28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Daawo: Xijaar oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan xaaladii u liidatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale iyo wasiirka amniga XFS Doodishe oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay geerida Jeneraal Farxaan Qaroole oo ay Al-Shabaab dileen.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in Farxaan ay isugu wardambeysay waaberigii hore ee saakay markii ay howlgalka bilaabeen, isagoo ku tilmaamay halyey muhiim u ahaa booliska Soomaaliya.

“Saakay salaadii subax ayaa iigu war-dambeysay, isagoo howlgal ku jira, runtii kuwo kalena waa dhima doonaan, dadka Soomaaliyeed xaalada ay maanta ku jiraan mid ka liidata oo ay gaari lahaayeen ma jirto,” ayuu yiri Jeneraal Xijaar.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay go’aan ku gaartay in la dhinto ayadoo halgan lagu jiro.

” Waa loo mideysan yahay in cadowga la iska dul qaado, saraakiisha ciidamada qalabka sida waxay u diyaarsan yihiin in wadada uu maray Farxaan ay maraan, dadkii tirada badnaa ee qaaliga ahaa ayuu ka mid noqday Farxaan, laakiin wuxuu go’aanku yahay in koxdaas aysan dib dambe umada ugu soo dhex jirin,” ayuu yiri Taliyaha booliska Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo isna ka tacsiyeeyey geerida Farxaan Qaroole ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo afjari doonto kooxda Al-shabaab, isagoo ku celiyey hadalkii Ra’iisul Waasaraha ee ahaa in ganacsadihii maal-geliya Al-shabaab ay dowladdu talaabo adag ka qaadi doonto.

Dhankiisa wasiirka amniga Soomaaliya Axmed Doodishe ayaa sheegay inuu Farxaan dhintay isagoo xoreynaya dad Soomaaliyeed oo nolosha lagu dhibay, isla markaana ay dowladdu ku joogto wadadaas halganka ah.

Hoos ka daawo

Askar badan oo caawa ku geeriyootay shil ka dhacay degmada Balcad (Warbixin)

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ciidan badan ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay afaafka hore ee magaaladaas.

Inta la xaqiijiyey 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka militeriga Soomaaliya ayaa geeriyootay kadib markii uu la rogmaday gaari nooca Cabdi Bilaha ah.

8-askari oo kale ayaa ku dhaawacmay shilkaas gaari, waxayna ciidankaan ka baxeen Muqdisho, iyagoo ku sii dhowaa Balcad markii uu la rogmaday gaarigu.

Agaasimaha hey’adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa habeenkii 3-aad ku sugan degmada Balcad, halkaas oo deegaan uu ka dhigtay.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay tilmaameysaa in Mahad Salaad uu halkaas ka hogaaminayo dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada Shabeelooyinka.

Dowladda oo sheegtay in la dhaawacay afhayeenka Al-Shabaab CALI DHEERE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay warbaahinta ciidamada ee SNA Radio, waxaa dhaawacmay Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Sida lagu baahiyey xogtaan, Cali Dheere waxaa lagu dhaawacay dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhaxeeyey dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay warbaahinta ciidamadu sheegtay in dhaawaca Cali Dheere lagu dabiibayo aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay isugu tageen Al-Shabaab-kii lagu jebiyey Ceel-qooxle.

Sidoo kale ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ayaa dagaalkaas ku dilay sarkaal kale oo lagu magacaabo Qoorgaab, ninkaan ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhadaha, gaar ahaan kuwa ka dagaalama gobollada Shabeellooyinka, sida ay xogteeda ku baahisay Idaacadda Ciidamada ee SNA RADIO.

Markii laga soo tago xogtaan ay baahisay Idaacadda Ciidamada, ma jirto ilo kale oo Caasimada Online u xaqiijiyey dhaawaca afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere, dhankooda Al-Shabaab weli kama hadlin warkaan.

Dhageyso: Yaasiin Farey oo faahfaahin ka bixiyay shakhsiyadii Farxaan Qaroole

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Farey oo soo noqday Taliyaha NISA ayaa wareysi uu siiyey VOA uga waramay inta uu ka yaqaanay Jeneraal Faexaan Qaroole oo maanta lagu dilay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Yaasiin Farey ayaa Farxaan ku tilmaamay nin dhalinyaro ah oo aad u yaqaanay dhagarta Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’need in dalka laga tirtiro kooxdaas.

Xildhibaanka oo mar soo noqday Taliyiha NISA ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in shaqooyin iyo howgallo badan ay ka soo wada qeyb qaateen isaga iyo Farxaan, oo maanta qarax lagu dilay.

Allaha u naxariistee Farxaan Maxamuud Aadan ayaa ugu yaraan laba jeer oo hore ka badbaaday qaraxyo ay la beegsadeen Al-Shabaab.

