28.3 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Macawiisleyda iyo ciidamada DF oo dib ula wareegay deegaanka Yasooman

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyaadka Macawiisleyda ay maanta dib ula wareegeen deegaanka Yasooman oo dhaca bariga gobolkaaas ee bartamaha dalka.

Ciidamada huwanta oo qaaday howlgal culus ayaa Al-Shabaab dib ugala wareegasy deegaankan oo ka mid ahaa kuwii ay dhowaan soo baneeyeen.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan ay qayb ka ahaayeen diyaarado dagaal oo dhinaca cirka ah ka taageerayey ciidamada huwanta ee la wareegay gacan ku heynta Yasooman.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo horkacayey howlgalka ayaa meel fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka, wuxuuna ballan qaaday in aysan markale ciidamada huwanta dib uga soo bixi doonin deegaankaas oo ah mid muhiim ah.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka inay amniga kala shaqeeyaan ciidamada dowladda, si looga hortego weerarada Al-Shabaab ay ka geysato halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shababa, kaas oo deegaano dhowr ah looga qabsadau kooxdaasi.

Si kastaba, howlgalkan ayaa ku soo aadayo, xilli shalay qaraxyo ismiidaamin ah ay gilgileen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo geystay khasaare xoogleh.

C/samad Liibaan Maxamed: Ardaygii Xamar ka qortay Al-Shabaab ee iska dhiibay Dhuusamareeb (Sawirro)

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabdisamad Liibaan Maxamed oo seddax sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb.

Ninkaan ayaa sheegay inuu dhibsaday nolosha adag iyo dhaqamada kooxda Al-Shabaab, kadib mudo uu ku jiray howdka gobolka Galgaduud.

Ninkaan ayaa sheegay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa keydinta macluumaadka saldhigooda degmada Ceelbuur, wuxuuna kala soo goostay qori AK47 ah.

Isagoo arday ah oo dhigta dugsiga sare, ayuu sheegay inuu Muqdisho ka tegay, si kooxda Al-Shabaab uu ugu biiro.

Sidoo kale Cabdisamad wuxuu sheegay in meelo kala duwan lagu siiyey tababaro kala duwan oo ciidan, iyadoo markii dambena loo soo wareejiyey Galgaduud.

Ugu yaraan seddax sano oo kooxda uu ka barbar dagaalamaya hadda wuxuu sheegay inuu ku qanci waayey oo iskiis uu uga soo baxay, iskuna soo dhiibay dowladda.

Kooxda Al-Shabaab  ayaa waayahaan wajaheysa kacdoon shacab oo aad u culus, sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay in deg deg ay u soo afjari doonto Al-Shabaab.

Cosoble oo hal arrin u soo jeediyey Xasan Sheekh kadib qaraxyadii BELEDWEYNE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka kadib qaraxyadii Axadii shalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyn.

Cali Cosoble ayaa soo hadal qaaday dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan kacdoonka shacab ee ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha dalka.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa soo jeediyey hal arrin oo uu tilmaamay in looga mira dhalin karo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, taas oo ah in dalka geliyo xaalad deg-deg ah, si loo wajaho kooxdaasi.

“Dagaalka ay dowladda kula jirto Al Shabaab wuxuu mira dhalayaa oo keliya marka uu Madaxweynaha geliyo dalka xaalad deg-deg ah,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in howlgallada ka socdo HirShabelle ay guuleysan doonaan, isla-markaana kooxda Al-Shabaab laga saari doono maamulkaasi.

“Saadaasha waa in Hirshabeelle laga sifeyn doono argagixisada,” ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo ayadoo weli xaalad murugsan ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne, kadib qaraxyo ismiidaamin ahaa oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Kumuu ahaa C/llaahi Nadiir – Dhaxal-sugihii Al-Shabaab ee DF ay sheegtay in la dilay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Isniintii sheegtay in hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab. 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe shalay oo aheyd 1-dii Bishan October, waxaana lagu dilay Cabdullaahi Nadiir. 

“Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda waana mid ka mid ah kuwa ugu sharta badan Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Cabdullaahi uu horey usoo noqday madaxa shuurada iyo maaliyadda Al-Shabaab, ka mid ahaa aas-aasayaasha kooxda, islamarkaana ahaa dhaxal-sugaha xilka amiirka Al-Shabaab ee la qorsheeyey inuu beddelo horjoogaha kooxda Axmed Diiriye Abu Cubeydah. 

Cabdullaahi Nadiir ayaa waxaa madixiisa saarnayd lacag $3 milyan oo ay ku raadineysa dowladda Mareykanka.

Haddaba kumu ahaa Cabdullaahi Nadiir?

Dad ka mid ah kuwa sida dhow u yaqaan Cabdullaahi oo ka gaabsaday in aan haybtooda sheegno sababo amni awgood, ayaa sheegay in Cabdullaahi Nadiir uu ahaa da’ada 44 jirka, isla markaana ay qoyskiisa ka soo barakaceen Koonfur-galbeed kaddib “Abaartii Cagabararka” ee koonfurta Soomaaliya ka dillaacday sanadkii 1992. 

