28.3 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Daawo: C/raxmaan Macallin: Canshuurta Shabaab waxaa la joojin karaa keliya marka…

Amsterdam (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Macallin, oo ah siyaasi aad ugu dhuun-daloola arrimaha siyaasada iyo bulshada waddanka ayaa ka hadlay kacdoonka dalka ka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Macallin ayaa ugu horreyn usoo jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka fiirsado shaqsiyaadka aan siyaasadda iyo wacyiga dalku maanta marayo aan ehelka u aheyn ee uu tallooyinkooda mudnaanta siinayo, isaga oo ku baaqay in xirfada iyo aqoonta mudnaanta la siiyo. 

Cabdiaxmaan, oo wareysi siiyay taleefishinka Somali Nederland TV ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Xassan kaga duwan yahay madaxdii hore inuu helay 2 fursad oo aan taariikhda siyaasadeed ee dalka aan soo marin, isaga oo labadaasi fursadood ku tilmaamay inuu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee 2 goor la doorto iyo inuu ku soo beegmay kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab. 

“Kacdoon shacab ayaa dhacay, dowladdu waxay haysataa fursad qaali ah oo ay kaga guuleysan karto Al-Shabaab waa haddii si sax ah dagaalka loo wajaho,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Macallin, isaga oo dhaliilay nidaamka garsoorka ee dowladda.  

Cabdiraxmaan Macallin oo sidoo kale ka hadlay isku dayga ay dowladda ku joojineyso dhaqaalaha gala kooxdaas ayaa yiri “Canshuurta Shabaab waxaa la joojin karaa,  keliya marka laga adkaado.”

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyay in dowladda ay qaadi doonto dagaal maaliyadeed oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab si loo xiro ilaha dhaqaalaha ay hesho, loona ballaariyo howl-galka ka dhanka ah kooxda.

Xeer ilaaliyaha ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay si rasmi ah u bilowday howl-galkaan ujeedkiisu yahay sidii loo xayiri lahaa dhaqaalaha Al-Shabaab si looga mira-dhaliyo howl-galka lagu wajahyo, islamarkaana uusan u kobcin dhaq-dhaqaaqooda.  

Hoos ka daawo wareysiga Cabdiraxmaan oo dhammeystiran: 



Cabdishakuur Cilmi Xasan

Amsterdam, Netherlands 

Daawo: Madaxweyne Xasan oo shacabka laba u kala qeybiyey – Qeybtee ku jirtaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay ka hadlay janaasadii Jeneraal Farxaan Qaroole ayaa sheegay inaanu maanta dalku lahayn cadow aan ahayn mintidiinta Al-Shabaab.

“Cadow waa hal, laba ma ahan, laba cadow malihin ee hal ayaan leenahay. Soomaaliyada maanta berri wixii Ilaahay ka dhigo ayay noqon doontaa, Inshaa’Allah. Maanta Soomaaliyada jirta hal cadow ayay leedahay, waana Shabaab,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shabaabka wax qarxinayo iyo kan kale ee taageerayaba ay hal cadow wada yihiin.

“Ogow Shabaabka wax qarxinayo waa cadow, kan ku taageerayana, lacagta siinayo, qarinayo, guriga dejinayo, qalbigana kala jira cadow waaye,” ayuu yiri Madaxweynuha.

Madaxweynaha oo dadka Soomaaliyeed ee maanta ku sheegay inay laba mid un yihiin ayaa yiri “Meel dhexe oo la istaagaahi maanta Soomaaliya kuma taalo ama Shabaab ayaa tahay ama kan Shabaab la diriraya ayaa tahay, meel dhexe oo la istaago kuma jirto. Shabaab qori qaado kula dirir, gurigaga iyo gaarigaga haka ijaarin, meesha uu jooggo ha tagin, ka leexo, dadka u sheeg carabkaga kula dagaal.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray “Hal cadow baan leenahay, cadowgaas Shabaab baa la yiraahdaa, macnaheeda kan qaraxa sameynayo keliya maaha Shabaab, Shabaab kalkaal, beeso bixi, guri iyo baabuur ka ijaar, u soo iibi baabuur ee ka sii iibso. Walaalka Soomaaliyeedow Shabaab kalkaal ha noqonin, cadow waa hal, waana Shabaab.”

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, kadib markii uu shalay kaga qaybgalay Salaadda Janaasada ee Marxuum Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Sawirro: DF iyo IMF oo shir muhiim ah uu u furmay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ka furmay shir u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo hay’ada IMF, kaasi oo la xiriiray hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda dalka.

Shirka oo uu daah-furay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habeyntiisa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxaxy dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale inta uu shirkaan socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa wada-shaqaynta iyo xoojinta dhaqaaleheenna mustaqbalka dhaw.

Wasiirka Maaliyadda, Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay dhamaan hay’adaha dowladda ee shirka kala qeyb-galay sida; Wasaaradda qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay waxay dadaal badan ugu jirtay sidii dib u habeyn ballaaran loogu sameyn lahaa hanaanka dhaqaalaha daalka, kaasi oo horseed u noqonaya in deynta laga cafiyo.