Yaasiin Farey iyo Farxaan Qaroole ayaa kasoo mid ahaa saraakiishii uu ugu kalsoonaa Farmaajo, sidoo kale Farxaan wuxuu kalsooni ka helay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo si qeyn uu ula shaqeynayey mudooyinkii dambe.

Sidoo kale Yaasiin Farey oo la weydiiyey sababta ka dambeysa in saraakiisha lagu dilo furimaha dagaalka ayaa sheegay in dalka oo dhan uu dagaal galay, taas oo waajib ka dhigeysa in saraakiishu ay dagaalka hoggaamiyaan, sidoo kale wuxuu xusay in mar kasta la fila karo dhimasho noocaan ah, maadaama ay dalka ka socdaan dagaalo culus.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlay saameynta dilka Jeneraal Farxaan Qaroole

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa war kasoo saaray geerida taliyihii booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo maanta lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ugu horeyntii ku sheegay in Jeneraal Farxaan Qaroole uu geeriyooday isaga oo koryeelaya sharafta Diinteena iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

“Rabbi ha ka aqbalo shahaadada uu maanta qaatay Gen. Farxaan Maxamuud Aadan, wuxuu shihiidey isaga oo koryeelaaya sharafta Diinteenna iyo karaamada ummaddeenna kuna howllan xorreynta deegaannada katirsan gobolka Shabeellaha dhexe, gaar ahaanna Basra,” ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu xusay inta lagu jiro dagaalka Al-Shabaab looga saarayo dalka ay dhaceyso geerida saraakiil naftood hurayaal ah, isaga oo xusay in dilka Jeneraal Qaroole aysan saameyn ku yeelan doonin howl-galka culus ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Mar haddii aan ku jirno dagaal xaq u dirir ah oo aan Diinta iyo dalka ugu gargaarayno waxaa shaki ku jirin in ay ku shahiidayaan geesiyaal naftooda u huray xoreynta Diintooda iyo dalkooda, laakiin waxaan hubaa in ay Alle agtiisa boos fiican ka heli doonaan Inshallah.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Marna kuma niyad jabayno in aan wayno halyeey iyo laba u diyaar ahaa inay naftooda waayaan ee waxaan ka qaadeynaa dhiiranaan iyo in aan kusii taagnaano waddada xaqa ah.”

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntii ciidamadda ku dhiira-galiyay inay sii wadaan gulufka ku foorara argagixisada Al-Shabaab, oo toddobaadyadii u dambeeyay laga gaaray guulo waaweyn.

Allaha unaxariiste Farxaan Qaroole ayaa ku dhintay qarax oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Basra oo lagu magacaabo Laba-buundaale oo ah barta ugu dambeysa ee ciidan marka laga baxo degmada Balcad oo loo socdo dhinaca

Al-Cadaala oo ka jawaabay hadalkii qabyaaladeysnaa ee Faarax Macallin (Dhageyso)

0

Baxdo (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa u digay dadka isku dayaya inay qabiileeyaan dagaalka socda ee shacabka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Al-Cadaalada ayaa waxa uu ka jawaabay hadal dhowaan kasoo baxay xildhibaan Faarax Macallin oo ka tirsan baarlamanka Kenya, kaas oo uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay hubeynayso qabiilo, waxaana uu sheegay wasiirka inuu diiday yahay kacdoonka dadka ay kaga soo horjeedaan Alshabaab ee ka socda gobollo badan oo dalka ah.

“Runtii waan ka xunahay marka koowaad in qof weyn oo mas’uuliyad sheeganaayo oo isku arko inuu mudda Soomaaliyeed xurmo ku dhex leeyahay inuu dhaleeceeyo oo uu isku dayo, oo ma aragtahy inuu niyad jabiyo dad abaareysan oo isaga oo noloshiisa la tacaalayo cadow argigixiso ah inta ay kusoo duuleen ceelkii biyaha uu ka cabayay ay ka dumiyeen oo ka baabi’iyeen, ninka raba maxaa loo taageerayaa inuu su’aal geliyo darajo walba uu wato iyo magac walba uu wato inuu Khawaarij yahay ayaan u aqoonsan nahay, inuu Al-Shabaab yahay ayaan u aqoonsan nahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Goobjoog ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo dhowr ah, kuwaas oo ku qotoma howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobolka, waxaana uu sidoo kale ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaannada hoostaga degmada Baxdo, oo ay ka jiraan howlgallo ciidanku ay muddooyinkii dambe ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah.

“Runtii wax weyn ayey ku dhordhinaysaa, waad ogtahay guud ahaan hoggaanka xoreynta dalka looga xoreynayo nimanka argigixisada ah hoggaankiisa waxaa iska leh ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhigga, ayaa iska leh, imaatinkooda waxaa uu kusoo kordhinayaa dhiiragelin, waxaa uu kusoo kordhinayaa abaabul iyo xoojinta wax allaala wixii halkaan looga baahan yahay ay fududeeyaan, dhiig cusub ayey ku shubeysaa, howshii socotay ayey dardargelin iyo u tahay kaabid,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta.

