28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Abiy oo Xasan Sheekh u sheegay inuu doonayo in la weeciyo diiradda xiriirkooda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya  ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Arbacadii u sheegay inuu doonayo labada dal ay deriska ah ay hadda kadib diiradda xiriirkooda saaraan xoojinta iskaashiga dhaqaale.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu Isniintii kusoo dhoweeyey magaalada Addis Ababa oo uu ku joogo booqasho laba maalin, oo ah tii ugu horreysay ee uu ku tago dalkaas tan iyo markii uu xukunka la wareegay bishii May. 

Sanadihii tegay, Itoobiya ayaa safka horey uga jirtay taageerada gobolka ee dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab. 

Inkasta oo Itoobiya ay kaalin muhiim ah ku leedahay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, haddana Abiy ayaa shalay Xasan Sheekh u sheegay in Addis-Ababa ay hadda dooneyso inay diiradda saarto iskaashi dhaqaale oo ay la yeelato Muqdisho. 

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay dhinacyo badan kala shaqeyso dowladda cusub ee Soomaaliya “ayada oo si gaar ah xoogga loo saarayo kobcinta dhaqaalaha,” sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed.

“Waxa uu ku celiyey damaca Itoobiya ee ah in Soomaaliya oo degan ay waxtar u leedahay Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mahad-celiyey “huritaanka” Itoobiya u sameysay Soomaaliya ka wanaagsan sida ay hadda tahay, wuxuuna tusmeeyey muhiimadda inay iska kaashadaan wax ka qabashada caqabadaha ay wajahayaan labada dal.

Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa sanado badan xuddun u ahaa iskaashiga amni, ayada oo Itoobiya ay kumanaan ciidan ka joogaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, warka kasoo baxay xafiiska Abiy ayaa imanaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh uu taageero hub weydiisan doono Itoobiya inta uu joogo Addis-Ababa. 

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay muhiim u tahay Soomaaliya, markii la eego hiigsiga dowladda, sida dagaalka Al-Shabaab, isagoo xusay in Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska ah aan looga maarmeyn dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa xusay in saadka ciidamada ay Soomaaliya aad ugu baahan tahay in laga caawiyo, isla markaana Itoobiya ay ka mid tahay dalalka soo saara hubka.

“Madaxweynuhu wuxuu nku baaqay dagaal, shacabka oo ka jawaabaya baaqiisa ayaa hubka qaatay, hadda madaxweynuhu wuxuu dalka Itoobiya ka raadinayaa kaalmo dhanka dagaalka ah, Itoobiya waxay ka mid tahay wadamada hubka sameeya,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ayuu sidoo kale xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka arinsanayaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen, isagoo meesha ka saaray in wax un madmadow ah ay ku jiraan xiriirka labada dal.

Xubno kale oo Al-Shabaab ah oo isku dhiibay NISA xilli ay xoogeysteen dagaallada

0

Xudur (Caasimada Online) – Maalmihii tagay waxaa soo badanayey xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee isu soo dhiibaya ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay laba xubnood oo isku dhiibay ciidanka xoogga qeybta 60-aad ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo qeybta 21-aad ee deegananada dowlad goboleedka Galmudug.

Maxamed Xasan Nuur oo ka tirsana kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Hay’ada Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku sugan degmada Xudur ee xaruunta Gobolka Bakool. 

Maxamed ayaa muddo labo sano ka mid ahaa Al-shabaab, isaga ka qeybqaatay dagaalo  ka dhacay dalka, sida uu u sheegay ciidamada markii la wareystay.

Maxamed ayaa sheegay in ay Ciidanka Nabad Sugida si wanaagsan usoo dhaweyeen isagoo dhallinyarada kale ee ku jira ugu  baaqay inay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda, waxaana isku soo dhiibistiisu kusoo aadaysaa iyadoo gobolka Bokool uu ka billowday howlgal ay wadaan ciidanka dowladda iyo daraawiishta Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Cabdulaahi Cali Xuseen (Cali Qoodaar) oo kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa ayaa iska dhiibay magaalada  Bacadweyne oo ka tirsan gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay jiraan horjoogayaal kala duwan oo doonaya in ay isaga soo baxaan Al-Shabaab oo ay isku soo dhiibaan iyaga, xilli ay sii xoogeysteen dagaallada lagula jiro kooxdan. 

Tan iyo markii ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay blilaabeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Hiiraan Mudug, Galgaduud iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo baxayay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibayay ciidanka xoogga iyaga oo isaga soo baxay Al-Shabaab.