Cabdullaahi ayaa xilligaas da’diisa lagu sheegay dhowr iyo toban jir, waxaana ay qoyskiisa soo dageen deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye. 

Lama sheegin waxbarasho aasaasi ah oo uu helay, waxaase la tilmaamay in muddo kaddib uu u wareegay dhanka Muqdisho, halkaasna uu ku bartay culuumta kumbiyuutarka markii dambena noqday macallin kumbiyuutar. 

Markii uu si qarsoodi ah u soo shaac baxay ururka Al-Shabaab sanadkii 2004, waxaa la tilmaamay in Cabdullaahi Nadiir uu ka mid ahaa ragga aadka ugu dhow hoggaamiyhii hore Axmed Cabdi Godane, isla markaana uu ahaa gacan-yarihiisa. 

Godane ayaa Nadiir u magacaabay xafiiska warfaafinta ee Al-Shabaab, waxaana uu ka mid ahaa raggii diyaariyay barnaamijkii uu 2009 ururkaas aad ugu dhaliilay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilliyaas loo doortay madaxtinnimada Soomaaliya.

Dadka ka warramay taariikhda Cabdullaahi Nadiir ayaa sheegay in markii uu Axmed Cabdi Godane si buuxda ula wareegay hoggaanka uu fursad u waayay saaxiibkiis Cabdullaahi Nadiir, sidaana uu ugu wareegay dhanka Ibraahim Xaaji Jaamac (Ibraahim Afghan) oo ka mid ahaa hoggaamiyayaasha Al-Shabaab.

Nadiir iyo Afghan ayaa noqday saaxiibbo dhow. Axmed Godane iyo Ibraahim Afghan ayaa isku qabtay arrimo la xiriira hoggaanka ururka, waxaana taas ay keentay dagaalyahannada ururkaas inay bishii Juun ee 2013 Ibraahim Afghan ku dilaan Shabeellaha hoose.  

Dilkii Ibraahim Afghan kaddib, Cabdullaahi Nadiir oo ay kala irdhoobeen saaxiibkiisii hore ee Godane ayaa u cararay gobolka Gedo, waxaana uu halkaas ku dhuumaalaysanayay in muddo ah. 

Kaddib markii uu Mareykanka duqeyn ku dilay Axmed Godane bishii Sebteembar ee 2014, waxaa hoggaanka Al-Shabaab la wareegay Axmed Cumar Diiriye (Abuu Cubayda), kaasoo mar kale saaxadda ku soo celiyay Cabdullaahi Nadiir. 

Waxa uu noqday madaxa Golaha Shuurada iyo sarkaalka ugu sarreeya maaliyadda. Sidoo kale waxa uu Al-Shabaab u qaabbilsanaa waxa ay ugu yeeraan dacwadda.

Dadka yaqaan waxa ay ku tilmaameen nin mayal-adag, oo ay ku fog tahay afkaarta gaalaysiinta ama waxa loo yaqaan takfiirinta.

Waxaa u dhaxday haweeney la dhalatay Xasan Daahir Aweys oo uu dumaal ahaan ku guursaday kaddib markii uu ka dhintay walaalkiis. 

Isha: BBC

Daawo: Muxuu Roobow ka yiri kacdoonka dalka ka socda ee ka dhan ah Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka qeyb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka curtay qeybo kamid ah dalka.

Roobow ayaa sheegay in qof kasta laga rabo inuu ka shaqeeyo sidii loo sugi lahaa amniga, la isagana dhicin lahaa cid kasta oo diidan.

“Waxaa waajib ah inaan ka shaqeyno amniga, haddii intiina aad u istaagtaan inaad ammaanka ka shaqeysaan waa lagu guuleysanayaa, waa inaan ka shaqeyno sidii ay isaga celin laheyn cid kasta oo dhibaato ku ah amnigeena,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Nabi Ibraahim markii uu ummadiisa u duceynayey wixii ugu horreeyey ee uu Allah u waydiiyey waxay aheyd amni kadib ayuu irsaaq u waydiiyey, haddii aan ammaan la heysan arsaaqda waxay tahay ma lahan, waa la is boobayaa waa la is dhacayaa.”

Mar uu ka hadlayey kacdoonka dalka ka bilowday ayuu yiri “Waad ogtihiin hadda waddanka wuxuu galay inay iska dhiciyaan dadkaan balaayada noqday waa Al-Shabaab iyo wixii lamid ah, waa ogtihiin hadda gobolada oo dhan waxaa ka bilowday howlgalo la isaga dhicinayo.”

Roobow ayaa xusay in markii ay dowladda Soomaaliya go’aansatay in iska celiyo Al-Shabaab la arkay haween badan oo cunno iyo biyo la daba taagan ciidanka, taasi oo uu ku tilmaamay door fiican.

