28.3 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

CC Shakuur oo ka digay in sidii magaalada Kabul oo kale ay ka dhacdo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa isa-soo taraya walaaca laga muujinayo in dhex looga tago howl-galadaan culus oo durtaba guulo taariikhi ah laga gaaray.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay haddii kooxda Al-Shabaab la siiyo fursad ay ku guuleysato inay Soomaaliya ka dhici doonto wixii kal hore ka dhacay Afghanistan.

“Argagixisada (Al-Shabaab) hadii ay naga adkaadan waxaa na sugaysa sidii Kabul la isugu dilayay diyaarada oo madaxweynaha Afghanistan uu hal subax soo cararay masiirkaasa na sugaya, haddii aan ka adkaanana nabad-galyo, baraare iyo barwaaqo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in xifaaltanka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaashaha dhinac la iska dhigo oo loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga gaaro guul dalkeena lagu xoreeyo.

“Dagaalka socda ee lagula jiro argagixisada waa wixii la dhihi jiray kala bax, haddii ay adkaadan iyaga ayuu u hadhaya dalka, haddii laga adkaadana Soomaali ayaa guuleysaneysa marka waa dagaal Soomaaliyeed ee ma aha dagaal Xasan Sheekh, dagaal Xamse iyo mid deegaaneed ma ah, waxa la isku haysta masiirka Soomaali.”

Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay in argagixisada Al-Shabaab ay dadka Soomaaliyeed ka hortaagan yihiin noloshooda, maal-gashiga iyo wax walba oo dal ku horumari karo, sidaas darteed ay waajib tahay in qofkasta u istaago iska dhicintooda.

“Waa soo kabanayna laakiin in aan noolaano waxa naga hortaagan argagixisada, qofkii maalgashan lahaa dalka waxa hortaagan argagixiso. Dalkii waxa uu noqday dal u xaniban oo u afduuban argagixiso.”

Somaliland: Maxaa ka dhalan kara diidmada mucaaradka ee muddo kordhinta Biixi?

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa Sabtidii muddo kordhin labo sano ah u sameeyay madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi Cabdi, xili ay muddooyinkii dambe khilaaf xoogan ka taagnayeen arrimaha doorashooyinka.

Go’aanka Golaha Guurtida oo durtaba abuuray khilaaf hor leh ayaa dhigaya in 13-ka bisha 12 ee 2024 ay qabsoomeyso doorashada madaxweynaha Somaliland.

Musharaxiinta xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa si adag uga horyimid muddo kordhinta uu sameeyay Golaha Guurtida, ayaga oo ku tilmaamay in uu yahay sharci daro bareer ah.

Mowqifka mucaaridka ayaa ahaa mid hore loo sii saadaalinayay, maadama ay muddooyinkii dambe xukuumadda Muuse Biixi isku hayeen qabsoomida doorashada.

Go’aanka Guurtida iyo diidmada mucaaridka ayaa waxa uu Somaliland galinayaa qalalaase siyaasadeed oo hor leh, waxaana durtaba banaanka u soo baxaya qorshaha mucaaridka ee ku aadan arrintaan.

Mucaaridka ayaa isku raacay in wixii ka dambeeya 13-ka November aysan u aqoonsaneyn Muuse Biixi in uu yahay madaxweynaha Somaliland, wixii ka yimaadana go’aanka cusub uu madaxa u ridan doono.

Sidoo kale waxa soo baxeysa in mucaaridka uu qorsheynayo dhismaha dowlad kumeel gaar ah marka la gaaro 13-ka November, taasi oo uga sii dari doonta xiisada hadii aan ka hor wax laga qaban.

Si kastaba, Tallaabada ay qaadeen Golaha Guurtida ayaa kusoo aadeysa todobaad kadib un markii uu guddiga doorashada Somaliland ku dhowaaqay in uusan xiligeeda ku qaban karin doorashada, uuna u baahan yahay ugu yaraan ilaa 9 bilood oo dheeraad ah.

Tirada dadka ku dhintay duufaanta ku dhufatay Mareykanka oo korortay

Florida (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay duufaanta la magac baxday Ian inay sii kordheen, waxaana haatan ay tiradaasi maraysaa illaa 51 qof. Shaqaalaha samatabixinta ayaa weli ku jira baadi goobka dadka ku hoos jira goobaha ay duufaantu burburisay, gaar ahaan meelaha ay duufaantu sida xun ugu dhufatay ee ku yaalla dhinaca Koonfur Galbeed ee gobolka Florida.

Duufaantan ayaa ah, mid ka mida duufaanadii ugu awoodda badnaa ee ku dhufta dalka Maraykanka, waxaana ay sababtay inay dhulka la sinto guryo badan oo ku yaalla xeebaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla gobolka Florida.

Deanne Criswell oo ah madaxa hay’adda xaaladaha degdegdegga ah ee Maraykanka ayaa u sheegtay telefishanka CNN, gaar ahaan barnaamijka “State of the Union” in kooxaha samatabixintu inay haatan ku hawlan yihiin sidii ay u gaadhi lahaayeen guri walba oo ku yaalla meelaha ay duufaantu waxyeellaysay, si ay u hubiyaan bedqabka bulshada.

Gobolka Florida, waxaa haatan bilaa koronto ah In ka badan 800,000 oo guri.

Duufaanta Ian oo ka timi dhinaca badda ayaa meelihii ay dhinaca berriga ka soo bilaabantay waxaa ugu horreeyey xeebaha ku yaalla dhinaca Koonfur-Galbeed ee gobolka Florida, iyo weliba xeebaha gacanka Mexico. Hase ahaatee dhimashada ugu badan ayaa laga diiwaangeliyey degmada Lee, halkaas oo aan ku jirin meelihii markii hore la saadaalinayey inay duufaantu ku dhufato.

Criswell oo markale la hadashay Fox News Sunday ayaa sheegtay in casharka ugu weyn eel aga baranayo duufaanada ku soo noqnoqday dalka Maraykanku inay tahay, in shacabka Maraykanka ahi inay ogaadaan halisaha jira iyo meelaha ay tahay inay ku noolaadaan iyo sida ay muhiimka u tahay in dadku ay leeyihiin caymiska fatahaadaha, si aad u ilaalisaan hantida qoyskaaga.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu maalinimada Isniinta inuu safar ku soo maro gobolka Puerto Rico oo ay duufaantu hore ugu dhufatay bishii hore iyo gobolka Florida, si uu u soo qiimeeyo khasaaraha soo gaadhay labadan gobol.

Gobolka North Carolina oo ay duufaantu gaadhay ayaa sidoo kale xaqiijiyey in duufaantu ay ku dishay gobolkiisa illaa 4 qof.

Shirkadda CoreLogic oo khu takhasustay qiimaynta hantida, ayaa sheegay khasaaraha ay dabayluhu soo gaadhsiiyaan guryaha iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla gobolka Florida, inay shirkadaha caymiska ugu kici doonto lacag gaadhaysa illaa $32 billion oo dollar, halka khasaaraha ka dhasha fatahaaduhuna uu shirkadaha caymiska ugu kacayo illaa $15 billion oo dolar.

VOA + AFP

Mas’uuliyiin ku dhintay qaraxyadii Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo maanta gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kuwaas oo ahaa ismiidaamiin, sida ay shaaciyeen laamaha amniga.

Qaraxyada oo ahaa labo ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari nooca xamuulka qaada, waxaana lagu weeraray xerada Lama Galaay oo ay ku taallo Madaxtooyada HirShabelle.

Ilo wareedyo kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta, halka qaraxa labaad uu isna ka dhacay gudaha dhismaha la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada ay haatan gaareyso illaa 10 qof oo isugu jiro mas’uuliyiin, askar iyo dad kale oo shacab ah.

Mas’uuliyiinta geeriyootay waxaa ka mid ah Wasiirkii Caafimaadka HirShabelle Dr. Zakariye Hurre iyo gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda Hiiraan Abuukar Maadeey, halka ay dhaawacyo soo gaareen taliyaha ciidamada Daraawiishta HirShabelle Axmed Dirir iyo guddoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana socda tirakoobka khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaan oo sidoo kale geystay burbur xoogleh.

Weerarkan qaraxyada loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa ku soo aadayo, xilli Hiiraan ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Qaraxyada ka dhacay Beledweyne ayaa sidoo kale yimid saacada uun, kadib markii ay dowladda Soomaaliya shaacisay in howlgal ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ah aasaasayaashii Al-Shabaab.

DEG DEG: Qarax saddexaad oo ka dhacay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Qarax saddexaad ayaa goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, oo saaka ay laba qarax oo waa weyn ka dhaceen. 

Qaraxan ayaa wararku ay sheegayaan inuu ka dhacay dhabarka dambe ee saldhigga booliska magaalada Beledweyne, welina ma cadda khasaaraha ka dhashay

Dhowaaqa qaraxan ayaa meelo fog laga maqlay, waxaana xoogiisa la gariiray guryaha magaalada, ayada oo kadib qaraxana la maqlay rasaas xooggan. 

Labadii qarax ee saaka, ayaa qaraxa koowaad waxa uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada maamulka HirShabeelle ee Lama-galaay, halka qaraxa labaad uu isna ka dhacay gudaha dhismaha la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada labadii qarax ee hore ay haatan gaareyso illaa 10 qof oo isugu jiro mas’uuliyiin, askar iyo dad kale oo shacab ah.

Qaraxyo is-miidaamin ahaa oo ka dhacay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wrar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ismiidamain ah oo goordhow laga maqlay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaana xigay rasaas, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada lagu bartilmaameedsaday xerada Lama Galaay oo ah halka ay ku taallo xarunta madaxtooyada maamulka HirShabelle, isla-markaana ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta sar sare ee maamulkaasi iyo sidoo kale kuwa gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay. sidoo kale khadka isgaarsiinta ayaa cuslaaday, kadib qaraxyadaas.

Wixii soo kordho kala soco: Caasimada.net

Daawo: Taliye Shub oo shaaciyey sababtii uu Giridhi ugu bedelay ninkii Leelkase

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano Taliye Shub ayaa faahfaahin ka bixiyey sababtii uu ciidanka uga saaray ninkii u dhashay beesha Leelkase ee Giridhi uu ku bedalay.

Xildhibaan Mahad oo maalmo ka hor ciidan badan kula hadlayey magaalada Baydhaba ayaa ciidankii ka dhex aqooday nin uu horay ugu soo daray oo Giridhi uu u bixiyey.

Markii uu aqooday askarigaas wuxuu Mahad soo xasuustay sidii uu Giridhi ku soo galay ciidanka, wuxuuna goobtaas ka sheegay in nin u dhashay beesha Leelkase uu ka cayriyey ciidanka, isla markaana uu qoray Giridhi oo qaatay lambarka askarigii laga saaray ciidanka.

Hadalkaas ayaa aad ugu faafay baraha bulshada, waxaana ka dhalatay falcelin badan, iyadoo dadka qaar ay arrintaas ku sifeeyeen isir-nacayb uu Taliye Shub ku kacay.

Maanta ayuu Taliye Shub mar kale soo fariistay TV-ga Koonfur Galbeed, wuxuuna ka sheekeeyey sababtii uu ciidanka uga cayriyey askarigii Leelkase.

Wuxuu sheegay in ninka la cayriyey uu la qabsa waayey shaqada ciidanka, isla markaana uu ahaa nin Abwaan ah oo qaadka cuna, wax niyad ahna aan u heyn shaqada ciidanka.

“Waxaan taliye dugsi tababar ka ahaa degaanka 20-jirow, waxaa halkaas la isugu keenay ciidan boolis ah oo laga kala keenay Buuhoodle, Laascaanood iyon Ceerigaabo, 3 bilood ayaan dugsiga 20-jirow ku haye 250 askari, ninka magacaan leh oo askarigaan aan booskiisa ku qoray wuxuu ahaa nin Abwaan ah oo shaqada askarta aan qaba karin,” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan.

Wuxuu intaas ku sii daray in ninka uu cayriyey uu u dhashay magaalada Galdogob ee gobolka Mudug, “Wuxuu la qabsa waayey dugsigii tababarka iyo shaqadii socotay, nin cagaarka/qaadka cunana wuu ahaa, bil iyo wax ka badan ayaan ku heynay halkaas, kadibana waan iska fasaxnay oo cidiisii ayaan u dirnay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xiligaas uu ciidanka booliska Soomaaliyeed Taliye ku xigeen ka ahaa nin u dhashay beesha Leelkase, isla markaana uu ka warqabay hanaanka tababarka iyo ciidanka looga reebay askarigaas.

“Nin midab takoor lagu eryey maaheyn, ninkii si kale wax u qaatayow ka raali ahaaw, aniga iyo reer Galdogob wax dhibaato ah nama dhexyaalaan, marka kuwa Facebook wax ku qora waxaan leeyahay dadka ha isku dirinina,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano Taliye Shub.

Hoos ka daawo

Siyaasiyiinta Somaliland oo ka walaacsan tallaabadii uu Xasan Sheekh qaaday + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlayey mudo kororsigii loo sameeyey Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaaleyso, isagoo tusaale u soo qaatay codsigii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay adduunka u direen oo ahaa in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Faysal in Soomaaliya aysan hubkaas u qaadaneyn Al-Shabaab, wuxuuna dadka reer Somaliland ku cabsi geliyey in ayaga ay hubkaas u dalbaneyso dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu booqashada ku tegay Itoobiya waxaa isaga iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay si wadajir ah usoo saareen baaq QM looga codsanayo in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka.

“Waad ogtihiin waxa maanta Geeska Afrika ka socda iyo sida Soomaaliya ay u dadaaleyso, Xasan Sheekh wuxuu hadda codsaday in cunaqabateynta hubka laga qaado, laakiin waxaan adduunka u sheegayaa, hubkaas yaan la fasixin, waa fidno kalee, yaan Soomaaliya laga qaadin cunaqabateynta,” ayuu yiri Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Reer Somaliland waxaan leeyahay hubkaasi Shabaab uma socdee, idinkaa la idin dalbanayaa, kaalintii Somaliland waxaa baneeyey Muuse Biixi, Adduunkii waa ka harnay.”

Faysal Cali Waraabe ayaa shacabka Somaliland hor dhigay inay kala doortaan inay qaran noqdaan oo is doortaan iyo inay noqdaan “Dukaan Muuse Biixi leeyahay.”

Wuxuu dowladda Somaliland ku eedeeyey in shacabka abaartu heyso aysan u gurman, taas bedelkeedna, wuxuu xukuumadda Muuse Biixi ku eedeeyey inay kala qeybineyso dadka reer Somaliland.

“Maxamed Siyaad Barre waxaa ka xun ninkii na kala qeybiya, Maxamed Siyaad waa na wada dili jiray, laakiin nama kala qeybi jirin, kan maanta na kala qeybinaya ayaa ka xun, shacabyahow ogaada wixii dhibaato dalkaan ka dhaca Muuse Biixi ayaa mas’uuliyadda qaadi doona,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Faysal Cali Waraabe.

Hoos ka daawo

Wiilka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo duqeyn lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online waxaa la dilay Ibraahim Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa wiilka wadaadka u xiran dowladda Soomaaliya.

Ibraahim ayaa lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, taas oo faahfaahin badan aan laga helin.

Ehelka Ibraahim ayaa noo sheegay in wiilkaan uu gobolka Shabeellada Hoose kulahaa Beer, sidoo kale wuxuu ahaa macalin wax ka dhiga jaamacadaha Muqdisho.

Kol sii horeysay ayuu Dr. Ibraahim ka qalin jebiyey jaamacadda Muqdisho, xiligaas waxaa xafladiisa qalin jebinta ka qeyb galay Aabihiis Sheekh Xasan Daahir Aweys. Dowladda Soomaaliya, weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin duqeynta lagu dilay wiilkii Xasan Daahir, sidoo kale xogtaani ma xusin in dad kale lala dilay Ibraahim.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegi karta in Ibraahim Xasan Daahir uu xiriir la lahaa Al-Shabaab iyo in kale, balse waxay xogtaani xaqiijineysaa in lagu dhex duqeeyey beertiisa.

Aabihiis Sheekh Xasan Daahir Aweys oo mar kamid ahaa raga ugu saameynta badan Al-Shabaab ayaa hadda u xiran dowladda Soomaaliya, isagoo in ka badan todoba sano xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho.

Abaabulka dagaal xooggan oo si wada jir ah uga socda saddex maamul goboleed

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa ku sii baahaya Gobollada iyo Maamul Goboleedyada Dalka, iyadoo weli socdaan abaabulka ciidamada maamul Goboleedyo hor leh.

Jubbaland ayaa la sheegay inay ku jirto diyaar garowgii ugu danbeeyay ee dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana dhowaan uu madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam shaaciyey inuu dagaalku ka bilaabanayo degaanada Jubbaland, kadib sanado ay difaac ahaayeen.

Dhinaca kale Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilowday degaanada maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka amniga Koonfur Galbed Maxamed Isaaq Cabdi iyo mas’uuliyiin kormeer ugu tegay ciidanka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay in maamulku uu u diyaar garoobay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kana bilaaban doono Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale waxaa Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Maxaas ka socda diyaar garow cusub oo lagu doonayo in dib loogu qabsado deganaadii ay habeen hore banneeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee Moqokori iyo Yasooman.

Waxaa kaloo Muqdisho laga dareemay diyaar garowga beelaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu wado inay maalmaha soo socda ku biiraan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale weli socda abaabulka duulaan ka dhan ah Al-Shabaabka haysta Ceel-buur, oo la doonayey in dagaal lagu qaado toddobaadkii tegay balse uu dib u dhac ku yimid. 

Abaabulkan ayaa imanaya ayada dhowrkii maalmood ee tegay uu hakad yar ku yimid kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab oo tan iyo markii uu billowday deegaano badan looga qabsaday kooxdas.

Al-Shabaab ayaa Jimcihii qarax ku dishay taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, taasi oo mas’uuliyiinta dowladda ay sheegeen inay kusii dhiiri-gelineyso un inay dagaalka sii xoojiyaan.

Xasan Sheekh oo weerar ku qaaday ganacsatada lacagta siisa Al-Shabaab (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga hadlay ganacsatada lacagta siisa kooxda Al-Shabaab xilli uu ka qeybgalayey janaasada Allaha u naxariistee Farxaan Qaroole.

“Midaa Al-Shabaab beeso ula dhuumanayo, taleefoonaa loo soo diraa waa cabsanaa uu leeyahay, kaas wuxuu ka dhintay caqiiddada sababtoo ah wuxuu aaminsan yahay inuu waqtigii uu dhiman lahaa kasoo hormarayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ay carro ka muuqatay.

Wuxuu hadalkiis kusii daray “Ama Shabaab lacag ula guurguuro ama qori qaado maalintii laguu qoray kaliya ayaa dhimaneysaa, inaad qori qaadato darteed dhimashadaada uma soo hormareyso, inaad lacag ula guurguurato Al-Shabaab darteedna dhimashadaada dib uma dhigeyso.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay inaysan jirin cid waqtigeeda dhimashada kasoo hormareyso, sidaas darteedna wuxuu ku baaqay in la iska dhiciyo Al-Shabaab.

“Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan cadow waa hal, cadowga maanta waa Shabaab, waa Shabaabka dadka qaraxyada ku laayo oo ay ugu dambeysay midkii Hotel Xayaat, Al-Shabaab bis mas’uuliyadda malahan, wiilasha Shabaab qaraxyada u fuliyo taajiriin maahan, kii qaraxa sameeyey dambiile ah kii lacagta bixiyey dambiile ma ahan yaa waaye cidda caqliga leh ee loo sheegayo,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan.

Wuxuu kusii daray “Kan lacagta bixinaya ayaa dambiile weyn ah oo ka daran kan qaraxa sameynaya, sababtoo ah haddii aadan lacagta siin laheyn qarax ma sameeyeen, dambiilaya koowaad waa kan lacagta bixinaya, nolosha Ilaahaa haya Abuu hebel iyo Abuu hebel ma hayaan.”

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dadka lacagta siinaya Al-Shabaab aysan naftooda ku badbaadin karin inay bixiyaan lacag lagu dilayo kumanaan Soomaali ah.

Hadalka madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kusoo aadayo xilli ay dowladda Soomaaliya wado dadaal looga hortagayo ganacsatada lacagta siiso kooxda Al-Shabaab.

CC SHAKUUR oo sheegay arrin xasaasi ah oo la xiriirta dagaalka Shabaab (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa sheegay inay jiraan dad aan weli daacad ka aheyn dagaalkaasi.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dadka qaarkood dhab ka aheyn dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, si gaar ah Odayaasha dhaqanka qaarkood oo uu sheegay inay cabsi galinayaan kacdoonka dagaal ee socda.

“Nabadoonada qaar Shabaabka ayey u shaqeeyaan oo u jaajuusaan, qabiilada ayey isku diraan si Shabaabka u noolaadan. Dadka ayey cabsi galiyaan, oo nimanka la iskama celin karo oo khatar waaye oo madaxa ayey ka jabinayaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto argagixisada Al-Shabaab, lana sii xoojiyo kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah si looga gaaro ujeedada laga leeyahay oo ah xoreynta dalkeena.

“Haddii furimaha looga soo adkaado Al-Shabaab waa baxeysa baqdinta laga qabo. Xamar ciidan kuma haystaan Shabaab oo iyagoo dhex jiifa ayey joogaan laakiin haddii furimaha dagaalka looga soo adkaado dadka soo qab-qabanaya haddii furimaha looga adkaado.”

Ugu dambeyntiina waxa uu kusii dhiiri-geliyay ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee deegaanka inay sii kordhiyaan howl-galada lagu soo afjarayo Al-Shabaab, islamarkaana dagaalka lagu garab istaago nooc walba oo taageero.

Sweden oo u hoggaansantay shuruuddii uu hordhigay madaxweyne ERDOGAN

Stockholm (Caasimada Online) – Wakaaladda dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha militagriga dibadda ee (ISP) ayaa sheegtay inay laashay xayiraaddii saarnayd in qalab milateri loo dhoofiyo dalka Turkiga, kadib markii dalka Waqooyiga Yurub uu go’aansaday inuu ka mid noqdo xulafada milateri ee NATO, islamarkaana heshiis laga gaaro diidmadii Turkiga.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa horraantii sanadkan dalbaday xubinimada NATO kadib markii Ruushka uu ku duulay dalka Ukraine, balse waxa ay la kulmeen xaalad adag, maadaama codsigoodu uu u baahnaa inay ansixiyaan 30 ka dal ee xubnaha ka ururka, iyadoo Turkiga uu arrintaas kasoo horjeestay.

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay inuu hor-istaagi doono dalabkooda ku aaddan ku biirista NATO.

Erdogan ayaa ku eedeeyey Sweden inay inay taageerto kooxda YPG ee waqooyiga Suuriya, taasoo uu u arko inay tahay garab ka tirsan xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo sidoo kale Mareykanka iyo Midowga Yurub ay u arkaan koox argagixiso.

Sweden iyo Finland ayaa mamnuucay in hubka loo dhoofiyo Turkiga sanadka 2019 kadib markii dagaal ka dhan Kurdiyiintaa Suuriya ee YPG ay gudaha u galeen Suuriya.

Erdogan iyo Turkey ayaa Sweden iyo Finland hor-dhigay shuruudo ay ka mid yihiin inay qaadaan xayiraadda hubka, una soo gacan geliyaan xubnaha lala xiriirinayo kooxaha argagixisada ee Kurdish-ka iyo isku daygii afgambi ee 2016.

Saddexda dal ayaa heshiis horudhac ah ka gaaray shirkii NATO ee bishii June ka dhacay magaalada Madrid, halkaasoo Sweden iyo Finland ay ku heshiiyeen dhowr tallaabo oo la qaadayo si wax looga qabto walaaca Turkiga ee musharaxiinta.

ISP ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay billowday bixinta oggolaanshaha dhoofinta inta lagu guda jiro rubuci saddexaad laakiin ma aysan shaacin shirkadaha ama badeecadaha la siiyay fasaxa.

Daawo: Laba BEEL oo muddo 40 sano dagaashanaa oo lagu heshiisiiyey Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ahna ku-simaha Madaxweynaha Cali Daahir Ciid ayaa ka qeygalay kulan lagu heshiisiinayey beelaha daga Ceelwaaq iyo Cadaado oo muddo 40 sano ah uu ka dhaxeeyey dagaal qabiileed.

Ciid oo hadal ka jeediyey xarunta uu ka dhacayey heshiiska ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin in lasoo afjaro wajiga koowaad ee colaadaan u dhaxeysay labadaan beel ee walaaha ah, wuxuuna arrintaas uga mahadceliyey wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo uu sheegay inay waqti badan gelisay howshaan.

“Waa yaabeysaan haddii aan idin dhaho colaadaan markii ay billaabaneysay waxaan jiray 3 sano, inay illaa maanta socoto waa ayaandarro, dadkii intaan colaadaan fiirsanayey waxay ahaayeen dad aan na matalin xaqiiqdii, maanta dadkeedii ayey heshay waa loo kacay” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Wuxuu hadalkisia kusii daray “Dagaalka labada beel u dhaxeeyey waxaa ku baxay dad badan oo qiimo lahaa, balse waa nasiib wanaag inaan hadda ku guuleysanay inaan joojino oo uusan wiil dambe naga dhiman.”

Ciid ayaa sheegay in labadaan beel aysan iyaga dooran inay daris noqdaan balse ay tahay arrin uu Allah qadaray, islamarkaana aysan jirin meel ay ku kala tagaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa odayaasha kula dardaarmay inay ka dhabeeyaan fulinta heshiiskaan oo uu sheegay in waqti badan lasoo galiyey.

“Dhammaan intii saxiixday iyo intii kor joogtada ka aheyd waxaa kula dardaarmayaa inay fuliyaan waxyaabihii lagu heshiiyey isla markaasna uusan wax dambe kasoo noqon, anagana haddii uu Allah yiraahdo waa idinku garab siineynaa fulinta heshiiskaan haddii ay ahaan laheyd dhanka farsamada iyo amniga,” ayuu hadalkiis kusoo gunaanaday.

Beelahaan oo wada daga gobollada dhexe ayaa muddo badan is dagaalayey, wuxuuna dagoolkooda inta badan  ka dhalanayey muran dhanka deegaanka iyo daaqsinta ah.

DF oo shaacisay doorka diyaaradaha Turkiga ay ka qaataan dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay doorka ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, oo ay soo saarto Turkiga, ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Diyaaradaha hubeysan ee Bayraktar TB2 ee ay soo saarto shirkadda Baykar, oo uu leeyahay wiilka qaba gabadha madaxweyne Erdogan, ayaa ka qeybgalay dagaalka ka socda gobolka Hiiraan ee Al-Shabaab looga xoreenayo waana markii ugu horeysay oo ay tallaabadaan qaadaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dood ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay bixinayaan sahan dhanka cirka ah iyo sahan milateri.

“Dowladda Mareykanka ayaa hogaamineysa, waxaana runtii aad uga mahadcelineynaa in ay hawada ka taageerayaan oo ay fuliyaan weerarada cirka ah ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah, sidoo kale wuxuu bixiyaa taageero sirdoon ah,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in hawl wadeenada Turkiga ee Drones-ka ay si dhow ula shaqeeyaan taliyayaasha Soomaalida, kuwaas oo siinaya isku-dubarid bartilmaameed ah, si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

10-kii sano ee lasoo dhaafay Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiriir wanaagsan, waxayna Turkiga Soomaaliya ka sameysatay saldhig Militari taasoo sare u qaatay iskaashiga dhanka ciidanka.

Marka loo eego falanqeeyayaasha, tallaabadan cusub ee Ankara ayaa loo arkaa mid wax weyn ka tari doonta dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Daawo: Itoobiya oo ciidamo soo gelisay SOOMAALIYA kadib safarkii Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo horleh oo ka socdo dalka Itoobiya ay gudaha u galeen gobolkaasi, kadib markii ay ka soo talaabeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca dowlad deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamadaan oo gaaraya dhowr boqol oo askari ay gaareen deegaano hoostaga degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo aad u culus.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo xaqiijiyey in ciidamada ka socda Itoobiya ay aad u qalabeysan yihiin, isla-markaana ay wataan gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ee gudaha u galay gobolka Gedo ayaa la sheegay in aysan qayb ka aheyn kuwa howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Saraakiil amniga ayaa dhankooda shaaca ka qaaday in ciidamadan ay ka qayb-geli doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan sida xoogan uga socdo dalka.

Arrintan ayaa waxaa daba socoto dhaq-dhaqaaq ay maalmihii u dmabeeyey saraakiil ka socota dowladda Itoobiya ka wadeen gobolka Gedo, kuwaas oo saraakiisha ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo lala lahaa kulamo la xiriira amniga.

Dhaq-dhaqaaqa ay haatan gudaha Soomaaliya ka bilaabeen ciidamada Itoobiya ayaa kusoo aadayo, kadib safarkii madaxweyne Xasan Sheekh ee Addis Ababa, kaas oo wadahadallo la yeeshay ra’iisul wasaare Abiy oo uu hordhigay ka qayb qaadashada dagaalka Al-Shabaab.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab gudaha u gashay dhulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay ka fuliyeen weeraro maalmo badan qaatay, isla-markaana dhaliyey khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Ciidamadii ugu badnaa oo Kismaayo lagu diyaarinayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay waddo dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo ku wajahan kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Jubbaland ayaa dooneysa inay qaado guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana abaabulkii ugu dambeeyey uu haatan ka socdaa magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa haatan lagu diyaarinayaa Kismaayo, kuwaas oo ka qayb qaadan doono howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa kormeer ku tegay xeryaha ciidamadan ee ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula hadleen ciidamada loo diyaarinayo howlgallada ka bilaabanaya deegaanada maamulka Jubbaland.

General ismaaciil Saxardiid Keysane oo ka mid ah saraakiisha Jubbaland oo ka hadlay goobta ayaa farriin u diray dhammaan ciidamada, wuxuuna ugu baaqay inay u duyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Saxardiid ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dhowaan ay qaadi doonaan weeraro culus oo ay ku aadayaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

“Dhufeyska aad ku jirteen mudada sideeda sanada ah kuma sii jiri doontaan waynu ka baxeynaa, goobaha ay joogaan iyo meelaha ay naga soo aadayeen baan aadeynaa” ayuu yiri General Ismaaciil saxardiid Keysane.

Abaabulka ciidan ee Kismaayo ka socdo iyo dhaq-dhaqaaqyada ay haatan waddo Jubbaland ayaa kusoo aadaya, ayada oo uu kacdoon shacab oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka socdo gobollada dhexe, gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud, kaas oo guulo waa weyn laga gaaray, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey falcelinta ka dhalatay muddo kororsiga MUUSE BIIXI

Hargeysa (Caasimada Online) – Musharaxa xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga horyimid muddo kodhinta labada sanada ahaa ee ay shalay Golaha Guurtida u sameeyeen madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa marka hore sharci darro ku tilmaamay go’aanka Golaha Guurtida, wuxuuna tilmaamay in ka xisbi ahaan ay kasoo horjeedaan tallaabadaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu xaaraan yahay muddo kororsiga Muuse Biixi, isaga oo intaas kusii daray in wixii ka dambeeya13-ka November aysan aqoonsaneyn madaxweyne.

“Waa xaaraan mana aqbalayno, waa sharci-darro, Muuse Biixi waxa aan madaxweyne u aqoonsanahay ilaa 13-ka November keliya” ayuu yiri Musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa kale oo uu carabka ku goday in arrintaan ay dhaawaceyso mustaqbalka Somaliland, gaar ahaan dimuqaaradiyadda doorashooyinka ee aan ku caan baxeen reer Hargeysa.

Tallaabada ay qaadeen Golaha Guurtida ayaa aheyd mid la filayey, waxayna ku soo aaday, xilii todobaadkii hore guddiga doorashada Somaliland uu ku dhowaaqay in uusan xiligeeda ku qaban karin doorashada, uuna u baahan yahay ugu yaraan ilaa 9 bilood oo dheeraad ah.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, kadib go’aanka kasoo baxay mucaaradka oo horey dibad-baxyo rabshada watay uga dhigay magaalooyinka waa weyn ee Somaliland.

Daawo: C/raxmaan Macallin: Canshuurta Shabaab waxaa la joojin karaa keliya marka…

Amsterdam (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Macallin, oo ah siyaasi aad ugu dhuun-daloola arrimaha siyaasada iyo bulshada waddanka ayaa ka hadlay kacdoonka dalka ka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Macallin ayaa ugu horreyn usoo jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka fiirsado shaqsiyaadka aan siyaasadda iyo wacyiga dalku maanta marayo aan ehelka u aheyn ee uu tallooyinkooda mudnaanta siinayo, isaga oo ku baaqay in xirfada iyo aqoonta mudnaanta la siiyo. 

Cabdiaxmaan, oo wareysi siiyay taleefishinka Somali Nederland TV ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Xassan kaga duwan yahay madaxdii hore inuu helay 2 fursad oo aan taariikhda siyaasadeed ee dalka aan soo marin, isaga oo labadaasi fursadood ku tilmaamay inuu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee 2 goor la doorto iyo inuu ku soo beegmay kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab. 

“Kacdoon shacab ayaa dhacay, dowladdu waxay haysataa fursad qaali ah oo ay kaga guuleysan karto Al-Shabaab waa haddii si sax ah dagaalka loo wajaho,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Macallin, isaga oo dhaliilay nidaamka garsoorka ee dowladda.  

Cabdiraxmaan Macallin oo sidoo kale ka hadlay isku dayga ay dowladda ku joojineyso dhaqaalaha gala kooxdaas ayaa yiri “Canshuurta Shabaab waxaa la joojin karaa,  keliya marka laga adkaado.”

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyay in dowladda ay qaadi doonto dagaal maaliyadeed oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab si loo xiro ilaha dhaqaalaha ay hesho, loona ballaariyo howl-galka ka dhanka ah kooxda.

Xeer ilaaliyaha ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay si rasmi ah u bilowday howl-galkaan ujeedkiisu yahay sidii loo xayiri lahaa dhaqaalaha Al-Shabaab si looga mira-dhaliyo howl-galka lagu wajahyo, islamarkaana uusan u kobcin dhaq-dhaqaaqooda.  

Hoos ka daawo wareysiga Cabdiraxmaan oo dhammeystiran: 



Cabdishakuur Cilmi Xasan

Amsterdam, Netherlands 

Daawo: Madaxweyne Xasan oo shacabka laba u kala qeybiyey – Qeybtee ku jirtaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay ka hadlay janaasadii Jeneraal Farxaan Qaroole ayaa sheegay inaanu maanta dalku lahayn cadow aan ahayn mintidiinta Al-Shabaab.

“Cadow waa hal, laba ma ahan, laba cadow malihin ee hal ayaan leenahay. Soomaaliyada maanta berri wixii Ilaahay ka dhigo ayay noqon doontaa, Inshaa’Allah. Maanta Soomaaliyada jirta hal cadow ayay leedahay, waana Shabaab,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shabaabka wax qarxinayo iyo kan kale ee taageerayaba ay hal cadow wada yihiin.

“Ogow Shabaabka wax qarxinayo waa cadow, kan ku taageerayana, lacagta siinayo, qarinayo, guriga dejinayo, qalbigana kala jira cadow waaye,” ayuu yiri Madaxweynuha.

Madaxweynaha oo dadka Soomaaliyeed ee maanta ku sheegay inay laba mid un yihiin ayaa yiri “Meel dhexe oo la istaagaahi maanta Soomaaliya kuma taalo ama Shabaab ayaa tahay ama kan Shabaab la diriraya ayaa tahay, meel dhexe oo la istaago kuma jirto. Shabaab qori qaado kula dirir, gurigaga iyo gaarigaga haka ijaarin, meesha uu jooggo ha tagin, ka leexo, dadka u sheeg carabkaga kula dagaal.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray “Hal cadow baan leenahay, cadowgaas Shabaab baa la yiraahdaa, macnaheeda kan qaraxa sameynayo keliya maaha Shabaab, Shabaab kalkaal, beeso bixi, guri iyo baabuur ka ijaar, u soo iibi baabuur ee ka sii iibso. Walaalka Soomaaliyeedow Shabaab kalkaal ha noqonin, cadow waa hal, waana Shabaab.”

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, kadib markii uu shalay kaga qaybgalay Salaadda Janaasada ee Marxuum Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.