Is-dhiibitaanka xubnaha Al-Shabaab ayaa imanaya ayada oo ay xoogeysteen dagaallada ka dhanka ah koxodan, waxaana u dambeeyey mid maanta ka dhacay deegaanka Ceel Qooxle oo qiyaastii 35 KM dhanka bari kaga beegan deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Qoraal ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu baahiyey bogga wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas lagu dilay illaa 30 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay daabacday wakaaladdu.

“Ciidamada Xoogga oo garabsanaaya dadka deegaanka ayaa aroornimadii hore ee saaka dagaal kula galay maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiran. In ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab ayaa dilay deegaanka Ceel Qooxle” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay wakaaladda wararka SONNA.

Somaliland oo shaaca ka qaaday in ceel shidaal laga helay deeganadeeda + Video

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta shaacisay in raad shidaal laga helay deegaanka Baha-Dhamal oo ka tirsan degmada Sallaxley ee maamulkaasi.

Wasiirka wasaarada Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaarada ayaa sheegay in goobta shidaalka laga helay markii hore laga qodayay Ceel Biyood.

“Tuulada la yidhaahdo Baha-Dhamaloo Sallaxley dhanka Bari ka xigta 8KM ayaa naga soo gaaraysa in halkaas laga helay calaamado kamid ah in shidaal ku jiro,” ayuu yiri.

“Waxa meeshaas laga qodayay riig ceel biyood ah oo wasaarada biyaha ay ka qodeysay, markii la marayay 340 mitir ayaa waxa kasoo baxay dareere aad u madow, waxaana laga helay saddex calaamadood oo uu yeelan karo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay wadaan baaris rasmi ah oo la xiriirta arrintaas, ayada oo baaritaanada hordhaca ah ay sheegayaan in goobtaas uu ku duugan yahay shidaalku.

Somaliland ayaa hore waxa ugu sugnaa shirkado shisheeye oo dhowr jeer sahmin shidaal ka sameeyay, hase yeeshe tani waa markii u horeysay ee si ku tala-gal aheyn looga helo shidaal goob aan hore loo calaamadin.

Hoos ka daawo

Dagaalka Al-Shabaab oo la kordhinayo iyo Gen. Odowaa oo war cusub soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo gaaray deegaanada ay howl-galada ka socdaan ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in la kordhinayo weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mas’uuliyiintaan oo la hadlay boqolaal kamid ah ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanada Dhuumoodle, Maarsamage iyo Dhisiq-Shurufle ayaa ku bogaadiyay ciidamada sida ay ugu dhiiradeen inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin dhibaatada ay Al-Shabaab u geysteen dadka ku nool deegaanadaas, islamarkaana dowladda Soomaaliya aysan ka hagran doonin wixii taakuleyn ah.

“Waxaa ballan-qaadeyna in dowladda Soomaaliya taageero weyn idin siin doonto, waana idinku bogaadineyna sida ugu dhiirateen in aad iska dhicisaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka looga baahan yahay inaysan sii fiirsan dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan bulshada, islamarkaana ay sii laba-laaban weerarada ay ku qaadayaan goobaha ay ku sugan yihiin.

Si kastaba, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa tan iyo markii ay howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ka bilowdeen deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxay kormeer ku soo mareen deegaanada lagala wareegay Al-Shabaab ee ka tirsan goboladaas.

Sawirro: SOOMAALIYA iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis malaayiin dollar ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis horumarineed oo u dhaxeeya labada dal, kaasi oo lagu taageerayo Soomaaliya dhaqaale gaaraya 86.7 Milyan oo dollar.

Heshiiska ayaa waxa qalinka ku duugay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene-beene) oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.

Heshiiskaan ayaa ah mid diirada saaraya dhinacyada horumarinta ayaa wuxuu mudnaanta koowaad siinaya: dimuqraadiyadda, maaamulka, xasilinta iyo adkeysiga oo muhiimad gaar ah u leh dalka.

Masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad-celisay dowladda Mareykanka taageerida saaxiibtinimo, ayaga oo xusay in la hubinayo in looga faa’iideysto taageeridaan hanaankii loogu tala-galay, islamarkaana la waafajin doono qorshaha horumarinta qaranka.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Andre ayaa dhankiisa sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isaga oo ku booriyeyna in sida ay tahay loo maareyo lacagta 86.7 Milyan.