Wasiirka ayaa dhanka kale waxaa uu ka hadlay goorta ay kasoo labadan doonaan gobolka isaga iyo xildhibaannada kale ee ku sugan furimaha hore, waxaana uu sheegay in ay caasimadda dib ugu soo laabanayaan markii ay soo gutaan waajibaadka ay u tageen gobolka ayna joogayaan inta la xoreynayo deegaannada ka maqan gacanta dowldda federalka Soomaaliya.

“Halkaan waa aan joogeynaa, shaqada aan u nimid waa inaan dadka halkaan ku nool aan garab istaagno, aan ku garab istaagno in cadowgaas Argigixisadaa ay iska xoreeyaan, inta ay iska xoreynayaan waa aan la joogaynaa, safka hore ayaan kula jiraynaa, waana la soconaynaa, inta ay naftu nagu jirto, inta halkaan nalkaga naahan yahay oo dadkeenna gurmad iyo garab istaag ay u baahan yihiin, waa aan garab taagnaaheynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Al-Cadaala.

Halkaan ka dhageyso waresiga wasiirka

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qoraal kasoo saaray dilka Jeneraal Farxaan Qaroole

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay geerida taliyihii booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo maanta lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyay geerida ku timid taliye Farxaan Qaroole iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalkii saaka ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay xoreeyaan dalka oo ay nolol karaamo leh ugu noolaan lahaayeen dadkoodu ama in ay u shahiidaan iyagoo gudanaya waajibaadkaasi qaran.

Waxa uu sheegay in Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, Alle ha u naxariistee uu lahaa go’aan naf hurnimo, kaasi oo uu ku shaqeeyey maantana u shahiiday.

“Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiidday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Jeneraal Qaroole iyo askartii kale ee la shahiidday maanta Alle uga baryay naxariistiisa Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna sabur iyo iimaan in uu ka siiyo.

NISA oo war kasoo saartay geerida Farxaan Qaroole

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa war kasoo sartay geerida taliyihii booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo maanta lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraalka ay NISA soo dhigtay twitter ayey ku sheegtay in Farxaan Qaroole uu shahiiday isaga oo xaq ku diriraya.

“Allaha u naxariisto Taliyahii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gen. Farxaan Qaroole. Farxaan wuxuu shahiiday isagoo xaq ku diriraya, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cadowga Khawaarijta ah ee ku soo duulay. اللهم تقبل شهادته وأسكنه الفردوس الأعلى,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA oo inta badan aan ka hadlin arrimaha aan si gaar ah u quseyn hay’adda, ayaa sidoo kale qoraalkeeda wuxuu u muuqdaa xaqiijintii ugu horreysay ee ka timid dhanka dowladda ee ku saabsan geerida Farxaan Qaroole. 

Farxaan Qaroole ayaa ku dhintay qarax oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Basra oo lagu magacaabo Laba-buundaale oo ah barta ugu dambeysa ee ciidan marka laga baxo degmada Balcad oo loo socdo dhinaca beeraha.

Farxaan Qaroole ayaa watay gawaari nooca xabadda aysan karin ah, balse waxa uu qaraxa kahor ka degay gaariga waxaana kadib ku qaraxday miinada oo dhulka lagu aasay, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ku istaagay.

Farxaan Qaroole ayaa dhiiraagalin ugu tagay ciidamada goobtaas ku sugan ee qeybta ka ah howlgalka Al-Shabaab looga saaray Basra. Waxa uu ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda agagaarka Basra.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar kale oo katirsan ciidamada dowladda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyadda qaraxa lagu dilay Farxaan Qaroole.

Sidee u dhacay qaraxii lagu dilay taliye Farxaan Qaroole?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad oo 30 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Basra oo lagu magacaabo Laba-buundaale oo ah barta ugu dambeysa ee ciidan marka laga baxo degmada Balcad oo loo socdo dhinaca beeraha.

Farxaan Qaroole ayaa watay gawaari nooca xabadda aysan karin ah, balse waxa uu qaraxa kahor ka degay gaariga waxaana kadib ku qaraxday miinada oo dhulka lagu aasay, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ku istaagay.

Miinada ayaa qaraxday xilli ay ciidamada iyo saraakiisha wadaan howlgal miino baaris ah oo laga sameenayey inta u dhaxeyso deegaanada Balcad iyo Basro.

Farxaan Qaroole ayaa dhiiraagalin ugu tagay ciidamada goobtaas ku sugan ee qeybta ka ah howlgalka Al-Shabaab looga saaray Basra. Waxa uu ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda agagaarka Basra.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar kale oo katirsan ciidamada dowladda.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin geerida taliyihii qeybta booliska ee Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole oo ahaa nin dhallinyaro ah oo shaqo badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyadda qaraxa lagu dilay Farxaan Qaroole.

Xasan Sheekh iyo Abiy oo ku heshiiyey 10 qodob

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo labo maalmood ah booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, kaddib martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo laba geesood ah yeeshay.

Intii uu socday wadahadalka labada hoggaamiye waxaa ku wehlinayey masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dal, iyagoo isla eegay arrimaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan in la iska kaashado  dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, xoojinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka gobolka.

labada hoggaamiye ayaa isla qaatay:

1- In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.

2- Waxay ku celiyeen go’aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaaageen labada dal ee Argagixisadda iyo Xag-jirnimada, waxa ayna fareen hay’adaha amniga xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.

3- Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan duulaankii ugu dambeeyay ee ciidamada XDS ay ku qaadeen Al Shabaab.

4- Madaxdu waxay ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in ay tixgaliyaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Soomaaliyeed ay dalkoodaa ka xoreeyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

5- Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, la yareeyo saameynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo dadaalka wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.

Si taas loo gaaro, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wada-tashiyo laba geesood ah oo joogto ah iyo in la iska kaashado golayaasha loo dhan yahay  iyo kuwa goboleedba, korna loo qaado danaha  guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.

6- Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Itoobiya ee sida geesinimada leh ugu huray naftooda nabadda, xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

7- Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, kuwaas oo ay keeneen isbeddelka cimilada, khatarna ku ah nolosha dadka deegaanka.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen saaxiibada caalamiga ah in ay sii wadaan taageerada bulshooyinka ay abaartu saameysey.

8- Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay siiso shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9- Labada hoggaamiye waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay balaarininta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiinta, amniga iyo siyaasadda.

10- Madaxdu waxa ay fareen xafiisyada dawladda in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si looga doodo loona dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.

Sawirro: Ciidanka dowladda oo Al-Shabab kala wareegay BASRA iyo deegaano kale

0

Balcad (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda federalka ah Soomaaliya oo taageero ka helaya dadka deegaanka ayaa waxaa ay la wareegeen deegaanka Basra iyo Tuulooyin  hoostaga, kuwaas oo dhaxeeya magaalooyinka Afgooye iyo Bacad oo kala tirsan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Guulahan ayaa yimid kadib markii waabarigii saakay ciidanku ay ku qaadeen howlgallo ballaaran deegaannadaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowladda.

Ciidamada ayaa la wareegay ilaa dhowr deegaan, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, deegaannada ciidanka uu la wareegay ayaa kala ah: Basra, Sabyo, Baqdaad, Beled Al-kariim, Baldooska, Alifoow, Muryaley, Daniga Balow, Buula Xansholey.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay intii uu howlgalka socday in sidoo kale lagu dilay shan ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, deegananadaan ayaa muhiim u ah isku xirka gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle, waxaana sidoo kale howlgalka lagu bururiyay xarumo ay la haayeen Al-Shabaab oo ay maxkamado ku jiraan.

Ujeedka howlgalkaan ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo dhaqaajin lahaa mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, taas oo u istaagtay sababao amni, kadib markii cabsi laga muujiyay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan dadka dhismaha wada ee isugu jira Soomaalida iyo Turkish-ka, dhismaha wadada ayaa hadda joogta degmada Balcad.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in howlgallada ay sii socon doonaan, inta laga xoreynayo Al-shabaab dalka,oo qeybo badan oo dalka ah wali ku sugan, waxaana dhallinyarada ku jira markale dowladdu ugu baaqday in ay isku soo dhibaan ciidanka xoogga dalka sida lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda federalka Soomaaliya.

AL-SHABAAB ma caawin doontaa labada beel ee ay Muqdisho ku beegsaneyso?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda hubeysan ee Al-Shabaab ayaa lasoo warinayaa inay fuliyeen dhowr dil oo u muuqday aargoosi. Dilalkaan waxay dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay ka dhaceen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dadka la dilay oo dhallinyaro ay ku jirtay waxaa dilkooda lala xiriiyey kacdoonka beelaha qaar isaga saarayaan kooxda Al-Shabaab. Kooxda si ay u xanuujiso beelaha waxay Muqdisho ku dileysaa dad ku xisaab ah beelahaas dagaalka kula jira.

Dilkaan aargoosiga ah wuxuu iftiiminayaa dhaqanka saxda ah ee kooxda Al-Shabaab. Horey dagaal beeleedyada ayaa u lahaa dhaqan aargoosi ah, laakiin markaan kooxda markii hore afkaar diimeedka kusoo gashay saaxadda ee Al-Shabaab ayaa dabaqeysa dhaqan lamid ah kii qabiilada ee aargoosiga.

Haddaba waxa ugu badan ee la is waydiinayo waxay tahay tan Al-Shabaab maka yareyn kartaa kacdoonka qabiilada?

Goor sii horeysay beesha dagta magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa la dirirtay Al-Shabaab. Dad badan ayaa xilligaasi laga laayey kooxda, waana laga saaray deegaanka, laakiin kooxda waxay magaalada Muqdisho ku dishay odayaal iyo dad badan oo waxgal ah oo Bacaadweyn kasoo jeeday, iyadoo ugu aareysa dadkii dagaalka looga laayey dhinaca kalana rabta inay beeshu ku dhiibto xukunkooda .

Markaas Al-Shabaab waxay gaareen wax u dhow ujeedkooda oo beeshii iyo iyagu waa heshiiyeen. Reer Bacaadweyn waxaa la sheegaa inaysan helin taageero dowladeed markii ay kooxda is hayeen.

Al-Shabaab isla aragtidaas ayey hadda ku wajaheysaa beelaha dagaalka kula jira ee kasoo jeeda magaalooyinka Cadaado iyo Beledweyne.

Dadka ay illaa iyo hadda u dileen sida aargosiga ah uma sahlin in dagaalkii laga joojiyo, taas badalkeedana waxaa kooxda laga qabsaday goobo cusub.

Dhaqankaan ay kooxda ku dileyso dadka aan dagaalka ku jirin balse la rabo in lagu xanuujiyo beelahooda wuxuu sawirkii ugu xumaa ka bixiyey dhaqanka kooxda wuxuuna ka leexiyey qaar kamid ah dadkii weli u heystay in hadafka kooxdani uu yahay mid diin ku saabsan.

Looma badinayo in mar kale aragtidaan aargoosiga ah ugu badin doonto kooxda Al-Shabaab, laakiin taas cagsigeeda qaar kamid ah dadka waxgalka ah ee beelahaas la beegsanayo kasoo jeed a waxay sheegeen inay tani adkeeneyso mowqifkooda ay ku diidan yihiin in la gumaado lana gumeeyo.

Dhaqamada noocaan ah waxay kamid yihiin kuwa ay lasoo baxaan gunaanadka kooxaha argagixisada ah ayey leeyihiin dadka darsa halista iyo dhaqamada kooxahaan.

Sheekh Shaakir oo shaaciyey wada-hadal u socdo Ahlu-Sunna iyo DF Soomaaliya

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa soo dhaweeyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulka goboleedka Galmudug, wuxuuna Dowladda Federaalka ku bogaadiyay fulinta howlgalkaas.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay inay qeyb ka yihiin dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, islamarkaana aysan iyaga duulaan ku aheyn dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray in iyaga iyo dowladda dhexe uu u socdo wada-hadal, balse Sheekh Shaakir faahfaahin dheeraad ah kama bixin waxa uu yahay wada-hadalkaas.

Dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyey in ay kusoo duushay ururka Ahlu-Sunna, wuxuuna sheegay in dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh ay ka duwan tahay middii hore maadaama ay awoodeeda dhan isugu geysay inay dalka ka xoreyso kooxda Al-Shabaab.

“Ahlu-Sunna Waljamaaca waxa ay Dadka u tababartay in ay iska dhiciyaan cadawga, Sideedaba marnaba Ahlu-Sunna lama dagaalamin Dowladda Federaalka, Dowladdii hore iyadaa kusoo duushay iyada iyo waxeedii way isla tageen, dowladda cusub markii ay ku dhawaaqday ficilkii aan sameyn jirnay in ay sameynayaan in aan ku garab-galno, Ceelbuur oo kale intaas oo jeer ayaan qabanay oo waxaa la’aa Dadka Deegaanka balse maanta Dadku kaceen wax looga hara ma jiro,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan waxa uu sheegay in uu wadahadal u socdo Dowladda Federaalka, balse waxa uu ka gaabsaday in uu faah-faahin ka bixiyo, xiriirka kala dhaxeeya Dowladda ayuu ku sheegay in uu yahay mid wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku bogaadiyay kaalinta uu ka qaadanayo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab soona dhaweynayaan fulinta tallaabada uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, wax welibana laga heshiin karo.

“Markii Madaxweynuhu uu ku dhawaaqay oo uu yiri waan baabi’ineynaa nimankaas runtii waxa aan usoo dhaweynay si aan Dadka kale usoo dhaweyn waayo gubasho aan ka gubaneyso shacabka dhibaatada ay ku hayaan nimankaas ayaa horay ugu kacnay, madaxweyne sidaas u iclaamiya oo weliba qodobada uu ku dhawaaqay waxaa kamid ah fikirkooda ayaan suulineynaa oo dhaqaalaha ayaan kala dagaalameynaa waana midda aan dooneynay, rag kamid ah Dowladda ayaan wada hadalnay kamana hordhacaayo, wax weliba waa laga heshiin karaa, maamulka Galmudug & DFS waxa ay ka mideysan yihiin in Shabaab la iska suuliyo,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay BBC Somali.

Hadalka Sheekh Shaakir ayaa kusoo aadaya xilli weli uusan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray dagaalkii khasaaraha badn dhaliyay ee degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya & xoogagga Ahlu-sunna.

Ciidamada Galmudug oo garabsanaya kuwa DFS iyo Ciidan uu hoggaaminayo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Guriceel ku dagaalamay October 2021, halka isla ciidankaas Sheekha uu hoggaamiyaha u yahay ay Dhuusamareeb weerareen 13-kii May 2022.

Xog: Khilaaf ka dhex-qarxay mas’uuliyiinta dowladda Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka dhex taagan khilaaf xooggan oo ku aadan maareynta abaarta dalka ka jirta, waxaa sidaas shaaciyey wargeyska Africa Intelligence.

Mas’uuliyinta dowladda ayaa midba waxa uu wataa fikrad gaar ah oo ku saabsan sida loo maareynayo abaarta dalka ka taagan muddo ku dhow afar sano. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo uu madaxweyne Xasan Sheekh bishii May u magacaabay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan abaaraha, ayaa doonaya in dalka looga dhowaaqo xaalad deg deg ah, halka wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi uusan dooneyn arrintaas. Waxaa dhexdooda ku jira Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SDMA, oo isku dayeysa inay qiil u hesho jiritaankeeda.

Agaasimaha hay’adda SDMA Maxamed Macallin Cabdullaahi ayaa 18-kii September wuxuu warqad u qoray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, warqaddaas oo sidoo kale la ogeysiiyey madaxweyne Xasan iyo Fiqi, wuxuuna cabasho uga muujiyey wadashaqeyn la’aanta ka dhaxeysa hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kheyraad la’aanta haysa hay’addiisa si ay ula dagaalanto abaaraha. 

Inkasta oo rasmi ahaan ay tahay hay’ad madax-banaan, haddana SDMA oo dib loo howl-geliyey kadib caleemo-saarkii madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa si aan toos aheyn xafiiska ra’iisul wasaaraha uga maamula Axmed Nuur, oo ah Somali Itoobiyaan la-taliye u ah ra’iisul wasaaraha.

Axmed ayaa horey u ahaan jiray xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha xilligii Xasan Cali Kheyre, balse wuxuu markii xilka ra’iisul wasaaraha loo magacaabay kusoo dhowaaday Xamza, oo ay isku beel yihiin.

Agaasimaha SDMA Maxamed Macallin Cabdullaahi ayaa warqad uu qoray, oo uu arkay wargeyska Africa Intelligence, wuxuu caro uga muujiyey saameynta khilaafkan uu ku yeeshay wada-shaqeyntii kala dhaxeysay hay’adaha caalamiga ah, oo ay ugu weyn tahay QM, taasi oo madaxeeda arrimaha bani’aadannimada Martin Griffiths uu horraantii September u safray Soomaaliya.  

Sida ay ku warrameen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Griffiths ayaa Muqdisho u tagay inuu ka iclaamiyo in Soomaaliya ay gashay macluul kahor inta aanu daqiiqaddii ugu dambeysay ka laaban go’aankaas.

Waxaa sidoo kale khilaafka qeyb ka ah xafiiska madaxweynaha, oo la-taliye aan rasmi aheyn oo lagu magacaabo Aweys Xaaji Yuusuf, islamarkaana daacad u ah madaxweynaha, uu cadaadinayo inaan arrintan lagu dhaqaaqin, isaga oo ka cabsi qaba cawaaqibka siyaasadeed ee ka dhalan kara iclaaminta macluul.

Toddobaadkii tegay, madaxweyne Xasan ayaa mowqifkiisa geeyey shirka Golaha Guud ee QM, halka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale tegay New York uu soo saaray qoraallo qeylo dhaan ah. 

Sida ay ku warrantay QM, Soomaaliya ayaa u baahan $1.5 bilyan si ay uga jawaabto xaaladda deg degga ah ee bani’aadannimo, waxaana illaa hadda la helay wax ka yar 70% oo lacagtaas ka mid ah.

Abaabulka duulaan Ceelbuur ku wajahan oo socda iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in abaabul dagaal iyo dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socda halkaas, kaasi oo ka dhan ah xarumo waaweyn oo Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka.

Ciidmada dowladda federalka Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamo beeleedyo deegaanada Galgaduud kasoo jeeda ayaa dhowr jiho kaga siqaya magaalada Ceel-Buur oo la aaminsanyahay inay tahay xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ee gobolka.

Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Banaadir oo ka mid ah siyaasiyiin iyo waxgarad ciidamada ku wehliya jiidaha dagaalka oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyay dhaq-dhaqaaqyada ciidan.

“Dagaalkaan waxa uu ku yimid go’aan qaadasho uu qaatay madaxweyne Xasan Sheekh, maadama uu dareemayo inay culeys ku hayaan shacabka uu madaxweynaha u yahay. Dowladdii hore diyaar uma aheyn inay la dagaalanto Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in jiida hore u tagay si uu dadkiisa garab istaag ugu muujiyo, islamarkaana uu diyaar u yahay in uu halkaas ku sugnaado illaa inta argagixisada laga xoreynayo deegaanadaasi.

“Dagaalka waxaa iska barbar dagaalamaya ciidamada dowlada iyo kuwa qabaa’iilada, qolo kasta waxa lagu aadiyay aaga ay u leedahay deegaan ahaan.”

Kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii xoogeysanaya, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano badan oo ay sanado dhowr ah gacanta ku haysay, waxaana howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo is abaabulay.

Dowladda oo leexinaysa $20 milyan oo Bankiga Adduunka uu ku deeqay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa saxiixay $20 Milyan oo Bangiga Adduunka ku darayo mashruuca SURP II ee wasaaradda hawlaha guud.

Lacagtaan uu sixiiyay wasiirka howlaha guud ee Soomaaliya ayaa waxaa loo leexinaya in wax lagaga qabato saameynta dhanka abaaraha ee ka taagan dalka, ayada oo ay fulin doonto IOM.

“Mashruuca SURP II oo uu maal-galiyey Bangiga Adduunka ayaa lagu dhisaa Waddooyinka dhexmara magaalooyinka Dalka e burbursan, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan Shacabka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulankaan.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in leexinta lacagtaan ay isku raaceen Madaxda Bangiga Adduunka iyo Wasiirka howlaha guud, waxaana 20-ka Milyan wax lagaga qaban doona saameynta abaarta ka jirta dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta Abaar aad u daran, taasi oo saameysay dadka iyo duunyada, waxa socdana dadaalo ay madaxda ugu sareysa dalka ku doonayaan in loo gurmado dadka ay saameysay abaarta oo ku nool deegaanada kala duwan ee dalka.

Sawirro: Sacuudiga ‘oo maal-gashanaya’ MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Bin Axmed Almuwallad.

Danjiraha oo ugu yimid Duqa Muqdisho in ugu hambalyeeyo magacaabida hogaanka gobolka Banaadir iyo caasimadda Muqdisho, ayaa waxa uu xaqiijiyay in dowladda Sacuudiga ay kala shaqeyn doonto guddoomiyaha dhinacyada horumarka iyo dib-u-dhiska caasimada.

Sidoo kale waxa uu danjiraha xusay in ay qeyb ka noqonayaan maalgeshiga caasimadda si dhaqaalaha u kobco, islamarkaana shacabka Muqdisho ay u helaan fursado shaqo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhankiisa Danjire Maxamed Bin Axmed uga mahad-celiyay sida dowladda Sacuudiga u taageerto dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu tilmaamay sida ay ugu go’an tahay Soomaaliya inay sii xoojiso xiriirka ka dhaxeeya labada shacab, taasi oo ku qotonta iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah, waxaana Soomaaliya uu ka fuliyaa mashaariicyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Xamza oo billaabay qorshe dhallinyarada Muqdisho looga qeyb-gelinayo DAGAALKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay ka qeyb galay munaasabad ku saabsan doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta dalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay dagaalka naf hurnimada leh ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in hoggaanka ciidamada iyo xooggga xoreynta shacbiga ah ay hormuud u yihiin dhallinyaro u istaagay karaamada iyo sharafta dadkooda.

“Cullimada Soomaaliyeed waxay caddeeyeen in dagaalka aan ku jirno uu xaq yahay, cadowga aan la dagaalamaynana yihiin khawaarij, sidaas awgeed waxaa dhallinyarada Soomaaliyeed looga fadhiya in ay dalkooda ka dulqaadaan arxan laawe-yaashaas, caadeystay daadinta dhiiggooda iyo boobka hantidooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Xamza ayaa tilmaamay in dhinacyo kala duwan laga wiiqayo argagixisada, sida dhaqaale iyo ciidan ahaanba, isagoo ku baaqay in dagaalka wadajir looga qeyb qaato oo laga daayo dacaayadda ciidanka qaranka iyo bulshada isu abaabulay sidii ay cadowga isaga xorreyn lahaayeen. 

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xusay in shaqo yarida iyo baagamuudda haysata dhallinyarda Soomaaliyeed ay qeyb wayn ka qaadatay argagixisada ku habsatay dhulka khayraadka leh ee dalka, gaar ahaan dhulka hodonka ku ah beeraha iyo biyaha ee Shabeelooyinka, Hiiraan iyo Jubbooyinka, kuwaas oo wax soosaarkoodu uu hodon ka dhigi lahaa dhallinyaradeenna.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre Maxamuud, Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yusuuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Guddoonka Ururrada Dhallinyarada heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Daawo: Xamza “Qof kasta oo lacag siiyay Al-Shabaab, hadaf buu u yahay dowladda”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa caawa ku hanjabay inay dowladdu bartilmaameedsan doonto kuwa maleeshiyada Al-Shabaab siiya dhaqaalaha ay dadka ku laayaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ganacsatada ku eedeeyay inay u dhego nugul yihiin awaamiirta Al-Shabaab, iyagoo ka baqaya in ay dilaan.

“Galgala, mid buurta saaran baa mid Xamar Weyne joogga intuu la soo hadlo dhihi lacagtaa ii keen, markaasuu u gayn intuu sii qaado,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruha.

“Ganacsatadeena qof aan Jilib la gayn kuma jiro, jidkaas yaa baabuur ku maray? Dhowr habeen baa la dhaxaa. Odayaal ayagoo ah ayay intay xoolo qaadaan bay Jilib ugu geeyaan, farriin qoraaleed baa loo soo qoraa, soo bax Jilib imow, wuuna tagayaa, haddii ay dowladdu u yeerto waxaa laga yaabaa inuusan imaanin,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruha.

Waxa kaloo uu yiri “Maxay tahay waxaas? Waa cabsi iyo fuleynimo, waa fuleeyo kuwaasi. Waxaa fuleynimadaa kaaga daran waxay ka qayb qaadanayaan dilka dadka Muslimiinta ah.”

Xamza Cabdi Barre ayaa ku goodiyay qof kasta oo dhaqaale ku taageera Shabaab in uu hadaf u noqon doono dowladda.

“Sidaasi darteed qof kasta oo Shabaab xoolo u wada ama u tagga dowladda hadaf buu u yahay, maxaa yeelay dowladdu waxay masuul ka tahay dhiigga shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliso,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamza.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa caawa hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho, oo uu ku daahfuraya ololaha qaran ee doorka dhallinyarada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta dalka.

Abiy oo Xasan Sheekh u sheegay inuu doonayo in la weeciyo diiradda xiriirkooda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya  ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Arbacadii u sheegay inuu doonayo labada dal ay deriska ah ay hadda kadib diiradda xiriirkooda saaraan xoojinta iskaashiga dhaqaale.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu Isniintii kusoo dhoweeyey magaalada Addis Ababa oo uu ku joogo booqasho laba maalin, oo ah tii ugu horreysay ee uu ku tago dalkaas tan iyo markii uu xukunka la wareegay bishii May. 

Sanadihii tegay, Itoobiya ayaa safka horey uga jirtay taageerada gobolka ee dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab. 

Inkasta oo Itoobiya ay kaalin muhiim ah ku leedahay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, haddana Abiy ayaa shalay Xasan Sheekh u sheegay in Addis-Ababa ay hadda dooneyso inay diiradda saarto iskaashi dhaqaale oo ay la yeelato Muqdisho. 

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay dhinacyo badan kala shaqeyso dowladda cusub ee Soomaaliya “ayada oo si gaar ah xoogga loo saarayo kobcinta dhaqaalaha,” sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed.

“Waxa uu ku celiyey damaca Itoobiya ee ah in Soomaaliya oo degan ay waxtar u leedahay Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mahad-celiyey “huritaanka” Itoobiya u sameysay Soomaaliya ka wanaagsan sida ay hadda tahay, wuxuuna tusmeeyey muhiimadda inay iska kaashadaan wax ka qabashada caqabadaha ay wajahayaan labada dal.

Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa sanado badan xuddun u ahaa iskaashiga amni, ayada oo Itoobiya ay kumanaan ciidan ka joogaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, warka kasoo baxay xafiiska Abiy ayaa imanaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh uu taageero hub weydiisan doono Itoobiya inta uu joogo Addis-Ababa. 

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay muhiim u tahay Soomaaliya, markii la eego hiigsiga dowladda, sida dagaalka Al-Shabaab, isagoo xusay in Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska ah aan looga maarmeyn dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa xusay in saadka ciidamada ay Soomaaliya aad ugu baahan tahay in laga caawiyo, isla markaana Itoobiya ay ka mid tahay dalalka soo saara hubka.

“Madaxweynuhu wuxuu nku baaqay dagaal, shacabka oo ka jawaabaya baaqiisa ayaa hubka qaatay, hadda madaxweynuhu wuxuu dalka Itoobiya ka raadinayaa kaalmo dhanka dagaalka ah, Itoobiya waxay ka mid tahay wadamada hubka sameeya,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ayuu sidoo kale xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka arinsanayaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen, isagoo meesha ka saaray in wax un madmadow ah ay ku jiraan xiriirka labada dal.