Daawo: Guddoomiye Jeyte “Waxbaa naga qaldamay, in aan saxno ayaana rabnaa”

0

Maxaas (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo shalay Hiiraan ugu khudbeeyey ciidanka xoogga iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa si adag uga hadlay dad uu sheegay inay xagal daacinayaan howlgalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Cali Jeyte ayaa sheegay in wax badan ay qaldameen, balse ay ku howlan yihiin sidii loo sixi lahaa, “Cid kasta oo cadowga in lala dagaalamo ka hor timaada Al-Shabaab ayaan u aqoonsanahay,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay galeen halgan dheer, isagoo aad ugu mahad celiyey taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaalka ku garab siiyey, Jeneraal Biixi oo goobta ku sugnaa iyo Taliye Odawaa ayuu aad ugu mahad naqay.

“Waxbaa naga qaldamay, inaan saxno ayaana rabnaa, dadka dulmiga la dhex taagan ciidanka, walaahi uma samri doono, adduunka waxaa u qaalisan naf iyo maal, wiilal gadgaduudan ayaan halkaan ku aasnay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu sheegay in xaalad khatar ah ay ku jiraan, balse si kale oo u dhaanta aysan maanta jirin in halgankaan ay ka dhabeeyaan.

“Inta ilaahey talo saarano inaan Al-Shabaab qori caaradiis isaga dhicino, waxaan aheyn nooma fura, hadii shalay Cali Jeyte oo kaliya ay raadinayeen, maanta gabadha baadiyahaan ariga ku ilaashata xitaa Al-Shabaab waa dilaayaan, ee dhulkaan aan ilaashano,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte Cusmaan.

Hoos ka daawo

Maleeshiyaad hubeysan oo weeraray saldhiga Burtinle

0

Burtinle (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad maanta ka dhacay gudaha degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, kaas oo ka dhashay weerar ay maleeshiyaad beeleed hubeysan ku qaadeen saldhigga weyn ee magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay doonayeen inay soo furtaan maxaabiis ku xiraneyd saldhigga, kuwaas oo maxkamadda Burtinle ay xukun ku ridday, waxaana la sheegay in ragga weerarka qaaday ay sidoo kale diidan yihiin in maxaabiistaas oo ay isku heyb yihiin loo gudbiyo xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Israsaaseynta dhex-martay ciidamada ammaanka iyo ragga hubeysan ayaa si xoogan looga dareemay magaalada oo dhan, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

Sidoo kale dagaalka maanta Burtinle ka dhacay ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa, dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadkan ku dhintay ugu yaraan hal askari, kaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Badgal Ciise, halka uu ku dhaawacmay mid kale.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo la xiriira shaqaaqadaasi.

Deegaannada Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo hubeysan, kuwaas oo geysta khasaarooyin kala duwan, waxaana horey loogu dilay shaqaaqo tan la mid ah taliyihii saldhigga magaalada Qardho, xilli uu waday howlgal culus, kadib markii ay isku dhaceen koox ka ganacsanesay Qamriga oo ku sugneyd gudaha magaaladaasi.

Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dilay duleedka magaalada Cap Tow ee waddanka Koonfur Afrika.

Weerarka lagu dilay ganacsatadan oo labo ahaa ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Guguleti oo hoostaga Cape Town.

Wararka ayaa sheegaya in burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ay ka dambeeyeen dilka marxuumiinta, waxayna ku dhex dileen goobahooda ganacsi oo isku dhowaa.

AUN labada nin ayaa waxaa lagu kala nagacaaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere, waxaana meydadkodoa meesha ka qaaday Soomaali kale.

Burcadda dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay, waxayna dhacdadaan xanuun ku reebtay ganacsatada kale ee Soomaalida ah ee ku dhaqan halkaasi, kuwaas oo haatan wajahaya xaalad cabsi ah, kadib markii ay kordheen weerarada lagu beegsanayo.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Waxa ugu wanaagsan ee loogu aargudi karo Farxaan Qaroole iyo Cilmi Guure

0

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Taliyihii booliska gobolka Banaadir sarreeye guute Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) ayaa shalay ku dhintay miino dhulka lagu duugay, meel u dhow deegaanka Basra ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Farxaan Qaroole oo dhowr jeer ka badbaaday weeraro qorsheysan oo kaga yimid dhanka kooxda Al-Shabaab, wuxuu maalmahan xoog badan geliyey in la baabi’iyo Shabaabka ku teedsan magaalada Muqdisho oo fadhiyo ciidan laga sameeyo meelaha ay kooxda kasoo abaabuli jirtay gumaadka shacabka ku nool caasimada.

Inkastoo ay tiisa shalay ku ekeyd, haddana Allaha u naxariistee Farxaan Qaroole waxaa lagu ammaanay inuu ahaa geesi ay ka go’neyd inuu Soomaaliya ka dhigo meel nabad ah oo Shabaabka laga tirtiro.

Wuxuu ku suntanaa hadaf iyo daacadnimo, sida ay sheegeen askartii la shaqeysay. Geerida Farxaan Qaroole waxay kusoo aadeysaa iyadoo uu xoogeystay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab meelo badanna laga saaray kooxda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kamid ah dadka sida adag uga hadlay geerida Farxaan Qaroole.

Farmaajo, oo isagu ahaa madaxweynihii Farxaan siiyey darajada sarreeye guuto, wuxuu sheegay inuu Farxaan Qaroole ahaa sarkaal kaalin weyn ka qaatay xaqiijinta ammaanka dalka iyo la dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha xafiiska jooga Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay geerida Farxaan Qaroole wuxuu sheegay inuu ahaa sarkaal waqtigiisa oo dhan geliyey sidii uu argagixisada uga sifeyn lahaa dalkiisa.

Sidoo kale waxaa ku baxay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab Nabadoon Cilmi Hagar Guure kaas oo kamid ahaa tiirarka dagaalka dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Haddaba waxaa la is waydiinayaa maxaa loogu aargudi doonaa taliye Farxaan Qaroole iyo Nabadiin Cilmi Guure?

Maadaama ay dhinteen iyagoo raba inay Al-Shabaab dalka ka xoreeyaan aargoosi waxaa ugu filan in hadafkaas la gaaro oo Al-Shabaab dalka laga saaro, laakiin haddii dagaalka socda la sahashado oo dowladdu sideedii hore dhex kasoo noqoto, waxay ka dhigan tahay in muwaadiniintaas laba jeer la dilay, ayey leeyihiin dadka soo jeedinaya in Cilmi iyo Farxaan Qaroole loogu aargudo in dagaalka Al-Shabaab dhab laga noqdo oo kooxda lasoo afjaro si aysan shacab dambe oo Soomaaliyeed u gumaadin.

Dhowr jeer oo hore waxaa dhacday in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay dagaal ku dhawaaqday, dhowr jeer markii howlgallo laga fuliyeyna dib ayaa loo soo laabtay taasi oo baalmarsan ujeedka madaxda loo doortay dalkaan amniga u ooman dhinaca kalana ballan ka baxyo ku ah kuwii u dhintay inay dalkaan ka xorreeyaan Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa inay Cilmi Hagar, Farxaan Qaroole iyo inta kale ee u dhimatay qadiyadaan inay aargudkooda ka dhigto inuusan joogsan dagaalku oo Al-Shabaab laga dul qaado Soomaalida.

Sababta ay ciidanka DF uga soo baxeen deegaanadii ay qabsadeen ee Hiiraan oo la shaaciyey (Dhageyso)

0

Maxaas (Caasimada Online) – Deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan waxaa saacadihii u dambeeyey isaga baxay ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, halkaas oo todobaadyadii ugu dambeeyey laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo ku sugan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa qiray inay jiraan aagga ay dib uga soo baxeen ciidanku, isagoo ku macneeyey istiraatiijiyad ciidan.

Guddoomiye Cabdifitaax ayaa Idaacadda VOA u sheegay inay xeelad dagaal dib ugu gurteen, balse aysan jirin awood uga timid dhanka Al-Shabaab oo ciidanka ku khasabtay inay isaga baxaan deegaanadii ay joogeen.

“Tani kama dhigna inaan dib u soo noqonay oo Al-Shabaab ay dib u qabsadeen, dad qaaliya ayaa naga dhintay, waxaa jirtay in meelaha qaar laga wareegsaday oo meel kale loo wareegay, laakiin dib u bax weyn ma jiro,” ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Cabdifitaax ayaa sheegay in cabsi weyn aysan ka qabin in dagaalkaan uu Al-Shabaab uga guuleysto, isagoo sheegay in jabka ay gaarsiiyeen kooxda aysan ka soo kabsa doonin.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dowladda Soomaaliya iyo qabaa’ilka dega ka codasaday, inay si deg deg u xoreeyaan magaalooyinka Ceelbuur iyo Aadan-yabaal ee gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe oo culeyska ugu badan oo uga imaanayo reer Hiiraan.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay aad uga shaqeynayaan in beesha Xawaadle ay ku diraan beelaha la deriska ah, sidaas darteedna ay codsanayaan in la xoreeyey dhulka ay fursadaas ka raadineyso kooxdu.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Daawo: Jeneraal Farxaan Qaroole oo loogu magac daray xarun ku taalla Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Onlne) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo saxaafadda kula hadlay halka lagu duugayey Allaha u naxariistee taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa sheegay in maanta wixii dambeeyo loogu magaca daray xerada Haramcad.

“Waxaan maanta inta isugu nimid inaan sagootino shahiid, saaxiibkey shaqsiga iigu dhow ayuu ahaa, geesi ayuu ahaa, wuxuu ahaa shumac soo baxaayey oo dhallinyarada u ahaa Fiyoore soo socda, wuxuu model u ahaa laba milyan oo oo dhallinyaro ah oo Xamar joogta,” ayuu yiri General Xijaar.

Taliyaha ayaa hadalkiisa kusii daray “Waxaa rabaa inaan la hadlo ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaa rabaa qof kasta oo booliska Soomaaliyeed ah darajo kasta iyo fadhi kasta oo uu ka tirsan yahay inuu noqdo Farxaan oo kale.”

General Xijaar ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeyo uu ku dhawaaqay in magaca xirada Haramcad ee magaalada Muqdisho loo bixiyey Xarunta Haramcad ee General Farxaan.

“Waxaan ugu magac daray xeradan aan maanta joogno oo ah xarunta ciidanka Haramcad, laga billaabo maanta waxaa loo bixinayaa ama loo bixiyey ama aan ku dhawaaqayaa Xarunta Haramcad ee General Farxaan, magacaas ayaad qaadan doontaan si uu magaciisa u noolaado,” ayuu yiri Xijaar.

Xijaar ayaa sheegay in laba maalmood ka hor ay ugu dambeysay aragtida Farxaan Qaroole wuxuuna yiri isagoo ay murugo ka muuqato “Doraad ayaa iigu dambeysay oo halkaan isku aragnay, wuxuu u tusay kaarto uu u sameeyey ciidanka dhintay, Allaha u naxariisto, ciidankiisa ayaa jeclaa, sarkaalka fiicana waxaa lagu gartaa sida uu u maamulay ciidankiisa.”

Allaha u naxariistee Farxaan Qaroole, oo shalay ku dhintay qarax miino dhulka loogu aasay oo ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, kana dhacay meel u dhow deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin culus ka diray janaasadii Farxaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka kaga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe. 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Farxaan Maxamuud Qoroole uu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu argagixisada ka xoreeyo dalkiisa, dhagartoodana ka difaaco dadkiisa Soomaaliyeed, waxa uuna halyeygani u shahiiday isagoo haya jidkaas sharafta badan. 

“Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas,” ayuu yiri madaxweynaha 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya argagixisada Al-Shabaab, taas oo ah waxa ay ku maalgeliyaan dhagarta ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee birmi-gaydada ah, dowladduna aysan aqbalayn arrinkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Allah ha u naxariistee, Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa shalay lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Farxaan Qaroole ayaa watay gawaari nooca xabadda aysan karin ah, balse waxa uu qaraxa kahor ka degay gaariga waxaana kadib ku qaraxday miinada oo dhulka lagu aasay, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ku istaagay.

DHAGEYSO: Danjire Salaad Cali Jeelle oo faahfaahiyey khilaafki Farmaajo iyo Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Djibouti Salaad Cali Jeelle ayaa hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Djibouti iyo saameynta ay shaqadiisa ku yeellatay mugdigii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay dowladda Djibouti iyo maamulkii madaxweynihii hore ee Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Salaad Cali Jeelle, oo haatan ku sugan dalkan Maraykanka ayaa wareysi ay VOA ku sheegay in markii xilka safiirka Soomaaliya ee Jabuuti loo magacaabay uusan jirin xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeyey labada dowladeed, balse wuxuu xusay inuu soo dhaweyn fiican kala kulmay madaxweybe Ismaaciil Cumar Geelle.

“Runtii markii aan aniga tagay xilligaas waxbaa jiray, xiriirka labada dhinac ma uusan wanaagsaneyn waana iga horreeyey, xaaladda oo fiicneyn ayaa meesha tagay, balse nasiib wanaag madaxweyne Ismaaciil oo aan horey isku naqaanay oday guud oo Soomaaliyeedna ah ayaa isoo dhaweeyey, waxaana kala kulmay wada-shaqeyn fiican,” ayuu yiri.

“Markii aan shaqada billaabay waxaan ka shaqeeyey in xaaladda la dajiyo maadaama dadkaan uu ka dhaxeeyo dhiig walaaltinimo, madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelana gacan fiican ayuu igu siiyey in xaaladda la dajiyo oo hoos loo dhigo, islamarkaana aysan Soomaaliya iyo Jabuuti u dhaqmin sida labada dowladood oo kale.”

Mar wax laga waydiiyey xiriirka kala dhaxeeya madaweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku jawaabay “dalka hal dowlad ayuu leeyahay, cidda mar kasta xilka qabato waa in lala shaqeeyo sida ay tahay waajibadka muwaadinka, madaxweynaha cusub markii la doortay waa u hambalyeynay ka safaarad ahaan, kadibna nasiib wanaag wuxuu noogu yimid Jabuuti, runtii si weyn ayaa loogu soo dhaweeyey wuxuuna madaxweyne Ismaaciil u arkay shaqsigii ugu wanaagsanaa ee uu la shaqeyn karo, runtiina arrintaas aniga farxad weyn ayey igu abuurtay.”

Salaad ayaa sheegay in xiriirka labada dowladood uu hadda yahay mid wanaagsan, wuxuuna sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhabeeyey hal ku dhigiisii ahaa “Soomaali heshisi ah dunidana heshiis la ah”.

Mar wax laga waydiiyey dhaliilihii uu u jeedin jiray madaxweyne Xasan Sheekh ka hor inta aan la dooran ayuu ku jawaabay “Anigaba waan ogahay, markii uu Jabuuti yimid si fiican ayaan u gacan qaaday isna ma ahan madaxweyne maanka ku haya wixii hore, arrintaas waxay aheyd mid in laga garaabo mudan.”

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran

Dowladda oo iclaamisay dagaal jiho cusub oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyay in dowladda ay qaadi doonto dagaal maaliyadeed oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab si loo xiro ilaha dhaqaalaha ay hesho, loona ballaariyo howl-galka ka dhanka ah kooxda.

Xeer ilaaliyaha ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay si rasmi ah u bilowday howl-galkaan ujeedkiisu yahay sidii loo xayiri lahaa dhaqaalaha Al-Shabaab si looga mira-dhaliyo howl-galka lagu wajahyo, islamarkaana uusan u kobcin dhaq-dhaqaaqooda.

Dr. Sulaymaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa kale oo uu ku sheegay inay dambi tahay in dhaqaale la siiyo Al-Shabaab ama loo fududeeyo, sidaas darteedna uu xafiiskiisa bilaabayo howl-galka socda kaalinta uu ku leeyahay.

“Sida ay geesiyaasha ciidamadeena Soomaaliyeed ee qalabka sida iyo kacdoonka bulshadu ay u wadaan dagaalo naf-hurnimo ah oo ka dhan ah kooxda argagixisda ah, waxaan halkan ku iclaaminayaa dagaal maaliyadeed oo ka dhan maal-gelinta argagixisada iyo dadka gacanta kula jira dambiyada lacag dhaqidda. Waxaan kula diriri doonaa gudaha iyo dibadda meel walba oo ay joogaan,” ayuu ku yiri qoraalka Xeer ilaaliyaha guuf ee Qaranka.

Sidoo kale waxa uu xusay in xafiiskiisu uu bilaabay baarista kiisaska la xiriira lacagaha la dhaqo iyo maal-gelinta nacfiga kasoo galo Al-Shabaab, ayada oo arrintaas kala kaashanaysa hay’adaha kala duwan ee dowladda.

“Dambiyadan ayaa keenaya inuu kobco dhaqaalaha maleeshiyada argagixisada ay ku maal-gelinayaan burburinta bulshadeenna Soomaaliyeed, sidaa daraadeed xaafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka wuxuu si dhow u daba socdaa isaga oo kaashanaya hay’adaha baarista iyo kuwa caalamka dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee lagu dhaqayo lacagaha, laguna maal-gelinayo argagixisada.”

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay dowladdu sheegtay inay gacan adag ku qabaneyso dadka la shaqeeya Al-Shabaab ee u sahlaya in ay dhaqaale helaan, ayada oo dhowr jeer ay digniino ku aadan arrintaas soo saareen Wasaarada arrimaha gudaha, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo hay’adaha amaanka dowladda.

Ciidamada dowladda oo soo baneeyey deegaano ay kala wareegeen AL-SHABAAB

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda ay dib uga soo baxayeen deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada dowladda ay soo faarujiyeen deegaanadaas oo todobaadkii hore laga saaray dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadii ku sugnaa deegaanadaas ay ku laabteen degmooyinka Buuloburte iyo Maxaas, waxaana deegaanadan dib ula wareegay Shabaab.

Sida ogaatay Caasimada Online arrinan ayaa timid, kadib khilaaf soo kala dhex-galay hoggaanka ciidamada ee hormuudka u ah howlgallada ka socda halkaasi.

Sidoo kale waxaa fashil ku soo dhamaaday dadaallo uu garwadeen ka ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jayte Cismaan oo isku dayey inuu ciidamada ku qanciyo inay deegaanadaas sii joogaan, balse muddadii ay qabsadeen saraakiisha hoggaamineyso ciidamda ayaa dhammaatay, waxayna kadib isaga soo baxeen Moqokori iyo Yasooman.

Dhanka kale waxaa haatan cabsi ay soo wajahday shacabka ku sugan deegaanadaas, gaar ahaan dadkii soo dhoweeyey ciidamada markii ay qabsanayeen deegaanadaasi.

Si kastaba, arrintan ayaa dhabar jab ku noqoneyso guulaha laga gaaray dagaalka ka Al-Shabaab, kaas oo xoogiisa uu ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo kordhin loo sameeyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo kordhin horleh u sameeyey madaxweynaha maamulkaasi Mudane Muuse Biixi Cabdi, kadib kulan xasaasi ah oo ay maanta ku yeesheen xarunta ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa.

Golaha ayaa laba sano oo dheeri ah ugu daray madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, kadib codeyn gacan taag ah oo ka dhacday xarunta Guurtida Somaliland.

Sidoo kale Golaha Guurtida Somaliland ayaa iyaguna ku darsaday muddo xileedkooda 5 sano oo dheeri ah, waxaana golahan uu yahay kii u horreeyey, mana jiro isbeddel lagu sameeyey tan iyo markii la dhisay, waxaana markastaa loo kordhiyaa muddada xil heynta,

Kulankan oo aad isha loogu hayey ayaa markii hore loo diiday wariyeyaasha, balse dood dheer kadib ayaa loo ogolaaday, waxaana lagu dhowaaqay muddo kororsiga.

Tallaabada ay qaadeen Golaha Guurtida ayaa aheyd mid la filayey, waxayna ku soo aaday, xilii todobaadkii hore guddiga doorashada Somaliland uu ku dhowaaqay in uusan xiligeeda ku qaban karin doorashada, uuna u baahan yahay ugu yaraan ilaa 9 bilood oo dheeraad ah.

Lama oga sida ay noqon doonto fal-celina xisbiyada mucaaradka oo si weyn uga soo horjeeday muddo kororsigan, kuwaas oo horey dibad-baxyo uga dhigay Somaliland.

Si kastaba, doorashada guud ee Somaliland ayaa ku asteysneyd 13-ka bisha Novmeber, balse Muuse Biixi ayaa ku darsaday 2 sano, taas oo ka dhigeysa muddo xileedkiisa 7 sano.

Dad KENYAN ah oo ka mid noqday SHACABKII ay Al-Shabaab ku laayeen GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa xog cusub ka soo bixiyey weerar ay Jimcihii shalay kooxda Al-Shabaab ku leysay dad shacab ahaa.

Buulle ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 10 qof oo ceel biyood ka qodayaye deegaanka Gariley oo hoostaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddoomiyahaha ayaa shaaciyey in afar ka mid ah dadkaasi ay u dhasheen dalka Kenya, isla-markaana ay ahaayeen farsamayaqaano la soo kireystay oo ceel biyood ka qodayey deegaanka Gariley oo ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta dalka.

“Dadka illaa iyo hadda aan heyno waa 10 qof oo dhimasho ah 4 qof waa dadka dariska ah oo shacab bey ahaayeen waa dad farsamayaqaano ah oo mar walba la soo kireysto, gaarigana waxaa laga lahaa dadka xuduuda degan oo Soomaalida Kenyaanka ah, marka dadkaas waxay u gargaarayeen shacabka” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay aad uga naxeen dhacdadaasi, gaar ahaan xasuuqa ba’an ee loo geystay dadkaasi shacabka ah.

“Waa arrin aad iyo aad shacabka gobolka Gedo iyo maamulkaba uu aad uga naxay weeye iyo dadka bani’aadamka ah,” ayuu sii raaciyey guddoomiyuhu.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Mudane Axmed Buulle Gareed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay tageen goobta, xilli ay baxsadeen xubnihii kooxda Al-Shabaab ee weerarka qorsheysan ka geystay halkaasi.

“Goobta ciidamada ammaanka waxay tageen ayaga oo waxa ay rabeen inta sameeyeen meesha ay ka yaaceen oo ay carareen,” ayuu markale wareysiga ku yiri Gareed.

Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tegay gubay guryo, burburiyey ceelal islamarkaana gowracay dad rayid ah oo ku noolaa bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Weerarada noocan ah iyo canshuurta ay kooxda ka qaadeyso shacabka xilli ay jiraan abaaro daran ayaa ku qasbay shacabka inay hubka qaataan oo ay la-dagaalamaan kooxdan. Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in guulo laga gaaray dagaalkii socday toddobaadyadan ee ay qeybta ka yihiin Macawiisleyda.  

Xog: Farmaajo oo bilo kadib shalay ka dhoofay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho markii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka ka degay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu tegay dalka Turkiga, halkaasi oo uu joogi doono muddo aan la cayimin.

Waxaa safarka ku wehlisa marwadii koowaad ee hore Zeynab Macallin, waxaana lagu sheegay safar nasasho.

Xubnaha Farmaajo ku dhowa ayaa sheegay in weli aysan waxba iska beddelin qorshaha madaxweynihii hore ee ah inuu ku noolaado caasimadda, ee aanu noqon doonin dibadjoog, taasi oo uu ballanqaaday markii uu xilka ka degay.

Farmaajo ayaa degan guri kiro ah oo ku dhow garoonka Aadan Cadde, oo bishii ah $25,000. Waxaa jira qorshe ay taageerayaashiisa guri ugu dhisayaan oo la billaabay markii uu xilka ka degay, balse ma cadda halka uu qorshahaas ku dambeeyey.

Farmaajo hadda waa xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan golaha shacabka, taasi oo uu xaq u siinaya madaxweyne kasta oo dalka soo mara tan iyo markii ay dhalatay dowladda federaalka.

Farmaajo ayaa qoraal uu saacado kahor soo saaray uga tacsiyeeyey geerida taliyihii booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Qaroole, oo xilka Jeneraalnimo uu isaga siiyey.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir S/Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) oo shahiiday isaga oo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha arxanlaaweyaasha argagixisada ah,” ayuu yiri Farmaajo. 

“Janaraal Farxaan Qaroole waxa uu ahaa sarkaal kaalin mug leh ku lahaa xaqiijinta ammaanka dalka iyo la dagaallanka argagixisada, iyada oo aanay ahayn markii koowaad ee uu kooxaha argagixisada ah kula dagaallamo deegaanka Basra iyo deegaannada kale ee ku teedsan xuduudda Gobollada Shabeellada hoose, Shabeellada Dhexe iyo Gobolka Banaadir.”

“Waxaan Alle uga baryayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, simir iyo iimaanna ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shahiiday, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka tirsanaa”

FAHAD oo faallo ka qoray shaqsiyadii Jenaral Farxaan – Kumuu ahaa Farxaan Qaroole?

0

Kumuu ahaa Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole)?

Wiil dhalinyara ah oo gaaban, oo misana caata ah, oo hadana bar-yar, bashaash ah, sida magaciisa ka muuqato aad Farxaan u ah, fariid-nimana u dhashay, fiiro dheer, hadal yar, misana qorshe dajisan kara, qarankiisa iyo madaxdiisana daacad u ah, dhiigiisa iyo dhididkiisana u huray dalkiisa, godkii Jannadana u galay (Insha’allaah) isagoo difaacaya sharafta iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Magaciisa siduu u faafay, siduu u jin yaraa, iyo da’iisa siday u yarayd, intaas kaliya sabab uma noqon karin darajada uu gaaray ee wuxuu maqaam sare ku mutaystay daacadnimada, hawlkarnimada, wadaniyadda iyo qaran jacaylka qalbigiisa ku abuurnayd. 

Wuxuu kamid ahaa dhawr dhalinyaro ah, aan ku bartay shaqada amniga iyagoo ah saraakiil dhexe, wuxuuna aad u jeclaa inuu mar walba waxbarto oo uu aqoon ciidan kororsado. Wuxuu qayb ka ahaa ciidankii laga wareejiyey Nabadsugidda ee loo wareejiyey Booliska. Ma uusan iska dhigin Sarkaal xil raadinaya ee wuxuu la xarooday askar tababar loo xaraynayey oo lagu aasaasay ciidankii Haramacad, wuxuuna galay dufcad tababar ku qaadatay Xamar iyo Turkiya. Wuxuu soo laabatay isagoo helay aqoon Boolis, iyo tababarka hawlgallada gaarka ah, waxaana loo magacaabay Taliyaha ciidanka gaarka u tababaran ee Haramcad. Wuxuu lahaa sifo ay aad ugu yar tahay hoggaannada ciidanka, taasoo ah inuu saaxiib dhaw la ahaa ciidanka uu madaxda u yahay iyo inuu daacad u ahaa qarankiisa. 

Dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray, intaba si daacad ah ayuu u gudanayey shaqada qaran, waana sababta dawladdii timaadaba ay u aamintay, oo uu mustaqbalkiisa mar walba horumar u gaarayey. 

Saddex qolo ayaa mudan inaan uga tacsiyeeyo geerida xanuunka badan ee ku timid walaalkeen Halyeey Jeneraal Farxaan Maxamuud (Qaroole).

Qolada koowaad waa qoyskiisa oo ay ugu horreeyaan waalidkiisa, xaaskiisa iyo caruurtiisa. Waxaana leeyahay, geeridu waa xaq ee samir iyo iimaan Allaha idin ka siiyo, marxuumkana Jannadii Alle ha geeyo, ilmihiisa iyo qoyskiisana Allaha dhawro oo barakeeyo, waalidkiisana waxaan si gaar u leeyahay qadarta ilaahay raalli ku noqda, rabigii abuuray ee koonka keenay baa haddana naga ceshaday. 

Qolada labaad waa Madaxweynaha iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne waxaan kula qaybsanaynaa xanuunka iyo tacsida geerida ku timid Jeneral Farxaan Qaroole, oo maanta Shahiiday isagoo gudanaya waajibka qaran ee aad fartay oo ah la dagaallanka Argagixisada. Madaxweyne samir iyo Iimaan Allaha kaa siiyo, waxaana kuu rajaynayaa inaad ku guulaysato horumarinta tayada ciidanka iyo nabadayta qarankeena. Sidoo kale, ciidanka Booliska ee uu kamid ahaa Jeneraal Farxaan, waxaan kusii adkaynayaa in geerida Shahiidka qaranka Farxaan, ay ku dhaliso dhiiranaan iyo dhiigga iyo dhididka in loo huro dalka iyo dadka soomaaliyeed. 

Qolada Sadexaad waa Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan leeyahay, ogaada in dalkii ay u kaceen dhallinyaro waddaniyiin ah, leh xirfad iyo tababar ciidan oo sare, qarankoodana daacad u ah, kana mid ah qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida. Sidaas darteed, boqollaal Farxaan oo kale ah oo booskiisa buuxiya, shacabkoodana difaaca waan leenahay, waxaana ilaahay ka baryeynaa in madaxda qaranka uu haleeshiiyo in ay soo saaraan awoodda iyo tayada dhallinyarada kor u qaadi kara rajada iyo niyada shacabka Soomaaliyeed.

Walaalkay Farxaanoow, waan ogahay inaysan ku soo gaaraynin fariintan, laakiin waan ku khasbanahay inaan kuu soo diro. Farxaanoow, inaad jid xaq ah ku dhimatay, inaad dalkan daacad u ahayd, inaad sarkaal qaran ahayd ood ka saraysay siyaasadda waxaan ku gartay, madaxdii umadda Soomaaliyeed oo dhan, khilaaf kasta oo dhexdooda yaalay, intey gees isaga dhigeen. Waxaa mideeyey iney kuu wada duceeyeen, kuwada amaaneen, iyagoo kuwada jecelna aad Shahiiday. Naftaadii dalkaad u hibaysay, geeridaadiina dadkay midaysay. Rabigay Jannada guri hakaaga yeelo, danbigaaga aduun xasanaad hakuugu baddalo, annagana gadaashaa Eebe nama fitneeyo. 

Fahad Yasin
La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka

Maxaa ka jira in Puntland ay qorsheyneyso muddo kororsi?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo dhowaan xilkan loo magacaabay ayaa ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan muddo kororsiga la sheegay inuu  ku howlan yahay Deni.

Ugu horreyn wasiir Juxa ayaa iska fogeeyay in sababta loo magacaabay ay qeyb ka tahay muddo kororsiga lagu eedeynayo madaxtooyada, gaar ahaan madaxweynaha Puntland.

Wasiirka cusub ee wasaaradda gudaha Puntland ayaa gebi ahaan meesha ka saaray inuu jiro qorshey ku darsasho ah oo miisak saaran, sida uu hadalka u dhigay.

“Ku darsasho wax la yiraahdo oo miiska saarani ma jirto. Dowladdaana wax gaar ah oo dan ah, ka sakow inuu barnaamijkan hirgalo mooyee ma jirto. Juxana taas qeyb kama ahan,’ ayuu yiri wasiir Cabdi Faarax Saciid (Juxa).

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta reer Puntland inay u diyaar garoobaan doorasho dimuquraadi ah iyo inay codka weydiistaan bulshada.

Dhanka kale wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi  ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray wasiirkii hore ee Maaliyadda Xasan Abgaal oo shaaciyey in isaga iyo madaxweynaha ay isku qabteen in doorashada lagu soo koobo illaa 12 degmo.

Xirsi ayaa beeniyey arrintaas, wuxuuna shaaca ka qaaday in aysan jirin wararka sheegaya in 12 degmo laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, taasina aysan macquul aheyn.

Puntland ayaa u diyaar garoobeyso doorasho kusoo fool leh, waxaana haatan sii billowday is jiid jiid u dhexeeyo siyaasiyiinta xil doonka ah iyo madaxa hadda tallada heyso.

AL-SHABAAB oo dilay 12 qof oo ceel qodayey kadibna meydadkooda gubay

Gariley (Caasimada Online) – Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa Jimcihii shalay ahaa dilay 12 qof oo ceel ka qodayey deegaan abaar xun ay ka taagan tahay oo ku yaalla gobolka Gedo, waxaa sidaas xaqiijiyey dadka deegaanka iyo mas’uuliyiin. 

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Gariley ee koonfurta gobolka Gedo, halkaasi oo Al-Shabaab ay shaqaalaha ku weerareen goobtii ay ceelka ka qodayeen, ayaga oo kadibna gubay meydadkooda iyo qalabkii, sida uu sheegay Mahad Cabdi oo goobta tegay islamarkaana tiriyey meydadka.

Deegaankaas, gobolka Gedo iyo gobollo kale oo dalka ka mid ah ayaa waxaa ka taagan abaartii ugu xumeyd ee Soomaaliya ka dhacda muddo 40 sano ah, sida ay sheegeen hay’adaha QM.

“Aad ayaan uga xumahay in Al-Shabaab ay dhib intaas le’eg noo gaysaneyso xilli ay na asiibtay abaar darran iyo biyo la’aan ka jirta deegaankeena, oo aynan dooneyn inaan biyo u raadsano 100km,” ayuu Mahad u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

Maxamuud Cabdi Warsame, oo ah duqa magaalada Gariley, ayaa xaqiijiyey dhimashada dadkan, wuxuuna sheegay in ciidamada ammaanka ay sidoo kale dileen lix Al-Shabaab ah. 

Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tegay gubay guryo, burburiyey ceelal islamarkaana gowracay dad rayid ah oo ku noolaa bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Weerarada noocan ah iyo canshuurta ay kooxda ka qaadeyso shacabka xilli ay jiraan abaaro darran ayaa ku qasbay shacabka inay hubka qaataan oo ay la-dagaalamaan kooxdan.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in guulo laga gaaray dagaalkii socday toddobaadyadan ee ay qeybta ka yihiin Macawiisleyda.  

Daawo: Xijaar oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan xaaladii u liidatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale iyo wasiirka amniga XFS Doodishe oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay geerida Jeneraal Farxaan Qaroole oo ay Al-Shabaab dileen.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in Farxaan ay isugu wardambeysay waaberigii hore ee saakay markii ay howlgalka bilaabeen, isagoo ku tilmaamay halyey muhiim u ahaa booliska Soomaaliya.

“Saakay salaadii subax ayaa iigu war-dambeysay, isagoo howlgal ku jira, runtii kuwo kalena waa dhima doonaan, dadka Soomaaliyeed xaalada ay maanta ku jiraan mid ka liidata oo ay gaari lahaayeen ma jirto,” ayuu yiri Jeneraal Xijaar.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay go’aan ku gaartay in la dhinto ayadoo halgan lagu jiro.

” Waa loo mideysan yahay in cadowga la iska dul qaado, saraakiisha ciidamada qalabka sida waxay u diyaarsan yihiin in wadada uu maray Farxaan ay maraan, dadkii tirada badnaa ee qaaliga ahaa ayuu ka mid noqday Farxaan, laakiin wuxuu go’aanku yahay in koxdaas aysan dib dambe umada ugu soo dhex jirin,” ayuu yiri Taliyaha booliska Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo isna ka tacsiyeeyey geerida Farxaan Qaroole ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo afjari doonto kooxda Al-shabaab, isagoo ku celiyey hadalkii Ra’iisul Waasaraha ee ahaa in ganacsadihii maal-geliya Al-shabaab ay dowladdu talaabo adag ka qaadi doonto.

Dhankiisa wasiirka amniga Soomaaliya Axmed Doodishe ayaa sheegay inuu Farxaan dhintay isagoo xoreynaya dad Soomaaliyeed oo nolosha lagu dhibay, isla markaana ay dowladdu ku joogto wadadaas halganka ah.

Hoos ka daawo