Sawirro: DF oo shaacisay qorshe laba weji ah oo ku wajahan dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa diiradda ay saareen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa guddoomiye Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo inta badan ay goobjoog ahaayeen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.

ugu horreyn golaha ayaa boggaadiyey howlgallada billowday ee ka socdo dalka, gaar ahaan abaabulka shacabka ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Golaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay wasiirada difaaca iyo amniga oo faahfaahin ka bixiyey guulaha ay ciidanka dowlada ka gaareen howlgallada haatan socdo iyo qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta deegaanada laga qabsaday dagaalyahanada kooxda Shabaab.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay guddiga wasaaradaha ee loo xil-saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo todobaadkii hore la magacaabay, waxayna soo bandhigeen qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka illaa hadda ay ka sameeyeen doorkooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa  qorshaha xukuumaddiisa ku soo koobay laba arrimood oo kala ah:- in dalka oo dhan laga xoreeyo Al-Shabaab, kadibna la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada aas aasiga nolshada bulshada

“Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo argagixisada isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ayaa horkaceysa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ah kuwii ugu cuslaa, waxaana toos ugu biiray shacabka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Gabar iyo hooyadeed oo Soomaali ah oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah

0

Stockholm (Caasimada Online) – Fartuun Aadan iyo Ilwaad Elman, oo ah laba gabar oo Soomaali ah oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha, ayaa maanta ku guuleystey abaalmarinta Right Livelihood Award ee Sweden, taasi oo Sweden ay u aragto beddelka abaalmarinta Nobel-ka.

Hay’adda Right Livelihood oo bixisa abaal-marintan ayaa sidoo kale abaal-marisay iyo qareen u dooda xuquuqda aadanaha oo u dhashay dalka Ukraine, ururka Cecosesola ee dalka Venezuela, oo ah urur bixiya adeegyada bulshada, iyo Machadka Afrika ee Maamulka Tamarta.

“Ayado oo ay jiraan fashil ku yimid dowladnimada iyo burburka kala dambeynta – oo ay ku jiraan dagaallo, argagixisanimo, xagjirnimo, barakac ballaaran iyo qalalaase dhaqaale – (kuwii helay abaal-marinta sanadkan) waxay aas-aaseen nidaamyo cusub oo bin’aadannimada ay xudun u tahay,”, waxaa sidaas yiri aas-aasaha hay’adda Ole von Uexkull oo war-saxaafadeed soo saaray.

Fartuun Aadan iyo gabadheeda Ilwaad Elman, oo maamula hay’adda Elman Peace, ayaa waxaa lagu abaal-mariyey “sare u qaadidda nabadda, hub ka dhigista iyo xuquuqda aadanaha Soomaaliya, xilli dalka ay ka jiraan argagixisanimo iyo rabshado ku saleysan jinsiga.”

Fartuun iyo Ilwaad ayaa maamula hindisooyin gacan ka gaysta hub ka dhigista iyo dhaqancelinta caruurta hore loo askareeyey iyo sidoo kale dhibbaneyaasha rabshadaha ku saleysan jinsiga.

Waxaa hindisooyinkaas ka mid ah; wax ka qabashada sababaha keena xagjirnimada, waxayna ayada oo sidaas sameyneysa ay hay’adda ay maamulaan fursado siisaa caruurtii hore loo askareeyey iyo kuwa halista ugu jira.

Hanaanka ay Fartuun iyo Ilwaad ku caawiyaan dhallinyarada waxaa ka mid ah; taageero dhanka maskaxda ah, dhaqan-celin, wax barashada tababar xirfadeed iyo shaqo abuur.

“Guusha hanaanka Fartuun iyo Ilwaad waxa ay horseedday in looga daydo dalal kale oo ay dagaalo la mid ah Soomaaliya ka dhaceen, kuwaas oo ku yaalla Galbeedka iyo Bartamaha Afrika,” ayey tiri Hay’adda Right Livelihood.

Fartuun iyo Ilwaad ayaa sidoo kale horey ugu guuleystay abaal-marino kale oo caalami ah.

AFP, VOA

Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay dagaal ka socda Hiiraan iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khsaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka qarxay deegaanka Ceel Qooxle oo qiyaastii 35 KM dhanka bari kaga beegan deegaanka Moqokori.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen deegaankaas oo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad hubeysan oo toos ah.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana dadka ku dhintay ka mid ah Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo caan ka ahaa gobolka Hiiraan, kaas oo dhowaan qoriga qaatay, kuna biiray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Nabadoonkii guud ee Beesha Cali Madaxweyne, waxaana geeridiisa si weyn looga dareemaya baraha bulshada ee Internet-ka.

Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa dhankiisa shaaciyey in dagaalka uu weli socdo, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

“Howlgaladu waa sii socdaan hadda aan kula hadlayo dagaal ayaa ka socdo deegaanka Ceel Qooxle oo ku yaallo xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe,” ayuu yiri Muumin Maxamed.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu baahiyey bogga wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas lagu dilay illaa 30 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay daabacday wakaaladdu.

“Ciidamada Xoogga oo garabsanaaya dadka deegaanka ayaa aroornimadii hore ee saaka dagaal kula galay maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiran. In ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab ayaa dilay deegaanka Ceel Qooxle” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay wakaaladda wararka SONNA.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo milatari iyo abaabul ciidan laga dareemayaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ciidanka DF oo burburiyey maxkamad ay Al-Shabaab ku laheyd duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada dowladda ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay sameeyeen ciidamada Kumaandooska Gorgor ayaa ka dhacay tuulada Sabya oo hoostagta deegaanka Basra oo dhaca waddada xiriirisa magaalooyinka Afgooye iyo Balcad.

Gaashaanle Bashiir Cumar oo ah taliyaha guutada 18-aad ee ciidamada Kumaandooska Gorgor oo horkacayey howlgalka ayaa ka warbixiyey, wuxuuna sheegay inay burburiyeen maxkamad beenaad ku taalay halkaas oo ay kooxda Al-Shabaab ugu yeeri jireen shacabka iyo ganacsatada, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay howlgalka ku dileennl xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, balse ma caddeyn tiradooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ay haatan ka wadaan duleedka magaalada Muqdisho oo ay inta badan weeraro ka soo abaabulaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen deegaannadan, halkaas oo sidoo kale kale khasaare culus lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda waxa ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo uu xoogooda ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.8

DF oo shaacisay caqabad ka haysata inay DALKA kusoo celiso ciidanka jira Eritrea

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan dalka Itoobiya ayaa qeyb ka mid ah wareysi uu siiyey VOA wuxuu uga hadlay arrimaha ku gedaaman in ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea dib loogu soo celiyo dalkooda.

Wasiirka ayaa sheegay in ayadoo la fulinayo balan qaadkii madaxweynaha in ciidankaas dalka lagu soo celi doono, balse ay u baahan tahay in tallaabadaas la qaado kharash aad u badan.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay raadineyso cid ka gacan siisa soo celinta ciidankaas iyo kharashka ku baxaya.

“Sidii madaxweynuhu sheegay ciidankaas waa la soo celi doonaa, laakiin soo celintoodu waxay u baahan tahay dhaqaale badan, sida gaadiid, xeryihii la deji lahaa iyo qalabkii ay ku dagaalami lahaayeen, marka waxaa socota raadinta waxyaabahaas oo dhan iyo wadahadaladii ku saabsanaa, hadii Alle yiraahdana waqti dhow ayaa ciidankaas lasoo celinayaa,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo in safar kale uu maalmaha soo socda dalka Eritrea ku tago, si arrimaha soo celinta ciidankaas uu horay ugu sii dhaqaajiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmo kadib markii la doortay ka degay Asmara, waxaana markaas la arkay muuqooda, lana helay xogta ciidankii uu Farmaajo tababarka ugu diray dalkaas mudo laga joogo 3-sano.

Madaxweyne Xasan ayaa ololihiisii doorashada ku galay in si deg deg ah uu ciidankaas dalka ugu soo celi doono, hadii la doorto, si balan-qaadkaas uu u fuliyo Eritrea waxay ka mid aheyd dalalkii ugu horeyey ee uu u safray.

Sababta ilaa hadda loo soo celi la’yahay ciidankaas tababarka dhameystay sanadkii 2020, waxaa la aaminsan yahay inay tahay kharash la’aan iyo deganaasho la’aan siyaasadeed oo dalka ka jirtay wixii hadda ka horeeyey.

Shacabka Baraawe oo waqti loo qabtay hal arrin darteed

0

Baraawe (Caasimada Online) – Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa amaro cusub kusoo rogay shacabka ku nool degmadaas, kuwaasi oo la xiriira dhanka amniga xili deegaano kamid ah maamulka Koonfur Galbeed ay ka socdaan howl-galo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose Dr. Liibaan Abuukar Cusmaan ayaa sheegay in marnaba maamulkooda uusan aqbali doonin in dadka shacab ah ay hub ku dhex heystaan gudaha degmadaas.