“Al-Shabaab waa kuwa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ka duminayo ceelasha oo ka gubayo guryaha, gabdhahana waxay ballan qaadeyn inay qeyb ka noqonayaan markii ay dowladda go’aan ku gaartay in la iska dhiciyo Al-Shabaab,” ayuu yiri Roobow.

Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa wuxuu hadalkiisa imaanayaa xilli uu dalka ka socdo kacdoonka looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab oo socdo gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Hoos ka daawo muuqaalka Roobow

DF oo la wareegtay guryo ku yaalla Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay in dowladda ay la wareegtay illaa 5 guri oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in guryahaas ay daganaayeen shabakad isku xiran oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu soo qabtay howl-galo ay ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ka sameeyeen Muqdisho.

“Guryaha waxay ka soo heleen sirdoonka hubka noocyadiisa kala duwan, daawooyin iyo qalab caafimaad, taasi oo keentay inay soo galaan gacanta dowladda. Dadkii lagu soo qabtayna waa xiran yihiin sharciga ayaa la marsiin doona, waana xukun sugayaal,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu uga digay shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho in ay guryo ka kireeyaan dad aysan aqoon u laheyn, isaga oo faray inay la socodsiiyaan degmooyinka cida ay ka kireynayaan guryahooda.

“Dadka Soomaaliyeed waxa u sheegayna in guryahood markay kireynayaan ay ogaadan dadka ay ka kireynayaan noociyadeeda oo waa inay tagaan degmada, guri kasta degmo ayuu ku yaalla. Marka waa inay xiriir la sameeyaan degmada oo la socodsiiyaan saldhiga booliska ee meesha ku yaalla.”

Guryaha ay la wareegtay dowladda ayaa waxaa lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo saldhigyo ka dhigtay guryahaas oo ku yaallo caasimada oo ay kireysteen, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Google, Twitter iyo Facebook oo loo maxkamadeynayo kiisas argagixiso (Aqriso)

Washington (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay Isniintii inay dhegaysan doonto laba dacwadood oo ka dhan ah shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha isgaadhsiinta bulshada, taas oo lagu eedaynayo shirkadahaasi inay qayb ku lahaayeen masuuliyadda weeraro argagixiso oo la qaaday, waxaana kooxda dacwoonaysaa ay doonayaan in shirkadahan lagu xukumo inay magdhaw bixiyaan.

Ehelada dad lagu laayey weeraro argagixiso oo ka kala dhacay Faransiiska iyo Turkiga ayaa dacweeyey shirkadaha Google, Twitter iyo Facebook, iyaga oo ku eedeeyey in shirkadahani inay ka caawiyeen kooxaha xagjirka ah inay faafiyaan fariimahooda, si ay dadka u xagjireeyaan isla markaana dad cusub u qortaan.

Maxkamadda Sare ayaa sheegtay inay dacwaddan dhegaysan doonto, inta lagu guda jiro, kal-fadhigoodan oo bilaabmay Isniintii, waxaana la filayaa inay ka go’aan gaadhaan inta ka horraysa dhammaadka bisha June ee soo socota. Maxkamaddu ma aysan sheegin, xilli gaar ah oo ay dhegaysan doonto dacwaddan, hase ahaatee waxaa la ogsoon yahay in jadwalka maxkamaddu uu buuxo bilaha October iyo November.

Mid ka mida kiisaska ay maxkamadda sare dhegaysan doonto ayaa ah, Nohemi Gonzalez oo ah 23 jir u dhashay dalka Maraykanka oo wax ka baranayey magaalada Paris. Ardayga ayaa ka mid ahaa illaa 130 qof oo ay weerar ku dileen kooxda ISIS, bishii November ee sannadkii 2015.

Ehelada Gonzalez ayaa dacweeyey shirkadda Google oo iska leh Youtube, iyaga oo sheegay inay ka caawisay kooxda ISIS inay soo bandhigaan boqollaal muuqaal ah oo gacan ka geystay hurinta rabshadaha iyo weliba inay qortaan taageerayaal cusub. Ehelada Gonzalez ayaa sheegtay in algorithms-ka computer-ada ee shirkaddu inay ka qayb qaateen faafinta muuqaallada kooxdaas, iyaga oo daawadayaasha gaadhsiinayey.

Hase ahaatee garsoore hore ayaa kiiskan Meesha ka saaray, waxaase dacwadooda ayiday garsoore ka tirsan maxkamadda racfaanka ee heer federaal, arrintaas ayaa keentay in la isula yimaddo maxkamadda sare si ay go’aan kama dambays ah uga gaadho.

Sida uu dhigayo sharci u yaalla dalka MAraykanka, gaar ahaan Qaybta 230 ee xeerka hufnaanta isgaadhsiinta, shirkadaha iska leh baraha bulshada ayaa laga dhaafay in loo qabsado arrimaha ay soo bandhigaan dadka isticmaalaya.

Kiiska kale waxaa qayb ka ah muwaadin u dhashay dalka Jordan oo lagu magcaabo Nawras Alassaf, kaas oo ku dhintay sannadkii 2017 weerar lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla Istanbul, ka dib markii ay weerareen xubno ka tirsan kooxda ISIS. Goobtaas waxaa ku dhintay illaa 39 qof.

Qoyska Nawras ayaa dacwad ku soo oogay shirkadaha Twitter, Google iyo Facebook iyaga oo ku eedaynaya inay taageereen falalka argagixisanimada, ka dib markii ay ka caawiyeen kooxda ISIS inay si weyn u kobocdo, ayna u adeegsato baraha bulshada inay gaadho meelo fogfog.

VOA + AP

Tigray-ga oo ka baxay qaar kamid ah magaalooyinkii ay haysteen + Sababta

Mekelle (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inay dagaal-yahanadooda kala baxeen qeybaha ay ka haysteen ee gobolka deriska la ah, si ay uga hortagaan weerar weyn oo ka socda waqooyiga.

Ciidamada dowladda taageera iyo kuwa Tigray-ga ee ay hoggaamiso kooxda TPLF ayaa dagaalkooda dib u billaabay dabayaaqadii August kadib shan bilood oo xabad joojin ah.

Dagaalkii ugu dambeeyey ayaa sidoo kale keenay in ciidamada Eritrea ay kusoo biiraan ayaga oo taageeraya kuwa federaalka Itoobiya iyo maleeshiyada taabacsan.

Mas’uuliyiinta Tigray ayaa goor dambe oo Axaddii shalay aheyd sheegay in kasoo saarista ciidamada ee qeybo ka mid ah gobolka Amxaara oo dhaca koonfurta gobolka Tigray ay lagama maarmaan u aheyd si looga hortaggo dagala kasii xoogeysanaya waqooyiga.

“Arrintan darteed, furinta koonfureed waxaan qeybo ka mid ah gobolka Amxaara ee aan horey u galnay kala soo baxnay ciidamadeena,” ayey ku yiraahdeen bayaan ay soo saareen mas’uuliyiinta gobolka Tigary.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dib u daadgureynta ciidamada ay socotay saddex maalmood, islamarkaana dib looga laaban karo haddii weerar uu kaga yimaado furuntaas mar kale.

Sarkaal ka tirsan dowladda Amxaarada ayaa AFP u sheegay in mucaaradka TPLF ay ka baxeen qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka.

Dagaalka hadda socda ayaa dib u billowday 24-kii August wuxuuna meesha ka saaray xabad-joojin jirtay illaa bishii March.

Dagaalka ayaa muddada labada sano ku dhow ee uu socdo waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaana laga diiwan geliyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo ay gaysteen dhammaan dhinacyada.

AFP

Bandow caawa lagu soo rogay Beledweyne iyo wararkii u dambeeyey ee khasaaraha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa caawa bandow lagu soo rogay magaalada Beledweyne oo maanta qaraxyo culus ay gilgileen, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha booliska ee magaaladaas Bashiir Xuseen, bandowgaan ayaa Beledweyne saaraa doona mudo 24 saacadood ah.

Taliyaha ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay guryahooda joogaan, maadaama laga cabsi qabo weeraro kale iyo qaraxyo loo maleynayo inay ku jiraan gudaha magaalada Baledweyne.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in mudadaas 24-ka saac ah ay ciidanku magaalada ka samey doonaan howlgallo culus, waxaana gudaha magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u badan, kuwaas oo galinkii dambe ee maanta lasoo dhoobay wadooyinka muhiimka ah ee magalaada Baledweyne.

Seddax qarax oo waaweyn ayaa maanta ka dhacay bartamaha magaalada, gaar ahaan halka ay ku yaallaan xafiisyada madaxda ugu sareysa maamulka gobolka, saraakiisha iyo masuuliyiinta dowlad goboleedka.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadaas, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, dadkii qabay dhaawacyada ugu daran ayaa caawa diyaarad lagu keenay Muqdisho, halka kuwo laga soo tegay ay dowladdu balan qaaday in berri diyaarad loo diri doono.

24-qof oo qaba dhaawacyadii ugu daraa ee qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa caawa laga soo dejiyey Muqdisho, kadib markii galabta ay dowladda Soomaaliya diyaarad u dirtay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in masuuliyiin, dad shacab ah, askar iyo saraakiil ciidan lagu dilay qaraxaas, isagoo tacsi u diray dhamaan dadkaas oo askar Jabuutiyaan ah ay ku jiraan.

Madaxweyne Xasan oo si kulul uga hadlay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa Xukuumadda ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladooda caafimaad, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray hay’adaha ammaanka heer federaal ee ku sugan Hirshabeelle iyo kuwa heer dowlad goboleed, in ay sare u qaadan feejignaantooda amni, kana hor tagaan falalkooda bahalnimada ah, maadaama Al-Shabaab lagu soo jabiyey furimaha dagaalka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada HirShabeelle in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta ciidamada xoogga dalka, si loo dhammeystiro xoreynta deegaannada ay argagixisadu ka soo maleegayaan dhagarta iyo gumaadka.

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, intaas ka badana waa ku dhaawacantay, dowladda ayaa diyaarado gargaar ah galabta ka dirtay Muqdisho, kuwaas oo caawa Xamar keenaya dhaawacyada ugu halista badan ee qaraxaas ka dhashay.

Daawo: Dhaawacyada 24 qof oo la keenay Muqdisho iyo Guudlaawe oo hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 24-qof oo qaba dhaawacyadii ugu daraa ee qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa caawa laga soo dejiyey Muqdisho, kadib markii galabta ay dowladda Soomaaliya diyaarad u dirtay.

Diyaarad galabta Muqdisho ka qaaday gargaar u badan mid caafimaad ayaa Beledweyne ka soo qaaday dhaawacyada 24-kaan qof ee caawa Muqdisho la kieenay, waxaana la sheegay inay jiraan dhaawacyo kale oo halis ah, lagana soo tegay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in masuuliyiin, dad shacab ah, askar iyo saraakiil ciidan lagu dilay qaraxaas, isagoo tacsi u diray dhamaan dadkaas oo askar Jabuutiyaan ah ay ku jiraan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale iyo Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr. Cali Xaaji ayaa sheegay in dhaawacyadii ugu daraa ee ka dhashay qaraxyadii Beledweyne ka dhacay caawa lasoo gaarsiiyey Muqdisho, waxayna dowladdu balan qaaday in dadka kale ee liita berri lasoo qaadi doono.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadaas, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, sidoo kale cabsi badan ayaa caawa ka jirta magaalada Beledweyne, waxaana laga baqayaa weerarro kale.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in weerarradaan bahalnimada ah ay Al-Shabaab dadka uga aargoosanayaan jabka culus ee furimaha dagaalka loogu geystay.

Cali Guudlaawe ayaa wacad ku maray in reer HirShabeelle ay deg deg isaga sifey doonaan Al-Shabaab, isla markaana ay noqa doonaan dadka ugu horeeya eek a nabad gala dhagartooda.

Hoos ka daawo

Khasaaraha qaraxyadii Beledweyne oo kordhay iyo Mareykanka oo war soo saaray

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacay seddex qarax oo geystay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo laba ka mid ah ay is-xigixgeen.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin iyo ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, qaraxyadaan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof, ayada oo labada qarax ee ugu horreeyey ay dhaceyn subixii hore ee maanta kuwaas oo ahaa kuwa lagu soo xiray gawaari.

Labada qarax ee hore ayaa lala beegsaday xarunta Lamagalaay oo fadhiisin u ah madaxda maamulka HirShabelle iyo kuwa gobolka, halka midka seddexaa oo uu fuliyey qof qarax isku soo xiray uu ka dhacay saldhigga weyn magaalada Beledweyne.

Qaraxyadii saakay ayaa waxaa la xaqiijiyey In dadka ku dhintay ay kamid ahaayeen wasiirkii caafimaadka HirShabelle Zakariye Hurre iyo guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, waxaana afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay inay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.

Beledweyne waxay xuddun u ahayd abaabulka dadka degaanka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ciidanka dawladda iyo maleeshiyaadka degaankaas tuulooyin badan uga qabsadeen Al-Shabaab.

Dhanka kale, safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa war kasoo saaray qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

War saxaafadeed lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee saraafadda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Mareykanku wuxuu cambaareynayaa weerarrada Al-Shabaab ee Beledweyne, oo lala beegsaday saraakiisha dowladda ee ka shaqeynayay sidii ay nabad uga dhigi lahaayeen gobolka iyo shaqaalaha caafimaadka ee u adeegayay dhaawacyada. Waxaan tacsi u direynaa dadka laga dhintay. Waxaan dadka Soomaaliyeed ku taageereynaa dagaalka ay ku raadinayaan nabad iyo mustaqbal fiican.”

Qaraxyadan ayaa imanaya ayada oo gobolka Hiiraan ay ka socdaan howlgallo xooggan oo kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo gobolka. Howlgalladan oo hadda socda muddo bil ku dhow, ayaa waxaa Al-Shabaab looga saaray deegaano badan.

R/W Xamza Cabdi Barre oo soo saaray amar deg deg ah kadib qaraxyadii Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo goordhoweyd ka hadlay qaraxyadii xooganaa ee ka dhaay Beledweyne ayaa amray in wasaarada caafimaadka iyo hay’addaha kale inay gurmad deg deg ah u fidiyaan dhaawacyada ka dhashay qaraxyadaas.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu si kulul u cambaareeyey weerarka qaraxyada ahaa ee maanta gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu beegsaday xerada Lama-Galaay.

“Falkaan wuxuu caddeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabad-diidku daadinta dhiiga dadka Shacabka ah, waana mid ay rabaan in ay ku niyad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda, dhiiga dadkeenna qiimaha badan ee maalin walba ay daadinayaan ma’ahaan mid looga hari doono,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii naftooda ku weeyey weerarkii qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay Beledweyne, isagoona Ilaahay uga baryey caafimaad deg-deg ah in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaas.

Ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisul wasaaraha ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaasi oo muddooyinkii dambe ka socday gobolada dalka.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta argagixisadu ka gaysteen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Kullanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay qaraxyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in qaraxyada kooxda nabad-diidka ah ay ka geysteen Beledweyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha, ay beegsanayaan shacabka birimageydada ah ee ku dhaqan magaalooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud ahaan hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee gulufka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Shabaab.

Qaraxyadaan ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan ayada oo ku geeriyoodeen mas’uuliyiinta ay kamid yihiin Wasiirkii Caafimaadka HirShabelle Dr. Zakariye Hurre iyo gudoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda Hiiraan Abuukar Maadeey.

Sidoo kale waxay dhaawacyo soo gaareen taliyaha ciidamada Daraawiishta HirShabelle Axmed Dirir iyo guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire.

Dhageyso: Guddoomiye Cali Jeyte oo ka badbaaday qaraxyadii Beledweyne oo ka warramay sida loo fuliyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo kamid ah masuuliyiintii ka badbaaday qaraxyadii maanta ka dhacay xerada Lama-Galaay ee magaalada Beledweyne ayaa waxa uu sheegay in uu ahaa bartilmaameedka kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye Jeyte oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in xiliga uu qaraxa dhacayay ay aad mashquul u aheyd xaruntu, isaga oo xaqiijiyay dhimashada dhowr askari oo kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.

“Waxa dhacay saaka fal fuleynimo ah, inta aan hadda xaqiiqsanahay dad badan oo shacab ah ayaa ku baaba’ay. Aniga xafiiska ku jiray dadkii hortiisa tubna waxay noqdeen dhimasho iyo dhaawac,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay illaa hadda xaqiijiyeen geerida Wasiirka Caafimaadka HirShabelle iyo Guddoomiye ku-xigeenka gobolka, ayna weli wadaan baaris la xiriirta khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.

“Nimankaas (Al-Shabaab) iyo anaga wey noo qooshan tahay waa niman fuley ah oo qaraxyadaas ayey dadka la eegtaan. Madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka wey badqabaan oo wey ila joogaan hadda.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay qaraxyadii maanta ay u daabulayaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyo meelihii kale ee adeeg caafimaad ka heli karaan, maadama kal hore uu qarax ku burburay isbitaalkii weyna ee magaalada Beledweyne.

Ugu dambeyntiina guddoomiyaha oo wax laga weydiiyay sida uu arko in argagixisadii uu ku baacsanayay duurka ay maanta ugu yimaadeen xafiiskiisa oo qarxiyeen ayaa waxa uga jawaabay, inay aheyd wax laga filan karo ayna tahay naf la caari tii u dambeysay.

“Haddii aad wax aad garaneyso ka shaqeynayso waxa kaga imaan karana waad taqaan. Hadda itaalkoodi waxa uu ku soo aruuray in qarax kusoo xidhaan baabuur, waxa kasoo afjarnay inay faltamaan oo xabad ridaan ayna galaan dagaal toos ah.”

Xoghayihii Golaha Shacabka BF oo is-casilay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayihii baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux ayaa iska casilay xilkii uu baarlamanka Soomaaliya u hayey sanado badan.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, xoghaye Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux ayaa is-casilaadiisa u gudbiyey guddiga joogta ee golaha shacabka.

Sababta uu isku casilay xoghaye Cabdikariim ayaa lagu sheegay inay tahay khilaaf soo dhex-galay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya guddoonka oo salka ku haya hab maamulka lacagta baarlamanka.

Buux oo ah qofka ugu sarreeya shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya, balse ana xildhibaan aheyn, ayaa lagu eedeeyey inuu lacag badan oo ka mid aheyd tan baarlamanka uu si khaldan u maareeyey.

Waxaa la sheegay in 350 qof oo shaqaale baarlamanka u qornaa laga helay kaliya 150 ayada oo 200 kale la sheegay inay ahaayeen magacyo aan jirin oo lacag un lagu qaadan jiray.

Waxaa sidoo kale dhowaan la ogaaday lacag ka badan hal miyan oo dollar oo aan la ogeyn halka ay ku baxday. 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo labadiisa ku-xigeen ayaa tan iyo intii loo doortay guddoonka baarlamanka 11-aad waxay wadeen in la saxo khaladaadkii uu sameeyey Buux.

Buux ayaa fursad loo siiyey inuu is-casilo ama xilka laga qaado, taasi oo uu aqbalay.

Aadan Madoobe ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu xilka uu baneeyey Buux ugu magacaabay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

Daawo: Shabakad ka tirsan Al-Shabaab iyo hub oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgallo ay ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ka sameeyeen Muqdisho.

Madaale ayaa shaaciyey in howlgalkan lagu soo qabtay shabakad isku xiran oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in haatan la soo xiray, loona gudbinayo maxkamad.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in xubnaha lasoo qabtay ay saldhigyo ka dhigteen guryo ku yaallo caasimada, kuwaas oo ay kireysteen, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada ammaanka maalmahaan waxay wadeen howlgallo ay ku sugayeen amniga caasimada iyo daafaha magaalada. Hay’adaha amniga howlahaas intii ay ku jireen waxay la kulmeen meelo badan oo Argagixisadu ay ka dhigteen saldhigyo ay gabaad ka dhigtaan oo gudaha magaalada Muqdisho ah,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay gacanta ku soo dhigeen hub fara badan iyo goob caafimaad oo loogu talagalay in lagu daaweeyo xubnaha ka dhaawacma Al-Shabaab.

“Ciidanka Nabad Sugidda howlgallo ay sameeyeen Usbuucii lasoo dhaafay waxay qaybteen illaa dhowr guri oo ay deegaan ahaan u dageen rag ka tirsan Al-Shabaab, meelaha qaarna waxay ka dhigteen isbitaallo ay ku daaweeyaan dhaawacyadooda, marka waxaa la soo qabtay hub noocyadiisa kala duwan yahay, daawooyin iyo qalab caafimaad,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay la wareegtay illaa 5  guri oo laga soo qabtay raggaasi, isaga oo sidoo kale uga digay shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho in ay guryo ka kireeyaan dad aysan aqoon ulahey.

Daawo: General Zakiya oo shaacisay saddex hab oo looga adkaan karo Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo maanta ka qayb-gashay kulan looga hadlayey  doorka haweeynka ee ku aadan xoreynta dalka ayaa ka hadashay dagaalka Al-Shabaab.

Zakiya Xuseen Axmed ayaa shaaca ka qaaday in ay muhiim tahay in loo wada istaago dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, si looga cirib tiro dalka oo dhan.

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale soo bandhigtay saddex hab oo looga guuleysan karo Al-Shabaab, waxayna ku talisay in loo diido guri, goof yo guur.

“Saddex shey haddii aan ku dadaalno Al-Shabaab dalkaan waa laga cirib tirayaa waxaa u diideynaa horta gurigeena waa ka mamnuuc, goofkeena wa ka mamnuuc, guurna mana geeyaan,” ayey tiri General Zakiya Xuseen oo khudbad ka jeedisay kulanka maanta.

General Zakiya ayaa sidoo kale sheegtay in saddexdaan qodob haddii la sameeyo in ay bannaanka soo istaagayaan Al-Shabaab, kadibna ay wajahayaan ciidamada Xoogga dalka.

“Intaas haddii aan u diidno banaanka iyo barxadda ayey is keenayaan ciidamada Xoogga dalka ayaana dhammeystiraayo,” ayey sii raaciyey.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay inay diyaar u yihiin la dagaalanka Al-Shabaab, si ay dadka Soomaaliyeed ugu noolaadaan sharaf iyo xasilooni waarta.

“Waxaan ku dhaaranay inaan dalka difaacno, Shahiidnimo ama inaan sharaf ku noolaano,” ayey markale tiri Generaal Zakiya Xuseen Axmed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn.

‘Aas-aasihii Al-Shabaab iyo ninkii beddeli lahaa Axmed Abu Cubeydah oo la dilay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab. 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe shalay oo aheyd 1-dii Bishan October, waxaana lagu dilay Cabdullaahi Nadiir. 

“Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda waana mid ka mid ah kuwa ugu sharta badan Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Cabdullaahi wuxuu horey usoo noqday madaxa shuurada iyo maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaasha kooxda, waana shakhsiga ay argagixisada u diyaariyeen in uu beddalo Horjoogaha bukaanka ah ee Khawaarijta Al-Shabaab ee dhiigga Islaamka baneystey, Axmed Diiriye.” 

Cabdullaahi Nadiir ayaa waxaa madixiisa saarnayd lacag, waxaana si wayn u doondoonaysay Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, waxaana ugu dambeyn soo helay sirdoonka qaranka ee Soomaaliya NISA, sida lagu yiri qoraalka. 

Cabdullaahi Nadiir oo loo yaqaan Cabdullaahi Yare ayaa waxaa $3 milyan oo dollar madaxiisa dul saartay dowladda Mareykanka. Wuxuu aad ugu dhowaa horjoogihii hore ee kooxda Al-Shabaab Axmed Godane.

Qoraalka madaxiisa lagu dil dhigay $3 milyan waxay dowladda Mareykanka ku sheegtay in Cabdullaahi uu adeegsan jiray magacyada: Cabdullaahi Yariisow, Cubeyd iyo Cabdullaahi Yare, uuna horey usoo noqday madaxa warbaahinta kooxda.

“Dilkiisu waa qodax laga siibay ummadda Soomaaliyeed oo ka nasan doonta dhagartii iyo marin habaabintii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed,” ayey tiri dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an in la ciqaabo dhammaanka xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online waxaa sidoo kale shalay dilay Ibraahim Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa wiilka wadaadka u xiran dowladda Soomaaliya.

Ibraahim ayaa lagu dilay duqeynka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, taas oo faahfaahin badan aan laga helin.

Dowladda Soomaaliya, weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin duqeynta lagu dilay wiilkii Xasan Daahir, sidoo kale xogtaani ma xusin in dad kale lala dilay Ibraahim.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegi karta in Ibraahim Xasan Daahir uu xiriir la lahaa Al-Shabaab iyo in kale, balse waxay xogtaani xaqiijineysaa in lagu dhex duqeeyey beertiisa. 

Wararkii ugu dambeeyay ee abaabul iyo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ka socda Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Maamulka Jubaland ayaa waxaa ka billowday dhaqdhaqaaq ciidan, oo loogu diyaargaroobayo guluf ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Jubaland ayaa dooneysa inay ku biirto hawlgallada ka soconaya qaybo ka mida gobolada dalka, ee ujeedkiisu yahay in Shabaabka lagaga xoreeyo dalka.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa abaabul iyo diyaargarow ciidan ka wada xeryaha ku yaala duleedyada magaalada Kismaayo.

Saraakiisha ayaa Sabtidii kormeeray xeryaha Ciidanka Daraawiishta, iyagoona ciidamada ku wargeliyay inay u diyaargaroobaan, sidii guluf mideysan loogu qaadi lahaa Al-Shabaab.

General Ismaaciil Saxardiid Keydsane oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay inay ka qayb qaadanayaan hawlgalada uu yoolkoodu yahay in lagu wiiqo Shabaab.

“Waad ogtihiin dalka Somaliya waxaa ka socdo maanta, dadkii shacabka ahaa ayaa waxay go’aansadeen inay iska dulqaadaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab, annagana wixii hadda ka dambeeyo dhufeyska aad ku jirteen muddada dheer ee 8-da sano ku dhow, kuma sii jiri doontaan, Insha’Allah. Waan kacaynaa, dhufeyskana waan ka baxaynaa, goobaha ay jooggaan iyo meelaha ay naga soo weerarayeen baan aadaynaa,” ayuu yiri General Ismaaciil Saxardiid.

General Keydsane ayaa yiri “Waxaan haysanaa Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland oo isku xiran, gacmo wadajir bay wax ku gooyaanee oo maanta is haysto oo is taageerayo, baahida aad qabteena soo haqabtireyso.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbaland, General Maxamed Sheekh Cabdi Xujaale ayaa isna yiri “Howlaha dhaqaaqay aad arkaysan ee dabeysha ah ee meel walba ka dhaqaaqay ee sifeynta cadowga ah ayaa la gelayaa.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaad sugeyseen oo maanta wax idinkaga farxad badan ma jiro in la idiin yiraahdo berri Jamaamaa la tagayaa ama Xagar ama waxaa la qabanayaa Jilib, wax idinkaga farxad badan inaysan jirin waan ogahay. Waa waxaad sugeyseen, wixii la sugaaba mar bay dhacaan, Ilaahay baa ku mahadsan, waana xaqiijin waxa taagan ee dhaqaaqi lahaa, sidii ay u dhaqaaqi lahaayeen xaqiijinteeda weeye.”

Guudlaawe oo war kasoo saaray qaraxyadii Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ka hadlay qaraxyadii magaalada Beledweyne ee lagu qaaday xerada Lama-Galaay ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Allaha u naxariistee masuuliyiintii iyo shacabkii ku dhintay weeraradaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay cadow ku yihiin jiritaanka umadda ayna caadeysteen gumaadka iyo daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay ku jabeen dagaaladii u dambeeyay ee lagula galay deegaanada gobolka Hiiraan.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne waxa ay ka marag kacayaan sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah ay uga qeyb-galaan howl-galada dalka looga saarayo Al-Shabaab, kuwaaasi oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee hubka qaatay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxyada in hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Qaraxyadaan ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan ayada oo ku geeriyoodeen mas’uuliyiinta ay kamid yihiin Wasiirkii Caafimaadka HirShabelle Dr. Zakariye Hurre iyo gudoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda Hiiraan Abuukar Maadeey.

Sidoo kale waxay dhaawacyo soo gaareen taliyaha ciidamada Daraawiishta HirShabelle Axmed Dirir iyo guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire.