo qeybo kamid ah gobolka Galgaduud oo ay beeshaasi dagto.

Dhanka kale, wararka ka imaanayo deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxa ay sheegayaan in halkaas ay dib ugu laabteen ciidankii deegaanka ee dhawaan ka baxay.

Kooxda Al-Shabaab waxay wajaheysaa culeyskii ugu ballaarnaa waxaana lasoo wariyey inay qaadeen maalmahaan tallaabooyin quus ah sida ceelal duugis, ceelal sumeyn, afduub shacab iyo qaraxyo umana badna in tallaabooyinkaasi ay ka badbaadin karaan awoodda dagaal ee ku socota.

Video: Haweenka Xamar oo soo bandhigay kaalintooda DAGAALKA Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay garab istaagaan ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Sacdiyo Yaasiin, wasiirka haweenka Soomaaliya Khadiijo Diiriye iyo qaar ka mid ah haweenka Muqdisho  ayaa bilaabay diyaarinta cunto fudud oo ciidanka loogu tala galay.

Haweenka ayaa xirtay dhar gaar ah waxayna ku dhawaaqeen inay u socdaan jiida hore ee dagaalka, iyagoo diyaariyey cuntooyin fudud oo maalmaha soo socda loo daabulayo jiidaha hore ee dagaallada ka socda gobollada dalka.

Marwo Sahro Cumar Xasan oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay furinta dagaalka tagaan, “Haweenka Soomaaliyeed garab istaaga waa lagu yaqaan gadaalna ma maraan maalmaha dagaalka, furintaan tegeynaa, cid aan ka cabsaneynana malahan,” ayey tiri Marwada Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay diyaariyeen agab badan oo sahay looga dhigayo ciidanka qaranka, inta ay dagaalka ku jiraan, “Wax walba ayaan diyaarinay goobo badan ayey ka socotaa howshu, inta halgankaan socdana ma jiifa doono,” ayey tiri, Khadiija Diiriye.

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa sheegtay in maanta ay soo xirteen dharkii ciidanka xaq u dirirka ah ee Macawiisleyda, “Dharkaan xarago uma aanaa xiran, waa kii ay xirnaayeen raga macawiisleyda ah ee is xilqaamay, ciidanka in maryahoodii aan la gashanay waxaan ku muujineynaa sida aan u garab taaganahay,” ayey tiri Guddoomiye Sacdiyo.

Hoos ka daawo

Qareenada MBS ka difaacaya Maxkamadda Mareykanka oo dood cajiib ah la yimid

Washington (Caasimada Online) – Qareenada dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan oo dacwado ku wajahaya Mareykanka sababo la xiriira dilkii 2018 ee Jamaal Khaashuqji, ayaa Isniintii maxkamadda u sheegay in xilka ra’iisul wasaare ee loo magacaabay toddobaadkii tegay uu siinayo xasaanad.

Khaashuqji, oo ahaa suxufi u dhashay dalka Sacuudiga oo deganaa Mareykanka, ayaa waxaa qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dhexdilay kadibna meydkiisa jarjaray saraakiil Sacuudiyaan, ayada oo sirdoonka Mareykanka ay rumeysan yihiin in dilka uu amray Maxamed bin Salmaan.

Amiirka waa uu beeniyey inuu amray dilka Khaashuqji, hase yeeshee waxa uu qiray inuu ku dhacay mas’uuliyaddiisa.

Toddobaadkii tegay, aabihiis Boqor Salmaan ayaa u magacaabay ra’iisul wasaaraha Sacuudiga, taasi oo sarkaal Sacuudiyaan ah uu ku macneeyey in rasmi laga dhigay howlihii uu markii horeba qabanayey.

“Dikreetada Boqortooyada shaki kuma jiro inay Amiirka Dhaxal-sugaha ah siineyso xasaanad ku saleysan maqaam,” waxaa sidaas yiri qareenada amiirka oo maxakamadda federaalka Mareykanka ee degmada Washington u gudbiyey codsi ay ku dalbanayaan in kiiska lagu gacan sayro, ayaga oo tusaale usoo qaadanaya kiisas kale oo Mareykanka uu ku aqoonsaday xasaanadda madaxda dalalka shisheeye.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo amiirka kula kulmay Sacuudi Carabiya oo uu booqday bishii July si uu ula yeesho wadahadallo amni iyo kuwa dhanka tamarta ah, ayaa Amiir Maxamed u sheegay inuu rumeysan yahay inuu mas’uul ka ahaa dilka Khaashuqji.

Biden waxa uu sheegay in Maxamed bin Salmaan uu beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa isaga oo xaqiijiyey in kuwii ku lugta lahaa lala xisaabtamay.

Khaashuqji oo siyaasadaha amiirka ku cambaareyn jiray maqaallo uu ku qoray Washington Post, ayaa qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul u tegay inuu kasoo qaato warqado uu ugu baahnaa inuu guursado Hatice Cengiz, oo ah muwaadin Turkish ah.

Kiiska dacwadda ee yaalla Washington ayaa waxaa diiwaan-geliyey Cengiz iyo koox xuquuqda aadanaha u doodda oo uu aas-aasay Khaashuqji, waxayna dalbanayaan magdhow aan la shaacin oo ka dhan ah ah amiirka.

Waxaa sidoo kale kiiska dacwadda ku jira 20 qof oo kale oo Sacuudiyaan ah oo la eedeysan Maxamed Bin Salmaan.

Dacwadda ayaa Maxamed bin Salmaan iyo kuwa la eedeysan ku eedeyneysa inay fuliyeen shirqoolka “si ay si joogto ah ugu aamusiyaan Khaashuqji” kadib markii ay ka war heleen inuu qorsheeyey in kooxda uu aas-aasay u adeegsado “madal uu ugu ololeeyo isbeddel dimoqraadi ah iyo sare u qaadidda xuquuqda aadanaha.”

Maxkamadda ayaa weydiisatay Waaxda Caddaaladda Mareykanka inay muujiso aragtideeda ku aaddan haddii Maxamed Bin Salmaan uu haysto xasaanad, ayadoo u qabatay inay jawaabta kusoo gudbiso kama dambeys 3-da October oo shalay ku beegneyd.

Hase yeeshee kadib markii Maxamed bin Salmaan ra’iisul wasaare loo magacaabay toddobaadkii tegay, ayaa Waaxda Caddaaladda waxay Jimcihii sheegtay inay dooneyso 45 maalmood oo dheeri ah oo ay jawaabta kusoo gudbiso “sababo la xiriira isbeddellada dhacay.”

Isnintii, garsooraha Maxkamadda John D. Bates ayaa ogolaaday codsiga muddo kordhinta, balse wuxuu sheegay in tani ay tahay muddo kordhinta kaliya ee uu ogolaanayo sababo la xiriiro caddeymo xooggan oo aan jirin.

Dowladda Mareykanka waa inay kusoo gudbisaa jawaabteeda kama dambeys 17-ka November ayuu Bates ku yiri go’aanka maxkamadeed.

REUTERS, VOA

NISA iyo booliska oo dusha loo saaray mas’uuliyadda qaraxyadii Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa ka hadlay qaraxyadii shalay gilgilay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu beegsaday xerada Lama-Galaay.

Wasiirka ayaa sheegay in dayac dhanka amniga ah uu sabab u ahaa in la qarxiyo xaruntii gobolka, maadama gawaarida soo gala magaalada ay leeyihiin dhowr barkantarool oo baara, sida uu sheegay.

“Waxa Beledweyne ka dhacay amniga ayaa sabab u ahaa, Saraakiisha amniga Beledweyne dayac ka yimid ayey dadka ku dhinteen shalay qaasatan Booliska iyo Nabadsugidda. Qaraxa waxa uu kasoo galay Buundooyinka oo uu kasoo gudbay, xarunta gobolka la qarxiyay,” ayuu yiri.

“Baabuur ayaa siduu u soo socday qarxiyay guriga Gobolka, mid kale ayaa qarxiyay bacadlihii, haddana mid kale ayaa qarxiyay iridii waardiyaha. Jekpoint-yo ayey soo mareen waa mas’uuliyad darro amniga sabab u yahay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedka Al-Shabaab ay ka leeyihiin qaraxyada ku gumaadayaan dadka uu yahay si hoos uga dhaco dagaalka ka dhanka ah ee uga socda duurka, sida uu hadalka u dhigay.

“Magaalada Jowhar baabuur uusan damiinan Nin Nabadoon ah ama Ganacsade ma soo galo, in magaalada uu baabuur iska soo galo amni darada ayey qeyb ka tahay. Waa in la baaro baabuurta si amniga uu damaanad u helo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga, islamarkaana loo midoobi sidii loo sii xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo uu sheegay in gabalkooda sii dhacayo.

Jeyte oo ka warbixiyay howl-galladii ugu dambeeyey ee ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo ka hadlay howl-galada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda gobolka ayaa sheegay in kooxda ka saareen deegaano badan oo sanado dhowr ah ay gacanta ku hayeen.

Guddoomiye Jeyte oo la hadlay VOA ayaa xusay in gobolka Hiiraan 85% laga saaray kooxda Al-Shabaab, islamarkaana firxad ku yihiin deegaano yar oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku daba jiraan.

“Dhul aad u ballaadhan ayaa hayna, waxay ku dambeeyaan (dagaal-yahaanada Al-Shabaab) meelo yar yar. Shabaab in lala diro oo la iska celiyo iyo in loo gacmo hoorsado waxaa kheyr iyo badbaado badan marka la iska celinayo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay falal arxan darro ah u geysteen shacabka Soomaaliyeed, ayna waajib tahay in la iska dhiciyo xili uu sii xoogeysanayo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waxay noqdeen fayras dilaa ah oo cidna ka badbaadeen oo caadeystay umadda Soomaaliyeed dhiigeeda. Qofkasta oo Soomaali ah in uu yiraahdo cid kuma aado oo indhaha laga daawado ayaa caado laga dhigtay, anagoo aragti ka duwan qaadaneyna arrintaas ayaa billownay dagaalka waxaana galay dad badan oo Soomaali ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalka socda ee ka dhanka ah argagixisada ay ka filayaan guul iyo in dalka si guud looga cirib-tiro Shabaabka caadeystay gumaadka shacabkeena, isagoo ku baaqay in si dhab ah looga wada qeyb qaato.

Dowladda oo amaro culus la xiriira Al-Shabaab dul dhigtay shirkadaha diyaaradaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa waxa uu maanta kulan la qaatay shirkadaha ka shaqeeya adeega duulimaadyada oo ku bahaysan daladda SATA.

Wasiirka oo fulinaya doorka wasaaradda ee la-dagaalanka Al-Shabaab ayaa waxa uu shirkadaha diyaaradaha ku amray joojinta nooc kasta oo macaamil ah ama lacago ah oo la siiyo kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in arrintani ay tahay go’aan dowladeed, islamarkaana ciddii fulin wayda ee ka hortimaada amarkaan laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Marnaba lama aqbali doono in dhaqaalaha laga qaado ganacsatada uu noqdo mid lagu xasuuqo shacabkeena Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya.

Ganacsatada ku bahoobay daladda duulimaadyada ee SATA ayaa dhankooda sheegay inay u hogaansamayaan awaamiirta kasoo baxday dowladda federaalka, taasi oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Shirkaan ayaa waxa Wasiirka ku wehlinayay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdicaziz Ibraahim Aadan.

Si kastaba, shirkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ee ah in ganacsatada ay joojiso lacagaha ay siiyaan argagixisada Al-Shabaab, kaasi oo ujeedkoodu yahay siddii xididada loogu siibi lahaa dariiq kasta oo ay lacago ku hesho Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi oo shaqada ka joojiyey agaasimihii hay’adda diiwaan-gelinta dadweynaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa xilkii ka qaaday maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey).

Maareeyaha xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyey shaqo xumo kala dhaxaysa Hay’addaha dowladda ka caawin lahaa dhaqangelinta aqoonsiga dadweynaha, wada shaqeyn la’aanta joogto ah iyo daahfurnaan la’aan dhanka shaqada ah, sida qoraalka lagu sheegay.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday Fiqi

Ku: Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed

Ku: Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed

Og: Wasir Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Og: Wasiir Ku Xigenka Wasaarada Arrimaha Guddaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisinta

Og: Ra’iisul Wasaaraha XFS

Ujeeddo: Shaqo ka joojin

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta;

Markuu arkay: Qodobka102aad ee Dastuurka KMG ee JFS.

Markuu Arkay Sharci Lr.30 ee 30 Juun 1984kii ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Markuu arkay: Qodobbadda 8aad iyo 10aad ee Sharciga Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed.

Markuu arkay: Shaqo Xumida Maareeyaha Hay’adda ee kala dhaxaysa Hay’addaha naga caawin lahaa dhaqangelinta Aqoonsiga Dadweynaha,

Markuu arkay: Wada shaqeyn la’aanta joogtada iyo Daahfurnaan la’aanta dhanka shaqada ah ee uu Maareeyuhu caadaystay.

Markuu Arkay in Maareeyuhu Caqabad uu ku yahay Fulinta iyo Dhaqangelinta hawsha Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ka mid ah hawlaha hortabinta u leh XFS.

Markey Cadaatay: in Maareeyuhu uu gacanta kula jiro hawlo ka baxsan hawlihii loo igmaday ee Hay’adda.

Markuu tixgeliyay: baahida loo qabo in la abuuro Jawi ku dhisan wada shaqeyn, Daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo in la socodsiiyo, lana dardargeliyo mashruuca Aqoonsiga Dadweynaha.

Wuxuu xeeriyay:

Qodobka 1aad:

Laga bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04/10/2022 waxaa shaqo ka joojin si ku meelgaar ah loogu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mudane: Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey).

Qodobka 2aad:

Waxaa hawlaha Shaqada Hay’adda si kumeelgaar ah usii wadaya Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda oo kaashanaya Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha kale ee Hay’adda.

Fulin Wacan

Mudane: Axmed Macallim Fiqi

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS

DAAWO: Abaabul ka dhan ah Al-Shabaab oo magaalada CADALE ka billowday

0

Cadale (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus iyo abaabul ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka bilaabay degmada Cadale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo dhacda dhanka xeebta.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka iyo gaadiid dagaal oo ka baxay magaalada Muqdisho ay xalay gaareen degmada Cadale ee gobolkaasi, kuwaas oo duulaan kusii ah deegaannada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa gulufkaan qayb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sida Cismaan Xaadoole, Maxamed Cajiib iyo Maxamuud Abuukaate.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadaan iyo saraakiisha horkaceysa ay saldhig dhigteen magaallo xeebeedka Cadale, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo milatari.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay abaabulka ka socdo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in howlgalkooda uu ku wajahan yahay deegaanka Masaajidka Cali Gaduud, halkaas oo ay haatan ku sugan yihiin xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa dhankooda wacad ku maray in aysan ka soo laaban doonin deegaanada ay qabsadaan illaa ay ka gaarayaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay saldhigyo iyo goobo caafimaad ku leeyihiin xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib kulan ay Beesha Mudulood ku yeelatay Muqdisho, kaas oo ay uga dhowaaqday duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilaabanayo deegaanada beesha ee ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, haddii Shabeelaha Dhexe uu ka bilowdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa la rumeysan yahay in culeyska uu ka yaraan doono reer Hiiraan oo haatan wajahaya xaalad adag, kadib qaraxyadii shalay ee  Beledweyne ee ay sheegatay Shabaab.

Sanbaloolshe oo shaaciyey in reer Hiiraan aysan sii wadi karin dagaalka Al-Shabab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka, isla-markaana kasoo jeedo gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobolkaasi.

Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in aysan sii wadi karin dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ay darameeyamaan culeyska in lagu fiirsaday dagaalka ay ku jiraan.

Xidlhibaanka ayaa sidoo kale farriin u diray qabaa’ilada kale, isaga oo ugu baaqay inay kala qayb qaataan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab, si horey loogu sii wado.

”Walaalayaalow qolo gooni ah ayuu culeyska heystaa dagaalka kaligeena masii wadi karno mana ka bixi karno hadii aysan beelaha kale nagala qeyb qaadan” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii uu sii socdo kacdoonka in laga adkaan karo Shabaab, maadaama haatan laga qabsaday deegaano dhowr ah, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay u baahan yihiin hub iyo inay garab ka helaan dowladda dhexe.

Hiiraan ayaa noqotay xudunta kacdoonka ka billowday Al-Shabaab, waxaana gobolka laga dareemayaa culeys amni, kadib qaraxyadii gilgilay magaalada Beledweyne ee gobolkaasi.