Guddoomiyaha ayaa u qabtay dadkaas inay muddo 24 saac gudahood ah kusoo wareejiyaan hubkaas aan ka diiwaan-gashaneyn degmada.

“Degmada laguma dhex haysan karo hub aan aqoonsi ka haysan degmada, waa in dadka soo wareejiyaan oo ciidamada ku wareejiyaan ama waa inay hubkooda kula dagaalamaan Al-Shabaab.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in qofkii ka dhega adeega amarkooda ay u qaadanayaan in hubkiisa uu ugu talo-galay inay ku dagaal-galaan ururka Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Guddoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa imanaya xili uu si xawli ah u socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo ay baacsanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanada.

Mareykanka oo qaadanaya 125,000 oo qaxooti ah, una badan qaaradda AFRIKA

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Arbacadii si rasmi ah u shaaciyey tirada qaxootiga ee Maraykanku uu qaadanayo sannad miisaaniyadeedka 2023, tiradaas oo gaadhaysa illaa 125,000 oo qaxooti ah, inkasta oo uu cadaadis xooggan uga yimi kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha qaxootiga, iyaga oo madaxweynaha ku cadaadinayey inuu kor u qaado tirada qaxootiga uu Maraykanku qaato sannadkii, si loo daboolo baahida jirta.

Kooxaha u dooda qaxootiga ayaa ku cadaadinaya maamulka Biden inuu wax badan ka qabto, Barnaamijka Qaabilaadda Qaxootiga ee Maraykanka, iyada oo si weyn loo dhimay tirada qaxootiga ee Maraykanku uu qaato sannadkii, intii uu xilka joogay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump. Waxaana tirada qaxootiga uu Maraykanku qaato ay gaadhay illaa 20,000 sannadkii.

Sannad miisaaniyadeedka Maraykanka ayaa dhammaanaya maalinta Jimcaha ee foodda innagu soo haysa.

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad oo lagu faahfaahiyey meelaha uu Maraykanku qaxootiga ka soo qaadanayo sannad miisaniyadeedka 2023, ayaa lagu sheegay in qaaradda Afrika laga soo qaadayo illaa 40,000 oo qaxooti ah, iyada oo dalalka ku yaalla Bariga dhow iyo Woqooyiga Aasiya loo qoondeeyey illaa 35,000, halka dalalka ku yaalla Bariga Aasiya, Yurub, Badhtamaha Aasiya iyo Latin America loo qoondeeyey min 15,000.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in illaa 5,000 oo qaxooti ah in lagu calaamadiyey inay yihiin qoondo kayd ah.

Dhageyso: DAAHIR AMIIN Jeesow oo ku biiray dagaalka Hiiraan, xog cusub-na bixiyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay inuu ku biiray abaabulka dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay degto beesha uu golaha shacabka ku metelo ee Gaaljecel.

Xildhibaanka ayaa sheegay in shacabka gobolka Hiiraan ay deegaan kasta iska abaabuleen, si ay isaga xoreeyaan Al-Shabaab, isagoo wacad ku maray in Hiiraan uusan ka soo laaba doonin iyadoo aan la xoreyn deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la weydiiyey waxa uu uga jawaabayo eedeyntii Xildhibaan Faarax Macalin oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa ku tilmaamay waxaba kama jiraan, isagoo raaciyey sababta.

Faarax Macalin ayaa dhawaan sheegay in shacabka is abaabulay ee gobollada dalka ka dagaalamaya ay khatar ku yihiin mustaqbalka Soomaaliya, isagoo dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay qabiilo hubeyneyso.

Xildhibaan Jeesow oo ka jawaabaya eedeyntaas ayaa yiri, “Hadey dadka Soomaaliyeed i aaminayaan waxaan u xaqiijinayaa in dowladda Soomaaliya aysan hub bixin, shacabka dagaalka kula jira Al-Shabaab ayagaa hubkooda gatay, dowladdu waxay siisaa cuno iyo rasaas oo kaliya.”

Dhinaca kale wuxuu sheegay in dowladda ay dadka ku nool gobollada qaar ay gaarsiisay gargaar, halka kuwo dadka reer Hiiraan ay ku jiraana la weysan yahay wado loo marsiiyo gargaarka.

“Bakhaarada dekedda Muqdisho waxaa ka buuxa gargaarkii dadka Soomaaliyeed loogu tala galay, meel la marsiiyo ayaa la weysan yahay, xiligaan waxaan gobolka u imid sidii dadkeyga aan wadooyinka ugu furi laheyn, si gargaar loo soo gaarsiiyo Shabaab-na looga dul qaado,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey Universal TV

PUNTLAND oo qabatay Al-Shabaab kasoo baxsaday Hiiraan iyo Galgaduud

0

Garoowe (Caasimada Online) -Taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal ee Puntland, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey howlgallo lagu sugayey amniga oo ay ciidanku ka sameeyeen halkaasi.

Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka ay ciidamada Booliska koontaroolka Garoowe ku qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo loo maleynayo inay kasoo carareen howlgallada ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha ay gacanta ku dhigeen lagu xiray saldhigga magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isla-markaana ay haatan ku socdaan baaritaano, kadibna la horgeyn doono maxkamad si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Taliyaha Booliska gobolka Nugaal oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in ay Puntland gashay heegan buuxa si looga hortego inay deegaanadeeda soo galaan xubnaha baxsadka ah ee Al-Shabaab ee haatan cadaadiska lagu saarayo maamulada Galmudug & HirShabelle.

Ugu dambeyn wuxuu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Puntland inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan laamaha amniga, si loo sugo amnigooda.

Puntland ayaa hore ugu guuleysatay inay gacanta kusoo dhigto shabakado isku xiran oo ka tirsan Al-Shabaab, muddana ka howlgalayey gudaha deegaannada maamulkaasi, sida Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso, kuwaas oo xukuno isugu jiro dil iyo xabsi lagu riday.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan wajaheyso howlgalkii ugu cuslaa, kadib kacdoon shacab oo ka billowday Hiiraan iyo Galgaduud, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya, ayna sidoo kale ka qayb qaadanayaan dowlado kale, sida Mareykan & Turkiga.

Dowladda oo shaacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hub u doontay Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa wada-hadallo kula jira ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda VOA wuxuu ku shaaciyey arrimaha ay Soomaaliya ka dooneyso Itoobiya.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay muhiim u tahay Soomaaliya, markii la eego hiigsiga dowladda, sida dagaalka Al-Shabaab, isagoo xusay in Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska ah aan looga maarmeyn dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa xusay in saadka ciidamada ay Soomaaliya aad ugu baahan tahay in laga caawiyo, isla markaana Itoobiya ay ka mid tahay dalalka soo saara hubka.

“Madaxweynuhu wuxuu nku baaqay dagaal, shacabka oo ka jawaabaya baaqiisa ayaa hubka qaatay, hadda madaxweynuhu wuxuu dalka Itoobiya ka raadinayaa kaalmo dhanka dagaalka ah, Itoobiya waxay ka mid tahay wadamada hubka sameeya,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ayuu sidoo kale xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka arinsanayaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen, isagoo meesha ka saaray in wax un madmadow ah ay ku jiraan xiriirka labada dal.

Wasiiru dowlaha ayaa tusaale u soo qaatay sidii heerkeedu sareeyey ee madaxweynaha loogu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa, isagoo sheegay in Itoobiya ay aad u maamuustay soo dhaweynta iyo qaabilaada madaxweynaha Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Dad ku dhintay biyo ay ka cabeen ceel biyood ay sumeeyeen Al-Shabaab

0

Maxaas (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Maxaas Muumin Maxamed oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa faahfaahin ka bixiyey dad ku waxyeeloobay ceel biyood la sumeeyey oo ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Ceelka biyihiisa la sumeeyey oo lagu magacaabo Ceelka Jiqow ayaa ku yaalla dhanka waqooyi ee degmada Maxaas, halkaas oo dhowaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Muumin ayaa shaaca ka qaaday in falka sumeynta ah ay ka dambeeyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo uu tilmaamay inay si dhuumaaleysi ah ku tegeen halkaasi.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dhacdadaan ay ku dhintay ugu yaraan illaa 2 qof oo shacab ahaa, halka ay haatana il daran yihiin 7 ruux oo kale oo cabay ceelka la sumeeyey.

“Dad shacab ah oo aan waxba galabsan ayaa shalay la sumeeyey nimanka nabad diidka ah ayaa ceel sun ugu daray khasaaro ayaana ka dhacay dhimasho iyo dhaawacba leh oo dad iyo duunyo leh. Laba qofood waa ku dhintay illaa 7 kalena waa xanuunsan yihiin” ayuu yiri.

Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Maxaaas ayaa ka warbixiyey howlgallada ka socdo Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in haatan uu dagaal ka socda deegaanka Ceeel Qooxle oo dhacay dhanka xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.

“Howlgaladu waa sii socdaan hadda aan kula hadlayo dagaal ayaa ka socdo deegaank Ceel Qooxle oo ku yaallo xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Khasaare xilligaan lama qiimeyn karo xabaddii ayaaba socoto marka dib ayaan kasoo sheegi doonaa,” ayuu sii raaciyey.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka socdo halkaasi.

Maamulka Puntland oo baadi goobaya guddi doorasho oo madax-banaan + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee wasaaradda arimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo shalay xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaarada ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay guddi doorasho oo madax-banaan.

Wasiirka oo laga sugayo dardar-gelinta barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ayaa xusay in ka dhabeynta geediga doorashooyinka ay muhiim u tahay in guddiyada ku shaqada leh aan lagu fara-gelin.

“Waxaa rabnaa guddi madax-banaan oo dorasho oo aan la fara-galin oo shaqadiisa wata taageerada uu dowlada uga baahan yahayna hela, ururo siyaasadeed oo kalsooni ku qaba dorashadana ka qayb qaata iyugana kalsoonida ku qaba dorashada la qabanayo,” ayuu yiri Wasiirka Juxaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale intaas sii raaciyay “Qarda jeexi mayno waana guuraynaa, inaan nabad ku kala keenana waa rabnaa, in nalagu aaminana waa rabnaa, in nalagula shaqeeyana waa rabnaa hawsha dhamaystirka golayaasha deegaanka doorashadooda.”

Wasiir Juxa oo hore u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dhawaan waxa uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u magacaabay xilka uu la wareegay ee Wasiirka arimaha gudaha Puntland, waxaana laga sugaya ka miro-dhalinta mid kamid ah barnaamijyada ugu muhiimsan maamulka.

Maxay tahay farriinta ra’iisul wasaare Xamza Barre uu u diray Maxamed Bin Salman?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa farriin hambalyo ah u diray Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman isagoo ugu hambalyeeyay xilka Ra’iisal Wasaaraha Boqortooyada ee Talaadadii loo magacaabay.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ugu hambalyeeyay Amiir Mohammed bin Salman.

“Waxaan u hambalyeynayaa Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Mohammed bin Salman, munaasabadda ay Boqortooyada ugu magacawday inuu noqdo Ra’iisal Wasaare,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre. 

“Waxaan u rajeynayaa caafimaad qab, inuu horumariyo Boqortooyada Sacuudiga iyo shacabkeeda, anigoo u rajeynaya bash-bash iyo xasillooni inta uu hoggaaminayo hoggaanka caaqilka ah.”

Dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa Talaadadii loo magacaabay ra’iisul wasaare, xilkaas oo ah mid caadiyan uu hayo boqorka, waxaa sidaas lagu sheegay isku shaandheyn dhacday Talaadadii.

Tallaabadan ayaa rasmi ka dhigeysa awood horey gacanta ugu jirtay Amiir Maxamed, kaasi oo sanado badan ahaa hoggaamiyaha dhabta ah boqortooyada, sida ay sheegeen fallanqeeyayaasha. 

Amiir Maxamed oo 37 jir noqday bishii tagtay, ayaa ahaa qofka sugaya inuu aabihiis ka beddelo xilka boqorka tan iyo 2017.

Amiir Maxamed ayaa noqday wasiirka difaaca 2015, taasi oo aheyd tallaabo muhiim u ah inuu xajisto awoodda. 

In dhaxal-sugaha laga dhigo ra’iisul wasaare waa tallaabo aan caadi aheyn, balse horey waa ay u dhacday. 

Sanadihii 1950-meeyada Amiir Faysal Al-Sacuud ayaa noqday ra’iisul wasaare, wuxuuna la wareegay maamulka howlaha dowladda, taasi oo ugu dambeyn hoggaamisay loolan awoodeed oo natiijadiisu noqotay in Boqorkii xilligaas Sacuud uu xilka ka dego.

Tallaabadan waxay xalin kartaa su’aalo baratakool, maadaama Amiir Maxamed uu sanado badan la kulmayey madaxda dalal, inkasta oo darajadiisa rasmiga ay aheyd wasiir difaaca.

Amiir Maxamed ayaa waxaa xilka wasiirka difaaca ka beddelay walaalkiis ka yar Khalid bin Salmaan, oo ahaa wasiir ku-xigeenka difaaca.

Sawirro: Wasiirka difaaca iyo taliyaha xoogga oo maanta ku biiray dagaalka aagga Baxdo

0

Baxdo (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Xildhibaan Cabdisaabir, Taliyaha Ciidamada Xoogga iyo Saraakiil ka tirsan ciidanada xoogga ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee deegaanada hoos taga degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud.

Wasiirka difaaca iyo taliyaha xoogga ayaa safar uga baxay Dhuusamareeb, kadib markii ay ciidanku dib uga soo laabteen duulaankii Dhuusamareeb laga qaaday ee ku jaheystaan Ceelbuur.

Goobaha ay maanta tageen masuuliyiinta iyo saraakiishan ayaa kala ah deegaanada Dhuumoodle, Maarsamage iyo Dhisiq-Shurufle, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada xaq u dirirka deegaannadaas, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo ciidamada xoogga.

Ciidamadaas ayaa dhawaan ka xoreeyay kooxda Al-Shabaab, waxaana deegaanadaas horay u joogay wasiir Al-Cadaala, Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye, G/Sare Xasan Jaamici iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa ayaa dadkii deegaanka ee maanta uu furimahaas ugu tagay wuxuu ka ballan-qaaday in ay si buuxda u garab is tagi doonaan.

Sidoo kale Jeneraal Odawaa ciidamada iyo shacabka deegaanadaas ku boggaadiyay sida ay u go’aansadeen la dagaalanka argagixisada ka gubtay Ceelashii iyo guryihii ay dagganaayeen.

Dhankiisa Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed ayaa ku boggaadiyay ciidamada xaq u dirirka deegaanadaas, kuwa qaranka iyo kuwa Galmudug, sida ay ugu dhiirradeen in ay iska dul qaadaan Al-Shabaab-ka banneysatay dhiiggooda, hantidooda iyo sharafkooda, kana been sheegaya diintooda.

Daawo: Dabageed oo ka jawaabay arrintii qabiilka la xiriirtay ee Faarax Macallin

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa si adag ugu jawaabay Xildhibaan Faarax Macalin oo ka mid ah baarlamaanka dalka Kenya, aadna u falanqeeya siyaasadda Soomaaliya.

Faarax Macalin ayaa dhawaan sheegay in shacabka is abaabulay ee gobollada dalka ka dagaalamaya ay khatar ku yihiin mustaqbalka Soomaaliya, isagoo dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay qabiilo hubeyneyso.

“Dhib weyn ayaa ka soo socda abaabulka ka socda Soomaaliya, cududa la abuurayo mid la maarey kari doono maaha, dagaaladii sokeeye ayaa soo laaba doona, dowladdu qabaa’ilka ayey hubeyneysaa, dowladdu arrintaan deg deg ha u joojiso oo ciidanka Soomaaliya hala xoojiyo, shisheeyaha dhan waa rabaa in qabaa’illada Soomaaliyeed la hubeeyo, si dalka loogu celiyo 91-kii, ninkaan qabiilka ah beri wuxuu dhihi doonaa anigaa dhulkeyga xoreystaye maxaad ii sheegeysaa?” ayuu yiri Faarax Macalin wareysigaan siiyey TV-ga Universal.

Yuusuf Dabageed ayaa shir jaraa’id qabtay, wuxuuna Xildhibaan Faarax Macalin ku tilmaamay nin siyaasadda Soomaaliya il-xun ku fiiriya, isagoo sheegay in Faarax uu weligiis suurad xumey jiray wax kasta oo dadka Soomaaliyeed ay guushooda u arkaan.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan hubeyn oo qori ama gaadiid dagaal aysan siin ciidamada abaabulan ee gobollada dalka ka xoreynaya Al-Shabaab.

Waxa kaliya ee dowladdu ay ku taageerto dadkaas ayuu ku tilmaamay rasaasta, maadaama ay dadku horay u hubeysnaayeen, hadana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan Al-Shabaab, isagoo aad ugu amaanay beelaha kacdoonka sameeyey go’ankooda geesinimada leh.

“Waan ognahay Shabaabku waa badan yahay, kuwo dowladda ku jira ayaa lasoo istaagay beelaha ayaa la hubeynaa, war dowladdu ma hubeyn cidna ee dadkaan ayagaa is abaabulay, war ninkii Shabaab la jirow naga dhex bax, iskuma sii eka karnee,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

Wuxuu wacad ku maray in nin dambe oo Shabaab ah uusan ku sii dhex noolaa doonin dadka Soomaaliyeed, “Intii ilaahey ka hadashiiyey waan garanay, kuwa kalena waxaan leeyahay naga dhex baxa la safta oo aad Shabaabka aad qalbiga ka jeceshihiin,” ayuu Yuusuf Dabageed hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo